Connect with us

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum)

Mala socotaa fal kasta iyo tallaabo kasta oo hore loo qaado, waxa shardi ama tiir u ahayd dan. Dantaasi marwalba waxa ay u adeegaysaa cidda falka ama tallaabada qaadaysa. Ma ila fahantay?

Published

on


Noolaha Aadamuhu intii uu adduunka guudkiisa saarnaa, waxa uu ku hawlanaa oo ku jirey isbeddel xag kasta ku wajahan. Ha noqdaan isbeddeladaasi kuwo diineed, dheef la raadiyo, siyaasad, korriin caqli iyo jidh, maamul, bulsheyn, deegaamayn, aqoon yeelasho, unkidda ilbaxnimooyin iwm. 

Badanka fal kasta iyo tallaabo kasta oo hore loo qaadana, waxa shardi ama tiir u ahayd dan. Dantaasi marwalba waxa ay u adeegaysaa cidda falka ama tallaabada qaadaysa. Taas oo jirta, ayaa waxa ay dantaasi horseeddaa isriix-riix bulsheed ama qofeed. Waxaana ka dasha oo ka dhambalma, kana dheehma aragtiyo iyo tabab ku cusub waayahaas. Kuwaas oo si guud ummadaha kale ee la jaalka ah ama la jaarka ah, iyo kuwa ka fogba ay qaataan aragtiyihii ka dhashay isriix-riixaas tirada badan. Intaas kaddib, qoraalkani waxa uu daaranyahay ayaa ah aragti kamid ah aragtiyahaas ummaduhu curiyeen, kuwaas oo ay ka faa’idaysteen ummado la jaal iyo dan ah. Haddaan hadalka saafo, waxa dulucdu ay tahay in aragtidaasi ay tahay mid ka tirsan aqoonta siyaasadda, gaar ahaan laanta deegaan-siyaasadeedka. Waxaana loogu yeedhaa “Lebansraum”.

Waa aragti saameyn xooggan ku yeelatey adduunka tan iyo intii la allifay. Walow aragtidan la tibaaxo in aan si sax ah loo garanyn xilliga la curiyey, taas oo macnaheedu yahay ninka loo tiiriyo ee jarmalka ah oo magaciisu yahay Friedrich Ratzel, uusan xaqiiqo ahaan ahayn midka curiyey. Balse ay tahay aragti muddooyin badan ummadaha dunidu ka dhaqmayeen, balse isagu keliya uu horumariyey. Ummadaha iyo sida ay aragtidani u saamaysay walow uusan qoraalkani wada kafeyn karin, ula jeeddaduna ahayn. Balse ay tahay in dacal iyo dadyow gaar ah uun laga tilmaamo. Sidaas darteed qoraalkani waxa uu isku deyayaa isku xidhka aragtidan iyo farac kamid ah cidda ku suntan, taas oo ah dawladda Itoobiya. Sababta aan u doortey dawladda Itoobiya, ayaa waxa ay tahay in Itoobiya ay Soomaalida saameyn toos ah ku leedahay. Cidda keliya ee ay aragtidan la damacsantahay, horena ugu tijaabisayna waa Soomaalida. Sidaas darteed, waxa lama huraan ah in aan lafa gurno tab-adeegsiga dawladda Itoobiya ee aragtidan deegaan-siyaasadeed. Lana bidhaamiyo dhoohanaanta Soomaalidu ay kaga sugantahay arrintan.

Waxa uuna qoraalkani ka koobanyahay shan qeybood. Taas oo mid walbana aynnu ku eegi doonno arrimo gaar ah. Waxa ayna kala yihiin: Qeybta Koobaad. Milicsiga Friedrich Ratzel iyo Aragtidiisa, Qeybta Labaad. Milicsiga Sooyaalka Itoobiya iyo Soomaalida Geeska Afrika, Qeybta seddexaad. Guumeystihii Reer Yurub iyo Geeska Afrika, Qeybta Afraad. Jamhuuriyaddii Soomaalida iyo Itoobiya, Qeybta Shanaad. Meles Senawi Asress iyo Itoobiyada Cusub. Friedrich Ratzel waxa uu ahaa juquraafiyahan iyo daraaseeye bulsheed(Ethnographer) jarmal ah. Waxa uu noolaa intii u dhaxeysay(1844-1904). Waxa uu ku dhashay 30-kii, Ogoosto 1844-kii magaalada Karlsruhe, Baden oo ahayd imbiraadooriyaddii Koonfur-Galbeed Jarmalka. Maantana ah Ismaamul Goboleedka Baden-Wurttumberg ee dalka Jarmalka. Waxa uu dhintay 9-kii, Ogoosto 1904-tii. Waxbarasho ahaan waxa uu bartey ugu horreyntii aqoonta Baayoolajiga, gaar ahaan laanta lagu daraaseeyo xayawaanka ee loo yaqaan “Zoology”. Balse markii dambe waa uu ka tagey, waxa uuna noqday Juquraafiyahan. Waxa uuna sannadkii 1875-kii noqday macallin juquraafiga ka dhiga jaamacadda Munich ee dalka Jarmalka. Halkaas oo uu ka ahaa Barafasoor caawiye, kaddibna sannadkii 1880-kii ayuu si buuxda u noqday Barafasoor kamid ah Jaamacaddaas.

Friedrich waa mid kamid ah dadkii saameynta xooggan ku lahaa waqtigaas, gaar ahaan waddankiisa Jarmalka. Waxa aad u saameeyey baayoolajiyahannadii Darwin iyo Xayawaan-aqoonkii Ernst Heinrich. Waxa ayna taasi horseedday in uu isku lifaaqo ama isku dhafo aragtiyihii aqoonta baayoolajiga iyo kuwi juquraafiga. Halkaasna ay ka dhalato aragti deegaan-siyaasadeed oo ku dhisan aragtiyihii keynta ee isfidinta iyo guumeysiga. Kuwaas oo aan kala lahayn xad, xeer iyo xakame toona. Friedrich waxa uu qorey maqaallo iyo buggaag, waxaana kamid ah buggaagtiisa midka uu ugu magac darey “The History of Mankind” oo dhowr mug(Volume) lagu daabacay. Iyo sidoo kale “Anthrogeographie” iyo kuwo kale.

Sannaddii 1897-kii ayaa uu allifay aragtidan uu ugu magac darey “Lebansraum” oo asal ahaan weedh AfJarmal ah. Macnaheeduna yahay “Living Space” ama “Meel Bannaan/Meel lagu noolaado”. Aragtidan oo ka kooban siyaasado iyo tijaabooyin ku salaysan waxa loogu yeedho “Settler Colonialism” ama deegaanbeddelka bulshada la guumeystay. Waxa ayna tahay in dhulka iyo dadka la guumeysto la doorriyo, oo dad qalaad lagu beero goobtaas. Waxaana siyaasaddaas faafiyey Jarmalka intii u dhaxeysay 1890-kii – 1945-kii. Aragtidan Lebansraum-ku waxa ay noqotey deegaan-siyaasadeedkii Jarmalka ee dagaalkii koobaad ee adduunka (1914-1918). Aragtidanina waa ay socotey, oo lagu dhaqmayey illaa dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka (1939-1945). Lebansraum waa aragti sida aynnu sheegnay ka tirsan laanta deegaan-siyaasadeedka (Geopolitics), taas oo ah aragtiyihii ugu horreeyey ee deegaan-siyaasadeed, oo adduunku qarniyo badan kusoo caano maaley. Waxa ayna tibaaxeysaa aragtidani in dawladuhu ay noolyihiin, leeyihiinna sifooyinka noolayaasha oo ay ugu horreyso sifada korriinku. Sidaas darteed, waxa lagama maarmaan ah dawladuhu in ay koraan oo dhulal iyo ummado kale ay qabsadaan, si ay u noolaadaan oo u waaraan. Aragtidan oo ahayd midda horseedday in guumeystihii reer Yurub uu ku soo duullo dhulalka Afrika iyo Asia, iyagoo ujeedka ahaa in qowmiyadahaasi ay qabsadaan qowmiyadaha kale ee taagta daran, si ay uga helaan wixii faa’ido ah sida: dhaqaale, khayraad iwm. Bulshooyinka la guumeysto waxaa waajib ah in la doorriyo oo qowmiyadahaas soo duulley ay u ekaadaan, sida: afka, dhaqanka, aqoonta, dawladnimada, maamulka, hab-fekerka iwm. 

Waxa uu tilmaamayaa sidii Jarmalku u qorsheeyey in uu isku fidiyo,
oo dhulal iyo dalal qalaad u qabsado, isagoo ka tallaabay xuduudo cayyiman.

Aragtida jaadkan ah, in ummaduhu ummado kale ku duulo si uu uga helo manfac iyo wixii uu u baahanyahay, kuna faafiyo oo ku doorriyo felsafaddiisa, ma aha wax la bilaabmatay guumeystaha reer Yurub iyo Friedrich Ratzel. Balse, iyagu waxa keliya ee ay ku suntanyihiin waa in aragtidii si heer sare ah u horumariyeen, kana dhigeen wax sal leh oo ka tirsan deegaan-siyaasadeedka adduunka. Halka waayadii hore ay si dadban u jirtey, dawladihii hore ee dunida soo marayna ay dhammaantood ka sinnaayeen sida: Giriiggii hore, Roomaakii hore, Faraaciintii, Ashuuriyiinta, Biisaantii, Afrikadii hore, dawladihii Muslimiinta ee Ummawiyiinta, Cabbaasiyada, Cusmaaniyada, Mamaalikta, khulafadii afata ahaa qaarkood iwm.

Waxa ay ku dhaqmi jireen dawladahaa hore in ummado kale lagu duulo, la qabsado oo iyaga la hoos yimaaddo. Dhaqanka iyo sida ay noloshda u arkayaanna aad u aragtid oo ku dhaqantid. Waxa felsafaddan aad ugu dhaqmay una faafiyey Xisbigii Naasiga ee Jarmalka, oo ka dhigtay udub-dhexaad uu ka duullo. Isagoo xataa qorsheeyey jaantusyo tibaaxaya sida loo qabsanayo dhulal, dadna loo xasuuqi doono, dadka jarmalkana loogu beeri doono dhulkaas. Sida caadada ahaydna, dawladihii wax guumeysanayey ee reer Yurub waxa ay ka sinnaayeen badankood in bulshooyinka la guumeysto ay dhaqankooda ku faafiyaan. Waxaana aad ugu suntanaa arrintan Faransiiska iyo Jarmalka; oo illaa maanta dadkii ay ku duulleen dhaqankoodii iyo ilbaxnimadoodii ka dhex muuqato. Balse, hadda badanka adduunka duullitaanka qowmiyad ama ummado ku duullaan dadyow kale, waa yaraatey oo ma jirto. Waxaana hadda duullaankii isu beddelay mid aragti dhaqaale, dawladeed ama ilbaxnimo. Sida labadii aragti dhaqaale ee hanti-wadaagga iyo hanti-goosadka, oo qarnigii labaatanaad ku loollamayey adduunka. 

