Connect with us

Xirfadaha & Teknolojiyada

Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha oo xarrunteeda ka qabsoomay bandhigga kulliyadaha waxbarasho

Sida aan wada ogsoonahay, xiisaha aad u qabto bilaabista jaamacad ayaa ah qodobbada ugu waaweyn marka la tixgelinayo barnaamij waxbarasho ee jaamacaddeed. Maxay kaga duwan tahay jaamacaddan jaamacadaha kale ee dalka ka jira?

Published

on


Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha ayaa maantoo khamiis tahay ku qabatay Xarruunteeda dhexe ee Muqdisho Bandhigga Kulliyadaha ay Jaamacadda heeyso. Bandhigan gaarka ah ayaa waxa ka qaybgalay arday badan oo xiiseeynaya in ay kusoo biiran jaamacadda iyo u heellan inay galaan safarka ay ku noqonayaan hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, madaama Jaamacadda caan ku tahay cilmiga maamulka, siyaasadda, iyo Dhaqaalaha.

Bandhigga ayaa ku bilawday soo dhaweyn iyo khudbadd xiiso leh uu jeediyay, Madaxweyne xigeenka Jaamacadda, Mudane Jibriil Maxamed, isagoo ku soo dhaweeyay ardayda xiiseynaysa jaamacadda, isla-markaana waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Jaamacadda soo saarista hoggaamiyeyaasha mustaqbalka iyo kobcinta hal-abuurkooda. Xiisaha ardaydu Jaamacadda u haayan ayaa ahayd mid aad loo ga dareemay sida xamaasadda leh ay su’aalo uga weeydiin Kulliyadaha Jaamacadda heeyso gaar ahaan darajada 1-aad oo jaamacaddu muddo saddex sano ku bixiso.

Jaamacadda iyada oo qiraysa muhiimadda ay leedahay in la helo fursaddo loo simanyahay ayaa waxa ay kaloo Bandhiga intuu socday kusoo soo bandhigtay deeqda waxbarasho ee Aadan Cadde, taasoo xoojinaysa himilada Jaamacadda si ay u xoojiso ardayda dabaqad kasta ka timid. Deeqdan ayaa jaamacadda uga Dan leedahay cidna inaan banaan cidlo loo ga tagin dhaqaale daro awgeed.

Sida aan wada ogsoonahay, xiisaha aad u qabto bilaabista jaamacad ayaa ah qodobbada ugu waaweyn marka la tixgelinayo barnaamij waxbarasho ee jaamacaddeed. Barashada maaddooyin aad xiisaynayso waxay noloshaada jaamacaddeed ka dhigaysaa mid aad u fudud oo xiiso badan leh. Waxaana marwalbo wanaagsan in waxbarashadaada jaamacaddeed iyo hadafkaaga nololleed ee aad rabto inaad xaqiijiso inta aad dunida joogto ay islahadaan.

Ardayda qaarkood waxaa maskaxdooda marwalbo ku jira oo ay ogyihiin jaamacadda ay dhigan lahayeen oo wakhti horeba qalbigooda degtay, taasoo ay u arkaan inay ka kororsan doonaan cilmi iyo sharaf ku sumadaysan shahaadada jaamacadda. Halka qaar kalena ay doortaan jaamacad laga heli karo kuliyadaha waxbarasho ee ay xiisaynayaan.

Marwalbo oo aad jaamacad aadayso waxaad u baahan tahay inaad raadiso jaamacad ku habboon yoollalkaaga mustaqbalka. Jaamacad aad ka heli karto kuliyadaha aad dhiganayso iyo sidoo kale maaddooyinka lagu dhigo kuliyada waxbarasho ee aad xiisaynayso. Tartanka adag ee suuqa shaqada ee sii kordheysa awgeed, waxay noqotay in muhiimad gaar ah la iska saaro Tayaynta Nidaamka Waxbarashada Jaamacaddeed ee Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka caalamka. Isbeddelkaas socda awgeed, waa muhiim inaad doorato jaamacad iyo kuliyad waxbaarasho jaamacaddeed oo kaa caawin karaayo hadafyada aad hiigsanayso mustaqbalka fog.

Mala socotaa Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha inay tahay jaamacaddii ugu horreysay ee Afrika laga furay ee bixisa takhasusyo gaar ah? Jaamacadda waxay bixisaa labo kulliyadood oo baahi weyn loo qabo oo kala ah Kuliyadda Dowladnimada & Difaaca iyo Kullliyada Dhaqaalaha, Hal-abuurka & Maamulka.

“Ujeedka koowaad ee jaamacadda ayaa ah in jiilka cusub yeeshaan saameyn isbeddel xooggan leh, iyada oo loo marayo hal-abuurka joogtada ah oo ku saabsan siyaasadda guud, amniga, cilmi-baarista, dhaqaalaha, iyo hal-abuurka ganacsiga si dadku ay ugu noolaadaan nabadgelyo iyo caddaalad la taaban karo.” – Ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed Jibriil, Madaxweynaha Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha.

Jaamacadu waxay sidoo kale bixisaa fursado aad ku qaadan karto koorsooyin leh shahaado oo Online-ka ah oo waliba qaarkiis maalmo kooban aad ku qaadan karto ugu badnaan bil. Iyadoo ujeedka koowaad yahay sidii bulshada qeybaheeda kala duwan loo horumarin lahaa, gaar ahaan dadka raadinaayo fursado kale ay ku horumariyaan naftooda, si kor loogu qaado xirfadaha iyo inay aqoon dheeraad ah ku kordhiyaan CV-yadooda.

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Xirfadaha & Teknolojiyada

Maxaa caalamku uga baqayaa aaladaha ku shaqeeya “Garaadka Macmalka ah ee horumarsan” – Artificial Intelligence

Sababaha looga cabsi qabo aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey ayay ka mid yihiin, in mishiinadu ay si iskood ah oo ka madax-banaan aadanaha u shaqayn karaan, iyaga oo amaro iyo tallaabooyin qaadi karaya, in si fudud loogu faafin karo wararka been abuurka ah, inay halis ku noqon karaan shaqooyinka, iwm.

Published

on


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan yeeshay kulankoodii ugu horreeyey ee ku saabsan halisaha ku gedaaman horumarka xawliga ah ee farsamada casriga ah, gaar ahaan, garaadka macmalka ah ee la horumariyey, ama Artificial Intelligence.

Xoghayaha Arrimaha debedda ee Britian James Cleverly oo shirguddoomiyey kulanka golaha ammaanka, maadaama uu bishan July dalkiisu hayo xilka madaxtinimada meertada ah, ayaa sheegay in garaadka macmalka ah ee la horumariyey uu saamayn ballaadhan ku yeelanayo dhinac kasta oo nolosho aadamaha ah.

Wuxuu sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay in dib loo qaabeeyo maamulka guud ee farsamada casriga ah ee caalamka, sababtoo ah, garaadka macmalka ah ee horumarsani wuxuu noqonayaa mid aan xuduud lahayn, isaga oo saamayn ku yeelanaya, isbedelka cimilada, iyo koboca dhaqaalaha ee caalamka.

Wasiirka ayaa ka digay, in farsamadan casriga ahi ay shidaalka ku sii shubi doonto wararka been abuurka ah, taasoo laga yaabo inay iska hor-keento dalalka iyo weliba ururada aan dawliga ahayn.

15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa warbixin siiyey xoghayaha guud Antonio Guterres, Jack Clark oo wax ka asaasay shirkad cusub oo adeegsata garaadka macmalka ah ee horumarsan, iyo Prof. Zeng Yi oo kaaliye agaasime ka ah xarun cilmi-baadhis oo qaabilsan farsamadan casriga ah.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in adeegsiga aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey, gaar ahaan hawlaha milateriga ama kuwa aan milaterigaba la xidhiidhin, inay horseedi karayan tallaabooyin halis ku ah ammaanka iyo xasiloonida caalamka.

Xoghayaha ayaa soo dhoweeyey baaqyo ka imanaya, qaar ka mida dalalka caalamka oo ku baaqaya in la yagleelo hay’ad cusub oo qaabilsan farsamada casriga ah.

Danjiraha Shiinaha ayaa Garaadka Macmalka ah ee la horumariyey ku tilmaamay inuu yahay seef laba af leh, oo yeelan karta wanaag iyo xumaanba, iyada oo ku xidhan, sida aadanuhu u isticmaalo ama loogu sameeyo shuruuc xakamaysa, ama sida la isugu dheeli-tiro sayniska iyo ammaanka.

Sababaha looga cabsi qabo aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey ayay ka mid yihiin, in mishiinadu ay si iskood ah oo ka madax-banaan aadanaha u shaqayn karaan, iyaga oo amaro iyo tallaabooyin qaadi karaya, in si fudud loogu faafin karo wararka been abuurka ah, inay halis ku noqon karaan shaqooyinka, iwm.

Dhinaca kale waxaa Washington ka dhacay kulan kale oo muhiima oo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Sayniska Qaranka ee Maraykanku, kaas oo ay hadal ka jeedisay madaxa guddida isgadhsiinta ee Maraykanka, iyada oo lagu soo casumay khubaro kala duwan oo ka kala socda shirkadaha waaweyn ee isgaadhsiinta, mac-hadyada qaabilsan dhinaca daraasaadka, hay’adaha federaaliga ah ee Maraykanka iyo daneeyayaal kala duwan.

Kulankan ballaadhan ayaa lagu lafa-gurayey ama wax la iskaga weydiinayey fursadaha iyo dhibaatooyinka ay wataan farsamada casriga ah ee garaadka macmalka ah ee la horu-mariyey ama artificial intelligence.

Bilawgii shirkaba waxaa la isweydiiyey su’aalo ay ka mid yihiin, Farsamadan casriga ahi, halis badan ma ku keeni kartaa jiri-taanka aadanaha, taas oo u horseedi karta inay dabar-go’aan? Waa su’aal ay dad badani qariibsan karaan, inay tahay mid ay isweydiinayaan khubaro kala duwani, hase ahaatee waxaa cabsida heerkaas gaadhsiiyey mugdiga badan ee ku jira, horumarka ballaadhan ee ay samaynayso farsamada casriga ah, gaar ahaan, aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee horumarsan.

Guddoomiyaha Guddida Isgaadhsiinta ee Maraykanka Jessica Rosenworcel ayaa sheegtay inay wanaaga ay ka rajaynayso farsamadan casriga ahi, inay ka badan tahay halista ku gedaaman, gaar ahaan marka laga hadlayo, habka looga faa’iidaysanayo farsamadan casriga ah iyo saamaynta ay ku yeelan karto shaqooyinka ay aadanuhu qabtaan, maadaama ay soo baxayaan mishiino iyo aalado kale oo casri ah oo ku shaqaynaya garaad macmal ah oo aad u horumarsan. Sidoo kale waxaa Iyana aan meesha laga saari Karin, su’aalaha laga qabo, saamaynta ay ku yeelan karaan dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka caalamka.

John Chappin oo ah la taliye sare oo ka tirsan machadka sayniska qaranka ayaa sheegay “in haatan la gelayo, kacaankii ama fufkii, garaadka macmalka ah oo horumarsan” taasoo uu ku tilmaamay inay ka mid tahay, “is-bedelleda jiilalka ee farsamooyinka casriga ah” wuxuuna intaas raaciyey in loo baahan yahay in dib loo eego fikradaha aasaaska u ah nidaamyada isgaadhsiinta”.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la isu keeno oo ay dood ka yeeshaan, khubaro aqoon durugsan u leh farsamada casriga ah iyo khubaro kale oo fahamsan, waxyaabaha ay doonayaan macaamiishu iyo xeerarka lagu dhiqi karayo.

Nathan Simington oo ah xubin ka tirsan guddida isgaadhsiinta ee Maraykanka, ayaa farta ku fiiqay, inkasta oo farsamada casriga ahi ay marar badan ku timaado, hannaan la sii saadaalin karo, haddana wuxuu sheegay in haatan ay si lama filaana ay wax waliba u socdaan, isaga oo tusaale u soo qaatay, in hal habeen uun lagu war-helay soo ifbixitaanka ChatGPT oo ku shaqeeya garaadka macmalka ah oo horumarsan, kaas oo saamayn ballaadhan ku yeeshay hab nololeedka.

_____

Xigasho warbaahin: Qoraalkaan ayaa markii hore lagu daabacay VOA Somali. Warbixintan waxaa qaybo ka mida qortay Julie Taboh sidoo kale waxaa ku jira xigashooyin laga soo qaatay wakaaladda wararka ee Reuters

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xirfadaha & Teknolojiyada

Saameynta Robot-yada Mustaqbalka

Published

on


Aalada casriga ah ee loo yaqaan Robotic ama Robots-ka waa mashiino soo shaac baxay dhexdhexaadkii qarnigii 20aad aadna u qabsaday dunida qarnigan hada lagu jiro ee 21aad. Mashiinadan waa aalodo tikjnoolajiyadeed hoos taga daraasad cilmiyeedka oo loo yaqaan Artificial Intelligence oo ah in mashiinada loo borogaraamiyo in ay u dhaqmaan sida bini’aadamka oo kale.

Mashiinadan waxa ay arag ahaan ku shaqeeyaan aaladaha araga sida kaamirooyinka iyo ilaha artificial-ka ah, maqal ahaanna waxay u isticmaalaan microphones-ka. Aalada robotka waxa laga sameeyaa matooro isku tagay iyo jir artifical ah, waxaana hago ama koontoroolo badanaa bini’aadamka laakiin mustaqbalka dhaw waxaa la rajeenayaa in robot-yadu ayaga 100% iskood wax u qaban doonaan si atomatik ahna loo borogaraamiyo.

Sida aan wada ogsoonahay waxaa lagu jiraa qarniga 21aad oo ah qarni ku caan baxay tiknoolajiyada, loogu magac darayna “qarnigii tiknoolajiyada”. Qarnigan waa qarni adduun weynaha uu ku loolantamaayo soo saarida mashiinada casriga ah ee Robots-ka haddii ay ahaato robot-yo qabanaayo howlo kala duwan sida: Robot kabalyeeri ah, Robot darawal ah iyo mid askari ah oo loo addeegsado dagaalada. Aaladan robot-ka waa aalad badashay nolosha aadanaha sanadihii u danbeeyay, ayadoo ku yeelatay nolosha bini’aadamka saameyn aad u weyn.

Injineerada naqshadeeya Robots-ka ayaa ku howlan in mustaqbalka dhow robot-yada loo ekeesiiyo sida bini’aadamka oo kale. Waxay injineeradu kadhigi doonaan robot-yada kuwa leh jidh artificial ah oo u ek kan aadanaha, timo buruko ah iyo indho kamuuqaal sareeya kuwa bini’aadamka, sidoo kale in robot-ka uu dareemi karo taabashada, la dhaqmi karo aadanaha.

Robot-yada shaqooyin badan bay la wareegi doonaan mustaqbalka 

Waqtigan lagu jiro Robot-yadu waxa ay si tartiib ah ula wareegayaan shaqooyin badan oo awal bini’aadamka qaban jiray sida in ay robot-yadu kashaqeeyaan maqaayadaha,  noqdaan kuwa dalabka qaada sidoo kale robot-yada waxa ay noqdeen kuwa awood u leh in ay sameeyaan kafeyga, waxay kaloo qabtaan shaqooyin badan sida in ay haggaajiyaan guryaha, wadi karaan gawaarida, noqdaanna kuwa tilmaamaha bixiya.

Inkastoo shaqooyinkan aysan 100% la wareegin robot-yada laakiin waxaa soo badanaya ganacsadayaasha adeegsado robots-ka. Waxaa la saadaaliyay in mustaqbalka dhaw 2077 iyo wixii kadanbeeyo 40% shaqooyinka lawareegi doonaan robot-yada, waxaa kaloo laga cabsi qabaa in robot-yadu lawareegaan shaqooyin-ka kusaleysan maamulka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xirfadaha & Teknolojiyada

Noocyada Jabsadeyaasha Kombuutarka u Kala Baxaan

Published

on


Waa kuma jabsade?

Badanaa markaad maqasho erayga Hacker waxaa kugu soo dhacayo inuu yahay dambiile tuug ah oo si sharci darro ah dadka u dhaco asagoo adeegsanyo kombuyutarka.

Hadaba Hacker ama jabsade waa shaqsi leh xirfad dheeri ah, una isticmaalo kombuyuutar-ka si kabaxsan sidii loogu tala galay.

Hacker-ku waxa uu noqon karaa mid wanaagsan, mid xun iyo mid aannan labada dhinacba meel heesan. Erayga Hacker badanaa waxa uu u taaganyahay qof xirfadiisa u isticmaalo si uu helo xog aanan loo fasaxin ama gudaha ugalo system ama nidaam’ aanan loo ogoleyn asagoo wax fasax ah heysan.

Tusaale ahaan jabsadaha waxaa laga yaabaa inuu jabsado system-ka dhan oo ay shirkad ku shaqeeneysay ama uu jabsado qof ciwaankiisa asagoo dhibaato ugeysanayo qofkaas sumcadiisa.

Noocyada jabsadayaasha?

Hacker-ku waxa uu u kala baxaa seddex qeybood oo kala ah:

  1. White Hat Hackers “Koofiyad cad”:  Koofiyad cad waa kuwa wanaagsan ahna hackers u shaqeeya qaab sharci ah, ahna kuwa difaaca sytem-yada shirkadaha ama u shaqeeya wadankooda si ay u difaacaan in la jabsado xogaha dalkooda waxaana loo yaqaanaa Ethical Hackers.

White hat hackers badanaa waxa ay qabtaan ama kahor tagaan weerarada lagu soo qaado shirkadaha ay u shaqeeyaan ayna u xaliyaan meelaha uu ka jilicsanyahay system-ka shirkadaha ay u shaqeeyaan. Shirkadaha sida Facebook, Google iyo Microsoft ayaa isticmaalo Hacker-ada noocaan ah.

  1. Black Hat Hackers “Koofiyad Madaw”: Black hat hackers ama koofiyad madaw waa kuwa aadka u xun ee u isticmaala kombuyuutarka si sharci daro ah si ay u helaan xoggo aanan loo ogoleyn, waa kuwa ku beero virus systemka shirkadaha, ahna kuwa jabsado bank-yada si ay u dhacaan lacago aad u fara badan, waxaa loo yaqaanaa dambiilayaasha kombuyuutarka.

Waxaa jirro kooxo badan oo koofiyad madaw ah caalamka ka ah dambiilayaal waa weyn kuna xukuman dil meeshii lagu arko.

Black hat hackers waa nooca hacker-ada ugu halista badan ee u adeegsado kombuyuutarka si ay u saameeyaan shirkadaha waaweyn, dowladaha iyo shaqsiyaadka caanka ah. Black hat hackers-ka kooxaha ugu caansan waa kooxda Anonymous, Syrian electron army iyo Tarh Andishan.

3. Grey Hat Hackers “koofiyad cawl”: Grey hat hackers ama koofiyad cawl waa hackers-ka dunida aanan la saadaalin karin marba dhinac lug kula jira marna waxey u dhaqmaan sida black hat oo sharci darro ah marna waa white hat oo waxay ku dhaqmaan si sharciyeesan.

Shirkadaha badanaa aad bay isaga ilaaliyaan Grey hat maadamaa aanan lagu tashan karin ee berri ka maalin dhib u geysan karaan shirkada. Grey hat badanaa waxa ay lashaqeeyaan dowlada siiba sirbaaryaasha dalalka caalamka sida FBI, CIA iyo SIS.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xirfadaha & Teknolojiyada

Imaaraadka Carabta oo Dayax-gacmeed u diraya meeraha Mariikh

Published

on


Dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee Carbeed ee loo dirayo meeraha Mariikh ama Farraare ee afka qalaad lagu yirahdo Mars ayaa lagu wadaa in hawada loo diro muddo toddobaadyo gudahood ah. Toddobaadka soo socda ayaa la filayaa in Dayax-gacmeedkaasi lagu shubo shidaalkii ugu horreeyay.Safarka Dayax-gacmeedkan ayaa qaadan doono toddobo bilood oo uu ku jari doono masaafo dhan 493 milyan oo kiiloomitir, si uu u gaaro meerahaasi Mariikh isla markaana uu xaruntii laga gamay u soo diro xog muhiim ah oo ku saabsan cimilada iyo jawiga meerahaasi.

Dayax-gacmeedkan ayaa ku wareegi doono meerahani muddo 687 maalmood ah, si uu u soo uruuriyo xog ku filan oo ku saabsan macluumaadka meerahani Mariikh ama Farraare.Halkii wareeg oo Dayax-gacmeedkani uu ku soo wareego meerahani ayaa qaadanaya 55 saacadood. Agaasimaha barnaamijkan Imaaraadka, Sarah Al-Amiri, ayaa shalay sheegtay in mashruucani uu noqon doono mid dhiirigelin weyn u leh saynisyahannada Carbeed, si ay u daneeyaan farsamada qalabka ay cirbixiyeennadu isticmaalaan. Dayax-gacmeedkani oo lagu magacaabo Amal, ayaa 14-ka bisha Luuliyo lagu wadaa inuu ka duulo jasiiradda Tanegashima ee dalka Japan.

Dayax-gacmeedkan ayaa ka kooban saddex qeybood oo qeybta koowaad u jeeddadiisu tahay in lagu soo cabbiro waxa uu ka kooban yahay gibilka hawo ee meerahani, waxaana ku rakiban kaameero aad u awood badan. Qeybta labaad ayaa loogu talagalay in lagu ogaado cabbirka gibilka sare iyo kan hoose ee meerahani, waxaana qeybtani farsameeyay Jaamacadda gobolka Arizona ee dalka Mareykanka. Halka qeybta saddexaad loogu talagalay in lagu soo cabbiro heerka curiyeyaasha kala ah Ogsajiinka iyo Haydaroojin ee meerahani. Al-Amiri ayaa sheegtay in muhiimadda daraasaddoodu ay tahay sidii xog muhiim ah looga heli lahaa labadani curiye ee biyuhu ka sameysmaan iyo sida looga helo meerahani Mariikh. Dowladda Imaaraadka ayaa horey mid ka mid ah cirbixiyeennadeeda u dirtay xarunta cirbixiyeennada adduunka ee ku taal hawada sare.

Amiir Suldaan Bin Salmaan Al-Sacuud oo u dhashay dalka Sucuudi Carabiya ayaa ahaa cirbixiyeenkii Carbeed ee ugu horreeyay ee u dalxiis tago hawada sare, waxa uuna sanadkii 1985 raacay dayax-gacmeed laga leeyahay dalka Mareykanka. Dayax-gacmeedkan Amal ayaa lagu sameeyay dalka Imaaraadka Carabta waxaase markab lagu geeyay dalka Japan, halkaasi oo dhammaan injineeradii farsameynayay ay ku khasbanaadeen in la karantiilo sababo la xiriira cudurka Covid-19, arrintaasi oo halis gelisay in duulimaadka Dayax-gacmeedkaasi uu ka daaho xilligii loogu tala galay. Monica Grady, oo ah bare-sare oo ku takhasusay culuunta hawada sare isla markaana ka tirsan Jaamacadda Open University ee dalka Britain ayaa rumeysan in safarkani Imaaraadku uu muhiimad gaar ah u leeyahay dunida maadaama horey safarrada noocani ah ay u badnaayeen quwadaha waaweyn ee caalamka ee sida Mareykanka iyo Shiinaha.

Hoggaamiyaasha mashruucani Imaaraadka Carabta waxay xasuusiyeen dunida in siddeed qarni ka hor, khubaro Carbeed ay safka hore kaga jireen cilmi-baarista dhanka Sayniska ee lagu ogaanayay waxyaabo badan dunida oo dhan. Sidaa awgeedna maanta, amiirka Jasiiradda Dubai oo ka mid ah toddobada imaaradood ee ay ka kooban tahay Imaaraatka Carabta, uu rajeynayaa in mashruucani uu horseedi doono in uu soo nooleeyo dareen iyo hanka Carbeed isla markaana uu gobolka ka caawin doono sidii looga tabaabusheysan lahaa dhaqaalaha ku xiran saliidda oo kaliya. Ujeeddada safarkan ayaa ah in Dayax-gacmeedkan uu gaarto meerahaasi Mariikh 50 sano guurada ka soo wareegtay markii la aasaasay dalkasi Imaaraadka Carabta sanadkii 1971, waxaana dalkaasi qaniga ahi uu ballan qaaday in meerahaasi uu ka dhisi doono deegaan uu bani’aadamka ku noolaan karayo meesha lagu gaaro sanadka 2117

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xirfadaha & Teknolojiyada

Biyo laga helay meere “la degi karo” markii ugu horeysay

Published

on


Cirbixiyeennada oo in mudda ah baaritaanka waday waxay sheegeen meera aan dhulka ahayn iney tahay marki ugu horreysay biya laga helo.Barafasor Giovanna Tinetti oo hoggaaminaysay kooxda cirbixiyeennada baaritaanka waday oo ka tirsan Jaamacadda London (UCL) ayaa natiijad baaritaankooda ka soo baxday ee meeraha K2-18b biyaha looga helay ku tilmaamtay ‘mid maskaxda ka weyn'”Waa marki ugu horreysay oo aan meera dhulka ahayn biya ka helno kulka meerahasina wuxuu la mid yahay kan dhulka taasoo ka dhigayso mid ay nooluhu ku noolaan karan” ayuu yiri.

Meraha loo yaqaanno K2-18b wuxuu dhulka uu ka fog yahay 650 milyan oo mayl. Meerayaasha ka baxsan falagga cadceeddana waxaa loo yaqaannaa Exoplanet.Khubarada waxaa kale oo ay sheegeen Telskobka lagu wado in 2020-ka la sameeyo iney u adeegsan doonaan baaritanka la xiriiro meerahaasi in laga helo naqaska noolaha ka soo baxa. “Caalamkan ma bani aadamka oo keli ah ayaa ku nool? waxay ka mid tahay su’aasha hortaagan cilmiga Saayniska tan ugu muhiimsan” ayey tiri Barafasor Giovanna Tinetti.

Waxay Cirbixiyeennadu sheegeen daraasadda ay natiijdeeda hadda soo sareen iney wadeen inta u dhaxeysay 2016-2017-ka. Sida ay baaritanka ay sameeyeen ay ku xaqiijiyeenna waxay sheegeen iney aaminsan yihiin badka meerahaasi 50% inuu biya yahay, taasoo rajo weyn ku abuurtay iney meeraha K2-18b ay noqon karto mid ku habboon iney dadku ku noolaadaan. Ballac ahaanna waxay meerahaasi ka weyntahay ayay yirahdeen cirbixiyeennada baaritaanka sameeyey laba jibbaar iney dhulka ka weyn tahay, kulkeedana uu u dhaxeeyo 0 – 40. Cirbixiyeennadu waxaa kale oo ay sheegeen iney xaqiijin karin iney meerahaasi bad tahay iyo iney dhagax tahay” waxayna taa u baahan tahay baritaanno intaa dheer.

Barafasor Tinetti waxay sheegtay iney weli jiraan arrima badan oo u baahan in baritaanno qoto dheer lagu sameeyo gaar ahanna maadooyinka Kiimikaalka ee laga helo meeraha K2-18b iyo waxa ay ka sameysan tahay intaba. “Dhulka aan ku nool nahay wuxuu ku taagan yahay nidaamka ceedceedda. Wuxuuna leeyahay Oxygen, biya iyo hawo.Balse haddii arrimahaasi oo dhan aan ka helno meere aad inooga fog waxaan si kalsooni leh u dhihi karnaa waxay taa caawineysaa noolaha” ayey sii raacisay.

Mahadsanid.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul