Connect with us

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Gorfaynta Buugga WAALID-KAAB

Published

on


Magaca Buugga: WAALID-KAAB Qoraha dhiganaha: Saamiya Salaan Nuur

Waxaan diiradda saarayaa mugga iyo macnaha uu buuggaan xambaarsanyahay kama hadli doono habka qoraalka dhiganaha. Dhigganahaan oo ka kooban sagaashan iyo labo bog waa buug ka hadlaya toosinta iyo tarbiyeynta toolmoon ee ilmaha.

Waa buug waalidiinta iyo dadka kaleba ee carruurta la nool baraya habka ugu wanaagsan ee loo tabbabari karo ilamaha. Waa dhigane inoo sahlaya yagleelidda bulsho cusub oo ka duwan Soomaalida maanta. Shey kasta oo la unkayo waxaa laga soo dhisaa gunta iyo seeska si uu u noqdo mid waxtar leh. Haddii la hagaajiyo ebyidda aasaaska shey walba, sheygaas wuxuu noqonayaa mid qiimo iyo qaayo leh; haddii la hagaajiyo korinta iyo tarbiyeynta ilmaha waxaa soo baxaya bulsho akhlaaq ahaan iyo dhaqan ahaan u diyaarsan.

Buuggaan WAALID-KAAB waa buug dhinacyo badan ka eegaya habka korriinka wanaagsan ee ilmaha. Wuxuu ku dhexgeynayaa dareenka boqolaal carruur ah, waxaad dheehanaysaa waxyaabaha ku riixa inay carruurtu wanaag sameeyaan ama xumaan. Waa dhigane qof walba baraya sida ugu hagaagsan ee ubadka garaadkooda, garashadooda, gardaadintooda, aqoontooda iyo wacyigooda loo kobcin karo.

Qoraaga buugga ma ahan qof ubad ay iyadu dhashay soo korisay hase ahaatee markaad dhex gashid buugga waxaad dheehanaysaa inay aqoon iyo garasho fog u leedahay qaabka hanaanka leh ee dhaqan toosinta ilmaha. Intaan buuggaan akhrinayey, mararka qaar ayaan islahaa qoraagu ma niyaddaada ayuu ka hadlayaa.

Waxyaabo badan oo bulshada Soomaaliyeed ka sirgaxan ayuu dhiganahaan mugga iyo miisaan ka leh ka hadlayaa. In la baddalo dhaqanka qalafsan ee ilmaha ama carruurta lagu soo koriyo waa mid aqoonyahaniintu badi isku wada raacsan yihiin balse buuggaan ayaaba wada waxii lagu baddali lahaa iyo jaranjaradii loo raacii lahaa.

In bulshada Soomaaliyeed noqoto mid ad-adaygga iyo qalafsanaanta daris la ah waxaa sababa nidaamka barbaarinta jiilka cusub. Waxay Soomaalidu dhahdaa,

“Carruurnimo waa cadaab(ciil) laga koray”

Waa oraah muujinaysa in ilmanimadu tahay marxalad arxan darro deris la ah, qofku markuu weynaadana markasta xal u arka in la dilo kan laga awood badan yahay. Markaan ku soo noqdo wadiiqadii hore, buuggan wuxuu bulshada Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in taxadar iyo dedaal gooni ah la siiyo ilmaha. Soomalidu waxay dhahdaa

“Geed walba dheecaankiisa buu dhalaa”

Waxaan uga socdaa lammaane kasta sida ay u dhaqmaan ayaa ilmahoodu u qaabaysmayaan. Marka taas laga soo tago, cinwaan kasta iyo xaalad kasta uu buuggaan gudihiisa lagu faaqidayo waxaa ku sidkan xigmado, suugaan ama hadal-xigmadeed, waxyaabo badan ayaan ka faa’iiday xigmadihii aadka iiga daadagay waxaan ka soo qaadan karaa

“Waalidku waa inay ilmaha ka buuxshaan isqiimayn iyo kalsooni nafeed si dunida inteeda kale uga helin godad maran oo ay qashinka ku shubtaan”.

Marka la gorfeynayo waxyaabaha dhallinyarada u sahla in la xagjireeyo, waxaa jira aragti(Social identity theory) kasmo nafeed la xiriirta oo dhahaysa “ilmaha aan ku soo korin nolol nariis leh, ilmaha aan lahayn qoys(hooyo iyo aabbe) u soo naxariistay, waxaa u sahlan fulinta ficilada naxariis-darrada ah sida geysashada dilalka ama fulinta qaraxyada”.

Buuggaan wuxuu waalidiinka ku hanboorinayaa in ilmaaha naxariis lagu soo koriyo. Dhiganahaan wuxuu waalidiinta u far-muuqayaa in ilamaha loo barbaariyo sidii toolmoonayd ee Rasuulku(SCW) ula dhaqmi jiray ilmaha. Wuxuu inoo tilmaamayaa carruurta lagu koriyo casrigooda maddaama adduunkii isbaddalayo. Dhiganahaan WAALID-KAAB wuxuu ku baraarujinayaa faa’iidada ay leedahay inaad ilmaha la sheekeysatid.

Qoraaga buugga waxay xustay Afafka jacaylka oo ka kooban shan Af (five languages of love) waxayna xusaysaa in qofkasta leeyahay luuqad u gaar ah oo uu ku dareemi karo jacaylka loo muujiyo. Gudaha buugga waxaad ka dhex helaysaa faa’iidada sheeko carruureedka iyo sheeko carruureedyo falsafadeysan oo dheef badan u leh ubadka iyo hab fahankooda guud.

Qoraagu wuxuu waalidiinta ku hanboorinayaa ku dadaalidda naas nuujinta ilmaha, waxaa jira aragtiyo gun-dhow oo tabinaya in haddii gabadha ugubka ah ilmaheeda naaska nuujiso quruxdeedu ay kala dhantaalmayso, waa aragti aan raad lahayn Saynis ahaan iyo dhaqan ahaanba.

Naas nuujinta ayaa dheef u ah korriinka maskasda iyo garaadka ilmaha. Haddii aan xagal kale ka fiirinana faa’iido ayuu u leeyahay hooyada. Buug yarahan ayaa waalidiinta ku dhiirri-gelinaya in ay ku dedaalaan waxbarista carruurta weliba qaab cilmiyeysan. wuxuu kugu baraarujinayaa in ilmaha yar ee soo koraya dhaqankiisa iyo afkiisa lagu soo ababiyo, taas u gogol-xaareysa soo saarista jiil cusub oo aan ka tagin dhaqankii awoowayaashood.

“Waa buug waalidiinta iyo dadka kaleba ee carruurta la nool baraya habka ugu wanaagsan ee loo tabbabari karo ilamaha. Waa dhigane inoo sahlaya yagleelidda bulsho cusub oo ka duwan Soomaalida manta.” – Maxamed Cabdirisaaq

Marar badan ayaan dareemay in qoraagu xanxantaynayo khibrad nololeed aan waayo u soo joogay, adiguna laga yaabe e in aad u soo joogtay.

Toosintii carruurta badi waxay isugu soo arruurtay jir dil, taas oo saamayn taban oo mug leh ku leh hab-fikirka ilmaha. Wuxuu buuggu ina barayaa hababka kala duwan ee ilmaha loo fahmi karo loolana fal-geli karo.

Dhiganaha WAALID-KAAB wuxuu heerarka koritaanka ubadka u qaybinayaa saddex waji oo mid kasta leeyahay af iyo fahan gooniya oo waalid laga rabo inuu barto oo la dhaqan galo.

Nuxurka iyo macnaha buuggaan xambaarsan yahay halkaan kuma soo koobi karo e’ qof walba oo heli kara, waxaan kula dardaarmayaa inuu akhriyo buuggan.

Waxaan ku soo gunaanadayaa, waxaa jirta aragti la yiraahdo “aragtida Summadaynta” waa aragti qeexaysa sida ay u saamayso ilmaha hadalka waalidka ama macalinka, waa aragti tilmaamaysa in ilamaha waxyaabaha lagu sheego ay ka soo dhex muuqdaan, aragtidaan buuggeyga (ARAMMIDA DAHSOON) waan uga dhex hadlay.

Buuggaanna (WAALID-KAAB) waan ku dhex arkay, fahan guud haddaan ka bixiyo, ilmaha haddii lagu yiraahdo waad fiican tahay,quraanka waad xifdin kartaa iyo waad awooddaa, ilmuhu hididdiilo ayaa galeysa wuuna ka dhabaynayaa waxa lagu tilmaamay balse haddii lagu dhaho waxba ma xifdin kartid, damiin baad tahay, waalid caasi baad tahay iyo waxyaabo kale oo aragti taban ah, muddo ka dib calaamaddahaas ayaa ka dhex muuuqanaya ilmaha.

Ugu danbayn waxaa bulshada Soomaaliyeed buuggu ku dhiirri-gelinayaa in carruurta aadan dhallin aad ka fursan weydo korintooda, aad si hab-sami leh oo aan eex lahayn u korisid, adduunku waa harka labadiisa gelin e waxaad mutaysan doontid ma ogide. Sheekeeyin badan oo murugo iyo cibro qaadasho mudan ayaa ku jira qaybtaan.

Runtii aad ayuu ii taabtay mowduucaan, Ilaahay (Sarree oo korreeye) ha u naxariisto Ayeeyo Faadumo Muuse oo itustay iguna soo korisay jacayl iyo naxariis illaa heer aan iyada dunida ugu jeclaado iyadoo waalidkii i dhalay ay joogaan. Buugga WAALID-KAAB Nayroobi ayaa lagu soo bandhigay 2/2/2019. waddanka iyo goobaha kaleba dhawaan wuu soo gaari doonaa.

 

Mahadsanidiin

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa cilmiga Bulshada, nabadda iyo amniga, siyaasadda, sooyaalka, arrimaha bulshada, xallinta khilaafaadka, dhaqanka, Afka iyo aqoonta guud ahaaneed. Wuxuu bartay cilmiga Bulshada, nabadda iyo amniga. Heerka koowaad wuxuu bartay cilmiga bulshada (Sociology), heerka labaad ee jaamacada (Master degree) wuxuu bartay Nabadda iyo Amniga ‘Peace and Security. Siddoo kale qoraaga ayaa soo bartay cilmiga sheybaarka. Qoraagu wuxuu bare sarre ka ahaa jaamacada Bariga Afrika.

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Xiddigga fanka Soomaaliyeed ee Aar Maanta wuxuu ka caawiyaa carruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis inay ogaadaan dhaxalkooda

Published

on


Xiddiga fanka fanaaniinta Soomaaliyeed ee Aar Maanta wuxuu ka caawiya carruurta Soomaaliyeed ee deggan degmo ka tirsan magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka oo loo yaqaan “Muqdisho yar oo ku taal Mississippi” si ay u bartaan luuqadda iyo dhaqanka dalkooda hooyo.

Aar Maanta, oo caadiyan fadhigiisu yahay magaaladda London, wuxuu arkay baahi degdeg ah oo loo qabo in afka Soomaaliga la geliyo nolosha carruurta, oo qaarkood ay ku dhasheen Mareykanka oo aysan ku hadli karin afkooda hooyo.

“Markii uu wiilkaygu dhashay waxaan raadineynay luuqada Soomaaliga waxaana ogaanay inay tahay wax aan la heli karin. Waxa kaliya ee aan haystay waxay ahaayeen xusuusteyda,” ayuu yiri. “Taasi waxay ahayd dhimbiilkii mashruucan.”

Erayada qaarkood waxaa qorey carruurta Soomaaliyeed oo qaarkood ay da’doodu tahay siddeed jir. – Carruurtan ayaa ku nool xaafadda Cedar -Riverside ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka – oo ah deegaan ay ku nool yihiin Soomaali aad u badan.

Heesahooda ayaa la sii daayay bishan waxa lagu tilmaamay “albumkii carruurta iyo af Soomaaliga ee ugu horreeyey ee ku baxa muusigga adduunka”.

Fanaanka Xasan Nuur oo loo yaqaano “Aar Maanta” oo horkacayay caruurtii Bandhigfaneedka la la wadday, ayaa VOA u sheegay in ujeedada soo badhigista albumkan ay ugu wayntahay in caruurta la dhiirigaliyo, afkooda iyo dhaqankooda la jecleysiiyo.

Xarutna Cedar Cultural inkasta oo ay ku caanbaxday soo bandhigista bandhigfaneedyo ay fanaaniin Soomaaliyeed garwadeeno ka yihiin, hadana waa markii ugu horeysay ee ay Soo bandhigaan heeso iyo suugaan u gooni ah ubadka Soomaaliyeed. Soomaalida suugaan ku noosha ah ee aan ka baaqan badhigfaneedyadooda waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Mukhtaar oo arrimaha dhalinyarada ka shaqeeya, xalayna ay uga duwanayd habeennadii kale ee uu goobtan imaan jiray.

Albumkaan ‘ubadkaa mudnaan leh’ ayaa noqonayaa Albumkii ugu horeeyay ee nuuciisa ah ee caruurta loo sameeyo, laftooduna ay ka qeybqaadanayaan. Heesta halkudhigga u ah albumka iyo dhowr kaleba, waxaa hal abuuray Pro. Siciid Saalax Axmed oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota. Waxa uuna ii sheegay in isaga iyo fanaanka Aar Maanta ay sii wadi doonaan barnaamijyada sare loogu qaadayo fahamka caruurta ee afkooda iyo cidda ay yihiin.

Waa Caruur Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Minneapolis oo ah halka ay deggan yihiin Soomaalida ugu badan ee gobalka Minnesota. Waxa ay la heesayaan fanaanka Xasan Nuur “Aar maanta” oo habeenkii xalay ahaa Xarunta Cedar Caltural ku daah furay albam cusub oo magaciisu yahay Ubadkaa mudnaanta leh.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay bandhigfaneedkaan mid waaliddiinta u furaya wadadii ubadkood ku hagi lahayd barashada afkooda, oo caruurta qurbaha ku koreysa uu dhib badanka heysto. Xalwo xuseen waa habeenkii ugu horeeyay ee ay xarunta Cedar Caltural Centar u timaaddo bandhigfaneed. – Xalwo Xuseen

Kala soocidda jiilka Soomaaliyeed

Mid ka mid ah arrimaha muhiimka ah ee uu Aar Maanta doonayay inuu wax ka qabto ayaa ah “kala goynta jiilasha – waalidiinta ku dhashay Soomaaliya iyo carruurtooda ku nool Mareykanka, halkaas oo aysan ahayn cimilada oo kaliya qabow, laakiin sidoo kale dabeecadaha ku wajahan bulshada Soomaaliyeed”.

Heesahu waxay aad ugu ku saabsan yihiin waalidiinta, gaar ahaan hooyooyinka, qaarkood oo nimankoodu muddo dheer ka tageen.

Waxay ku saabsan yihiin safarro “Laga soo bilaabo Geeska [Afrika] ilaa Cedar”, waxay tilmaamayaan sida, Soomaaliya, “gacan ku dhiiglayaashu ugu dabaalanayaan barkadaha gumaadka”, waxayna si kalgacal leh uga hadlaan dhismayaasha dhaadheer ee Cedar Riverside, “. – Faadumo Jamiila Biixi

Marwo Biixi ayaa sheegtay in hannaanka samaynta albumku uu gacan ka geystay isku xidhnaanta jiilalkii kala duwanaa iyadoo fursad loo siinayo dhallinyarada inay shabaddooda ku dhejiyaan Soomaalinimadooda.

“Odayaashu waxay rumeysan yihiin inaan ilownay afkeenna, dhaqankeenna iyo taariikhdeenna.”

“Abuuritaanka heesahan waxay naga caawisay inaan la xiriirno dhaxalkayaga iyo awoowayaasheen, iyadoo noo oggolaaneysa inaan sameyno wax u gaar ah oo cusub, si aan u sameyno nooca aan u leenahay waxa ay tahay Soomaalinimada.” – Faadumo Jamiila Biixi, Mid kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku nool Minneapolis

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Wax ka baro taariikhda Aabihii aasaasay Zaambiya, Madaxweyne Kenneth Kaunda oo geeriyooday isagoo jira 97

Madaxweynihii hore ee Zaambiya ahna hogaamiyihii xorriyadda Kenneth Kaunda ayaa ku dhintay da’da 97.

Published

on


Geeridiisa waxaa xaqiijiyay madaxweynaha haatan ee Zaambiya Edgar Chagwa Lungu, oo ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook khamiistii: “Waxaan ku ogaaday geeridaada galabnimo murugo weyn”

“Aniga oo ku hadlaya magaca qaranka oo dhan iyo magacayga waxaan ka baryayaa in dhamaan qoyska Kaunda la qalbi qaboojiyo iyada oo loo baroor diiqayo Madaxweynaheena Koowaad iyo halyeeyga runta ah ee Afrika,” Madaxweynaha ayaa intaas ku daray.

Kaunda waxaa looga daweynayay xanuun aan la shaacin ee isbitaalka militariga oo ku yaala caasimada Lusaka, xafiiska Lungu ayaa ku sheegay war saxaafadeed Isniintii. Xafiiskiisa ayaa u sheegay Reuters maalintii Talaadada in laga daweynayo oof wareen.

Kaunda wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Zaambiyya ka dib markii waddanka koonfurta Afrika uu xorriyadda ka qaatay Ingiriiska. Wuxuu xukunka hayey intii u dhaxeysay 1964 ilaa 1991 waxaana lagu yaqaanaa inuu ka mid yahay kooxaha waa weyn ee dagaalka kula jira qaarada.

Kaneth Kuanda ayaa la sheegaa inuu xirriir aad u wanaagsan la lahaa Soomaaliya, isla markaana uu booqday. Kaunda waxaa lagu xurmeeyaa halgankiisii xorriyadda Zaambiya, oo xorriyadda ka raadisay xukunkii caddaanka laga tirada badan yahay ee 1950-meeyadii.

Horraantii 1960-meeyadii, Kaunda wuxuu ku biiray siyaasad firfircoon waxyar kadib markii xabsiga laga sii daayay, isagoo noqday hoggaamiyaha xisbiga cusub ee xorriyadda qaran ee midoobay (UNIP). Kaneth Kuanda ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay diblomaasiyada Gobolka, oo si dhow ula shaqeyneysa Mareykanka si loo helo xalka dhibaatooyinka isku dhacyada ee Rhodesia, Angola iyo Namiibiya. laga soo bilaabo 1972-kii ilaa 1991kii Zaambiya waxay aheyd hal wadan oo qeyb Ka ah UNIP ayadoo xisbiyada kale ay hoos u dhigeen “One Zaambiya, One nation.” Kaneth Kuanda wuxuu ku guuleystay Fredrick Chiluba oo ka tirsan dhaqdhaqaaaqa dimuqraadiyada ee dhinacyada kala duwan ee dimuqraadiiga ah.

Sanadka markuu ahaa 1991-kii, wuxuu bilaabay kobcinta bulsho-dhaqqale iyo baahinta xukunka dowlada.

Noloshiisii hore,

Kaunda aabihiis, oo ka soo jeeda Nyasaland (hadda Malawi), wuxuu ahaa macallin iskuul; hooyadiis, oo waliba macallin ahayd, waxay ahayd haweeneydii ugu horreysay ee Afrikaan ah ee wax ka dhigta gumeysigii Zaambiya. Labaduba waxay wax ku barteen qowmiyada Bemba ee waqooyiga Zaambiya, halkaas Kaunda oo yar uu ku helay waxbarashadiisii hore, isagoo dhameeyay dugsiga sare horaantii 1940s. Sida dadka Afrikaanka ah ee intooda badan gumaystaha Zaambiya ee gaadhay heer dabaqad dhexe ah, wuxuu sidoo kale bilaabay inuu dad wax baro, marka hore gumaysigii Zaambiya iyo badhtamihii 1940-yadii Tanganyika (hadda Tansaaniya).

Caasimada Zaambiya

Lusaka waa caasimada iyo magaalada ugu weyn ee Zaambiya. Waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu dhaqsiyaha badan ee soo koraya koonfurta Afrika. Lusaka waxay ku taal qaybta koonfureed ee plateau-dhexe meel sare oo qiyaastii ah 1,279 mitir. Laga soo bilaabo 2019, dadka ku nool magaalada waxay ahaayeen qiyaastii 3.3 milyan, halka dadka ku dhaqan magaalooyinka lagu qiyaaso 2.5 milyan sanadka 2018.

Lusaka waa xarunta ganacsiga iyo dowladda labadaba ee Zaambiya waxayna isku xirtaa afarta jid ee waaweyn ee dalka ee aada waqooyiga, koonfurta, bariga iyo galbeed. Ingiriisigu waa luuqadda rasmiga ah ee maamulka magaalada, halka Nyanja iyo Bemba ay yihiin luuqadaha waddooyinka inta badan looga hadlo.

Kaunda – oo caan ku ah magaca KK – wuxuu si weyn u taageeray dadaalada lagu joojinayo midab kala sooca Koonfur Afrika. Wuxuu sidoo kale ahaa hogaamiye taageersan dhaqdhaqaaqyadii xoreynta ee Mozambique iyo kan hada loo yaqaan Zimbabwe.

Noloshii dambe Kaunda wuxuu u weecday la dagaalanka HIV ka dib markii mid ka mid ah wiilashiisa, Masuzyo, uu u dhintay cudur la xiriira Aids-ka. “Waxaan la dagaalanay gumaysiga. Waa inaan hada u isticmaalnaa xamaasad la mid ah la dagaalanka Aids, oo ku hanjabay inuu ka tirtirayo Afrika,” ayuu u sheegay Reuters 2002.

Kenneth Kaunda, Siyaasadiisa dhaxal galka leh

Siyaasadda arrimaha dibedda, Kenneth Kaunda wuxuu caawimaad xagga saadka ah siisay dhaqdhaqaaqyada kale ee xoraynta Afrika, oo ay ku jiraan Zimbabwe African People’s Union (ZAPU) iyo jabkii kala baxay Midowga Afrika ee Zimbabwe African National (ZANU) ee Koonfurta Rhodesia iyo African National Congress (ANC) ee Koonfur Afrika. ANC Radio Freedom ayaa loo ogolaaday inay ka tabiyaan Lusaka waxayna ku hoos jirtay ilaalinta Kaunda in ANC ay sameysay halgan hubaysan, ka dibna mid diblomaasiyadeed oo ka dhan ah midab kala sooca. Zaambiya waxay sidoo kale ka caawisay Zimbabwe inay xornimadeeda ka qaadato xukunkii cadaanka tirada yar ee 1980.

Laakiin intii uu xukunka hayay, Zqambiya waxay noqotay dowlad hal xisbi ka kooban – taasoo si hufan u siisay isaga xukun buuxa. Kaunda wuxuu mamnuucay mucaaradka siyaasadeed 1973. Waxaa lagu qasbay inuu ka laabto go’aankan 1991 sababo la xiriira cadaadis caan ah oo ay kicisay cunno yarida aasaasiga ah iyo sidoo kale cadaadiska caalamiga ah ee sii kordhaya ee dimuqraadiyada weyn ee Afrika.

Wuxuu ka dhacay xukunka markii ay soo ifbaxday dimuqraadiyadda xisbiyada badan. Sanadkii 1991, waxaa looga adkaaday doorashadii madaxtinimada Fredrick Chiluba oo ka socday xisbiga Movement for Multiparty Democracy (MMD) ka dib olole adag oo uu ku tartamay. Kaunda wuxuu aqbalay guuldaradii isagoo ruxaya astaantiisa astaan gacmeedka cad.

Kaunda ayaa sii waday ku lug lahaanshiyaha siyaasada qaranka sanadkii 1996-dii wuxuu isku dayay inuu u tartamo madaxtinimada. Sikastaba, dowlada Chiluba ayaa bedeshay dastuurka si qofkasta oo waalidkiis ay ka yimaadaan dibada wadanka loo arko ajnabi sidaa darteedna uusan u tartami karin xafiiska.

Chiluba ayaa markii dambe isku dayay inuu masaafuriyo Kaunda isagoo ku eedeeyay inuu yahay Malawi. Sannadkii 1997, Chiluba ayaa Kaunda ku tuuray jeel maalinta Kirismaska iyadoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa isku day afgembi ee dhicisoobay.

Sannadkii 1999-kii, xilligii uu xukumayay Chiluba, wuxuu ku dhawaaqay dal-la’aan Maxkamad Sare ee Zaambiya, laakiin wuxuu ka horyimid go’aankan Maxkamadda Sare ee Zaambiya, oo ku caddeysay inuu yahay muwaadin Zaambiya ah sannadka soo socda.

Guud ahaan qaaradda Afrika, waddooyin badan, dhismayaal iyo garoomo diyaaradeed ayaa loogu magac daray isaga. Xitaa markii uu duqoobay, wuxuu si isdaba joog ah codkiisa ugaga hadlay fagaarayaasha isaga oo ka soo horjeeda cadaalad darrada la aaminsan yahay iyo sidoo kale cadaadiska dadka laga tirada badan yahay.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Taariikhyahaanno reer Al-Jeeriya ah oo u kacay sidii loo sii celin lahaa keydkii gumeysigii Faransiiska – Warbixin

Taariikhyahan Sophie wuxuu leeyahay xirida marinka keydka arrimahan looma jeedin “in la qariyo xaqiiqooyin aan la sheegi karin, laakiin waa in la qariyo karti darada madaxdii kaydka Aljeria.”

Published

on


Sagaal taariikhyahanno reer Al-Jeeriya ah ayaa ugu yeeray Madaxweyne Cabdul Majiid Tebboune inuu joojiyo “caqabadaha xafiisyada” ee keydka qaranka. 25-kii Maarso, taariikhyahanno ay madax u yihiin Maxamed Ould Si Al-Qarsou, Daho Gerbal iyo Ammar Muxannad  ayaa warqad furan u qoray Tebboune, iyagoo ka dalbanaya inuu joojiyo caqabadaha xaddidaya gelitaanka kaydka.

Hindisahan wadajirka ah waa mid aan horay loo arag waana saameyn ka dhalatay daabacaadda warbixintii Benjamin Stora ee bishii Janaayo 2021 ee magaalada Paris ee ku saabsan dib-u-heshiisiinta dhaxalka xusuusta ee Faransiiska iyo Aljeeriya.

Saraakiisha Faransiiska ayaa dhowr jeer ku celceliyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in Aljeeriya laga rogo boggii hore ee gumeystaha lana furo bog cusub.

Warbixinta waxaa ku jiray soo jeedinno ah in xiriirka labada dal laga siibo xaaladda curyaannimada ee ay keeneen arrimaha xusuusta gumeystaha ee dhex taal.  Aljeeriya waxay dalbaneysaa in dib loo soo celiyo dhammaan keydkii gumeysigii Faransiiska ee ka horreeyey, oo ay Paris wareejisay xilligii laga daad-gureynayay ciidamadeeda.

Gumeysigii Faransiiska ee Aljeeriya wuxuu socday intii u dhaxeysay 1830 iyo 1962, maadaama mas’uuliyiinta iyo taariikhyahannada Aljeeriya ay sheegeen in xilligan uu goobjoog u ahaa dil ku dhowaad 5 milyan oo qof, iyo sidoo kale ololeyaal barakac iyo hanti la dhacay.

 ‘Xaalada baahsan’

Sida laga soo xigtay hay’adda ay maamusho Sheikhi “waxay noqotay aasaaska haysashada xafiisyada kuwaas oo aan loo aqoonsanayn aqoonyahanada dhabta ah ee taariikhda.” “Waxaan cambaareyneynaa xaalada meelwalba, halkaas oo qof uu dalbado inuu helo kaydinta Algeria,” ayuu yiri Muhannad Amer.

Taariikhyahan Sophie wuxuu leeyahay xirida marinka keydka arrimahan looma jeedin “in la qariyo xaqiiqooyin aan la sheegi karin, laakiin waa in la qariyo karti darada madaxdii kaydka Algeeriya.”

Intii lagu guda jiray wareysiga bogga Faransiiska ee “Le Monde Africa” ​​bishii Nofeembar 2020, Sheekhi wuxuu isku dayay inuu caddeeyo mowqifkiisa isagoo wajahaya dhaleeceyn uu horayba u qabay, isagoo ku boorriyey saameynta “bulshada” asaga oo furay kaydad xasaasi ah.

Wuxuu odhan jiray mararka qaarkood “agaasimaha kaydka waxaa waajib ku ah inuu ixtiraamo kalsoonida bulshada kana hortago (shaacinta faylasha) ee u horseedaya saamayn xun shaqada bulshada.” Wuu is difaacay isagoo leh, “Saamayn kuma yeelan doono cilmi baarista, laakiin wali waxaa jira dad u yimaada (keydka) khilaafkan dartiis.”

Marka ay timaado, tusaale ahaan, arrimaha ay yihiin dad gorgortan ku filan, ma sii deyn karo.  Sheekheey ayaa intaas ku daray “Tani waa kiiska markii la i waydiiyo in aan xareeyo qof lagu soo eedeeyay in uu gacansaar la leeyahay Faransiiska,” kuma tuuri doono faylalkaas aargudashada caanka ah aniga oo qaybinaya.

Le Monde ayaa tiri, “Dhibaatada oo dhan waxay tahay in Shiikhaygu uu qaato xaq u leeyahay inuu xukumo waxa bulshada u wanaagsan ama xun, iyadoon loo eegin qodobbada sharciga Al-Jeeriya ee la xiriira kaydadka taariikhdu markay ahayd 1988.”

Taariikhyahanadii Kacaanka.

Wargeyska Faransiiska ee Le Monde wuxuu leeyahay kacaanku wuxuu ka dhex bilaabmayaa taariikhyahanada reer Algeria.  Hindisaha ayaa muujinaya jahwareerka sii kordhaya ee cilmi-baarayaasha ee la xiriira maamulka (Al-jeeriya), oo loo arko mid aan muuqan oo aan caqli-gal ahayn, oo ku saabsan maareynta kaydka qaranka, ayay tiri.

Markii hore, labada madaxweyne waxay ku heshiiyeen in la magacaabo laba taariikhyahan (midba midka kale) si looga wada hadlo faylalka xusuusta, maadaama Stora loo magacaabay dhinaca Faransiiska, iyo dhinaca Aljeeriya, Cabdi Majiid sheeqeey.

Si kastaba ha noqotee, marka loo eego Stora, Sheekheey kama uusan qeyb galin shaqooyin la mid ah taasoo ku saabsan kaydinta iyo talooyinka ku saabsan arrinta xusuusta, sida ay qortay Le Monde.

Ammar Muhannad wuxuu weydiinayaa, “Aaway warbixintii Aljeeriya? Dhinac kale, waxaa jira warbixinta (Stora) oo kicisa khilaaf ka dib markii la daabacay, dhinaca kalena waxaa jirta warbixin (laga filayo Shiikhayga) oo kicisa khilaafka iyadoo maqnaansho uu ku jiro. ”

Sheekheey, dhiniciisa, wuxuu qiil uga dhigayaa aamusnaantiisa xaqiiqda ah in warbixinta Stora aan si rasmi ah loogu gudbin masuuliyiinta Al-Jeeriya.

“Tani waa warbixin Faransiis ah oo aan si rasmi ah naloogu soo dirin si ay waajib ugu noqoto, ugu yaraan anshax ahaan, inaan ka jawaabno waxyaabaha ay ka kooban tahay,” ayuu u sheegay Qatari Al-Jazeera channel 22-kii Maarso, isagoo ka hadlaya Stora.

Jahwareerka ku hareeraysan doorka Sheekheey ee wadahadalkan ku saabsan ayaa kallifay taariikhyahanno inay hadlaan, halka uusan ku qanacsaneyn agaasimaha keydka muddo dheer.

Sannadkii 2016, taariikhyahan Fu’aad Soofi, oo ah agaasime ku-xigeen hore oo ay weheliyaan Sheekheey, ayaa mar horeba caasiyey isaga oo daabacay maqaal maalinle ah oo la magac baxay “Al-Wataan” oo uu ku cambaareynayo “xannuunka” Kaydka Qaranka iyo “dhimashadiisa gaabiska ah”.

Shan sano kadib, kacdoonku wuxuu qaatay weji wada jir ah isagoo wata warqad furan oo ku socota Tebboune, Le Monde ayaa sidaas leh.

Xaqiiqdii, cilmi baarayaal badan oo reer Al-Jeeriya ah ayaa lagu qasbay – had iyo jeer xaalado qalafsan iyo xaalado sharciyeed – inay tixraacaan haynta keydka keydka dibedda ee Qaranka, ama kuwa ku jira Arjiyada Adeegyada Difaaca ee Vincennes, halkaa soo loogu yeero ardiyada “madaxbannaanida” gumeysiga faransiiska ee Al-Jeeriya.

Kiiskan aan la sheegi karin wuxuu kicinayaa arinta sii xoojinta wadaagga dhijitaalka ah ee kaydka u dhexeeya Faransiiska iyo Algeria, illaa iyo inta asalka ah “dib loo celinayo”, sida laga soo xigtay gobolka Maghreb. Waxay sidoo kale muujineysaa sii xumeynta “caqabadaha xafiisyada” ee reer Al-Jeeriya oo ay cambaareeyeen intooda badan saxiixayaasha.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Waa tuma Nawal El Saadawi-dii Masar?

Waxaan u naseexeynayaa gabdho Soomaali ah oo sabankaan danbe u dagaalama waxbaa naga maqan, iyagoo ku hadlaaya kalmada kooxaha “Feminismka” inay ilaahay uga baqaan warkooda ayna fasahaadinin hablaha kale kana joogsadaan afkaaraha la soo min guuriyay ee dadkeena Soomaaliyeed aysan dhaqan u laheen diina aysan noo ahayn.

Published

on


Nawaal Alsacdaawi waa haweeney u dhalatay dalka Masar waxay dhalatay 27 Oktoobar 1931, Waxayna geeriyootay bisha 21 maarso 2021. Ree galbeedka waxay ugu yeereen “the Simone de Beauvoir of the Arab World”, ee ka soo baxday dalka carabta waxay kaloo ugu yeeri jireen ‘Haweeneyda ugu mayalka adag dalka Masar. Waxayna ku dhimatay isbitaal ku yaal Qaahira ka dib xanuun in mudo ah haayey.

Nawaal El Saadawi waxay ahayd muwaadin reer Masar ah oo cilmaaniya, haween, samafal, qoraa, dhaqdhaqaaqe, dhakhtar, iyo dhakhtarka maskaxda. Waxay qortay buugaag badan oo ku saabsan xoreynta haweenka, iyadoo si gaar ah waliba fiiro gaar ah u siisay ku dhaqanka gudniinka dumarka gaar ahaan gudniinka fircooniga. Waxay ka soo horjeedday diimaha aasaasiga ah. Waxaa lagu sifeeyay inay tahay “Simone de Beauvoir of the Arab World”, iyo inay tahay “haweeneyda ugu xagjirsan xagga diinta Islaamka cilmaaniyadda ee Masar”.

Waxaa guursaday nawaal ninka la yiraahdo Axmed Helmi way kala tageen waxaa guursaday, kadibna Rashad Bey ​wuuna furay), kadib waxaa guursaday Sherif Hatata waxay kala tageen sanadkii 2010, laba caruur ah ayay u dhashay. Waxay aasaastay ururka Midowga Haweenka Carabta, iyo ururka Xuquuqda Aadanaha ee Carabta.

Waxay ku guuleysatay abaal marino sida Abaalmarinta Waqooyi iyo koonfur sanadkii 2004. Waxaana siiya Golaha Yurub. Sanadkii 2005 waxay heshay billad ay Belgium-ka bixiyaan oo la yiraahdo INANA.

Waa haweeneyda qortay in kabadan 55 buugaag ayaa markii ugu horeysay ku iftiimiyay arinta gudniinka fircooniga ah (FGM). Haweenaydaan ayaa sidoo kale u ololeeyay haweenka kahadlaya xijaabka, guurka badan iyo sinaan la’aanta xuquuqda dhaxalka islaamka ee udhaxeysa rag iyo dumar.

Sanadihii hore Haweeneydan la yiraahro Nawaal al sacadawi waxay ka shaqeysay xarun haweenka lagaga umiliyo waxay halkaa ka aragtay dhibaatada dumarka ee uurka foosha iyo xanuunada la xiriira iyo gudniinka furcooniga ah. Waxay kaloo dhibsatay caddaalad darada lagula kaco dumarka, kadib waxay ka shaqo gashay wasaarada caafimaadka oo waxay noqotay Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka.

1972, Nawaal waxay daabacday buuggeeda la yiraahdo: Woman and Sex (المرأة والجنس), ‘Haweenka iyo jinsiga.’ Buuggaan ayaa xambaarsan afkaaraha dhediga ”feminism”.

Markii ay dowlada Masar aragtay buuggan shaqadii waa laga eryay,
waxaa kaloo laga eryay madaxa tafatirenimo ee joornaalka caafimaadka. Sanado kadib waxay soo saartay joornaal ay u bixisay iska hor imaad. Kadin madaxweyne Anwar Saadaad wuu xiray haweeneydaan

Kadib waxay aliftay buug ay ugu bixisay xusuusihii xabsiga dumarka kadibna haweenka jooga harka eberka.

Intaas kadib waxaa u hanjabay kooxo muslimiin ah oo ku yiri ”naga jooji oo nagala dhex bax gaalnimada aad wadankeena ku wado haddii kale waanu iska kaa qaban.”

Kadib waxay u qaxday dalka Mareykanka, jaamacado kale ayay kasii waxbaratay macalinna ka ahayd. 2005 ayay dalkeed ku laabatay, 2010 ayaa lagu arkay Taxriir iyadoo dhex taagan oo nidaamka hala beddelo leh oo mudaharadeysa.

Sanadkii 2014 wareysi lala yeeshay Nawaal ayay ku af lagaadeysay diinta islaamka waana halka ay kaga luntay dariiqa saxda ah ee islaamnimada. 2015 ayay caysay cibaadada XAJKA ee xajarul aswadka iyo cibaadadka xajka. Waxay inkirtay asturka iyo xijaabka ay huwadaan dumarka islaamka una geftay kuna sheegtay in dumarka lagu caddaadiyo qaladna yahay. – Subxaanallaah.

Waxay tiri sida reer galbeedka ayaan rabaa.
– Waxay inkirtay xaqqa dhaxalka dumarka.
-Waxay inkirtay islaamnimadeeda.
-Waxay inkirtay janno iyo naar inay jiraan.

Akhriste guntii iyo gabagabadii waxaan soo guurineynaa waxa sababay in Nawaal xera weydaarato.

1. Arimaha qoyska: guurka badan iyo Furriinka. Guurka iyo furriinkana waa laba arrin sharci ah oo jira qofka wa inuusan u caroon raadadka ka imaanaya guurka ama furriinka waana wax jira jiri doona inta dunida jirto.

2. Inay aqoonteeda maadiga ah tala saaratay ilowdayna in shareecada islaamka barato.

3. Inay isku dayday si ay u alifato jid u gooni ah haba kaga dayatee dumar reer galbeed ah oo lahaa afkaaraha dumar u dirirka.

4. Durida iyo wax ka sheegida diinta islaamka waa tan ku hogaamissay baadi cad oo Alle ka fogaasho ah kadib markii ay la caadifootay lana xanaaqday dumar difaaca iyo u dagaal gelida wax ka baxsan dumarnimo.

Nawaal al sacdaawi waxay geeriyootay 21 bisha maarso 2021 iyadoo 90 jir ah. Haddii ay towbada haleeshan oo illaahay uga laabatay gefefkii waa kheyr haddii kale waa ku dhacday khaatumo xumo. – Ilaahay hanaga illaaliyo khaatumo xumo.

Waxaan u naseexeynayaa gabdho Soomaali ah oo sabankaan danbe u dagaalama waxbaa naga maqan, iyagoo ku hadlaaya kalmada kooxaha “Feminismka” inay ilaahay uga baqaan warkooda ayna fasahaadinin hablaha kale kana joogsadaan afkaaraha la soo min guuriyay ee dadkeena Soomaaliyeed aysan dhaqan u laheen diina aysan noo ahayn.

In kasta oo Islaamka iyo dhedignimada aysan gabi ahaanba lahayn meel ay iska galaan ama meelo ay isku mid ka yihiin, hadana labaduba waxay canbaareeyaan dulmiga dumarka. Labaduba waxay ku adkeysanayaan in haweenku ay yeelan karaan hantidooda ayna u tuuraan sida ay doonaan. Haweenku waxay noqon karaan ganacsato, sida Khadiija oo ahayd afadii ugu horreysay ee Muxammad (scw) oo ahayd tii ugu horreysay ee soo muslimta.

 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Taariikh nololeedka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed oo kooban

Published

on


Cali Mahdi Maxamed waxa uu xilli lagu qiyaasay 1938-kii ilaa 1939-kii ku dhashay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya. Waxbarashadiisii aasaasiga ahayd wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho, isagoo markii dambena waxbarasho dheeraad ah u tagay dalka Masar.

Intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa uu xubin ka soo noqday Aqalka Baarlamaanka. Markii ay burburtay dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii ayuu noqday madaxweynaha Soomaaliya. Xilkaas waxa uu hayay intii u dhaxeysay 26-kii bishii January, 1991-kii ilaa 3-dii January, 1997-kii. Mar kale ayaa heshiis ka dhacay magaalada Qaahira loogu cusbooneysiiyay xilka waxaana sanadkii 2000 baddalay Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Sharif Sheekh Axmed iyo Cali Mahdi Maxamed sanadka1994 gudaha dalka Libya

Cali Mahdi waxa uu xukunka qabsaday kaddib markii isbahaysi mucaarad ah oo hubeysan, oo uu ku jiray xisbigiisii USC ay xilka ka tuureen madaxweynihii muddada dheer ka talinayay Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre.

Hase yeeshee Cali Mahdi uma aysan suuragalin in uu nidaamkiisa wada gaarsiiyo dalka oo dhan, xilli ay Soomaaliya lugaha la gashay dagaallo sokeeye oo baahsan.

