Connect with us

Gorfayn

Gorofeynta Buugga Shuruudu Nahda

Published

on


Buuggaan waxaa Qoray Mufekarka caanka ee reer Jasaa’ir ee la oran jirey Maalik binu Nabi, Maalik Allah u naxariistee waxa uu waxbarashadiisa ku soo qaatay Dalka Faransiiska. Buuggaan waxa uu ka kooban yahay 160 bog.

 Waxaana lagu turjumay Luuqada Faransiiska 1949M waxaana turjumay Labbada mufeker ee kale ah: Cabdisabuur Shaahi Iyo Cumar Kaamil.

Buuggaan waxa uu ka hadlayaa Sida Ay Bulshada ku Hormari Karta Kuna Dhisi Karto Ilbaxnimadeeda. waxa uu ku qoran yahay Luuqadda Carabiga oo fasiix ah, waxaan jeclaan lahaa qof waliba oo luuqadda Carabiga yaqaan in uu aqriyo, waa buugg aadan ka caajiseyn aqrintiisa sida uu u qoran yahay iyo tusaalloyinka uu addeegsanaayo Qoraaga.

Buugga Shuruudu Nahda. Buuggaan waxa uu ka hadlayaa Sida Ay Bulshada ku Hormari Karta Kuna Dhisi Karto Ilbaxnimadeeda.

 Qoraaga  Hadaf ugu weyn oo uu rabay waxa ay aheyd inuu u caddeeyo Bulshadda doorka fikirka Diiniga uu ku leeyahay hormarka iyo ilbaxnimadda. Wax-yaallaha uu ka hadlaayo waxaa kamid Wixii Tagay Iyo Taariqdii Markaa Taagneyd, Qoraaga waxa uu noolaa qarnigii 20aad, qaringaas waxa uu ahaa qarnigii Caalamka Islaamka iyo Afrikaba ay guumeysanaayeen rer galbeedka.

Waxa Uu Ku Hadlay Doorka Geesiyaasha Ay Ku Leeyihiin Ilbaxnimadda.

Waxa uu aad u falaqeyey  xaaladii ay ku jirtay Jasaa’ir 1830m oo uu Madaxda ka ahaa  Amiir C.qaadir, waxa uu tusaallo usoo qaaddanayaa geesigii ahaa C.kariin Al-khadaab, waxa uu leeyahay haddii uusan geesiyaal laheyn waddan waxaa fududaaneyso  in la guumeysto dadka, in la qaato qayraadka  uu leeyahy Waddanka iyo dhulkiisaba.Waddan waliba inta uu Ciidankiisa cudud leeyahay ayuu Waddamada kale ka hormari karaa.

Sidoo Kale Waxa Uu Ka Hadley Doorka Ay Ilbaxnimada Ku Leeyihiin Siyaasiinta.

Waxa uu soo qaatay Siyaasigii ahaa Jamaaldiin Alfaqaani oo noolaa qarnigii 20aad, Jamaaldiin kooxdii u madaxda u ahaa waxa ay bulshadood dib ugu soo nooleyeen Hankii ay nolosha ka laaheeyn, bulshadda markii la guumeysto waxaa hoos u dhaca hankooda, waxaa dhinto fikirdahooda, Jamaaldiin Alfaqaani waxa ay soo nooleyeen fikirada dadka waxa ayna guud ahaanba baabi’yeen  fikiradihii ay guumeystaaysha ku reebeen bulshadda, ayagoo waliba addeegsanaayo fikiradahooda, halkaas waxaan ka ogaaneynaa Siyaasadda inay door weyn ka cayaarto hormarka bulshadda.

 Qoraaga Waxa Uu Sidoo Kale Ka Hadlay Doorka Ay Wax-Yaallaha Ay Dadka Aaminsan Yihiin Ay Ku Leedahay Ilbaxnimada Iyo Hormarka.

Maalik waxa uu leeyahay haddii la kale saaro Diinta iyo Siyaasadda, waxaa macno beeleyso Siyaasadda. Tusaalle Ilmaha waddamada rer galbeedka waxa ay yaqaanan siyaasadda waddankooda, sidaas si lamid ah annaga waxa aan baahi u qabnaa in aan barno iftiinka diinta iyo imaanka.

Waxa uu soo qaatay Qoraaga kuwa quraafad aaminasanaa ee daganaa Magaalada Ximya, waxa ay daganayaan ku dhawaad 5qarni, waxa ay la hareen hormarka iyo ilbaxnimadii Magaalada,wax-yaallaha ay aaminsanaayeen waxaa kamid ah, haddii ay ka danbeyn Sheekhooda in ay helaayaan janaddii uu Allah u yaboohay Addoomadiisa wanaagsan, ugu danbeyntiina waa la ciribtirey kooxdaas.

Waxa Uu Sidoo Kale Qoraaga Ka Hadlay Mustqablka Caalamka Islaamka.

Waxa uu leeyahay Qoraaga Caalamka Islaamka waxa ay in muda ka maqanaayen taariqada, awal waxa ay ahaayeen 50waddan oo  leh Hal dowlad oo awood badan, waxa ay noqdeen 50 dowladood oo kale madax banan, waxa ayna kale saareen Siyaadsadda iyo Diinta waxa ayna ilbaxnimo u raadsadeen reer Galbeedka.

Xaalkooda waxa uu noqday sidii qof  xanuunsan oo soo gallay Farmashi, haddana aan garaneyn cudurka haayo iyo daawadii uu u qaaddan lahaa.

Wax-yaallaha aadka u xiisaha badan uu ka hadlaayo Buuggaan waxa ay tahay Ilnaxnimada oo ku qeexan si cajiib ah, waxa uu qoraaga leeyahay ilbaxnimada waa Dad+Carro+Waqti = Ilbaxnimo.

Maalik Bennabi wuxuu ahaa qoraa reer Aljeeriyaan ah iyo falsafad-yaqaan, kaasoo wax ka qoray bulshada aadanaha, gaar ahaan bulshada muslimiinta isagoo diiradda saaraya sababihii dhicitaanka ilbaxnimada Muslimka. Sida laga soo xigtay Maalik Bennabi, la’aanta fikradaha cusub ee xagga fikirka Islaamka ayaa soo ifbaxay waxa uu ugu talo galay kicinta ilbaxnimada. Wuxuu ku dooday in si loo soo celiyo sharafnimadiisii hore, bulshada Islaamka ay ahayd in ay noqdaan deegaan ay shakhsiyaadka dareemaan awood. Si uu u haqabtiro baahiyahiisa ruuxiga iyo tan jirka ah, qofka muslimka ah wuxuu ubaahnaa inuu dareemo in warshadiisa iyo hal abuurnimadiisa ay abaal marin heli doonaan. Qoraaga wuxuu ahaa mufaker dunida wax badan kusoo kordhiyey oo xagga falsafada bulshada ah.

Hormarka kasto oo la gaaro waxaa gaaro dad waxa ayna ku bixiyaan waqti, dadkaan waxa ay joogaan dhulka. Bulsha waliba inta ay Ahmiyadda siiso waqtiga waa ay ka hormarsan tahay, daqiiqdad waliba oo na soo martana waa taariiq qormeyso, doorashada taariiqada nooca ay noqoneysana annaga yaa leh.

 Sidoo Kale Waxa Uu Ka Hadlay Doorka Taariiqada Maguurtada Ah Ay Ku Leedahay Ilbaxnimada.

Taariqada waa silsilad soo jireen ah bulshada waxa ay ku faanan guulaheeda. Waxaa jiro Aayada Qur’aan oo caddeyneyso taariqda ma guurtada ah Allah waxa uu Qur’aankiisa nagu yiri “ Allah ma badallo Dad illaa ay ayaga  badalaan nafahooda mooyee”.

Si aan taariqda ma guurtada ugu faa’ideysano waxa aan u baahan nahay in lagale helo labo shuruudood:

  • In Lagu Dabaqo Taariqada Mabaadi’adda Qur’aanka.
  • Xaalad waliba oo cusub in aan ku dabaq Qur’aanka.

Waxaa Uu Sidoo Kale Ka Hadlay Saameynta Fikirka Diiniga Uu Ku Leeyahay Ilbaxnimada.

Taariqada marka la rabo in la jiheeyo waa in looga fekeraa si caqliyeysan ayada oo waliba loo fiirinaaya fikiradaha Diiniga ah, sidoo kale waxaa muhiim ah in aan ogaano xadka  uu qofka  ka taallabi Karin marka uu rabo in uu taariqda ku danbaqo fikirada diinta.

Qarnigii 19aad  waxa uu ahaa qarnigii ugu horeeyey ee la  tarjumo  Cilmiga Dhaqaalha, Baayolojiga iyo Cilmiga Aas-aasiyaadka Bulshada. Qarnigii 20aad waxaa uu yeeshay Manaahij  wax lagu turjumo. Fikiradaha diinta waxay bulshada u xalisaa dhibaatoyinka ka dhex jira, sidoo kale waxay bulshada u saaraan ilbaxnimo iyo hormar.

Wax-Yaallaha Uu Buugga Ka Hadlaayo Waxaa Kamid Ah Shaqadda Ay Dadka Ka Shaqeeyan Doorka Ay Ka Qaaddato Ilbaxnimadda.

Diinteenna suubban wax ay nagu boorisay qof waliba in uu shaqeysto, Suubbanaheenna  NNKH waxa  uu yiri “Cunno qof uu cunno waxaa ugu kheyr badan mid uu shaqeysto, Nabi Da’ud waxa uu ahaa Nabi xoogiisa Maalo”

Wax-yaallaha xukuma shaqada uu qof qabanaayo waxa uu hal ku dhig u ah:

Haggitaanka ilbaxnimadda.

Cilmiga qofka inta uu gaarsiisan yahay.

Hanti inta uu leeyahay.

Sidoo Kale  Qoraaga Waxaa Uu Ka Hadlay Waqtiga.

Subanaheenna NNKH waxa uu yiri “ Maalin waliba oo soo baxdo Aadanaha ayey la hadashaa waxa ayna dhahdaa, waxaan ahay maqluuq waxaan marqaati ka ahaan doonnaa camalka aad qabto iga faa’iideyso ma soo noqonaayo ilaa qiyaamaha e”.

Qofka muslimka waxaa laga rabaa inuu u qiimeysan yahay waqtigiisa.Wax-yaallaha naga caawin karo in aan waqtigeenna ka faa’iideysanno waxaa kamid: Fiid hore inaan seexanno, waqti hore subixii in aan soo kacno iyo in aanba ku laaban hurdada.

 

Halkan Ka Dagso:

Facebook Comments Box

Miski Cabdinuur Salal waa qoraa ka tirsan Somalism. Waxa ay wax ka qortaa arrimaha Bulshada, Caafimaadka, Dhaqanka, iyo Dhiirigelinta bulshada. Waxa ay aad ugu xeeldheertahay qorsista afka Hooyo.Sidoo kalena waxa ey taqasus u leedahay kuliyadda Umulisinimada, sidoo kale shahaadada heerka koowaad ee jaamacada waxa ay ka haystaa kuliyada kalkaalisinimo.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Buuggaag

Buugga 5-ta Tiir ee Guusha

Bulshooyinka adduunka ugu hormarka badnaa ama astaamaha dhaadheer ku leh, ama raadkoodu ilaa iyo maanta la hadalhaayo, waxay wadaagaan hal mid oo ah ‘waa bulsho tagtay, si kastaba taariikhda ha u galeene

Published

on


Nolol astaamaheeda ugu waaweyni waa baahi, cabsi, welwel iyo walbahaar joogta ah oo bani’aadmigu kumanayaal qarni soo jibaaxay, jeer uu hawlgal, halgan iyo baadidoon dheer kadib dabka belbeliyay. Birta tuntay oo ka soocmay noolaha kaloo idil kana gacan sarreeyey.

Buuggaan 5-ta Tiir ee Guusha waxaan hiil uga dhigay da’yarta soo kacaysa iyo in badan oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah ee aaminay mabd’a ah hurda kudheregga, wuxuuna iftiin u yahay inta rabta horumar iyo isbeddel nololeed, waxaana xaqiiq ah in qofwalbaa inta uu ku nool yahay koonkaan wuxuu ku hammiyaa shey, sheygaas ha yaraado ama ha weynaado. Tusaale ahaan dad ayaa waxay ku hamminayaan inay helaan guryo qurux badan, lacag badan, iyo shirkado waaweyn. Dadka qaar waxay ku fikirayaan inay helaan qofka ay nolosha ugu jecel yihiin. Shaqsiyaadka qaarkiis waxay ku fikiraan inay noqdaan madaxweyne ama jecel inay qof walba caawiyaan. Dadka qaarkiis ayaa maskaxdooda waxaa ka guuxa kaliya sidii uu u guursani lahaa. Nin baa wuxuu ka fikiraa sidii 5 cunug uu dhalay iyo hooyadooda wax ugu keeni lahaa.

Qof walba waxaa haysta hammi iyo wax ku weyn maskaxdiisa/maskaxdeeda, balse dadku waxay u baahan yihiin inay ogaadaan sheyga maskaxdooda ka guuxa wakhti intee la’eg ayey u baahan yihiin inay ku qaadato, maxaa yeelay waxwalbaa wuxuu qaataa waqti, wixii waqti qaata oo kaliya ayaa la ogaan karaa guushiisa inta ay la’eg tahay.

Dunidaan lagu wada nool yahay shacuub walba waxay dadaal ugu jirtaa habbeen iyo maalin sidii nolosha horumar loo gaarsiin lahaa. Dhallinyaradu waxay ka mid yihiin muraayadda iftiimisa, isla markaana halbeegga hormarka lugu cabbiro.

Way adag tahay in aynu nafteena ku canaananno dhaawaca iyo nolol xumada ku habsatay dhallinyarada Soomaaliyeed. Dalalka horumaray waxay xoogga saareen waqti fog dhisitaanka carruurta yaryar iyo dhallinyarada in daryeel fiican loo sameeyo, si mustaqbalka dalka iyo dadka loo gaarsiiyo tusaale dhaxal gal ah. Marka dhallinyaradu ka rajo beelaan doonista fog ee nolosha, waxaa ku habsataa inay gacmaha la galaan barnaamijyo dhaawac ku reeba bulshada ay ku dhex nool yihin.

Haddaan intaa ka imaaddo weerahaan kooban ee murtiyaysan oo aan dulucda duxda iyo dareenka sheekadayda u soo laabto, sidaan ka wada war qabno ama aan ognahay dhammaanteen carruurnimo waa hilin iyo hannaan la soo wada maro oo aan dhammaanteen soo wada marnay dhallinyar iyo waayeelba. Laakiin waxaynu badankeenu ku kala duwannahay sidda loo koriyo ubadka ama loo barbaariyo oo nin walbana uu isagu fikirkiisa shaqsiyadeed ka leeyahay.

Haddaba dhallinyarada waa ubaxa ummad kasta oo adduunyada dusheeda ku nool, noolle kastana waxa uu leeyahay jiil beddela ama jiilba jiil buu soo saaraa si uu u sii hana qaado heerkii iyo hillinkii uu maray jiilkii ka horreeyey wax badan oo aanu gaarina u gaaro oo uu u rumeeyo jiilkaasina waxa uu noqdaa mid wanaagsan oo maray dariiqii loo baahnaa ee ummadu rabtay, gaarana heer wanaagsan oo waxtar leh laguna riyaaqo ama waxa uu maraa dariiq khaldan oo fasahaad, dhac, dil iyo xumaanba leh oo qarankaas iyo umadiisuba way lumaan oo dabadeedna dumaan.

Haddaba maalmahan dambe waxaad mooddaa in ubadkeedkeenii soo korayay badankoodii ay ka xumaatay korriimadii oo ay noqdeen qaar Alle u sahal ah. Haddaba haddii ilmahaagu xumaado ma aha oo kaliya inuu kaa xumaaday adiga ee ummada iyo qaranka oo dhan ayuu ka xumaaday waayo dhibaatada u gaysto ma aha mid adiga kugu kooban ama isaga ku kooban ee waxay noqonaysaa mid ku dhex faafta mujtamaca meeshaas uu ku dhex nool yahay.

Bulshooyinka adduunka ugu hormarka badnaa ama astaamaha dhaadheer ku leh, ama raadkoodu ilaa iyo maanta la hadalhaayo, waxay wadaagaan hal mid oo ah ‘waa bulsho tagtay, si kastaba taariikhda ha u galeene. Marka haddii ay tageen, raadkoodiina laga wardoono illaa iyo maanta kumanaan sano kadib haddii ay dhinaca farsamada ku firfircoon tahay waa mid muuqaal ahaan la arkaayo, sidoo kale haddii ay dhinaca dhaqanka ama aqoonta ku firfircoontahayna aqoontoodii ayaa saldhig ahaan loo tixraacaa amaba laga duulaa. Laakiin haddii aan su’aal iska weydiinno oo ah, maxaan ka dhihi karnaa kuwii taariikhda aan galin, haddii ay galeenna laga war heyn, haddii aan laga warhayana shaki iyo su’aalo badan lagu dado?

Raadinta jawaabta saxda ah adigoon isku mashquulin akhriye, bal isweydii, maxaa laga hayaa bulshooyinkii tirada badnaa oo baalasha taariikhda ka siibtay?

Haddaba Soomaalidu waxay soo hoos gashaa bulshooyinkaas afmaalka wax ku barta kuna kobca, balse waxaa cad wakhtigaan dambe in bulshooyinkaas oo idil haddii aysan wax qorin ama qalinmaalin in wakhti uun taariikhda ku bog waayi doonaan. Sidaas awgeed waxaa munaasab ah Soomaalidu af iyo bulshaba inay hesho kaalmo dhinaca dadkeeda ah. Maxaa yeelay haddii kaalmadaasi laga waayo bulshaweynta Soomaaliyeed, waxaa lama- huraan ah in ay tagi doonto. Dal iyo bulshaba waxaa kobciye jiilasheeda. Nasiib darro, uma eka mid hadda Soomaalidu ay hayso cid ka qabata aaska ay ku socota, iskabadaa in la kobciyee.

Waxaa muhiim ah buuggaan oo kale in aan la saaxiibno, ka dhigano wehel, lana tashanno. Buuggaani aad ayuu u anfacayaa Soomaalida, gaar ahaan dadka wax qabadkoodu sareeyo amaba qofka raba in uu hawsha uu qabanaayo ay miro fiican dhasho. Si tallaabo tallaabo ah ayuu u qeexayaa waxa qofku u baahan yahay in uu sameeyo si uu u gaaro himilada uu hiigsanaayo. Wax akhrisku waxa uu qiimo iyo nuxur yeeshaa markii qofka wax akhrinayaa uu la saaxiib yahay qof isna wax akhriya oo la wadaaga buugaag kale.

5-ta Tiir ee Guusha: Xaggeed Ka Heli Kartaa? – YouTube

Waxaad kala xariiri kartaa:
Tel: +47 45557579
WhatsApp: +474555 7579
Emayl: Cabdijabaar@diblomaasi.com


 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Gorfayn

Buugga ‘Collapse’ Burbur: Sidee Bulshooyinka u doortaan inay ku guuldareystaan ama ku guuleystaan

Collapse: How Societies Choose to Fail or Succeed, qoraa Jared Diamond Afsoomaali ahaan haddii aan iskudayo wuxuu noqonayaa – Burbur: Sidee Bulshooyinka u doortaan inay ku guuldareystaan ama ku guuleystaan.

Published

on


Collapse: How Societies Choose to Fail or Succeed, qoraa Jared Diamond Afsoomaali ahaan haddii aan iskudayo wuxuu noqonayaa – Burbur: Sidee Bulshooyinka u doortaan inay ku guuldareystaan ama ku guuleystaan.

Waa buug mudan in la akhriso, waa haddii aad xiisaynayso inaad fahanto waxa maanta dunida ka dhacaayo. Waxaa xaqiiqo ah sida kali ee aan u fahmi karno waxa maanta dunida ka dhacaayo waa in aan taariikhaha wax ka  baranaa.

Akhriska buuggaan waxa aad ka dhex sawiran kartaa xaaladdaha aanu ku suganahay haddii aan nahay Soomaali. Dunida isbedel badan ayaa dhacay, laakiin anaga haddii aan Soomaali nahay doorkee kaga jirnaa dunida? Ma qaxootinimo, dagaal sokeeye mise hoggaan xumo?

“Lixdan jir anigoo ahaan xeradaan soo galay, maantana waxaan ahay siddeetan jir. Ma jecli in aan dhinto anigoo qaxooti ah, mana jecli in xero qaxooti laygu aaso” – ayay tiri ayeeyo Soomaaliyeed oo xero qaxooti ah ku jirtay.

Dhawrkii sano ee la soo dhaafay, dunidda waxaa ruxay dhacdooyin isdaba-joog ah, dunidana waxay qaaday dhabbe aan la hubin halka ay ku dhammaan doonta. Waxaan aragnay cudur faafa oo curyaaminaya adduunka. Meelo badan oo dunida ah waxaa qabsaday dab culus sida kaymaha aad uga fog Amazon, Australia, California, ama Siberia., duufaano, dhul gariir iwm.

Sanadkaan 2021, Soomaaliya waxaa la isku afgaran la’yahay doorashada dalka oo waxaa sii xoogaystay khilafaadka dhinacyada dawladda dhexe iyo maamulada, illaa heer ay soo faragelisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Qof kastaa wuxuu isweydiinayaa su’aalo.

– Xagee dunida ay ku dambeyn doontaa?

– Reer galbeedka waxay isweydiinayaan Dimuqraadiyaddu ma sii jiri doontaa?

