Connect with us

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Waa maxay Farqiga u dhaxeeya Mucaaradnimada iyo qaran-dumisnimada?

Markii aan ogaaday dhalinyarada Soomaaliyeed inay kala garan la’yihiin cida qaranka duminayso iyo mucaaradnimada waxa ay tahay, ayaan waxaan go’aansaday inaan qoraalkaan soo saaro.

Published

on

Sawirkaan wuxuu muujinayaa rashadaha siyaasadeed ama siyaasad-xumada waxyaabaha ka dhalan kara.
Sawirkaan wuxuu muujinayaa rashadaha siyaasadeed ama siyaasad-xumada waxyaabaha ka dhalan kara.

Soomaaliya uma baahno rag xoog leh laakiin waxay u baahan tahay hay’addo dowladeed oo adag. In kasta oo baahi weyn loo qabo hoggaan waxqabad leh, haddana Soomaaliya waxay u baahan tahay hay’ado madax-bannaan oo cabsi gelin kara masuuliyiinta dalka xukuma. Haddii aan la helin hay’ado hagaagsan, Soomaaliya waxay ku hungoobi doontaa gacanta hoggaamiyayaal is-xilqaamay oo aan ixtiraamayn xukunka sharciga iyo dadka.

Qoraalkaan waxaan ku qaada dhigayaa farqiga u dhaxeeyo mucaaradnimada iyo qarandumisnimada, waxaana ku qaada dhigayaa qodobada aan isleeyahay waa muhiim in dadkaaga ay wax ka ogadaan.

Waa maxay Mucaaradnimada?

Siyaasadda, mucaarad wuxuu ka kooban yihiin hal ama in ka badan xisbiyo siyaasadeed ama kooxo kale oo abaabulan oo ka soo horjeedda, ugu horrayn feker ahaan dowladda, xisbi ama koox gacanta ku haysa siyaasada dalka, gobol, ama hay’ad kale oo siyaasadeed. Heerka mucaaradka wuu ku kala duwan yahay hadba xaaladaha siyaasadeed. Tusaale ahaan, nidaamyada kali talisnimada iyo kuwa xorta ah, mucaaradnimada waa la kala horreeyn karaa.

Xisbiyada mucaaradka, ama dadka mucaaradka ku ah dowlad dal ka talisa waa dad xambaarsan afkaar, mabaadii, aragtiyo siyaasadeed. Waa dad xambaarsan mabaadii iyo aragtiyo si bulshadooda ugu badbaadiyaan abaaraha soo noqnoqda, ka shaqeeya sidii ay ugu xorroobi lahayeen deeqaha beesha caalamka, ka faa’idaysta wax soo saarka dalkooda iyo awooda dhalinyarada Soomaaliyeed, dhisida ciidan xoog leh oo ku dhisan mabaadiida qarannimada iyo anshax wanaaga.

Maamulka Ganacsiga Caalamiga – Koorso shahaado leh. Koorsadaan waxa bixinaysa jaamacada Unigovec - The University of Government and Economics, 100% waa Online, Qiimahana waa 15$ oo kali, waxayna soconaysaa 35 maalmood. Guji Sawirka

Doorka ugu weyn ee Mucaaridku waa inay wax weydiyaan dowladda markaas jirto oo ay kula xisaabtamaan shacabka. Waxaa laga yaabaa inay jiraan muuqaalo macno leh, sida akhristayaasha ay u arki karaan markay ka fekerayaan aragtida doorka hoggaamiyaasha mucaaradka Soomaaliya.

Xisbiyada mucaaradka waxay lahaan karaan aragtiyo saameyn ku yeelan kara natiijooyinka ka dhalan kara hab-dhaqankooda. Sidoo kale qaabka ay u wada shaqeeyaan axsaabta mucaaradka ayaa saameyn ku yeelan kara xassilooni-darada dal – haddii ay ku guuleystaan wada shaqeynta iyo dhismaha “nidaamka siyaasadeed oo xassilooni ku dhisan” waxaa kor-u-kaca fursadaha ay ku ridayaan dowladda.

La xisaabtanka Xukuumadda

Aqoonyahan Dr. Brash wuxuu leeyahay mid ka mid ah shaqooyinka ugu muhiimsan ee Mucaaradku waa inay si joogto ah wax u waydiiyaan Dowlada. “Dowlad kasta waa inay la xisaabtanto shacabka markasta, Mucaaradka wanaagsanna wuxuu tooshka ku ifiyaa arrimaha culus si deg deg ahna waa loo xallin karaa”.

Wuxuu yirri “Mucaaradka firfircoon wuxuu si adag uga doodaa sharci dejinta Golaha iyo inta lagu gudajiro hawsha Guddiga Xulista si loo hubiyo in sharcigu helo tixgelin taxaddar leh.”

Dr. Brash wuxuu leeyahay ka mid noqoshada Mucaaradka kuma koobna oo kaliya inaad mucaaraddo Dowlada. “Waxaa jira mararka qaarkood oo Mucaaradku ku raacaan Xukuumadda. Haddii xalka ay Xukuumaddu soo jeedisay uu leeyahay taageero ballaaran, oo si qumman u dhisan, markaa waa iska caadi in Mucaaradku oggolaadaan “

Hogaaminta Mucaaradka

“Xisbiyada mucaaradka ma haystaan ilo isku mid ah sida Dowladda iyo Fulinta, marka waa inay u shaqeyaan laba jibbaar si ay u helaan natiijooyin isku mid ah”, ayuu yiri Dr. Brash.

Dawladdu waxay marin u leedahay waaxaha dawladda iyo la taliyayaasha si ay u dejiyaan siyaasaddooda, halkaasoo Mucaaridku inta badan ku khasban yihiin inay maraan wadooyin kala duwan si ay u helaan macluumaad isku mid ah.

Sidoo kale waa muhiim in hogaamiyaha uu si dhaw isha ugu haayo waxa ay dadweynuhu dhahayaan ama ay ka qabaan, baahida iyo rabitaanka – maxaa yeelay waa halka ay ka heli karaan dowladda marka ay timaado olole doorasho.

Dr. Brash wuxuu leeyahay waxaa jira arimo qaarkood “mararka qaarna ay sababto dayacaad Dowladeed” oo noqota barxada ugu weyn ee Mucaaradka. Wixii ku saabsan doorashada, waxaa ka mid ah ka-dhimista canshuuraha, sharciga iyo kala dambeynta, arrimaha heshiiska iyo waxbarashada.

“Doorka kale ee ugu weyn ayaa ah soo jeedinta waxyaabo kale oo ka duwan waxa ay dowladdu sameyneyso si dadweynahu ay u helaan faa’iidada doodaha siyaasadeed ee u dhexeeya jihooyinka kala duwan,” ayuu yiri Bill English, oo xubin ka ahaa xisbiga mucaaradka ee New Zealand oo leh xubnaha ugu badan ee Baarlamanka la doortay 2002. Doorka kale ayaa ah matalaada mucaaradka munaasabadaha rasmiga ah, sida qado sharafta dowlada.

Mucaaradka siyaasadeed ee dhabta ahi waa astaamaha lagama maarmaanka u ah dimuqraadiyadda, dulqaadka, iyo ku kalsoonaanta awoodda muwaadiniinta ee ay ku xallin karaan khilaafaadkooda qaab nabadeed. Jiritaanka mucaaradnimo, waxay toosisaa hab-dhaqanka dowladda waxaana halkaas ka bilaabma tartan ah in wax isla sixida ay waajib tahay.

Waa maxay qaran-dumisnimada?

Qaran-dumisnimada waa dad aan afkaar iyo mabaadii aan xambaarsaneen, waxaana kaalinta koowaad kaga jira warbaahinta aan tayada fiican lahayd. Warbaahinta waa aaladaha kala duwan ee loo isticmaalo warbaahin iyo war-isgaarsiinta. Warbaahinta haddii ay noqdaan kuwa u adeega dad gaar ah oo dano gaar leh, islamarkiiba waxaa laga dareemaa xasilooni darada dalka. Sidoo kale waxay kiciyaan shacabka iyo ciidanka dalka, waa sida Soomaaliya ka taagan maalmahaan. Ciidan shaqadiisa waa illaalinta shacabka iyo qaranimada Soomaaliyeed. Ciidamada waajibaadka saaran waa inay dhexdhexaad ka noqdaan xaalada siyaasadeed ee dalka, mana loo isticmaali karo dano siyaasadeed.  

Qaran-dumisnimada waxaa lagu tilmaami karaa ururo aan lahayn mabaadii iyo afkaaro oo shacabka dan u ah, kali danahooda u gaarka ah. Marka aad fiiriso siyaasada Soomaaliya ee maanta ka taagan way adag tahay inaad kala saarto cida u doodayso qabiil iyo cida u doodayso qaran. U fiirso qofka siyaasi taageeraayo wuxuu u taageerayaa waa qabiil dartiisa ee kama ahan muwaadinnimo – adigaba waad soo baari kartaa qodobkaas.

