Connect with us

Siyaasadda Soomaaliweyn

IMF oo Soomaaliya u oggolaatay $100 milyan, laakiin waa sidee tayada la dagaalanka masuqmaasuq ee hoggaanka Xassan Sh. Maxamuud (4.5)?

Hay’adda lacagta adduunka oo Soomaaliya u oggolaatay $100 milyan, sheegtayna in dowladdu waddo fulinta isbeddellada dhaqaale. Laakiin waa sidee tayada la dagaalanka masuqmaasuq ee hoggaanka Xassan Sh. Maxamuud?

Published

on

Sawirka Villa Somalia

Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa sheegtay inay heshiis la gaartay dawladda Soomaaliya, kaas oo ah in dalka la siiyo gargaar lacageed, iyadoo la raacayo barnaamijka waddamada dakhligooda gudaha hooseeyo ee taageerada u baahan. War saxaafadeed ay shalay oo Arbaca ah soo saartay hay’adda ayey ku sheegtay in Soomaaliya ay sii waddo fulinta isbeddellada dhaqaalle ee xoojinaya hay’adaha dhaqaalaha iyo kuwa maaliyadda oo u gogol xaaraya in Soomaaliya ugu dambayn hanato in daynta laga cafiyo bisha Diisambar ee sannadkan 2023.

Hay’adda IMF iyo dawladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in dalka lagu gargaaro muddo saddex sano ah kaalmo dhan 100 milyan oo doollar, iyadoo loo cuskanayo qorshaha waddamada dakhligoodu hooseeyo.

Hay’adda IMF waxay sheegtay in koox ka socota hay’adda oo ay hoggaaminayso Laura Jaramillo oo ka tirsan hay’adda, ay wadahadallo kula galeen mas’uuliyiinta Soomaaliya magaalada Nayroobi bishii Sebteember ee sanadkaan, halkaasna ay ku gaareen heshiiskan Soomaaliya u fasaxaya gargaarka dhan 100-ka milyan ee doollar. Waxay sheegtay in go’aankan ay tahay inay ansixiyaan guddiga maamulka hay’adda Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

“Soomaaliya waxay samaysay horumar la taaban karo sidii ay dib ugu dhisi lahayd hay’adaha dhaqaalaha iyo kuwa lacagta,” ayey tiri Jaramillo oo hoggaaminaysay kooxda IMF ee wadahadalka la gashay Soomaaliya.

“Iyadoo la raacayo barnaamijkan gargaarka ECF (dawladaha dakhligoodu hooseeyo) oo soo socday tan iyo sannadkii 2020-kii Soomaaliya waxay sii wadday fulinta isbeddellada xooggan ee gacanta ka gaysanaya xoojinta hay’adaha dhaqaale iyo maaliyadeed ee muhiimka ah,” ayey intaas ku dartay. Mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ka rajo qabaan in Soomaaliya ay ku guulaysato in laga cafiyo qaanta lagu leeyahay oo dhan balaayiin doollar dhammaadka sannadkan.

Maamulada soomaaliya soo mara ayaa ah kuwa masuqmaasuqa uu u yahay dhaqan iska caadi ah oo ay la qabsadeen heer goobaha xafiiska dowladda ee dadweynaha ay iska noqdeen wax iska caadi ah shacabkuna uu la qabsaday. Warqad yar haddii aad xafiis dowladdeed aad ugu baahato waa inaad qidmad laaluush bixisaa shacabkuna waxay u arkaan wax iska caadi ah. Waxayse dad badan iswaydiinayaan dowladda Soomaaliya maxay dowlad u tahay haddii shacabkii ay dowladda u ahayd sidaas loolla dhaqmo?

Sanadkii 2024, hay’adda Transparency International waxay daabacday warbixin naxdin leh oo ku saabsan masuqmaasuqa baahsan ee ka dhex jiray dowladdii Xassan Sh. Maxamuud kaasoo ku yimid nidaamka 4.5, Soomaaliya waxa ka dhacay sumcad xumo weyn ayay ka dhigan tahay. Sababtoo ah dawladdan uu hoggaaminayay MD Xassan Sh. Maxamuud ayaa lagu sheegaa inay ahayd mid aad u masuqmaasuq badneyd. Dib u dhaca ku yimid kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarka dalka waxaa sabab u ah musuqmaasuqa dalka ka jira. Hadda markii uu soo noqday mudane Xassan Sh. Maxamuud oo noqday qofkii labo mar madaxweyne ka noqday Soomaaliya wuxuu baabi’iyey laba guddi oo muhiim u ahaa dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay sharci darro. Labadaas guddi waxaa soo dhisay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna ku tilmaamay mid sharci darro ah. 