– Maxaa laga qaban doonaa burburka deegaanada?

Waa su’aallooyin ay isweydiiyan dadka caqliga saliimka leh., waxaana isweydiin mudan, cashar noocee ah ayaa laga baran karaa taariikhda? dunidda ma haggaagi doontaa mise way ka sii dari doontaa? Akhrinta buuggaan ayaa gacan ka geysan kara caddeynta su’aalahan. Ama ugu yaraan inaad wax badan ka fahanto waxa dunidda ka socda.

Waxaa jira xargo kala duwan: siyaasad, deegaan, caafimaad, iyo farsamo. Dhammaantood waxay u dhacayaan waqti aad u qurux badan isla waqtigaas, oo leh dhaqdhaqaaqyo u gaar ah, inta badanna waxay dhacaan iyadoo aan la filanaynin.

Akhriska buuggaan waxaad ka fahmi doontaa inaad fahanto dhacdooyinka horey u dhacay, barashada sida aafadu u faafto, ama doorka ay ku leedahay hawlaheena maalin laha ah. Waxaadna ka heli kartaa sawir fiican oo ku tusin kara dhacdooyinka ka dhacaayo dunida maanta.

Dabcan, adduunku waa shabakad isku dhafan, oo marka la dhiso halxiraalahaas oo keliya ayaad fahmi kartaa sida ay u shaqeyso. Waa ka buugga kaa caawin kara inaad kala furfurto shabakaddaas la isku xerxeray, isla markaana kuu iftiimin kara arrimaha taagan.

Qoraaga buugga: Jared Mason Diamond waa muwaadin Maraykan ah, taariikhyahan, aqoonyahan cilmu-nafsiga, ornithologist, iyo qoraa caan ku ah buugaagtiisa sayniska ee caanka ah The Third Chimpanzee; Waa Waa borofisar cilmiga juquraafiga ka dhiga UCLA.

Buugga ‘Collapse’ Burbur: Sidee Bulshooyinka u doortaan inay ku guuldareystaan ama ku guuleystaan

Waa buug la qoray sanadkii 2005, waxaa qoray qoraa iyo aqoonyahan Jared Diamond, qoraaga wuxuu buuggaan kaga faalonayaa burburka ku imaaday bulshooyinka: “hoos u dhaca baaxada leh ee ku yimid tirada dadka, culeyska siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho.

Qoraa Jared Diamond ayaa buuggiisa laga iibsaday milyan-nuqul, wuxuu baaritaan ku sameeyey sida iyo sababta ay ilbaxnimooyinka reer Galbeedku u horumariyeen teknoolojiyadda una oggolaatay inay adduunka intiisa badan xukumaan.

Wuxuu dib u eegis ku sameeyaa sababaha taariikhiga ah iyo dhacdooyinka taariikhiga ah ee burburka bulshada – gaar ahaan kuwa ku lug leh saameynta weyn ee isbeddelada deegaanada, saameynta isbeddelka cimilada, deriska cadaawadda leh, wada-hawlgalayaasha ganacsiga, iyo jawaabta bulshada ee afarta caqabadood ee kor ku xusan – wuxuuna tixgelinayaa guul ama guuldaro bulshooyinka kala duwan ayaa soo maray laqabsashada caqabadaha taariikhiga ah.

Marka aad halkaas marayso waxaad soo xasuusanaysaa bulshada Soomaaliyeed iyo adkaysigooda, xilli Soomaaliya ay ka gudbeyso sanad-guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeye, waxaa mudan in la xuso geesinimada iyo adkeysiga muwaadiniinta Soomaaliyeed kuwaas oo u adkeystay qaar ka mid ah “xaaladaha ugu adag ee dal kasta oo dunida saaran soo maray sodonkii sano ee tegay.” Iyada oo ay caqabado waa weyn wali harsan yihiin hadana dhabbaha naga horreeya uu u muuqdo mid dheer oo qodxa badan, waxaa muhiim ah in la garowsado horumarka la sameeyay, waxaa xaqiiqo ah oo aan ogaaday in cidkasta oo Soomaaliyeed ay masuuliyad ka saaran tahay wax ka qabashada xaaladaha cakiran ee Soomaaliya, waana sababta aan ugu mid noqday aas aasitaanka xisbiga Qaransoor oo aan u arko xisbi hiigsi iyo mabaa’dii cajiib ah la imaaday.

Qoraaga buuggaan ayaa tilmamaayo in bani’aadamka ku adag tahay inay fahmaan sida ay ficilladoodu saameyn ugu yeelan karaan deegaanka ku hareeraysan. Wuxuuna tilmaamayaa gaar ahaan inay adag tahay in la fahmo marka burburka uusan aheyn mid kadis ah sida dagaal, laakiin tartiib tartiib, ficillo taxane ah iyo go’aanada xilliga la joogo u muuqda ay yihiin kuwa aan qiimo lahayn.

Xitaa haddii aysan sidaas u muuqan, bulshooyinka badankood waa kuwo jilicsan. Aqoonyahankan ku takhasusay cilmiga bey’ada iyo cilmu-nafsiga Jared Diamond ayaa baaritaan ku sameeyey waxyaalaha aadanuhu u horseedi kara baaba’a. Cinwaan hoosaadka buugani waa “Sidee Bulshooyinku u doortaan inay ku guuldareystaan ama ku guuleystaan”, oo si kooban u soo koobaya waxa uu ku saabsan yahay.

Taariikhda, bulshooyin dhowr ah ayaa waxaa soo maray burbur masiibo ah, taasoo keentay hoos u dhac weyn oo ku yimid dadkooda, iyo sidoo kale kakanaanta iyo heerka farsamada. Vikings waxay degeen Greenland qarnigii 9aad, waxayna aasaaseen shabakad ballaaran oo beeraha iyo degsiimooyin ah. Haddana dhawr qarni uun ka dib, bulshadan oo dhan si yaab leh ayaa loo waayey.

Meelaha kale sida Easter Island, ama xitaa ilbaxnimooyinka oo dhan sida Maya, ayaa soo maray astaamo isku mid ah. In kasta oo aanay dadkani gebi ahaanba baaba’in, haddana kakanaanta ilbaxnimooyinkooda si weyn ayey hoos ugu dhacday.

“Dheemanku waxa uu eedda saaraa inta badan arrimaha deegaanka, iyo go’aannada ay bulshooyinkani ka gaaraan dabeecadda ku hareeraysan.”– Wuxuu ka hadlayaa xaalufinta dhirta, burburka deegaanka, dhibaatooyinka ciida, iyo waliba maamul xumada guud iyo tirada dadka.

Qoraaga wuxuu tilmamayaa in dhacdooyinkani la yaabka leh ay ku dhacday ilbaxnimooyin badan oo kala geddisan oo dunidda soo maray, bulshadeenna hadda joogtana waxay umuuqataa inay ku celcelineyso qaladaadkooda. Qoraaga wuxuu tilmamayaa in haddii aynaan badalin dariiqa, aayaheena ayaa mugdi noqon kara.

Casharka ugu muhiimsan ee laga baran karo buugga: Xaalufinta deegaanka iyo hoggaan xumada bulshooyinka ayaa horseedi karta burburka bulshada.


 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Akhri

Gorfaynta buugga Dabinkii Jiraalka

Published

on


Gorfaynta buugga: Dabinkii Jiraalka

Qore: Maxamed Xirsi.

Bogagga:187.

Daabacaadda: Hiil Press

Muddo bilo ah baanan Soomaaligii buug ama qormo xitaa ka akhrin ka dib, fasaxii COVID19 baan fakaag u helay buuggan oo la ii amaanay, la iigana digay in qoraagu Calmaani fogaaday yahay oo aan iska ilaaliyo.

Maalin aniga dhowr saac oo aan akhrinaayay ka dib, dibadda u baxay si aan nasasho yar ugu soo qaato, oo aan awood iyo baaxad iga luntay intii aan fadhiyay u soo ceshado, waaba isaga oo buuggii gacanta ku haya oo akhrisanaya, buugaagta kale ugama aan baqan jirine, kan waan u naxay, da’ uu ku xammilo shahwaaniyaddan qaawan iyo garaad uu ku qaadi karo fikirradan mutuxan ee buuggan ku dhigan ma uu jiro!  Si tartiib ah baan u wayddiiyay bogga uu maraayo, oo waaba aan hubsaday, “Waa Alle mahaddii, meelihii baas ma uu gaadhin” baan hoosta ka idhi, si farsamaysanna waan uga furdaamiyay oo sidii baan ku sii watay ilaa aan ka dhammaynaayay.

  1. Hordhac & Guudmar.

Buuggu waa sheeko-faneed si heer sarraysa loogu faro-yaraystay, taas oo ku saabsan nolosha dadyoow isku isir ah haddana meelo kala duwan ku noolaa, gudaha iyo dibadda Soomaaliya. Dadyoow kala duruuf iyo dan duwan baa ay sheekadu goobo isugu keenaysaa, taas oo xidid u ahaanaysa qoolasha ama DABINKA uu qoraagu buugga u la baxay. Jilayaashu badi waxay u eegyihiin dad badan oo Soomaali ah, oo aan odhan karo waa figradda uu qoraagu diiradda saaraayay.

Diiriye waa atooraha ku galgalanaaya, ee iskaga tallaabaayaa miyiga Soomaaliya ilaa magaalooyinak Yurub, waa ninka kitaab-xooraaya ee Ilaah-diid ku danbaynaaya, aakhirkana waxa uu kolba cid harawsado ee uu figradaha Shuuciyadda cid ku akhriyaba is dhiibaaya ee isaga oo nool ruuxdiisa iyo maankiisu galbanayaan. Sooyaal ahaan, sheekadu waxay cabbiraysaa inta uu fac noolaado, oo qiyaas ahaan qarni ku dhowdhow.

2. Maxaan u Bogay?

Dhiganahan, aragtidayda waxa uu ku jiray nus-darsin noociisan oo aan akhriyay, dhammaantoodna waxa uu kaga soocan yahay bar-bilowga, isku-xidhka dhacdooyinka iyo gebagaba. Matalan, qoraagu wuxu ku bilaabayaa sheekada isaga oo adeegsanaaya tabta ‘Exposition’ taas oo kol ku sii baraysa jilayaasha ugu culus ee aad kula kulmi doonto gudaha buugga,kol kalena hal-xidhaale ku noqonaysa akhristaha; isla qaabkaas baa uu qoraagu adeegsanayaa dhammaadka sheekada, iyada ooh al-xidhaalihii bilowgii furmay oo aad garanayso sababta ay dadkani goobtan ugu kulmeen iyo waxa ay yihiinba, iyana waa tab kale oo qoraagu adeegsaday oo loogu yeedho ‘Resolution’, horena buug Soomaali ah aanan ugu arag. Waan ku bogaadinayaa qoraaga.  

3. Maxaan Ku Diiddanahay?

Saddex baan kaga biyo-diiday buugga, qoraagana ku dhaleecaynayaa:

  1. Waxaa buugga ku jira aragtiyo badan oo foolxumo-jiid ah, kuwaas oo ay fidinayaan qayb ka mid ah ama ugu badnaan jilayaashu, ka kow yahay aktarka sheekadu (Diiriye Maarkoos), aragtiyahaasi waa kuwo dood ahaan aad u jaban oo liita oo qofka waxoogaa yar oo aqoon-guud ah u baahan yahay si uu u bushiyo, balse waxaa la yaab leh in sheekadan dhan laga waayay hal qof oo bushiya doodahaa liita ee dadka la hor keenayo? (Illeen waa in sheekadu furfurto wayddiimaha ay qabaan jilayaashu, haddii kale waa faral uu qoraagu saaray akhristaha oo uu isagu oo qoraaga ahi dhan u ridi kari waayay!) Matalan; Diiriye oo mulxid ah baa duraya nolosha ifkan, waxaaba uu aamminsan yahay in ay gef ahayd in ifkan kadeedka ah aadanaha lagu waalo, haye, dabadeedna? Waxa uu niman ay shaqo wadaag ahaayeen ku harawsanayaa in aanay ahayn in ifkan kadeedka ah la yimaaddo, indhaha ayay taagtaagayaan oo amakaag bay ka qaadayaan, micnaha waa dad badow jaahiliin ah.

Waxa uu sii raacinayaa in aanay jirin caddayn maaddi ah oo ILAAHAY-SoK jiraalkiisa sheegaysaa! Waa la is eegayaa oo aamus u dhigan in ay qaateen ama shaki wayn galay baa muuqanaysa, JOOGSI! Caddaymaha maaddiga oo looga jeedo la taaban karo lama ba koobi karo oo noloshan oo dhan ayaa maaddi ah oo innoo sheegaysa jiraalka Eebbe SoK, oo waa wax badanka la wada garanayo, dhaqan ahaanna ilmaha abaydinka ah ee miyiga jooga baa lagu ababiyaa in muuqaallada arliga oo dhan Eebbaha wayn caddaynayaan, dadkaa uu qoraagu sheegaayo ee intaa garan waayay garan maayo in uu jeebkiisa kala soo baxay, oo uu khiyaal been ah ku dhisay ama in uu ogaantiisa ugu badheedhay gefkaas, hadda eeg, xitaa haddii uu qoraagu inna odhanaayo way jiri kareen dad noocaas ah oo Soomaali ahi, waa wax ixtimaali ah ‘Probable’ run iyo been labadaba noqon karaysa, taasina dooddiisa ayay dhaawacaysaa.

Haddii qoraagu, ula-kac ka ahayd, waxa iga odhaah ah: Mudane, waa laga gudbay xilliyadii wax walba oo la maqlo ama la qoro duuduub lagu liqi jiray, wacyiga soo bidhiiqaya ee bulshada ayaa ka biyo-diidaya oo aan aqbali karin middaas.

