Connect with us

Siyaasadda Soomaaliweyn

Kama dambeys Soomaaliya oo ku guuleystay in daynta laga cafiyo – yaa bixiyey deynta?

Daynta gudista Soomaaliya ayaa waxaa kala bixiyey IMF ($343.2 milyan), IDA ($448.5 milyan), Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF) (131.0 million), deyn bixiyeyaal kale ($573.1 million), iyo dalal iyo ganacsiyo kale ($3 bilyan).

Published

on


Guddiyada Fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo qeybta Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee Bankiga Adduunka ayaa ansixiyay barta dhamaystirka Soomaaliya ee barnaamijka deyn ka-cafinta dalalka saboolka ah deymaha badan lagu leeyahay (HIPC).

Barnaamijka ayaa Soomaaliya looga cafiyey deyn dhan $4.5 bilyan oo dibedda looga lahaa.

Kadib barta geba-gebada ee HIPC, deynta dibadda looga leeyahay Soomaaliya oo markii hore u dhigantay 64 boqolkiiba dakhliga gudaha (GDP) ee 2018-kii, waxay hadda noqotay kaliya 6% dhammaadka 2023.

Dayn cafintan ayaa fududeyn doonta helitaanka ilo dhaqaale oo dheeri ah oo muhiim ah, kuwaas oo ka caawin doona Soomaaliya xoojinta dhaqaalaheeda, yareynta saboolnimada, korna u qaadi doona shaqo abuurka, sida lagu yiri bayaan wadajir ah oo kasoo baxay Bankiga Adduunka iyo IMF.

Daynta gudista Soomaaliya ayaa waxaa kala bixiyey IMF ($343.2 milyan), IDA ($448.5 milyan), Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF) (131.0 million), deyn bixiyeyaal kale ($573.1 million), iyo dalal iyo ganacsiyo kale ($3 bilyan).

Dayn-bixiyayaasha kale ayaa waxaa ku jira Naadiga Paris (Paris Club) iyo Kooxa Iskaashiga Carabta.

“Hanaanka deyn cafinta Soomaaliya waxa uu ahaa ku dhawaad toban sano oo dadaallo dowladeed oo is-daba-joog ah oo socday saddex maamul siyaasadeed. Tani waxay muujineysa sida ay nooga go’an tahay qarankeena iyo mudnaanta aan siineyno ajendahan muhiimka ah ee wax badan noo suurta-gelinaya,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Si ay Soomaaliya ugu dhaqaaqdo jihada wanaagsan ee dhaqaale ee aan dhammaanteen u baahanahay, waxay ahayd inaan dib u habeyn ku sameyno sharciyadeena, nidaamkeena, siyaasaddeena, iyo dhaqankeena. Gaaritaanka Barta Dhamaystirka ee HIPC waa miraha dib-u-habayntan. Markii ay xukuumaddaydu go’aansatay barnaamijkan dib-u-habaynta ku dhawaad 10 sano ka hor, tani waxay ahayd natiijadii aan ku taameynay.”

Facebook Comments Box

Xafiiska wararka ee Diblomaasi waa xafiiska u qaabilsan wararka maalin laha ah. Waxaa lagu aruuriyaa warbixinada iyo war-saxaafeedyada ay daabacaan hay'adaha caalamiga, kuwa maxaliga iyo ururada siyaasaddeed. Qofka mas'uulka ka ah xafiiska wararka Diblomaasi waa madaxa Xafiiska Wararka.

Siyaasadda Soomaaliweyn

Qowmiyada Oromada oo xalay lagu laayay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Dhacdo kale oo cusub oo lagu beegsanaayo qowmiyadda Oromada ayaa xalay sidoo kale ka dhacday degmada Balad Xaawo.

Published

on

Sawirka waa sawir hore - Somailspot.com

Tan iyo damacii guracanaa ee Itoobiya kusoo hunguriyeysay badda Soomaaliya waxaa isa soo taraayo dadka dhibaatooyinka loogu gaysanaayo gudaha Soomaaliya, kuwaasoo kasoo jeeda qowmiyadda Ra’isal Wasaarre Abiy Axmed.

Inta la xqiijiyay 6 qof oo ka soo jeeda qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya iyo qof Soomaali ah ayaa xalay lagu dilay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Dhakhtar ka tirsan isbitaalka degmada Beledxaawo oo diiday in magaciisa la xigto ayaa BBC-da u sheegay in 6 qof oo oromo ah maydkooda la keenay isbitaalka, halka 6 kalena iyagoo dhaawac ah la dhigay isbitaalka.

Dad ku sugan Beledxaawo ayaa BBC-da u sheegay in rag hubeysan ay xalay galeen guri ay daganaayeen dadka oromada ah halkaasna ay ku dileen 6 qof oo oromo ah oo 3 kamid ah ay ahaayeen rag halka 3 kale ay ahaayeen dumar. Waxa kale oo la xaqiijiyay in qof dumara oo Soomaali ah iyana halkaas lagu dilay.

Gudoomiyaha degmada Beledxaawo Cabdirashiid Caroog oo BBC-du wax ka waydiisay dilka ka dhacay degmadiisa ayuu sheegay in warkaasi jiro, laakiin uusan hadda sheegi karin tiradu inta ay la egtahay, wuxuu kaloo intaa raaciyay in ay ku jiraan hawgal lagu baadi goobayo ciddii ka dambeysay. Faahfaahin dheerada lagama hayo cidda ka dambeysay dilka, mana jirto cid sheegatay illaa hadda.

Magaaladda Dhuusamareeb

Sidoo kale, dadka ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee ku nool magaalada Dhuuso-mareeb iyo guud ahaan Soomaaliya ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay qeybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed kala kulmayeen dhibaatooyin tan iyo markii ay Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen is-afgaradka badda kaasoo aan weli hirgalin. Halka Soomaaliya ay aad ugu carootay heshiiskaas.

Dhacdadaan ma ahan mid cusub, kuwa lamid ah waxay sidoo kale ka dhaceen magaalooyinka kale ee Soomaalida degto. Laanta afka Oromada ee VOA ayaa wareysatay qaar ka mid ah Oromada kunool magaalooyinka qaar sidda, Hargeysa, Gaalkacyo iyo magaalooyin ka tirsan Puntland, iyagoo u sheegay in dadka diidan heshiiska kala kulmayeen hadallo nacayb ah iyo in ay dalkooda ka baxaan.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ka muddooyinkii ugu danbeeyay sii xumaanaya xiriirka labada dal ayadoo uu salka ku haayo heshiis horudhac ah ay dowlada Itoobiya la gashay maamulka somaliland.

Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay heshiiska dekedda ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland. Kadib shir deg deg ah oo ay yeesheen, golaha wasiirada Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska u ogolaanaya Itoobiya in ay isticmaasho dekedda Berbera ee Badda Cas uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu khilaaf soo kala dhex galo labada dal, ee khilaafkan wuxuu salka ku haaya damaca Itoobiya oo ah inay hesho dekad iyo xarun milatari. Intii uu bilowday khilaafkan waxaa soo if baxay qaraaro kala duwan oo lagu taageeraayo go’aanka dowlada Soomaaliya, siddoo kale tallaaban ay qaaday dowlada Soomaaliya ayaa taageeray qaar ka mid dowladaha saxiibka dhow la ah Soomaaliya, ee ay ugu horeyso dowlada masar.

Dhawaan ayay aheyd ka dib markii madaxweynaha Soomaaliya uu safar ku tagay dalka Masar kaasoo ay kaga soo hadal qaadeen damaca Itoobiya iyo mowqikiisa kaga aadan taageerida dowlada Soomaaliya.

Duqa magaalada Dhuuso-mareeb oo wareysi siiyay Idaacadda VOA Somali ayaa ka war bixiyay xaalada qowmiyada Oromada ku nool magaalada Dhuusamareeb wuxuu yiri

“dadka Oromada magaalada way joogaan weyna ka tagaan, dadka intooda ugu badan waa dad xamaalato ah oo isuga jira gabdho iyo rag, waa dad ka shaqeeya guryaha iyo mashaariicda kala duwan Mansha’Allah xoogoodana waa loo bogay.”

Duqa magaalada oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay dhacdo asbuuc ka hor ka dhacday magaalada Dhuusamareeb wuxuuna yiri; ‘asbuuc ka hor ayaa dhacdo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, waxayna ku saleysneed nin ka mid ah dadkii loo shaqeynaayay oo waalnaa ayaa tooreey ku duray gabadhii u shaqeyneysay ka dib markii ay dhacday dhacdada ayaa lagu soo wargaliyay saldhiga, nasiib daro gabdhii halkii ayay ku dhimatay markii aan wargelinay reerkii waxay noo idmeen inaan duugno ninkiina hadda waa xiran yahay waa cadaalad suge’.

Hadalkaan kasoo yeeray duqa magaalada Dhuusamareeb ayaa tilaamaamayo ayadoo maalmihii ugu danbeeyay meelo ka mid ah magaalooyinka Soomaaliya oo laga soo sheegyaago dhibaato ka dhan ah labbada shacab.

Duqa magaalada oo su’aashan ka jawaabayo wuxuu yiri; “heshiiskaas hadda la sheegay shacabka Soomaaliyeed meel kastaa oo ay joogaan waxay u arkaan xad gudub iyo daan daansi ay kula kaceyso shacabka Soomaaliyeed adduunkuna wuu arkaa, hase yeeshee waxaa sameeyay waa dowlad ee mahan shacab.”

Dadkaan waa dad deris ah waa dad walaalo ah, Soomaalida qaar waxay ku nooshahay dalka itoobiya ma ogni waxay dowlada Itoobiya kula kacdo shacabkaas balse shucuubta iskuma xirna, waa laka safraa, waa leysla xamaashaa marka arintaas ma ahan wax dhibaato ka dhalin ka ra shacabka labada dal.’

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Akhriso: muxuu salka ku hayaa wax ka bedelka dastuurka ee baarlamaanka ansixiyey maanta?

Maxay ahayd in marka horre la eego dooda Baarlamaanka ee wax ka Bedelka Dastuurka? arrintaan ma horseedi kartaa khilaaf gudaha ah, iyadoo wakhti horreba arrimaha dibedda uu ka taagnaa khilaaf?

Published

on

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 10-aad ee Labada Aqal ee BJFS. Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta 3-aad iyo ansixinta habraaca dib u eegista dastuurka KMG ee Soomaaliya, waxaana looga hadlay habraaca iyo sida ay ugu wada-shaqeyn karaan Baarlaanka labadiisa aqal.

Kooramka guud ee kasoo qeyb galay Golaha maanta waxaa uu ahaa 184 Xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo 36 Senator oo Aqalka Sare, Waxaana ogolaaday 201 mudane, waxaana uu Guddoomiyuhu ku dhawaaqay in sidaasi uu ansax ku yahay habraaca wax ka bedelka dib u eegista Dastuurka KMG.

Xeerkan oo ay aad u diidanaayeen xubnaha mucaaradka, sidoo kalena xildhibaannada qaar ay maanta isku dayeen inay hor istaagaan iyaga oo buuq ka sameeyay golaha, balse ugu dambeyn waa la ansixiyay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Aadan Madoobe.

Habraaca la ansixiyay ayaa waxa uu dhigaya in soo jeedinta wax ka beddelka kama dambeysta ee cutubyada dastuurka soo idlaaday ay si kama dambeys ah ku ansixin karaan saddex meelood laba meel (2/3) tirada guud ee Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo saddex meelood laba meel (2/3) tirada guud ee Xildhibaannada Aqalka Sare. Xeerkan oo ay aad u diidanaayeen xubnaha mucaaradka, sidoo kalena xildhibaannada qaar ay maanta isku dayeen inay hor istaagaan iyaga oo buuq ka sameeyay golaha, balse ugu dambeyn waa la ansixiyay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Aadan Madoobe.

Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku yimid awood qeybsiga 4.5

Waxaa ogolaaday habraaca 180 xildhibaan, halka ay diideen 30 mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya. Hase-yeeshee waxaa arrintaan hareeyay walaac ay muujinayaan qaar ka mid ah xubnaha labada gole iyo siyaasiin dalka horey xilal uga soo qabtay oo sheegaya in aan la joogin waqti lagu mashquulo u codeyn iyo wax ka badel dastuur maadaama ay taagan tahay xiisad u dhaxeeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, dagaalka Al-shabaab iyo arrimo badan oo muhiim ay tahay in dowladdu ay xilligaan diiradda la saarto.

“Waxaan ka digayaa halista ku geedaaman isku-dayga ay Madaxtooyadu ku doonayso in ay ku beddesho Dastuurka Dalka iyadoo aan loo marin habraaca uu qeexayo Cutubka 15aad ee Dastuurka. Waa tallaabo khatar ku ah xasilloonida Dalka iyo wadajirka ummadda, Soomaaliyana u horseedi karta khilaaf hor leh iyo hubanti la’aan siyaasadeed” ayaa ku yiri warsaxaafadeed uu maanta soo saaray ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay inay jiraan “khatarro ku xeeran dadka iyo dalka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in meel la iska dhigo arrimaha khilaafka gudaha”.

“Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa siyaasadda Soomaaliya hareeyay khilaafka cusub ee Itoobiya iyo Soomaaliya ee la xiriira heshiiskii is-afgarad ee 1-dii bishan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland. Dhanka kale xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay Codeynta maanta ay ahayd habraaca lagu dhameystirayo wax ka badalka dastuurka.

“Habraaca waxaa in muddo ah ka soo shaqeeynayay guddigii labada aqal ka koobnaa waxa uuna soo maray akhrin koobaad iyo labaad iyo dood kale oo hore intaba, cid walba oo daneeynayso inay aragtana fursad waa loo hayay inay aragtideeda ku biiriso waxa la baddalayo,” ayuu yiri Xildhibaan Mursal.

Waxa uu sheegay in waxa laga dooday ay qayb ahaan ahayd madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

“Waxaa kale oo jira wax badan oo kale oo ay ugu muhiimsan tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo dadka soo doortaan xubnaha ku matalaya aqallada sharci dejinta iyo xubnaha ugu sarreeya xukuumadda oo uu madaxweynaha kow ka yahay.”

Maxay ahayd in marka horre la eego dooda Baarlamaanka ee wax ka Bedelka Dastuurka?

Marka la eego doodda maanta ee ku saabsan wax ka bedelka dastuurka ee la doonayo in looga gudbo nidaamka baarlamaaniga ah, loona gudbo nidaamka madaxweynaha, waxay mas’uuliyiinta qaar qabaan in la tixgaliyo arrimaha qaar, Sida bartiisa X oo horay loo oran jiray Twitter uu ku qoray Diktoor Cali Saciid Faqi oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Shuruudaha Sharci iyo Habraaca: “Wax-ka-beddelku waa inuu u hoggaansamaa shuruudaha sharci iyo habraaca ee ku xusan dastuurka. Tan waxaa ka mid ah in la tixgeliyo tirada codadka loo baahan yahay si loo ansixiyo geeddi socodka hababka la dejiyay,” ayuu yiri Diktoor Cali Saciid Faqi. “Waa in qiimayn lagu sameeyaa si loo go’aamiyo in wax ka beddelka la soo jeediyay uu saamayn ku yeelan karo xuquuqda iyo xorriyaadka uu dastuurku dammaanad qaadayo” ayuu sii raaciyey.

“Waa in si taxadir leh loo qiimeeyaa saamaynta uu wax-ka-beddelku ku yeelan karo isu-dheellitirka awoodda hay’adaha kala duwan ee dawladda. Qodobkani waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa ilaalinta nidaam dimuqraadi ah oo caafimaad qaba” ayuu qoraalkiisa ku sheegay, wuxuuna intaa ku daray “waa in la tixgeliyo heerka taageerada dadweynaha ama diidmada wax ka beddelka la soo jeediyay”.

“Waa lagama maarmaan in la falanqeeyo in wax ka beddelka la soo jeediyay uu keeni karo suurtogalnimada isbeddello awoodaha. Fahamka saamaynta siyaasadeed ayaa muhiim u ah dood dhamaystiran. Wax-ka-beddelka la soo jeediyay waa in si fiican loo baaro si loo xaqiijiyo awoodiisa iyo dhaqangelintiisa qaab-dhismeedka sharci iyo kan maamul ee jira”.

Talaabada xigta ayaa la filayaa in ay noqoto sidii dastuurka wax looga beddeli lahaa maadaama la meel mariyey habraacii loo mari lahaa wax ka beddelkaas.

“Ayadoo ajendihii aan la qaybin, habraaciina aan laga wadahadlin ayuu guddoomiyaha golaha shacabka wuxuu ku dhawaaqay in la ansixiyey sharciga. Ilaa hadda waxaan is weydiinaynaa waxa la ansixiyey, sababtoo ah habraaca in naloo qaybiyo oo laga doodo ayey ahayd” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu ku tilmaamay “sharci darro” qaabkii loo meel mariyey habraaca. “Waxay hor seedi kartaa in baarlamaanka uu shaqayn waayo” ayuu yiri.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Maxaa ku qasbaya in madaxweyne Mustafe Cagjar taageero is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland?

Mustafe Cagjar miyuusan ogayn taariikhda xasuuqa bahalnimada leh ee Itoobiya u gaysatay shacabkiisa?

Published

on

madaxaweynaha Maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar 'Mustafe Cagjar'

Sida ay tebisay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ah oo wareysi ka qaaday madaxaweynaha Maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ‘Mustafe Cagjar’ ayaa sheegay inuu taageersan yahay heshiiska ay wada galeen dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

Maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa Jimcihi shalay marki ugu horreysay ka hadlay halka ay ka taaganyihiin, is-afgaradki ay dhawaan kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, “..dalka Itoobiya waa dal shacab badan ay kunool yihiin illaa 120 milyan, waxayna ku tiirsan yihiin dalalka jaarka inuu wax ka soo dhoofsado. Marka inuu heshiis noocaan oo kale galo dalka uu helo dekad uu isticmaalo iyo waliba saldhig militari uu ku illaalsado danaha siyaasaddeed iyo istiraajiyaddeed uu ku illaalsado waa wax faa’ido badan u leh.” ayuu yiri madaxaweynaha Maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ‘Mustafe Cagjar’

“Deegaanka Soomaaliduna, madamaa uu dalka ka tirsan yahay wixii faa’ido ahna waa kan ugu horreeya ee ka faa’ida madamaa xariirkeena dhaqaalle uu ku xeran yahay dekada.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mustafe Cagjar.

Mustafe Cagjar miyuusan ogayn taariikhda xasuuqa bahalnimada leh ee Itoobiya u gaysatay shacabkiisa? PDF

Sida ay sheegtay hay’adda UNPO oo kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobay hoos-tagga ayaa qortay in ciidamada sida gaarka ah u gumaada shacabka Soomaalida ee maamulka Kililka Shanaad ee Gumaysiga Itoobiya ee lagu magacaabo Liyuu Boolis oo ay maalgeliso, tababarto, isla markaana ay hubayso dawladda Itoobiya ayaa xasuuq ba’an ka gaystay tuulooyinka u dhow degmada Shilaabo ee dalka Ogaadeenya ee ku teedsan xuduudka Soomaaliya, halkaas oo ay ku laayeen boqolaal qof oo rayid ah, tiro kalena ku gubeen.

