Connect with us

Ameerika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safray dalka Mareykanka, waa maxay ujeedada safarka?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay fursadda shirka caalamiga ah u adeegsato in ay indhaha caalamka ku soo jeediso xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.

Published

on


Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Mareykanka halkaas oo uu kaga qeybgalayo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Illo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo wafdigiisu ay u safreen Mareykanka, iyadoo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu furmayo maalinta berri ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shirka isagoo diiradda saari doona xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan baahida loo qabo in beesha caalamku kordhiso taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisadda ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu ka hadlo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo taageerada loo fidiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay fursadda shirka caalamiga ah u adeegsato in ay indhaha caalamka ku soo jeediso xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, iyadoo sidoo kale dalbanaysa in la kordhiyo gargaarka iyo maalgashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

Inta uu ku sugan yahay New York Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka qeybgalo kulamo rasmi ah iyo kuwo dhinac socda kuwaas oo uu kula yeelan doono saraakiil sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka iyo madaxda dalalka kale ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo Dowladda siinaysa fursad ay si toos ah uga qeybqaadato doodaha iyo go’aannada la xiriira nabadda iyo amniga caalamka.

Mareykanka oo hal sano u kordhiyay in lagu soo afjaro hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa oggolaatay in Qaramada Midoobay ay muddo hal sano ah oo dheeraad ah ku soo afjarto taageerada saadka ee ay siiso hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo mustaqbalka taageerada hawlgalka uu weli mugdi ku jiro.

Sida ay Reuters sheegtay, muddada kala guurka ayaa bilaabanaysa Jannaayo 2027, taas oo Qaramada Midoobay siinaysa waqti ay si tartiib ah ugu yareyso una soo afjarto hawlaha taageerada saadka ee AUSSOM. Qaramada Midoobay oo adeegsanaysa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa AUSSOM u fidisa adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin shidaalka, cuntada, caafimaadka, gaadiidka, isgaarsiinta, injineernimada iyo duulista.

Hase yeeshee, Mareykanka ayaa sheegay inuusan sii maalgelin doonin hawlgalka UNSOS oo miisaaniyaddiisu ku dhowdahay 500 milyan oo dollar sanadkii, iyadoo aan weli la helin hannaan kale oo si buuxda u beddela taageerada Qaramada Midoobay.

AUSSOM waxaa loo sameeyay in uu taageero dadaallada Soomaaliya ee la xiriira amniga iyo xasilinta dalka, iyadoo Qaramada Midoobayna ay sii waddo taageerada saadka ee hawlgalka. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu muddada hadda jirta ee AUSSOM iyo taageerada UNSOS ku saleeyay Qaraarka 2809, oo dhigaya dhammaadka 31-ka Diseember 2026.

Go’aanka cusub ayaa AUSSOM, Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku biiriya siinaya waqti dheeraad ah oo ay ugu diyaar-garoowaan isbeddelka ku imanaya nidaamka taageerada saadka. Si kastaba, weli lama caddeyn sida loo beddeli doono nidaamka ballaaran ee ay UNSOS hadda bixiso marka muddada kala-guurka ahi dhammaato, arrintaas oo muhiim u noqon karta awoodda ciidamada Soomaaliya iyo AUSSOM ee fulinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Go’aanka Mareykanka ayaa sidaas darteed siinaya hawlgalka waqti dheeraad ah balse ma aha kordhin joogto ah oo lagu sii wado taageerada Qaramada Midoobay.

Facebook Comments Box

Ibraahim Cusmaan Jibriil wuxuu ka tirsan yahay bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da'yarta. Dhinaca kale wuxuu wax ka qora ganacsiga, siyaasada, dhaqanka, kheyraadka dalka, af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska, iyo taarikhaha dalka. Waa shaqsi u taagan sidii geed-dheer iyo geed-gaabanba loogu fuuli lahaa sidii loo soo noolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummada soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Ameerika

Ninkii weeraray Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo lagu xukumay 14 bilood oo xabsi ah

Kazmierczak ayaa qirtay in weerarka uu salka ku hayay aragtiyo siyaasadeed oo uu kaga soo horjeeday Ilhaan Cumar.

Published

on


Maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa 14 bilood oo xabsi ah ku xukuntay nin lagu helay inuu weeraray Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka.

