Connect with us

Soomaaliya

Madaxweyne Xasan oo walaac xooggan ka muujinaya kulamada Mucaaradka ka bilaabeen Muqdisho

Sidoo kale, xakameynta dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta Mucaaradka ay wadaan ayaa la xiriirta 15 Maay iyo doorasho xor iyo xalaal ah.

Published

on


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu wajahaayo walaac xooggan oo la xiriira dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee magaalada Muqdisho ka wadaan siyaasiyiinta Mucaaradka.

Xubnaha Mucaaradka ayaa qorsheynaya kulamo iyo is-aragyo ay la yeelanayaan bulshada qeybaheeda kala duwan inta aan la gaarin 15 Maay 2026, shalay ayaa waxay kulan la yeesheen odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ee ku dhaqan gobolka Banaadir.

Illo wareedyo aan helnay ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay Madaxweynaha uu qorsheynaayay inuu xiriir la sameeyo siyaasiyiinta Mucaaradka si toos ah iyo si dadban labadaba.

Hase yeeshee, dadaalladiisa ayaa la sheegay inay hungoobeen illo xog ah ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wajahayo cadaadis la xiriira arrimaha cabashooyinka barakicinta bulshada rayidka oo aad usoo badatay.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu saaxiibadiisa siyaasadeed ajendahiisa ugu weyn la hor-imaanaya uu yahay sugidda amniga magaalada Muqdisho.

Si kastaba waxaa jira cabashooyin xooggan oo ay bulshada ay qabaan waxa uu Madaxweynuhu ka baqayaa bannaanbaxyo aad u xooggan kuwaasi oo ay dhigayaan Mucaaradka iyo bulshada ku dhaqan Muqdisho.

Hase yeeshee, dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa arrintaan ku tilmaamay inay wiiqayso awoodiisa siyaasadeedm isla markaana Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wajahaya caqabado isku dhafan oo ay kamid yihiin cabashooyinka dhul boobka hoggaan daacad u ah isaga oo laga soo xulayo Dhuusamareeb, Jowhar iyo Baydhabo.

Sidoo kale, xakameynta dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta Mucaaradka ay wadaan ayaa la xiriirta 15 Maay iyo doorasho xor iyo xalaal ah.

Kulamadaan ayaa kusoo beegmaya xilli dalku galay xaalad kala guur ah isla markaana xubnaha Mucaaradka iyo Dowladda Federaalka ay wali isku fahmi la’yihiin nooca doorasho ee dalka ka dhacayso iyadoo Villa Soomaaliya ay xusid mudan tahay inay ku adkeysanayo doorasho qof iyo cod ah dalka ka bilaabato.

Mucaaradka Soomaaliya ayaa xilligaan ku goodinaya in uu soo dhammaaday baaqyadii iyo bayaannadii ay soo saari jireen kuna socday madaxda sarre ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Marka la eego qoraalkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay dabayaaqadii toddobaadkii aynu soo gudubnay Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo si cad ugu caddeeyay qoraalkiisa in uu dhammaaday wixii baaqyo afka ahaa oo ay dowladda u diri jireen sidoo kalena dulqaadka uu soo dhammaaday.

Xubno kale oo ka tirsan isla Mucaaradka Soomaaliya oo si hoose la hadlay Diblomaasi.com ayaa tilmaamay xilligaan wixii ka dambeeya in Mucaaradka Soomaaliya marnaba laga filan doonin qoraallo iyo bayaano ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, wallow tallaabada ay sida tooska ah u qaadi doonaan aannu caddeynin.

Illo xog ogaal ah ayaa u xaqiijinaya warbaahinta Diblomaasi.com kahor 15 Maay in la filan karro Mucaarad ka duwan midkii hore sanadihii iyo billihii lasoo dhaafay Dowladda Federaalka Soomaaliya baaqyada kala duwan ee xasaasiga ah u jeedinayay sidoo kale shirarka inay la qaataan madaxda Dowladda Soomaaliya marwaliba iska aqbali jiray iyadoo kulamada intooda badan bilaa natiijo kusoo dhamaanayay.

Laakiin doodda ugu weyn taagan ee Mucaaradku iyo Dowladda Federaalka oo salka ku hayso arrimo doorasho heshiis lagu yahay iyo dastuur lagu eedeynaayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya inuu ka dhex arkay masaalixdiisa gaarka ah fikirkiisana uu ka dhigay dastuur ilaa iyo hadda majirto wax xal iyo heshiis muuqda oo dhinacyada xittaa hal qoddob isla afgarteen.

Facebook Comments Box

Ibraahim Cusmaan Jibriil wuxuu ka tirsan yahay bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da'yarta. Dhinaca kale wuxuu wax ka qora ganacsiga, siyaasada, dhaqanka, kheyraadka dalka, af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska, iyo taarikhaha dalka. Waa shaqsi u taagan sidii geed-dheer iyo geed-gaabanba loogu fuuli lahaa sidii loo soo noolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummada soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Arrimaha Amniga

Wasiir Fiqi oo sheegay in ay madax jebinayaan siyaasiyiinta mucaaradka

Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in dowladda ay heshay xog ku saabsan ilaa 260 askari oo hubeysan oo la doonayay in lagu carqaladeeyo amniga.

Published

on


Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa beeniyay in dowladda federaalku weerartay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, isaga oo ku dooday in dowladda ay mas’uul ka tahay sugidda amniga dalka, isla markaana ay sharci u leedahay inay tallaabo ka qaaddo meelaha lagu ururinayo hubka iyo maleeshiyaadka.

Wasiirku wuxuu sheegay in haddii dowladdu damacsanayd inay weerarto guriga Shariifka ay fursado badan u heshay inay sidaas samayso balse ay dooratay wadahadal iyo in arrimaha lagu xalliyo si nabadeed. Waxa uu intaas ku daray in dhacdooyinkii hore ee la xiriiray xiisadaha amni ay muujiyeen in dowladda ay dhowr jeer ka gaabsatay tallaabo milatari.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay qaybo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamul-goboleedyada inay maleeshiyaad hubaysan u soo direen goobta ay xiisaddu ka taagan tahay, isaga oo sheegay in halkaas lagu ururiyay hub, isla markaana ay jiraan dhaqdhaqaaqyo uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah amniga caasimadda. Wasiir Fiqi Wuxuu sheegay in dowladda ay heshay xog ku saabsan ilaa 260 askari oo hubeysan oo la doonayay in lagu carqaladeeyo amniga. Isaga oo ka digaya cawaaqibka ay yeelan karto in maleeshiyaad hubeysan laga dhex sameeyo goobaha ganacsiga iyo hoteellada, ayuu wasiirku sheegay in arrintaasi halis ku tahay shacabka iyo maalgashiga, isaga oo bulshada Soomaaliyeed iyo culimada ugu baaqay inay ka hortagaan xaalad uu ku tilmaamay aafo amni.

Wasiir Fiqi ayaa ku adkaystay in dowladda aan laga hor istaagi karin inay tagto goobaha ay ka jirto khatar amni gaar ahaan meelaha lagu tuhunsan yahay in hub lagu ururinayo ama lagu diyaarinayo falal amniga wax u dhimaya. Wuxuu sheegay in waajibka dowladda uu yahay inay ka hortagto khatarahaas, isla markaana ay ilaaliso amniga guud ee dalka. Hadalka wasiirka Gaashaandhigga ayaa yimid, maalin kaddib markii mucaaradka ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka inay duullaan ku tahay hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kaasoo hoygiisa maalmihii ugu dambeeyay lagu arkayay ciidmao dowladda ah oo ku gaaf wareegaya.

Hadallada wasiirka ayaa imanaya xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka, iyadoo ay walaac ka taagan tahay saamaynta ay isku dhacyada siyaasadeed ku yeelan karaan xaaladda amni ee caasimadda.

Dad badan ayaa aamin in dooddaha siyaasadeed ee xalka loo waayay ay sababi karaan khalalaase siyaasadeed iyo mid amni xilli dhinaca kale eedeymaha loo jeedinaayo hoggaanka dowladda uu yahay in muddo kororsi ay sameysteen oo aanu sharciyad lahayn taasoo Mucaaradka iyo saamileyda kale ee siyaasadu ka biyo-diideen.

Geesta kale, Qaramada Midoobay ayaa codkeeda ku biirisay walaaca beesha caalamka ee sii kordhaya ee ku aaddan xaaladda hubanti la’aanta ay Soomaaliya gashay kadib markii ay fashilmeen wadahadalladii billo kahor Mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga socday magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay noqdeen wadahadalladii ugu dambeeyay ee la isku dayay in ay dhinacyadu heshiis dhinaca doorashooyinku ay ku gaaraan.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay la soccoto xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyadoo ugu baaqday Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Mucaaradka inay sii wadaan wadahadallada si heshiis loogu gaaro khilaafka arrimaha doorashooyinka ee dalka Soomaaliya ka taagan.

Ku-xigeenka Xoghaayaha Guud ee Qaramada Midoobay Farxaan Xaq ayaa sheegay in xoghaayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu si dhow ula socdo horumarada siyaasadeed iyo isbeddellada ka dhacaya dalka Soomaaliya gaar ahaan wadahadalladii dhowaan dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ee Soomaaliyeed.

Bayaanka kasoo baxay Qaramada Midoobay waxa uu imaanaya kadib shirar isdaba-jooga ah oo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacaayay kuwaasi oo is-afgarad la’aanta ay kusoo dhammaadeen iyadoo ay wali taagan tahay xiisadda la xiriirta hanaanka doorashada, dastuurka, muddo kordhinta dowladda federaalka ay sameysatay ee halka sano. Illaa iyo hadda safiiradda beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa sii wada iskudayo labada dhinac markale miiska wadahadalka la isugu keenaayo si ay heshiis ugu gaaraan khilaafka salka ku haaya doorashooyinka Soomaaliya oo muddadii dhaafay.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Soomaali Galbeed

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo xaqiijisay in ciidamo Soomaaliyeed ay galeen xadka Itoobiya

Hoggaanka Nabadda Deegaanka wuxuu sheegay in ciidamada loo kala diray koox-koox, isla markaana lagu sugayo habraacyada iyo heshiisyada labada dal.

Published

on


Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyey in ciidamo ay tababartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay galeen gudaha Itoobiya, kuwaas oo hadda la marinayo hannaan rasmi ah oo labada dal u dhaxeeya.

Hoggaanka nabadgalyada deegaanka, Cabdulqaadir Rashiid Ducaale ayaa sheegay in ciidamadan ay dhowaan gaareen Jigjiga, kaddib markii ay ka gudbeen xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya. Wuxuu sheegay in ciidamada loo kala diray koox-koox, isla markaana lagu sugayo habraacyada iyo heshiisyada labada dal.

Wuxuu sheegay in ciidamadu aysan si rasmi ah ugu soo gudbin Itoobiya hannaan cad oo lagu xaqiijiyey ujeeddada safarkooda, balse hadda la wado dadaallo lagu waafajinayo shuruucda iyo habraacyada labada dal. Sida uu sheegay kiiskan ciidankan waxaa gacanta ku haya hay’adaha sharciga iyo diblomaasiyadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo heli lahaa xal rasmi ah.

Ducaale ayaa sidoo kale sheegay in shacabka lala wadaagi doono wararka la xaqiijiyey iyo xogaha rasmiga ah ee arrintan ku saabsan, isaga oo ka digay faafinta warar aan la hubin oo abuuri kara jahawareer. Ciidamadan ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa gudaha Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaana hadda la geeyey magaalada Diridhaba, sida ay sheegayaan xogaha la helayo.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay kawada hadleen xaaladda ciidamada, iyadoo ay suuragal tahay in dib loogu celiyo Soomaaliya laguna qaado diyaarado. Ciidamadan ayaa qeyb ka ahaa kumanaan askari oo sanadkan lagu tababaray gobolka Galgaduud, kuwaas oo ay dowladdu sheegtay inay la dagaalamayaan kooxda Alshabaab. Markii tababarka loosoo xiray boqolaal kamid ah ciidankan ayaa u goosay dalka Itoobiya, iyadoo la sheegay inay la goosteen qoryo dowladdu ku hubaysay markii la tababaray.

Dhanka kale, Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii Agoosto 2026, Dugsiga Xananbuure ee Gobolka Galgaduud tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, xildhibaano, saraakiil iyo marti sharaf kale.

Ciidamada tababarka qaatay ayaa munaasabadda kusoo bandhigay dhoolatus ciidan iyo gaada ka ciyaar. Tababarka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo awoodda iyo diyaar-garowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Dhinaca kale, Madaxweynaha muddo dhaafka ah ayaa dhowaan sheegay in markii uu xilka yimid aysan jirin maamul goboleedyada ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isagoo xusay inuu door ku lahaa dhismaha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri: “Dalka markaan imid ma jirin dowlad goboleedyo laga bilaabo Gaalkacyo ilaa Kismaayo, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle anaa dhisay, Koonfurta iyo Bartamaha ayaa la oran jiray.”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Soomaaliya

Soomaaliya oo dooneysa in xubinnimada EAC ay u beddesho fursado dhaqaalle

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa deddaal dheer ku bixisay ka mid noqoshadda Ururka Bulshada Bariga Afrika, dowlada Soomaaliya bixisay qaaraan dhan 3.5 milyan oo doollar.

Published

on


Soomaaliya ayaa raadineysa sidii ay xubinnimada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ugu beddeli lahayd fursado ganacsi, maalgashi iyo isu-socod oo ay ka faa’iidaystaan shacabka iyo ganacsatada dalka, sida uu sheegay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Cumar Balcad.

Balcad oo ka hadlayay Shirka Saddexaad ee Bulshada Bariga Afrika (EACON 2026) ee Muqdisho ka furmay ayaa sheegay in madashu ay qayb ka tahay dadaallada lagu wacyigelinayo bulshada Soomaaliyeed ee ku saabsan fursadaha dhaqaale ee ka jira suuqa gobolka. Wuxuu sheegay in shirku isu keenayo ganacsatada, siyaasiyiinta, diblomaasiyiinta, safaaradaha, jaamacadaha iyo shirkadaha waaweyn si ay uga wada hadlaan sidii Soomaaliya iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah ururku ay uga faa’iidaysan lahaayeen suuqa ay wadaagaan.

Wasiiru-dowluhu wuxuu xusay in shirarkii hore laga soo saaray talooyin u baahan in ay fuliyaan ganacsatada, hay’adaha dowladda iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso, isagoo rajo ka muujiyay in kulanka sannadkan laga soo saaro qorshayaal sii xoojinaya ka faa’iidaysiga xubinnimada Soomaaliya.

Soomaaliya oo ah dalka ugu dambeeyay ee ku biira ururka ayaa hadda dadaal ugu jirta sidii ay u kordhin lahayd matalaaddeeda iyo ka qaybgalkeeda hay’adaha kala duwan ee Bulshada Bariga Afrika, sida uu sheegay Balcad. Wuxuu tilmaamay in Soomaalida oo horeba ganacsi iyo maalgashi ugu lahayd dalal ka tirsan gobolka ay door ka qaadan karto dardargelinta xiriirka dhaqaale, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay xiriir joogto ah la leedahay wasaaradaha dhiggeeda ah ee dalalka xubnaha ka ah ururka.

Dhanka kale, Balcad wuxuu sheegay in casriyeynta baasaboorka Soomaaliya ay ka mid tahay arrimaha weli u baahan in la dhammaystiro si loo fududeeyo isu-socodka muwaadiniinta ee dalalka xubnaha ka ah EAC. Wuxuu rajo ka muujiyay in arrintan horumar laga gaari doono sannadka soo socda, taas oo uu sheegay inay Soomaalida u sahli karto inay si fudud ugu safraan dalalka ururka, marka la buuxiyo shuruudaha looga baahan yahay.

Inkasta oo xubinnimada EAC ay Soomaaliya u abuureyso fursado cusub oo dhaqaale iyo ganacsi, haddana hadalka wasiiru-dowlaha ayaa muujinaya in muhiimadda xigta ay tahay sidii fursadahaas loogu beddeli lahaa faa’iidooyin la taaban karo oo ay helaan ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya deddaalka dheer ay ku bixisay ka mid noqoshadda Ururka Bulshada Bariga Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa deddaal dheer ku bixisay ka mid noqoshadda Ururka Bulshada Bariga Afrika, dowlada Soomaaliya bixisay qaaraan dhan 3.5 milyan oo doollar, iyadoo ay wali hirgelin in dadka Soomaaliyeed ay si hufnaan ah oo dal ku-gal la’aan ugu socdaallan dalalka Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa laga aqbalay codsigeeda ku biirista Daladda Bulshada Bariga Afrika dhammaadkii bishii Nofeembar 2023, waxaana si rasmi ah xubinnimadeeda qalinka lagu duugay laguna dhawaaqay 4-tii Maarso 2024, ku biirista dalladan Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay inay tahay tallaabo taarikhi ah oo Soomaaliya u horseedaysa horumar.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshay soo dhaweyn goboleed, iyada oo xubinnimadeeda ay tahay dalkii 8aad ee Ururka Bulshada Afrika ku biira. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer sheegtay inay gaartay guul taarikhi ah muddan in la illaalshado oo ay tahay dhaxal reeb ummadeed. Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada ku dhaqan Bariga Afrika ayaa sheegay inay u arkaan ku biirista Bulshada Bariga Afrika ay xuquuq ka maqnayd dhowr sanno oo ay in badan sugaayeen.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Soomaaliya

Soomaaliya oo karantiishay muwaadin la safray qof u geeriyooday cudurka Ebola

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay 12-ka Oktoobar 2026, ayay ku sheegtay in muwaadinka la karantiilay 11-kii Oktoobar, kadib markii la ogaaday inuu la safray qof u dhintay cudurka Ebola.

Published

on


Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in si ammaan ah loo karantiilay muwaadin Soomaaliyeed oo la xaqiijiyey inuu la soo safray qof u geeriyooday cudurka Ebola, iyadoo aan weli la xaqiijin in muwaadinka laftiisu inuu qabo cudurka.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay 12-ka Oktoobar 2026, ayay ku sheegtay in muwaadinka la karantiilay 11-kii Oktoobar, kadib markii la ogaaday inuu la safray qof u dhintay cudurka Ebola. Sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda muwaadinka ayaa loo gudbiyey Xarunta Karantiilka iyo Daaweynta Cudurka Ebola ee Isbitaalka Forlanini ee Muqdisho halkaas oo lagu sameynayo qiimeyn caafimaad iyo dabagal lagu ogaanayo xaaladdiisa.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Xafiiska Soomaaliya ee Xeerarka Caafimaadka Caalamiga ah (IHR) uu ogeysiis rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Uganda 10-kii Oktoobar 2026, kaas oo ku saabsanaa muwaadinka Soomaaliyeed. Sida qoraalku xusayo muwaadinku wuxuu ka mid ahaa dadkii la socday diyaarad ka soo duushay dalka Ugaandha kuna sii jeeday dalka Kongo, isagoo soo maray Ugaandha.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in muwaadinka uu habeen ku hoyday hoteel ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Entebbe ee dalka Ugaandha, kaddibna uu raacay diyaarad u socotay Muqdisho. Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in 11-kii Oktoobar, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay xaqiijisay in muwaadinka uu kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, isagoo maray habraacyada caafimaadka ee socdaalka. Markii dambe, waxaa la ogaaday inuu ka mid ahaa dadkii la safray qof u geeriyooday Ebola.

Si looga hortago faafitaanka cudurka Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in muwaadinka loo gudbiyey xarunta karantiilka ee Isbitaalka Forlanini, halkaas oo lagu sameynayo qiimeyn caafimaad iyo dabagal joogto ah. Wasaaraddu waxay caddeysay in aan weli la xaqiijin inuu muwaadinku qabo cudurka Ebola, iyadoo sheegtay in tallaabooyinka la qaaday ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xakameynayo khatarta cudurka iyo ilaalinta caafimaadka bulshada.

Dhanka kale, wasaaraddu waxay bulshada ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan kana fogaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin. Waxay sidoo kale ku boorrisay dadka inay raacaan talooyinka caafimaad ee rasmiga ah, ayna xogta cudurka ka helaan oo keliya ilo lagu kalsoonaan karo.

Soomaaliya ayaa bilowday baaritaanka dadka ka imaanaya dalalka Afrika kaddib markii Kenya ay xaqiijisay kiis Ebola ah, iyadoo kooxo caafimaad la geeyay garoomada diyaaradaha si ay ula socdaan rakaabka soo galaya dalka. Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo diyaar-garowga Soomaaliya iyo in si hore loo ogaado dadka laga yaabo inay qabaan cudurka kahor inta aysan gudaha dalka u gudbin. Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in tallaabooyinka caafimaad la xoojiyay kaddib markii Ebola laga xaqiijiyay Kenya oo Soomaaliya ay xuduud la wadaagto.

“Waxaan garoonka diyaaradaha ka hirgelinnay koox caafimaad oo la socota duulimaadyada ka imaanaya dalalka Afrika. Waxaan hadda xoojinaynaa diyaar-garowga kaddib markii Ebola uu gaaray Kenya,” ayuu yiri wasiirka. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale dadka ugu baaqday inay si joogto ah u dhaqaan gacmaha kana fogaadaan taabashada dhiigga ama dheecaannada jirka ee qof xanuunsan.

Dadka qaba xanuun daran gaar ahaan kuwa dhawaan ka soo safray deegaan uu Ebola ka jiro ayaa lagu boorriyay inay si degdeg ah u raadsadaan daryeel caafimaad. Calaamadaha Ebola waxaa ka mid noqon kara qandho, daal daran, murqo xanuun, madax-xanuun, matag iyo shuban. Xilli dalalka qaaradda Afrika uu markale dib ugu soo laba kacleeyay cudurka dilaaga ah ee Ebola dowladda Mareykanka ayaa qaaday tallaabooyin adag oo dhanka socdaalka la xiriira halka quburada caafimaadkuna ay ka digayaan khatarta weyn ee soo wajahday dalka Soomaaliya maadaama cudurkaan uu ku dhaw yahay xuduudaha dalka Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: “Waxaan diyaar u nahay in Itoobiya ay ka faa’iidaysato dekedda Berbera”

“Ma aragno wax dhibaato ah oo ku jira xiriirkayaga Israa’iil. Dal kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu doorto xiriirrada uu la yeelanayo dalalka kale” – ayuu yiri Bakaal.

Published

on


Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya kala hadasho baahideeda marin-badeed, isaga oo xusay in dekedda Berbera ay diyaar u tahay in Itoobiya ay ka faa’iidaysato. Wareysi uu siiyay telefishinka Sky News Arabia oo ka baxa Imaaraadka Carabta ayuu wasiirku kaga hadlay doorka Somaliland ee amniga Geeska Afrika xiriirka ay la yeelatay Israa’iil dadaallada ay ugu jirto helitaanka aqoonsi caalami ah iyo iskaashiga ay la leedahay Itoobiya.

Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay ku taallo meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah amniga marin-biyoodka Babul-Mandab iyo Badweynta Hindiya, isaga oo xusay in boqolkiiba 12 ilaa 15 ganacsiga badda ee caalamka uu maro marin-biyoodkaas, “Somaliland waa mid ka mid ah meelaha ugu nabdoon uguna xasilloon gobolka, waxaana aaminsanahay inay si weyn uga qayb qaadan karto ilaalinta amniga aaggan istaraatiijiga ah” – ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa difaacay xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliland ay la yeelatay Israa’iil, isaga oo sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay inay xiriir la samaysato dal kasta oo ay u aragto inuu dan u yahay, “Ma aragno wax dhibaato ah oo ku jira xiriirkayaga Israa’iil. Dal kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu doorto xiriirrada uu la yeelanayo dalalka kale” – ayuu yiri Bakaal. Waxa uu intaas ku daray in Somaliland iyo Israa’iil ay diyaar u yihiin inay ka wada shaqeeyaan dhinacyada ay u arkaan inay dan u yihiin labada dhinac, hase yeeshee ma uusan faahfaahin mashaariic gaar ah oo ilaa hadda laga hirgeliyay xiriirkaas.

Isaga oo ka jawaabaya dalalka Carabta iyo Muslimiinta qaarkood ee cambaareeyay xiriirkaas ayuu sheegay in dowladahaasi aysan weli si toos ah ula soo xiriirin Somaliland si ay ugu sharraxaan sababaha ay uga soo horjeedaan, wuxuu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wadahadal iyo inay ka jawaabto walaacyada laga qabo xiriirka ay la leedahay Israa’iil.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay hadallada Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan in Israa’iil ay Somaliland ka dhisanayso saldhig milatari ama mid badeed, wuxuu si adag u dhaliilay madaxweynaha isaga oo ku eedeeyay inuusan aqoon u lahayn xaaladda Somaliland iyo xiriirka ay la leedahay Israa’iil. Hase yeeshee, wareysiga kuma uusan soo bandhigin caddeymo madax-bannaan oo xaqiijinaya ama beeninaya jiritaanka saldhigga la sheegay.

Wasiirku wuxuu sidoo kale su’aal geliyay sharciyadda siyaasadeed ee madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo ku dooday in Somaliland ay muddo 35 sano ah iskeed isu maamuleysay, isla markaana ay dib ula soo noqotay madaxbannaanideedii 1960-kii. Dhanka kale, wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland lagu doortay doorasho uu ku tilmaamay mid ku dhisan mabda’a qof iyo cod, isaga oo xusay inuu helay boqolkiiba 65 codadkii la dhiibtay.

Isaga oo ka hadlayay xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, wasiirku wuxuu sheegay in Turkigu leeyahay saldhig milatari oo weyn oo ku yaalla Soomaaliya, isla markaana uu u joogo ilaalinta danihiisa, wuxuu dhaliilay mowqifka Turkiga ee ka dhanka ah xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, isaga oo ku dooday in Turkigu ahaa dalkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee xiriir la sameeya Israa’iil.

“Waxaan diyaar u nahay inaan wadahadal la yeelanno cid kasta. Ma aaminsani inaan wax dhibaato ah kala dhexeyso Turkiga, balse waa inuu Somaliland u daayaa arrimaheeda” – ayuu yiri wasiirku. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa mar kale xaqiijiyay inay Somaliland ku adkaysanayso is-afgaradkii ay la gashay Itoobiya, isaga oo sheegay in labada dhinac ay leeyihiin xiriir wanaagsan, ayna Somaliland fahamsan tahay baahida Itoobiya u qabto marin-badeed.

Wuxuu sheegay in dekedda Berbera, oo ay casriyeysay shirkadda DP World, ay diyaar u tahay inay u adeegto Itoobiya, isaga oo xusay in hadda la isticmaalayo qiyaastii 30 ilaa 40 boqolkiiba awoodda dekedda, “Waxaan leenahay xeeb dheer oo Itoobiya ka faa’iidaysan karto. Dekedda Berbera waa diyaar, marinka u socdaana wuu jiraa, Itoobiya-na waxay u baahan tahay dekedo dheeraad ah” ayuu yiri Wasiir Bakaal. Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay Itoobiya u aragto saaxiib muhiim ah, isla markaana ay diyaar u tahay inay kala hadasho hababka ay ku heli karto marin-badeed iyo iskaashi dhaqaale, wuxuu intaas ku daray in himilada Somaliland ay tahay in dekedda Berbera laga dhigo marin muhiim ah oo Afrika laga soo galo.

Isaga oo ka hadlayay xiisadaha iyo isbeddellada ka socda Geeska Afrika gaar ahaan xaaladda Itoobiya iyo Ereteriya, wasiirku wuxuu ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal, Wuxuu sheegay in Somaliland ay ka xun tahay dagaallada ka dhaca dalalka deriska la ah, isla markaana ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato xal u helidda dhibaatooyinka gobolka. “Waxaan rajeynaynaa in dhammaan khilaafaadyadan lagu xalliyo wadahadal, dadkuna ay fahmaan in dagaalku uusan waxba soo kordhinayn ayna wada fariistaan si ay khilaafaadkooda ugu xalliyaan wadahadal” – ayuu yiri wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Somaliland ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Mareykanka, isaga oo booqashadii uu Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalkaas ku tilmaamay mid muhiim ah oo faa’iido leh.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda Maraykanku ay si wanaagsan u qaabishay farriinta Somaliland, isla markaana Somaliland ay doonayso in xiriirka labada dhinac kor loo qaado. Si kastaba ha ahaatee, wareysiga kuma uusan sheegin natiijo rasmi ah oo ku saabsan aqoonsi Maraykan oo Somaliland hesho.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Arrimaha Amniga5 hours ago

Wasiir Fiqi oo sheegay in ay madax jebinayaan siyaasiyiinta mucaaradka

Ameerika12 hours ago

Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo gebi’ahaanba kala duwan

Soomaali Galbeed13 hours ago

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo xaqiijisay in ciidamo Soomaaliyeed ay galeen xadka Itoobiya

Ameerika14 hours ago

Xil. Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay baaritaan ay Ciidamada Amniga Mareykanku ku sameeyeen gurigeeda

Soomaaliya15 hours ago

Soomaaliya oo dooneysa in xubinnimada EAC ay u beddesho fursado dhaqaalle

Soomaaliya15 hours ago

Soomaaliya oo karantiishay muwaadin la safray qof u geeriyooday cudurka Ebola

Geeska Afrika16 hours ago

Dagaalka sokeeye ee Itoobiya: Xaggee Imaaraadka iyo Sacuudigu ka taagan yihiin?

Arrimaha Amniga1 day ago

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: “Waxaan diyaar u nahay in Itoobiya ay ka faa’iidaysato dekedda Berbera”

Arrimaha Amniga1 day ago

Cabdiraxmaan Cirro: “Trump waa nin weyn oo taariikh sameeyay, markale ayuu taariikh qori kara haddii uu Somaliland aqoonsado”

Geeska Afrika1 day ago

Soomaaliya oo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay xiisadda Itoobiya iyo Ereteriya

Soomaaliya1 day ago

Heerka macluusha Soomaaliya oo sare u kacay, kadib hoos u dhaca ku yimid gargaarka hay’adaha caalamiga ah

Afrika1 day ago

Ugu yaraan 72 macdan-qode Suudaaniyiin ah ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah: Hay’ad la socota xaaladda xuquuqda aadanaha

Sirdoonka & Militariga2 days ago

Soomaaliya iyo Ugaandha oo ku heshiyay iskaashiga milatari iyo dhaqaalaha

Geeska Afrika2 days ago

Itoobiya ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta magaalo xuduudeed ah kadib markii ciidamo Eriteriyaan ay kasoo galeen

Tahriib iyo Tiiraanyo2 days ago

Doon ku qaribantay xeebaha Jabuuti oo galaaftay ugu yaraan 139 muhaajiriin ah

Arrimaha Amniga2 days ago

Sheekh Shariif oo iska fogeeyay eedeymaha hay’adda NISA u jeedisay Ilaaladiisa

Arrimaha Amniga2 days ago

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo digniin culus u diray mucaaradka

Ameerika2 days ago

Masaajidda Minnesota oo adkeeyay ammaankooda, kadib hadal uu Trump u jeediyay dadka aan Soomaalida ahayn

Soomaaliya2 days ago

Himilo Qaran oo ka digay khataraha amni ee ka dhallan kara muranka siyaasadeed ee Soomaaliya

Arrimaha Amniga2 days ago

Imaaraadka oo duqeymo diyaaraddeed ku dilay dad rayid ah ee Maamulka Puntland

Diblomaasiyadda3 days ago

Dowladda Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda ku aaddan xiisadaha gobolka iyo xiriirka Itoobiya

Itoobiya3 days ago

Itoobiya oo sheegtay inay qasab ku tahay iska difaacida duullaanka ay kusoo qaaday Ereteriya

Arrimaha Amniga3 days ago

OCHA oo ka digtay xaaladda bani’aadannimo ee Baydhabo, kuna baaqday in la joojiyo colaadda

Arrimaha Amniga3 days ago

Ciidanka Danab oo hawlgal ka fuliyay Jubbada Hoose, laguna dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Arrimaha Amniga3 days ago

Ciidamada taabacsan Laftagareen oo isku ballaariyay gobollada Baay iyo Bakool

Afrika3 days ago

71 qof oo ku dhintay rabshado ka dhacay Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah

Arrimaha Amniga4 days ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub4 days ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub4 days ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga4 days ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya4 days ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika4 days ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Yurub5 days ago

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah oo lagu helay hurinta nacaybka

Arrimaha Amniga5 days ago

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Sirdoonka & Militariga5 days ago

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Itoobiya5 days ago

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan Eriteriya oo ku sugnaa agagaarka Adigrat

Soomaaliya5 days ago

Soomaaliya oo baaritaan caafimaad ku bilowday dadka ka imaanaya qaaradda Afrika

Ameerika5 days ago

Wiil Soomaali Mareykan ah oo loo xiray qorshe weerar oo ka dhan ah Mall of America

Xul

Diblomaasi.com