Soomaaliya
Guux xooggan oo ka taagan Muqdisho kadib go’aanadii adkaa ee ku dhawaaqeen Mucaaradka
Xilligaan waxay ku eeddeeyeen Mucaaradka dowladda waqtigeeda sii dhammaanaya ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ku foogan tahay qorsheyaal gurcan oo iyaga lagu beegsan karro.

Saacadihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaalida ayaa si weyn waxay u hadal haayeen go’aanadii kasoo baxay Mucaaradka Soomaaliya ee ka dhanka 15-ka Maay iyo Madaxweyne Dowladda Federaalka Soomaaliya iyagoo oo dalbaday in hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay kaliya dalka ay ka shaqeynayso halka ay kasoo horjeesteen doonista Villa Soomaaliya iyo waxa haatan ka socda qaar kamid ah gobollada dalka ee doorashooyinka sida Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Warkii adkaa ee shalay galabtii kasoo baxay xubnaha Mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka gaar ahaan heybta Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud xigta waxaa uu ahaa midkii ugu adkaa marka loo eego hadalladooda hore iyo shirarkii hore ugu yeesheen magaalada Muqdisho, waxaana go’aanadooda kamid ahaa inay is-difaaci doonaan oo xaaladda ay tegi doonto gacan haddii dowladda federaalka Soomaaliya iskudaydo in amnigooda ay halis geliso.
Xilligaan waxay ku eeddeeyeen Mucaaradka dowladda waqtigeeda sii dhammaanaya ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ku foogan tahay qorsheyaal gurcan oo iyaga lagu beegsan karro misne dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Mucaaradka, beegsiga dadka rayidka ah ee raba inay fikirkooda dhiibtaan iyo eedeymo kale.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa soo saaray war qoraal ah oo casuumaad shir ah oo ugu yeeray Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, golahaasi waxaa laga filayaa inay soo saaraan waqtiyada soo aaddan jawaab la xiriirta shirkaasi ugu baaqay Madaxweynaha 10-ka bishaan Maay haddii ay aqbali doonaanba iyo haddii ay diidaan intaba.
Laakiin Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud qoraalkiisa marnaba ma aysan ka muuqanin 15-ka Maay inuu garwaaqsan yahay waqtigiisa dastuuriga ah inuu ka dhammaaday ama in kale.
Hadal uu jeediyay hal sanno kahor Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ee la xiriira in 15-ka Maay aan waqtiga ka dambeyn doonin in dalka doorasho uu aaddo uu diyaar u yahay Madaxweynaha isaga beddeli doona ama isaga a doortaba. Haatan oo la joogo 3-da Maay muddo xileedka Madaxweynaha ay kaliya ka harsan wax ka yar 15 maalmood majirto Madaxweynuhu hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay oo dhinaca farriintaasi u diraayay xilligaan ay heshiis ku wada yihiin iyo saansaanteeda intaba.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-ka Maay oo waqtiga uu kaga dhacaayo kaliya ay xilligaasi kaga harsan tahay muddo lagu tilmaamaayo 12 illaa 11 maalmood haddana waxaa u diyaarsan Madaxweyne Xasan Sheekh kacdoono siyaasadeed oo xubnaha Mucaaradku ay sheegeen haddii mowqifkiisa kusii taagnaado in lama huraan ay tahay inay qaadaan.
Waxaa kale oo xusid mudan dadkii masaakiinta ahaa ee kummanaanka ah kuwaasi oo awoodda dowladda lagu maquuniayay barakicinta iyo in laga dumiyo guriyahii ay degnaayeen taasi oo ka dhigan dhanka siyaasiga iyo dhanka shacabku Madaxweynaha in ay u diyaarsan yihiin caqabado waaweyn marka la gaaro 15-ka Maay 2026.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la doortay 2022-kii xilli habeen ah 15-kii Maay oo garbihiisa ay joogeen Soomaalida iyo shanta dowlad goboleed xilligaan Madaxweynaha waxa uu ka haayaa dowlad goboleedyada seddex dowlad goboleed waliba mid kamid ah dowladdu ay ka taqluustay hoggaamiyaheedii waa Koonfur Galbeed Soomaaliya oo aan la ogeen xilligaan nooca maamul ay tahay. Halka Maamullada kale ee Puntland iyo Jubbaland Madaxweynaha uusan gacantiisa ku heynin, si kastaba, haddii ay xaaladdu kusoo aruurto hannaankii lagu doortay Madaxweynaha 15-kii Maay 2022 iyo Teendhadii cadeed wali waa halkeeddii.