Milicsiga Sooyaalka Itoobiya iyo Soomaalida Geeska Afrika

Itoobiya waxa ay soo martey marxalado kala duwan, oo aad isu soo bedbedalay. Itoobiyadii hore ee loo yaqaannay magaca “Abyssinia” oo ahayd imbiraadooriyad ka talin jirtey dhulka Amxaarada iyo aaggaga u dhow. Taas oo ay gadhwadeen ka ahaayeen qowmiyadda Amxaarada, waxaa sal-dhig u ahayd diinta Kiristaanka oo keliya. Boqortooyadii ugu horreysay ee laga aasaasay Itoobiya waxa ay ahayd boqortooyadii Minilikii koobaad oo ku abtirsanaysay boqortooyadii Suleymaan. Waqtigaas oo ku beeggan toban qarni ka hor dhalashadii Nebi Ciise ee miilaadiga(BC). Boqortooyadaasi ma aysan xooggaysan illaa laga soo gaadho qarnigii 12-aad oo ku beeggan 1270-kii, markii uu Amiirkii Amxaariga ahaa ee Yekuno Amlak uu inqilaabay boqorkii ugu dambeeyey ee xukumey boqortooyadii Sagwa, kaas oo magaciisu ahaa Yilma. Sidaas darteed, waxa aynnu odhan karnaa Itoobiyada Abyssinia waxa ay si rasmi ah u bilaabmatey sannaddii 1270-kii. Boqorro kala duwan ayaa soo maray, oo ay kamid ahaayeen: Menelik II, Galawadoos, Yohaanis-kii labaad, Dawit-kii seddexaad, Xayle Salaase, Tewadros-kii labaad iyo kuwa kaleba.

Khariiraddani waxa ay muujinaysaa dhulkii ay ahaan jirtey boqortooyadii
Amxaarada-Kiristaanka ah ee Abyssinia, waana inta lagu calaamadiyey midabka cas/guduudan. 

Itoobiya waxa ay ku suntantahay isbeddel aan la dareemin, la dhugan haddana aad u xooggan. Waxa ay soo martey marxaladdii imbiraadooriyadda Axmaarada-Kiristaanka oo kasoo bilaabmatay 1270-kii. Waxa ku xigtey waqtigii guumeystaha reer Yurub uu yimid, kolkaasna Itoobiya marxalad cusub ayay gashay, illaa laga soo gaadhay sannadkii 1974-kii markii la inqilaabay boqorkii Xayle Salaase. Haddana Itoobiya waxa ay gashay xaalad cusub oo uu hoggaaminayo Mingiste Xayle Maryam, oo nidaamka askarnimada iyo shuuciyadda mooyee aan wax badan dhaamin Xayle Salaase. Ugu dambayntii waxa ay haddana mar afraad gashay xaalad kale oo xilka laga tuurey Mingiste, kuwaas oo ay la wareegeen shacabku, gaar ahaan jabhadihii dagaalamayey mid kamid ah oo uu hoggaaminayey Meles Senawi Asress. Xaaladdii uu Meles ku beddelay Itoobiya ayay weli ku jirtaa, oo aysan isbeddelin illaa maanta. Iyadoo aan la xaqiijin karin xilliga uu isbeddel kale iman doono, iyo in ay sidan hadda ay tahay kusii jiri doonto.

Dhinaca kale Soomaalida, oo kamid ah ummadaha ku dhaqan Geeska Afrika. Ayaa waxa ay kamid yihiin dadka ku isirran dhul aad u baaxad weyn, oo maanta afar dawladood kala ah: Soomaaliya, Ethiopia, Djibouti, Kenya. Waxa soo raaca qeyb-qeybintii shanta Soomaaliyeed, oo Somaliland kamid tahay, taaas oo aan si toos ah ama rasmi ah uga mid ahayn federaalka Soomaaliya. Balse sharciyad ahaan ku hoostagta, oo si guud loogu aqoonsanyahay qeyb kamid ah Soomaaliya. Soomaalidu waa ummad lagu qiyaaso tiro ahaan celceliskeedu in uu dhanyahay 30-million. Dhulka ay degaan waxa uu cabbir ahaan dhanyahay 1,000,000Km2. Haddaan dhul ahaan u sheegno waa dhulka ay maanta Itoobiya ku taallo oo iyaga oo keliyi degnanaan lahaayeen. Xidhiidh aad u fac weyn baa kala dhexeeya Itoobiyadii hore iyo ta maantaba, mid siyaasadeed iyo mid isireedba ah. Dhulka ay degaan ee 1-MillionKm2 ah walow aan taariikhdu sheegin in hal dawlad oo keli ahi ka talisey. Haddana waxa jirey boqortooyooin badanka dhulkaas ka talin jirey oo ilbaxnimo iyo sooyaal gundheer lahaa sida: dawladdii Bunti, Dawladdii Azania, Dawladdii Cadal, dawladdii Ajuuraan, dawladdii Warsangeliga, dawladii Xaaji Sharma’arke ee Saylac, dawladdii Hobyo iwm. Dagaallo badan oo faraha looga gubtay ayaa dhex maray dawladihii Soomaalida ee kala dambeeyey, iyo dawladihii kusoo duulli jirey dhulka ay dagaan. Waxa kamid ahaa dagaalladii Abyssinia iyo udhexeeyey dawladdii Cadal ee uu hoggaaminayey Axmed Gurey “Duullaan-badane”. Waxa taariikhdu tilmaamtaa in Kal-tirsigu markuu ahaa 1112kii miilaadiga waxa lagu tiriyaa markii ugu horraysey ee Soomaali iyo Amxaaro, Soomaali iyo Tigree ay dagaalameen. Goobaha lagu dagaalamo ee la isku haystay waxay ahaayeen Gondaar, Baxar-daar iyo Lalibeelle oo dhulka Amxaarada ah iyo Aksum oo dhulka Tigreega ah ee maanta. Dadka guullaha badan aad uga gaadhay dagaalladaas, ee labadaa Qowmiyadood ee Amxaaro iyo Tigree u babac dhigi kari waayeenna; waxay ahaayeen dadka Soomaalida. 

Jaantuska 4aad: Khariiraddani waxa ay muujinaysaa dhulka ay dagaan dadka Soomaalidu ee cabbirkiisu dhanyahay 1-Million Km2.

Dagaallo badan oo faraha looga gubtay ayaa dhex maray dawladihii Soomaalida ee kala dambeeyey, iyo dawladihii kusoo duulli jirey dhulka ay dagaan. Waxa kamid ahaa dagaalladii Abyssinia iyo udhexeeyey dawladdii Cadal ee uu hoggaaminayey Axmed Gurey “Duullaan-badane”. Waxa taariikhdu tilmaamtaa in Kal-tirsigu markuu ahaa 1112kii miilaadiga waxa lagu tiriyaa markii ugu horraysey ee Soomaali iyo Amxaaro, Soomaali iyo Tigree ay dagaalameen. Goobaha lagu dagaalamo ee la isku haystay waxay ahaayeen Gondaar, Baxar-daar iyo Lalibeelle oo dhulka Amxaarada ah iyo Aksum oo dhulka Tigreega ah ee maanta. Dadka guullaha badan aad uga gaadhay dagaalladaas, ee labadaa Qowmiyadood ee Amxaaro iyo Tigree u babac dhigi kari waayeenna; waxay ahaayeen dadka Soomaalida. 700 oo sanno ayey gulufyadaa colaadeed socdeen, waxa isasoo gaadhey afar jiil oo is dhaley in ay hoggaamiyayaal dagaal noqdaan, waxa lagu qiyaasaa dagaalladii adduunka ugudhiigga badnaa. Xabashidu waxyaabaha ay isugu hal-qabsan jirtey ee waaggaas laga reebay waxa kamid ah in ay isku dhahaan: “Birdhin ama Soomaali baa diley!” Birdhin waa kelmad Af-Xabashi ah oo macnaheedu yahay qabow, maadaama buuraleyda Itoobiya ay qabowdahay oo waxay u jeedaan labadaa wax aan aheyn Xabashida ma dilo. Waxa kaloo jirtey dawladdii Ajuuraanka iyo qowmiyadda Oromada in dagaallo aad u qadhaadh, oo faraha looga gubtay ay dhex mareen hilaaddii 1244-kii. Taas oo ay horseedday markuu qowmiyadda Oromadu ay billowday is-ballaadhin ku wajahan dhulka Soomaalida ee ay maamusho dawladda Ajuuraanku.

Waxa uu muujinayaa Imaam Axmed Gurey “Duullaan-badane” oo waran gelinaya wiilkii uu dhalay boqorkii Bortuqiiska ee Vasco da Gama, kolkiii dagaalka lagu jebiyey.

Sooyaalkaas aan laga gayooneyn, ee aadka u adag una dhiigga badan ayaa ka dhexeeyey Soomaalida iyo Xabashida. Waxase Soomaalida aad u wiiqayey felsafadda ku dhisan qabiilka. Taas oo horseedi jirtey burburka dawladaha Soomaalida, waxa ayna taasi fursad u siin jirtey Itoobiyaanka in ay tallaabooyin hor leh qaadaan inta ay isku jeedaan Soomaalidu. Waxa Geeska ku hardami jirey laba felsafadood oo midna ay tahay Soomaalida-Muslinka ah ee xeebaha geeska Afrika heysta. Iyo Xabashida-Kiristaanka ah ee lagu oodey buuraha Addis Ababa, oo aan bad iyo xeeb toona lahayn. Duullaanka iyo dilka lagu hayo, danta iyo waayuhu badeen in aanay hilibka karinin, oo qeydhiinka ku cunaan.

Khamrina iskaga dejiyaan, oo ilma aragtayda ku gubaan, basbaaskana dufan uga dhigaya! Arrintaas oo xataa horseedi jirtey in Xabashida ay usoo hiiliyaan dadyow aanay diir iyo deegaan midna wadaagin, balse ay isku diin yihiin sida: Bortuqiiska iyo Masaarada-qibdiga Kiristaanka ah. Sida jaantuska xagga sare ka muuqda, oo ah wiilka uu dhalay boqorkii Bortuqiisku ee Vasco da Gama oo Axmed Gure waran ku mudayo, dhiigna ka qubanayo. Soomaalidana waa jirtey kol ay usoo hiilisey boqortooyadii Cusmaaniyiintu, oo laba dagaal kala qeyb qaadatey. Balse, markii dambe Axmed Gurey uu u sheegay in ay iska noqdaan Soomaaliduna ay isku filantahay. Waxaana uu Axmed Gurey ka cabsi qabey in Cusmaaniyiintu is fidiyaan oo dhulka Soomaalida qabsadaan, sida lagu yaqaanno boqortooyooyinkii waaggaas.

Guumeystihii Reer Yurub iyo Geeska Afrika

Reer Yurub waxa ay yeesheen ilbaxnimo unkiddeedu ay soo taxnayd qarniyo badan. Taas oo bulshada xagg kasta laga jafey, dadaal dheer oo muddo qaateyna lagu gaadhay. Waxa ay isu diyaariyeen in ay keenaan felsafad lagu deydo, oo ay adduunka intiisa kalena ku maamulaan. Kolkay xaqiiqsadeen in adduunka ay hormuud u noqon karaan, waxa ay bilaabeen oddorosid gundheer taas oo lagu sahaminayo dadka iyo dhulalka ka fog ee adduunka. Waxa ay adduunka oo idil sahamaniyeen oo daraaseynayeen muddo lagu qiyaaso illaa afar qarni oo kasoo bilaabmatay 1600-kii ilaa 1900-kii. Kolkii dabo iyo dacal la ogaaday adduunka, waxa la damcay in loo qeybsado sidii loo guumeysan lahaa, ee loogu duuli lahaa. Shirkii baarliin ee 1884-kii ayaa miiska la saaray khariiradda Afrika si loo qeybsado, iyadoo ay ku dhisayaan danahooda siyaasadeed iyo dhaqaale. Waxa ay isku sidkeen dad kala dano ah, kala isir ah, kala diin ah, kala af ah, kala deegaan ah. Halka ay dad intaasba wadaagga kala durkiyeen, oo xuduudo kala dhex dhigeen.