Anthony James Kazmierczak oo 55 jir ah ayaa Khamiistii qirtay dambiga weerarka isaga oo sheegay inuu si qorshaysan u beegsaday Xildhibaanadda intii lagu guda jiray kulan ay dadweynaha kula yeelanaysay Minneapolis 27-kii Janaayo 2026. Kazmierczak ayaa qirtay in weerarka uu salka ku hayay aragtiyo siyaasadeed oo uu kaga soo horjeeday Ilhaan Cumar.

Xilliga weerarka Kazmierczak oo fadhiyay safka hore ee goobta kulanka ayaa si lama filaan ah ugu booday Xildhibaanad Illhaan isaga oo ku buufiyay dareere ka kooban khal tufaax ah kaas oo gaaray dharkeeda iyo maqaarkeeda.

Muuqaallo laga duubay dhacdada ayaa muujiyay ninka oo ku qeylinaya “waa inaad iscasishaa”, isaga oo sidoo kale ku eedeeyay Ilhaan inay kala qaybinayso gobolka Minnesota. Kooxda ilaallada Ilhaan Cumar ayaa si degdeg ah u qabatay Kazmierczak waxaana markii dambe xiray booliska. Xildhibaanadda ayaan wax dhaawac ah kasoo gaarin weerarka, waxayna sii wadatay kulankii ay la lahayd shacabka Minnesota.

Kazmierczak ayaa maxkamadda kahor sheegay in xusuustiisa ku saabsan wixii dhacay ay tahay mid aan dhammeystirnayn. Hase yeeshee, dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in uu weerarka horey u sii qorsheeyay isla markaana uu fariimo u diray ugu yaraan saddex qof kahor inta uusan weerarka fulin.

Dacwad-oogayaashu waxay sidoo kale sheegeen inuu deriskiisa kala hadlay daryeelka eeygiisa iyo inuu diyaariyay xiriir la xiriira dammaanadda xabsiga, taas oo ay ku tilmaameen calaamado muujinaya in weerarku ahaa mid hore loo qorsheeyay. “Iga raalli noqo haddii aan ku cabsi geliyay” – ayuu sidoo kale ugu qoray Ilhaan Cumar fariin uu u diray weerarka kaddib.

Dacwaddu waxay sheegtay in Kazmierczak uu hore ugu soo qoray baraha bulshada hadallo uu ku weerarayo Madaxweynihii hore Joe Biden iyo Xisbiga Dimuqraadiga halka uu sidoo kale muujiyay taageero uu u hayo Madaxweyne Donald Trump.

Xeer-ilaaliyaha Mareykanka Daniel N. Rosen ayaa sheegay in weerarku uu tusaale u yahay waxa uu ku tilmaamay xaalad sii kordheysa oo dadka qaar ay nacaybka siyaasadeed ugu beddelayaan falal dambiyeed.

Ilhaan Cumar oo ah Soomaali Mareykan ayaa muddooyinkii u dambeeyay si weyn uga dhex muuqatay doodaha siyaasadeed ee Mareykanka gaar ahaan arrimaha socdaalka iyo siyaasadda xuduudaha.

Weerarka ayaa dhacay xilli ay Ilhaan Cumar si cad uga soo horjeedday hay’adda socdaalka iyo fulinta sharciga ee ICE waxayna sidoo kale dalbatay is-casilaadda mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Trump oo ay ku eedaysay habka loo maareeyay hawlgallada socdaalka ee Minnesota.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ameerika

Senatarkii Jamhuuriga ahaa ee geeriyooday Lindsey Graham, ayaa muddo dheer si joogto ah ugu ololeynayay xasuuqa iyo faragelinno militari

Sanadkii 2023, Graham wuxuu si adag u taageeray tallaabooyinka militari ee Israa’iil ku qaaday Qaza. Isagoo ka hadlayay dagaalka, wuxuu yiri: “Sim meesha,” ayuu Graham ugu baaqay Israa’iil. “Kaliya sim.”

Published

on


Senatarkii Jamhuuriga ahaa ee geeriyooday ayaa muddo dheer si joogto ah ugu ololeynayay dagaallo xasuuq sababay iyo faragelinno militari oo ka dhacay dalal badan, gaar ahaan dalalka Muslimiinta, sida dagaalka iyo burburka ka dhacay Qaza.

Ka dib geeridii lama filaanka ahayd ee Lindsey Graham, xildhibaano badan oo ka tirsan labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee Mareykanka ayaa u diray tacsi, iyagoo sidoo kale ammaanay shaqadiisa siyaasadeed, adeeggiisa dadweyne iyo dabeecaddiisa. Dhaleeceeyayaashiisu waxay ku doodayaan in Graham uu ahaa siyaasi si cad u taageeray hawlgallo militari oo sababay dhimasho badan, gaar ahaan xasuuqyada Qaza.

Maamulka Somaliland ayaa ka murugootay kana tacsiyaddeeyey geeridiisa. Sida lagu sheegay qoraalka tacsiyeynta “Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay inay tacsi tiiraanyo leh u dirayso qoyska Senator Lindsey Graham, iyo sidoo kale Dowladda iyo shacabka Mareykanka, kadib geeridiisa.” Qoraal ay baahisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in Senator Graham uu ahaa siyaasi caan ah iyo saaxiib ay Somaliland ku tilmaantay mid qiimo weyn ku lahaa xidhiidhka labada dhinac.

Somaliland waxay sidoo kale xustay inuu door muuqda ka qaatay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo adkaynta xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka. Somaliland ayaa sheegtay inay la qaybsanayso shacabka Mareykanka murugada ka dhalatay geerida Senator Lindsey Graham, iyadoo u muujisay tacsi iyo garab istaag qoyskiisa iyo dhammaan dadka uu ka baxay.

Somaliland ayaa sheegtay inay la qaybsanayso shacabka Mareykanka murugada ka dhalatay geerida Senator Lindsey Graham, iyadoo u muujisay tacsi iyo garab istaag qoyskiisa iyo dhammaan dadka uu ka baxay.

Sanadkii 2023, Graham wuxuu si adag u taageeray tallaabooyinka militari ee Israa’iil ku qaaday Qaza. Isagoo ka hadlayay dagaalka, wuxuu yiri: “Sim meesha,” ayuu Graham ugu baaqay Israa’iil. “Kaliya sim.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu tusaalle u soo qaatay dagaalladii Mareykanka uu la galay Jarmalka iyo Jabbaan, isagoo yiri: “Waxaan simnay Baarliin. Waxaan simnay Tokyo. Ma qaldanayn inaan isticmaalno bamkii atoomiga ahaa si loo soo afjaro xukunkii militariga ee Jabbaan.”

Markii uu ka hadlayay weerarradii 7-dii Oktoobar Qaza, Senatar Lindsey Graham wuxuu sheegay in burbur kasta oo ka dhasha dagaalka uusan noqon karin mid aad u badan. Wuxuu ugu baaqay Israa’iil inay sameyso “wax kasta oo ay u aragto lagama maarmaan,” isagoo mar kale xusay Hiroshima iyo Nagasaki.

Wareysi uu siiyay CNN ayaa si toos ah loogu weydiiyay haddii uu jiro xad uu u aqbali karo khasaaraha rayidka ah ee ka dhasha hawlgallada militari. Jawaabtiisu waxay ahayd: “Maya. Ma jiro wax xad ah.”

Inkasta oo uu sheegay in Israa’iil ay isku daydo inay yareyso dhimashada rayidka, haddana Graham wuxuu caddeeyay inuusan cambaareyn doonin tallaabo militari oo sababi karta khasaaro ballaaran haddii Israa’iil ay u aragto inay lagama maarmaan u tahay ciribtirka Xamaas. Wuxuu sidoo kale dadka Qaza ku tilmaamay “dadka ugu xagjirsan.” Dagaalkii xigay wuxuu sababay burbur aad u weyn. Israa’iil waxay qaaday weerarro lagu bartilmaameedsaday goobo ay ka mid yihiin iskuullo, isbitaallo, masaajiddo iyo xaafado dadweyne. Waxaa ku dhintay kumannaan rayid ah oo ay ku jireen carruur, haween, shaqaalaha gargaarka, saxafiyiin iyo dhakhaatiir. Qoysas badan ayaa gebi ahaanba la waayay. Khasaaraha dhabta ah ee dagaalka xasuuqa ahaa ee Israa’iil ay ka geysatay marinka Qaza ayaa aad uga badan qiyaasihii rasmiga ahaa ee hore, iyadoo cilmi-baaris madax-bannaan oo lagu daabacay joornaalada caafimaadka ay xaqiijisay in ka badan 75,000 oo “dhimasho ah” horraantii 2025.

Dhaleeceeyayaasha Graham waxay ku doodaan in intii ay dhacdooyinkaas socdeen uu ahaa mid ka mid ah siyaasiyiintii Mareykanka ee sida ugu adag u difaacay hawlgallada militari ee Israa’iil.

Wuxuu leeyahay taariikh dheer oo taageero dagaallo iyo xasuuq

Michael Hanna oo ka tirsan International Crisis Group ayaa sheegay in Graham muddo dheer lagu yaqaanay siyaasad dibadeed oo adag, isla markaana uu inta badan doorbiday xalal militari marka la wajahayo khilaafaadka siyaasadeed. Graham wuxuu taageeray dagaalkii Ciraaq. Sannadkii 2017, wuxuu sidoo kale ku baaqay in Mareykanku diyaar u noqdo dagaal ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi, isagoo sheegay in haddii kumannaan qof ay ku dhintaan dagaalkaas, inta badan ay noqon doonaan Kuuriyaan, ee aysan noqon doonin Mareykan.

Dhanka xuquuqda madaniga ah, Graham wuxuu taageeray in si aan waqti xaddidnayn loo hayo dadka lagu tuhmo argagixisada. Wuxuu yiri: “Markay yiraahdaan, ‘Waxaan rabaa qareenkayga,’ waxaad ku tiraahdaa, ‘Aamus. Qareen ma heleysid. Waxaad tahay dagaalyahan cadow ah.’”

Mar kale wuxuu yiri: “Haddii aan noqdo Madaxweynaha Mareykanka oo aad ka fikirayso inaad ku biirto Al-Qaacida ama Daacish, ma wici doono garsoore. Waxaan wici doonaa diyaarad aan duuliye lahayn, waana ku dili doonaa.”

Sannadkii 2022, Graham wuxuu ku baaqay in la dilo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Wuxuu sidoo kale taageeray tallaabooyin militari oo ka dhan ah Venezuela, isagoo sheegay in Kuubba ay noqon karto bartilmaameedka xiga.

Dadka Yukreyn waxay u badan tahay inay ku qanacsanaayeen taageeradii Graham ee dagaalka ka dhanka ah Ruushka. Si kastaba ha ahaatee, Graham wuxuu taageerada Mareykanka ku tilmaamay “maalgashi wanaagsan,” isagoo sheegay in Ukraine ay sii dagaallami doonto “qofka ugu dambeeya” haddii la siiyo hub iyo taageero dhaqaale. Wuxuu sidoo kale ku boorriyay Ukraine inay ballaariso askaraynta dhalinyarada.

Muddo dheer Graham wuxuu sidoo kale ku baaqayay in tallaabo militari laga qaado Iiraan. Kadib weerarradii 7-dii Oktoobar, wuxuu ku baaqay tallaabooyin adag oo ka dhan ah Iiraan, xitaa iyadoo aan la soo bandhigin caddeyn toos ah oo muujinaysa ku lug lahaanshaheeda weerarka. Markii Madaxweyne Donald Trump uu bilaabay weerarro militari oo ka dhan ah Iiraan, Graham wuxuu sheegay in kharashka ku baxay hawlgalladaas uu ahaa “lacagtii ugu fiicnayd ee la bixiyo.” Dhaleeceeyayaashu waxay ku doodeen in dagaallada noocaas ahi aysan mar walba gaarin yoolalkii la qorsheeyay, balse ay kordhiyeen xasillooni darrada gobolka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ameerika

Mareykanka oo niyad jab ku riday Somaliland

Masuuliyiinta waaxda arrimaha dibadda ayaa hoosta ka xariiqay in dadaalladaasi aysan waxba beddelin mowqifka rasmiga ah ee Washington ee ku aaddan aqoonsiga Soomaaliya oo ah dal mideysan.

Published

on


Maamulka Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa u sheegay Congress-ka in dowladda Mareykanka si buuxda u aqoonsan tahay madax-banaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuurriyada Federaalka Soomaaliya wuxuuna si cad u qeexay in Somaliland tahay gobol kale tirsan xuduudaha caalamka u aqoonsan yahay dalka Soomaaliya.

Warbixin ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u gudbisay Congress-ka ayaa lagu sheegay in Washington ay sii wadi doonto taageerida ay u hayso midnimada dalka Soomaaliya, iyadoo taasi barbar socoto in xiriir wada-shaqeyn oo dhanka shaqada ah la leedahay maamulka Somaliland.

Sida lagu xusay warbixinta Mareykanka wuxuu kala shaqeynayaa masuuliyiinta maamulka Somaliland arrimo kala duwan oo quseeya maamul wanaagga, amniga iyo horumarinta iyadoo wada-shaqeyntaasi ku kooban tahay kaliya hab waafaqsan siyaasadda guud ee Mareykanka taageerida midnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay qiimeynayso waddooyin cusub oo lagu ballaarin karro iskaashiga ay la leedahay Somaliland gaar ahaan dhinacyada taageerida hay’adaha maamulka, iskaashiga amniga iyo gargaarka horumarinta.

Masuuliyiinta waaxda arrimaha dibadda ayaa hoosta ka xariiqay in dadaalladaasi aysan waxba beddelin mowqifka rasmiga ah ee Washington ee ku aaddan aqoonsiga Soomaaliya oo ah dal mideysan balse ay qeyb ka yihiin qorsheyaal lagu xoojinayo xasilloonida, horumarka iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay socdaan doodaha ku saabsan aqoonsiga Somaliland kuwaasoo gudaha Mareykanka ka wadaan Xildhibaano iyo siyaasiyiin la sheegay inay lacago badan ku qaateen olollaha ictiraaf raadinta uu maamulka Hargeysa muddo dheer 34 sano baadigoobaayay aqoonsi balse aan wali ku guuleysan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan caddeysay in Somaliland ay tahay qeyb kamid ah Soomaaliya iyadoo meesha ka saartay in wax gorgortan laga gelaayo midnimada iyo madaxbanaanida dalka.

Mowqifkaan ayaa sii adkaaday kadib markii Israa’iil bishii Diseembar sanadkii lasoo dhaafay 2025, shaacisay in dal ahaan u aqoonsatay Somaliland taasoo dhalisay cambaareyn xooggan oo dhanka caalamka ah iyo diidmo ku aaddan tallaabadaasi ka dhanka ah madaxbanaanida qaranka Soomaaliya.

Dhanka kale, dowladda Kenya ayaa joojisay munaasabad lagu maamuusayay 18-ka Maay oo lagu sheegay inay tahay maalinta ay gobollada Waqooyi Galbeed Soomaaliya ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale taasoo qorshuhu ahaa inay ka dhacdo magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Kenya.

Munaasabaddan ayaa lagu waday in lagu xuso waxa ay Somaliland ugu yeerto maalinta gooni isu taagga, hase yeeshee dowladda Kenya ayaa hakisay qabsoomida munaasabadaasi, iyadoo sidoo kale la xiray qaar ka mid ah howlwadeennadii ku lugta lahaa diyaarinta iyo abaabulka xafladda.

Tallaabadan ayaa noqotay tii ugu horreysay ee dowladda Kenya si rasmi ah uga hortagto munaasabad la xiriirta xuska 18-ka Maay oo lagu qabanayo gudaha dalkeeda.

Dhankiisa Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlaaayay xuska 18 Maay, ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid hore loo qaaday waxa uuna sheegay in wax badan ka tari doono dadaallada aqoonsi raadinta Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku faanay in xiriirka u dhexeeyo Israa’iil iyo Somaliland inuu meel wanaagsan maraayo isagoo sheegay inay wadamo badan ay jidka kusoo jiraan si loo aqoonsado Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

Cirro ayaa sheegay in xiriirka Somaliland iyo Israa’iil tan iyo markii labada wadan ay galeen heshiisyada uu sare u sii kacaayo isla markaasna ay Somaliland xoojinayso dadaalladeeda ku saabsan aqoonsi raadinta iyo xiriirrada caalamiga ah ay la yeelanayso wadamada caalamka.

Wuxuu sidoo kale ku dheeraaday in qorshaha aqoonsiga Somaliland uu sare qaadaayo dhinaca ganacsiga iyo horumarinta sida uu hadalka u dhigay, isagoo hoosta ka xariiqay in Somaliland ay xaq u leedahay inay dalalka caalamka ay aqoonsi ka hesho.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ameerika

Dowladda Mareykanka oo ka digtay fashilka wadahadalka Dowlada Federaalka iyo Mucaaradka

Waxay tani ay walaac xooggan ku beertay beesha caalamka oo ka cabsi qaba in Soomaaliya ay gasho marxalad dhinac maqnaashaha awooda.

Published

on


Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa soo saartay baaq siyaasi ah oo ku socda hoggaamiyeyaasha dalka Soomaaliya iyadoo ugu baaqday mudnaanta koowaad ay siiyaan wadahadalka iyo tanaasulka si loogu gudbo is-mari-waagga siyaasaddeed ee hadda ka taagan nidaamka doorashada dalka.

War-saxaafaddeedka safaaradda ay soo saartay waxaa lagu sheegay inay dhiirigelinayso wadahadal kaasoo ah mid aad u adag balse lagama maarmaan u ah mustaqbalka dalka Soomaaliya iyo in laga badbaadiyo dib inuu ugu laabto marxaladihii kasoo gudbay.

Waxaana madaxda sarsare ee dalka Soomaaliya lagu dhiirigeliyay wada-xaajoodyada xalka loogu raadinaayo khilaafka arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka ee ka taagan Soomaaliya.

Geedi-socodka siyaasadeed ee mideysan wuxuu ka hortagayaa dhibaatooyinka dhanka amniga iyo dhanka siyaasadda wuxuu xoojinaya maamul wanaagga isla markaana wxuu horumarinaya arrimaha hortebinta u leh Soomaaliya iyo beesha caalamka, ayaa lagu yirri qoraalka kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

War-saxaafadeedkan wuxuu kusoo beegmaya xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ay wajahayso is-mari-waaga xooggan oo dhanka doorashooyinka ah, iyadoo muddada xil heynta dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhawdahay inay dhammaato taasoo ku eg Maay 2026.

Waxaana wali jira kala aragti duwaanaasho xooggan oo u dhexeeya dowladda dhexe ee dalka mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada sida Jubbaland iyo Puntland oo aad ugu soo horjeeda nidaamka doorashooyinka oo dowladdu hadda dejisay.

Baaqa Mareykanka wuxuu kale u kusoo beegmaya iyadoo maalintii shalay shirkii ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya natiijo la’aan kusoo dhammaaday isla markaan dhinacyadu ay hadda meel adag kala taagan yihiin.

Waxay tani ay walaac xooggan ku beertay beesha caalamka oo ka cabsi qaba in Soomaaliya ay gasho marxalad dhinac maqnaashaha awooda maadaama muddada xil heynta dowladda hadda jirta ay sii dhammaanayso nidaam doorasho heshiis lagu yahay aysan wali jirin.

Dowladda Federaalka waxay ku adkeysanaysaa nidaamka doorashada dimoqraadiga ah ee qof iyo cod keliya dalka inay ka dhici doonto looguna gudbi doono marxaladda uu hadda lagu jiro ee qabiilka ku saleysan.

Waxaa dhinaca kale Mucaaradka ay ku doodayan in aysan waqti ku filan dowladda oo dalka ay ku gaarsiin karto nidaam doorasho dimoqraadi ah loona baahan yahay inay qabato waxkasta oo la awoodo taasi oo micnaheedu tahay in dib loogu laabto doorashadii dadbaneed ee Xildhibaanadu ay Madaxweynuhu ku dooran jireen Teendhada Afisiyooni.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud waxaa muddo xileedkiisa dastuuriga ah kaga harsan keliya 83-tan cisho oo ka dhigan Labo bilood iyo seddex maalmood waana muddada sida sharciga dastuurka heshiiska ku ahayd Soomaalida ugu qoran isla markaana lagu doortay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud 15-Maay 2022-kii.

Inkastoo uu jiro dastuur wax-ka-beddel lagu sameeyay oo dhinaca Villa Soomaaliya ag yaalla, Madaxweyne Xasan Sheekh qeyb kamidna hore u saxiixay balse saamileyda siyaasaddeed intooda badan iyo Soomaalida qaarkood ayaa ka cuntamin dhankooda wax-ka-beddelka dastuurka lagu sameeyay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ee maalmahaasi kooban ay u harsan waxaa horyaalla caqabad farabadan oo u baahan inuu ka gudubo kahor inta aan la gaarin 15-Maay 2026, iyadoo si aad ah xubnaha saamileyda siyaasaddeed iyo siyaasiyiinta xil doonka ay u dhararayaan inuu ka dhaco Madaxweynaha ‘Mandate-ka’.

Kulamo xiriira ah ayaa u muuqda kuwa aan la’isku mari karin marka la eego dammac siyaasadeed ee dhinacyada is haaya oo qolo walib ay doonayso in cadkeedda siyaasaddeed siyaasadda Soomaaliya iyo marxaladda kala-guurka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eddeynayaa sida ay siyaasiyiinta Mucaaradka doodda ay u dhigayaan inuu markaa ku jiro dammac siyaasadeed oo dhinac u raran iyo doorasho aan heshiis lagu ahayn inuu u dhaqaaqaayo, taasoo dowladda ay tijaabisay sannadkii aynu kasoo gudubnay dabayaaqadeeda doorashadii Golaha Deegaanka ee lagu bilaabay Gobolka Banaadir, halka dowladda sidoo kale lagu eedeynaayo inay dhisay guddi doorasho ee aan heshiis lagu ahayn isla markaana iyada keliya gaar u ah.

Laakiin Mucaaradka ayaa qabo dood la xiriirta in Soomaaliya keliya ay ka qabsoomi karto doorasho dadban oo Teendhada markale dib loogu laaban karro, marka la eego marxaladaha adag ee dalku ku jiro, waqtiga isii daba-guraya ee dowlada federaalka muddo xileedka dastuuriga ah, khilaafka dhinacyada halka ay kala taagan yihiin iyo dib u dhacyada badan ee siyaasiyiinta ku dooddaya.

Madaxweynaha haatan xukunka jooga ee loo arko inuusan dhageysanaynin dooddaha siyaasaddeed ee dhinaca saamileyda hore isaga intuu ruucleynta ugu jiray raadinra xukunka kahor wixii ka horreeyay 15-kii Maay 2022, waxaa diiwanka u galay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu geed dheer u fuulay si doorasho heshiis lagu yahay ay xilligaasi dalka ugu qabsoomi lahayd taasi oo ugu dambeyntii ay dhacday doorasho dadban oo dhinaca Mucaaradka ee waqtiga Madaxweynahana uu ka mid ahaa ee dalka ka qabsoomtay.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ameerika

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo Donald Trump hordhigtay su’aallo adag

Ilhaan waxa ay tilmaamtay Madaxweynaha Mareykanka in laga rabay dalka in uu mideeyo balse hadda uu u muuqdo qof kala qeybinaya bulshooyinka Mareykanka.

Published

on


Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo jawaab ka bixisay dhaliilaha uga yimid Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigtay 9 tallaab oo ceeb ku ah, waxa ay dul istaagtay qoddobadaas iyada oo si xeeladeysan dadka ugu iftiimisay.

Ilhaan Cumar waxay sheegtay hadallada naceybka ku saleysan ee Donald Trump inay ku dhiirigelinayaan dadka cadaanka ee cunsuriyiinta inay iyada weeraraan maadaama iyadu ay tahay codka ugu xoog badan ee u doodda xuquuqda dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota.

Ilhaan waxa ay tilmaamtay Madaxweynaha Mareykanka in laga rabay dalka in uu mideeyo balse hadda uu u muuqdo qof kala qeybinaya bulshooyinka Mareykanka isla markaana uu u kala qeybinayo dhinaca midabka, diinta iyo dalka ay kasoo jeedaan, arrintaasina ay tahay mid dhaawacaysa dastuurka iyo dimuqraadiyadda wadanka Mareykanka.

Qoraal ay ku baahisay barteeda Facebook ayay cinwaan uga dhigtay “Xiliga dahabiga ah ee Trump” iyada oo intaas kaddib usii gudubtay qoddobada ay ku eeddeysay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump in uu ku dhaqaaqay muddo xileedkiisa hadda joogo. Qoddabada waxaa kamid ah:

1. Ciidanka Hay’adda Socdaalka ee ICE oo dishay Muwaadiniin Ameerikaan ah.

2. Baaritaanno isir naceyb ku salaysan oo baahsan oo lagula kacay dadweynaha Madowga ah ee ku nool Mareykanka gaar ahaan Muslmiinta.

3. Dhibaatooyin lagu haayo dadka isticmaalaya xuquuqdoodda dastuuriga ah.

4. Jarista kaalmada iyo adeegyada caafimaad.

5. Kharashaadka ku baxaya daryeelka caafimaad oo sii kordhay

6. Hawlgal sharci darro ah oo laga fuliyay Venezuela

7. Hanjabaad ku saabsan Jasiiradda Greenland

8-Qarinta Kiiska Jeffrey Epstein oo ah maalqabeynka Ku caanbaxay fadeexad kufsi iyo ka ganacsiga carruurta

9-Canshuuro aan xad lahayn iyada oo qiimaha maciishadda ay sarre u kacday.

Dagaalka ay isu adeegsanayaan Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ah mid waqti dheer jiitamayay, Trump ayaa gaaray heer uu dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku dacweeyo maadaama asalkeedu Soomaali ay tahay.

Ilhaan Cumar ayaa dhowaan ka badbaaday weerar uu kusoo qaaday nin cadaan ah oo 55 sanno jir ah oo magaciisa lagu soo koobay Antony, kaasoo ciidamada ammaanka ay gacanta ku haayan iyadoo baaritaan lagu sameynayo cidii soo adeegsatay iyo nooca cirbadda uu watay dareeraha ku jiray.

Ilhaan waxay sheegtay ammaankeeda inay lacag badan ay ku bixiso sidii loo sugi lahaa, iyadoo tilmaamtay inay arrintaan aysan dhici lahayn haddii uusan Trump Madaxweyne ka noqon lahayn dalka Mareykanka.

Shacabka Minnesota ayay sheegtay inay soo doorteen una adeegi doonto isla markaana aysan ka hor-istaagi doonin shaqada ay hayso hanjabaadda, caga-jugleynta iyo khatarta dadka cunsuriyiinta nolosheeda ay ku hayaan.

Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaan Dimuqraadi ah, ayaa ku qortay X wax yar ka dib markii dhacdadu dhammaatay: “Waan fiicanahay. Waan badbaaday marka kicintan yar igama cabsi gelin doonto inaan shaqadayda qabto. Uma ogolaanayo kuwa raba inay guuleystaan. Waxaan u mahadcelinayaa dadkayga cajiibka ah ee iga soo horjeeday. Minnesota way xoog badan tahay.”

Weerarkii Ilhaan Cumar isla markiiba waxaa lagu cambaareeyay khadka tooska ah. “Lama aqbali karo. Rabshadaha iyo cabsigelintu meel kuma lahan Minneapolis. Waan isku khilaafi karnaa iyada oo aan dadka khatar gelin,” Duqa Magaalada Minneapolis Jacob Frey, oo Dimuqraadi ah, ayaa ku yiri X.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Geeska Afrika16 hours ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Yurub21 hours ago

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah oo lagu helay hurinta nacaybka

Arrimaha Amniga22 hours ago

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Sirdoonka & Militariga1 day ago

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Itoobiya1 day ago

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan Eriteriya oo ku sugnaa agagaarka Adigrat

Soomaaliya1 day ago

Soomaaliya oo baaritaan caafimaad ku bilowday dadka ka imaanaya qaaradda Afrika

Ameerika2 days ago

Wiil Soomaali Mareykan ah oo loo xiray qorshe weerar oo ka dhan ah Mall of America

Arrimaha Amniga2 days ago

Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”

Diblomaasiyadda2 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay weli dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka

Ameerika2 days ago

Xubno ka tirsanaa wafdigii C/raxmaan Cirro ee Mareyanka oo u goostay dalka Kanada

Diblomaasiyadda3 days ago

MW Xasan Sheekh oo beeniyay in Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan

Arrimaha Amniga3 days ago

Hawlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Diblomaasiyadda3 days ago

Itoobiya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu ku kacay ficillo ka hor imaanaya danaheeda

Sirdoonka & Militariga3 days ago

Ciidamada Yemen oo bilaabay weerar ay dib ugu qabsanayaan Al-Waziiya oo ay Xuutiyiintu haystaan ​​ee Taciz

Caafimaadka & Sayniska3 days ago

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Soomaaliya4 days ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha4 days ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika4 days ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya4 days ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga4 days ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya4 days ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya4 days ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda5 days ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga5 days ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga5 days ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga5 days ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda6 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda6 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya6 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya6 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Arrimaha Amniga6 days ago

Muqdisho: “Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso”

Ameerika6 days ago

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Arrimaha Amniga6 days ago

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo sababay khasaaro rayid oo gaaraya 216 qof

Arrimaha Amniga7 days ago

Ciidanka Badda Soomaaliya oo Hobyo ku qabtay doon ay saarnayeen toddobo ajaanib ah

Ameerika7 days ago

Madaxweynaha Mareykanka, Trump oo markale Soomaalida ku tilmaamay tuugo

Itoobiya7 days ago

Ciidamada Itoobiya oo sheegay inay la wareegeen garoonka diyaaradaha Mekelle

Soomaaliya7 days ago

UK oo $2.5 Milyan ugu deeqday Soomaaliya si looga hortago fatahaadaha roobka Deyrta

Yurub7 days ago

Booliiska Jarmalka oo markale gacanta ku dhigay kiiska Soomaali Mindi isku dishay

Soomaaliya1 week ago

Wasiir Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay shirqool ka dhan ah dawladnimada

Xul

Diblomaasi.com