Qiimaynta musuq-maasuqa ee hay’adda Transparency International daabacday 2014-kii, tobanka waddan ee ugu musuq-maasuqa badan waxay kala ahaayeen Soomaaliya, Kuuriyada Waqooyi, Suudaan, Afghanistaan, Koonfurta Suudasn, Iraaq, Turkmenistaan, Uzbekistaan, Eriteriya, iyo Liibiya. Tani waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay tahay dalka ugu musuq-maasuqa badan 2014-kii oo ay ku xigto Kuuriyada Woqooyi iyadoo qiimeyntu ay sidaas ku socotay. Sannadkaas, warbixintu waxay muujisay in Afrika ay weli taagan tahay heerka ugu sarreeya ee musuqmaasuqa.

Tobanka dal ee ugu horreeya musaqmaasuaqa adduunka shanta waddan ee ugu horreeya waa Afrikaan, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Suudaan, Eriteriya, iyo Liibiya, waa dalal Afrikaan ah. Afrika waxay qabsatay 50% tobanka waddan ee ugu musuqmaasuqa badan sanadkaas.

Musuqmaasuqu waa arin qalafsan oo leh tiro badan oo go’aamiyeyaal iyo saamayn kuwaas oo inta badan ah macnaha guud iyo dalka gaarka ah (Claire 2010). Saamaynta musuqmaasuqa ee Afrika iyo qaybaha kale ee adduunka ayaa ah mid wax u dhimaya oo hub u ah horumarka qaranka.

Sannadkii 2013, natiijadii ay daabacday Transparency International waxay muujisay in Afrika ay weli la ildaran tahay khatarta dilaaga ah ee musuqmaasuqa. Sahankan ayaa leh tobanka dhul ee ugu musuqmaasuqa badan aduunka sida Soomaaliya, Kooriyada Waqooyi, Afganistaan, Suudaan, Koonfurta Suudaan, Liibiya, Iraaq, Turkmenistaan, Suuriya, iyo Uzbekistaan. Dhammaan dalalkaas, midkoodna ma helin wax ka sarreeya CPI (Index ka mid ah musuqmaasuqa) oo ah 17%.

Marka si dhab ah loo baaro natiijada 2013, waxay muujinaysaa in Afrika sanadkaas ku jirto heerka ugu sarreeya ee musuqmaasuqa. Soomaaliya, Suudaan, Koonfurta Suudaan, iyo Liibiya waa wadamo Afrikaan ah oo sannadkii 2013 ka galay tobanka waddan ee ugu musuq-maasuqa badan. Xisaab ahaan, natiijada waxay muujinaysaa in Afrika ay qabsatay 40% tobanka waddan ee ugu musuq-maasuqa badan sannadkii 2013.

Tusaale ahaan, Soomaaliya waxa ka dhacay sumcad xumo weyn ayay ka dhigan tahay, waa wakhtigii madaxweynaha 4.5 lagusoo doortay ee mudane Xassan Sheekh Maxamuud hoggaanka haayay, sababtoo ah dawladdan ayaa lagu sheegaa inay ahayd mid aad u masuqmaasuq badneyd. Xassan Sh. Maxamuud (4.5) inuu burburiyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka musuqmaasuqa, kuwaasi oo la dhisay xiligii madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo (4.5) waxay ina tusinaysaa in dowladnimada soomaaliya ay marwalbo hoos kasoo bilaabanayso oo aan meesheedii laga sii wadi karin. In la helo guddi la dagaalamo musuq-maasuqa waxay horseedi kartaa in lala dagaalamo musuq-maasuqa ka dhex jira dowladda Soomaaliya.

Sababaha keena musuqmaasuqa Soomaaliya

Musuqmaasuqa ka jira gudaha dowladnimada Soomaaliya waxay marka hore kasoo bilaabataa qaab-dhismeedka dowladda. Sida kale haddii aan u tilmaamo nidaamka uu ku imanaayo madaxweynaha iyo golahiisa wasiirada iyo xildhibaanada ayaa horseedaayo masuqmaasuq toos ah, wuxuuna leeyahay sababo badan oo horseedi kara masuqmaasuqa. Waxaa muhiim ah in maskaxda lagu hayo in qorayaasha kala duwani ay ku kala aragti duwan yihiin sababaha musuqmaasuqa. Laakiin dhamaadka, dhammaan qodobadani waxay leeyihiin isku mid. Haddaba, sababaha musuqmaasuqa Soomaaliya kuma koobna qodobadan hoose oo kali waa ay kasii badnaan karaan laakiin waa inta laf-dhabarka u ah uu baahan in wax laga qabto waliba si degdeg:

– Nidaamka 4.5 waa asalka masuqmaasuqa
– Maamul xumo;
– Hunguri iyo nin jeclaysi;
– Isla xisaabtanka la’aan;
– Madaxdii oo u kala tartamayso yeelashada hanti badan; iyo
– Shaqo la’aanta jirta.