Dhinaca kale ummadaha lagu soo duulley ee la guumeystay laftoodu, cawaan aan adduun war u hayn ayaa ay ahaayeen. Intii ummadaha Yurubku iyo kuwo kaleba ay wax baadhayeen, wax akhrinayeen, wax qorayeen halkee ayay joogeen? Sidii xayawaanka ayay baadka iyo biyaha kala boobayeen, ama sida Soomaalida reer reer ceel iyo gabdho kala boobayeen! Shirkaas oo socday intii u dhaxeysay 25-kii, Noofembar. 1884-kii iilaa 26-kii, Febraayo. 1885-kiii. Waxa uu horseeday in reer Yurub ay qabsadaan badanka adduunka. Afar iyo toban dal ayaa shirkaas wakiilladoodu ka qeyb galeen oo kala ahaa: Germany, Austria-Hungry, Belgium, Denmark, Spain, United States, France, United Kingdom, Italy, Netherlands, Portugal, Russia, Sweden-Norway, Ottoman Empire.

Waxa ay labadan sawir muujinayaan sidii reer Yurub ay u qeybsadeen qaaradda Afrika. Inta midabka basaliga ah leh waa Ingiriis, halka buluugga khafiifka ahna uu yahay Faransiis iwm. Jaantuska kalena waxa uu tilmaamayaa fadhigii caasimadda Baarliin ee dalka Jarmalka.

Soomaalida oo waqtigaas aan dhaadsanayn sida loogu tashtay, ayaa iyagoo isku jeeda waxa ay mar keliya ku war heleen iyadoo la dul joogo. Qaab-nololeedkii bulshada Soomaalida ee waqtigaas, oo ahaa in beel beel iyo qabiil qabiil la isu maamulo, ayaa reer Yurub si fiican u daraaseeyeen kal hore. Ingiriiska oo Cadan qabsaday, ayaa waxa uu Soomaalidii Waqooyiga joogtey kuwo kamid ah, oo markaas magaalada Cadan joogay ku qalqaaliyey in uu dhulka yimaaddo. Sidoo kale waqtigaas waxa aad isu fidineysay boqortooyadii Abyssinia ee Itoobiyaanka. Labadaa arrimood baa horseeday in Ingiriiska heshiis lagula galo in uu dhulka yimaaddo. Dhowrkii qof ee kala beelaha kasoo jeeday, ayaa uu la galay heshiisyo isku wada mid ah. Kolkii uu xeebaha Waqooyi yimidna, horjoogayaashii reeraha ayuu ku yidhi ma aqbalaysaan heshiiskan? Iyaguna waa oggolaadeen. Heshiisyadaas oo ku kala astaysnaa xilliyo isu dhaw-dhow ayaa kala ahaa sidatan:

1. Agreement with Habar Awal, Berbera in 14, July 1884.
2. Agreement with Gedabuursi, Zeila in 11, December 1884.
3. Agreement with Habar Toljeclo, Aden in 26, December 1884.
4. Agreement with Eeza, Zeila in 31, December 1884.
5. Agreement with Eidangale|Habar-Gerhajis, Aden in 13, January 1885.
6. Agreement with Warsangali, Laskorey in 27, January 1886.
Dhanka kale ee Koonfurtana, waxa uu Talyaanigu heshiisyo la saxeexday saldanidihii ka jirey dhulkaas.
Kuwaas oo kala ahaa:
1. Agreement with Sultanate of Hobyo, Yusuf Ali Kenadid, 1888
2. Agreement with Majeerteenia, King Osman Mohamoud, 1888
3. Agreement with Hiraab Sultanate, Warsheekh.

Haddaynu dhinaca kale ee Jabuuti jalleecanana, waxa uu Faransiisku heshiis la galay salaadiintii Canfarta iyo Soomaalida-Ciisaha. 11-kii, Maarso 1862-kii heshiiskii ay wada galeen Faransiiska iyo suldaankii Canfarta Raieta Dini Ahmed ee ka dhacay caasimadda Baariis, waxa uu ku salaysnaa in Canafartu ay ku iibsadeen dhulka Obokh lacag qiimaheedu dhanyahay 10,000 doollar. Kaddib 26-kii, Maarso 1885-kii, ayaa uu Faransiisku heshiis la galey Soomaalida, waxa uuna heshiiskaasi dhigayey in ay noqdaan maxmiyad hoostagta Faransiiska. Balse sidii Canfarta ma aysan iibsan dhulkii, waana midda badbaadisey dhulka Jabuuti oo aysan noqon qeyb kamid ahi dhul Faransiis iibsadey. Labada dhinac ee kala ah: Soomaali-Galbeed iyo NFD, iyaga labadaba waxa si toos ah dalalka ay maanta ka tirsanyihiin u hoosgeeyey Ingiriiska. NFD isaga ayaa xukumi jirey, kaddibna ku daray Kiiniya.

Halka dhulka Soomaali Galbeed oo ay dawladdi Abyssinia isku fidisey waqtigii uu hoggaaminayey Menelikii labaad, aad isugu ballaadhisey. 1-dii, Maarso 1896-kii ayaa uu Talyaanigu bilaabey in uu isku fidiyo dhulka Itoobiya, isagoo kasoo galayey dhulka Eriteriya. Balse dagaalkii Adwa ayaa lagu jebiyey Talyaaniga. Waxaana dantu ku qasabtey in uu heshiis nabadeed la sexeexdo Menelikii labaad. Menelikii labaad waxa uu intii u dhaxeysay 1889-kii illaa 1904-tii ku hawlanaa sidii uu isugu fidin lahaa deegaannada ku hareeraysan ee Soomaalida iyo Oromada. Laba jeer ayaa is fiditaanku ka koobnaa, kuwaas oo kala ahaa: 1889-1896, taas oo uu Soomaalida ka qabsadey Herer illaa Diridhaba. Isagoo afarta jiho ee kalena isku fidinayey. Markii labaad waxa ay ahayd 1897-1904, kolkaas oo iyadana uu ku qabsadey Hawd iyo Receive Area. Waxaana Menelikii II lagu magaacaa “Aabbihii Itoobiya Cusub” ee maanta. Maadaama uu yahay shakhsiga bud-dhigga u ahaa isfidinta Itoobiya, ee ay maanta uga taliso dhul cabbirkiisu dhanyahay qiyaas ahaan 1-Million km2. 

Waxa uu muujinayaa labadii jeer ee uu is fidiyey Menelikii labaad ee Abyssinia

Kaddib dhimashadii Menelikii labaad(1844-1913) waxa talada Itoobiya la wareegay Lij Iyasu (Iyaasugii shanaad) kaas oo xukunka dalkaas hayey intii u dhaxeysay 1913-kii – 1916-kii. Intaa wixii ka dambeeyey waxa taladu gacanta u gashay boqorad Zewditu, oo ahayd mid u dhigmaysa boqorka oo kale. Waxa ayna ahayd gabadhii ugu horreysay ee dal Afrikaan ah, oo la aqoonsanyahay si heer caalami ah ka talisa. Waxa ay Zewditu xilka haysay intii u dhaxeysay 1916-kii – 1930-kii. Itoobiya walow ay Talyaaniga si dadban u hoostagi jirtey, haddana madaxbannaanideeda waxa ku dul taagnaa Talyaaniga. Waxaana madaxbannaanideeda caaalamiga ah carqaladeeyey dagaalkii labaad ee Itoobiyaan-Talyaaniga. Kaas oo ku beegnaa bishiii Oktoobar sannaddii 1935-kii markii uu ku soo duulay Faashiistihii Talyaanigu. Kaddib dhibaatooyin badan oo uu Talyaanigu ka geystay dalkaas. Ugu dambeyntii waxa gacanta ku dhigay Ingiriiska oo si madaxbannaan aqoonsi u siiyey, kolkaas oo ahayd markii ay wada galeen heshiiskii loo bixiyey (AngloEthiopian Agreement) ee dhacay bishii Diisembar, 1944-kii. Waana heshiiska si aan gabbasho lahayn Ingiriisku ugu saxeexay in ay u oggolyihiin qaadashada dhulka Hawdka iyo Receive Area(Soomaali Galbeed). Seddex sanno kaddib, heshiis nabadeed dhexmaray Itoobiya iyo Talyaaniga oo ku beeggan 1947-kii, ayaa
uu Talyaanigu isaguna aqoonsaday madaxbannaanida Itoobiya.

Balse Soomaalidii Waqooyiga ee ka cabsi qabtey in ay Abyssinia isku fidiso, waxaaba si badheedh ah ugu oggolaatey dawladdii Ingiriiska. Weliba markii ay Abyssinia is fidinaysayna kama aysan hadlin, waxbana kama qaban. Waxaana Itoobiya ay lamid noqotey dawladihii reer Yurub ee boobayey dhulka Afrikaanka. Iyaduna dhinaceeda ayay ka gashay waxa la qeybsanayo, badhkeedana xoog baa ay ku qaadatey. Duqeydii Soomaalida Waqooyi, waxa ay ku warheshay 1954-kii, oo ay ogaadeen in dhulkaas la bixiyey. Ururkii NUF (National United Front) oo ujeedkiisu ahaa in uu u dooddo dhulka Hawdka iyo Receive Area ee la bixiyey, ayaa la aasaasay. Wefti ka koobnaa afar qof ayaa loo direy carriga Ingiriiska. Kuwaas oo kala ahaa: Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Cabdillaahi, Maykal Maryama iyo Dubbe Cali Yare, balse waxa ay noqotey wax ay ku hungoobeen uun.

Sawirkani waa weftigii NUF ee loo direy arrinta dhulka Itoobiya la siiyey in ay kala soo hadlaan dawladda Ingiriiska. Waqtiga sawirkani waa 5-tii, Febraayo 1955-kii London, UK.

Jamhuuriyaddii Soomaalida iyo Itoobiya

Tan iyo intii la aasaasay xisbigii LEEGADA, waxa dardar xooggan uu ka bilaabmay geyiga Soomaaliyeed. Kaas oo lagu baadi-goobayo midaynta dadka Soomaalida, ee shanta qeybood loo kala dhambalay. Sidoo kale waxa dabeysha midnimada Soomaalida aad u kiciyey kolkii la bixiyey dhulka Hawdka iyo Soomaali Galbeed, kaas oo raad weyn ku reebay dadkii degganaa Waqooyiga. Guumeystaha laftiisu waxa uu dhisay Gole kumeel-gaadh ah, oo inta ay xornimada qaadanayaan talada sii haya. Dhinaca Waqooyiga (British Somaliland Protectrate) iyo Koonfurta (Italian Somalia Protectrate) waxa midna loo sii dhiibay Ururka Qaramad Midoobey in ay 1960-ka inta laga gaadhayo sii hayaan talada, oo waa Koonfurta. Halka Waqooyigana uu Ingiriiska korka ka maamulayey, balse Soomaali loo sii dhiibey talada illaa laga gaadhayo 1960-ka. Balse, NFD iyo Soomaali Galbeed waxa caddaatey in aan la ogoleyn soo celinteeda.

Taariikhdeedana halkan laguma soo koobi karo, balse hadda ka hor qoraal aan ugu magac darey “Jabuuti Ma Yeellan Kartaa Dawladnimo Qiimo Leh?” ayaan kaga hadlay taariikhda goonni-isu-taagga Jabuuti sida uu ku yimid. (1) Labada Soomaali Galbeed iyo NFD qoraalkan dhexdiisa wixii aan ka gaadhno waan ku dhex sheegi, wixii soo hadhana qoraal kale ayaan sooyaalkaas ka sameyn doonaa. Waxa xusid mudan in boqorkii ka talinayey Itoobiya intii u dhaxeysay 1930-1975 ee Xayle Salaase, in uu aad uga biyo diidsanaa in ay dadka Soomaalidu dal ama dawlad u gaar ah ay yeeshtaan. Waxa uu doonayey in Itoobiya ay wada maamusho dhulka Soomaalida. Kolkii uu sannaddii 1966-kii ay kulmeen Xayle Salaase iyo De Gullo oo ahaa madaxweynihii Faransiiska, waxa uu u sheegay in aan Jabuuti xornimo la siin. Balse Faransiisku sii haysto, ama Itoobiya lagu soo wareejiyo.

Isagoo diidanaa in ay la midoobaan Jamhuuriyadda Soomaalida. Afar sanno kaddib markii la aasaasay dawladdii Soomaaliyeed ee labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, oo ku beeggan 1964-kii ayaa Itoobiya dagaal ku soo qaadday Sooomaalida. Waxaana halkaas ka bilaabmay dagaalladii 1946-kii ee xuduudda Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Soomaalida. Waxa keliya ee Xayle Salaase rabayna waxa ay ahayd inuu qabsado dhulkaas, oo aanay dawlad Soomaaliyeed ka dhalanin. Balse waxa ay noqotey wax uu ku hunggoobay middaasi! Si guudna Itoobiyaanku, gaar ahaan siyaasiyiintu waxa ay aaminsanyihiin in dawladda keliya ee Geeska Afrika ka jiraysaa ee waxtarka leh, in ay noqoto Itoobiya. Waana hardankii soo jirey qarniyo badan, in aan wada noolaansho buuxda jiri karin inta qolo walba wax dulmiyayso, ama midiba midda kale ku amar taaglaynayso oo duullaanka ku tahay. Waxa xusid mudan Xayle Salaase ayaa hadal uu ka jeediyey magaalada Qabridaharre ee gobolka Jarar, Soomaali Galbeed hilaaddii 1956-kii waxa uu yidhi: “ Soomaalidu waxa ay kamid tahay qoyska weyn ee Itoobiya ”

Sawirradani waa qaar kamid ah ciidamadii Soomaalida ee xuduudda ka dagaalamayey sannaddii 1964-kii. Gaar ahaan sawirka bidix waa 2-dii, Febraayo. 1964-kii.

Waxa middaas lamid ah in marlabaad uu dagaal dhexmaray Jamhuuriyaddii Soomaalida iyo Itoobiya, kaas oo ku beeggan sannaddii 1977-kii. Dagaalkaas walow uusan ka fursanayn faahfaahin qoto dheer, oo Soomaalida lafteedu ay waxbadan oo khuseeya ka dhoohantahay. Haddana, waxa uu kamid ahaa dagaalladii dhexmaray labada dhinac mid kamid ah, weliba waxa la odhan karaa waa kii ugu saameynta badnaa. Dagaalkaas oo Soomaalidu ka wada dheregsantahay halka uu ku dhammaadey. Waxa se waqtigaas oo ku beeggan 1974-kii xilka laga tuurey taliskii Xayle Salaase ee boqortooyada, waxaana xukunka la wareegay Mengistu Xayle Maryam. Mengiste oo ahaa shuuci raacsanaa dhinaca Ruushka, waxa uu keenay nidaamkii hanti-wadaagga ee lagu yaqaannay ee keli-talisnimada, dilka, xorriyad la’aanta, dhaca, boobka, xasuuqa iwm.

Sawirradani bidix waa Mengiste Xayle Maryam, midigna waa boqor Xayle Salaase.

Taliska Mengiste oo ku caan ahaa magaca “Dergi” waxa uu kolkii uu joogsadey dagaalkii 77-kii noqday mid hooya jabhadihii mucaaradka ku ahaa Soomaaliya, sida: SSDF, SNM, iwm. Waxa kamid ah waxyaabaha Mengiste iyo jabhadaas dhexmaray: in Mengiste iyo jabhaddii SNM ay ku wada heshiiyeen, oo ballan ku wada galeen in dalka Soomaaliya la isku dhaho ay kala jari doonaan, oo iyagu(SNM) ay goosan doonto gobollada Waqooyiga. Waxa sidan yidhi Cabdillaahi Yuusuf Axmed, hoggaamiyihii jabhadda SSDF, weliba waa uu ku dhaartay in ay sidaas ballan ku wada ahaayeen Mengiste iyo SNM. Sidaa si lamida ah Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo ka hadlayayey mar sida ay jabhaddiisii SSDF Itoobiya magangeliyo uga heshay Itoobiya, ayaa waxa uu tilmaamay in markii uu la kulmay Mengiste Xayle Maryam uu ku yidhi hadal ahaa sidatan: “ Annagu haddaanu nahay Itoobiyaan, shabeelka haddaanu dubka ku dhegno masii dayno weligayo, ee ma nagu galeysaan hadddaad jabhadda SSDF tihiin!” Hadalkan oo ula jeedku yahay, annagu haddaanu Soomaali gacanta ku dhigno, lagama yaabo inaanu sii deyno ee raalli maku tihiin arrinkaas? Cabdullaahi Yuusuf waxa uu xusay in ay arrinkaas oggolaadeen, sidaasna kula heshiiyeen Mengiste. Labadaas dhacdo ee taariikhiga ahba, waxa uu kaga warramay wareysiga uu weriye Cabdisalaan
Hereri la yeesahy Cabdilaahi Yuusuf Axmed sannaddii 2012-kii.

Hubeyntii jabhadaasi waxa ay carqalad weyn, oo dhabarjab ah ku noqotey dawladdii Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya lafteedu waxa ay hubeyn jirtey jabahadihii mucaaradka Itoobiya ee kala ahaa: WSLF, OLF, TPLF, iwm. Labada dhinacba dab iyo holac ayaa midba midda kale ku shidaysey. Waxase sannaddii 1988-kii dhacay heshiis taariikhi laba geesood ah kaas oo dhexmaray madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre iyo madaxweynihii Itoobiya Mengiste Xayle Maryam. Heshiiskaasi waxa uu daarnaa in labada dhinacba ay joojiyaan hubeynta jabhadaha mucaaradka ah. Waxaana si gaar ah xusid mudan in Maxamed Siyaad Barre uu dhulka Soomaali Galbeed u saxeexay si buuxdana uu uga tanaasuley, taas beddelkeedana gacanta loo soo geliyo jabhadda SNM. Waana uu ka yeelay Mengiste arrinkaas. Balse, ma aysan dhicin middaasi oo isla sannadkaas bishiisii toddobaad ayaa jabhaddii SNM si ismiidaamin ah gudaha ugu soo
gashay Soomaaliya.]

Midig waa Maxamed Siyaad Barre, bidixna waa Mengistu Xayle Maryam.

Wareysigii Maxamed Siyaad Barre lagula yeeshay dalka Jabuuti watigaas, hadalladiisii waxa kamid ahaa in uu tilmaamay in aan loo baahnayn colaad sii waarta, loona baahanyahay in lasoo afjaro waxa ka dhexeeya labada dal. Ayna tahay fikrad duuggowday, oo bulshda walaalaha ah(Itoobiyaanka iyo Soomaalida) kala dileysa. Waxaanu sidoo kale go’aan ku gaadhnay buu yidhi in guddi loo saaro, baadha oo eegta waxa mushkiladdan sababey. Waxase layaab leh in Maxamed Siyaad uu iska indho tirayayey waxa ka dhexeeyey labada waddanna isu dagaalayeen. Sida hadalkiisa ku cadna, waxa uu fikrad duuggowday oo in laga tanaasulo u baahan, colaad mooyee aan xal keenayna ee u sheegayaa waa raadinta ay dawladdiisu ugu jirtey helitaanka Soomaali Galbeed, oo kamid noqota Jamhuuriyadda Soomaalida!

Intaas kaddib, burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya. Waxa uu guulweyn oo la gaadhey u noqdey Itoobiya. Maadaama oo teed weyn oo horyaallay uu meesha ka baxay, walow iyada Itoobiya lafteeda uu isbeddel ku dhacay. Taas oo ahayd in kursiga laga tuurey Mengiste Xayle Maryam; oo jabhadihii hubeysnaa xukunka dalka gacanta ku dhigeen. Haddana Itoobiya wax burbur ah ma aysan ku habsanin sida Soomaaliya, ee keliya waxa isbeddelay mas’uuliyiinta dalka. Halka Soomaaliya la ogaa wixii dhacay, iyo sida xaaladdu noqotey. Talana ay faraha ka baxday waqtigaas.!! Waxa xusid mudan oddoros cajiib ah, oo uu sameeyey nin lagu magacaabo Dr. Cumar Cusmaan Raabi hilaaddii 1989-kii. Markaas oo uu kamid ahaa Wasaaradda Gaaashaandhigga Soomaaliya. Dr. Cumar waxa uu qorey buug yare uu ugu magac darey “ Soomaaliyeey: Halkee Baad Ku Socotaa? ” Buuggaas oo uu kaga hadlayey damaca is-fidinta Itoobiya ee Geeska Afrika, ee mowdduucan aan wax ka qoreynaana ku sahabsanyahay. Dr. Cumar waxa uu soo bandhigay jaantusyo uu ku muujinayo sida Itoobiya ay u qabsan doonto Geeska Afrika, si tallaabo tallaabo ah. Waqtigaas uu wax oddorasayey oo xaaladda Soomaaliya cakirneyd ayaa dadkii waagaas joogey ammankaag ku noqotey.

Halkaan kala deg qoraalkaan oo dhameystiran: https://abdifatahbarawani.files.wordpress.com/2019/08/itoobiya-iyo-aragtidii-friedrich-ratzel-lebansraum.pdf

Facebook Comments Box

Cabdifataax Xasan Maxamed (Barawaani), waa qoraa iyo cilmi-baadhe. Waxa uu wax ka qoraa arrimaha siyaasadda, amniga, arrimaha bulshada, taariikhda iyo afka. Waxa uu wax ka bartaa dalka Ugaandha (Kambaalla), gaar ahaan kulliyadda diblomaasiyadda iyo xidhiidhika caalamiga ah. Waa maamulaha iyo tifaftiraha guud ee mareegta Indheergarad. Waxa kale oo uu ka mid yahay qorayaasha majalladda Diblomaasi.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Qeybtii 3aad. Furaha xalka Soomaaliyaa- Siddee ayay suurtagal ku ahayn inay wada fariistaan Dowlada Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab?

Published

on


Taxanaha furaha xalka Soomaaliya waa mid inoo socon doono muddo dheer balse si aan wax badan ugu ogaano waxay u badan tahay in la helo isbar bar dhig lagu qanci karo si loo soo saaro natiijo inta badan laga fiirinaayo dhanka wanaagsan.

Soomaaliya tan iyo burburkii waxaa aad isoo buux dhafshay ururo sita magaca jihaad doonka balse ururadan ayaa u taagan in ay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aadan in ay la dagaalamaan Dowldaha Soomaaliya iyo cid walbaa oo ayada raacdo, halka Dowlada ay ayadana mowqifjkeeda yahay inay la dagaalanto kooxda Al-shabaab haddaba haddii labada dhinac ay rabaan inay gaaraan mowqifkooda yey tahay cidda ku taagan mowqifka saxda ah? Si aan wax badan ugu ogaano marka hore aqristow soo qaado koob Shaah ka dibna bilow maqaalka haddii aad ka heshayna maqaalada ceynkan ah fadlan qeybta fariimaha inoogu reeb araktidaada.