Gunaanad, ma jiro dowlad ama urur siyaasadeed oo soo koobi kara danaha bulshada oo dhan. Dawladnimada qarnigan 21aad waxay u baahan tahay xisbiyo siyaasadeed oo kala duwan oo ku kobcaya mabaadi’da guud ee xorriyadda, caddaaladda iyo wadajirka, gaar ahaan Soomaalida wax natiijo ah waa ay ku keeni waysay waxa ay nidaam ku sheegeen 4.5 (awood-qeybsiga qabiilada) sababo kala duwan awgeed.

Aniga aragtidayda sida ay ila tahay Soomaali waxay u baahan tahay dastuur ogalanaayo; iyada oo loo marayo cod aqlabiyad ah- xisbiga guuleysta, iyo gaar ahaan hogaamiyaha ay doorteen xisbiga inuu noqdo madaxweyne. Soomaaliya uma baahno rag xoog leh laakiin waxay u baahan tahay hay’addo dowladeed oo adag. In kasta oo baahi weyn loo qabo hoggaan waxqabad leh, haddana Soomaaliya waxay u baahan tahay hay’ado madax-bannaan oo cabsi gelin kara masuuliyiinta dalka xukuma. Haddii aan la helin hay’ado hagaagsan, Soomaaliya waxay ku hungoobi doontaa gacanta hoggaamiyayaal is-xilqaamay oo aan ixtiraamayn xukunka sharciga iyo dadka.

Jean Jacques Rousseau (1912-78), waa mid ka mid ah falsafadleyda siyaasadeed ee ugu cilmiga badnaa uguna caansanaa qarnigii 18aad. Rousseau waxaa lagu tiriyaa inuu saameyn ku yeeshay kacaankii Faransiiska iyo gaar ahaan horumarka fikirka siyaasadeed, cilmiga bulshada iyo waxbarashada casriga ah. ‘Dardaaranka guud’; wuxuu ku dooday – in bini’aadamku awood u leeyahay inuu ku shaqeeyo hal ajande guud oo ka dhexeeya dadka iyo dowladda.

Ururada siyaasadeed ee mucaaradka waa ururo bulsheed oo leh waxqabad, waxay muujiyaan danaha qaranka, waxay la socdaan wax qabadka la’aanta hay’adaha siyaasadeed iyo kuwa dowladda. Xisbiyada siyaasaddu waxay tusaale u yihiin ruuxda dagaalka; u diyaar garow ficil siyaasadeed iyo iska hor imaad. Waa wadada kaliya ee qaab ahaan loo abaabulo aragtiyaha kala duwan ee bulshada. Bulshada casriga ah, xisbiyada siyaasadeed ee mucaaradka waxay leeyihiin shaqo muhiim ah dalka iyo mustaqbalka dowladnimada ee ummad kasta.

Doorka mucaaradka waa mid muhiim u ah dimuqraadiyadda wuxuuna si toos ah ula hadlayaa mustaqbalka Soomaaliya. Mucaaridku waxay doorar kala duwan ku leeyihiin baarlamaanka, iyagoo matalaya deegaanka ay ka soo jeedaan, xagga siyaasada, horumarinta siyaasada iyo fulinta sharciyada. – Hadda waa gabagabo caqli gal u ah dadka siyaasada u dhuun duleela; in adduunku si dhakhso leh isu beddelayo oo xukumaddu ku qasban tahay inay isku beddesho qaab la mid ah.

Facebook Comments Box

  • Sawirkaan wuxuu muujinayaa rashadaha siyaasadeed ama siyaasad-xumada waxyaabaha ka dhalan kara.

    Sawirkaan wuxuu muujinayaa rashadaha siyaasadeed ama siyaasad-xumada waxyaabaha ka dhalan kara.

  • Maamulka Ganacsiga Caalamiga – Koorso shahaado leh. Koorsadaan waxa bixinaysa jaamacada Unigovec - The University of Government and Economics, 100% waa Online, Qiimahana waa 15$ oo kali, waxayna soconaysaa 35 maalmood. Guji Sawirka

  • Sawirkaan wuxuu muujinayaa rashadaha siyaasadeed ama siyaasad-xumada waxyaabaha ka dhalan kara.
  • Maamulka Ganacsiga Caalamiga – Koorso shahaado leh. Koorsadaan waxa bixinaysa jaamacada Unigovec - The University of Government and Economics, 100% waa Online, Qiimahana waa 15$ oo kali, waxayna soconaysaa 35 maalmood. Guji Sawirka

Cabdijabaar Sh. Axmed waa qoraa iyo macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha (The University of Government and Economics). Waa tifatiraha guud ee majaladda Diblomaasi. Waa falanqeeye siyaasadda arrimaha dibedda, diblomaasiyadda, sharciyadda caalamiga. Wuxuu kaloo wax ka qoraa maareynta ganacsiga, dhaqaalaha, falsafada, horumarka bulshada iyo nabadgelyadda. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Baahi intee la’eg ayaa loo qabaa Xarumaha Fikirka ee Soomaaliyeed?

La’aanta cilmibaarista, xarumaha daraasadaha, daciifnimada kaalintooda, waa fursad luntay oo ay tahay inaan fiiro gaar ah u yeelano oo sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah dib loo dhiso, maxaa yeelay dhibaatooyinkeenna waxaa lagu xallin doonaa oo keliya iyada oo loo marayo maskaxdeena aan dheregsaneyn ee si hagar la’aan ah u raadino xalka.

Published

on

Bidax: Iskuulka Athens, Raphael Sanzio (1483-1520) - Midig: Maktabaddii Guriga Xikmada ee Baqdaad, Javier Romano

Way fiicnaan lahayd haddii aan dhisno hay’ado cilmi baaris ah oo ka shaqeeya dal kasta iyo heerka gobolka guud ahaan waqtiyadadaan muhiimka u ah taariikhda dalalkeenna, gaar ahaan kuwa ku howlan dhisidda nabadda oo markaa u baahan in la shaqaaleeyo.

Cilmi-baaristu waa qaabka lagu gaaro aqoon cusub, amaba waxaa la yiraahdaa waa: waa baaritaan nidaamsan (aruurin iyo dhiraandhirin xog) taasoo loo qaabeeyo inay horumariso ama ka qayb qaadato aqoonta. Haddaba, isku soo duuboo cilmi-baaristu waa soo saaridda iyo ka gun-gaarida aqoonta iyo cilmiga dahsoon si bulshadu ay u gaarto horumarka ay ku taamayso dhinac walbaba. Cilmi-baaristu way ka duwan tahay qaababka aqoonta lagu gaaro sida akhriska buugaagta iwm, sababtoo ah waxay leedahay qaab cilmi ah oo la raaco.

Xarumaha cilmi-baarista ee waddammada xorta ah ee horumaray waxay inta badan abuureen shabakado siyaasadeed oo xudduud ka gudbaya oo ay ku jiraan xisbiyo siyaasadeed, kooxo daneynaya, shirkado, ururro caalami ah, iyo ururrada bulshada rayidka ah, marka lagu daro jaamacadaha iyo hay’adaha rasmiga ah.

Dhammaan dowladaha Carabta oo ay Soomaali koow ka tahay, waxaa loo baahan yahay khibrad iyo karti si looga gudbo dhibaatooyinka loona xaliyo caqabadaha si loo gaaro himilada la doonayo ee nabadda, xasilloonida iyo horumarka.

Dadyowga Soomaaliyeed waxaa dhibaatooyin badan ka haysto dhinaca isbeddelka waxbarashada dalka. Aqoonyahaanada Soomaaliyeed intooda badan waxa ay maanta aaminsan yihiin in cilmiga uu ku jiro in marka hore la barto luuqadaha shisheeye. Waxaa jiray dad ku dooday in iskuulada laga dhigo luuqadda Ingiriiska, kuwa ayaa doonaya in la isku daro Ingiriis iyo Carabi labadaba, iyadoo qaar kalana ay ku doodeen in luuqadda isticmaalayo waxbarashada dalka ay noqoto Af soomaali.

Waxaana xaqiiqo ah in ummad walbo ummadaha kale waxay kaga horeeyaan inta ay luuqadahooda wax ku bartaan. Ma jiro hal iskuul oo ardada wax ku barata luqadda Soomaaliga iyada oo luuqadda la isticmaalo ay tahay Carabiga iyo Ingiriiska. Iskuul waxaa jira heerka dugsiga hoose u isticmaalay luuqadda Soomaaliga balse dib ugu wareegay Ingiriiska marka la gaaray heerka dugsiga sare.

