Connect with us

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

IGAD oo dhinacyada isku haaya Soomaaliya ugu baaqday wadahal iyo tanaasul

Dhinacyadu ayaa qolo waliba haatan isugu maqan latashi iyo wixii awoodeeda ah oo ay lasoo bixi doonto.

Published

on


War qoraal ah oo kasoo baxay Urur Goboledka IGAD ayaa looga hadlay xaaladda jahwareerka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, waxaana baaq loogu diray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Mucaaradka si degdeg ah miiska wadahadalka ay dib ugu laabtaan isla markaana heshiis ay ka gaaraan arrimaha ay isku haayaan sida hadalka loo dhigay.

Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa saamileyda siyaasadda Soomaaliya ugu baaqay in ay ilaaliyaan xeyndaabka nabadda iyo wadahadalka isla markaana diiradda ay saaraan wada-xaajood miro-dhal noqon kara sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD.

IGAD ayaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka usoo jeedisay in mas’uuliyad la iska saaro hannaanka lagu gaari karo wadahadal wax ku ool ah iyada oo la marayo habraacyo ku dheehan xasilloon, dowlad wanaag iyo in diiradda la saaro heshiisyo labada dhinac ah ee adkeynaya dowladnimada Soomaaliya

Urur Goboleedka IGAD ayaa garab istaag u muujiyay dedaallada lagu xoojinayo wadahadalka, nabadda, xasiloonida iyo saldhigista mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya iyo gobolka sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay Ururkaas.

IGAD ayaa ku biiraysa dhinacyo kala duwan ee dhambaalka furan ee la xiriira sidii labada dhinac ee isku haaya Soomaaliya ay xalwaara ugu gaari lahaayeen arrimaha khilaafka xooggan ka taagan yahay ay ugu horreeyaan arrimaha doorashooyinka, kadib markii toddobaadkii hore uu fashil kusoo dhamaaday wadahadalkii ay garwadeenka ka lahaayeen saaxiibada Soomaaliya gaar ahaan xubnaha reer Galbeedka ee ku sugan xeyndaabka Xalane ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay doodda la xiriirta in uu dhammaaday muddo xileedkiisa dastuuriga ah ee 4-ta sanno maadaama shalay ku beegnayd 15-ka Maay ayaa wararkaasi meesha ka saaray dhinacyada ku doodayana ku tilmaamay kuwa qarow iyo sidoo kalena riyo ku jira hurdadana ka toosaan.

Madaxweyne Xasan ayaa si cad aan ka leex-leexad lahayn u shaaciyay in muddo xileedkiisa iyo midka kale hay’adaha dowladda uu ku egyahay 15-ka Maay 2027, marka la gaaro kahorna aanu jirin cid qashqashaadi karta.

Laakiin dhankooda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ah qeyb kamid ah Mucaaradka Soomaaliya oo iyagana munaasabad ay ku qabsadeen hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho oo ay dhalinyarada qeyb kamid ah kula hadlaayeen ayaa qaadacay warka Madaxweynaha ee ah in 15-ka Maay 2027, muddo xileedkiisii uu u dalcay.

Madaxweynihii hore dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegaya in arrintaasi hab wali oo ay kaga hortegi ay qaadi doonaan isagoo oo xusay in ayna marnaba cabsi gelin doonin dabaabaadka ciidanka iyo hubka dowladda Soomaaliya ay ula soo baxdo mararka qaar sida midii dhacday toddobaadkii oo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh dhankiisu mar uu ka hadlaayay tallaabooyinka ay qaadi karaan xubnaha Mucaaradka ee dowladdiisa kasoo horjeeda ayaa ugu digey bulshada magaalada Muqdisho gaar ahaan dhalinyaradu oo uu yiri yaan la’idin dilin oo xaawo ha isku noqonina kana fogaada dhinacyada danleyda siyaasadeed taasi oo ka dhigan in dowladdu ay diyaar ula tahay Mucaaradka hadba geedi ay soo fuulaan.

Mucaaradku dhankoodu waxa ay sheegayaan halka sano uu Madaxweynaha u dalcay ee 2027, in ay ka xigaan dhimasho sida uu shaaciyay Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sh. Axmed.