Marka laga hadlaayo suurta galnimada wada hadalka kooxda Al-shabaab iyo Dowlada Soomaaliya waa mid aan marnaba suurta gal aheyn waayo haddii koox ka mid ah ay diyaar u tahay wada hadal waxaa diido koox kale oo aan isla markaana aan diyaar u aheyn balse haddii labbada koox ay midoobaan waxaa dhici karo dagaal kale inuu kaga yimaado dibada siddii dagaaladii lagu soo qaaday maxkamadaha waxaana lagu eedeeyay in wadan dhan oo argagaxiso ay noqotay Soomaaliya balse micnaha saxda ee loo burburiyay ururkan wuu ka dubanaa waayo sidda caadiga ah haddii labbo koox ay ku midoobaan siddii ay ku dhisan lahaayeen dalkooda kana tashtaan ayaahooda waxaa durba meesha ka bilowdo dagaal ka yimaada dibada siddaa darteedna wadanka siddaa lagu dagaal siiyo amase loo adeegsado duqeemo siddii ku dhacday kooxda Taalibaan oo kale.

Soomaaliya xaq uma laha inay katashato ayaayaheeda dowladnimo waayo markii aad fiiriso kooxda Al-shabaab waxay heystaan inay dadkaan yihiin kooxo gaalo ah, halka kuwa dowladana ay aaminsan yiiin in kooxda Al-shabaab ay tahay koox dhiig cabayaal ah. Markii aad fiiriso daqaalka dhinacyada waxaad moodaa in uu san dhamaad laheyn waxyna ku tuseysaa sidda aysan suurta gal ku aheyn in garaan wadahadal lagu qanci karo balse macquul ma ahan.

Xitaa haddii ay diyaar u noqdaan inay xaliyaan mashaakilkaan waxaa laga yaabaa in beesha caalamka ay dowlada Soomaaliya ay ku eedeeyso inay xiriir la leedahay kooxda Al-shabaab siddaana looga goosan doono waxyaabahii ay ka heli jireen beesha caalamka, tusaale in lagu cak jugleeyo in ay goosan doonaan gargaarkii ay ka heli jireen beesha caalamka iyo haya’adaha li xiriiro waayo waxaa lgu eedeyn doonaa in xiriir la sameysay kooxda Al-shabaab sidaana ay ku waayeen gunooyinkoda.

Dhibaatada ka jirto Soomaaliya intaa kuma eka waayo dadka ayaa inta badan lagu xiray silsilad ay adag tahay inay iska furan halka furaha sil siladana uu yaalo meel aan halkaa ka fogeyn, waxaan ku sababeynayaa qodobkan haddii saaxiibkaa aad wacdo misna weydiiso sidda ay suurta gal ku tahay in la helo furaha xalka Soomaaliya amase weydii cidda ay ka dhismi la’ dahay Soomaaliya balse Jawaabta ugu badan ee uu ku siinaayo ah in seddexdan qodob.

  • In kooxda Al-shabaab ay tahay dadka kaliya ee uu ka dhismi la’yahay dalkan iyo waxyaabo kale.
  • In qabiil uu burburiyay wadankan siddaa darteedna uu ka dhismi la’ yahay qabiil iyo qabyaalad.
  • In kooxo gaar ay dumiyeen sidda darteedna uu ka dhismi la’yahay qaladaadkii ay galeen kooxo jabhad ah kuwaas oo burburiyay dowladnimadii dalka misna ilaa iyo hadda uu ayagii ka dhismi la’yahay.

Dhamaan qodobadan waa kuwa eedeeyo dadka Soomaaliyeed balse ma jirtaa cid baaritaano dhab ah  ku sameysay halka ay iska qaban la’dahay xeerada. Jawaabaha ugu badan waa maya sababtuna waxay tahay in aysan jirin cid lagu kalsoonaan karo haddii ay tahay ilaalinta sirta iyo ka warqabida dadka sidda aadka ugu dhow laamaha dowlada.

Tanina waxay keentay in dowlada dheexdeeda lagu eedeeyo in ay ka mid tahay kooxda Al-shabaab, siddaa darteed waxaa dhacday in uu yimaado shaki iyo kala aragti duwanaasho hor leh. Si kastaba ha noqotee Soomaaliya waxaa aayaheeda ka talin doonaan beesha caalamka iyo waddamo kale waayo wadan Soomaaliya oo kala ah waa wadan ay ku baratamayaan wadamo badan sidoo kalena u jeedka laga leeyahay ayaa ah in Soomaaliya laga sameeyo dhaqaale taasina waxaan kaga hadli doonaa qeybta xita.

Fadlan haddii aad ka heshay maqaalada ceynkan oo kala ah qeybta faarinta inoogu reeb araktidaada mahadsanidiin.

halkaan ka aqriso qeybtii horre.

 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Maxaad ka taqanaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS)?

Xog waran ku saabsan Ururkaan. Ururku waxa uu xubin ka yahay Golaha Suxufiyiinta Afrika (CAJ) iyo CIVICUS, oo ah isbahaysi caalami ah ee ururrada bulshada rayidka ah oo u heellan xoojinta waxqabadka muwaadinka iyo bulshada rayidka ah.

Published

on


Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) waa dallad shaqaale oo ay ku mideysan yihiin suxufiyiinta madaxabannaan. Suxufiyiin Soomaaliyeed oo xirfadleyaal ah ayaa aasaasay bishii Maajo 2019-kii, si ay u difaacaan xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed una dhiirrigeliyaan xorriyadda saxaafadda. Ururku waxa uu xubin ka yahay Golaha Suxufiyiinta Afrika (CAJ) iyo CIVICUS, oo ah isbahaysi caalami ah ee ururrada bulshada rayidka ah oo u heellan xoojinta waxqabadka muwaadinka iyo bulshada rayidka ah.

SJS waxaa ku mideysan in ka badan 450 xubnood, oo ka kooban suxufiyiin, tifaftire-hoosaadyo iyo tifaftireyaal, waxa uu ku shaqeeyaa lacagaha xubinnimada sannadlaha ah ee xubinihiisu, iyo sidoo kale taageerada bah-wadaagtiisa caalamiga ah, sida; Sanduuqa Qaran ee u Deeqidda  Dimuqoraadiyadda iyo Sanduuqa Kanada ee Hindiseyaasha Maxalliga ah, iyo sidoo kale Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya ayaa si joogto ah uga hadasha muhiimadda ay leedahay badqabka warbaahinta iyo ilaalinta booska siyaasada dalka, oo ay ku jirto xorriyadda ra’yiga.

Wareysiga soo socda ayuu Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalla Axmed Muumin, uga hadlayaa xaaladaha shaqo ee suxufiyiinta Soomaaliyeed.

S. Aragtidaada, intee in la eg, ayey Soomaaliya ammaan u tahay wariyeyaasha?

Cabdalla Muumin: Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa ay ku shaqeeyaan deegaan aad khatar u ah – waxa ay u dhexeeyaan Dheri iyo Dhimbil. Soomaaliya waxa ay leedahay naaneys aan laga fursan karin oo ah iney tahay mid ka mid ah dalalka ugu khatarta badan caalamka ee ay saxaafaddu ka shaqeyso. Hanjabaadaha iyo weerarrada ka imaanaya mas’uuliyiinta dowladda, shaqsiyaadka gaarka ah iyo fallaagada mintidiinta ah ee Al-Shabaab ayaa caadi ah. Suxufiyiinta doonaya in ay ka warbixiyaan arrimaha amniga, khaladka mas’uuliyiinta dowladda, iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, ayaa si joogto ah ula kulmayey caga-jugleyn iyo cabsi-gelin.

Suxufiyiin badan ayaa lagu qasbay inay is-faafreebaan. Maadaama uu dalku hadda ku jiro kala-guur, una diyaar garoobayo qabashada doorashooyinkiisa, dhibaatooyinka ayaa sii kordhay. Waxaa xadgudubyada joogtada ah ee ka dhanka ah suxufiyiinta sii dheer, maamulada ka jira Soomaaliya ayaa soo rogay sharci qallafsan oo dhanka saxaafada ah, kaas oo xadidaya xorriyadda hadalka, faafreeb ku sameynaya suxufiyiinta, islamarkaana u dhigaya ciqaab adag warbixin kasta oo loo arko in ay wax u dhimeyso qaranka, sida ka warramidda amniga qaranka ama xataa baaris lagu sameeyo mas’uuliyiinta dowladda.

S. Maxay aheyd saameynta ay ku yeelatay suxufiyiinta Soomaaliyeed?

Cabdalla Muumin: Sannadkan oo keliya hal wariye – Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa weriyeyaashii internetka – ayaa lagu dilay magaalada Gaalkacyo, Puntland. Saddex wariye ayaa ku dhaawacmay rasaas, halka saddex kalena la garaacay. Shan xarumo oo warbaahineed ayaa la weeraray, halka ku dhawaad darsan kalena loo caga-jugleeyay oo la cabsi-geliyey, ama loo diiday inay war helaan. Intii u dhaxaysay 1 Jannaayo iyo 26 Oktoobar, 49 wariye ayaa la xiray. Inta badan xarigga ayaa ahaa xabsiyo sharci darro ah oo ka dhacay Muqdisho, Puntland, Jubaland, Galmudug iyo Somaliland.

Hababka difaaca suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ah kuwo aad u xaddidan. Xarumaha warbaahintu ma haystaan dhaqaale ku filan oo ay ku difaacaan suxufiyiintooda u bareeraya shaqooyinka halista ah, mas’uuliyiinta heer federaal iyo heer dowlad-goboleedna waxay inta badan ku guuldarreysteen inay difaacaan suxufiyiinta – inta badan kuwa ka mas’uulka weeraridda, caga-jugleynta ama cabsi-gelinta suxufyiinta ayaan lala xisaabtamin. Tanina waxay sidoo kale uga sii dartay badbaadada iyo ilaalinta shaqooyinka warbaahinta ee dalka oo dhan.

Waxaa intaas dheer, saxaafadda ayaa xirfad ahaan Soomaaliya ka mid ah kuwa bixiya mushaarka ugu yar, waxaana baahi weyn loo qabaa in la horumariyo xirfadda suxufiyiinta iyadoo la siinayo tababarro xirfadeed.

S. Muhiimad intee la eg ayay Maalintan Caalamiga ah ee soo Afjarida Isla-xisaabtan la’aanta Dambiyada ka dhanka ah Suxufiyiinta u leedahay warbaahinta Soomaaliya?

Cabdalla Muumin: Maalinta Caalamiga ah ee Dhameynta Isla Xisaabtan La’aanta Dambiyada ka Dhanka ah Suxufiyiinta waa maalin u gaar ah suxufiyiinta adduunka oo dhan – waxayna muhiimad gaar ah ku leedahay Soomaaliya maadaama ay noo tahay xusuus murugo leh ee dhammaan suxufiyiinta walaalaheen ah ee la dhaawacay ama la dilay, iyagoo gudanaya shaqadooda muhiimka ah, balse sidoo kale waa xusuusiye muhiimadda ay leedahay u doodista isbeddelka si loo gaaro cadaalad.

Marka loo eego xogta aan hayno, 12 wariye ayaa lagu dilay dalka tan iyo bishii Febraayo 2017. Sida uu sheegtay guddiga difaaca suxufiyiinta ee CPJ, ilaa 70 wariye ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo 1992 kii. Nasiibdarro, ku dhawaad 99 boqolkiiba dilalkaas, si sax ah looma baarin, dambiilayaashana weli si xor ah ayay u mushaaxayaan.

