Connect with us

Doorashada

Magaalada Baydhabo oo saakay looga dareeraya doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha

Magaalada Baydhabo ammaankeeda ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo ay soo hanjabayaan ciidamadii godoodsanaa ee Mucaaradka ee la safan Madaxweynihii hore ee Cabdicasiis Laftagareen.

Published

on


Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay dareeraan doorasho qof iyo cod ah isla markaana doorashadaan ayaa ah isku sigtan oo Baarlamaan iyo Madaxweyneba shacabka ay ku dooraan doonaan olollo doorasho oo aad u ballaaran ayaana ka socda oo musharraxiin kala duwan ay ka qeybgalayaan.

Musharraxa Xisbiga JSP, Sheekh Aadan Madoobe ayaa ah musharraxa ugu cadcad ee loo saadaalinayo inuu Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed uu noqon doono.

Magaalada Baydhabo ammaankeeda ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo ay soo hanjabayaan ciidamadii godoodsanaa ee Mucaaradka ee la safan Madaxweynihii hore ee Cabdicasiis Laftagareen.

Waxaana ciidamadaasi oo duleedka Baydhabo iyo meelo kale ku sugan ay soo direen hanjabaado inay beegsan doonaan dadka doorashada ka qeybgalaya ammaankana qalqal weyn laga baqaayo inuu galo.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo kaashanaya ciidamo Itoobiyaan ah ayaa ammaanka magaalada Baydhabo la wareegay duleedkana la dhigay doorashada ka dhacaysa Koonfur Galbeed jiho cusub ayay maamulkaan ay u jiheyn doontaa waxaa ayna noqonaysaa markii ugu horreysay oo sanduuqa ay shacabka kusoo dooranayaan Madaxweynahooda iyo Xildhibaanada.

Xilli ay wali soconayaan dib-u-habeynta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya halkaasi oo ay ku sugan yihiin saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku gacan seyrayn saraakiisha hore u taabacsaneed Madaxweynihii xilka laga riday ee Laftagareen in ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed taasi oo ay sheegeen in xuquuqdooda qeyb loogu dhigi doono ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Ciidamo aad u hubeysan oo taabacsan Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Koonfur Galbeed, Laftagareen ayaa kasoo ruqaansaday gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland iyagoo usoo ruqaansaday dhanka gobollada Baay iyo Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamadaan ayaa doonaya inay dib ula wareegaan deegaanadii hore u faarujiyeen kuwaasi oo loogu itaal roonaaday. Sidoo kale shaashaduhu waxay soo qabanaayeen Wasiirkii hore Amniga Maamulka Koonfur Galbeed kaasi oo ciidamadu horkacaayay.

Tan iyo markii xukun laga tuuray Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen maamulka KGS ayaa xaaladda siyaasadeed iyo mid amni noqotay mid aad u cakiran, wareysi hore u bixiyay Laftagareen ayaa ku sheegay inuu yahay Madaxweynaha saxda ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, lama ogga xaalka Maamulka Koonfur Galbeed iyo halka uu ku dambeyn doono iyadoo amniga magaalada Baydhabo ay tahay mid aad u hooseysa isla markaana ciidamada uu hoggaaminaayo Wasiirka hore Amniga ay kaabiya kusoo haaya magaalada Baydhaba sida ay xaqiijinayaan illo lagu kalsoonaan karro.

Dhinaca kale, Cabdicasiis Laftagareen hore u sheegay inuu yahay Madaxweynaha saxda ah ee KGS iyadoo Koonfur Galbeed ay ka socdaan doorashooyin qof iyo cod ah ee ay ololleenayaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo musharraxiin dowladda federaalka ay wadato.

Facebook Comments Box

Ibraahim Cusmaan Jibriil wuxuu ka tirsan yahay bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da'yarta. Dhinaca kale wuxuu wax ka qora ganacsiga, siyaasada, dhaqanka, kheyraadka dalka, af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska, iyo taarikhaha dalka. Waa shaqsi u taagan sidii geed-dheer iyo geed-gaabanba loogu fuuli lahaa sidii loo soo noolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummada soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Doorashada

Galmudug iyo Hirshabeelle oo looga dareeray doorashada Madaxweynaha iyo mida Barlamaanka

Cabdikariin waxa uu sheegay in 10 degmo oo Hirshabeelle ah iyo 10 degmo oo Galmudug ah ay saaka ka furmeen goobihii loo qorsheeyay cod-bixinta.

Published

on


Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay Maamul Goboleedyadda Galmudug iyo Hirshabeelle doorashada qof iyo cod, iyadoo cod-bixiyayaashu u dareereen goobaha codbixinta si ay uga qeyb qaataan doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada.

Magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle waxaa codkooda dhiibtay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle ee ururka JSP, Cali Guudlaawe Xuseen, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo sidoo kale la arkayay dadweyne safaf ugu jira goobaha codbixinta.

Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin muhiim u ah dadka Hirshabeelle isagoo xusay in shacabka gobolku ay u dareereen goobaha codbixinta si ay u doortaan cidda ay doonayaan. Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ayaa maanta sidoo kale lagu soo rogay bandow soconaya ilaa fiidkii, iyadoo tallaabadan lagu sheegay inay qayb ka tahay qorshaha lagu xaqiijinayo amniga goobaha codbixinta iyo habsami-u-socodka doorashada.

Dhanka Galmudug, cod-bixintu waxay ka bilaabatay magaalooyin ay ka mid yihiin Dhuusamareeb, Guriceel, Cadaado iyo Gaalkacyo, iyadoo wararka goobaha qaar ay sheegayaan in dadku safaf dhaadheer u galeen cod-bixinta. Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan oo gaaray magaalada Jowhar, ayaa sheegay in doorashadu si habsami leh uga bilaabatay labada maamul-goboleed.

Waxa uu sheegay in 10 degmo oo Hirshabeelle ah iyo 10 degmo oo Galmudug ah ay saaka ka furmeen goobihii loo qorsheeyay cod-bixinta, isagoo xusay in kumannaan shaqaale Soomaaliyeed iyo ciidamada ammaanka ay door ku leeyihiin qabsoomidda doorashada. Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shacabka labada maamul ugu baaqay inay ka qayb qaataan cod-bixinta ayna doortaan musharraxa iyo ururka ay iyagu rabaan.

Doorashada Galmudug ayaa ah codbixin dib loogu celinayo doorashadii 30-kii Luulyo, kaddib markii maxkamadda sare ay burisay natiijadii hore, iyadoo lagu sababeeyay khaladaad maamul iyo habraac. Bilowga codbixinta Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ah tallaabo ka mid ah hannaanka Soomaaliya ugu gudbeyso nidaam doorasho oo shacabka ay si toos ah codkooda ugu dhiibanayaan halkii ay ka ahaan lahayd nidaamkii doorashada dadban.

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya oo wajahaya cadaadis caalami ah si loo gaaro heshiis siyaasadeed

Hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa wajahaya cadaadis isa soo taraya oo kaga imanaya beesha caalamka si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay ka hor dhammaadka bisha Agoosto, iyadoo diblomaasiyiin ay muujinayaan walaac ku saabsan sii socoshada ismariwaaga siyaasadeed ee dalka.

Sida ay sheegayaan illo diblomaasiyadeed saaxiibbada caalamiga ah ayaa ka digay in haddii aan la helin is-afgarad siyaasadeed dib loo eegi karo taageerada horumarinta, maalgelinta mashaariicda iyo heerka iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya. Waxay sidoo kale xuseyn in khilaafka siyaasadeed uu khatar gelin karo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gaar ahaan iyadoo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo caqabado dhanka maalgelinta iyo qorshaha kala guurka amniga.

Xiisadda siyaasadeed ayaa sii xoogeysatay kadib wax-ka-beddelladii dastuurka ee la ansixiyay bishii Maarso 2026, kuwaas oo muddada xilka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ka dhigay shan sano halkii ay ka ahaan jireen afar sano. Dowladda Federaalka ayaa ku doodaysa in isbeddelladaasi ay lagama maarmaan u yihiin hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod halka dhinacyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ay ku tilmaameen kuwo aan loo marin hannaan loo dhan yahay.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah, madax hore iyo hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa 27-kii Luulyo 2026 u diray warqad furan saaxiibbada caalamiga ah iyagoo soo jeediyay in la dhiso golle kumeel gaar ah oo loo dhan yahay si uu u hoggaamiyo kala guurka dastuurka iyo diyaarinta doorashooyinka qaran. Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la ilaaliyo dhexdhexaadnimada hay’adaha amniga iyo dib u soo celinta kalsoonida hay’adaha dowladda.

Dhanka kale, dadaallo diblomaasiyadeed ayaa weli socda iyadoo Turkigu martigeliyay wadahadallo u dhexeeya dowladda federaalka iyo wakiillo ka socda mucaaradka. Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in aan weli la xallin qoddobada ugu muranka badan gaar ahaan qaabka doorashada iyo sharciyadda wax-ka-beddellada dastuurka.

Falanqeeyayaal ayaa ka digaya in haddii aan heshiis siyaasadeed la gaarin toddobaadyada soo socda ay taasi sii kordhin karto khilaafka gudaha isla markaana ay fursad u abuuri karto kooxaha hubeysan sida Al-Shabaab inay ka faa’iideystaan kala qeybsanaanta siyaasadeed.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Doorashada

Burbur xooggan oo ku yimid Urur-Siyaasaddeedka Towfiiq

Ururka Sheekh Shaakir ee Towfiiq ayaa ku hungoobay ka qeybgalka doorashada maalmo kadib lagu wado inay ka dhacdo Galmudug.

Published

on


Urur Siyaasaddeedka Towfiiq ee uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Shaakir ayaa u muuqda mid guud ahaanba sii macsalaameynayo saaxadda siyaasadda dalka, ururkaasi oo horey kaga soo qeybgalay doorashooyinka noocoodu ay ku sheegatay Villa Soomaaliya inay yihiin qof iyo cod balse ay ku diidan yihiin dhinacyadda siyaasadda gudaha ee kasoo horjeedda hab-fikirka Madaxweynaha muddo dhaafka ah ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Ururka Sheekh Shaakir ee Towfiiq ayaa ku hungoobay ka qeybgalka doorashada maalmo kadib lagu wado inay ka dhacdo Galmudug, kadib markii Guddigga Doorashooyinka ee lagu tilmaamayo inuu yahay gacan ku rimis ay ka reebeen ka qeybgalka doorashadaasi iyo liiska ururrada uu dhowaan shaaciyay guddigaasi.

Hase ahaatee, arrinta soo cusboonaatay xilligaan ayaa ah in garabka taageersan Musharrax Madaxweynaha Galmudug oo ay wadato Villa Soomaaliya kana tirsan Xisbiga JSP, Liibaan Axmed Xassan ay si weyn u kala furfurayaan taageereyaashii Xisbiga Towfiiq iyo xubnihii ka tirsanaa deegaannada Galmudug.

Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Galmudug waxaa isaga baxay ururka Towfiiq xubnihii ka tirsanaa sida, magaaladda Dhuusamareeb, Guriceel, Cadaado, Gursho, Caabudwaaq iyo deegaano kale oo ka kala tirsan Mudug iyo Galgaduud kuwaasi oo si cad ugu dhawaaqayay 48 sac lasoo dhaafay inay ku biireen dhinaca Liibaan Axmed Xasan, taas oo ka dhigan in Ururka Towfiiq ka reebis oo kaliya doorashada laga reebay in aysan ku koobnayn hase ahaatee guud ahaanba ururkaasi salka dhulka loo dhigayo.

Waddaadka lagu magacaabo Shaakir ee ururkaan dhisay ayaa shir jaraa’id ee uu qabtay shalay galankkii dambe waxa uu nasiib darro weyn ku tilmaamay loollanka siyaasadeed ee ururkiisa lagu kala kala furayo iyo in laga reebo doorashooyinka Galmudug, waxaana xubnaha ka tirsan ururkiisa iyo taageereyaashiisa uu u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa dhowaan Xisbiga Towfiiq oo uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ka reebay xisbiyada loo oggolaaday inay ka qayb galaan doorashada ku-celiska ah ee laga qabanayo deegaannada Galmudug 30-ka Septeembar 2026.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayuu ku shaaciyay liiska xisbiyada loo oggolaaday inay u tartamaan doorashada ku-celiska ah ee kuraasta Golaha Deegaanka Galmudug, iyadoo liiskaas oo ka kooban 12 xisbi uusan ku jirin Xisbiga Towfiiq, waxaana uuna Guddigu ku wargeliyay Ururrada Siyaasadda iyo daneeyeyaasha doorashooyinka isku-sidkan ee Dawlad Goboleedka Galmudug in ay xirantay soo gudbinta liisaska Musharaxiinta ka tartamaya doorashada ku-celiska ah ee Dawlad Goboleedka Galmudug.

Go’aanka ayaa yimid laba maalmood kadib markii Xisbiga Towfiiq uu soo saaray war-saxaafadeed uu kaga digayo habka loo maamulayo doorashada ku-celiska ah, isla markaana uu ku dalbaday in guddiga doorashadu dib u eego arrimo uu xisbigu ku tilmaamay kuwo halis gelin kara hufnaanta doorashada.

Xisbiga Towfiiq ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo in la xaqiijiyo in doorashada lagu qabto jawi xor ah oo cadaalad ah, isagoo walaac ka muujiyay diyaar-garowga iyo habraacyada guddiga.

Doorashadii hore ee Golaha Deegaanka Galmudug oo natiijadeeda la laalay ayaa Xisbiga Towfiiq sheegay inuu ka helay 12 xildhibaan, balse uu diiday natiijada kasoo baxday doorashadaas taasoo keentay in arrintu gaarto heer maxkamada sare ay natiijadii laasho.

Isku soo wada duub, ka maqnaanshaha Xisbigaan Towfiiq ee liiska rasmiga ah ee xisbiyada tartamaya ayaa soo nooleyn kara khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii hore gaar ahaan iyadoo doorashada ku-celiska ah ay ka harsan yihiin toddobaadyo kooban, Waxaa xusid mudan in war-saxaafadeedka guddiga uu soo saaray uu si cad u taxayo 12-ka xisbi ee loo oggolaaday tartanka iyadoo Xisbiga Towfiiq aanu ku jirin liiskaas.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Doorashada

Maxaa sababay in (GMDQS) ay Xisbiga Towfiiq ka reebto doorashada ku-celiska ah ee Galmudug?

Xisbiga Towfiiq ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo in la xaqiijiyo in doorashada lagu qabto jawi xor ah oo cadaalad ah, isagoo walaac ka muujiyay diyaar-garowga iyo habraacyada guddiga.

Published

on


Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Xisbiga Towfiiq oo uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ka reebay xisbiyada loo oggolaaday inay ka qayb galaan doorashada ku-celiska ah ee laga qabanayo deegaannada Galmudug 30-ka Septeembar 2026.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayuu ku shaaciyay liiska xisbiyada loo oggolaaday inay u tartamaan doorashada ku-celiska ah ee kuraasta Golaha Deegaanka Galmudug, iyadoo liiskaas oo ka kooban 12 xisbi uusan ku jirin Xisbiga Towfiiq, waxaana uuna Guddigu ku wargeliyay Ururrada Siyaasadda iyo daneeyeyaasha doorashooyinka isku-sidkan ee Dawlad Goboleedka Galmudug in ay xirantay soo gudbinta liisaska Musharaxiinta ka tartamaya doorashada ku-celiska ah ee Dawlad Goboleedka Galmudug.

Go’aanka ayaa yimid laba maalmood kadib markii Xisbiga Towfiiq uu soo saaray war-saxaafadeed uu kaga digayo habka loo maamulayo doorashada ku-celiska ah, isla markaana uu ku dalbaday in guddiga doorashadu dib u eego arrimo uu xisbigu ku tilmaamay kuwo halis gelin kara hufnaanta doorashada.

Xisbiga Towfiiq ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo in la xaqiijiyo in doorashada lagu qabto jawi xor ah oo cadaalad ah, isagoo walaac ka muujiyay diyaar-garowga iyo habraacyada guddiga.

Doorashadii hore ee Golaha Deegaanka Galmudug oo natiijadeeda la laalay ayaa Xisbiga Towfiiq sheegay inuu ka helay 12 xildhibaan, balse uu diiday natiijada kasoo baxday doorashadaas taasoo keentay in arrintu gaarto heer maxkamada sare ay natiijadii laasho.

Isku soo wada duub, ka maqnaanshaha Xisbigaan Towfiiq ee liiska rasmiga ah ee xisbiyada tartamaya ayaa soo nooleyn kara khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii hore gaar ahaan iyadoo doorashada ku-celiska ah ay ka harsan yihiin toddobaadyo kooban, Waxaa xusid mudan in war-saxaafadeedka guddiga uu soo saaray uu si cad u taxayo 12-ka xisbi ee loo oggolaaday tartanka iyadoo Xisbiga Towfiiq aanu ku jirin liiskaas.

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho

Urur Siyaasaddeedka Qaransoor ayaa 29-ka Luulyo 2026, si adag u cambaareeyey go’aanka uu Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) kaga reebay ka qaybgalka hannaanka doorashooyinka, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid ka hor imanaysa sharciga, caddaaladda iyo mabaadi’da dimuqraadiyadda.

War-saxaafadeed uu ururku soo saaray ayaa lagu sheegay in Qaransoor uu si buuxda u guddoomay dhammaan waajibaadkii iyo shuruudihii looga baahnaa ururrada siyaasadeed ee doonaya inay ka qayb galaan doorashooyinka. Sida lagu sheegay bayaanka, ururku wuxuu guddiga u gudbiyey dhammaan dukumentiyadii looga baahnaa, oo ay ku jiraan liiska xiran ee musharraxiinta, isla markaana uu bixiyey dhammaan lacagihii iyo khidmadihii sharcigu farayey.

Ururka ayaa sheegay in inkastoo uu dhammeystiray dhammaan shuruudihii lagu xiray ka qaybgalka doorashada, haddana codsigiisa la diiday, iyadoo aan loo soo bandhigin sabab sharciyeed oo cad ama qoraal rasmi ah oo qeexaya sababaha go’aankaasi ku salaysan yahay. Sida uu ururku ku doodayo, arrintan waxay dhaawac ku tahay hufnaanta iyo isla xisaabtanka looga baahan yahay hay’adaha madaxbannaan ee dalka.

Qaransoor wuxuu sidoo kale sheegay inuu si rasmi ah cabasho ugu gudbiyey masuuliyiinta Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isaga oo codsaday in dib loogu eego go’aanka laga gaaray. Hase yeeshee, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, cabashadaas wax jawaab ah lagama bixin, mana jirin tallaabo muuqata oo lagu xallinayo cabashada ama lagu siinayo ururka fursad uu ku helo caddaalad maamul.

Ururku wuxuu sheegay in hab-dhaqanka guddigu uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xeerarka hagaya maamulka doorashooyinka. Sida uu ururku aaminsan yahay, guddiga waxaa saaran waajibaad sharci iyo mid qaran oo ah inuu si siman ula dhaqmo dhammaan ururrada siyaasadeed, isaga oo aan cidna u eexan ama ka reebin xuquuqdeeda siyaasadeed.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Doorashada

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay in uusan ku dhaqmi karrin caddaalad iyo dhexdhaaxdnimo.

Published

on


Urur Siyaasaddeedka Qaransoor ayaa si adag u cambaareeyey go’aanka uu Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) kaga reebay ka qaybgalka hannaanka doorashooyinka, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid ka hor imanaysa sharciga, caddaaladda iyo mabaadi’da dimuqraadiyadda.

War-saxaafadeed uu ururku soo saaray ayaa lagu sheegay in Qaransoor uu si buuxda u guddoomay dhammaan waajibaadkii iyo shuruudihii looga baahnaa ururrada siyaasadeed ee doonaya inay ka qayb galaan doorashooyinka. Sida lagu sheegay bayaanka, ururku wuxuu guddiga u gudbiyey dhammaan dukumentiyadii looga baahnaa, oo ay ku jiraan liiska xiran ee musharraxiinta, isla markaana uu bixiyey dhammaan lacagihii iyo khidmadihii sharcigu farayey.

Ururka ayaa sheegay in inkastoo uu dhammeystiray dhammaan shuruudihii lagu xiray ka qaybgalka doorashada, haddana codsigiisa la diiday, iyadoo aan loo soo bandhigin sabab sharciyeed oo cad ama qoraal rasmi ah oo qeexaya sababaha go’aankaasi ku salaysan yahay. Sida uu ururku ku doodayo, arrintan waxay dhaawac ku tahay hufnaanta iyo isla xisaabtanka looga baahan yahay hay’adaha madaxbannaan ee dalka.

Qaransoor wuxuu sidoo kale sheegay inuu si rasmi ah cabasho ugu gudbiyey masuuliyiinta Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isaga oo codsaday in dib loogu eego go’aanka laga gaaray. Hase yeeshee, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, cabashadaas wax jawaab ah lagama bixin, mana jirin tallaabo muuqata oo lagu xallinayo cabashada ama lagu siinayo ururka fursad uu ku helo caddaalad maamul.

Ururku wuxuu sheegay in hab-dhaqanka guddigu uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xeerarka hagaya maamulka doorashooyinka. Sida uu ururku aaminsan yahay, guddiga waxaa saaran waajibaad sharci iyo mid qaran oo ah inuu si siman ula dhaqmo dhammaan ururrada siyaasadeed, isaga oo aan cidna u eexan ama ka reebin xuquuqdeeda siyaasadeed.

Walaac ku saabsan madax-bannaanida, caddaaladda iyo dhexdhexaadnimada guddiga

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaransoor uu muddooyinkii u dambeeyey muujinayey walaac ku saabsan madax-bannaanida, caddaaladda iyo dhexdhexaadnimada guddiga. Sida uu ururku sheegay, tan iyo markii uu si cad u sheegay aragtidiisa ku saabsan hab-maamuuska guddiga, waxaa soo baxay, sida uu ku doodayo, tallaabooyin muujinaya takoor iyo cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah ururka Qaransoor.

Ururka ayaa ku doodaya in haddii hay’adda loo igmaday maamulka doorashooyinka ay ku dhaqmi weydo hufnaan, caddaalad iyo dhexdhexaadnimo, ay taasi dhaawacayso kalsoonida shacabka ee nidaamka dimuqraadiyadda, isla markaana ay meesha ka saarayso tartan siyaasadeed oo xor iyo xalaal ah. Sida lagu sheegay bayaanka, doorasho kasta oo aan lagu salayn sinnaan iyo fursad siman ma noqon karto mid si dhab ah uga tarjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Qaransoor wuxuu sheegay inuu weli aaminsan yahay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay yeelato nidaam doorasho oo ku dhisan sharciga, isla xisaabtanka iyo sinnaanta dhammaan dhinacyada siyaasadda. Ururku wuxuu carrabka ku adkeeyey in hay’adaha dowladdu ay mas’uul ka yihiin illaalinta xuquuqda siyaasadeed ee dhammaan ururrada iyo musharraxiinta, si loo xaqiijiyo tartan daahfuran oo shacabka kalsooni ku qabaan.

Dhanka kale, ururku wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, ururrada bulshada rayidka ah, daneeyayaasha siyaasadda iyo beesha caalamka inay si dhow ula socdaan habraaca doorashooyinka dalka. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, waxaa muhiim ah in la ilaaliyo hufnaanta iyo madaxbannaanida hay’adaha doorashooyinka si looga hortago wax kasta oo dhaawici kara kalsoonida shacabka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

Urur Siyaasaddeedka Qaransoor wuxuu ku adkaystay mowqifkiisa ah in, sida uu aaminsan yahay, aanay dalka ka socon doorasho xor iyo xalaal ah haddii aan la hubin in dhammaan ururrada siyaasadeed loo maro habraac caddaalad iyo sharci ku dhisan. Ururku wuxuu sheegay inuu sii wadi doono difaaca xuquuqdiisa sharciyeed isaga oo adeegsanaya waddooyinka sharcigu oggol yahay, isla markaana uu ku baaqayo in la sameeyo isbeddel dhab ah oo lagu soo celinayo kalsoonida lagu qabo hannaanka doorashooyinka, si loo xaqiijiyo nidaam dimuqraadi ah oo ay dhammaan shacabka Soomaaliyeed si siman uga qayb qaadan karaan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Doorashada

Maxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?

“Waxaan ammaanayaa wadahadallada siyaasaddeed iyo wadatashiyada ay dowladdu hoggaaminayso, kuwaas oo ka socday Muqdisho maalmihii la soo dhaafay,” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre

Published

on


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo dhaweeyay wadahadallada siyaasaddeed iyo wadatashiyada ka socda Muqdisho, isagoo rajo ka muujiyay inay horseedi doonaan “heshiis wanaagsan oo qof walba uu aqbali karo“.

“Waxaan ammaanayaa wadahadallada siyaasaddeed iyo wadatashiyada ay dowladdu hoggaaminayso, kuwaas oo ka socday Muqdisho maalmihii la soo dhaafay,” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre, isagoo intaa ku daray in wasiirradu ay la kulmayeen siyaasiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan hoggaamiyayaashii hore iyo dad kale oo waaweyn, si ay uga wada hadlaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka.

“Waxaan ka go’annahay inaan siyaasadda ku raad-raacno wadahadal nabadeed, is-afgarad iyo is-faham, iyadoo la hubinayo in dadka Soomaaliyeed ay si xor ah u doortaan hoggaamiyeyaashooda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

RW Xamse Cabdi Barre wuxuu sheegay in dowladdu ay rajo ka qabto in is-afgaradka siyaasadeed ee ballaaran uu sii kordho, isagoo intaas ku daray: “Ilaahay ha idin aqbalo, waxaan rajeynayaa in kuwa kale ay sii wadi doonaan inay wadaagaan fahamkan, sida ay hadda bilaabayaan.”

Wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay waxa uu ku tilmaamay heshiis sii kordhaya oo ku saabsan dib-u-habaynta nidaamka siyaasaddeed ee Soomaaliya, isagoo sheegay in lagu dhisi doono saldhig u adeega dadka Soomaaliyeed. “Waa dadka la tashanayaa, waana iyaga kuwa leh talada kama dambaysta ah,” ayuu yiri. “Awoodda siyaasaddeed waa in aan laga qaadin dadka Soomaaliyeed, balse waa in loo daayaa inay doortaan kuwa maamuli doona.”

Wadahadallada siyaasaddeed iyo saameyntooda mustaqbalka dalka

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ee ku saabsan wadahadallada siyaasaddeed ee ka socda Muqdisho wuxuu ka tarjumayaa marxalad cusub oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasaddeed iyadoo la adeegsanayo wadaxaajood iyo is-afgarad. Soomaaliya waxay muddo dheer la daalaa dhacaysay caqabado la xiriira khilaafaadka siyaasadeed, amni darrada, iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah. Sidaa darteed, dadaallada lagu mideynayo dowladda iyo mucaaradka waxay leeyihiin muhiimad istiraatiiji ah oo saameyn ku yeelan karta amniga qaranka, xasilloonida siyaasadeed iyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta.

Marka laga eego dhinaca siyaasadda, hadalka Ra’iisul Wasaaraha wuxuu muujinayaa in dowladda federaalku ay qaadatay hab ku dhisan wadatashi iyo wadaxaajood halkii ay ka adeegsan lahayd go’aanno hal dhinac ah. Tani waa tallaabo muhiim u ah dowlad-dhisidda, maadaama nidaamyada dimuqraadiga ahi ay ku dhisan yihiin ka qaybgal siyaasadeed, tanaasul iyo dhisidda kalsooni u dhexeysa dhinacyada siyaasadda. Ballanqaadka dowladda ee ah in shacabka Soomaaliyeed ay si xor ah u doortaan hoggaamiyeyaashooda wuxuu xoojinayaa mabda’a sharciyadda siyaasadeed iyo in awoodda dowladeed ay ka timaaddo rabitaanka shacabka.

Arrinta ugu weyn ee doodaha siyaasadeed salka ku haysa waa dib-u-habaynta dastuurka iyo nidaamka doorashooyinka. Soomaaliya muddo dheer waxay ku shaqaynaysay hannaan doorasho oo dadban, kaas oo ku salaysnaa nidaamka awood-qaybsiga qabiilka. Dowladda Federaalka waxay doonaysaa in dalka uu u gudbo nidaam doorasho oo shacabka si toos ah codkooda ugu doortaan hoggaamiyeyaasha. Inkastoo qorshahani uu taageero ka helayo qaybo bulshada ka mid ah, haddana waxaa jira mucaarad siyaasadeed oo ka walaacsan waqtiga, habka fulinta iyo heerka wada-tashiga. Sidaas awgeed, wadaxaajoodku wuxuu noqday aaladda ugu muhiimsan ee lagu yareyn karo is-afgaranwaaga.

Wakiilada mucaaradka ee ku lug lahaa doodaha waxaa ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Nabad iyo Nolol ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Golaha Midnimada Soomaaliya.

Xamse Cabdi Barre wuxuu sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay inay sii waddo wadahadallada lagu xallinayo arrimaha harsan, gaar ahaan arrimaha farsamada, iyo in la gaaro heshiis siyaasadeed oo waara. “Waxaan si buuxda ugu diyaarsannahay inaan shaqadan ku sii wadno sida ugu wanaagsan ee suurtogalka ah, iyada oo aan la carqaladeyn ama laga weecin waddada hortaal,” ayuu yiri.

Wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka ah inay la shaqeeyaan dowladda laba arrimood oo muhiimad qaran leh. Tan ugu horreysa, ayuu yiri, waxay ahayd in la mideeyo dadaallada lagu jabinayo kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab iyo soo celinta amniga si Soomaalidu ay nabad ugu noolaadaan. Sida uu sheegay Barre, mudnaanta labaad waxay ahayd ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo sharafta dhuleed, iyadoo Barre uu rajo ka muujiyay in dhinacyada siyaasadda ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan ilaalinta isku xirnaanta dalka.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo mustaqbalka Soomaaliya, isagoo qiraya caqabadaha dalka haysta isagoo sidoo kale iftiiminaya fursadaha lagu horumarin karo xasilloonida, is-afgaradka siyaasadeed iyo horumarka.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Ganacsiga & Dhaqaalaha4 hours ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika5 hours ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya7 hours ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga8 hours ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya9 hours ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya9 hours ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda1 day ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga1 day ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga1 day ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga1 day ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda2 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga2 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda2 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya2 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya2 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Arrimaha Amniga3 days ago

Muqdisho: “Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso”

Ameerika3 days ago

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Arrimaha Amniga3 days ago

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo sababay khasaaro rayid oo gaaraya 216 qof

Arrimaha Amniga3 days ago

Ciidanka Badda Soomaaliya oo Hobyo ku qabtay doon ay saarnayeen toddobo ajaanib ah

Ameerika3 days ago

Madaxweynaha Mareykanka, Trump oo markale Soomaalida ku tilmaamay tuugo

Itoobiya3 days ago

Ciidamada Itoobiya oo sheegay inay la wareegeen garoonka diyaaradaha Mekelle

Soomaaliya3 days ago

UK oo $2.5 Milyan ugu deeqday Soomaaliya si looga hortago fatahaadaha roobka Deyrta

Yurub3 days ago

Booliiska Jarmalka oo markale gacanta ku dhigay kiiska Soomaali Mindi isku dishay

Soomaaliya4 days ago

Wasiir Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay shirqool ka dhan ah dawladnimada

Arrimaha Amniga4 days ago

Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka oo wajahaya caqabado kahor doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka

Arrimaha Amniga4 days ago

Hay’adda ICRC: “148 qof ayaa ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay Baydhabo”

Afrika4 days ago

Khilaaf siyaasaddeed oo ka dhex qarxay dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya

Soomaali Galbeed4 days ago

Waa kuma Mustafe Cagjar, Maxay ka dhigan tahay dib u doorashadiisa hoggaanka sarre ee Dowlad Deegaanka Soomaalida?

Arrimaha Amniga5 days ago

Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay dhimashada shaqaale Markab shidaal oo lagu soo furtay xeebaha Soomaaliya

Itoobiya6 days ago

Ciidanka Itoobiya oo la sheegay inay 150km ugu dhaqaaqeen gudaha gobolka Tigray

Doorashada6 days ago

Galmudug iyo Hirshabeelle oo looga dareeray doorashada Madaxweynaha iyo mida Barlamaanka

Arrimaha Amniga6 days ago

Puntland oo sheegtay in Burcad badeeddu ay dishay shan shaqaale oo ajaaniib ah

Arrimaha Amniga6 days ago

Bahda Saxaafadda Somaliland oo sheegtay in xukuumaddu aanay awood u lahayn inay hor istaagto shirka Boorama

Diblomaasiyadda7 days ago

Waa maxay ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay Itoobiya?

Arrimaha Amniga1 week ago

Xukuumadda Somaliland oo diiday shir bahda saxaafadda Somaliland uga furmaya Boorama

Soomaaliya1 week ago

Puntland oo laba sano xabsi ah ku xukuntay nin lagu eedeeyay inuu Daacish ka iibiyay Ari

Arrimaha Amniga1 week ago

OCHA: “Colaadda Baydhabo waxay sii kordhisay khatarta bani’aadanimo ee shacabka”

Arrimaha Amniga1 week ago

Falanqeyn Amni: Siyaasadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo saameynta ay ku yeelatay Koonfur Galbeed Soomaaliya

Arrimaha Amniga1 week ago

Qaar kamid ah Burcad baddeedii lagu qabtay Markabka SIBU 1 oo ka baxsaday gaari lagu waday

Ganacsiga & Dhaqaalaha1 week ago

Dowladda Soomaaliya oo QM u sheegtay in dakhliga kastamku hoos u dhacay 40% boqolkiiba

Xul

Diblomaasi.com