Waa Soomaaliya oo markaan u beriyay waa cusub kadib markii uu soo dhamaaday 4-ta sano oo dhinacyada saamileydu aaminsan yihiin in uu ku ekaa muddo xileedka dastuuriga ah ee lagu doortay laguna dhaariyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, laakiin dhinacyada ayaa u muuqda labo kala berisay kala war ah maadaama Madaxweynuhu uu leeyahay anigu muddo xileedkaygu waxaa ka haray 1 sano Mucaaradkuna ay leeyihiin Madaxweynuhu waa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Waa xaalad aan la ogeen misne aan la saadalin karin natiijadeedu halkay caga dhiga doonto kadib markii shalay magaalada Muqdisho maalintii seddexaad uu kusoo idlaaday fashil iyo in dhabarka la’isku aadiyo shirkii saaxiibada Soomaaliya ay kala dhex-dhexaadinaayeen.

Dhinacyadu ayaa qolo waliba haatan isugu maqan latashi iyo wixii awoodeeda ah oo ay lasoo bixi doonto.

Facebook Comments Box

Ibraahim Cusmaan Jibriil wuxuu ka tirsan yahay bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da'yarta. Dhinaca kale wuxuu wax ka qora ganacsiga, siyaasada, dhaqanka, kheyraadka dalka, af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska, iyo taarikhaha dalka. Waa shaqsi u taagan sidii geed-dheer iyo geed-gaabanba loogu fuuli lahaa sidii loo soo noolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummada soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qurbo Joogta

Mustaqbalka Soomaalida magangelyo-doonka ah ee Ingiriiska oo su’aalo ka taagan yihiin

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay kor u kaceen tirada guud ee dadka laga celinayo dalka Ingiriiska.

Published

on


Dowladda Ingiriiska ayaa ballaarinaysa dadaallada ay dib ugu celinayso dadka aan sharci ahaan xaq ugu lahayn inay dalka sii joogaan, iyadoo Soomaalida ka mid yihiin muwaadiniinta ay khuseyso siyaasaddan cusub ee Ingiriiska dalkiisa ka hirgelinaya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska ayaa soo saartay hagitaan cusub oo ku saabsan taageerada Soomaalida dib ugu laabata dalkooda, haddii ay noqoto si iskood ah ama dib-u-celin lagu sameeyo. Barnaamijkan oo ay fulinayso hay’adda IRARA ayaa dadka xaqa u leh siinaya taageero ay ka mid yihiin hoy ku-meel-gaar ah, gaadiid, dib ula midoobidda qoysaskooda iyo caawimaad la xiriirta helitaanka shaqo ama bilaabista ganacsi.

Dadka doonaya inay helaan taageeradan waxaa laga rabaa inay IRARA la xiriiraan saddex bilood gudahood marka ay Soomaaliya ku soo laabtaan, waxaana taageerada dib-u-dhexgalka la heli karaa muddo gaareysa 12 bilood. Hase yeeshee, jiritaanka barnaamijkan taageerada ahi keligiis ma caddaynayo in qof kasta oo magangelyo-doon Soomaali ah la masaafurin doono, maadaama xaaladda qof kasta ay ku xiran tahay go’aanka laga gaaray codsigiisa iyo xuquuqdiisa sharci.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay kor u kaceen tirada guud ee dadka laga celinayo dalka Ingiriiska. Xogta rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa muujinaysa in muddadii u dhexeysay 1-dii Luulyo 2024 iyo 31-kii Luulyo 2026, la diiwaangeliyey 80,286 dib-u-celin, kuwaas oo isugu jiray dad iskood u baxay iyo kuwo si khasab ah loo celiyey.

Tiradaas waxaa ku jiray 24,471 dib-u-celin oo la xiriiray kiisaska magangelyada, balse xogtu ma sheegin in tiradaasi tahay Soomaalida oo keliya. Dadka magangelyo-doonkooda la diiday waxay wajihi karaan dib-u-celin marka ay dhammaadaan xuquuqdooda racfaanka oo aanay haysan oggolaansho kale oo ay dalka ku sii joogaan.

Bishii Sebteembar 2026, Tirada muwaadiniinta Soomaalida ee lagu diiwaangeliyey inay doonyo yaryar kaga gudbeen kanaalka Ingiriiska ayaa si weyn u korortay, iyadoo Soomaalidu ay ka mid noqdeen jinsiyadaha ugu badan ee lagu arkay dadka sidaas ku galay dalka.

Tirakoobkii ugu dambeeyey ee dowladda Ingiriiska ayaa muujinaya in dadka Ereteriyaanka ay ahaayeen kooxda ugu badan iyagoo ka noqday 18% dadka doonyaha yaryar ku taga wadankaasi. Suudaaniyiinta iyo Afgaanistaaniyiinta ayaa midkiiba ahaa 13%, halka Soomaalidu ay ahaayeen 12%. Dowladda Britain ayaa sheegtay in xogtaasi khuseyso dadka lagu qabtay ama lagu diiwaangeliyey inay doonyo yaryar kaga soo gudbeen kanaalka ayna ka tarjumayn dhammaan noocyada socdaalka sharci-darrada ah ee dalka.

Xogtu waxay muujinaysaa in 3,901 muwaadin Soomaali ah ay doonyo yaryar ku gaareen Britain muddadii u dhaxeeysay bilooyinkii Juun 2025 ilaa Juun 2026, taas oo ah koror 76% ah marka loo eego sannadkii ka horreeyey, isla muddadaas tirada Ereteriyaan-ka ayaa gaartay 5,875, halka dadka kasoo jeeda Suudaan ay ahaayeen 4,191. Mas’uuliyiinta Ingiriiska ayaa sheegay in dad badan oo isku dayaya inay kanaalka ka gudbaan ay marka hore soo maraan dalal ka tirsan Yurub, kahor inta aysan gaarin xeebaha Faransiiska, halkaas oo shabakado dadka tahriibiya ay u abaabulaan iskudayga ay ku gaaraan Britain.

Arrinta tahriibka doonyaha yaryar ayaa noqotay mid si weyn uga dhex taagan doodaha siyaasadeed iyo kuwa bulshada Ingiriiska, iyadoo dowladda iyo dowladaha kale ee Yurub ay wajahaan cadaadis ku aaddan yareynta socdaalka sharci-darrada ah iyo burburinta shabakadaha dadka tahriibiya. Dadkaan muhaajiriinta ah dhalinyaradaan u badan ayaa waxay ka hayaameen colaadaha iyo shaqo la’aanta baahsan dalalkooda, waxay inta badan Soomaalida ay naftooda ay ku waayaan badaha ay kamid yihiin Liibiya Meditirain-ka halkaasi oo in badan ku dhinteen.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa dhowaan warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay ku dhawaad dad gaaraya kumanaan qofood inay sanad kastaba ku geeriyoodaan xeebaha dalalka dhaca kaabiya ku haaya dalalka Yurub iyadoo sidoo kale Liibiya ay kamid tahay meelaha ugu daran ee dhibaatooyinkan ka taagan yihiin.

Qaar badan oo kamid ah Soomaalida ku jira ee ku sugan dalka Liibiya ayaa xabsiyo waxay ugu jiraan tahriibiyaal, iyagoo loo haysto in badan oo kamid ah madax furasho oo eheladooda lagu xujeysto. Dowladda ayaa sheegtay in ay qaadayso tallaabo arrintaan kaga jawaabayso maadaama ay sii kordhayaan dhalinyarada in badan oo kamid ah Soomaalida oo ku dhimanaya xeebaha dalalka Liibiya, Talyaaniga, Spain iyo Al-Jeeriya. Liibiya ayaa muddo dheer ah ahayd marin muhiim ah oo ay maraan muhaajiriin kasoo cararay colaadaha faqriga iyo xaaladaha adag ee ka jira dalalka qaarada Afrika, iyagoo iskudayaya inay gaaraan qaarada Yurub.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Dowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya

Madaxweyne Recep Tayyip Ordogan wuxuu sheegay Soomaaliya inay sii taageeri doonaan illaa ay cagaheeda dib isugu soo taagto.

Published

on


Recep Tayyip Ordogan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga ayaa u gudbiyay baarlamaanka dalkiisa cod uu ku dalbanaayo in Labo sano lagu kordhiyo muddada ciidamada Turkiga ay ka hawlgallayaan Soomaaliya iyadoo taasi lagu saleynaayo heshiisyada iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo dhowaan la saxiixay.

Qoraalka codsiga ee loo gudbiyay golaha weyn ee qaranka Turkiga ayaa lagu sheegay in amniga iyo xasilloonida Soomaaliya ay muhiim u yihiin nabadgelyada gobolka Geeska Afrika isla markaana kordhinta muddada hawlgalka ay u saamaxayso ciidamada Turkiga inay sii wadaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay tan iyo sanadkii 2011-kii xiriir dhow ay la lahayd dowladda Soomaaliya iyadoo xoojisay iskaashiga dhinacyada dhinacyada siyaasadda, dhaqaallaha bulshada iyo ammaanka oo dowladda Turkiga door muhiim ah ay ka qaadanayso.

Sida ku cad codsiga Madaxweyne Ordogan, Turkiga waxa uu sii waday tabbabarka ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya adeegyada la-tallinta iyo taageeridda farsamo iyadoo la raacaayo heshiisyada labada dal ee ku saabsan tababarka militariga iskaashiga farsamada, warshadaha difaaca iyo taageerada dhaqaalaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Qoraalka Madaxweyne Ordogan uu baarlamaanka u diray ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamayaa in inkastoo ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ay haystaan tababaro aad u badan iyo askar dhowaan kusoo biiray haddana caqabado waaweyn ayay wajahayaan oo la xiriira dhinaca dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Waxaa Turkiga hadda uu kordhinayaa saameyntiisa militari ee dalka Soomaaliya, waxaana dhowaan usoo diray labo diyaaradood oo nooca F-16 oo muddooyinkii dambe ka qeyb qaadanaayay hawlgallo militari iyo duqeymo ka dhacay duleedka magaaladda Baydhabo.

Madaxweyne Recep Tayyip Ordogan wuxuu sheegay Soomaaliya inay sii taageeri doonaan illaa ay cagaheeda dib isugu soo taagto. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale hore u oggolaaday dalalka Afrika inay ciidamo Soomaaliya ay geeyaan waxaana ay siiyeen hawlgalka AUSSOM muddo dheeraad ah oo hawlgalka uu kusii wadi karro.

Si kastaba, hadda dowladda Turkiga waxay wajahaysaa eedeymo loo jeedinaayo oo dhanka siyaasiyiinta mucaaradka ugu imaanaya oo ku aaddan inay la jirsatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo dhexdhexaadinta Turkigana wali aysan miro-dhalin taasoo loo aaneenaayo in Turkiga lagu tiriyo inuu dowladda federaalka uu la safan yahay.

Turkiga ayaa maalgashi Ballaayiin doollar ah ku sameynaya kheyraadka Soomaaliya iyadoo la siiyay heshiis uu kusoo saaraayo shidaalka badda ku jira, waxaa kaloo Turkiga loo saxiixay heshiis Toban sano uu ku illaalinaayo kheyraadka dhinaca badda oo ka illaalinaayo in haraadiga sumeysan lagu soo shubo kalluumeysi sharci darro ah iyo Burcad baddeeda intaba.

Turkiga waa saaxiibka Koowaad ee dowladda federaalka wuxuu kaloo ka caawiyaa kabka miisaaniyada marka laga yimaado xagga tababarka ciidamada.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Midowga Yurub oo sheegay in xaaladda amniga Soomaaliya ay sii xumaanayso xilli uu jiro khilaaf siyaasaddeed

Midowga Yurub ayaa sheegay in khilaafka siyaasaddeed ee u dhexeeya dowladda federaalka Puntland iyo Jubbaland uu si weyn u dhawaacay iskaashigii amniga.

Published

on


Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Magangelyada ee EUAA, ayaa soo saartay warbixin cusub oo ka kooban 137 bog taas oo ka digtay in xaaladda Soomaaliya ay si weyn usii xumaatay wixii ka dambeeyay Abriil 2025, iyadoo sababta ugu weyn ay tahay khilaafka siyaasadda iyo kala qeybsanaanta madaxda dalka.

Warbixinta ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay muddadaasi ballaarisay saameynteeda ayna si gaar ah ugu fiday gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Baay iyo Bakool waxay tilmaamtay in kooxdu ay ka faa’idaysatay khilaafaadka siyaasaddeed ee dalka ka jira iyo difiictinimada hay’adda dowladda.

Dhanka kale, warbixinta ayaa si weyn u ammaantay Maamulka Puntland iyo guulaha ay ka gaareen la dagaallanka kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad iyadoo sheegtay in hawlgallada ciidanka Puntland ee buuraleyda gobolka Bari ay si weyn u wiiqeyn awooda kooxdaas.

Warbixin waxay sidoo kale xustay in Turkigu uu kordhiyay taageeradda militari ee uu siiyo Soomaaliya oo ay kamid yihiin qalab militari iyo diyaarado dagaal kuwaasi oo qeyb ka qaatay hawlgallo ka socda Koonfur dalka oo lagula dagaalamaya Al-Shabaab balse aan wali natiijo fiican laga gaarin dagaalka.

Midowga Yurub ayaa sheegay in khilaafka siyaasaddeed ee u dhexeeya dowladda federaalka Puntland iyo Jubbaland uu si weyn u dhawaacay iskaashigii amniga isla markaana uu caqabad ku noqday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa ay tilmaamtay in murannada la xiriira dastuurka, doorashooyinka iyo qeybsiga mashaariicda ay wali xal la’yihiin.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dhaqalle ee hawlgallada ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya iyadoo ay sheegtay in dhaqaalle xumo culus ay wiiqday awoodoodii ay kula dagaalamayeen Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa dhowaan sheegay inuu Diseembar 2026, jaraayo maalgelinta hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii warbixinta waxay ka digtay in haddii ay sii socdaan khilaafaadka siyaasadeed amni darrada iyo xaaladda bini’aadanimo ay taasi khatar weyn ku tahay xasilloonida Soomaaliya isla markaana ay u sahli karto Al-Shabaab inay ballaariso saameynteeda.

Turkiga iyo dhismaha xarun hawada sare iyo tijaabinta gantaallada ee Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa kawada bartamaha dalka Soomaaliya dhismaha xarun loogu talagalay hawada sare iyo tijaabinta gantaallada ridadada dheer sida lagu sheegay warbixin ay daabacday wargeyska Faransiiska laga leeyahay ee Lamonde kaas oo soo xigtay saraakiil iyo diblomaasiyiin.

Warbixintu waxay sheegtay in mashruucaan oo si rasmi ah loogu dhawaaqay bishii Diseembar ee sannadkii tegay inuu yahay iskaashi dhinaca tiknoolijiyadda oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo ka koobnaa doono saldhig laga tuuro dayax-gacmeedyada iyo goobo lagu tijaabiyo gantaallada ridadada dheer ee ciidamada Turkida.

Sida uu sheegay wargeyska Lamonde xaruntaan Turkiga uu ka dhisaayo bartamaha Soomaaliya wajiga ugu dambeeyay ayay maraysaa, waxaana ku dhow in dhowaan lasoo gabogabeeyo iyada oo ay noqonayso saldhig muhiim ah oo Turkigu ka fuliyo hawlgalladiisa istiraatijiga ah.

Wargeyska Lamonde sidoo kale waxa uu sheegay in mashruucaan uu yahay natiijada 15 sano oo maalshi siyaasaddeed, militari iyo dhaqaalle oo uu hoggaaminaayay Madaxweyne Reccept Dayip Ordegan.

Turkiga ayaa qorsheynaya in xaruntaan ay ku kordhiyaan awoodooda militari waxa ay noqonaysaa midii ugu horreysay oo dalka Soomaaliya uu ka hirgalo tan iyo markii uu Turkiga xiriirka la sameystay dowladda federaalka Soomaaliya.

Warbixintu waxay intaasi ku dartay in shaqada dhismaha saldhiga laga bilaabay bartimihii bisha Oktoober sannadkii lasoo dhaafay degmada Warsheekh oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe taas oo qiyaastii 70km Waqooyiga ugu beegan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Masuulliyiinta sarsare ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa Turkiga ayaana ilaa iyo hadda war rasmi ah kasoo saarin arrintaan ku saabsan xarunta gantaallada laga tuuro ee Turkiga uu ka dhisinaayo degmada Warsheekh halkaasi oo Turkiga uu isha ku haayo inuu maalshiyo kala duwan uu ka fuliyo.

Dowladda Turkiga waxa ay siisaa dowladda federaalka Soomaaliya taageero kala duwan dhinaca kabka miisaaniyadda tababarka ciidamadeeda kala duwan kuwa qalabka sida, waxaa sidoo kale Turkiga uu qeyb ka yahay ilaallada xeebaha dalka Soomaaliya iyo heshiis ballaaran oo shidaalka dalka Soomaaliya lagu soo saaraayo.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Ururka Islaamka oo cambaareeyay safaarada Somaliland ay ka furatay Quddus

Ururka Iskaashigga Islaamka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay beesha caalamka inay qaadato mowqif adag oo ka dhan ah tallaabada sharci darrada ah.

Published

on


Ururka Iskaashigga Islaamka ayaa si adag u cambaareeyay furitaanka waxa uu ku tilmaamay safaaradda Somaliland ee laga furay magaaladda Quddus ee la haysto isaga oo sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid sharci darro ah isla markaana si cad u jebinaysa Axdiga Qaramada Midoobay iyo midka caamiga ah.

War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xoghaynta guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu sheegay in Israa’iil oo gumeysi ku haysata dhulka Falastiin aysan wax go’aan ku lahayn Quddus isla markaana dhammaan go’aannada iyo tallaabooyinka lagu beddelaayo xaaladda siyaasaddeed ay yihiin kuwa aanu waxba ka jirin marka loo eego sharciga caalamiga ah.

Ururku wuxuu sidoo kale dib u xaqiijiyay garab istaagiisa buuxa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo taageeridu uu u haayo madaxbannaanideeda qaran iyo midnimada dhuleed.

Ururka Iskaashigga Islaamka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay beesha caalamka inay qaadato mowqif adag oo ka dhan ah tallaabada sharci darrada ah ee Somaliland ay qaaday isla markaana loogu hortago khataraha ka imaan kara.

Shalay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa si rasmi ah safaarad kugu furay magaaladda Quddus oo uu ku yaallo Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa oo ah cibladii hore ee Muslimiinta halkaasi oo inta badan dalalka ay diideen inay safaarad ka furtaan.

Geesta kale, Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa si adag ugu hortimid booqashada Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro uu ku tegay Israa’iil iyagoo sheegay inay ka hortegi doonaan waxa ay ku tilmaameen qorsheyaasha Israa’iil ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maamulka Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in safarka Madaxweynaha Somaliland uu yahay tallaabo aan la aqabli karin gaar ahaan xilli gobolka Bariga Dhexe ay ka socdaan dagaallo iyo xiisado sii xoogeysanaya.

Xuutiyiinta waxa ay ku eedeeyeen Israa’iil in ay wado qorsheyaal ay ku ballaarinayso saameynteeda gobolka balse ay Yemen ka horistaagi doonto dadaal kasta oo lagu doonaayo in Israa’iil ay saameyn ku yeelato Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Kooxdu waxa ay sidoo kale ugu baaqday dalalka Carabta in ay qaadaan tallaabooyin ka baxsan cambaareyn siyaasadeed oo kaliya si loogu hortago xiriirka sii xoogeysanaayo ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.

Dhanka kale, Xuutiyiintu waxa ay muujiyeen taageeradooda dowladda federaalka Soomaaliya iyagoo sheegay inay garab taagan yihiin dadaallada lagu difaacaayo midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in booqashada Madaxweynaha Somaliland ay tahay midii ugu horreysay ee heerkaan gaarta isla markaana lagu wado in ay kusoo gabogaboowdo qorsho lagu furaayo safaarad Somaliland ku yeelato magaaladda Quddus.

Safarkaan ayaa durba dhaliyay falcelin xooggan oo ka timaada dalalka iyo ururo kala duwan oo ku sugan gobolka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika haba ugu badnadaadee kuwa Muslimiinta.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka shiraya xaaladda cakiran ee Soomaaliya

Kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa sidoo kale diirada lagu saarayaa isbeddellada ka dhacaya dalka Soomaaliya iyadoo xilli kala guur ah ay galayso Soomaaliya.

Published

on


Waxaa maanta magaaladda Newyork ee dalka Mareykanka ku kulmaya dowladaha xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa ayna ka hadlayaan xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca amniga dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dadaalayso in diirada la saaro taageerada ciidamada amniga iyo kuwa kale ee qalabka sida si ay dowladda federaalka u gaarto guul kama dambeys ah dagaalkaan mudadda dheer ay kula jirtay Al-Shabaab isla markaana ay u hanato ammaanka qaranka dalka guud ahaan.

Waxa ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka doodayaan xaaladaha la xiriira arrimaha siyaasadda gudaha dalka Soomaaliya oo ismariwaa xooggan oo ka taagan yahay doorashooyinka.

Dowladda Soomaaliya waxaa la sheegay kulankaan in lagu xoojiyo hawlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM loo soo gaabiyo iyo sidoo loo heli lahaa dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah sii wadista hawlgalkaan ciidamada Midowga Afrika ay wadeen tan iyo 2007-dii.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka dalbatay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in la xoojiyo lana laba-jibaaro taageerada ciidamada Midowga Afrika oo hadda muddo bilooyin ah la sheegay qarashaadkii ay ka heli jireen Midowga Yurub in uusan soo gaarin.

Kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa sidoo kale diirada lagu saarayaa isbeddellada ka dhacaya dalka Soomaaliya iyadoo xilli kala guur ah ay galayso Soomaaliya oo doorashooyinkana ay kusoo food leeyihiin.

Warbixinnada hordhaca ah ee laga helaayo kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa ay tibaaxayaan in dowladaha beesha caalamka ay doonayaan heshiis siyaasadeed in laga gaaro xaaladda ka taagan dalka Soomaaliya maadaama haddii siyaasad ahaan Soomaaliya aysan u degnayn ammaankana ay dhaawacayso sidaas darteedna waxaa loogu baaqayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda dalka Soomaaliya miiska wadahadalka ay inay dib ugu laabtaan oo ay khilaafka doorashooyinka heshiis degdeg ah ay ka gaaraan.

Hawlgalka AUSSOM waxa uu taageeraya dowladda federaalka Soomaaliya dhinaca dagaalka, xasillinta deegaanadii laga saaray A-Shabaab iyo sidoo kale hawlgallada mustaqbalka la qaadi doono.

Waxaa la sheegay hawlgalka Midowga Afrika inay waayeen lacag gaaraysa 38 Milyan oo dhowrkii bilood lasoo dhaafay ugu imaan lahayd wadamada Midowga Yurub kuwaasi oo sheegay inay aad hadda diirada u saarayaan arrinta Yukneerayn isla markaana dhaqaalle aysan u haynin ciidamada Midowga Afrika ee joogga Soomaaliya.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa isaga waxa uu diiday inuu daboolo baahiyihii dhinaca dhaqaalaha oo buuxin jiray hawlgalkaan AUSSOM taasi oo keentay caqabad weyn xittaa dib u dhac inuu ku yimaado ciidamadii ka socday Masar Soomaaliya inay yimaadaan.

Dhanka kale, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo hay’addo kale oo caalami ah ayaa ku baaqay in la dajiyo xiisada jirta isla markaana la dhiirigeliyo wadahadal iyo xal nabaddeed oo lagu dhammeynaayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gudaha Soomaaliya.

Baaqyadaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo magaalada Muqdisho toddobaadkii hore ay dhaceen dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka, rabshadahaasi ayaa yimid kadib markii uu muran ka dhashay isbeddelka siyaasadeed iyo arrimo la xiriira hannaanka doorashooyinka uu dalku aadaayo.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dowladda federaalka ay xadiday dhaqdhaqaaqyada la xiriira bannaanbaxyada ay qorsheynayaan qaar kamid ah xubnaha mucaaradka taasoo sii kordhisay xiisada siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Dhanka kale, bishii Maarso ayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ansixiyay wax ka beddelka lagu sameeyay muddo xil heynta dowladda iyo hay’adaha kale iyadoo shan sano laga dhigay afartii sano ee hore.

Sida ay wararku ay sheegayaan guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS, Aadan Maxamed Nuur ayaa sheegay isbeddelkaasi uu quseyo mas’uuliyiinta xil heynta dalka isla markaana uu dhaqangelaayo isla muddo xileedkaan.

Beesha caalamka ayaa si dhow ula socota xaaladda Soomaaliya iyadoo la filaayo in doodaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay diiradda lagu saari doono amniga iyo isku socodka siyaasadda iyo sidii xal loogu heli lahaa arrimaha taagan.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Arrimaha Amniga23 hours ago

Ciidanka taabacsan Cabdicasiis Laftagareen oo la wareegay magaaladda Buur-hakaba

Ameerika1 day ago

Soomaaliya oo kasoo dhex muuqatay liiska dalalka la xiriira jebinta cunaqabataynta bangiga Mareykanka

Qurbo Joogta1 day ago

Mustaqbalka Soomaalida magangelyo-doonka ah ee Ingiriiska oo su’aalo ka taagan yihiin

Doorashada2 days ago

Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee Galmudug oo loo asteeyay 22-ka Oktoobar

Soomaaliya2 days ago

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay qaraarka taabbo-gelinta Dastuurka cusub

Arrimaha Amniga2 days ago

Maxay ka dhigan tahay in Dowladda Soomaaliya Laftagareen iyo Taliye Shub ay ku dartay liiska cunaqabateynta maaliyadeed ee la xiriirta Al-Shabaab?

Arrimaha Amniga2 days ago

Wasiir Fiqi oo sheegay in ay madax jebinayaan siyaasiyiinta mucaaradka

Ameerika3 days ago

Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo gebi’ahaanba kala duwan

Soomaali Galbeed3 days ago

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo xaqiijisay in ciidamo Soomaaliyeed ay galeen xadka Itoobiya

Ameerika3 days ago

Xil. Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay baaritaan ay Ciidamada Amniga Mareykanku ku sameeyeen gurigeeda

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo dooneysa in xubinnimada EAC ay u beddesho fursado dhaqaalle

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo karantiishay muwaadin la safray qof u geeriyooday cudurka Ebola

Geeska Afrika3 days ago

Dagaalka sokeeye ee Itoobiya: Xaggee Imaaraadka iyo Sacuudigu ka taagan yihiin?

Arrimaha Amniga3 days ago

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: “Waxaan diyaar u nahay in Itoobiya ay ka faa’iidaysato dekedda Berbera”

Arrimaha Amniga3 days ago

Cabdiraxmaan Cirro: “Trump waa nin weyn oo taariikh sameeyay, markale ayuu taariikh qori kara haddii uu Somaliland aqoonsado”

Geeska Afrika3 days ago

Soomaaliya oo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay xiisadda Itoobiya iyo Ereteriya

Soomaaliya4 days ago

Heerka macluusha Soomaaliya oo sare u kacay, kadib hoos u dhaca ku yimid gargaarka hay’adaha caalamiga ah

Afrika4 days ago

Ugu yaraan 72 macdan-qode Suudaaniyiin ah ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah: Hay’ad la socota xaaladda xuquuqda aadanaha

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Soomaaliya iyo Ugaandha oo ku heshiyay iskaashiga milatari iyo dhaqaalaha

Geeska Afrika4 days ago

Itoobiya ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta magaalo xuduudeed ah kadib markii ciidamo Eriteriyaan ay kasoo galeen

Tahriib iyo Tiiraanyo4 days ago

Doon ku qaribantay xeebaha Jabuuti oo galaaftay ugu yaraan 139 muhaajiriin ah

Arrimaha Amniga4 days ago

Sheekh Shariif oo iska fogeeyay eedeymaha hay’adda NISA u jeedisay Ilaaladiisa

Arrimaha Amniga4 days ago

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo digniin culus u diray mucaaradka

Ameerika4 days ago

Masaajidda Minnesota oo adkeeyay ammaankooda, kadib hadal uu Trump u jeediyay dadka aan Soomaalida ahayn

Soomaaliya5 days ago

Himilo Qaran oo ka digay khataraha amni ee ka dhallan kara muranka siyaasadeed ee Soomaaliya

Arrimaha Amniga5 days ago

Imaaraadka oo duqeymo diyaaraddeed ku dilay dad rayid ah ee Maamulka Puntland

Diblomaasiyadda5 days ago

Dowladda Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda ku aaddan xiisadaha gobolka iyo xiriirka Itoobiya

Itoobiya5 days ago

Itoobiya oo sheegtay inay qasab ku tahay iska difaacida duullaanka ay kusoo qaaday Ereteriya

Arrimaha Amniga5 days ago

OCHA oo ka digtay xaaladda bani’aadannimo ee Baydhabo, kuna baaqday in la joojiyo colaadda

Arrimaha Amniga5 days ago

Ciidanka Danab oo hawlgal ka fuliyay Jubbada Hoose, laguna dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Arrimaha Amniga6 days ago

Ciidamada taabacsan Laftagareen oo isku ballaariyay gobollada Baay iyo Bakool

Afrika6 days ago

71 qof oo ku dhintay rabshado ka dhacay Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah

Arrimaha Amniga6 days ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub6 days ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub6 days ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya6 days ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika7 days ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Xul

Diblomaasi.com