Tani waxay xoojinaysaa muhiimadda ay Maalintani u leedahay munaasibad loogu qareemayo dhameynta isla xisaabtan la’aanta ceynkaas ah ee dambiilayaasha iyo in cadaalad loo soo taago dhibanneyaasha dartood. Soomaaliya waa inay xuska sanadkan fursad uga dhigtaa ballan cusub oo dhab ah oo lagu afjarayo dilalka suxufiyiinta, lana baaro dhammaan kiisaska suxufiyiinta la dilay, lana maxkamadeeyo dambiilayaasha. Si fudud, dembiyada ka dhanka ah suxufiiinta iyo hawlwadeennada warbaahinta Soomaaliyeed waa in ay dhamaadaan.

Cabdalle Muumin oo ka hadlayay Barnaamij idaacadeed oo toos ah.

S. Maxay SJS sameyneysaa si ay gacan uga geysato difaacidda suxufiyiinta iyo xorriyadda warbaahinta Soomaaliya?

Cabdalla Muumin: Waqti xaadirkan, sida aasaaskeedu yahay, SJS waxay ku dedaaleysaa badbaadinta nolosha suxufiyiinta. Waxaan la xiriirnaa qareennada maxalliga ah, khubarrada amniga iyo suxufiyiinta sare si ay, iyaga oo adeegsanaya khad taleefan oo gaar ah, 24/7 talo u siiyaan suxufiyiinta soo tebiya dhacdooyinka Soomaaliya, oo ay ku jiraan doorashooyinka iyo horumarka goobaha colaadaha.

Guud ahaan, waxaan hiigsaneynaa in aan abuurno madal ay suxufiyiintu, isku dhexgeli karaan, ku xiriiraan, isla markaana ay ku wadaagi karaan hab-dhaqamada ugu wanaagsan, sidoo kalena ay awooddooda ku dhistaan koorsooyin tababbar, siminaarro ama aqoon-is-weydaarsiyo, si ay Soomaaliya maalin uun uga faa’ideysato in ay hesho warbaahinta tayada leh ee ay u qalanto.

Amintan la joogo, SJS waxay hadda qabanaysaa taxane tababar oo ku saabsan badbaadada, oo ay taageerto Sanduuqa Kanada ee Hindisaha Maxalliga ah (CFLI), iyada oo ilaa 60 suxufi ay ka qaybqaadanayaan. Annaga oo kaashanayna bah-wadaagteenna caalamiga ah, waxaan horey u soo helnay koorsooyin tababar kale, waxaana rajeyneynaa inaan wax badan helno mustaqbalka.

S. Taageero noocee ah ayay u baahan yihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed si ay u xoojiyaan difaacooda oo ay u xaqiijiyaan xuquuqdooda?

Cabdalla Muumin: Suxufiyiinta Soomaaliyeed waa unug muhiim ah oo ka mid ah bulshada rayidka ah ee Soomaaliya, waxayna udub dhexaad u yihiin dedaallada nabadeynta iyo dowlad-dhisidda dalka. SJS waxay jeclaan lahayd inay aragto saaxiibada caalamiga ah, sida Qaramada Midoobay, oo taageero dheeraad ah u ballanqaadaya qeybta warbaahinta – ma aha oo kaliya taageeridda koorsooyinka tababarka gaaban, laakiin sidoo kale iyada oo loo marayo mashaariicda horumarinta muddada dheer ee suxufiyiinta iyo warbaahinta. Sidoo kale, QM waxay hore u ahayd mid wax-ku-ool ah, marka ay timaado ka hadalka difaaca xorriyadaha aasaasiga ah, sida xorriyadda ra’yiga, waxaanan ku boorrinayaa inay kaalin mug leh ka qaadato sidii ay ugala doodi lahayd lahayd madaxda dawladda si loo xaqiijiyo in xoriyadda ra’yiga lagu ilaaliyo Soomaaliya.

Saxafiyad muuqaal duubeysa xilli shaqo

Xaquuqda qoraalkaan waxaa iskaleh: HAWLGALKA KAALMAYNTA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Qeybtii 2aad:- Maxay yihiin bulshooyinka sirta?

Markii aad fiiriso aqoontan waxay ku saleysan tahay siddii jiika koraaya ay ugu taxadar lahaayeen doorashadooda ku aadan.

Published

on


Dadka qaar waxay iisheegeen in ay aad halis u yihiin bulshooyinka sirta ah, laakiinse waa kuwa ku howlan siddii ay ula wareegi lahaayeen maamulka dunida. Bulshada aan la  nool nahay waa bulsho aan ku buraarugsaneyn jiritaanka bulshooyinka sirta ah iyo waxa ay damacsan yihiin.

Bulshooyinkani waxa ay ahaayeen kuwa soo kordhiyey dimuqraadiyadda, cilmiga casriga ah, iyo diinta ecumenical. Waxay doorteen madaxdooda, waxayna dejiyeen dastuur ay ku maamulaan hawlahooda. Dunnida aynu ku nool nahay manta ayaa waxaa ka jira loolan adag ay ku jiraan kooxo ama dadyow kala duwan kuwaas oo raba siddii ay ku maamuli lahaayeen adduunka oo dhan iyo aqoonta taalla.

Taabagelinta iyo socod siinta bulshooyinka sirta ah ayaa qeyb ka waddamo badan kuwaas oo markii hore bedelay qaababkii loo sameyn jiray gumeysiga kana dhigay qaab casriyeysan, masiixiyada degta bariga dhexe kuwaas oo gumeysi iyo isir naceyb ku haysa walaalaheen Falastiin ayaa aas aastay nidaam cusub oo lagu magacaabo (Zionism), magarnaayo xiriirka ka dhaxeeyo balse waxaa jirto in ay dadaal kula jirto siddii ay u dhisi lahaayeen Dowlad Yahuudi ah, halkaan ka aqriso.

Inta badan dadka waxba kama soo qadaan markii ay maqlaan waxyaabahan oo kale, balse waa kuwa ay u arkaan in ay yihiin sheekooyin qayaali ah iyo waxyaabo kale laakiinse waa wax jira.

“Had iyo jeer waxaan ahaa qof u baahan aqoonta, siddoo kale waxaa waqti dheer dhagaheyga ka guuxaya waxa la yiraahdo bulshooyinka sirta ah iyo sidda ay u shaqeeyaan. Markii aan dhiganaayay jaamacada waxaan aad u jeclaa maadooyinka Fiisikiska, Xisaabta iyo suugaanta. Siddoo kale waxaan xiiseyn jiray sidda loo sameeyo summadaha iyo tirooyinka, mararka qaar markii aan fasax ku jiro waxaan xiiseeyaa baaritaanada xogaha daahsoon. Wuxuu xiisaheyga guud ahaan uu I siiyay inaan wax ka ogaado wa loo yaqaano bulshooyinka sirta ah ama (Secret Societies), balse waxaan noqday ruux lumay micnaheedu yahay waxaan ogaaday wax badan oo u dhaxeeya sidda: the illimunati, free masonic, knight templer, the Rosicrucians, Skull & Bonnes iyo kuwa kale aan maqlay.”

“maddaama aan kuda galay baaritaan-kan waxaan go’aansaday inaan baadi goobo qoraalo baday ay sameeyeen dadka aan la noolahay balse maan helin. Laakiin si aan wax badan ugu ogaado waxaan soo koobi doonaa warbixin ay diiwaanka galisay Warbaahinta Al-jazeera waxaana wareysigan bixin doonaa Davvid Icke, oo ah baare siddoo kale qoraa In badan wax ka qoray bulshooyinka sirta wuxuuna ku jawaabayaa sidda tan:  “ Bulshooyinka sirta ah waa bulshooyin isku tagtay kuna howlan siddii ay u dabooli lahaayeen ama ay u qarin lahaayeen aqoonta saxda ee maanta dunnida taala, balse markii loo eego waxaa jirto labba dunni oo kala ah:

  1. Midda aynu ku nool nahay waa dunni ay taalo aqoon, balse waxaad moodaa tahay aqoon xididan. Tanina waxaad moodaa in aad loogu shaqeeyay sababtoo ah waxay keentay in ay aqoonta yeelato bulsho gaar ah

 

2.Midda labaad waa kuwa ay ku noolyihiin bulshooyinka sirta waxayna qariyeen aqoonta saxda ah, siddaa darteedna waxa la soo saarey waxa lagu magacaabo (Global Network Secret Societies).

Markii aad fiiriso aqoontan waxay ku saleysan tahay siddii jiika koraaya ay ugu taxadar lahaayeen doorashadooda ku aadan.

Haddii aan ku biiro bulshooyinka sirta ah sidda, free masonic ama The Illimunati ma helayaa aqoonta saxda ah!!!

“ Markii aad fiiriso waxay leeyhiin darajooyin kala sareeyo waxaan ugu horeeyo darajada (Blue Level Degrees), waxaana ugu sareeyo darajada 33 degress. Waxaana qofka marba marka ka danbeyso waxa uu qofka uu helayaa aqoon.”) ayuu yirri Davvid Icke, balse ma ahan wax wanaagsan.

Tani waa mid aan ku wareeray, balse waxaan la sheekeestay qoraa waxaana na dhexmartay sheekadan:

Anniga: qof walibaa wax uu iska indha tirayaa sidda ay nolosha aduun tahay balse waxaa jirta inyar oo fahamtay mooyaanee.

Qorraa: waxaan filaa inaad ka gun gaartay inaad qeexid u hesho bulshooyinka sirta ah?

Anniga: haa, balse waxaan filaa in uu gaabis ku jiro baaritaankeyga laakiinse waxaan codsanaa inaad ila soo wadaagtaan qoraalo haddii ay jiraan.

 

Fadlan haddii aad ka heshay maqaalada nuucaan oo kale ah qeybta fariimaha inoogu reeb aragtidaada mahdsanidiin.

La soco qeybta xigta, halkaan ka aqriso qeybtii hore.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Maxay yihiin bulshooyinka sirta ah?

Tani waa qeybtii ugu horeysay ee aan kaga hadalno bulshooyinka qarsoon (Secret societies), waana sii wadi doonaa haddii uu rabi ogalaado Insh’Allah.

Published

on


Bulshooyinkani waxa ay ahaayeen kuwa soo kordhiyey dimuqraadiyadda, cilmiga casriga ah, iyo diinta ecumenical. Waxay doorteen madaxdooda, waxayna dejiyeen dastuur ay ku maamulaan hawlahooda. Dunnida aynu ku nool nahay manta ayaa waxaa ka jira loolan adag ay ku jiraan kooxo ama dadyow kala duwan kuwaas oo raba siddii ay ku maamuli lahaayeen adduunka oo dhan iyo aqoonta taalla.

Tanni waxaa laga yabaa in aad la yaabbto waxan loola jeedo bulshooyinka sirta ah. Balse waa wax jiro marka loo eego sidda ay u shaqeeyaan ururadan iyo sidda ay saameyn balaaran ugu leeyhiin dunida oo dhan, si kastaba ha noqotee si aan wax badan ugu ogaado arimahan ayaan ku hamiyay in ay muhiim tahay in bulshooyin kan wax laga barto maadaama aysan aheyn kuwa wax laga qaban karo misna laga joojin kara halka uu hiigsigooda yahay.

Bulshooyinka qarsoon ayaa ah kuwa ku dhex milmay aqoonta aynu maanta baranno taasoo keentay in meesha laga saaro aqoonta saxda ah.

Balse waxyar:( “waxaan ku dhashay Soomaaliya. Waxaana ahay qof jecel inuu barto Cilmiga dhaqaallaha, waxaana jeclaa in aan wax kusoo kordhiyo dhaqaalaha dalka. Waxaan galay qaxooti anniga oo raba inaan wax ka barto aqoonta maadiga, markii aan tagay dalka Kenya waxaan ku biiray iskuul ku yaala xeryaha dhagaxleey. Markii aan joogay muddo kooban ayaan dib ugu soo laabtay dalka  anniga oo la yaaban sidda uu xaalka dalka waxaan durba bilaabay inaan ku biro iskuul, maarkii aan ka baxay dugsiga sare waxaab bilaabay jaamacad anniga oo raba inaan wax ka barto cilmiga dhaqaaalaha ayaan kuu biray kuliyda Culuumta Kombuteerka sababtuna waxay tahay in aan awodi waayay qarashaadka aan ku baranaayo kuliyada aan jeclaa.

“muddo ka dib waxaa ii suurta gashay in si qurux badan u dhameysto claassyada ama Simisterada ay ka kooban tahay jaamacada, balse markii aan qalin badashay ayaan ku fikiray inaan noqdo qof hal abuur leh bulshadana wax badan tara, laakiinse markii aan muddo badan ku adkeystay fikikeyga ayaa waxay iso baxday in waqti xaadirkan geedigan uu raran yahay siddaa darteed lama dejin karo lamana joojin karo.”

Asaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “marna suurta gal ma ahan in bulshada ay ku maqasho adiga oo raba inaad sheegto wanaag iyo waxyaabo fiican ilaa iyo inyar mooyaanee, sababtuna waxay tahay in bulshada uu ku dhacay millan sidaa darteedna ayna kusii jeedaan khatar iyo dhibaatooyin farabadan”.

Waxaa soo if baxay ururo u shaqeeya si qarsoon sidda Knight Templer, illimunati, Scotish templer iyo Free Masonic. Dhamaan ururadan waa ururo u taagan in ay dumiyaan nolosha caadiga ah siddoo kale uu han kooda yahay in ay qabsadaan aduunka oo dhan. Dadka qaar oo aan weydiyay waxay ii sheegeen in ay dhibaato u ku tahay bulshooyinka qarsoon balse inteena badan inooma muuqato.

Haddaba si ay dadka oo dhan ay u lumiyaan waxaa ay marka hore qofka ay u muujiyaan in beer laxawsi iyo inay dareensiyaan in uu yahay ruux la jecel yahay balse intaa ka dib waxay qofka baraan beenta si ay marka hore ay kaaga jaraan xariga Alle, intaa ka dib waxay qofka niyadiisa ay ku shubaan xisaab aan jirin marka loo eego. Tusaale ahaan: in qofka bishii loo soo diro lacagti mushaarka ayaa haddana la barayaa sidda uu qofka uu u maamuli lahaa qarashaadka soo gala, siddaa darteed waxay yiraahdaan madaxda sumeysan oo ma noqon karanaa madax waayo markii hore ayaa lgu tareen gareeyaa in uu wax lunsado amase uu sheego sidaa darteedna uu qofka noqodo qof gacmaha u hoorsada dadyow kale.

Si aan wax badan ugu ogaano waan badain karnaa tusaale yaasha Tusaale ahaan: haddii laamo dowlada aan ka mid ahayn loo dhiibo daraasad sidoo kalene la weydiiyo lacagta ku baxeyso daraasada waxay u badan tahay asaga oo raadinaayo hunguri in uu sheego lacag aad u tiro badan siddaa darteedna uu ku lunsado hanti.

Marka laga soo tago marxdalada khaaska ah, waxay buldhooyinka kale ka dhex abuuraan kala fikir duwanaansho waayo haddii ay bulshada isku xiran tahay lama kala geyn karo balse si loo kala geeyo waxay u baahan tahay in marka hore la abuuro shaki kaasoo lagu dhalilaayo wadaadada ama aqoon yahanka bulshada sidaa darteed waa In been laga sheego wadaada si afka u furto una dhaleeceeyo wadaad hebel ama aqoon yahan hebel.

Tani waa qeybtii ugu horeysay ee aan kaga hadlno bulshooyinka qarsoon (Secret societis), waana sii wadi doonaa haddii uu rabi ogalaado insha allah la soco qeybta xigta.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Waa maxay Federaal?

Ma laga yabaa in ay Soomaali usii kala qeybsanto dowladdo yaryar, sababtuna nidaamka federaalka ee ay qaadatay?

Published

on


Federaalka waa Nidaam awoodaha ay wadagayaan labo heer oo dowdaladeed, heer dowlad dhexe iyo heer dowlad goboleed, waxayna ka dhalataa midow ay midoobeen Gobollo, gobol kastana wuxuuu leeyahay Dowlad iyo Dastuur u gooni ah oo waafaqsan Dastuurka Federalka ah, Dowladii ugu horaysay ee caalamka samaysato nidaamka federalka waxaa ay aheed dowlada Maraykanka.

Sannadkii  1787 ayuu Barlamaankii Maraykan xilligaasi ansixiyay in wadanka lagu maamulo Nidaaam Federal waxaa lagu aasaasay 13 dowlad goboleed labo sanno kadib March/4/1789 Barlamanka ayaa ansxiyay Dastuur Federaal ah oo caddeenaayo awoodaha dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyada xubinta ka ah.

Intaasi wixii ka dambeye waxaa soo bateen Gobolada kusoo biirayaan Midowga Maraykana, 12/March/1959  Alaska iyo Hawaay ayaa noqdeen labadii gobo lee ugu dambeysay ee kusoo biiraan midwoga Gobolada maraynakama (United State of America) wuxuuna sidaasi Midowga Maraykna ku noqday 50 Dowlad Goboleed.

Russian Federation waaa waddanka ugu dowlad goboleedyada badan caalamka wuxuu ka kooban yahya 86 dowlad goboleed iyo dowlada dhexe ee fadhida Caasimada Moscow sababtoo ah wuxuu kamid yahay wadanama dhaca labo Qaaradood iyo kabadan taasi ayaa keentay in gobolada lasiiyo awood federal maadama anan dowlad dhexe laga wada maamuli karin waddanka aduunka ugu dulka wayn.

Nidaamka Federaalka dunida waxaa qaatay  ku dhawaad 40 wadan oo la aqoonsan yahay xubina ka ah Qaramada Midowbe.

Nidaamkan Federaalka waxaa astaan u ah labo arrimood oo lagu garto mid waa in Dastuurka Wadanka uu yahay mid aan si fudud loo beddeli karin (Rigid Constitution) wax ka beddelkiisa wuxuu u bahan yahay Codeen Dadweyne oo ka dhacdo dhammaan dowlad Goboleedyada wuxuu cagsi ku yahay Dastuur si fudud wax loogu bedeli karo (Flexible Constitution)  waxaa go’aan ka gaari karo Barlamaanka, Mida labaad ee astaanta u ah federalka waa Aqalka saree e Barlamaanka, wadanka Markuu Federal yahay Barlamaanka wuxuu noqdaa labo Aqal, Aqalka sare oo Matalo Dowlad Goboleedyada waxayna ka shaqeeyan danaha dowlada gobolledyada ay matalaan  iyo Aqalka hoose (Gollaha Shacab) oo matalaan Shacabka kana shaqeeyaan danaha  Shacabka iyo deegaanadooda.

Saamiga Aqalka Sare Barlamaka Federaalka ee Dowlad Goboledyada.

Saamiga qeebsiga Aqalka Sare Barlamaanka Federaalka waxaa gobolada loogu qeebiyaa labo midaam:

  1. Equal Representative oo Macnaheedu yahay in Dowlad Goboleedyada la siiyo saami isku mid ah xubnaha aqalka sarre iyada oo aanan loo fiirinaynin tirada dadka ku nool maamul goboleedyada mida ugu dadka badan iyo mida ugu dadka yar ay xubno isku mid ah ayey ku yeelanayaan Aqalka Sarre. Tusaalle Midowda Maraykanka wuxuu ka kooban yahay 50 dowlad goboleed midkasto wuxuu Baralamanka Aqalka sarre ku leeyahay 2 xubnood sidaasi ayuu Aqalka Sarre ku noqonayaa 100 xubnood oo Senatoro ah.
  2. Weighted Representative oo Macnaheedu yahay in xubnaha Aqalka Sare lagu saleeyo Saamiga ah sida Dowlad goboleedyada u kala shacab badan yihiin iyadoo dowlad Goboleedka ugu shacabka badan oo heli doona tirada ugu badan ee xubnaha aqalka sarre, halka dowlad goboleedka ugu shacabka yar ay qaadanayso tirada ugu yar ee xubanaha aqlka sarre ee Barlamaanka Federalka. Hadba waxaa loo fiirinayaa tirada shacabka kunool dowlad Goboleedyada. Tusaalle Jamhuuriyada Federaalka Jarmalka waxay ka kooban tahay 16 dowlad gobolleed saamiga qalka sarre ay ku qataan sida u kala shacab badan yihiin, Dowlad Goboleedka ugu dadka badan ayaa qaadanayso xubnaha ugu badan Aqalka Sarre.

Maxaa sababo in wadanka qaato nidaam Federaal ah

  1. Wadan ay ku noolyihiin qoomiyado kala duwan oo kala luuqad ah, kala dhaqan ah, si loo mideeyo wadanka wuxuu noqdaa Federaalka oo ay Gobolada yeeshaan dowlad u gooni iyo dowlad dhexe oo ka shaqayso Masaaliixada caamka ah iyo Midnimada wadanka sidii loo adkeen ahaa iyadoo ay ku nool yihiin qowmiyado kala duwan. Tusaalle Switzerland waxaa ku nool dad kasoo kala Jeedaan Faransiis, Jermalka, Talyaani Midkasto luuqadooda ayey ku hadlaan si loo mideeyo waddanka wuxuu qaatay Nidaamka Federalka.
  2. Baaxada Dulka wadan oo aad u wayn mararka qaar waxay keentaa in Dowlada dhexe ay ku adkaato in Gobolada laga maamulo dowlad dhexe adeegyadana la gaarsiiyo wadnka oo dhan taasi ayaa keento in Gobolada la siiyo nidaam dowladeed oo u gooni ah. Tusaalle, Dalka Ruushaka oo ah wadanka ugu dhulka wayn dunidda wuxuu dhulkiisa ku fidsan yahay wax ka badan labo qaaradood, wuxuuna Xuduud dhuleed la wadaagaa Norway oo kamid ah wadamada ugu dambeeyo Waqooyi Galbeed Yurub illaa Kuuriyada Waqooyi oo dhacda waqooyi bari ee Qaarada Aasiya iyo Xadduud baddeed kala dhaxayso Jaziirada ka tirsan Ruushka oo dhacda Pacific dhinaca Alaska ee Maraykanka maadamaa waddanka sidaasi u baaxad wayn yahay waxay qateen Nidaamka Federaalka si loo ilaaliyo Wadajirka dadyowga Ruushka in hal wadan sii ahado.
  1. Markii ay Midowbayaan labada waddan iyo ka badan waxaa laga yabaa in Dalka uu qaato Nidaam Federaal ah si waddamadii midoobay u yeeshaan dowlado gobolleedyo u gooni iyo dowlad midnimo qaran oo ay ku midaysan yihiin. Tusaalle, dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka 1945 markii ay ciidanka isbahaysiga ay ka adkaadeen dowladii Jarmalka ee Naziga oo Hilter Hoggaaminayey waxay waddanka u kala qeybiyeen labo waddan Beriga Jarmalka oo raacsaneed Ruushka iyo Galbeedka Jarmalka oo raacsaneed Gashanbuurta NATO oo Maraykanka hoggaaanka u ahaa.

Dhamaadkii Dagaalkii qaboobaa (Cold War), 3.oktoober.1990 waxaa Midoobeen waddamadii Jarmalka bari iyo Jarmalka galbeed xittaa Caasimada maanta ee Baarliin waxay u kala qeybsaneed labada waddan oo xadka kalla qeybiyo oo ah derbiga wayn.

1990 waxaa Jarmalka bari ka bilaawday kacdoon midnimo doon ah si loo middeeyo labada Jarmal waxaa la dumiyey derbigii xadka ahaa taasi oo aheed biloowgii Midowga Jarmalka. Labadii Dowladood ee midowbay waxay ku heshiiyeen in waddanka lagu Maamulo Nidaam Federaal ah.

Muhiimada ay leedahay Federaalka

In nidaam dowladnimo la gaarsiiyo Gobolada iyadoo loo sii maraayo awood siinta dowlad goboleedyada, waxay fududanaysaa in si gaar ah loogu warqabo baahiyaha Shacabka Madamaa gobol kasto uu leeyahay dowlad u gooni ah oo ka shaqayso danaha shacabka ku nool Golbolada. Laakiin ujeedka ma ahan kala qeybsanaan ee waa wada shaqeyn.

In xafiisyada dowlada dhexe ay ka yaraadaan culays iyo saxmada madamaa addeegyada dowlada dhexe lasii marsiinaayo dowlad goboleedyda., dowlad goboleed kastana ay mas’uul ka tahay adeegyada shacabka loo qabto sida Caafimaadka, Waxbarashada, Aminiga, iyo wixii lamid ah, shacabkana waxay adeegyadaasi kala xisaabtamayaan dowlad goboleedka ay ku noolyihiin.

Nidaamka doorashooyinka wuxuu noqdaa labo, heer Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed waxaana kordhayso ka qeyb qaadashdada tartanka doorashooyinka ee Muwaadiniinta, maadamaa dowlad goboleed kasto uu leeyahay xukuumad iyo barlmaan u gooni ah.

Waddanka markii oo federaal yahay way yartahay in uu ka dhaco Afgambi Ciidan Maadamaa oo xukunka oo baahsan yahay. Badanaa afgambiga wuxuu ka dhaca waddamada leh dowla dhexe oo kaliya (Unitary government) oo waddankana hal meel laga maamulo.

Caqabadaha uu leeyahay nidaamka Federaalka

  1. Waxaa yaraanayso isla xisaabtanka dowlada dhexe iyo shacabka maadamaa dadka lagu mashquuliyay Dowlad Goboleedka ay deganyihiin inay la xisaabtamaan waxaana meesha ka baxdo in lala xisaabtamo dowlada dhexe ee federaalka ah.
  2. Gobolada waddanka ma isku dheeli tirno xaga dhaqaalaha iyo horumarka waxaa jirayso dowlad goboleed leh kheeraad dabiici ah sida webiyaal iyo dhul beereed wax soo saar fiican leh, halka dowlada goboleed kale aysan laheyn wax qeeraad dabiici ah taasi oo keenayso in dalka horumarkiisa aysan isla jaanqaadin (uusan isla socon).
  3. Waxaa hoos u dhac ku yimaado dareenka waddaniyad ee shacabka, waxayna ku mashquulaan Gobolka ay kasoo jeedaan waxayna ilaawaan inay ka qeeb qaataan horomarka guud ee dalka.
  4. Nidaamka Federaalka wuxuu dhawacaa midnimada waddanka waxay keentaa in dowlada dhexe iyo dowlad gobolleedyada ay isku dhacaan oo ay wada shaqeen waayaan taasi oo keento dib u dhac, horumarka waddanka oo mararka qaar waxaa dhaco in dowlad goboleedyada qaar ay ku fikiraan inay noqdaan dowlado madax banaan oo gooni isku taag ku dhawaaqaan sida ku dhacday dalal badan oo calamka. Tusaalle Jamhuuriyadii Federaalka Yugoslaviya waxay ka koobneed 6 dowladgoboleed oo kala ah Bosniya, Croashiya, Serbiya, Sloveniya, Montenegro, waxaa ka dhex jiray qilaaf iyo isqabqabsi dheeraaday oo u dhexeeyey dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, 25/6/1991 Sloveniya iyo Krooshiya ayaa ku dhawaaqeen in ay ka go’een Yugoslaviya.

Arrintaasi waxay shaki gelisay jiritaanka waddanka la oran jiray Yugoslafiya. Ugu dambeyntiina dowlad-goboleedyadii Serbiya ayaa ku dhawaaqday inay go’een, taasi oo keentay inuu lawaayo waddankii Yugoslafiya oo noqday lix dalal. Maanta ma jiro magacii waddankii la oran jiray Yugoslafiya, waa wuxuu sababsaday nidaamkii federaalka ahaa oo ay qaateen. Waa mid kamid ah dhibaatooyinka ay leeyiihiin nidaamyada federaalka, Soomaalidana waxaad moodaa inay waddadaas ku socdaan maanta marka aad fiiriyo hab-dhaqankooda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Qeybtii 2aad: Baahi intee la’eg ayaa loo qabaa xarumaha fikirka ee Soomaaliyeed?

Published

on


Way fiicnaan lahayd haddii aan dhisno hay’ado cilmi baaris ah oo ka shaqeeya dal kasta iyo heerka gobolka guud ahaan waqtiyadaan muhiimka u ah taariikhda dalalkeenna, gaar ahaan kuwa ku howlan dhisidda nabadda oo markaa u baahan in la shaqaaleeyo.

Cilmibaadhistu waa tijaabo iyo imtixaan lagu sameeynayo shey aan wali aqoon fiican loo lahayn. Juquraafi ahaan, inta badan cilmibaadhista waxaa lagu sameeyaa meelaha aan wali la tegin ama aqoonta fiican laga heynin.

Cilmi-baaristu waa qaabka lagu gaaro aqoon cusub, amaba waxaa la yiraahdaa waa: waa baaritaan nidaamsan (aruurin iyo dhiraandhirin xog) taasoo loo qaabeeyo inay horumariso ama ka qayb qaadato aqoonta. Haddaba, isku soo duuboo cilmi-baaristu waa soo saaridda iyo ka gun-gaarida aqoonta iyo cilmiga dahsoon si bulshadu ay u gaarto horumarka ay ku taamayso dhinac walbaba. Cilmi-baaristu way ka duwan tahay qaababka aqoonta lagu gaaro sida akhriska buuggaagta iwm, sababtoo ah waxay leedahay qaab cilmi ah oo la raaco.

Markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya lama helin nidaam waxbarasho ay maamushu dowlad hoose oo sal adag leh balse tani waxay jaanis iyo fursado balaaran siisay dadyow gaar ay ku jiraan dowlado shisheeye iyo shaqsiyaad gaar ah.

Waxaa xaqiiqo ah in ummad walbo ummadaha kale ay kaga horeeyaan inta ay luuqadahooda wax ku bartaan. Ma jiro hal iskuul oo ardada wax ku barata luuqadda Soomaaliga iyada oo luuqadda la isticmaalo ay tahay Carabiga iyo Ingiriiska. Balse dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa lagu amanaa inay soo kordhisay in afsoomaaliga lagu barto manhajka intiisa badan. Iskuullo waxaa jira heerka dugsiga hoose u isticmaallo luuqadda Soomaaliga balse dib ugu wareegay Ingiriiska marka la gaaray heerka dugsiga sare.

Tanina waxay ku tusaysaa baahida loo qabo mideynta xarumo lagu baaro cilmiga baarista iyo sare u qaadida xarumaha fikirka Soomaaliyeed. In ka badan 30-sanno ayaa laga joogaa markii ay burburtay dowladii hoose waxaana sare u kacay xarumaha waxbarshada sidda gaarka loo leeyahay waxayna aad ugu kala duwan yihiin tayada waxbarasho ee laga dhigo Jaamacada iyo Iskuulada.

https://www.unigovec.edu.so/courses-library/

Ma jirto baaritaano lagu sameeyay tayada waxbarashada dalka ayadoo ay jiraan meelo gaar oo lagu sameeyo cilmi baaris laakiin waxay u badan yihiin kuwa ka madax banaan laamaha dowlada, siddoo kalena waxaa dalka kusoo kordhay adeegyo waxbarasho ay maalgashanayaan dowlado shisheeye sidda Turkeyga iyo wadamo kale oo badan.

Soomaaliya iyo wadamo kale oo ka tirsan carabta waxay baahi weyn u qabaan siddii lagu lahaa xarumahan balse taagerida iyo isku duubnaanta dadka ayaa keentay in laheli waayo xarumo ay ku mideysan tahay waxbarshada dunida gaar ahaan wadamada carabta iyo meelo kale oo kamid ah dunnida.

Ka dib halaagii iyo baabi’intii dowladii Tataarka waxay raad lama ilaabaan ku reebtay wadamada Islaamka waxayna tani ku noqotay fajac iyo niyad jab balaaran. Laakiin dadka muslimka iskuma dayin in ay mar kale ay sameeyaan xarumo lagu baaro daraasadaha cilmiga.

Tayada Hay’adaha tacliinta sare awgeed waxaa yaraatay Ia xadido tirada jaamacdaha iyo iskuulada taasi awgeed dowladaha kale ee dunida ayaa diiday in ay aqbalaan nidaamka waxbasharo eek a jira Soomaaliya ( tusaale ahaan Soomaaliya, Bosnia iyo Herzegovina, Ciraaq, Lubnaan, Nicaragua iyo Timor-Leste). Waa wadamada aan sida saxda loo aqoonsaneyn tayada waxbarashadooda waxayna keentay in waxbarshada oo kamid aheyd waxyaabaha aas aasiga aheyd ay gacanta u gashay shaqsiyaad misna lagu eedeeyay in la siyaasadeeyay armiha waxbarashada siddii kol hore dhacday oo kale.

   Maxaa laga dhaxli karaa arimahan haddii aan sameyn xarumaha barista fikirka?

Hadda sidda aan idin kugu soo sheegnay qeybtii hore waxaa laga ma maarmaan ah in lasoo celiyo xarumaha fikirka Soomaaliyeed taasi oo faa’iido iyo mudnaan u leh dalka. Si kastaba ha noqotee lama soo koobi karo dhibaatada laga dhaxli karo la’aanta xarumahan basle halkaan waxaan ku soo gudbin doonaa labbo arimood oo suurta gal ah haddii aan la sameyn.

  1. In ay suulaan waxyaabahii qadiimiga ahaa ee uu dalka lahaa taasoo keeni karto sharaf dhac weyn iyo in ay lunto qeyb ka mid ah taariikhda dalka.

Intaa kaliya kuma eka balse waxaa jiro in jiilka soo socda aysan halkaan ku arki doonin waxyaabo ka haray Awoowayaashii ay dhaleen misna kuwii ka horeeyay.

  1. Sare kac balaaran oo ka dhasha marin habaabin dhanka waxbarashada iyo la waayo cid aruuriso fikirka gaar ah ee ay aminsan yihiin dhalinta soo koreysa.

Waxaa kaloo meesha ka bixi doono in ardeyda ah helaan tusaale hagaagsan ay kaga daydaan baarista ku saleysan cilmiga ay baranayaan, siddo kale waxaa laga yaabaa muddo dhow ka dib in say suulaan cid si sax ah u qorto luuqada afka Soomaaliga.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul