Barashada Luuqadaha
Luuqadaha Dunida & Af-soomaaligii

Luuqada waa tiraabyo ay dadka ku hadlaan kuwaas oo wada degan hal deegaan ama degmo. Waxay isku wada afgartaan luuqadaas ay ku wada hadlaan. Afka ama luuqada aan ku hadalno taariikhdeeda aad ayay u dheertahay. Laga soo bilaabo abuuritaankii Aabe Aadan c.s. Luuqadaha caalamka ka jiro waxaa lagu qiyaasaa inay dhanyihiin 6,500 luuqadood. In ka badan 2,000 oo luuqadood waxaa ku hadlo dad ka yar 1,000 qof. Luuqada ugu dadka badan ku hadlaa dunida waa luuqada loo yaqaano Mandarin Jayniis (Mandarin Chinese) waxaa ku hadlo luuqadaan 1,213,000,000 qof. Waxaa kaalinta labaad ku jirra luuqada Isbaanishka (Spanish). Waxaana ku hadlo 414,000,000 qof.
Waxaa kaalinta saddexaad ku jira luqada Ingiriisida waxaa ku hadlo 335,000,000 oo qof, kaalinta afraada luqada Hunduuga 260,000,000 qof, kaalinta shanaad ah luqada Carabiga 237,000,000, kaalinta lixaad waa Bortaqiiska 203,000,000, kaalinta Todobaad waa Luqada Bangalooga 193,000,000, kaalinta Siddeedaad waa Luqada Ruushiya 167,000,000, kaalinta Sagaaladad Luqada Jabaaniska 122,000,000, kaalinta Tobonaad waa Luqada Jafiiska 84,300,000. Halka luqada caalamiga ah tahay Luqada Ingiirisada.
Language | Approx. number of speakers |
1. Chinese | 1,197,000,000 |
2. Spanish | 414,000,000 |
3. English | 335,000,000 |
4. Hindi | 260,000,000 |
5. Arabic3 | 237,000,000 |
6. Portuguese | 203,000,000 |
7. Bengali | 193,000,000 |
8. Russian | 167,000,000 |
9. Japanese | 122,000,000 |
10. Javanese | 84,300,000 |
Read more: Most Popular Languages in the World by Number of Speakers http://www.infoplease.com/ipa/A0775272.html#ixzz3bMatscDc
Waxaa dadka cilmiga dheer u leh luqadaha ee loo yaqano luqadayahanada(Linguistic), waxay sheegeen in dunida markii ugu horeeysay ka jirtay hal Luqada, taas oo inta kale ka soo tariifmeen luqadaha kalle, hadaba luqada ayaa asalka ah ayaa muran ka jiraa yahay, balse waxaa u badantahay in ay tahay luqada Carabiga. Dadka markii hore hal luqad ayay lahayeen, waxa luqadaha abuurmeen markii dadku kala tagaan, tusaale ahaan: Dad meel wada dagaa oo hal af leh, ay kala guuraan, oo kala goodoomaya, marka mudo ka soo wareegto waxa abuurna luqado kale sababta waxa kala duwan cimilada iyo nolosha, luqada waxa ku saabsanahay nolosha dadka iyo deegaanka, waxyaabaha ku xeeran dadka sidda geedka, meel kasta oo ku yaal waa geed balse luqad kasta waxaa loo yaqaan wax gooni ah sidda luqada Ingiriisiga Tree. Luqada Faranjka Arbre, Luqada Arabiga شجرة , Luqada Isbaanishka árbol, Luqada Jaynaha 樹 Luqada Raashiyaanka дерево.
Siddaa darteeda, marka dadka tagaan deegaan cusub waxaa abuurma luqada cusub, ama waxaa isbadal wey ku dhacaa luqadii hore ilaa ay noqoto luqada kalle. Sidda ay luqaduhu isku xiran yihiin, waxaad ka dareemaysaa luqada Af-Somaliga hadii aan u fiirsato waxaa ku jira luqado kalle sida Af Carabiga, Af Ingiriisi, Af Talyaani, Af Hindi iyo luqado kalle. Sidaa si la mid ah luqada Carabiga, Ingiriisida iyo kuwa kaleba waxaa ku arkaysaa luqado kalle oo ku jira,
Waxaa keenayay isku xirantaanka ama is dhexgalka luqadaha ganacsi, iyo hayaanka nolosha aamniga ee isku xiran. Waxaa taasi keenay in ay luqadaha kalla awood bataan, isticmaalkooduna qaar bataan qaar ay yaraadaan. Wax ka badan 2,500 oo luqadooda ayaa waxaa qarka u saaran in ay tirmaan. Waxaa ku jirka luqadeena Af-Soomaaliga. Sababta ugu weyni waxay tahay iyadoo dadkii afafkaas lahaayeen aan daryeelin, oo u gudbintii jiilasha cusub iyo horumarin ku sameyn afkooga. Ilaalinta afka iyo kor u qaadida aqoonta afka waa muhiim. Ugu danbayntii waxaa Umadda Af-Somaliga ku hadash u soo jeedin lahaa in la ilaaliyo, daryeel buuxo la siiyo Af-Soomaaliga, cilmiga lagu qoro, loona sameeyo Xarunta Horumarinta Luuqada Af-Soomaaliga oo ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed.
Waxaan wada ogsoonahay dalkeena waxaa qabsaday bur-bur aad u weyn oo ay ka mid yihiin dagaalo sokeeyo iyo argagaxiso. Waxay dhibaatooyin badan naga soo gaartay dhinacwalbo oo ay ka mid tahay bur-burka dalka, taariikhdeena oo luntay oo maanta u baahan in dib loo raadiyo taariikhdii dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo waxaa sii lumay afkii hooyo oo maanta u baahan asigana in howl badan laga qabto. Waxaan hadalkeyga intaas kusii dari lahaa dhammaan bulsha weynta Soomaaliyeed qaasatan aqoonyaanada inay is garab qabsadaan oo ay u howl galaan siddii ay u bad-baadini lahaayeen luuqadooda hooyo oo qarka ka dhici rabto maanta.
Website: www.machadkaaj.com
Facebook LIKE: https://www.facebook.com/AfkaartaJoogtada
Twitter Account: https://twitter.com/MachadkaAJ
Instagram: machadka_aj
Google Plus: machadkaaj@gmail.com
Skype: machadkaaj.com
Professional Email: info@machadkaaj.com
Email: machadkaaj@gmail.com
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCiplQWQxqR5WEjMtmVh5BIw
Barashada Luuqadaha
Xiisaha loo qabo barashada luuqadda Turkiga ayaa hadda caan ka ah Soomaaliya
Wakaaladda Anadolu (AA) ayaa arrintan ka wareysatay Mustaf Maxamed Cabdikariin oo ah maamulaha machadka luuqadaha SomTurk ee caasimadda Muqdisho, kaasi oo bixinaya koorsooyin gaar ah oo luuqadda Turkiga ah oo markii hore loo sameeyay in lagu caawiyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga.

Xiisaha loo qabo barashada luuqadda Turkiga ee caalamka oo dhan ayaa sidoo kale ka muuqda Soomaaliya, maadaama Soomaaliya ay tahay dalka Afrika oo aad uga dhow yahay Turkiga.
Wakaaladda Anadolu (AA) ayaa arrintan ka wareysatay Mustaf Maxamed Cabdikariin oo ah maamulaha machadka luuqadaha SomTurk ee caasimadda Muqdisho, kaasi oo bixinaya koorsooyin gaar ah oo luuqadda Turkiga ah oo markii hore loo sameeyay in lagu caawiyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga.
Machadkan oo laga hirgaliyay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho arday wax ku soo baratay dalka Turkiga ayaa waxaa wax ka barta in ka badan 5-dufcadood oo arday ah oo baranaya luuqada Turkiga. “Ardaydeenu waxay u badan yihiin kuwa doonaya inay u safraan dalka Turkiga si ay wax uga bartaan jaamacadaha Turkiga, waxaan ka caawinnaa inay bartaan luuqadda ka hor inta aysan tagin, illaa hadda ardaydeenna si fiican ayay u bartaan,” ayuu yiri C/kariin. Waxa uu sheegay in ilaa 135 qof oo ay ku jiraan 65 gabdhood ay bishii la soo dhaafay isku diiwaan galiyeen in ay bartaan luuqada turkiga machadkiisa, isaga oo intaa ku daray in dhamaantood ay yihiin arday u hanqal taagaya in ay galaan jaamacadaha dalka Turkiga. “Qaar ka mid ah waa dad ganacsato ah, oo doonaya inay la xiriiraan dhiggooda Turkiga, qaarna waxay rabaan inay wax bartaan, maadaama luuqadda ay noqotay mid muhiim ah oo Soomaaliya caan ka ah,” ayuu yiri.
Tan iyo 2018, markii albaabada loo furay dugsiga, 300 oo qof ayaa dhammaystay koorasyada luuqadda Turkiga. “Qaar ka mid ah ardaydeenii qalinjabisay ayaa hadda halkan Muqdisho uga shaqeeya turjubaano maadaama ay Muqdisho ka howlgalaan shirkado badan oo Turki ah” ayuu yiri C/kariin. Waxa uu sheegay in ardayda gabdhaha ah ay si degdeg ah wax u bartaan, maadaama ay aad u dadaal badan yihiin, isla markaana ay u badan yihiin kuwa doonaya in ay koorsooyin ku saabsan caafimaadka ka qaataan dalka Turkiga.
Zahra Macalin Cabdirahman, oo 20 jir ah oo dhigata daawooyinka, ayaa wakaaladda AA u sheegtay inay doonayso inay la tartanto saaxiibkeed, oo si fiican u yaqaan luuqadda Turkiga.
C/kariin ayaa sheegay in inkastoo codsiyo badan oo uga yimid dadka doonaya inay bartaan luuqadda Turkiga, haddana uusan awoodin inuu shaqaaleysiiyo xafiis qalabaysan oo ballaaran oo dhaqaale la’aan ah. “Sida aad hadda aragtaan, waxaan haysanaa hal kombuyuutar iyo printer, waana ku faraxsanahay inaan haysanno, kama fikirin inaan cidna wax caawimaad ah weydiisano, laakiin waxaan aaminsanahay in dadka qaar ay aqoonsan doonaan shaqada wanaagsan ee aan halkan ka wadno. “Ma hayno baahiyo badan hadda laakiin waxaan jeclaan lahayn inaan ka codsano hay’adaha Turkiga inay na caawiyaan,” ayuu yiri.
Cumar Cabdi Jimcaale oo ah bare culuumta siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Muqdisho ayaa sheegay in barashada luuqadaha kala duwan ay wanaagsan tahay maadaama diintiisa Islaamku ay sidoo kale dhiirigelisay. Inkastoo aan la hayn tirokoob rasmi ah, haddana wuxuu ku andacoonayaa in ilaa 100,000 oo Soomaali ah ay ku wada xiriiri karaan luuqadda Turkiga, tiradana ay marba marka ka dambeysa sii kordhayso. Sababtu waxay tahay Turkiga oo martigelinaya tiro badan oo qurbo-joog ah oo Soomaaliyeed, ayuu yidhi. “Barashada luuqadda qalaad mar walba waa tallaabo wanaagsan, in la barto luuqadda waddan sida Turkiga oo kale ah oo xiriir dhow la leh Soomaaliya oo dhinac dhaqaale, siyaasadeed iyo mid ciidanba waa tallaabo aad u wanaagsan oo dhanka saxda ah loo qaaday,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in marka la eego is dhexgalka dhaqaale, waxbarasho iyo dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, ay aad u badan tahay in dalka laga furo dugsiyo badan oo lagu barto luuqadda Turkiga. Waxa uu sheegay in dugsiyadan sida gaarka ah loo leeyahay ee Soomaaliya ka jira ay sidoo kale sare u qaadi karaan is dhexgalka dhaqanka ee muwaadiniinta labada dal. “Haddii dhammaan arrimaha kale ay sii jiraan, waxaan aaminsanahay in luuqadda Turkiga ay noqon doonto luuqadda labaad ee loogu badan yahay dugsiyada, isagoo dhaafi doona luuqadda Carabiga, oo ah luqadda labaad ee dalka,” ayuu yidhi.
Xiriir gaaban waa la koobiyay.
Akhri
Qaababka Loo Baran karo Luuqado Cusub

Luuqad cusub ee barataa waxay wadataa faa’idadeeda. Luuqada cusub waxay kusiinnaysaa fahamka dhaqanka iyo taariiqda wadanka. Waxa kale ee u fududaanaya ruuxa markaas xiriirka iyo isdhaxgalka bulshada, taasoo leh faa’idooyin aan lasoo koobi Karin, sida shaqooyinka iyo waxbarashada. Luuqad waa furaha nolosha bini’aadamka, waxana lagu micneeya inay tahay nidaam isgaarsiineed oo bini’aadamka uu ku xiriiro, taas oo u kala baxda kuhadal iyo qoraal.
Luuqada waa furaha koobaad ee albaabada kuu furaya. Waxaad kamid noqonaysaa bulshada, islamarkaasna waxbaad la qabsanaysaa. Luuqad barashadeeda wey adagtahay, laakiin waxkasta waxay u baahantahay in waqti lageliyo, luuqad inaad barataa waxay u baahanthay inaad waqti iyo dadaal gelisid. Luuqada barashadeeda iskama imaanayso haddii aadan ku dadaalin barashadeeda.
Tusaale wadanka Norway luuqadiisu wey adagtahay. Maxaa yeelay luuqadaan waxay leedahay xarfo iyo shaqalo laga helaynin Afsoomaaliga. Tusaale, shaqaladaan luuqada Norwejiyaanka Æ, Ø iyo Å lagama helo luuqada Soomaalida. Sidaa darted dadka qaar wey ku adagtahay inay kala saaraan ku dhawaaqitaanka ereyada qaar.
Hadaba talooyinkaan hoos kuxusan sameey si aad u hormarisid aqoonta lUuqada aad baranaysid:
- Ku xirnaashaha iyo waqti laqaadashada dadka luuqada u dhashay. Inaad la sheekaysato dadka wadanka u dhashay ee aad waqti la qaadato waxay kuu fududayni in luuqada si fudud ku baratid. Intaad horfadhin lahayd kombuuter iyo inasd naxwaha saxdid, waxa dadka qaar ufudud inay dhexgalaan bulshada oo ay durbadiiba ku hadlaan luuqada. Isku day inaad luuqada kula sheekeysato asaxaabta iyo kuwa aad isla shaqaysaan.
- Barashada luqada maalin walba. Dadka qaar ayaa waxay dhahaan luuqadaan kuma fiicni waxbadana waan baranaayay. Xaqiiqdii waxa la ogaaday haddii maalin walba aad siido saacado barashada luuqada in bilooyin ama sanad iyo wax lamid ah kusoo koobi karaan barashada luuqadaas. Marka isku day inaad maalin kasto aad waqti siisid, isla markaasna ku celcelisid si maskaxda u qabato ereyada iyo qaabka luqada.
- Qaadashada buuga qaamuuska marwalba. Inaad haysataa buuga qaamuuska waxay kaa caawini, inaad durba aad fahanto ereyada kugu cusub iyo kuwii hore ee aad hilmaamtay. Marka waa muhiim inaad haysataan buuggaas, waana idinku dhiiri gelinayaa inaad marwalba haysataan. Waxa laga helaa maktabad walba asigoo bilaash ah muddo bil ah.
- Daawashada, dhagaysiga, aqrinta iyo qorista luuqada aad baranaysid. Waa inaad joogtaysid marwalba barashada luuqadaan cusub ee aad baranaysid, hadday tahay dhagaysiga, aqrinta iyo ku hadalkaba. Waxaad isku dayaysaa inaad daawatid TV-yada iyo filimaanta ku baxaya luuqada aad baranaysid. Waxa intaa sii dheer waa inad aqrisataa wargeysyada ugu yaraan hal maqaal maalintiiba, waxad ka heli ereyo badan ee kugu cusub. Isla markaasna waa inaad wax uun ka qortaa luuqada cusub ee aad baranayso.
Ugu dabaynii, macquul ma ahan inaad baratid luuqad adigoon qaldin. Laakiin waa inaad fahamtaa qaladka islamarkaasna aad saxdaa. Maxaa yeelay inad qaladaa luuqad cusub waa wax iska caadi ah, ruuxwalba ayaana sameeya. Dadka qaar wey ka cabsadaan inay ku hadlaan, iyaga oo ufahmaya inay qalad iyo ceeb tahay habka ku dhawaaqista. Marka ha cabsan ee ku hadal, maxaa yeelay waa lagu saxaa markaas ayaadna fahmee/baranee luaqada.
Barashada Luuqadaha
Barashada Luuqada Ingiriiska

Luuqada Ingiriiska waa luuqad caalami ah, ayna ku hadlaan wadamo badan oo dunidda dacaladeeda ah. Luuqadani waxay hodan ku tahay xagga ereyada, waxaana la sheegaa in ay maalin kastaa areyo cusub ku soo kordaan.
Haddaba waxaan jeclahay in aan wax ka taabto qaabka ugu fudud ee lagu baran karo luuqada Ingiriiska. Marka koowaad waa in aad la timaadaa niyad waayo waxaad niyid u hayn lagama yaabo in aad barato marka xiga waxaa lagaa doonayaa in aad Ingiriiska ka barato macalin ay wanaagsantahay ku dhawaaqida ereyada Ingiriiska tani aad bay muhiim u tahay waxa ugu adag luuqadani waa fahamka qofka adiga kugula hadlayo ama hadaad cadeecad ka dhageeysaneysid sidii aad ku fahmi lahayd.
Ka soo bilaaw luuqada heerka ugu hooseeya oo ah Alfabeetada, sii waqti ku filan aqriskeeda. Macalinka waxaa uu ardayga baraa boqolkiisa labaatan iyo shan halka ardayga laga doonayo in uu la yimaado boqolkiiba todobaatan iyo shan. Isticmaal afarta qaacido ee lagu barto luuqadaha kuwaasoo kalla ah.
Waa in aad adiga naftaada kula sheekeysataa luuqada Ingiriiska adigoo isku dayaayo in aad dhisto jumlado badan. Samee xifdis badan waa in aad qani ku ahaataa waxa loo yaqaan vocabulary (Ereyo badan oo cusub). Intaa ka dib waa in aad barataa 12ka qeybbood ee uu ka kooban yahay Garaamarka Ingiriiska kaddibna siddeeda qeybood ee Passive voice ka.
Intaa kadib waa in aad barataa qeybaha hadalka ee loo yaqaan (Parts of Speech) waxayna ka kooban yihiin 7 qeybood oo kala ah,
Noun (Magac), Pronoun (Magac u yaal), Adjectives (Sifa Sheege), Verb (Ficil), Adverbs (Ficil Kaabe) ,Preposition (Meeleeye) , conjunction (Xiriiriye) and interjection (Cajiib galiye).
Markii aad halkaan mareeyso waxa aad u baahan tahay waa in aad sameeyso dadaal badan oo ah xaga aqriska, soo gada qaamuus, kaas oo kaa caawin kara in aad ogaato micnaha ereyo badan. Aqri mar alaale markii aad aragto warqadaha ingiriiska ku qoran, hadii aad la kulanto eray aadan micnihiisa garaneynin waa in aad qaamuuska la aadaa. Mararka qaar isku day in aad kor ugu dhawaaqdo ereyada.
Ugu dambeeyntii waxaad u baahan tahay in aad sameeyso dhageeysi fara badan sidda cadeecadaha iyo talfishoonada BBC World Service, Aljazeera, CNN iyo Peace TV ee Af –Ingiriiska ku baxo.
Barashada Luuqadaha
Barashada Luuqada Ingariiska

Cashirkii Koowaad: Barashada Luuqada Ingariiska (English Learning Language)
Luuqada English-ka waxay ka kooban tahay 26 xarfood oo ka billawda xarafka (A,) kuna dhamaada xarafka (Z).
Alphabets (capital letters) (Iyagoo xarfaha waa weyn)
A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z
Small letters (xarfaha yar-yar)
a b c d e f g h I j k l m n o p q r s t u v w x y z
Xarfahaas waxaa loo qaybiyaa labbo nooc oo kalla ah shaqal iyo shibane. Shaqalka waxaa loo yaqanaa (vowels) iyo shibbanaha waxaa loo yaqanaa (consonants).
5ta shaqalka waxay kalla yihiin vowels: (a, e, i, o, u)
21-ka shibanaha waxay kalla yihiin consonants:(b, c, d, f, g, h, j, k, l, m, n, p, q, r, s, t, v, w, x, y, z)
Xaraf kaligiis macno ma sameeyo, laakiin markii xarfo badan la isku geeyo ama la isku daro waxay sameeyaan erayo (words) macno leh sidda:
(house, mother, father, car, Friday, apple, students, teacher, globalization, international, city, speak, talk, state government, Somali government, university, college, classroom, parliament, conference) Iwm
Erayo badan oo la isku geeyaana waxay noqdaan jumlad (sentences),
Jumlado badan oo la isku geeyana waxay noqdaan Tuduc (Paragraph),
Tuduc gaareysa 2 ilaa 7 weerood waxay noqdaan Curis (essay). Curisyo (essays) badan oo la isku darayna waxay noqdaan cutub (chapter).
Muuqaalkaan hoose ka tixraac qaabka aad ugu dhawaaqeyso erayada Ingariiska……….
La soco cashirka qeybtiisa labaad…………..
Halkaan iska diiwaan geli haddii aad doonayso barashada luuqada ingariiska………….
,
Barashada Luuqadaha
Hab-nololleedka Dalka Noorway (Norway)

Marka horre waxaa muhiimsan inaan barano waxa uu yahay wadanka aan baranayno luuqadiisa. Luuqada Noorwajiyaanka ma ahan luuqad siddaas u adag waadna barani kartaa. Laakiin marka horre waxaad u baahantahay inay kaa go antahay barashada luuqadaan cusub. Hadaba si aan waxwalbo u ogaano waxaa muhiimsan inaan wax ka ogaano hab nololleedka dalka Noorway.
Wadankaa waxaa la yiraahdaa:
- Noorway (Afsoomaali ahaan)
- Norway (English)
- Norge (Norsk) f.g: erayga Sk- waxaad ugu dhawaaqeysaa sidda SH- oo kalle.
Si kor loogu qaado fursadaha muhaajiriinta ku nool Noorway wuxuu Baarlamaanka wadanku gaaray sharci u ogolaanayo qaar ka mid ah muhaajiriinta inay ka qaybqaataan barnaamijka horudhaca (introduksjonsloven). Barnaamijka horudhacu wuxuu qofka siinayaa warbixin muhiim ah oo ku saabsan bulshada Noorway, waxaa barnaamijka ka mas`uul ah degmada aad ku noolshahay.
Barnaamijka horudhacu wuxuu kordhinayaa fursadda muhaajiriinta sidii ay ku helilahaayeen xirfad iyo siddii ay bulshada ay qeyb uga noqon lahaayeen.
Haajiriinta qaarkood xaq iyo waajib ku ah inay ka qaybqaataan barnaamijka horudhaca, laakiin haajiriinta oo dhan ma qusayso, waxayna ku xiran tahay hadba nooco ogolaanshaha ay haystaan.
Waa kuwaan kuwa xaqqa iyo waajibaadka ay ku tahay barnaamijka horudhaca:
- Dadka qaxootiga ah
- Dadka haysta ogolaanshaha bini`aadnimo
- Dadka loo keeno dadka kor ku xusan
- Qofka qaata ogolaansho deeq ah ka dib faraxumayn guurka /xaas
Waxayna ku xiran tahay in qofka barnaamijka horudhaca ka qeybqaadanayaa oo u baahanyahay aqoonta asaasiga.
Barashada Luuqadaha
Baro Luuqadaha kalla duwan

Kusoo dhawaaw Machadka Afkaarta Joogtada Ee Ganacsiga & Bulshada. Machadkaan waa machad marwalbo u tagaan siddii uu u soo saari lahaa afkaarta bulshada Geeska Afrika. Machadka AJ wuxuu kuu haayaa koorsooyin cusub oo aad ku barani karto luuqadaha kalla duwan sidda:
- Af-Soomaaliga (Somali)
- Ingariis (English)
- Carabi (Arabic) (العربية)
- Noorweejyaan (Norwegian) (Norsk)
Luuqadahaan oo dhan waa lacag la’aan wax sharuud ahna laguuguma xeraayo. Asigoo qoraal, cod iyo muuqaalba waxaad kalla soconi kartaa shabakada (website) machadka.
- Aragtida Indheergaradka2 months ago
‘Adigaba daraad ayaad Dowlad calan leh haystay, maantana halka aan joogo dalxiis kuma keenin’
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Naftii Hure – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta buugga Dabar iyo Hoggaan – Ka Adkaanshaha Nafta
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Ummadaha Jirraban – Faallo kooban
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Aabihii ruuxaaniga ahaa ee dagaalkii shahiidiyiinta xornimada Aljeeriya
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Murtida Dardaaran Haween – Faallo kooba
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Maxaad ka naqanaa taariikhda boqortooyada faca weyn ee Ajuuraan?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Aafooyinka Baraha Bulshada – Faallo kooban
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Gabaygii badda – Qeybtii 2aad
- Siyaasadda Soomaaliya2 months ago
Soomaaliya oo dhisanayso Hannaanka Dowladnimada Casriga ah
- Siyaasadda Soomaaliya1 month ago
IMF oo Soomaaliya u oggolaatay $100 milyan, laakiin waa sidee tayada la dagaalanka masuqmaasuq ee hoggaanka Xassan Sh. Maxamuud (4.5)?
- Afrika2 months ago
Safiirka Faransiiska oo ka tagaayo Niger – Reuters