Arrimaha Amniga
Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo
Dagaalka ayaa billowday kaddib markii maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay hub ka qaataan qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa xoolo-dhaqato.

Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, sagaal kalena ay ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidanka Macaawiisleyda kaas oo ka dhacay tuulada Tardo ee Gobolka Hiiraan, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka, Cusmaan Xuseen Gure oo loo yaqaan Cismaan Dheere.
Dagaalka ayaa billowday kaddib markii maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay hub ka qaataan qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa xoolo-dhaqato. Dadka deegaanka ayaa u gurmaday ninkan, taasoo keentay in iska horimaad hubeysan uu ka qarxo deegaanka, sida aan xogta ku helnay.
Cismaan Dheere ayaa sheegay in dagaalku uu socday saacado isla markaana kooxda Al-Shabaab ay hareereeyeen deegaanka, iyadoo xaaladdu ay sii xumaatay. Waxa uu sheegay in dad rayid ah lagu dilay intii uu dagaalku socday halka qaar kalena ay ka carareen guryahooda, iyagoo u kala firxaday deegaano u jira qiyaastii 40 ilaa 80 kiiloomitir.
Dagaalka ayaa sidoo kale hakiyay dhaqdhaqaaqii caadiga ahaa ee dadka deegaanka, sida uu sheegay guddoomiyuhu. Dad subaxnimadii u baxay suuqa iyo goobahooda shaqada ayaa ku qasbanaaday inay ka cararaan goobahaas markii uu iska horimaadku billowday.
Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Al-Shabaab ay dhawaan faafisay warar sheegaya inay heshiis nabadeed la gashay beesha Xawaadle, kaas oo lagu soo afjarayo khilaaf muddo u dhexeeyay kooxda iyo beesha Xawaadle ee gobolka Hiiraan.
Hase yeeshee, Cismaan Dheere ayaa sheegay inuusan aaminsanayn in heshiiskaasi uu ahaa mid dhab ah. Waxa uu sidoo kale shaki geliyay muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay oo la xiriiray heshiiska, isaga oo sheegay inay suuragal tahay in qaar ka mid ah muuqaaladaas lagu sameeyay ama wax looga beddelay farsamada sirdoonka macmalka ah (AI).
Guddoomiyaha Tardo ayaa dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ugu baaqay inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda, isaga oo sheegay in dadka deegaanka ay u baahan yihiin gurmad iyo in xal loo helo dagaallada soo noqnoqday ee saameynaya noloshooda.
Hay’adda Xasaradaha Adduunka oo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Xasaradaha Adduunka (International Crisis Group), ayaa lagu sheegay in dagaalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab uu galay marxalad aad u adag oo ismariwaa iyadoo labada dhinacna midkood uusan awoodin inuu guul militari oo la taaban karro oo kama dambeys ah uu ka gaaro dagaalka ka socda Soomaaliya.
Warbixinta Hay’adda Xasaradaha Adduunka waxa ay xustay in guulihii ay dowladdu ay ka gaartay gobollada dhexe dalka Soomaaliya inta u dhexeysay 2022-2023-kii oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadkiisii ugu horreeyay xukunka ay ahayd ay dib u wiiqmayn kadib weerarro ballaaran oo Al-Shabaab ay qaaday inta u dhexeysay 2024-2025, taasoo keentay in Al-Shabaab ay dib ula wareegto inta badan deegaanadii hore looga saaray.
Sida ay warbixinta tilmaamayso dowladda Soomaaliya ayaa dib isugu abaabushay iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah waxayna ku guuleysatay inay adkeyso amniga deegaano muhiim ah oo ku dhow magaaladda caasimada ee Muqdisho. Hase yeeshee, qaybo badan oo kamid ah bartamaha dalka Soomaaliya ayaa wali ku jira gacanta Al-Shabaab taas oo sii xoojinaysa ismariwaaga dagaalka Soomaaliya.
Hay’adda International Crisis Group ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay wax ka beddeshay xeeladeheeddii dagaalka iyadoo ay iskudayayso inay hagaajiso xiriirka ay la leedahay bulshada ku dhexbool deegaannada ay maamusho ee dalka Soomaaliya isla markaana ay yareyso ku tiirsanaanta cabsi gelinta oo kaliya. Tan kale waxaa sidoo kale ay sheegtay in dowladda ay wajahayso caqabado waaweyn oo ay kamid yihiin khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada iyo hoos u dhac ku yimid taageeradii dibadda dowladda ay ka heli jirtay.
