Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta
Ku Bilaaw Ganacsigaada Buugg Cusub -Tukesomalism.com

Ganacsiga waa nidaam u baahan qorsheyn iyo wadadii la raaci lahaa. Haddii aad kalla garani weyso halka uu maraayo ganacsigaada waxay cadeyn u tahay inaad markii horeba aadan si fiican ugu fiirsan halka aad ku socoto.
“Kawaran haddii aad iska socoto oo aadan aqqoonin halka aad ku socoto? Waa arin la yaab leh. Marwalbo markii aad gurigaada ka ambabaxayso waxaa wanaagsan inaad taqaano halka aad u socoto iyo sawabta aad ugu socoto”
Ganacsiga marwalbo wuxuu kaaga baahanyahay inaad ku bilaawdo buugg cusub, buuggaas oo loo baahanyahay inuu ka turjumi karo, halka aad taagantahay iyo halka aad ku socoto. Haddii aysan jirin nidaam si fiican u qeexi karo ulla jeedka aad ka leedahay waxaa adkaani karayso inaad sharaxdo luuqa aad ka leexani doonto markaad socoto KM kadib.
Wey wanaagsantahay inaad sameysato buugg ka turjumaayo wixii aad qabani lahayd aragtida dhow iyo midda fog waxaad qabani lahayd. Ganacsigaada waxaad u sameysaa buugg cusub aad ku qorto waxaad qabatay ama qaban doonto siddoo kale, horumarkaad gaartay iyo waxyaabaha ku guul darasaysatayba wuxuu kaa kugu caawinayaa inaad guul gaarto.
Ogaaw dadka inta badan wey qariyaan ceebahooda, ha qarinin ceebta kaaga timaaday ganacsigaada. Haddii aad meel fadhiisato oo aad qorto ceebaha ganacsigaada waxay kaa saacidaysaa inaad fahanto wadada kale ee aad u baahanatahay inaad qaado waqtiyada soo socdo.
“Haddii aad la kulanto suuq xumo, waxaa loo baahanayahay inaad si fiican u qeexi karto waxa keenay suuq xumadaas, halkii kaa soo raacday suuq xumadaas, maxaa keenay in arintaan ay timaado. Qor dhammaan qodobadaa, waxaad ogaani doontaa halka aad u saan qaadi doonto qorshaha dambe ee soo socda”
Haddii ganacsigaa markii horre uu ahaa mid aad ku bilaawday buugg cusub oo aad ku qeexayso halka aad u socoto waxaadba ahayn qof yaqaano halka uu u socdo. Waxaad ogataa qofwalbo wuxuu jecelyahay inuu sameeyo horumar ku saabsab fikirkii uu abuuray, balse si fudud kuma gaaraysid guullo la taabani karo illaa aad hawsha aad qabani doonto aad ku bilaawdo buugg cusub.
Waxwalbo oo aad nolosha qabanayso waxaa wanaagsan inay kuu lahadaan sawabaha kugu kalifay arrimahaas oo dhan. Waxwalbana aad qabanayso waxaa wanaagsan inaad ogtahay sawabta aad u qabanayso. Wali qaasatan haddii wixii aysan lahayn hadaf la taabani karo wey adkaani karayso inaad gaarto guulo fiic-fiican. Tusaalle ahaan Tuke Somalism muxuu yahay hadafkiisa. Dabcan cidwalbo ayaa fahmi karto hadafyada Tuke Somalism. Tuke Somalism hadafyadeeda ayaa ah in cilmiga iyo garaadka aqqoonyahaanada Soomaaliyeed in wax laga qoro oo ay ayaga qoraan cilmigaas ay sitaan kadibna loo gudbinaayo dadweynaha kale ee Soomaaliweyn iyadoo loo soo marinaayo bogga Tuke Somalism.
Sawabta maxay tahay marka oo loo sameeyay Tuke Somalism, maxaa yeelay dadka haddii ay rabaan inay wax bartaan waxay aadi karaan Iskuulada iyo jaamacadaha Soomaaliyeed oo tirade ka batay? Sawabta ayaa ah cilmiga markaad soo dhammaysato sidda inaad dugsi sarre ka baxdo mise illaa aad gaartay heerka Jaamacada wali waxaad u baahantahay aqqoon kale duwan oo aad ka kororsato waxyaabo badan oo kale duwan. Sidda koorsooyinka xikmada iyo caqliga la geliyay waxaa u baahan dad badan oo Soomaali ah.
Balse su’aashaas jawaabteeda anigoo sii wato Tuke Somalism ardayda oo kali kama faa’ido waxaa kale oo ka faa’ido dadka ganacsatada oo u baahan inay helaan fikir ganacsi iyo aqqoon dheeraad ah oo iyaga ku filan si dhaqaalaha dalka wax badan iskaga bedeli karo. Haddii lahelo ganacsato badan oo aqqoon u leh hawlaha ay u qabanayaan bulshada waxaa meeshaas ka soo bixi karo kuwa badan oo waxtar iyo hal abuur fiican leh.
Waxaa lagu qoraa bogga Tuke Somalism qoraallo kalla duwan sidda, caafimaadka, ganacsiga, cilmiga bulshada, cilmi nafsiga horumarka iyo deegaanka, qaababka lagu horumarini karo nolosha qeybaheeda kale duwan iwm. Hawshaas oo dhan ayaa hadafkeeda yahay in la helo bulsho hal abuur fiican leh, si bulshada ay u gaarto isku filnaansho waxaa wnaagsan in la dhiso garaadkooda iyo fahanka nolosha.
