Connect with us

Akhri

Koboca Dhaqaale Ee Jabuuti iyo Bisaylnimada Dawladnimo.

Published

on

 


Akhristoow Inta Aadan Dhex Muquuran Moolalka iyo Biyo-dhaca Maqaalka Ee Ay Dhex Ceegaagto Miidda Xog Miidaysan, Waxa Ila Qumanaatay Inaan Kugu Habo, Kuguna Gadh-qabto Ibo-fur taariikheedka Jamuuriyadda Jabuuti.

Dalka Jabuuti waxa uu dhacaa Bariga Africa, tirada dadadka(Population Density) ku nool waxa lagu qiyaasaa 890,789 “HDI”Sida uu lagu qoray, Baaxada (Size) bedka uu ku fadhiyo Waa 23,200 Km** . Jabuuti waxa ay ka mid tahay dalalka Africa hadda dhaqaalahoodu sida xawliga ah u koroyo (Fast Economic Growth).

Jabuuti waxa ay fahantay bogcada ay dhacdo, oo ah marin isku xidha isku socodka maraakiibta shixmada ganacsi sidda. goobtani ay dhaco waxa ay u tolotay weelkii ay kaga faaidaysan lahayd.

-Jamuuriyadda Jabuuti waxa ay ku taal (Geographical location) Meel istaraatijiyad ah oo dhacda khadadka maraakiibta caalamka ugu mashquulka badan. waxa ay maamushaa meesha ay iska galaan badda cas iyo bada indiynan “Baabul Mandab”. Bartani Juquraafi Ahaan ay dhacdo khubarada qaarkood waxayba Aagan ay ku taal ku tilmaameen inay tahay halbawlaha dhaqaalaha dunida.

-Marba marka ka sii danbaysa jamuuriyadda waxaa xawli ku socda horumarka ay ka handbags dhinacyada kala duwan (Different Sectors) ee koboca dalka “National Growth” iyo kor u kaca addeegyada kala duwan ee arrimaha bulshada “Social Services”, sidoo kale siyaasadda dabacsan “Flexible Policy” iyo arragtida furfuran ee madaxda jabuuti waxa suurto gelisay inay kulmiso waddamada dunida ugu xooga wayn “Veto Power Nations”. Jabuuti waxa ay samaysay Siyaasad Qaran “National Policy” oo ay dal walba wixii dano ah ka wada shaqeeyaan si macaamil saaxiibtinimo iyo mid iskaashi ahba. 

-Jabuuti waxaa saldhigo ciidan kuleh “Military Base” ku leh waddamada Maraykanka, Shiinaha, Jaban, Faransiis, Talyaani iyo Dalal Kale. Saldhig Kasta waxa ay ku kiraysay xadi lacag ah oo sanadle ah Tusaale Saldhiga Leminnier ee dalka maraylkana Waxa ay kirada dhulka”Military Rent Land” kaga kiraysay sanadkiiba 63Milyan oo doolar, sidoo kale saldhiga faransiiska waxa ay kaga kiraysay 34 Milyan Oo Dollar.

-Dakhliga Dhaqaale iyo illaha nololeed ee ay ku tiirsan tahay Jabuuti Waa Badda. Xukuumada Talada haysa Ee Ismaaciil Cumar Geelle Hogaamiyo waxa ay xadhiga ka jartay Saddex Dekedood oo caalami ah Cusubna si dalku ula tartamo isuguna diyaariyo tartanka ganacsi ee Afrika loogu jiro sidoo kale waxa ay samasay Tareen cusub iyo jid tareenadu ku doorman si ay si toosa badeecada u gaynaysa dalka Itoobiya. Bishan Horaanteedii Jamuuriyadda Jabuuti waxa ay daahfurtay Aag Ka Caagan Cashuraha “Djibouti Free Trade Zone” Mashuucan Suuqae xorta ah waxa maalgaliyay saddex shirkadood oo Shiino ah, waxa ayn ku maalgaliyeen kharash dhan $3.5 Bilyan, Baaxadda dhulk uu aagani ku fadhiyo waa 4800 Hectares, wuuxna noqonayaa suuqa ugu weyn Africa.

Maalgalinta Tooska Ah (Foreign Direct investment) iyo Maalgalinta Wadaaga Ah (Portfolio Investment) ee ay shiinaha ka heshay Jabuuti waxa ay ka saaciday inay samaysato Jidka Tareenka Casriga ah ee xawaarihiisu dheereeyo ee isku xidha Itobiya iyo Jabuuti Bisaylnimada Dawladnimada Jabuuti Waxa ay soo jiidatay maalqabeenada iyo dalalka Caalamka ee diyaarka u ah inay maalgashadaan warfarin dihan ee Africa. Jabuuti waxa ay xusul duubatay inay noqoto marinka Africa laga galo.

Facebook Comments Box

Waa falanqeeye dhaqaalaha oo ka tirsan Diblomaasi. Waa xeel-dheere ku xeel-dheer qorida Afka hodanka ah ee Soomaaliga. Cilmi qoto dheerna u leh, waxna ka qora siyaasadda, maamulka, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, takhasuna u leh culuumta siyaasadda iyo dhaqaalaha. Wuxuu haystaa shahaadada heerka koowaad ee jaamcadda.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Akhri

Raxmo-yarey yaa uureeyay?

“Gabarnimadeeydii adaa ku dheeshay, nin kale oo sidan igu rabana ma leh, ee waa ku aamminaa, yaa?”

Published

on


Qolalka fadhiga waxaa goglan furshaan iyo barkimooyin debecsan, halkaas ayaana hurdo iyo soojeedba lagu danaystaa. Dhawr nin oo isyaqaan ayaa joogto ku ah, laakiin dumarka maalin maalin ayaa loo beddelaa. Ta keliya ee ku raagtay waa Raxmo-Yarey oo adeegto ku magacaaban si walba se looga muraadsaday.

Fillada cad macaamiishu rag iyo dumarba aad ayay u jecel yihiin. Waxaana u badan rag ka tirsan xafiiska Villada ee maamulka Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud. Waa guriga mooshinada lala damacsan yahay madaxweyne Xassan iyo ra’isul wasaarada Xamse loogu hortago. Waxay ku dhex taal xaafad u dhow xafiiska loogu arrimiyo dalka, ahna meel deggan kana durugsan indhaha foqorada ee xaasidka ah ee maamulka neceb. Waxay ula baxeen Fillo Adduun. Fureheeda dhawr nin oo isku kalsoon baa haysta. Waa lagu wada danaystaa laguna ka la danaystaa. Kharashka tumashada la isku ma riixriixo ee hadba ninka ay gacantiisu jeebka u horrayso ayaa bixiya. Khamri, qaad, heeso, cunto iyo galmo ayaa lagaga haqab la yahay. Dumarka meesha lagu quutaa waxay u badan yihiin gabdho aad u yaryar oo dhaylo loola baxay oo faqrigu ka hiiliyay. Waxay sheegtaan rag Ilaahay wax siiyay, balaayo ayaa se wax siisay.

Gabdhaha qaarkood ee Fillada cad yimaada waa kuwa jirkooda ku bedeshay shaqo inay xafiisyada dowladda ee maamulka ka helaan daruuftana ay ka hiilisey. Fillo Adduun waxaa ku meegaaran derbi saddex mitir dhulka ka kacsan, waxayna lee dahay beer qurux badan oo dhir, doog iyo ubax ah. Ganjeelo cas oo bir ah ayaa laga soo galaa, dabadeed wadiiqo jay ah la raacaa ilaa albaabka looxa ah ee guriga la gaadho. Wuxuu ka kooban yahay kijo weyn, laba musqulood oo qubays leh, fadhi weyn, qol cunto iyo shan qol oo kale.

Raxmo waxay ugu dambaysay gabdho badan oo adeegto ka soo noqday Filla Adduun, kuwaas oo ay mid waliba maalmo yar gudahood shaqada ka cararaan. Dhammaan waxay ka argaggaxeen xayodarrada meesha ka socota, iyo isla markaas ragga aan xishoodka aqoon ee Cabdulle iyo Qorane ugu horreeyo, kuwaas oo inta ay kijada ugu galaan kor iyo hoos meesha ay gacantoodu gaadhi kartaba gaadhsiiya, wax aanay u soo shaqo teginna ka qalqaashada. La ma tirin karo inta gabdhood ee sababtaas shaqada kaga tagtay. Laakiin Raxmo waa ay ugu miskiinsanayd ama ugu dulqaad badnayd.

Da’deedu waxay ahayd toddoba iyo toban jir, laakiin ka ma ay dheerayn mitir iyo afartan, culayskeeduna afartan wuu ka hooseeyay. Waxay ku dhalatay Afgooye, waxayna kasoo jeedaa qabiilada lagu sheego .5 (4.5 qabiilada laga tirada badan yahay oo dowladnimada soomaaliya xaqirtay) waxay kas iyada oo sagaal jir ah markii ay hooyadeed dhimatay ayuu aabbaheed Xamar ku guursaday naag kale oo Raxmo aad ugu darrayd. Nolol silic leh oo guriga aabbaheed ee aan laga jeclayn iyo ka habaryarteed ee faqiirka ah u dhaxaysa ayay ku soo kortay. Weligeed dugsi ma ay dhigan, iyada oo kow iyo toban jir ah ayayna markii ugu horreysay adeegto noqotay taas oo ay habaryarteed u soo heshay. Markaa ka dib dad ka la duwan ayay xirfaddaa ugu soo adeegtay, kuwaas oo ay qaarkood ka soo martay waayo’aragnimo xun.

Qurux lagu ammaano ma leh, laakiin dadkeeda waa ay iskaga dhex jirtaa. Gaabnaanta iyo lafo yaraanta dartood jeer wejigeeda la arko waxay u eg tahay ilmo yar. Waxay nolosha kaga riyootaa oo keliya nin jeclaada oo guursada kana saara adeegtonimada. Laakiin nin gol qabateeya mooyee mid guur ka la hadla waxaa ka jiray oday lixdan jir ah, kaas oo ay qoyskiisa beri adeegto u ahayd. Isagana shaqadiiba waa ay uga carartay iyada oo leh: “Duqaan quxuubka ah fiiri! Aniga qof oo isnacday maas ii malaynaa?”

Guriga waxa ka dhaca iyo dadka isku roorsada iyadu ma jecla laakiin dan ka ma gasho. Iyada oo heeso hindi ah iyo kuwo banaadiri ah marba mid qaadaysa ayay shaqadeeda si daacad ah u gudataa, taas oo ka kooban cunto kariska, nadaafadda iyo u adeegga dadka halkaa ku laacdama. Habeenka ay shaqada ku daahdo ama aad u daallan tahay waxay isaga hoyataa qolkaa kijada ku xiga oo ay kuwii iyada ka horreeyayna seexan jireen. Hawsha gurigu ha iska dhib badnaato, jawigana ha ku diiqadooto, laakiin dhaqaale ahaan raalli ayay ka tahay oo mushaharkeedu adeegto ku ma xuma, dadka guriga ku tuntana dhacdhac ayay ka heshaa. Iyaguna Raxmo-Yarey ayay u la baxeen oo waxay ku jecel yihiin daacadnimada iyo dhego nugaylka.

Maanta martidu waa ay badnayd, hawshuna waa ay cuslayd. Saqdhexe ayay Raxmo iyada oo aan daal isqaadi karin furaashkii qolkeeda dhulka yaallay isku tuurtay. Iyada oo aan dhinaceedu gogosha gaadhin ayay gama’day. Laakiin dadkii iyagu weli waa ay bulaamayaan oo cawayskooda fari ka ma qodna. Goor dambe iyada oo hurdo mayd uga dhow, ilayskuna u dansan yahay, ayay ku toostay gacmo waaweyn oo jidhkeedii yaraa dhan walba u xulaya, timo qodxo la moodo oo dhabanka ka mudmudaya iyo neef ay sigaar iyo khamri ka buuxaan.

“Yaa waaye?… Yaa waaye?…” ayay ku qaylisay iyada oo argaggaxsan.
“Usuus! Raxmo, waa Qorane ee aamus!”

“Adiga ma waalatay, Qorane? I dhaaf, i dhaaf, iga kac aniga gurigaaga haddaan kaaga baxaaye…”

“Ramxo, miskiinnimada iska daa, kaniba waa gurigaagii ee xaggee baad ka aadaysaa”, ayuu ku yidhi, isaga oo isla markaa yartii sidii libaax sagaaro qabtay laabta gashaday dharkii yaraana midba dhan uga tuuray.

“I dhaaf aniga, i sii daa aan ku dhahay. Iga kac! Waa i xoogee miyaa? Alla aaboow!…”

Iyada oo sidaas u cataabaysa ayuu ka dan dhammaystay. Kuwii kale markaas waa ay wada hurdeen, haddii se ay qaylada iyo baroorta Raxmo ku toosi lahaayeen sakhrad iyo qaaddiro ayay la daateen oo dadka xabaalaha ku jira ka ma duwana.
Markaa ka dib wuxuu bilaabay in uu maslaxo oo ku yidhaahdo: “Raxmo, maxaad la ooyaysaa, wax naag lagu sameeyo wax ka badan miyaan kugu sameeyay? Waan ku jecel ahay, haddii aad rabtidna waan ku aroosaa, gurigan aad ka shaqaysana adiga ayaa yeelanaya.”

“Arooskaagana ma rabee i dhaaf aniga”, ayay tidhi oo sii ooyday. Raxmo-Yarey caawa ayaandarro u dhimani ma jirto. Nolosheeda wax qiimo u leh oo ay ilaashato waxaa ka jiray gabadhnimadeeda oo ay aad ugu soo faro adaygtay, cadaw badanna ka soo badbaadisay, tiina waa taa caawa balaayo hurdada ku miratay. Habaryarteed iyo aabbaheed haddii ay u dacwooto maxay u qaban karaan? Muraayada yar ee ka burburtay miyaa ay u soo kabkabi karaan? Dawlad loo dacwoodaa ma jirtaa? Oo dawlad aan Negeeye ahaynba ma iyadaa taqaan. Ilaahayoow aniga sidee yeelaa? ayay ku calaacalaysaa. In ay mustaqbal la’aan tahay, cid wax dambe ku falaysaana jirin, ayay hubtaa. Qalanjadii hindiga ahayd ee webiga isku ridday ayay soo xasuusatay. Anigana in webi isku rida waaye, nolol maa ii hartay? ayay ku fekeraysaa.

