Connect with us

Warbaahinta iyo Siyaasada

Jasiiradaha Galapagos

Published

on


Galápagos waa jaaiirado ku yaala Ecuador kuna caan ah jinsiga xayawaano badan oo kala nooc ah.

waxaa laga fuliyay nadaafad guud oo loogu magac daray dagaalka lagula jiro wasakhda iyo waxyaabaha keena deegaanka oo wasakhooba gaar ahaan wasakhda ka timaada caagaga iyo balaastiikada iyo bacaha.

Iskaa wax u qabsadayaal nadiifi-yayaal ah ayaa jasiirada Galápagos ka fuliyay mashruucan nadaafada ah. Dadkii nadaafada ka waday jasiiradaa ayaa arkay qasac cabitaan ah oo leh calaamada Indonesia, kaa oo ay soo qaadeen biyaha hirarka badda.

Ololihii nadaafadda dadkii waxay sheegeen in waxyeelada bee’ada ku dhaca iyo wasakh walba oo timaada inay sababteeda leeyihiin bini’aadanka iyagoo awooda iay meel fiican dhigaan wixii wasakha ah oo haraa ah waxay ku tuuraan meel walba taasina sax ma aha.

Dhibaatada ay geestaan insaanka waxay wax u dhintaa noolaha oo dhan waxay badashaa jawiga iyo deegaan walba. Waxay ahaayeen kuwo la yaabay dadkii fuliyay  ololha nadaafadaa! markii ay arkeen baco iyo caagag iyo gasacado ka yimid dalal badan oo soo gaaray Ecuador.

 Muddo bilo ah, oo la waday nadiifinta xeebaha fog fog oo ka mid ah jasiiradaha cadadka Dhulkaas nadaafada laga waday waxaa lagu qiyaasay 600 maayl kana baxsan xeebaha ee Ecuador waxaana laga saaray qashin tanan ah oo baco ah. Jasiiradahan Ecuador ku yaal waa astaan caalami ah waana meelaha aadka u qurxoon oo saynisyahnadii hore ay ka soo diyaariyeen ablabaleenta xawayaawanda galapagos waa meel cajiin ah kana mid ah dunida  cabirkaeeda waana 138,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran .

Biya badeedka Galápagos waa keyd ka mid ah dunida keedadkeeda kaasoo ugu weyn.

Jasiiradahan waxay guri u yihiin in ka badan 2,900 oo noocyo noole ah kuwaas oo qaar badan aan laga helin meel kale oo caalamka kuyaal.

86 % waxa ku nool xamaarato jasiiradahan iyo noocyo kala duwan oo noole ah. Sidoo kale 7% boqolkiiba waa Naasaleey iyo Xamaarato 25 % boqolkiiba Shimbiraha Cormorants, iguanaska badda, pinguin, iyo libaaxyo badeedka caanka ah ayaa ka mid ah noolaha lagu arko halkaas.

Diidiin badeed ama qubaha waxa uu ka mid yahay noocyada taariikhda ku leh jasiiradahan. Galápagos waxaa loo diwaan geliyay laguna dhawaaqay inay tahay jasiirada dhaxalka dunida

Hayada UNESCO ayaa diwaan gelisay sanadkii 1978.

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Somalism. Wuxuu wax ka qoraa luuqadaha kala duwan sida Soomaali, Carabi, Ingiriis iyo Sawaxili, wuxuu ka faalooddaa Arimaha diinta Islaamka, deegaanka, wadaniyada, suugaanta iyo arrimaha bulshada. Qaatay shahaadada Bachelor-ka ee Shareecada iyo Qanuunka (Sharia and Law), Diploma –Maamulka, Maareynta Ganacsiga iyo Dhaqaalaha. Diploma –Cilmiga Deegaanka iyo caafimaadka.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Akhri

‘Wuxuu waydiisanayaa macalimiinta kale inay sii wadaan muujinta kartoonada Muxamed’

Published

on


Wuxuu waydiisanayaa macalimiinta kale inay sii wadaan muujinta kartoonada MuxamedCilmibaare iyo macallin Anine Kierulf waxay rajeyneysaa macalimiinta aradayda baraya xorriyadda hadalka in aysan ka baqeynin dilka ka dhacay Faransiiska.

Anine Kierulf, oo ah lataliyaha gaarka ah ee machadka xuquuqul insaanka Norway, ayaa sheegtay in aysan macquul aheyn in la sharaxo xorriyadda hadalka iyadoo aan la tixraacin hadalo aan fiicneyn oo muran dhaliyay.

“Waxaan u maleynayaa macallin kasta inuu isku dayi doono inuu la qabsado dhagaystayaashooda si xushmad iyo ixtiraam leh. Laakiin waa cadahay waajibaadka macalinka inuu u muujiyo ardayda iyo sidoo kale hadalada aan fiicnayn. Waxay noqon doontaa wax aad u qariib ah in la sharaxo muranka gawaarida, tusaale ahaan, iyadoo aan la soo bandhigin gawaarida aan ka hadlayno” ayay Kierulf u sheegtay warbaahinta dowladda Norway NRK.

Anine Kierulf, lataliyaha gaarka ah ee machadka xuquuqul insaanka ee Norway. (Sawirka waxaa iskaleh NRK)

Ma loo baahan yahay in la sharaxo xorriyadda hadalka?

“Ma rajaynayo in macallimiinta hadda la cabsi gelin doono, mana ku dhiiran karo inuu tuso sawirada noocaas oo kale ama hadal lamid ah” ayay tiri Anine Kierulf.

– “Cabsida noocaas ah waxay lamid tahay inaad dhahdo argagixisadu wey guuleysataa. Waayo argaggixintu waa in cabsi la abuuro. Haddaan u oggolaanno inay sidaa yeelaan, annaga oo iska bixinayna sida aan u maleyno inay sax tahay, oo loo oggolaaday inaan is muujinno, waxay markaas jab ku tahay dimuqraadiyadda” ayay tiri Anine Kierulf.

Maalmo kahor ayay ahayd marka ay faransiiska ka dhacday weerar mindi ah oo lagu gowracay macalinkii ardaydiisa tusiyey sawir laga sameeyey Nebi Muxamed NNKH.

