Connect with us

Dhaqaalaha

Itoobiya oo codsatay inay ku biirto ururka dhaqaalaha soo koraya ee BRICS

Wadamada BRICS waxay ka badan yihiin 40 boqolkiiba dadka adduunka iyo qiyaastii 26 boqolkiiba dhaqaalaha adduunka.

Published

on

RW Abiy Axmed

Itoobiya, oo ka mid ah dalalka Afrika ee dhaqaalahoodu aadka u kobcayo, ayaa codsatay inay ku biirto ururka BRICS ee suuqyada soo koraya, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay Khamiistii.

Erayga BRIC waxa alifay Dhaqaaleyahan Goldman Sachs Jim O’Neill 2001 si uu u qeexo kor u kaca Barasiil, Ruushka, Hindiya iyo Shiinaha. Awoodaha BRIC ayaa shirkoodii ugu horreeyay 2009 ku yeeshay Ruushka. Koonfur Afrika waxay ku biirtay 2010, taasoo ka dhigtay magaca BRICS.

“Waxaan filaynaa in BRICS ay na siin doonaan jawaab wanaagsan codsiga aan sameynay,” afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Meles Alem ayaa u sheegay suxufiyiinta, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda ENA.

Itoobiya waxay sii wadi doontaa la shaqaynta hay’adaha caalamiga ah ee ilaalin kara danaheeda, ayuu yirri.

Dalka Geeska Afrika ayaa ah dalka labaad ee ugu tirada badan qaaradda Afrika, balse dhaqaalihiisa waxa uu ku jiraa kaalinta 59-aad ee dunida, sida ay sheegtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF, waxana uu kala bar ka yar yahay waddanka ugu yar ee xubnaha ka ah BRICS ee Koonfur Afrika.

Sannadkii hore Argentina, oo ah waddanka 23-aad ee dhaqaalaha ugu weyn adduunka, ayaa sheegay inay heleen taageerada rasmiga ah ee Shiinaha si ay ugu biiraan kooxda, taas oo loo arko inay tahay beddelka suuqa ee xooggan ee reer Galbeedka. Ururka ayaa sidoo kale horay u sheegay in dalal kale ay iyaguna codsadeen inay ku biiraan.

Wadamada BRICS waxay ka badan yihiin 40 boqolkiiba dadka adduunka iyo qiyaastii 26 boqolkiiba dhaqaalaha adduunka.

Koonfur Afrika ayaa sheegtay Khamiista inay martigelin doonto shir madaxeedka soo socda ee bisha Agoosto sida la qorsheeyay, iyadoo la isla dhexmarayo in loo wareejin karo waddan uusan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin la kulmi doonin eedeymo dambiyo dagaal.

Bishii Maarso, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa soo saartay waaran lagu soo xirayo eedeymo la xiriira in carruur laga soo tarxiilay Ukrayn loona soo tarxiilay Ruushka. Taasi waxay kicisay dood gudaha iyo dibadda Koonfur Afrika, oo ah saxiixa ICC oo ay ku qasban tahay in ay xirto MD Putin haddii uu dalka u yimaado shirka BRICS.

Maxaad ka ogtahay ujeedka wadamada BRICS?

Ereyga la soo gaabiyey ee BRIC, oo markii hore u taagnaa Barasiil, Ruushka, Hindiya iyo Shiinaha, waxa hindisay Jim O’Neill sannadkii 2001 markii uu ahaa madaxa dhaqaalaha bangiga maalgashiga caalamiga ah, Goldman Sachs. Waqtigaas, afarta waddan waxay lahaayeen heerar kobac dhaqaale oo sarreeya iyo calaamadda BRIC waxay u taagan tahay rajo dhaqaale oo mustaqbalka quruumahaas ah.

Awoodda hadda jirta ee BRICS waxay si cad u muujineysaa guul darada ku timaaday Washington ee cunnaqabateynta Ruushka iyagoo ka jawaabayo duulaanka Ruushka ee Ukrayn.

BRICS waxaa loo arkaa inay yihiin kuwa ugu horreeya juquraafi-siyaasadeedka G7 ee hormuudka ka ah dhaqaalaha horumaray, iyagoo la yimaaday hindisooyin tartan sida Bangiga Horumarinta Cusub, Habaynta Kaydadka, nidaamka lacag-bixinta BRICS, Daabacaadda Tirakoobka Wadajirka ah ee BRICS iyo Lacagta kaydka ee BRICS.

Laga soo bilaabo 2022, ururka wuxuu doonaayay inuu balaariyo xubinnimada, iyada oo dhawr waddan oo soo koraya ay muujiyeen xiisaha ay u qabaan ku biirista ururkaan. BRICS waxay amaan iyo dhaleecayn labadaba ka heleen faallooyin badan oo iska soo horjeeda.

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Gorfayn

Gorfaynta Buugga Dabar iyo Hoggaan

Published

on

Gorfaynta
Buugga: Dabar iyo Hoggaan
(Ka Adkaanshaha Nafta)

Tisqaadkaygii koowaad iyo baalfurkii uhoreeyay aan indhahaygu qabteen waxay ahayd aayadda dhahaysa (Qofkii camal wanaagsan sameeyaa naftiisay anfacaysaa).

Samaynta dadaal iyo juhdi waa midka aan ka duulayno maantay, gorfaynteenuna kama talaabayso ujeedka iyo nuxurka buugga iyo wixii aan ka faa’iday intii aan akhrinaayay.

Ujeedka aan idinkula wadaagayo wixii aan kala kulmay buugga, waa in aan lawadaago walaalkay, walaashay si ay uga faa’idaystaan casharada sida qotoda dheer ee looga fekeray iyo qaadaa dhigii soo ifbixidda buuggaan.

Sida aan bilowgaba ku sheegay buugga waxa uu ka hadlayaa waa dhigane naf lahadal ah, waa dhiganayaasha loogu jecel yahay adduunka, waa kuwa loogu akhris badan yahay koonka aynu ku nool nahay sababtoo ah dunida aad arkayso Alle SWC waxa uu udhisay ujeed, waxaana jinka iyo insiga loo keenay ujeed, waa in aan garano sababta naloo keenay dunidaan iyo waxa nala ka doonaayo iyo in aan garano oo aqoonsano nafteena si aan u gaarno yoolkeena iyo hiigsiga aan usocono.

Dabar: Waxaa la dhahaa kolka awra ama geela laga baqo in ay meel fog aadaan ayaa xarig la soo qaataa, deetana waa la dabraa. Masaafada labada jeeni isku jiraan ugu badnaan waa labo taako iyo bar (2.5).

Dabarka ayaa ukala baxa labo qeybood:

A). Dabrin ama seetayn: Waa marka la rabo in awrku ama neefka in uu daaq doonto isagoon meel fog gaarayn haddana ujeedku yahay in uu neefkaas helo quudka maalintaas.

B). Dabrin (Qabirid): Waa marka awrta ama geela labada jeenyood la isku keeno si awood ku jirto oo labada Cag ee jeenyaha ama suulasha la iskorsaaro si uusan udhaqaaqin. Haddii uu dacmo neefku in uu dhaqaaqo waa in uu boodboodaa ama iska istaagaa. Badanaa Qabiridda waxaa la isticmaalaa marka laga baqo awrku in uu dadku laayo, ama uu qooqan yahay oo looga cabsado geela in uu jajabsho ama uu dilo wax kasta oo uu arko waayo awrku haddii uu qooqan yahay dooh iyo Yur toona ma yaqaano.

F.G. Geela keliya looma isticmaalo dabarka ee waxaa loo isticmaalaa gammaanta siiba Dameeraha.

Dabarka aan ka hadlayno ma ahan kan aan soo sharaxnay ee dabarku waa in aad naftaada ka xakamayso wax kasta oo dhaawici kara, dib udhac iyo fiqsi ku hagi karta, waa ka leexidda wixii aan anfac u lahayn, waa ka hortagga wadda kasta oo xun oo ay naftu jeclaysanayso. Waa tii la yiri (Naftu wax kasta oo ay jeceshahay waxay ku hareeraysan yihiin Cadaabta, wax kasta oo culays ku ah waxay ku hareeraysan yihiin jannadda).

Haddaba sidee ayay naftu waxa ay jeceshahay ugu hareeraysan yihiin cadaabda?

Naftu waxay jeceshahay:

1. In wixii ay doonto samayso: In ay dadka xamato, isku dirto, kalagayso, colaad kala dhex dhigto dad ood iyo hilbo wadaag ah, waxay kaalmaysaa shaydaanka.

2. Macsida: Naftu waxay jeceshahay in ay tumato, raaxaysato, dhagaysato heesaha, aysan kala soocin wixii xun iyo wixii saxan, in ay sidii doonto uwalaaqato xumaanta oo dhan.

Dadka inta badan guulaysta waa dadka casharo ka barta wixii uu horay ugu fashilmay ama dadkii ka horeeyay ay ku fashilmeen, waxayna mar walba la tashadaan dadkii uga horreeyay waddadaan iyo tabihii ay ku guulaysteen ama ku guuldaraysteen. Maahmaah ayaa ahayd (God ninkii galaa laga waraystaa) oo waxaan dadkii usoo joogay ayaa wax laga waydiiyaa.

Maahmaah kale ayaa dhahaysay (Nin gu’ kaaweyn, il guruxeedna kaa weyn).

3. Cibaado la’aan: Naftu ma jecla in ay cibaadaysato, ma jecla in ay salaada ukacdo, ma jecla in ay qubaysato ama weeso qaadato, ma jecla in hurdada laga qaso ama loo kacsho salaadda, waxay naftu isku dhiirigelisaa in aysan tukan, xilliga salaadana ay samaysato howlo kale oo qabyo ah ama ay seexato ama iska dhaadhiciso in uu jiro qabow, ama ay dhahdo hadhow baad samaynaysaa waxaas. Naftu ma jecla in ay soonto oo gaajo iyo haraad midna ay ku dhaqaaqdo, waxay jeceshahay in wax kasta oo ay hamiddo samayso naftu. Horaa loo dhahay (Fadhi iyo fuud yicibeed la isku waa).

Haddii aadan haysan xarigga Alle, waxaad tahay ruux aan gaarayn libinta iyo guusha teeda wanaagsan. Ma noqonaysid ruux qorshihiisu ufulo, taladuna waa kaa kala yaacdaa. Alle wuxuu Qur’aanka ku yiri (Qofkii igooyaa, anna waan goyn). Ruuxa waxa uu dadnimo leeyahay markii uu guto waajibaadka Alle, haddii aad rabto in aad hadafkaaga iyo yoolkaaga gaadho waa in aad xarigga Eebbe qabsato.

Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri ( Ruuxii Illaahay ka cabsadda ee sabra, Illaahay ma dayaco dadka wanaaga sameeya ajarkooda).

4. Sadaqo la’aan: Naftu ma jecla in wixii ay haysato in ay bixiso waayo waxaa umuuqanaya fakhri, gaajo, abaar iwm, waxayna qofka ku khasbaysaa in uusan waxba bixin.

5. Jiif oo jaq (Howlyari): Naftu waxay jeceshahay in aysan wax howl ah qaban, in waxkasta ay si fudud ku soogalaan, in ay dadka dhacdo ama tuugsato, in wax kasta oo qof haysto ay ayadu si dhibyar haku hesho xoog iyo xeelad. Ma jecla in ay rafaad badan umarto in ay wax la soo baxdo oo isxakunto.

Naftu intaas lidkeeda ayay neceb tahay, inta ay dhibsato oo dhan waxay ku hareeraysan yihiin Jannadda balse shaydaan ayaa busto qoyan ka saara dhabarka si ay u dareento culays iyo wahsi.

Hoggaan: Hoggaamintu waa in aad naftaada xakamayso, kadibna aad ku hoggaamiso hadafka iyo yoolka aad leedahay. Haddii aad jeceshahay ka guul gaaridda arrin, waa in aad dejisato qorshe cad oo aad ku hagto nafta si aysan dhinacna uga leexan, uguna toosnaato.

Haddii aad go’aansato in aad ka guul gaadhid in aad cibaadaysato waa in aad go’aansato in shanta waqti ku tukato masaajidka, waa in aad la timaado wax kasta oo diintu ku amartay, waa in aad ka dheeraato wax walba oo diintu kaa xarimtay, iskana fogayso wax kasta oo nusqaamin kara cibaadadaada waxaad gaadhaysaa halka aad usocoto.

Aan usoo yare noqdo buugga Dabar iyo Hoggaaan waa dhigane ina baraya sida aan u xakamayn lahayn nafta, uyeelan lahayn qorshe ku dhisan istiraatijiyad, ku dhisan hiigsi, saldhigna looga dhigay fulin bilaa hagrasho ah. Buugga waxa uu ina barayaa waddooyinka aan ku gaari karno guusha, sida iyo taatikada aan utababari karno ruuxda iyo jihaynteeda.

Buugga waxa uu inoo tilmaamayaa waddooyinka ama caadooyinka xunxun ee inoo horseeda guuldarada sida:

A). Cabsida: Qoraaga ayaa inooga digay in aan la noolaano cabsida waayo Cabsidu waa cudurka koowaad ee dila riyooyinka, waxa ugu badan ee qofku ka baqo maahan wax jira waa kutirikuteen ama sawir beenaad ay maskaxdiisu u daartay kadibna uu daawaday qofka. Waxaana qofka maskaxdiisa ku soodhacaysa ama umuuqanayaa dad guuldaraystay, dad nolosha kadhacay, dad isaga ka horeeyay oo waxaan isku dayay balse waxba ka keenin iyo kalsooni la’aan.

B). Cududaar: Qoraaga ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in qofku uu la yimaado cududaar aan loo hayn qiil iyo wax lagu qanci karo. Dadka inta badan la yimaada cududaaro aan waxba ka jirin ama aan lagu qanci karin sida waqti igu filan oo aan howshaas ku qabto ma hayo, dhaqaale aan wax ku bilaabo ma hayo, fursaddaan waa idhaaftay balse dib ayaan uga faa’idaysan, waan da’yarahay, waa igu adagtahay, berri danbe ayaa qaban ama bilaabin, sannadka danbe ayaan qorshaystay in aan howshaas gudagalo, xaalado adag baa iga haysta qoyska iwm.

C). Caajis: Qoraaga ayaa mataanaysay Caajiska iyo Go’aan la’aanta. Caajisku waa fidno iyo cudur dilaa ah oo shakhsiyadda qofka ka dhiga mid aan waxba ahayn, waa dhaqan aan wanaagsanayn oo ku habsaday ummadda oo dhan, waxaana ka badbaaday inyar oo dunida koonkeeda kunool ama dhintay. Caajisku waxa uu waxyeelo ugaystaa hab fekerka qofka, waxa uu daciifiyaa unugyada jirka, waxa uu sallaanka nolosha ka tuuraa nafta, waxa uu wax kama jiraan ka dhigaa hadafka iyo hiigsiga nolosha.

D). Eedaynta dadka: Fashilka iyo xakamayn la’aanta nafta waxay ruuxa u horseedaa in uu eedayn iyo cabbaarayn dusha usaaro cid aan wax shaqo ah kulahayn, cid aan ab iyo sinjitoona shaqo ku lahayn isagoo ama ayadoo nafis ka dhex aragta. Haddii aad aragto qof eed la soo taagan mar walba waa qof ka dhacay nolosha, waa qof aan lahayn hiigsi fog iyo hammi toona, waa qof nolosha ka dhacay balse isku qarinaya ruux si uu eeda dusha uga saaro.

F). Qorshe la’aan: Qorshe la’aantu waxay ka mid tahay caqabadaha soo wajaha qofka maxaayeelay markii aad rabto in aad gaadho hadafkaaga iyo yoolkaaga waa in aad leedahay qorshe cad oo aad wax ku kala waddo.

Markii aad kutalo gasho in aad noqoto qofka koowaad ee guulaystaha ah waa in aad talada ku darsataa in uu jiro ruux adi tartan kula galaya oo masaafadda aad jarto kula jaraya, inta aad hurudo waa uu soo jeedaa, inta aad wax diyaarinayso waa uu kula diyaarinayaa, inta aad cibaadaysanayso waa uu kula cibaadaysanayaa ruuxaas.

Soomaalidu waxay dhahdaa (Ninkii seexdaa sicii dibi dhal) oo ay ula jeedaan qof kasta oo isdhigtaa waxa ku hareeraysan guuldaradda hadafkiisa.

Maahmaah kale waxay ahayd: Saddex weligaa ma gaartid (Ruux qorshe leh, ruux go’aan leh, ruux rabbitaan leh). Qofka hadduu qorshe cad leeyahay, go’aan adag leeyahay, rabbitaanna leeyahay waxa uu si fudud ku gaarayaa hadafkiisa sababtoo ah (Qowl iyo qorsheba waa la caddeeyaa), haddii aadan lahayn qorshe meel ma gaari kartid.

Alle wuxuu Qur’aanka ku yiri (Haddii aad go’aan gaarto, talo saaro Allaah, Allena waa jecelyahay kuwa talada saartee).

J). Kibirka iyo isla waynida: Qofka kibirka badan iyo qofka xishoodka iyo cabsida badan midna meel magaaraan. Kan kibirka badan waxa uu iskala weyn yahay wax kasta oo qof sameeyo, waxa uu isku arkaa in uu dadka wax dheer yahay, waxa uu isku arkaa in uu yahay kan keliya ee dunida ka arrimiya, kan keliya geyigiisa wax laga waydiiyo haddana ay dadku u arkaan mid aan hargiisa dhaafsiisanayn oo aan la tirsan.

Maahmaah ayaa ahayd ( Kibirku harkuu kaa saaraa, hoosna kugu ma simo), si walba oo aad u qabwayn tahay wax qabadkaagu wuxuu ku soo aruurayaa qalbigaaga un waayo cidda kibri kartaa waa Alle weyne oo keliya, waxaad tahay addoon, wax aad dheer tahay ma jiraan khalqiga Alle abuuray.

Horaa loo dhahay saddex waa isqabtaan (Qof qosol badan iyo qof qoonsi badan, qof quud jecel iyo qof aan u quurin, qof qab weyn iyo qof aan u qabin).

Gunta iyo gunaanadka hadalkayga

Qof kasta uu dunida jooga in uusan hilmaamin in dunidu tahay meel lagu hoydo ee aan lagu nagaan. Daarta dhabta ah ee lagu nagaado waa tan aakhiro. Waa tii uu lahaa Xaatim Al-Asam: Maalin kasta oo isoo marta shaydaanku wuxuu idhahaa Maxaad cuntaa? Maxaad lebbisataa? Xagaad degin?

Anna waxaan ku dhahaa:

A). Waxaan cunaa geeri

B). Waxaan lebbistaa kafan

C). Waxaan degin qabri.

Waxaan ka fahmaynaa xikmaddaan kooban sida ku cad buugga Socdaalka Nolosha ee uu qoray Maxamuud Axmed Muuse Tallman, in halganka noloshu tahay mid sahay qaadasho aakhiro aysan ahayn mid lagu waarayo adduunyadaan sababtoo ah waa tii la yiri: Afar shay, afar kuguma simaan:

A). Hantidu taajirnimo kuguma sii hayso.

B). Xinnaysigu shaabnimo (dhalinyarnimo) kuguma sii hayso

C). Daawona caafimaad kuguma sii hayso

D). Nololina sii jirid kuguma sii hayso.

Waa tii uu lahaa Abwaan Yuusuf Cabdulle Muuse qaar ka mida gabaygiisii haddii dunida lagu waarayo.

1. Haddii dunida lagu waarayoo, daayin noqonayso

2. Waxaan laga dileen Nebiyaddii laysu soodirayee

3. Asxaabihii baan degeen, daahirka ahaayee

4. Faadumo iyo dirkeedii ayaa dumug yiraahdeene

5. Daahaa ku noolaan lahaa dalagyadoodiiyee

6. Anse waxaan daliishaday inaan laga danbaynaynee.

Waxkasta oo lasameeyo waxay leeyihiin qodobo laraaco oo lataaban karo waayo waxaad aragtaa ashyaa badan oo fara ku samays ah oo la sooraacsho tusmooyin ku waas oo ka turjumaya qaabka loo addeegsanaayo. Tusaale ahaan, waxaad soogadatay Matoor waxa uuna leeyahay qaab loo isticmaalo Matoorka, waxaana kuu fududaynaya waraaqda yar ee la sooraacsho taasoo ku dhan habkii aad u addeegsan lahayd. Haddaba sidaa silamida ayaa halganka noloshu ay ubaahan tahay in aad fahanto waxyaalaha lagu gaaro sacaadada nolosha adoo ka duulaya Alle ka baqidda iyo waxyaalaha lagaaga baahan yahay.

Taqwada Alle: Waxaa qofkasta oo Alle iyo Rasuulkiisa rumeeyay laga rabaa in uu la yimaado wixii lafaray oo dhan, kana cabsado Eebbihii abuuray oo koonkaan keenay. Waa in uu la yimaadaa taqwo dhab ah iyo Alle ka cabsi ku salaysan khushuuc iyo ilmayn Alle dartii uqabatay.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri: (Kuwa xaqa rumeeyoow dhowra xilka iyo waajibka Alle uu idin saaray dhowrid dhan). Suuradda aali-Cimraan: Aayadda 102.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: (Dhowra xilka iyo waajibka Alle uu idin saaray intii karaankiinna ah). Suuradda al-Taghaabun: Aayadda 16.

Waxaan ka fahmaynaa in aan la nimaano waxkasta oo Alle ina ku waajib yeelay maxaa yeelay waanala waydiin doonaa maalin maalmaha ka mida. Haddaba waxaa nala karabaa in aan la nimaano taqwa iyo Alle ka cabsi si aan ugu guulaysano nolosheena adduun iyo aakhiraba.

Alle wuxuu kaloo yiri kor ahaaye (Kuwa xaqa rumeeyow dhowra cahdiga Alle iyo xilka uu idiin saaray, wax sanna ku hadla). Suuradda al-Axsaab: Aayadda 70.

Waxaan ka fahmayna qowlka Alle in uu nagula dardaarmayo in aan ilaalino balamaha maxaa yeelay dadka islaamka ah waxay gaalka uga duwan yihiin waa ilaalinta balamaha inbadan Alle qur’aankiisa ayuu ku yiri war dhowra oo oofiya balamaha.

Alle waxa uu yiri (Oofiya balamada, balamaha waa lays waydiin doonaaye).

Markale waa tii uu lahaa (Kuwa Alle rumeeyoow oofiya balamaha).

Dhammaan aayaadkaas waxay inoo faa’idaynayaan in aan ilaalino cahdiga iyo balamaha aynu galno.

2. Alle ka cabsiga: Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: (Qofkii Alle ka cabsada oo waajibkii iyo xilkii uu saaray guta, makhraj buu u yeelayaa, meel uusan filayna waa ka irsaaqayaa). Suuradda ad-Dalaaq.

Alle waxa uu inoo balan qaaday ruuxii ka cabsada isaga, gutana waajibaadkiisa Alle, rumeeyana rumayn dhab ah, waxaa loofurayaa waddo uusan ka filanayn wax irsaaqad ah. Alle inbadan aayaadkiisa waxa uu inoo ku sheegay qofkii uu rabana in uu irsaaqo xisaab la’aan, qofkii tala saarsadana Allaah waa nabad geliyaa. Waxkasta oo kugu dhacayana waa qoran yihiin oo Allaah kuu qoray maalintii ruuxda lagu gashay.

Anas bin Maalik (Alle raali haka noqdee) wuxuu yiri: Waqtigii Nebiga (NNKH) waxaa jirey laba nin oo walaalo ah; midkood Nebigu (NNKH) u adeegi jiray, midna camalkiisuu raacan jiray. Maalin baa kan dambe Nebiga (NNKH) uga soo eed sheegtay walaalki una sheegay inuusan noloshiisa wax u kasban. Nebigu (NNKH) wuxuu ugu jawaabay: Waxaa laga yaabaa in laguga irsaaqo dartiis. (Tirmidi baa sanad saxiix ku weriyey).

Qofka islaamka ah waa in uu ahaadaa ruux markasta ujeeda Allaah, kana cabsada, sidoo kalena guta waajibaadkiisa, Alle ma luminaayo ajarkiisa. Waxaan kaloo idinku baraarujinayaa, haddii aad rabtaan in aad ku noolaataan nolol sare waa in aad gudataan waajibaadka Alle. Waxaad ku guulaysanaysaan halgankiina nolosha, waxaana hananaysaa guusha aad dalbaysaan.

Samaynta camal wanaagsan: Waxaa laga rabaa qof kasta in uu la yimaadaa camal midba midka uu ka kheyr badan yahay. Waayo ruuxii sameeyaa wanaag Alle waa ulabo jibaaraa wanaaga uu sameeyay ajarkiis. Haddii aan wacad ku marno in aan gudano wanaag, se waxaan aragnay wanaagii mid ka sii fadli badan waa in aan ku dhaqaaqnaa ka fadliga badan. Waxaad damacday in aad bixiso sadaqo kuna bixiso iskuul, waxaad aragtay masjid la dhisaayo waa in aad ku bixisaa masjidka isagaa fadli badane. Sababtoo ah bogcadaha Alle waxaa ugu fadli badan masaajidda, waxaana ugu xun suuqyada.

Caddayi Ibnu Xaatim (Alle raali haka noqdee) waxaa laga soo xigtay in Nebigu (NNKH) yiri: (Haddii uu qofku dhaarto oo ballan qaado inuu camal falaa oo dabadeed arkaa camal kale oo ka wanaagsan kii hore, waa inuu falaa camalka wanaagsan ee dambe).

Soomaaliduna waxay dhahdaa in adduunka lajooga waxaa diiday shidaad “dhib” taasna waxa ay keentay in malaayiin ummada oo dunida ku nool ay waayaan naftooda iyagoo raadinaya nolol waarta. Waxay usocdaaleen waddan iyagoo isaga gudbaya carro, laba waddan, qaarad. Waxay baadi goob ugalaan sidii ay sacaado ugu noolaan lahaayeen.

Qof walba waa sida uu isagu ugu sadcaalo nolosha. Ruux ayaa usafra in uu helo adduunyo isagoo umaraya waddo aad u dheer oo dhib badan. Waxa uu la kulmaa dhibaato, waa lagu halaagaa, waa kufaa waa kacaa, waa dhididaa, waa daalaa, waa quustaa mar mar. Waxa uu isku dayaa in uu usabro nolosha balse waxa uu arkaa in aysan raali ka ahayn naftiisa xaalka uu ku sugan yahay. Waxa uu gudo galaa in uu isku diyaarsho halgan. Waxa uu usoo tabaabushaystaa in uu tago isagoo diyaarsanaya sahay raadinaya nolol waarta.

Damaca aadanaha waa mid aad u sareeya, waa mid naaqusa, siyaada, dhex dhexaad noqda. Waa mid ummaddu ay ku halaagsamaan waayo bini’aadanka ayaa ah mid naf iyo maalba uhura tabcashada adduunyo iyo in ay kasbadaan maal fara badan. Tani waxay kuu horseedaysaa in aad fahanto meesha aad usocoto iyo meesha aad ka socoto.

Buugga Dabar iyo Hoggaan waxaan bulshada kula talinayaa in ay akhriyaan buuggaas, waa toobiye wanaagsan oo kugu hagaya waddada toosan, waa buug xikmad badan ka buuxdo, waa buug ku siinaya fursad aad ku gaadho halka usocoto, waana sahay aakhiro iyo adduun ku anfacaya.

Qoraaga Buugga: Jawaahir Siciid Nuur

W/Q. Maxamuud Axmed Muuse Tallman

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqaalaha

Ururka G20 ayaa Midowga Afrika u aqoonsaday xubin joogto ah

Ururka Midowga Afrika ayaa dalab rasmi ah ka helay shir madaxeedka New Delhi Sabtidii.

Published

on

Raiisel wasaaraha Hindiya Narendra Modi (M) oo isku duubay Azali Assoumani oo ka tirsan Midowga Afrika shirka G20 ee New Delhi, Hindiya, Sebteembar 9, 2023 © Getty Images / isbahaysiga sawirka

Midowga Afrika (MA) ayaa si rasmi ah u fadhiistay kursigiisii xubin cusub oo ka tirsan kooxda G20 ee hormuudka ka ah dhaqaalaha. Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaaday ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo ka hadlayay shir madaxeedka Midowga Yurub oo Sabtidii ka dhacay magaalada New Delhi.

Midowga Afrika hadda waxa uu la mid yahay Midowga Yurub oo ahaa ururka keliya ee xubin buuxda ka ah gobolka. Magacaabistii hore ee Midowga Afrika waxay ahayd “urur caalami ah oo lagu martiqaaday.”

“Iyadoo qof walba uu raalli ka yahay, waxaan ka codsanayaa madaxa Midowga Afrika inuu u fadhiisto kursigiisa xubinta joogtada ah ee G20,” Modi ayaa ku yiri khudbadiisii furitaanka, iyadoo madaxa Midowga Afrika Azali Assoumani uu markaas kursi ku garab fadhiyo hoggaamiyeyaasha adduunka.

Ururka Midowga Afrika oo la asaasay 1999-kii, waxa uu ka kooban yahay 55 waddan oo Afrikaan ah, waxana uu ka kooban yahay guud ahaan qaaradda oo dhan. Dawladaha xubnaha ka ah waxay si wadajir ah u gaadhaan go’aamo siyaasadeed iyo dhaqaale oo muhiim ah. Mid ka mid ah ujeedooyinka ugu muhiimsan ee MA waa in la tirtiro “hadhaaga gumeysiga iyo midab-takoorka” iyo sidoo kale horumarinta midnimada iyo wadajirka xubnahooda. Koonfur Afrika ayaa horay u ahayd dalka kaliya ee Afrikaan ah ee xubin ka ah G20.

Fikradda ah in Midowga Afrika uu kursi joogto ah ka helo G20 waxaa markii ugu horreysay soo jeediyay madaxweynaha Senegal Macky Sall, oo u sheegay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay Sebteembar 2022 in tallaabadani ay ka dhigan tahay “in Afrika, ugu dambeyntii, ay matasho halka go’aannada laga soo saaro waxay saamaysaa 1.4 bilyan oo Afrikaan ah.”

Kooxda 20

G20 ama kooxda 20 waa gole dowladeed oo ka kooban 19 wadan oo madax banaan, Midowga Yurub (MY), iyo Midowga Afrika (MA). Kooxda 20 waxay ka shaqeysaa si ay wax uga qabato arrimaha waaweyn ee la xiriira dhaqaalaha adduunka, sida xasilloonida maaliyadeed ee caalamiga ah, yaraynta isbeddelka cimilada iyo horumarka waara.

G20 waxa uu ka kooban yahay inta badan wasaaradaha maaliyadda ee ugu dhaqaalaha badan caalamka, oo ay ku jiraan kuwa warshadaha leh iyo kuwa soo korayaba; waxay ka dhigan tahay ku dhawaad 80% wax soosaarka guud ee aduunka (GWP), 75% ganacsiga caalamiga ah, saddex meelood laba meel dadka aduunka, iyo 60% bedka dhulka adduunka.

G20 waxaa la aasaasay 1999 iyada oo laga jawaabayo dhowr dhibaato dhaqaale oo adduunka ah. Laga soo bilaabo 2008dii, waxa la shiray ugu yaraan hal mar sannadkii, iyadoo shirar madaxeedyadu ay ka soo qayb galeen madaxa dawladda ama dawlad-goboleedka, wasiirka maaliyadda, ama wasiirka arrimaha dibadda, iyo masuuliyiin kale oo sarsare; Midowga Yurub waxaa matalaya Guddiga Yurub iyo Bangiga Dhexe ee Yurub.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Dhaca iyo boobka hantida guud maxaa ka dhalan kara bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaan?

Published

on


Erayga iyo dhac ama boob waa mid markiiba ku dhiilo gelinaya kuuna muujinaya in halkaas ay ka jirto in wax lagu qaadanayo awood iyadoo qofka ama dadka laga qaadanayaa aysan raali ka ahayn. Dhacu waa qof awood iyo si qaabdaran ku hantiya wax aannu lahayn, hanti iyo dad, dal  wax kasta oo la taaban karo ama muuqanaya.

Dhaqan ahaan bulshada soomaaliyeed, dhacu waa ka dhaxayn jirey dadka deegaan wada dega iyo kuwa kala duruqsan, waxaana jirey laba siyaabood oo wax loo dhaco, mid wuxuu ahaa qolyo qawlaysato ah oo dadka jidadka u gala, socotada iyo dadka gedislayda ahna ka booba oo ka dhaca hantidooda.

Midka kalena wuxuu ahaa Geel qaadka,  geela oo la kala dhaco guud ahaan geyiga soomaaliyeed waa dhaqan ay ka sinaayeen, marka colaado dhexmaraan ama qaarkood ayaabay u ahayd guul iyo ragganimo inay dhacaan geelasha dadyoowga kale, waagii xeerka kaynta iyo kala awood badnaanta wax lagu maareyn jirey.

Haddana ogoow dhacaasi mar walba ma ahayn mid bulshadu ku wada faraxsantahay kuna qanacsantahay ee wuxuu ahaa mid ay fulliyaan kooxaha falaago ah oo arrinkan u ban baxay, waxaa jira halku dhegyo ay lahaayeen marka ay geela ammaanyaan iyagoo leh : “ Xalaal iyo xoog suu ku xero galo, midna kuma xuma”

Arrintani maaha mid ku kooban soomaalida oo keliya ee dadyoowga kale ee carra edeg ayaa la wadaaga labadan habdhaqan ee qaloocan, boobka iyo dhacu waa midkii abuurey  in gumeyste dad nool ka qaato dhulkooda iyagana dhulal kale geeyo.

Waayihii dambe ee hannaanka ku dhisan sinaanta iyo garsoorka, talo wadaaga iyo nabad ku wada noolaanshuhu hirgalay, guud ahaan waxaa la joojiyey adduunka oodhan, dhaca iyo boobka waxaana laga soo saaray xeerar guud iyo dal walba xeer u gaar ah.

“Halkudhega qormadayda ee ah dhaca hantida guud ee bulsho wada leedahay ayaa ah mid u baahan maanta bulshada soomaaliyeed inay ka qaadato talo iyo go’aan midaysan oo leh xeer iyo xayndaab aan cidna ku xadgudbi karin.”

Sida aan kor ku sheegnay waa qayb ka mid ah nolasha aadanaha lagama waayo dhac iyo sed bursi. Sidaas daraadeed hantida guud waxa timaada marar badan in gacan dambeedis iyo boob awood qalin ku daaban lagu lunsado ama laguba qaato, iyadoo cid is weydiinaysaa jirin. Arrimahan ayaa inta badan yimaad marka uu qofku gabo xil ammaaneedkii loo dhiibtay inuu xadgudubyo.

Bulshada soomaaliyeed oo wacyigoodu yar yahay dhanka dawladnimada ayaa waxa ay u haystaan in badani xadgudubyada loo geysto hantida guud ay tahay keliya xatooyo lacageed iyo dhul lagu habsado. Haddaba waxaan rabaa inaan si weyn halkan ugu lafa gurno una iftiimiyo muuqaalada kala duwan ee xadgudubka hantida guud:

Dhaca iyo boobka hantida guud ee dahsoon.