Sida ay hay’addu sheegtay, dadkii halkaas ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah in ka badan 50-qof oo isugu jira haween, caruur iyo dad da’ ah, kuwaasi oo googo’ay. Goobaha Xasuuqaasi ka dhacay ayaa ah Tuulooyinka Lababaar, Xaadh Xaadh, Xindhowreed, iyo Tuulooyinka kale ee dhanka Baarmagoog iyo Xuduudka Soomaaliya ee u dhow Gobolka Gal-Mudug.

Sida ay hay’adda UNPO sheegtay ciidamada Liyuu Booliska oo si joogta ah xasuuqa foosha xun uga gaysta tuulooyinka Ogaadeenya ayaa waxay tageen tuulada Lababaar waxayna ka dalbadeen xoolo inay siiyeen. Dadkan oo aan wax lacag ah haysan ayaa u sheegay taliyayaasha Liyuu Booliska in aysan awoodin lacagaha qaaliga ah ee laga qaado. Taliyaha Liyuu Booliska ayaa amray in la dilo dhowr oday. Dadka ayaa is hortaag ku sameeyay, waxaana la toogtay dhowr qof oo bulshada ka mid ah. Kadibna ciidamada Liyuu Boolisku waxay bilaabeen inay ku rusheeyaan dadkii rayidka ahaa ee soo hadhay.

Dadka ayaa go’aansaday in ay iska caabiyaan, kadibna ay ciidamada Liyuu Boolisku bilaabeen in ay weerar ku qaadaan dhamaan tuulooyinka ay ka kooban tahay deegaanka, waxana ay toogteen qof kasta oo ay arkaan, iyaga oo si gaar ah u bartilmaansanayay haweenka iyo caruurta oo aan isdifaaci karin.

Xukuumada Meles ayaa dagaal bahalnimo ah ku qaaday shacabka Soomaali galbeed. Ciidanka Itoobiya ayaa xidhay isgoysyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Ogaadeenya, waxayna ciidamada Liyuu Boolisku ka caawinayaan saanad iyo taakulayn caafimaad, iyagoo dhinaca kale gowracaya oo dilaya dhaawaca iyo dadka rayidka ah ee usoo fakaday dhinaca Soomaaliya si ay u tirtiraan wixii caddaymo ah.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya (ONLF) ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay inay baaritaan ku sameyso waxa ay ku sheegtay dambiyada dagaal ee ay ciidamada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ka geysteen dhulka fog iyo dhulka oomanaha ah ee ay deriska yihiin Soomaaliya. JWXO waxay cambaaraynaysay dawladda Itoobiya, waxayna beesha caalamka ugu baaqday inay guddi xaqiiqo raadin ah u soo diraan Ogaadeenya si ay u soo baaraan dhacdooyinkaas iyo hab-dhaqanka guud.

Ciidamada Liyuu Booliska ee gobolka Ogaadeenya waxay gacanta ku hayaan saxaafadda, lamana ogola saxaafad madax banaan oo gudaha ah.

JWXO waxay ku wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Soomaaliya in ciidamada Liyuu Boolisku ay yihiin ciidamo ay abuurtay gumaysiga Itoobiya oo loo adeegsado in lagu cabudhiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya, isla markaana aan ahayn ciidan ka tirsan qabiilka Soomaalida Ogaadeenya. Sidaas darteed, waa inay mas’uuliyadda masiibadaas dusha u ritaan taliska Itoobiya.

Ciqaab wadareed

Sida ay cadeynayso warbixinada hay’adda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch, xadgudubyada ay geysteen mucaaradka iyo ciidamada Itoobiya waxay halis toos ah ku tahay badbaadadooda waxayna abuurtay dhaqan cabsiyeed oo baahsan. In kasta oo iskahorimaadku uu sannado badan soo jiitamayay oo lagu eedaynayey xad-gudubyo isdaba joog ah, haddana waxay yeelatay dardar cusub kaddib markii Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) ay weerar ku qaadday Shidaal Shiinuhu maamulayeen oo ku yaalla Gobolka Soomaalida bishii Abriil 2007, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 70 Shiineys iyo Itoobiyaan ah. Jabhada EPRDF ee uu hogaamiyo Ra’isal wasaare Meles Zenawi ayaa ka jawaabtay in ay olole bahalnimo ah oo ka dhan ah kacdoonka ka bilaabeen shanta aag ee Gobolka Soomaalida ee ay colaaduhu sida aadka ah u saameeyeen ee kala ah Fiiq, Qoraxe, Goday, Wardheer, iyo Dhagaxbuur. Aagagan ayaa si badheedh ah oo isdaba joog ah ciidamada qaranka Itoobiya u weeraray dad rayid ah oo ay ku doonayaan in ay xididada u siibaan kacdoonka.

Cadeymaha ay hay’adda soo bandhigay, ciidamada Itoobiya ayaa si xoog ah ku barakiciyay dhammaan dadkii ku noolaa miyiga, iyagoo ku amray dadka tuulada ku nool inay maalmo gudahood uga baxaan guryahooda, haddii kale ay arkaan guryahoodii oo la gubayo, hantidoodana la burburinayo, isla markaana ay halis ugu jiraan dhimasho. Hay’adda Human Rights Watch waxay diiwaan gelisay xukunno dil ah oo lagu fuliyay in ka badan 150 qof, kuwaas oo intooda badan lagu dilay bannaanbaxyo, iyadoo askarta Itoobiya ay si gooni ah ula baxeen dadkii lagu tuhunsanaa in qaraabadooda ay ka tirsan yihiin ONLF ama qofkasta oo taageero u haayo ururka.

Xukunka dilka ah ayaa mararka qaar waxaa ka mid ah in la ceejiyo, kadibna meydkooda la dhigo meel banaan ah oo si digniin ah, si ay dadka tuuladana ku nool ay u aasaan. Xogta ay xaqiijisay hay’adda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa ah kuwa bahalnimo ay ku jirto.

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO)

In ka badan labaatan sano, Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) waxay u halgamaysay sidii aayo-ka-talinta loogu heli lahaa Soomaalida ku nool Dawlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya (oo sidoo kale loo yaqaanno gobolka Ogaadeenya).

ONLF waxay samaysatay koox wadani ah 1984. Waxay ku guulaysteen doorashooyinkii golaha deegaanka ee ugu horreeyey ee SRS sannadkii 1992 ka dib markii la afgambiyay taliskii milateriga Itoobiya 1991kii oo la keenay nidaamka federaalka qowmiyadaha ee Itoobiya. Kooxdu waxay u jeesatay kacdoon hubaysan 1994, ka dib markii ay isku khilaafeen dawladda federaalka ee ku saabsan xuquuqda aayo-ka-tashiga Soomaalida iyo ka dib markii dhowr ka mid ah hoggaamiyayaashoodii la xiray lana dilay.

Colaadda ayaa ka dhigtay gobolka Soomaalida mid ka mid ah gobollada ugu saboolsan Itoobiya – celcelis ahaan, ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa ku tiirsan gargaarka cuntada sannad kasta.

Wadahadalka nabaddeed ee gumeysi-diidka ONLF iyo Dowladda Itoobiya

Wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya ONLF iyo Dowladda Itoobiya ayaa bilowday sannadkii 2012-kii, waxaana hoggaaminayay koox ka socotay dowladda Kenya. Ururka Resources Conciliation Resources ayaa lagu casuumay inay taageerto wadahadaladan, iyadoo talo farsamo siinaysa kooxda Kenya iyo dhinacyada isku haya lixdii sano ee wada xaajoodka. Waxaana ka mid ahaa tabbabarka diyaarinta wada-xaajoodyada, ka-talinta geeddi socodka nabadda ee ballaaran iyo gacan ka geysashada diyaarinta heshiiska nabadda ee kama-dambaysta ah.

Heshiiska waxaa lagu saxiixay magaalada Asmara, Oktoobar 2018 Eriteriya. Waxay soo afjartay colaaddii waxayna u gogol xaadhay in ONLF ku soo noqoto gobolka oo ujeeddooyinkeeda siyaasadeed ku fushato hab nabdoon. Madaxda JWXO ayaa hadda isu diyaarinaaya inay u diyaar garoobaan ka guuristooda mucaaradka hubeysan una gudbaan urur siyaasadeed.

Colaadda xadka Oromada iyo Soomaalida iyo colaadaha gudaha ee Soomaalida ee la xiriira xuduudaha, xuquuqda daaqaha, helitaanka iyo xakamaynta ilaha dawladda hoose ayaa ah caqabadaha isasoo taraayo. Hadda se waxaa soo cusboonaaday mid kale oo horleh, gobolka Tigray!

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Fahanka sooyaalkii Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya

Waa qoraal kooban oo ka hadlaayo sooyaalkii dastuurka Soomaaliya iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray. Waxaana iswaydiin mudan maxaa ka baran karnaa?

Published

on


Hordhac: Waa maxa Dastuur?

Dastuurku waa heshiis bulsho ka dhaxeeyo oo qeexaayo xiriirka ka dhaxeeyo muwadiniinta iyo dowladooda waana Axdi lagu caddeynayo nooca doorasho ee dalka ka dhacayso, siyaasadda dalka, waajibaadka madaxda dowlada iyo muwadaniinta xaquuqda ay leeyihiin, sidoo kale wuxuu cadeynayaa nooca xukumada dalka ka jirto ay tahay tusaale noocyada dowladaha, dowlad boqortooyo ku dhisan, dowlad federal ah, dowlad dhexe kaliya (unitary government) iyo sida loo toosinayo midka ku xadgudba Axdiga iyo guud ahaan sida dadku ugu dhaqmi lahaayeen qaanuun ay raalli ka wada yihiin.

Sooyaalkii dastuurka soomaliya

Soomaaliya waxay yeelatay 3 Dastuur makii jamhuuriyda soomaaliya xoriyada qadatay 1960 ilaa hada. 27-dii Bishii Janaayo 1950 waxaa gobolladii koon-fureed wisaayo ahaan loo hoos-geeyay Talyaaniga, waxayna Qaramada Midoobay go’aamisay in muddo 10 Sano ah in talyaaniga soomaaliya gaarsiiyo dowlad rasmi ah inay yeelato. Isla waqtigaas ayuu bilowday geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, 1956 soomaaliya waxay yeetaya dowlad KMG daaqili ah waxaa raisal wasaare ka haa Cabdullahi Ciise Maxamuud halka Gudoomioye Barlaam loo doortay Adam cade, November 1958-dii ayuu Guddigii farsamadu soo bandhigay qabyo-qoraal Dastuur oo hordhac ah kana kooban 141 Qodob, ayna la socoto faallooyin gaaraya 316, bog, Janaayo 1960 ayaa awood buuxda u siisay Golihii sharci dejinta in uu la wareego howsha Dastuur samaynta. Golihii sharci dejinta waxay marki ugu horreysay kulmeen 17-kii Maarso 1960, waxayna magacaabeen guddi siyaasaddeed oo soo daraaseeyo qaby-qoraalka Dastuurka 22dii Maarso 1960 waxay hawshiisii billaabay 23 Maajo 1960, wuxuu yeeshay 20 fadhi ka badan muddo 31 maalmood gudahood, waxayna ansixiyeen qabyo-qoraalka dastuurka 21 Juun, 1960, taasoo ka horreysay in ka yar labo toddobaad maalintii madax-bannaanida Soomaaliya ee 1dii Luulyo, 1960 oo ay soomaaliya yeelatay dowlad Rasmi ah kuna biirtay Qaramada midowbe welina Dastuurkii soomaalia wuxuu ahaa qabyo barlamkii soomaaliya rasmiga ahaa ayaa la wareegatay hoosha dhamaystirka qabyo qoraalka dastuurka somaaliya dadaalo dheerad ah xukumadii somaliya gelisay ugu dambeyntii Waxaa lagu meel-mariyay afti-dadwayne 20kii Juun 1961, waxaana HAA ugu codeeyey (90%) codadkii la tiriyay ee ay dhiibteen dadka soomaaliyeed, waxaa xusid mudan isla xiligaasi ayaa ugu dambeysey Dastuur si Democraadi ah lagu ansixiyay codeen shacab, sida caadiga ah Dastuurka waxaa dib u eegis lagu sameeyaa 10kii mar si oo ula jaanqaado isbedelka wadanka dhanka sharciyada iyo kan calamka, nasiib daro Dastuurkii la anxiyay 1961 waxaa dib u eegis lagu sameen lahaa 1971 lakiin waxaa ka dhacay afganbigii ciidan.

21-dii Oktoobar 1969-kii waxaa awooddii dalka afgambi kula wareegay taliskii ciidanka, waxaana la inqilaabay dowladdi rayid ahayd ee shacabku soo doortay, waxaa sidoo kale lalaalay Dastuurki Dalka. Waxaa wadanka lagu maamulayay -muddo 10 sano ah -dekreetooyin aan cuskanayn wax saldhig dastuur ah, 1977-dii ayaa Xeerka Madaxweyne ee Lambarkiisu yahay 90/91 ee soo baxay 20kii Oktober 1977 lagu magacaabay guddi soo diyaariyo mashruuc Dastuur, guddigii soo diyaariyay qabyo-qoraal Dastuur oo ka kooban 114 qodob, waxaana lagu ogolaaday Sharci L.16 ee soo baxay 20kii May 1979 Waxaa sidoo kale lagu ogolaaday Xeerka Madaxweynaha.

26/jan/1991 waxaan dhacday dowladii military ahed wuxuuna wadanka galay dagaalo sukeeyo macluul, iyo abaaro isbiirsday door mar ayey la isku dayey dadaal dib u heshiisiin ah ugu dambeentii lagu fashilmay taasi waxay keentay in dagaaladii socday kusii faafaan guud ahaan wadan, ururadii ay soomaaliya xubinta ka aheed sida Qaramada midowbe iyo Jamacada carabta iyo midowga Africa ayaa bilaabeen inay gacan ka geestaan Shirarkii dib u heshiisnta somalida, sannadkii 2000 waxaan dalka Jabuuti ka furmay shirkii dib u heshiinta waxaan lagu soo dhisay dowlad kumeel gaar oo ah dowlad dhexe oo kaliya lakiin waxaa shirkaa isaga baxay ergadii ka socotay punthland madama la qadan waayey ajandahooda ahaa Dowlad federal ah in la dhso ilaa hada Puntland ayaa lagu amaana inay tahay hooyadii federalka iyo hogaamiye kooxeedyadii konftarta iyo bartama Somalia maamulayeen aysan ku qancin shidoo shirka ku socday.

Markale 2002 waxaa Embagati Kenya ka furmay shirkii dib u heshiinta soomalida oo socday labo sanno waxaana la isgu geeyey labo kun oo ergo ka badan oo ka kala socday, bulshada rayidka, aqoonyahanu, culumada, hogaamiye kooxeedyada, ururada haweenka, oday dhaqmeedyada qaba’ilka shirkaa wuxuu soo dhamaaday 2004 ergadii shirka waxay ku heshiiyeen dowlad federal Kumeel gaar ah sidoo kale waxaa lagu heshiiyey Axdiga Qarameed 71 Qodob ka kooban, Inta laga garaayo dowlad rasmi ah iyo dastuur soomaaliyeed .

Qodobka 68aad ee Axdiga MKG ah wuxuu dhigayay in dastuur federal ah lagu sameeyo muddo laba sano iyo bar, ka bilaabato aasaasidda Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka, waxaana Guddiga la dhisay Juun 2006-dii, ayadoo la raacayo qodobka sare ku xusan ee Axdiga KMG.

30-kii Luuliyo 2010 Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka Federaalka waxa uu soo saaray Qabyo-qoraalka dastuurka ee la-tashiga badan kadib oo ka koobnaa 179 qodob, wuxuu dhisayay nidaam dowladeed oo u qeybsan Dowladaha Hoose, Dowlad Goboleed iyo Dowlad Federaal ah Sannadkii 2011-kii, guddi cusub oo khubaro sharci yaqaano ah ayaa la sameeyay si ay u caawiyaan guddiga madaxa bannaan ee dastuur u sameenta soomalia Labadii guddi ee dastuurka waxa ay qabyo qoraal iswaafajinaya aragtiyada kala duwan, usoo bandhigeen bishii Abriil 2012-kii lixda saxiixayaal ee hannaanka Roadmap-ka oo kala ahaa Madaxweynaha, Raisalwaha, Gudoomiyaha Barlaamka, Madxweyenayasha Puntland, Galmudug, Ahlusuna waljameca waa sida hada Gollaha wadatashiga qaran camal iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Danjire Augustine Mahiga. Guddi Farsamo oo aan xubnihiisa la shaacin ayaa la sameeyay waxa uuna dib u eegid ku sameeyay Dastuurka, waxayna saxiixeyaashii ku dhawaaqeen in ay isku afgarteen arrimihii ay isku maan-dhaafsanaayeen ee Dastuurka. Guddiga farsamo oo ku shirayay -muddo laba isbuuc ah- Magaalada Nairobi ayaa mar labaad dib-u-eegis ku sameeyay qaar kamid ah qodobada dastuurka kahor inta aanan qoraalka ugu danbeeyay loo gudbinin saxiixayaasha, 23dii Juun 2012 inta aan heshiiska lagu kala saxiixan Kenya ayay Dowladdii KMG ahayd wareegto ku kala diray Guddigii Madaxa Bannaanaa ee Dastuurka iyo Guddigii Khubarada ahaa. Bishii Juun 2012, saxiixeyaashii ayaa Nairobi ku ansixiyay Dastuurka KMG iyo afar habraac oo uu ku jiro habraaca samaynta gole matalo qaranka isla markaana aansixiyo Dastuurka kadib waxaa loo gudbiyay nuqul daabacan oo Dastuurka Kumeel-gaarka ah Golahii Metelaadda Qaranka oo ka koobnaa 825 ergo bishii Julaay aqris iyo ka duudis kadib Golaha oo ka koobnaa 825 ergo waxa la faray in ay u codeeyaan dastuurka iyaga oo aan waxba ka beddelin wayna ansixiyeen 1-dii Agoosto 2012, Golaha Metelaadda Qaran ayaa ansixiyay Dastuurka Kumeelgaarka ah. kadib 1991 Soomaaliya waxay yeelatay Dastuurka Kumeel gaar, Madaama dhamaaday xiligii dowladahii kumeel gaarka ahaa Dowlada cusub ee rasmiga ah ayaa loo igmaday inay dhamaystirto Dastuurka kumeel gaarka ah si oo u noqdo Dastuur Rasmi taasi oo ilaa manta soo jiitantay geedi socodka dhamaystirka dastuurka,

Maay 2018 waxaa Mogadishu ka daah-furtay geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka. Shirkaan waxaa ka soo qaybgaley xubnaha baarlamanka, culimada, bulshada rayidka iyo bah-wadaagta caalamiga ah. Dowadii Madaxweyne Mohamed Farmaajo ayaa shirkaa ku bixisay qaraashaad iyo johdi si loo dhamaystiro dastuurka qabyada ah sida oo yiri Raisal was are Khayre “Waxaan halkaan ka xaqiijinaya in xukuumaddeyda ay ballanqaaday $3 milyan oo loogu tala galay dhameystirka geeddi-socodka dastuurka. Yaboohani waa in uu soo saaraa dukumiinti ay Soomaaliya leedahay, uu noqdo mid ku imid fikir Soomaaliyeed iyo midnimo cusub oo Soomaaliyeed taasi oo dib u dhiseysa qarankii Soomaaliyeed ee naga lumay,” weli laguma guulaysan inla dhamaystiro qabyo qoraalka Dasuurka waxaa lagu wareejiyay dowladii xigtay 2022 la doortay si ay usii wado dhamaytirka qabyado qoraalka Dastuurka oo soo jiitamay 11 sanno, waxaana ku baxay qaraashaad badan geedi socdoka dhamaystirka dastuurka su’aal is waydiin mudan ayaa ah gormuu dhamaandoonaa mashruuca dhamaystirka Dastuurka Kumeel gaar ah oo soo Jiitamayey 11 sanno ee lasoo dhaafay.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Saciid Cabdulaahi Deni oo mar kale loo doortay madaxweynaha Puntland

Siciid Deni ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee Puntland ee dib loo doorto, wuxuuna xilka hayn doonaa shan sano oo kale.

Published

on


Saciid Cabdulaahi Deni ayaa madaxweyne Puntland ka noqday markii labaad ka dib doorasho ay ku tartameen musharixiin gaaraya 11. Waxa uu guuleystay ka dib markii la isla aaday wareeg Saddexaad oo ay usoo wada gudbeen isaga iyo Guuleed Saalax. Saciid Deni ayaa helay 45 cod.

Doorashada Puntland ayaa waxaa hareeyay khilaaf xooggan oo u dhaxeeyay Mucaaradka iyo madaxweyne Deni. Waxa uu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee mar labaad loo doorto inuu hoggaamiyo Puntland.

Siciid Deni ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee Puntland ee dib loo doorto, wuxuuna xilka hayn doonaa shan sano oo kale.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ugu hambelyeeyey dib u doorashada, isagoo u rajeeyey in uu ku guleysto waajibaadka loo igmaday.

“Madaxweynaha ayaa u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba, xasillooni buuxda iyo horumar, waxa uuna muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Puntland ayaa markii hore qorsheyneysay doorasho qof iyo cod ah, balse khilaafaad siyaasadeed kadib ayaa dib loogu laabtay habkii soo jireenka ahaa ee ku salaysnaa codbixinta Baarlamaanka ee ka 66-ka xildhibaan.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo hadlay doorashada kadib ayaa u mahadceliyey Guddoonka iyo xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland iyo hawl-wadeenada golaha oo laf-dhabar u ahaa doorashada, Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, shacabka Puntland, gaar ahaan kuwa ku sugan caasimadda Garoowe iyo ciidamada Amniga sugaayey.

Markii uu jeedinayay khudbaddii musharxnimadiisa ee baarlamaanka waxa uu sheegay in dowladdiisa ay dedaal badan ka sameysay dhanka dimuqraadiyadda oo ay Puntland ka dhacday doorasho qof iyo cod ah waxa uuna ballan qaaday inuu halkaasi ka sii wadi doono dedaalkiisa.

Ballan qaadkiisa waxaa ka mid ahaa inuu dhameystirayo dimuqraadiyadda iyo in SSC-Khatumo ay noqoto maamul ay ku qanacsan tahay.

“Waxaan rabaa inaan meesha ka sii wado dedaalkii aad igu taqaaneen, waxaan rabaa inaan dhameystiro waxyaabihii dhinnaa oo ay dimuqraadiyadda ugu horreysa iyo in SSC-Khatumo ay yeelato maamul ay ku qanacsan tahay oo hufan oo aan u qeybinayo habka ay uga baxayso nidaamkaas,” ayuu markaas yiri Deni.

Waa kuma madaxweynaha marka labaad loo doortay Puntland?

Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu magaciisu si wayn u soo shaac baxay markii uu isu soo sharraxay doorashada xilka madaxweynaha Madaxweynaha Soomaalia, sanadkii 2016-kii, inkastoo uu horay usoo qabtay xilal kale.

Dhowr sano kaddib waxa uu doorasho loollan adag lahayd ugu tartamay xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, taasoo uu ku guulaystay sanadkii 2019-kii.

Hase yeeshee, waqtigaas ka hor ayuu ka dhex muuqday siyaasadda Soomaaliya, waxa uuna soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jiray xildhibaannimo iyo wasiirnimo.

Tan iyo markii uu la wareegay hoggaanka Puntland waxa uu safka hore uga jiray siyaasiyiinta kasoo hor jeeday hannaanka dowladda Dhexe, gaar ahaan siyaasadaha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo sidoo kale madaxweynaha hadda ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Sooyaalkiisa kahor Siyaasadda

Sanadkii 1966-kii ayuu Siciid Deni ku dhashay magaalada Muqdisho, haddana da’diisu waa 57 sano. Waxbarashadiisa aasaasiga ah ee dugsiga hoose/dhexe iyo sare ba waxa uu ku qaatay isla magaalada Muqdisho ee caasimadda u ah Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu aqoontiisa heerka jaamacadda ku qaatay Jaamacadda Umadda, isagoo ku takhasusay Kulliyadda Luuqada. Intaas kaddib waxa uu takhasus kale kusoo qaatay Jaamacad ku taalla waddanka Malaysia.

Wuxuu sidoo kale ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuliyaddii luuqadaha. Wuxuu sidoo kale takhasuuskiisa kusoo qaatay dalka Malaysia, kahor inta uusan ku biirin siyaasadda. Ka hor inta uusan u xuub siibanin dhinaca siyaasadda waxa uu qeyb ka ahaa dadka ka shaqeeya waxbarashada, isaga oo soo maamulay iskuullo dhowr ah oo ka jiray Soomaaliya xilligii burburka.

Waayaha siyaasadeed ee Siciid Deni

Ka hor inta uusan siyaasi noqonin Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu ganacsiyo ka hirgeliyay deegaannada Puntland. Waxa uu sheegay in ujeeddadiisa siyaasadeed ay tahay sidii uu door muhiim ah uga qaadan lahaa dib-u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed, nabadeynta bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo wadajirka Soomaalida.

“Aragtidayda siyaasadda waa Soomaaliya oo nabad ah, horumarsan, sharcigu sareeyo, ku dhaqmaysa nidaamka federaalka ee Soomaalidu ku heshiisay, islamarkaasna leh dastuur dhamaystiran,” ayuu yidhi mar uu cabirayay ujeeddadiisa.

Intii u dhaxaysay 2012-kii ilaa 2016-kii waxa uu ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sanadkii 2014-kii waxa uu Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ka noqday dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamud. Bishii Sebteember ee sanadkii 2014-kii, isagoo wasiirka Qorshaynta ah ayuu Deni soo saaray xog hordhac ah oo ku saabsan tirakoobka Soomaaliya. Waxay ahayd markii ugu horraysay ee tallaabadaas la qaado muddo dhowr iyo labaatan sano ah.

Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxay markaas sheegtay in tirada shacabka Soomaalida ee waddana ku nool ah gaarayso 12,360,000.

Horaantii bishii January ee sanadkii 2019-kii ayuu doorasho tartan culus ku dheehnaa waxa ay baarlamaanka Puntland ugu xusheen inuu noqdo Madaxweynaha Maamulkaas.

21 murashax – oo uu ku jiray madaxweynihii Puntland ee uu waqtigiisu dhammaanayay markaas Cabdiweli Maxamed Cali Gaas – ayaa kula loollamay doorashada xildhibaannada oo si qarsoodi ah u codaynayay.

Doorashada oo saddex wareeg la isla gaaray ayuu kusoo baxay Deni oo sidaas ku noqday madaxweynaha xilka haynaya muddo shan sano ah. Ma jirin haweeney u taagnayd xilka madaxweynaha Puntland, Golaha Baarlamaanka maamul goboleedka ee doorashada codaynayayna waxaa ku jirtay hal gabar oo keliya.

Murashaxiintii uu ka guulaystay, oo uu ka mid ahaa Cabdiweli Gaas oo ku haray wareegga koowaad ayaa ugu hambalyeeyay guushiisa. Hase yeeshee muddadii 5-ta sano ahayd ee uu xilka hayay waxaa Puntland ka dhacay arrimo waa weyn oo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen khilaafkii Boosaaso iyo dagaalkii dhexmaray ciidamada kala raacsan dowladda iyo kuwa loo yaqaan Ciidamada Amniga Puntland ee PSF.

Kaddib markii uu Deni soo saaray wareegto uu ku baddalay Taliyaha PSF, waxaa amarkaas kasoo horjeestay hoggaanka hay’addaas oo agaasimaheeda uu ka biyo diiday inuu xilka ka dego.

__

BBC SOMALI IYO VOA SOMALI

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Afrika23 hours ago

Dalka Zimbabwe ayaa ku hanjabay inuu mamnuuci doono deeqaha waxbarasho ee khaniisiinta loogu talagalay

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 days ago

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya

Afrika3 days ago

Shirkii midowga Afrika maxaa kasoo baxay? – Afgembi, rabshado iyo qalalaase khatar ku ah Afrika

Wararka4 days ago

83 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, tirada dhimashaduna waxay kor u dhaaftay 28,858

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Madaxa Xisbullah Xassan Nasrallah ayaa u ballan qaaday in Israa’iil ‘ay caqabad kala kulmi doonto ‘dilka dadka rayidka ah’

Bariga dhexe5 days ago

Weerarkii Israa’iil ee koonfurta Lubnaan ayaa lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsan ururka Xisbullah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda5 days ago

Tegida Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ee Addis Ababa waa qalad diblomaasiyaddeed

Wararka5 days ago

Kaliya Mareykanka ayaa qasab ku keeni kara nabadda Bariga Dhexe waana inuu cadaadiyaa Israa’iil, ayuu yirri Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan

Wararka5 days ago

“Haddii aad nabad rabto, u diyaargarow dagaal,” – RW Kyriakos Mitsotakis

Wararka5 days ago

Sarkaal Kenyan ah oo meydkiisa laga helay hotel ku yaallo Washington

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Maxaa dan ah ayaa ugu jira Soomaaliya heshiiska is-afgaradka milatari ay kala saxiixatay Mareykanka?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda6 days ago

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud (4.5) oo tagaya Itoobiya – Ujeedka waa maxay?

Aasiya1 week ago

Muslimiinta Hindiya ayaa ka cabsi qaba mustaqbalka xukunka RW Narendra Modi ee Hinduuga ah

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Dagaalka Qaza: Maxkamad ku taallo Nederland ayaa dowladda ku amartay in ay joojiso diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee ay gaynayso Israa’iil

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Muxuu ku saabsan yahay heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkey?

Afrika2 weeks ago

Colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo laga soo bilaabo 1996

Wararka2 weeks ago

Weerarada fallaagada ayaa kumannaan kun ku qasbay inay ka qaxaan Koongo

Afrika2 weeks ago

Basaasiinta Israa’iil ayaa u hanjabaya qoyskayga – Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Koonfur Afrika

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda PDF

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 26aad

Siyaasadda Soomaaliweyn2 weeks ago

Qowmiyada Oromada oo xalay lagu laayay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Maraykanka ayaa ka digaya aargoosi dheeraad ah haddii maleeshiyaadka ay Iran taageerto ay sii wadaan weeraradooda

Wararka2 weeks ago

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen saldhigga booliska Pakistan

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 25aad

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 weeks ago

Xasuuqii Ruwaanda ka dhacay, 1994

Wararka2 weeks ago

Saddex qof ayaa ku dhaawacmay weerar mindi oo ka dhacay magaalada Paris

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 24aad

Afrika3 weeks ago

Ruwaanda oo heshay xabaalo wadareedyo badan 30 sano kadib xasuuqii Tutsiga, 1994

Geeska Afrika3 weeks ago

Ilhaan Cumar ayaa lagu eedeeyay inay jabisay dhaartii loo dhaariyay maadaama ay sheegtay inay illaalin doonto danaha Soomaaliya

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Ruushka iyo Gambia ayaa yeeshay wadahadallo dhanka ammaanka ah

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 23aad

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda3 weeks ago

Socdaalkii Rabaso – Qaybtii 1aad

Aasiya3 weeks ago

Maxaa laga baran karaa xariga Imran Khan oo lagu xukumay xabsi 10 sano ah?

Afrika3 weeks ago

Saddex dawladood oo galbeedka Afrika ah ayaa ka baxay urur goboleedka ECOWAS – sababta waa maxay?

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 22aad

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ma noqon karaa mid wax ka qaban karo xaaladda reer Falastiin?

Geeska Afrika4 weeks ago

Muxuu Abiy Axmed ka yiri midnimada Soomaaliya?

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

“Nelson Mandela wuu dhoola cadeyn lahaa” Wasiirka Koonfur Afrika ayaa yiri kadib go’aanka ICJ ee ka dhanka ah Israa’iil

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Go’aannada Maxkamadda Adduunka waa “mid la taaban karo” – Madaxa QM

Wararka4 weeks ago

Sacuudiga oo laga furayo dukaankii ugu horreeyey ee lagu iibiyo khamriga – khamriga xalaal miyaa laga dhigay?

Xul