Intii uu madaxweynaha ahaa waxaa jiray dagaal loo yaqaanno “afar biloodle” oo dhex maray ciidamadiisa iyo xoogag daacad u ahaa Maxamed Faarax Caydiid.

Shir ay dalal ka mid ah beesha caalamka ka qeyb galeen oo sanadkii 1991-kii lagu qabtay dalka Jabuuti ayaa lagu damacsanaa in la isugu geeyo hoggaamiyeyaasha isku hayay talada Soomaaliya, hase yeeshee waxaa ku gacan seyray Caydiid oo aan ka qeyb galin shirkaas.

Beesha Caalamka ayaa Cali Mahdi markaas u aqoonsatay in uu yahay madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo go’aankaas aysiyaasiyiinta qaar kasoo hor jeedeen.

Dalalkii maamulkiisa aqoonsaday waxaa ka mid ahaa Jabuuti, Masar, Sacuudiga iyo Talyaaniga.

Sanadkii 2000 waxa uu Cali mahdi mar kale ka qeyb galay shirkii magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Hase ahaatee waxaa doorashada xilka madaxweynaha uga guuleystay Cabdiqaasim salaad Xasan oo horay wasiirka Arrimaha Gudaha uga soo noqday dowladdii Siyaad Barre.

Bilihii lasoo dhaafay ayuu mar qabsaday hadal-heynta shacabka kaddib markii uu hirgeliyay dhisme lagu tilmaamay kan ugu dheer magaalada Muqdisho. Mar wax laga weydiiyay sheegay in dhaqaalaha lagu dhisay gurigaas uu ka yimid maalgashiyo uu sameeyay.

Bishii November ee sanadkii 2020-kii ayuu mar si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xilligan aan loo baahneyn “in dagaal dib loogu laabto”.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Siduu Cali Mahdi ku noqday Madaxweynihii Soomaaliya?

Published

on

Cali Mahdi (bidix) iyo Maxamed Faarax Caydiid

Sanadkii 1991-kii ayuu Cali Mahdi Maxamed noqday Madaxweynihii Soomaaliya kaddib markii ay xilka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre oo 21 so xukumayay dalka. Cali Mahdi – oo Alle ha u naxariistee Arbacadii ku geeriyooday magaalada Niarobi ayaa xilka ugu sarreeya waddanka Soomaaliya qabtay xilli uu socday dagaal sokeeye oo xooggan.

Wuxuu noqday madaxweynihii afaraad ee soo mara dalka Soomaaliya.

Hadaba waxaan warbixintan ku eegaynaa qaabka uu Cali Mahdi xilkaas ku qabtay, caqabadaha uu wajahay iyo markii dambe qaabka uu ku wareejiyay.

Cali Mahdi iyo Caydiid

Dabayaaqadii bishii January ee sanadkii 1991, Cali Mahdi waxaa madaxweyne ku meel gaar ah u doortay dad u badan xubnaha Jabhaddii United Somali Congress (USC) oo ka mid ahayd xoogaggii xukunka ka tuuray Jen. Maxamed Siyaad Bare.

Arintaas ayaa khilaaf ka dhex dhalisay jabhadda gudaheeda, oo waxaa madaxtinnimada Cali Mahdi diiday Jen. Maxamed Faarax Caydiid oo isu arkayay hogaamiyaha garabka milateri ee USC. Cilmi Faarax Webi waxa uu kamid ahaa xukuumaddii uu xilligaa dhisay Cali Mahdi, waxaana uu BBC-da uga warramay waxyaabihii dhaliyay khilaafkii Cali iyo Ceydiid.

“Dabkan khilaafka waxa keenay waa in Jeneraal Caydiid uusan ku qanacsaneyn qaabka wax loo dhigay, raggii kale ee siyaasiyiinta ahaana waxay u arkeen dalku inuusan gali karin xilli uusan xil Madaxweyne jirin oo ay khasab tahay in la sameeyo nin madax ah kaddibna wadahadal dib loo galo. Arrintaas waa la isku fahmi wayaay, Caydiidna ma uusan aqoonsanin dowladda waxaana billaabatay in Ciidamo la aruursado oo la kala shakiyo,” ayuu yidhi.

Caydiid waxa uu u arkayay in uu xaq u leeyahay hoggaanka maadaama uu ahaa nin askari ah oo soo dagaallamay, sida uu sheegay Webi. Dagaal xooggan oo bilooyin socday ayaa ciidamo kala taabacsan Cali Mahdi iyo Ceydiid ku dhexmaray magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro ballaaran, iyo burbur baaxad leh.

Shirkii Jabuuti

Bartamihii 1991, waxaa shir caalami ah oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya martigeliyay madaxweynihii Jabuuti ee xilligaas, Xasan Guuleed Abtidoon. Shirka waxaa ka qeybgalay inta badan hogaamiyayaashii jabhadihii hubaysnaa, waxaana Cali Mahdi loo ansixiyay inuu yahay madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo aanu shirkaas ka qeybgalin Jen. Ceydiid.

Dalal ay kamid yihiin Jabuuti, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Talyaaniga ayaa durbadiiba aqoonsaday madaxtinimada Cali Mahdi, taasoo ka dhigtay madaxweynaha uu caalamka aqoonsan yahay ee Soomaaliya. Hase ahaatee xukuumaddii uu madaxweynaha ka ahaa Cali Mahdi ayaa fursad u heli weysay in ay xukunkeeda dhaafiso magaalada Muqdisho, sida uu sharraxayo Cilmi Faarax Webi.

Maamulkii loogu magac daray”Salballaarta” ayaa awood maamul u helay qeybo kooban oo kamid ah Muqdisho, waxaana dalka intiisa kale uu u kala jabay qeybo ay maamulaan hogaamiye kooxeedyo.

Cilmi Faarax Webi ayaa qaba in Cali Mahdi aanu eed ku lahayn in xukuumaddiisa ay dalka intiisa kale gaari weyday. “Xilligii Cali Mahdi la doortay wuxuu ahaa xilligii ugu xumaa ee Soomaaliya ay dagaallada ku jirtay. Waad la socotaa , madaxweynihii Maxamed Siyaad Barre wuxuu joogay Gedo, dadku qax ayeyba ku jireen xilli dowlad la fidiyo ama fursad lagu ballaariyo Cali Mahdi xukuumaddiisii maba aysan helin.”

“Cali mahdi Ma uusan helin taageero dhaqaale iyo mid milateri oo uu xukunkiisa ku gaarsiin karay meel ka baxsan Xamar,” ayuu yiri Webi.

11-kii bishii December ee sanadkii 1992-kii ayey labada hoggaamiye kala saxiixdeen heshiis nabadeed oo dhigayay in ciidamada iska soo horjeeday 48 saacadood looga bixiyo magaalada.

Cali Mahdi (bidix) iyo Maxamed Faarax Caydiid

Cali Mahdi xilka madaxweynaha waxa uu hayay intii u dhaxeysay 26-kii bishii January, 1991-kii ilaa 3-dii January, 1997-kii. Mar kale ayaa heshiis ka dhacay magaalada Qaahira loogu cusbooneysiiyay xilka. Sanadkii 2000 waxa uu Cali mahdi mar kale ka qeyb galay shirkii magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Hase ahaatee waxaa doorashada xilka madaxweynaha uga guuleystay Cabdiqaasim salaad Xasan oo horay wasiirka Arrimaha Gudaha uga soo noqday dowladdii Siyaad Barre.

Sanadihii dambe waxa uu ku mashquulsanaa howlo ganacsi oo uu ka waday magaalada Muqdisho. Wuxuu dhawaan dhameystiray dhismaha ugu dheer caasimadda, oo uu sheegay in ay leedahay xaaskiisa, laguna maalgaliyay dhaqaale kasoo xarooday dhinaca ganacsiga.

Xigasho: BBC Somali

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Bariga dhexe13 hours ago

Warbixin: Israa’iil waxay ku guul-darraysatay inay baarto dilka Falastiiniyiinta loogu geystay dibadbaxyada Qaza

Afrika3 weeks ago

Koonfur Afrika: Madaxweynihii ugu dambeeyay ee midab-takoorka Frederik Willem de Klerk ayaa geeriyooday

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Masiibada Ayaxa: Maxaa qorshe ah ay sameyn kartaa dowladda Soomaaliya si loo badbaadiyo dalagyada beeralayda?

Afrika3 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Maxaa ka jira cabsida laga qabo in ciidamada TPLF ay dhawaan gaaraan magaalada Addis Ababa?

Afrika3 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya ayaa cabsi ka abuuray Kenya iyo Koonfurta Suudaan

Yurub3 weeks ago

Maxay ahayeen Soomaalida ku dhibaateysan xuduudda Belarus iyo Poland?

Afrika4 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Siday Itoobiya ku gaartay halkaan iyo doorka Qowmiyadaha kala duwan?

Afrika4 weeks ago

Sannad ka dib, Itoobiya ma waxay kusii baaba’aysaa dagaal sokeeye?

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Maamulka Joe Biden ayaa ansixiyay $650m oo hub ah oo laga iibinayo Sacuudiga – hubkaan ma Yemen ayaa lagu baabi’inayaa?

Afrika4 weeks ago

Hogaamiyihii afgambiga ku qabsaday dalka Suudaan ayaa Maraykanka kula heshiiyey in la dedejiyo dhismaha dawlad cusub

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Waa maxay sababta uu Turkiga ugu qeybgali doonin shirka Paris ee looga hadlaayo Liibiya, oo ay ka qeyb galayaan Giriiga, Israa’iil, Giriiga Qubrus’?

Afrika1 month ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Ciidamada Tigreega ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan magaalada Kombolcha ee dalka Itoobiya

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Britain ayaa u qabatay Faransiiska 48 saacadood inay ka laabato hanjabaadaha ka dhanka ah kalluumeysiga

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Shir Madaxeedka G-20 oo ka bilaabmay Rome iyadoo diirada lagu saaray isbedelka Cimilada iyo cudurka Faafa ee Korona Fayrus

Bariga dhexe1 month ago

Xiisadda Diblomaasiyaddeed ee Sacuudiga iyo Dowladda Lubnaan ayaa ka sii daraysa markii ergayga la eryay, lana mamnuucay soo dejinta

WARBAAHINTA1 month ago

Mucaaradka Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay la wareegtay magaalada muhiimka ah ee Dessie

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Maxay ka dhigan tahay hadalka Mareykanka ee ku aadan ciidamada Danab?

WARBAAHINTA1 month ago

Itoobiya ayaa duqayn cirka ah ka fulisay waqooyiga galbeedka Tigray

WARBAAHINTA1 month ago

Weerar nooca magaaladda Kongsberg ka dhacay ayaa mar kale dhici doona, sirdoonka Norway ayaa sidaas leh

WARBAAHINTA1 month ago

Turkiga ayaa Israa’iil ku cambaareeyay qorshe ay ku dhiseyso guryo cusub oo sharci darro ah

WARBAAHINTA1 month ago

Austaria waxay dejisay qorshayaal sharciyaynta isdilka – sharcigaas oo caawinaayo qofka raba inuu isdilo

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhaleeceysay taageerada Mareykanka ee Taiwan, waxayna taageertay Shiinaha oo xulafo la ah

Afrika1 month ago

Amni iyo xasillooni ayaa looga baahan yahay ku-meel-gaarnimada dawladda nabdoon: Liibiya W. Arrimaha Dibedda

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Aramco waxay hiigsaneysaa inay hawlgallada qiiqa eber ka dhigto marka la gaaro 2050, ayuu yiri agaasimaha guud

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Turkiga ma wuxuu indhaha ku hayaa istaraatiijiyada ku saleysan ‘horumar-guul oo xiriir la leh Afrika?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Wadahadaladda Farmaajo iyo Rooble: RW Rooble ma waxaa loo magacaabay inuu dalka khilaafka siyaasadeed ka saaro mise?

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Turkiga oo u yeeray safiirada 10 dal oo soo saaray qoraal ka careysiiyey – Xariirka Hab-dhaqameed ee Turkiga iyo Reer galbeed

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Ku noqoshada Ruushka ee Afrika: Faransiiska, Maali, iyo qodobka Wagner

koonfurta Bari Aasiya2 months ago

Bangladesh ayaa qorshaynaysa inay 81,000 Rohingya u rarto jasiirad, kadib heshiis ay la gashay Qaramada Midoobay

Afrika2 months ago

RW Abiy Axmed wuxuu dhisanayaa Xukuumaddiisa cusub, iyadoo xisbiyada ugu waa weyn dalka ay Qaadaceen doorashada

WARBAAHINTA2 months ago

Muxuu yahay heshiiska ka careysiiyey Turkey ee ay galeen France iyo Greece?

WARBAAHINTA2 months ago

Aljeeriya ayaa dib ugu yeertay ergaygeeda Paris kadib tallaabadii fiisaha ee Madxaweyne Macron

Afrika2 months ago

Dadka Itoobiyaanka ah ayaa u dareeraya goobaha codbixinta, oo ah wareegga ugu dambeeya ee doorashada – xisbiyada Soomaalida?

WARBAAHINTA2 months ago

Ayeeyo Falastiini ah ayaa waxay heshay shahaadada jaamacaddeed ee bachelor-ka iyadoo 85 jir ah

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa la xukumay – maxaase lagu xukumay?

WARBAAHINTA2 months ago

Hay’adda WHO ayaa ka argagaxday xadgudubka galmo oo ay sameeyeen shaqaalaheeda gargaarka ee Koongo

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxweynaha Tunisia ayaa Najla Bouden Romdhane u magacaabay haweeneydii ugu horreysay ee dalkaas ka noqota RW

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago

Xiddigga fanka Soomaaliyeed ee Aar Maanta wuxuu ka caawiyaa carruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis inay ogaadaan dhaxalkooda

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Iiraan iyo Sacuudi Carabiya: Maxaa kusoo kordhay wada-hadallada u socda?

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxa xisbiga Green Party ee Kanada ayaa iscasishay, iyada oo ku tilmaamtay ‘wakhtigii ugu xumaa’ ee nolosheeda

Xul