Warbixinta Hay’adda International Crisis Group waxay ku talisay in dowladda federaalka Soomaaliya dib u habeyn ay ku sameyso tabbabarka iyo tayada ciidamada qaranka Soomaaliya isla markaana ay xoojiso wada-shaqeynta dowlad goboleedyada dalka oo hadda qaarkood khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo sida Jubbaland iyo Puntland isla markaana ay kor u qaado awooda ciidamada heerka gobol si loo sugo ammaanka deegaannada hore Al-Shabaab looga saaray.
Warbixintu waxay sidoo kale ku baaqday in la fududeeyo gargaarka bini’aadanimo ee loogu talagalay shacabka ku nool deegaannada Al-Shabaab ay gacanta ku hayso, iyadoo ugu dambeyntii ay ku dooday in xal siyaasadeed iyo wadahadal ay yihiin wadada ugu macquulsan ee lagu soo afjari karro colaadda muddada dheer ka socotay dalka Soomaaliya.
Soomaaliya
Soomaaliya oo baaritaan caafimaad ku bilowday dadka ka imaanaya qaaradda Afrika
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in tallaabooyinka caafimaad la xoojiyay kaddib markii Ebola laga xaqiijiyay Kenya oo Soomaaliya ay xuduud la wadaagto.

Soomaaliya ayaa bilowday baaritaanka dadka ka imaanaya dalalka Afrika kaddib markii Kenya ay xaqiijisay kiis Ebola ah, iyadoo kooxo caafimaad la geeyay garoomada diyaaradaha si ay ula socdaan rakaabka soo galaya dalka.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo diyaar-garowga Soomaaliya iyo in si hore loo ogaado dadka laga yaabo inay qabaan cudurka kahor inta aysan gudaha dalka u gudbin. Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in tallaabooyinka caafimaad la xoojiyay kaddib markii Ebola laga xaqiijiyay Kenya oo Soomaaliya ay xuduud la wadaagto.
“Waxaan garoonka diyaaradaha ka hirgelinnay koox caafimaad oo la socota duulimaadyada ka imaanaya dalalka Afrika. Waxaan hadda xoojinaynaa diyaar-garowga kaddib markii Ebola uu gaaray Kenya,” ayuu yiri wasiirka. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale dadka ugu baaqday inay si joogto ah u dhaqaan gacmaha kana fogaadaan taabashada dhiigga ama dheecaannada jirka ee qof xanuunsan.
Dadka qaba xanuun daran gaar ahaan kuwa dhawaan ka soo safray deegaan uu Ebola ka jiro ayaa lagu boorriyay inay si degdeg ah u raadsadaan daryeel caafimaad. Calaamadaha Ebola waxaa ka mid noqon kara qandho, daal daran, murqo xanuun, madax-xanuun, matag iyo shuban.
Xilli dalalka qaaradda Afrika uu markale dib ugu soo laba kacleeyay cudurka dilaaga ah ee Ebola dowladda Mareykanka ayaa qaaday tallaabooyin adag oo dhanka socdaalka la xiriira halka quburada caafimaadkuna ay ka digayaan khatarta weyn ee soo wajahday dalka Soomaaliya maadaama cudurkaan uu ku dhaw yahay xuduudaha dalka Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka ayaa si ku meel gaar ah u mamnuucday in dalkeeda ay soo galaan dadka haysta dhalashada iyo degnaanshaha rasmiga ah ee Green Card-ga dadka muddo 21 maalmood ah ayaa loo diiday inay tagaan dalalka kuwa booqday wadamo dhowr ah oo dalka Koongo, Yugaandha iyo Koonfurta Suudaan ay kamid yihiin muwaadin kasta oo Mareykan ah oo wadamdaasi qaaradda Afrika ee Ebola saameynta ku yeeshay mar uun u safray waxaa loo diiday Mareykanka inuu tago muddadaasi 21 maalmood ah iyadoo xaaladiisa baaritaano iyo la socod lagu sameynaayo.
