Maqal & Muuqaal
Madaxa shirkadda BMW oo isagoo shir jaraa’id ku jira dhulka afka geliyay: DAAWO VIDEO

Madaxa fulinta shirkadda soo saarta baabuurta raaxada ee BMW, Harald Krueger ayaa xili uu ku guda jiray shir jaraa’id oo caalamka laga wada daawanayay, kuna soo bandhigayay baabuurkii ugu danbeeyay ee ay soo saarto shirkaddiisa iyo adeegyo kale ayaa mar kaliya dhulka ku dhacay, isagoo ay kusoo booday qandho wareer u keentay.
DAAWO:
Maalgelinta & Maaliyadda
Ma Doonaysaa In Shirkadaada Noqoto Shirkad Caalami Ah? |Tukesomalism.com

Haddii aad tahay ganacsade mise aad jeceshahay inaad noqoto milkiile shirkadeed, waxaad tahay shaqsi rabo inuu dhaqaalo iyo horumar kusoo kordhiyo dadkiisa iyo dalkiisa. Waxaa jira shirkado badan oo calamka ka jira oo qaarkiisa ku guuldareysteen inay wax badan ka fahmaan dhaqamada ka jira caalamka.
Caalamka aanu ku noolnahay waxaa ka jira dhaqamo kala duwan, sidda diimaha iyo waxyaabo kale oo quseeyo dadka kale.
Haddii hamigaada yahay inaad yeelato ama aad ku haminayso in dhirkadaada noqoto shirkad caalami oo ka hawlgeli karto dhammaan daafaha dunidda waxaad u baahantahay inaad wax badan ka barayo dhaqamada kale duwan ee bulshooyinka ku nool caalamka.
Soomaalida inta badan waxaa lagu xantaa inaysan ku fiicneen isdhexgalka bulshooyinka “integration” maxaa keenay arrintaas? Waxaan is dhihi karnaa waxaa keenay dhaqamadeena ayaa ah dhaqan asalkiisa kasoo jeedo miyiga. Waxaana ku badan dhaqamadeena isla weynida iyo laandheernimada. Waa waxyaabaha ummada Soomaaliyeed dib u dhigay.
Waxaa jira waxyaabo badan oo diinta Islaamka xaaraam ka ah hadana aan ku dhaqano. Si dhaqankaada ugu wanaagsanaado dhaqamada kale ee caalamka, sheyga kali ee aad u baahantahay marka horre ayaa ah inaad diintaada iyo dhaqankaada si fiican u barato si dadka kale ee caalamka wax badan oo ku aadan dhaqankaada wax ugu ogadaan.
Qodobka labaad waa inaad wax ka barataa ama aad aqrisataa buugaagta laga qoray dhaqamada sidda kuwa ka hadla cilmiga bulshada “sociology and anthropology”. Buugaataan iyo kuwa kale oo badan ayaa wax badan laga qoray dhaqamada iyo sidda ay saamayn ugu yeelani karto bulshada.
Dabcan dhammaan shirkadaha waxaa loo aas-aasay in laga helo faa’ido, mana jirto shirkad loo sameeyay in lagu qasaaro. Haddii aad ku guulaysato ka hawlgelida deegaankaada oo aad ku balaarsato guud ahaan dalka, waa laga maarmaan inaad sii weynayso ama aad balaariso shirkadaada. Si aad u balaariso waxa kali aad u baahantahay waa qabiiro yaqaano dharciyada wadamada u yaalo, suuqyada duniida, dhaqamada, diimaha, isbedelka lacagaha, iyo maaliyadda.
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda
Qaadka oo Caqabad Ku Ah Dhaqaalaha Dalka & Wakhtiga Dhalinyarada

Cunista maandooriyaha qaadka ayaa si ba’an ugu sii faafeysa dalka Soomaaliya, iyadoo dadka ugu badan ee qaadka isticmaala ay u badanyihiin da’da dhallinyarada, in badan oo dadkaasi ka mid ah waxa uu qaadku gaarsiiyaa inay mar walba joogteeyaan oo ay qabatimaan, inta badanna ragga ayaa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwa ugu badan ee isticmaala, waxaase jira dumar aan tiro badneyn oo iyana maandooriyahaasi isticmaala.
Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada midoobey ayaa warbixin uu soo saaray waxa uu ku sheegay in 70% dadka isticaamla maandooriyaha qaadka inay yihiin dadka dhallinyarada ah ee ka hooseeya da’da Sodomeeyada.
Inta badan dhallinyarada qaadka isticmaasha waxay isugu yimaadaan goobo marfeshyo ah oo ay ku khiyalaan, iyagoo marka ay ruugayaan qaadka isticmaala cabitaanno kulul iyo shaaha, waxaana afar saacadood illaa todobo saacadood oo waqtigooda ka mid ah ku dhumiyaan cunista maandooriyahani halista ah. Qaadka Soomaaliya laga isticmaalo waxaa laga keenaa dalalka Keenya iyo Itoobiya, inkastoo aan tirakoob rasmi ah laga heyn dhaqaalaha Soomaalida uga baxa qaadka, ayaa haddana daraasad ay sameysay Xarunta Ganacsiga iyo deegaanka Mareykanka Sanadkii 1993 waxay ku sheegtay in Hal Milyan oo doollar Sanadkii Soomaalida ay ku kharash gareeyaan qaadka uga yimaada dalka Keenya.
Tv-ga K24 ee laga leeyahay dalka Keenya ayaa barnaamij gaar ah oo bartamihii sanadkii 2011 uu ka sameeyay qaadka Soomaaliya loo soo daabulo wuxuu ku sheegay in maalin walba dowladda Keenya ay qaadka ka macaashto dhaqaale ka badan 11 Bilyan oo lacagta Keenya ah oo u dhiganta ku dhawaad 130 Milyan oo doollar.
Waxaana jirta in maalin walba dowladda Keenya ay labaatan tan oo qaad ah u dhoofiso Soomaaliya, halka tobon tan oo kalena ay u dhoofiso dalka Ingiriiska oo ay ku noolyihiin Soomaali badan oo isticaamaasha maandooriyaha Qaadka.
Cabdul-Caziiz Axmed Ibraahiim oo ah macalin ka tirsan Jaamacad ku taalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kharashka dhaqaale ee Soomaaliya uga baxa qaadka sida maalinlaha ah loogu soo duubay uu Sanadkii ku dhowyahay 200 oo Malyuun oo doollar, iyadoona ku dhawaad kala bar lacagtaas ka mid ahna ay ku baxdo qaadka laga isticmaalo magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay C/Casiis in arrintaasi ay saameyn ballaaran ku yeelaneyso dhaqaalaha dalka oo markii horeba gebi dhacleynayay, isagoona tilmaamay in haddii dhaqaalahaasi loo weecin lahaa mashaariicyo oo kale oo hormineed ay shaqooyin u abuuri laheyd boqollaal Soomaali ah.
Qaadka waxa uu halis badan ku hayaa ammaanka, iyadoo in badan oo ka mid ah dadka qaadka cuna ay yihiin kuwo hubeysan, taas oo ku kallifeysa inay sameeyaan tallaabooyin ay amaanka ku carqaladeynayaan si ay u helaan dhaqaalaha yoomiga ah ee ku baxa qaadka oo qiyaastii dhan $20.
Dhinaca kale qaadku waxa uu sababaa inay qoysas badan bur buraan, kadib marka ay luqanta isku galaan ragga maandooriyahaas isticmaala iyo haweenka ay qabaan, waxaana mukhayiliinta lagu eedeeyaa inaysan biil ama masruuf ku filan siin qoysaskooda. Si kasta oo ay ahaataba mujaahidiinta Soomaaliya ayaa gobollada ay ka taliyaan waxay kala dagaallameen maandooriyaasha noocyadooda kala duwan gaar ahaan qaadka, iyadoo natiijo wanaagsanna ay kasoo hooyatay tallaabta ay ku dhaqaaqeen.
Waxaa muhiim ah inay fahmaan dhalintaan muhiimada ay leedahay inay dhowraan wakhtigooda qaaliga ah oo ay maanta haystaan, wakhtigaas oo aan barito soo noqoneynin marnaba. Haddii ay gartaan inuu yahay muhiim wakhtiga, waxaan hubaa inay noqonayaan kuwa ka qeyb qaatta hormarka iyo kor uqaadista wadankooda, sidda aan in badanba aan aan ka tilmaamay oo aan hadana ka tilmaami doona faa’idada ay leeyihiin dhalinta meel walbo ay joogaan dunidaan. Waxaana hubaal cad loo hayaa in diinta teena inna farayso in wakhtiga muhiim yahay, dadkana waxay u kalla hormar badan yihiin sidda ay wakhtigooda u kalla hormariyaan.
Waxaa wanaagsan inaad ogtahay halka aad waqtigaada ku bixinayso marwalbo. Wakhtiga waa kuu qaali waa haddii aad ogsoontahay qiimaha uu kuu leeyahay wakhtigaada. Waa inaad ogatahay qiimaha noloshaada iyo wakhtiga, qofkana wuxuu qiimo leeyahay sidda uu wakhtiga u qiimeeyo. Haddii wakhtigaada ku lumiso inaad ku shaqeysato, qoyskaada inaad wakhti ku lumiso, caruurtaada inaad geyso meelaha wanaagsan oo ay ka heli karaan farxada waxay ka mid tahay inaad waqtigaada meel fiican ku bixisay. Wakhtigaada meel aad ku bixiso ma aadan weynin waxaad kalloo ku bixini kartaa inaad aqtiso buugaagta. Wax aqriska waa qiimo aad u weyn marwalbo oo aad wax aqris badan tahay waxaa dhismo garaadkaada iyo fahanka garaadkaada. Gabadhaan aad arkaysaan sawirka waa Hamda Yuusuf. Hamda Yuusud waa arday Soomaaliyeed oo dhigato jaamacada Washinton, waana arday dhigta xariirka caalamiga. Waxay dabeecad ka dhigataa inay marwalbo wax aqriso, waxay aminsantahay in aqris yahay waxyaabaha ugu wanaagsan ee wakhtiga lagu lumini karo. Hadana miyaysan ahayn inaad wakhtigaada ku lumiso meelah adiga dantaada jirto iyo inaad wax aqrisato.
Maalgelinta & Maaliyadda
Ganacsi Waad Bilaabi Kartaa Adigoon Haysan Lacag |Tukesomalism.com

Nin ayaa waxaa uu ku noolaa caasimada dalka Kenya ee Nayrobi waxuuna lahaa xaas iyo ilmo mana haysan wax lacag ah oo uu ilmahiisa iyo hooyadood ku nooleeyo. Daruufta ayaa waxay ku qasabtay in uu joogi waayo xaafadiisa waayo ilmihii waa ay ooynayaan naagtuna waxay leedahay ‘‘Noo raadi waxaan ku noolaano’’. Waxuu soo aaday magaalada, markaas ayuu arkay nin kabo farabadan ku iibinaayo faras magaalaha Nayroobi. “Ninkii kabaha iibinayay ayuu u tagay waxuuna ku yiri ‘‘Sideebaad u aragtaa hadaan kabaha aan kuu gado adigoo halkaada fadhiyo waayo waxaan hayaa dad aad ugu baahan oo iga gadanaayo’’. Ninkii kaba lahaa waxuu ku yiri ‘‘Waa arin wanaagsan ee ku dhaqaaq’’
Ninkii waxaa uu ka qaaday joog walbo hal kab oo kaliya waxuuna geeyay guriyaha dadka taajiriinta ay ku nool yihiin ee Nayroobi wuuna u xayeysiiyo sida ay kabahaani u wanaagsanyihiin. Dadkii aad bay ula dhaceen kabihii waxay ka codsadeen in uu u keeno kabaha. Ninkii waxaa uu ku soo laabtay Kaboolihii waxuuna ku yiri ‘‘Imisaan ku soo iibiyaa joogii?’’. Ninkii waxaa ku yiri ‘‘Kusoo iibi joogii Sh.1000 (kun shilinka Kenya) ah’’. Ninkii kabihii waxaa uu u geeyay dadkii taajirinta ahaa waxuuna ka siiyay joogii Sh.1400 (Kun iyo afar boqol shilinka Kenyanka ah). Ninkii markii uu ku soo laabtay kaboolihii asagoo wado lacagtii uu ku soo iibiyay ayaa waxaa uu aad ugu farxay shaqada wanaagsan ee uu ninkaani soo qabtay.
“Ninkii kabaha soo iibiyay waxaa abaal marin loo siiyay Sh.200 (Labo boqol oo shilinka Kenyanka ah). Arintani waxay sababtay in ninkii ka helo halkii joogba Sh.600 (lixboqol oo shilinka Kenyan ka ah). Ninkii waxa uu subax walbo ka qaadan jiray Kaboolihii kabo aad u badan wuxuuna u geyn jiray dadka taajiriinta ah”
Ninkani maadaama uu kabaha soo xulanayo majirin wax qasaaro ah oo uu la kulmaayay. Waxaa dhacdo markaad si jimlo ah ku soo gadato Kobo aad u budan waxaa laga yaabaa in kuwa badan oo xuxun ku jiraan taas oo kuu keeni karto qasaaro balse ninkaani tiisa waa ka duwan tahay asaga waxaa uu rabaa oo kaliya kabaha kuwooda ugu wanaagsan.
Markii ninkaan uu shaqadaan waday illa iyo mudo waxaa u suurtowday in uu furto dukaan weyn oo uu asaga leeyahay kaasoo lagu iibiyo sheeyaal kala duwan. Ninkaan waxaa uu muda kadib isku badalay nin taajir ah.
Tani waa qiso dhab ah. Hadii aadan haysan lacag aad ganacsi ku bilowdo wali waad haysataa fursadii lagu bilaabi lahaa adigoo tusaale wanaagsan ka qaadanaayo sheekadaan.
Maqal & Muuqaal
Kalsoonida Naftaada Waa Guusha Ganacsigaada

Ayaan daranaa qof liidaya nafsadiisa una arko wax aan qiimo lahayn, shaqsiyad-xumada waxaa ugu liidata inaad nafsadaada liido weligaa nafsadaada halla barbar dhigin qof kale, kaliya isku day inaad sameyso sidda ugu wanaagsan ee aad awoodo. Ma is weydiisay haddii aadan nafsadaada ku kalsoonaan cidda kugu kalsoonaan karto?
Sow ma ogid in uusan jirin qof la dhashay howsha uu qabto, ruux walbo waxa uu dhashay asagoo waxbo aanan garaneyn, hawl walbo oo uu qabtay maalin ayuu eber ka joogay oo uusan waxbo ka fahansaneyn.
Ku kalsoonaanta nafta waa furaha lagu kaxeeyo gaariga guusha waana shardiga ugu muhiimsan ee guusha islamarkaana waa sharafka uu ku faano guuleyste walbo, taariikhda dadka guulahooda wax ka yirri haddii aad dib u aqriso waxaa ka dhex arki doontaa kelmada ah ” Nafsadayda ayaan kalsooni buuxdo ku qabay ”
Inta aadan taariikh iyo tusaale dib u eegin intaad yara nasato nafsadaadana shir la qaadato ka fakar noloshaada iyo hawlihii ku soo maray kuwii aad ku guuleysatay iyo kuwii aad ku guul dareysatay intaba. Kalla saar nafsadaada hawl nolol maalmeedkaaga ka mid ah oo aad ku guulaysatay maxaa sabab uga dhigi lahayd guushaada?
Waxaad ogataa howl aad ku kalsoontahay haddii aan qabato waxaa hubaal ah inaad guulaysanayso balse kawaran haddii aadan ku kalsooneen midaas waxaa hubaal u ah waxaadan ku kalsooneen inaadan ku guulaysani Karin.
Haddiiba kalsoonaanta nafta tahay furaha guusha kalsooni daradana waa fashilka nolasha, ma jiro dhib ka weyn Inaad naftaada ku kalsoonaan weydo oo aad xumaan ama awood dari ku maleyso, waayo ma jirro doono ruux kugu kalsoonaado madamaa aad adigaba isku kalsoonaan weysay.
Ku kalsoonow nafsadaada hana ka cabsan in aad guul dareysato ama qalad kaa dhaco waayo ka cabsashada inuu qalad kaa dhaco waxa ay kugu qancin doontaa inaadan isku day samaynin waxaa ayna kaa dhigeysaa qof ka liito guuldareystaha, waayo guul dareystaha isku day ayuu sameyey xasuusnow in ruux walbo uu qalad ka dhaco ma gafe waa Alle ee haka wel-welin qalad inuu kaa dhaco Allena tallo saaro. Khaladka ugu weyn ee aynu galno waa in aan ku qanacno in aanan waxbo qaban karin ama anagoo guul daro ka baqeyno nafsadeena kasoo qaadno wax aan jirin kuna qancino in ay ogolaato guul daro tan ugu weyn oo ah quusasho iyo kalsooni daro nafsadeed.
Ha noqon ‘dooro biyo ku dhacday ee isku day inaad kaalintaada kasoo baxdo.
“Maankana ku haay oo nafsadaada bar inaad keli tahay, guul ama guul darane aad adiga uun isu horseedi karto, iska illaw in ruux kale kalifi karo ama kuu soo hoyn karo guul ama guul daro, nafsadaada ku kalsoonow Alle oo keliyana kaalmo weydiiso”
Bar nafsadaada in aysan jirin wax aan macquul ahayn wax walbo oo qofi sameysay adigane albaabkeeda kaama xirna oo waad sameyn kartaa, balse waxaad u baahantay inaad u marto wadada ugu haboon isla markaana aadan ka baqin guul daro kana daalin isku dayga illaa aad ka guuleysato.
Kalsoonida ma ahan inaad wax walbo shab iska dhahdo iskuna furto howlo farabadan oo kala duwan hab aan nidaamsaneyn taas oo soo dadajin karta guul daro kugu abuurto niyad jab, wax walbo u qaabil hab nidaamsan oo taxadar ku dheehanyahay. Qofka nafsadiisa ku kalsoon waa kan kalla nidaamiya hawlisiisa isla markaan saaxiib u ah samir iyo dulqaad oo ah saadka iyo sahayda wadada guusha.
Maqal & Muuqaal
Qaabka Fursadaha SHaqo Looga Helo Soomaaliya |TukeSomalism.com

Akhristoow markaad tahay qof shaqo doon ku ah wadanka soomaaliya waxaad la kulmaysaa wajiyo aad ubadan oo kala duwan ,kuwaas oo marna kaa farxinaayo marna murugo kugu reebaayo , waayo wadanka aad joogtid aya ah soomaaliya oo waxbadan oo dib udhac ah uu ka jiro, inkastoo wadamda soo koraayo ay lamid yihiin waxaa kamid ah wadamada carabta sida (sudan,yemen,Egypt,tunis,morocco) iyo wadamo kuyaala qaarada asia sida ( pakistaan Indonesia,Afghanistan iwm oo intooda badan ah wadamo islaam ah ,taas oo run ahaanti nasiib daro ah maxaa yeelay dadka islaamka ah waxaa lagula dardaarmay inay is caawiyaan iyo inay ku dadaalaan wax isku tarka dexdooda.
Inta badan arrintaan waxay ku timaada maamul xumada kajirta wadamadaas qaar sida soomaaliya oo dhalinyaradii ha ugu badnaadaan wiilal iyo gabdho ay shaqo la’aan ku riday arinkaan ,hadaba markaan usoo dego fursadaha shaqo ee wadankeena kajira ayaa ah sidan :
1-fursad shaqo oo shirkad gaar ah loo leeyahay ay ku shaqaalaysiiso .
2- fursad shaqo oo hay’adaha dowlada ay ku shaqaalaysiiyan .
Labadaan fursadood ee jira xagga shaqada way ka simanyihiin, inkastoo shaqada dowlada ahi ay ka dhib yartahay shaqada shirkadaha gaarka loo leeyahay ,laakiin marka aan ka hadalno xagga shuruudaha shaqaalaysiintana way ka simanyihiin oo qodobadaan soo socda midba midka uu ka horeeyo ayuu ka muhiimsanyahay waana sidan :
- Qof damaanad kaa qaadi kara oo la yaqaan sida ( waalid,adeer,abti,seedi iyo qaraabo)ama sida qof kuwata adiga oo shaqa doon ah ujeedkiisu yahayna inaad heshid shaqadaas sidaad rabtaan aad u heshiisaan .
- Inaad la xidhiidid qof aad lacag kusiiso oo la yaqaan si uu kuugu suurtagaliyo inaad heshid shaqadaas aad raadinaysid .
- Inaad leedahay aqoonta shaqada aad raadinaysid .
F.G waxaa jira shaqooyin lagu helo shahaado sare ama aqoon markaas aan laga helyn wadanka guduhiisa oo baahi loo qaba ay jirto waana 10%
Waxaa la yaableh dhalinyaradii waxbarashadoodi ku dadaalay oo ku taamayay inay aqoontoodii ku helaan shaqo kuwaas oo marka ay waayana u boqoola dhanakaas iyo tahriibka inay u jeestaan oo nafsadoodi ay halis galiyaan ,
Bal akhristoow inta sifiican u indhaysid arrinkaan cida garta leh sii ma kuwa wax shaqaalaysiiya mise ardayga waxbaratay ee shaqa sugaha ah?
https://www.youtube.com/watch?v=YsKl5noPHC4
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Diblomaasiyadda4 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Afrika3 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Yurub3 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Doorashada3 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Arrimaha Amniga1 month agoMadaxweyne Mustafe Cagjar oo Jabhada ONLF ku eedeeyay inay rabto in ay deegaanka qalalaase galiso
Ganacsiga & Dhaqaalaha1 month agoMaxay ka dhigan tahay in Markabka dagaal ee Turkiga ku soo xirto dekedda Muqdisho?
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Sirdoonka & Militariga2 months agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Afrika2 months agoBangigga Adduunka oo shirkad Kenyaan ah ka mamnuucay mashaariicda Soomaaliya
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Afrika3 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Arrimaha Amniga1 month agoGolaha Ammaanka QM oo shaaciyay tirada dagaalyahaanada Daacish ee ku sugan Soomaaliya
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Sirdoonka & Militariga3 months agoMadaxweynihii hore ee Iiraan Axmadinejad, ma wuxuu ahaa basaas u shaqeeya Israa’iil?
Soomaaliya2 months agoShan sano kadib Madaxweyne Xasan Sheekh wixii uu kaga digi jiray MW hore Farmaajo miyuu Soomaali bidayaa?
Arrimaha Amniga3 months agoCiidamada Kenya oo hawlgallo baaxad leh kawada xadka ay la wadaagto Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoColaadda Mareykanka iyo Iiraan oo saameyn ku yeelatay amniga Maraakiibta mara biyaha Soomaaliya










