Musuqmaasuqu waa dhibaato guud ee caalamka qabo balse Soomaaliya ayay dhibaatada ugu badan haysataa. Qaarada Afrika waxaa ka jira musuq-maasuq aad u sarreeya, waxaana taasi ay saameyn xun ku yeelatay qaaradda. Waxaa la rumeysan yahay in heerka musuq-maasuqa Afrika uu hoos u dhici doono haddii fikradaha la qoray ee lagula dagaalamayo masuqmaasuqa lagu dhaqmo.

Su’aasha waxay tahay madamaa MD Xassan Sh. Maxamuud (4.5)  maamulkiisa horre loogu bartay masuqmaasuq mala imaan doonaa qorshe-istiraajiyaddeed oo caddeynaayo la dagaalanka masuqmaasuqa ee maamulkiisa hadda, madamaa horey loogu bartay dhaqan masuqmaasuq oo aad u baahansan.?

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Siyaasadda Soomaaliweyn

James Swan oo loo magcaabay sii hayaha Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya iyo xafiiska UNSOM

James Swan ayaa si ku meel gaar ah xilkan u sii haynaya, ka dib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Published

on


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa talaadaddii u magcaabay James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka inuu noqdo sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo sidoo kalena hoggaamin doonaa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM.

James Swan ayaa si ku meel gaar ah xilkan u sii haynaya, ka dib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Sanadkii 2023, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku dhawaaqay in Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM). Waxay horey u beddeshay James Swan oo hadda markale lagu soo celiyey Soomaaliya.

Catriona Laing waxa ay xilalka noocaan oo kale kusoo jirtay in ka badan 35 sano waxayna ka dhaxashay khibrad dhinaca diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, oo ay ku jirto in ay siyaasadda dawladda Ingiriiska ka soo qabatay waaxyo kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah. Dhawaanahan, laga soo bilaabo Noofambar 2018 ilaa Abriil 2023, waxay u soo noqotay Wakiilka Sare ee dowladda Ingiriiska u fadhiya Nayjeeriya. Intaa ka hor, waxay ahayd Safiirka Ingiriiska ee Zimbabwe 2014 ilaa 2018.

Catriona Laing waxa ay xilalka noocaan oo kale kusoo jirtay in ka badan 35 sano waxayna ka dhaxashay khibrad dhinaca diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, oo ay ku jirto in ay siyaasadda dawladda Ingiriiska ka soo qabatay waaxyo kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah. Dhawaanahan, laga soo bilaabo Noofambar 2018 ilaa Abriil 2023, waxay u soo noqotay Wakiilka Sare ee dowladda Ingiriiska u fadhiya Nayjeeriya. Intaa ka hor, waxay ahayd Safiirka Ingiriiska ee Zimbabwe 2014 ilaa 2018.

Catriona Laing waxa ay xilalka noocaan oo kale kusoo jirtay in ka badan 35 sano

Marka laga soo tago doorkeeda diblomaasiyadeed, Catriona Laing waxa ay soo qabatay jagooyin kala duwan siyaasadda dawladda iyo horumarinta caalamiga ah, gaar ahaan waxa ay soo noqotay Ku-xigeenka Madaxa Qaybta Istaraatiijiyadda Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska (2000-2004), Agaasimaha Xuquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Caddaaladda (2009-2012). iyo Madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Suudaan (2006-2009). Waxay kaloo madax ka ahayd Xafiiska Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 1993 ilaa 1994kii.

Catriona Laing waxay shahaadada MSc ee dhaqaalaha ka qaadatay Dugsiga Dhaqaalaha iyo Sayniska Siyaasadda ee London iyo Heerka Labaad Maamulka Ganacsiga oo ay ka qaadatay Jaamacadda Cranfield, labada jaamacaddood waxay ku yaallaan Boqortooyada Ingiriiska.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyey Catriona Liang shaqadii ay ka soo qabatay xafiiska UNSOM iyo weliba Soomaaliya xilligan adag.