Go’aankaan ayaa dowladda Mareykanka sheegtay in ujeedkiisu uu yahay in laga hortago cudurka halista ah ee Ebola inuu gaaro dalka Mareykanka sidoo kale hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa waxa ay sheegtay in wadamo dhowr ah oo ay ku jiraan Kenya, Itoobiya, Tansaaniya, Angoola, Burundi, Ruwaanda iyo Zaambiya inay hadda ay wajahayaan khatar aad u sarreysa oo dhanka cuudurka la xiriira.
Dhinaca kalena, dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan soo saartay digniin la xiriirta cudurka Ebola, Soomaaliya waxay taagan tahay meel aad u nugul marka loo eego fiditaanka cudurkaan Ebola maadama cudurka uu soo gaaray dalalka deriska ah nuglaanta Soomaaliya ayaa salka ku haysa xuduudaha dhaadheer ee furan ee la leedahay wadamada deriska la ah sida Kenya iyo Itoobiya halkaasi oo ay ka jirto isku socod xooggan oo dadka iyo gaadiidka ay sameynayaan iyadoo aysan jirin wax konrool adag oo dhanka caafimaadka la xiriira.
Majiraan wax baaritaano ah ama qalab loogu hortago oo la dhigay xuduudaha dalka Soomaaliya ama garoomada waaweyn ee diyaadaha guud ahaan dalka si loo baaro dadka ka yimaadda aagga uu cudurka ka dilaacay tallaabada kaliya ilaa iyo hadda la qaaday ahaan digniin dhowaan ay soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan wasaaradeeda caafimaadka balse digniintaasi ma wehliso qorsheyaal kale sida muuqata oo loogu hortago cudurka haddii uu gudaha dalka Soomaaliya soo gaaro.
Cudurkaan Ebola waxa dad badan oo 200 qof oo kor u dhaafaysa u laayay wadanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo maadaama Ebola uu yahay cudur si fudud ku fida dhimashadiisuna ay aad degdeg u tahay Soomaaliya waxay u baahan tahay qorsheyaal degdegg ah oo dhanka caafimaadka ah inay la timaado oo loogu hortagaayo xuduudaha dalka inuu kasoo gudbo cudurkaan ama dad diyaarad soo raacay ay keenaan gudaha wadanka.
Arrimaha Amniga
Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”
“Maamul goboleedyadii waa soo dumiseen, dagaal baa ka socda, haddana dagaalkii ayaad rabtaan in magaalada caasimadda aad keentaan” – ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isagoo ku eedeeyay dowladda muddo dhaafka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ku mashquulsan tahay doorashooyin aan heshiis laga gaarin, isla markaana ay waddo tallaabooyin uu sheegay inay horseedi karaan isku dhac iyo dhiig daata.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in mucaaradka iyo dowladda ay muddo dheer ka wada hadlayeen hannaanka doorashooyinka balse uu sheegay in dadaalladaas ay caqabad ku noqdeen waxa uu ku tilmaamay nidaamka muddo-dhafka ah. Shariif wuxuu sheegay in muhiimaddu ay tahay in la isku raaco nooca doorashada dalka ka dhacaysa, habka ay u dhacayso iyo in tartanku noqdo mid caddaalad ah. “Waxa la rabaa in xoogga la saaro taas oo dadka la isu keeno oo laga heshiiyo” – ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in qorshihii ahaa in bisha Oktoobar la qabto shir looga hadlo doorashooyinka ay caqabado la kulmeen. Wuxuu ku eedeeyay dowladda inay waddo waxa uu ku tilmaamay “provocation” iyo diyaar-garow dagaal oo lala xiriirinayo mucaaradka. “Caqabadahaas waxaa kamid ah provocation-ka iyo diyaar-garowga dagaalka oo aad maqasheen inay waddo xukuumadda waqtigeedu dhammaaday oo ay rabaan inay kusoo qaadaan mucaaradka” – ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sh. Axmed.
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in xaaladda ka jirta qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay tahay in aan lagu soo celin magaalada Muqdisho. “Maamul goboleedyadii waa soo dumiseen, dagaal baa ka socda, haddana dagaalkii ayaad rabtaan in magaalada caasimadda aad keentaan” – ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sheekh Shariif ayaa si gaar ah uga jawaabay eedeymo la xiriirinaya Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay inuu dalkaas deggan yahay balse uu arrintaas ku tilmaamay marmarsiiyo aan loo adeegsan karin dhiigga siyaasiyiinta mucaaradka. “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya. Aniga Imaaraadka waan degganahay” – ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu sheegay in joogitaankiisa Imaaraadka aysan sabab u noqon karin in lagu eedeeyo falal ka dhan ah dowladda Soomaaliya. “Ma noqon karto asbaab lagu baneysto dhiigga dadka mucaaradka u taagan in dalkan dastuurkana la ixtiraamo, doorashana laga heshiiyo” ayuu yiri.
Sheekh Shariif ayaa intaa ku daray in haddii qof uu ku baaqayo in la ixtiraamo dastuurka, doorashada laga heshiiyo, isla markaana laga fogaado dagaal, aysan jirin sabab loogu tilmaamo inuu dalka dhibaato u wado. Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale dhaliilay isticmaalka ciidamada iyo hay’adaha dowladda, isagoo sheegay in hay’adaha amniga iyo ciidamada aan loo adeegsan karin wax uu ku tilmaamay kicin iyo isku dhacyo siyaasadeed. “Hubkii loogu talogalay in Al-Shabaab lagula dagaalamo ayuu rabaa in Xasan Sheekh uu Muqdisho ku gubo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay muddo dheer soo mareen dagaallo iyo dhibaatooyin, ayna doonayaan inay arkaan dowlad Soomaaliyeed oo leh hay’ado si dhab ah u shaqeeya. Hadalkaan uu jeediyay Sheekh Shariif ayaa imaanaya iyadoo dhowaanahaan ay soo baxayeen warar la isla dhex maraayay oo sheegaya in Dowladdu wado qorshe ay ku weerareeyso xarumaha ay degan yihiin Hogaamiyeyaasha Mucaaradka.
Arrimaha Amniga
Hawlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab
NISA waxay sheegtay in Bashiir Nuunow uu ahaa hoggaanka waaxda ay Al-Shabaab ugu yeerto Amniyaadka hayay intii u dhaxaysay 2016 iyo 2024.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in hawlgalkii qorsheysnaa ee ka dhacay degmada Jilib lagu dilay Bashiir Axmed Xaaji Nuunow oo ay ku tilmaantay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa garabka amni ee kooxda Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay NISA soo saartay, hawlgalka ayaa dhacay habeenkii 1-da Oktoobar, iyadoo hay’addu sheegtay in uu ahaa hawlgal ay fulisay iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamka. NISA waxay sheegtay in Bashiir Nuunow uu ahaa hoggaanka waaxda ay Al-Shabaab ugu yeerto Amniyaadka hayay intii u dhaxaysay 2016 iyo 2024. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay inuu adeegsan jiray magacyada Geescadde, Fanax, Gardhuub iyo Cali Dheere.
Sida ay NISA sheegtay, Nuunow wuxuu door ku lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay gudaha Soomaaliya, waxaana hay’addu ku xustay weerarkii 14-kii Oktoobar 2017 ee Isgoyska Soobe, weerarkii Ex-Control Afgooye, qaraxii loo yaqaan Soobe 2, iyo weerarro kale oo ka dhacay Muqdisho.
NISA ayaa sheegtay in hawlgalka Jilib uu qayb ka yahay dadaallo ay hay’addu ku baacsanayso hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shabaab ee ay ku eedeysay inay ku lug lahaayeen weerarrada lagu beegsaday shacabka Soomaaliyeed.
Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in geerida Bashiir Nuunow ay saameyn ku yeelan karto hoggaanka iyo shabakadaha kooxda gaar ahaan kuwa loo adeegsado qorsheynta iyo fulinta weerarrada.
Dhanka kale, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Buur-Saruur ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
NISA ayaa sheegtay in hawlgalku ka dhacay deegaanka Buur-Saruur oo qiyaastii laba kiiloomitir dhanka Koonfur Bari kaga beegan Cali-Gaduud halkaas oo ay hay’addu tilmaantay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan argagaxisadda Al-Shabaab.
Sida ay NISA sheegtay hawlgalku waxaa sidoo kale lagu burburiyay saanad iyo goobo ay kooxda u adeegsan jirtay howlaheeda, iyadoo ciidamadu ay sii wadaan baacsiga xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka haray deegaannadaasi. Hawlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Soomaaliya ay kordhiyeen hawlgallada ay xogta sirdoonku hoggaaminayso ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
NISA ayaa horraantii bishan sheegtay in hawlgal ka dhacay deegaannada Guulane iyo Al-Furqaan lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo saddex dagaalyahan oo kale. Bishii Agoosto, hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in hawlgal ka dhacay deegaanka Fiidow lagu bartilmaameedsaday guri ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda.
