Connect with us

Diblomaasiyadda

Maxaad Ka Taqanaa Nolosha Ka Jirta Kuuriyada Waqooyi?

Published

on


Hadii aad  tahay qof dalxiiska jecel hadaba ogaaw Kuuriyada Waqooyi ma ahan goobta kugu habboon kana saar liiska wadamada kuu qorsheysan inaad booqato, laakiinse haddii aad dooneyso inaad wax kasoo ogaato wajiga dhabta ah ee gumeysiga, Kuuriyada Waqooyi waa goobtaada.

Inta aanan  u guda  gelin xaqiiqooyinka qarsoon iyo nolol xumida ka jirta Waqooyiga Kuuriya marka hore isweydii waa wadan noocee Kuuriyada Waqooyi?

Waqooyiga Kuuriya waa wadan dhaco bariga eeshiya, xigana waqooyiga marka loo eego wada jirkii  Kuuriyada, Biyoonyaang waa caasimada wadankani Kuuriya ahna caasimada ugu weyn dalkaasi, sidoo kale Kuuriyada waqooyi waxaa kunool sida lagu sheegay tirro koobkii u danbeeyay ee lasameeyay labada kun, lix iyo tobankii (2016) tirro dad gaaraya shan iyo labaatan milyan, hadaba wadankan ayaa haysta dhaqaala gaaraya shan iyo labaatan bilyan oo doolarka Mareykanka ah $25 Bilyan.

Wadankani waxa uu dhanka waqooyi iyo waqooyi galbeedba xuduud kala wadaagaa wadamada Shiinaha, Ruushka iyo webiga Tuumin halka dhanka koonfureed uu xuduud aad u xoogan kala leeyahay wadanka ay xurgufta kala dhaxeyso ee “South Korea” ama “Kuuriyada Koonfureed”.

Kahor labadan wadan Koonfurta Kuuriya iyo Waqooyiga Kuuriya inta aysan kala go’in waxaa maamuli jiray boqortooyadii Jabaan, halka dhammaadkii dagaalkii labaad ee dunida markii jab uu soo gaaray Jabaan ee labadaan wadan u kala go’eyn labo qeybood. Qeybta koonfurta Kuuriya waxaa haystay gumeystihii Ameerikaanka halka dhanka waqooyiga Kuuriya uu haystay gumeystihii Midowga Suufiyatka ee Ruushku madaxda ka aheyd.

Hadaba taariikhdaas kooban ee Waqooyiga Kuuriya markii aan ka soo tagno, waa maxay nolosha xun iyo gumeysiga caddaadiska badan ee kaligii taliye Kim-Jong un uu kuhaayo wadankaasi?

Waxaan hal iyo labo kataaban doonnaa xaqiiqooyinka u qarsoon Waqooyiga Kuuriya ee laga yaabo inaadan warba u heynin.

  • Lama ogolo wax kitaab diimeed ah!

Waqooyiga Kuuriya waxaa u taliya kaligii taliye Kim-Jong-Un ahna mid kamid ah jiilkii seddexaad ee qoyska Kim kuwaasoo wadanka ka talinaayay mudo 83 sanno ah, marka laga soo bilaabo ilaa 1948-dii.

Hadaba dowlada Waqooyiga Kuuriya ayaa leh sharci qofku in uusan caabudi karin wax diin ah, oo aanan la oggaleyn qofku innuu aamino innuu jirro ilaah halka awwooda ilaahnimadu ay ku jirto qoyska Kim ay tahayna in dadku aaminaan awwooda qoyska Kim. Ilmaha caruurta waxaa labaraa magaca  Kim-Il-Sung ahna awoowihii Kim-Jung-Un kahor inta aysan baran magaca waalidiintooda ee dhalay, midaasi ayaana sababtay haddii lagguugu arko kitaab diimeed, ha ahaado bible ama kitaabka quraanka kariimka in qofkii lagu qabtaa uu muteesanyo dil.

  • Qaabka tinta loo jarto oo sharciyeesan!

Waqooyiga Kuuriyada dowlada waxa ay soo saartay labaatan iyo sideed (28) qaab oo la oggalyahay in tinta loo jarto, toban kamida qaababkaas waxaa iska leh raga halka sideed iyo toban ka kale ee leeyihiin dumarka – Haddiise lagguugu helo qaab ka baxsan qaababka dowladu soo saartay waxaad muteesan doontaa xabsi daa’in ah ama dil. Laakiin mida layaabka keeneyso ayaa ah Madaxweyne Kim-Jong-Un qaabka uu u jaranyahay in aysan aheyn qaababka dowladu sharciyeysay uuna asago u jaran karo qaab u gooni ah.

  • Baabuur gadashadu waa ay xayirantahay!

Gadiidka dadweynaha ay raaci karaan reer Kuuriyada Waqooyi

Kaliya dadka dowlada u shaqeeyo ama VIP-da ayaa loo oggalyahay in ay gaari u gooni gataan oo ay wataan – haddii aad tahay qof riyadiisu tahay inuu baabuur yeesho Waqooyiga Kuuriya taasi kuuma rumeyn doonto, hadaba taasi waxa ay sababtay in  bassaska dowlada ay noqdeyn kuwa kaliya ee dadka u raacaan gaadiid ahaan meeshii ay rabaan, waxeyna sababtay arinkaa mid ka dhigtay caadi. Gaadiidku mid mashquul badan oo waqtiga shaqada aad kahabsaameyso sidaa u sugeyso bus ku qaada.

  • Caasimada inaad degto waa adagtahay!

Qofka muwaadinka sida wadamada caalamka waxa uu kasoo guuri karaa xaafad ka xaafad ama caasimad ka caasimad sida uu qayaarkiisu siiyo, laakiinse Waqooyiga Kuuriya muwaadiniintooda looma ogalo in ay ka guuraan guryahooda, ama qoys degan  magaalo ka baxsan caasimada haddii ay doonayaan in ay qoyskaasi kasoo guuraan magaaladooda soona degaan caasimada waa in ay koowdii hore warqad codsi ah u diraan dowlada sababtoo ah caasimada Biyoonyaang looma oggala muwaadin aanan aheyn mid daacad ah ama hormarsan ee taajir ah.

  • Shabakada TVga waa mid ilaalsan!

Haddii aad aheyd shaqsi ku xiran daawashada musalsalada maalin laha ah waa inaad macsalaameysaa, sababtoo ah Waqooyiga Kuuriya kaliya dhalada waxa ay leedaha seddex kanaal oo ay maamusho dawlada, lagana soo daayo kaliya baro-boggaandooyinka dowlada Kim.

  • ALL FOR ONE, AND ONE FOR ALL!

Muuqaalkaan wuxuu muujinayaa nolosha maalmeedka gudaha dalka Waqooyiga Kuuriya. Hay’ada xaquuqda aadanaha uvdoodo ee UN-ka ayaa isku dayday in sharcigaas ay mooshin kakeento laakiin arrintaas waxa ay noqotay mid shaqeyn weyday.

Haddii ay jirto wax aysan dawladda Waqooyiga Kuuriya marba cafis u fidineynin waa dambiile, halka ay soo saareen sharci dambiilaha uusan marnaba kufakan karin xabsiga kaasoo lamagac baxay Sharciga “Dhammaan hal qof, iyo hal qof dhammaan” waa sharci uu ansixiyay kaligii taliye Kim-Jung-Un kaasoo ah, haddii shaqsi dambiila ah uu kafakado xabsiga, waxaa xarrig iyo dilba mudan doono dhammaan qoyskiisa illaa jiilkooda udambeeyo sidaa haddii uu noolyahay awoowihiis, awoowihiisa iyo wixii ka danbeeyaba waa xarig. Hay’ada xaquuqda aadanaha uvdoodo ee UN-ka ayaa isku dayday in sharcigaas ay mooshin kakeento laakiin arrintaas waxa ay noqotay mid shaqeyn weyday.

  • Wacitaanka dibada waa Mamnuuc!

Dowlada Kuuriyada Waqooyi waa mid maamusha dhammaan qadka dalka kaasoo base station control-ku ay dawladu gacanta ku hayso, ayna dhageysato coddadka taleefoonka marka qofku uu ku hadlayo. Waxa ayna la socdaan dhaqdhaqaaq walbe ee shaqsiga kunool dalka. Sanadii 2012-kii booliska Waqooyiga Kuuriya ayaa toogasho ku dilay shaqsi wacitaan dibada sameeyay asagoo ku dhex jirra garoon ku yaalo caasimada taasoo furtay argagax iyo layaab, haddaba qofkii lagu qabtaa ama laga war helaa inuu wacay lambar dibada ah, ha ahaado qoyskiis waxa uu muteysan doonaa dil toogasho aanan ka noqod laheyn.

  • Wax fikrad ah madhiiban kartid!

Waqooyiga Kuuriga ma aaminsanno wax la dhaho xuriyatul qowlka ama dimuqraadiyada, haddii uu muwaadinka Waqooyiga Kuuriya aragti cusub uusan ubogin ay dowlada soo saarto, wax fikir ah kama dhiiban karo, ama waa inuu qaabkaasi raacaa ama waxa uu muteysan doonaa xabsi dhaqan celis ah kaasoo lagu bari doono innuusan mar danbe  dawlada kusoo afcelinin.

  • Wadanka lagama bixi karo!

Muwaadinka Waqooyiga Kuuriya ahi ma haysto qayaar uu ku aado dalxiis ama uu kaga baxo dalka, waa uu joogi dalka ilaa uu kaga dhinto dalkiisa – hadduu isku dayana in si qarsoodi ah uu kaga baxo dalka in ay u suurto gasho aad bay u adagtahay sababtoo ah dhammaan xuudaha waa ay ilaalsan yihiin waliba si aan innaba caadi aheyn, garoonka diyaaradahana warkiisa haba sheegin.

Facebook Comments Box

Waa qoraa da'yar oo ka tirsan bahda qoraayaasha ee Somalism.so, ku taqasusay cilmiga tiknoolajiyada, ahna qoraa in badan wax ka qoray tiknoolajiyada iyo documentries-ka. Waxuu cilmiga IT-ga kabartaa jaamacada Hawassa ee dalka Itoobiya, waxuu sidoo kale shahaadada CCNA kaqaatay shirkada caalamiga ah ee Cisco.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Diblomaasiyadda

Madaxweyne Joe Biden wuxuu Kenya ku sheegay inay tahay saaxiibka ugu weyn ee aan NATO ka tirsaneen

Talaabadan ayaa u ogolaan doonta Washington in ay xoojiso xiriirka dhanka amaanka ah ee ay la leedahay Kenya marka ay ciidamadeedu ka baxaan Niger.

Published

on

WilliamsRuto (Biddax) Joe Biden (Middig)

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa isbuucaan Kenya siiyay maqaamka xulafada ugu weyn ee aan NATO ka tirsanayn, halka madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, uu ku sugan yahay Washington oo uu booqasho ku joogo, wakaaladda wararka ee Associated Press, oo soo xiganaysa laba sarkaal oo Maraykan ah oo aan la garanayn.

Tani waxay Kenya ka dhigi doontaa waddankii ugu horreeyay ee ka hooseeya Saxaraha Afrika iyo qaaradda afaraad ka dib Masar, Marooko, iyo Tunisiya si ay u helaan magacaabistan.

Cinwaanka maqaamkaas waxay Washington siisay wadamada xidhiidhka shaqo ee istiraatijiga ah la leh Ciidanka Maraykanka balse aan xubin ka ahayn NATO. Waxay u ogolaataa dowladaha la siiyo maqaamkaas inay hub aad u casrisan ka helaan dawladda Maraykanka iyadoo sidoo kale kobcinaysa iskaashi amni ee dhow.

Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili xukuumada Washinton ay isku diyaarineyso inay ciidamadeeda kala baxdo dalalka Chad iyo Niger xili ay hoos u dhaceyso saameynta ay ku leedahay Afrika.

Sida laga soo xigtay Politico, mansabka astaanta u ah MNNA waxa uu kor u qaadi doonaa xidhiidhka Kenya iyo Maraykanka, taas oo suurtogal ka dhigaysa in Washington ay saamayn badan ku yeelato Bariga Afrika. Kenya, si la mid ah dalal badan oo Afrikaan ah, waxay xiriir dhow la leedahay Shiinaha iyo Ruushka, taasoo walaac ku abuurtay Mareykanka iyo xulafadiisa oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Jarmalka.

“Haddii waddan kasta oo Afrika ku yaal oo aan hore u lahayn maqaam uu leeyahay kiis hore oo ah in loo aqoonsado saaxiib weyn oo aan NATO ahayn, waa Kenya,” ayuu Politico ka soo xigtay Peter Pham, oo ah sarkaal hore oo Afrika ugu sarreeya maamulka Trump, isagoo leh. .

“Horumarinta sida aan ula wadaagno Afrika waxay ahayd mid muhiim ah oo loo maro khadka inta lagu jiro maamulkayaga,” Judd Devermont, oo ilaa sanadkan hogaaminayey Afrika oo ka shaqeysa Golaha Amniga Qaranka ee Biden, ayaa sidoo kale yiri, sida laga soo xigtay barta.

Madaxweyne Ruto ayaa Arbacadii booqasho saddex maalmood ah ku tagay magaalada Washinton, isagoo kala hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin ganacsiga, cafinta daymaha, 1,000 askari oo ka tirsan booliska Kenya oo la qorsheeyay in la geeyo dalka Haiti iyo colaadda Suudaan.

“Kenya iyo Mareykanka waxay wadaagaan mawqifyada guud ee nabadda iyo xasilloonida caalamka. Waxaan rajeyneynaa inaan sii xoojino xiriirka iyo iskaashiga aan la leenahay Mareykanka ee xallinta khilaafaadka iyo wax ka qabashada amni-darrada, gaar ahaan Geeska Afrika,” Ruto ayaa ku soo qoray X (hore Twitter-ka).

Dhanka kale, Benedict Wachira, oo ah qareenka maxkamadda sare ee Kenya, ayaa u sheegay wargeyska dowladda Ruushka maamusho ee RT kaasoo siiyey wareysi gaar ah oo la daabacay Khamiistii in muwaadiniinta dalka Bariga Afrika ay ka soo horjeedaan go’aanka dowladda ee ah in booliska loogu diro Haiti.

Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa Kenya ku ammaanay muujinta hoggaan caalami ah oo ay Qaramada Midoobay taageerto, laakiin Wachira ayaa sheegtay in Ruto “uu u sameynayo lacag dartiis.”

Madaxweyne William Ruto ayaa horay dhaleecayn kala kulmay dadka siyaasadda falanqeeya, oo uu ku jiro cilmi-baaraha Kenya, Kimanzi Nicholas, oo u sheegay RT sannadkii hore in dowladda Mareykanka ay madaxweynaha u adeegsaneyso sidii ay u sii wadi lahayd maamulidda dalal badan oo Afrikaan ah.

Reer Galbeedka ayaa u isticmaalaya madaxweynaha Kenya William Ruto si ay u riixaan ajandahooda taas oo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu sii hayo dowlado badan oo Afrikaan ah, falanqeeye siyaasadeed iyo cilmi-baare Kimanzi Nicholas ayaa sheegay.

Sida laga soo xigtay Nicholas, Ruto waa “ka ugu fudud ee loo isticmaalo oo loo wajaho” madaxda Afrika, sidaas darteedna Maraykanku wuxuu isku dayayaa inuu siiyo “xitaa saameyn dheeraad ah gobolka.”

Wadashaqeynta Mareykanka iyo Kenya runtii waa qeyb ka mid ah ajande “danayste ah” oo ay leedahay Washington, ayuu falanqeeyaha sheegay, isaga oo ku tilmaamay “hab isku day lagu gaaro macdanta… , halkaas oo ay ku jirto saliid badan. Waa hab la isku dayo in lagu gaaro Itoobiya… in la isku dayo in la gaaro Burundi iyo Ruwaanda iyo xitaa Zambiya.”

Ruto ayaa la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken intii lagu guda jiray shirkii 78-aad ee Qaramada Midoobay oo sanadkii hore ka furmay magaalada New York, kaasoo ay labada dhinac uga wadahadleen xaaladda Suudaan, Haiti, iyo Bariga Afrika.

Blinken waxa uu Kenya ku ammaanay inay tahay “saaxiibka xooggan ee Maraykanka ee arrimo badan,” oo ay ku jiraan ammaanka gobolka iyo kan caalamiga ah. Diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay “si qoto dheer u qiimeyneyso” “tallaabooyinka xooggan” ee uu qaaday Ruto si loo “xoojiyo dimuqraadiyadda Kenya” iyo dhaqaalaha.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

Madaxweyne Putin iyo boqorka Baxreyn waxay ku heshiiyeen inay sii xoojiyaan iskaashiga labada dal

Madaxweynaha Ruushka iyo Boqor Xamad ayaa wada hadalo diirada lagu saaray ganacsiga, xaaladda Qaza, iyo xiriirka Iiraan.

Published

on

Sawirka waa Vladimir Putin oo kula kulmay boqorka Baxreyn Hamad bin Isa Al Khalifa Kremlin ee Moscow, Ruushka Maay 23, 2024 AFP / Yuri Kochetkov

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo boqorka Baxreyn Xamad bin Isa Al Khalifa ayaa ku heshiiyey khamiistii in ay xoojiyaan xiriirkooda ganacsi ayna ka wada shaqeeyaan sidii xal looga gaari lahaa xiisadda ka taagan bariga dhexe.

Boqor Xamad ayaa maanta oo Khamiis ah booqasho shaqo oo labo maalmood ah ku tagay magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka. Wadahadal qaatay laba saacadood ka dib, Putin iyo Boqorku waxay saxeexeen dukumentiyo la xidhiidha iskaashiga warshadaha dawooyinka iyo caafimaadka, gaadiidka iyo sidoo kale isdhaafsiga dhaqameed iyo xusuus-qoraal deegaanka, sida lagu sheegay akhrinta ay bixisay Kremlin-ka.

“Nasiib darro, ganacsiga u dhexeeya Ruushka iyo Baxreyn wuxuu marayaa heerkii hore, laakiin isbeddellada ayaa ah kuwo wanaagsan,” Putin ayaa u sheegay Xamad. “Si kastaba ha ahaatee, xaaladda maalgashiga ayaa ka wanaagsan: waxaa jira ilaa 30 mashruuc oo waaweyn, oo wadartoodu ay dhan tahay $500 milyan.”

Boqorku waxa uu Putin ku ammaanay “siyaasaddiisa xigmadda leh” wuxuuna qiray “doorka Ruushka ee xallinta caddaaladda ah ee arrimaha Carabta.” Xamad oo hadda ah guddoomiyaha ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Baxreyn ay doonayso inay qabato shir caalami ah oo lagu xallinayo khilaafka Israa’iil iyo Xamaas.

“Ruushka wuxuu noqon doonaa waddankii ugu horreeyay ee aan u jeedsado taageerada hindisahan sababtoo ah Ruushku wuxuu ciyaarayaa door muhiim ah, wuu horumarin karaa, wuxuuna leeyahay awood weyn oo adduunka ah,” ayuu boqorku ku dhawaaqay.

Boqor Xamad ayaa sidoo kale sheegay in uu rajaynayo in uu soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee uu la lahaa Iiraan oo ah saaxiibka muhiimka ah ee Ruushka ee Bariga Dhexe. Baxreyn ayaa xiriirka u jartay Iiraan sanadkii 2016-kii, kadib markii Sacuudiga uu hogaamiyey isbahaysiga xirriir u jarista. Baxreyn oo kali ma ahan waddamo kale oo ay Soomaali kamid tahay ayaa Iiraan xariirka u jaray. Siyaasadda Sacuudiga oo aan lahayn jiho quman ayaa dowladdo ka tirsan jaamacadda Carabta ay ku kufaan. Xiisada u dhaxaysa Tehraan iyo Manama ayaa durba cirka isku shareertay iyadoo ay ugu wacan tahay Baxreyn oo martigelinaya guutada shanaad ee ciidamada badda Maraykanka, Baxreyn ayaa muddo dheer ku eedaysay Iiraaniyiinta inay shiicada ah ku kicinayaan boqortooyada.

Si kastaba ha ahaatee, Xamad ayaa u sheegay Putin in dhibaatooyinkan “gebi ahaanba la xalliyey,” iyo “ma jirto sabab dib loogu dhigo caadiyeynta iyo wanaajinta xiriirka.”

Kaaliyaha madaxweynaha Ruushka Yuri Ushakov oo la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in Xamad uu aqbalay casuumaad uu Putin u fidiyay si uu uga qeyb galo shir madaxeedka BRICS ee ka dhacaya Kazan bishan Oktoober. Ushakov waxa kale oo uu sheegay in Putin uu Boqorka guddoonsiiyey gaadhi noociisu yahay Aurus limousine, kaas oo noociisu yahay baabuurka rasmiga ah ee Madaxweynaha Ruushka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

Norway ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Falastiin inay tahay dowlad madax-bannaan

“Dowladda Norway waxay go’aansatay in Norway ay u aqoonsan doonto Falastiin dowlad ahaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Jonas Gahr Store.

Published

on

Calanka falastiiniyiinta ayaa lagu arkay barxadda bannaan aqalka hoose ee magaalada Oslo ee dalka Norway, Nofeembar. 29, 2023.

Norway ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Falastiin inay tahay dowlad, dowladda waqooyiga Yurub ayaa sheegtay. Go’aanka ayaa dhaqan galaya 28-ka Maay, ayay raacisay.

Norway waa waddankii tobnaad ee Yurub ee aqoonsada dawladnimada Falastiin. Bulgaria, Qubrus, Czech Republic, Hungary, Malta, Poland, Romania, iyo Slovakia ayaa sidaas sameeyay 1988, iyadoo Sweden ay ku biirtay 2014.

“Dowladda Norway waxay go’aansatay in Norway ay u aqoonsan doonto Falastiin dowlad ahaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Jonas Gahr Store.

Oslo waxay samaynaysaa tallaabadan iyada oo ay jirto iskahorimaadka Qaza, kaas oo “tobanaan kun lagu dilay laguna dhaawacay,”. Ra’iisul wasaare Jonas Gahr Store ayaa carabka ku adkeeyay. Ujeedadu waa “in la noolaado xalka kaliya ee bixiya xal siyaasadeed oo loogu talagalay Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta si isku mid ah: Laba dawladood, oo ku nool dhinac, nabad iyo ammaan,” ayuu yirri.

Wax yar ka dib ku dhawaaqista Norway, Ireland waxay sidoo kale sheegtay inay aqoonsanayso dawladnimada Falastiin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Israel Katz ayaa ka jawaabtay horumarkaas iyadoo dib ugu yeertay safiirrada dalkaas ee Ireland iyo Norway si ay wadatashi degdeg ah ula sameeyaan. Si la mid ah ayaa ku dhici doonta safiirka Spain haddii Madrid ay sameyso tallaabo la mid ah, ayuu raaciyay.

“Waxaan fariin aan shaki lahayn u dirayaa Ireland iyo Norway – Israa’iil iskama dhaafi doonto arrintan si aamusnaan ah,” Katz ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Iyagoo aqoonsanaya dawladda Falastiin, Oslo iyo Dublin “waxay doonayaan inay fariin u diraan Falastiiniyiinta iyo adduunka oo dhan – argagixsada,” ayuu yirri, isagoo ku andacoonaya inay ” abaalmarin siinayaan Xamaas iyo Iiraan.”

“Dowrka nacasnimada” ee wadamada Yurub kama celin doono Israa’iil inay gaarto yoolkeeda ah “duminta Xamaas” ee Qaza, Katz ayaa carabka ku adkeeyay.

Spain ayaa ku dhawaaqday in ay aqoonsanayso dowladnimada Falastiin dhowr daqiiqo kadib hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil.

Aqoonsiga Falastiin, Norway waxa ay “taageerta ciidamada qunyar socodka ah ee dhulka ku luminayey iskahorimaadkan daba dheeraaday iyo waxashnimada,” Ra’iisul wasaare Jonas Gahr Store ayaa yirri. Oslo waxay sidoo kale u diraysaa “farriin adag” quruumaha kale si ay ugu daydaan tusaale ahaan, sababtoo ah tani waxay ugu dambeyntii suurtogal ka dhigi kartaa in dib loo bilaabo dhaqdhaqaaqa xalinta laba dawladood, ayuu raaciyay.

“Ma jiri doonto nabad ka dhalata Bariga Dhexe haddii aan la helin xal laba dawladood ah, ma jiri karo xal laba dawladood ah haddii aan la helin dawlad Falastiin ah. Si kale haddii loo dhigo, dawlad Falastiini ah ayaa shardi u ah in nabad lagu gaaro Bariga Dhexe” Ra’iisul wasaaraha ayaa sidaas ku sharaxay.

Talaabadan ay qaadeen wadamada Norway, Ireland iyo Spain ayaa kusoo beegmaya maalmo un kadib markii dacwad oogaha maxkamada caalamiga ah ee dambiyada caalamiga Karim Khan uu dalbaday in amar lagu siiyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhiga Yoav Gallant iyo sidoo kale sadsex sarkaal oo sare oo katirsan ururka Xamaas ee Falastiin. Eedeymaha ah in ay geysteen “dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.”

Waa waajib

Horaantii Talaadadii, Norway ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee Yurub ah ee ku dhawaaqa inay xirriiyaan Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Yoav Gallant, haddii la aqbalo waarannada ay soo saareen guddi garsoorayaal ah oo ka tirsan Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC). .

Wasiirka arrimaha dibadda Norway Espen Barth Eide ayaa sheegay in amarka lagu soo xiray Netanyahu iyo Gallant oo ka wakiil ah maxkamadda Hague ay ku qasbanaadeen inay xiraan haddii ay Norway yimadaan.

Wargeys online ka ah Norway ayaa sheegay in Eide uu qoray in Netanyahu uu halis ugu jiro in loo gacan geliyo haddii uu Norway booqdo. Isagoo xusay in guddi garsoorayaal ah oo ka tirsan maxkamadda dambiyada ee ICC ay ka fiirsan doonaan in amarka lagu xiro iyo in kale oo loo gacan geliyo maxkamadda.

Talaadadii, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in xubnaha ururka ay si sharci ah ku qasbi doonaan inay xiraan Netanyahu haddii uu yimaado dhulkooda. “Dhammaan dawladaha ansixiyay qawaaniinta ICC waxay ku qasban yihiin inay fuliyaan go’aannada Maxkamadda,” Borrell ayaa sharraxay.

Ugu yaraan, 35,562 qof ayaa lagu dilay 79,652 kalena waa lagu dhaawacay duqeymaha cirka ee Israa’iil iyo weerarka dhulka ee Marinka Qaza, sida lagu sheegay xogtii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta. Israa’iil ayaa howlgalkeeda militari ka billowday Qaza, taasoo jawaab u ah duullaankii xudduudda ee 7-dii Oktoobar, oo ay Xamaas ku qaadday ugu yaraan 1,200 oo qof, 250 kalena ay qafaasheen.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

Ireland waxay go’aan taariikhi ah ku aqoonsatay dawlad madax-banaan oo Falastiin ah

Ireland waxay si rasmi ah u aqoonsan doontaa Falastiin dawlad ahaan, Raiisel wasaare Simon Harris ayaa xaqiijiyay. Mar uu ka hadlayay wararka sheegaya in dalkiisa uu ku biiri doono Norway iyo Spain oo iyagana rabo inay aqoonsadaan.

Published

on

Calamada qaranka Falastiin iyo Ireland ayaa la arkayaa iyagoo is barbar suran (Sawirka Reuters)

Ra’iisul wasaaraha Ireland Simon Harris ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in Dublin ay aqoonsan doonto dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah, waxaana uu rajeynayaa in dalal kale ay ku dayan doonaan.

“Maanta, Ireland, Norway, iyo Spain waxay ku dhawaaqayaan inaan aqoonsannahay dawladda Falastiin,” Harris ayaa ku yiri shir jaraa’id.

Ireland waxay si rasmi ah u aqoonsan doontaa Falastiin dawlad ahaan, Raiisel wasaare Simon Harris ayaa xaqiijiyay. Mar uu ka hadlayay wararka sheegaya in dalkiisa uu ku biiri doono Norway iyo Spain oo iyagana rabo inay aqoonsadaan.

Dowladda Norway ayaa ku dhawaaqday inay aqoonsan doonto dowladnimada Falastiin ilaa toddobaadka soo socda, halka Ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanches uu u sheegay aqalka hoose ee baarlamaanka qaranka Arbacadii in Madrid ay sidoo kale si rasmi ah u aqoonsan doonto dowladda Falastiin laga bilaabo talaadada.

Harris wuxuu sheegay in saddexda waddan ay isku dubaridinayaan isbeddellada siyaasadda, waxa uu ku tilmaamay “maalin taariikhi ah oo muhiim u ah Ireland iyo Falastiin.” Waxa uu rajo ka muujiyay in go’aamadaasi ay gacan ka geysan doonaan in khilaafka Carabta iyo Israa’iil lagu riixo in la gaaro xal loo maro xal laba dowladood ah.

Galbeedka Quddus ayaa ka fal-celisay isbedelada ka socda Yurub iyadoo u yeertay safiiradeeda Ireland iyo Norway. Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Katz ayaa sheegtay in aqoonsiga dawladnimada Falastiin uu la mid yahay abaal marinta argagixisada, wuxuuna caddeeyay in dawladda Yuhuudda “aysan ka aamusi doonin kuwa wax u dhimaya madax-bannaanideeda oo khatar gelinaya ammaankeeda.”

Diblomaasi sare ayaa intaa ku daray in “nacasnimada Irish-Norway nagama celinayso,” wuxuuna ka digay “cawaaqib xun oo dheeraad ah,” oo ay ku jirto Spain, haddii ay raacdo ballanqaadkeeda.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa si cad u sheegay in uu ka hortagayo qaranimada Falastiin. Israa’iil ayaa si dhab ah gacanta ugu haysa dhul ballaaran oo ay u badan yihiin dadka reer Falastiin.

Maamulka falastiiniyiinta oo caalamka loo aqoonsan yahay inuu matalo danaha shacabka falastiiniyiinta ayaa qaar ka mid ah waxay sheegeen waxa ka dhacaya Daanta Galbeed. Qaza, oo ah deegaan gaar ah oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin, ayaa waxaa in muddo ah gacanta ku hayay Xamaas, oo ah koox iska soo horjeeda. Xamaas ayaa soo abaabushay weerar lagu hoobtay oo lagu qaaday koonfurta Israa’iil bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, taasoo keentay aargoosi ballaaran oo militariga Israa’iil kaas oo aan weli la soo afjarin.

Dadka dhaleeceeya xukuumadda Netanyahu ayaa sheegaya in aysan u muuqan wax qorshe ah oo ku wajahan Qaza kadib markii ay gaartay hadafkeedii ahaa in ay meesha ka saarto Xamaas. Maamulka Yahuudda ayaa waxaa isa soo taraya eedeymaha loo jeedinayo in ay isku dayayaan in ay isir ahaan sifeeyaan dhulka go’doonsan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

Shiinaha ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya

Beijing waxay taageertaa wadahadalka iyo wadatashiga dhammaan dhinacyada Soomaaliya si loo xalliyo khilaafaadkooda iyo horumarka laga gaaray kala-guurka siyaasadeed, ayuu yirri Mudane Zhang.

Published

on

Zhang Jun, ergeyga joogtada ah ee Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay

Zhang Jun, ergeyga joogtada ah ee Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa Isniintii ku baaqay in la sii wado taageerada caalamiga ah ee dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan xasilloonida siyaasadeed, kala guurka amniga, iyo dib u dhiska dhaqaalaha iyo bulshada. Isagoo ka hadlayay shirka golaha ammaanka ee Soomaaliya, ayuu ku nuux-nuux saday in dareenka iyo taageerada QM iyo beesha caalamka ee dalka aan laga leexan, maadaama 2024-ka uu muhiim u yahay geeddi-socodkiisa siyaasadeed, kala guurka amniga, dib u dhiska dalka.

Beijing waxay taageertaa wadahadalka iyo wadatashiga dhammaan dhinacyada Soomaaliya si loo xalliyo khilaafaadkooda iyo horumarka laga gaaray kala-guurka siyaasadeed, ayuu yirri Mudane Zhang. Wuxuu kaloo hoosta ka xarriiqay in doorashada nidaamka siyaasadeed iyo tubta horumarka ay ku taallo madaxbannaanida Soomaaliya. Waxa uu ku booriyay beesha caalamka in ay ixtiraamaan mabda’a ah in Soomaalidu ay jaanis u sameysato oo ay ka fogaato in ay soo rogaan qaab dowladnimo oo dibadda ah.

Dhanka kala guurka amniga ee Soomaaliya, Mudane Zhang wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dowladda federaalka Soomaaliya laga caawiyo adkeynta horumarka laga gaaray dadaallada la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta xasilloonida. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la caawiyo laamaha amniga Soomaaliya si kor loogu qaado awoodooda si ay u qaadaan mas’uuliyad weyn.

Sidoo kale, Zhang Jun ergeyga joogtada ah ee Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga taageero dhaqaalaha iyo dib u dhiska bulshada. Wuxuu bogaadiyay qorshaha ay dowladda federaalka Soomaaliya dhawaan daah-furtay Hiigsiga Qarniga ee 2060-ka, kaas oo looga gol leeyahay in lagu dejiyo himilooyinka muhiimka ah ee horumarinta dalka.

Dhanka kale dowladda uu hoggaamiyo mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa culeys badan kala kulmaayo maamulada dalka, kuwaas oo aan qaarkiis taageersaneen sida uu wax u wado. Warqad uu soo saaray madaxweynaha ayaa wuxuu ku sheegay in mudnaan gaar ah siisay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya dowlad goboleedyada dalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee aan hoggaamiyo waxay ugu horreyntiiba mudnaan gaar ah siisay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya dowlad goboleedyada iyadoo saldhig uga dhigaysa mabaadi’da dastuureed ee hagaysa hannaanka wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo dardargeliyo fulinta ajendayaasha qaran oo ay ugu horreeyaan adkaynta amniga dalka, dhammaystirka Dastuurka Dalka oo dabranaa muddo ka badan 10 sanadood, xoojinta federaalaynta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha.” ayuu yirri.

Madaxweyne Xassan ayaa lagu eedaynayaa inuu dastuurkii dalka lahaa sida uu rabay ka dhigay asigoo aan dheg-jalaq u siinin fikradaha maamulada dalka, mucaaradka iyo dadka aqoonta duruqsan u leh dastuurka iyo dowlad-dhiska. Wuxuu sheegay in,

Dowladda Federaalka waxa ay horumar ka sameysay dibu-eegista lagu dhammaystirayo Dastuurka J.F.S iyada oo sameysay wadatashiga saamileyda siyaasadeed iyo si gaar ah talo aruurin dadweyne si toos ah iyo si danabeysanba (Online), welina waxa ay dowladu dhiirigelinaysaa wada-xaajoodka iyo wada-tashiga lagu dhameystirayo dastuurka dalka si shacabka Soomaaliyeed u gaaraan himillooyinka ay hiigsanayaan ee ah helidda dowlad hagaagsan oo dimoqraadi ah kana shaqeysa baraaraha muwaadinka Soomaaliga ah.

Wuxuu intaasi raaciyey ‘Waxaan si gaar ah hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Dowladda Puntland si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalku in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo.

Hadaba, Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii horeba in aysan marnaba siyaasadeynin waajibka ka saaran wadashaqeynta labada heer dowladeed ee federaalka si gaar ah arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadannimada iyadoo oo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin Dowlad goboleedyadu. – ayuu ku sheegay warqada Villada kasoo baxday.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Siyaasadda Soomaaliweyn1 day ago

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo Muqdisho soo gaaray

Wararka3 days ago

Midnimada Afrika: Waa maxay sababta ay dunida ugu dabaal degto 25-ka Maay?

Diblomaasiyadda4 days ago

Madaxweyne Joe Biden wuxuu Kenya ku sheegay inay tahay saaxiibka ugu weyn ee aan NATO ka tirsaneen

Diblomaasiyadda4 days ago

Madaxweyne Putin iyo boqorka Baxreyn waxay ku heshiiyeen inay sii xoojiyaan iskaashiga labada dal

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska6 days ago

4-taan qoddob ku illaali noloshaada haddii ay dhab kaa tahay horumar inaad gaarto

Diblomaasiyadda6 days ago

Norway ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Falastiin inay tahay dowlad madax-bannaan

Diblomaasiyadda6 days ago

Ireland waxay go’aan taariikhi ah ku aqoonsatay dawlad madax-banaan oo Falastiin ah

Afrika6 days ago

Muwaadiniin Maraykan ah oo ku lug lahaa isku daygii afgambi ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo

Wararka7 days ago

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ayaa laga mamnuucay doorashada ‘masuqmaasuq awgeed’

Wararka1 week ago

Madaxweynaha Iiraan ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay shil diyaaradeed

Bariga dhexe1 week ago

Gantaalka Xuuthiyiinta ayaa ku dhacay Markab Shidaal siday oo Shiinaha leeyahay kasoo marayay Badda Cas

Geeska Afrika1 week ago

Itoobiya oo ka carootay hadal uu jeediyey safiirka Mareykanka u fadhiya Itoobiya

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres oo walaac xooggan ka muujiyey hawlgallada ka socda Rafax

Siyaasadda Soomaaliweyn2 weeks ago

James Swan oo loo magcaabay sii hayaha Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya iyo xafiiska UNSOM

Afrika2 weeks ago

Masar oo ku biiraysa dacwad xasuuq ah oo ka dhan ah Israa’iil

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 weeks ago

Sida reer galbeedku u maareeyaan Afrika iyaga oo adeegsanaya warbaahinta dhaqanka gumaysiga ku salaysan

Afrika3 weeks ago

Dawlada Togo oo meesha ka saartay doorashadii madaxtinimo

Wararka3 weeks ago

Madaxweyne Putin oo ka digay dagaal caalami ah xilli uu heegan geliyey ciidamada Nukliyeerka

Wararka3 weeks ago

Dalka Chad oo dooranaya madaxweyne ka dib saddex sano oo xukun milatari ah

Islaam Naceybka3 weeks ago

Hindiya: RW Narendra Modi ayaa Muslimiinta laga tirada badan yahay ku tilmaamay “kuwa ku soo dhuunta” hadalada nacaybka ah

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Maxay Carabtu u taageeri la’dahay Falastiin?

Wararka3 weeks ago

Kenya oo markii ugu horeysay haweeney u magacawday taliyaha ciidamada cirka

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

Heshiisyada dowladda Xassan Sheekh la gashay Turkiga waxaa ku jira sii deynta wiilka madaxweynaha oo dil ka gaystay Turkiga

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Burburka Qaza soo gaaray oo aan la arag tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, ayaa qaadan doonta tobanaan sano in dib loo dhiso – QM ayaa tirri.

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

“Ma aqbalayno in mar kale aan ku laabano doorashadii teendhada” – RW Xamsa Cabdi Barre

Yurub4 weeks ago

Dowladda Ingiriiska ayaa u musaafuriyay Ruwaanda magangalyo doonkii ugu horreeyay: warbaahinta Ingiriiska

Dhaqaalaha4 weeks ago

Soomaaliya oo markale deyn raadinaysaa iyadoo wakhti dhow deyn laga cafiyey

Islaam Naceybka1 month ago

6 Ciyaaro ‘Games’ oo lagu xumeeyay Diinta Islaamka

Dhaqaalaha1 month ago

Amaah-bixiyayaashu waa inay joojiyaan ka faa’iidaysiga khayraadka Afrika ee deynta

Afrika1 month ago

In ka badan 100 maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla dalka Nayjeeriya

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabtay askar uu Mareykanku tababaray oo looga shakiyay inay xadeen raashin

Diblomaasiyadda1 month ago

Shiinaha ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya

Afrika1 month ago

Dawlada Burkina Faso oo shaqada ka joojisay warbaahinada reer galbeedka ee BBC iyo VOA

koonfurta Bari Aasiya1 month ago

Ra’isul Wasaarihii horre Malaysia Mahathir Maxamad oo wajahaya baaritaan musuq-maasuq ah

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska1 month ago

Waan Waayay Dheh: Cuudintii Caadooyinka Xunxun

Diblomaasiyadda1 month ago

Hoggaamiyaha dalka Senegal wuxuu ku baaqay ‘in dib u eegis lagu sameeyo xiriirka Midowga Yurub’

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Hogaamiyayaasha Afrika ayaa ku dadaalaya in qaab cusub loo wajaho la dagaalanka argagixisada

Diblomaasiyadda1 month ago

Saraakiisha Kuuriyada Waqooyi ayaa booqasho naadir ah ku tagay Iiraan

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Markab dagaal oo Turkigu leeyahay oo kusoo xirtay dekadda Muqdisho: Dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca labada dal

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada1 month ago

Waa maxay bulsho?

Xul