1.Dheefsiga (Ka macaashida) shaqada dadweynaha

Dheefsiga waxa ay noqonaysaa qofka masuulka ah sida: “Madaxweyne ,, Ra’iisalwasaaare, Wasiir, Agaasime, Maamule, Maareeye  agaasime iyo qofkasta oo haya jago xileed dadweyne marka uu isku dayo In uu ka macaasho jagada uu haayo .ka macaashidda jagadaasi waxa ay leedahay dhowr muuqaal oo ay ka mid yihiin:

B. Bixinta fursado shaqo iyo qandaraas

Masuulku asagoo ka faa’ idaysanaya jagada uu hayo, In uu siiyo qandaraas shirkad uu asagu wax ka leeyahay ama qoyskiisu leeyahay,sidoo kale qandaraaska shirkada la siiyay in uu shardi oga dhigo in uu ku yeesho saami .

T. Faafinta sirta shaqada:

Xarumaha danta guud iyo wasaaradaha , waxa ay soo bandhigaan shaqooyin ay shuruudo ku xiranyihiin oo tartan loo galayo , haddii qofka ka masuulka ah jagadaas uu sirtii iyo su’aalihii imtixaanka, u gudbiyo dad asaga xigto la ah ama uu laaluush ka qaatay, si adeegaas ay uga faa idaystaan, waxa ay noqonaysaa dhac loo gaystay hantidii dadwaynaha.

J. Deeqaha waxbarashada

Haddii la helo fursado deeqo waxbarasho oo dowladdu bixinayso ama laga helayo dalka dibadiisa, kuwaasoo u baahan dadka  la siinayo inay maraan imtixaano iyo tartan,  haddii qofka masuulka ah ama kooxaha xilalka hayaa ku koobaan xigaalkooda, ubadkooda ama dad ay laaluush ka qaateen  lana dhaho iyaga ayaa ku guuleystay waa qayb ka mid ah dhaca iyo boobka hantida.

  1. Xil gudasho la’aan

Qofka shaqaalaha ah ee ka shaqeeya xarumaha dadweynaha waxa uu ku shaqeeyaa heshiis. Waxa uuna ku qaataa shaqadaas Bilgoosad(mushaar) iyo xuquuq kale. Haddaba waxaa saaran qofkaas shaqaalaha ah,  in uu dadweynaha ugu adeego hufnaan iyo kala sooc la aan sidoo kale uu adeegaas iyo shaqadaas ku qabto, sidii lagu heshiiyey, Maalmo la yaqaan iyo gooro la yaqaan sida ku cad heshiiska uu galay ee uu ku mushahar qaato.Haddii taas ay dhici wayso, waxa ay noqonaysaa ku xadgudub hantidii dad waynaha oo lagu xad gudbay.

B. Isdaba marin hawleed

Shaqaalahii oo ka soo dib dhaca xilligii shaqada  iyo ka bixidda shaqada ayadoon la gaarin xiligii ay dhamaanaysay inuu iska maqnaado shuruud iyo wargelin la’aan(Cudur daar)I n aan la dhawrin waqtiga shaqada oo shaqaalaha uu ku bixiyo waqti badan danihiisa gaarka ah sida sheeko ,cunto iyo xaajo gudasho iyo salaad sunno ah tukashadood, iyadoo aan la qaban hawl maalmeedkii la rabay in la dhammeystiro.

T. Adkaynta adeegyada xafiisyada:

In shaqo lagu qaban karo muddo yar laga dhigo mid waqti dheer qaadanaysa. Si loo dhibo qofka muwaadinka ah ee adeega u baahan, dhawr barina la iska daba celceliyo  ama uu daalo qofkaasi iyadoo looga gol leeyahay inuu bixiyo hawl fududay(Sharuur ama Caano) Laaluushka magacyada cusub ee loola baxay.

Waxaa  mudan in la dejiyo xeerar iyo  qawaaniin ma dhaafaan ah oo dhammaan boobka dahsoon ee aan ka soo hadalnay  xadidaya si loola dagaallamo, lunsiga iyo dhaca  hantida dadweynaha si dadban iyo si toos ah.

  1. Bur burinta caddaymaha:

Laamaha kala duwan ee dadwaynaha loogu adeego waxaa ka mid ah kuwa lagu kaydiyo caddaymo ama xogo ku saabsan dadka iyo dalka. Sida laamaha garsoorka iyo hanti dhawrka oo lagu kaydiyo caddaymaha ku saabsan xuquuqda dadwaynaha ha ahaato mid ku saabsan: caddaymaha dhulka, fal dambiyeedka dad kala galay caddaymahood, dhac iyo boob loo gaystay , xuquuqda dadwaynaha iyo hantidooda.

Sidoo kale hay adda sirdoonka ayaa ah meel lagu kaydiyo sirta iyo xogta dalka ku saabsan nabadgelyada dalka, heshiisyada dalka, iyo waxyaabo badan oo lagama maarmaan ah.

Caddaymahaas waa hanti qaran oo la wada leeyahay, waxaana iska leh, dadka ku nool dadkaas ee gaarka u leh waxaana ku xiran ah oo ay nolasha malaayin qof ku xirantahay ku xadgudub keeduna ama faafinteeda ay galaafan karto nolasha malaayiintaas dadka ah eek u dhaqan dhulkaas.

  1. Hantida guud oo loo adeegsado dan gaar ah

Had iyo jeeraale waxaa dhacda in dadka xilalka hayaa ee loo igmaday maamulka hantida guud  in ay u adeegsadaan dano gaar ah:

Sida lacagaha lagu bixinayo xafladdaha, marti qaadyada gaarka ah aan ujeeddo waxgal ah ku fadhiyin iyo socdaal dibadda ah oo aan lahayn hiigsi iyo majiire dhab ah,macana sidoo kale in diyaarado gaar ah loo kireeyo dad aan wax hawl qaran haynin ,Lacagahaa qaabka micno darada ah lagu bixi nayo waxa ay baahi tiri lahayd boqolaal qof oo shacab ah waa hadii dhanka saxda ah loo weecin lahaa

  1. Xatooyo

Xatooyadu waa dhaca ugu badan ee hantida guud ay la kulanto haba ugu darnaato lacagaha caddaanka ah. Lacagahaas oo laga soo qaado goobaha danta guud sida: Gegada diyaaradaha, dakaddaha iyo IWM.  lagacahaas ayaa la lunsadaa ayadoon soo gaarin goobihii loogu tala galay in lagu ilaaliyo sida bangiyada oo kale, qaarkoodka waxaa laga bixiyaa bangiga ayadoon looga bixinayn sifo sharci ah loona isticmaaliyo waddo aan sharci ahayn oo lagu lunsanayo.

Lacagaha la xado waxaa ka mid ah lacagaha ay bixiyaan dawladdaha iyo hay ado ajnabi ah oo ay ubixiyaan dayn ahaan ama deeq , ayadoon gaarin shacabkii lacagahaas la daymiyay oo hadhaw gudideeda laga rabo ayaa la leexsadaa xatooyadu kuma eka lacagta cad, sidoo kale waxaa boob la kulma ,dhulkii danta guud , sida goobihii waxbarashada  iyo goobaha caafimaadka IWM.

________

W/Q. Maxamuud Axmed Muuse Tallman

E-mail. mahamudp@gmail.com

whatspp: +252907635771

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xirfadaha & Teknolojiyada

Maxaa caalamku uga baqayaa aaladaha ku shaqeeya “Garaadka Macmalka ah ee horumarsan” – Artificial Intelligence

Sababaha looga cabsi qabo aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey ayay ka mid yihiin, in mishiinadu ay si iskood ah oo ka madax-banaan aadanaha u shaqayn karaan, iyaga oo amaro iyo tallaabooyin qaadi karaya, in si fudud loogu faafin karo wararka been abuurka ah, inay halis ku noqon karaan shaqooyinka, iwm.

Published

on


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan yeeshay kulankoodii ugu horreeyey ee ku saabsan halisaha ku gedaaman horumarka xawliga ah ee farsamada casriga ah, gaar ahaan, garaadka macmalka ah ee la horumariyey, ama Artificial Intelligence.

Xoghayaha Arrimaha debedda ee Britian James Cleverly oo shirguddoomiyey kulanka golaha ammaanka, maadaama uu bishan July dalkiisu hayo xilka madaxtinimada meertada ah, ayaa sheegay in garaadka macmalka ah ee la horumariyey uu saamayn ballaadhan ku yeelanayo dhinac kasta oo nolosho aadamaha ah.

Wuxuu sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay in dib loo qaabeeyo maamulka guud ee farsamada casriga ah ee caalamka, sababtoo ah, garaadka macmalka ah ee horumarsani wuxuu noqonayaa mid aan xuduud lahayn, isaga oo saamayn ku yeelanaya, isbedelka cimilada, iyo koboca dhaqaalaha ee caalamka.

Wasiirka ayaa ka digay, in farsamadan casriga ahi ay shidaalka ku sii shubi doonto wararka been abuurka ah, taasoo laga yaabo inay iska hor-keento dalalka iyo weliba ururada aan dawliga ahayn.

15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa warbixin siiyey xoghayaha guud Antonio Guterres, Jack Clark oo wax ka asaasay shirkad cusub oo adeegsata garaadka macmalka ah ee horumarsan, iyo Prof. Zeng Yi oo kaaliye agaasime ka ah xarun cilmi-baadhis oo qaabilsan farsamadan casriga ah.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in adeegsiga aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey, gaar ahaan hawlaha milateriga ama kuwa aan milaterigaba la xidhiidhin, inay horseedi karayan tallaabooyin halis ku ah ammaanka iyo xasiloonida caalamka.

Xoghayaha ayaa soo dhoweeyey baaqyo ka imanaya, qaar ka mida dalalka caalamka oo ku baaqaya in la yagleelo hay’ad cusub oo qaabilsan farsamada casriga ah.

Danjiraha Shiinaha ayaa Garaadka Macmalka ah ee la horumariyey ku tilmaamay inuu yahay seef laba af leh, oo yeelan karta wanaag iyo xumaanba, iyada oo ku xidhan, sida aadanuhu u isticmaalo ama loogu sameeyo shuruuc xakamaysa, ama sida la isugu dheeli-tiro sayniska iyo ammaanka.

Sababaha looga cabsi qabo aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey ayay ka mid yihiin, in mishiinadu ay si iskood ah oo ka madax-banaan aadanaha u shaqayn karaan, iyaga oo amaro iyo tallaabooyin qaadi karaya, in si fudud loogu faafin karo wararka been abuurka ah, inay halis ku noqon karaan shaqooyinka, iwm.

Dhinaca kale waxaa Washington ka dhacay kulan kale oo muhiima oo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Sayniska Qaranka ee Maraykanku, kaas oo ay hadal ka jeedisay madaxa guddida isgadhsiinta ee Maraykanka, iyada oo lagu soo casumay khubaro kala duwan oo ka kala socda shirkadaha waaweyn ee isgaadhsiinta, mac-hadyada qaabilsan dhinaca daraasaadka, hay’adaha federaaliga ah ee Maraykanka iyo daneeyayaal kala duwan.

Kulankan ballaadhan ayaa lagu lafa-gurayey ama wax la iskaga weydiinayey fursadaha iyo dhibaatooyinka ay wataan farsamada casriga ah ee garaadka macmalka ah ee la horu-mariyey ama artificial intelligence.

Bilawgii shirkaba waxaa la isweydiiyey su’aalo ay ka mid yihiin, Farsamadan casriga ahi, halis badan ma ku keeni kartaa jiri-taanka aadanaha, taas oo u horseedi karta inay dabar-go’aan? Waa su’aal ay dad badani qariibsan karaan, inay tahay mid ay isweydiinayaan khubaro kala duwani, hase ahaatee waxaa cabsida heerkaas gaadhsiiyey mugdiga badan ee ku jira, horumarka ballaadhan ee ay samaynayso farsamada casriga ah, gaar ahaan, aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee horumarsan.

Guddoomiyaha Guddida Isgaadhsiinta ee Maraykanka Jessica Rosenworcel ayaa sheegtay inay wanaaga ay ka rajaynayso farsamadan casriga ahi, inay ka badan tahay halista ku gedaaman, gaar ahaan marka laga hadlayo, habka looga faa’iidaysanayo farsamadan casriga ah iyo saamaynta ay ku yeelan karto shaqooyinka ay aadanuhu qabtaan, maadaama ay soo baxayaan mishiino iyo aalado kale oo casri ah oo ku shaqaynaya garaad macmal ah oo aad u horumarsan. Sidoo kale waxaa Iyana aan meesha laga saari Karin, su’aalaha laga qabo, saamaynta ay ku yeelan karaan dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka caalamka.

John Chappin oo ah la taliye sare oo ka tirsan machadka sayniska qaranka ayaa sheegay “in haatan la gelayo, kacaankii ama fufkii, garaadka macmalka ah oo horumarsan” taasoo uu ku tilmaamay inay ka mid tahay, “is-bedelleda jiilalka ee farsamooyinka casriga ah” wuxuuna intaas raaciyey in loo baahan yahay in dib loo eego fikradaha aasaaska u ah nidaamyada isgaadhsiinta”.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la isu keeno oo ay dood ka yeeshaan, khubaro aqoon durugsan u leh farsamada casriga ah iyo khubaro kale oo fahamsan, waxyaabaha ay doonayaan macaamiishu iyo xeerarka lagu dhiqi karayo.

Nathan Simington oo ah xubin ka tirsan guddida isgaadhsiinta ee Maraykanka, ayaa farta ku fiiqay, inkasta oo farsamada casriga ahi ay marar badan ku timaado, hannaan la sii saadaalin karo, haddana wuxuu sheegay in haatan ay si lama filaana ay wax waliba u socdaan, isaga oo tusaale u soo qaatay, in hal habeen uun lagu war-helay soo ifbixitaanka ChatGPT oo ku shaqeeya garaadka macmalka ah oo horumarsan, kaas oo saamayn ballaadhan ku yeeshay hab nololeedka.

_____

Xigasho warbaahin: Qoraalkaan ayaa markii hore lagu daabacay VOA Somali. Warbixintan waxaa qaybo ka mida qortay Julie Taboh sidoo kale waxaa ku jira xigashooyin laga soo qaatay wakaaladda wararka ee Reuters

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqaalaha

Waa maxay sababta Hindiya iyo Masar ay u sameynayaan xiriir istaraatiijiyadeed oo cusub?

Falanqaynta: Sida codadka muhiimka ah ee Koonfurta Caalamiga ah, New Delhi iyo Qaahira labaduba waxay ku kala duwan yihiin xidhiidhkooda istaraatiijiyadeed ee ka baxsan Galbeedka.

Published

on


Markii Ra’iisul Wasaare Narendra Modi uu magaalada Qaahira ku booqday dhiggiisa Masar Cabdel Fattah al-Sisi todobaadkii hore, waxay ahayd safarkii ugu horreeyay ee uu Masar ku tago madax ka tirsan Hindiya tan iyo 1997dii.

Shir madaxeedka labada hogaamiye ayaa diirada lagu saaray sare u qaadida xiriirka dhaqaale iyo kan diblomaasiyadeed, xilli suuqyada soo koraya ay si wadajir ah isugu soo dhawaanayaan si ay wax uga qabtaan dhibaatada ka dhalatay kor u kaca heerka dulsaarka caalamiga ah, sicir bararka baahsan, iyo maranka siyaasadeed ee uu Mareykanka ka baxay siyaasadda arrimaha dibadda.

Masar waxay ku jirtaa marxalad xasaasi ah oo ku jirta qorshaheeda soo kabashada dhaqaalaha waxayna u baahan tahay inay ku dhisto dardargelin suuqyo cusub si ay u keento maalgashi aad loogu baahan yahay. Hindiya waxay raadineysaa inay xoojiso maqaamkeeda codka Koonfurta ka hor shirarka G20 ee ka dhacaya New Delhi bisha Sebteembar.

Xiriirka dhow ee labada quwadood ayaa sidoo kale astaan u ah xiisaha Masar ee ballaarinta BRICS.

Muhiimadda xiriirka laba geesoodka ah waxaa hoosta ka xarriiqay Sisi oo ku abaalmariyay Modi Amarka Niilka, sharafta ugu sarreysa ee Masar. Bedelka, Modi ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Wadahadallada aan la leenahay Madaxweynaha waxay ahaayeen kuwo aad u wanaagsan. Waxaan dib u eegnay xiriirka buuxa ee Hindiya iyo Masar waxaana ku heshiinnay inaan sii kordhinno xiriirka dhaqaalaha iyo dhaqanka”.

Aliasger Bootwalla, Maareeyaha Warbaahinta iyo Wacyigelinta ee Gateway House: Golaha Hindida ee Xidhiidhka Caalamiga ah, wuxuu rumaysan yahay in labada dhinacba ay doonayaan inay si dhow u wada shaqeeyaan mustaqbalka. “Xaqiiqda ah in Hindiya ay Masar ku casuuntay goobjooge ahaan madaxtooyada G20, waxay ka hadlaysaa muhiimada xiriirka laba geesoodka ah.”

In kasta oo xiriirka dib loo cusbooneysiiyay uu noqon karo horumar dhow, Masar iyo Hindiya waxay wada ganacsanayeen kumanaan sano. Sanadihii 1950-meeyadii, Nehru iyo Nasser waxay si wada jir ah uga wada shaqeeyeen sidii ay u heli lahaayeen dhaq-dhaqaaq aan toos ahayn, ka hor inta uusan xiriirku qaboojin 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii iyadoo labada waddan ay diiradda saareen arrimaha gudaha intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa.

Sannadkii hore, Hindiya waxay ahayd ganacsiga shanaad ee Masar ee ganacsiga ugu weyn, Sisina wuxuu booqday Delhi bishii Janaayo.

Wadahadalka wuxuu ku salaysan yahay dano-ganacsi

“Booqashada Madaxweyne Modi waxay ku jihaysan tahay ganacsi iyadoo labada dal ay doonayaan inay iska kaashadaan dhinacyo badan,” Matteo Colombo, oo ah cilmi-baare ka tirsan Qaybta Cilmi-baarista ee Clingendael, ayaa u sheegay wakaaladda The New Arab.

Kor u kaca xidhiidhka ayaa ku soo beegmaya xilli Masar ay ka jirto dhibaato dhaqaale oo ay doonayso in ay la wadaagto ganacsiyo cusub si ay u keenaan maalgashi gaar ah. Masar waxa ay rajaynaysaa khasaare xisaabeedkeeda hadda ee sannad-maaliyadeedka soo socda in uu gaadho EGP 848.8 bilyan ($27.4 bilyan) mid ka mid ah siyaabaha ugu waxtarka badan ee lagu xidho farqiga waa in la keeno maalgashi cusub iyo kordhinta dhoofinta.

Wax dhoofinta Masar ee Hindiya waxay hoos ugu dhacday $1.7 bilyan sannadkii hore, halkii ay ahayd $3.5 bilyan sannadkii ka hor, sida lagu sheegay tirokoobyada wakaaladda dawladda Masar ee Capmas. Ku soo noqoshada ganacsiga xooggan ee Hindiya waxay fududeyn kartaa dhimista Masar.

“Dhaqaale ahaan, labada dal waxay raadinayaan inay kordhiyaan xiriirka laba geesoodka ah ee ka ah $7.26 bilyan ilaa $12 bilyan,” Bootwalla ayaa yiri.

Hindiya waxay Masar u aragtaa suuq bartilmaameed u ah warshadaha difaaca ee kobcaya. “Marka la eego dhanka difaaca, labada dal waxay wada shaqeynayaan xilli Hindiya ay ka gudubtay soo dejinta difaaca una guurtay dhoofiye,” Bootwalla ayaa u sheegay TNA.

Modi iyo Sisi ayaa ka wada hadlay haqab-beelka cuntada waxayna kala saxiixdeen heshiis is afgarad ah (MoU) oo ku saabsan iskaashiga dhanka beeraha. Dalka Masar oo ah dalka ugu badan ee soo dejisa qamadiga, waxa uu u soo jeestay Hindiya ka dib duulaankii Ruushka ee Ukrayn sannadkii hore iyo soo dejinta beeraha ee Hindiya oo kordhay sannadihii u dambeeyay.

“Hindiya waxa ay u eeganaysaa Masar dhoofinta beeraha oo dib loo cusboonaysiiyay. Kadib go’doominta Badda Madow, Hindiya waxay Masar u aragtay inay tahay suuq ku habboon wax soo saarkeeda beeraha, “Kabir Taneja, oo ka tirsan Hay’adda Cilmi-baarista Observer ee fadhigeedu yahay Delhi, ayaa yiri.

Maxaa dheeraad ah oo ka baxsan kulanka?

Marka laga soo tago ganacsiga tooska ah ee Masar, Hindiya waxay indhaha ku haysaa fursad ay Masar kala shaqeyso sidii ay u wanaajin lahayd xiriirkeeda kaabayaasha suuqyada Yurub iyo inay ka faa’ideysato marinkeeda marinka Suweys.

“Mid ka mid ah mawduucyada ugu muhiimsan ee laga wadahadli doono waa kaabayaasha. Masar waxay ku jirtaa meel istaraatiiji ah maadaama ay hayso marinka Suweys, Hindiyana waxay u baahan tahay inay hagaajiso xiriirkeeda kaabayaasha si ay si wanaagsan uga ganacsato Yurub,” ayuu yiri Colombo.

In ka badan 12 boqolkiiba ganacsiga adduunku waxa uu maraa kanaalka Suweys iyo kanaalka dheer ee 193 kiiloomitir ayaa noqday mid sii kordheysa oo muhiim ah tan iyo markii la go’doomiyay badda madow sannadkii hore.

“Masar waa lamaane muhiim ah sababtoo ah goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taal. Waxay isku xirtaa Afrika, Aasiya iyo Yurub taasoo ka dhigaysa lama huraan u ah ganacsiga iyo maalgashiga iyadoo Hindiya ay isku dayeyso inay kordhiso raadkeeda Galbeedka Aasiya iyo Afrika,” ayuu yiri Bootwalla.

Xiriir diblomaasiyadeed

Hindiya waxay u aragtaa goobta jireed ee Masar inay tahay mid muhiim u ah diblomaasiyadda iyo sidoo kale arrimaha dhaqaalaha.

Sida laga soo xigtay Taneja, “Hindiya waxay isku dayeysaa inay hogaamiso is-afgarad caalami ah oo aad u xoogan waxayna ku dhiseysaa aagaggaas iskaashiga Koonfur-Koonfureed ee ay bilowday intii lagu jiray masiibada. Hindiya waxay Masar u aragtaa inay tahay albaab laga soo galo Afrika”.

Hindiya waxay qaadanaysaa fursad ay ku soo noolaynayso xidhiidhka Qaahira, xilli siyaasadda Masar ay aad ugu riyaaqsan tahay xukuumadda Modi, ayuu raaciyay Taneja. Xiisadda gobolka ee ballaaran, oo ay ku jirto soo afjaridda go’doominta Qatar iyo xiriirka dhow ee ka dhexeeya Qaahira iyo GCC, ayaa sidoo kale waddada u xaartay in Delhi iyo Qaahira ay sii xoojiyaan xiriirka.

Intii lagu guda jiray shirarka G20 ee Sebteembar ee Delhi, Modi wuxuu u sheegay adduunka hamigiisa ah inuu kor u qaado walaaca Koonfurta dunida (Global South). Hogaamiyaha Hindiya wuxuu iftiimiyay baahida loo qabo dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka siyaasadeed ee hadda jira si loogu oggolaado waddamada Koonfurta Kuuriya inay si wanaagsan u wajahaan caqabadaha casriga ah sida isbeddelka cimilada, masiibada COVID-19, argagixisada, iyo dhibaatooyinka maaliyadeed.

Masar waxay haysataa mawqif aan la barbar dhigi karin oo saameyn ku leh Waqooyiga Afrika iyo sidoo kale Bariga Dhexe, taas oo kicinaysa awoodda Hindiya ee gobolka.

“Marka la eego siyaasadda, Hindiya waxay dooneysaa inay awood u yeelato jagada diblomaasiyadeed ee Masar ee Jaamacadda Carabta iyo sidoo kale mowqifkeeda Afrika, taas oo qayb ka ah dadaalka Hindiya ee ah inay noqoto codka koonfurta caalamka,” Bootwalla ayaa sidaas yidhi.

Dhismaha BRICS

Masar ayaa inta badan laga xayiray suuqyada caalamiga ah ee lagu qiimeeyay doollarka sannadihii u dambeeyay waxayna sahamisay habab maaliyadeed oo kale iyada oo soo saartay boondhiga Samurai ee YEN sannadkii hore iyo curaarta Panda ee reminbi-denorated sanadkan.

Hindiya, oo ay weheliyaan xubnaha BRICS, ayaa ku guda jira habka looga wadahadli karo lacag beddelka doolarka ah ee ganacsiga caalamiga ah, iyagoo si wax ku ool ah u soo jeedinaya soo afjarida awooda dollarka (hegemony dollar). Masar way soo dhawaynaysaa tillaabadan oo kale, waxaana la sheegay inay dalbatay inay ku biirto BRICS, sida uu sheegay safiirka Ruushka ee Masar.

“Xiriirka wanaajiyay ee Masar iyo Hindiya waxa uu ku soo beegmayaa xilli xubnaha BRICS ay si isa soo taraysa u wada shaqaynayaan, waxaana jira dood ku saabsan hannaan ka duwan kan Baanka Adduunka, kaas oo si cad uga faa’iidaysan doona Masar,” ayuu yidhi Colombo.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xirfadaha & Teknolojiyada

Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha oo xarrunteeda ka qabsoomay bandhigga kulliyadaha waxbarasho

Sida aan wada ogsoonahay, xiisaha aad u qabto bilaabista jaamacad ayaa ah qodobbada ugu waaweyn marka la tixgelinayo barnaamij waxbarasho ee jaamacaddeed. Maxay kaga duwan tahay jaamacaddan jaamacadaha kale ee dalka ka jira?

Published

on


Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha ayaa maantoo khamiis tahay ku qabatay Xarruunteeda dhexe ee Muqdisho Bandhigga Kulliyadaha ay Jaamacadda heeyso. Bandhigan gaarka ah ayaa waxa ka qaybgalay arday badan oo xiiseeynaya in ay kusoo biiran jaamacadda iyo u heellan inay galaan safarka ay ku noqonayaan hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, madaama Jaamacadda caan ku tahay cilmiga maamulka, siyaasadda, iyo Dhaqaalaha.

Bandhigga ayaa ku bilawday soo dhaweyn iyo khudbadd xiiso leh uu jeediyay, Madaxweyne xigeenka Jaamacadda, Mudane Jibriil Maxamed, isagoo ku soo dhaweeyay ardayda xiiseynaysa jaamacadda, isla-markaana waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Jaamacadda soo saarista hoggaamiyeyaasha mustaqbalka iyo kobcinta hal-abuurkooda. Xiisaha ardaydu Jaamacadda u haayan ayaa ahayd mid aad loo ga dareemay sida xamaasadda leh ay su’aalo uga weeydiin Kulliyadaha Jaamacadda heeyso gaar ahaan darajada 1-aad oo jaamacaddu muddo saddex sano ku bixiso.

Jaamacadda iyada oo qiraysa muhiimadda ay leedahay in la helo fursaddo loo simanyahay ayaa waxa ay kaloo Bandhiga intuu socday kusoo soo bandhigtay deeqda waxbarasho ee Aadan Cadde, taasoo xoojinaysa himilada Jaamacadda si ay u xoojiso ardayda dabaqad kasta ka timid. Deeqdan ayaa jaamacadda uga Dan leedahay cidna inaan banaan cidlo loo ga tagin dhaqaale daro awgeed.

Sida aan wada ogsoonahay, xiisaha aad u qabto bilaabista jaamacad ayaa ah qodobbada ugu waaweyn marka la tixgelinayo barnaamij waxbarasho ee jaamacaddeed. Barashada maaddooyin aad xiisaynayso waxay noloshaada jaamacaddeed ka dhigaysaa mid aad u fudud oo xiiso badan leh. Waxaana marwalbo wanaagsan in waxbarashadaada jaamacaddeed iyo hadafkaaga nololleed ee aad rabto inaad xaqiijiso inta aad dunida joogto ay islahadaan.

Ardayda qaarkood waxaa maskaxdooda marwalbo ku jira oo ay ogyihiin jaamacadda ay dhigan lahayeen oo wakhti horeba qalbigooda degtay, taasoo ay u arkaan inay ka kororsan doonaan cilmi iyo sharaf ku sumadaysan shahaadada jaamacadda. Halka qaar kalena ay doortaan jaamacad laga heli karo kuliyadaha waxbarasho ee ay xiisaynayaan.

Marwalbo oo aad jaamacad aadayso waxaad u baahan tahay inaad raadiso jaamacad ku habboon yoollalkaaga mustaqbalka. Jaamacad aad ka heli karto kuliyadaha aad dhiganayso iyo sidoo kale maaddooyinka lagu dhigo kuliyada waxbarasho ee aad xiisaynayso. Tartanka adag ee suuqa shaqada ee sii kordheysa awgeed, waxay noqotay in muhiimad gaar ah la iska saaro Tayaynta Nidaamka Waxbarashada Jaamacaddeed ee Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka caalamka. Isbeddelkaas socda awgeed, waa muhiim inaad doorato jaamacad iyo kuliyad waxbaarasho jaamacaddeed oo kaa caawin karaayo hadafyada aad hiigsanayso mustaqbalka fog.

Mala socotaa Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha inay tahay jaamacaddii ugu horreysay ee Afrika laga furay ee bixisa takhasusyo gaar ah? Jaamacadda waxay bixisaa labo kulliyadood oo baahi weyn loo qabo oo kala ah Kuliyadda Dowladnimada & Difaaca iyo Kullliyada Dhaqaalaha, Hal-abuurka & Maamulka.

“Ujeedka koowaad ee jaamacadda ayaa ah in jiilka cusub yeeshaan saameyn isbeddel xooggan leh, iyada oo loo marayo hal-abuurka joogtada ah oo ku saabsan siyaasadda guud, amniga, cilmi-baarista, dhaqaalaha, iyo hal-abuurka ganacsiga si dadku ay ugu noolaadaan nabadgelyo iyo caddaalad la taaban karo.” – Ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed Jibriil, Madaxweynaha Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha.

Jaamacadu waxay sidoo kale bixisaa fursado aad ku qaadan karto koorsooyin leh shahaado oo Online-ka ah oo waliba qaarkiis maalmo kooban aad ku qaadan karto ugu badnaan bil. Iyadoo ujeedka koowaad yahay sidii bulshada qeybaheeda kala duwan loo horumarin lahaa, gaar ahaan dadka raadinaayo fursado kale ay ku horumariyaan naftooda, si kor loogu qaado xirfadaha iyo inay aqoon dheeraad ah ku kordhiyaan CV-yadooda.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Diblomaasiyadda & Dunidda2 hours ago

‘Boqortooyada beenta’: Wasiirka Arr. Dibedda ee Ruushka Lavrov ayaa ku weeraray Reer Galbeedka khudbaddiisa Qaramada Midoobay

Wararka3 hours ago

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in naqshadeynta hoolalka Golaha loo dhan yahay ee QM ay xasuusisay calanka qaniisiinta ee LGTB

Gorfayn3 days ago

Gorfaynta Buugga Dabar iyo Hoggaan

Isir Sooca Beelaha5 days ago

Caddaalad Darro: Muxuu maamulka degmada Wadajir ay ku heystaan Asad Cabdi, haddii uusan dambiile aheyn?

Diblomaasiyadda & Dunidda6 days ago

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay: Maxaa laga filan karaa kulanka ay isugu imanayaan hoggaamiyeyaasha adduunku ee toddobaadkan?

Wararka6 days ago

Wadamadii hore ee Faransiiska gumaysan jiray ayaa abuuray isbahaysi milatari

Buuggaag6 days ago

Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga – Faallo kooban

Buuggaag6 days ago

Gorfaynta Buugga Murtida Dardaaran Haween – Faallo kooba

Buuggaag6 days ago

Gorfaynta Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya – Faallo Kooban

Buuggaag6 days ago

Gorfaynta Buugga Ummadaha Jirraban – Faallo kooban

Buuggaag6 days ago

Gorfaynta Buugga Naftii Hure – Faallo Kooban

Buuggaag6 days ago

Gorfaynta Buugga Aafooyinka Baraha Bulshada – Faallo kooban

Buuggaag6 days ago

Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban

Qoyska & Horumarinta Bulshada2 weeks ago

Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?

Dhaqaalaha2 weeks ago

Ururka G20 ayaa Midowga Afrika u aqoonsaday xubin joogto ah

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Mareykanka oo joojinaya joogitaanka militari ee Niger – Politico

Wararka2 weeks ago

Dhulgariir xooggan oo ku dhuftay dalka Marooko ayaa dilay in ka badan 2,000 oo qof

Afrika2 weeks ago

In ka badan 60 qof ayaa lagu dilay weerarro lagu qaaday doonyo iyo xero ciidan oo ku taal Maali

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Xagguu marayaa dagaalka dowladda Soamaaliya ee ka dhanka ah Al-shabaab?

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

Dowladda Soomaaliya ‘oo wax ka qabaneysa’ arrimo ay ka cabteen saxaafadda

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

107 Al-shabaab ah oo isku soo dhiibay dowladda Federaalka

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

Dhowr qodob oo kuu horseedi kara inaad horumar ka sameyso noloshaada

Afrika3 weeks ago

Hogaamiyihii afgambiga ku qabsaday dalka Gabon ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweyne ku meel gaar ah

Bariga dhexe3 weeks ago

Israa’iil ayaa furtay safaaraddeeda Baxrayn, saddex sano ka dib markii ay caadi ka dhigeen xiriirkooda

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

Wax ka beddel tallaabooyin kaagii hore

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

U dhabar adayg maalmaaha adag ee kusoo mara, waa haddii aad rabto isbeddel dhab ah

Afrika3 weeks ago

Ruushka oo diidmada qayaxan ku diiday cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee saaran dal Afrikaan ah

Afrika3 weeks ago

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub oo ka fal celiyay afgambiyada Afrika

Afrika3 weeks ago

Afgambi ayaa ka dhacay dalka Gabon – AFP

Geeska Afrika3 weeks ago

Qaramada Midoobay oo soo bandhigtay tirada dadka ku dhintay iska horimaadyada ka dhacay Itoobiya

Xafiiska Wararka3 weeks ago

In ka badan 70 qof ayaa ku dhintay dab ka kacay Koonfur Afrika

Siyaasadda Soomaaliya4 weeks ago

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo dib uga guurtay deegaano ay hore uga qabsadeen argagixisada Al-Shabaab

Afrika4 weeks ago

Masar, Suudaan iyo Itoobiya ayaa wada-hadallo uga socday Qaahira, kuwaas oo ku saabsan biyo-xireenka GERD ee muranka dhaliyay

Geeska Afrika4 weeks ago

Taliyaha ciidamada Suudaan Burhaan ayaa ku wajahan Masar, waa safarkiisa ugu horeeyay ee dibadda ah tan iyo colaada

Afrika4 weeks ago

Kooxda Daacish ayaa guulo waaweyn ka gaartay Maali, sida ay sheegeen khubarada Qaramada Midoobay

Siyaasadda Soomaaliya4 weeks ago

Maleeshiyada Taageersan Somaliweyn oo la wareegay saldhig ciidan oo ay leeyihiin maamulka Somaliland

Geeska Afrika4 weeks ago

Madaxweynihii Gobolka Amxaarada ee Itoobiya oo iscasilay – sababta waa maxay?

Wararka4 weeks ago

Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ka socda duleedka Ceeldheer

Wararka4 weeks ago

Niger oo eriday safiirkii Faransiiska

Xafiiska Wararka4 weeks ago

Dowladda Danmark ayaa doonaysaa inay mamnuucdo gubista Kitaabka Qur’aanka

Xul