Aroortii xigtay dadkii qolka cuntada u soo quraac doontay waa ay ku hungoobeen. Raxmo-Yarey sidii xalay ayay sariirta uga ooyaysaa. Qorane ayaa iyada oo halkii duuban u soo galay, oo inta uu sariirta dacal kaga fadhiistay mar kale sabaalin u galay.

“Raxmo, sidaas ayaad ii neceb tahay miyaa? Qoftaadii jacaylkeedu iga batay, ee aan rabay in aan arooso, ee aan iyada darteed naagihii kale oo dhan u la hadli waayay, miyaa sidaas ii neceb?”

“Jeceelkaagana ma aqaane ammaan lee aan kaa helo. Jeceel ku lahaa! Xoog maa jeceel eh?”

“Raalli ahow, Raxmo. Ii sheeg abbaayo wax aan kuu qabto. Maxaan kuu soo gadaa? Waxaad rabto maanta afkaaga ka sheego.”

“Waxaan kaa rabo ma leh ee mar leh ammaan i sii.”

“Bes waaye, anigaa haddaba wax fiican kuu soo gadaya oo kaaga farxinaya, naag aan adiga ahayna ma guursanayo. Okeey?”

Maalintaas gelinkii dambe markii uu Qorane guriga ku soo noqday Raxmo-Yarey geed beerta ku yaal ayay hooskiisa fadhiday oo dhabanka iyo gacanta isku haysay. Taa wuu ku farxay, waayo awal wuxuu ka baqayay in ay aabbaheed iyo habaryarteed u cararto oo fadeexadayso. Maxay carartaa in ay nooshahayba ma iyadaa isu haysata. Wuxuu mar kale bilaabay in uu maslaxo, wuxuuna siiyay

iskujoog uu u soo iibiyay oo ka kooban garbosaar, guntiino iyo kabo.

Cabbaar kale ayuuna sii maslaxay.

“Wax ma ku warsan karaa?” ayay goor dambe u tidhi si lamafilaan ah.
“Haa, waad i warsan kartaa.”
“Waa ku aroosaa ma dhihinoo?”
“Haa, i ma rumaysnid miyaa?”
“Shimee hee?”

“Marka aan hawlo iga ka la daadsan isku hagaajisto.” “Habaryartay Iisho ma u sheegi karaa?”

“Raxmo, adiga maxaad dabbaal isaga dhegee? Dadka aan gabadhooda guursanayo in aan anigu u tago oo lacag u geeyo oo wayddiisto ma ahoo? Marka aan diyaar noqdo aniga ayaa si sharaf leh ugu tegaya ee adigu cidna ha la soo qaadin, yaa?”

“Gabarnimadeeydii adaa ku dheeshay, nin kale oo sidan igu rabana ma leh, ee waa ku aamminaa, yaa?”
“Bes waaye, i aammin, boqolkiiba boqol.”

Weli beerta ayay joogeene inta uu laabta ku qaatay ayuu sariirta qolkiisa la tegay, oo isaga oo in uu ninkeedii yahay ku sasabaya ka haqab beelay.

Maalintaas ka dib sidii ay xaas u tahay ayuu marka uu doono ku jimicsan jiray. Iyaduna far ma dhaqaajiso oo haddii ay diidi lahayd waxay ka baqday guurkii uu u ballan qaaday in uu kaga baxo. Ma ku rabee bax haddii i dhaho intee aadaa? Qof oon gabar eheen yaa rabo? Maya, ma ku dhahaayo. Ilaahoow ha i ceebeen! ayay mar kasta ku fekertaa. Sidaas ayay rajo ku nool u ahayd, markaa ka dibna shaqada guriga adeegto ahaan u ma gudato ee gurigeedii ayay ka dhigtay.

Qaybta ay jimanku ku xeroodaan in ay shaqo u tagto mooyee wax kale ku ma darsato, marka ay wax geynaysana albaabka ayay garaacdaa oo ka dhiibtaa. Wax walba se waa ay la socotaa oo marar badan ayay indhaheedu la kulmeen rag iyo dumar candhooyin qaawan isla dhex fadhiya oo Negeeye ka mid yahay, dabadeed yaxyax dib u la carartay.

Waa ay ka masayrtaa naagaha uu Negeeye wadwado, marka ay isaga ka la hadashana sidii qof dhaandhaamad ah ayuu ugu sheegaa in ay wada qayilaan keliya ee aan wax kale ka dhexayn. Iyadu runta waa ay og tahay ee in ay ku qayliso ama canaanato ayaanay ku dhicin. In uu ku xanaaqo dabadeed guriga ka eryo guurkana kaga baxo ayaa wax walba kaga daran.

Waa ay la yaabban tahay dadkan aan isqabin ee habeen iyo maalin sidaas isu dhex fadhiya. Dadkaan yaab waaye! Noloshooda dhan saan miyaa? Dad oo waaweyn waayee ma isku sheexaanoo? Jaad leh cunoowyiin, beesadooda wax kale ma ku gataanoo? Heesahooda dhanna af baadiye waaye oo wax ma laga fahmooyo. Kan oo Cabdulle la dhahaayo aaba iigu daran. Faras aa tahay ku ma lahoo! Faras Alle kaa dhig, ree baadiye waaxid! Qof dhan oo bani’aadan eh aas faras ku sheegaa! Waxay ujeeddaa Cabdulle oo isaga oo doonaya in uu ammaano maalin ku yidhi: “Waxaad tahay faras.”

Qorane marmar ayuu Raxmo isku maaweeliyaa ama marka aanu wax dhaamo haysan ayuu naf ka dhigtaa ee macne kale uguma fadhido. Laakiin iyadu waa ay isu dhiibtay oo marka uu waqtigu sii durkaba rajada guurka ayaa u soo durkaysa. Maalin iyada oo qado karinaysa ayay madax wareer iska dareentay, haddana yalaalugo, ka dib hunqaaco ka wareegtay. Waxay yeelatay uur. Iyada oo welwel iyo baqdin la kurbanaysa, dhanka kalena rajaynaysa xaaladda cusubi in ay guurka u soo dedejiso, ayay arrinta Negeeye u sheegtay. Isaguna shiddaba isma uu gelin ee wuxuu bishaaro uga dhigay:

“Waxba ma aha, berri ayaan dhakhtar kuu geynayaa oo lagaa soo tuurayaa.”

“Lagaa soo tuuraa? Maxaa jira, ilmaheennii maa hinoo maxaan isaga tuureeynaa? Hore lee maan iska aroosno?”

“Maya, Raxmo, hadhow labaatan ilmood haddii aad rabtid dhal, laakiin hadda inaga dhaaf. In aan diyaar garoobo oo aroos fiican oo la isu sheego inoo dhigo ayaan rabaa.” “Bes waaye, waa ku aamminaa.”

Subax subaxyaasha kamid ah ayay Raxmo-yarey soo gashay shaqadeedii Fillo Adduun oo ay ku horreysay markii ay ganjeelada garaacday waxaa ka furay laba nin oo aanay weligeed hore u arag. Waxay malaysay in ay yihiin madaxdii uu Qorane xalay sheegayay ama waardiyahoodii.

“Haye, yaad rabtay?” ayay wayddiiyeen.

“Guriganaan degganahee, Qorane weli madaxdii maas la joogto?”

“Madax maxay ah?”

“Qorane ma joogoo?”

“Qorane ma joogo, gurigana waa laga gataye, adigu tumaad tahay?”
“Waa laga gatay? Yaa ka gatayna? Isagii aaway?”

“Annaga ayaa ka gadannay, isaguna meel uu jiro ma naqaane, adigu tumaad tahay?”

Raxmo in kasta oo xaaladda loo sharxay haddana waa ay fahmi wayday. Habeenkii ay gabadhnimadeeda wayday si aan ka yarayn ayay u naxday. Markaas ayay isku soo daysay gurigan Cabdulle oo ay taqaannay. Isaga oo sidii sariirta u daadsan ayay wayddiisay:

“Cabdulle, abboo Qorane ma aragtay?” “Qorane ma arage, waan jirranahaye iga bax.” “Gurigii waas gadaa la dhehee run miyaa?” “War u ma hayo.”

“Afkana maxaa kaaga dhacay? As maa isdagaasheen?”
“Isaga ayaanu isdagaallay, haddii aad aragtidna xabbad baan ku dhufanayaa ee u sheeg.”

Hadalkaas wuxuu uga dan lahaa in aanay Raxmo mar dambe ku soo noqon oo Qorane wayddiin, iyadu se waa ay rumaysatay oo iskaga tagtay. Dhawr cisho ayay ku qaadatay in ay fahamto xiriirkii iyada iyo Qorane in uu ahaa ruwaayad ay iyada qudheedu qalanjo ayaandaran ka ahayd. Waxay ka fekertay in ay Afgooye aaddo oo Webi Shabeelle isku riddo, sidii ay hindiyaddii filinka ka aragtay.

____

Sheekadan waxaa laga soo dhan-balay buugga Aanadii Nageeye ee uu qoray Ibraahin Yuusuf Axmed Hawd sheekadani inay xittaa waaqiga maanta ee dalkeena ay taabanayso, horeyna dhowr gabdhood oo aan aqaano ayaa iigaga sheekeyey waxyaabaha ay kala kulmeen wasaaradaha dowladda iyagoo shaqo raadis ah.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Akhri

Xamar iyo Xaalka Fillada Cad

Fillo Adduun macaamiishu rag iyo dumarba aad ayay u jecel yihiin, waxaana macamiil ka ah gabdhaha yaryar oo faqrigu iyo daruufaha ka hiiliyay.

Published

on


Waxaa laga yabaa inaad horey u maqashay gabdho badan oo shaqo u raadsaday xafiisyada dowladdaha lagu soo dhiso 4.5 ay la kulmaan xaalado murugo leh, in haddii ay doonayan shaqo ay ku doorsadan jirkooda, xildhibaankaaga waa kee iwm. Waa midka mid ah arrimaha muragada leh ee dalka ka jira, laakiin yaa iswaydiiyey maxaa laga qaban karaa?

Fillada cad macaamiishu rag iyo dumarba aad ayay u jecel yihiin. Waxaana u badan rag ka tirsan xafiiska Villada ee maamulka Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud. Waa guriga mooshinada lala damacsan yahay madaxweyne Xassan iyo ra’isul wasaarada Xamse loogu hortago. Waxay ku dhex taal xaafad u dhow xafiiska loogu arrimiyo dalka, ahna meel deggan kana durugsan indhaha foqorada ee xaasidka ah ee maamulka neceb. Waxay ula baxeen Fillo Adduun. Fureheeda dhawr nin oo isku kalsoon baa haysta. Waa lagu wada danaystaa laguna ka la danaystaa. Kharashka tumashada la isku ma riixriixo ee hadba ninka ay gacantiisu jeebka u horrayso ayaa bixiya. Khamri, qaad, heeso, cunto iyo galmo ayaa lagaga haqab la yahay. Dumarka meesha lagu quutaa waxay u badan yihiin gabdho aad u yaryar oo dhaylo loola baxay oo faqrigu ka hiiliyay. Waxay sheegtaan rag Ilaahay wax siiyay, balaayo ayaa se wax siisay.

Gabdhaha qaarkood ee Fillada cad yimaada waa kuwa jirkooda ku bedeshay shaqo inay xafiisyada dowladda ee maamulka ka helaan daruuftana ay ka hiilisey. Fillo Adduun waxaa ku meegaaran derbi saddex mitir dhulka ka kacsan, waxayna lee dahay beer qurux badan oo dhir, doog iyo ubax ah. Ganjeelo cas oo bir ah ayaa laga soo galaa, dabadeed wadiiqo jay ah la raacaa ilaa albaabka looxa ah ee guriga la gaadho. Wuxuu ka kooban yahay kijo weyn, laba musqulood oo qubays leh, fadhi weyn, qol cunto iyo shan qol oo kale.

Qolalka fadhiga waxaa goglan furshaan iyo barkimooyin debecsan, halkaas ayaana hurdo iyo soojeedba lagu danaystaa. Dhawr nin oo isyaqaan ayaa joogto ku ah, laakiin dumarka maalin maalin ayaa loo beddelaa. Ta keliya ee ku raagtay waa Raxmo-Yarey oo adeegto ku magacaaban si walba se looga muraadsaday.

Filladaas ayaa waxii bad ka soo dega iyo waxii barri ka soo baxaba la isugu keenaa laguna burburiyaa. Qofkii raba in uu waasho qaboojiyaha iyo miisaskaba khamri baa uga buuxa, qofkii raba in uu marqaamo marduufyo dhaylo ah baa mafrishka daadsan, qofkii gaajo yar dareemana kijada ayaa heegan loogu yahay. Maxaa loo lee yahay dalku waa sabool? Waa dad baas oo dhanka xun uun wax ka arka. Inta bakhtiyaysaba la arag ee inta dheregtay maa la arko? ‘Tareenka dhinacaaga ka raac’.

Qaadkii MW Farmaajo xeray ee Kiinya dib ayaa loo furay, waxaa la burburiyey xubnaha Guddiga Ladagaalanka Musuqmaasuqa, kuwaasi oo la dhisay xiligii madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dalka oo dhan waxaa ka jira macluul baahsan laakiin Fillo Adduun waxba ka ma qaaliyoobaan waxbana mamnuuc ka ma noqdaan. Waxii qaaliyooba qiimo kasta waa lagu gataa, waxii sharcigu diidana shaati garbo cas baa loo xidhaa. Balwad baa shidan beesana waa loo hayaa. Waxaa la fuushan yahay mawjad lacag ah oo si xun lagu helo si xunna ku baxda.

Filladaas ayaa maanta oo jimce ah sidii caadiga ahayd firaashan. Goortu waa fiid galabnimo ayaa se la fadhiistay. Xaafadi waxay xaafad ugu wareegtaa waa xasarade dhawrka qol midba xayn baa fadhida xaalkeedu u gooni yahay. Laba laba ayaa la isugu lammaan yahay.

Waa qolal waasac ah, waxaana dhulka si qurux badan u yaal furshaan iyo barkimooyin. Dhexda waxaa qotoma miis yar ballaadhan laakiin dhulka u dhow. Quraarado khamri ka buuxo, miirow badan oo ay caleen muus ku duuban tahay maro cad oo nadiif ahina ku sii duuban tahay, iyo baakado sigaar ah ayaa miiska dul saaran. Waxaa dhinac yaal rikoodh weyn oo Panasonic ah, kaas oo ay luuqdii jacayl calaacalka ahayd ee Cumar Dhuule ka soo burqanayso. Qaad kale ayaa gogosha lagu fadhiyo ku furan oo ay ilaa galabta afarta qof si habsami leh u laan qaadayeen. Cabbitaanka quraaradaha ku dhaansan lagu degdegi maayo waayo duulka meesha lagu hayaa waa hablo yar yar oo habid u baahan.

Gelinkii hore, intii xanafta la isu qabay, sheekada waa la wadaagayay, laakiin goorahan waa la ka la soocmay. Laba waliba waxa ay isku qabaan waa u gooni oo qolka labadiisa gees ayaa barkimooyin buurbuuran lagu ka la lumay. Wiil iska yar dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay 40 jir oo Jigjiga ka imaaday dad ahaan ay magaaladda Xamar isugu xiggaan RW Xamse Cabdi Barre oo magaciisa lagu sheegay Qorane iyo gabar yar oo iyaduna sidaas aan ilbaxnimada u gaarin ayaa sida muuqata meel fiican ayay u maraysaa oo qosol ayay firixdu ka dhammaatay. Isaga macawis keliya ayaa korkiisa ku hadhay, laakiin iyada weli hugeedu wuu u dhan yahay. Qubays mooyee weligeed si kale dhar iskagama ay wada bixin, wuxuuba ula mid yahay dubkeeda. Maanta ayaa la barayaa dubkeeda iyo dharkeedu in ay ka la laba yihiin. Sidii loo qaawin lahaa ayaa falkeed la hayaa. Faraha afartan-jirkan jirka ah ee marba meel ka xadantaynayaa waxay marsan yihiin fal iyo maddiido aanay iska caabbiyi karin. Labaduba waa nooca loo la baxay dhaylo, ta saaxiibkiis Cabdulle oo asigana madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ay dad isugu dhowyihiin, sida la sheego waxay ku saaxibeen danta qaranka la fadhida ayaa se in kasta oo ay gu keliya weyn tahay gaangistarsan. Durba waa taas miirowgii iyo maaxdii isku muudsatay ee jirjircadka u taal. Tan kale bilawgii aad ayay u didsanayd, welina waa ay fiigsan tahay, laakiin xaalkeedu waa “Qofkii qayrkii loo xiirayoow adiguna soo qoyso”.

“Naa taadan yari, jaad uun baad afka ku haysaaye, ma waxaad tahay ri’dii Afmadow? Bal hoo bakeerigan farxadda la dhididaya dhabannada qabso”, waxaa ku yidhi Qorane.

“Adeer iga dhaaf.”

“Adeer? Ma aniga ayaad adeer igu lee dahay?” “Maxaan ku dhahaa hee?” “Gacaliye i dheh.”

“Haye, gacaliye waxaan weligay ma cabbin ee iga dhaaf.”

“Wax walba mar uun baa la bilaabaaye hoo. Saaxiibtaa waxa qosol ka dhacaya sow maqli maysid?”

“Qosol beele iga tag! Qoftaan waalatay ee maryihii xoortay maa qosol wax ka og?”

“Maryaha farxad bay la tuurtaye, nolol aadan waxba ka ogayn waalli ha ku sheegine, bal horta dhadhami.”

“Iga tag, Ilaahow aanan dhadhamine!”

“Ha iska habaarine bal horta tijaabi. Imisa jir baad tahay?” “Toban iyo shan.”

“Ma toban iyo shan ku dhan? Nin la’aan baad la dhali wayday markaasaad sharoobo ka baqaysaa.”

“Sharoobo? Suntan maa sharoobo eh?”

“Yareey, dawada sun ha ku sheegin!”

“Alla beentaa iiga daran aan habartay dhahay saaxiibtay aan la soo seexanaa.”

“Haddaba sow saaxiibtaa la ma joogtid?”

“Haddii la joogo intee la joogaa? Saaxiibna ma aha ee waxan dhan ayadaa ii keentay. Wiilal fiican aan soo booqanaynnaa ku leheed! Saan maa fiicnaan eh?”

“Wiilasha naga fiicani xaggee bay joogaan? Maxay haystaan?” “Waxaan dhan filin aa ka roon. Wallaahi beeso aan bajaaj ku raaco haddii heesan lahaa cawada inta ma idinla joogi leheen.”

Maxaad u baahan tahay hadda aan kuu keenaa?” “Wax kasta oon rabo ma ii keenee?”

“Haa, wax kasta oo suurtogal ah.”

“Aniga iyo saaxiibtay laba buug ma noo gadee?” “Laba buug oo maxay ah?”

“Sheeko cusub oo la dhaho ‘Jeceelkii jin aa galay’?” iyo buugga “Garaadso Inta Aadan Guursanin”

“Wax yar baad sheegatay. Aniga ayaa jacaylkaa jinku galay idiin iibinaya. Waa ballan. Laakiin dhar badnidaa ma salaad baad ku jirtaa? Kulaylkiisa aan kaa bixiyo ee keen.”

“Alla maya adeer, waan ku tuugaa ii dhaaf.”

“Sow ku ma aan odhan gacaliyahaaga adeer ha ku sheegin? Ma waxaad donaysaa in aan ku furo?”

“In aan ku furo? Oo shimeen isguursannay?”

“Markii aad ii timid. Maba ogid miyaa?”

“Aar kanaa! Haye, shimee i furee?”

“Marka aan doono, imikaba ma ku furaa?”

“Maya, saacaddan xaafaddii ma aadi karo.”

“Haddaba aan dharka kulaylkiisa kaa bixiyee keen, adiguna aniga iga bixi.”

“Meeshanaa?”

“Haa, meeshan. Ma cid aan saaxiibtaa iyo saaxiibkay ahayn baa ina arkaysa? Hadhowna qol kale ayaynnu labadeennu u guuraynnaa. Laakiin bal horta dharka iska fududee.” “Bacdeen qaawanaan maan joogaa?”

“Maya, innaga ayaa isgashanayna.”

“Innaga seen isu gashanaynaa dhar maan nahay?” “Aniga ayaa ku tusaya sida la isu gashado.” “I dhaaf! Dhaaf! I dhaaaaf!”

Cabbaar ayuu xaaraamaha sidaas ugu doocdoociyay oo mar kaftan uga dhigay marna dhab. Wuxuu og yahay haddii uu balwad dhadhansiiyo in ay sidii qof maddiiddaysan agtiisa iyo aqalkiisa oggolaan doonto. Dhallinta da’dan ahina balwadda wax uga nugul oo sida ay wax walba ’ka war doon’ isu leh yihiin ayay af yaxaas galaan. Yartu waxan caawa oo dhan la daba wado, ee saaxiibaddeed jirjircadka u legday ee kaga qosliyay, may tijaabiso? Qorane wuu farxay markii ay goor dambe soo debecday.

“Waa kaa yeelaa, laakiin waxii dhaca ad lee waaye.” “Waxba dhici maayaane intaa isdhaafi.”

“Uf, waxa ur badanaa!”

“Xaggee baad sharoobo udgoon ku aragtay?” “Akh, qaraar badanaa!”

“Carrabka ha geline caadi u kabbo. Haa, sidaas. Ha soo tufin ee liq!”

“Akh, akh, akh! Balaayada qaraar badanaa, armaan ku dhintaa!” “Xaggee baad ku aragtay dawo lagu dhinto? Mar kale kabbo. “Qux, qux, qux!”

“Shifo! Qufacu waa caadiye mar kale kabbo.”

“Alla ceeb badanaa! Cawadaan u darnaa aan aalkolo cabay!”

Miiskii ayuu Qorane tiigsaday oo heestii Youtube-ka ka daarneed ee Cumar Dhuule mid Maamed Mooge ah ku beddelay. Iftiinku wuu gamaarsan yahay, wuxuu se dirqi ku arkay Cabdulle iyo yartiisii oo inta ay cidhifka ugu fog ee qolka isku la durkeen laabta isku haya oo isku juuq daayay. Laba xabbadood oo sigaar ah ayuu soo shiday oo mid isagu nuugay midna inantii dibnaha u geliyay.

“Imika sow maad kululaan? Keen haddaba dharka kaa yareeyee”, ayuu ku yidhi.

“Sug nooh adiga, see waaye! Aaa! Adiga jinni maa qabtaa intee noo qaniinee!”

“Ma dhunkashada ayaad qaniinyo u taqaan?” “Ilkaha maa la isku dhunkadaa?”

“Wax walba waa la isku dhunkadaaye aamus oo adiguna i dhunko.”

“Horta carrabkaaga naga dhaaf. Tartiib nooh adiga, waxaaga xoog waayee!”

“Usuus!”

Ilaa muddo dheer ayaa la durduuranayay, cosobkana la mayracanayay. Goor ay saacaddu tahay kowdii habeennimo ayay baroor gabdheed deriska intii seexatay toosisay intii soo jeeddayna dhego barjaysay. Waa labadii gabdhood oo iyaga oo aan cagaha isku taagi karin carrabkana ceshan karin Fillo Adduun horteeda galgalanaya. Labadii nin oo aan iyaga qudhooda hablaha dhaamin ayaa la legdamaya, marbana derbi ku la dhacaya, oo isku dayaya in

ay guriga ku xereeyaan. Gabdhuhu miyir iyo muruq toonna ma hayaan laakiin waxay diidayaan in ay guriga galaan. Mid baa aad u ooyaysa oo cod daallan ku leh:

“Adeeer… adeer… waaa… ku tuuugaaa… tagsi… isaar… imti… imtixaankii… habartay… waan… ballanqaaday… inaan baaso… faraha iga qaaad…”

Nacnac! Faduushii Filla Adduun soo gelisay ha ka saarto! Meesha ma waxay moodayeen malcaamad Qur’aanka lagu barto?

RW Xamse ina adeerkiis Qorane iyo Cabdulle oo asigana Xassan Sh. Maxamuud dad isugu dhowyihiin waa ay feedho qaawan yihiin, qaarka hoosana laba macawisood oo fadhigii badnaa ku jactaday ayaa kaga duuban. Inta ay habluhu ooyayaan iyaguna waa ay duryamayaan oo waxay diiddan yihiin naagahaa yaryar ee kharashka iyo waqtiga badan ka lumiyay in ay habeenkii oo intii badnayd hadhay guryihii hooyooyinkood isaga hurdo doontaan.

“Fillada ma waxay moodayaan mawlac qofka meel kale waayaa u soo nolol doonto marka uu cokanaadana ka carraabo?” ayuu Qorane ku dooday.

“Denbiga oo dhan adiga ayaa leh, naago yar yar oo casarka soo xareediya cawayskana carrabka ceshan kari waaya wax badan baad aragtaye maxaad ugu oggolaatay in ay soo baxaan?” ayuu Cabdulle saaxiibkii ku hiifay.

“Balaayo ku dhacdaygu goor ay soo baxeenba ma anigaa ogaa.” Dad badan oo deriska ah ayaa meeshii ku soo xoomay. Qorane iyo Cabdulle waxay isku dayeen dhawrkii qof ee ugu soo horreeyay in ay ka la diraan.

“Naga taga! Naga ag dareera! Guryihiinna miyaanu idiinku nimid? Naga qaada shoobbaraha.”

Laakiin marka ay dadku soo bataanba xanaaquna wuu sii badanayay. Cabdulle oo ka yar xariifsan Qorane wuxuu isku dayay arrinta in uu qaboojiyo, oo xataa markii dambe wuxuu oggolaaday haddii ay habluhu diideen in ay guriga ku noqdaan in uu tagsi saaro. Laakiin yartii weli waa ay ooyaysaa, taasina dadkii meesha ku soo ururay ayay kaga xanaajisay, gaar ahaan markii la ogaaday gabdhuhu in ay sakhraansan yihiin isla markaasna imtixaan iyo dugsi u barooranayaan.

“Waa kuwaas kuwa dalka qarribay oo waxa ay nidaam ku sheegeen 4.5 lagu soo doortay dadkana fasahaadiyay. Bal inta ay laala’eg yihiin iyo waxa ay carruurta ku dullaynayaan eega! Dulli Alle idin bad!” waxaa ku haaraamay oday codkiisa xabeebtii hurdada uu ka soo kacay laga garanayo oo go hullaaban.

Intii aanay Qorane iyo Cabdulle hadalka odayga ka jawaabin ayay cay iyo canaan kale sida hogosha ugu hooreen. Dadka Filla Adduun ku tunta iyo deriska aqooni ka ma dhexayso, ismana dhex galaan, xataa isma salaamaan. Laakiin intooda waxay u furan tahay ogi nacayb badan ayay u qabaan.

Dhawr eray oo canaan ah markii la isweydaarsaday ayay xiisaddu cirka isku sii shareertay, Qorane iyo Cabdulle ayaa sida Buurta Carrafa dhagax la huwiyay. Iyaga oo nabarro qaba markii ay gudaha u yaaceen filladii oo dhan ayaa isu dayaantay. Quraaradihii daqaadaha oo dhulka u daadanaya ayaa la maqlay, ganjeeladii ayaa la gilgilay kooxdii gudaha ku jirtayna kabash kabashtii ayaa ka dhammaatay oo marba qol ayay isu dabo yaaceen. Dadka meesha ku jira waxaa ka mid ah Qorane iyo sarkaal kale oo bastoolado ku hubaysan.

“Iska fadhiya, iska fadhiya idinku, bani aadan kibiray aniga ayaa shaqadooda aqaane”, ayuu Qorane martidii u sheegay, nabar dhafoorka kaga dhacay inta uu dhiig ka masaxay ayuu bastooladdii la soo baxay oo cabbaystay.

Inta uu mar kale ganjeeladii furay ayuu dadkii oo dhagax la soo tuban laba xabbadood cagaha u geliyay. Kabtaydii meeday ayaa ka dhacday, iyaga oo orodkii isa sii dul fuulaya ayuuna sii daawaday. Labadii gabdhood ee muranku ka bilawdayna dadkii yaacay ayaa hore u sii jiitay. Habeenkaas ayaa dadkaa masaakiinta ah ugu dambaysay in ay filladaa barakaysan ku soo xad gudbaan. Subaxdiiba waxaa xafiiska Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Boostada iyo War-isgaarsiinta sheegtay in xalay goobtaasi Khawaarijta soo weerartay balse aan la xaqiijin karin heybtooda.

__

Anigoo akhrinaayo buugga Aanadii Nageeye ee uu qoray Ibraahin Yuusuf Axmed Hawd ayaan waxaan arkay sheekadani inay xittaa waaqiga maanta ee dalkeena ay taabanayso, horeyna dhowr gabdhood oo aan aqaano ayaa iigaga sheekeyey waxyaabaha ay kala kulmeen wasaaradaha dowladda iyagoo shaqo raadis ah.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

10 Talo oo ku saabsan sida loo helo guusha nolosha

Waa qodobo kuu sheegaayo sida guusha loo qeexay iyo sida aad ku gaari karto. “Sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto.”

Published

on


Guusha waxaa inta badan lagu qeexaa kartida aad ku gaari karto yoolalkaaga nolosha, wax kasta oo hadafyadaasi ay noqon karaan. Siyaabaha qaarkood, kelmadda ugu wanaagsan ee guusha waxay noqon kartaa guul, ama horumar aad gaartay. Waa safar aad u baahan tahay inaad hesho waxyaabo kaa caawin karro horumarinta xirfadaha iyo agabka aad u baahan tahay si aad u horumarto.

Sababtoo ah yoolalka waa kuwo si gaar ah loo abuuro, dadku sida ay u arkaan guusha way kala duwanaan karaan iyadoo ay ku xiran tahay baahidooda, hadafkooda, iyo xaaladahooda nololleed.

Waxaa jira habab badan oo kala duwan oo loo maro sida aad nolosha ugu guulaysan lahayd, laakiin qaabka ugu fiican ee u shaqaynaysa guushaada waxa ay ku xiran tahay waxa ay guushu adiga kuu tahay iyo aragtida aad ka qabto. Haddii aad u malaynayso in guushaada tahay inaad shaqadaada ku wanaagsanaato ama aad kasbato mushahar sare, waxaad mudnaanta koowaad siin doontaa kor u qaadista yoolalkaaga xirfadeed.

Waxay kala yihiin labo shey oo kala duwan, sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto.

Waxay kala yihiin labo shey oo kala duwan, sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto. (Qoys, xiriir jaceyl, tacliin, iyo iwm ayaa ah kamid ah guulaha qaar ee ku horyaallo).

Nooc kastaba ha noqoto guusha aad raadinayso, maxaa kor u qaadi kara fursadaha gaarista guushaada? Waa maxay qaar ka mid ah caadooyinka dadka guuleysta? Ma jirtaa waddo keliya oo sax ah oo lagu guuleysto?

Marwalbo shuruudaha guushu waxay ku xiran tahay macnaha guud ee aad ku qeexi karto. Hal qof ayaa laga yaabaa inuu u tixgeliyo guul waxa uu qof kale u arko inay tahay guuldarro.

Waxaa laga yaabaa inaysan jirin su’aalo isku-dhafan oo dammaanad qaadi kara guushaada. Weli, waxaa jira tallaabooyin aasaasi ah oo aad raaci karto kuwaas oo hagaajin kara fursadahaaga inaad ku guulaysato noloshaada iyo shaqada.

1. Ku dedaal korriimaha maskaxdaada

Cilmi-baaris ay sameysay aqoonyahanka cilmi-nafsiga Carol Dweck ayaa soo jeedinaysa in ay jiraan laba maskaxood oo aasaasi ah oo saameeya sida ay dadku uga fikiraan naftooda iyo kartidooda: maskaxda go’an iyo maskaxda koritaanka. Waxay muujisay in saadaalinta guusha aysan dhib lahayn haddii qof hibo leeyahay iyo in kale. Waxa muhiimka ahi waa in qofku aaminsan yahay in uu guulaysan karo.

Dadka leh maskax go’an waxay aaminsan yihiin in waxyaabaha ay ka mid yihiin naftooda aysan isbeddelayn. Dadka leh maskax go’an waxay aaminsan yihiin in guushu aysan ahayn natiijo shaqo adag lagu gaaro – ee ay tahay in si fudud iyo nasiib lagu gaari karo.

Sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in hibada noocaas ahi ay tahay wax ay dadku ku dhasheen, waa dad si fudud uga tanaasula caqabaddaha horyaalla. Waxay joojiyaan hawlaha horyaallo marka arrimuhu si sahal ah ku imaan waayaan sababtoo ah waxay aaminsan yihiin inay ka maqan yihiin xirfadda dhalanteedka ah ee looga baahan yahay inay sare u qaadaan.

Kuwa leh maskax korriin leh, dhanka kale waxay dareemayaan inay bedeli karaan, kori karaan, waxna ku baran karaan dadaal joogta ah. Dadka aaminsan inay awoodaan inay kori karaan waxay u badan tahay inay gaaraan guul. Marka arrimuhu adkaadaan, waxay raadiyaan habab ay ku horumariyaan xirfadahooda oo ay u sii wadaan ka shaqaynta guusha.

2. Rumayso naftaada
Talaabada koowaad ee guushu waa in aad rumaysato naftaada iyo kartidaada aad ku gaari karto hadafyadaada. Haddii aadan adigu aaminsanayn, cid kale ma rumaysna.

3. Deji yoolal aad gaari karto

Dadka guulaysta waxay ogyihiin inay u baahan yihiin inay ku bilaabaan hadafyo la gaaRi karo si ay u gaaRaan hadafka nolosha. Hadafyadani maaha kuwo fudud in la gaaro, laakiin markaad haysato wax aad hiigsanayso, waxaad si fiican u awoodi doontaa inaad hore u socoto oo aad ka gudubto caqabadaha.

4. Bilow ficil

Ha fadhiisan oo kaliya ha sugin inay wax walbo kuu qabsoomaan. Maalin kasta ka shaqeey yoolalkaaga hadaf ee aad leedahay.

5. Xoogga saar tamartaada

Ha isku dayin inaad wax badan samayso hal mar. U fiirso tamartaada waxyaabaha ugu muhiimsan ee kaa caawin doona inaad gaarto yoolalkaaga.

6. Samee xiriir wanaagsan

Xidhiidhku waa lama huraan guusha. La dhis xiriir adag dad ku taageeri kara oo kaa caawin kara inaad gaarto hadafyadaada.

7. Wax ka baro khaladaadkaaga
Qof kastaa wuu qaldamaa. Muhiimadu waa inaad wax ka barato khaladaadkaaga oo aad horay u sii wado halgankaaga.

8. U dabaaldeg guulahaaga

Waqti u qaado si aad ugu dabaaldegto guulahaaga inta aad safarka ku jirto. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad isdhiirigeliso oo aad horay u socoto.

9. Ku adkaysta dib u dhaca

Qof kasta waxa uu la kulmaa dib u dhac wakhti ka waqti. Ha ka niyad jabin yoolalkaaga marka arrimuhu adkaadaan. Ku adkayso dib u dhaca oo hore u soco.

10. Naftaada dhiirageli marwalbo

Inaad marwalbo firfircooni lahaato way adag tahay sababtoo ah waxaa kugu heeraarsan bulsho iyo asxaab kala duwan oo adiga ku niyad jebin kara. Qof walba waxa dhexdiisa ku loollama dabeecado badan oo iska soo horjeeda, iskuna liqdaaran oo ay kala doorashadoodu adag tahay haddii aanay ruuxdu noolayn.

Waxaana xaqiiq ah in qofwalbaa inta uu ku nool yahay koonkaan wuxuu ku hammiyaa shey, sheygaas ha yaraado ama ha weynaado. Tusaalle ahaan dad ayaa waxay ku hamminayaan inay helaan guryo qurux badan, lacag badan, iyo shirkado waaweyn. Dadka qaar waxay ku fikirayaan inay helaan qofka ay nolosha ugu jecel yihiin. Shaqsiyaadka qaarkiis waxay ku fikiraan inay noqdaan madaxweyne ama jecel inay qof walba caawiyaan. Dadka qaarkiis ayaa maskaxdooda waxaa ka guuxa kaliya sidii uu u guursani lahaa. Nin baa wuxuu ka fikiraa sidii 5 cunug uu dhalay iyo hooyadooda wax ugu keeni lahaa.

Dhiirogelinta naftaada, sida ugu wanaagsan ee aad ku heli karto dhiirogelin dhammeystiran waa inaad doorato hadaf aad adiga jeceshahay sida inaad wariye noqoto, siyaasi ana barafasoor, dhaqtar iwm. Marka aad u xiisayso waxa aad samaynayso, waxa aad u badantahay in aad guulaysato. Soo hel shay aad xiisaynayso oo qalbigaaga oo dhan ku daba gal.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

10 qodob oo muhiim ah inaad wax ka ogaato siyaasada Shiinaha ee diimaha

Dowladda Shiinaha ayaa dejisay ‘xeerarka diimaha’. Xeerarku waa qayb ka mid ah istaraatijiyadda soo jireen ah oo ay dawladda Shiinuhu ku doonayso inay diinta iyo shuuciyadda iswaafujiso si loo xaqiijiso siyaasadda xisbiga Shuuciga Shiinaha, iyadoo ujeedku yahay kor-u-qaadista diinlaawe-nimada ‘cawaannimada’.

Published

on

Wafdi ka socda Ismaamulka Xinjiang Uyghur inta lagu guda jiray shirweynaha 12-aad ee qaranka: Sawir: (AP)

Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha si rasmi ah waa dawlad diinlaawe ‘calmaani’ ah ama mulxid sida aad u taqaano, laakiin dawladdu waxay si rasmi ah u aqoonsan tahay shan diimood: Islaamka, Budhisnimada, Taoism, Masiixiyadda oo isuga jira Katholicism iyo Protestantism-ka.

Horraantii qarnigii 21aad, waxaa sii kordhayay aqoonsiga rasmiga ah ee Confucianism iyo diimaha dadweynaha Shiinaha oo qayb ka ah hidaha dhaqanka Shiinaha.

Waa maxay Confucianism-ka?

Confucianism-ka waa nidaam anshax ah, oo lagu aasaasay waxbarista Confucius, taas oo saamaysay dhaqanka soo jireenka ah ee Shiinaha. Confucianism-ku waxa uu qiimeeyaa waxbarashada oo waxa uu culays saaraa xidhiidhka qoyska ka dhaxeeya. Waa nuxurka barashada, isha qiyamka, iyo xeerka bulsho ee Shiinaha. Saamaynteedu waxay sidoo kale ku fiday dalal kale, gaar ahaan Kuuriya, Jabbaan, iyo Fiitnaam.

Ilbaxnimada Shiinaha waxay taariikh ahaan muddo dheer ahayd saanqaadka iyo marti-gelin noocyo kala duwan ee caaddooyinka falsafada diimeed ee ugu dheer adduunka.

Tan iyo 1949, Shiinaha waxaa maamula Xisbiga Shuuciga Shiinaha (XSS), oo ah xisbi rasmi ah oo diinlaawe ah oo ka mamnuucaya xubnaha xisbiga inay ku dhaqmaan diinta inta ay xilka hayaan.

Xoriyadda iyo Xeerarka

Dowladda Shiinaha ayaa dejisay ‘xeerarka diimaha’. Qodobka 36 ee dastuurka Shiinaha ayaa sheegaya in muwaadiniintu diimahooda ay xor u yihiin. Xeerarkaan ayaa mamnuucaysaa takoorka ku salaysan diinta. Golaha Gobolka, maamulka dawladda, wuxuu meel mariyey xeerar ku saabsan arrimaha diinta, kaas oo dhaqan galay Febraayo 2018, si loogu oggolaado ururrada diimeed ee ka diiwaangashan dawladda inay hanti yeelan karaan, qoraallo diimeed daabacan karaan, tababaraan oo ansixiyaan wadaaddada, iyo ururinta tabarucaadka. Haddana xuquuqahaas waxaa barbar socda kontaroolada dawladda oo sare loo qaaday. Shuruucda dib loo eegay waxaa ka mid ah xaddidaadda duruusta diimaha iyo waqtiyada iyo goobaha xafladaha diimaha, iyo sidoo kale la socodka dhaqdhaqaaqa diinta ee internetka iyo ka warbixinta deeqaha ka badan 100,000 yuan (qiyaastii $15,900).

Xeerarku waa qayb ka mid ah istaraatijiyadda soo jireen ah oo ay dawladda Shiinuhu ku doonayso inay diinta iyo shuuciyadda iswaafujiso si loo xaqiijiso daacadnimada xisbiga Shuuciga Shiinaha, iyadoo ujeedku yahay kor-u-qaadista diinlaawe-nimada ‘cawaannimada’.

Agaasimaha Shiinaha ee hay’adda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch, Sophie Richardson, ayaa leh in kasta oo caqiidada diinta ee Shiinaha uu ilaalinayo dastuurka, tallaabooyinka ay qaadayso dowladda “ma dammaanad qaadayso xaquuqda muwaadinka ee ku dhaqanka diinta [PDF]” Ururada diintu waa in ay iska diwaan galiyaan mid ka mid ah shanta urur diimeed ee ay dawladu ogolaatay, kuwaas oo uu kormeero Maamulka Gobolka ee Arimaha Diinta (SARA).

Tirada dadka haysta diimaha ee ay diiwaangelisay dawladda ayaa ah ku dhawaad laba boqol oo milyan, sida laga soo xigtay ilo dhawr ah, oo ay ku jiraan Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ee 2018 Dib-u-eegis Xilliyeedka Caalamiga ah.

Dhinaca kale, Dastuurka Shiinaha ayaa sheegaya “xornimada caqiidada diinta” dowladduna waxay si rasmi ah u aqoonsan tahay shan diimood ee aan kor kusoo sheegay. Iyada oo ay jirto kobaca dhaqaalaha Shiinaha iyo casriyeynta degdega ah, khubaradu waxay tilmaamayaan soo ifbaxa faanka ruuxiga ah ee sii kicinaya tirada sii kordheysa ee diimaha. Haddaba qoraalkan waxaan kusoo qaadanayaa 10 qodob oo muhiim ah inaan wax ka ogaano siyaasadda Shiinaha ee diimaha ku salaysan:

1. Shiinuhu waxa uu wadaa siyaasada ah “Sinicization” oo laga rabo kooxaha diimaha inay waafujiyaan caqiidooyinkooda diimeed, caadooyinkooda iyo akhlaaqdooda dhaqanka Shiinaha. Ololaha sinicization-ka wuxuu si gaar ah u saameeyaa waxa loogu yeero diimaha “shisheeye” – oo ay ku jiraan Islaamka iyo sidoo kale Masiixiyada – kuwaas oo laga rabo inay mudnaanta siiyaan caadooyinka Shiinaha oo ay muujiyaan daacadnimada nimaadka shuuciyadda ee dawladda.

Waa maxay Sinicization-ka?

Sinicization-ka waxaa lagu qeexaa inay tahay dadka aan ka soo jeedin Shiinaha oo hoos yimaada dhaqanka iyo maamulka Shiinaha. Waa hannaan bulshooyinka dhaqan ahaan aan Shiineeska ahayn lagu hoos galiyo saamaynta bulshooyinka Shiinaha ee Han, iyagoo la qabsanaya dhaqankooda, caadooyinkooda, iyo hab nololeedkooda. Sinicization-ka marka si kale loo eego waxaa loola jeedaa habka isku-mideynta bulshooyinka deriska la ah Shiinaha.

2. Sinicization-ka wuxuu qeexayaa aragtiyo kala duwan. Waxay burburiyeen qubbooyinka iyo minaarada masaajidda si ay ugu ekaadaan kuwo Shiineeska ah. Mas’uuliyiinta diimaha Islaamka iyo Masiixiyadda ayaa la sheegay in laga codsaday inay diiradda ku saaraan barashada diinta ee ka tarjumaysa qiyamka hantiwadaagga. Dawladdu waxa kale oo ay qorshaynaysaa in ay soo saarto nuqul cusub oo quraanka kariimka ah kaas oo ka caawin doona waxbarista diinta islaamka inay la jaanqaadaan “dhaqanka Shiinaha ee waaga cusub.”

3. Siyaasadaha xaddidan ee Shiinaha ee ku wajahan Muslimiinta – gaar ahaan qoomiyada Uyghurs-ka ee gobolka Xinjiang – ayaa si weyn loo diiwaangeliyay tobankii sano ee la soo dhaafay. Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeya Shiinaha inuu ku haayo xad-gudub dadka Uyghur-ka ah waxaana loolla dhaqmaa si bareer ah, waxaana lagu haayaa ilaalo iyo jirdil. Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku tilmaantay dhacdooyinkii ka dhacay Xinjiang inay ahaayeen xasuuq, iyadoo lagu eedeyay in mas’uuliyiinta Shiinaha ay xireen in ka badan 1 milyan oo Muslimiin Shiinees ah oo ku jira xeryo si gaar ah loo dhisay. Uyghurs-ka ayaa 43% ka ah Muslimiinta Shiinaha.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa aaminsan in Shiinuhu uu xiray in ka badan hal milyan oo Uyghurs-ka ah dhowrkii sano ee la soo dhaafay iyagoo lagu xareeyay xarumo oo ay dowladdu ugu yeertay “xeryo dib-u-waxbarasho”, waxayna boqolaal kun ku xukuntay xabsiyo. Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty iyo Human Rights Watch ayaa daabacday warbixino ay Shiinaha ku eedeynayaan dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Sawirrada dayax-gacmeedka waxay muujinayaan dhismayaal laga dhisayo Xinjiang, u fiirso sanad walbo sanadka ka dambeeya. Sawirka GOOGLE

Dowladda Shiinaha ayaa diiday eedeymaha waxayna sheegtay in raritaan, xeryo iyo tillaabooyin kale oo qasab ah ay ula jeedaan in lagu wanaajiyo nolosha Muslimiinta. Tusaale ahaan, saraakiisha Shiinaha ayaa sheegay in xerooyinka Xinjiang ay bixiyaan tababar xirfadeed iyo ka hortagga xagjirnimada diinta.

Maxay ahayeen Uyghurs-ka?

Waxaa jira ilaa 12 milyan oo Uyghurs-ka ah, oo u badan Muslimiin, kuwaas oo ku nool gobolka Xinjiang, oo si rasmi ah loogu yaqaano Ismaamulka Xinjiang ee Uyghur-ka (IXU).

Uyghurs-ku waxay ku hadlaan luqad u gaar ah, oo la mid ah Turkiga, waxayna isu arkaan inay dhaqan ahaan iyo isir ahaanba u dhow yihiin waddamada Aasiyada dhexe. Waxay ka kooban yihiin in ka yar kala bar dadweynaha Xinjiang.

Shiinaha ayaa sidoo kale lagu eedeeyaa in uu bartilmaameedsado dadka diinta Islaamka aaminsan iyo in uu gobolka ka mamnuucay dhaqamada diiniga ah iyo sidoo kale burburinta masaajidda iyo qubuuraha. Dhaqdhaqaaqayaasha Uyghur ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in dhaqanka kooxda uu halis ku jiro in la tirtiro.

4. Diinta Masiixiga ee Shiinaha waxa lagu maamulaa xeerar dhowr ah. Masiixiyiinta waa loo ogol yahay inay ku cibaadaystaan “kaniisadaha rasmiga ah” ee ka diiwaan gashan hay’adaha dawladda ee kormeerka ee ka mas’uulka ah Protestantism-ka iyo Catholicism-ka. Si kastaba ha ahaatee, Masiixiyiin badan ayaa diiday kormeerkan waxayna ku caabudaan kaniisadaha ay ka dhisteen dhulka hoostiisa.

Tan iyo markii madaxweyne Xi uu xukunka qabtay 2013, dowladdu waxay mamnuucday faafinta diinta ee gudaha internetka, waxay xoojisay xakamaynta dhaqdhaqaaqyada Masiixiyiinta ee ka baxsan goobaha diiwaangashan, waxayna xirtay kaniisadaha diida inay isdiiwaangeliyaan. Maamulka ayaa sidoo kale xiray hogaamiyayaal caan ah kuwaas oo la sheegay in lagu hayo xeryo.

5. Shiinuhu wuxuu ula dhaqmaa Buddhism-ka si gaar ah – gaar ahaan Han Buddhism-ka, oo ah laanta diimeed ee ugu baahsan dalka – waxaana loolla dhaqmaa si ka dabacsan diimaha kale ee Islaamka iyo Masiixiyada. Madaxweyne Xi Jinping wuxuu had iyo jeer ku ammaanaa Han Buddhist-ka inay isku darsadeen Confucian-ka, Daoist-ka iyo caqiidooyinka kale ee Shiinaha ee soo jireenka ah.

Isla markaana, Shiinuhu waxa uu gacan bir ah ku qabtay Buddhistaha Tibet. Dhawaan, mas’uuliyiinta Shiinaha ayaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen ololeyaal “dib u-waxbarasho siyaasadeed” oo loogu talagalay in lagu xoojiyo nidaamka madaxweyne Xi Jinping iyo in la niyad-jabiyo diimaha kale. Waxaa intaa dheer, dawladda Shiinaha ayaa lagu dhaleeceeyay inay burburisay taallooyin oo ay ku jiraan macbudyo iyo taallooyin.

6. Diimaha qadiimiga ah iyo caadooyinka ruuxiga ah ee qadiimiga ah ayaa door weyn ka ciyaara nidaamka Shiinaha. Dawladdu waxay dhiirigelinaysaa hawlaha qaar oo ay u aragto inay qayb ka yihiin hidaha dhaqameed ee Shiinaha oo ay maalgelisay dib-u-cusboonaysiinta macbadyada diinta. Dadka ku nool Shiinaha waxaa loo oggol yahay inay xurmeeyaan faylasuufka Shiinaha ee Confucius oo ay ka qaybgalaan dabbaaldegyada halkaas oo lagu caabudo ilaahyada dadka – tusaale, Mazu, ilaahadda badda.

Dawladda Shiinaha waxay u xilsaartay dawladaha hoose inay nidaamiyaan dhaqdhaqaaqyada diineed ee dadweynaha si loo hubiyo inay ka tarjumayaan hidaha dhaqanka oo ay hagaan qiyamka hantiwadaagga. Laga soo bilaabo 2015, maamulada maxalliga ahi waxay diiwaan gelinayeen macbadyo leh muhiimad taariikheed iyo dhaqan waxayna samaynayeen dadaallo ay ku keenayaan shaqaalahooda iyo hawlahooda hoos-joogga dawladda. Gobollada qaar, macbadyo ay maamullada maxalliga ahi u arkayeen in ay yihiin bulsho ahaan iyo dhaqan ahaanba kuwa aan qiimo lahayn waa la dumiyey, qaarna albaabada ayaa la isugu dhuftay, qaarkiis waxa loo beddelay goobo cilmaani ah.

7. Dhaqdhaqaaqa diineed ee ka baxsan shanta diimood ee sida rasmiga ah loo aqoonsan yahay oo aan ka soo bixin oggolaanshaha dawladda sida nooc ka mid ah hiddaha dhaqameed ayaa inta badan mas’uuliyiintu u kala saaraan “khiyaad” ama “caaqmad xun.” Tusaale ahaan, sharciga Shiinaha wuxuu mamnuucayaa sixirka, dowladduna waxay ka soo horjeedaa dhaqamada diineed ee dadweynaha oo ay ku jiraan walxaha khuraafaadka ah sida in la demiyo qoryaha si looga ilaaliyo jinniyada sharka leh.

Kooxaha qaarkood, oo ay ku jiraan Falun Gong, Kaniisadda Midaynta iyo Carruurta Ilaahyadooda, ayaa loo arkaa cibaado oo la mamnuucay. Dowladda ayaa lagu eedeeyay in ay xirtay dhaqaatiirta Falun Gong oo ay kula kacday jirdil nidaamsan.

8. Xisbiga Shuuciga ah ee talada haya ee Shiinaha waxa uu kor u qaadaa aragtida diinlaawayaasha wuxuuna niyad jabiyaa muwaadiniinta in ay ku dhaqmaan diinta. Weli, xisbiga shuuciga ah waxa uu u dulqaataa mararka qaar ka-qaybgalka caadooyinka dhaqanka. Tusaale ahaan, waa la aqbali karaa in la booqdo macbadyada mar mar. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah xubnaha xisbiga shuuciga waxay aaminsan yihiin diin.

9. Carruurta da’doodu ka yar tahay 18 jir wuxuu dastuurka mamnuucayaa inay ku dhaqmaan diintooda ama ay xariir rasmi ah la yeeshaan gudaha Shiinaha. Waxa kale oo jira mamnuucid waxbarashada diinta (tusaalle, madaraso lagu barto diinta). Iskuulada waxay diiradda saaraan horumarinta diin la’aanta iyo qaadashada fikirka shuuciga waa sababta dhalinyaro badan ay ugu biiraan xisbiga shuuciga.

10. Mawqifka Shiinaha ee diimaha wuxuu dib ugu soo laabanayaa aasaaskii Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee 1949. Hogaamiyaashii hore ee xisbiga shuuciga waxay ku adkaysteen diinta inay ku xiran tahay ama ay ka timid “aragti dhaqan shisheeye,”. Intii lagu jiray Kacaankii Dhaqanka (1966-76), guddoomiyaha xisbiga shuuciga Mao Zedong wuxuu wacad ku maray inuu baabi’in doono “fikrado hore iyo caadooyin hore,” iyo kadibna waxay bilaabeen burburinta masaajidyo badan, macbadyo iyo kaniisado.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Aragtida Indheergaradka

Casriga kelitaliska iyo awoodeysiga siyaasadda midigta fog

Dibu dhalashada midigta fog ee caalamka iyo saansaanta casriga kelitaliska ee adduunka. Sooyaalka midigta fog iyo saansaanta awooddeed ee laga filan karo.

Published

on

Sawirka waxaa habbeeyey Diblomaasi.com - Cabdijabaar Sh. Axmed

Ugu horeyn xagjirnimada bulsheed ee ku aadan ku dhaqanka maba’diida iyo caqliyadaha ay aaminsantahay bulsho, waa ay ku kala duwanyihiim ummaduhu, hadba ummadii fikirka iyo aaminaadda ay haysato ama ay aaminsanyihiin ayay ku jaan-gooyaan nolosha guud ee ay ku suganyihiin. Waxaa jira bulsho ku ad-adag oo aaminsan in dhaxalka diimeed, af, dhaqan, fikir, iyo waddaniyadda qoomiyadnimo ay yihiin qiyamka iyo qiimaha ay tahay in ay ku dhaatan si ay jiraalkooda ummadeed uu ilaaliyaan, oo badana ummaddaasi waa ummad xir-xiran sida ummaddeenan soomaaliyeed.

Dhanka kale waxaa jira ummado aaminsan in isbeddelka iyo suulinta dhaxalka iyo dhaqamadoodii hore uu yahay waddo uu taabo-xaadhaysa aayaha horumarka iyo casriga ee ay doonayaan, oo waxay badana aaminsanyihiin in isdhexgalka dhaqamada iyo afkaarta ummaduhu uu ka qayb qaadanayo horumarka aadamaha ee marba marka ka dambeysa waddada uu jeexaya ka aaradnaanta qiyamka iyo ruuxda rabbaaniga ah. Xagjirnimada bulsheed waa qaybo badantahay, xaqiiqdiina waxaa laga soo waarida falcelinta iyo hummaagga ay ummadii uga falceliso xaaladaha nololeed ee la soo gudboonaada. Dhanka kale aragtiyadaha kala duwan ee ay ummaduhu aaminsan yihiin waxaa loo kala qaybiya midig, bidix iyo fikirka dhexdhexaadnimada ah. Haddaba fikradaha kala ah midig iyo bidix waa miisaan caqliyadeed lagu qiyaaso habdhaqanada, go’aanada iyo falcelinta bulsheed ee ku aadan xaaladaha badan ee soo foodsaara nolosha guud ee bulshooyiinka oo dhan ; Ha noqdaan kuwo siyaasadeed, kuwo bulsho, kuwo diimeed , kuwo dhaqan, kuwo dhaqaale iyo kuwo la hal-maala oo xaalado bulsheed ahba.

Inta la xasuusanyahay sooyaalka taariikhda aadamaha waxaa la ogsoonyahay in aadamuhu uu kala bixii jirey midig iyo bidix oo labaduba kala aaminsan laba aragti-bulsheed oo ay bulshooyiinka ummaduhu uu kala baxaan, oo inta la ogsoonyahay waxay asal ahaan labadan aragti soo ifbaxeen dabayaaqadii qarnigii 18aad, intii lagu gudo-jirey kacaankii faransiiska ee isbeddelka bulsheed lagu doonayay. Haddaba maanta waxaynu si gaar ah uga hadli doona sooyaalka iyo isbeddelada xaaladaha siyaasadeed ee ay la kulmeen siyaasadaha midigta fog ee caalamiga ah, sidoo kale waxaynu ka hadli doona dhalashooyinka taariikheed iyo kuwa casriga ah ee awoodaha keli-taliska ah ee ay tarmisay falsafadda siyaasadeed ee qoominimada asal-raaca ah ku saleysan ee falsafadda midigta/ fog (radical-right/ far-right/right wing). Waxaa aynu sidoo kale isbar-bardhig ku sameyn doona kala duwanaashaha aragtiyaha qunyar socodka ah iyo kuwa xagjirka ah ee ay aaminsanyihiin ummadaha kala duwan ee adduunka (gaar ahaan yurubiyaanka).

Haddaba inago hordhacayna, waxaan doonaya inaad fahantaan intaan ku jirno mawduuceennan macnaha loola jeedo siyaasadda midigta fog, kadib waxaynu falanqeyn doona isla markaana aynu dul-tagii doona asalkeedii, taariikhda ay soo martay, ujeeddooyinka siyaasadeed ee ay xambaarsantahay falsafaddaasi iyo ta ugu weyn ee ah saansaanta awoodeed ee laga filan karo qarnigan 21aad in ay yeeshaan awoodaha siyaasadda midigta fog aaminsan iyo suurtogalnimada ay ku dhalan karto kelitalis-wadareed caalami ah, oo adduunka ku sababa tartan asal-raac ah oo ay ummadaha caalamku ku tartaamaan. Haddaba marka aynu ka hadlayno siyaasadda midigta ama midigta fog waa nidaam fikreedyo ku dhisan aragtiyaha asal-raaca ah ee ay ummadd cayiman leedahay, isla markaana leh mabda’, dhaqan iyo qiyam jaan-go’an oo soo jireen ah. Aragtidanina waxay dhiirrigelisa oo ay xoojisaa waddaniyadda ummadaha, jecleysiga qoominimada, cunsuriyadda, awoodda ummadnimo, kala sarreynta dabaqadaha bulsho iyo isbalaarinta dhulleed ee ay ummadii ku taamto.

Sanadkii 2019kii Warar xog ogaal ah oo laga leeyahay mid kamida warbaahinaha yurub ayaa daboolka ka qaaday in kooxaha midigta fog ee Qaaradda yurub ay taageerayashooda iyo bulshooyiinka tageersana ku amreen in ay is-hubeeyaan isla markaana haystaan hubka sharciga ah iyo ka aan sharciga ahayn ee hubka culus riddooyinka ah, waxaanay ku sababeeyen arrinkan in ay tahay sabab macquul ah oo muujinaysa halganka iyo awoodeynta fikirka midigta fog ee xagjirka ah. Tanina waa mid kamida saansaanta awoodeed ee ay muujinayaan asxaabta midigta fog ee caalamku, waana tubta uu xaadheysa halganka ka dhanka ah qolyaha bidixda fog (far-left, Radical left).

Asalka siyaasadda midigta/fog iyo heererkii kala duwana ee ay soo martay

Asal ahaan siyaasadda midigta /fog waxay ka soo dhambaalmantay xilliyadii kacdoonkii faransiiska ee dabayaaqadii qarnigii 18aad, kadib Kacaankii Faransiiska ee 1789kii wuxuu abuuray isbeddel weyn oo xagga fikirka siyaasadeed ah isagoo caqabad ku noqday fikradaha aasaasiga ah ee taageeraya kala sarreynta bulshada iyo taliska xukunka boqornimo ama keligii talisnimo , wuxuuna abuuray qolyo cusub oo uu doodaya sinnaanta guud iyo xorriyadda. Muuqaalka dheer loollanka siyaasadeed ee bidix iyo midig ee casriga ah ayaa sidoo kale soo ifbaxay xilligan. Kadib kacdoonkii faransiiska, faransiisku wuxuu la kulmay kala jab siyaasadeed oo ku yimid barlamaankiisa oo uu kula baxay laba qaybood oo iskugu jira qolo aagga bidix ee barlamaanka fariisan jirtay oo ah dimuqraadiyiin, caalamiyiin (Globalist) iyo calmaaniyiin (Secularist) oo iyagu yeeshay summadda siyaasadda bidixda iyo Qolo kale oo asal-raac ah oo aagga midig ee barlamaanka fariisan jirtay oo ah qoommiyiin (nationalist), waddaniyiin, keli-talis uu xagliyaal iyo asal-raacyahano bulsheed (fundamental conservatism). Waxaa jiray dhaliilo badan oo ay soo jeediyeen aqoonyahanada taariikhda iyo falsafadda kuwaaso sii aad ah uga soo horjeeday xorriyadda iyo dimuqraadiyadda qarnigii 19aad dhalatay, sida Joseph de Maistre iyo Friedrich Nietzsche, waxay aad u dhaleeceeyeen Kacaankii Faransiiska, iyagoo tibaaxay in uu ahaa qorshe ay qolyo qarsoon oo yuhuud ihii ka dambeeyeen, oo xaqiiqatan waa xaqiiqo jirta in kacaanka faransiiska ay ka dambeeyen qolyaha qarsoodiga ah ee yuhuudda ku abtirsada.

Kuwii uu ololeeyey in lagu soo noqdo nidaamyadii boqortooyadnimada badhaxa-tiran (Oligarchical-monarchy) intii lagu jiray qarnigii 19aad waxay isku magacaabeen “ultra-monarchists” oo ah laan kamida aragtiyaha ay ku dhisantahay siyaasadda midigta fog, sido kale waxay qaateen aragtiyaha “mystic” iyo “providentialist” oo tibaaxaya in maamuulka guud ee noloshu uu yahay hawlo rabbaani ah oo ilaahay unkay, kana turjumaysa baahida aadamuhu uu qabo nolosha iyo dabeecadda guud ahaan. Kadib waqtiyadaas, qolyihii midigta fogi waxay bilaabeen in ay galaan halgan ka dhan ah bidixda fog oo uu aaminsanyihiin inay yihiin cadawga doonaya in ay qiimaha iyo qiyamka aadamaha suuliyaan. Ka soo horjeedka liddinimo ee ay midigtu uu muujisay bidixda waxay sababeen qalaalase caalami ah oo ay ka mid yihiin dagaaladii sokeeye ee ka dhex aloosamay qaaradaha ameerika iyo yurub, kuwaaso dhabada uu xaadhay labadii dagaal weyne adduunka iyo burburkii waayihii boqortooyanimada adduunka, taaso sababi doonta burbur ku iman doona cahdigii midigta fog ee caalamka.

Cadawtinimada ama ku liddinimada bidixda casriga ah ee ay midigtu uga soo horjeedday wuxuu ku salaysnaa aaminsanaanta ah in kala saraynta iyo xididnimada ama qoomiyadnimadu ay ka muhiimsan tahay sinnaanta iyo xorriyadda bulsheed ee bidixda, iyadoo labada dambe ay yihiin kuwo bani-aadamka sababaya inuu dhaafo xayndaabka aadamnimada taa liddigeedna uu noqdo xayawaan shahwaddiisa iyo yeermadiisa raacda.

Dooddo ka dhex dhacay faransiiska ka dib Kacaankii Balaashifada shuucigii ku qabsadeen ruushka sanaddi 1917kii, waxay sheegeen in midigta fog ee yurub ay noqon doonto liddiga cadaawe ee ugu weyn ee ay la kulmi doonaan balaashifada shuuciga ah ee isla markaana ah bidixda fog. Tiro ka mid ah mufakiriinta dhinaca midigta fog ayaa si kastaba ha ahaatee sheegay in ay saameyn kala kulmeen qeexitaanada liddiga ah ee ka dhanka ah maarkisiyadda iyo xorriyadda sinaanta ee qeexitaanada hantiwadaagga iyadoo lagu saleynayo iskaashiga millatari kasoo horjeeda aragtiyaha kaaral markis ee dabaqadaha , ama waxaa uu Oswald Spengler ugu yeeray “hantiwadaagga dhiigga”, taas oo mararka qaarkood ay aqoonyahannadu ku tilmaamaan qaab ah “dib u eegistii qaldanayd ee hantiwadaagga (The false reform of socialism) “. Balse sida la ogsoonyahay asalka hantiwadaagga asal-raaca ihii waa mid ka yimid qolyaha midigta fog, oo qaar kamida aqoonyahanada iyo siyaasiyiinti midigta fog waxay uu arkaan in ay tahay falsafadd ka soo jeedda afkaarta midigta fog, oo waxaa kamida shaqsiyaadkaas, Charles Maurras, Benito Mussolini, Arthur Moeller Van den Bruck iyo Ernst Niekisch

Laakiin Mufakiriintaas ayaa aakhirkii ku kala jabay khadadkii waddaniyadeed ee ka soo horjeeday dhaqdhaqaaqyadii shuuciga aha ee asalka ahaa. Karl Marx iyo Friedrich Engels oo ka hor imanaya aragtiyaha wadaniyiinta midigta fog ayaa yirri fikrad ah “ragga ama dabaqadaha shaqeeya ma laha waddan iyo xuquuq ay ku helaan dagganaansho.”, taas oo markii dambe ka careysisay kooxaha midigta fog ee ka dhisna jarmalka. Sababta ugu weyn ee jahwareerkaas xagga fikirka ah dhalisay waxaa lagu ogaan karaa cawaaqib xumadii ka dhalatay Dagaalkii Franco-Prussian ee 1870kii , kaas oo sida uu sheegayo taariikhyahankii reer Switzerland ee Philippe Burrin ku sheegay in dagaalkaasi uu gabi ahaanba dib u habeyn ku sameeyay muuqaalkii siyaasadeed ee Yurub ee xilligaas, isla markaana uu sababay faafidda fikirka shaqsiyad-diidka (Anti-individualistic) ah ee ku aadan midnimada qaranimo. Waqti kadib waxaa aad uu sare kacay kala qaybsanaanta labada mad-hab ee midig iyo bidix oo marka kadib geli doona halgan dheer oo midba midka kale ka dhan ah.

Waqtigaas kadib waxaa dhashay fikradihii ugu xagjirsana midigta fog ,kuwaaso la kala oran jirey faashiyadda (Fascio) iyo naasiyaddii jarmalka (Nationalie zocialismus). Waxaana jira sidoo kale hogaamiyaal islaami ah oo aragtidan asal-raacnimada dhiirigelinaysa ee midigta fog aaminsana isla markaana ku dhaatay halgan dib uu soo celin ah. Waxaana kamid ahaa labadii hogaamiye ee islaamiga ahaa ee ruuxulaah khomeyniigii iiraanta islaamiga ah iyo osaama binu laden oo iyaguu ahaa islaamiyiin asal-raac ah oo midigta fog ah, waayo waxay ahaayeen dhaxal ilaaliyaal guntida uu xirtay in ay ilaaliyaan qiyamka iyo aragtida ay aaminsanayeen bulshooyinkoodu ee awoow ka awoow.

Taariikhda Midigta fog iyo kacdoonkii midig ee caalamiga ahaa. :- Kooxaha Midigta Fog ee Qaaradda Ameerika

BARAASIIL:- Intii lagu gudo jirey dagaalkii labaad ee adduunka, naasiyiintii jarmalku waxay sameyn jireen oo ay faafin jireen borobagaandooyin iyo been abuuro ku wajahan dhaladka iyo isirka aariga jarmalka ah ee ku noola brazil iyagoo marka uga gonlaha inay fikirka iyo aragtida naasiyadda ku dhex faafiyaan dadyowgaas asal ahaan ah ka soo jeeda jarmalka. Taliskii Naasiyiintu wuxuu xilligaas xiriir dhow la dhisay dalka Brazil isagoo u maraya qiyaastii 100 kun oo Jarmal asal ah oo ku dhashay jarmalka iyo 1 milyan oo isir ahaan Jarmal ah oo ku noolaa Brazil waqtigaas. Sanaddii 1928kii, xaruntii reer Brazil ee Xisbiga Naziga ayaa laga aasaasay magaalada Timbó, Santa Catarina. Xaruntani waxay yeelatay oo ay gaadhay 2,822 xubnood oo siyaasiyiin iyo tageeraba iskugu jira, waxayna ahayd qaybta ama xarunta ugu weyn ee Xisbiga Naziga ee ka baxsan gudaha Jarmalka. Intii lagu guda jiray 1920-meeyadii iyo 1930-yadii, summado maxalli ah oo faashiisnimo diimeed ah ayaa ka soo ifbaxay gudaha brazil, kuwaas oo loo yaqaanay ” integralism ” ama intaqraaliyiintii brazil kuwaas oo iskugu jiray kacdoonyahano iyo urur ciidan ah oo aaminsanaa aragtida dagaaleeed ee ku dhufo oo ka dhaqaaq, waxaanay lahayeen darays ama shaati midab cagaaran leh oo darajooyiinkii naasigii jarmalku ku taxnaayeen. Ururkaas faashiga ihii wuxuu abuuray kacdoono iyo nooca mudaharaadyada ee jidadka sida aadka ah loo buuxiyo, sido kale waxay isla markaana abuureen hadaaqyo iyo hadalo ka dhan ah Maarkisiyaddii shuuciga ahayd iyo libraaliyaddii reer galbeed.

Kadib jabkii Jarmalka ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka, in badan oo ahaa dambiilayaal dagaal oo Naasi ah waxay u qaxeen Baraasiil waxayna ku dhex dhuunteen bulshooyinkii Jarmalka ahaa ama curuuqdii asalka jarmaliga lahayd ee Baraasiil. Waxaana kamid ahaa shaqsiyaadkii ama Kiiskii ugu caansanaa wuxuu ahaa Josef Mengele, oo ahaa dhakhtar ku caanbaxay “Malaa’igtii Dhimashada”, magacan oo loogu bixiyay falalkii aragagaxa lahaa ee uu ka geysan jiray xeradii urursiga ahayd ee Auschwitz ee yuhuuddi yurub lagu xareyn jiray. Josef Mengele wuxuu sameyn jiray tijaabooyin caafimaad oo naxdin leh, kuwaas oo uu ku sameyn jiray dadyowgii xerada ku jiray, isagoo marka ugu gonlaha inuu soo saaro cilmi-baarisyo caafimaad oo ay xilligaas naasiyiintu wadeen. Mengele oo sida aanu sheegnay baxsad ahaa, isagoo aan gaarin xeebaha bari ee brazil, wuxuu ku haftay deegan xeebedka Bertioga, oo ku taal xeebta gobolka São Paulo, isagoon weligiis la aqoonsan ama aan meydkiisi la aqoonsan ayuu dhintay. Waxaana waqtiyo badan la baadi goobayay isaga iyo dambiilayaal kale oo baxsad noqday markii naasigii jarmalku jabay.

Fikirka Midigta fogii waa sal-balaartay, waxaana uu sii waday inuu ku faafo Baraasiil dhan, waxaana xusid mudan in xisbiyo midigta-fog ay jireen xilligan casriga ah oo ay ka mid yihiin xisbiga Patriota, Xisbiga Dib u Cusboonaysiinta Shaqaalaha Brazil, Xisbiga midigta Qaranka, xisbiga Isbahaysiga Cusbooneysiinta Qaranka iyo Xisbiga Liberal-ka. iyo sidoo kale waxaa aad uga soo ifbaxay brazil, kooxaha midigta fog ee burcadda iyo gangistarayaasha dilaayada ah, sida Taliskii waddaniyiinta ee ” El caudillo ” oo qaabilsana burcadnimada iyo boobka hantida shisheeyaha iyo waddamada kale. waana kooxo uu maraykanku ila haatan uu ku daray kooxaha halista ah ee qaarrada ameerika ka dhex shaqeeya. Wuxuuna bar-bardhigay kooxihii burcadda ahaa ee ay hogaamin jireen labadii mandooriyaaliste ee Pablo Escobar iyo Joaquin “El Chappo “. Muuqaal ahaan, maanta brazil waxaa talada haya xisbiga midigta fog ee waddaniyiinta midowday ee ” Alliance for Brazil “, kaaso oo uu hogaamiyo madaxweynaha haatan ee brazil ee Jair Bolsonaro.

MEXICO:- Xisbiga ugu weyn ee midigta-fog ah ee Mexico waa Ururka Isbahaysiga Qaranka (National Synarchist Union). Waxaa uu taariikh ahaan ahaa dhaqdhaqaaq Katooliga midig ah oo xagjirka ah. Xisbigan haddi siyaabihiisa ama astaamihiisa qaarkood marka la eego waxay la mid yihiin faashiistinimadii yurub iyo Falangism’ka oo ah aragti faashiste ah oo asal ahaan ka timid taliskii francisco franco ee spain. Xisbigani waxaa uu si adag uga soo horjeeday garabyada bidix iyo siyaasadaha calmaaniyiinta ee ay wadaan Xisbiyadii Kacaanka ahaa ee “Institutionale” iyo kuwii ka horreeyay ee xukumayay Mexico laga soo bilaabo 1929kii ilaa 2000kii iyo 2012kii ilaa laga soo gaarayey 2018kii.

MARAYKANKA: – ” Midigta Xagjirka ah “, Midigta Fog “, ” ” Midigta Durugsan ” waa astaamaha iyo magacyada loo yaqaan ama loo adeegsado in lagu sharaxo “noocyada kooxeed ee xagjirka ah ee fikirka midigta-fog aaminsan ee maraykanka. Waana kooxo kacdoonyahano ah isla markaana ah qoomiyad-doon gooni goosad ah “, kuwaas kala ah ururka katooliga fog, Ururka xagjirka ah ee Antifa, ururka Ku Klux Klan iyo kooxda ” Red Scares “. Kooxahani waxay wadaagaan fikradaha shirqoolka ah ee awoodda, waxay si weyn uga soo horjeedaan yuhuudda, waxay isla markaana diidaan dimuqraaddiyadda ku saleysan wadajirka iyagoo doorbidaya nidaamka taliska kooxeed ku dhisan ee oligarchy-ka dabiiciga ah ee mideeya dadka loo arko inay isku midab-yihiin ama cirqiga goonida ah ka soo jeeda, tusaale ahaan cirqiga foolkishka ama aariga jarmalka. Laga soo bilaabo 1870-yadii ilaa dabayaaqadii dambe ee qarnigii 19aad, kooxo badan oo u ololeeya cadaaladda Midigta xagjirka ah ayaa ka hawlgalay Koonfurta maraykanka, iyada oo ujeedadoodu ahayd abaabul ka dhan ah ama cabsi gelinta taageerayaasha Xisbiyada liberaaliga ah ama xisbiyada uu janjeera fikirka bidixda.

Hogaamiyihii caanka ahaa ee xisbiga midigta ah ee ” KKK ” ee Dwight C. Stephenson wuxuu aaminsana oo uu ku andacooday in ay yuhuuddu maamusho hantida iyo lacagaha bangiyada taal ee ay shacabweynaha maraykanku leeyahay, waxaana uu sidoo kale ku andacooday in ay jeeb-weynta yuhuuddu ka dambeysay aloosankii iyo ololkii ka kacay dagaal-weynihii 1aad ee adduunka, waxaana uu sheegay in ay lahayeen qorshe ay ku doonayeen inay ku burburiyaan ilaha dhaqaale ee masiixiyiinta yurub iyo jiritaanka dawladda cusmaaniga ah ee islaamku dhistay lix qarni ka hor.

Sidoo kale Stephenson wuxuu aaminsana aragtida shirqoolleed sheegaysay in yuhuuddu ay ka dambeysay aloosankii kacaankii balaashifadii shuuciga ahayd, aragtidan oo magaceeda la yiraa ” Jewish Bolshevism “, oo wuxuu Dwight Stephenson ku andacoonaya in markii uu bilaabmayay kacdoonkaasii la maqlayay borobagaandooyiin lagu dhex faafinayay saxaafadaha reer-galbeed, kuwaaso soo tebinayay in yuhuuddi zionismka ahayd ay abaabuleen kacdoon wata fikirka shuuciyadda iyo markiisiyadda alle-koodka ah. Waqtiyo badan Stephenson wuxuu ku dadaalay in uu fashiliyo shirqoolada iyo xogaha yuhuudda, isagoo rajadiisaas tixraacaya wuxuu guntida uu xirtay daabicidda waraaqihii iyo dukumentiyadii ka hadlayey ” Borotookolladii Zionismka ” ee ay ku qorneyd qorshihii yuhuudeed ee Qabsashada awoodda caalamka. Waxaana uu dwight uu halgamey si uu shaki iyo qal-qal geliyo bulshooyinkii masiixiga ahaa ee reer galbeed. Intii lagu gudo jiray ” Murugadii Dhaqaale ee weyneyd ee adduunka ama ” World Great Depression ” waxaa jiray tiro aad u tiro yar oo ka mid ah kooxaha yar yar ee Asal-raaca ah, kuwaas oo fikradahooda iyo saldhigyadooda taageerada ay la mid ahaayeen kuwii asal-raacyada hore ahaa.

Si kastaba ha noqotee, dhaqdhaqaaqyo lagu magacaabo ‘proto-fascist’ ayaa soo ifbaxay, waxaana kamid ahaa ururka” Huey Long’s Share Our Wealth ” iyo Charles Coughlin’s National Union for Social Justice “, kuwaas oo ka duwan kooxaha kale ee garabka midig iyagoo kuwani marka weeraraya ganacsiyada waaweyn, isla markaana ku baaqaya dib u habeyn dhaqaale iyo diidmada soo galootiga iyo xaq-siinta dhaladka cad-cad ah. Ururka Coughlin ayaa markii dambe la soo baxay fikrad cunsurinimo oo argagax ku abuurtay dadyowga cirqaha kale ah ee maraykanka xilligaas ku noola, waxaanay la amakaageen xasuuqa ay geysanayaan kooxaha cad-cadka ah ee midigta fog. Intii lagu gudajiray Dagaalkii Qaboobaa, ” Red Scares ” oo ah kooxdii ugu tunka weyneyd ee axsaabta midigta fog ayaa waxay arkoodeen ama arkeen jaajuusiin iyo shuuciyiin saameyn ku yeelanaya nidaamkii dowladda maraykanka ee xilligaas iyo sidoo kale warbaahinta iyo madadaalada maraykanka, in kasta oo labada xisbi ee maraykanku (jamhuuriga iyo dimuqraadiga) ka soo horjeedeen shuuciyadda ku soo socotay Mareykanka, haddana waxay ahayd dagaal kaliya oo uu dhaxeeyay xisbiyada midigta iyo xisbiyada shuuciga ah ee caalamka kuwaas oo ah bidixda-fog, inta badan waxay uu la dagaallameen dagaal weyn oo xagga fikirka ah oo ka dhan ah shuuciyaddaas adduunka ku faafeysay.

Kooxaha Midigta-Fog ee Qaaradda Eeshiya

JABBAAN:- Sannadkii 1996-kii, Wakaaladda Bilayska Qaranka Jabbaan ayaa ku qiyaastay inay jiraan in ka badan 1,000 kooxood oo xagjirka ah oo garabka midig ee Japan ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin qiyaastii 100,000 oo xubnood wadar ahaan. Kooxahan waxaa Jabbaan looga yaqaana ” Uyoku dantai “. In kasta oo ay jiraan kala duwanaansho siyaasadeed oo udhaxeeya kooxahan, haddana guud ahaan waxay wataan falsafadda ah bidix-nacaybka, cadaawad uu muujinta siyaasadaha bidix ee Shiinaha, Waqooyiga Kuuriya iyo Kuuriyada Koonfureed. Sidoo kale waxay ay buunbuuniyaan oo ay qiil uu sameeyaan riddooyinkii nukliyeerka ee magaalooyinkii jabbaan ee hiroshima iyo nagazaki lagu qarxiyey iyo doorkii halyeeynimada ahaa ee ay jabbaan ku lahayd Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Kooxaha Uyoku dantai ayaa caan ku ahaa gawaaridoodii borobagaandada faafin jirtey, taas oo lagu rakibi jiray sameecado aad uu waaweyn iyagoo magaalooyinka jabbaan kula wareegii jirey hadalada dacaayadaha ah, isla markaana si weyn loogu calaamadeeyay magaca kooxda iyo halku dhigyo qurxoon oo dacaayad ah. Gawaaridan waxaa laga daari jirey heesaha waddaniga ah iyo kuwa gubaabada xilliyadii dagaalka.

Dhaqdhaqaaqayaasha ku xiran kooxaha noocaas ah waxay isticmaali jireen bambooyinkii ruushka ee Molotov iyo bambooyinka waqtiga ku shaqeeya, waxaanay ku qaraaci jireen gawaarida iyo xarumaha ay calaamadsadaan sii ay uu cabsi geliyaan siyaasiyiinta qunyar socodka ah iyo dadyoowga caanka ah, oo ay kujiraan wasiir kuxigeenkii hore ee arrimaha dibadda ee jabbaan Hitoshi Tanaka iyo guddoomiyihii xisbiga liberaalka bidixda ahaa ee Fuji Xerox Yotaro Kobayashi. Sida la sheegay Nin hore uga tirsanaan jiray kooxaha garabka midigta-fog ee jabbaan ayaa dab qabad siiyay guriga siyaasigii ugu weyna ee hogaamin jirey xisbiga ” Liberal Democratic Party ” ee Koichi Kato. Koichi Kato iyo Yotaro Kobayashi ayaa dhiilo ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee uu dhaxeysa kooxaha garabka-midigta fog iyo kooxaha xag-jirka ah ee bidixda-fog. Waxaanay walaac ka muujiyeen argagaxisnimada ay wadaan wadaaddada asal-raaca ah ee jabbaan kuwaaso lagu tiriyo inay yihiin hogaamiyaasha diimeed ee kooxaha midigta fog. Xisbiga midigta fog ee Nippon Kaigi waxaa loo arkaa inuu yahay “ururka ugu weyn ee garabka midigta fog ee Japan.”

___

La soco nuqulka 2aad

Facebook Comments Box

Continue Reading

Akhri

Waa maxay aqoon?

Aqoonta waa hantida keliya ee ay dhaxli karaan Da’yarta si ay usii horumariyaan noloshooda iyo heerkooda aqooneed.

Published

on


Aqoontu waa fahamka barashada shay ama ashyaa badan, waxaana loo bartaa si aad wax uga ogaato arrin jirta ama cusub, si loo daraaseeyo walax. Aqoontu waa iftiinka Aadanaha waana halka ay Soomaalidu ka tiraahdo.

“Aqoon la’aani waa iftiin la’aan”.

Aqoontu waxay salka ku haysaa in wax cusub adduunka lagu soo kordhiyo ama barashada wax horay ujiray ama cusboonaysiinta arrin horay u jirtay. Aqoonta waxaa lagu qeexaa wax aad baratay ama xirfad aqooneed aad leedahay ama aad baratay. Aqoontu waa isha keliya ee aad wax ku aragto, waana ilayska meel mugdi ah kuu bidhaansha si aad wax u aragto ama kugu haga waddada toosan.

Aqoontu waa fikrado la uruurshay, laysku keenay, laga sameeyay warbixin, maqaal, buug, manhaj IWM. Tusaale ahaan, hawada nagu xeeran, waxay ka kooban tahay Ogsijiin, Carboon dhay-ogsaydh iyo Naytarojiin.

Waxbarashada: Waa furaha nolosha, aqoon la’aan waa iftiin la’aan, waa aqal iyo ileys la’aan. Dhammaan ummadaha adduunka ku nool waxay ku suganyihiin marxalado kala duwan oo dhanka nolosha iyo aqoonta ah.

Dunida maanta aynu joogno waxay uqeybsantahay labo qeybood oo kala ah: Duni horumartay iyo duni aan horumarin. Dunida horumartay waxay ku horumartay waa aqoon, cilmi iyo cilmibaaris iyo dhaqan gelin. Halka dunida dambaysa ay sababtay aqoon la’aan iyo hirgelinta hadafkooda khibradeed ama waxay barteen.

Waddamada horumaray waa waddamada leh waxbarasho tayoleh, manhaj midaysan, waxbarasho salka ku haysa tajriibin dhab ah, tayaynta iyo kor joogtaynta waxbarashada iyo wax soo saarista jiil leh hadaf waxbarasho, mid aqooneed iyo mid hoggaamineed. Waddamada aan lahayn waxbarasho tayaysan, waxbarasho aan midaysnayn, waxbarasho aan lahayn tajriibin, mid khibradeed IWM. Waddanba waddanka uu ka waxbarasho wanaagsanyahay waa uu ka horumarsanyahay, waana ka horeeya xag aqooneed, khibradeed iyo xag fahan.

Cilmiga caafimaadka, tiknoolijiyadda, badda, deegaanka, beeraha, injineerada, falagga, ganacsiga, siyaasadda, hoggaanka iyo maaraynta iyo maamulka IWM. Dhammaan waxaas aan ka soo sheegnay waa barashada cilmiga, waana aqoonta dhabta ah ee la sheegaayo. Aqoontu ma ahan wax qeexid cayiman leh balse waa waxkasta oo la fahmayo assalkiisa, wuxuu ka samaysanyahay ama ka koo banyahay, faa’idadiisa, waxtar la’aantiisa IWM.

Aqoontu waa sheyga keliya ee Bini’aadanku ku horumari karaan, waxayna lagama maarmaan utahay nolosha Aadanaha, manasina dadka aqoonta leh iyo kuwa aan aqoonta lahayn.

Alle SWT wuxuu Qur’aankiisa ku yidhi “Miyay simanyihiin kuwa aqoonta leh iyo kuwo aan aqoonta lahayn”.

Bal qiyaas muhiimadda ay leedahay aqoonta, heerka ay diinta islaamku gaarsiisay iyo sida Bini’aadanku isaga dhego tirayaan aqoonta. Waxaa qof kasta oo dunidaan casriga ah wax ku sookordhiya uu yahay aqoonyahanka dhabta ah. Qof jaahil ah, aan weligiis waxbaran, mala oran karaa waa aqoonyahan?

Waxbarashada waa asaaska noolaha oo idil, waana turxaanbixinta dhabta ah ee nooluhu ku noolyahay, waana isha kala soocda arrin cakiran ee la fahmi waayay qun ahaanteeda.

Gabaygaan waxaa tirisay Abwaan Xaawo Jaamac Cabdi. Waxay tiri:-

Allaylehe Qira’ada cilmigu, waa iftiin baxaye

Umadaha ilayskaa ka qada, aayatiin malahe

Hadba qoon awood gaaban baa, soo adoonsada’e

Anfacada la quutiyo ma helo, oon la dhuunyado’e

Arrad bay la wada qaawanyiin, aaran iyo dooge

Ubadkooda qawlaysatiyo, oorfanaw badane

Astaantoodu waa Qaanso iyo, Eebo iyo Leebe

Ambadkiyo qasaaraha umiga, waan ogsoonahaye

Omoskaa qodxaha badan intaan, nalagu aafaynin

Orda qaata buugtoo jahliga, xidha albaabkiisa

Qofka waxbartay waa qofka leh haybadda iyo cisiga, waana qof leh xirfad uu ku maarayn karo noloshiisa, tan bulshada uu ku xeeranyahay. Qofka waxbartay waxa uu samayn karaa horumar balaadhan, mid shakhsiyadeed, bulsho iyo waddanba.

Waana halka ay Soomaalidu ka dhahdo Allow aqoon daro hanagu cadaabin, eexna hanooga tagin. Aqoontu waa midka kuu iftiimisa wax mugdi kaaga jiray, mugdigana kaa saarta si aad horumar ugaarto, waxaad ubaahan tahay la falgalidda waxbarashada.

Waxbarashadu aad bay ubalaadhantahay, mana la han xaddi ama meel cayiman balse waxay leedahay maqaan ama heer lagaaro oo shakhsigu ku samayn karo daraasad wax cayiman oo laysla garanaayo.

Qofku wuxuu yeelan karaa aqoon heer dugsi hoose, dhexe, sare iyo mid Jaamacaddeed. Qof walbana heer buu ka joogaa, waana silsiladda aqoonta. Waxaa jira qof leh khibrad walax balse aqoon ahaan garanayn assal ahaantiisa, taasi waa Cilmi-dhagood. Waxa uu maqlay sheyga, kadibna wuxuu sameeyay iskuday taasna waxayna keentay in uu waxka fahmo waxaas, waa khibrad leh tajriibin ama falgal.

Faa’idada aqoontu leedahay:

  1. Waxay dhistaa maskaxda iyo garashada qofka.
  2. Waxay yaraysaa walbahaarka, khibrad yarida.
  3. Waxay meesha ka saartaa jahliga.
  4. Waxay soo kordhisaa wax cusub, dib uhabayn wax jiray.
  5. Yaraynta khataraha Aadanuhu sameeyo.
  6. Soo kor dhinta Hal-abuur cusub.Hurumar bulsheed sida caafimaadka, tiknoolijiyadda, dhaqan-dhaqaalaha, siyaasadda, iyo qeybaha cilmiga.La dagaalanka xagjiriinta, kala garashada xaqa iyo baadilka.
  7. Iyo arrimo kale oo badan.

Aqoontu waxay dhistaa maskaxda bulshada, qofka aqoonta leh wuxuu si sahlan ku curin karaa aragti ama fikrad horumarin karta nolosha Aadanaha guud ahaan ama noloshiisa gaar ahaaneed.

Aqoonta dhabta ah waxay dadka siisaa kalsooni buuxda, kalsooniduna waxay dadka ufududaysaa in uu si hagaagsan uguto waajibaadka saaran. Aqoon la’aantu waxay bartaa qofka in uu ka baqo wax kasta oo ku cusub noloshiisa taasoo sababta in uu ka horyimaado waxkasta oo horumar keeni kara diidmo qayaxan iyo baqdin isbarkan.

Fariinta ugu weyn ee ay aqoontu xambaarsantahay ayaa ah isbeddel dhinac kasta ah oo taabanaya qaabka loo noolyahay markaas. Markasta oo aqoontu korarto waxaa badanaya isbeddelka xagga nolosha ah, mar kasta oo isbeddel jirona waxaa fududaanaya in la horumaro.

Aqoonta waa hantida keliya ee ay dhaxli karaan Da’yarta si ay usii horumariyaan noloshooda iyo heerkooda aqooneed.

Haddii ay dhallinyaradu dhaxlaan aqoon yari waxaa mugdi galaya horumarkooda mustaqbal taasoo sababta in da’yartu ku hodmaan wax aan faa’ido ugu jirin iyaga iyo dalkoodaba.

Aqoontu waxay dhistaa guri aan tiir lahayn, jaahilnimadana waxay burburisaa guri dhidibadiisu aasan yihiin, dadkiisuna ay ku noolyihiin farxad iyo sharaf.

Si taas looga dheeraadana waa in ubadkeena aan barno aqoonta, jahligana aan kala dagaalano. Horumarkeenuna waxa uu ku dhisanyahay waa inta uu leegyahay aqoonteena, waana in aan ku dadaalno waxbarashada si aan barwaaqo ugaarno insha Allaah.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Wararka12 hours ago

Soomaali ku guulaystay Abaalmarinta Qaramada Midoobay

Wararka3 days ago

Ciidamada Badda Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay weeraryahano haystay markab lala xiriirinayo Israa’iil

Akhri3 days ago

Raxmo-yarey yaa uureeyay?

Wararka4 days ago

Diblomaasi.com waxay soo kordhisay qeyb WhatsApp Follow Channel ah ee aad kala socon karto qoraalada

Wararka4 days ago

Ku dhawaad 100 qof ayaa ku dhimatay Soomaaliya bishan Nofeember

Akhri5 days ago

Xamar iyo Xaalka Fillada Cad

Yurub7 days ago

Musharaxii mulxidka ahaa ee ku caanbaxay Islaam Naceybka oo ku guuleystay doorashadii Netherlaan

Wararka7 days ago

Dagaalka Qaza: Maxaa ka cusub heshiiskii Xamaas iyo Israa’iil?

Wararka7 days ago

Türkiga oo aan ku degdegi doonin in uu fuliyo rajada Iswiidhan ee ku biirista gaashaanbuurta NATO – Reuters

Wararka7 days ago

Norway: Laba ka mid ah shaqaalaha xarunta caafimaadka ayaa lagu weeraray mindiyo – waa la xiray sida ay booliska sheegeen

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Xildhibaanada Koonfur Afrika ayaa u codeeyay in xiriirka loo jaro Israa’iil

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Dagaalka Qaza: Maxay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Xamaas?

Siyaasadda Soomaaliya1 week ago

Saboolnimo Hoggaamineed

Afrika1 week ago

Qaramada Midoobay oo xirtay saldhig kale oo nabad ilaalineed oo ku yaalla Maali

Afrika1 week ago

Dimuqraadiyada reer galbeedka waa ay ku fashilantay Afrika – madaxweynihii hore Nayjeeriya

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Taliyaha Ciidanka Cirka ee Israa’iil oo ku hanjabay in ay duqayn doonaan dalalka Carabta

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Xisbiga haya talada Koonfur Afrika ayaa taageeray in xiriirka loo jaro Israa’iil

Afrika2 weeks ago

Suudaan oo dalbatay in si deg deg ah loo joojiyo howlgalka Qaramada Midoobay – Reuters

Qoyska & Horumarinta Bulshada2 weeks ago

10 Talo oo ku saabsan sida loo helo guusha nolosha

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

MW Xassan Sh. Maxamuud oo Burundi u tagay arrinta ‘dardar-gelinta dagaalka Al-shabaab iyo xubinnimada urur EAC’

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Israa’iil waa ‘dowlad argagixiso ah’, ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan

Afrika2 weeks ago

Bankiga Afrika ayaa cunaqabateynta ka qaaday dalka Faransiiska oo horey u gumeysan jiray

Afrika2 weeks ago

Hay’adda Global Witness ayaa sheegtay in bangiyada Midowga Yurub ay ku lug leeyihiin rabshadaha ka socda meelo kamid ah Afrika

Buuggaag3 weeks ago

Oslo, Norway: Bandhiga buugga Kasdareen – Cilmi-nafsiga Dhamaystiran

Diblomaasiyadda3 weeks ago

Maxay ku saabsaneed khudbaddii MD Xassan Sh. Maxamuud (4.5) uu ka jeediyay Madasha Sacuudiga iyo Afrika?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 weeks ago

Sacuudi Carabiya oo xoojinaysa xidhiidhka Soomaaliya, iyagoo u diyaar-garoobaysa daah-furka Shir Madaxeedka Afrika ee Sucuudiga

Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 weeks ago

MD Xasan Sh. Maxamuud oo shirar xasaasi ah kaga qeyb galaayo Sacuudiga – mowqifka dowladda Somaaliya ee arrinta Falastiin

Wararka3 weeks ago

Dagaalka Qaza: Ugu yaraan 40,000 oo falastiiniyiin ah ayaa la dilay ama ay dhaawacday Israa’iil

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu daaha ka rogayaa fashilka akhlaaqiyeed ee qiyamka reer galbeedka

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Waa kuma kooxda iska caabinta Islaamka ee Ciraaq, kooxda daahsoon ee weerartay bartilmaameedyada Maraykanka iyo Israa’iil ee marinka Qaza?

Wararka3 weeks ago

Duqa magaalada St. Louis Park: Gabadha Soomaaliyeed ee taariikhda cusub ka dhigtay Mareykanka

Afrika3 weeks ago

Bariga Afrika waxaa ku dhuftay daadka roobka deyrta oo khasaare geystay

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Qaza ay noqonayso ‘xabaalaha carruurta’, wuxuu ku baaqayaa xabbad-joojin

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe oo wajahaya weerarro joogta ah – waa maxay sababta?

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada3 weeks ago

10 qodob oo muhiim ah inaad wax ka ogaato siyaasada Shiinaha ee diimaha

Dhaqaalaha3 weeks ago

Niger waxay heshiis la gashay Shiinaha si ay u dhisato dhuumaha shidaal ee ugu dheer Afrika – AFP

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka oo gaaray Turkiga xilli MD Erdogan uu sheegay in Xamaas aysan aheyn argagixiso

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Bamka cusub ee nukliyeerka Mareykan ayaa gudaha Moscow ku dili kara 300,000 oo qof – Newsweek

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Dagaalka Qaza: Afar qodob oo ugu muhiimsan khudbadii hogaamiyaha Xisbullah Xassan Nasrallah

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Dagaalka Qaza: Wadamada Carabta ayaa ku cadaadinaya Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka xabad joojin deg deg

Xul