James Swan ayaa ah diblomaasi khabiir ah oo aqoon durugsan u leh siyaasadaha Afrika, wuxuuna hore u soo noqday wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, intii u dhexeysay 2019 illaa 2022.

Ka hor, wuxuu sidoo kale u soo noqday Danjiraha Maraykanka u fadhiya Jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo, intii u dhexeysay 2013 illaa 2016, isaga oo sidoo kale soo noqday wakiilka gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhexeysay 2011 illaa 2013.

James Swan ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaradda arrimaha debedda Maraykanka oo ay ku jirto inuu soo noqday ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha debedda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika intii u dhexeysay 2006 illaa 2008.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Heshiisyada dowladda Xassan Sheekh la gashay Turkiga waxaa ku jira sii deynta wiilka madaxweynaha oo dil ka gaystay Turkiga

Dhowaan wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa shil gaari ku dilay nin Turkish ah, taasi waxay dhalisay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu maro cadaaladda, waxaana lagu xukumay labo sano oo xabsi ah iyo lacag magdhow ah.

Published

on


Iskaashiga iyo heshiisyada horumarinta ee Soomaaliya iyo Turkiga waa mid dhinacyo badan leh, waxaana ka mid ah iskaashiga milatari, bulsho, dhaqaale iyo kaabayaal kale. Soomaaliya waxay sidoo kale ka mid tahay dalalka uu Tukrigu maalgashtay siyaasad ahaan, dhaqaale iyo militari ahaan tan iyo sanadkii 2011. Gudaha Soomaaliya waxaad ku arkaysaa ganacsiyo badan uu Turkiga leeyahay sida maqaayadaha, Hotelada iyo ganacsiga dhisida guryaha. Laakiin sheekada heer qaran waa ay iska beddelay, ee waxay isu bedeshay dano gaar ah.

Dhowaan wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa shil gaari ku dilay nin Turkish ah, taasi waxay dhalisay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu maro cadaaladda, waxaana lagu xukumay labo sano oo xabsi ah iyo lacag magdhow ah.

Dilka uu gaystay wiilka madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa waxaa soo hoos galay heshiisyada qaran ee lalla galaayo dowladda Turkiga si loo sii daayo wiilka Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud. Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxay galeen heshiis iskaashi dhanka iweydaarsiga dambiileyaasha, maxaabiista iyo eedeysanayaasha ah, heshiiskaan ayaa saameynaya kiis hadda tagaan.

Sida uu dilka u dhacay

Baaritaan ku saabsan dilkii uu ku lugta lahaa wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo ay wadeen khubarrada dambiga iyo Machadka foreensigga dalka Turkiga ayaa soo saaray warbixin cusub. Warbixinta ayaa lagu sheegay in shilka gaari ee ka dhacay magaalada Istanbul 30-kii bishii Nofeembar ee uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ah wade mooto uu khaladka lahaa Maxamed Xassan Sheekh Maxmuud sida lagu sheegay natiijada baaritaanka Machadka iyo Khuburrada. Natiijada baaritaanka ayaa lagu sheegay in Maxamed Xasan Sheekh oo si xawli ah ku socday uu ku dhacay mootada, isagoo u leexiyay dhanka midig, halka darawalka mootada Göçer uu yareeyay xawaarihiisa oo u leexday dhanka saxda ah.

Warbixinta baaritaanka waxaa kale oo lagu sheegay Maxamed Xassan Sheekh uusan tixgalin xaaladda, oo uusan qaban bareegga, sidaasna uu khaladka ku lahaa. Natiijada ayaa noqotay in wiilka uu dhalay Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa lagu eedeeyay in uu galay shilka dhimashada keenay, kaas oo ka dhacay waddada Aksaray Kennedy ee magaalada Istanbul waxaan ku geeriyooday Yunus Emre Göçer oo 36 jir ah.

Turkiga: Goobtii shilku ka dhacay

Kooxo khabiirro ah oo sameeyanayay baaritaan ayaa warbixinta ay soo saareen la wadaagay warbahinta DHA ee dalka Turkiga. Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in mootada ay si lama filaan ah dhinac midig ugu leexatay isaga oo aan shidin wax calaamad ah, darawalku ma uusan wadan koofiyad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in inkasta oo uu bareegga qabtay, haddana uu ku dhacay mootada, laakiin khabiirradu waxay shaaciyeen in wadaha mootada dhinac u leexaday, balse Maxamed Xassan uu ku dhacy oo gaariga uusan tartiib u wadin, gaarigana uu ahaa gaariga safaaradda Soomaaliya.

Heshiisyada dowladda Soomaaliya la gashay Turkiga waxaa ku jirra dano gaar ah

Markii uu dhaqangalo heshiiskaan waxay Turkigu ku qasbanaa doonaan in wiilka Madaxweynaha ay ku soo wareejiyaan dowladda Soomaaliya, si xabsigiisa inta ka dhiman uu ugu qaato Soomaaliya, in heshiiskaani dhaco waxaa la tuhinsan yahay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo juhdi badan ku bixiyey.

Heshiiska Garsoorka ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga oo ay shalay ansixiyeen golaha wasiirada ayaa ka kooban afar qeybood, waxaana diiradda lagu saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.

Qodobka dareenka iyo muranka badan dhaliyay ayaa ah midka, Dhiibidda eedeysanayaal ama dembiileyaasha, qaar ka mid ah khubarada iyo siyaasiyiinta ayaa ka digay saameynta uu yeelan karo qodobkan ku saabsan isu soo gacan galinta eedeysanayaasha ama dembiileyaasha.

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya Xasan Macalin oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in heshiiskan aysan jirin sabab looga baqo.

“Waddamada waxaa jira heshiisyo ay galaan labada dal oo xiriir laba geesood ah ka dhaxeeyo, heshiisyadaas waxaa la yaraahdaa Extradition, qof baa dambi ka galaya wadanka marka dalka kale ayaa soo dalbanaya marka taas hadda waan kala saxiixanay golaha wasiirada ayaana la marsiiyay, lama dhihi karo heshiiskan waxay dowladdu u adeegsa doontaa arrimo siyaasadeed,” ayuu yiri wasiir Xasan.

Waxaa uu sheegay in heshiiskan isu gudbinta dambiilayaasha iyo eedeysanayaasha uusan siyaasad iyo mucaarad midna quseyn, islamarkana uu yahay mid caalamka oo dhan ka jira.

“Dhiibid eedeysanayaasha ama dembiileyaasha wax mucaarad iyo siyaasad ah ma aha, isu soo gacan galinta waxaa uu leeyahay qaabab sharci ah oo maxkamado ayuu maraa labada wadan-ba marka qofka dambiga halkan ka galay cadeymihiisa ayaa la geynayaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Xasan Macalin.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

“Ma aqbalayno in mar kale aan ku laabano doorashadii teendhada” – RW Xamsa Cabdi Barre

Xamza Cabdi ayaa hadalkaan ka jeediyey shir shalay ka furmay magaalada Muqdisho oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Geeddi socodka hirgelinta Hannaanka dhab-u-heshiin Qaran.”

Published

on

Sawirka Xafiiska RW

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, oo dadweynaha Soomaaliyeed ay ku soo doortaan hoggaankooda.

Xamza Cabdi ayaa hadalkaan ka jeediyey shir shalay ka furmay magaalada Muqdisho oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Geeddi socodka hirgelinta Hannaanka dhab-u-heshiin Qaran.”

“Annaga ma qarineyno, beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada,” ayuu yirri ra’iisul wasaaraaha Soomaaliya.

“Qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray.”

Madaxweynaha Soomaaliya ee iminka Xasan Sheekh Maxamuud (4.5) iyo madaxdii ka horreysay ee dowladda federaalka ayaa dhammaantood lagu doortay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho. Dhammaantooda waxay ku yimadeen 4.5, ayada oo ay u codeeyeen xildhibaanada labada aqal.

Doorasho qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka dhacday, oo marar badan ay madaxda ballan-qaadeen, ayaan laga dhabeyn sababo la xiriira amniga dalka oo aan hagaagsaneyn iyo dhameystirka dastuurka oo aan lagu guuleysan.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa marar badan ku eedeeyey madaxda xilka haysa in hadalka ku saabsan doorasho qof iyo cod ah uu yahay isku day muddo kororsi.

Dib u xasuuso taariikhdaada

Shalay ayaad na fahamsiisay sabata uu Madaxweyne Xasan Sheekh kuugu magacaabay xilka Ra’iisul Wasaarha dalka, waana inaad maamusho doorashada soo socota ee 2026.

Mudane Xamse shalay waxaad soo hoggaamisay doorashadii ku dhisneyd saddex isoo qora, laakiin, Madaxweynaha ayaa qofkuu rabo kala baxaya (Jubbaland 2019). Ma waxaad rabtaa inaad maamusho doorasho ku dhisan saddex Xisbi baa taryamaya, laakiin, Madaxweynaha ayaa xisbiguu rabo kala soo baxaya!, ayuu yirri Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey “Mudane Ra’iisul Wasaare wax kasta oo kale waad ka hadli kartaa, laakiin fadlan haka hadlin hufnaan doorasho, kaliya dib u xusuuso taariikhdaada dhaw.”

Dowladda Xassan Sh. Maxmauud waa mid boholdheer iska tuurtay soo noqoshadeeduna ay adag tahay marka loo fiiriyo xaalka wadanka uu maanta galay waxaana cadeyn kaaga filan warqada xafiiska madaxweynaha kasoo baxday oo uu ku sheegay in maamulada aysan kasoo qeybgelin shir uu ugu baaqay.

Warqada xafiiska Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud kasoo baxday ayaa lagu yirri “Waxaan si gaar ah hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Dowladda Puntland si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalku in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo.”

Qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee dowladda Xassan Sh. Maxamuud ayaa abuurtay xiisad xooggan, xaalka wuxuu marayaa meel xasaasi ah, ayada oo si weyn looga deyrinayo halka ay sal dhigan doonto. Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay bishii Jannaayo ee sannadkii hore inay isku maamulayaan sidii dawlad madaxbannaan ilaa inta lagu wada heshiinayo dastuurka lagana dhammaystirayo, aftina loo qaadayo.

Ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’rke, Mudane Xasan Cali Khayre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si wadajir ah usoo saaray warsaxaafadeed ayaa ka horymid tallaabadii maanta ee baarlamaanka, gaar ahaan wax ka beddelka dastuurka dalka.

Saddexda mas’uul ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, sida ay ku sheegeen qoraalkooda.

“Madaxweynuhu wuxuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, wuxuu qalqal geliyey geedi socodkii dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska, wuxuu dhaawacay is aaminaddii iyo kalsooni dhiskii ummadda, ayay yiraadeen saddexdooduba.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu sameeyay laba dastuur oo dhibaato u horseedayo mustaqbalka dalka, sida ay hadalka u dhigeen.

“Wuxuu dalka u sameeyey laba dastuur oo muran iyo mugdi gelinaysa sharciyadda Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dastuuriga ah” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Cumar Cabdishiid, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaasi kusii daray inay qaadaceen qodobada dastuurka ee la ansixiyay, ayaga oo tilmaamay inay aqoonsan yihiin dastuurka KMG ee dalka. Waxaan si wadajir ah u qaadacnay dastuurka, waxaan aqoonsanahay dastuurka KMG ah ee 15-ka cusub iyo 143 qodob ka kooban” ayaa mar kale lagu yiri war saxaafadeedka.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqay in wixii mas’uuliyada darro ah ee ka dhashay tallaabadan uu qaadayo Xasan Sheekh iyo guddoonka labada Aaqal ee baarlamaanka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqaalaha

Soomaaliya oo markale deyn raadinaysaa iyadoo wakhti dhow deyn laga cafiyey

Amaahda loo yaboohay dawladaha Afrika ee lagu beddelanayo saliidda iyo macdanta ayaa qayb ka qaadanaya heerka deymaha ee qaaradda curyaaminaya, Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Akinwumi Adesina ayaa ka digay arrintaas.

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

In ka badan 12 madaxweyne oo Afrikaan ah iyo in ka badan 20 wasiir arrimo dibadeed ayaa ku kulmay Nayroobi si ay uga qaybgalaan shir-madaxeedka Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (IDA21), ujeeddadiisuna tahay in wax laga qabto caqabadaha horumarka iyo kobcinta barwaaqada loo dhan yahay, iyo dhaqaale waara oo ay Afrikaanka gaaraan.

Dalalkaan waxaa ku jira Soomaaliya oo shirka matalayo madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud, iyadoo wakhti dhow Soomaaliya laga cafiyey deyn haddii ay markaan qaadatana halis horleh ay geli doonto.

Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka IDA waxay diiradda saaraysaa caawinta 75-ka waddan ee ugu saboolsan adduunka, wadamada ugu badan waa Afrika. Madaxweynayaal ka kala socda dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Madagascar, Ugaanda, Sierra Leone, Malaawi, Tanzaniya, Soomaaliya, Burundi, Mauritania, Ivory Coast, Comoros, ayaa ka mid ah ka soo qeyb galayaasha.

Mala socotaa qorshaha deymaha ee Bangiga Adduunka in Afrika fakhri uusan ka saari karrin balse kusii ridi kara fakhri horleh. Waxaa fikirkaas aaminsan dhaqaallo-yahan Akinwumi Adesina ahna Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Afrika. Heshiisyada amaahda ee mugdiga ku jirra ayaa wiiqaya kobaca dhaqaalaha qaaradda Afrika, ayuu yirri Gudd. Bangiga Horumarinta Afrika mudane Akinwumi Adesina.

Amaahda loo yaboohay dawladaha Afrika ee lagu beddelanayo saliidda iyo macdanta ayaa qayb ka qaadanaya heerka deymaha ee qaaradda curyaaminaya, Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Akinwumi Adesina ayaa ka digay arrintaas.

Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina, oo ah dhaqaaleyahan reer Nayjeeriya ah iyo khabiir bangiyada ayaa dhaleeceeyay isticmaalka “asymmetrical” “aan daah-furneyn” deyn aan daah furneen ay qaarada dhibaato badan ku haysa ayuu ku yirri wareysi ay daabacday Semafor Africa Arbacadii.

“Waxaan u maleynayaa in la joogo waqtigii aan lahaan lahayn isla xisaabtanka daah-furnaanta deynta oo aan hubinno in dhammaan waxyaalahan oo dhan ee deyntan kheyraadka dabiiciga ah ay dhab ahaantii dhammaadaan, sababtoo ah waxay adkeyneysaa arrinta deynta iyo arrinta xallinta deynta,” ayuu yirri.

Sida laga soo xigtay Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina, deynta dibadda ee qaaradda ayaa kor u kacday $824 bilyan sanadka 2021, iyadoo waddamada qaar ay u qoondeeyeen 65% GDP-gooda adeegga deynta. Waxay ku qarash gareyn doontaa lacag dhan $74 bilyan oo doolar bixinta sanadkan oo kaliya, taasoo sare u kac weyn ka ahayd $17 bilyan sanadkii 2010, ayuu raaciyay.

In ka badan 12 madaxweyne oo Afrikaan ah iyo in ka badan 20 wasiir arrimo dibadeed ayaa ku kulmay Nayroobi si ay uga qaybgalaan shir-madaxeedka Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (IDA21).

Warbixin uu daabacay 2020 machadka maamulka Kheyraadka Dabiiciga ah (NRGI) oo ku saabsan 52 deyn kheyraad taageertay oo la soo saaray intii u dhaxeysay 2004 iyo 2018 ayaa lagu ogaaday in 30 xarumood, oo wadartoodu ay dhan tahay $66 bilyan, loo qoondeeyay waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

Waxa ay sheegtay in in ka badan 50% dhaqaalaha laga soo amaahday Bankiga Horumarinta Shiinaha iyo Shiinaha Eximbank, iyadoo inta soo hartay ay bixiyeen ganacsatada caalamiga ah ee badeecadaha sida Glencore, Trafigura, iyo Standard Chartered, gaar ahaan Chad, Jamhuuriyadda Koongo. iyo Koonfurta Suudaan.

Madaxweynaha AfDB, oo maareeyay in ka badan $18 bilyan oo hanti ah, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in dabeecadda aan sinnayn ee wada xaajoodka, iyadoo amaah-bixiyeyaashu ay sida caadiga ah gacanta sare ku hayaan oo ay shuruud uga dhigaan waddamada Afrikaanka ah ee lacagta caddaanka ah, ay deymaha ka dhigayaan “mid xun.”

Adesina, si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in daraasadda deymaha ku xiran kheyraadka aysan lahayn “hagaajin” hal waddan oo si gaar ah ugu nugul noocyadan heshiisyada amaahinta.

Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan maalgashiga iyo in mashaariicda la maal-geliyo loo weeciyo dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka Qaaradda ay aas-aas u tahay qorsheyaasha kobcinta nolasha dadkeenna danyarta ah, cirib-tirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga horumarka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

“Soomaaliya marka loo eego dhaawac soo gaaray dhaqaalaheeda iyo Hay’adaheeda dowladeed, maanta waxaa muuqanaysa in ay aad u soo kabatay oo ka soo gudubtay marxaladdii aadka u adkayd, iyadoo cagta saartay dhabbaha xasilloonida dhaqaale, horumar bulsho iyo mid ganacsi. Saas oo ay tahay waxaan sii wadnaa qorsheyaal lagu xaqiijanyo soo kabashadaas dhaqaale iyo dhiirri-gelintiisa”.- ayuu yirri mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boggaadiyay Madaxda Bangiga Adduunka dadaalka ay ku bixinayaan maalgelinta iyo awood-siinta dowladaha nugul, si xal waara loogu helo aafooyinka dib u dhigay nolasha shucuubta dalalkaas.