Soomaaliya
Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan
Aabbaha Aadan Sahan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukunka horey loo sii diyaariyay, isaga oo ku dooday in aan si dhab ah loo dhegaysan dacwadda.

Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa maanta saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay qoraa Aadan Sahan oo muddooyinkii u dambeeyay ku xirnaa magaalada Hargeysa, isla markaana loo haysto in uu ku gafay diinta.
Aadan Sahan ayaa loo haystaa hadallo uu ka sheegay waraysi uu dhowaan siiyay warbaahinta Galaydh TV, kaas oo uu kaga hadlay aragtidiisa ku aaddan doorka haweenka iyo isbeddelka bulshada ee ka dhashay soo ifbaxa iyo la-jaanqaadka teknoolojiyadda cusub ee kusoo kordhay dunnida.
Waraysigaas ayuu Aadan ku sheegay in guryuhu ay haweenka uga khatar badan yihiin suuqyada xilligan oo teknoolojiyaddu si weyn u saameysay bulshada, sidaas darteedna waxa uu soo jeediyay in hablaha lagu dhiirigaliyo in ay guryaha ka baxaan isla markaana ay dibadda soo aadi karaan.
Waxa kale oo uu ka hadlay aayadda Qur’aanka ee la xiriira joogitaanka haweenka guryaha, isaga oo ku dooday in fahamka iyo ku dhaqanka arrintaasi ay u baahan yihiin in loo eego waaqica iyo isbeddellada bulshada ee maanta jira. Maxkamadda oo maanta bilowday dhegaysiga dacwadda ayaa isla maanta soo saartay xukunka saddexda sano ah, sida ay sheegeen dad ku sugnaa dhegaysiga dacwadda.
Aabbaha Aadan Sahan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukunka horey loo sii diyaariyay, isaga oo ku dooday in aan si dhab ah loo dhegaysan dacwadda. Waxa uu sheegay in wiilkiisu uu tawbad keenay, isla markaana laga qoray waraaq caddayn ah, balse aan maxkamadda laga akhriyin waraaqdaasi iyo natiijadii baaristii ay booliisku sameeyeen. Dhanka kale, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa hore usoo saartay warqad ay ku codsanayso in xorriyaddiisa loo soo celiyo Aadan Sahan.
Qareenno kamid ah kuwa ugu caansan Somaliland oo uu ka mid yahay Garyaqaan Guuleed Dafac, ayaa iyaguna dhaliil ka muujiyay xukunka, iyaga oo sheegay in habka dacwadda loo maray uu yahay mid aan caddaalad ku dhisnayn. Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo dhamaystiran oo maxkamaddu ka bixisay qodobada sharci ee ay xukunka ku salaysay iyo sababta ay u dooratay xukunka saddexda sano ah.
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Diblomaasiyadda4 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Yurub3 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Arrimaha Amniga3 months agoSoomaaliya oo xal u raadinaysa ciidamada AUSSOM ee qeybta ka ah hawlgalka amniga Soomaaliya
Doorashada2 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Afrika2 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Arrimaha Amniga3 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Soomaaliya3 months agoMareykanka oo si weyn ugu carootay rag ka tirsan CXDS kuwaasi oo ku istaagay calanka dalka Mareykanka
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Afrika2 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Sirdoonka & Militariga2 months agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Arrimaha Amniga1 month agoMadaxweyne Mustafe Cagjar oo Jabhada ONLF ku eedeeyay inay rabto in ay deegaanka qalalaase galiso
Ganacsiga & Dhaqaalaha3 months agoKenya iyo Itoobiya oo ku loollamaya suuqa khaadka ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Afrika2 months agoBangigga Adduunka oo shirkad Kenyaan ah ka mamnuucay mashaariicda Soomaaliya
Ganacsiga & Dhaqaalaha1 month agoMaxay ka dhigan tahay in Markabka dagaal ee Turkiga ku soo xirto dekedda Muqdisho?
Sirdoonka & Militariga3 months agoMadaxweynihii hore ee Iiraan Axmadinejad, ma wuxuu ahaa basaas u shaqeeya Israa’iil?
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga difaaca iyo mustaqbalka AUSSOM








