Waa inaan isweydiinaa heerka sharafta iyo qadarinta cilmiga. Marka hore macallimiinta, waalidka iyo dadka waxbarashada ka shaqeeyaba waxa ay isku waafaqeen in bulshada Somaaliyeed aysan tixgalin iyo qadarin u haynin macallimiinta iyo waliba xirfadda macallinnimada. Wasaaradda waxbarashadu waxa ay muujisay walaac ku aaddan in dadka ugu fahmada iyo tayada badan bulshada dhexdeeda aysan macalinimadda kamid ahayn.

Guriga Wisdom ama Bayt al-Hikma oo ku yaalay Baqdaad qarniyadii dhexe, waxay isu keeneen rag saynisyahan ah, iyo guud ahaan cilmiga kala duwan, iyadoo ujeedadu tahay in la horumariyo aqoon isweydaarsi kala duwan oo bulshada dhexdeeda ah.

Saynisyahanno, falsafadleyda, afafka, xisaabiyeyaasha, geometerka, cirbixiyeennada, fannaaniin iyo wixii la mid ah, waxay si wada jir ah uga wada shaqeeyeen xaalado iswaafajinaya oo isku xiraya cilmiyadooda kala duwan, iyadoo ujeedadu tahay in la helo miiqyada guud ee ka wada muuqda dhammaantood, maadaama dhammaan af-hayeennada giraangiradu kulmayaan bartamaha. Tani waxay ahayd tusaale iskaashi dhab ah.

Mongolisku waxay burburiyeen Maktabaddii Guriga Wisdom ee Baqdaad oo waxay ku tuureen Muga ee Webiga Tigris, iyagoo ku madoobaaday biyaheeda madow. Maktabadda Alexandria waa la gubay waxaana la waayey qayb weyn oo ka mid ah keydkii ilbaxnimadii Fircooniga iyo Giriigga.

Waxa aan xaq u leenahay in aan maanta u baroorano tacadiga hantidan cilmiga ah oo ka baxay dadka muslimiinta.

Laakiin nasiibdarada ina qabsatay ayaa ah in aynan isku dayeynin in aan dib usoo saarno aqoontaan, isla markaana aan luminay fursad kasta oo ina hor taal si aan u dhisno ilbaxnimo cusub maanta! Haddii aan loo istaagin in aqoontaasi dib loo soo saaro waxaanu ku dhex milmaynaa ilbaxnimada casriga ee dadyowga kale.

Haddii aynu jaleecno xaaladdaha aqooneed ee dunida, waxaan ka helaynaa diirad weyn, gaar ahaan waddamada horumaray, waxa loogu yeero xarumarka fikirka (ama xarumaha daraasadaha iyo cilmi baarista), kuwaasoo ka ciyaaray door muhiim ah, kana qaatay horumarka wadamadan heerarka sayniska iyo garashada guud ahaan.

Si kastaba ha noqotee, ka waran xaqiiqda xarumaha fikirka carabta, gaar ahaan kuwa khuseeya siyaasadda iyo guud ahaan aadanaha?

Ereyga “fikirka” wali dad badan ayuu mugdi ugu jiraa, tanina waa mid la fahmi karo iyadoo ay ku xiran tahay doorarka adag ee hay’adahaan, iyo ujeedooyinkooda oo aan qalalaase la’aan lahayn. Markaa waa aalad siyaasad dejineed in lagu fuliyo qaab ama qaab kale. In kasta oo ay ku fideen xarumahan nidaamyo badan oo siyaasadeed adduunka oo dhan, joogitaankooda xagga daabacaadda iyo warbaahinta elektaroonigga ah, iyo tabarucaaddooda ku aaddan shaqada dawladaha, baarlamaannada iyo la-tashiyada dadweynaha, weli way adag tahay in si sax ah loo qeexo ama lagu qeexo.

Warbixinta xarumaha fikirka iyo bulshada rayidka ah ee ay soo saartay “Machadka Lauder” ee jaamacada Pennsylvania sanadka 2021 ayaa sheegaysa in sanadkii la soo dhaafey tirada ururada fikirka ee adduunka ay gaareen 11,175 xarumood, waa saamiga wadamada Carabta – guud ahaan – wuxuu ahaa qiyaastii 390 xarumood (badankood waa mugdi, ama fikir ahaan) Ama saameyn daciif ah), halka Mareykanka kaliya uu leeyahay ilaa 2200 xarumood!

Bare-yahanka cilmiga siyaasada ee Mareykanka borofisar John Kingdon wuxuu ugu yeeraa kuwa ka shaqeeya xarumaha fikirka “ganacsadayaal siyaasadeed”, maadaama ay door muhiim ah ka ciyaarayaan marxaladaha kala duwan ee geedi socodka “siyaasad dejinta”. Waxaa laga yaabaa inay saameyn ku yeeshaan xilliyada dhibaato abuurista, markay raadinayaan xalalka, ama markaad u fidiso xalalkan kuwa go’aanka gaara, ama xitaa markaad u doodayso siyaasado gaar ah adigoo gaarsiinaayo dhagaystayaasha ballaadhan.

Diirad saarida xarumaha cilmi baarista ee dalkeena Soomaaliyeed waxay noqotay baahi deg deg ah ee loo baahan yahay wakhtigaan. Wey jiraan kuwa wax soo saarkooda aad u liita, waxaana loo sababayn karaa dhaqaalle-xumo iyo taageero la’aan. Si loo soo jiito waaya-aragnimada khabiirada Soomaaliyeed, hibada iyo awoodaha dhalinyarada Soomaalida, ee xiisaynaya shaqadaan waa in la soo dhaweeyo oo la maalgeliyo.

Sababtoo ah la’aanta cilmibaarista, xarumaha daraasadaha, daciifnimada kaalintooda, waa fursad luntay oo ay tahay inaan fiiro gaar ah u yeelano oo sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, maxaa yeelay dhibaatooyinkeenna waxaa lagu xallin doonaa oo keliya iyada oo loo marayo maskaxdeena aan dheregsaneyn ee si hagar la’aan ah u raadino xalka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Mala mudaharaadi karaa iyadoo loo eegaayo Qaanuunka Dowliga iyo Sharaaceda Islaamka?

Waxaa muhiim ah inaan ogaano in meelo badan oo dunidu ka dhaceen mudaharaadyo qaar waa lagu najaxay, qaarna waxaa laga dhaxlay dhibaato aan laga soo waaqsan.

Published

on


Mudaharaadku wuxuu noqon karaa muujinta xuquuqda xorriyadda isu imaatinka, xuquuqda xorriyadda ururrada, iyo xaqa xorriyadda hadalka. Intaa waxaa sii dheer, mudaaharaadyada iyo xaddidaadda mudaaharaadku waxay socdeen illaa intii ay dowladuhu lahaayeen.

Heshiisyo badan oo caalami ah ayaa ka kooban qeexitaan cad oo xuquuqda banaan-baxyada ah. Heshiisyada noocan oo kale ah waxaa ka mid ah heshiiskii Yurub ee 1950 ee Xuquuqda Aadanaha, gaar ahaan Qodobbada 9aad ilaa 11aad; iyo Axdigii Caalamiga ahaa ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda ee 1966, gaar ahaan qodobbada 18aad ilaa 22aad.

Qodobbada 9aad waxay muujinayaan “xuquuqda xorriyadda fikirka, damiirka, iyo diinta.” Qodobka 11aad wuxuu qeexayaa “xuquuqda xorriyadda la-dhaqanka dadka kale, oo ay ku jirto xuquuqda sameynta iyo ka mid noqoshada ururrada shaqaalaha si loo ilaaliyo danahiisa.

Si kastaba ha noqotee, heshiisyadan aanu soo sheegnay iyo kuwa kaleba xuquuqda xorriyadda isu imaatinka, xorriyadda ururrada, iyo xorriyadda hadalka ayaa ku xiran nidaamyo xaddidaayo oo gaar ah. Tusaale ahaan: Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda waxaa ku jira qodobo mamnuucaya wax badan oo ku saabsan sida in la fidiyo “dacaayad dagaal” iyo u doodista “nacayb Qaran, Midab ama diin”.

Waxa la ogolyahay xaddidaadda xorriyadda isu imaatinka haddii loo baahdo “bulsho dimoqraadi ah iyadoo la ilaalinaayo danaha amniga qaranka ama nabadgelyada guud, kala dambaynta bulshada, ilaalinta caafimaadka bulshada ama anshaxa ama ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadaha dadka kale. “

Waxaa muhiim ah inaan ogaano in meelo badan oo dunidu ka dhaceen mudaharaadyo qaar waa lagu najaxay, qaarna waxaa laga dhaxlay dhibaato aan laga soo waaqsan. Dunidana dalalka ku yaala waxay leeyihiin isu soo baxyada shuruuc kala duwan.

Mudaaharaadku, si kastaba ha noqotee, qasab maahan inuu rabshad ama khatar ku yahay danaha amniga qaranka ama amniga guud.  Sidoo kale qasab ma’ahan caasinimo shacab, ama gadood shacab in la diido marka mudaharaadku uusan ku lug lahayn ku xadgudubka shuruucda gobolka ama dalka. Dibadbaxyada, xittaa ololaha iska caabinta aan xasilooneyn, ama iska caabinta shacabka, inta badan waxay yeellan karaan dabeecada (marka lagu daro isticmaalka habab aan xasilooneyn) oo si togan loogu taageerayo dimuqraadiyada.

Tani waxay dhici kartaa, tusaale ahaan, marka iska caabinta noocan oo kale ahi ay timaaddo iyada oo laga jawaabayo afgembi militari; ama arrin la mid ah diidmada hoggaanka dalka ama gobolka ee ah in uu iska dhiibo xafiiska uu hayo ka dib guuldaradii doorashada kaga timi ama uu isagu ku qasbo fikirka kooxdiisa ama xisbigiisa iyo dal uu ka jiri karo xisbiyo badan ama musharaxiin badan.

Bannaanbaxa iyadoo laga eegaayo shareecada Islaamka
____

Islaamku wuxuu dammaanad qaaday xorriyadda fikirka iyo ra’yi dhiibashada, waxay la micno tahay: insaanka ayaa ku raaxaysanaya xorriyadda buuxda ee ah inuu ka hadlo runta kana talo bixiyo dhammaan arrimaha diinta iyo adduunkaba, isagoo kasbanaya waxtarka.

Muslimiinta iyo illaalinta danaha qofka iyo bulshada iyo dhowrista kala dambaynta bulshada dhexdeeda iyadoo la raacayo dardaaranka wanaag farida iyo reebida Xumaanta. In kasta oo Islaamku ka walaacsan yahay xorriyadda fikirka iyo ra’yi dhiibashada kali ah oo awood badan siinaayo in la raaco shareecada waxay fareyso haddana wuxuu iskasii taxaddaray in aan laga xoreynin xannibaadaha iyo kontaroolada hubinaya addeegsigiisa fikir iyo waxa bini’aadanka u wanaagsan ee ilaahay u jideeyay.

Waxaa jira xuduudo aan loo baahnayn in la gudbo marka la banaan baxaayo, oo ay ka dhalan karto natiijada ah in la galo waxa Illaah ka cadhaysiinaya ama waxyeello u geysanaya qofka iyo bulshada labadaba, oo khalkhal gelinaya nidaamka bulshada iyo akhlaaqda wanaagsan.

Waa in la damaanad qaadaa habab iyo qaababka lagu gaari karo, mudaharaad nabadeed taasna waa mid yar oo dadka mudaharaadka galaya waxaa ku soo dhex dhuuman kara burcad ama dad fowdo iyo qas abuur ah. Shareecada islaamka waxay ka tiri Mudaharaadka sidan:

Dhacdo kasta waxay u baahan tahay inla ogaado mabaadi’da iyo qawaaniinta ka soo ifbaxaya aqoonteeda iyo warbixinteeda, lagana baato shareecada islaamka bayaanka xukunka Shareecada ee loogu talagalay iyada iyo mabaadi’da ugu muhiimsan ee loo gudbiyo  si loo oggaado xukunka dhabta ah ee arrintaas bannaanbaxa ah, bannaaniibtiisa ama dhib iyo dheef kee buu noo leeyahay.

Waxaana marka hore nala faray wax badan oo ka horeeya bannan bax in la qabto.

1. Xukunka u hoggaansanaanta taliyaha ama Madaxda ama madaxweynaha.

Mid ka mid ah xadiisyada asalka Sunnada, Nabigaeena ayaa ah inay aaminsan yihiin inay lagama maarmaan tahay in la dhageysto loona hoggaansamo taliyada dalka amarka ee ka soo baxana Muslimiinta waa inay qaataan fuliyaan bilaa caasinimo.

ILAAHAY – Weynaaye- wuxuu yiri: (Kuwa xaqa rumeeyow, adeeca Eebe oo adeeca Rasuulka iyo kuwiinna amarkiina talada gacanta ku haya oo ah madaxdiina. (An-Nisaa ‘: 59)

Saldanadana arrimaheena haddaan muslimiin nahay waxaa gacanta ku haya,
1. Madaxweynaha la doortay iyo
2. Culimada Illaahay dartii dadka wax ugu sheega oo u bara waana labada qeeb ee aayadan na fartay in la adeeco lana raaco warkood.

Ibnu Cumar – Allaha ka raalli noqdee – inuu nebigu – naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye – yidhi: (Qofka muslimka ahi waa inuu dhagaystaa oo u hoggaansamaa Amiirka wuxuu jecel yahay hala amree ama wuxuu neceb yahay, haddii aan lagu amrin inuu Eebe wehne caasiyo mooyee) haddii lagu amro inuu illaahay caasiyo lama adeecaayo lama maqlaayo qofkuu doono ha ahaadee).

2. Hoggaamiyaha xaqdarada wada laguma addeecaayo xumaanta tusaale Nabi Maxamed NNKH ayaa diray ciidan wuxuu madax ugu dhigay nin ansaari ahaa ninkii ansaariga ahaa ayaa saxaabadii la socotay ku amaray inay qoryo soo guraan oo dabshidaan kadib ku yiri kooxdiisii “dabkaan gala waayo waxaa la idin faray inaad i adeecdaane.” Saxaabadii taa ka diiday oo ku yiri “naar ayaan ka soo cararnay oo Nabi Maxamed NNKH ayaan raacnay adigana ma haddaad naar nagu gubeysaan dunida korkeeda.” Arrintii ayaa Nabiga scw loo sheegay wuxuu yiri “dabkaas haddii ay geli lahaayeen waligood kama baxeen, wanaaga ayaa la isku addeecaa ee xumaanta maya.”

3. Hoggaamiyaha ama madaxweynaha waa loo naseexeynayaa wanaaga ayaa loo sheegayaa xumaantana waa laga diidayaa.

Taariq bin Shihab wuxuu yidhi: Qofka ugu horeeya ee bilaabay khudbada maalinta ciida salaada kahor, wuxuu ahaa Marwaan, markaasuu nin istaagay oo ku yidhi: Salaada ayaa ka horeysa khudbada ciidda, wuxuuna yidhi: warkaas waa laga tagay. Abu Saciid al-Khudri, Allaha ka raalli noqdee, wuxuu yiri: ninka sisaa yiri, wuxuu ku sifoobay kuwa go’aanka laga qaadaanyo waxaan rasuulka ka maqlay isagoo leh: – Ruuxii idinka mid ah oo arka xumaan la falaayo, gacantiisa ha ku badalo, haddii uusan awoodin, markaa carrabkiisa, hadduusan awoodin, markaas qalbigiisa, tanina waa iimaanka ugu daciifsan)

4. Mudaharaadka waa inuu waafaqa shareecada oo ay san ka dhalan dhibka laga cabanaayo mid ka weyn.

5. Culimo badan oo casrigaan jooga iyo kuwo hore waxay yitaahdeen: mudaharaadka waa xaaraan waayo waxaa ka dhalaneysa dhibaato ka badan tan la doonaayo waxay yiraahdeen

Muduharaadka wuxuu leeyahay danbiyo waa weyn sida:
In rag iyo dumar is dhex galaan
In lagu dhawaaqo hadallo caro xambaarsan
In waqti ku lumo halkaas
In la dumiyo ama la fahsahaadiyo dhulka
In fowdo ay dhacdo
In la naf la gooyo
In nabada iyo ammaanka uu meesha ka baxo taasna waxaa tusaale cad ah eeg waxa ka jira ama ka dhacay kadib mudaharaadkii gu’gii carabta Yemen, Liibiya, Suudaan, Tunisia iyo dalal kale oo caalamka ku yaala. Iyo 1991 wixii dalka Soomaaliya ka dhacay oo shacab iyo jabhado ku kaceen nabadii kacaanka lagu haystay.

Waa maxay dowlad? – nidaam dowlaadeed


 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Waa maxay Dastuur?

Published

on

Sawirka waxaa la qaaday wakhtigii la soo bandhigay dastuurka cusub ee Soomaaliya

Dastuurka wuxuu qeexaa xiriirka ka dhexeeya dawladda iyo bulshada, wuxuu u dhexeeya dadka wax xukuma iyo muwaadiniinta la xukumo. Waxay sidoo kale qeexaysaa sida dowladdu u shaqeyso, hay’adaha ay ka kooban yihiin iyo sida ay iskula xiriiraan. Dastuurka ayaa sidoo kale go’aaminaya awoodaha hay’adahaasi leeyihiin iyo kuwa aan lahayn.

Dastuurrada waxay u kala baxaan laba qaybood midkood: dastuurro dabacsan, sida kuwa Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, oo si fudud wax looga beddeli karo, iyo dastuurro go’an, aan rogrogmi karin, sida kuwa Mareykanka, oo ay adag tahay in la beddelo, iyadoo lagu beddelayo aqlabiyad keliya.

Soomaaliya waxaa hadda lagu xukumaa dastuur kumeelgaar ah. Dastuurka kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa sharciga ugu sarreeya Soomaaliya. Waa aasaaska sharciga ee jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka iyo isha awoodda sharciga. Waxay dejisaa xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinteeda, waxayna qeexaysaa qaab dhismeedka dowladnimo. Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa la ansaxiyay Ogoosto 1, 2012 Golaha Dastuuriga ah ee Qaranka oo ku shiray Muqdisho, Banaadir.

Sida ku cad Dastuurka Soomaaliya, wuxuu dhiirri-gelinayaa xuquuqda Aadanaha, talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerarka caalamiga ah, caddaaladda, xukuumad loo dhan yahay oo ku dhisan wadatashi, kala-soocidda awoodaha sharci-dejinta, fulinta iyo garsoor madaxbanaan, iyagoo leh hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan ka jawaabaya danaha dadweynaha.

Qodobka 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Soomaaliya waa Jamhuuriyad federaal ah, leh gobannimo, dimoqraaddi ah, oo ku dhisan matilaadda dadweynaha, loo dhan yahay oo ku salaysan nidaamka axsaabta badan iyo caddaalad bulshadeed.

(2) Allahu Subxaanahu wa Tacaalaa ka sokow (SWT), awoodda oo dhan waxa leh Shacabka, wuxuuna ugu isticmaalayaa si toos ah iyo isagoo u adeegsanaya hay’adihiisa uu u xilsaartay, si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda. Waxaa reeban in qof ama qayb ka mid ah bulshada sheegato gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ama u adeegsadaan si u gaar ah.

(3) Gobannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma-xadgudbaan.

Nidaam siyaasadeedka ayaa abuuraa dastuurka wuxuuna isku xiraa fulinta, sharci dejinta iyo garsoorka iyadoo loo maraayo qaab dowladeed oo lagu go’aaminayo xiriirada kala duwan ee ay wadaagaan midba midka kale.

Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanku waxay leeyihiin qaabab siyaasadeed oo aad u kala duwan hadana waxay leeyihiin wax ay ka wada siman yihiin oo ah dimuqraadiyadda. Xagga qaab maamulka waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin waxaa caddeynaayo dastuurka dalalkooda.

Isbarbardhiga nidaamyada siyaasadeed ee Ingiriiska iyo Mareykanka,  asal ahaan, farqiga ugu weyn ee u dhexeeya ayaa ah in Boqortooyada Midowday ay leedahay nidaam baarlamaani ah iyo dowlad midaysan; Mareykanka nidaam madaxweyne iyo dowlad federaal ah. Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanku waxay leeyihiin qaabab siyaasadeed oo aad u kala duwan. Sida laga soo xigtay Arend Lijphart, mid kastaa wuxuu tusaale u yahay laba nooc oo kala duwan oo dimoqraadiyadda xorta ah.

Qaab-dhismeedka hay’adeed ee kala duwan, gaar ahaana nidaam siyaasadeed kasta oo qaab qaran loo sameeyay, waxay saameyn ku leeyihiin ku dhaqanka siyaasadda. Qaab-dhismeedyada noocaan ah waxaa ka mid ah qaab dowladeedka, dastuurka, xiriirka fulinta iyo sharci dejinta, kormeerka garsoorka ee siyaasadda, doorashooyinka iyo nidaamka xisbiyada. Dhammaan qaab-dhismeedyadani waxay gacan ka geystaan go’aaminta sida hay’adaha muhiimka ah, gaar ahaan fulinta, sharci-dejinta iyo garsoorka, ay ula falgalaan midba midka kale una soo saaro wax soo saar siyaasadeed oo gaar ah.

Waa maxay dowlad? – nidaam dowlaadeed


 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Waa maxay dowlad? – nidaam dowlaadeed

Aragtida Dawladnimadu waxay ku xeran tahay sida ay dadka u sharaxdaan ama ay u fasirtaan dowladnimada. Way fiicnaan kartaa ama xumaan kartaa iyadoo ay ku xiran tahay aragtida dadka.

Published

on


Dowlad waa nidaamka siyaasadeed ee ka jira dal, waa nidaamka lagu maamulo bulsho. Ereyga dowlad wuxuu ka soo jeedaa ereyga Giriigga ah [kubernáo] oo macnaheedu yahay in lagu hoggaamiyo.

Nidaamka dowladnimo waxay la xiriirtaa “geeddi-socodka is-dhexgalka iyo go’aan qaadashada ee ka dhex jira bulsho caafimaad qabta, wadajirka horseedda hal-abuurnimada, xoojinta xirriirka bulsho, horumarinta hay’adaha waxbarashada iyo caafimaadka”.

Dowladnimada waxaa lagu tilmaami karaa inay tahay geedi socodka siyaasadeed ee ka dhex jira ama u dhexeeya hay’adaha rasmiga ah.

Plato wuxuu dhiirrigeliyey dowlad ku dhisan wanaag iyo caddaalad, middaas oo horseedi karta danta guud ee qof kasta oo ka tirsan siyaasadda, oo ay ku jiraan kuwa sharafta leh, kuwa hodanka ah iyo kuwa saboolka ah. Ujeeddadan ayaa ah tan ugu caansan ee loo aqoonsi-ogyahay marka laga hadlaayo dowlad.

Dowladnimadu waxay ka kooban tahay dhammaan howlaha maamulka – ha ahaato mid ay qabato dowlad gobol, suuq, ama shabakad – oo ku saabsan nidaamka bulshada iyadoo loo marayo sharciyada, qawaaniinta, awoodda ama luuqadda bulsho abaabulan.

Fikradda “dowladnimo” maahan mid cusub. Si kastaba ha noqotee, macnaha dhabta ah ee fikrada dowladnimo waxay ku xirantahay heerka dowladnimo ee aan kahadleyno, ujeedooyinka laga leeyahay in la gaaro iyo habka loo raacayo.

Ereyga dowladnimo waxaa loola jeedaa waxqabadka dowlada. Marka la eego shuruucda, waa xeerarka iyo sharciyada ay dowladu sameyso ee la raba in lagu hirgeliyo xafiis dowladeed oo la xushay oo loo yaqaano maamul. Nidaamka lagu xukumo dadka ama dowlad waxaa lagu magacaabaa dowladnimo

Dowladnimadu waa isdhexgalka hay’adaha rasmiga ah iyo kuwa bulshada rayidka ah. Dowladnimadu waxaa loola jeedaa geedi socod ay xubno bulshada ka mid ahi ay adeegsadaan awood ayna dejiyaan siyaasado iyo go’aanno khuseeya nolosha bulshada iyo kor u qaadista bulshada.

Aragtida Dowladnimadu waxay ku xeran tahay sida ay dadka u sharaxdaan ama ay u fasirtaan dowladnimada. Way fiicnaan kartaa ama xumaan kartaa iyadoo ay ku xiran tahay aragtida dadka.

Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanku waxay leeyihiin dowlado iyo qaab siyaasadeed oo aad u kala duwan hadana waxay leeyihiin wax ay ka wada siman yihiin oo ah dimuqraadiyadda. Xagga qaab maamulka waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin waxaa caddeynaayo dastuurka dalalkooda.

Gabagabadii, waxaa iska cad in fikirka dowladnimo sanadihii la soo dhaafay uu ku soo kordhay macnayaal balaaran. Marka laga reebo inuu yahay aalada maaraynta arrimaha bulshada, ama cabir horumar siyaasadeed, dowladnimadu waxay noqotay farsamo waxtar leh oo lagu xoojinayo sharcinimada bulshada. Waxay sidoo kale noqotay qaab gorfeyn ama qaab siyaasadeed isbarbardhig ah.


 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Waa Maxay Aragtida Liberalism-ka?

Published

on


Liberalism waa falsafad siyaasadeed oo ku saleysan xorriyadda, xagga maamulka iyo sinnaanta. Aragtida liberalka waxay soo bandhigtaa aragtiyo kala duwan oo ku saleysan mabaadi’da ay aaminsan yihiin sida, suuqyada xorta ah, ganacsiga xorta ah, awwooda dowladda oo la xaddido, xuquuqda shaqsiyadeed, hantiwadaaga, dimuqraadiyadda, cilmaaniyadda, sinnaanta jinsiga, xorriyadda hadalka, xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda diinta.

Aragtidaan waa midabka siyaasadeed ee inta badan lala xiriiriyo xorriyadda.

Haddii aan isku dayo af soomaali ahaan wuxuu erayga liberalism’ noqonayaa xorriyadda’.  Aragtidaan siyaasadeed waxay soo baxday qarnigii 18aad iyo 19aad.

Hoggaamiyeyaashii kacaankii Ingiriiska ee 1688, kacaankii Mareykanka ee 1776 iyo kacaankii Faransiiska ee 1789 waxay adeegsadeen falsafad furfuran si ay ugu hirgasho afgembiga hubeysan ee xukunka boqortooyada. Iintaas kadib, Aragtida Xorriyadda ‘liberalism-ka’ ayaa bilaabatay in si dhaqso leh ku faafo gaar ahaan kacaankii Faransiiska kadib.

Qarnigii 19aad waxaa la arkay dawlado xor ah oo ka hirgalay wadammada Yurub iyo Koonfurta Ameerika. Dhinaca Ingiriiska, waxaa loo adeegsaday aragtidaan in lagu naqdiyo aasaaska siyaasadeed.

Intii lagu gudajiray qarnigii 19aad iyo horaantii qarnigii 20aad, xorriyad furnaantii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo Bariga Dhexe waxay saameyn ku yeelatay xilliyadii dib-u-habeynta sida Tanzimat iyo Al-Nahda iyo sidoo kale kor u qaadista dastuurka, qaranimada iyo cilmaaniyadda.

Kahor 1920, aragtida xorriyadda’ waxaa si weyn uga soo horjeeday shuuciyada, muxaafidka iyo hantiwadaaga, sidaas awgeed, liberalism-ku wuxuu markaa wajahay caqabado waawayn oo xagga fikirka ah oo ka yimid faashiismka iyo Markis-Leninism oo ah mucaarad cusub. Intii lagu gudajiray qarnigii 20aad, fikradaha xorta ah wey sii fidayeen, gaar ahaan Galbeedka Yurub.

Liberalism-ka waa mid ka mid ah dhaqanka siyaasadeedka ugu waaweyn dunida Galbeedka iyo fikradaha siyaasadeed ee ka jira Mareykanka. Liberalism-ka caadi ahaan wuxuu xoojinayaa xoriyadda bulshada, waxayna diiradda saareysaa sinnaanta.

Aragtidaan guud ahaan, waxay taageertaa fikradaha iyo barnaamijyada xorriyadda hadalka, xorriyadda saxaafadda, xorriyadda diinta, suuqyada xorta ah, xuquuqda madaniga, dimuqraadiyadda, dowladaha cilmaaniga ah, iyo iskaashiga caalamiga ah.

Waan ogahay erayga xorriyad marka aad maqasho waxaad filanaysaa wax badan oo wanaag ah balse sheekada sida aad mooday ma ahan. Haddii lagu yiri ‘liberalism-ka wuxuu qabaa in shaqsiyaadka oo dhami si isku mid ah ha loolla dhaqmo xagga sharciga iyadoo aan loo eegaynin heerka jinsiga’

Jinsiga marka lagu leeyahay ha u qaadanin rag iyo dumar-ka aad taqaanay ee waa sheeko kala oo ka duwan. Jinsiga waxaa soo galaayo qaniis, qaniisad iyo dadka jinsigooda beddelay sida nin dumar iska dhigay iyo qof dumar ah oo rag isu bedeshay (hantida raga ayay sameysatay).

Dadka jinsigooda beddela waxay maraan qalliin oo mararka qaar halis keena kara, waxayna qaataan daawooyin hoormoonka ah si ay u helaan muuqaalka jinsiga ay isu egaysiiyeen. 

Dhinaca wanaagsan markaa aad ka fiiriso, liberalism-ku waa dhaqan fikradeed siyaasadeed oo si’aad ah loogu faa’iday marka loo fiiriyo xagga horumarka, gaar ahaan aaminsanaanta dhaqanka xorta ah sida in bulshada isbeddel horumarineed ay la imaan karaan oo caqligooda ay ka shaqeysiin karaan sida hal-abuurnimadoodu, ikhtiraaciddooda hal-abuurnimaduna waxay keentay in bulshada ay noqdaan kuwa hanta aayahooda.

Waxwalbo waxay leeyihiin dhinac wanaagsan iyo dhinac xun, marka laga fiiriyo dhinaca wanaagsan aragtidaan siyaasadeed waa aragti isbeddel leh, faa’idooyinka ay leedahayna waa lagu faa’iday waxaana dareemay qofwalbo. Tani waxay ka turjumaysaa aragti rajo leh oo ku saabsan dabeecadda aadanaha, taas oo qabta in shaqsiyaadka sida ugu fiican loogu daayo wax soo saarkooda iyo hab-fikirkooda.

Aragtidan waxay si gaar ah ula xariirtaa dhaqaaleyahankii siyaasadeed ee Aadam Smith, gaar ahaan buuggiisii ‘The Wealth of Nations (1776)

Adam Smith waxaa loo tixgeliyaa inuu yahay qoraagii ugu horreeyay ee “sharraxay”, “The Wealth of Nations” (1776), shaqaynta hanti-wadaagga. Ogow inuu adeegsaday ereyga “nidaamka xorriyadda dabiiciga ah” – ereyga hanti-wadaagga lama isticmaalin ilaa waqtigii Marx. Halkan Adam Smith wuxuu ku doodayaa ficillada shaqsiyeed (wax iibsiga iyo iibinta), iyadoo ay dhiirrigelisay dano gaar ahaaneed, hadana wuxuu kor u qaaday danta guud, iyadoo loo marayo “gacanta qarsoon” ee suuqa; taasi waa, qiyaas ahaan, ku shaqeynta sharciyada khidmadaha iyo baahida.

Adam Smith wuxuu ku guulaystay nidaamkii ugu horreeyay ee dhaqaalaha siyaasadeed. Adam Smith, waa aabihii labaad ee aragtida liberalism-ka, aragtidaan wuxuu ku xoojiyay falsafada ‘laissez-faire, “The Wealth of Nations.” Waxaa kaloo jirta falsafad kale uu ku tilmaamay “gacanta aan la arki karin” (invisible hand) oo hagaysa jidka suuqyada xorta ah.

Marka aad fiiriso dhinaca diinta Islaamka, aragtida liberalism-ka kama soo horjeedo. Islaamka ma ahan diin horumarka diidan. Xaqiiqdii, Eebbe wuxuu la hadlay kuwa aan caqliga adeegsan:

“Runtii, noolaha ugu xun ee Eebbe agtiisa waa kuwa dhago la ‘oo carrab la’ oo aan caqli lahayn.” – (Quraanka 8:22).

Islaamku waa diin furfuran .. macnaha waa in fikirkeenna ka xoreynayo aqbalida indho la’aanta ah wuxuuna naga xoreynayaa inaan caabudno ilaahyo been ah (rabitaan adduun, lacag iwm.)

Waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin xorriyadda reer galbeedka iyo Islaamka ayaa ah in xorriyadda ‘Liberalism-ka reer galbeedka aysan raacin sida saxda ah ee loo fikiro, ama haddii si kale loo dhigo inta badan dadka raacsan xorriyadda reer galbeedka ma fahansana in xorriyadda aysan noqon karin wax dhammaystiran. Maxaa yeelay haddii xorriyadda ay tahay mid dhammeystiran qofwalba waa inuu awood u yeesho inuu sameeyo waxa uu doonayo, oo ay ku jiraan xumaanta sida dilka iyo xatooyada.

Xorriyadda reer galbeedka waa mid ku salaysan dareen, qofwalbo iyo waxa uu dareemo. Haddii aad ku tiraahdo Illaahay ayaa jira waxay ku leeyihiin ma dareemayo inuu illaahay jiro ‘ma dareemaayo illaahay, ma maqlo. Waan ogahay in dilku khalad yahay, in kastoo aanan arki karin, maqli karin, ama aan taaban karin si aan u ogaado sababta ay u khaldan tahay. Sidoo kale waa is-beenin maxaa yeelay xoog-sheegashayaashu ma caddeyn karaan sababta ay sax u yihiin.

Arrin kale ayaa ah: Sayniska! Dadka reer Galbeedka badankood waxay u haystaan ​​in wax kasta oo cilmi ahaan lagu caddeeyo ay run yihiin. Hadaba sidan xaalku maaha. Weydii saynisyahan kasta oo dhab ah waxayna ku odhanayaan saynisku kuma tusi karo waxa runta ah. Sayniska waa qaab uun, qalab lagu qiimeeyo waxa aan ka kasbano khibradaheenna. Jawaabo nama siin karaan, qalab uun bay na siin karaan. Sayniska iyo aragtiyaha ay soo saaraan reer galbeedka ayaa loo meheriyaa bulsho weynta reer galbeedka. Xittaa heer waxaa la gaarsiiyey in aadanuhu ay kasoo jeedaan daanyeero.

Aragtida tadawurka iyo in aadanuhu kasoo tafiirmay daanyeero iyo xayawaano dhalan rogmay, dhammaantood waxa ay ku danbeeyeen dhalanteed, aqoonta casriga ahna boos kuma laha khuraafaadkani – gebi ahaanba aqoonta cusub ee maanta jirtaa waa ay beenisay aragtidan nooc kasta oo loo jilo ama loo iib geeyaba. Sidaas awgeed, Islaamka horumarka waa kuu oggalyahay waa haddii aysan ka hor imaanaynin jiritaanka Eebe iwm. 


Facebook Comments Box

Continue Reading

Falanqeyn

Su’aal isweydiin mudan, Mareykanka ma dal dimuqraadi ah baa?

Published

on

Aqalka Capitol

Duufaantii weerarka aqalka Capitol ee isbuucii la soo dhaafay taageerayaasha Trump weerareen kuwaas oo ka soo horjeeday guushii madaxweynaha cusub Joe Biden ayaa noqotay dhacdo taariikhi ah oo ay dunida la yabeen heerka ay marayso dimuqraadiyada Mareykanka.

Muddooyinkaan oo dhan dalka Mareykan waxaa ka jirtay qalallaaso siyaasadeed oo xagga doorashooyinka iyo cunsuriyada, lagana yaabo in Mareykanka uu noqon waayo dalkii la yaqaanay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay “dadka Antifa” inay weerareen Xarunta Mareykanka Arbacadii la soo dhaafay, in kasta oo fiidiyoow cad iyo dukumentiyo ay muujinayaan in rabshadaha dhacay ay taageerayaashiisu ahaayeen, sida ay werisay shabakadda Axios.

Sug waxyar, waa kuma Antifa?

Antifa, oo loo soo gaabiyo anti-fascist. Antifa waa garabka bidix ee ka soo horjeedda fashiistaha iyo cunsuriyadda Mareykanka. Waa kooxo madax-bannaan oo ujeedkoodu yahay inay ku guuleystaan ujeedooyinkooda iyagoo adeegsanayo ficil toos ah oo aan rabshad lahayn halkii ay adeegsan lahaayeen dib-u-habeyn siyaasadeed.

Inta badan dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Antifa waa mid aan rabshad lahayn, oo ku lug leh olole waraaqado, isu gargaarid, jeedinta khudbado, socod dibad bax, iyo isu abaabulida bulshada. Waxay sidoo kale ku mashquulaan xeelado mudaaharaadyo ah, iyagoo doonaya inay la dagaallamaan fashiistayaasha iyo cunsuriyiinta sida neo-Nazis, madax-bannaanida caddaanka, iwm.

Waxayna kaga duwan yihiin dhaqdhaqaaqyada kale ee mucaaradka bidix iyagoo doonaya inay si toos ah ula dagaallamaan dhaqdhaqaaqayaasha midigta-fog, iyo qaar ka mid ah kiisaska fulinta sharciga. Waxayna ku lug yeelan kartaa dhaqdhaqaaqa dijitaalka ah, dhibaataynta, rabshadaha jireed, iyo waxyeelada hantida ee loo geysto kuwa ay u aqoonsadaan inay ka tirsan yihiin midigta fog.

Trump ayaa hadalkaan ka sheegay 30-daqiiqo oo lagu daray taleefan subaxnimadii Isniinta isaga iyo hogaamiyaha laga tirada badan yahay ee aqalka Kevin McCarthy, Axios ayaa soo warisay, isagoo soo xiganaya sarkaal ka tirsan Aqalka Cad iyo ilo kale oo la yaqaana.

Si kastaba ha noqotee, McCarthy wuxuu u sheegay Trump wicitaankiisa, oo sida Axios sheegay uu ahaa mid kacsan oo dagaal ah mararka qaar, “Ma ahan Antifa, ee waa MAGA [taageerayaasha Trump]. Waan ogahay. Waan joogay. ”

McCarthy ayaa sidoo kale kula taliyay Trump inuu waco Joe Biden, lana kulmo madaxweynaha la doortay isla markaana uu warqad soo dhaweyn ah ugu dhaafo miiska loo yaqaan Resolute miiska dhaxalka, sida lagu sheegay warbixinta. – Laakiin Aqalka Cad si dhakhso ah ugama jawaabin. Wakiilka McCarthy isla markiiba lagama helin faallo kale oo dheeri ah.

Waxaa isweydiin mudan, Mareykanka ma dal dimuqraadi ah baa?

Martin Luther King Jr wuxuu socod ka soo bilaabay Selma ilaa Montgomery, Alabama, 1965 isagoo ka mudaaharaadayay isku dayga ay sameeyeen xildhibaano cadaan ah oo ka socda koonfurta si looga hortago Afrikaanka Mareykanka inay wax doortaan. Waqtigaas, dadka madow waxay ka tiro badnaayeen dadka caddaanka ah ee ku nool Selma laakiin waxay ka koobnaayeen kaliya 2% liiska codbixinta.

In ka badan 50 sano kadib, ina adeertiisa, Christine Jordan, oo markaa jirtay 92 sano, ayaa ka soo muuqatay goobta codbixinta ee Atlanta, Georgia, si ay u codeeyso doorashada xilliga dhexe ee 2018, laakiin waxaa loo sheegay inaysan jirin wax diiwaan ah oo diiwaangelinta cod-bixiyaha ah.

“Waa wax laga naxo, waxay gurigeeda ku qabatay shirar ku saabsan xuquuqda madaniga ah wax diiwaan ahna kamay haynin,” Jessica Lawrence, ayeeyadeed, ayaa tiri waqtigaas.

In kasta oo Mareykanku ku faano qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah, iyo xaqa codbixinta ayaa lagu qeexay mabaadii’da aasaasiga ah ee dimoqraadiyadeeda, waxaa jira cadeymo isa soo taraya oo muujinaya isku dayo nidaamsan oo looga hortagayo tirada sii kordheysa ee Mareykan ah oo awoodo in ay codeeyaan, hadana aan codeeynin.

Martin Luther King iyo xaaskiisa Coretta Scott King ayaa hogaaminaya socodka lagu doonaayey xuquuqda codbixinta ee dadka madow waxay socodkooda kasoo bilaabeen Selma, Alabama, ilaa caasimada gobolka ee Montgomery.
Sawirka: William Lovelace / Getty Images

Halganka loogu jiro xaq u lahaanshaha codbixinta Mareykanka wuxuu jiray illaa inta uu jiray dalka Mareykanka. 1789, ansaxinta dastuurka kadib, codbixinta waxaa loo kordhiyay oo keliya ragga caddaanka ah, ee milkiyadda leh. Ka dib markii la tirtiray addoonsigii qarnigii 19aad, dadka madow waxaa loo oggolaaday inay wax doortaan, laakiin muddo gaaban ka dib markii siyaasiyiinta madow ay bilaabeen inay ku guuleystaan doorashooyinka, aqlabiyadda caddaanka ah waxay bilaabeen inay xayiraan xayiraado la mid ah kuwii dhiirrigeliyey socodkii Martin Luther King ee Selma.

Isbarbardhigyada caalamiga ah waxay muujinayaan sida xaddidaadda codbixintu ay nabar ugu tahay dimuqraadiyadda Mareykanka. Australia gudaheeda, codbixintu waa qasab. Iswiidhan dhammaan codbixiyaasha si otomaatig ah ayey isu diiwaan geliyaan Labada qaranba waxay ku kala sarreeyaan “tixraaca doorashada” oo ay soo saareen aqoonyahanno ka tirsan Jaamacadda Harvard iyo Jaamacadda Sydney.

Hase yeeshe, halkii lagu qiimeyn lahaa dimoqraadiyadaha kale ee waaweyn ee reer galbeedka, Mareykanka ayaa hoos uga dhacaya liistada iyadoo ay wehliyaan waddamo ay ka mid yihiin Kosovo iyo Romania.

Sarah Repucci, oo ah agaasime sare oo ka tirsan Freedom House, oo ah machad ka shaqeeya Washington DC, “waa farsamooyinka lagu bartilmaameedsado cod-bixiyayaasha laga tirada badan yahay (inta badan madow), oo ay soo saareen dowlad-goboleedyada ay maamusho Jamhuuriyadda. Dalalka bartilmaameedsaday codbixiyaasha laga tirada badan yahay waxaa ka mid ah Cameroon, Kosovo – ma ahan maamulo ay Mareykanku u qaadan karaan inay yihiin asaaggeena. ”

Qalallaasadaha siyaasadeed ee wakhtigaan waxay ka dhalatay doorashada Mareykanka, madaxweynaha laga guulaystay sida ay sheegeen ayaa yiri doorashada waa lagu shubtay ee la igama guulaysanin waliba asigoo cadeyn u haynin.

Mareykanka waxaa ka taagan dood xooggan oo ku saabsan qaabka loo codeynayo, iyadoo arrintaas laga gudbiyay boqollaal dacwado ah oo horseeday eedeymo ku saabsan in caburin lagu hayo codbixyeyaasha doonaya inay ka qeybgalaan doorashada madaxtinimo ee Mareykanka.

Safafka, sharciyada xaddidayo codeynta iyo in la tago goobaha codeynta, tallaabooyinkaas dhammaan waxay horseedeen in dadka laga hor istaago inay ka qeyb qaataan hannaanka dimuqraadiyadeed, sida ay sheegeyso Andrea Hailey oo ah agaasimaha ha’yad safamal oo la yiraahdo Vote.org, taas oo dadka ka caawisa inay ku codeeyaan teknooloojiyadda.

Tallaabooyinka ka dhashay ka hortagga cudurka si dad badan aanay isugu tegin xarumaha doorashada, waxay ka dhigan tahay in dad badan oo Mareykanka u dhashay ay xilli hore toos u codeeyaan ama boostada ay codkooda ku dhiibtaan, balse ma noqon doonto in qof kasta uu codeyn doono.

Weerarkii dhismaha Capitol ee usbuucii la soo dhaafay oo ay taageerayaasha Donald Trump ku qaadeen xaruntaas ayaa daahisay shahaado guddoonsiinta guusha doorashada ee Joe Biden.

Donald Trump, oo aan haysan caddayn ayaa ka horyimid ansaxnimada doorashada Joe Biden, markii hore wuxuu ammaanay taageerayaashiisa laakiin markii dambe wuu cambaareeyay rabshadaha. – Wakhtigii uu dhacaayey weerarka, siyaasiyiinta ku jiray aqalka la weerary ee Capitol ayaa lagu qasbay inay cararaan maaddaama dhismaha ay ku buuqeen taageerayaasha madaxweynaha, oo hareeyay ciidammada amniga.

Shan qof ayaa ku dhimatay rabshadaha ka dhacay halkaas, oo uu ku jiro hal sarkaal oo ka tirsan Booliska Capitol oo la garaacay isagoo isku dayaya inuu ka celiyo dadka.

Antifa waxay bartilmaameed u ahayd muxaafidiinta Mareykanka, oo uu ka mid yahay Donald Trump.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Bariga dhexe17 hours ago

Warbixin: Israa’iil waxay ku guul-darraysatay inay baarto dilka Falastiiniyiinta loogu geystay dibadbaxyada Qaza

Afrika3 weeks ago

Koonfur Afrika: Madaxweynihii ugu dambeeyay ee midab-takoorka Frederik Willem de Klerk ayaa geeriyooday

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Masiibada Ayaxa: Maxaa qorshe ah ay sameyn kartaa dowladda Soomaaliya si loo badbaadiyo dalagyada beeralayda?

Afrika3 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Maxaa ka jira cabsida laga qabo in ciidamada TPLF ay dhawaan gaaraan magaalada Addis Ababa?

Afrika3 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya ayaa cabsi ka abuuray Kenya iyo Koonfurta Suudaan

Yurub4 weeks ago

Maxay ahayeen Soomaalida ku dhibaateysan xuduudda Belarus iyo Poland?

Afrika4 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Siday Itoobiya ku gaartay halkaan iyo doorka Qowmiyadaha kala duwan?

Afrika4 weeks ago

Sannad ka dib, Itoobiya ma waxay kusii baaba’aysaa dagaal sokeeye?

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Maamulka Joe Biden ayaa ansixiyay $650m oo hub ah oo laga iibinayo Sacuudiga – hubkaan ma Yemen ayaa lagu baabi’inayaa?

Afrika4 weeks ago

Hogaamiyihii afgambiga ku qabsaday dalka Suudaan ayaa Maraykanka kula heshiiyey in la dedejiyo dhismaha dawlad cusub

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Waa maxay sababta uu Turkiga ugu qeybgali doonin shirka Paris ee looga hadlaayo Liibiya, oo ay ka qeyb galayaan Giriiga, Israa’iil, Giriiga Qubrus’?

Afrika1 month ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Ciidamada Tigreega ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan magaalada Kombolcha ee dalka Itoobiya

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Britain ayaa u qabatay Faransiiska 48 saacadood inay ka laabato hanjabaadaha ka dhanka ah kalluumeysiga

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Shir Madaxeedka G-20 oo ka bilaabmay Rome iyadoo diirada lagu saaray isbedelka Cimilada iyo cudurka Faafa ee Korona Fayrus

Bariga dhexe1 month ago

Xiisadda Diblomaasiyaddeed ee Sacuudiga iyo Dowladda Lubnaan ayaa ka sii daraysa markii ergayga la eryay, lana mamnuucay soo dejinta

WARBAAHINTA1 month ago

Mucaaradka Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay la wareegtay magaalada muhiimka ah ee Dessie

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Maxay ka dhigan tahay hadalka Mareykanka ee ku aadan ciidamada Danab?

WARBAAHINTA1 month ago

Itoobiya ayaa duqayn cirka ah ka fulisay waqooyiga galbeedka Tigray

WARBAAHINTA1 month ago

Weerar nooca magaaladda Kongsberg ka dhacay ayaa mar kale dhici doona, sirdoonka Norway ayaa sidaas leh

WARBAAHINTA1 month ago

Turkiga ayaa Israa’iil ku cambaareeyay qorshe ay ku dhiseyso guryo cusub oo sharci darro ah

WARBAAHINTA1 month ago

Austaria waxay dejisay qorshayaal sharciyaynta isdilka – sharcigaas oo caawinaayo qofka raba inuu isdilo

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhaleeceysay taageerada Mareykanka ee Taiwan, waxayna taageertay Shiinaha oo xulafo la ah

Afrika1 month ago

Amni iyo xasillooni ayaa looga baahan yahay ku-meel-gaarnimada dawladda nabdoon: Liibiya W. Arrimaha Dibedda

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Aramco waxay hiigsaneysaa inay hawlgallada qiiqa eber ka dhigto marka la gaaro 2050, ayuu yiri agaasimaha guud

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Turkiga ma wuxuu indhaha ku hayaa istaraatiijiyada ku saleysan ‘horumar-guul oo xiriir la leh Afrika?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Wadahadaladda Farmaajo iyo Rooble: RW Rooble ma waxaa loo magacaabay inuu dalka khilaafka siyaasadeed ka saaro mise?

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Turkiga oo u yeeray safiirada 10 dal oo soo saaray qoraal ka careysiiyey – Xariirka Hab-dhaqameed ee Turkiga iyo Reer galbeed

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Ku noqoshada Ruushka ee Afrika: Faransiiska, Maali, iyo qodobka Wagner

koonfurta Bari Aasiya2 months ago

Bangladesh ayaa qorshaynaysa inay 81,000 Rohingya u rarto jasiirad, kadib heshiis ay la gashay Qaramada Midoobay

Afrika2 months ago

RW Abiy Axmed wuxuu dhisanayaa Xukuumaddiisa cusub, iyadoo xisbiyada ugu waa weyn dalka ay Qaadaceen doorashada

WARBAAHINTA2 months ago

Muxuu yahay heshiiska ka careysiiyey Turkey ee ay galeen France iyo Greece?

WARBAAHINTA2 months ago

Aljeeriya ayaa dib ugu yeertay ergaygeeda Paris kadib tallaabadii fiisaha ee Madxaweyne Macron

Afrika2 months ago

Dadka Itoobiyaanka ah ayaa u dareeraya goobaha codbixinta, oo ah wareegga ugu dambeeya ee doorashada – xisbiyada Soomaalida?

WARBAAHINTA2 months ago

Ayeeyo Falastiini ah ayaa waxay heshay shahaadada jaamacaddeed ee bachelor-ka iyadoo 85 jir ah

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa la xukumay – maxaase lagu xukumay?

WARBAAHINTA2 months ago

Hay’adda WHO ayaa ka argagaxday xadgudubka galmo oo ay sameeyeen shaqaalaheeda gargaarka ee Koongo

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxweynaha Tunisia ayaa Najla Bouden Romdhane u magacaabay haweeneydii ugu horreysay ee dalkaas ka noqota RW

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago

Xiddigga fanka Soomaaliyeed ee Aar Maanta wuxuu ka caawiyaa carruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis inay ogaadaan dhaxalkooda

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Iiraan iyo Sacuudi Carabiya: Maxaa kusoo kordhay wada-hadallada u socda?

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxa xisbiga Green Party ee Kanada ayaa iscasishay, iyada oo ku tilmaamtay ‘wakhtigii ugu xumaa’ ee nolosheeda

Xul