Connect with us

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Imaatinkaygii Madaxtooyada (Cheif Of Cabinet)

Published

on

 


Waxay ahayd 6 am 26|June|2010 markii doorashadii madaxweynaha loo dareeray, waxaana goobahii la xidhay abbaaro 6 fiidnimo. War baa u gaajo badan. In kasta oo ay tirinta iyo hubintu wakhti qaadato, waxaa si xiisa badan loo sugayay warka natiijada doorashada, waxaana lagu yaacay xaruntii Kulmiye ee dhaatada iyo xafiiskii hawshaa qaabbilsanaa waxaana iska soo daba dhacayey wararka muraaqibiinta oo badankoodu ay soo tebinayeen guul balse ilaa subixii danbe way socdeen wararku, iyadoo ay marka horeba filashada guusha ee Kulmiye aad u sarraysay, haddana waxaa sii xoojisay xogtii iska soo daba dhacaysay, waxaa la sugayey dhawaaqa natiijada doorashada oo waxaa la hayay in Kulmiye ku hoggaaminnayo tiro badan.

Haddaba, guushii taariikhiga ahayd ee uu Xisbiga Kulmiye ka soo hooyey tartankii doorashada madaxweynennimada ee 26|June|2010-kii, arrimaha aan is leeyahay guushaa iyada ah saldhig bay u ahaayeen waxaa ka mid ahaa: Hoggaamiyaha oo taariikh facweyn iyo miisaan badan ku leh bulshada, kaadirka isugu yimi xisbiga oo aad u badnaa, barnaamij siyaasadeed fiican bulshadana ku cusbaa oo uu soo bandhigay, xisbiga Kulmiye oo toddoba sannadood mucaarad ahaa oo gaamuray iyo xukuumadda oo siddeed sannadood xafiiska joogtay isla markaan ka koobnayd koox si wanaagsan isula haysata siyaasad ahaan oo mucaaradka xiijisay, balse aan xagga horumarka iyo dhaqaalaha ku guulaysan isla markaan ay hoos u dhacday kalsoonidii bulshadu.

Waxaa la soo gaadhay 03|July|2010, waxaana la isugu yimi fagaare ay soo agaasimeen Komishinkii doorashooyinka oo kaga dhawaaqeen natiijadii rasmiga ahayd ee cododkii doorashada iyadoo loo kala helay: Kulmiye 49.59%, UDUB 33.23%, UCID 17.18%. Halkaas oo Kulmiye guushii ku raacday codod aad u tiro badanna uu ka horreeyay labadii xisbi ee kale.

Hankaygii siyaasadda ee aan muddada naawilayay ayaa ii bidhaamay. Madaxtooyaduna waxay ahayd meesha aan ku hammiyo. Guusha weyn ee xisbigayga u soo hoyatay waxay igu ridday hurda la’aan aan is waydiinayo xilkee ayaad doonataa, Silanyo safka hore ma kugu darayaa, iyo haddii aad ku guulaysato boos wanaagsan oo kuu qalma shirkaddan aad CEO ka tahay—oo aan wax sannad ka yar joogay meel fiicanna aan marinayo, mushahar aad u sarreeyana aan ka qaato oo aan nolol fiican ku haysto, run ahaantiina ahayd meel la iga jecelyahay—sidee uga tegaysaa maxaad se ku odhanaysaa?

Waxaa ka sii daran xilka ugu sarreeya ee aad xukuumadda ka heshaa waa wasiir, mushaharkiisuna waa $650, oo aan markaa waxba iigu filnayn marka loo eego halka aan jooga iyo waxa aan qaato. Wax aan galgalshaba waxaan talo ku soo ururiyay; haddii aan arko xil damiirkaygu ku xasilo oo ka jawaabaya damacayga, in aan qabto; shaqadana si wanaagsan oo aan ceeb iyo colaad midna reebin aan uga tago. Mulkiilihii shirkadda oo arkayay in badan oo shaqaalihiisa ka mid ah oo siyaasadda hunguri ka hayo oo aan ka mid ahay, ayaa warqad soo qoray, taas oo uu kula hadlayo rag badan oo aan ka mid ahay, “Shaqada iyo Siyaasadda mid doorta.” Waxaanan ugu jawaabay: “wixii mustaqbalka ah waa meesheeda, laakiin iminka siyaasad kuma foogni,” oo aan uga jeeday berrina ha ahaatee wixii mustaqbal ah waa marka uu yimaaddo, laakiin hadda wax siyaasad ah faraha kuma hayo.

Maalintii Sabtida ee 04|July|2010, madaxweynihii la doortay ayaan salaan ugu imi. Aad bay ii soo dhaweeyeen isaga iyo qoyskiisiiba, waxaanay ii sheegeen marka salaamuhu dhammaadaan in aan ku soo noqdo oo aannu kulamo yeelanno. Halkaa waxaa nooga bilaabmay xidhiidh dhow iyadoo habeenkii marka aan shaqada ka soo rawaxo aan gurigiisa ku soo mari jiray. Waanan la shaqayn jiray wixii talo ama tilmaan ah ee la i weydiiyana fikirkayga ayaan ka dhiiban jiray.

Guushii xisbiga KULMIYE ka bacdi, madaxweyne Silanyo wuxuu markiiba magacaabay guddiyo uu u diray talooyinka qaab-dhismeedkii xukuumaddiisa, isagoo maalin kasta qaabbili jiray oo la fadhiista kaadirka xisbiga iyo xubnaha kala duwan ee danaynaya in ay xil ka qabtaan xukuumaddiisa. Waxa aannu ku hawlanaa kala xulashada xubnihii golaha wasiirrada.

Wakhti aan ku qiyaasayo 9:00 pm habeennimo 20, July 2010, oo aan ku suganahay guriga madaxweynaha, ayuu madaxweynuhu u soo bandhigay Maxamuud Xaashi Cabdi in uu doonayo in uu u magaacaabo madaxa hawl-socodsiinta madaxtooyada (Cheif Of Staff). Balse Maxamuud wuxuu codsaday xil wasiirnimo in loo magacaabo, madaxweynuhuna wuu ka aqbalay. Wax yar uun ka dib madaxweynaha ayaa si lamafilaan ah iigu soo jeestay, oo ii soo bandhigay xilkaa! Waan aqbalay, balse labo shay ayaan ka codsaday oo midi ahaa in magaca uu ka dhigo Chief Of Cabinet.

In kasta oo labadan magac ee Chief of Staff iyo Chief of Cabinet labaduba ahaayeen laba magac oo gebi ahaanba ku cusbaa saaxadda siyaasadda ee Soomaalida, waxaan islahaa waxaa la garanayaa Cheif Of Cabinet. Waxaan ka eegayay Djibouti oo laga isticmaalo, aadna looga yaqaanno, oo uu xilligii hore ku shaqayn jiray madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

Dhinaca kale, madaxweynaha waxaan ku idhi: madaxweyne shirkadda SOMTEL oo aan in muddo kooban ah gacanta ku hayey si weyn baan u soo kiciyey, haatana meel fiican bay maraysaa. Mulkiilaha shirkadda Maxamed Siciid Ducaale oo ixtiraam badani noo dhaxeeyo, (shaqeeye/loo shaqeeye), waan ka xishoonayaa inaan ku idhaahdo waan kaa tagayaa, sidaa darteed waxaan kaa codsanayaa inaad bal igala hadasho oo aad culays ila saarto! madaxweynuhu codsigaygii wuu iga yeelay, wuxuuna u yeedhay Maxamed Siciid Ducaale, dabadeedna wuxuu ku yidhi ninkaa (Xirsi) inuu ila shaqeeyo ayaan doonayaa oo anigaa u baahane ii daa! Marka la eego halkaannu shirkadda SOMTEL marinaynay, Dahabshiil marnaba muu jeclayn inaan ka tago, aadna way ugu adkayd, haddana wuu tixgeliyey, waanu ka yeelay codsigii uu madaxweynuhu u soo jeediyey. Wuxuu ugu jawaabay “waan kaa yeelay, balse shaqaalahayga wixii dambe ii daa”

Waxaa timi Xafladdii xiisaha badnayd. Waxay ahayd 28, July 2010. Saacaddu waa abbaaro 9:00 subaxnimo. Waa maalin si weyn loo sugayay inay dhacdo xilwareejin ay xilka kula kala wareegayeen madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxweynahii cusbaa ee Somaliland Axmed Maxamed Silanyo, taas oo shacbiga Somaliland ay filayeen inay u dhici doonto si nabadgelyo ah, isla markaana ay beesha caalamka iyo wufuuddii ka kala socday dalalka jaarkuba ay aad ula yaabeen doorasho furan oo noocan ah, xil wareejin labo madaxweyne in ay mandiqaddan si sahlan uga dhici karto.

Waa maalin taariikhi ah waxa goobta timi xukuumaddii xilka ka dagtay oo uu hoggaaminayey madaxweyne Daahir Rayaale iyo ku-xigeenkiisa. Sidoo kale, mas’uuliyiinta xisbigii Kulmiye ee ku guulaystay doorashada madaxtooyada ayaa iyana yimi goobta xarunta madaxtooyada oo lagu qabanayay xafladdii xilwareejinta iyo dhaarinta madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Silanyo iyo ku-xigeenkiisa. Waxay ku dhammaatay jawi xamaasad leh oo nabdoon iyadoo madaxweynihii cusbaa sheegay in uu berrito soo dhisi doono xukuumaddiisa cusub.

Jamhuuriyadda Somaliland, muddo 17 sannadood ah may soo marin madaxweyne xilka iyo masuuliyadda ku wareejiya madaxweyne kale, laga soo bilaabo 1993-kii wakhtigaasi oo madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur uu madaxweyne Cigaal ku wareejiyay magacii iyo haykalka guud balse aanay jirin wax macno leh oo hay’adihii dawladda ka dhisnaa oo la isku wareejiyay xilligaa. Wixii ka danbeeyeyna wax lala kala wareegay may jirin. Laga bilaabo May 1993-kii ilaa 2010-kii ma jirin madaxweyne, madaxweyne kale xil ku wareejiyay ee shaqada xafiiska uun baa iska socotay.

Madaxweyne Daahir Riyaale Kahin wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee doorasho furan oo dimuqraaddi ah intuu galay markii laga helay xilka ku wareejiya madaxweyne kale . Sideedaba, dhaqan ahaan iyo dhaqaale ahaanba isbeddelku ma aha arrin hawl yar. Labadaa madaxweyne ee xilka la kala wareegayna waxay ahayd dhacdo cusub oo xambaarsan duruufaheeda u gaarka ah. Markaa isbeddelkii madaxweyne Silanyo talada kula wareegay waxay ahayd rejo cusub. Dhinaca kale xafiisyadii dawladda oo dhan iyo golihii wasiirrada oo dhammaantood la beddelayo, runtii waxay ahayd isbeddel xanuunkiisa leh.

Subixii labaad ayaannu ku waaberiisannay nabad. Aad baa dhegtu u taagan tahay oo ay filashadu u badan tahay. Haddana waa la wada ogyahay in tirada xukuumaddu aad u yar tahay, marka loo eego tii ka horraysay. Guddigii talada qorshaha xukuumadda loo magaacaabay waxay ku taliyeen gole kooban oo tayo leh, waana ballantii markii horeba Kulmiye olohala ku galay. Abbaaro sagaalkii subaxnimo ayaa madaxweynihii, oo ay weheliyaan xubno kooban oo aan ka mid ahay, u soo kicitimay xaggii xarunta madaxtooyada iyadoo aad na loogu sugayo. Waxaa madaxweynuhu fadhiistay hoolka golaha wasiirrada oo saxaafaddii iyo dad tiro badani ku sugayaan dhawaaqiisa. Wuxuu akhriyay liiska wasiirrada, oo ahaa 20 wasiir iyo 6 Wasiir-ku-xigeen. Waxaan filayaa in ay ka mid ahayd xukuumadihii ugu yaraa ee soo mara xilligaa geyiga Soomaalida iyo waddamada Geeska Afrika.

Waxaa la soo gaadhay 31, July 2010 oo uu madaxweynu soo saaray wareegto madaxweyne oo uu iigu magacaabay Chief of Cabinet, kaas oo macnihiisu ahaa madaxa hawlaha shaqo ee madaxtooyada. Isla markii xilkaa la ii magaabayba, waxaa ila dhashay faallo, hadalhayn iyo buuq aad u badan oo qaarba wax ku magacaabeen (Waa raysal wasaare, waa wasiir dadban, waa agaasime, waa madaxweyne jiifa, isagaa dalka haysta iwm). Hadalhayntii iyo dareenkii bulsho ee aan la kowsaday ee ku xeernaa xilkii la ii magacaabay, maan helin jaanis dadku ku cabbiraan aqoontayda, waaya aragnimadayda iyo kartidayda shaqo, dib ayaan ka faahfaahin doonaa xilkii Chief Of Cabinet-ka iyo qayladii ku gadaannayd balse aan wax ka tilmaamo jawigii siyaasadda iyo markii madaxweynuhu ku dhawaaqay xukuumaddii cusbayd.

Markii madaxweynuhii soo saaray liiska xukuumaddiisa ee ay iska waayeen in badan oo madaxdii xisbiga ah iyo hawlwadeennadii xisbiga ee qurbaha iyo dalka gudihiisa isaga yimi oo filashadooduna aad u sarraysay, waxa na hadheeyay buuq siyaasadeed oo salka ku haya tabashada ashqaasta iyo qabaa’ilka ay ka soo jeedaan. Waxaa la yaab ahaa dhammaan xubnaha xisbigu waxay isla waafaqsanaayeen in xukuumaddu yaraato haddana qof kastaa wuxuu doonayaa in uu ku jiro!

Xukuumaddii koobnayd, iyo siyaasiyiintii iska dhex waayay waxay keentay in saaxiibbo badani ay naga hor yimaaddaan. Waa arrin xanuun badan, marka xisbigaagii mucaarad kugu noqdo. Qaraxaa siyaasiga ah ee xukuumaddu la kowsatayna muu ahayn arrin sahlan, maarayntiisuna may fududayn.

Kulankii u horreeyay ee madaxweynuhu u qabto xubnihii uu soo magacaabay oo ahaa is barasho iyo in qof kastaa shaqadii ku dhaqaaqo iyada oo laga shidaal qaadanayo barnaamijkii xisbiga iyo ballanqaadyadii bulshada loo sameeyay, waxaa isla markiiba soo ifbaxay filanwaaga xubnihii cusbaa kala kulmay xafiisyadii ay la wareegeen oo ay degalkii cusbaa kala kulmeen xero-dagdago. Waxaan uga jeedaa intooda badan xilka wasiirnimo wuu ku cusbaa, dadka shaqaalaha ee ay xafiisyada ugu tageenna ismay garanayn oo way isku cusbaayeen, meesha ugamay iman kharashkii hawl socodsiinta ee shaqada lagu kala wadi lahaa hadday tahay shidaal iyo agabkii xafiiska, iyado weliba qof kasta saaxiibbadii iyo ehelkiisii u arkayeen in uu madax noqday oo marti iyo shaxaad loogu imanayey, lacag yar oo dejin ah oo masuuliyiinta madaxweynuhu u qorayna wasaaraddii maaliyadda way ka waayeen, oo waabay madhnayd khasnadda dawladdu. Waxaa ugu sii darnaa wasiirkii maaliyadda ee xilligaa, Maxamed Xaashi Cilmi, oo goor galab ah guriga madaxweynaha ugu yimi anigoo la jooga oo aannu fadhinno berendhaha guriga.

Waxa aannu warbixin ka siiyay madaxweyanaha xaaladda maaliyadeed iyo duruufaha dhaqaale ee ka jira wasaaradda maaliyadda. Wuxuu sheegay 121 Billion oo SL shilin ah in xisaabta/Acc. maaliyaddu uu cas yahay, (macnaha dayn ku jirto)! Iyadoo ilaa afar biloodna aan shaqaalihii dawladdu mushar la siin oo weliba ciidamada wixii mushahar loo siin lahaa aan lahayn wakhtigan. Waxa aannu si mug leh isu dul taagay xaaladda aannu wajahnay ee maaliyadeed.

Madaxweyne Silanyo oo aad uga naxsanaa xaaladda iska soo daba dhacaysa iyo wararka hay’adihii dawladda ee aan farxadda badnayn ee uu la kowsaday iyadoo bulshaduna si aada uga sugayso isbeddelkii uu ballan qaaday, ayaa galabtaa warkii wasiirka maaliyadu aad u xanuunjiyay. Wuxuu yidhi “Waar meeshii aynu ku soo soconnay ma sidaasaa!” Haddana wuu isu jawaabay oo wuxuu yidhi: “Waar adeer maxaa innagu watay, Ilaahaw yaa haraggeedii inagaga celiya ayaa nin laga sheegay!” Maxamed Xaashi buu waydiiyay maxaad xal haysaa? Maxamed Xaashina wuxuu yidhi “horta xalka waxaa ka horreeya dadkii masuuliyaddan lahaa ha la xidho!” Wuxuu madaxweynuhu ku celiyay “oo adeer ma madaxweynihii aan meesha kala wareegay ayaan soo xidhaa?! Soomaalidu waa qabaa’il e, sidee qaran inoogu jirayaa!”

Markii ay labo saddex jeer isku celceliyeen dooddii, ayuu dhinacaygii u soo jeestay. Waxaan idhi madaxweyne waxay ila tahay haddii aynu soo xidhxidhno xukuumaddii aynu usbuucan kala wareegnay xukunka, waxay u muuqanaysaa aargoosi, horana uma socon karno oo buuqa hadda inagu furan ee xisbigeennii ayayn ka dabdaalan la’nahay ee waxay isu beddeli qaab qabyaaladeed oo waxay ina gelin kartaa jawi cakiran. Waxaan ku ciliyay bal goor kasta ha la xisaabtamo ee aan hore u soconno oo xalkii aynu kaga bixi lahayn mushkiladda taagan aan ka fekerno. Anigu waxaan hayaa fekrad aynu duruufta maaliyadda kaga dabaalanno, waxaanay tahay in aynu ganacsatada isugu yeedhno oo lacag dayn ah oo shaqada dawladda lagu dhaqaajiyo ka dalbanno.

Madaxweynuhu aad ayuu ula dhacay hadalkaygii, waxa aannu caado u lahaan jiray “Allaa yakhaliik, adeer waa fekrad fiican” in uu yidhaahdo markan oo kale. Balse wasiirkii maaliyaddu kuma farxin hadalkaygii, waxaana ka muuqatay in uu doonayo in la soo xidhi wasiirkii maaliyadda iyo madaxdii kale. Sidoo kale waxaa saxaafaddu soo qortay in uu qoraal u diray madaarka oo uu leeyahay in aanay madaxdaasi dalka ka bixi karin, isagoo shaaciyay in aannu diyaar u ahayn in uu kala wareego xilka ay la socdaan daymanka iyo culaysyada maaliyadeed. Waxaa sidoo kale madaxweynaha cabasho ugu yimi wasiirkii hore ee maaliyadda, Cawil Cali Ducaale, isagoo sheegaya in wasiirka maaliyadda ee cusubi xilkii kala wareegi waayay, warqadna u dhigay madaarka.

Cabbaar ayaa fekradihii la isku celceliyay, ugu danbayna waxa su’aalo la iga waydiiyay qaabka loo dhigayo fekraddii aan soo jeediyay ee ganacsatada iyo in dhaqaale laga baadi doono. Madaxweynuhu wuxuu yidhi labadiina ayaa arrintan iiga dhuun daloola ee ka soo fekera sida ugu fiican. Ugu danbayna Maxamed Xaashi oo hadalkaygii hore ka xumaaday ayaa ku tiraabay “Waxaynu ku noqonnay halkii laga soo bilaabay ee ganacsatada daynta la waydiiyay xilligii ina Cigaal. Bal Xirsiyow wixii aad hayso soo qor oo waa inoo berrito.” Waxaan 6:am ku ballannay Hotel Maansoor.

Waxa aannu isu nimi xilligii aannu balansanayn. Waxa aannu isla eegnay qoraal kooban oo aan soo diyaariyay. Guud ahaan lacagta aan ganacsatada ka dalbanaynaa waxay dhamayd $6,000,000 (Lix milyan oo Dollar). Waxa aannu isla eegnay xaddiga ganacsatada aan u soo qorsheeyay in mid kasta la waydiiyo wax go’a, iyada oo la eegayo sida ay u kala jeeb roon yihiin. Waanu isla qaadannay qorshihii, madaxweynihiina wuu nala qaatay. Wasiirkii wuxuu soo jeediyay in aan dhammaan hoolka weyn ee guriga madaxweynaha ku ballamiyo. Waxaan qoray waraaq aan u kala diray ganacsatadii waaweynayd ee noo qorshaysnaa, taas oo aan ku wargelinayo in madaxweynaha iyo wasiirka maaliyaddu shir ugu yeedheen.

Ganacsatadii waa yimaaddeen. Salaan iyo is waraysi kooban ka dibna shirkii ayaa furmay. Wasiirkii maaliyadda iyo madaxweynihii waxay u soo qaddimeen ganacsatada dalabkii lacagta guud ahaan iyo gaar ahaan mid kasta inta laga doonayo, baahida kelliftay iyo daynta masuuliyadeed in ay qaadayaan labadoodu muddo koobanna ugu soo celin doonaan. Guud ahaan ganacsatadii way aqbaleen waxaanay yidhaahdeen shirkad kasta wixii aad ku qorteen kala ballama. Muddo ayaannu ka shaqaynaynay aniga iyo wasiirkii, ugu danbayna waxaa soo xarooday 63% qiyaastii.

Markii aannu isu geynay dayntii noo xarootay iyo dakhligii cusbaa, oo wasiirku xisaab cusub (New Account) u sameeyay, waxaannu qorshaynay in aannu 70% ku bixinno mushaharradii shaqaalaha ee taagnaa iyo wixii dayman daruuri ahaa, halka 30%-ka hadhay aan u qoondaynay in aannu u isticmaalo kharashaadka maalinlaha ah ee kala socodsiinta hawlaha dawladda.

Waxay ahayd arrin culayskeeda leh, dal dhaqaale ahaan aad u burbursan, bangi dhexe oo aan wax kayd ah lahayn, shaqaalaha dawladda oo aan dhawr bilood wax mushahar ah qaadan, ciidamada qaranka oo mushaharkoodii cidhiidhi ku jiro. Xukuumadda madaxweyne Silanyo waxay dhaxashay deyn iyo amaah baaxad leh. Caqabadaha dhaqaale iyo kuwo bulsho ee xukuumadda cusub horyaalley aad bay u baaxad weynaayeen.

Xaqiiqo ahaan tallaabooyinkaa aan soo xussay waxay naga siiyeen waxoogaa debec ah culayskii maaliyadeed ee na haystay, balse waxa xukumadda laga sugayay in ay labanlaabto mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada oo ay ballan qaadday xilligii ololaha. In kasta oo wasiirku u dhashay nin madax-adag, haddana wuxuu garwaaqsaday talooyinkaygii dhinaca maaliyadda waxa aannu madaxweynaha waydiistay in aan maalin kasta galinka hore la shaqeeyo. Waxa aannu isu iman jiray subax kasta intii aannu ka soo kabanaynay duruuftii dhaqaale ee qallafsanayd. Markii aannu ka soo kabannay culayskii na haystay ee maaliyadeed, waxaan ku mashquulay hawlihii madaxtooyada iyo shaqadii xafiiskayga.

Hawlaha adduunyada ayay caadeeda tahay tallaabo marka aad qaaddaba, mid kale ayaa kuu dhiman. Mushkilad marka aad xallisaba, mid kale ayaa ku sugaysa. Dhacdooyinkuna way kaa dheeraynayaan oo kuguma simaan sida aad doonayso..

Nidaam kasta oo ku cusubi, waa dhacdo la fili karo inay la kulmi karto caqabado iyo suuldaarrooyin qorshaysan oo ay wadaan kooxo iyagu xusulduub ugu jira sidii ay maamulkaa cusub u fashilin lahaayeen ama ay uga faa’idaysan lahaayeen goldoloollada iyo wixii ka baylaha nidaamkaa cusub.

Intii aannu la legdemaynay hawlihii maaliyadda iyo qaar kale oo badan oo maxalliya, taariikhdu markii ay ahayd 10, 09 2010, ayaa waxa na soo gaadhay qaylo-dhaan sheegaysa in malayshiyo ilaa 300 oo ruux ah oo ka tirsan jabhadda ONLF ee la dagaallanta dawladda Itoobiya ay ka soo degeen magaalada Caasha Caddo ee xeebta galbeedka Somaliland, kuwaas oo ku wajahnaa dalka Itoobiya. Dawladda madaxweyne Silanyo ee aan ka tirsanaa waxay markaa talada dalka haysay muddo 43 habeen ah. Maadaama oo aannu cusbayn, aad ayaannu u nuglayn cid kastaana waxay doonaysay in ay ka faa’idaysato mushkiladaha na haystay. Wuxuu madaxweynuhu amray in taliyaha ciidamadu diyaariyo ciidamo si adagna uga hawl galo, isla markaana wuxuu amray in talo ay isugu yimaaddaan dhammaan ciddii ay khuseeyeen arrimaha nabadgelyadu.

Xukuumad ahaan waxay nagu ahayd dhacdadani naxdin, fejac iyo lamafilaan, qorshihii iyo qaabkii arrinkaa loo waajihi lahaana may diyaarsanayn. Markii ay arrintaasi dhacday waxa aannu xidhiidh iyo wadashaqayn toos ahba la yeelanay dawladda Itoobiya oo ah dawlad awood badan oo uu xilligaa hoggaaminayey raysal wasaare Meles Zenawi. arrintaa xukuumaddu cusub la kowsatay waxay ahayd mushkilad hor leh, run ahaantiina gobolka waxay ku keeni karaysay halis iyo nabadgelyo-darro. Si wadajir ah ayey labada dawladood ee Somalilnad iyo Itoobiya isaga kaashadeen arrintan. Sida aan maqlay, malayshiyadii badankooda waa la qabtay, wixii kalena way kala yaaceen oo wax saamayn ah labada dhinac mid kumay yeelan.

In kasta oo ay xukuumaddii aan ka tirsanaa ay ku dedaashay in ay xakamayso xafiiltan dhaqaale iyo khilaaf diimeed, haddana waxaa nagu bilaabmay maalintii natiijada lagu dhawaaqayba muran xooggan oo u dhexeeyay ganacsato isku eryanayey hanashada xadhigga badda hoosteeda mara ee (Fiber Optic Submarin Cable), kaas buuqiisu na hadheeyay muddo labo sannadood ku dhow. Wuxuu ahaa mushkilad aad u weyn oo dhaawacday hannaankii siyaasadeed ee xukuumadda cusub. Odhaah caan ah oo Soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Il ribix arkaysaa rixim ma eegto,” taasoo macnaheedu yahay qofka macaashka doonayaa walaalnimo iyo naxariis toona ma eego. Ganacsatadu way iska damac badan yihiin oo meesha macaashku ugu jira wax walba way ka horraysiiyaan. 15|08|2010 waxaa madaxweynaha u yimi dad waaweyn oo miisaan leh oo aan ka xasuusto Muuse Biixi, Samaale, Samsam Cali Aadan, Cali-Gobonnimo iyo Aamina Timadheer, oo uu soo abaabulay ganacsade Maxamed Aw Siciid. Wuxuu waydiistay madaxweynaha in xadhiggii badda hoosteeda marayay rukhsaddiisa la siiyo iyada oo uu u xidhan yahay oo aan cid kale la siin karin (Exclusive).

Madaxweynuhu wuu u ogolaaday rukhsadii. Bixinta dhibi kama taagna oo madaxweynuhu waabu ka oggaaladaye, waxaa doodi ka bilaabantay in loo xidho. Waxaan soo saaray in arrintu Dastuurka Somaliland ka soo horjeeddo, oo dastuurku wuxuu odhanaya “Dawladdu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi’da suuqa xorta ah.” Balse dhammaan intii hawsha kula socotay way ku raacsanayeen arrintaa.

Waxaa ugu debecsanaa Muuse Biixi oo yidhi waar Dastuur yaynaan jebin e xal kale inoo doona. Ugu danbayna madaxweynuhu wuxuu siiyey rukhsad caadi ah, laakiin uma xidhan (not exclusive) Waxaa iyaguna kacdoon xoogan sameeyay qolyihii kale loo diiday oo si laxaad leh ayay uga hor yimaaddeen, culays badanna saareen xukuumaddii cusbayd Xagga xoolaha nool marka la eego, waxa murankiisu taagnaa arrinkii Maxjarka Cusub ee Berbera oo xukuumaddii talada wareejisay ay ganacsadihii Carbeed (Al-Jaabiri) oo ay dhoofinta adhiga ugu xidhay kootada. Ganacsadayaal badan ayaa arrintaa ka biyo diiday isla markaana waxay ku doodayeen in maxjar kale la furo oo aan cidna kooto loogu xidhin.

Arrintaasna waxa loo baahnaa in laga gaadho xal waara, in kastoo qaylo badani ka soo yeedhay dhinicii hore maxjarka u lahaa, haddana waxaa lagu dhiirraday in la furo maxjarkii kale, si loo helo suuq xor ah. Caqabadda kale ee xagga dhaqaalaha ah waxay ahayd arrintii Haamaha Shidaalka Berbera oo muddo dheer gacanta dawladda ka maqnaa, oo ay shirkadda TOTAL muddo dheer kooto ku haysatay. Xukuumaddu arrintaa waxay ka qaadday tallaabo, masuuliyaddii haamahana waxay ka wareejisay shirkadda TOTAL, dabadeedna maamulkii haamaha shidaalka waxay ku soo celisay gacanta dawladda. Kaddibna arrintaa waxaa ka dhashay buuq kale oo hor leh. Waxa mar kasta jira oo aan la dhayalsan karin doorka iyo kaalinta ay bulshada siyaaddada ku leeyihiin ganacsatadu iyo sidoo kale muhiimadda ay dalka guud ahaan u leeyihiin. Sidoo kale waxaa hubaal ah haddii ganacsatada lagu sii daayo maamulka iyo dawladnimada, waxaa dhacaysa xadhig kala jiidasho iyo in mid kastaa uu danihiisa u xusliyo, oo halkaa ay cidhiidhi ku gasho dantii caamka ahayd iyo qarannimadii.

Guud ahaan, hannaanka maamul si uu horumar u sameeyo wuxuu u baahan yahay deganaansho siyaasadeed iyo jawi nabdoon oo u hawl yareeya tallaabooyinka horumar. Maadaama oo markii xilka lay magacaabay aan ahaa maamulaha guud ee shirkadda Somtel (CEO) oo ay jireen shirkadihii ganacsi oo tartan naga dhexeeyey, waxaa aad muhiim iigu ahayd sidii aan u xaqiijin lahaa dhexdhexaadnimada iyo gudashada masuuliyadeed ee aan ugu adeegayo bulshada dhammaan, iyada oo wax dareen ahi aannu noo dhaxayn, isla markaana aan ganacsatada ugu abuuri lahaa kalsooni iyo in ay nidaamkan dawladeed si siman uga helaan adeegga shaqo ee ay uga baahan yihiin, baqdin la’aanna u shaqaysan lahaayeen.

Haddaba Xirsi ahaan, halkii aan joogay iyo shirkaddii hawsha yarayd waa anigii ka imi oo siyaasad ayaan u tafaxaytay, himiladii ii rumawday, masuuliyad culus iyo xil cusub oo awood badanna qabtay; balse waxaa wehelinayey hadalhayn, buuq iyo dacaayado aad u badan oo bilowgiiba ila kowsaday. Xisbigaygii iyo taageerayaashiisii ayaaba ugu qaylo dheeraa. Waxaan u bixiyay xilkii Buuqsiraate (A noisy resposibilty). In ka badan 6000 oo maqaal iyo odhaahyo ayaa laga jeediyay oo aad ka helaysaa Internetka oo keliya, qof kastaana meeshuu doono ayuu ula kacay siduu jeclaana wuu u fasirtay. Waxaynu ka sawiran karnaa, maansadan uu berigaas curiyay Axmed Cali Garas (Maqalloocshe), oo wargeyska Haatuf oo mawduuc toddobaadle ah ku qori jirey. Waxaynu ka soo qaadan in kooban:

Ma Xirsaa ka dambeeya

Haddii xaajiyad qaad ahi,

xafartooy is-rogto

ma Xirsaa ka dambeeya?

 

Haddii gaadhi xamuul ah

xuduudkaa laga jiito

oo Itoobiyanku xidhaan ma Xirsaa ka dambeeya?

Adiga oo yar xanaaqay, haddaad xaaska dhirbaaxdo, oo xabsigaa lagu geeyo ma Xirsaa ka dambeeya? Xafladdii Muqdishee, bambka wayn la xuluushay ma Xirsaa ka dambeeyay? Xaafad, xaafado shiidday, xangaruufo mid gaadhay, ma Xirsaa ka dambeeya? Haddii aalad xumaatay, xagal daaco samayso, ma Xirsaa ka dambeeya? Wax kastoo la xumeeyo ma Xirsaa ka dambeeya?!

Maansadani waxay ka mid ahayd dareemadii dadka ku jirey, warbaahintuna qorayeen xilligaa. Haseyeeshee, qof kasta oo xil iyo masuuliyad qaran loo dhiibay, waxa looga fadhiyo ee laga sugayaa waa inuu shaqadii loo diray sida uga habboon u guto, ugana midho-dhaliyo. Buuqaas waxyaalaha aan is leeyahay sabab iyo saldhigba bay u ahaayeen waxaa ka mid ahaa:

  1. Waxaa xaqiiqo ah magaca iyo mansabka (Chief of Staff / Chief Of Cabinet) in ay gebi ahaanba ku cusbaayeen saaxadda siyaasadda Soomaalida oo aan hore looga aqoon, iyadoo weliba aanay qeexnayn shaqadiisa iyo awooddiisu toona. Dhinaca kale, shaqadani waa mid qaylada iyo eedda caan ku ah. Xikmad laga soo tebiyey Donald Rumsfeld oo Maraykan u ahaa Chief of Staff 1974, ayaa odhanaysa: “If you are not criticized, you may not be doing much – Haddii aan lagu eedaynayn, hawshaadii wax badan kamaad qaban.”

  2. Shakhsi ahaan, anigoo ahaa nin dhallinyaro ah oo aan hore uga mid ahaan jirin qamaamuurtii iyo qoorweyntii saaxadda siyaasadda ku soo gaamuray ee ay dadku yaqaanneen iyo hebelladii indhahooda iyo aragtidoodaba ku waynaa, siyaasiyiintaa oo inta badan cid kasta oo cusub geeska ku feedha ama didsada, maadaama oo aannu weli soo shaac bixin ama aqoontiisa, garashadiisa, shaqadiisa iyo kartidiisaba aanay dadku weli si wayn u tijaabin. Waxaad arkaysaa mararka qaar bulshadii xaakimka u noqon lahayd kii wax hagaajiyay iyo kii wax xumeeyey, waxaa dhegahooda haysta oo ay u afduuban yihiin horjoogayaasha siyaasadda ee ku gaamuray saaxadda. Waa shaqo kuu taala sidii aad u jiidhi lahayd ama aad gidaarkaa u jebin lahayd.

  3. Dad badan oo Kulmiye xilal ka sugayay ayaa is waayay. Dhinaca kale, xukuumaddii ugu horraysay ee Kulmiye waxaa xilal muhiim ah ka qabtay rag cusub oo da’ yar, iyo waliba rag aan kaadirka xisbiga hore uga muuqan.

  4. Wax-u-quudhi-waa (xasad) aadamuhu guud ahaanba iska leeyahay, gaar ahaan xawaarihii aan ku dhaafay tiro badan oo jeclaa in ay muuqdaan oo la sheegsheego.

  5. Maadaama oo aan joogay meel aad u xasaasi ah oo ahayd hilinkii ama albaabkii loo sii marayey madaxweynaha Somaliland. Kuwa guuldarraystaa ma aqbalaan fashilka naftooda balse waxay u raadiyaan cudardaar, in badan waxaa u fududaatay inuu aniga iga dhigto gabbood oo uu yidhaahdo Xirsi baa ii diiday! Xataa kuwa shaqadooda ku saaqida ee laga eryo ayaa ku andocoon jiray Xirsi baa na eryey!

  6. Waxaa iyana meesha taallay madaxweyne Silanyo oo ahaa hoggaamiye caan ah oo aad u shacbiyad badan oo dalabka iyo doonistiisu ay aad ugu badan yihiin, markaad la shaqaynayso ee aad masuul ka tahay kaalinta iyo darka laga kala horayo mawjadaha bulshada ee ku sii qulqulaya xafiiska uu fadhiyo. Waxaad dareemi kartaa inay goobtaasi tahay goob culayskeeda leh.

Qof ahaan, talo waxaan ku ururiyay in aan hore u socdo. Ninkii hadlayaaba ha iska hadlo e, in aan wixii hawl iyo shaqo ii yaalla ama shaqadayda khuseeya ku tooso, daacadna u ahaado cidda aan la shaqaynayo. Sidoo kale, waxaan isku dayey in aan si joogto ah naftayda ugu baraarujiyo, uguna dhiirri geliyo in aan ummaddayda u shaqeeyo, taas oo ah samafal aan xasanaad ku heli doono aakhiro, iyo in aan qabto shaqo ii suurto gelin karta inaan ku soo baxo taariikhda, isla markaana aan ku muujin karo kartidayda iyo awooddayda qof ahaaneed.

Si kasta oo aad u tahay geed-adayg iyo qof adkaysi badan, haddana bini-aadam baad tahay dareen iyo damqashoba leh oo mar uun ka digiigixan kara qardofooyinka iyo qaladaadka aan sababta lahayn ee sida joogtada ah laguugu hayo. Haddaad og tahay qaladaad aad samaysay (kuwo shaqo ama kuwo siyaasadeed), dabcan waad ka garaabi kartaa wixii lagugu maagayo. Laakiin mushkiladdu waxay tahay markaad maalin walba la kulanto dhaliil iyo dhaleeco xad-dhaaf ah oo aan guushaada iyo guul-darradaada midna la xidhiidhin, aqoontaada iyo garashadaada la xidhiidhin, balse halbeeggu keliya uu yahay: “Xirsi waa inan yar oo dhallinyaro ah oo aan hore loo aqoon ama madaxweynaha ayay isku dhow yihiin; Halkiisa anaa ku wanaagsanaa iyo maxaan Xirsi u noqon-waayay!!” Gaar ahaan markaan gurigayga tago ee sariirtayda jiifo ayaan naftayda la showraa.

Su’aalaha aan had iyo jeer isweydiin jiray waxaa ka mid ahaa: waa maxay sababta lagugu eryanayaa ee lagugu maagayaa? Miyaanad ahayn muwaadin Somalilander ah oo xaq u leh inuu xil iyo mansabba dalkiisa ka qabto, shaqadii laguu diray maxaad qaladday ama aad ka gaabisay? Yaad wax gaar ah ka gashay?

Xilkii la ii dhiibay waa mid siyaasad maamulaya, oo muu ahayn mid bulshada xidhiidh la leh oo aan adeegyo siinayo, sida dadka ka shaqaynaya caafimaadka iyo beeraha. Balse waxaa inta badan shaqo na dhexmaraysaa siyaasiyiin xafiiska dano kaga xidhan yihiin. Muu ahayn xil ama jago siyaasi ah oo aan siyaasadda si toos ah ugu ban bixi karo. Waxaan fadhiyaa golihii wasiirrada, laakiin cod ma lihi oo wasiirrada ayuun buu xeerku cod siinayaa.

Waxaa jiray nin oday ah oo maalin sheeko nooga sheekeeyay. Wuxuu yidhi “Anigoo, Suuqa maraya ayaan arkay buuq iyo dadkii oo isku murugsan oo yool hortaydii ka jiro. Nin ayaan waydiiyay maxaa dhacay? Ninkii wuxuu iigu jawaabay Xirsi ayaa halkaa ka xiiranaya oo waddada loo kala xidhay. Markaas ayaan is idhi waar Xirsiga warkiisa kaa bataye soo arag oo aan soo tallaabo dheereeyay. Markii aan goobtii imid waxaan kula kulmay labo gaadhi oo isgalay, markaas ayaan u qaadan waayay oo yaab iyo amakaab Ilaah ii keenay!” Markaa waxyaalahaa iyo waxyaalo la mid ah ayaa socday xilligaa.

Iska daa culayskii ay igu hayeen siyaasiyiinta aan weli ku jirin xayndaabka xukuumadda ee weli damacoodii iyo hankoodiiba dibedda la gaafwareegaya, waxa dhacdo xanuun badan ahayd cadaawadda, dacaayadda iyo eedaymaha aan kala kulmi jiray siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta iyagu xukuumadda igula jira. Waxaana keenayay marka qof masuul ahi uu fikir ama ra’yi uu soo diyaarsaday oo uu doonayo inuu madaxweynaha mariyo, marka aan ra’yi ka soo jeediyo, ama aan talo ka keeno ama aan bayaamiyo xog iyo xaqiiqo isaga ka soo horjeedda oo taalla xafiiska madaxweynaha oo aan masuul ka ahay, marnaba may jeclaysan jirin waxaanan kala kulmi jiray cunfi iyo dagaal.

Waxaan go’aansaday in aan la imaaddo karti iyo hawlkarnimo aan ku muujinayo in dhallinyaranimada, cusaybka iyo da’ yaraantu aanay noqon karin nusqaan iyo dhaliil muwaadinka da’da yar leh loo nisbeeyo oo ka hor-istaagi karta inuu qarankiisa ka qabto xil iyo masuuliyad muhiim ah oo uu bulshadiisa ugu adeego. Sidoo kale, haddii ay dhacdo da’da oo la isku xaqiraa waxay su’aashu noqonaysaa xaggay isku taagaysaa ileen qof kastaa qofka ka yar ayuun buu u daliishan in uu ku dhaliilo inta uu ka yar yahay e? Bal qabso oo da’dayduna markaa maba yarayn, oo qof 40 sannadood gaadhay dee ma yara! Bal muxuu yeeli qofka intaa ka sii yar, balse aqoontiisii iyo garashadiisiiba ay u bislaadeen inuu bulshadiisa u adeego!

Dhinaca kale, maadaama aad la ii hadalhayo waxaan qaatay bal in muddo ah inaan gebi ahaanba ka gaabsado xidhiidka saxaafadda qalad iyo sax kuu doono ha ahaadee. Haddaba, maadaama xidhiidhkaygii iyo muuqaalkaygii saxaafaddu uu aad u yaraa, oo hadalladii iyo dacaayadihii la iga faafin jiray ee xaqiiqda ka fogaa aanan hadal iyo qoraal midnaba kaga jawaabi jirin. Bulshada cid waliba dhankay doonto ayay u qaateen. Dadka qaar baa ii haystay inaan ahay nin meesha lagu hayo oo garab iyo hayb reernimo xilka lagu siiyey. Kuwo kale ayaa iyaguna ii haystay agnaan aan hadalka aqoon iyo nin aan wuxuu doonayo gudbin karin. Muddo sannad ah ayaan saxaafadda gebi ahaanba afkayga ka dabooshay, waxaanan ku mashquulay oo aan wakhti iyo dedaal badan ku bixiyey shaqadii iyo masuuliyaddii la ii igmaday.

Tacabkii iyo waqtigii badnaa ee aan xafiiska ka shaqayn jiray 16 saacadood iyo wax la mid ah wuxuu ii keenay in bulshada intii aannu wadashaqaynta lahayn (rag iyo dumarba), shacabkii xafiiskayga danaha ka lahaa, iyo bulshada intii aannu isgaadhi karaynayba ay ii soo noqdaan oo ay garwaaqsadaan tayada iyo kartidayda qofnimo.

Laakiin, ummaddii kale ee aanan xidhiidhka tooska ah iyo mid dadban midnaba aanan la lahayn ismaannaan helin, dhegahoodana waxa ka badatay dacaayadihii aniga la iga baahin jiray. Hal sano ka dib waxaan go’aansaday in la gaadhay xilligii aan saaxadda iyo saxaafadda u soo banbixi lahaa ee aan bulsho-weynta si toos ah ula hadli lahaa.

Dabcan may ahayn markii aniga iigu horraysay ee aan saxaafadda la macaamilo amaba muuqaalkayga laga arko shaashadaha, wargeysyada iyo bogagga internetka. Xilligii aan guddoomiya-ku-xigeenka Komishinka Doorashooyinka Qaranka ahaa, bulshada in badan oo ka mid ah ayaa magacayga iyo muuqaygaba saxaafadda ka baratay.

Shaqada Madaxtooyada taallay waxay ahayd mid aad u hawl badan, oo isugu jirta: Maamulidda shaqooyinka maalinlaha ah, la macaamilidda siyaasadda maxalliga ah ama debadda wixii khuseeya madaxweynaha ee shaqo u baahan, kala hufka wararka kala duwan ee muhiimka u ah madaxweyna, xidhiidhka hay’adaha kala duwan ee dawladda ee madaxtooyada wax uga baahan, iyo xal u helidda mushkiladaha wixii soo dhaafa ama ka tan bata hay’addii ay khusaysay ee madaxtooyada taageero uga baahata. Ogow waxyaalo badan oo aan masuuliyaddaada ahayn ayaa cilaaqo la leh shaqadaada, oo mushkiladaha masuul kama tihid dhicistooda waxaa se xil kaa saaran yahay xalintooda.

Caadooyinka siyaasadeed ee wakhtigaa jiray oo ahaa in dadku caam ahaan noloshoodii oo dhami siyaasadawday oo qof ay shaqadiisa tahay siyaasaddu iyo mid aanay khusayn labaduba ku fooggan yihiin siyaasad. Waxaan odhan karaa siyaasaddii waxaa laga dhigtay camal loo shaqo tago. Marka laga tago dadka danta ka leh iyo dadka kale ee doonaya in ay yimaaddaan xafiiska madaxtooyada qalad iyo sax waxay doonaan ha u doonaan, waxaa ka sii culays badnaa dadka masuuliyiinta ah ee madaxtooyada doonaya ama cid u wada, (tusaale 26 wasiir, 164-ka xildhibaan ee labada gole iyo boqolaal madax dhaqameed ah). Inta badani waxay u socdaan xil ama xoolo. Maalintii waxaa kaaga soo hagaagaya ugu yaraan 30-50 qof oo madhaafaan iyo birmagaydadii bulshada ah. Waa dadkii masuuliyiinta ahaa ama ixtiraamka kaa mudnaa. Si kasta oo aad u nidaamiso, u qanciso ama joojisaa waxay abuuraysaa tabasho iyo dareen taban.

Isdiidsiin iyo maya, idin qaabbili maayo kuma habboona siyaasadda—oo halbawlayaasha siyaasadda ayay ka mid tahay gaadhista bulshada, dhegaysiga iyo inaad duruufahooda u kuurgasho. Markaa dadka ayaan gaadhayaa, horjoogayaashoodiina waa is diidsiinayaa ama inkirayaa isu kaa qaban mayso. Dabcan shaqadiina dhaawac ayay ku tahay marka safaf dhaadheer uun laguugu jiro ee wakhtigaaga shaqo noqdo in aad dadkaa kala horto. Annaga waxaa noo dheeraa duruufo noo gaar ah.

Markii xaalku halkaa marayo, waxaan isku dayay in aan xal ka dhigo in aan saacadaha shaqada labalaabo oo aan xafiiska joogo saacado badan. Waxaanan isku deyi jiray in aan wax diyaariyo xilliyada dadban ee habeenkii. Waxaa nafis iyo nasasho ii noqon jirtay wakhtiyada safarka ee aannu meel u baxno. Waxaan dareensanahay dedaal kasta oo aan samaynay, in aannu waxyaalo badan oo noo qorshaysnaa ka gaabinnay sababtaa aan kor ku soo sheegay darteed.

Haddaba, in kasta oo ay jirto xigmadda Soomaaliyeed ee tidhaahda “nin xil qaaday eed qaad,” dabcan, qof kastaba waa la dhalliili karaa, waana la dhaleecayn karaa, balse waa inay jiraan sababo muuqda oo saldhig iyo daliil u ah dhaliisha. Markaa ayay wax toosisaa ama dhistaa. Qofka masuulka ah sababaha iyo sifooyinka lagu dhaliili doono ama lagu bogaadinayo, caqliga suubbani wuxuu ina siinayaa in halbeeggu uu noqdo kolba siduu u guto xilkii iyo masuuliyaddii loo igmaday.

Xaqiiqadu se qofka xil haya ee aan qabanin shaqadii loo diray wuu fashilmaa. Balse qof wax qabtay wixii uu qabtay ama qalday ayaa wax laga sheegaa. Waxaana dhaxal noqda waxa uu ka tago ee uu qabto xilligiisa. Kaas ayuun baa taariikhda gala, kana markhaati furtaa guushiisa. Mararka qaar dhaleecayntu xayaysiis ayay noqotaa oo dadku waxay doonaan waxa la hadalhayo in ay wax ka ogaadaan. Waxa laga weriyey halgamaagii caanka ahaa ee Malcolm X: “If you have no critics, you’ll likely have no success – Haddii aanad cid ku dhaliilbsan lahayn, waxay u dhowdahay inaanad guulba gaadhin.”

Dhacdooyinka siyaasadda midiba midda kale way ka sii daran tahay. 30, Aug 2010 subaxnimadii hore ayay ila soo hadashay marwada madaxweynuhu iyadoo naxdini ka muuqato hadalkeeda, waxaanay ii sheegtay in arrini soo korodhay oo aan u imaaddo. Aniga oo naxsan ayaan soo baxay. Waxaan gaadhay gurigii madaxweynaha anigoo aad u naxsan. Marwadii ayaa ii soo baxday, waxaanay iiga warrantay in xalay madaxweynaha xaaladi ku soo korodhay, oo uu yidhi waan iscasilayaa! Intii aannu hadalkii hayno, ayaa wasiir Maxamuud Xaashi, oo isagana ay marwadu wargeliysay, noo yimi. Markii aannu is waraysannay waxaa sababtii noqotay in madaxweynuhu ka werweray xusuustiisa oo hoos u dhacday, ugu danbayn se uu madaxweynihii ka noqday go’aankii markii ay qoys ahaan gaar u wada hadleen.

Markii madaxweynihii soo baxay ayaannu la fadhiisannay, isaga oo werwerkii xilka iyo dareenka xanuunkuba ka muuqdo. Xirsi ahaana waan dareemayay intii aannu wada shaqaynaynay in xusuusta madaxweynuhu si weyn hoos ugu dhacday, waxaanay ku sii badan jirtay mar kasta oo culayska shaqada ee welwelka iyo walbahaarku ku bataan (stressful). Marka se culayska laga ilaaliyo ee hawsha laga yareeyo wuu fiicnaa, in kasta oo uu ahaa qof waayeel ah oo sannad kasta wax ka dhacayaan.

Himilo sarraysa, niyad wanaagsan, sabir iyo dedaal aan joogsi lahayn ayaa lagu gaadhaa higsiga meelaha sare ee tartanka nolosha loogu jiro ama nolosha danbe laysugu diyaarinayo. Haddaba haddii aad diidday in aad dadweynahaaga ka mid ahaato oo doonayso in taariikhdu wax kaa xusto, adiga ayay kuu taallaa doorashada in taariikhdu si fiican kuu xusto ama in ay si xun kaaga warranto, waxaanad noqonaysaa labada tusaale midkood.

Facebook Comments Box

Waa qoraagga Buugga ‘Miyiga Ilaa Madaxtooyada’ Xirsi Cali Xaaji Xasan waa wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada ee Maamulka Somaliland. Waxa uu saaxadda siyaasadda Maamulka Somaliland ku biiray dabayaaqada sanadkii 2007. Waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa wasiirka ugu awoodda badan, uguna firfircoon 26-ka wasiir ee xukuumadda Kulmiye ka koobnayd xilligaas. Dhinaca waxqabadka waxa uu aad u dhiirrigeliyaa, xil weyna iska saaraa arrimaha horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan dhismaha waddooyinka. Xirsi Cali buugga uu qoray waa buuggii kowaad ee silsiladda buugaagta Dhaxalgalka ah, waa taariikhnollolleed. Intiisa badan waa taariikh ku saabsan qoraagga wuxuuna yiri "waa taariikhdii noloshayda, min dhalasho ilaa hadda"

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Waa maxay sababta luqadda Faransiiska ay u tahay luqadda inta badan looga hadlo Afrika?

Mala socotaa ku dhawaad kala bar dadka ku hadla Faransiiska ay deggan yihiin Afrika?

Published

on


Faransiiska waxaa looga hadlaa dalal badan oo Afrikaan ah oo ka dhashay gumeysiga. Jabuuti ayaa kamid ah dalalka illaa iyo hadda sida tooska ah kamidka ah luqadaha goobaha waxbarashada ay kamid yihiin, suukha shaqooyinkana kaalinta koowaadna kaga jira.

Faransiiska iyo Beljimku waxay lumiyeen gacan ku haynta dalalkii ay Afrika gumaysan jireen sannadihii 1950kii iyo 60aadkii, laakiin Faransiiska ayaa weli lagaga hadlaa ugu yaraan 29 waddan oo Afrikaan ah , 167 milyan oo qof oo Afrika ku nool ayaa ku hadla Faransiiska, oo ah qiyaastii 51% dadka ku hadla afka Faransiiska ee adduunka.

Waxaa xusid mudan in inta badan luqadaha rasmiga ah ee heer qaran ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ay u janjeeraan inay noqdaan afafka gumeysiga sida Faransiiska, Boortaqiiska, ama Ingiriisiga.

Luqadda Faransiiska ayaa kaalinta 7-aad ka galay afafka loogu hadal-haynta badan yahay caalamka, waxaana jira malaayiin Afrikaan ah oo maalin walba ku hadla. Saddex boqol oo milyan oo qof ayaa hadda ku hadla Faransiiska shanta qaaradood ee adduunka.

Iyada oo ku dhawaad kala badh dhammaan dadka ku hadla Faransiiska ay deggan yihiin Afrika, luqadda Faransiisku waa mid ka mid ah luqadaha ugu kobaca badan adduunka. Iyadoo weli si xooggan loola xiriirinayo Faransiiska -meesha uu ka yimid – inta badan dadka ku hadla Faransiiska waxay ku nool yihiin waddamo kale.

Faransiiska ayaa kaalinta labaad kaga jira Ingiriisiga oo ah luqadda rasmiga ah ee loogu isticmaalka badan yahay. Faransiisku sidoo kale waa luqadda nidaamka Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, luqadda keliya ee lagu isticmaalo doodaha Maxkamadda Midowga Yurub, iyo mid ka mid ah luqadaha shaqada ee Qaramada Midoobay ee la aqoonsan yahay.

Iyaga oo raacaya Ingiriisi, luqadda Mandarinka ee Shiinaha, Hindi, Isbaanish, Carabi, iyo Bengali, Faransiisku waxa uu noqday luqadda toddobaad ee ugu ballaadhan adduunka. Ilaa 300 milyan oo qof oo ku hadla afkaan ayaa jira, oo ay ku jiraan kuwa ku hadla qayb ahaan iyo kuwa ku hadla lahjado faransiis ah oo badan iyo crioles.

Taariikhda Faransiiska oo Kooban ee Afrika

Afrika waxay leedahay dadka ugu badan ee ku hadla Faransiiska marka la barbardhigo qaaradaha kale ee dunida. Luqada Faransiiska waxay ku fiday Afrika wakhtigii ay gumaysan jirtay waxayna kamid noqotay manaahijta iskuulada iyo xittaa fursadaha suuqa shaqada ayay kamid noqotay.

Luqadda Faransiiska waxaa qaaradda Afrika lagu soo geliyay qaab gumeysi ah illaa ay ku faaftay manaahijta waxbarashada, waxaana ilaa iyo hadda looga hadlaa ugu yaraan 29 waddan oo Afrikaan ah. Luuqadda Faransiiska waxaa ku hadla dad lagu qiyaaso 167 milyan oo qof oo Afrika ku nool sannadka 2023. Waa 51% dadka ku hadla afka Faransiiska ee adduunka kunool. (inta badan sida luqadda labaad).

In kasta oo ay ugu horrayn tahay luqadda labaad ee inta badan dunida ay ku hadasha, waxa ay dhaaftay luqadaha maxalliga ah meelaha qaar, sida Abidjan ee Ivory Coast. Qiyaasta ayaa sheegaysa in 2050 ay jiri doonaan 700 milyan oo qof oo af Faransiis ku hadli doona, iyadoo Afrika ay noqon doonto boqolkiiba 80! Waddamada leh luqado badan oo maxalli ah, sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Faransiisku waa lingua franca – luqad ay adeegsadaan dadka aan ku hadlin afkooda hooyo. Waxa kale oo loo isticmaalaa sidii luqadda maamulka iyo dugsiyada waxbarashada.

Wadamada ku hadla Faransiiska ee Afrika

11 waddan oo Afrikaan ah ayaa afka Faransiisku u yahay luqadda rasmiga ah (iyo luqadda labaad ee rasmiga ah tobanka kale).

Guinea
Waa dal leh macdan badan, dalkan oo ay ku nool yihiin 10.5 milyan oo qof oo ku nool galbeedka Afrika waxa uu noqon karaa mid ka mid ah kuwa ugu qanisan Afrika. Faransiiska waa luqadda rasmiga ah, laakiin Susu, Fulani, iyo Mandingo ayaa sidoo kale loogu hadlaa.

Benin
Mid ka mid ah dalalka ugu xasilloon dimuqraadiyadda Afrika, Benin luqadda rasmiga ah waa Faransiis. Dadka Benin waxay sidoo kale ku hadlaan Fon, Ge, Bariba, Yoruba, iyo Dendi.

Burkina Faso
Iyadoo in ka badan 18.6 milyan oo qof ay ku nool yihiin, Burkina Faso waa dalka ugu saboolsan Afrika. Sidoo kale, oo ku yaal galbeedka Afrika, Faransiisku waa luqadda rasmiga ah, laakiin luqadaha kale ee asalka ah ayaa sidoo kale lagu hadlaa.

Kaameroon
Waxaa loo yaqaanaa “Africa in miniature,” dalkan ku yaal bartamaha Afrika wuxuu leeyahay mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee akhris iyo qoris ee qaaradda. Luqadaha rasmiga ah waa Faransiis iyo Ingiriis, kuwaas oo in ka badan 200 oo kooxo afaf ahna ay ku hadlaan. Waxay sidoo kale ku hadlaan luqadaha Bantu, Semi-Bantu, iyo luqadaha Suudaan.

Jamhuuriyadda Koongo
Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Koongo waa Faransiis. Dalkani waa dalka ugu badan ee soo saara saliidda ee ka hooseeya saxaraha Afrika.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo waa waddan ku hadla luqado badan oo lagu qiyaaso 242 luqadood. Ethnologue oo ah ilo soo gudbisa tirakoob iyo macluumaad kale oo ku saabsan luqadaha adduunka ayaa wuxuu taxayaa 215 luqadood oo nool. Dalkaan Koongo luqadda rasmiga ah, tan iyo xilligii gumeysiga waa Faransiis. Afar luqadood oo kale, oo saddex ka mid ah ay ku saleysan yihiin Bantu, ayaa leh heerka luqadda qaranka: Kikongo, Lingala, Swahili iyo Tshiluba.

51% wadarta dadweynaha waxay ku hadlaan Faransiis 74% waxay Faransiis u isticmaalayaan luqad ahaan sida rasmiga ah. Markii waddanku gumaysan jiray Belgian, waxa uu hore u hirgeliyay waxbarashada iyo adeegsiga afarta luuqadood ee waddaniga ah ee dugsiyada hoose, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah waddammada Afrika ee tirada yar ee aqoonta u leh luqadaha maxalliga ah xilligii gumeysiga Yurub. Faransiiska ayaa weli ah luqadda rasmiga ah ee dowladda Congo waxaana ku hadla kala bar dadka.

Ivory Coast
Dalka Ivory Coast oo ku yaalla galbeedka Afrika, ayaa ah waddanka ugu badan ee loo dhoofiyo digirta kookaha, iyadoo Faransiisku yahay luuqadda rasmiga ah.

Madagascar
Ka baxsan xeebaha bari ee Afrika, oo caan ku ah nolosha dhirta iyo xayawaanka, Madagascar waxay hoy u tahay 25 milyan oo qof iyo jasiiradda afaraad ee adduunka ugu weyn! Malagasy iyo Faransiis waa luqadaha rasmiga ah.

Wadamada kale ee Faransiiska looga hadlo ee Afrika waxaa kamid ah:
Burundi, Komoros, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Jamhuuriyadda Jabuuti, Gabon, Equatorial Guinea, Mali, Niger, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Rwanda, Senegal, Seychelles, Tchad, Togo.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Waa kumaa Henry Kissinger, diblomaasigii qaabeeyey siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka?

Diblomaasi Henry Kissinger ayaa lagu xasuusan doonaa taariikhdii uu ka tagay ee muranka badan dhalisay, waxaana ka mid ah kaalintii uu ku lahaa xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil, go’doominta Falastiiniyiinta iyo taageeridda maamullada kali-taliska ah ee Bariga Dhexe.

Published

on


Xoghayihi hore ee arrimaha dibadda Mareyknaka Henry Kissinger, oo ahaa diblomaasi calaamad aanan la tiri karin kaga tagay siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka isla markaana mar ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, ayaa geeriyooday isaga oo ay da’diisu aheyd 100 sano jir.

Henry Alfred Kissinger wuxuu dhashay Meey 27, 1923 wuxuuna geeriyooday Noofembar 29, 2023. Henry Kissinger, ayaa ku go’ay hoygiisa oo ku yaalla gobolka Connecticut ee dalkan Maryekanka, sida ay warbaahinta u xaqiijisay Xaruntiisa Latalinta Arrimaha Siyaasadda ee Kissinger Associates.

Wuxuu ahaa siyaasi Mareykan ah, diblomaasi, saynisyahan siyaasadeed, iyo lataliye juquraafiyeed oo u soo shaqeeyay xoghayaha gobolka iyo lataliyaha amniga qaranka Mareykanka ee hoos yimaada maamulada madaxweynayaasha Richard Nixon iyo Gerald Ford.

Henry Alfred Kissinger waxa uu ahaa qaxoonti Yuhuudi ah oo isaga iyo qoyskiisaba waxay ka soo qaxeen Naasigii Jarmalka sannadkii 1938-kii. Maraykanka, waxa uu heer sare ka gaadhay tacliintiisa, waxaanu ka qalin-jabiyay Summa cum laude Harvard College 1950kii. Wuxuu qaatay Master of Arts iyo Doctor of Philosophy ee Jaamacadda Harvard 1951 iyo 1954, siday u kala horreeyaan.

Tan iyo marki uu ka baxay siyaasadda, wuxuu wali door ka ciyaarayay arrimaha siyaasadda iyo bulshada Mareykanka. Wuxuu ka qeybgali jiray kulamada Aqalka Cad, bandhigyada buugaagta iyo isaga oo sidoo kale hortagi jiray guddiyada Sanatka oo uu kala hadli jiray khatarta hubka niyukleerka.

Henry Kissinger waxa uu door muuqda ka ciyaaray siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka intii u dhaxaysay 1969 iyo 1977, isaga oo hormuud ka ahaa siyaasaddii détente ee Midowga Soofiyeeti, isaga oo abaabulayay in xidhiidh toos ah lala yeesho Shiinaha, isaga oo ku hawlanaa waxa loo yaqaano diblomaasiyadda shuttle ee Bariga Dhexe si loo soo afjaro dagaalkii Yom Kippur, iyo gorgortanka Heshiiskii Nabadda ee Paris, kaasoo soo afjaray ku lug lahaanshiyaha Mareykanka ee Dagaalkii Vietnam. Ka dib markii uu ka tagay shaqada dawladda Mareykanka, waxa uu aasaasay shirkad Kissinger Associates, oo ah shirkad la-talin-siyaasadeed oo caalami ah. Henry Kissinger wuxuu qoray in ka badan dersin buuggaag oo ku saabsan taariikhda diblomaasiyadeed iyo xiriirka caalamiga ah.

Dhaxalka Henry Kissinger waa mawduuc soo jiidanaya siyaasadda Maraykanka. Waxaa si weyn loogu tixgeliyey aqoonyahannada inuu yahay Xoghaye Wax-ku-ool ah, waxaana lagu dhaleeceeyay inuu indhaha ka qarsado dambiyada dagaal ee ay gaysteen xulafada Mareykanka sababtoo ah taageeradiisa habka waaqiciga ah oo ku aaddan siyaasadda loo yaqaano Realpolitik. (Realpolitik waa hab-siyaasadeed ku salaysan arrimo la taaban karo iyo kuwo maaddi ah. Mabda’animadu ‘Realpolitik’ waa nidaam siyaasadeed oo mudnaanta siiya qiyamka iyo caqiidada gudaha ee waddan leeyahay, sida dhimista faqriga, difaacidda xuquuqul insaanka, ama horumarinta xorriyadda, kuna dadaalaysa in ay ka turjunto qiyamkaas siyaasadda arrimaha dibadda…Xigasho Jaamacadda Ramaas.. sharaxaadda oo dhammeystiran)

Henry A. Kissinger, oo ahaa aqoonyahankii dibloomaasiga isu rogay ee farsameeyay in wadahadal dhexmaro Maraykanka iyo Shiinaha, wuxuu ka xaajooday ka bixitaanka Mareykanka ee Vietnam, wuxuuna adeegsaday dhagar, hammi diblomaasiyaddeed iyo caqli uu dib ugu soo celinayo xiriirkii awoodda Mareykanka ee Midowgii Soofiyeeti markii uu socday dagaalkii qaboobaa, oo mararka qaarkood ku tumanayay qiyamka dimuqraadiga ah si uu sidaas u sameeyo, ayuu yiri David E. Sanger oo jariidada New York u xilsaaran inuu kasoo waramo Aqalka Cad iyo amniga qaranka Mareykanka. Wuxuu waraysi la yeeshay Henry Kissinger marar badan, wuxuuna u safray Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe si uu Henry Kissinger wax badan ugu qoro.

Henry Kissinger waxaa loo tixgeliyey inuu ahaa xoghayihii ugu awoodda badnaa dagaalkii labaad ee adduunka ka dib, sida uu Mareykanka ku faano ‘waa nin aan xaqiiqada ka fogayn oo dib u habeeyey diblomaasiyadda si ay uga turjunto danaha Maraykanka laakiin taa beddelkeed waxaa lagu dhaleeceeyaa inuu ka tegay qiyamka Maraykanka, gaar ahaan saaxadda xuquuqul insaanka iwm.

Wuxuu lataliye u ahaa illaa 12 madaxweyne ee Mareykanka soo maray – laga soo bilaabo John F. Kennedy ilaa Joseph R. Biden Jr. Wuxuu ahaa aqoonyahan si qoto-dheer u fahamsannaa taariikhda diblomaasiyadda Mareykanka. Wuxuuna geeriyooday xilli xasaasi ah oo taariikhda iyo diblomaasiyadda Maraykanka ah ay marayso meel adag; dagaalka Ukrayn, taageerada Mareykanka ee kala go’a lahayn ee Israa’iil ee xasuuqa shacabka reer Falastiin.

Waxa uu ku biiray Aqalka Cad ee Nixon bishii Janaayo 1969 isaga oo ah la taliyaha amniga qaranka, ka dib markii loo magacaabay xoghayaha dawladda 1973-kii, waxa uu haayay labada jago markii madaxweyne Nixon iscasilay, illaa Madaxweyne Gerald R. Ford.

Henry Kissinger waxa uu kula kulmay Madaxweyne Richard M. Nixon magaalada New York bishii Nofeeember 1972 ka dib markii uu Henry Kissinger ka soo laabtay wadaxaajoodkii uu Paris kula yeeshay gorgortankii Waqooyiga Vietnam, Le Duc Tho, xilligii dagaalkii Vietnam. Sawirka..Associated Press

Wada xaajoodyadii qarsoodiga ahaa ee Henry Kissinger uu la yeeshay Shiinaha oo loo yaqaannay Shiinaha Cas ayaa horseeday in madaxweyne Nixon uu ku guuleysto siyaasadda arrimaha dibadda ee ugu caansaneed. Iyadoo loogu talo galay in ay noqoto tallaabo dagaal qabow oo go’doomin ah oo lagu go’doominayo Midowgii Soofiyeeti, waxayna jeexday dariiq loo maro xiriirka ugu qallafsan ee caalamka, kaas oo u dhexeeyay Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti oo si joogto ah isku khilaafsanaa markii uu soo baxay dagaalkii qaboobaa ee markaas cusbaa.

Muddo tobanaan sano ah waxa uu ahaa codka ugu muhiimsan ee Mareykanka ee maaraynta kor u kaca Shiinaha, iyo caqabadaha dhaqaale, milatari iyo teknoolojiyada ee uu keenay. Wuxuu ahaa Mareykanka kaliya ee la macaamilay hoggaamiye kasta oo Shiinaha ah min Mao ilaa Xi Jinping. Bishii Luulyo, isagoo 100 jir ah, wuxuu la kulmay Xi iyo madax kale oo Shiinees ah oo ku sugan Beijing, halkaas oo uu ula dhaqmayay sidii booqashadii boqortooyada xitaa iyadoo xiriirka Washington uu noqday mid iska soo horjeeda.

Waxa uu u soo jiiday Midowga Soofiyeeti wada hadal loo yaqaan détente, kaas oo horseeday heshiisyadii ugu horreeyay ee lagu xakameynayo hubka nukliyeerka ee u dhexeeya labada waddan. Diblomaasiyaddiisii basaasnimo, waxa uu Moscow ka saaray mawqifkii ay ku lahayd awoodda weyn ee Bariga Dhexe, laakiin waxa uu ku guuldarraystay in uu nabad ballaadhan ka sameeyo gobolkaas.

Qaabaynta taageerada Mareykanka ee Israa’iil

Henry Kissinger waxa uu door muhiim ah ka qaatay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil, taas oo ku khasabtay siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka in ay u janjeerto dhinaca dawladda Sahyuuniyadda. Maraykanku waxa uu xulafo weyn u noqday Israa’iil markii uu ka hoos shaqeeyay maamulladii Richard Nixon iyo Gerald Ford.

Intii lagu guda jiray dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1973, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20,000 oo Carab ah iyo ku dhawaad 2,500 oo Israa’iil ah, Henry Kissinger wuxuu arkay in Israa’iil ay hubaysay si ay uga hortagto “guul Carabta ah”.

Damaciisa dagaalka kicinaya wuxuu arkay in Maraykanku uu si degdeg ah gargaar millatari u fidinayo Israa’iil intii lagu jiray dagaalka isagoo dib u celinaya guulihii hore ee ciidammada Masar iyo Suuriya. Henry Kissinger waxa uu dabada ka riixayay siyaasad Maraykan ah oo ” ilaalinaysa dhammaan danihiisa Bariga Dhexe” taas oo “badbaadada iyo wanaagga Israa’iil” ay tahay ta keliya.

Henry Kissinger waxa kale oo uu hubiyay in Maraykanku aanu xidhiidh la samayn ururka xoraynta falastiiniyiinta – oo uu markaas madax ka ahaa Yaasir Carafaat.

Go’doominta Falastiiniyiinta

Henry Kissinger waxa uu damcay in uu go’doomiyo falastiiniyiinta si uu ugu hiiliyo Israa’iil. 1975, waxa uu la saxeexday “heshiis isfaham” Israa’iiliyiinta kaas oo xaqiijinayay in Maraykanku aanu aqoonsanayn ama aanu wadahadal la yeelan PLO ilaa dhaqdhaqaaqa falastiiniyiinta aqoonsan Israa’iil “xaqa jiritaanka dowlad Israa’iil”.

Doorkii uu ku lahaa heshiiskii Camp David ee muranka dhaliyay, oo la saxiixay 1978-kii ayaa sidoo kale hagar daamiyey isaga oo dhinac ka eegaya Falastiiniyiinta. Heshiiskan ayaa waxaa wada saxiixday Madaxweynihii Masar ee xilligaas Anwar Sadat iyo Ra’iisul Wasaarihii Israa’iil Menachem Begin, taasoo keentay in Masar ay noqoto dalkii ugu horreeyay ee Carbeed ee si rasmi ah u aqoonsata Israa’iil.

Dhaleeceynta ugu weyn ee heshiiska Camp David waxay ahayd maqnaanshaha ku lug lahaanshaha tooska ah ee Falastiiniyiinta ee wada xaajoodka. Gumeysiga Israa’iil iyo qadiyadda aayo-ka-talinta Falastiin ayaan heshiiska lagu soo hadal qaadin. Dad badan ayaa heshiiska u arkay nooc ka mid ah “ka iibinta” rabitaanka qarannimada Falastiin ee dawladnimo.

Siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanku 1975kii sida hadda oo kale, waxa ay doonaysay in ay sare u qaaddo awoodda istaraatiijiyadeed ee Israa’iil ee gobolka, xoojinta maamullada Carabta ee saaxiibka ah, iyo go’doominta iyo wiiqida qadiyadda Falastiin.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Gabaygii badda – Qeybtii 2aad

Published

on

Gabaygaan waxa uu dabo joogaa gabay horay usoo galinay mareegta Diblomaasi.com, waxa uuna ka mid yahay Gabaygii Silsiladdii Bad iyo Birri, waana gabaygii u horreeyay u danbeeyay oo Badda laga hayo. Waxaana gabaygaan tiriyay qeybta Badda Abwaan C/qaadir Salaad Faarax isagoo u jawaabaya Abwaan Suufi Aw Cali oo matalaayay reer miyiga, wuxuuna yiri:

Murti gabay ninkii maahiraa, magac u saarnaayee

Maanse gaabka weligiisba, waa marin habowshaa

Mariinkiisa kuma toosiyee, waa murginayaa

Malaha Suufiyow gabaygu, waa kaa maroor samay

Badda mowjadda leh oo Illaah, inagu meegaaray

Oo maalin iyo layl nimcada, layska miisaayo

Dhalinyaro macrufo u leh, muruq ku soo saadha

Bad maaxiinta wada maahira, maanka wada haysta

Beden mud leh iyo huurigoo, lagu muqdaafaayo

Sixiimado wada matoor leh oo sidii, miig u soconaaya

Talaagadaha wada mowle iyo, mootarka wada istaaran

Maraakiibta iyo doonyaha, laga milaalaayo

Madkhalka iyo marsada xeebta iyo maamul baxareedka

Mushtarka iyo magaalooyinka, iyo leyrka wada muuqda

Allihii ina mahiigsiiyey, waa mahadinaynaayee

Goortaad mid mid u cayday baa, kaa mashiiqsaday

Ninbase meeshuu jecel yahuu, maanka ku hayaayee

Miyiga maslaxaddiisaa, mihindisaysaayee

Manfacada baddiyo xeebtu, waa kaa madowdahay

War muusaawi kaambe iyo matays, magacyadaan sheegay

Maafooska, Qoofarka, miiganow Damiska

Suwir murugleysa oo sidii, miig u gororaysa

Adaa moogee dunida oo dhan, baa laga macayshaa

Muslim iyo kufri baa, xeebahaa loo mitidayaa

Maraakiibtu waxay goobayaan, miiraha hoosyaal

Adiguna ma maqal baad tiri, maanta ka horow

Malaha jaahil baad qiratay, ariyo maalkii

Waxaa maanka kaa galay, hashii muxubigeedii

Adigaa iska moog sida adduun, loo macaamilo e

Inta mawaashida jirtaa, mood la qeyb saday

War miyiga iyo xoolaha, haddaan miro ka faaleeyo

Waa ma hudhadeenii iyo, lagama maarmaankii

Marar baa waxaa laga helaa, caano iyo miid

Mayac iyo karuur bay haween, subag ka miiraan

Magaalooyinkaa lagu cunaa, maalin iyo layl

Martida waxaa loo qalaa, gool macaan badan

Hayeeshee ninkii maali jiray, laga magroonaa

Isagoo malyuun soofsada buu, milifna waayaa

Macaluul buu uga joogsadaa, maashigii uu waday

Abaar magac leh maantay dhacdoo, maalku kaa idlaado

Meeshii magaaliyo badluu, madada saaraa

Isagoo rag muruqiisa buu, magan sanayaa

Malayga iyo matayska, badduu meeyay leeyahay

Muufada markii loo shido oo, madag dhan loo buuxsho

Sanka maro intuu saaro buu, malab sanaayaa

Goortuu mashbaco oo dhergo, oo maalmo ruqo gooyo

Kama mahadnaqee cayda, waa kugu malooqaa

Adiguna maciisaa tahee, ila murmaysaa

Waxaa maanka kaa galay, hasha muxubigeedii

Adigoo iska moog sida, adduun loo macaamilo

Inta maasha jirtaa, mood la soofsaday

War mininaayo iyo xeeb haddaan, miro ka faaleeyo

Weligiisba magac buu lahaa, ruux bad maaxihi

Macaluusha iyo gaajadaa, meel ka soo galine

Mani lacag ah iyo doolar baa, meel walba u yaal

Mahwi weeye lagu soo hirtoo, maalintii adag

Masaakiinta iyo laytku, waa soo mutawiciyaa

Marsadaa wax uga soo degaan, maalin iyo layl

Hadba moosinkii baxayuu, maal ku rarayaa

Magaalooyin kuu wada yaqaan, tan iyo miinaale

Ashahaado muhiimuu wataa, magaca Siimaan

Waa maddani luuqadaha bartoo, aan meeli celinayn

Macsina kuma shaqaysto iyo, intii Eebbe maanacay

Macsuum weeye waaguu yaraa, miinka loo dhigay

Makhnuus iyo khaniis iyo khasiis, magacyadaa sheegtay

Waa waxaan weligay maqal, maanta ka horow

Murtina laguma soodarin, intii marisay suugaan

Haddiise meelahaas laga yaqaan, waanu moog nahay

Macjal laguma faano iyo anaa, doob miniinicay

Masaafo nikaax iyo adigaa, meherba noo sheegin

Haddaad tiri maqsuud baan kaa dhigay, waa masalo weyn

Macsidiiba adigaa qirtay iyo, meel latagiddiiye

Miyir gabayga hadalkaagu yuu, meel xun kaa ridine

Afartaa M-da intaan ka dayay, marin ma qaadsiiyey

Muran badan layskama shubiyo, maagis iyo cay

Ma miisaamay gabaygaygu, waa malab sidiisiiyee

War gabdhihii miyiga joogay, oo ariga maalaayay

Oo hawdka meeraayey, oo meel fog uga yeeray

Oo maanta nala jooga waa, mahad Illaahee

Miyigii ka rayste iyo dhibkii maalinba ahayd

Milicdii iyo haraadkii qabeen, looga meel bixi

Durdur bay ku mayranayaan, iyo ceel aan loo miyin

Macsaro iyo diyaano, kareen bay is mariyaan

Majihii hareeftii ku tiil, haatan waa muluq

Mushtar bay noqdeen shalay, hadday fara marnaayeen

Maryo qurux leh qaate jalbaab, qariyey muuqii

Goshii muuqanaysay qarsade, madaxii diirnaa

Murugtii ka rayste, surtii iyo, miracastii hawd

Malayga iyo matayskay cuneen, wayna mahadsheen

Mudkii baa balaartay iyo, kubkii miiqanaan jiray

Mulaaxiintu inay guursato, maanka ku hayaan

Haddii aad miyiga faanisoo oo, meelo badan sheegto

Oo aad magaalooyinkiyo, maayadda u caydo

Marna inay yan kugu laabanayn, mili calooshaada

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Maxaad ka naqanaa taariikhda boqortooyada faca weyn ee Ajuuraan?

Qoraalkaan waxaa qoray: Maxamed Cismaan Xuseen oo ah Saxafi madax banaan oo kunool magaaladda New York ee dalka Mareykanka.

Published

on

Boqortooyadan waxay leedahay taariikh fac weyn oo qoraallo badan laga qoray.

Boqortooyadii Ajuuraan waxay ahayd Saldanad Soomaaliyeed oo ka talin jirtay Soomaaliya qarniyadii dhexe. Boqortooyada ayaa waxaa uu xukunkeedu sidoo kale gaarsiisnaa meelo ka tirsan Itoobiya iyo Kenya. Sidoo kale Taariikhyanadu waxaa ay sheegaan in Boqortooyadii Ajuuraan uu xukunkeedu gaarey deegaanka “Soofala” oo ka tirsan dalka Muzambiik oo ku yaala Koonfurta Afrika. Waxaa intaa dheer in Boqortooyada Ajuuraan ay nidaam Boqortooyo ka samaysay jasiirdaha Maldives.

Sida taariikhyanadu caddeeyeen, Boqortooyada Ajuuraan waxaa ay bud-dhige u noqotay xiriirka diblomaasiyadeed ee ugu horeeyay ee Afrika ay la yeeshaan Shiinaha, waxaa kale oo boqortooyada Ajuuraan ku guulaystay in ay ganacsi la samayso dalal ku yaala Qaaradda Aasiya iyo Yurub.

Boqortooyada Ajuuraan oo lahayd ciidan milateri oo xoog badan ayaa waxaa taariikhdu ay shegaysaa in ay ahayd cududdii ugu weynayd ee dalka Soomaaliya ka caabbisay Boortaqiiska iyo dadyowga Oromada oo doonayay in ay dalka Soomaliya ama deegaanada geeska Afrika ee Boqortooyada Ajuuraan ka talinaysay soo galaan. Boqortooyada Ajuuraan waxaa loo nisbeeyaa in ay ahayd boqortooyadii Soomaaliyeed ee ugu horreysay ee isku xirta Soomaaliweyn, yeelata calan u gaar ah, bilowdana nidaam buuxa oo dowladeed oo ka hana qaada gayiga soomaalida.

Sidii ay ku bilaabatay boqortooyada Ajuuraan

Boqortooyada Ajuuraan inta aanay ka talin deegaanada Soomaalida iyo geeska Afrikaba, waxaa ka horreeyay Saladanaddii Muqdisho oo ku koobnayd Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Saldanaddii Muqdisho (Mogadishu Sultanate) oo awood ahaan ka hooseysay Boqortooyadii Ajuuraan ayaa waxaa aasaasay xubno ka tirsanaa reerka ka soo jeeday boqortooyada Ajuuraan. Sidoo kale, waxaa iyana jirtay boqortooyo kale oo reerka Gareen oo Ajuuraanka ahi ka sameeyeen dhulka Somalida ee Itoobiya, taasoo xarunteeda ahayd Qalaafe. Boqortooyadaasi oo ku soo fiday gudaha Soomaaliya ayaa waxaa ay horseeday in la balaariyo Saldanadii Muqdisho oo iyana ay sameeyeen isla reerka.

Sida ku qoran Buuga I.M Lewis iyo abtirsiimo ku qoran Afguri, soona gaareen odayal Soomaaliyeed, shaqsiyaadka laga xusi karo aasaasayaashii Saladanaddii Muqdisho, waxaa ka mid ahaa Faqrudiin oo ka soo jeeday Alam (Caalam Baalcad).

Saladanadda Muqdisho oo ku koobnayd deegaano kooban oo ku xeeran Muqdisho ayaa waxaa ay talisay qarniyadii 10aad ilaa 13aad. Wadatashi dheer ka dib, xubnaha hayay xukunka Saladaanadii Muqdisho, ayaa goostay in la balaariyo xukunka boqortooyada, lana gaarsiiyo deegaanada kale ee Soomalida iyo sidoo kale deegaano kale oo ka baxsan.

Magacii Saladanadii Muqdisho ayaa waxaa uu bedelmay Kadib markii uu isbedel weyn ku yimid nidaamka maamul ee boqortooyada. boqortooyada Ajuuraan ayaa qaadatay magaca Ajuuraan kadib markii ugu horeysay oo ay hirgelisay hanaanka canshuuraha. Magaca Ajuuraan ayaa waxaa uu ka yimid Ujuru oo ahayd qidmadda Canshuur ahaan laga qaadi jiray dadkii ku hoos noolaa. Nidaamka Boqortooyada Ajuuraan ayaa ka saamayn batay saldanadii Muqdisho.

Badmareenkii reer Marooko, IBN Battuta, oo Muqdisho booqdey qarnigii 13-aad ayaa sheegay in magaalada Muqdiho lahayd maamul boqortooyo oo dhamaystiran, waxaana uu xusay in uu mamulka hayay Imaam Abu Bakar Ibn Cumar oo ka soo jeeday reerka boqortooyada Ajuuraan. Magaalada ayuu Ibnu Battuta ku tilmaamay magaalo barwaaqo badan, oo baaxad weyn lahaydna dhismayaal qurux badan, martisoorkana ku fiicnayd.

Muddada xukunkeeda

Saldanada Soomaaliyeed Ajuuraan, sida ku cad buugata taariikhda sida “The shaping Of Somali Society” waxaa xukunkeedu bilowday qarniggii 10-aad oo loogu yeeri jiray Muqdisho Sultunate, balse waxaa xukunkeedu xoog yeeshay oo ay qaadatay magaca Boqortooyada Ajuuraan qarnigii 13-aad.

Xilliga uu jiray xukunka boqortooyada Ajuuraan waxaa loo yaqaanaa “xilligii dhexe” oo dunida inteeda kale ay ka jireen boqortooyooyin kale. Waxaa laga xusi karaa boqortooyadii Boortqiiska oo ka talineysay Yurub iyo tii Cusmaaniyiinta, oo ayadana maamulkeedu gaarsiisnaa meelo ka baxsan Turkiga, isbahaysina uu kala dhexeeyay boqortooyada Ajuuraan. Xilligii ay arriminaysay boqortooyada Ajuuraan waxaa sidoo kale jirtay boqortooyo ka jirtay dalka shiinaha.

Waxyaabaha lagu xasuusto

Boqortooyada Ajuuraan waxaa lagu xusuustaa in ay qeyb weyn ka qaadatay faafinta diinta Islaamka iyo difaacaddeeda. Mid ka mid ah aqoonyahnkii boqortooyadii Ajuuran Sheekh Xuseen oo ku dhashay degmada Marka ayaa waxaa loo tiriyaa/nisbeeyaa in uu dadkii Ororamada ahaa ee deganaa deegaanka Sidamo, oo hadda ah Bali uu Islaamiyay. Sida ku cad buugaagta taariikhda iyo sidoo kale qoraalada kale, qabriga Sheekh Xuseen ayaa haatan waxaa u ku yaalaa deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale, Boqortooyada Ajuuraan waxaa lagu xusuustaa sidii ay dalka Soomaaliya iyo guud ahaan deegaanada kale ee Soomaalida ee uu xukunkeedu gaarsiisnaa uga difaacday Gumaystihii Boortaqiiska oo u soo hanqal tagaay Muqdisho iyo Baraawe in uu qabsado. Waxaa jira laba dagaal oo xoogan oo ay wada galeen Boortaqiiska iyo boqortooyadii Ajuuraanka.

Dagaaladii Boqortaqiiska iyo Ajuuraan ayaa waxaa uu dhacay qarnigii 16-aad, ayada oo uu boortaqiisku markii hore si gaadmo ah u soo weeraray magaalada Baraawe oo ka mid ahayd Xarumihii Boqortooyada Ajuuraan, ayaa si ku meel gaar ah u qabsadey degmadaasi, balse boqortooyada oo dib u abaabushay ciidankeeda ayaa durba ka saartay Ciidankii uu hogaaminayay taliyihii boortaqiiska,Tristão da Cunha, oo bad mareena ahaa.

Ciidankii boortaqiiska oo looga adkaaday Baraawe ayaa mar kale isku dayay in ay weeraraan Muqdisho, hase ahaatee uma suuroobin damacooda oo waxaa ay iska cabin xoogan ay kala kulmeen ciidankii Boqortooyadii Ajuuraan ee Muqdisho fadhigooda ahaa.

Waxaa intaa dheer, in boqrtooyadii Ajuuraan ay dagaal la gashay Qowmiyada Oromada qarnigii 17aad, dagaalkaasoo ku salaysnaa dhulka. Dagaalkii dhex maray boqortooyada Ajuuraan iyo oromada waxaa loogu yeeraa “Oromo invasion” ama “ dhul balaarsigii Oromada”

Taariikhyahanka Pouwels, Randall L. waxa uu ku qoray Buugiisa uu kaga hadlayay Isbeddelka Dhaqanka ee Bariga Afrika in xiliiga Boqortooyada Ajuuraan dadyow badan in ay qaateen Diinta Islaamka gaar ahaan qowmiyadaha ku noolaa dalalka Geeska Afrika.

Dowladii Ajuuran waxay ahayd nidaam xooga saaray in ay hormariso kaabayaasha nolosha gaar ahaan ilaha Biyaha ee Wabiyada Shebeelle iyo Jubba, taasoo si weyn ugu faa’ideysteen Soomaalida deganayd inta u dhaxaysay labada Wabi.

Cududdooda ciidan iyo dhaqaalle

Boqortooyada Ajuuraan waxaa ay lahayd ciidan xoogan oo ka amar qaata madaxda boqortooyada oo uu ugu horeeyo Imaamka, oo u taagan boqorka.Waxaa kale oo jiray gudoomiyeyaal gobol oo ayaguna ay ciidamadu hoos iman jireen. Boqortooyada ayaa waxaa ay ciidan ahaan u qoran jirtay dad aan Soomaali ahayn oo calooshood u shaqeystayaal ah oo daacad u ahaa boqortooyada, kuwaas oo lagu magacaabi jiray “Mamluke” kuwaas oo loogu tababari jiray in ay ka dagaalami karaan deegaanada webiyada ku teedsan iyo sidoo kale meelaha miyiga ah. Sidoo kale, ciidamada Ajuuraan waxaa ka mid ahaa carab, beershiyaan, iyo Turki. Sababtoo ay boqortooyada Ajuuraan ciidamadaasi u qoran jirtay ayaa lagu sheegaa si aanay carqalad uga imaan dadka deegaanka, kuwaasina ay u arkaysay in ay daacad u noqon kareen nidaamkeedii adkaa.

Sawirka waxaa laga soo qaaday google-ka

Hubka ay boqortooyadu isticmaali jirtay ayaa waxaa ka mid ahaa hub dhaqameed Soomaliyeed, sida seefaha, waranka, qaansada, iyo falaaraha IWM. Waxaa kale oo jiray qoryo ay ka heli jirtay boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo ay isbaheysi ciidan ay lahaayeen. Ciidamada boqortooyada ayaa waxaa ay hoos tegi jireen taliyaha ciidamada oo maamulka boqortooyadu ugu yeeri jireen “Amiir”. Ciidamo bad oo ay boqortooyadu lahayd ayaa waxaa ay difaaci jireen cadowga ku soo gardarooda deegaanadii ay ka ariminaysay.

Raggii hogaamin jiray iyo qaab dhismeedka dowladda/boqortooyada

Hogaamiyayaasha Boqortooyda Ajuuraan waxaa laga xusi karaa Imaam abubakar Inbn Cumar, Imaam Cumar, Imaam Ciise, kuwaas oo ka mid ahaa maamulayaasha xilligii boqortooyada Ajuuraan ee lahayd aqalka baar lamaanka ee loogu magacaabi jiray “House of gareen’ kaas oo u dhigmay sida aqalada maamulada caalamka iminka loogu arrimayo. Waxyaabaha raggii badmareenka ahaa ee ay la yaabeen waxaa ka mid ahaa in wakhtigaasi dhexe ay boqortooyadu samaysay gole ay ku jiraan dhammaan qabaa’ilka xilligaasi degaanaa deegaanada boqortooyada ay ka arrimiso. Boqortooyada Ajuuraan ayaa lahayd calan u gaar ah. Calankaasi ayaa ka kooban midab guduud ah( Casaan), jaalle( Huruud) , waxaana ku sawiran bil leh midab cad, dadka ka soo jeeda ayaa u asteeyay xuska calanka iyo boqortooyada 15-ka September.

Ragga xusidda mudan ee taariikhda galay ee ka mid ahaa boqortooyadii ajuuraan waxaa ka mid ahaa Siciid Muqdishaawi, oo ahaa safiirkii igu horeeyay ee Afrika u fariisto dalka Shiinaha oo xilligaasi ay ka talin jirtay boqortooyo. Siciid Muqdishaawi ayaa la sheegaa in uu si fiican ugu hadli jiray luqadda shiinaha ee Mandarin. Waxaa kaloo xusid mudan Cabdicaziiz Muqdishaawi oo isna qeyb weyn ka qaatey faafinta nidaamka boqortooyada Ajuuraan, kaas oo maamulkeeda gaarsiiyay jasiiradaha Maldives-ka.

Waxaa kale oo xusid mudan, boqor Olol Diinle loo isna ka mid ahaa shakhsiyaadkii Soomaaliyeed ee saameynta lahaa qarnigii tegay. Boqor Olol diinle waxaa saldanadiisa xarun u ahayd Qallaafe, waxaana uu ahaa boqorkii ugu dambeeyay ee nidaamka boqortooyada Ajuuraan, inkastoo haatan uu jiro nidaamka hogaanka dhaqanka ee beesha boqortooyada.

Noocyada xukunkooda.

Saldanada Ajuuraan ayaa ku dhaqmaysay nidaam Boqortooyo oo ay iska dhaxlayeen Qoyska xukunka Saldanada hayay, oo ka soo jeeda Maxamed Caalim (Alam) Baacad. Hase ahaatee, markii boqortooyada ay la timid qaab dowladeed oo cusub, sida qaadidda Ujuurada/canshuurta, waxaa boqortooyada loogu yeeray Ajuuraan.

Marka laga soo tago in hoggaanka Boqortooyada ay lahaayeen reer gaara sida Imaamka, oo ah boqorka, Naaibka, oo ah guddoomiyaha gobolka, dadka kale ee ku hoos noolaa waxaa ay wax ku lahaayeen hogaanka qeybaha kale ee boqortooyada. beelaha kale ee ku hoos noolaa waa ay la dhacsanayeen nidaamka Islaamiga ah ee boqortooyadu wax ku xukumi jirtay.

Waxaa tusaale loo soo qadan karaa in maamulkeedu isku hayay inta badan dhul waynaha Soomaaliyeed ka soo bilow deegaanka Ximin gareen ee Gobolka Sanaag ilaa Magaalada Mombasa oo haatan ka tirsan Dalka Kenya. Waxaa kaloo xusid mudan in qaybo badan oo ka mid ah Galbeedka Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya, gaar ahaan Gobolada Shabeele, Liibaan, iyo deegaano badan oo ay ka mid yihiin Magaalooyin Masno, Nageele iyo Roobey, ay boqortooyadu ka Talisay.

Dhaqaalaha boqortooyada iyo Meelihii uu Gaaray Ganacsigeeda

Boqortooyada Ajuuraan waxaa dhaqaalaheedu ku tiirsanaa ganacsiga iyo beeraha. Waxaana aad u caawinayay in boqortooyadu maamulaysay marin biyoodka mashquulka ahaa xilligii dhexe. Xeebaha ku teedsan magaalooyinka ay xukumi jirtey oo intooda badan xarumo u ahaa, sida Muqdisho, Baraawe, Marka, Kismaayo, iyo Hobyo, waxaa ay gacan weyn ka geysteen in uu bulaalo ganacsiga boqortooyada, si fududna ku gaaro boqortooyooyinkii ay la ganacsan jirtay. Waxayaabaha ay dowladii Ajuuraan ka ganacsan jirtay waxaa ka mid ahaa dahabka, dharka, alwaaxda, fardaha, Geriga, iyo xariirta, waxaan ay u iibgeyn jirtay Aasiya iyo Bariga fog. Waxaana ay ku soo beddelan jireen badeecado kale. Xilligii dhexe waxaa xoogeystay ganacsigii badda, ayada oo ay bateen maraakiibta badeecadaha sida ee isaga kala gooshaya gobollada xeebaha leh, waxaana xilligaasi boqortooyada ajuuraan ay samaysatay xiriiro ganacsi oo xoog leh, oo ay la yeelatay boqortooyooyin ku yaala Aasiya, Europe, iyo Bariga Dhow.

Boqortooyada Ajuuraan ayaa waxaa ay lahayd lacag u gaar ah oo loogu magac daray Mogadishan, lacagahaasi ay boqrtooyada isticmaali jirtay ayaa waxaa laga helaa dalka Imaaaadka Carabta, ayadoo sidoo kale laga heli karo meelaha taariikhiga ah ee caalamka.

Boqortooyada Ajuuraan ayaa waxaa ay lahayd lacag u gaar ah oo loogu magac daray Mogadishan, lacagahaasi ay boqrtooyada isticmaali jirtay ayaa waxaa laga helaa dalka Imaaaadka Carabta, ayadoo sidoo kale laga heli karo meelaha taariikhiga ah ee caalamka

Hoos u dhacoodii iyo sababaha keenay

Robert B. Oakley oo mar ahaa Danjiraha Mareykanka u fadhiyay Dalka Soomaaliya sanaddii 1982 oo mar ka hadlay Saldanada Ajuuraan ayaa ku sheegay in Soomaaliya laba mar kaliya ay noqotay mid is haysata oo Awood leh, mar waxuu ku sheegay Xiligii Saldanadda Ajuuraan iyo xiligii Dowladii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre.

Boqortooyada Ajuuraan buruburkeeda waxaa loo aneeyaa sababo badan oo isku sidkan/isku xiran. Marka ugu horeysa, sida ay ii sheegeen odayaasha reerka Boqortooyada waxaa jiray khilaaf soo kala dhex galay xubnaha hogaanka boqortooyada ee reerka hayay Saldanadda. Sidoo kale waxaa jiray in khilaafka boqortooyada dhexdeeda uu saamayn ku yeeshay beelihii kale ee Soomaaliyeed ee ku hoos noolaa, gaar ahaan beesha Hiraab. Xukunka beesha ayaa waxaa loo arkay mid keli telis ah maadaama ay dadka ku adkayd in canshuur laga qaado biyaha ay isticmaalaan, boqortooyadana waxaa ay u arkaysay ilo dhaqaale oo ay ku kala wadeyso howlaha Boqortooyada.

Sababta boqortooyadu ula kulmaysay mucaaradad ama ayaguba u kala qeybsameen ayaa waxaa lagu sheegaa mudadii xukunka oo dheeraa iyo in dadka ku hoos noolaa xukunka iyo qaar ka mid ah madaxdii boqortooyada in ay dhibsadeen xukunka adag. Markii khilaaf kaasi boqortooyada dhexdeeda ah xoogeystay, ayaa dalal shisheeye ay ka faaiideysteen in ay khilaafka sii huriyaan si boqortooyada Ajuuraan ee awoodda badan Meesha looga saaro.

Wixii ka dambeeyay qarnigii 17—aad waxaa bilowday hoos u dhaca boqortooyada ilaa markii dambe magicii isku hayay dadka Soomaaliyeed ee Ajuuraan Meesha ka baxay.

Wixii xilligaa ka dambeeyay waxaa samaysmay Saldanado yar yar oo ay samaysteen inta badan qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee ka tirsanaa Boqortooyada Ajuuraan. Waxaa laga xusi karaa boqortooyada Geledi ama Goobroon Dynasty oo uu aasaasay nin lagu magacaabi Jirey Ibrahim Adeer oo ka mid ahaa ragii ugu firfircoonaa boqortooyada Ajuuraan. Boqortooyada Geledi ayaa waxaa xarun u noqotay degmada Afgooye. Sdoo kale, waxaa samaysmay boqortooyada Hiraab ee ayadana ka adkaatay tii Silcis oo ayaduna ka tirsanayd boqortooyadii Ajuuraan.

Si kastaba ha ahaatee, Boqortooyada Ajuuraan ayaa waxaa lagu tilmaamaa mid awood buuxa u lahayd ilaalinta xuduudaheeda, bilowday hab-dowladeedka Soomaliya, aasaastay xiriirkii diplomaasi ee ugu horeeyay ee lala yeesho dal dibadda ah, sida Shiinaha, waxaa kaloo loo tiriyaa in ay ugu horeysay iskaashi milateri in lala yeesho dal kale sida boqortooyadii Cusmaniyiinta. Waxaana la sheegaa in ay ku tiirsanayd ilaha biyaha maadaama ay ka talinaysay labada webi ee Jubba iyo Shabelle, ceelalna ay qodday maadaama ay ku wanaagsanyd handasada.

Waxaa kaloo fajac ku ah dadka in xukunkeedu gaaray meelo ka tirsan dalka Muzambiik oo lagu magacaabo “Soofala” iyo Jasiiradaha loo dalxiis tago ee Maldives.Taariikhyahanada ayaa qiraya in boqortooyada Ajuuraan ay ka mid ahayd ah shanta boqortooyo ee ugu awoodda badnaa Afrika, haddii aysan ba ahayn midda koowaad.

__

Tixraac:

Lewis, I. M. (1988). A Modern History of Somalia: Nation and State in the Horn of Africa (2nd, revised ed.). Westview Press. p. 24. ISBN 978-0-8133-7402-4.

The Shaping of Somali Society: Reconstructing the History of a Pastoral People, 1600-1900 – Page 95

Barendse, Rene J. (2002). The Arabian Seas: The Indian Ocean World of the Seventeenth Century: The Indian Ocean World of the Seventeenth

Qoraalkaan waxaa qoray: Maxamed Cismaan Xuseen oo ah Saxafi madax banaan oo kunool magaaladda New York.

FG: Diblomaasi.com mas’uul kama aha macluumaadka iyo xogta qormadan. Waa qoraal u gaar ah qoraagga qoraalka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Aabihii ruuxaaniga ahaa ee dagaalkii shahiidiyiinta xornimada Aljeeriya

Waxaa uu ahaa taliyihii sarre ee ciidankii jabhaddii/Xisbiga xoreynta dhulka qaranka Aljeeriya, waxaana uu 13 sano oo dagaal guusha nolloleed ama geeri aakhiro ah la galay ciidankii sancaddaalaha ahaa ee Faransiiska dulliga u ahaa.

Published

on


Xawaari Bumadyaan (Houari Boumédiène) wuxuu dhashay 23kii Ogoosto 1932kii wuxuuna geeriyoodey 27kii Diseember 1978kii). Wuxuu noqday Gudoomiyaha Golaha Kacaanka ee Aljeeriya intii u dhaxeysay 19kii juunyo 1965kii ilaa 12kii Diseember 1976kii kadibna wuxuu noqday Madaxweynihii labaad ee Aljeeriyaa illaa intii uu ka geeriyooneyay 27kii Diseember 1978kii.

Wuxuu ahaa mid kamid ah hoggaamiyaashii ugu halganka dheera ee gumeysi la dirirka ahaa wuxuu 20 sano oo kamid cimrigiisa ku qaatay afafka hore ee dagaalka xoreynta Aljeeriya ama Aljazaa’ir. Waana mid kamid ah hoggaamiyaashii ugu saameynta badnaa ee soo maray caalamka islaamka, Afrika iyo adduunkaba.

Waxaa uu ahaa taliyihii sarre ee ciidankii jabhaddii/Xisbiga xoreynta dhulka qaranka Aljeeriya, waxaana uu 13 sano oo dagaal guusha nolloleed ama geeri aakhiro ah la galay ciidankii sancaddaalaha ahaa ee Faransiiska dulliga u ahaa. Boumediene adeeggiisii ciidan ee Aljeeriya wuxuu bilaabmay 1950-yadii, oo ah xilligii uu dalkiisa halganka ugu jiray ka madax-bannaanida gumeysiga Faransiiska. Kadib markii uu wax ku bartay jaamacadda al-Azhar ee Qaahira, wuxuu ku biiray xoogaggii mucaradka ee Jabhadihii Xoreynta Aljeeriya.

Inta taariikhda laga hayo, Xuwaari Bumadyaan wuxuu fuliyay mid kamid ah weeraradii ugu casrisanaa ee ka dhaca gudaha qaaradda Afrika kaaso kadhan ahaa ciidamadii gumeystaha, gaar ahaan ciidankii Faransiiska ee xilligaas.

Jabhadihii xoreynta aljeeriya waxay dalka u kala qaybiyeen degmooyin milateri, Boumedienne wuxuu xukumay xooggagii ama guutadii ku xeernayd gobolka Ooraan (Cuuraan). Guutadaasina waxay ahayd guutadii guulaha ugu badan ka soo hoysay dagaalkii Milyanka shahiidka ee Mujaahidiintii Aljeeriya isku xoreeyeen.

Sannadkii 1960-kii wuxuu noqday madaxa shaqaalaha ee Jabhadda Xoreynta Qaranka, wuxuuna xuddun u ahaa dadaalladii ku aaddanaa sidii uu dhisi lahaa ciidan Aljeeriya ah oo ka socda naf huriyaal Marooko iyo Tuniisiyiin ah, dalalkaaso xilliga ahaa dalal ka madaxbanaan gumeysigii Faransiiska dulliga ah.

Kadib markii heshiis nabadeed lala saxiixday Faransiiska bishii Maarso 1962kii, xiisadda ka dhex aloosan hoggaamiyeyaasha Aljeeriya ayaa sii korodhay, isla markaana bishii Sebteember ciidankii ama guutadii uu hogaaminayay bumadyaan

(Boumedienne) ayaa qabsaday caasimadda Aljiyeer (Algiers) isagoo taageereya hogaamiyihii jabhaddi xoreynta Aljeeriya ee Axmed Ben Bella. Ben Bella wuxuu noqday madaxweynaha Aljeeriya dabayaaqadii sanadkaas, isagoo abaalinaya Boumedienne’a wuxuu uu magacaabay wasiirka Gaashandhiga ama difaaca iyo madaxweyne ku xigeenkiisa.

Kadib sanado yar, khilaaf ayaa soo kala dhexgalay labada hoggaamiye, waxaana bishii juunyo 1965kii uu Boumedienne ku kacay afgembi ka dhan ah jaallihiisii sare ee Axmed Ben Bella wuxuuna iska dhigay madaxweynaha iyo saciimka cusub ee Aljeeriya. Boumedienne intii hore ee uu taliska Aljeeriya hayay waxaa uu la’aa taageerada ballaaran ee shacbiyadda leh ee shacabka Aljeeriya, wuxuuna xukumay markii ugu horreysay isagoo adeegsanaya 26 xubnood oo ka tirsan golahii kacaanka.

Natiijo ahaan ama muuqaal ahaan hoggaamintiisu waxay ahayd mid waddaniyadeed oo nafhurnimo leh, Isagoo si xikmad leh u adeegsanaya saameyntiisa, wuxuu u dhisay Aljeeriya xoog siyaasadeed lagu xisaabtami karo wuxuuna go’aansaday inuu sidoo kale ka dhigo awood warshadeed. Wuxuuna dhisay awood milateri oo laga cabsoodo iyo awood warshadeed oo waxsoosaar leh, balse horumarkiisi iyo taliskiisi waxaa ku liddiyay awoodo shisheeye oo ka baqay in 30ka sano ee soo socda ee la sadaaliyay xilligaas ay muuqatay in Aljeeriya ay isku filnaasho dhan walba ah ay gaari kartay, welina dhinaca milatariga waxay noqon lahay awoodda koobaad ee Afrika iyo awoodda 9aad ee caalamka. Laakiin kadib isku day ay saraakiisha milaterigu ku doonayeen inay ku afgembiyaan maamulkiisa ayaa ugu dambeyn gacmo-marnaan ku fashilmay bishii Diseembar 1967kii, wuxuuna marka muujiyay ama caddeeyay hoggaankiisa adag ee tooska ah ee aan muranku ka jirin ee isla markaana aan la loodin karin ee Dalka Aljeeriya.

Sannadkii 1971-kii wuxuu ku soo rogay gacan ku hayn dawladeed oo ka dhan ah warshadaha saliidda ee shisheeye, waxaana uu quusta uu diray oo uu iska fogeeyey xiriir lala yeesho dalka faransiiska oo uu arkayey cadawga tooska ah ee Aljeeriya. Wuxuu halis u galay dagaal uu la galo Marooko sanadkii1975kii isagoo isku dayaya inuu marin u ka helo marinka badweynta Atlantik ee ka gudba Saxaraha Isbaanishka (ee markii dambena loo bixiyay Galbeedka Saxaraha ” Westren Sahara”). Boumedienne wuxuu noqday shaqsi iyo abaabule horseed ka ah dhaqdhaqaaqyadii xorta ahaa ee (Non Aligned or Third World) ee aan uu kala xaglin jirin hanti-wadaaggii barriga iyo hanti-goosigii galbeedka.

Sannadkii 1978-kii, muuqaalkiisu ama in la arko wuxuu noqday mid naadir ah. Ka dib markii uu ku soo raagay miyir beel muddo 39 maalmood ah, wuxuu ugu dhintay magaalada Algiers cudur dhiigeed dhif ah oo magaciisa la yiraahdo ” Waldenström macroglobulinemia “, ka dib daaweyn aan lagu guuleysan oo loogu qaaday magaalada Moscow ee Midowgii Soofiyeed. Intii lagu guda jirey waqtigii ay Aljeeriya gashay qalqalka siyaasadeed waxaa soo baxay xan ku saabsan dilkiisa ama in la sumeeyay ayaa mararka qaar ku soo shaac baxday siyaasadda Aljeeriya, gaar ahaan ka dib markii laba kale oo kamid ahaa ka qeybgalayaashii dhacdooyinkii heshiiskii Algiers ee 1975kii, kuwaas oo kala ahaa Boqor Shaahii Iiraan iyo Wasiirkiisii Maxkamadda ee Asadollah calam, ay sidoo kale u dhinteen isla cudurkan dhifka ah.

Dhimashadii Xawaari Bumadyaan (Boumediene) kadib ma jirin musharrax uu dhigmi kara oo beddeli kara boumediene (bumadyaan), si kastaba ha noqotee, mid kasta oo ka mid ah sideedii xubnood ee ugu sareeyey Golaha Kacaanka Aljeeriya ama xittaa siyaasiyiin shisheeye oo Aljeeriyaan ah ama galbeed raac ah ayaa ugu dambayntii ku hirdamay hoggaaminta Aljeeriya. Dhimashadii Boumédiène waxay sababtay faaruq awoodeed oo ku yimadda siyaasadda Aljeeriya kaas oo aan si fudud loo buuxin karin.

Isbeddel taxane ah oo uu milateriga Aljeeriya sameeyey ayaa aakhirkii ogolaaday in dhinac loo rido isla markaana meesha laga saaro tartamayaasha kala aaminsan afkaaraha bidixda iyo midigta, Talada dalkana loo qoondeeyo taliyaha ugu sareeya militariga Aljeeriya kaas oo ahaa Colonel ama gaashanle sare Chadli Bendjedid, kaas oo ku yimid xulasho tanaasul ah.

Oraahyadii laga hayay Jeneraal Xawwaari Bumadyaan.

1. ” Maalin maalmaha ka mid ah, malaayiin rag ah ayaa ka tegaya Koonfurta Hemisfiyeerka si ay u aadaan Waqooyiga Hemisfiyeerka oo halkaas saaxiib uma aadi doonaan. Sababtoo ah halkaas waxay uu aadayaan si ay u qabsadaan. Sidoo kale waxay qabsanayaan iyago indhaha wiilashoodu arkayaan si ay wiilashoodu uga dhaxlaan halganka. Ilmo galeenka haweenkeenu guul buu ina siin doonaa, oo waxay dhali doonaan halgamayaal aan xaqqa ka waaban doonin. ”

2. ” Aljeeriya ma diidi karto mabaadi’deeda siyaasadeed iyo xaqqa ay u leedahay

inay ku dhawaaqdo mabda’a aayo-ka-tashiga ah, iyadoon laga fekerin mowqifkeeda ugu dambeeya ee ku aadan mustaqbalka gobolka, haddii gobolka saxaaraha galbeedku ay noqoto Morrookan ama Mauritanian, haddii ‘qayb ka mid ah ay tagto Morrooko iyo haddii mid kale ay u tagto Muritaaniya, waxaa inoogu weyn waa in Saxaraha galbeedku uu noqdo dhul Carbeed iyo dhul Muslim markale leeyahay. ”

3. “Madaxbanaanidu waxay inaga dhigtay qaar jilicsan oo aan weli gaarin heerka adkaha xadiidka ah.”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Buuggaag

Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban

Sidee qabyaaladdu u saamaysay dadkeena Soomaaliyeed?

Published

on


Buugga Haddimadda Qabyaaladda

Dareenka, milgaha, maankalga xaaladaha kala duwan ee ku duugan dhiganaha Haddimada Qabyaaladda ee uu ka hadlaayo buuggan aan gacanta ku hayo, waa buug aan isdhihi karo waxa uu ku soo aaday marxalad ka duwan marxaladaha kale, ayada oo aan ognahay maantay qabiil dartiis lagu qurgoynaayo caruur yaryar oo aan qaangaarin kuwaas oo dhibanne u ah aanooyin aysan talo iyo saamaynna aysan ku lahayn.

Qabyaalad: Waxyaalaha ugu xun ee laga dhaxlo qabyaalada waxaa asal u ah waa iyada oo la tuuro danta guud, lagana tago wada dhalashadii iyo hilib wadaagii ay qowmiyad lahayd taas oo lagu beddeshay damiir qabyaalad ka buuxdo iyo in si khaldan loo addeegsado qabiilkii iyadoo laga talaabayo xadkii ay lahayd laguna dhiirado hannaan aan haboonayn.

Waxaa igu dhaliyay in aan qoro buuggan waa dal jaceyl iyo baahi aan uqabo dawlad iyo kala dambayn, sidoo kalena sababaha igu khasbay waxa weeye kadib markaan arkay in bulshadii ay ka dhimatay waddaniyaddii oo booskeedii meesha laga waayay ayna sababtay in dalkeenii uu noqday baylah. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed in ay ubadkooda ku tarabiyeeyaan waddaniyadda si dalkeena aan ubadbaadsano. Waxaana muhiim ah in qofkasta xil iska saaro difaaca waddankiisa, madaxbannaanidiisa, dib udhiskiisa, soo saaridda kheyraadkiisa iyo ilaalinta sharafta ummadda Soomaaliyeed.

Qofka leh damiirka iyo dareenka waddaninimo waxa uu dareemaa farxad kolka dadyowga kunool koonkaan aynu joogno ka sheekaynayaan dalkiisa, wuxuuna ku dhiiradaa in uu sii wanaajisto deegaankiisa iyo guud ahaan waddanka. Inta aan ka soo sheekaynay oo keliya laguma qeexi karo macnaha iyo milgaha ku duugan waddani balse waa duurxul kooban oo aan ku qeexayno erayga si dadku ufahmaan waxa uu yahay waddani iyo waxa uu ka dhiganyahay.

Qoraaga buugga mar ay ka hadlaysay sababta ku dhalisay ayay tiri: Waxaa jirtay maalin maalmaha ka mida anigoo ka imid goobtayda shaqada oo usoo caraabay hoygii aan ka deganaa xaafadayda Garoowe, goor-sheegtuna tahay abbaaro 4:00pm ayaa waxaan soo maray kurayo meel ku dagaalamaya haddaan damcay kala qabo oo kala celi waxay igu dheheen mid kasta oo iyaga ka mida wiilkaan ayaa icaayay iyo kanaa saan idhahay. Haddii aan waydiiyay sababta ay isku dagaalayaan waxay igu dheheen waxa uu dhahay hebel qabiilkeena idinka laandheereysan oo idinka badan? Waan yaabay Waxaan ku dhahay yaa warkaas kugu dhahay? Markaas ayuu yiri mid kamida kurayada dagaalamaysa hooyo ayaa nagu tiri.

Sidee qabyaaladdu u saamaysay dadkeena Soomaaliyeed?

Bulshada Soomaaliyeed in ka badan 80% ma fahansana qabyaaladda waxay tahay. Waxaana daliil kuugu filan in dalkooda ay burburkiisa iyo dib udhiciisa ka shaqaynayaan. Waxay kuwada haminayaan dhammaantood ama badankood in ay dalal shisheeye aadaan, waxna waa tahriibeen, waxna waa qalbi ka dhoof, inta kale ee soo hartana waa dad dantu biday ama duruufta haysata awgeed aysan ugu hanqaltaagin dalkale.

Burburkii waxa uu nadhaxalsiiyay in aan weyno halyeeyo Soomaaliyeed, waddaniyiin Soomaaliyeed, hooyooyin nagu qaaliya. Waxaan nahay dad isla quman, isla saxan, iyagu is arka, damiirkii ka tagay, waxaa la yiri Mayd maxaa udanbeeyay? Saa la dhahay kan la siisido oo tusaale waxaa kugu filan caruur yaryara oo dugsi Qur’aan dhigata oo lawada dilay qabyaalad awgeed.

Abwaan Abshir Nuur Faarax {Bacadle}:- waxa uu yiri:

Dab miyey sureen waa dulli aan xuma ka daaleyne
Dusha aadmigey shabahaan ficilna duurjoogta
Deggani iyo kheyr lama tusoo way ka diriraane
Dabciga riibigey leeyihiin mana dareemaane

Qabiilku waxa uu meeshii ka saaray dhaqankii suubanaa ee Soomaali lagu yaqaanay, Soomaalinimadii, waxa uu baaba’shay damiirkeenii. Waxa uu nagaarsiiyay in aan seeraaro samaysano, qolo kastana tiraahdo anagoo reer hebel ah baa iskaleh goobtaan. Qabiil hebel isma guursano, kab iyo qaraan ma wadaagno, geelayagu isku meel madaaqo.

Gabay uu tiriyey Alle ha unaxariistee abwaan Abshir Nuur Faarax Baxadle waxaa ka mid ahaa:

Quruun waliba cudur qaasahoo qaybiyaa jira’e
Soomaali belo loo qoraye qallinka loo saarey
Wax qabiil ka daran jahanamaan qiray aqoontayda
Qadartaana iga hiilisaye qolo ma sheegteen

Maxaan ka dhaxalnay qabyaaladda

1. U hoggaansan la’aanta shuruucda dalka: Dal walba oo dunida ka jira waxa uu leeyahay xeer udegsan oo ku dhaqmo qofkii jabshana waxaa lagu qaadaa xeerkaas dalka uyaal.

Alle ha unaxariistee Abwaan Cali Xuseen Xirsi oo ku magac dheeraa {Cali Makaadsade} gabay uu tiriyay ayaan ka sooqaadan tix yar oo uu ku baraarujinaayay bulshada in wax lawada qabsado oo wadajir wax lagu hagaajiyo. Wuxuu yiri:-

Hantidaan wadaagniyo haddaan hawsha socodsiino
Oo aad hirgelisaan mabda’a lagu hayaamaayo
In horumar lagu waarayaa hubanti weeyaane.

2. Jahliga: Waxaa muhiim ah in qeybaha dadka la baro waxbarashada waayo waxbarashadu waxay meesha ka saartaa jahliga, gaajada, faqriga, dagaalka, qabyaaladda, qurunka iyo kala danbayn la’aanta.

3. Caddaalad darro: Qof kasta oo muwaadin ah waa in uu helaa caddaalad, haddii caddaalad la helo waxaa imaanaysa waddaniyad. Rag caddaalad waayay sidii cowshii kala yaac.

قال الله تعالى: إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ وَالْإِحْسان

“Alle wuxuu idin amray caddaalad iyo wanaag in aad samaysaan”.

4. Diinta oo aan lagu dhaqmin: Waa tiirka koowaad ee qof walba oo Muslim ah in uu ku dhaqmo diinta islaamka.
وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُو

Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri “Qabsada xarigga Eebbe dhammaantiin, hana kala taganina”.

5. La haanshiyo la’aan dalka: Waa in muwaadinkasta lagu dhiirigeliyo in uu dalka isagu leeyahay aysan cidkale lahayn. Waa tii uu lahaa Alle ha unaxariisto abwaan Abshir Bacadle gabaygii danta guud

Dal shisheeye duulkii mutaa dawlad wuu tebiye
Duruufihii na soo maray qalbiga waa damqinayaane

أَصَابَكُم مِّن مُّصِيبَةٍ فَبِمَا كَسَبَتْ أَيْدِيكُمْ وَيَعْفُو عَن كَثِيرٍ وَمَا

Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri {Idinma asiibin musiibo ilaa waxaad gacmihiina ku kasbateen mooyaane, Alle waa dembi dhaaf badanyahay}.

6. Dhaqankii oo lumay: Bulsha kasta waxay leedahay dhaqan soojireen ah oo ay iska dhaxleen ka ab-ka-ab ilaa haddeer. Waddankasta oo dunidaan ku yaal waxa uu leeyahay dhaqan ugooniya oo dunida kale uga soocan yahay balse maanta dhaqankeenii waa lumay.

Dal marka la doonaayo in la burbursho waxa laga burburshaa dhaqanka. Haddii dhaqankaaga kaa lumo waxa meesha ka baxaysa jiritaankaaga sooyaal.

7. Maamul daadajin la’aan (Qabyaalad daadajin): Dawladdu waa in ay maamul daadajin usamayso, gaarsiisona dalka oo idil addeega ay ubaahanyihiin, sida waxbarashada, caafimaadka, cunada iyo maamul wanaaga.

8. Xuquuq la’aan: Ma helaan xaqa ay leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana dhacda xaqii ay lahaayeen in ay ku waayeen qabiil.

9. Dulmiga dumarka lagu hayo: Dhibanayaasha ugu badan waa dumarka, dadka ugu nugulna waa ayaga waayo waxaa la dilaya waa odaygeedii, walaalkeed, abtigeed, wiilka ay dhashay, cidda asayda qaadaysa waa ayaga, cidda caruurta korinteeda laga rabo waa ayaga, cidda umul raacaysa oo dhakhtar la’aan u godgalaya waa ayaga, kufsiga iyo jirdilka ayaga ayaa loo gaystaa.

Qoraaga ayaa soo qaadatay hees la dhaho Inna Ragow Eed Baan Kaa Tabanayaa ay qaaday Xabiibo Xasan Tooxow taasoo ahayd:

Aasaaska dunida iyo
Anigu dumar baan ahaa
Warshaddii aadmigiyo
Udubkii noloshaan ahaa
Hayeeshee inna raggoow
Ergiyo waxaan ahay dacwo
Eed baan kaa tabanayaa
Uurka kugu qaaday iyo
Waxaan fool arrammi kulul
Dhibaatada kugu umuley
Horaadada ibo macaan
Anqaris waxaan kaaga dhigay
Asluubta wanaagsan iyo
Anshaxa dhaqankiyo hiddaha
Akhlaaqda waxaan kuu baray
Aad baan u nasiib darnahee
Madfaca aqalkeyga gubay
Kan igu riday ma adigaa?
Abaalkii hooyanimo
Ma layska ilowsan yahay?
Ah iyo way ma anigaa?
Hayeeshee inna raggoow
Ergiyo waxaan ahay dacwo
Eed baan kaa tabanayaa
Barbaariye ubadka iyo
Macallin ababshaan ahaa
Astaantii taranka iyo
Aayaha guushaan ahaa
Hayeeshee inna raggoow
Ergiyo waxaan ahay dacwoo
Eed baan kaa tabanayaa
Agaasinka reerkaa
Weliba kuma ekiyee
Ololihii Calan helkii
Qeybtii iga aadanayd
Awood anigoon lahayn
Asayda inaan xirtiyo
Agoonta inaan la qaxoo
Astaahil umaanan lahayn

Gabagabada nuxurka hadalkayga

Qoraagu waxay ku leedahay buuggeeda Haddimada Qabyaaladda: Qabiilka Rabbi waxa uu nagu yiri isku garta balse ma oran qabyaalad u addeegsada oo ku burbursha dalkiina, dadkiinana ku laaya, kuna dulmiya. Qabiil aragnay halka uu nadhigay iyo waxa uu na dhaxalsiiyay, sow ma haboona in aan garano wixii adduunkaan naloo keenay, sababta aan ujirno iyo dalka waxa naloogu sameeyay oo la yiri isaga noolaada dushiisa waxa uu idin yahay firaash.

Haddii aad firaashkii ama meeshii aad seexan lahayd iska burburiso sidee ku noolaan?

Alle Qur’aankiisa waxa uu ku dhahay:-

يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ

“War dadow waxaan idinka Abuurnay lab iyo dhedig, waxaan idinka yeelnay dadyow iyo qabaa’il, si aad isugu garataan. Midkiina idinku karaamada iyo sharafta badan waa midkiina idinku Alle ka cabsiga badan, Illaahay waa mid og oo khabiir ku ah waxaad samaynaysaan”.

Dadku waa labo qeybood

1. Talo keen: Waa in aad noqoto mid talo keena oo bulshadiisa wax ku sookor dhiya, hadday sax tahayna waa laqaadan, haddii laga maarmi karona dib baa loo dhigan.

2. Talo raac: Haddii aadanba wax talo iyo tusaale ahba aadan ku soo kordhinayn dadkaaga iyo dalkaaga waa in aad noqoto mid taladii wanaagsan oo loo soojeedsho raaca sababtoo ah Fiqi tolkii kama janno tago, dadkaaga waxay kuula yimaadeen haddayba sax tahay waa in aad qaadato oo aadan noqon khilaaf ujooge iyo talo makeene.

Waa tii uu lahaa Alle ha unaxariistee Abwaankii caanka ahaa Cismaan Yuusuf Cali Keenadiid mar uu lahaa:-

Naftuna caasi weeyiyo sidii cado shisheeyaahe
Intay caaq sidiis kaa dhigtay kugu cayaartaaye
Markii taladu kula caaridaa la caqli yeeshaaye.

Haddaba qof kasta oo Soomaaliyeed waa in uu noqdaa muwaadin uhalgama dhulkiisa iyo dadkiisa waxaa ku qorin taariikhda. Ninkii tiin talaaliyo kii timir beera taariikhdu way qorin. Noqo mid dalkiisa wax walba ugu hura, naftiisa ka hormariya, difaacda diintiisa, dadkiisa dalkiisa, ka ilaashada cadowga doonaya in uu dalkiisa burbursho, noqo waddani ee honoqon muwaadin keliya.

عن النبي ﷺ قال: لا يؤمن أحدكم حتى يحبَّ لأخيه ما يحبُّ لنفسه

Rasuulka (NNKH) wuxuu yiri “Axadkiina ma rumayn ilaa wuxuu jecelyahay la jeclaado walaalkiis”.

Kuma soo koobi karo magaca iyo milgaha ku duugan buugga balse inyar ayaa ka sooqaatay, waxaa ka badan inta ku duugan buugga gudihiisa.

Magaca Buugga: Haddimada Qabyaaladda

Qoraaga Buugga: Drs. Ruun Siciid Faarax

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Afrika3 hours ago

Madaxweynaha Masar ayaa mar saddexaad u tartamaya xilka madaxtinimo

Wararka2 days ago

Turkiga oo soo saaray amar caalami ah oo lagu soo xirayo wiilka madaxweynaha Soomaaliya

Gumeysi iyo isir sifeyn2 days ago

Guddida Carabta iyo Islaamka oo ka soo horjeestay diidmada qayaxan ee Maraykanka intii lagu jiray shirkii BAnthony Blinken ay la qaateen

Afrika2 days ago

Maxaa laga baran karaa Suudaan iyo faragelinta Qaramada Midoobay?

Diblomaasiyadda3 days ago

Shiinaha ayaa uga digay Mareykanka inuu ka fogaado arrimihiisa

Afrika3 days ago

Gumaysigu wuxuu ku dhex nool yahay dunida oo dhan – Pan-Africanist

Yurub3 days ago

Qaramada Midoobay oo qeylo dhaan ka soo saartay saboolnimada carruurta Boqortooyada Midowday

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda4 days ago

Waa maxay sababta luqadda Faransiiska ay u tahay luqadda inta badan looga hadlo Afrika?

Afrika4 days ago

Burkina Faso ayaa mamnuucayso luqadda rasmiga ah ee Faransiiska

Afrika5 days ago

Laba dawladood oo Afrikaan ah ayaa joojiyay heshiisyadii cashuuraha ee Faransiiska

Gumeysi iyo isir sifeyn5 days ago

Masar ayaa cambaareysay go’aanka Israa’iil ee ah in deegaamayn cusub laga dhiso Bariga Quddus

Bariga dhexe5 days ago

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Carabta intii uu ku guda jiray booqashada Bariga Dhexe

Diblomaasiyadda6 days ago

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Arbacada booqan doona Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta – waa maxay ujeedka safarka?

Gumeysi iyo isir sifeyn7 days ago

Dagaalka Israa’iil ee cisbitaallada Qaza

Gumeysi iyo isir sifeyn7 days ago

Azmi Bishara: Israa’iil waxay qorsheynaysaa inay ka saarto dadka Qaza laakiin Masar way joojin kartaa

Afrika7 days ago

Dalalkla Burkina Faso, Maali, iyo Niger ayaa doonaya inay ballaariyaan iskaashigooda cusub

Aragtida Indheergaradka1 week ago

Aragtida shirqoolka iyo caqliyadda ugub ee dhalanteedka waayahan

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Maraykanka oo si qarsoodi ah ugu diray Israa’iil bambooyinka ‘busting’ ee dagaalka Qaza: warbixin

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Israa’iil ayaa qorshaynaysa in ay disho shakhsiyaadka masuuliyiiinta ka ah ururka Xamaas

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Dagaalka Qaza: Israa’iil oo dalalka Carabta ku wargelisay qorshe ay ka damacsan tahay Qaza dagaalka kadib

Siyaasadda Soomaaliya1 week ago

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo bisha soo socota ka qaadi doona cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 weeks ago

Waa kumaa Henry Kissinger, diblomaasigii qaabeeyey siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka?

Wararka2 weeks ago

Soomaali ku guulaystay Abaalmarinta Qaramada Midoobay

Wararka2 weeks ago

Ciidamada Badda Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay weeraryahano haystay markab lala xiriirinayo Israa’iil

Akhri2 weeks ago

Raxmo-yarey yaa uureeyay?

Wararka2 weeks ago

Diblomaasi.com waxay soo kordhisay qeyb WhatsApp Follow Channel ah ee aad kala socon karto qoraalada

Wararka2 weeks ago

Ku dhawaad 100 qof ayaa ku dhimatay Soomaaliya bishan Nofeember

Akhri2 weeks ago

Xamar iyo Xaalka Fillada Cad

Yurub3 weeks ago

Musharaxii mulxidka ahaa ee ku caanbaxay Islaam Naceybka oo ku guuleystay doorashadii Netherlaan

Wararka3 weeks ago

Dagaalka Qaza: Maxaa ka cusub heshiiskii Xamaas iyo Israa’iil?

Wararka3 weeks ago

Türkiga oo aan ku degdegi doonin in uu fuliyo rajada Iswiidhan ee ku biirista gaashaanbuurta NATO – Reuters

Wararka3 weeks ago

Norway: Laba ka mid ah shaqaalaha xarunta caafimaadka ayaa lagu weeraray mindiyo – waa la xiray sida ay booliska sheegeen

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Xildhibaanada Koonfur Afrika ayaa u codeeyay in xiriirka loo jaro Israa’iil

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Dagaalka Qaza: Maxay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Xamaas?

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Saboolnimo Hoggaamineed

Afrika3 weeks ago

Qaramada Midoobay oo xirtay saldhig kale oo nabad ilaalineed oo ku yaalla Maali

Afrika3 weeks ago

Dimuqraadiyada reer galbeedka waa ay ku fashilantay Afrika – madaxweynihii hore Nayjeeriya

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Taliyaha Ciidanka Cirka ee Israa’iil oo ku hanjabay in ay duqayn doonaan dalalka Carabta

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Xisbiga haya talada Koonfur Afrika ayaa taageeray in xiriirka loo jaro Israa’iil

Afrika3 weeks ago

Suudaan oo dalbatay in si deg deg ah loo joojiyo howlgalka Qaramada Midoobay – Reuters

Xul