Weerarkan oo aad looga hadal hayo faransiiska ayaa la sheegay inuu ka dhashay cashar ku saabsan sawir gacmeedyo muran badan dhaliyay oo laga sameeyay Nabi Muxamed NNK. Macallinka ayaa la sheegay in ardayda Muslimiinta ah uu ka codsaday iney fasalka ka baxaan markii uu ardayda kale tusayay sawir gacmeedyada.

Macalinka dhigaayey taariikhda Samuel Paty (47 jir) ayaa la weerarey oo madaxa lagaga jarey meel u dhow dugsigii sare ee uu macallin ka ahaa.

Casharka iskuulka ee ku saabsan xorriyadda hadalka, Samuel Paty wuxuu tusay ardayda majaajillada Nebi Muxamed ee muranku ka taagan yahay oo ay daabacday majaladda majaajilistaha ah ee Charlie Hebdo, Xorriyadda hadalka ayaa qeyb ka ahaa jadwalka kadib weerarkii lagu qaaday xarunta Charlie Hebdo sanadkii 2015.

Dhacdadaan masuuliyiinta ka falceliyey waxaa kamid ah Wasiirada waxbarashada Noorway Guri Melby ayaa tiri “Macalimiinta xor bay u yihiin inay ardeyda tusaan sawirada laga sameeyey Nebi Muxamed”

Guri Melby waa siyaasi reer Norway ah oo katirsan xisbiga Liberal Party. Waxay ahayd hogaamiyaha xisbiga sidoo kale waa wasiirka waxbarashada, 2020 (Sawirka waxaa iska leh NRK)

– “Macallinkani wuxuu qabtay shaqo muhiim ah oo ah qalabeynta ardayda si ay uga qayb qaataan dimuqraadiyadda iyo adeegsiga xorriyadda hadalka. Xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha ayaa qiimeyn ku leh manhajka waxbarashada ee dalka Norway, ayey wasiir Melby ka sheegay barnaamijka Dagsnytt 18 habeenimadii Isniinta.”

Macallinka wuxuu u madax bannaan yahay inuu muujiyo kartoonnada Muxammad, tusaale ahaan, haddii isagu ama iyadu u maleeyaan inay khuseyso, waa sida ay hadalka u dhigtay Melby.

Macallimiintu waxay ku leeyihiin xorriyad weyn manhajka, qofka asiga ayay u taalaa haddii uu rabo waxbarashada iyo haddii kale. Haddii qof u maleeyo inay habboon tahay in la muujiyo sawir gacmeed, waa inuu awoodaa inuu muujiyo, ayay tiri wasiirka waxbarashada iyo is-dhexgalka Noorway, Guri Melby

Maanta ayaa ugu dambeysay magaalada Paris ee udhaw daarta Eiffel Tower waxaa si xun loogu dhaawacay labo haween oo muslimiin ah. Labada gabdhood ee tuhmanayaasha ah ee loo qabtay dhacdada ayaa lagu soo oogay dacwad isku day dil.

Dhibbanayaasha ayaa la aqoonsaday inay yihiin haween Faransiis ah oo asal ahaan ka soo jeeda Algeria, waxayna ahayeen shan qof oo waaweyn iyo afar carruur ah markii ay u yimaadeen laba eey oo ka soo baxsaday xargahooda. Markii ay ka codsadeen milkiilayaasha inay xakameeyaan eeyda, waxaa lagu soo qaaday weerar aad u xun.

Haweenka ayaa waxaa si isdaba joog ah mindi u galiyay labo dumar ah oo kale oo “leh muuqaal reer Yurub ah” kuwaas oo sida la sheegay ku qeylinayay “Carab wasakh ah” iyo “Hooy u noqo dalkiina hooyo” intii uu socday weerarka.

Hal dhibbane ayaa mindi lagu dhuftay lix jeer, iyadoo ku dhacday sambabbo daloolsan iyo dhaawacyo ka soo gaaray gacmaheeda taas oo u baahnayd faragelin qalliin.

Laba ka mid ah dadkii goobta ka agdhawaa ayaa soo kala dhexgalay waxaana la sheegay in ay xakameeyeen mid ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday ilaa ay booliisku ka imaanayeen. Eedeysanaha labaad ayaa la qabtay waxyar kadib. Weerarka ayaa dhacay habeenimadii Axada laakiin booliska ayaa ka gaabsaday inay soo saaraan qoraal ilaa Talaadada.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diinta Islaamka

Faransiiska: Wuxuu ardaydiisa tusiyey sawir laga sameeyey Nabi Muxamed NNKH asigana waa la gowracay

Published

on


Booliska dalka Faransiiska ayaa afar qof u soo xiray dilka macallin taariikhda dhiga oo xalay lagu gowracay meel u dhow magaalada Paris ee caasimadda dalkaasi. Booliska ayaa sheegaya in weerarkaasi ay rumeysan yihiin in uu ahaa aargoosi kaddib markii macallinkaasi uu ardaydiisa u soo bandhigay sawir gacmeed la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxammad naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaatee.

Ninka weerarka geystay ayaa markii dambe waxaa toogasho ku dilay booliska.

Booliska ayaa xalay baaritaan ku sameeyay hooyga ninka looga shakiyay weerarka waxaana xabsiga loo taxaabay 4 qof oo la sheegay iney xiriir dhow la leeyihiin 18-jirka la aamnisan yahay inuu ku dhashay dalkaasi Ruushka.

Weerarkan oo aad looga hadal hayo faransiiska ayaa la sheegay inuu ka dhashay cashar ku saabsan sawir gacmeedyo muran badan dhaliyay oo laga sameeyay Nabi Muxamed NNK. Macallinka ayaa la sheegay in ardayda Muslimiinta ah uu ka codsaday iney fasalka ka baxaan markii uu ardayda kale tusayay sawir gacmeedyada.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dilka macallinka oo ka dhacay waqooyi-bari ee magaalada Paris ku tilmaamay weerar argagixiso. Macron ayaa sheegay in macallinka oo aan weli la sheegin magaciisa loo dilay sababo la xiriira xoriyatul qowlka.

Madaxweyne Macron oo booqday goobta ayaa macallimiinta u ballan qaaday in naftooda uu dalka difaacayo. Dhanka kale Macron ayaa midnimo ku baaqay, waxa uuna sheegay in marnaba aysan argagixisada ka guleysanayn oo aysan kala qoqobi Karin dadka faransiiska.

Madaxweynaha Faransiiska Emmnauel Macron ayaa si cad ah u caddaystay inuu islaamka ka hortagaayo asigoo qudbadiisa uu jeediyey bishaan 4 oktoobar shaaca kaga qaaday qorshe uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeeshay “Muslimiinta gooni u goosadka ah” si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga.

Qorshaha uu madaxweynaha damacsan yahay ayuu ku sheegay iney ka mid yihiin dugsiyada waxbarashada ee ay muslimiinta leeyihiin oo gacan bir ah lagu qabto iyo in la xakameeyo lacagaha dibadaha ka yimaadda ee masaajidda lagu dhiso. Balse hadalka ka soo yeeray madaxweynaha waxaa si weyn u cambaareeyey dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda muslimka iyaga oo hadalkiisa ku tilmaamay inuu doonayo muslimiinta inuu ku cabburiyo dalka Faransiiska.

Mabaadiida adag ee dalka Faransiiska oo cilmaaniyadda ama laïcité, ku dhisan sharciga wuxuu kala soocayaa dowladda iyo hay’adaha diiniga ah. Fikraddaa ayaana dhigaya dadyowga diimaha iyo caqiidooyinka kala duwan aaminsan iney sharciga hortiisa ka siman yihiin.

Ninka looga shakisan yahay inuu weerarka geeystay ayaa waxaa toogtay booliska. Waxaana la soo weriyay inuu yahay 18 jir ku dhashay dalkaasi Ruushka. Waxaana haatan baaritaanka kiiskan la wareegay dacwad oogeyaal qaabilsan la dagaallanka argagixisada.

Qaabkee ayaa loo gowracay macallinka?

Nin watay mindi weyn ayaa macallinka ku weeraray waddo ku taal xaafad lagu magacaabo Conflans-Sainte-Honorine, isagoona madaxa ka jaray. Ilo booliis ayaa sheegay in markhaatiyaashu ay maqleen qofka weerarka gaystay oo ku dhawaaqaya “Allahu Akbar”, ama “Ilaahay ayaa weyn”, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Qofka weerarka gaystay ayaa markiiba cararay, laakiin bilayska maxalliga ah oo ay ku wargeliyeen dadwaynuhu ayaa durbadiiba soo gaaray goobta. Saraakiisha ayaa ninkan kaga hortagey degmada u dhow ee Éragny. Waxayna u sheegeen inuu is dhiibo balse waxaa la sheegay badalkii taas inuu u hanjabay booliska taas ayaana horseedday iney toogtaan.

Dalka Faransiiaka ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay dal ku yaalla galbeedka Yurub oo ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan. Cabashooyin badan oo muslimiinta ku aaddan oo ay soo jeedinayaan cilmaaniyiinta ayaa waxay mas’uuliyiinta dowladda kaga codsadaan inay si gaar ah u beegsadaan arrimaha muslimiinta sida mamnuucidda xijaabka.

“Diinta Islaamka dunida oo dhan ayey maanta dhibaata ku tahay, mana dooneyno iney taa dalkeenna ku aragno” ayuu yiri Madaxweyne Macron.

Tallaabbooyinka uu madaxweyne Macron la damacsan yahay muslimiinta Faransiiska waxaa la filayaa dabayaaqada sanadkan inuu baarlamaanka dalkaasi horgeeyo. 

Tallaabbooyinka uu Macron damacsan yahay inuu qaado waxaa ka mid ah:

  • In si adag loola socdo ururrada isboortiga iyo ururrada kale ee ay bulshooyinka isugu yimaadaan oo looga mid dhigo barashada islaamiyiinta
  • Joojinta nidaamyada imaamyada ee meela ka baxsan Faransiiska waxbarasha u aado
  • Kormeerka iyo dabagalka dhaqaalaha masaajidda soo galo ama lagu maalgeliyo
  • In la xaddido waxbarashada guriyaha lagu dhigto iwm

Madaxweyne Maccron waxaa kale uu sheegay Faransiiska inuu waxbadan ka qabanayo arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee dadka soo galootiga ah, wuxuuna intaa ku daray iney xagjiriintu ay buuxiyeen fursadihi jiray.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Warbaahinta iyo Siyaasada

14 Oktoobar Waxay Ummada Soomaaliyeed u Ahayd Maalin Mugdi Leh

Published

on


Maanta saddex sano ayaa laga joogaa markii uu dhacay qaraxii Soobe ee sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo weynta dad lagu tiriyay liiska Geerida balse aan la helin raq iyo ruux!

Dadkii goobjooga u ahaa maalintaas qaraxii dhacay oo qaarkood dhaawac jireed & Mid maskaxeed soo gaaray ayaa Warbaahinta u sheegay in xusuustooda aysan ka go’in wixii maalintaas dhacay. Qaraxa ayaa dhacay xili uu isgoysku aad mashquul u ahaa, Gawaarida ayaa isku xirantay, dadka ayaa lugeynayay waddada, Goobaha Ganacsiga waa ay furnaayeen, dadku waxa ay ku kala mashquulsanayeen danahooda gaarka ah.

Muqdisho xiligaas kuma cusbeen qaraxyada, balse waa uu ka jug weynaa kuwii dhici jiray, durba qof waliba oo dadkiisa waayay, ayaa gaaray Isgoyska Soobe oo ah halka mashaqadu ay ka dhacday.

Dadka ayaa is dul daadsanaa, qaarkood ayaa gubanayay, Goobaha ganacsiga ayaa burburay, laamiga ayaa go’ay (Dumay) waxaana isbadalay muuqaalka guud oo waxyar kahor qaraxa jawi is dhex socod uu jiray.

