Soomaaliya
Guddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Xubnahaan farsamadda ee ka socda dowladda Turkiga ayaa si aad isugu dayaya bal in labada dhinac wax uun isugu soo dhaweeyaan si xalwaara looga gaaro khilaafkaan siyaasaddeed ee ragaadiyay dalkeenna.

Wararka ayaa sheegaya in kulumada iyo wadahadallada u dhexeeya guddiga farsamadda dhinacyada mucaaradka iyo dowladda federaalka ay ka socdaan magaaladda Muqdisho iyadoona lagu wado in saacadaha soo aaddanba ay war kasoo baxaan.
Kulanka ayaana warar kasoo baxaya waxay tilmaamayaan in beesha caalamka oo dhankeeda kusoo biirtay kulankaasi garwadeenka uu ka ahaa dowladda Turkiga sidoo kalena ay ku kala dhexdhaxaadinaayeen dhinacyada mucaaradka iyo dowladda federaalka ayna markaani wado inay soo gudbiso nidaam cusub oo doorasho ah haddii aan wax xal ah laga gaarin arrimaha doorashooyinka iyo geeddi u socodka dalka.
Arrintaan ayaan wararku tilmaamayaan in haddii dhinacyada aysan heshiis rasmi ah ka gaarin khilaafkooda in ay soo saari doonaan go’aanka dhexdhexaadiyaasha iyo xubnaha ka socda beesha caalamka qoddobo labada dhinac ku qasbanaan doonaan in ay qaataan inkastoo dowladda Soomaaliya dhankeedu ay saluugsan tahay qoddobada iyo waxyaabaha kale sida aadka ah loogu falanqeynaayo kulanka maadaama iyadu ay sheegayso in dalka u diyaarisay nidaam iyo hannaan sax ah taasi oo ah mid ay ku baxday qarash iyo fikir badan sidoo kalena nidaamkaasi dalku haatan ku socdo uu yahay mid sax ah shacabkuna ay taageersan yihiin sida ay ku doodayaaan xubnaha ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.
Balse mucaaradka dhankooda ayaa sheegaya in dowladdu dhammaanba ay gacanteeda gelisay doorashadii iyo waliba dhaqdhaqaaqii dalka sidoo kalena Xasan Sheekh Maxamuud kaliya uu yahay midka talladiisa waxwaliba ku go’aaminaayo ayna jirin wax wadahadal ah iyo in miiska wadahadalka labada dhinac ku gaaraan go’aano xal looga gaarayo arrimaha khilaafka ee marba marka ka dambeysa sii kordhaya.
Xubnahaan farsamadda ee ka socda dowladda Turkiga ayaa si aad isugu dayaya bal in labada dhinac wax uun isugu soo dhaweeyaan si xalwaara looga gaaro khilaafkaan siyaasaddeed ee ragaadiyay dalkeenna.
Geesta kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlaayay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda dalka maanta uu taagan yahay.
Siyaasiga ayaa tilmaamay in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa siyaasaddeed ay dalka dhigeen xaalad halis badan loona baahan in wadatashi iyo heshiis iyo wadar oggol looga gudbiyo marxaladda kala guurka ah ay Soomaaliya maanta taagan tahay.
Laakiinse Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxa uu quus ka muujiyay filashadaasi dhinaca Villa Soomaaliya si gaar ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday.
Mar uu ka hadlaayay arrinta ku saabsan wadahadallada bilowga ah ee Turkida shir guddoominayaan isne dhexdhexaadinayaan ee mucaaradka iyo dowladda muddo xileedkeeda dhammaaday ayuu tilmaamay in Golahooda Mustaqbalka mowqifkoodu uu cadyahay hase ahaatee mucaaradka ay ku jiraan xubno aan mowqifkooda cadeyn isla markaana rabaan inay dafiiciyaan sida uu hadalka u dhigay doodda dhanka mucaaradka taasina aysan aqbali doonin.
Inkastoo quustaasi uu ka muujinaayo madaxda waqtigoodu dhammaaday ee Villa Soomaaliya haddana maalinta berito oo taariikhda ku beegan tahay 20-ka Luulyo 2026, ayaa loo madalsan yahay inay dhinacyada mucaaradka guddiyadooda farsamo ay markale dib isugu yimaadaan iyo Villa Soomaaliba wada-xaajoodyada ay Turkiga dhexdhexaadinta ka yihiin kuwaasi oo wajiga Labaad la filaayo in berito ay markale dib ugu bilowdaan gudaha magaaladda Muqdisho.
Arrimaha Amniga
Ciidanka taabacsan Cabdicasiis Laftagareen oo la wareegay magaaladda Buur-hakaba
Dagaal ku biloowday isku adeegsashada hubka culus ayaa ka dhacay gudaha magaaladda Buur-hakaba ee Gobolka Baay kaas oo soo gaaray illaa iyo 8:00 subaxnimo.

Wararka saakay naga soo gaaraya magaaladda Buur-hakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in waabarigii ay weerar ku qaadeen halkaasi ciidamada taabacsan Madaxweynaha xilka awoodda ciidan looga tuuray ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ee ka hawlgalayay muddooyinkii ugu dambeeyay dhanka magaaladda Baydhabo iyo deegaano kale oo ka tirsan isla gobolka Baay.
Dagaal ku biloowday isku adeegsashada hubka culus ayaa ka dhacay gudaha magaaladda Buur-hakaba ee Gobolka Baay kaas oo soo gaaray illaa iyo 8:00 subaxnimo. Waxaana lagu soo warramaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray ciidamada kala taabacsan Laftagareen iyo Aadan Madoobihii lagu doortay magaaladda Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in uu jiro khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka, waxaana sidoo kale ay tilmaameen in gudaha magaaladda Buur-hakaba lagu dhex arkay ciidamada taabacsan Cabdicasiis Laftagareen oo si raxan-raxan ah ama koox-koox u socda iyaga oo qeybo badan oo magaaladda gacanta ku dhigay.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa kale oo taabacsan Aadan Madoobe balse iyagana u dhashay Buur-hakaba ayaa magaaladda Buurhakaba gacanta ku haayay muddooyinkii ugu dambeeyay waxaana laga dareemaya Buur-hakaba saasaanta colaadda. Wasiir ka tirsan garabka maamul ee Madaxweyne Laftagareen ahna Wasiirka Shaqada iyo Shaqaallaha ee Maamulka Dibadjoogga ah ee Laftagareen, Maxamed Ibraahim Bilaal oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhankooda guul ay ka gaareen sida uu hadalka u dhigay dagaalka guud ahaana magaaladda ay gacanta ku dhigeen.
28-kii bishii Sebteembar ayay ahayd markii dhinaca Maamulka Laftagareen ee dibadjoogga ah ciidamada lasafan misne taabacsan ay weerar xooggan ay ku qaadeen magaaladda Baydhabo halkaasi oo khasaaro xooggan laga soo weriyay oo dhimasho iyo dhaawac isugu jiray.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeeda dhammaaday 15-kii Maay ee sanadkan ayaa magaaladda Baydhabo doorasho khilaaf xooggan uu hareeyay kusoo saartay Aadan Madoobe 10kii bishii Juun ee isla sanadkaan. Wixii ka dambeeyay Juun illaa iyo xilligaan Baydhabo oo haysata Toddobadii sano ee lasoo dhaafay nabad waxay gashay xaalad colaadeed dadkuna haatan waxa ay qarka u saaran yihiin magaalada guud ahaanteed inay isaga guuraan.
Shacabka Baydhabo ayaa sheegaya Toddob sano oo ay amni ahayd magaaladaasi in haatan isku beddeshay goob furin dagaal ah oo bartamaha magaaladda si toos ah ay ugu dagaalamayaan maamulkii hore iyo kan dhowaan laga dhisay Koonfur Galbeed Soomaaliya xaaladuna ay tahay mid ay u arkaan quus. Dowladda Federaalka ee muddo xileedkeeda dhammaaday ayaa si weyn gacan ugu geysatay in Aadan Madoobe markii Laftagareen xukunka laga tuuray uu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoo xittaa tartankii doorashada ee ka dhacay billo kahor magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lasoo wariyay in kursiga uu ahaa kaliya mid loo xiray Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), xiisadii ka dhalatay doorashadaas iyo tuuristii Maamulka Laftagareen ayaa keentay xaaladda amni darro ee maaantu ay wajaheen shacabka boqolaalka kun ama Malaayiinka ee ku nool magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Aadan ayaa ku sugan beriyahaan magaaladda Muqdisho iyada oo dowladda Soomaaliya dacwo ugu soo gudbiyay in qaati uu ka taagan yahay Madaxweynihii xukunka kaga horreeyay Cabdicasiis Laftagareen lagana gacan siiyo sidii xaaladda Baydhabo loo dejin lahaa una hanan lahaa maamulka. Laakiin dadka indheergaradka ayaa isweydiinaya sida ay Villa Soomaaliya ugu suurtagal karto in Aadan Madoobe haddii kursiga la geeyay haddana lagu sii haayo halkaasi maadama isagu ay tahay shaqo u taalo in maamulka iyo bulshadiisa iyo amniga uu hanto.
Qurbo Joogta
Mustaqbalka Soomaalida magangelyo-doonka ah ee Ingiriiska oo su’aalo ka taagan yihiin
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay kor u kaceen tirada guud ee dadka laga celinayo dalka Ingiriiska.

Dowladda Ingiriiska ayaa ballaarinaysa dadaallada ay dib ugu celinayso dadka aan sharci ahaan xaq ugu lahayn inay dalka sii joogaan, iyadoo Soomaalida ka mid yihiin muwaadiniinta ay khuseyso siyaasaddan cusub ee Ingiriiska dalkiisa ka hirgelinaya.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska ayaa soo saartay hagitaan cusub oo ku saabsan taageerada Soomaalida dib ugu laabata dalkooda, haddii ay noqoto si iskood ah ama dib-u-celin lagu sameeyo. Barnaamijkan oo ay fulinayso hay’adda IRARA ayaa dadka xaqa u leh siinaya taageero ay ka mid yihiin hoy ku-meel-gaar ah, gaadiid, dib ula midoobidda qoysaskooda iyo caawimaad la xiriirta helitaanka shaqo ama bilaabista ganacsi.
Dadka doonaya inay helaan taageeradan waxaa laga rabaa inay IRARA la xiriiraan saddex bilood gudahood marka ay Soomaaliya ku soo laabtaan, waxaana taageerada dib-u-dhexgalka la heli karaa muddo gaareysa 12 bilood. Hase yeeshee, jiritaanka barnaamijkan taageerada ahi keligiis ma caddaynayo in qof kasta oo magangelyo-doon Soomaali ah la masaafurin doono, maadaama xaaladda qof kasta ay ku xiran tahay go’aanka laga gaaray codsigiisa iyo xuquuqdiisa sharci.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay kor u kaceen tirada guud ee dadka laga celinayo dalka Ingiriiska. Xogta rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa muujinaysa in muddadii u dhexeysay 1-dii Luulyo 2024 iyo 31-kii Luulyo 2026, la diiwaangeliyey 80,286 dib-u-celin, kuwaas oo isugu jiray dad iskood u baxay iyo kuwo si khasab ah loo celiyey.
Tiradaas waxaa ku jiray 24,471 dib-u-celin oo la xiriiray kiisaska magangelyada, balse xogtu ma sheegin in tiradaasi tahay Soomaalida oo keliya. Dadka magangelyo-doonkooda la diiday waxay wajihi karaan dib-u-celin marka ay dhammaadaan xuquuqdooda racfaanka oo aanay haysan oggolaansho kale oo ay dalka ku sii joogaan.
Bishii Sebteembar 2026, Tirada muwaadiniinta Soomaalida ee lagu diiwaangeliyey inay doonyo yaryar kaga gudbeen kanaalka Ingiriiska ayaa si weyn u korortay, iyadoo Soomaalidu ay ka mid noqdeen jinsiyadaha ugu badan ee lagu arkay dadka sidaas ku galay dalka.
Tirakoobkii ugu dambeeyey ee dowladda Ingiriiska ayaa muujinaya in dadka Ereteriyaanka ay ahaayeen kooxda ugu badan iyagoo ka noqday 18% dadka doonyaha yaryar ku taga wadankaasi. Suudaaniyiinta iyo Afgaanistaaniyiinta ayaa midkiiba ahaa 13%, halka Soomaalidu ay ahaayeen 12%. Dowladda Britain ayaa sheegtay in xogtaasi khuseyso dadka lagu qabtay ama lagu diiwaangeliyey inay doonyo yaryar kaga soo gudbeen kanaalka ayna ka tarjumayn dhammaan noocyada socdaalka sharci-darrada ah ee dalka.
Xogtu waxay muujinaysaa in 3,901 muwaadin Soomaali ah ay doonyo yaryar ku gaareen Britain muddadii u dhaxeeysay bilooyinkii Juun 2025 ilaa Juun 2026, taas oo ah koror 76% ah marka loo eego sannadkii ka horreeyey, isla muddadaas tirada Ereteriyaan-ka ayaa gaartay 5,875, halka dadka kasoo jeeda Suudaan ay ahaayeen 4,191. Mas’uuliyiinta Ingiriiska ayaa sheegay in dad badan oo isku dayaya inay kanaalka ka gudbaan ay marka hore soo maraan dalal ka tirsan Yurub, kahor inta aysan gaarin xeebaha Faransiiska, halkaas oo shabakado dadka tahriibiya ay u abaabulaan iskudayga ay ku gaaraan Britain.
Arrinta tahriibka doonyaha yaryar ayaa noqotay mid si weyn uga dhex taagan doodaha siyaasadeed iyo kuwa bulshada Ingiriiska, iyadoo dowladda iyo dowladaha kale ee Yurub ay wajahaan cadaadis ku aaddan yareynta socdaalka sharci-darrada ah iyo burburinta shabakadaha dadka tahriibiya. Dadkaan muhaajiriinta ah dhalinyaradaan u badan ayaa waxay ka hayaameen colaadaha iyo shaqo la’aanta baahsan dalalkooda, waxay inta badan Soomaalida ay naftooda ay ku waayaan badaha ay kamid yihiin Liibiya Meditirain-ka halkaasi oo in badan ku dhinteen.
Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa dhowaan warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay ku dhawaad dad gaaraya kumanaan qofood inay sanad kastaba ku geeriyoodaan xeebaha dalalka dhaca kaabiya ku haaya dalalka Yurub iyadoo sidoo kale Liibiya ay kamid tahay meelaha ugu daran ee dhibaatooyinkan ka taagan yihiin.
Qaar badan oo kamid ah Soomaalida ku jira ee ku sugan dalka Liibiya ayaa xabsiyo waxay ugu jiraan tahriibiyaal, iyagoo loo haysto in badan oo kamid ah madax furasho oo eheladooda lagu xujeysto. Dowladda ayaa sheegtay in ay qaadayso tallaabo arrintaan kaga jawaabayso maadaama ay sii kordhayaan dhalinyarada in badan oo kamid ah Soomaalida oo ku dhimanaya xeebaha dalalka Liibiya, Talyaaniga, Spain iyo Al-Jeeriya. Liibiya ayaa muddo dheer ah ahayd marin muhiim ah oo ay maraan muhaajiriin kasoo cararay colaadaha faqriga iyo xaaladaha adag ee ka jira dalalka qaarada Afrika, iyagoo iskudayaya inay gaaraan qaarada Yurub.
Doorashada
Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee Galmudug oo loo asteeyay 22-ka Oktoobar
Sida ku cad jadwalka uu guddigu soo saaray, waxaa 13-ka Oktoobar la shaacinayaa Golaha Wakiillada Galmudug, halka 14-ka iyo 15-ka Oktoobar loo qorsheeyay diyaar-garowga xildhibaannada.

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa shaaciyay jadwalka guud ee doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, iyadoo doorashooyinka la qorsheeyay inay dhacaan inta u dhexeysa 13-ka iyo 22-ka Oktoobar 2026 ee bishaan.
Sida ku cad jadwalka uu guddigu soo saaray, waxaa 13-ka Oktoobar la shaacinayaa Golaha Wakiillada Galmudug, halka 14-ka iyo 15-ka Oktoobar loo qorsheeyay diyaar-garowga xildhibaannada. Dhaarinta Golaha Wakiillada ayaa dhici doonta 16-ka Oktoobar. Sidoo kale, 17-ka Oktoobar ayaa la qabanayaa Araajida Musharraxiinta u tartamaya guddoonka iyo ku-xigeennada Golaha Wakiillada, halka 18-ka Oktoobar loo asteeyay khudbadaha musharraxiinta iyo doorashada guddoonka baarlamaanka.
Dhanka doorashada Hoggaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug, guddigu wuxuu sheegay in 19-ka iyo 20-ka Oktoobar la qaban doono araajida musharraxiinta u tartamaya xilalka hoggaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa. Musharraxiinta ayaa khudbadahooda jeedin doona 21-ka Oktoobar, halka doorashada hoggaamiyaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa loo asteeyay 22-ka Oktoobar.
Jadwalkan ayaa qeexaya marxaladaha doorashada hoggaanka baarlamaanka iyo maamulka Galmudug. Hase yeeshee, faahfaahinta ku saabsan musharraxiinta tartamaya iyo habraacyada kale ee doorashada kuma jiraan jadwalka la shaaciyay.
Geesta kale, Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa si kama dambeys ah maalintii shalay u ansixisay natiijada doorashada ku-celiska ah ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galmudug, taas oo qabsoontay 30-kii Sebteembar 2026. Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu Maxkamadda Sare u gudbiyay codsi ku saabsan ansixinta kama dambeysta ah ee natiijada doorashada.
Maxkamaddu waxay sheegtay in ay dib u eegtay dukumentiyada la xiriira codsiga, isla markaana ay xaqiijisay in aan la soo gudbin dacwad waafaqsan qoddobka 73aad ee sharciga doorashooyinka qaranka, kaas oo ka hor imaanaysa natiijada doorashada ku-celiska ah ee Galmudug.
Sidoo kale, Maxkamaddu waxay tixraacday qoddobada sharciga doorashooyinka iyo habraaca u degsan ansixinta natiijooyinka doorashooyinka, kuwaas oo awoodda ansixinta kama dambeysta ah siinaya Maxkamadda Sarre, kaddib marka guddiga doorashooyinku si ku-meel-gaar ah ugu dhawaaqo natiijada. Liiska natiijada ku jirta go’aanka Maxkamadda ayaa xusay musharraxiin ku guuleystay kuraas ay ku tartameen ururro siyaasadeed oo kala duwan.
Maxkamadda Sare ayaa sidoo kale amartay in go’aanka loo gudbiyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isla markaana loo faafiyo si waafaqsan habraacyada sharciga ah, Ansixintan ayaa dhammaystiraysa marxaladda garsoorka ee xaqiijinta natiijada doorashada ku-celiska ah ee Golaha Wakiillada Galmudug, sida ku cad go’aanka Maxkamadda Sare.
Soomaaliya
Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay qaraarka taabbo-gelinta Dastuurka cusub
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, hindise-sharciyeedkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah tan iyo 1968-kii, sida ay dowladdu sheegtay.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay qaraarka taabbo-gelinta Dastuurka cusub, iyaga oo guddi wasiirro ah u xilsaaray diyaarinta hindise-sharciyeed qeexaya dhismaha Xukuumadda, tirada xubnaheeda iyo waajibaadkooda.
Shir aan caadi ahayn oo xalay guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayay goluhu kaga hadleen fulinta Dastuurka, dowlad-dhiska iyo xoojinta hay’adaha dowladda. Guddiga loo magacaabay dardargelinta fulinta Dastuurka waxaa guddoominaya Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, waxaana loo qabtay muddo laba bilood ah si uu u diyaariyo hindise-sharciyeedka dhismaha Xukuumadda, kaas oo lagu qeexi doono tirada wasiirrada iyo waajibaadka hay’adaha xukuumadda.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, hindise-sharciyeedkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah tan iyo 1968-kii, sida ay dowladdu sheegtay. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulanka ka sheegay in Dastuurku dhaqan-gal yahay isla markaana fulintiisa loo marayo marxalado kala duwan. Waxa uu sidoo kale xusay qorshaha Xukuumadda ee ah in sannadka 2027 dalka laga qabto doorasho heer federaal ah oo qof iyo cod ah.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo ku saabsan soo celinta nidaamka koodhka Soomaaliya ee Ururka Gaadiidka Cirka Caalamiga ah (IATA), kaas oo la xiriira nidaamyada maamulka tigidada diyaaradaha. Wasaaraddu waxay sheegtay in dib u soo celinta nidaamkan ay muhiim u tahay maamulka iyo nidaaminta adeegyada tigidada duulimaadyada, xiriirka nidaamyada safarka caalamiga ah iyo horumarinta adeegyada duulista rayidka ee Soomaaliya.
Dastuurka cusub waxaa ansixiyey labada Aqal ee Baarlamaanka JF Soomaaliya
4-ta bishaan maarso kulan ay si wadajir ah u yeesheen Xildhibaanada iyo Senatorrada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ku meelmariyay wax-ka-beddelka iyo dhammeystirka Dastuurka. Guddoonka Baarlamaanka ayaa shaaciyay in kooramka Xildhibaanada ku sugan BFS uu yahay 186 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 36 Senator oo Aqalka Sare ah, maanta laga bilaabana uu dhaqan-gal yahay dastuurka dalka. Sida dastuurka ku cad ansixinta dastuurka in loo baahan yahay 220 Xildhibaan 184 Aqalka hoose iyo 36 Aqalka sare ah.
Dastuurkan waxaa ku jira qodobo badan oo muran siyaasadeed iyo dood sharciyeed ka taagan tahay, gaar ahaan cutubyada 4aad ilaa 15aad. Cutubyadan waxay taabanayaan arrimo aad u muhiim ah sida maamulka kheyraadka dabiiciga ah, awood qaybsiga dowladaha federaalka iyo dowlad goboleedyada, hay’adaha dowladda, nidaamka garsoorka, iyo habka wax ka beddelka dastuurka. Muranka ku saabsan qodobadan wuxuu saameyn weyn ku leeyahay xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dowladnimo ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa bishii Maarso 2026, saxiixay dastuurka cusub ee dalka si uu u dhaqan galo, taasoo soo afjartay dastuur ku meel gaar ah oo muddo dheer soo jiray. Madaxweynaha ayaa Axaddii ogolaaday dib-u-habaynta dastuurka Soomaaliya. Afhayeennada baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa.
Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in hirgelinta dastuurka cusub ay si degdeg ah u dhaqan gasho, wuxuuna rajo ka muujiyay in sharciga cusub uu qaranka u horseedi doono “xasillooni siyaasadeed.“ Dastuurka ayaa soo bandhigaya isbeddello badan, oo ay ku jiraan shuruudaha madaxweynaha, xaddidaadaha muddada, iyo qaabka loo dooranayo wakiillada dadweynaha ee baarlamaanka.
Arrimaha Amniga
Maxay ka dhigan tahay in Dowladda Soomaaliya Laftagareen iyo Taliye Shub ay ku dartay liiska cunaqabateynta maaliyadeed ee la xiriirta Al-Shabaab?
Guddigu wuxuu sheegay in tallaabada ay salka ku hayso xog iyo caddeymo uu qiimeeyey oo la xiriira tuhunno ku saabsan taageerada maaliyadeed ee Al-Shabaab.

Guddiga Qaranka ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada ee Soomaaliya ayaa liiska cunaqabataynta maaliyadeed ku daray 10 qof oo uu ku tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.
Dadka magacyadooda la shaaciyey waxaa ku jira Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Shubka. Go’aanka ayaa soo baxay maalinta shalay isla markaana dhigaya in la xayiro hantida dadka liiska lagu daray laga mamnuuco macaamillada maaliyadeed ee lala sameeyo, isla markaana Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee Soomaaliya (FRC) lagu wargeliyo dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee lala xiriiriyo.
Guddigu wuxuu sheegay in tallaabada ay salka ku hayso xog iyo caddeymo uu qiimeeyey oo la xiriira tuhunno ku saabsan taageerada maaliyadeed ee Al-Shabaab. Hase yeeshee, dukumentiga lasoo bandhigay ma faahfaahin caddeymaha gaarka ah ee qof kasta lagu saleeyey go’aanka. Laftagareen ayaa markii ugu horreysay hoggaanka Koonfur Galbeed loo doortay sannadkii 2018, wuxuuna xilka hayey illaa dhammaadkii Maarso 2026, markaas oo ay Dowladda Federalka talada si xoog ah talada ugala wareegtay, iyadoo Koonfur Galbeed ka dhistay maamul cusub.
Cabdicasiis Laftag areen ayaa tan iyo intii laga tuuray xukunka wuxuu duullaan ku ahaa magaalada Baydhabo, isagoo qaaday illaa afar jeer oo weerraro ah oo dhaliyay khasaare xooggan. Ciidankiisa daacadda u ah wax ay haatan ku sugan yihiin duleedka magaalada Baydhabo.
Sida ku cad dukumentiga, hay’adaha maaliyadeed iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso sharciga waxaa laga mamnuucay inay macaamillo la sameeyaan dadka liiska ku jira. Waxaa sidoo kale waajib ku ah inay xayiraan hantida ay leeyihiin, isla markaana Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee Soomaaliya (FRC) u gudbiyaan warbixinno degdeg ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee lala xiriiriyo.
Guddigu wuxuu intaas ku daray in xiriir kasta oo dhaqaale ama fududeyn maaliyadeed oo loo sameeyo dadka liiska ku jira uu mamnuuc yahay, iyadoo cid kasta oo jebisa go’aanka lala tiigsan karo sharciga. Magacyada liiska waxaa kamid ah, 1· Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen 2· Xassan Cabdulqaadir Maxamed 3· Mahad Cabdiraxmaan Aadan Shub 4· Ibraahim Aadan Cali Najax 5· Xassan Cabdi Maxamed Ugaas Xassan 6· Cabdullaahi Cali Watiin 7· Cabdifitaax Mahad Cabdiraxman 8· Cabdimajiid Mowlid Xassan 9· Amiin Mad Daruur 10· Abshir Aadan Isaaq.
Iskahorimaadyada hubeysan ee ka dhacaya magaalada Baydhabo waxay muujinayaan in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoogagga taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, uu isu beddelay xaalad amni oo si toos ah u taabanaysa shacabka.
Dagaalada dhexmaraya ciidamada federaalka ah iyo xoogaga maxalli ah oo daacad u ah Laftagareen, iyadoo warbixinno ay sheegeen in magaalada iyo hareeraheeda laga adeegsaday hub culus, diyaarado dagaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn. Dowladda federaalku waxay sheegtay in ciidamadeedu iska caabiyeen weerarka, halka Laftagareen uu bogaadiyay hawlgalkii dagaalyahannadiisa. Marka laga fiiriyo aragtida cilmiga amniga, dhacdadan looma fahmi karo oo keliya dagaal u dhexeeya laba ciidan. Waxay ka dhalatay isku-dhaca sharciyadda siyaasadeed, awood-qaybsiga federaalka, xakamaynta hay’adaha amniga iyo tartanka hoggaanka Koonfur Galbeed. Siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa door muhiim ah ku lahayd isbeddelka siyaasadeed ee Baydhabo, balse dhacdooyinka soo noqnoqday waxay sidoo kale muujinayaan kharashka amni iyo bani’aadannimo ee ka dhasha marka khilaaf siyaasadeed lagu xalliyo cadaadis iyo awood ciidan.
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Ganacsiga3 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Diblomaasiyadda1 month agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Afrika3 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Yurub3 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Doorashada3 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Sirdoonka & Militariga3 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Afrika3 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Arrimaha Amniga1 month agoMadaxweyne Mustafe Cagjar oo Jabhada ONLF ku eedeeyay inay rabto in ay deegaanka qalalaase galiso
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Ganacsiga & Dhaqaalaha1 month agoMaxay ka dhigan tahay in Markabka dagaal ee Turkiga ku soo xirto dekedda Muqdisho?
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Arrimaha Amniga1 month agoGolaha Ammaanka QM oo shaaciyay tirada dagaalyahaanada Daacish ee ku sugan Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoColaadda Mareykanka iyo Iiraan oo saameyn ku yeelatay amniga Maraakiibta mara biyaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Sirdoonka & Militariga2 months agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Afrika2 months agoBangigga Adduunka oo shirkad Kenyaan ah ka mamnuucay mashaariicda Soomaaliya
Afrika3 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Arrimaha Amniga3 months agoCiidamada Kenya oo hawlgallo baaxad leh kawada xadka ay la wadaagto Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Soomaaliya3 months agoShan sano kadib Madaxweyne Xasan Sheekh wixii uu kaga digi jiray MW hore Farmaajo miyuu Soomaali bidayaa?
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga difaaca iyo mustaqbalka AUSSOM
Arrimaha Amniga1 month agoYemen oo sheegtay in meydadka dagaalyahanno Al-Shabaab ah laga dhex helay Xuutiyiinta lagu dilay dagaallo ka dhacay dalkaasi
Tahriib iyo Tiiraanyo1 month agoSoomaalida oo ka mid noqotay kooxaha ugu badan ee doonyaha yaryar ku taga Ingiriiska
Diblomaasiyadda3 months agoMasar oo Itoobiya ku eedeysay inay ‘siyaasadeyneyso’ howlaha biyo-xireenka Webiga Niil
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inuu tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta dowladdiisa
Ganacsiga & Dhaqaalaha2 months agoMaxay yihiin dhagaxaanta laga soosaaray gunta hoose ee ceelka shidaalka Soomaaliya laga qodayo?









