Bulshada marwalbo waxay u baahantahay dad dhisa garaabka bulshadaas. Inta aan lagu dhaqaaqin hawshaTuke Somalism waxaa marka horre lagu bilaabay buugg cusub oo qeexi karaayo qaabka lagu gaari karo guulaha maanta laga gaaray hawshaan aan hayno, wali iyadoo tafatiran oo sheegaayo dariiqii la mari lahaa, wakhtiyada dhaw iyo wakhtiyada dheer intaba.
Hadalkii oo kooban, waxaan kugu dhiiri gelinayaa inaad marka horre ganacsigaada ku bilaawdo buugg cusub, si fiicana inaad u tafatirto qaababka aad ku gaari doonto guulahaas aad ka rajeynayso ganacsigaada. Waxaad ogataa haddii aad sameyso qaab qeexi karaayo sidda aad rabto inaad guullo ka gaarto hawsha aad hayso waxaad ogtahay halka aad hiigsanayso wakhtiyada soo socdo. Ku dadaal inaad buugg cusub ku bilaawdo hawsha aad qabanayso xittaa noloshaada ayaa u baahan inaad buugg cusub ku bilawdo.
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta
Waa goormaa wakhtiga saxda ah ee aad bilaabi karto ganacsi?
Furaha ugu muhiimsan ee ganacsiga waa inaad taqaano suuqa aad beegsanayso iyo inaad u haysato dhaqaalle kugu filan. Haddii kale si fudud ayaad u jabaysaa.

Haddii aad akhrinayso qoraalkaan, waxay u badan tahay inaad ka fikirtay inaad bilowdo ganacsi kuu gaar ah. Waxay u badan tahay inaad wax badan ka fikirtay. Sidoo kale waxaa laga yaabaa inaad dib u dhigtay – bilo, haddii aysan ahayn sanado – sababtoo ah wali ma aadan dareemin inay tahay waqtigii saxda ahaa.
Dib uga fakar markii ugu dambeysay ee aad hadaf weyn gaartay. Waxaa laga yaabaa inaad rabtay inaad dhammaystirto hadafkaas. Xusuusnow sida cajiibka ah ee aad dareentay markii aad dhammaysay?
Gaaritaanka yoolalka waa weyn waxay ku dareen siinaysaa qof sharaf leh, oo wax qabsan kara. Bilaabida ganacsi marna ma fududa. Awooda lagu bilaabi karo ganacsi ma fududa. Waxay u baahan tahay adkeysi, iyo dulqaad.
Waxaan jira dad leh fikrado waaweyn oo ganacsi ah; laakiin waa dad la nool fikradahooda oo kali ee aan lahayn dhaqaaq. Sidoo kale, waxa jira shakhsiyaad u heelan in ay shaqada ka tagaan ama bilaabaan ganacsi balse sannadba sanadka ka dambeeya is leh ‘wali lama gaarin wakhtigii aad bilaabi lahayd; kuwaas oo kale weligood uma muuqdaan inay horumar samaynayaan. Waa maxay sababtu? Sababta ayaa ah in inta badan shakhsiyaadka leh qorshayaasha ganacsi ee waaweyn iyo fikradaha ay sugayaan waqtiga saxda ah ee ay bilaabaan.
Marka hore aan isla fahano waa maxay ganacsi?
Ganacsiga waa shirkad kasta oo doonaysa inay ka faa’iidaysato adeegga ay bixiso, badeecadaha ay iibiso iwm. Fasiraada ‘Ganacsi’ waa ereyo ballaaran, marka aad ganacsi bilawdo waxaad la kulmi kartaa khasaare, laakiin taasi macnaheeda ma ahan inaad ku guuldarreysanayso haddii aad ganacsi bilawdo ee waa aqoon kuu koradhay.
Waa goormaa wakhtiga saxda ah ee la bilaabi karo ganacsi?
Waxaa laga yabaa inay ku hayso cabsi ah inaad ku guuldareysato ganacsiga haddii aad bilawdo. Haddii aad sidaas u fekerayso waxaa kaa maqan inaad ogaato marka hore, ma jiro wax la yiraahdo guuldaro. Guuldarro waa marka aad guuldarreysato oo aad wax ka baran wayso guuldaradaasi.
Qor sida ay u ekaan doonto noloshaada riyadeeda shan sano gudahood, adoon wax xaddidaad ah ama ka fikirin sida aad halkaas ku gaari doonto.
- Ganacsi noocee ah ayaad doonaysaa inaad bilawdo?
- Yaa wax kugu darsan doona?
- Sidee dareemi doontaa maalinka aad bilaabayso shirkadaada?
Hadda dib-u-fiiri wixii aad qortay, oo qiyaas inay dhammaan xaqiiqo yihiin. Ogaaw, wixii aad qortay waa adiga qorshahaaga. Waana khariidaddaada guusha. Hadda waxaad joogtaa meel aad uga dhow inaad bilowdo ganacsi. Xaqiiqada waa tan: ma jirto waqti ku habboon in la bilaabo ganacsi. Marna ma jiri doonto daqiiqad ku habboon. Had iyo jeer waxaa jiri doona sababo aad dib uga dhigi karto hadafyadaada ganacsi. Laakiin sidee ayaad u abuuri kartaa shuruudahan kuwaas oo suurtogal ka dhigaya in riyadaada inay rumoobaan?
Mudnaanta sii fikradahaaga ganacsi
Dhab ahaantii, maaha wax ku saabsan wakhtiga – adiga ayay kugu xeran tahay. Adiga kaliya ayaa awood u leh in aad abuurto ganacsi guulaysan kara, taasina waxay kaaga baahan tahay shaqsiyad gaar ah oo ay ka go’an tahay. Waxay u baahan tahay adkaysi iyo hab-fikir quman.
Marwalbana ku dedaal sidii aad u arki lahayd sawirka guud ee horumarka leh. Waxa muhiimka ah waa ogaanshaha inaad adigu gacanta ku hayso noloshaada, oo aad ka shaqaynayso fikirkaaga ganacsi.
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta
Fahan bulsheed: Guulaha suuq-geynta
Marka dadka si fiican ugu warhayaan alaabtaada ama badeecadahaaga, iibkaagu wuu kordhayaa. Suuqgeyntu waxay caawinaad weyn u tahay xarumaha ganacsiga. Waa marka qaybaha ganacsigu isticmaalaan xeelado suuqgeyneed oo kala duwan si ay u kordhiyaan faa’iidada ganacsiga.

Waxaynu foolaad ama horyaal ku masayn karnaa (marka la joogo shirkadaha) shirkadda si fiican u fahanta sabada ama bii’adda ku hareeraysan. Sababta oo ah mar walba oo ay shirkadi si waafi ah u fahanto waaqica ku maageersan waa mar walba oo ay soo saarto wax macaamiisheeda u cuntama sidoo kalena qancin kara (iyadoo ayna meesha ka maqnayn samaynta faa’ido baaxad leh).
Qormadani waxay daaran tahay inta uu la’eg yahay heerka kala duwanaanshaha bulsheed iyo faa’idada ay leedahay fahanka bulshooyinku.
KIT KAT iyo Jabbaan
Qofna caad kama saarnaa sida sibiqda ah ee ay juklaatada Kit Kat ugu soo duurxushay nolasheenna. Waxay inoogu soo dhex dhuumatay si ayna garanayn ama dareemin, ammin habeen iyo maalin gudahood ah ayeynu is aragnay inagga oo haami u qabna in aynu cunno juklaatadadan heerka sare ah.
Guulaha suuq-geyntu maaha kuwo iska yimaada, sidoo kalena maaha kuwo mar la arag ah oo aan soo laalaaban, bal se waa tacab ka unkamay qorshe suuq-geyneed oo maangal ah. Siday Kit Kat ugu duushay suuqyada Jabbaan waxaa tusaalle nool loogu soo qaadan karaa qorshayaasha suuq-geyneed ee caqli-galka ah.
Sumadda Kit Kat waxay si lama filaan ah ugu soo dhowayd weedh lahjadaysan oo ay Jabbaaniisku isticmaali jireen, weedhaa oo ahayd “Kito Katsu” macnaheeduna ahaa: “Waxaan kuu rajayn guul”, waxayna ahayd hawraar ay waalidiinta iyo ubadkoodu is dhaafsan jireen iyagoo talada san ama tawfiiqda isu rajayn jiray. Wixii intaa ka dib dhacay waa waxa aynu rabno in aynu is-dul-taagno oo bitijoorka (Tooj) si bayaan ah ugu ifino. Waana bar-bilowga uu ka tisqaaday qorshaha suuq-geyneed ee dulqaadku ku ladhnaa, qasidgiisuna ahaa inuu maanka aadanaha kaga tago masawir la yaab leh oo raadayntiisa cuskan.
Sanaddii ugu horreysay ee ay Kit Kat soo gashay suuqa Jabbaan, waxay gudagashay inay huuteelada ku yaalay caasimadda Tokyo u qaybiso juklaato bilaash ah, si loo siiyo kumanaanka arday ee caasimadda u yimi inay ku galaan imtixaanka loogu gubdayo jaamacadaha. Gabalka yar ee juklaatada (midabkkeeduna casaan xigeenka aan wax lagu matali karayn ahaa) wuxuu ahaa mid ardayday loogu qaybiyey inuu la jaal yahay ama wato nasiibka. Cidnina may ogayn in juklaatadu ay ka timi shirkadda Kit Kat laftigeeda.
Sanaddii xigtay waxay bilowday inay faafiso warar iyo dacaayado ku halmaala juklaatadii bilaashka ahayd ee nasiibka wadatay oo lagu qaybinayey huuteelada caasimadda (Sida la wada ogyahay, dadka reer Jabbaan waa kuwo xasaasiyad ka qaba sidoo kalena aana ku kalsoonayn xayeysiisyada iyo dacaayadaha, xitaa heer ay ka gaadheen inay liidaan waxay dacaayad ka dareemaan).
Sanadkii saddexaad, waxay samaysay xayeysiisyo ka geddisan kuwo ay isticmaalaan shirkadaha la jaalka ahi, waxay xayeysiiskeeda u soo bandhigtay qaab sheekooyin ah oo aad u qurxoon, waxayna sheekooyinkani ku jaan-goysay macalimiin, hooyooyin iyo arday ka sheekaynaya siday juklaatadani nasiibka ugu soo jiiday. Sheekooyinkani waxay ahaayeen kuwo la ikhtiraacay oo male-awaal ah, taasoo ku dhalisay hooyooyinka reer Jabbaan inay aamminaan in cunida juklaatadani ay keento nasiibka, waxayna gaareen heer ay ubadkooda iskuuladda u dirin ilaa ay uga sii gadaan juklaatada Kit Kat.
Sanadkii afaraad, wuxuu ugu suntanaa sanad hal-abuur. Waxaa si toos ah shaashada iyo googabah mahwiyada uga soo muuqday shaqaalaha
Kit Kat, iyagoo xayeysiinaya sumadda lagu yiqiinay shirkadda Kit Kat. Waxyaalaha ay kooxda suuq-geyntu sameeyeen waxaa ka mid ahaa in ay si fiican u fahmeen dabciga dadka reer Jabbaan (reer jabbaan waa dad aad u jecel hal-abuurnimada iyo is-bedbeddelka), waxay taasi sababtay in kooxdani ay bilaabaan inay soo bandhigaan carfoon-axadh (flavor -نكهة ) cusub oo lagu iibinayo wadanka jabbaan oo keliya. Carfoon-axadhyadaasi waxay isugu jireen liin; tufaax; iyo shaaha cagaaran.
Arrinta aadka u cajiibka ahayd waxay ahayd in carfoon-axdhayadani ay muddo kooban suuqa ku jirayeen ka dibna hal mar suuqa laga waayayey (si ay suuqa ugu banneeyaan carfoon-axadhyo kale oo cusub). Aragtidani waxay ka dhalatay inay dadka reer Jabbaan jeclayn waxyaalaha soo noqnoqda.
Gunaanad, suuqgeyntu waxa loola jeedaa waxqabadyada ay shirkadu qabato si ay u horumariso gadashada ama iibinta badeecad ama adeeg. Suuqgeynta waxaa ka mid ah xayaysiis, iibinta, iyo gaarsiinta badeecadaha macaamiisha ama ganacsiyada kale.
Tusaalooyinka caadiga ah ee suuq-geynta waxaa ka mid ah xayaysiisyada telefishinka, boorarka xayaysiinta ee waddada dhinaceeda ku yaal, iyo xayaysiisyada majalladaha balse waxay marwalbo ku kala duwan yihiin qaabka taatikada ay u kala isticmalaan. Suuqgeynta guusha leh waa wax kasta oo beddela aragtida astaanta ama aragtida badeecada taasoo u horseedda iibka sare, faa’iidada ama saamiga suuqa.
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta
Waa maxay qeexida rasmiga ah ee Maamul?

Maareyntu waa isku dubaridka iyo maamulka hawlaha si loo gaaro yoolka. Hawlaha maamulka waxaa ka mid ah dejinta istaraatiijiyadda ururka iyo isku dubaridka dadaalka shaqaalaha si loo gaaro ujeeddooyinkan iyadoo la adeegsanayo agabyada la heli karo.
Maareyntu waxay lama huraan u tahay nolol habaysan oo lama huraan u ah in lagu socodsiiyo dhammaan noocyada maamulka. Maareynta wanaagsan waa laf dhabarta ururada guuleysta. Maareynta noloshu waxay la macno tahay in wax la qabto si loo gaadho ujeedooyinka nolosha iyo maaraynta ururku waxay la macno tahay in wax lala qabto dadka kale si loo gaadho ujeeddooyinkeeda.
Maareynta waa maamulka urur, hadday tahay ganacsi, urur aan faa’iido doon ahayn, ama hay’ad dawladeed. Waa fanka iyo cilmiga maamulka kheyraadka.
Guud ahaan, maareyntu waa mabaadiida laxiriirta shaqooyinka qorsheynta, habeynta, hagidda iyo xakameynta, iyo ku dhaqanka mabaadi’daan si looga faa’ideysto xoogga iyo tamarta aadanaha, maaliyadda, iyo macluumaadka waliba si hufan oo wax ku ool ah si loo gaaro yoolalka ururka.
In wax walbo la maareeyo waxay lama huraan u tahay nolosha aadanaha sidaas awgeed, maareynta wanaagsan waa laf dhabarta ururada guuleysta. Maareynta noloshu waxay la macno tahay in wax la qabto si loo gaaro ujeedooyinka ururka.
Tayada maamulaha wanaagsan
1. Hufnaanta Xirfadeed: Hufnaanta xirfadeed waxa loola jeedaa in aqoon buuxda loo yeesho goobta ay khusayso. Maamulka, kartida xirfadeed waxay ku lug leedahay in si fiican loo barto mabaadi’da maaraynta iyo habka mabaadi’da inta badan loogu dabaqo xaaladaha.
2. Xaqiijinta Guul Sare: Maamulayaasha tayada leh waxay aaminsan yihiin ‘guul sare. Waxay leeyihiin meel gudaha ah oo ay gacanta ku hayaan, taasoo tusinaysa inay dareemayaan inay xakameynayaan xaaladaha, sidaas darteed, xaaladuhu ma xakamayn karaan. Waxay leeyihiin dareen ah in haddii dadka kale ay samayn karaan wax gaar ah, ay sidoo kale u samayn karaan si la mid ah. Rumaysadkani waxa uu ku beeraa kalsooni in ay sameeyaan wax ka wanaagsan iyo ka wanaagsan.
3. Hal-abuurka: Hal-abuurku waxa uu ku lug leeyahay fikradda beddelka asalka ah iyo kuwa gaarka ah ee jawaabta dhibaatada. Hal-abuurku waa lama huraan sababtoo ah dabeecadda mashaakilaadku way sii socotaa isbeddelka, una baahan xalal cusub.
4. Xirfadaha Falanqaynta: Maareeyayaashu waxay u baahan yihiin inay ku daraan xaalado adag oo ka kooban arrimo muhiim ah iyo kuwo aan macno lahayn. Xirfadaha falanqaynta, maareeyayaasha tayada leh waxay sidoo kale diyaar u noqon karaan inay aqoonsadaan arrimaha ku habboon shaqadiisa.
5. Go’aan leh: Maareeyayaasha tayada leh waa kuwo go’aan qaadasho leh. Waxay gaaraan go’aamo ka dib markay si taxadar leh u baaraan doorsoomayaasha tixraaca waqti fiican. Uma kala meermeeraan ‘waxa la samaynayo’ ama ‘waxa aan la samaynayn’ xaalad gaar ah.
6. Xirfado Isgaarsiineed oo heer sare ah: Isgaarsiintu waxay ku lug leedahay la wadaaga fikradaha iyo fahamka dadka kale. Si aad u ogaato dadka kale ee lagu shaqeynaayo waxaay u baahan tahay xirfada isgaarsiinta ama wada hadalka, xirfado isgaarsiineed oo heer sare ah ayaa loo baahan yahay. Intaa waxaa dheer, isgaarsiinta waxay saameyn ku yeelan kartaa maamulaha iyo shaqaalaha inay isfahmaan.
7. Hogaamin dhanka hore: Maareeyayaasha tayada wanaagsan ayaa xaga hore ka hogaamiya. Waxaa lagu aqoonsadaa shaqadooda ee ma ahan kuwa hadla oo kali. Awooddani waxay ka dhigaysaa kuwa raacsan inay si xamaasad leh ula socdaan madaxda.
8. Furfurnaan: Maamulayaasha tayada leh waxay leeyihiin tayo furfurnaan. Way u nugul yihiin isbeddelka mana aha qoraallada u adkaysta. Iyagoo furfuran, waxay tixgeliyaan fikrad kasta oo faa’iido leh oo ay ka aqbalaan meel kasta oo ay ka timaado.
9. Daacadnimo Sare: Maamulayaasha tayada leh waxay leeyihiin daacadnimo sare waxayna qaataan dhaqamada anshaxa guud ahaan noocyada go’aannada iyo macaamilka. Sidoo kale, waxay filayaan qaab u dhigma in ay raacaan kuwa kale.
10. Habka koox-ku-salaysan: Maareeyayaasha tayada waxay qaataan hab koox-ku-salaysan. Waxqabadka shaqada, waxay doortaan wax-siinta. Waxay aaminsan yihiin inay horumariyaan naftooda iyo sidoo kale kuwa kale.
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta
Waa maxay tayada maamulaha wanaagsan?
5-taan sifadood qaado si aad u noqoto Maamule Wanaagsan. Waa cilmi baaris la sameeyey oo lagu ogaaday.

Marwalbo oo aad tahay maamule waxaad u baahan tahay xirfado u gaar ah shaqada maamulnimada. Xirfadaha maamulku waa xirfado farsamo, xirfado fikradeed, xirfadaha dadka dhexdooda iyo xiriirka, xirfadaha go’aan qaadashada.
- Xirfad aqooneed
Marwalbo waxa kala duwanaan karo ururada ama shirkadaha ay ka hawlgalaan maamulayaasha sidaas awgeed waxay u baahan yihiin xirfado qaar. Kuwani waa xirfadaha ama sifooyinka ay hay’addu ka raadinayso qofka si loogu magacaabo maamule.
Xirfadahani waa kuwo aad u qiimo badan, qayb ahaan, sababtoo ah way adagtahay in la barto. Waxay ku horumaraan waqti ka dib markaad u fiirsato, la falgasho, oo aad la shaqeyso asxaabtaada. Xirfadaha kale ayaa muhiim u ah hogaaminta wax ku oolka ah iyo maaraynta waxqabadka.
Maamulaha xun waxaa lagu gartaa shaqada fudud ayuu shaqo adag ka dhigaa, halka maamulaha wanaagsani uu ka dhigi karo shaqo adag mid loo dulqaadan karo. Hadaba sidee maamulaha wanaagsan uga dhex garan kartaa midka xun? Waa kuwaan astaamaha aad ku garan karto.
2. Dabacsanaantu Waa Furaha Koowaad
Sahan ay sameesay hay’adda Manpower ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad 40% maamulayaasha caalamku ay sheegaan in jadwal dabacsani uu yahay mid ka mid ah saddexda shay ee ugu sarreeya ee ay tixgeliyaan marka ay dooranayaan shaqada, waa lagama maarmaan sidoo kale. Tani waxay ka dhigan tahay inaad ku kala duwanaan karto sida aad uga falcelinayso xaaladaha kala duwan.
Maareeyayaasha wanaagsani waxay ula dhaqmaan shaqaalahadooda inay yihiin bani’aadam iyaga oo kale oo daali kara, jecelna jadwalka fudud si shaqada ay usii jeclaadaan. – Taas macnaheedu waa inay ula dhaqmaan dabacsanaan iyo faham.
3. Daacadnimadu Waa Muhiim
Waxaad ogaaneysaa in qeexida dabacsanaanta ay ka dhigan tahay inaad imaan karto shaqada wakhti kasta inta u dhaxaysa 7:55 ilaa 8:02. Bey’adda goobta shaqada waxaa wanaagsan in qof kastaa uu joogi karo xafiiska mar walba, oo aad is taageertaan, haddii ay taasi dhacdo, waxaa bilaabanayso in shaqaalaha ay nacaan shaqada – xitaa haddii ay shaqadu aad u fiican tahay. Maxaa yeelay daacadnimadu macnaheedu maaha edebdarro, laakiin waxay la macno tahay in la saxo dhibaatooyinka markay soo baxaan. Siinta shaqaalaha tusaalooyin gaar ah oo ku saabsan sida, goorta, iyo waxa ay hagaajin karaan ayaa aad uga qiimo badan in ay iska indho tiraan dhibaatooyinka jira.
Maareeyayaashu, dabcan, uma sheegi karaan shaqaalaha macluumaadka sirta ah, laakiin waxay u sheegi karaan waxay u baahan yihiin inay ogaadaan si ay shaqadooda u qabsadaan. Maareeyayaasha wanaagsani waxay raadiyaan habab ay ku muujiyaan naxariista, xitaa haddii sharciga waafuqsaneyn.
4. Mushaar cadaalad ah
Sharciga Xiriirka Shaqaalaha Qaranka wuxuu ilaaliyaa xuquuqda shaqaalaha si ay u illaaliyaan xaaladaha shaqada, oo ay ku jiraan mushaharka, iyo kuwa ay wada shaqeeyaan. Laakiin dadka inta badan kama hadlaan dhibaatooyinka lagu haayo, maxaa yeelay aqoon la’aanta ay u leeyihiin sharciga.
Dowladaha waa weyn ee ka jira nidaamka sharciyada. Waa sharci darro in dadka lacag lagu siiyo iyadoo lagu saleynayo jinsiyadda, ama sifooyinka kale, maamulayaasha wanaagsan waa inay fahmaan in mushaharka caddaaladda ah ee qof kastaa uu muhiim u yahay guusha; sababtoo ah qof kastaa waa in aragti ahaan uu qaataa mushahar cadaalad ah.
Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in shaqaalaha beddela shaqada ay ka mushahar badan yihiin kuwa isku shirkada ah.
Waxaa la sheegayaa inta badan shaqaalaha sababaha ay ugu tagaan shirkadaha ay tahay sababo lala xariiriyey ‘ mushaar aan caddaalad ku salaysaneen.
5. Wuxuu dhisaa kooxo guulaysta oo leh maskax hogaamineed
Maareeyayaasha wanaagsani kaliya maaha inay fiiriyaan guushooda – waxay raadiyaan guusha kooxahooda. “si loo noqdo hoggaamiyeyaal wanaagsan, maareeyayaasha – gaar ahaan kuwa ku cusub jagada – waa in ay horumariyaan maskaxda hoggaamiyaha.”
Maamulaha wanaagsani waa in uu xaaladaha u arko si ka duwan sida uu u arko qof wax ku darsaday. Maamulaha ama Hogaamiyuhu waxa uu xooga saaraa sawirka wayn waxa uuna ka caawiyaa isu keenida dadka si loo gaaro yoolal la taaban karo. Ma filan kartid inaad isla markiiba ka booddo doorka “wax-qabad” una gudubto “maamulid” adoon lahayn nusqaan xagga xirfadahaaga hoggaamineed. Maareeyayaasha wanaagsani waxay ka shaqeeyaan inay buuxiyaan daldalooladan oo ay u beddelaan aragtidooda hoggaamiye mid ka mid ah.
Maamulaha wanaagsani waxa uu jecel yahay in shaqaaluhu ay la kulmaan ka-qaybgal iyo ixtiraam; waa arrin la dhisayo deegaan ay shaqaalaha ku guulaysan karaan.
Guntii iyo Gebagebadii, waxaa jira malaayiin dariiqo oo lagu noqon karo maareeye wanaagsan. Mana jiro qaab adag oo maamule kasta oo wanaagsan uu raaco mar kasta. Laakiin mabaadi’da aasaasiga ah waxay ka caawin karaan maareeyayaasha inay caawiyaan shaqaalahooda inay guuleystaan. Shaqaalaha guuleysta waxay u horseedaan ganacsiyo guuleysta, taas oo ah hadafka dhammaan maamulayaasha.
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta
Waa Maxay ‘Habdhaqanka Abaabuleed ee Shirkadaha?

Hab dhaqan abaabuleed ku (OB) waa daraasadda lagu gartaa dabeecada qofka ama kooxda waa sida aay dadka isku dhexgalaan marka aay si wadareed aay u wada shaqeeynayaan. Sida caadiga ah daraasaddan waxaa laga faa’idaa in la abuuro urur ganacsi ama bulsho wax ku ool ah.
Arrinta dhextaalka ah ee waxbarashasa habdhaqanka ururka waa in hab cilmiyaysan lagu saleyn karaa maamulka iyo shaqaalaha leh aragtiyahakala duwan ee dhaqanka amaba ururada waxaa loo isticmaalaa ujeedooyin khayraadka aadanaha si loo kordhiyo wax soo saarka kasoo xubnaha, kooxda ama shaqsiyan.
Burburitaan ‘Habdhaqan abaabuleed:
Waxaa jira noocyo kala duwan oo lagu dayan karo iyo falsafad dhaqanka ururada oo kala duwan. Meelaha u ah deegaanka iyo cilmi oo ka mid ah hagaajinta waxqabadka shaqo, taas oo sii kordhineeysa xiisaha shaqo, horumarinta hal-abuurka iyo ku dhiirinaanta hoggaanka. Intaas oo dhan waxeey muhiim u tahay in la gaaro natiijada la doonayo, maamulayaasha waxaa laga yaabaa in ay qaataan xeeladaha kala duwan, oo ay ku jiraan taa oo keentaa xaaladaha kala gidisan balse mar waliba waxaa hagaagsan in cashar laga bartaa dabeecadaha iyo habdhaqanka kooxad kadibna dib u habaynta kooxaha, bedelayaan dhismeedka kooxda taa oo ka ilaalineeysa inuu ku yimaad burbur waxeeyna abuureeysaa dhaqan xoogan oo horumar leh
Taariikhda
Inkastooy habdhaqan abaabuleed OB muda sii hureysay aay u aqoonsatay in uu hayay cilmi si gooni ah loo baran karaa by Psychological Association American xiligaan 1970 ee, waxaa xididaha u adkeeyay oo u sii aqoonsaday in uu yahay cilmi loo baahan yahay aadanuhuna uu ka maarmin barashadiisa sanadku markuu ahaa 1920 waxaa hadalkaas daaha ka qaaday Company Hawthorne oo ahaa Electric si taxane ahna loogu qaday tijaabo loogu talagalay in lagu kala garto sida isbeddelka deegaanka iyo dabeecadad wax soo saarka ee shaqaalahooda.
Waxay baaritaana kala duwan, ay qabatay inta u dhexeeya sanadahaan 1924 iyo 1933, waxay ahaayeen kuwo ballaadhan iyo xidhhidha qaatay mudda aad u badan waqti. Daraasada waxaa ka mid ahaa saamaynta noocyada kala duwan ee nasashada (faraha badan oo biririf yar, iyo kuwa dheer yar, iwm) sidoo kalane waxaa daraasadda kamid ahaa heerka iftiinka kala duwan. Maxsuulka ugu caansan ee ka dhashay ee Daraasaadka Hawthorne waa waxa hadda loo yaqaan Hawthorne saamaynta, isbeddelka dabeecadda ee ku xiran imtixaan marka ay ogaadaan inay la arkay.
Si ay diiradda saaraan in mid ka mid ah raadinta, qaar ka mid ah ayaa ku dooday, waa in ay iska indha set ballaaran ee cilmiga in ay noqdaan tixgalinayo lahaa horumarinta dhaqanka urur sida beer oo kale ee waxbarasho iyo xirfad khayraadka aadanaha sida aan hadda u ogaado.
Fikradda ah ee raadinaya cilmiyeysan ee dhaqanka iyo wax soo saarka ee goobta shaqada iyadoo hadafku yahay in la kordhiyo lacagta iyo tayada shaqada shaqaale ah oo aad samayn kartaa, oo ay la socdaan fikradda ah in shaqaalaha ku jiray ma khayraadka laysku beddelid karo laakiin ahaayeen halkii gaar ah marka la eego ay cilmi nafsiga oo ku iman kara ku haboon shirkad. Fikradaha Kuwaasu waxay ahaayeen xad dhaaf ah oo cusub marka Hawthorne ugu horeysay bilaabay waxbarashada, oo waxay ka caawisay abuuro beer waxbarasho iyo beerta oo dhan xirfadeed.
dhaqanka abaabuleed ayaa diiradda ku saabsan mawduucyo kala duwan kala duwan ee waxbarasho. In qayb sababtoo ah dagaalkii labaad ee dunida, inta lagu guda jiro 1940 ee duurka jooga oo diiradda lagu saaray saadka iyo sayniska maamulka.
Muddadan xoogga ahaa ee la isticmaalayo lagula socdo xisaabta iyo falanqayn tirakoobka si aad u hesho jawaabaha ugu wanaagsan ee dhibaatooyinka adag. Studies by Carnegie – ama biyaha saafiga ah – dhaqaalaha Dugsiga ee 1950 iyo 1960 ee taageereen, kuwaas oo wajiyada macquul dhibaatooyin go’aan qaadashada.
Tan iyo 1970 oo, heshiis wanaagsan ee shaqada la qabtay oo duurka ku ah dhaqanka urur ayaa on qaybaha dhaqanka ururada, oo ay ku jiraan mawduucyo sida qoomiyadda, fasalka, doorarka jinsiga, iyo qoysaska dhaqanka iyo doorka ay dhismaha group iyo wax soo saarka. Cilmi-baarisyadaasi waxay, qayb ka mid ah shaqada ah ee diiradda duurka ku wajahan cilmi tayo leh, iyo waxyaabo kale, ay tixgeliyaan siyaabaha ay aqoonsi iyo asalka sheegi karaa go’aan qaadashada.
Diiradda waxbarashada:
Waxbarashada diiradda dhaqanka ururka waxaa inta badan laga helaa dugsiyada ganacsiga, iyo iskuulada ee shaqada bulshada iyo cilmi nafsiga. Oo waxay ku bari waxbarashada cilmiga aadanaha, ethnography, iyo hoggaanka iyo isticmaali tamarta, tayo Mowduucyada daboolay OB waxaa ka mid ah garaadka, go’aan qaadashada, barashada, dhiirigelinta, gorgortan, dareenkaa, habka kooxda, cuqdo, iyo awoodda iyo saamaynta.
OB yar yar daboolayaa ururada sida nidaamyada bulshada, dhaqdhaqaaqa isbedelka, suuqyada, xiriirka ka dhexeeya ururada iyo degaanadooda, iyo sidoo kale aqoonsiga ee geedi socodka ururka, sida dhaqdhaqaaqa bulshada saamayn suuqyada, oo xooggii Kan ugu shabakadaha bulshada.
Waxyaabihii ka soo baxay jirka dhaqanka urur ee cilmi-baarista waxaa loo isticmaali karaa madaxda iyo xirfadlayaasha Relations Human si fiican u fahmaan ‘dhaqanka ganacsi, sida dhaqanka in la fududeeyn karaa ama leexiya wax soo saarka iyo haynta shaqaale, iyo sida ugu wanaagsan ee loo qiimeeyo murashaxiinta xirfad dhigay iyo shakhsiyadda inta lagu guda jiro nidaamka shaqaalaynta. Codsiga waa aragti iyo aqoon baradkii dhaqanka waana halka laha ogaan karo qofka heerkiisa cilmi iyo garaad ee uu leeyahay kuna doonaaya inuu ku soo biira ama ka mid ahaada urur Personality, qanaacada shaqe ee shaqsi, Leadership, Authority, Power, iyo Politics. Dhamaantoot Waxaa jira hal jid sax ah si aan u qiimeyno sida saxda ah si ay u maareeyaan wax kasta oo waxyaalahan
Shaqsiyada Personality, muhiimad dhaqanka taxane gooye ah, kaalin weyn oo sida uu qofku u falgala kooxaha iyo saarta shaqada. Ogaanshaha shakhsiyadda qofka, sidoo kale iyada oo taxane ah oo baaritaan, ama iyada oo loo marayo wada hadal fikrad fiican ah in ay tahay taam ah deegaanka ay la soo kiraystay lahaa galay, iyo sida ugu fiican ee lagu dhiirigaliyo in qofkaas siin karaa.
Aragtiyaha agagaarka xiisaha shaqo ballaaran kala duwan yihiin, laakiin qaar ku doodayaan in shaqo lagu qanco uu ka kooban yahay nidaam adag abaalgud, shaqada kalifaya, kormeerayaasha wanaagsan, iyo xaalado shaqo oo lagu qanci karo.
Hoggaanka, waxa ay u eg iyo meesha ay ka soo jeeda waa mawduuc qani ku ah dood iyo baaritaan dhaqanka urur gudahood. Markii mid ka mid ah u arko waxa ugu xiran maamulka, waxay noqon kartaa mid ballaadhan, diiradda, dhexe ama, go’aan, wacyi, jaleelada ee shakhsiyadda qofka ama natiijo ah meel ay ku amar.
Awood Power, amar, iyo siyaasadda oo dhan shaqeeyaan inter-dependently ee goobta shaqada. Fahamka siyaabaha ku habboon, sida ku heshiiyeen ee xeerarka a goobta iyo tilmaamaha guud ee anshaxa, kaas oo walxahaasi waxaa lagu soo bandhigay oo la isticmaalo waxay yihiin qaybaha muhiimka ah si ay ganacsiga ama ururka aaay mideeyaan
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Sirdoonka & Militariga3 months agoWafdi jeneraallo ah oo ka socda dalka Turkiga oo soo gaaray magaaladda Muqdisho
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Diblomaasiyadda3 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Ameerika3 months agoMareykanka oo baadigoobaya muwaadin asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Yurub2 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Ganacsiga & Dhaqaalaha3 months agoKenya oo walaac ka muujisay suuq xumo la xiriirta khaadka maandooriyaha ay u soo dirto Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoSoomaaliya oo xal u raadinaysa ciidamada AUSSOM ee qeybta ka ah hawlgalka amniga Soomaaliya
Doorashada2 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Arrimaha Amniga3 months agoHoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu qabtay xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya
Arrimaha Amniga2 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Afrika2 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Soomaaliya3 months agoMareykanka oo si weyn ugu carootay rag ka tirsan CXDS kuwaasi oo ku istaagay calanka dalka Mareykanka
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Arrimaha Amniga2 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Sirdoonka & Militariga1 month agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Afrika2 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Ganacsiga & Dhaqaalaha3 months agoKenya iyo Itoobiya oo ku loollamaya suuqa khaadka ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga difaaca iyo mustaqbalka AUSSOM












