Aadan Cabdi Xuseen waxa uu la wadaagay wixii uu goobjooga u ahaa maalintaas, isaga oo sheegay in uu ku waayay qaar kamid ah asaxaabtiisa, halka qaar kale jirkooda uu kala go’ay.

“Qaraxa kadib waxa aan u dhacay af-af, uuro ayaa guud ahaan meesha qarisay, waxyar kahor inta uusan dhicin ayaan galay Wasaaradda qorsheynta oo aan degenaa, markii aan meesha soo gaaray waxa aan arkay qaar kamid ah dadkii aan isla shaahnay oo dhaawac & dhimasho ah waxaa kamid ah Haweeney Caano meesha ku iibineysay” ayuu yiri Aadan oo kamid ahaa shaqsiyaadkii ka badbaaday Qaraxii Soobe.

Waxaa la sheegay in la xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku dhinteen 358 qof iyo 228 qof oo dhaawac ah.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomalaiya Eng. Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow, AHUN) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in la xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku dhinteen 358 qof iyo 228 qof oo dhaawac ah.

Wasiirku waxa uu sheegay in sidoo kale nolol iyo geeri la la’yahay 56 qof halka 99 qof oo kolkii hore dhaawac ahaan cusbitaalada loo dhigay hadda cusbitalka laga saaray. Sida uu sheegay Eng. Yariisow, 122 qof oo dhaawac ah ayaa loo qaaday dalka dibaddiisa, gaar ahaanna waddamada Kenya, Turkiga iyo Suudaan si halkaa loogu soo daweeyo. Tiro kale oo dhaawac ah ay jiifaan cusbitaalada Muqdisho.

Dhanka kale, wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow ayaa sheegay in dhowr qof loo soo qabtay qaraxa, balse waxa uu ka gaabsaday in wax faafaahin ah uu ka bixiyo maadaama buu yiri uu wali baaritaan socdo.

Goobaha caafimaadka waxaa kasoo yeertay fariin ku saabsan in loo baahan yahay dhiig, maadaama dadka dhaawacyada soo gaaray ay dhiig-baxeen, Dowladda Federaalka oo ka jawaabeysa arrintaas ayaa dadka ugu baaqday in ay dhiiggooda ugu deeqaan boqolaalka dhaawacmay.

Ilinka laga galo Isbitaallada waxaa ku sugnaa boqolaal ruux oo dadkooda waayay, goobaha caafimaadkana la dhigay dad dhaawacmay & kuwa dhintay oo aan lahayn aqoonsigooda, sidaas awgeed ay ka raadiyeen goobahaas.

Dowlado kala duwan ayaa Muqdisho usoo diray dhaqaatiir, agab Caafimaad iyo diyaarado lagu qaado shaqsiyaadka aan dalka xaaladdooda wax looga qaban Karin, waana la qaaday 15-kii Oktoobar 2017-kii.

DFS ayaa magacawday Gudigii gurmadka qaraxii Soobe ayaa bilaabay diiwaangelinta magacyada dadka la raadinayo ee lagu tuhmay in ay ku dhinteen goobta qaraxa uu ka dhacay ama la geeyay goobaha caafimaadka.

Isbitaallada dadka la dhigay, Ehelka dadkooda aan Raq & Ruux toona ku arag!

Madaxda sare ee DFS, Culimo, qaybaha Bulshada & shaqsiyaad kale oo dhalinyaro ah ayaa tagay goobtaas gurmadka ah, halka Baraha Bulshada lasoo dhigayay Sawirrada dad la raadinayo ee la waayay.

Qaar kamid ah shaqsiyaadka ehelkooda waayay ayaa maalin waliba taagnaa xarunta Gurmadka & Isgoyska Soobe oo ah meesha uu qaraxa ka dhacay, maadaama dhismaha dumay la faagayay (La qofayay) si haddii dad looga helo looga soo saaro.

Maxaad ka xusuusataa dhacdadii dhiigga badan ku daatay ee 14-October-2017?
Sidee kuu saameysay qof ahaan iyo qoys ahaan?

Facebook Comments Box

Continue Reading

Warbaahinta iyo Siyaasada

Shaheen Bagh: Ayeeyada u Doodeysay Muslimiinta ee Lagu Soo Daray Liiska Lama Filaanka ah

Published

on


Haweeney 82 jir ah oo u dhalatay dalka Hindiya – oo wajigeeda uu ka dhex muuqday mudaharaadyo muddo dheer ka socday Hindiya – ayaa lagu soo daray liiska Majalladda Time ee lagu xuso 100-ka “qof ee ugu saameynta badnaa 2020-ka”.

Bilkis waxay ka mid ahayd koox haween ah oo si nabad ah uga mudaharaaday sharciga muranka dhaliyay ee Dhalashada. Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, iyo Atooraha shirkadda filimada Bollywood-ka, Ayushmann Khurana, ayaa sidoo kale kasoo muuqday liiskaas.

Liiska sannadlaha ah waxaxaa lagu soo koobaa ganacsato, hoggaamiyeyaal iyo dad hormuud ah oo ku kala nool daafaha caalamka, kuwaasoo sameeyay saameyn muuqata.

Taariikh nololeedka Bilkis, oo Hindiya looga yaqaanno ‘Didi’ (Ayeeyo oo luqadda Hindiga ah), waxaa qoray haweeneyda wariyaha reer Hindiya ee lagu magacaabo Rana Ayyub, waxayna ku qeexday inay “cod u tahay dadka la qadiyay”.

“Bilkis waxay rajo iyo awood siisay dadka xuquuqda rayidka u dooda iyo hoggaamiyeyaasha ardayda, kuwaasoo dhammaantood xabsiga loo taxaabay markii ay ka falceliyeen xad-gudubka dimuqraaddiyadda. Waxay sidoo kale dhiirrigalisay dadka u mudaharaadaya sida nabadda ah,” ayey qoraalkeeda ku tidhi Ms Ayyub.

Wax yar kaddib markii lagu dhawaaqay in Bilkis magaceeda uu ku jiro liiska dadka ugu saameynta badan, waxaa Twitter-ka ka billowday ol’ole loogu dabaaldagayo iyada iyo deegaankii ay ku mudaharaadeysay. Dad aad u badan ayaa ugu hambalyeeyay guusha usoo hoyatay.

Jilaaga Bollywood-ka, Onir, oo Twitterkiisa ku xusay, ayaa ku tilmaamay inay tahay “geesinnimo, dhiirrigalin iyo cod kasoo jeeda deegaanka Shaheen Bagh”.

Qareenka lagu magacaabo Karuna Nundy ayaa isagana Twitter-ka kusoo qoray in dooddii ay Bilkis ka qabtay sharciga lagu soo daray dastuurka ay ahay mid ka mid ah kuwii ugu dhiirrigalinta badnaa sannadkan.

Shaheen Bagh, oo ah deegaan ay muslimiinta u badan yihiin – muddo dheerna uu ka socday mudaharaadka nabadeysan ee ka dhanka ahaa sharciga dhalashada ee muranka dhaliyay – ayaa soo jiitay taageerada dad badan oo reer Hindiya ah. Dumar Muslimiin ah ayaa kusoo baxay tirooyin aad u badan, waxayna u mudaharaadayeen si nabadgalyo ah, inkastoo dad kale oo kasoo kala jeeda qeybo ka mid ah waddanka ay garab taagnaayeen.

Haweenkan waxay isu aqriyaneen qodobbada dastuurka qaranka, iyagoo sameynayay hadallo ay ku xaqiijinayaan sida ay dhalashada u mudan yihiin, waxayna sidoo kale qaadayeen heeso waddani ah.

Haween kasoo jeeda dhammaan qeybaha bulshada ayaa ka qeyb galay mudaharaadkii looga soo horjeeday sharciga dhalshada ee ka dhacay Shaheen Bagh

Qaar badan oo ka mid ah shacabka Hindiya iyo dadka dunida qeybaheeda kala duwan ayaa haweenkan mudaharaadayay ku ammaanay dulqaadka ay sameeyeen, waxayna uga mahadceliyeen tallaabadaas dhiirrigalinta ah.

Dacwado badan oo ay diyaariyeen xisbiyada siyaasadda ayaa loo gudbiyay maxkamadda, muslimiinta iyo ururrada bulshada rayidka ahna waxay ku doodayaan in sharciga cusub ee dhalashada uu yahay mid dastuurka baal marsan, maadaama uu tixgalinayo diimo gaar ah oo kaliya.

Mudaharaadka waxaa aad loogu dhaleeceeyay qalalaase, wuxuuna bartilmaameed u noqday ol’olihii doorashada ee uu sameynayay xisbiga talada haya ee BJP.

Xisbiga dowladda maamula ayaa dadka dibadbaxayay ku eedeeyay inay sameeyeen khiyaano qaran, maadaama ay kasoo hor jeesteen sharcigan, oo magangalyo iyo dhalasho siinaya dadka aan muslimiinta ahayd ee kasoo qaxa dalalka Hindiya dariska la ah ee ay u badan yihiin Muslimiinta.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Warbaahinta iyo Siyaasada

Erdogan iyo Macron Ma Waxaa ka Dhex Taagan Loolan Dhanka Caqiidada Diimaha?

Published

on


Hadal heyn xooggan ayaa ka dhalatay khudbadda madaxweynaha Faransiiska ee uu kaga hadlay arrimaha islaamka toddobaadkii lasoo dhaafay, taas oo uu shaaca kaga qaaday qorshe uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeeray “Muslimiinta gooni u goosadka ah” si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga.

Wuxuu sheegay in qorshahan lagu beegsanayo dhammaan dhaqamada ururada xagjirka ah iyo kuwa arrimaha diinta adeegsanayo kuwaas oo su’aal gelinayo jamhuuriyadda Faransiiska, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta dalkaas.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa hadalka kasoo baxay Macron ku tilmaamay “Mid daandaansi ah oo aanay ku dhehneyn asluub”

Dooddan ayaa imaaneysaa xilli labada dal uu ka dhex taagan yahay khilaaf siyaasadeed balse haatan ay arrinta isugu baddali doonto mid ‘diimeed’, sida ay sheegayaan dadka ka faalooda siyaasadda gobolka.

Xaaladda Libya ayaa noqotay arrinta ugu weyn ee khilaafka badan ka dhex dhalisay Macron iyo Erdogan, xukuumadda waxay taageertaa dowladda Qaramada Midoobey ictirifaasan tahay halka Faransiiska uu taageero Janaraal Khaliifa Haftar.

Xiisadda ayaa sare u sii kacday bilooyinkii lasoo dhaafay kaddib markii Turkiga uu markab shidaal baaris ah u diray xeebta badda Mediterranean-ka, Giriigga iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhex taagan xiisad ka dhalatay howlaha shidaal baarista, xilliggaas Faransiiska wuxuu ku dhawaaqay in ciidamo militari ah uu u dirayo gobolka si ay u taageeraan Giriigga.

Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka waxay rumeysan yihiin in Macron iyo Erdogan ay adeegsadaan hadallo ku saabsan diinta si ay u xoojiyaan hadafyadooda siyaasadeed. Ma ahan markii ugu horreysay ee Erdogan uu soo hadal qaado arrintani, wuxuu doonayaa in kaalin weyn uu ka qaato dunida islaamka ha ahaato taageeridda dalalka Carabta ama in dareenka uu la qeybsado malaayiinta muslimiinta ah ee ku nool caalamka.

Caalamka ayaa si weyn u dhaleeceeyay tallaabadii Turkiga uu masaajid kaga dhigay madxaftkii Aayaa Soofiya.

Adeegsiga diinta

Faransiiska wuxuu doonayaa in kaalin weyn ka qaato siyaasadaha Midowga Yurub xilli dalkiisa ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan ee Yurub. waana arrin taariikhii ah laga bilaabo ololihii janaraalkii u dhashay Faransiiska ee Napoleon uu ka waday Masar, qabsashadii Aljeeriya, waana arrin xusuus badan leh oo dhibaato ku ah muslimiinta.

Dhinaca kale, doodda ku saabsan xiriirka Turkiga iyo Midowga Yurub waxaa harreeyay arrimaha diinta iyo dhaqanka, waxaana kamid aha su’aasha ku saabsan xiriirka ka dhexeeyo Yurub iyo islaamka, iyo xiriirka ku aadan islaamka iyo mabaadiida cilmaaniga iyo casriga.

Waxyaabaha sii xumeeyay xiriirka Turkiga iyo Yurub waxaa kamid ahaa hadal kasoo baxay qaar kamid ah hogaamiyeyasha Yurub, waxaana kamid ah madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy oo yiri “Arrinta aanan suurtagalka aheyn waxay tahay in Midowga Yurub uu kusoo biiro dal ay ku nool yihiin 80 malyan oo qof”

Alain Gresh oo ah weriye iyo khabiir u dhashay Faransiiska ayaa BBC-da u sheegay in kala aragti duwanaanshaha Macron iyo Erdogan uusan ku saabsaneyn ‘dagaal dhanka diinta ah’ balse arrimaha diinta ay u adeegsanayaan inay kusoo leexiyaan xiisadda siyaasaddeed ee ka aloosan gobolka.

Islam Ozcan, oo ah khabiir u dhashay Turkiga kana faalooda arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in ‘Arrimaha diinta aysan kaalin weyn ka ciyaarin siyaasadda Turkiga balse loo adeegsado ka hadalka arrimaha dhaqanka”

Islam Ozcan wuxuu yiri “Mas’uuliyiinta Turkiga waxay arrintan u adeegsadaan sidii ay awoodda ku sii heyn lahaayeen gaar ahaan Erdogan wuxuu adeegsanayaa arrin aanan qaabilsaneyn diblomaasiyadda oo qoto dheer si uu usoo bandhigo tallaabooyinkiisa madaxa banaan”

Doodaha kulul

Khubdadda Macron ee ku wajahneyd waxa uu ugu yeeray ‘islaamka gooni u goosadka ah’ ma ahaan hadalkii ugu horreeyay ee ku saabsan islaamka ee muranka badan ka dhex dhaliyay Faransiiska, sanadihii lasoo dhaafay waxaa Faransiiska ku soo badanayay hadallada ku saabsan islaam naceybka iyo doodda ka dhalatay xijaabka in gabadhaha ay la adaan iskuullada.

Alan Gresh wuxuu rumeysan yahay in dhibaatadan ay tahay mid casri ah oo ka dhalatay tallaabooyinka Gacaanka Iiraan iyo saameynta sii ballaareysno ay caalamka ka wadaan ururada sida Al Qaacidda.

Siyaasadaha is baddalayo waxay horseedeen hadallada ku saabsan cunsurinimada ee gudaha Faransiiska “Kaddib markii garabka midig ee Faransiiska uu qaaday olole ka dhan ah carabta, Aljeeriyaanka iyo dadka u dhashay Morocco ee muslimiinta ah, waxay arrintani isu baddashay naceyb loo qabo muslimiinta taas oo ay wadaan labada garab” ayuu yiri Alan Gresh.

“Sanadihii lixdamaadkii iyo toddobaatamaadkii Faransiiska waxaa ka jirtay falal cunsurinimo ah oo ka dhan ah carabta, dadka Faraniiska iyo carabta waxay aaminsanayeen in dadka soo galootiga ah ay ugu dambeyntii dib ugu laaban doonaan dalalkooda, durbadiiba, Faransiiska wuxuu arkay in islaamka uu noqday diiinta labaad ee laga aaminsan yahay dalkaas taas oo cabsi ku abuurtay Faransiiska kuwaas oo aan waxbo ka ogeyn diintan”

Cilmi baaraha u dhashay Turkiga Islam Ozkan wuxuu sheegaya in saameyn xun ay ka dhalan karto hadalka Macron ee ka dhanka ah islaamka, “Waa nin reer galbeed ah oo aan wax shuqul ah ku laheyn diinta islaamka”

‘Duullaanka dibadda’

Koox ku sugan Faransiiska waxay rumeysan yihiin in muslimiinta ay kaalin ku leeyihiin qalalaasha ka dhaca Faransiiska gaar ahaan weeraradii is xig xigay ee lu qaaday wageyska “Charlie Hebdo” sanadkii 2015-kii.

“Markii aan maqalnay hadalka Macron, waxaan u maleynay weerar dibad ka yimid dibadda oo lagu soo qaaday diinta ee uu ku xoojinayay fikirka laga qabo xagjiriinta sababta oo ah kooxda la magac baxday dowladda islaamka iyo kooxaha kale ee xagjiriinta ah waxay ku anddacoodaan in muslimiinta Yurub la dhibaateynayo” ayuu yiri Islam Ozkan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Warbaahinta iyo Siyaasada

Muxuu Yahay Gantaalka “weyn” ee Lagu Soo Bandhigay Dhoollatuska Kuuriyada Waqooyi?

Published

on


Kuuriyada Waqooyi ayaa soo bandhigtay gantaal cusub oo xitaa weyninkiisa ay aad ula yaabeen khubarada falanqeeya arrimaha hubka ee waddankaas. Khabiir dhinaca gaashaandhigga ah oo lagu magacaabo Melissa Hanham ayaa sharraxaya gantaalkaas iyo sababta uu khatar ugu yahay Mareykanka iyo dunida kaleba.

Si loo xuso sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay xisbiga haya talada Kuuriyada Waqooyi ee Shaqaalaha, waddanku wuxuu habeen saq dhexe ah sameeyay dhoollatus milatari oo aysan jirin cid kale oo kala qeyb qaadaneysay.

Munaasabaddan oo si weyn loo qurxiyay ayaa lagu soo bandhigay waxyaabihii ay dunida fileysay. Waxaa sidoo kale khudbad qiiro leh ka jeediyay guddoomiyaha xisbigaas, Kim Jong-un, oo mararka qaar illin iska tirayay markii uu ka hadlayo caqabadaha uu soo wajahay dalkiisa.

Ugu dambeyn, waxaa lagu soo bandhigay gantaalkii ugu weynaa ee ay abid sameysato Kuuriyada Waqooyi, oo ah nooca loo yaqaanno ICBM. Haddaba waxaan halkan ku sheegeynaa saddex arrimood oo aan ka ognahay gantaalkaas.

Hubkii istiraatiijiga ahaa ee uu ballan qaaday Kim

1-dii bishii January ee sanadkan 2020-ka, Mr Kim wuxuu khudbaddiisii sanadka cusub ku shaaciyay in Kuuriyada Waqooyi “ay ku howlaneyd sameynta hub casri ah ay heysan karaan oo waliya waddamada aadka u hormaray”. Wuxuu si gaar ah hubkaas ugu tilmaamay hubka “istiraatiijiga ah” – oo micnaheedu yahay nuclear – ee la sameynayo.

Mr Kim wuxuu hubkaas si toos ah ula xiriiriyay Mareykanka, isagoo yidhi: “Mustaqbalka, mar walba oo uu Mareykanku ka labalabeeyo xasilinta xiriirka Kuuriyada Waqooyi uu la leeyahay, wuxuu sii ogaan doonaa in uusan awood u heli doonin oo uu ku hungoobi doono isku daygiisa cadaadinta ah, maadaama ay sii weynaaneyso Kuuriyada Waqooyi, tabarteeduna ay sii noqoneyso mid aan la saadaalin karin.”

Hubkan cusub ee ICBM waa kii uu Mr Kim ku tilmaamay hubka istiraatiijiga ah. Waxaa si buuxda loogu talagalay in lagu bartilmaameedsado Mareykanka, haddii ay guul darreystaan wadaxaajoodyada ay maamulka Trump ku raadinayeen dib u soo celinta xiriirkooda Kuuriyada Waqooyi.

Khatar cusub oo ku wajahan qalabka difaaca gantaallada ee Mareykanka

Kuuriyada Waqooyi horayba waxay usii heysatay labo gantaal oo la tijaabiyay, oo noocoodu yahay ICBM. Mid ka mid ah oo lagu magacaabo “Hwasong-14” waxaa labo jeer la tijaabiyay sanadkii 2017-kii wuxuuna gaadhayaa masaafe dhan 10,000km (6,213 meyl). Gantaalkaas oo qaadi kara hal madax oo hubka nuclearka ah wuxuu gaari karaa ku dhawaad dhammaan waddamada galbeedka Yurub iyo kalabar ka mid ah gobollada Mareykanka.

Hwasong-15 oo isagana sidoo kale la tijaabiyay 2017-kii ayaa gaadhi kara masaafe dhan 13,000km, taasoo micnaheedu yahay in uu hal madax oo nuclear ah gaarsiin karo meel walba oo ka mid ah dhulka Mareykanka. Gantaalka cusub, oo wali aan la tijaabinin, ayaa gaadhi kara masaafe ka dheer midka Hwasong-15.

Gantaallo waaweyn ayaa lagu soo bandhigay dhoollatuska

Ilaa faahfaahin laga bixiyo sida uu u sameysan yahay, ama la tijaabiyo, way adagtahay inaan ogaanno masaafaha saxda ah ee uu gaadhi karo gantaalka cusub. Hase yeeshee habka loo sameeyay ayaa muujinaya in Kuuriyada Waqooyi ujeeddadeeda ay iska caddahay: Uma baahna inay sii kordhiyaan masaafaha gantaalladooda, maadaama ayba horay u sameysteen gantaallo masaafaha ku filan gaadhi kara.

Mar haddii aan masaafe laga fakareynin, waxaa diiradda la saarayaa sidii loo sameyn lahaa gantaal xambaari kara madaxyo badan oo nuclear ah.

Arrintaasna waxay dhibaato weyn ku noqoneysaa qalabka difaaca gantaallada ee Mareykanka, oo markii horeba culeys weyn uu heystay, sababtoo ah gantaal kasta oo soo aada dhinaca Mareykanka wuxuu u baahan yahay howl baaxad leh oo lagu celiyo.

Walaacdeg deg ah

Waxaa jira su’aalo badan oo ku gadaaman habka ay u sameysan yihiin gantaallada ICBM, taasoo micnaheedu yahay in aan la kala aqoonin marka la tijaabinayo iyo marka waddan lagu weerarayo toona. Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee walaaca laga muujinayo waa in Kuuriyada Waqooyi ay awood u leedahay qaadista weerar nuclear ah marka loo eego qalabka gantaallada lagu tuuro ee ay heystaan.

Mar walba awooddaada nuclear-ka waxay ku xirantahay tirada qalabka gantaallada lagu rido ee aad heysatid. Mareykanka wuxuu qiyaasaa in Kuuriyada Waqooyi ay ridi karto ugu badnaan 12 gantaal oo noocoodu yahay ICBM. Xisaabtan waxay ku dhisan tahay awoodda uu leeyahay mid kasta oo ka mid ah lixda qalab ee gantaallada lagu rido karo ee ilaa hadda la ogyahay in Kuuriyada Waqooyi ay heysato.

Markaas kaddib Mareykanka wuxuu fursad u heli karaa in uu aargoosi sameeyo ka hor inta aan weerar labaad lala beegsanin. Sanadkii 2010-kii, Kuuriyada Waqooyi waxay si sharci darro ah usoo iibsatay lix qalabka gantaallada lagu rido ah, oo ay kasoo qaadatay Shiinaha. Kaddib waxay ku sameeyeen dib u habeyn, si looga dhigo qalab mar walba xambaarsan gantaallada, xilligii la doodana loogu adeegsan karo in la rido. Qalabka noocaas ah ayey hadda Kuuriyada Waqooyi u adeegsatay gantaalladaas markii dhoollatuska la sameynayay.

Kuuriyada Waqooyi waxay gaadiid aad u waaweyn u adeegsataa inay kaxeeyaan gantaallada ICBM

Xitaa gantaalka cusub ee aadka u weyn waxaa xambaarsan qalabka diyaarsan. Dhoollatuskan wuxuu ka dhignaa in markii ugu horreysay aadduunka lagu arko wax ka badan lix qalabka gantaallada lagu kaxeeyo ah.

Sidaas darteed waxaa cad in Kuuriyada Waqooyi ay wali awood u yeelan karto sameysashada qalab aad u waaweyn oo gantaallada lagu xisro marka la qaadayo.

In Gantaalka cusub ay Kuuriyada Waqooyi sameysatay sanad uu caalamka dhibaato aad u weyn ku dhex jiro waxay muujineysaa sida aan loo dhayalsan karin waxa uu awoodda u leeyaahay waddankaas iyo hoggaamiyihiisaba ama heerka ay ka gaarsiisan yihiin dhinaca tiknoolojiyadda

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Sirdoonka & Militariga17 hours ago

Yukrayn ayaa eriday safiirkii Iiraan – sababtoo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushku u adeegsaday dagaalka

WARBAAHINTA2 days ago

Reer galbeedka waxay burburinayaan mudnaantooda – ayuu yiri Lavrov

Sirdoonka & Militariga2 days ago

Biden wuxuu ballan qaaday taageerada xulafada Ruushka

Sirdoonka & Militariga2 days ago

Kuuriyada Waqooyi ayaa ka jawaabtay eedeymaha hubka ee Ruushka

Diblomaasiyadda & Dunidda4 days ago

Ra’iisel wasaaraha Jabban ayaa amaanay doorka Turkiga ee heshiiska qamadiga ee dagaalka Ruushka iyo Yukrayn

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Israa’iil iyo Yuganda ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah iyadoo ay jirto dhaleecayn

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Madaxweynaha Ruushka wuxuu ku dhawaaqay abaabul ciidan oo qayb ka ah Ruushka

Afrika1 week ago

Marrooko iyo Nayjeeriya ayaa ku heshiiyey mashruuc ku saabsan in gaaska la gaarsiiyo Galbeedka Afrika iyo Yurub

Afrika1 week ago

10 qof ayaa ku dhintay iska horimaad dhexmaray beeraley iyo xoolo dhaqato dalka Chad

Diblomaasiyadda & Dunidda2 weeks ago

Maxaa dhici kara haddii heshiiska Nukliyeerka Iiraan la saxiixo?

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Google iyo shaqaalaha Amazon ayaa ka mudaaharaaday qandaraas balaayiin doolar ah oo lala galay Israa’iil

Afrika2 weeks ago

Telefishinka dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaatay in Madaxweyne Xassan Sheekh iyo kooxda TPLF ay leeyihiin ‘xariir adag’

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

Golaha Wasiirada Somaaliya oo bogaadiyey dagaalka shacabka Hiiraan ay kula jiraan Al-Shabaab

WARBAAHINTA2 weeks ago

Masar ayaa diiwaan gelisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka daanyeerka, waxaana laga helay nin 42 jir ah oo ka yimid Yurub

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

Boqolaal carruur ah ayaa ku dhimanaya Soomaaliya waxaana loo aasayaa ‘sida qashinka’, ayay tiri QM

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Mareykanka ayaa u xaqiijiyay Israa’iil in Iiraan aysan noqon doonin quwad nukliyeer ah

WARBAAHINTA3 weeks ago

Maamulaha suuqgeynta ee shirkada Google ayaa iscasilay ka dib markii ay dhaleeceysay heshiiska lala galay Israa’iil

WARBAAHINTA3 weeks ago

Al-shabaab oo qarxisay ceelal iyo xarumaha isgaarsiinta deegaanno ka tirsan Galmudug

Afrika3 weeks ago

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay weerarro ay fallaagada ku qaadeen bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo

Siyaasadda Soomaaliya4 weeks ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jeneral Cabdalla Cabdalla dib ugu soo celiyey darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Booliiska Israa’iil ayaa xiray gabar aroosad Falastiini ah iyadoo ku labisan dharka arooska

WARBAAHINTA1 month ago

Gudiga dowlada Denmark ayaa raba in xijaabka laga mamnuuco iskuulada

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Maxaan kala Soconaa dagaaladii ay qaadeen Al-shabaab?

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

Soomaaliya ayaa u magacawday aasaasihii al-Shabaab wasiirka diinta

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

“Xildhibaanadu ha diidaan ansixinta Roobow”- Xisbiga Qaransoor

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Shabaab oo weerar culus ku qaaday Kenya, waa sidee xaalada amni ee geeska Afrika?

WARBAAHINTA2 months ago

Nafaqo darro daran oo saameysay caruurta barakacayaasha kusoo barakacay magaalada Muqdishu

WARBAAHINTA2 months ago

Barakacayaal kusoo barakacay duleedka deegaanka Ceel Barde oo ka cawanaayo amni daro iyo cunno yari soo wajaheysa

WARBAAHINTA2 months ago

Diyaaradaha nuuca Drone-ka oo duqeymo ka fuliyay tuulooyin hoos taga gobolka Hiiraan

WARBAAHINTA2 months ago

Galmudug iyo Dowlo Deegaanka Soomaalida oo shir kaga hadlaayo amniga xadka labada maamul

WARBAAHINTA2 months ago

Maandooriyaal  iyo hub lagu soo qab qabtay magaalada Muqdishu

WARBAAHINTA2 months ago

Madbacad ay yaaliin buugaag iyo agab badan oo laga hirgaliyay magaalada Muqdishu

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Maxaa sababay inay Al-shabaab weeraro ka geystaan deegaanada Aato iyo Yeedh?

Afrika2 months ago

Masar ayaa mudaaharaad ka dhigtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si’ay ugu joojiso Itoobiya rabitaankeeda ah inay buuxiso biyo-xireenka

Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago

Faa’iidada ay leedahay aqlaaqda wanaagsan

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

Xisbiga Qaransoor oo hogaamiye iyo guddoomiye cusub yeeshay

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

Xisbiga QaranSoor oo maanta yeeshay shirweyne Qaran

Afrika2 months ago

Ruushka iyo Itoobiya oo ku heshiiyey inay sii xoojiyaan xariirka labada dal

Cuntooyinka2 months ago

Qurbo joogta iyo faa’idooyinka cunista kalluunka

Xul