Soomaaliya oo laga cafiyay $4.5 bilyan oo deyn ah

Guddiyada Fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (IDA) ayaa ansixiyay Waddamada Faqiirka ah ee deymaha badan leh (HIPC) ee Soomaaliya, kaas oo bixiya wadarta kaydinta adeegga deynta ee dalka lagu leeyahay US$4.5 bilyan.

Dayn cafintan ayaa fududeyn doonta helitaanka ilo dhaqaale oo dheeri ah oo muhiim ah, kuwaas oo ka caawin doona Soomaaliya xoojinta dhaqaalaheeda, yareynta saboolnimada, korna u qaadi doona shaqo abuurka, sida lagu yiri bayaan wadajir ah oo kasoo baxay Bankiga Adduunka iyo IMF.

Daynta gudista Soomaaliya ayaa waxaa kala bixiyey IMF ($343.2 milyan), IDA ($448.5 milyan), Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF) (131.0 million), deyn bixiyeyaal kale ($573.1 million), iyo dalal iyo ganacsiyo kale ($3 bilyan). Dayn-bixiyayaasha kale ayaa waxaa ku jira Naadiga Paris (Paris Club) iyo Kooxa Iskaashiga Carabta.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Sirdoonka & Militariga

Markab dagaal oo Turkigu leeyahay oo kusoo xirtay dekadda Muqdisho: Dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca labada dal

Markab kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa maanta kusoo xirtay dekadda magaalada Muqdisho. Arrintan ayaa imanaysa toddobaadyo uun kadib markii Soomaaliya iyo Turkigu ay kala saxiixdeen heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee labada waddan.

Published

on


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Turkiga ayaa kaga qeyb-galay dusha markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga munaasabad ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca Labada dal.

Heshiiskan oo ay ku jiraan iskaashiga ka dhanka ah argagixisada, ayaa ku soo beegmaya iyadoo Geeska Afrika ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiskii Itoobiya iyo maamulka goonida isu taagay ee Somaliland ay weli cirka isku sii shareerayso.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda faca-weyn ee ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyagoo xilli adag ku soo dhiirraday in ay soo gaaraan Soomaaliya.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed” ayuu yiri madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud.

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud oo mahadcelin iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Turkiga, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in dhaqan-gelinta heshiiskan ay suurta gelinayso dib u soo celinta Ciidamadda Badda Soomaaliyeed oo awood u yeesha in ay kaligood sugaan difaaca badaheenna, muddo dhow kaddib, haddii Alle idmo.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanayay tan you markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu booqday Soomaaliya, oo xilligaas ay abaar ba’an ka jirtay sanadkii 2011-kii. Heshiiskan milatari ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ku soo beegmaya xilli uu muran ka dhaxeeyo Soomaliya iyo Ethiopia. Kaasi oo ka dhashay heshiis is-afgarad ah oo ay Ethiopia la saxiixatay Somaliland billowgii bishii January ee sannadkan. Heshiiska qaab dhismeedka difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha ayaa waxaa wada saxiixday wasiirka gaashaandhigga Turkiga Yasar Guler iyo dhiggiisa Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Ankara.

“Heshiiska aan maanta saxiixnay waxa uu ku saabsan yahay in la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo iskaashiga ciidamada iyo dhaqaalaha,” ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen. “Waxaan aaminsanahay in heshiiska uu wax weyn ku soo kordhin doono Soomaaliya.”

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Yasar Guler, oo ku tilmaamay kulanka labada hogaamiye ee difaaca mid midho dhal ah, ayaa sheegay in heshiisku “uu sii wanaajin doono” xiriirka milatari ee labada dal. “Soomaaliya waa saaxiib muhiim ah oo uu Turkiga ka leeyahay Afrika,” ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo ku celceliyay taageerada uu dalkiisu u hayo madaxbannaanida dhuleed ee Afrika iyo madax-bannaanida.

Booqashada Nuur ee Turkiga uu ku tagay Ankara ayaa ku soo beegantay iyadoo Geeska Afrika ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiskii ay Somaliland iyo Itoobiya kala saxiixdeen 1-dii Jannaayo, kaasoo Addis Ababa loogu ogolaanayo inay gasho Badda Cas si ay u aqoonsato Somaliland oo ka go’day.

Soomaaliya, oo aan Somaliland u aqoonsan maamulka kamid ah maamulada dalka ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah madax-banaanideeda. Ankara waxay si cad u taageertay midnimada dhuleed ee Soomaaliya oo ay xiisado ka jiraan. Soomaaliya – oo ka mid ah dalalka fara ku tiriska ah ee martigeliyay saldhigga millatari ee Turkiga – waxay wadashaqeyn dhow la leedahay Turkiga.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul