Arrimaha Amniga
Madaxweynaha Somaliland oo xaqiijiyay in Israa’iil talis ciidan ay ka sameysanayso Somaliland
Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sidoo kale sheegay Somaliland iyo Israa’iil inay wadaagaan dano aad u muhiim ah iyo caqabado waaweyn oo arrimaha ammaanka ay kamid tahay.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro oo ku sugan Israa’iil ayaa bixiyay wareysi gaar ah oo uu ku shaaciyay in Israa’iil mustaqbalka ay suurtagal tahay saldhiyo militari in ay ka sameysato gudaha deegaannada Somaliland gaar ahaan magaaladda Berbera oo saaran Gacanka Cadmeed kuna dhow dhinacaasi dalka Yemen.
Wareysiga ayaa waxa uu ku sheegay in xilligaan aysan jirin saldhigyo Somaliland ku yaalla oo Israa’iil ciidameeda ay joogaan balse uusan meesha ka saareynin suurtagalnimada in saldhigyo laga dhiso Somaliland.
Waxa uu Cabdiraxmaan Cirro sheegay in booqashadiisa qeyb ka ahayd inuu saxiixo heshiisyo dhinaca amniga oo uu lagalay Ra’iisulwasaare Natenyahu isla markaana labada dhinaca ay iska kaashanayaan dhinacyada militariga iyo difaaca waxa uuna qiray in Somaliland ciidamo ay leedahay lagu tabbabaray gudaha Israa’iil isla markaana ay dib ugu laabteen deegaannada Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa wareysigiisa sidoo kale kaga hadlay safaaradii dhowaan ka furay magaaladda Quddus ee dhanka Bari, waxa uuna sheegay in safaaradaasi furitaankeeda saldhig uu u ahaa socdaalkiisa shanta maalmood qaatay uu ku tegay Israa’iil.
Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sidoo kale sheegay Somaliland iyo Israa’iil inay wadaagaan dano aad u muhiim ah iyo caqabado waaweyn oo arrimaha ammaanka ay kamid tahay.
Waxa uu sheegay inay jireen xiriiro hoose oo muddo sanado ah socday oo dhinacyada militariga quseeya oo Somaliland iyo Israa’iil ka dhexeeyay waxaana tani uu sheegay hadda inay noqonayso mid bog cusub u furaysa cilaaqaadka labada dhinac.
Israa’iil ayaa waxay aad u daneynaysaa Somaliland oo meel istiraatiji ku taalla waxay ka leedahay ajendooyin waaweyn oo ay kamid tahay saldhigyada miitari ay ka dhisanayso magaaladda Berbera iyo in dadka Falastiiniyiinta shacabka ah ee sida qasabka loogu soo barakicinaayo magaalada Qaza la geeyo deegaannada Maamulka Somaliland in Somaliland ay saxiixdo heshiiska “Abrahan Accord” kaas oo hadda uu saxiixay Madaxweyne Cirro inta uu ku jiray booqashadiisa uu ku tegay Israa’iil.
Dowladaha caalamka ayaa si weyn u cambaareeyay waxa ayna sheegeen waxa aan la aqbali karin inay tahay in hoggaamiyaha Somaliland uu safaarad ka furo magaaladda Quddus oo barakeysan oo loo aqoonsan yahay inay caasimadda u tahay dowladda mustaqbalka Falastiiniyiintu ay dhisan doonaan.
Arrimaha Amniga
Ciidanka taabacsan Cabdicasiis Laftagareen oo la wareegay magaaladda Buur-hakaba
Dagaal ku biloowday isku adeegsashada hubka culus ayaa ka dhacay gudaha magaaladda Buur-hakaba ee Gobolka Baay kaas oo soo gaaray illaa iyo 8:00 subaxnimo.

Wararka saakay naga soo gaaraya magaaladda Buur-hakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in waabarigii ay weerar ku qaadeen halkaasi ciidamada taabacsan Madaxweynaha xilka awoodda ciidan looga tuuray ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ee ka hawlgalayay muddooyinkii ugu dambeeyay dhanka magaaladda Baydhabo iyo deegaano kale oo ka tirsan isla gobolka Baay.
Dagaal ku biloowday isku adeegsashada hubka culus ayaa ka dhacay gudaha magaaladda Buur-hakaba ee Gobolka Baay kaas oo soo gaaray illaa iyo 8:00 subaxnimo. Waxaana lagu soo warramaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray ciidamada kala taabacsan Laftagareen iyo Aadan Madoobihii lagu doortay magaaladda Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in uu jiro khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka, waxaana sidoo kale ay tilmaameen in gudaha magaaladda Buur-hakaba lagu dhex arkay ciidamada taabacsan Cabdicasiis Laftagareen oo si raxan-raxan ah ama koox-koox u socda iyaga oo qeybo badan oo magaaladda gacanta ku dhigay.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa kale oo taabacsan Aadan Madoobe balse iyagana u dhashay Buur-hakaba ayaa magaaladda Buurhakaba gacanta ku haayay muddooyinkii ugu dambeeyay waxaana laga dareemaya Buur-hakaba saasaanta colaadda. Wasiir ka tirsan garabka maamul ee Madaxweyne Laftagareen ahna Wasiirka Shaqada iyo Shaqaallaha ee Maamulka Dibadjoogga ah ee Laftagareen, Maxamed Ibraahim Bilaal oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhankooda guul ay ka gaareen sida uu hadalka u dhigay dagaalka guud ahaana magaaladda ay gacanta ku dhigeen.
28-kii bishii Sebteembar ayay ahayd markii dhinaca Maamulka Laftagareen ee dibadjoogga ah ciidamada lasafan misne taabacsan ay weerar xooggan ay ku qaadeen magaaladda Baydhabo halkaasi oo khasaaro xooggan laga soo weriyay oo dhimasho iyo dhaawac isugu jiray.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeeda dhammaaday 15-kii Maay ee sanadkan ayaa magaaladda Baydhabo doorasho khilaaf xooggan uu hareeyay kusoo saartay Aadan Madoobe 10kii bishii Juun ee isla sanadkaan. Wixii ka dambeeyay Juun illaa iyo xilligaan Baydhabo oo haysata Toddobadii sano ee lasoo dhaafay nabad waxay gashay xaalad colaadeed dadkuna haatan waxa ay qarka u saaran yihiin magaalada guud ahaanteed inay isaga guuraan.
Shacabka Baydhabo ayaa sheegaya Toddob sano oo ay amni ahayd magaaladaasi in haatan isku beddeshay goob furin dagaal ah oo bartamaha magaaladda si toos ah ay ugu dagaalamayaan maamulkii hore iyo kan dhowaan laga dhisay Koonfur Galbeed Soomaaliya xaaladuna ay tahay mid ay u arkaan quus. Dowladda Federaalka ee muddo xileedkeeda dhammaaday ayaa si weyn gacan ugu geysatay in Aadan Madoobe markii Laftagareen xukunka laga tuuray uu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoo xittaa tartankii doorashada ee ka dhacay billo kahor magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lasoo wariyay in kursiga uu ahaa kaliya mid loo xiray Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), xiisadii ka dhalatay doorashadaas iyo tuuristii Maamulka Laftagareen ayaa keentay xaaladda amni darro ee maaantu ay wajaheen shacabka boqolaalka kun ama Malaayiinka ee ku nool magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Aadan ayaa ku sugan beriyahaan magaaladda Muqdisho iyada oo dowladda Soomaaliya dacwo ugu soo gudbiyay in qaati uu ka taagan yahay Madaxweynihii xukunka kaga horreeyay Cabdicasiis Laftagareen lagana gacan siiyo sidii xaaladda Baydhabo loo dejin lahaa una hanan lahaa maamulka. Laakiin dadka indheergaradka ayaa isweydiinaya sida ay Villa Soomaaliya ugu suurtagal karto in Aadan Madoobe haddii kursiga la geeyay haddana lagu sii haayo halkaasi maadama isagu ay tahay shaqo u taalo in maamulka iyo bulshadiisa iyo amniga uu hanto.
Arrimaha Amniga
Maxay ka dhigan tahay in Dowladda Soomaaliya Laftagareen iyo Taliye Shub ay ku dartay liiska cunaqabateynta maaliyadeed ee la xiriirta Al-Shabaab?
Guddigu wuxuu sheegay in tallaabada ay salka ku hayso xog iyo caddeymo uu qiimeeyey oo la xiriira tuhunno ku saabsan taageerada maaliyadeed ee Al-Shabaab.

Guddiga Qaranka ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada ee Soomaaliya ayaa liiska cunaqabataynta maaliyadeed ku daray 10 qof oo uu ku tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.
Dadka magacyadooda la shaaciyey waxaa ku jira Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Shubka. Go’aanka ayaa soo baxay maalinta shalay isla markaana dhigaya in la xayiro hantida dadka liiska lagu daray laga mamnuuco macaamillada maaliyadeed ee lala sameeyo, isla markaana Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee Soomaaliya (FRC) lagu wargeliyo dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee lala xiriiriyo.
Guddigu wuxuu sheegay in tallaabada ay salka ku hayso xog iyo caddeymo uu qiimeeyey oo la xiriira tuhunno ku saabsan taageerada maaliyadeed ee Al-Shabaab. Hase yeeshee, dukumentiga lasoo bandhigay ma faahfaahin caddeymaha gaarka ah ee qof kasta lagu saleeyey go’aanka. Laftagareen ayaa markii ugu horreysay hoggaanka Koonfur Galbeed loo doortay sannadkii 2018, wuxuuna xilka hayey illaa dhammaadkii Maarso 2026, markaas oo ay Dowladda Federalka talada si xoog ah talada ugala wareegtay, iyadoo Koonfur Galbeed ka dhistay maamul cusub.
Cabdicasiis Laftag areen ayaa tan iyo intii laga tuuray xukunka wuxuu duullaan ku ahaa magaalada Baydhabo, isagoo qaaday illaa afar jeer oo weerraro ah oo dhaliyay khasaare xooggan. Ciidankiisa daacadda u ah wax ay haatan ku sugan yihiin duleedka magaalada Baydhabo.
Sida ku cad dukumentiga, hay’adaha maaliyadeed iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso sharciga waxaa laga mamnuucay inay macaamillo la sameeyaan dadka liiska ku jira. Waxaa sidoo kale waajib ku ah inay xayiraan hantida ay leeyihiin, isla markaana Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee Soomaaliya (FRC) u gudbiyaan warbixinno degdeg ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee lala xiriiriyo.
Guddigu wuxuu intaas ku daray in xiriir kasta oo dhaqaale ama fududeyn maaliyadeed oo loo sameeyo dadka liiska ku jira uu mamnuuc yahay, iyadoo cid kasta oo jebisa go’aanka lala tiigsan karo sharciga. Magacyada liiska waxaa kamid ah, 1· Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen 2· Xassan Cabdulqaadir Maxamed 3· Mahad Cabdiraxmaan Aadan Shub 4· Ibraahim Aadan Cali Najax 5· Xassan Cabdi Maxamed Ugaas Xassan 6· Cabdullaahi Cali Watiin 7· Cabdifitaax Mahad Cabdiraxman 8· Cabdimajiid Mowlid Xassan 9· Amiin Mad Daruur 10· Abshir Aadan Isaaq.
Iskahorimaadyada hubeysan ee ka dhacaya magaalada Baydhabo waxay muujinayaan in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoogagga taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, uu isu beddelay xaalad amni oo si toos ah u taabanaysa shacabka.
Dagaalada dhexmaraya ciidamada federaalka ah iyo xoogaga maxalli ah oo daacad u ah Laftagareen, iyadoo warbixinno ay sheegeen in magaalada iyo hareeraheeda laga adeegsaday hub culus, diyaarado dagaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn. Dowladda federaalku waxay sheegtay in ciidamadeedu iska caabiyeen weerarka, halka Laftagareen uu bogaadiyay hawlgalkii dagaalyahannadiisa. Marka laga fiiriyo aragtida cilmiga amniga, dhacdadan looma fahmi karo oo keliya dagaal u dhexeeya laba ciidan. Waxay ka dhalatay isku-dhaca sharciyadda siyaasadeed, awood-qaybsiga federaalka, xakamaynta hay’adaha amniga iyo tartanka hoggaanka Koonfur Galbeed. Siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa door muhiim ah ku lahayd isbeddelka siyaasadeed ee Baydhabo, balse dhacdooyinka soo noqnoqday waxay sidoo kale muujinayaan kharashka amni iyo bani’aadannimo ee ka dhasha marka khilaaf siyaasadeed lagu xalliyo cadaadis iyo awood ciidan.
Arrimaha Amniga
Wasiir Fiqi oo sheegay in ay madax jebinayaan siyaasiyiinta mucaaradka
Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in dowladda ay heshay xog ku saabsan ilaa 260 askari oo hubeysan oo la doonayay in lagu carqaladeeyo amniga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa beeniyay in dowladda federaalku weerartay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, isaga oo ku dooday in dowladda ay mas’uul ka tahay sugidda amniga dalka, isla markaana ay sharci u leedahay inay tallaabo ka qaaddo meelaha lagu ururinayo hubka iyo maleeshiyaadka.
Wasiirku wuxuu sheegay in haddii dowladdu damacsanayd inay weerarto guriga Shariifka ay fursado badan u heshay inay sidaas samayso balse ay dooratay wadahadal iyo in arrimaha lagu xalliyo si nabadeed. Waxa uu intaas ku daray in dhacdooyinkii hore ee la xiriiray xiisadaha amni ay muujiyeen in dowladda ay dhowr jeer ka gaabsatay tallaabo milatari.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay qaybo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamul-goboleedyada inay maleeshiyaad hubaysan u soo direen goobta ay xiisaddu ka taagan tahay, isaga oo sheegay in halkaas lagu ururiyay hub, isla markaana ay jiraan dhaqdhaqaaqyo uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah amniga caasimadda. Wasiir Fiqi Wuxuu sheegay in dowladda ay heshay xog ku saabsan ilaa 260 askari oo hubeysan oo la doonayay in lagu carqaladeeyo amniga. Isaga oo ka digaya cawaaqibka ay yeelan karto in maleeshiyaad hubeysan laga dhex sameeyo goobaha ganacsiga iyo hoteellada, ayuu wasiirku sheegay in arrintaasi halis ku tahay shacabka iyo maalgashiga, isaga oo bulshada Soomaaliyeed iyo culimada ugu baaqay inay ka hortagaan xaalad uu ku tilmaamay aafo amni.
Wasiir Fiqi ayaa ku adkaystay in dowladda aan laga hor istaagi karin inay tagto goobaha ay ka jirto khatar amni gaar ahaan meelaha lagu tuhunsan yahay in hub lagu ururinayo ama lagu diyaarinayo falal amniga wax u dhimaya. Wuxuu sheegay in waajibka dowladda uu yahay inay ka hortagto khatarahaas, isla markaana ay ilaaliso amniga guud ee dalka. Hadalka wasiirka Gaashaandhigga ayaa yimid, maalin kaddib markii mucaaradka ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka inay duullaan ku tahay hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kaasoo hoygiisa maalmihii ugu dambeeyay lagu arkayay ciidmao dowladda ah oo ku gaaf wareegaya.
Hadallada wasiirka ayaa imanaya xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka, iyadoo ay walaac ka taagan tahay saamaynta ay isku dhacyada siyaasadeed ku yeelan karaan xaaladda amni ee caasimadda.
Dad badan ayaa aamin in dooddaha siyaasadeed ee xalka loo waayay ay sababi karaan khalalaase siyaasadeed iyo mid amni xilli dhinaca kale eedeymaha loo jeedinaayo hoggaanka dowladda uu yahay in muddo kororsi ay sameysteen oo aanu sharciyad lahayn taasoo Mucaaradka iyo saamileyda kale ee siyaasadu ka biyo-diideen.
Geesta kale, Qaramada Midoobay ayaa codkeeda ku biirisay walaaca beesha caalamka ee sii kordhaya ee ku aaddan xaaladda hubanti la’aanta ay Soomaaliya gashay kadib markii ay fashilmeen wadahadalladii billo kahor Mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga socday magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay noqdeen wadahadalladii ugu dambeeyay ee la isku dayay in ay dhinacyadu heshiis dhinaca doorashooyinku ay ku gaaraan.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay la soccoto xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyadoo ugu baaqday Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Mucaaradka inay sii wadaan wadahadallada si heshiis loogu gaaro khilaafka arrimaha doorashooyinka ee dalka Soomaaliya ka taagan.
Ku-xigeenka Xoghaayaha Guud ee Qaramada Midoobay Farxaan Xaq ayaa sheegay in xoghaayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu si dhow ula socdo horumarada siyaasadeed iyo isbeddellada ka dhacaya dalka Soomaaliya gaar ahaan wadahadalladii dhowaan dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ee Soomaaliyeed.
Bayaanka kasoo baxay Qaramada Midoobay waxa uu imaanaya kadib shirar isdaba-jooga ah oo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacaayay kuwaasi oo is-afgarad la’aanta ay kusoo dhammaadeen iyadoo ay wali taagan tahay xiisadda la xiriirta hanaanka doorashada, dastuurka, muddo kordhinta dowladda federaalka ay sameysatay ee halka sano. Illaa iyo hadda safiiradda beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa sii wada iskudayo labada dhinac markale miiska wadahadalka la isugu keenaayo si ay heshiis ugu gaaraan khilaafka salka ku haaya doorashooyinka Soomaaliya oo muddadii dhaafay.
Arrimaha Amniga
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: “Waxaan diyaar u nahay in Itoobiya ay ka faa’iidaysato dekedda Berbera”
“Ma aragno wax dhibaato ah oo ku jira xiriirkayaga Israa’iil. Dal kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu doorto xiriirrada uu la yeelanayo dalalka kale” – ayuu yiri Bakaal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya kala hadasho baahideeda marin-badeed, isaga oo xusay in dekedda Berbera ay diyaar u tahay in Itoobiya ay ka faa’iidaysato. Wareysi uu siiyay telefishinka Sky News Arabia oo ka baxa Imaaraadka Carabta ayuu wasiirku kaga hadlay doorka Somaliland ee amniga Geeska Afrika xiriirka ay la yeelatay Israa’iil dadaallada ay ugu jirto helitaanka aqoonsi caalami ah iyo iskaashiga ay la leedahay Itoobiya.
Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay ku taallo meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah amniga marin-biyoodka Babul-Mandab iyo Badweynta Hindiya, isaga oo xusay in boqolkiiba 12 ilaa 15 ganacsiga badda ee caalamka uu maro marin-biyoodkaas, “Somaliland waa mid ka mid ah meelaha ugu nabdoon uguna xasilloon gobolka, waxaana aaminsanahay inay si weyn uga qayb qaadan karto ilaalinta amniga aaggan istaraatiijiga ah” – ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka ayaa difaacay xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliland ay la yeelatay Israa’iil, isaga oo sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay inay xiriir la samaysato dal kasta oo ay u aragto inuu dan u yahay, “Ma aragno wax dhibaato ah oo ku jira xiriirkayaga Israa’iil. Dal kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu doorto xiriirrada uu la yeelanayo dalalka kale” – ayuu yiri Bakaal. Waxa uu intaas ku daray in Somaliland iyo Israa’iil ay diyaar u yihiin inay ka wada shaqeeyaan dhinacyada ay u arkaan inay dan u yihiin labada dhinac, hase yeeshee ma uusan faahfaahin mashaariic gaar ah oo ilaa hadda laga hirgeliyay xiriirkaas.
Isaga oo ka jawaabaya dalalka Carabta iyo Muslimiinta qaarkood ee cambaareeyay xiriirkaas ayuu sheegay in dowladahaasi aysan weli si toos ah ula soo xiriirin Somaliland si ay ugu sharraxaan sababaha ay uga soo horjeedaan, wuxuu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wadahadal iyo inay ka jawaabto walaacyada laga qabo xiriirka ay la leedahay Israa’iil.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay hadallada Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan in Israa’iil ay Somaliland ka dhisanayso saldhig milatari ama mid badeed, wuxuu si adag u dhaliilay madaxweynaha isaga oo ku eedeeyay inuusan aqoon u lahayn xaaladda Somaliland iyo xiriirka ay la leedahay Israa’iil. Hase yeeshee, wareysiga kuma uusan soo bandhigin caddeymo madax-bannaan oo xaqiijinaya ama beeninaya jiritaanka saldhigga la sheegay.
Wasiirku wuxuu sidoo kale su’aal geliyay sharciyadda siyaasadeed ee madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo ku dooday in Somaliland ay muddo 35 sano ah iskeed isu maamuleysay, isla markaana ay dib ula soo noqotay madaxbannaanideedii 1960-kii. Dhanka kale, wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland lagu doortay doorasho uu ku tilmaamay mid ku dhisan mabda’a qof iyo cod, isaga oo xusay inuu helay boqolkiiba 65 codadkii la dhiibtay.
Isaga oo ka hadlayay xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, wasiirku wuxuu sheegay in Turkigu leeyahay saldhig milatari oo weyn oo ku yaalla Soomaaliya, isla markaana uu u joogo ilaalinta danihiisa, wuxuu dhaliilay mowqifka Turkiga ee ka dhanka ah xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, isaga oo ku dooday in Turkigu ahaa dalkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee xiriir la sameeya Israa’iil.
“Waxaan diyaar u nahay inaan wadahadal la yeelanno cid kasta. Ma aaminsani inaan wax dhibaato ah kala dhexeyso Turkiga, balse waa inuu Somaliland u daayaa arrimaheeda” – ayuu yiri wasiirku. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa mar kale xaqiijiyay inay Somaliland ku adkaysanayso is-afgaradkii ay la gashay Itoobiya, isaga oo sheegay in labada dhinac ay leeyihiin xiriir wanaagsan, ayna Somaliland fahamsan tahay baahida Itoobiya u qabto marin-badeed.
Wuxuu sheegay in dekedda Berbera, oo ay casriyeysay shirkadda DP World, ay diyaar u tahay inay u adeegto Itoobiya, isaga oo xusay in hadda la isticmaalayo qiyaastii 30 ilaa 40 boqolkiiba awoodda dekedda, “Waxaan leenahay xeeb dheer oo Itoobiya ka faa’iidaysan karto. Dekedda Berbera waa diyaar, marinka u socdaana wuu jiraa, Itoobiya-na waxay u baahan tahay dekedo dheeraad ah” ayuu yiri Wasiir Bakaal. Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay Itoobiya u aragto saaxiib muhiim ah, isla markaana ay diyaar u tahay inay kala hadasho hababka ay ku heli karto marin-badeed iyo iskaashi dhaqaale, wuxuu intaas ku daray in himilada Somaliland ay tahay in dekedda Berbera laga dhigo marin muhiim ah oo Afrika laga soo galo.
Isaga oo ka hadlayay xiisadaha iyo isbeddellada ka socda Geeska Afrika gaar ahaan xaaladda Itoobiya iyo Ereteriya, wasiirku wuxuu ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal, Wuxuu sheegay in Somaliland ay ka xun tahay dagaallada ka dhaca dalalka deriska la ah, isla markaana ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato xal u helidda dhibaatooyinka gobolka. “Waxaan rajeynaynaa in dhammaan khilaafaadyadan lagu xalliyo wadahadal, dadkuna ay fahmaan in dagaalku uusan waxba soo kordhinayn ayna wada fariistaan si ay khilaafaadkooda ugu xalliyaan wadahadal” – ayuu yiri wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Somaliland ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Mareykanka, isaga oo booqashadii uu Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalkaas ku tilmaamay mid muhiim ah oo faa’iido leh.
Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda Maraykanku ay si wanaagsan u qaabishay farriinta Somaliland, isla markaana Somaliland ay doonayso in xiriirka labada dhinac kor loo qaado. Si kastaba ha ahaatee, wareysiga kuma uusan sheegin natiijo rasmi ah oo ku saabsan aqoonsi Maraykan oo Somaliland hesho.
Arrimaha Amniga
Cabdiraxmaan Cirro: “Trump waa nin weyn oo taariikh sameeyay, markale ayuu taariikh qori kara haddii uu Somaliland aqoonsado”
“Waxaan aaminsanahay in Madaxweyne Trump uu yahay nin weyn, taariikh ayuu sameeyey, waxaanu sameyn karaa taariikh intaas ka badan isaga oo aqoonsanaya dal cusub oo la yidhaahdo Somaliland” – ayuu yiri Cirro.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ugu baaqay inuu aqoonsado Somaliland, isaga oo sheegay in tallaabadaasi taariikh cusub u furi karto Donald Trump. Cirro ayaa hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey warbaahinta Breitbart News, intii uu ku sugnaa magaalada New York, halkaas oo uu kaga qeybgalay hawlaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
“Waxaan aaminsanahay in Madaxweyne Trump uu yahay nin weyn, taariikh ayuu sameeyey, waxaanu sameyn karaa taariikh intaas ka badan isaga oo aqoonsanaya dal cusub oo la yidhaahdo Somaliland” – ayuu yiri Cirro. Waxa uu sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay Mareykanka kala shaqeyso la dagaallanka argagixisada, Burcad-badeedda iyo sugidda amniga badda iyo sidoo kale badqabka marinnada ganacsiga caalamiga ah.
Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u xusay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee dekedda Berbera, isaga oo sheegay inay awood u leedahay inay qaabisho shixnadaha waaweyn ee ganacsiga caalamiga ah. Waxa uu tilmaamay in shirkado waaweyn oo maraakiibta ganacsiga ahi ay dekedda u isticmaalaan isu-socodka badeecadaha, isla markaana ay Somaliland noqon karto xarun saadka iyo ganacsiga isku xirta Afrika gaar ahaan dalalka aan lahayn xeebaha, sida Itoobiya.
Cirro ayaa sheegay in booqashadiisii Mareykanku ay ahayd mid wax-ku-ool ah, isaga oo xusay inuu kulamo la yeeshay xubno ka tirsan Aqalka Wakiillada, Senatka iyo masuuliyiin ka tirsan waaxyaha dowladda Maraykanka oo ay ku jiraan kuwa arrimaha dibadda, dagaalka, tamarta iyo maaliyadda. Waxa uu sheegay in inkasta oo aanay weli Somaliland helin aqoonsi rasmi ah oo Mareykanku siiyo haddana ay ku qanacsan yihiin heerka wada-shaqaynta labada dhinac isla markaana ay rajaynayaan in xiriirku sii horumaro.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale sheegay in muhiimadda amni ee Somaliland ay sii kordhayso gaar ahaan marka la eego xaaladaha Yemen iyo xiisadaha ka jira marin-biyoodka Hormuz. Waxa uu sheegay in Somaliland muddo 35 sannadood ah si madax-bannaan u sugeysay amniga biyaha ku xeeran, isaga oo ku dooday in goobta ay ku taallo Somaliland ay muhiim u tahay badqabka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah. Waxa uu intaas ku daray in Somaliland iyo Mareykanku ka wada hadlayaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
Cirro ayaa aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo jebisay caqabaddii hortaagnayd aqoonsiga caalamiga ah, isaga oo sheegay inay Somaliland u sahashay inay si weyn uga dhex muuqato indhaha caalamka. Waxa kale oo uu taageeray in Trump la siiyo abaalmarinta Nabadda ee Nobel, isaga oo ku sababeeyey dadaallada uu sheegay inuu madaxweynuhu ka sameeyey xallinta colaadaha caalamka. Cirro waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay 2,000 oo askari oo nabad-ilaalin ah u dirto Qasa, si ay uga qaybqaataan dadaallada nabadeed ee uu ku sheegay inay hoggaaminayaan xubno ka tirsan maamulka Trump.
Ugu dambayn, Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Somaliland aanay Mareykanka u tegin inay codsato kaalmo dhaqaale balse ay doonayso iskaashi ku dhisan ganacsi, amni iyo horumar dhaqaale. Waxa uu farriin u diray shacabka Mareykanka, isaga oo Somaliland ku tilmaamay dal nabdoon oo dimuqraadi ah, lehna fursado maalgashi iyo goob istaraatiiji ah.
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Ganacsiga3 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Diblomaasiyadda1 month agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Afrika3 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Yurub3 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Doorashada3 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Sirdoonka & Militariga3 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Afrika3 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Arrimaha Amniga1 month agoMadaxweyne Mustafe Cagjar oo Jabhada ONLF ku eedeeyay inay rabto in ay deegaanka qalalaase galiso
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Ganacsiga & Dhaqaalaha1 month agoMaxay ka dhigan tahay in Markabka dagaal ee Turkiga ku soo xirto dekedda Muqdisho?
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Arrimaha Amniga1 month agoGolaha Ammaanka QM oo shaaciyay tirada dagaalyahaanada Daacish ee ku sugan Soomaaliya
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Arrimaha Amniga3 months agoColaadda Mareykanka iyo Iiraan oo saameyn ku yeelatay amniga Maraakiibta mara biyaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Sirdoonka & Militariga2 months agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Afrika2 months agoBangigga Adduunka oo shirkad Kenyaan ah ka mamnuucay mashaariicda Soomaaliya
Afrika3 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Arrimaha Amniga3 months agoCiidamada Kenya oo hawlgallo baaxad leh kawada xadka ay la wadaagto Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Soomaaliya3 months agoShan sano kadib Madaxweyne Xasan Sheekh wixii uu kaga digi jiray MW hore Farmaajo miyuu Soomaali bidayaa?
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga difaaca iyo mustaqbalka AUSSOM
Arrimaha Amniga1 month agoYemen oo sheegtay in meydadka dagaalyahanno Al-Shabaab ah laga dhex helay Xuutiyiinta lagu dilay dagaallo ka dhacay dalkaasi
Tahriib iyo Tiiraanyo1 month agoSoomaalida oo ka mid noqotay kooxaha ugu badan ee doonyaha yaryar ku taga Ingiriiska
Diblomaasiyadda3 months agoMasar oo Itoobiya ku eedeysay inay ‘siyaasadeyneyso’ howlaha biyo-xireenka Webiga Niil
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inuu tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta dowladdiisa









































