Dhaqan, Af, iyo Taariikhda
Maahmaahdu Waa Hadal Murtiyeed

Maahmaahdu waa hadal murtiyeed, inta badan ka hadasha waayo aragnimo ama dhacdo qof soo martay kadibna ay ku reebto erayo xikmadaysan oo cabiraya dhacdadiisa saamaynta ku leh nolol maalmeedka bulsho waynta uu af ahaan iyo dhaqan ahaanba ka tirsan yahay. Soomaalidu waxay ku jirtaa dadka aad loogu tilmaamo inay leeyihiin luuqad hodan ah oo u suurto galisay inay reebi karaan oraahyo nuxur leh oo xambaarsan macna xeel-dheer, jirina karta inta ay jiraan dad isticmaala luuqadaa.
Maahmaahooyinka caan baxay waxaa ka mid ah maahmaah koobtay dhammaan Banii’aadamka da’diisa taasoo leh sidaan:
- Sodon jir sariirtiisa lama seexdo (Ileyn meel kasto uu jiro waa ka imaanayaa).
- 50 jir lalama gartamo ‘da’diisa weyn iyo khibrada oo u leeyahay garta ayuu kuugu dilaa’
- 60 jir iyo lex jeclo ‘da’daa markuu gaaro ayuu insaanka ugu wax jecelyahay duunyo iyo dadba’.
- 70 jir sariir lala ma wadaago ‘Ileyn ma seexanaayo xaago iyo qufac ayaadan ka joogi karine’. – by Amke boorama
Halkan waxaad kaga bogani kartaa maahmaahyada inta badan la isticmaalo manta:
- Aadme la aragyaaba, dhib la arag.
- Aan wada hadalno waa aan heshiinno.
- Aar qoyey dawaco la mood.
- Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
- Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
- Abeesada tan shanqarta iyo tan aamusan, tan aamusan baa la qaatay.
- Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.
- Abkeey doolli diloow, dad nool maas u dahaa.
- Aboorku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
- Abuur iyo waano, abuur baa horreysey.
- adeeg (wax u dirasho) diid biyahoo kaa laayaa
- Adduun i khatal.
- Adduunyo ka kabo li’id, aakhirana u salaad li’id.
- Ari been wuu didaa beense ma dhutiyo.
- Ari jiri ma kala abaal waydo.
- Ari jiri xil bay wadaagtaa.
- Ari magantii ma barriiyo.
- Ari shidho laga daayo.
- Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
- Adduun wey kii amoodeey ogaaw.
- Adduun xamar ka joog aakhirana janno
- Addin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
- Af aamusani marti ma sedo.
- Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
- Af aanad lahayn lama qabto.
- Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo’ ha kuu daaqdo.
- Af Daboolan Dahab .
- Af hadlaaba aamus.
- Af jabtay sideedii ma noqoto.
- Af jooga looma adeego.
- Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
- Af nooli waa hadlaa Eeyna waa ciyaa.
- Af waa kane, may lagi aami.
- Af wax cunay xishoo.
- Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
- Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.
- Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
- Af-ka nool abooto mudac.
- Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
- Afkii dab yiri ma guban.
- Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.
- Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog.
- Agoon nimaan wax u tarreyn ayaa madaxa u salaaxa.
- Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.
- Alla aamin ma iisho.
- Alle watow wehel uma baahna.
- Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
- Allow aqoon xumo hanagu cadaabin eexna hanooga tagin.
- Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe.
- Ama waa la muuqdaa ama waa la maqnaadaa.
- Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
- Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.
- aqoon la’aan waa iftiin la’aan
- aqool xumo irmaan guran weey ka daran tahay
- Arrad waa dan, uskagse waa doqonimo.
- Arrin aan sidii futo riyaad haddaan la feydin, ma fayoobaato.
- Atoorku intiisuu guun ku yahay.
- Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan.
- Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun.
- Awrba awrka ka horreeya ayuu saan qaadkiisa leeyahay.
- Ayax teg eedna reeb
- Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha.
- Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.
- Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado.
- Baqal fardo la miratay, fardihii bay is moodaa.
- Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa.
- bartii yaqaan bar uma kororto
- Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan.
- Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay.
- Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
- Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma geyso.
- Bisayl iyo ceeriin waxa u dhexeeya waa yac-yacood.
- Biyo ay horotooda dhooqo tahay, dabadooda maxaad mooday.
- Biyo gorore meel godan bay isugu tageen.
- Biyo meel godan bay isugu tagaan.
- biyo ninki keenay cabaayo meel ma gaaraan
- Biyo sacabbadaadaa looga dhergaa.
- Biyo socdaa biyo fadhiyeey kiciyaan.
- Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la’aan ah baa ka xun.
- Booraan hadimo ha qodin, hadaad qodidna ha dheereyn ku dhici doontaa mooyee.
- Buubaal biyaha korkiisa saaran buu ka didaa.
- Buur caws ah oo biyo ku agyaal baadi doonyoo biciidkuba waa.
- Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame.
- Cadawgaa looma taahee, tunka u adkay.
- Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa (loo kalaqadaa).
- Carrab iyo ilkaa cid isugu dhaw iyana weeys qaniinaan’.
- Carrab lo’aad caws looma tilmaamo.
- Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh.
- Ceeb looma dhinto, caro lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo.
- Ceebtaada oo ay kow ogtahay, kun looma sheego.
- Ceesaan ninkii weydiinteeda kugu dhibaa wadisteedaa lagu dhibaa.
- Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kula talisase wax yar.
- Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan.
- Cimrigaaga dheeraaday, Geel dhalaayaas ku tusaa.
- Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa.
- Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan.
- Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta.
- Dal aqoon la’aan waa la habaabaa, dad aqoon la’aana waa la qadaa.
- Dameeraha Adari ninkii ooda ka rogaa aroorsha.
- Dameeri isku halayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
- Dani waa seeto.
- Dantaada derin karkareysana waa loogu seexdaa.
- Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo.
- Dantaada maqaar eybaa loogu seexdaa.
- Dantii mooge maro duug horteeduu dhamaadaa.
- Dantu ceeba ma lahee dadka uun baysku nacaqya.
- Daanyeer haddiis Geed ka Soo dhici waayo laaziman laan (geed) Aas heestaa
- Deriskii dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa.
- dhar aadan laheeyn dhaxan kaama celiyo
- Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa.
- Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer.
- Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid.
- dheel dheel ilmo laguma dhalo ee dharkaa loo dhigtaa
- Dheerow iyo gaabow ayaa jiree, dhuubow ma jaro.
- Dheriga karkaa waxaa ka keena, kulayl waaye.
- Dhidar xabaallo qoda, qudhun buu uga dhacaa.
- Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa.
- Doofaarka ficil la’aan baa loo cadaabaa.
- Digaagad hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma Dhaafeeyso.
- Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa.
- Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga.
- Doqontu xeerna ma hooyso, xoolana ma hooyso.
- Duqon hadii korkiisa qoyo dadka dhan inoo qoyay mood
- Duqsi caanuhuu ku dabaal bartaa, fuud kuuse ku gubtaa.
- Duqsi dantiisuu qudhunka ugu jiraa.
- duke nasiiboo ganuun cano ku helo waa leeyahay nasiib uu ku cabo maleh
- Dukulush(dabagaale) timir gaari waayey , qaraar waaye uu dhahaa.
- Dumar been waa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa.
- Eray nimaan dhaafin oday ma dhalin.
- Ey is cunaysaa waraabe iskama celiso.
- Eyddin geel kolba waa ninkii ku danbeeya.
- Ey laf diiday waa bukaa.
- Faanoole fari kama qodna.
- Fallaadhi gilgilasho kaagama go’do.
- Fallaartii cirka loo ganay cid kastoy filo.
- Far bugtaa, Faraha kale ka dheer.
- Far keliya Fool ma dhaqdo.
- Faras aanad lahayni, futadaaduu wax yeelaa.
- Farsamo xumo, futada cankeeday ku goysaa.
- Faruurow maxaa berbera ku geeyey? faduul, Faduushii ku keentay hakaa saarto.
- Gacantaadu hadday dhudhub gasho, lagama dhuftee waa laga dhirindhiriyaa.
- Gacantii aadan goyn karin, waa la shumiyaa?
- Gadal gadaal geed looma koro.
- Geel-jire isagooy ushu u go’antahay ayuu xaggeen ka goostaa ku yidhaa.
- Geel soddon qaday, saddex cisho kuma dari waayo.
- Geeli waa geel, wixii gooyaana waa geel.
- Geeljire, geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa.
- Geelow geed walba daaqdaye, markaad Ciin daaqdaa laguu yaabaa.
- geeridi galbeed laga sheego gundahaaga ka eeg
- Gar iyo geeso lo’aad kulaylkaa lagu gooyaa.
- gar jilcan geeriyaa hoostaalo
- God hadimo ha qodin, haddaad qodidna ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogid.
- goos dhargay mashaariyo ma karo
- Gudineey ima goyseen, haddaan badhkay kugu jirin.
- Gudini geed ma goyseen, haddaan geed kale ku goyn.
- Gurbaan( durbaan ) Garabkaaga ha kuugu jiro ama gacalkaa hakuu hayo.
- habar fadhido lagdan la fudud
- Hadal intuu uurkaga ku jiruu ammaano yahay.
- Hadal iyo hablaba duco la’aan bay tarmaan.
- Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wad tegin.
- Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday.
- Hadal waa mergi hadba meel u jiidma.
- Hadal yar iyo hawl badan.
- Haddaad hungurootto waa la hadlaa, hab baa la dhisaa wax lagu helo.
- Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacageey dhalaan.
- Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays sheegaa.
- Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo.
- Hal libaax arkaysaa ma godlato.
- Hangaraarac lug uma dhutiyo.
- Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma leh.
- Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma hodmo.
- Hubsiimo hal baa la siistaa.
- Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa.
- Hunguri weyni kuunto ( Dabo ) weyni baa laga qaadaa.
- Hunguri weyni, Malaay(kalluun)Saab ugu dhacay.
- Hunnu hunnu hadal ma´aha, himbiriirsi arag ma aha.
- Hadal intuu Afkaaga ku jiruu Amaanadaada yahay.
- Illeyn doqoni qiiq kama kacdee daamankey meer meerisaa.
- ilmo gaadmo lagu dhalay iyo reer gaadmo ku nool isma gaadi karaan
- Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana hufkiyo haadiskay barataa.
- Inta Jiillaal loo adkaysto, jir ( dayday ,mooryaan ) looma adkeysto.
- Ishaaduna waa kula fil, dhegtaaduna way kaa weyntahay.
- Ishiisa laga gartaa, Ushiisa lagu tumaa.
- Kaadi badane waa loo gogol badiyaa.
- Kab xume ma hadho ee kabe laawaa hadha.
- Kaftan iyo kaadi baa laysku cadaaba.
- Kibir waa lagu kufaa.
- kor waayeel waa wada indho
- Kuftin jillib iyo habaar waalid midina sahal kuma hadho.
- La jiifiyaana bannaan, La joojiyaana bannaan.
- Laba layskuma daro: bidaar iyo timo, baryo iyo ad-adayg.
- Labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa.
- laf dhuux leh iyo dhagax leeysku helo
- Laxi shilalkay is dhigtaa lagu qalaa.
- Libaax intay bulbushu ku taal, bahal ma cuno.
- Libaax lab god lagama kiciyo.
- Libaax nimaan aqoonbaa lax ka rita.
- Lixdan jir laguma helo qiimigaad laba jirkaa wayday.
- Lugtii jeeni dhaaftaa way jabtaa.
- Luuq luuq marow laasim laamigaas kusoo dhacaa.
- Ma taagtaa baad guurtaa, mise taako-taako.
- Maalinkii intay ishaada gaadhaa la hadlaa, habeenkiina inta gacantaada gaadho.
- Madax muuqda iyo mindi saawira midna lagama samro.
- Mar i dage alla ha dago, mar labaadse anays dagay.
- Maroodi meeshoo ka guuraayo waa geeda gooyaa
- Madax meel ka sarraysa oo la taabtaa ma jirto.
- Mas iyo digaagad daris ma naqon karaan.
- Meelaad madaxeeda tahay, manjo lama noqdo.
- Meeshaad ku qubaysataa lagu qalalsadaa.
- Midho geed saaran, kuwo guntiga ku jira looma qubo ( looma daadsho ).
- Minjo dhooqo leh, marba mid baa la siibaa ama la’qadaa.
- minankeeyga iiga bax iyo madaxeeyda isii meel loo dhaafo maleh
- Mira daray duuduubkaa lagu liqaa.
- misbaax minankaada u baahan yahay minan dadoow lama geeyo
- Mukulaal( bisad )minankeedii joogtaa miciya aar bay leedahay.
- Mulac, dilistiis isaga waw qudh gooyo, carruurtana waw ciyaar.
- naag nin ay taqaano nin ma mooddo
- Naag godan dhalatay ama gaajo la godnayd ama cudur.
- Naag kun baa koodisa ,kow baana guursada.
- Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan.
- Naago nimaan maddaxooda maja u rogin nin ma moodaan.
- Naago wax laga bixiyey laguma dhaqo oo wax loo hayaa lagu dhaqaa.
- naagti ninkeeda diido nin kale ay hoosta ki wadaa
- Naar hooba galaaso bartaa ey la aragneey, tiimbooy (Naar si fiican baa loo galaa, haddii kale banaankaa laga joogaa).
- Nimaad dhashay kuma dhalin.
- Nimaad fadhiga kaga adagtahay looma sara kaco.
- Nimaad kabahiisa tolayso, baa kafantaada tolaya.
- Nimaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eegaa.
- Nimaan dhididin ma dhergo .
- Nimaan dhul marin dhaayo la’.
- Nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin.
- Nimaan shaqeysan shaah waa ka xaaraan.
- Nimay meeli buktaa isagay balbashaa.
- nimaan waxa soo socdo garan waxa joogo ma garto
- Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga jaraya.
- Nin aan hadlin habartiisba qadisay.
- Nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma qabato.
- nin hal il qabo indho la aan kaaga dhaw nin hal naag qabana naag la aan kaaga dhaw
- nin walbo intoo cuno ayuu ciidamiyaa
- ninaa taqaano yaa tahay lama dhaho
- nina shaarkaa ku yaraaday nina shaahoo shuban waayey
- ninkii dhoof ki yimidbeey geeridu dhibaysaa
- nin ku siray wax kuu sheeg
- Nin daad qaaday xunbo cuskey.
- Nin dameero rartaa dad la talo ma aha.
- Nin dhintay kabihiisaa dhaama.
- Nin durbaan tuntay ilaaq dalbay.
- Nin duulay dantii kaa og.
- Nin Illaahay ka dambeeya kabtii ma yeela.
- Nin iyo naag is qaba colna ma nabadna ma aha.
- Nin jiifa lama legdo.
- Nin Jiirow (magac) walaalkii yahay, joog-joog ifka ah iyo jiif-jiif aakhiro midna looma soo rogin.
- ninkaa tiisa ugu bogto ayaa tu kale loogu daraa
- Nin keligii garramay, iyo nin dhul gannay midna ma gefo.
- Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og.
- Nin maalin ma gaadhid, nina sanad ma gaadhid, nina weligaaba ma gaadhid.
- Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday.
- ninkii soo joog laga waayo soo jiifaa laga helaa
- Nin wax yaqaan daaqsin geel baa wax loo mariyaa, ninaan wax aqoonna qaanso qurqurkeed.
- Nin wayn tag lama yidhaahe wuxuu ku tagaa la tusaa.
- Nin weyni wedkii waa yaqaan.
- Nin Xamar jooga oon baabuur lahayn waa nin Nugaal jooga oon hal lahayn.
- nin shantaada kaa reebin sharci kaama reebo
- Nin xil qaaday eed qaad.
- Ninkaad adhi weydiisanayso, geel weydii.
- Ninkii belaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa.
- Ninkii dhimanayaa dheg baa dheer.
- Ninkii geed fuulay ( geed koray) asigi lee kasoo degi.
- ninkii hal ka maqan tahay haanoo gacanta galiyaa
- Ninkii talin jiray hadduu tago, midaan talin jirin baa yimaada.
- Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara.
- Ninkii uurka dabana Illaah baa arka, ninkii isha dabana Aadmibaa arka.
- Ninna caadil ma baajo, bahalna ceedhin ma daayo.
- Qooq ma jabee ninkiisaa jabo.
- Qufac iyo uur midna ma qarsoomo… ama Qufac iyo jaceyl midna ma qarsoomo.
- Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga.
- Qalbigu laba ruux mawada qaado.
- Qawl nin weyn kadhacay waa qofol geed kadhacdey.
- Qof nool oo ku hor taagan lagama quusto.
- Qof walba qumanihiisa ayaa qoorta ugu jira.
- Qof waliba wuxuu dhigtuu dheeftaa.
- Qosol badani qoonsimaad noqoy.
- Qosol aan la isla qabin waa qaraaba goys.
- Qufac iyo uur midna maqarsoomo.
- Qunyar socde qodaxi mamudo.
- Quud aan jirin qoryo looma gurto
- Rag saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan.
- Raad arooryo dib looma raaco.
- Rag la’aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha.
- Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi.
- Rag waa shaah dumarna waa sheeko.
- Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.
- Runi rag kama nixiso.
- run iyo ilkaba waa la cadeeyaa
- Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lex jeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin.
- Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe.
- Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.
- Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe.
- Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis.
- Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi’iye.
- Samraa, sammo hela, ama Samraa sed helo.
- Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu(daaqaduu) ka baxaa.
- shimbirki duulduul badan madax shabeel ayuu ku dagaa
- Shir naagood oo shan dhaafay waa shar.
- Sir naagood lagama sal gaar.o
- Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa
- talo adigaa ku noole iyada kuguma noola
- tiisa daryeelaa tu kale ku daro
- timirtii hore ayaaba dab loo waayey
- Tolkaa maw talisay, mase tuugtay.
- Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xog weynaado.
- Tuug la qabtay talo ma laha.
- Ul jiiftaa ma jabto.
- Umili ilawshiinyo dhaw.
- Usha intay qoyan tahay ayaa la toosiyaa.
- Ushaada nin aad ka qaadi kartaa loo dhiibtaa.
- Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho.
- Waa baahan tahay bakhtiga looma cuno.
- Waari mayside war hakaa haro.
- Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa.
- Wadar iyo waaxid yaa waalan ( marba kii qaldan! ).
- Wadiiqada yari wadiiqada weyn bay kugu ridaa.
- Wan weyn illaa la gowraco indhihiisu cirka ma arkaan.
- Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa.
- Waraabe ulna lala gaari waa, orodna wax lagaga dhibi waa.
- Wax aad baratay waa baaskaa.
- Wax garad wax looma sheego.
- Wax la qarshaa ama qurma ama qubte.
- Wax rag kaa galay rako kaa gal.
- Waxaan calaf ahayna lama cuno.
- waxaan ku hureeyn horayaa loo qabtaa
- Wax aanad filaneyn iyo fallaari waa kaa fuc siiyaan ( fajaciyaan).
- Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa.
- Wixii lagu faqaa faruuruhuu yimaadaa.
- Xargo geel ma wada xiraan.?? Xadhko geel ma wada xidhaan.
- Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan.
- Xarago dumar xanuun ma leh.
- Xiiso iyo xoorba way dhacaan.
- Xog mooge xaajo waa dilaa
- Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa.
- Xoolo quureed waa la qaataa, soor quureedse lama qaato.
- Xoorkii laga dhamay xagaagii hore iyo xusuus baa geel lagu xer geeyaa.
- Xornimo adaa ku noole,iyada kuguma noola.
- ri wii qufacdaa laakiin ma xaakooto
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda
Waa maxay sababta luqadda Faransiiska ay u tahay luqadda inta badan looga hadlo Afrika?
Mala socotaa ku dhawaad kala bar dadka ku hadla Faransiiska ay deggan yihiin Afrika?

Faransiiska waxaa looga hadlaa dalal badan oo Afrikaan ah oo ka dhashay gumeysiga. Jabuuti ayaa kamid ah dalalka illaa iyo hadda sida tooska ah kamidka ah luqadaha goobaha waxbarashada ay kamid yihiin, suukha shaqooyinkana kaalinta koowaadna kaga jira.
Faransiiska iyo Beljimku waxay lumiyeen gacan ku haynta dalalkii ay Afrika gumaysan jireen sannadihii 1950kii iyo 60aadkii, laakiin Faransiiska ayaa weli lagaga hadlaa ugu yaraan 29 waddan oo Afrikaan ah , 167 milyan oo qof oo Afrika ku nool ayaa ku hadla Faransiiska, oo ah qiyaastii 51% dadka ku hadla afka Faransiiska ee adduunka.
Waxaa xusid mudan in inta badan luqadaha rasmiga ah ee heer qaran ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ay u janjeeraan inay noqdaan afafka gumeysiga sida Faransiiska, Boortaqiiska, ama Ingiriisiga.
Luqadda Faransiiska ayaa kaalinta 7-aad ka galay afafka loogu hadal-haynta badan yahay caalamka, waxaana jira malaayiin Afrikaan ah oo maalin walba ku hadla. Saddex boqol oo milyan oo qof ayaa hadda ku hadla Faransiiska shanta qaaradood ee adduunka.
Iyada oo ku dhawaad kala badh dhammaan dadka ku hadla Faransiiska ay deggan yihiin Afrika, luqadda Faransiisku waa mid ka mid ah luqadaha ugu kobaca badan adduunka. Iyadoo weli si xooggan loola xiriirinayo Faransiiska -meesha uu ka yimid – inta badan dadka ku hadla Faransiiska waxay ku nool yihiin waddamo kale.
Faransiiska ayaa kaalinta labaad kaga jira Ingiriisiga oo ah luqadda rasmiga ah ee loogu isticmaalka badan yahay. Faransiisku sidoo kale waa luqadda nidaamka Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, luqadda keliya ee lagu isticmaalo doodaha Maxkamadda Midowga Yurub, iyo mid ka mid ah luqadaha shaqada ee Qaramada Midoobay ee la aqoonsan yahay.
Iyaga oo raacaya Ingiriisi, luqadda Mandarinka ee Shiinaha, Hindi, Isbaanish, Carabi, iyo Bengali, Faransiisku waxa uu noqday luqadda toddobaad ee ugu ballaadhan adduunka. Ilaa 300 milyan oo qof oo ku hadla afkaan ayaa jira, oo ay ku jiraan kuwa ku hadla qayb ahaan iyo kuwa ku hadla lahjado faransiis ah oo badan iyo crioles.
Taariikhda Faransiiska oo Kooban ee Afrika
Afrika waxay leedahay dadka ugu badan ee ku hadla Faransiiska marka la barbardhigo qaaradaha kale ee dunida. Luqada Faransiiska waxay ku fiday Afrika wakhtigii ay gumaysan jirtay waxayna kamid noqotay manaahijta iskuulada iyo xittaa fursadaha suuqa shaqada ayay kamid noqotay.
Luqadda Faransiiska waxaa qaaradda Afrika lagu soo geliyay qaab gumeysi ah illaa ay ku faaftay manaahijta waxbarashada, waxaana ilaa iyo hadda looga hadlaa ugu yaraan 29 waddan oo Afrikaan ah. Luuqadda Faransiiska waxaa ku hadla dad lagu qiyaaso 167 milyan oo qof oo Afrika ku nool sannadka 2023. Waa 51% dadka ku hadla afka Faransiiska ee adduunka kunool. (inta badan sida luqadda labaad).
In kasta oo ay ugu horrayn tahay luqadda labaad ee inta badan dunida ay ku hadasha, waxa ay dhaaftay luqadaha maxalliga ah meelaha qaar, sida Abidjan ee Ivory Coast. Qiyaasta ayaa sheegaysa in 2050 ay jiri doonaan 700 milyan oo qof oo af Faransiis ku hadli doona, iyadoo Afrika ay noqon doonto boqolkiiba 80! Waddamada leh luqado badan oo maxalli ah, sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Faransiisku waa lingua franca – luqad ay adeegsadaan dadka aan ku hadlin afkooda hooyo. Waxa kale oo loo isticmaalaa sidii luqadda maamulka iyo dugsiyada waxbarashada.
Wadamada ku hadla Faransiiska ee Afrika
11 waddan oo Afrikaan ah ayaa afka Faransiisku u yahay luqadda rasmiga ah (iyo luqadda labaad ee rasmiga ah tobanka kale).
Guinea
Waa dal leh macdan badan, dalkan oo ay ku nool yihiin 10.5 milyan oo qof oo ku nool galbeedka Afrika waxa uu noqon karaa mid ka mid ah kuwa ugu qanisan Afrika. Faransiiska waa luqadda rasmiga ah, laakiin Susu, Fulani, iyo Mandingo ayaa sidoo kale loogu hadlaa.
Benin
Mid ka mid ah dalalka ugu xasilloon dimuqraadiyadda Afrika, Benin luqadda rasmiga ah waa Faransiis. Dadka Benin waxay sidoo kale ku hadlaan Fon, Ge, Bariba, Yoruba, iyo Dendi.
Burkina Faso
Iyadoo in ka badan 18.6 milyan oo qof ay ku nool yihiin, Burkina Faso waa dalka ugu saboolsan Afrika. Sidoo kale, oo ku yaal galbeedka Afrika, Faransiisku waa luqadda rasmiga ah, laakiin luqadaha kale ee asalka ah ayaa sidoo kale lagu hadlaa.
Kaameroon
Waxaa loo yaqaanaa “Africa in miniature,” dalkan ku yaal bartamaha Afrika wuxuu leeyahay mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee akhris iyo qoris ee qaaradda. Luqadaha rasmiga ah waa Faransiis iyo Ingiriis, kuwaas oo in ka badan 200 oo kooxo afaf ahna ay ku hadlaan. Waxay sidoo kale ku hadlaan luqadaha Bantu, Semi-Bantu, iyo luqadaha Suudaan.
Jamhuuriyadda Koongo
Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Koongo waa Faransiis. Dalkani waa dalka ugu badan ee soo saara saliidda ee ka hooseeya saxaraha Afrika.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo waa waddan ku hadla luqado badan oo lagu qiyaaso 242 luqadood. Ethnologue oo ah ilo soo gudbisa tirakoob iyo macluumaad kale oo ku saabsan luqadaha adduunka ayaa wuxuu taxayaa 215 luqadood oo nool. Dalkaan Koongo luqadda rasmiga ah, tan iyo xilligii gumeysiga waa Faransiis. Afar luqadood oo kale, oo saddex ka mid ah ay ku saleysan yihiin Bantu, ayaa leh heerka luqadda qaranka: Kikongo, Lingala, Swahili iyo Tshiluba.
51% wadarta dadweynaha waxay ku hadlaan Faransiis 74% waxay Faransiis u isticmaalayaan luqad ahaan sida rasmiga ah. Markii waddanku gumaysan jiray Belgian, waxa uu hore u hirgeliyay waxbarashada iyo adeegsiga afarta luuqadood ee waddaniga ah ee dugsiyada hoose, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah waddammada Afrika ee tirada yar ee aqoonta u leh luqadaha maxalliga ah xilligii gumeysiga Yurub. Faransiiska ayaa weli ah luqadda rasmiga ah ee dowladda Congo waxaana ku hadla kala bar dadka.
Ivory Coast
Dalka Ivory Coast oo ku yaalla galbeedka Afrika, ayaa ah waddanka ugu badan ee loo dhoofiyo digirta kookaha, iyadoo Faransiisku yahay luuqadda rasmiga ah.
Madagascar
Ka baxsan xeebaha bari ee Afrika, oo caan ku ah nolosha dhirta iyo xayawaanka, Madagascar waxay hoy u tahay 25 milyan oo qof iyo jasiiradda afaraad ee adduunka ugu weyn! Malagasy iyo Faransiis waa luqadaha rasmiga ah.
Wadamada kale ee Faransiiska looga hadlo ee Afrika waxaa kamid ah:
Burundi, Komoros, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Jamhuuriyadda Jabuuti, Gabon, Equatorial Guinea, Mali, Niger, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Rwanda, Senegal, Seychelles, Tchad, Togo.
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda
Waa kumaa Henry Kissinger, diblomaasigii qaabeeyey siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka?
Diblomaasi Henry Kissinger ayaa lagu xasuusan doonaa taariikhdii uu ka tagay ee muranka badan dhalisay, waxaana ka mid ah kaalintii uu ku lahaa xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil, go’doominta Falastiiniyiinta iyo taageeridda maamullada kali-taliska ah ee Bariga Dhexe.

Xoghayihi hore ee arrimaha dibadda Mareyknaka Henry Kissinger, oo ahaa diblomaasi calaamad aanan la tiri karin kaga tagay siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka isla markaana mar ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, ayaa geeriyooday isaga oo ay da’diisu aheyd 100 sano jir.
Henry Alfred Kissinger wuxuu dhashay Meey 27, 1923 wuxuuna geeriyooday Noofembar 29, 2023. Henry Kissinger, ayaa ku go’ay hoygiisa oo ku yaalla gobolka Connecticut ee dalkan Maryekanka, sida ay warbaahinta u xaqiijisay Xaruntiisa Latalinta Arrimaha Siyaasadda ee Kissinger Associates.
Wuxuu ahaa siyaasi Mareykan ah, diblomaasi, saynisyahan siyaasadeed, iyo lataliye juquraafiyeed oo u soo shaqeeyay xoghayaha gobolka iyo lataliyaha amniga qaranka Mareykanka ee hoos yimaada maamulada madaxweynayaasha Richard Nixon iyo Gerald Ford.
Henry Alfred Kissinger waxa uu ahaa qaxoonti Yuhuudi ah oo isaga iyo qoyskiisaba waxay ka soo qaxeen Naasigii Jarmalka sannadkii 1938-kii. Maraykanka, waxa uu heer sare ka gaadhay tacliintiisa, waxaanu ka qalin-jabiyay Summa cum laude Harvard College 1950kii. Wuxuu qaatay Master of Arts iyo Doctor of Philosophy ee Jaamacadda Harvard 1951 iyo 1954, siday u kala horreeyaan.
Tan iyo marki uu ka baxay siyaasadda, wuxuu wali door ka ciyaarayay arrimaha siyaasadda iyo bulshada Mareykanka. Wuxuu ka qeybgali jiray kulamada Aqalka Cad, bandhigyada buugaagta iyo isaga oo sidoo kale hortagi jiray guddiyada Sanatka oo uu kala hadli jiray khatarta hubka niyukleerka.
Henry Kissinger waxa uu door muuqda ka ciyaaray siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka intii u dhaxaysay 1969 iyo 1977, isaga oo hormuud ka ahaa siyaasaddii détente ee Midowga Soofiyeeti, isaga oo abaabulayay in xidhiidh toos ah lala yeesho Shiinaha, isaga oo ku hawlanaa waxa loo yaqaano diblomaasiyadda shuttle ee Bariga Dhexe si loo soo afjaro dagaalkii Yom Kippur, iyo gorgortanka Heshiiskii Nabadda ee Paris, kaasoo soo afjaray ku lug lahaanshiyaha Mareykanka ee Dagaalkii Vietnam. Ka dib markii uu ka tagay shaqada dawladda Mareykanka, waxa uu aasaasay shirkad Kissinger Associates, oo ah shirkad la-talin-siyaasadeed oo caalami ah. Henry Kissinger wuxuu qoray in ka badan dersin buuggaag oo ku saabsan taariikhda diblomaasiyadeed iyo xiriirka caalamiga ah.
Dhaxalka Henry Kissinger waa mawduuc soo jiidanaya siyaasadda Maraykanka. Waxaa si weyn loogu tixgeliyey aqoonyahannada inuu yahay Xoghaye Wax-ku-ool ah, waxaana lagu dhaleeceeyay inuu indhaha ka qarsado dambiyada dagaal ee ay gaysteen xulafada Mareykanka sababtoo ah taageeradiisa habka waaqiciga ah oo ku aaddan siyaasadda loo yaqaano Realpolitik. (Realpolitik waa hab-siyaasadeed ku salaysan arrimo la taaban karo iyo kuwo maaddi ah. Mabda’animadu ‘Realpolitik’ waa nidaam siyaasadeed oo mudnaanta siiya qiyamka iyo caqiidada gudaha ee waddan leeyahay, sida dhimista faqriga, difaacidda xuquuqul insaanka, ama horumarinta xorriyadda, kuna dadaalaysa in ay ka turjunto qiyamkaas siyaasadda arrimaha dibadda…Xigasho Jaamacadda Ramaas.. sharaxaadda oo dhammeystiran)
Henry A. Kissinger, oo ahaa aqoonyahankii dibloomaasiga isu rogay ee farsameeyay in wadahadal dhexmaro Maraykanka iyo Shiinaha, wuxuu ka xaajooday ka bixitaanka Mareykanka ee Vietnam, wuxuuna adeegsaday dhagar, hammi diblomaasiyaddeed iyo caqli uu dib ugu soo celinayo xiriirkii awoodda Mareykanka ee Midowgii Soofiyeeti markii uu socday dagaalkii qaboobaa, oo mararka qaarkood ku tumanayay qiyamka dimuqraadiga ah si uu sidaas u sameeyo, ayuu yiri David E. Sanger oo jariidada New York u xilsaaran inuu kasoo waramo Aqalka Cad iyo amniga qaranka Mareykanka. Wuxuu waraysi la yeeshay Henry Kissinger marar badan, wuxuuna u safray Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe si uu Henry Kissinger wax badan ugu qoro.
Henry Kissinger waxaa loo tixgeliyey inuu ahaa xoghayihii ugu awoodda badnaa dagaalkii labaad ee adduunka ka dib, sida uu Mareykanka ku faano ‘waa nin aan xaqiiqada ka fogayn oo dib u habeeyey diblomaasiyadda si ay uga turjunto danaha Maraykanka laakiin taa beddelkeed waxaa lagu dhaleeceeyaa inuu ka tegay qiyamka Maraykanka, gaar ahaan saaxadda xuquuqul insaanka iwm.
Wuxuu lataliye u ahaa illaa 12 madaxweyne ee Mareykanka soo maray – laga soo bilaabo John F. Kennedy ilaa Joseph R. Biden Jr. Wuxuu ahaa aqoonyahan si qoto-dheer u fahamsannaa taariikhda diblomaasiyadda Mareykanka. Wuxuuna geeriyooday xilli xasaasi ah oo taariikhda iyo diblomaasiyadda Maraykanka ah ay marayso meel adag; dagaalka Ukrayn, taageerada Mareykanka ee kala go’a lahayn ee Israa’iil ee xasuuqa shacabka reer Falastiin.
Waxa uu ku biiray Aqalka Cad ee Nixon bishii Janaayo 1969 isaga oo ah la taliyaha amniga qaranka, ka dib markii loo magacaabay xoghayaha dawladda 1973-kii, waxa uu haayay labada jago markii madaxweyne Nixon iscasilay, illaa Madaxweyne Gerald R. Ford.

Henry Kissinger waxa uu kula kulmay Madaxweyne Richard M. Nixon magaalada New York bishii Nofeeember 1972 ka dib markii uu Henry Kissinger ka soo laabtay wadaxaajoodkii uu Paris kula yeeshay gorgortankii Waqooyiga Vietnam, Le Duc Tho, xilligii dagaalkii Vietnam. Sawirka..Associated Press
Wada xaajoodyadii qarsoodiga ahaa ee Henry Kissinger uu la yeeshay Shiinaha oo loo yaqaannay Shiinaha Cas ayaa horseeday in madaxweyne Nixon uu ku guuleysto siyaasadda arrimaha dibadda ee ugu caansaneed. Iyadoo loogu talo galay in ay noqoto tallaabo dagaal qabow oo go’doomin ah oo lagu go’doominayo Midowgii Soofiyeeti, waxayna jeexday dariiq loo maro xiriirka ugu qallafsan ee caalamka, kaas oo u dhexeeyay Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti oo si joogto ah isku khilaafsanaa markii uu soo baxay dagaalkii qaboobaa ee markaas cusbaa.
Muddo tobanaan sano ah waxa uu ahaa codka ugu muhiimsan ee Mareykanka ee maaraynta kor u kaca Shiinaha, iyo caqabadaha dhaqaale, milatari iyo teknoolojiyada ee uu keenay. Wuxuu ahaa Mareykanka kaliya ee la macaamilay hoggaamiye kasta oo Shiinaha ah min Mao ilaa Xi Jinping. Bishii Luulyo, isagoo 100 jir ah, wuxuu la kulmay Xi iyo madax kale oo Shiinees ah oo ku sugan Beijing, halkaas oo uu ula dhaqmayay sidii booqashadii boqortooyada xitaa iyadoo xiriirka Washington uu noqday mid iska soo horjeeda.
Waxa uu u soo jiiday Midowga Soofiyeeti wada hadal loo yaqaan détente, kaas oo horseeday heshiisyadii ugu horreeyay ee lagu xakameynayo hubka nukliyeerka ee u dhexeeya labada waddan. Diblomaasiyaddiisii basaasnimo, waxa uu Moscow ka saaray mawqifkii ay ku lahayd awoodda weyn ee Bariga Dhexe, laakiin waxa uu ku guuldarraystay in uu nabad ballaadhan ka sameeyo gobolkaas.
Qaabaynta taageerada Mareykanka ee Israa’iil
Henry Kissinger waxa uu door muhiim ah ka qaatay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil, taas oo ku khasabtay siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka in ay u janjeerto dhinaca dawladda Sahyuuniyadda. Maraykanku waxa uu xulafo weyn u noqday Israa’iil markii uu ka hoos shaqeeyay maamulladii Richard Nixon iyo Gerald Ford.
Intii lagu guda jiray dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1973, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20,000 oo Carab ah iyo ku dhawaad 2,500 oo Israa’iil ah, Henry Kissinger wuxuu arkay in Israa’iil ay hubaysay si ay uga hortagto “guul Carabta ah”.
Damaciisa dagaalka kicinaya wuxuu arkay in Maraykanku uu si degdeg ah gargaar millatari u fidinayo Israa’iil intii lagu jiray dagaalka isagoo dib u celinaya guulihii hore ee ciidammada Masar iyo Suuriya. Henry Kissinger waxa uu dabada ka riixayay siyaasad Maraykan ah oo ” ilaalinaysa dhammaan danihiisa Bariga Dhexe” taas oo “badbaadada iyo wanaagga Israa’iil” ay tahay ta keliya.
Henry Kissinger waxa kale oo uu hubiyay in Maraykanku aanu xidhiidh la samayn ururka xoraynta falastiiniyiinta – oo uu markaas madax ka ahaa Yaasir Carafaat.
Go’doominta Falastiiniyiinta
Henry Kissinger waxa uu damcay in uu go’doomiyo falastiiniyiinta si uu ugu hiiliyo Israa’iil. 1975, waxa uu la saxeexday “heshiis isfaham” Israa’iiliyiinta kaas oo xaqiijinayay in Maraykanku aanu aqoonsanayn ama aanu wadahadal la yeelan PLO ilaa dhaqdhaqaaqa falastiiniyiinta aqoonsan Israa’iil “xaqa jiritaanka dowlad Israa’iil”.
Doorkii uu ku lahaa heshiiskii Camp David ee muranka dhaliyay, oo la saxiixay 1978-kii ayaa sidoo kale hagar daamiyey isaga oo dhinac ka eegaya Falastiiniyiinta. Heshiiskan ayaa waxaa wada saxiixday Madaxweynihii Masar ee xilligaas Anwar Sadat iyo Ra’iisul Wasaarihii Israa’iil Menachem Begin, taasoo keentay in Masar ay noqoto dalkii ugu horreeyay ee Carbeed ee si rasmi ah u aqoonsata Israa’iil.
Dhaleeceynta ugu weyn ee heshiiska Camp David waxay ahayd maqnaanshaha ku lug lahaanshaha tooska ah ee Falastiiniyiinta ee wada xaajoodka. Gumeysiga Israa’iil iyo qadiyadda aayo-ka-talinta Falastiin ayaan heshiiska lagu soo hadal qaadin. Dad badan ayaa heshiiska u arkay nooc ka mid ah “ka iibinta” rabitaanka qarannimada Falastiin ee dawladnimo.
Siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanku 1975kii sida hadda oo kale, waxa ay doonaysay in ay sare u qaaddo awoodda istaraatiijiyadeed ee Israa’iil ee gobolka, xoojinta maamullada Carabta ee saaxiibka ah, iyo go’doominta iyo wiiqida qadiyadda Falastiin.
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda
Gabaygii badda – Qeybtii 2aad

Gabaygaan waxa uu dabo joogaa gabay horay usoo galinay mareegta Diblomaasi.com, waxa uuna ka mid yahay Gabaygii Silsiladdii Bad iyo Birri, waana gabaygii u horreeyay u danbeeyay oo Badda laga hayo. Waxaana gabaygaan tiriyay qeybta Badda Abwaan C/qaadir Salaad Faarax isagoo u jawaabaya Abwaan Suufi Aw Cali oo matalaayay reer miyiga, wuxuuna yiri:
Murti gabay ninkii maahiraa, magac u saarnaayee
Maanse gaabka weligiisba, waa marin habowshaa
Mariinkiisa kuma toosiyee, waa murginayaa
Malaha Suufiyow gabaygu, waa kaa maroor samay
Badda mowjadda leh oo Illaah, inagu meegaaray
Oo maalin iyo layl nimcada, layska miisaayo
Dhalinyaro macrufo u leh, muruq ku soo saadha
Bad maaxiinta wada maahira, maanka wada haysta
Beden mud leh iyo huurigoo, lagu muqdaafaayo
Sixiimado wada matoor leh oo sidii, miig u soconaaya
Talaagadaha wada mowle iyo, mootarka wada istaaran
Maraakiibta iyo doonyaha, laga milaalaayo
Madkhalka iyo marsada xeebta iyo maamul baxareedka
Mushtarka iyo magaalooyinka, iyo leyrka wada muuqda
Allihii ina mahiigsiiyey, waa mahadinaynaayee
Goortaad mid mid u cayday baa, kaa mashiiqsaday
Ninbase meeshuu jecel yahuu, maanka ku hayaayee
Miyiga maslaxaddiisaa, mihindisaysaayee
Manfacada baddiyo xeebtu, waa kaa madowdahay
War muusaawi kaambe iyo matays, magacyadaan sheegay
Maafooska, Qoofarka, miiganow Damiska
Suwir murugleysa oo sidii, miig u gororaysa
Adaa moogee dunida oo dhan, baa laga macayshaa
Muslim iyo kufri baa, xeebahaa loo mitidayaa
Maraakiibtu waxay goobayaan, miiraha hoosyaal
Adiguna ma maqal baad tiri, maanta ka horow
Malaha jaahil baad qiratay, ariyo maalkii
Waxaa maanka kaa galay, hashii muxubigeedii
Adigaa iska moog sida adduun, loo macaamilo e
Inta mawaashida jirtaa, mood la qeyb saday
War miyiga iyo xoolaha, haddaan miro ka faaleeyo
Waa ma hudhadeenii iyo, lagama maarmaankii
Marar baa waxaa laga helaa, caano iyo miid
Mayac iyo karuur bay haween, subag ka miiraan
Magaalooyinkaa lagu cunaa, maalin iyo layl
Martida waxaa loo qalaa, gool macaan badan
Hayeeshee ninkii maali jiray, laga magroonaa
Isagoo malyuun soofsada buu, milifna waayaa
Macaluul buu uga joogsadaa, maashigii uu waday
Abaar magac leh maantay dhacdoo, maalku kaa idlaado
Meeshii magaaliyo badluu, madada saaraa
Isagoo rag muruqiisa buu, magan sanayaa
Malayga iyo matayska, badduu meeyay leeyahay
Muufada markii loo shido oo, madag dhan loo buuxsho
Sanka maro intuu saaro buu, malab sanaayaa
Goortuu mashbaco oo dhergo, oo maalmo ruqo gooyo
Kama mahadnaqee cayda, waa kugu malooqaa
Adiguna maciisaa tahee, ila murmaysaa
Waxaa maanka kaa galay, hasha muxubigeedii
Adigoo iska moog sida, adduun loo macaamilo
Inta maasha jirtaa, mood la soofsaday
War mininaayo iyo xeeb haddaan, miro ka faaleeyo
Weligiisba magac buu lahaa, ruux bad maaxihi
Macaluusha iyo gaajadaa, meel ka soo galine
Mani lacag ah iyo doolar baa, meel walba u yaal
Mahwi weeye lagu soo hirtoo, maalintii adag
Masaakiinta iyo laytku, waa soo mutawiciyaa
Marsadaa wax uga soo degaan, maalin iyo layl
Hadba moosinkii baxayuu, maal ku rarayaa
Magaalooyin kuu wada yaqaan, tan iyo miinaale
Ashahaado muhiimuu wataa, magaca Siimaan
Waa maddani luuqadaha bartoo, aan meeli celinayn
Macsina kuma shaqaysto iyo, intii Eebbe maanacay
Macsuum weeye waaguu yaraa, miinka loo dhigay
Makhnuus iyo khaniis iyo khasiis, magacyadaa sheegtay
Waa waxaan weligay maqal, maanta ka horow
Murtina laguma soodarin, intii marisay suugaan
Haddiise meelahaas laga yaqaan, waanu moog nahay
Macjal laguma faano iyo anaa, doob miniinicay
Masaafo nikaax iyo adigaa, meherba noo sheegin
Haddaad tiri maqsuud baan kaa dhigay, waa masalo weyn
Macsidiiba adigaa qirtay iyo, meel latagiddiiye
Miyir gabayga hadalkaagu yuu, meel xun kaa ridine
Afartaa M-da intaan ka dayay, marin ma qaadsiiyey
Muran badan layskama shubiyo, maagis iyo cay
Ma miisaamay gabaygaygu, waa malab sidiisiiyee
War gabdhihii miyiga joogay, oo ariga maalaayay
Oo hawdka meeraayey, oo meel fog uga yeeray
Oo maanta nala jooga waa, mahad Illaahee
Miyigii ka rayste iyo dhibkii maalinba ahayd
Milicdii iyo haraadkii qabeen, looga meel bixi
Durdur bay ku mayranayaan, iyo ceel aan loo miyin
Macsaro iyo diyaano, kareen bay is mariyaan
Majihii hareeftii ku tiil, haatan waa muluq
Mushtar bay noqdeen shalay, hadday fara marnaayeen
Maryo qurux leh qaate jalbaab, qariyey muuqii
Goshii muuqanaysay qarsade, madaxii diirnaa
Murugtii ka rayste, surtii iyo, miracastii hawd
Malayga iyo matayskay cuneen, wayna mahadsheen
Mudkii baa balaartay iyo, kubkii miiqanaan jiray
Mulaaxiintu inay guursato, maanka ku hayaan
Haddii aad miyiga faanisoo oo, meelo badan sheegto
Oo aad magaalooyinkiyo, maayadda u caydo
Marna inay yan kugu laabanayn, mili calooshaada
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda
Maxaad ka naqanaa taariikhda boqortooyada faca weyn ee Ajuuraan?
Qoraalkaan waxaa qoray: Maxamed Cismaan Xuseen oo ah Saxafi madax banaan oo kunool magaaladda New York ee dalka Mareykanka.

Boqortooyadii Ajuuraan waxay ahayd Saldanad Soomaaliyeed oo ka talin jirtay Soomaaliya qarniyadii dhexe. Boqortooyada ayaa waxaa uu xukunkeedu sidoo kale gaarsiisnaa meelo ka tirsan Itoobiya iyo Kenya. Sidoo kale Taariikhyanadu waxaa ay sheegaan in Boqortooyadii Ajuuraan uu xukunkeedu gaarey deegaanka “Soofala” oo ka tirsan dalka Muzambiik oo ku yaala Koonfurta Afrika. Waxaa intaa dheer in Boqortooyada Ajuuraan ay nidaam Boqortooyo ka samaysay jasiirdaha Maldives.
Sida taariikhyanadu caddeeyeen, Boqortooyada Ajuuraan waxaa ay bud-dhige u noqotay xiriirka diblomaasiyadeed ee ugu horeeyay ee Afrika ay la yeeshaan Shiinaha, waxaa kale oo boqortooyada Ajuuraan ku guulaystay in ay ganacsi la samayso dalal ku yaala Qaaradda Aasiya iyo Yurub.
Boqortooyada Ajuuraan oo lahayd ciidan milateri oo xoog badan ayaa waxaa taariikhdu ay shegaysaa in ay ahayd cududdii ugu weynayd ee dalka Soomaaliya ka caabbisay Boortaqiiska iyo dadyowga Oromada oo doonayay in ay dalka Soomaliya ama deegaanada geeska Afrika ee Boqortooyada Ajuuraan ka talinaysay soo galaan. Boqortooyada Ajuuraan waxaa loo nisbeeyaa in ay ahayd boqortooyadii Soomaaliyeed ee ugu horreysay ee isku xirta Soomaaliweyn, yeelata calan u gaar ah, bilowdana nidaam buuxa oo dowladeed oo ka hana qaada gayiga soomaalida.
Sidii ay ku bilaabatay boqortooyada Ajuuraan
Boqortooyada Ajuuraan inta aanay ka talin deegaanada Soomaalida iyo geeska Afrikaba, waxaa ka horreeyay Saladanaddii Muqdisho oo ku koobnayd Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Saldanaddii Muqdisho (Mogadishu Sultanate) oo awood ahaan ka hooseysay Boqortooyadii Ajuuraan ayaa waxaa aasaasay xubno ka tirsanaa reerka ka soo jeeday boqortooyada Ajuuraan. Sidoo kale, waxaa iyana jirtay boqortooyo kale oo reerka Gareen oo Ajuuraanka ahi ka sameeyeen dhulka Somalida ee Itoobiya, taasoo xarunteeda ahayd Qalaafe. Boqortooyadaasi oo ku soo fiday gudaha Soomaaliya ayaa waxaa ay horseeday in la balaariyo Saldanadii Muqdisho oo iyana ay sameeyeen isla reerka.
Sida ku qoran Buuga I.M Lewis iyo abtirsiimo ku qoran Afguri, soona gaareen odayal Soomaaliyeed, shaqsiyaadka laga xusi karo aasaasayaashii Saladanaddii Muqdisho, waxaa ka mid ahaa Faqrudiin oo ka soo jeeday Alam (Caalam Baalcad).
Saladanadda Muqdisho oo ku koobnayd deegaano kooban oo ku xeeran Muqdisho ayaa waxaa ay talisay qarniyadii 10aad ilaa 13aad. Wadatashi dheer ka dib, xubnaha hayay xukunka Saladaanadii Muqdisho, ayaa goostay in la balaariyo xukunka boqortooyada, lana gaarsiiyo deegaanada kale ee Soomalida iyo sidoo kale deegaano kale oo ka baxsan.
Magacii Saladanadii Muqdisho ayaa waxaa uu bedelmay Kadib markii uu isbedel weyn ku yimid nidaamka maamul ee boqortooyada. boqortooyada Ajuuraan ayaa qaadatay magaca Ajuuraan kadib markii ugu horeysay oo ay hirgelisay hanaanka canshuuraha. Magaca Ajuuraan ayaa waxaa uu ka yimid Ujuru oo ahayd qidmadda Canshuur ahaan laga qaadi jiray dadkii ku hoos noolaa. Nidaamka Boqortooyada Ajuuraan ayaa ka saamayn batay saldanadii Muqdisho.
Badmareenkii reer Marooko, IBN Battuta, oo Muqdisho booqdey qarnigii 13-aad ayaa sheegay in magaalada Muqdiho lahayd maamul boqortooyo oo dhamaystiran, waxaana uu xusay in uu mamulka hayay Imaam Abu Bakar Ibn Cumar oo ka soo jeeday reerka boqortooyada Ajuuraan. Magaalada ayuu Ibnu Battuta ku tilmaamay magaalo barwaaqo badan, oo baaxad weyn lahaydna dhismayaal qurux badan, martisoorkana ku fiicnayd.
Muddada xukunkeeda
Saldanada Soomaaliyeed Ajuuraan, sida ku cad buugata taariikhda sida “The shaping Of Somali Society” waxaa xukunkeedu bilowday qarniggii 10-aad oo loogu yeeri jiray Muqdisho Sultunate, balse waxaa xukunkeedu xoog yeeshay oo ay qaadatay magaca Boqortooyada Ajuuraan qarnigii 13-aad.
Xilliga uu jiray xukunka boqortooyada Ajuuraan waxaa loo yaqaanaa “xilligii dhexe” oo dunida inteeda kale ay ka jireen boqortooyooyin kale. Waxaa laga xusi karaa boqortooyadii Boortqiiska oo ka talineysay Yurub iyo tii Cusmaaniyiinta, oo ayadana maamulkeedu gaarsiisnaa meelo ka baxsan Turkiga, isbahaysina uu kala dhexeeyay boqortooyada Ajuuraan. Xilligii ay arriminaysay boqortooyada Ajuuraan waxaa sidoo kale jirtay boqortooyo ka jirtay dalka shiinaha.
Waxyaabaha lagu xasuusto
Boqortooyada Ajuuraan waxaa lagu xusuustaa in ay qeyb weyn ka qaadatay faafinta diinta Islaamka iyo difaacaddeeda. Mid ka mid ah aqoonyahnkii boqortooyadii Ajuuran Sheekh Xuseen oo ku dhashay degmada Marka ayaa waxaa loo tiriyaa/nisbeeyaa in uu dadkii Ororamada ahaa ee deganaa deegaanka Sidamo, oo hadda ah Bali uu Islaamiyay. Sida ku cad buugaagta taariikhda iyo sidoo kale qoraalada kale, qabriga Sheekh Xuseen ayaa haatan waxaa u ku yaalaa deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya.
Sidoo kale, Boqortooyada Ajuuraan waxaa lagu xusuustaa sidii ay dalka Soomaaliya iyo guud ahaan deegaanada kale ee Soomaalida ee uu xukunkeedu gaarsiisnaa uga difaacday Gumaystihii Boortaqiiska oo u soo hanqal tagaay Muqdisho iyo Baraawe in uu qabsado. Waxaa jira laba dagaal oo xoogan oo ay wada galeen Boortaqiiska iyo boqortooyadii Ajuuraanka.
Dagaaladii Boqortaqiiska iyo Ajuuraan ayaa waxaa uu dhacay qarnigii 16-aad, ayada oo uu boortaqiisku markii hore si gaadmo ah u soo weeraray magaalada Baraawe oo ka mid ahayd Xarumihii Boqortooyada Ajuuraan, ayaa si ku meel gaar ah u qabsadey degmadaasi, balse boqortooyada oo dib u abaabushay ciidankeeda ayaa durba ka saartay Ciidankii uu hogaaminayay taliyihii boortaqiiska,Tristão da Cunha, oo bad mareena ahaa.
Ciidankii boortaqiiska oo looga adkaaday Baraawe ayaa mar kale isku dayay in ay weeraraan Muqdisho, hase ahaatee uma suuroobin damacooda oo waxaa ay iska cabin xoogan ay kala kulmeen ciidankii Boqortooyadii Ajuuraan ee Muqdisho fadhigooda ahaa.
Waxaa intaa dheer, in boqrtooyadii Ajuuraan ay dagaal la gashay Qowmiyada Oromada qarnigii 17aad, dagaalkaasoo ku salaysnaa dhulka. Dagaalkii dhex maray boqortooyada Ajuuraan iyo oromada waxaa loogu yeeraa “Oromo invasion” ama “ dhul balaarsigii Oromada”
Taariikhyahanka Pouwels, Randall L. waxa uu ku qoray Buugiisa uu kaga hadlayay Isbeddelka Dhaqanka ee Bariga Afrika in xiliiga Boqortooyada Ajuuraan dadyow badan in ay qaateen Diinta Islaamka gaar ahaan qowmiyadaha ku noolaa dalalka Geeska Afrika.
Dowladii Ajuuran waxay ahayd nidaam xooga saaray in ay hormariso kaabayaasha nolosha gaar ahaan ilaha Biyaha ee Wabiyada Shebeelle iyo Jubba, taasoo si weyn ugu faa’ideysteen Soomaalida deganayd inta u dhaxaysay labada Wabi.
Cududdooda ciidan iyo dhaqaalle
Boqortooyada Ajuuraan waxaa ay lahayd ciidan xoogan oo ka amar qaata madaxda boqortooyada oo uu ugu horeeyo Imaamka, oo u taagan boqorka.Waxaa kale oo jiray gudoomiyeyaal gobol oo ayaguna ay ciidamadu hoos iman jireen. Boqortooyada ayaa waxaa ay ciidan ahaan u qoran jirtay dad aan Soomaali ahayn oo calooshood u shaqeystayaal ah oo daacad u ahaa boqortooyada, kuwaas oo lagu magacaabi jiray “Mamluke” kuwaas oo loogu tababari jiray in ay ka dagaalami karaan deegaanada webiyada ku teedsan iyo sidoo kale meelaha miyiga ah. Sidoo kale, ciidamada Ajuuraan waxaa ka mid ahaa carab, beershiyaan, iyo Turki. Sababtoo ay boqortooyada Ajuuraan ciidamadaasi u qoran jirtay ayaa lagu sheegaa si aanay carqalad uga imaan dadka deegaanka, kuwaasina ay u arkaysay in ay daacad u noqon kareen nidaamkeedii adkaa.
Hubka ay boqortooyadu isticmaali jirtay ayaa waxaa ka mid ahaa hub dhaqameed Soomaliyeed, sida seefaha, waranka, qaansada, iyo falaaraha IWM. Waxaa kale oo jiray qoryo ay ka heli jirtay boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo ay isbaheysi ciidan ay lahaayeen. Ciidamada boqortooyada ayaa waxaa ay hoos tegi jireen taliyaha ciidamada oo maamulka boqortooyadu ugu yeeri jireen “Amiir”. Ciidamo bad oo ay boqortooyadu lahayd ayaa waxaa ay difaaci jireen cadowga ku soo gardarooda deegaanadii ay ka ariminaysay.
Raggii hogaamin jiray iyo qaab dhismeedka dowladda/boqortooyada
Hogaamiyayaasha Boqortooyda Ajuuraan waxaa laga xusi karaa Imaam abubakar Inbn Cumar, Imaam Cumar, Imaam Ciise, kuwaas oo ka mid ahaa maamulayaasha xilligii boqortooyada Ajuuraan ee lahayd aqalka baar lamaanka ee loogu magacaabi jiray “House of gareen’ kaas oo u dhigmay sida aqalada maamulada caalamka iminka loogu arrimayo. Waxyaabaha raggii badmareenka ahaa ee ay la yaabeen waxaa ka mid ahaa in wakhtigaasi dhexe ay boqortooyadu samaysay gole ay ku jiraan dhammaan qabaa’ilka xilligaasi degaanaa deegaanada boqortooyada ay ka arrimiso. Boqortooyada Ajuuraan ayaa lahayd calan u gaar ah. Calankaasi ayaa ka kooban midab guduud ah( Casaan), jaalle( Huruud) , waxaana ku sawiran bil leh midab cad, dadka ka soo jeeda ayaa u asteeyay xuska calanka iyo boqortooyada 15-ka September.
Ragga xusidda mudan ee taariikhda galay ee ka mid ahaa boqortooyadii ajuuraan waxaa ka mid ahaa Siciid Muqdishaawi, oo ahaa safiirkii igu horeeyay ee Afrika u fariisto dalka Shiinaha oo xilligaasi ay ka talin jirtay boqortooyo. Siciid Muqdishaawi ayaa la sheegaa in uu si fiican ugu hadli jiray luqadda shiinaha ee Mandarin. Waxaa kaloo xusid mudan Cabdicaziiz Muqdishaawi oo isna qeyb weyn ka qaatey faafinta nidaamka boqortooyada Ajuuraan, kaas oo maamulkeeda gaarsiiyay jasiiradaha Maldives-ka.
Waxaa kale oo xusid mudan, boqor Olol Diinle loo isna ka mid ahaa shakhsiyaadkii Soomaaliyeed ee saameynta lahaa qarnigii tegay. Boqor Olol diinle waxaa saldanadiisa xarun u ahayd Qallaafe, waxaana uu ahaa boqorkii ugu dambeeyay ee nidaamka boqortooyada Ajuuraan, inkastoo haatan uu jiro nidaamka hogaanka dhaqanka ee beesha boqortooyada.
Noocyada xukunkooda.
Saldanada Ajuuraan ayaa ku dhaqmaysay nidaam Boqortooyo oo ay iska dhaxlayeen Qoyska xukunka Saldanada hayay, oo ka soo jeeda Maxamed Caalim (Alam) Baacad. Hase ahaatee, markii boqortooyada ay la timid qaab dowladeed oo cusub, sida qaadidda Ujuurada/canshuurta, waxaa boqortooyada loogu yeeray Ajuuraan.
Marka laga soo tago in hoggaanka Boqortooyada ay lahaayeen reer gaara sida Imaamka, oo ah boqorka, Naaibka, oo ah guddoomiyaha gobolka, dadka kale ee ku hoos noolaa waxaa ay wax ku lahaayeen hogaanka qeybaha kale ee boqortooyada. beelaha kale ee ku hoos noolaa waa ay la dhacsanayeen nidaamka Islaamiga ah ee boqortooyadu wax ku xukumi jirtay.
Waxaa tusaale loo soo qadan karaa in maamulkeedu isku hayay inta badan dhul waynaha Soomaaliyeed ka soo bilow deegaanka Ximin gareen ee Gobolka Sanaag ilaa Magaalada Mombasa oo haatan ka tirsan Dalka Kenya. Waxaa kaloo xusid mudan in qaybo badan oo ka mid ah Galbeedka Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya, gaar ahaan Gobolada Shabeele, Liibaan, iyo deegaano badan oo ay ka mid yihiin Magaalooyin Masno, Nageele iyo Roobey, ay boqortooyadu ka Talisay.
Dhaqaalaha boqortooyada iyo Meelihii uu Gaaray Ganacsigeeda
Boqortooyada Ajuuraan waxaa dhaqaalaheedu ku tiirsanaa ganacsiga iyo beeraha. Waxaana aad u caawinayay in boqortooyadu maamulaysay marin biyoodka mashquulka ahaa xilligii dhexe. Xeebaha ku teedsan magaalooyinka ay xukumi jirtey oo intooda badan xarumo u ahaa, sida Muqdisho, Baraawe, Marka, Kismaayo, iyo Hobyo, waxaa ay gacan weyn ka geysteen in uu bulaalo ganacsiga boqortooyada, si fududna ku gaaro boqortooyooyinkii ay la ganacsan jirtay. Waxayaabaha ay dowladii Ajuuraan ka ganacsan jirtay waxaa ka mid ahaa dahabka, dharka, alwaaxda, fardaha, Geriga, iyo xariirta, waxaan ay u iibgeyn jirtay Aasiya iyo Bariga fog. Waxaana ay ku soo beddelan jireen badeecado kale. Xilligii dhexe waxaa xoogeystay ganacsigii badda, ayada oo ay bateen maraakiibta badeecadaha sida ee isaga kala gooshaya gobollada xeebaha leh, waxaana xilligaasi boqortooyada ajuuraan ay samaysatay xiriiro ganacsi oo xoog leh, oo ay la yeelatay boqortooyooyin ku yaala Aasiya, Europe, iyo Bariga Dhow.
Boqortooyada Ajuuraan ayaa waxaa ay lahayd lacag u gaar ah oo loogu magac daray Mogadishan, lacagahaasi ay boqrtooyada isticmaali jirtay ayaa waxaa laga helaa dalka Imaaaadka Carabta, ayadoo sidoo kale laga heli karo meelaha taariikhiga ah ee caalamka.

Boqortooyada Ajuuraan ayaa waxaa ay lahayd lacag u gaar ah oo loogu magac daray Mogadishan, lacagahaasi ay boqrtooyada isticmaali jirtay ayaa waxaa laga helaa dalka Imaaaadka Carabta, ayadoo sidoo kale laga heli karo meelaha taariikhiga ah ee caalamka
Hoos u dhacoodii iyo sababaha keenay
Robert B. Oakley oo mar ahaa Danjiraha Mareykanka u fadhiyay Dalka Soomaaliya sanaddii 1982 oo mar ka hadlay Saldanada Ajuuraan ayaa ku sheegay in Soomaaliya laba mar kaliya ay noqotay mid is haysata oo Awood leh, mar waxuu ku sheegay Xiligii Saldanadda Ajuuraan iyo xiligii Dowladii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre.
Boqortooyada Ajuuraan buruburkeeda waxaa loo aneeyaa sababo badan oo isku sidkan/isku xiran. Marka ugu horeysa, sida ay ii sheegeen odayaasha reerka Boqortooyada waxaa jiray khilaaf soo kala dhex galay xubnaha hogaanka boqortooyada ee reerka hayay Saldanadda. Sidoo kale waxaa jiray in khilaafka boqortooyada dhexdeeda uu saamayn ku yeeshay beelihii kale ee Soomaaliyeed ee ku hoos noolaa, gaar ahaan beesha Hiraab. Xukunka beesha ayaa waxaa loo arkay mid keli telis ah maadaama ay dadka ku adkayd in canshuur laga qaado biyaha ay isticmaalaan, boqortooyadana waxaa ay u arkaysay ilo dhaqaale oo ay ku kala wadeyso howlaha Boqortooyada.
Sababta boqortooyadu ula kulmaysay mucaaradad ama ayaguba u kala qeybsameen ayaa waxaa lagu sheegaa mudadii xukunka oo dheeraa iyo in dadka ku hoos noolaa xukunka iyo qaar ka mid ah madaxdii boqortooyada in ay dhibsadeen xukunka adag. Markii khilaaf kaasi boqortooyada dhexdeeda ah xoogeystay, ayaa dalal shisheeye ay ka faaiideysteen in ay khilaafka sii huriyaan si boqortooyada Ajuuraan ee awoodda badan Meesha looga saaro.
Wixii ka dambeeyay qarnigii 17—aad waxaa bilowday hoos u dhaca boqortooyada ilaa markii dambe magicii isku hayay dadka Soomaaliyeed ee Ajuuraan Meesha ka baxay.
Wixii xilligaa ka dambeeyay waxaa samaysmay Saldanado yar yar oo ay samaysteen inta badan qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee ka tirsanaa Boqortooyada Ajuuraan. Waxaa laga xusi karaa boqortooyada Geledi ama Goobroon Dynasty oo uu aasaasay nin lagu magacaabi Jirey Ibrahim Adeer oo ka mid ahaa ragii ugu firfircoonaa boqortooyada Ajuuraan. Boqortooyada Geledi ayaa waxaa xarun u noqotay degmada Afgooye. Sdoo kale, waxaa samaysmay boqortooyada Hiraab ee ayadana ka adkaatay tii Silcis oo ayaduna ka tirsanayd boqortooyadii Ajuuraan.
Si kastaba ha ahaatee, Boqortooyada Ajuuraan ayaa waxaa lagu tilmaamaa mid awood buuxa u lahayd ilaalinta xuduudaheeda, bilowday hab-dowladeedka Soomaliya, aasaastay xiriirkii diplomaasi ee ugu horeeyay ee lala yeesho dal dibadda ah, sida Shiinaha, waxaa kaloo loo tiriyaa in ay ugu horeysay iskaashi milateri in lala yeesho dal kale sida boqortooyadii Cusmaniyiinta. Waxaana la sheegaa in ay ku tiirsanayd ilaha biyaha maadaama ay ka talinaysay labada webi ee Jubba iyo Shabelle, ceelalna ay qodday maadaama ay ku wanaagsanyd handasada.
Waxaa kaloo fajac ku ah dadka in xukunkeedu gaaray meelo ka tirsan dalka Muzambiik oo lagu magacaabo “Soofala” iyo Jasiiradaha loo dalxiis tago ee Maldives.Taariikhyahanada ayaa qiraya in boqortooyada Ajuuraan ay ka mid ahayd ah shanta boqortooyo ee ugu awoodda badnaa Afrika, haddii aysan ba ahayn midda koowaad.
__
Tixraac:
Lewis, I. M. (1988). A Modern History of Somalia: Nation and State in the Horn of Africa (2nd, revised ed.). Westview Press. p. 24. ISBN 978-0-8133-7402-4.
The Shaping of Somali Society: Reconstructing the History of a Pastoral People, 1600-1900 – Page 95
Barendse, Rene J. (2002). The Arabian Seas: The Indian Ocean World of the Seventeenth Century: The Indian Ocean World of the Seventeenth
Qoraalkaan waxaa qoray: Maxamed Cismaan Xuseen oo ah Saxafi madax banaan oo kunool magaaladda New York.
FG: Diblomaasi.com mas’uul kama aha macluumaadka iyo xogta qormadan. Waa qoraal u gaar ah qoraagga qoraalka.
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda
Aabihii ruuxaaniga ahaa ee dagaalkii shahiidiyiinta xornimada Aljeeriya
Waxaa uu ahaa taliyihii sarre ee ciidankii jabhaddii/Xisbiga xoreynta dhulka qaranka Aljeeriya, waxaana uu 13 sano oo dagaal guusha nolloleed ama geeri aakhiro ah la galay ciidankii sancaddaalaha ahaa ee Faransiiska dulliga u ahaa.

Xawaari Bumadyaan (Houari Boumédiène) wuxuu dhashay 23kii Ogoosto 1932kii wuxuuna geeriyoodey 27kii Diseember 1978kii). Wuxuu noqday Gudoomiyaha Golaha Kacaanka ee Aljeeriya intii u dhaxeysay 19kii juunyo 1965kii ilaa 12kii Diseember 1976kii kadibna wuxuu noqday Madaxweynihii labaad ee Aljeeriyaa illaa intii uu ka geeriyooneyay 27kii Diseember 1978kii.
Wuxuu ahaa mid kamid ah hoggaamiyaashii ugu halganka dheera ee gumeysi la dirirka ahaa wuxuu 20 sano oo kamid cimrigiisa ku qaatay afafka hore ee dagaalka xoreynta Aljeeriya ama Aljazaa’ir. Waana mid kamid ah hoggaamiyaashii ugu saameynta badnaa ee soo maray caalamka islaamka, Afrika iyo adduunkaba.
Waxaa uu ahaa taliyihii sarre ee ciidankii jabhaddii/Xisbiga xoreynta dhulka qaranka Aljeeriya, waxaana uu 13 sano oo dagaal guusha nolloleed ama geeri aakhiro ah la galay ciidankii sancaddaalaha ahaa ee Faransiiska dulliga u ahaa. Boumediene adeeggiisii ciidan ee Aljeeriya wuxuu bilaabmay 1950-yadii, oo ah xilligii uu dalkiisa halganka ugu jiray ka madax-bannaanida gumeysiga Faransiiska. Kadib markii uu wax ku bartay jaamacadda al-Azhar ee Qaahira, wuxuu ku biiray xoogaggii mucaradka ee Jabhadihii Xoreynta Aljeeriya.
Inta taariikhda laga hayo, Xuwaari Bumadyaan wuxuu fuliyay mid kamid ah weeraradii ugu casrisanaa ee ka dhaca gudaha qaaradda Afrika kaaso kadhan ahaa ciidamadii gumeystaha, gaar ahaan ciidankii Faransiiska ee xilligaas.
Jabhadihii xoreynta aljeeriya waxay dalka u kala qaybiyeen degmooyin milateri, Boumedienne wuxuu xukumay xooggagii ama guutadii ku xeernayd gobolka Ooraan (Cuuraan). Guutadaasina waxay ahayd guutadii guulaha ugu badan ka soo hoysay dagaalkii Milyanka shahiidka ee Mujaahidiintii Aljeeriya isku xoreeyeen.
Sannadkii 1960-kii wuxuu noqday madaxa shaqaalaha ee Jabhadda Xoreynta Qaranka, wuxuuna xuddun u ahaa dadaalladii ku aaddanaa sidii uu dhisi lahaa ciidan Aljeeriya ah oo ka socda naf huriyaal Marooko iyo Tuniisiyiin ah, dalalkaaso xilliga ahaa dalal ka madaxbanaan gumeysigii Faransiiska dulliga ah.
Kadib markii heshiis nabadeed lala saxiixday Faransiiska bishii Maarso 1962kii, xiisadda ka dhex aloosan hoggaamiyeyaasha Aljeeriya ayaa sii korodhay, isla markaana bishii Sebteember ciidankii ama guutadii uu hogaaminayay bumadyaan
(Boumedienne) ayaa qabsaday caasimadda Aljiyeer (Algiers) isagoo taageereya hogaamiyihii jabhaddi xoreynta Aljeeriya ee Axmed Ben Bella. Ben Bella wuxuu noqday madaxweynaha Aljeeriya dabayaaqadii sanadkaas, isagoo abaalinaya Boumedienne’a wuxuu uu magacaabay wasiirka Gaashandhiga ama difaaca iyo madaxweyne ku xigeenkiisa.
Kadib sanado yar, khilaaf ayaa soo kala dhexgalay labada hoggaamiye, waxaana bishii juunyo 1965kii uu Boumedienne ku kacay afgembi ka dhan ah jaallihiisii sare ee Axmed Ben Bella wuxuuna iska dhigay madaxweynaha iyo saciimka cusub ee Aljeeriya. Boumedienne intii hore ee uu taliska Aljeeriya hayay waxaa uu la’aa taageerada ballaaran ee shacbiyadda leh ee shacabka Aljeeriya, wuxuuna xukumay markii ugu horreysay isagoo adeegsanaya 26 xubnood oo ka tirsan golahii kacaanka.
Natiijo ahaan ama muuqaal ahaan hoggaamintiisu waxay ahayd mid waddaniyadeed oo nafhurnimo leh, Isagoo si xikmad leh u adeegsanaya saameyntiisa, wuxuu u dhisay Aljeeriya xoog siyaasadeed lagu xisaabtami karo wuxuuna go’aansaday inuu sidoo kale ka dhigo awood warshadeed. Wuxuuna dhisay awood milateri oo laga cabsoodo iyo awood warshadeed oo waxsoosaar leh, balse horumarkiisi iyo taliskiisi waxaa ku liddiyay awoodo shisheeye oo ka baqay in 30ka sano ee soo socda ee la sadaaliyay xilligaas ay muuqatay in Aljeeriya ay isku filnaasho dhan walba ah ay gaari kartay, welina dhinaca milatariga waxay noqon lahay awoodda koobaad ee Afrika iyo awoodda 9aad ee caalamka. Laakiin kadib isku day ay saraakiisha milaterigu ku doonayeen inay ku afgembiyaan maamulkiisa ayaa ugu dambeyn gacmo-marnaan ku fashilmay bishii Diseembar 1967kii, wuxuuna marka muujiyay ama caddeeyay hoggaankiisa adag ee tooska ah ee aan muranku ka jirin ee isla markaana aan la loodin karin ee Dalka Aljeeriya.
Sannadkii 1971-kii wuxuu ku soo rogay gacan ku hayn dawladeed oo ka dhan ah warshadaha saliidda ee shisheeye, waxaana uu quusta uu diray oo uu iska fogeeyey xiriir lala yeesho dalka faransiiska oo uu arkayey cadawga tooska ah ee Aljeeriya. Wuxuu halis u galay dagaal uu la galo Marooko sanadkii1975kii isagoo isku dayaya inuu marin u ka helo marinka badweynta Atlantik ee ka gudba Saxaraha Isbaanishka (ee markii dambena loo bixiyay Galbeedka Saxaraha ” Westren Sahara”). Boumedienne wuxuu noqday shaqsi iyo abaabule horseed ka ah dhaqdhaqaaqyadii xorta ahaa ee (Non Aligned or Third World) ee aan uu kala xaglin jirin hanti-wadaaggii barriga iyo hanti-goosigii galbeedka.
Sannadkii 1978-kii, muuqaalkiisu ama in la arko wuxuu noqday mid naadir ah. Ka dib markii uu ku soo raagay miyir beel muddo 39 maalmood ah, wuxuu ugu dhintay magaalada Algiers cudur dhiigeed dhif ah oo magaciisa la yiraahdo ” Waldenström macroglobulinemia “, ka dib daaweyn aan lagu guuleysan oo loogu qaaday magaalada Moscow ee Midowgii Soofiyeed. Intii lagu guda jirey waqtigii ay Aljeeriya gashay qalqalka siyaasadeed waxaa soo baxay xan ku saabsan dilkiisa ama in la sumeeyay ayaa mararka qaar ku soo shaac baxday siyaasadda Aljeeriya, gaar ahaan ka dib markii laba kale oo kamid ahaa ka qeybgalayaashii dhacdooyinkii heshiiskii Algiers ee 1975kii, kuwaas oo kala ahaa Boqor Shaahii Iiraan iyo Wasiirkiisii Maxkamadda ee Asadollah calam, ay sidoo kale u dhinteen isla cudurkan dhifka ah.
Dhimashadii Xawaari Bumadyaan (Boumediene) kadib ma jirin musharrax uu dhigmi kara oo beddeli kara boumediene (bumadyaan), si kastaba ha noqotee, mid kasta oo ka mid ah sideedii xubnood ee ugu sareeyey Golaha Kacaanka Aljeeriya ama xittaa siyaasiyiin shisheeye oo Aljeeriyaan ah ama galbeed raac ah ayaa ugu dambayntii ku hirdamay hoggaaminta Aljeeriya. Dhimashadii Boumédiène waxay sababtay faaruq awoodeed oo ku yimadda siyaasadda Aljeeriya kaas oo aan si fudud loo buuxin karin.
Isbeddel taxane ah oo uu milateriga Aljeeriya sameeyey ayaa aakhirkii ogolaaday in dhinac loo rido isla markaana meesha laga saaro tartamayaasha kala aaminsan afkaaraha bidixda iyo midigta, Talada dalkana loo qoondeeyo taliyaha ugu sareeya militariga Aljeeriya kaas oo ahaa Colonel ama gaashanle sare Chadli Bendjedid, kaas oo ku yimid xulasho tanaasul ah.
Oraahyadii laga hayay Jeneraal Xawwaari Bumadyaan.
1. ” Maalin maalmaha ka mid ah, malaayiin rag ah ayaa ka tegaya Koonfurta Hemisfiyeerka si ay u aadaan Waqooyiga Hemisfiyeerka oo halkaas saaxiib uma aadi doonaan. Sababtoo ah halkaas waxay uu aadayaan si ay u qabsadaan. Sidoo kale waxay qabsanayaan iyago indhaha wiilashoodu arkayaan si ay wiilashoodu uga dhaxlaan halganka. Ilmo galeenka haweenkeenu guul buu ina siin doonaa, oo waxay dhali doonaan halgamayaal aan xaqqa ka waaban doonin. ”
2. ” Aljeeriya ma diidi karto mabaadi’deeda siyaasadeed iyo xaqqa ay u leedahay
inay ku dhawaaqdo mabda’a aayo-ka-tashiga ah, iyadoon laga fekerin mowqifkeeda ugu dambeeya ee ku aadan mustaqbalka gobolka, haddii gobolka saxaaraha galbeedku ay noqoto Morrookan ama Mauritanian, haddii ‘qayb ka mid ah ay tagto Morrooko iyo haddii mid kale ay u tagto Muritaaniya, waxaa inoogu weyn waa in Saxaraha galbeedku uu noqdo dhul Carbeed iyo dhul Muslim markale leeyahay. ”
3. “Madaxbanaanidu waxay inaga dhigtay qaar jilicsan oo aan weli gaarin heerka adkaha xadiidka ah.”
Buuggaag
Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban
Sidee qabyaaladdu u saamaysay dadkeena Soomaaliyeed?

Buugga Haddimadda Qabyaaladda
Dareenka, milgaha, maankalga xaaladaha kala duwan ee ku duugan dhiganaha Haddimada Qabyaaladda ee uu ka hadlaayo buuggan aan gacanta ku hayo, waa buug aan isdhihi karo waxa uu ku soo aaday marxalad ka duwan marxaladaha kale, ayada oo aan ognahay maantay qabiil dartiis lagu qurgoynaayo caruur yaryar oo aan qaangaarin kuwaas oo dhibanne u ah aanooyin aysan talo iyo saamaynna aysan ku lahayn.
Qabyaalad: Waxyaalaha ugu xun ee laga dhaxlo qabyaalada waxaa asal u ah waa iyada oo la tuuro danta guud, lagana tago wada dhalashadii iyo hilib wadaagii ay qowmiyad lahayd taas oo lagu beddeshay damiir qabyaalad ka buuxdo iyo in si khaldan loo addeegsado qabiilkii iyadoo laga talaabayo xadkii ay lahayd laguna dhiirado hannaan aan haboonayn.
Waxaa igu dhaliyay in aan qoro buuggan waa dal jaceyl iyo baahi aan uqabo dawlad iyo kala dambayn, sidoo kalena sababaha igu khasbay waxa weeye kadib markaan arkay in bulshadii ay ka dhimatay waddaniyaddii oo booskeedii meesha laga waayay ayna sababtay in dalkeenii uu noqday baylah. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed in ay ubadkooda ku tarabiyeeyaan waddaniyadda si dalkeena aan ubadbaadsano. Waxaana muhiim ah in qofkasta xil iska saaro difaaca waddankiisa, madaxbannaanidiisa, dib udhiskiisa, soo saaridda kheyraadkiisa iyo ilaalinta sharafta ummadda Soomaaliyeed.
Qofka leh damiirka iyo dareenka waddaninimo waxa uu dareemaa farxad kolka dadyowga kunool koonkaan aynu joogno ka sheekaynayaan dalkiisa, wuxuuna ku dhiiradaa in uu sii wanaajisto deegaankiisa iyo guud ahaan waddanka. Inta aan ka soo sheekaynay oo keliya laguma qeexi karo macnaha iyo milgaha ku duugan waddani balse waa duurxul kooban oo aan ku qeexayno erayga si dadku ufahmaan waxa uu yahay waddani iyo waxa uu ka dhiganyahay.
Qoraaga buugga mar ay ka hadlaysay sababta ku dhalisay ayay tiri: Waxaa jirtay maalin maalmaha ka mida anigoo ka imid goobtayda shaqada oo usoo caraabay hoygii aan ka deganaa xaafadayda Garoowe, goor-sheegtuna tahay abbaaro 4:00pm ayaa waxaan soo maray kurayo meel ku dagaalamaya haddaan damcay kala qabo oo kala celi waxay igu dheheen mid kasta oo iyaga ka mida wiilkaan ayaa icaayay iyo kanaa saan idhahay. Haddii aan waydiiyay sababta ay isku dagaalayaan waxay igu dheheen waxa uu dhahay hebel qabiilkeena idinka laandheereysan oo idinka badan? Waan yaabay Waxaan ku dhahay yaa warkaas kugu dhahay? Markaas ayuu yiri mid kamida kurayada dagaalamaysa hooyo ayaa nagu tiri.
Sidee qabyaaladdu u saamaysay dadkeena Soomaaliyeed?
Bulshada Soomaaliyeed in ka badan 80% ma fahansana qabyaaladda waxay tahay. Waxaana daliil kuugu filan in dalkooda ay burburkiisa iyo dib udhiciisa ka shaqaynayaan. Waxay kuwada haminayaan dhammaantood ama badankood in ay dalal shisheeye aadaan, waxna waa tahriibeen, waxna waa qalbi ka dhoof, inta kale ee soo hartana waa dad dantu biday ama duruufta haysata awgeed aysan ugu hanqaltaagin dalkale.
Burburkii waxa uu nadhaxalsiiyay in aan weyno halyeeyo Soomaaliyeed, waddaniyiin Soomaaliyeed, hooyooyin nagu qaaliya. Waxaan nahay dad isla quman, isla saxan, iyagu is arka, damiirkii ka tagay, waxaa la yiri Mayd maxaa udanbeeyay? Saa la dhahay kan la siisido oo tusaale waxaa kugu filan caruur yaryara oo dugsi Qur’aan dhigata oo lawada dilay qabyaalad awgeed.
Abwaan Abshir Nuur Faarax {Bacadle}:- waxa uu yiri:
Dab miyey sureen waa dulli aan xuma ka daaleyne
Dusha aadmigey shabahaan ficilna duurjoogta
Deggani iyo kheyr lama tusoo way ka diriraane
Dabciga riibigey leeyihiin mana dareemaane
Qabiilku waxa uu meeshii ka saaray dhaqankii suubanaa ee Soomaali lagu yaqaanay, Soomaalinimadii, waxa uu baaba’shay damiirkeenii. Waxa uu nagaarsiiyay in aan seeraaro samaysano, qolo kastana tiraahdo anagoo reer hebel ah baa iskaleh goobtaan. Qabiil hebel isma guursano, kab iyo qaraan ma wadaagno, geelayagu isku meel madaaqo.
Gabay uu tiriyey Alle ha unaxariistee abwaan Abshir Nuur Faarax Baxadle waxaa ka mid ahaa:
Quruun waliba cudur qaasahoo qaybiyaa jira’e
Soomaali belo loo qoraye qallinka loo saarey
Wax qabiil ka daran jahanamaan qiray aqoontayda
Qadartaana iga hiilisaye qolo ma sheegteen
Maxaan ka dhaxalnay qabyaaladda
1. U hoggaansan la’aanta shuruucda dalka: Dal walba oo dunida ka jira waxa uu leeyahay xeer udegsan oo ku dhaqmo qofkii jabshana waxaa lagu qaadaa xeerkaas dalka uyaal.
Alle ha unaxariistee Abwaan Cali Xuseen Xirsi oo ku magac dheeraa {Cali Makaadsade} gabay uu tiriyay ayaan ka sooqaadan tix yar oo uu ku baraarujinaayay bulshada in wax lawada qabsado oo wadajir wax lagu hagaajiyo. Wuxuu yiri:-
Hantidaan wadaagniyo haddaan hawsha socodsiino
Oo aad hirgelisaan mabda’a lagu hayaamaayo
In horumar lagu waarayaa hubanti weeyaane.
2. Jahliga: Waxaa muhiim ah in qeybaha dadka la baro waxbarashada waayo waxbarashadu waxay meesha ka saartaa jahliga, gaajada, faqriga, dagaalka, qabyaaladda, qurunka iyo kala danbayn la’aanta.
3. Caddaalad darro: Qof kasta oo muwaadin ah waa in uu helaa caddaalad, haddii caddaalad la helo waxaa imaanaysa waddaniyad. Rag caddaalad waayay sidii cowshii kala yaac.
قال الله تعالى: إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ وَالْإِحْسان
“Alle wuxuu idin amray caddaalad iyo wanaag in aad samaysaan”.
4. Diinta oo aan lagu dhaqmin: Waa tiirka koowaad ee qof walba oo Muslim ah in uu ku dhaqmo diinta islaamka.
وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُو
Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri “Qabsada xarigga Eebbe dhammaantiin, hana kala taganina”.
5. La haanshiyo la’aan dalka: Waa in muwaadinkasta lagu dhiirigeliyo in uu dalka isagu leeyahay aysan cidkale lahayn. Waa tii uu lahaa Alle ha unaxariisto abwaan Abshir Bacadle gabaygii danta guud
Dal shisheeye duulkii mutaa dawlad wuu tebiye
Duruufihii na soo maray qalbiga waa damqinayaane
أَصَابَكُم مِّن مُّصِيبَةٍ فَبِمَا كَسَبَتْ أَيْدِيكُمْ وَيَعْفُو عَن كَثِيرٍ وَمَا
Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri {Idinma asiibin musiibo ilaa waxaad gacmihiina ku kasbateen mooyaane, Alle waa dembi dhaaf badanyahay}.
6. Dhaqankii oo lumay: Bulsha kasta waxay leedahay dhaqan soojireen ah oo ay iska dhaxleen ka ab-ka-ab ilaa haddeer. Waddankasta oo dunidaan ku yaal waxa uu leeyahay dhaqan ugooniya oo dunida kale uga soocan yahay balse maanta dhaqankeenii waa lumay.
Dal marka la doonaayo in la burbursho waxa laga burburshaa dhaqanka. Haddii dhaqankaaga kaa lumo waxa meesha ka baxaysa jiritaankaaga sooyaal.
7. Maamul daadajin la’aan (Qabyaalad daadajin): Dawladdu waa in ay maamul daadajin usamayso, gaarsiisona dalka oo idil addeega ay ubaahanyihiin, sida waxbarashada, caafimaadka, cunada iyo maamul wanaaga.
8. Xuquuq la’aan: Ma helaan xaqa ay leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana dhacda xaqii ay lahaayeen in ay ku waayeen qabiil.
9. Dulmiga dumarka lagu hayo: Dhibanayaasha ugu badan waa dumarka, dadka ugu nugulna waa ayaga waayo waxaa la dilaya waa odaygeedii, walaalkeed, abtigeed, wiilka ay dhashay, cidda asayda qaadaysa waa ayaga, cidda caruurta korinteeda laga rabo waa ayaga, cidda umul raacaysa oo dhakhtar la’aan u godgalaya waa ayaga, kufsiga iyo jirdilka ayaga ayaa loo gaystaa.
Qoraaga ayaa soo qaadatay hees la dhaho Inna Ragow Eed Baan Kaa Tabanayaa ay qaaday Xabiibo Xasan Tooxow taasoo ahayd:
Aasaaska dunida iyo
Anigu dumar baan ahaa
Warshaddii aadmigiyo
Udubkii noloshaan ahaa
Hayeeshee inna raggoow
Ergiyo waxaan ahay dacwo
Eed baan kaa tabanayaa
Uurka kugu qaaday iyo
Waxaan fool arrammi kulul
Dhibaatada kugu umuley
Horaadada ibo macaan
Anqaris waxaan kaaga dhigay
Asluubta wanaagsan iyo
Anshaxa dhaqankiyo hiddaha
Akhlaaqda waxaan kuu baray
Aad baan u nasiib darnahee
Madfaca aqalkeyga gubay
Kan igu riday ma adigaa?
Abaalkii hooyanimo
Ma layska ilowsan yahay?
Ah iyo way ma anigaa?
Hayeeshee inna raggoow
Ergiyo waxaan ahay dacwo
Eed baan kaa tabanayaa
Barbaariye ubadka iyo
Macallin ababshaan ahaa
Astaantii taranka iyo
Aayaha guushaan ahaa
Hayeeshee inna raggoow
Ergiyo waxaan ahay dacwoo
Eed baan kaa tabanayaa
Agaasinka reerkaa
Weliba kuma ekiyee
Ololihii Calan helkii
Qeybtii iga aadanayd
Awood anigoon lahayn
Asayda inaan xirtiyo
Agoonta inaan la qaxoo
Astaahil umaanan lahayn
Gabagabada nuxurka hadalkayga
Qoraagu waxay ku leedahay buuggeeda Haddimada Qabyaaladda: Qabiilka Rabbi waxa uu nagu yiri isku garta balse ma oran qabyaalad u addeegsada oo ku burbursha dalkiina, dadkiinana ku laaya, kuna dulmiya. Qabiil aragnay halka uu nadhigay iyo waxa uu na dhaxalsiiyay, sow ma haboona in aan garano wixii adduunkaan naloo keenay, sababta aan ujirno iyo dalka waxa naloogu sameeyay oo la yiri isaga noolaada dushiisa waxa uu idin yahay firaash.
Haddii aad firaashkii ama meeshii aad seexan lahayd iska burburiso sidee ku noolaan?
Alle Qur’aankiisa waxa uu ku dhahay:-
يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ
“War dadow waxaan idinka Abuurnay lab iyo dhedig, waxaan idinka yeelnay dadyow iyo qabaa’il, si aad isugu garataan. Midkiina idinku karaamada iyo sharafta badan waa midkiina idinku Alle ka cabsiga badan, Illaahay waa mid og oo khabiir ku ah waxaad samaynaysaan”.
Dadku waa labo qeybood
1. Talo keen: Waa in aad noqoto mid talo keena oo bulshadiisa wax ku sookor dhiya, hadday sax tahayna waa laqaadan, haddii laga maarmi karona dib baa loo dhigan.
2. Talo raac: Haddii aadanba wax talo iyo tusaale ahba aadan ku soo kordhinayn dadkaaga iyo dalkaaga waa in aad noqoto mid taladii wanaagsan oo loo soojeedsho raaca sababtoo ah Fiqi tolkii kama janno tago, dadkaaga waxay kuula yimaadeen haddayba sax tahay waa in aad qaadato oo aadan noqon khilaaf ujooge iyo talo makeene.
Waa tii uu lahaa Alle ha unaxariistee Abwaankii caanka ahaa Cismaan Yuusuf Cali Keenadiid mar uu lahaa:-
Naftuna caasi weeyiyo sidii cado shisheeyaahe
Intay caaq sidiis kaa dhigtay kugu cayaartaaye
Markii taladu kula caaridaa la caqli yeeshaaye.
Haddaba qof kasta oo Soomaaliyeed waa in uu noqdaa muwaadin uhalgama dhulkiisa iyo dadkiisa waxaa ku qorin taariikhda. Ninkii tiin talaaliyo kii timir beera taariikhdu way qorin. Noqo mid dalkiisa wax walba ugu hura, naftiisa ka hormariya, difaacda diintiisa, dadkiisa dalkiisa, ka ilaashada cadowga doonaya in uu dalkiisa burbursho, noqo waddani ee honoqon muwaadin keliya.
عن النبي ﷺ قال: لا يؤمن أحدكم حتى يحبَّ لأخيه ما يحبُّ لنفسه
Rasuulka (NNKH) wuxuu yiri “Axadkiina ma rumayn ilaa wuxuu jecelyahay la jeclaado walaalkiis”.
Kuma soo koobi karo magaca iyo milgaha ku duugan buugga balse inyar ayaa ka sooqaatay, waxaa ka badan inta ku duugan buugga gudihiisa.
Magaca Buugga: Haddimada Qabyaaladda
Qoraaga Buugga: Drs. Ruun Siciid Faarax
- Aragtida Indheergaradka2 months ago
‘Adigaba daraad ayaad Dowlad calan leh haystay, maantana halka aan joogo dalxiis kuma keenin’
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta buugga Dabar iyo Hoggaan – Ka Adkaanshaha Nafta
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Naftii Hure – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Ummadaha Jirraban – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Murtida Dardaaran Haween – Faallo kooba
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Aabihii ruuxaaniga ahaa ee dagaalkii shahiidiyiinta xornimada Aljeeriya
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Maxaad ka naqanaa taariikhda boqortooyada faca weyn ee Ajuuraan?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Aafooyinka Baraha Bulshada – Faallo kooban
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Gabaygii badda – Qeybtii 2aad
- Siyaasadda Soomaaliya1 month ago
IMF oo Soomaaliya u oggolaatay $100 milyan, laakiin waa sidee tayada la dagaalanka masuqmaasuq ee hoggaanka Xassan Sh. Maxamuud (4.5)?
- Siyaasadda Soomaaliya2 months ago
Soomaaliya oo dhisanayso Hannaanka Dowladnimada Casriga ah
- Afrika2 months ago
Safiirka Faransiiska oo ka tagaayo Niger – Reuters