  1. Aragtida wadaad-nacaybka: Wadaaddada diinta in la caayo ama la bahdilaa ma aha wax ugub ah, ee waa mid in badan soo taagnaa, ilaa waagii Nabiga (NKH) baa sumcad-dil iyo ceebayn la la dabataagnaa, waxa se aan dhaliil wayn u arkaa in jilaaga keli ah ee wadaadka ahi carqalad iyo dhib joogto ah ku yahay nolosha bulshada ay sheekadu sawirayso. Ma dafiraayo, waaba aan qirsanahay kaalinta taban ama togan ee wadaadku ka qaatay gudaha Soomaalida, si la mid ah aqoonyahanka, siyaasiga iyo qalinleyda; ase iin oo idil la saaraa waxa ay noqonaysaa marin-habaabin ‘Fallacy’ cad oo qaawan; inkasta oo ay tahay mid aan xoogganayn haddana waxa ka dhalanaaya natiijo xun oo ah in wadaad walba tabtaas oo kale yahay( Sida ay u muuqanayso), Matalan haddii aan idhaahdo: Qoraayada sheekooyinka badankoodu waa qalin cuddoonyihiin, Warfaa waa qoraa sheekooyinka qora, sidaa daraaddeed, Warfaa waa qoraa qalin cuddoon. Sidaa aad aragtaan natiijadaa ah in Warfaa qalin cuddoon yahay ma aha mid run badhaxa ah ee waxaa dhici karta in isaga oo sheekooyinka qora haddana uu noqon karo qoraa qoraalkiisu liito, balse marka hore waxa ay dooddani u muuqataa mid sax ah oo ku hoos mari karta. La ogaayoo, gorayo haad bay noqotay!!
  2. Waxa aan aad iyo aad u durayaa sida uu qoraagu u xushay erayada uu kaga faalloonaayo kulannadii dhex maray Dhudi intii ay dhaqan-celiska qol qol-joogta ah ahayd iyo wiilkii ay sheeka-wadaagga ahaayeen, falalkii jinsi ee dhex maray in carrabka lagu ballaadhiyo waxa uun bay la mid tahay filin galmo ah oo aad badka keentay! Walibana maanka akhristaha ku dhigmaaya. Maangal waxaa ah oo lagu doodi karaa in intaa yari akhristayaal badan ka mashquulisay ama illowsiisay boqollaal faa’iido oo uu maankiisa ku soori lahaa.

Akhiiran, buuggani waa mid la majeeran karo qoraal ahaan iyo qaab ahaanba, sidaa si la mid ahna lagu diidi karo isdiiddooyinka waallida ah ee uu xanbaarsanyahay. Aragtidayda, aan ka qabay ama aan odhan lahaa baan intaa ku soo ururinayaa. Qiimaynta buuggan waxaan siinayaa 8/10.

 

Halkan Ka Dagso  

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Gorfaynta Buugga WAALID-KAAB

Published

on


Magaca Buugga: WAALID-KAAB Qoraha dhiganaha: Saamiya Salaan Nuur

Waxaan diiradda saarayaa mugga iyo macnaha uu buuggaan xambaarsanyahay kama hadli doono habka qoraalka dhiganaha. Dhigganahaan oo ka kooban sagaashan iyo labo bog waa buug ka hadlaya toosinta iyo tarbiyeynta toolmoon ee ilmaha.

Waa buug waalidiinta iyo dadka kaleba ee carruurta la nool baraya habka ugu wanaagsan ee loo tabbabari karo ilamaha. Waa dhigane inoo sahlaya yagleelidda bulsho cusub oo ka duwan Soomaalida maanta. Shey kasta oo la unkayo waxaa laga soo dhisaa gunta iyo seeska si uu u noqdo mid waxtar leh. Haddii la hagaajiyo ebyidda aasaaska shey walba, sheygaas wuxuu noqonayaa mid qiimo iyo qaayo leh; haddii la hagaajiyo korinta iyo tarbiyeynta ilmaha waxaa soo baxaya bulsho akhlaaq ahaan iyo dhaqan ahaan u diyaarsan.

Buuggaan WAALID-KAAB waa buug dhinacyo badan ka eegaya habka korriinka wanaagsan ee ilmaha. Wuxuu ku dhexgeynayaa dareenka boqolaal carruur ah, waxaad dheehanaysaa waxyaabaha ku riixa inay carruurtu wanaag sameeyaan ama xumaan. Waa dhigane qof walba baraya sida ugu hagaagsan ee ubadka garaadkooda, garashadooda, gardaadintooda, aqoontooda iyo wacyigooda loo kobcin karo.

Qoraaga buugga ma ahan qof ubad ay iyadu dhashay soo korisay hase ahaatee markaad dhex gashid buugga waxaad dheehanaysaa inay aqoon iyo garasho fog u leedahay qaabka hanaanka leh ee dhaqan toosinta ilmaha. Intaan buuggaan akhrinayey, mararka qaar ayaan islahaa qoraagu ma niyaddaada ayuu ka hadlayaa.

Waxyaabo badan oo bulshada Soomaaliyeed ka sirgaxan ayuu dhiganahaan mugga iyo miisaan ka leh ka hadlayaa. In la baddalo dhaqanka qalafsan ee ilmaha ama carruurta lagu soo koriyo waa mid aqoonyahaniintu badi isku wada raacsan yihiin balse buuggaan ayaaba wada waxii lagu baddali lahaa iyo jaranjaradii loo raacii lahaa.

In bulshada Soomaaliyeed noqoto mid ad-adaygga iyo qalafsanaanta daris la ah waxaa sababa nidaamka barbaarinta jiilka cusub. Waxay Soomaalidu dhahdaa,

“Carruurnimo waa cadaab(ciil) laga koray”

Waa oraah muujinaysa in ilmanimadu tahay marxalad arxan darro deris la ah, qofku markuu weynaadana markasta xal u arka in la dilo kan laga awood badan yahay. Markaan ku soo noqdo wadiiqadii hore, buuggan wuxuu bulshada Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in taxadar iyo dedaal gooni ah la siiyo ilmaha. Soomalidu waxay dhahdaa

“Geed walba dheecaankiisa buu dhalaa”

Waxaan uga socdaa lammaane kasta sida ay u dhaqmaan ayaa ilmahoodu u qaabaysmayaan. Marka taas laga soo tago, cinwaan kasta iyo xaalad kasta uu buuggaan gudihiisa lagu faaqidayo waxaa ku sidkan xigmado, suugaan ama hadal-xigmadeed, waxyaabo badan ayaan ka faa’iiday xigmadihii aadka iiga daadagay waxaan ka soo qaadan karaa

“Waalidku waa inay ilmaha ka buuxshaan isqiimayn iyo kalsooni nafeed si dunida inteeda kale uga helin godad maran oo ay qashinka ku shubtaan”.

Marka la gorfeynayo waxyaabaha dhallinyarada u sahla in la xagjireeyo, waxaa jira aragti(Social identity theory) kasmo nafeed la xiriirta oo dhahaysa “ilmaha aan ku soo korin nolol nariis leh, ilmaha aan lahayn qoys(hooyo iyo aabbe) u soo naxariistay, waxaa u sahlan fulinta ficilada naxariis-darrada ah sida geysashada dilalka ama fulinta qaraxyada”.

Buuggaan wuxuu waalidiinka ku hanboorinayaa in ilmaaha naxariis lagu soo koriyo. Dhiganahaan wuxuu waalidiinta u far-muuqayaa in ilamaha loo barbaariyo sidii toolmoonayd ee Rasuulku(SCW) ula dhaqmi jiray ilmaha. Wuxuu inoo tilmaamayaa carruurta lagu koriyo casrigooda maddaama adduunkii isbaddalayo. Dhiganahaan WAALID-KAAB wuxuu ku baraarujinayaa faa’iidada ay leedahay inaad ilmaha la sheekeysatid.

Qoraaga buugga waxay xustay Afafka jacaylka oo ka kooban shan Af (five languages of love) waxayna xusaysaa in qofkasta leeyahay luuqad u gaar ah oo uu ku dareemi karo jacaylka loo muujiyo. Gudaha buugga waxaad ka dhex helaysaa faa’iidada sheeko carruureedka iyo sheeko carruureedyo falsafadeysan oo dheef badan u leh ubadka iyo hab fahankooda guud.

Qoraagu wuxuu waalidiinta ku hanboorinayaa ku dadaalidda naas nuujinta ilmaha, waxaa jira aragtiyo gun-dhow oo tabinaya in haddii gabadha ugubka ah ilmaheeda naaska nuujiso quruxdeedu ay kala dhantaalmayso, waa aragti aan raad lahayn Saynis ahaan iyo dhaqan ahaanba.

Naas nuujinta ayaa dheef u ah korriinka maskasda iyo garaadka ilmaha. Haddii aan xagal kale ka fiirinana faa’iido ayuu u leeyahay hooyada. Buug yarahan ayaa waalidiinta ku dhiirri-gelinaya in ay ku dedaalaan waxbarista carruurta weliba qaab cilmiyeysan. wuxuu kugu baraarujinayaa in ilmaha yar ee soo koraya dhaqankiisa iyo afkiisa lagu soo ababiyo, taas u gogol-xaareysa soo saarista jiil cusub oo aan ka tagin dhaqankii awoowayaashood.

“Waa buug waalidiinta iyo dadka kaleba ee carruurta la nool baraya habka ugu wanaagsan ee loo tabbabari karo ilamaha. Waa dhigane inoo sahlaya yagleelidda bulsho cusub oo ka duwan Soomaalida manta.” – Maxamed Cabdirisaaq

Marar badan ayaan dareemay in qoraagu xanxantaynayo khibrad nololeed aan waayo u soo joogay, adiguna laga yaabe e in aad u soo joogtay.

Toosintii carruurta badi waxay isugu soo arruurtay jir dil, taas oo saamayn taban oo mug leh ku leh hab-fikirka ilmaha. Wuxuu buuggu ina barayaa hababka kala duwan ee ilmaha loo fahmi karo loolana fal-geli karo.

Dhiganaha WAALID-KAAB wuxuu heerarka koritaanka ubadka u qaybinayaa saddex waji oo mid kasta leeyahay af iyo fahan gooniya oo waalid laga rabo inuu barto oo la dhaqan galo.

Nuxurka iyo macnaha buuggaan xambaarsan yahay halkaan kuma soo koobi karo e’ qof walba oo heli kara, waxaan kula dardaarmayaa inuu akhriyo buuggan.

Waxaan ku soo gunaanadayaa, waxaa jirta aragti la yiraahdo “aragtida Summadaynta” waa aragti qeexaysa sida ay u saamayso ilmaha hadalka waalidka ama macalinka, waa aragti tilmaamaysa in ilamaha waxyaabaha lagu sheego ay ka soo dhex muuqdaan, aragtidaan buuggeyga (ARAMMIDA DAHSOON) waan uga dhex hadlay.

Buuggaanna (WAALID-KAAB) waan ku dhex arkay, fahan guud haddaan ka bixiyo, ilmaha haddii lagu yiraahdo waad fiican tahay,quraanka waad xifdin kartaa iyo waad awooddaa, ilmuhu hididdiilo ayaa galeysa wuuna ka dhabaynayaa waxa lagu tilmaamay balse haddii lagu dhaho waxba ma xifdin kartid, damiin baad tahay, waalid caasi baad tahay iyo waxyaabo kale oo aragti taban ah, muddo ka dib calaamaddahaas ayaa ka dhex muuuqanaya ilmaha.

Ugu danbayn waxaa bulshada Soomaaliyeed buuggu ku dhiirri-gelinayaa in carruurta aadan dhallin aad ka fursan weydo korintooda, aad si hab-sami leh oo aan eex lahayn u korisid, adduunku waa harka labadiisa gelin e waxaad mutaysan doontid ma ogide. Sheekeeyin badan oo murugo iyo cibro qaadasho mudan ayaa ku jira qaybtaan.

Runtii aad ayuu ii taabtay mowduucaan, Ilaahay (Sarree oo korreeye) ha u naxariisto Ayeeyo Faadumo Muuse oo itustay iguna soo korisay jacayl iyo naxariis illaa heer aan iyada dunida ugu jeclaado iyadoo waalidkii i dhalay ay joogaan. Buugga WAALID-KAAB Nayroobi ayaa lagu soo bandhigay 2/2/2019. waddanka iyo goobaha kaleba dhawaan wuu soo gaari doonaa.

 

Mahadsanidiin

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Gorfeynta Buugga Hadimadii Gumeysiga:

Published

on


Buugga Hadmidii Gumeysiga waxaa qorey Qoraa Cabdiqadir Oroma. Qoraaga waxa uu goob joog u ahaa dhacdooyiinka badnaa ee guumeystayaasha ay ka geysteen dalkeenna Soomaaliyeed. Buugga daabacaddii ugu horeysay waxaa la daabacay 2005tii.

 Qaab Qoraalka Buugga:

 Buugga waa mid aad qurux badan, ereyada uu qoraaga isticmaalay waa kuwo aad u qoto dheer oo aadan ka caajiseyn maranaba, waxa uu isticmaalay hadal aad u qoto dheer. Waxa aan kula talin lahaa aniga Miski ahaan qof waliba oo doonaayo in uu taariikhda Dalka waxa ka oggaado inuu aqriyo buuggaan.

Xaqiiqdii  buugga waa mid aad u qiima badan waxa uuna ka kooban yahay bog ahaan 253bog, mana aha mid lagu soo koobi karo hal maqaal iyo wixii la mid ah.

Balse waxaan kusoo koobayaa dhowr qodob oo muhiim ah in aan ka oggaano taariiqdda Dalkeena  soo maray iyo raadkii u gumeysiga ku reebay Dalkeenna Hooyo.

Qodobka 1aad Ujeedadii Guumeystayaasha Dalkeenna ka lahayeen:

Ujoodoyinka ay  Dalkeena ka lahayeen waxa ay aheyd saddax u ujeeddo:

1-Ganacsi.

2- Gumeysi.

3- Gaaleysiin.

Qodobka 2aad Raadkii dhanka Beeraha Ay ku reebeen Guumeytayaasha  Dalkeena;

Marka ay ogaadeen guumeystayaasha in Dalkeenna leeyahay beero aad u wanaagsan, waxa ay go,aan ku gaareen sida ay u xaalufin lahaayen beerahaas, waxa ay Dalka ku beereen geed loo yaqaano geed yahuud oo aan lahayn waxa faa’iido ah, lama harsado, xoolahana ma cunaan, abaar iyo aaranna waa uu baxaa kaaga daran meesha uu ka baxaayo  ilaa 5m inta u jirto geed kama bixi karo, waana geed aad u tarmo.

Waxa aad ku arkaysaa marka aad dalka joogto in uu aad ugu fara badan yahay geed yahuudka, waxa uu leeyahay qodax sun oo hadday ku muddo ay halis gali karto naftaada, dadka qaar ayaa u dhintay qodaxdiis oo mudday darteed.

Sidoo kale waxaa jirey  Hey’addo NGO-yo ah oo markaa iska dhigaayeey in dadka ay wax u qabnayaan oo haddana curyaamin jirey beerelayda, waxa ay NGO-yadu Dalka  keeni jireen dalagg, markii ay arkaan in tacabkii ay beereen beereleyda oo soo go’ay, taasi waxa ay dhabar jab iyo cuna-qabteen ku noqotay beeraleydda.

Qodobka Saddaxaad Raadkii Dhinac Adeegsiga Luuqadda:

Soomalida oo ahaa dad aad u jecel luuqadoodda Hodanka ah, ayaa waxa ay guumeystayaashii u qurxuyeen in aysan wanaagsaneeyn isticmaalka luuqadoodda. Aqoonyahanka haddii uusan isku darin Soomali iyo ereyo ingriis ah aqoonyahan maba isuma heysto!!!!  Af  qalad aqoontu miyaa.

 Dhammaan ganacsigii Dalka ka furnaa waxaa lagu wada qoray luuqaddii guumeystayaasha, oo waxa aad ba arkaysaa meeshii ay ku qorneyd  dukaanka oo loo badaley ereyga ingiriiska ah ee “Shop”.

Qodobka Afaraad Raadkii Dhinac Dhoofinta Dalagga Dalka:

Dalkeena waxaa uu dhoofin jirey dalagg uu kamid ahaa moos, waxaana loo dhoofin jirey Dalalka ay kamid ahayeen Carabta, guumeystayasha waxa ay nagu direen wadamadii loo dhoofin jirey dalaggaas, waxa ayna ku dheheen dalalka carabta mooska Soomaaliya waxa laga heley cudur halis ah ee iska illaaliya, hadalkaas waxa uu ahaa been aan sal iyo raadba laheyn oo ay aqbleen dalalkii qaar kamid ah, wallow wadamadda qaar ay ku gacansereen wararkii gumeystayaha.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Wararka11 hours ago

Meet suitable mature singles & enjoy fun & flirty conversation

Ameerika23 hours ago

Gabadha Ilhaan Cumar ayaa ‘laga joojiyay jaamacada’ sababo la xiriira mudaaharaadka Falastiiniyiinta ee wajahaya xasuuqa

Diblomaasiyadda1 day ago

Diidmada qayaxan ee Maraykanku waxa uu si weyn u taageeray dalabka Falastiiniyiinta ee xubinnimada Qaramada Midoobay

Geeska Afrika1 day ago

Taliyihii ciidamada Kenya ayaa ku dhintay shil diyaaradeed

Geeska Afrika2 days ago

Deeq bixiyayaasha aduunka ayaa balaayiin gargaar ah u balan qaaday dalka Suudaan oo ay dagaaladu halakeeyeen

Afrika2 days ago

Dalka Burkina Faso oo eryay diblomaasiyiin Faransiis ah – sababta waa maxay?

Yurub6 days ago

Norway ‘waxay diyaar u tahay’ inay aqoonsato madax-bannaanida Falastiin: Ra’isul Wasaaraha Norway

Bariga dhexe6 days ago

Waa maxay sababta ay Israa’iil halis usii gelinayso xiisadda Bariga Dhexe?

Bariga dhexe6 days ago

Maxaa kasoo cusboonaday weerarkii ugu dambeeyey ay Iiraan ku qaadday Israa’iil?

Ameerika1 week ago

Victor Manuel Rocha, safiir hore oo Mareykanka ah – Safiirkii u basaasayay Cuba tobanaan sano, waxaa lagu xukumay 15 sano

Bariga dhexe1 week ago

Iiraan iyo Israa’iil oo lagu booriyay in ay xiisadda u dhexeeya qaboojiyaan

Siyaasadda Arrimaha Dibadda1 week ago

Kenya ayaa soo jeedisay in xal laga gaaro xiisada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan heshiiska dekedda

Sirdoonka & Militariga1 week ago

Jabhada Xoraynta Oromada – afka Oromada: Waraanna Bilisummaa Oromo

Geeska Afrika1 week ago

Mid ka mid ah mucaaradka Itoobiya oo toogasho lagu dilay

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Kumanaan shaqaale Hindi ah oo imanaya Israa’iil – mas’uuliyiin dowladda

Afrika2 weeks ago

Dunidu waxay ku fashilantay Ruwaanda 1994-tii – madaxweyne Paul Kagame

Geeska Afrika2 weeks ago

Kenya: Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in la tuuri doono haraaga 541 qof, oo ay ku jiraan 475 carruur ah

Dhaqaalaha2 weeks ago

Zimbabwe waxay soo saartay lacag ‘dahab’ ah oo ay ku beddeshay dollarka

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Maraykanka oo isu diyaarinaya weerar ‘aan laga fursan karin’ oo kaga imaan kara Iiraan – warbaahinta

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Sida ay Iiraan u samaysatay giraangirta cadawga ee ku xeeran Israa’iil

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 weeks ago

Yurub waxay xaday dhaxalkii Afrika ee Cadaaladu ma guulaysan doontaa?

Diblomaasiyadda2 weeks ago

Yukreyn ‘waxay noqon doontaa xubin ka tirsan NATO’ – Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Maxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay cayrisay safiirka Itoobiya, islamarkaana xirto qunsuliyado?

Diblomaasiyadda2 weeks ago

Ergeyga Mareykanka ee QM ayaa uga digay Iiraan inaysan weerar ku qaadin dadka Mareykanka ah ee weerarka qunsuliyada Suuriya

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Waa kuma taliyihii ciidamada Iiraan ee lagu dilay duqeynta Dimishiq?

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada2 weeks ago

Nibirowga Dhititaalka: Qalaalasaha digitaalka iyo loollanka caqlaaniga ah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 weeks ago

MD Xassan Sh. Maxamuud oo booqasho ku jooga Sacuudi Carabiya – Maxaa loogu yeeray?

Wararka3 weeks ago

Waa maxay sababta doorashada Istanbul ay u tahay doorasho aad indhaha loogu hayo ee Turkiga?

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Ciidamada Israa’iil ayaa isbitaalka Qaza ee Al-Shifa ku dilay 400 oo Falastiini ah

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Qaza waxaa ka socda weerarro, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in wadahadallada xabbad joojinta ay dib u bilaabmeen

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada3 weeks ago

Waa Maxay Nidaamka Boqortooyo?

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

Cutubyada 1aad illaa 4aad ee dastuurka Soomaaliya oo la ansixiyay – sidee loogu falceliyey?

Wararka3 weeks ago

QM: Burcad Haiti ah waxay dileen 1,500 qof saddex bilood gudahood

Aasiya4 weeks ago

Iscasilaadii Madaxweynihii Vietnam waxay muujinaysaa khilaaf ka dhex jira xisbiga – Falanqeeyayaasha

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay Qaza in la gaarsiiyo gargaar bini’aadantinimo oo ballaaran

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

Banaanbax uu soo abaabulay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo lagu taageerayo wax ka beddelka dastuurka

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

Haddii ‘Soomaali oo heshiis ah la rabo dastuurka yaanan la siyaasadeynin’ – Xisbiga Qaransoor

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Mareykanka ayaa burburiyay iskaashigii la dagaalanka argagixisanimada – Safiirka Ruushka Anatoly Antonov

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Doorka ciidanka iyo daryeel la’aantooda

Afrika4 weeks ago

Kacaankii Liibiya: Sida NATO ay u burburisay dowlad tobanaan sano la soo dhisaayey

Xul