Connect with us

Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Maxaa Saldhig u ah Ganacsiga Guulaysta?

Published

on


Waxaa jira malaayiin dad ah oo u baahan inay helaan su’aashaas jawaabteeda, sawabtoo ah waxaa jiro dad badan oo u baahan inay noqdaan ganacsato oo hadana jecel inay nolosha ka sameeyeen horumar aad u wanaagsan.

Waxaan isku dayay inaan wax badan ka ogaado su’aashaas jawaabteeda. Si aan ugu soo gudbiyo bulshadeyda qaabka ugu wanaagsan ee ay ku heli karaan xirfad ama aragti ganacsi oo wanaagsan.

Marwalbo haku fakarin inaad hesho ganacsi guulaysta, ganacsiga siddiisaba waa guul iyo guuldaraba. Mar waxaad la kulmeysaa guulo badan marna guuldaro badan balse qofka ganacsadaha ah waxaa loogu baahanyahay inuu noqdo qof u dhabar adeego qasaaraha ka soo gaaraayo ganacsigiisa.

Ganacsadaha rasmiga ah waa shaqsiga leh karti iyo awood uu ku dareemi karo qasaaraha iyo guusha. Si aad waxwalbo u ogaato waxaad u baahantahay inaad marka horre fahansantahay in qofka qasaari karo, kana faa’idi karo ganacsigiisa. Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah waa maxay Ganacsade?

Eraygaan inaan fahano waa muhiim sawabtoo ah waxaan doonaynaa inaan ka hadalno guusha ganacsiga. Aniga ma ihi shaqsi ganacsade, mana ihi qof aqqoon dheeraad u leh ganacsiga, balse waxaan isku dayayaa inaan maskaxdeyda ka tuujini karo oo aan u qoro qaab walbo oo lagu fahmi karo macnaha guud ee uu xambaarsanyahay eraygaan “ganacsadaha”

“Ganacsadaha waa qofka qaban-qaabiyo oo maamulo hawlaha ganacsi, ganacsadaha waa shaqsi ka masuul ah guud ahaan ganacsiga markaas jira, haddii ay noqoto inuu maamulo qataraha ganacsiga ku imaani karo ama ku wajahan. “Illaahay ayaa waxwalbo celini karo oo bad-baadini karo, qofka ah ganacsadaha wuxuu marwalbo heegan ugu jiraa siddii uu ku difaaci lahaa ganacsigiisa/ganacsigeeda iyo ka faa’ideysiga fursadaha markaas jira”

Ganacsadaha waa qof indheergarad ah oo arka fursada markaas jira, islamarkiina sameyni kara qorsho mustaqbal leh. Ganacsadaha waa qof hal abuur leh, abuura fikradaha cusub ee ganacsiga ama shirkadaha. Ganacsadaha waa shaqsi meel dheer wax ka arka halka kuwa kallena ay ku adagtahay inay arkaan fursadahaas.

Daafaha dunidda oo dhan qof walbo si qaas ayuu u maamulaa hawlaha ganacsigiisa iyo noloshiisa. Hadana miyaan dhihi karnaa dhammaan ganacsadayaasha waa isku wada mid? Su’aasha jawaabteeda waa “Maya”.

Dhammaan ganacsatada waxay isku mid u ahayn ayaa ah qaarkiisa ayaa ah kuwa wax soo bartay oo soo dhammeeyay jaamacado kuwaas oo leh cilmi dheeraad ah oo ay ku horumarini karaan fursadaha ganacsigooda. Qofka markuu kasoo baxo jaamacad hadana noqdo ganacsade waxaa suurta geli karto inuu wax badan horumariyo.

Su’aasha kale oo mudan in la isweydiiyo ayaa ah waa maxay ganacsi?

Dabcan dad badan ayaa fahansan waxa lagala jeedo ganacsi balse dadka qaar ayaa u baahan inay si fiican usii fahmaan macnaha guud ee gaancsi. Ganacsigu waa nidaam dhaqaalle oo meesha allaabta iyo adeegyadda wax lagu badelo mid kale ama lacag.  Ganacsi kasta wuxuu u baahanyahay nooc ka mid ah maalgelinta iyo macaamiil ku filan in loo iibin karo si joogta ah si uu ugu caddeeyo faa’iidada. 

Ganacsiga wuxuu u kalla baxaa noocyo badan oo kala duwan sidda midka qaas ah (private) ama mid ay leedahay dawladda sidda kuwa aanay ka raadinin bulshada faa’iido (non-profit business). Ganacsiga noocaan oo kalle waxaa jiro qaar aysan dawladda ka raadinin lacago badan sidda korantada iyo biyaha oo kale. Waxaana ugu badan hay,adaha caafimaad oo ah gargaar u qaas ah bulshada. Waxaa jiro hay,ado kale oo u qaabilsan horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wadamada qaar  dunidda waxaad ku arkaysaa bangiyada dhexe in ay leeyihiin mashruucyada dhiiri gelinta ganacsiga yar-yar (micro-finance) oo hadafkiisa yahay in bulshada laga dhiso kaabayaasha dhaqaale.

Hadaba maxaa saldhig u ah ganacsi guulaysto?
Marka horre inaad ogaato qofka aad tahay iyo waxaad damacsantahay inaad guul ka gaarto sidda “qorsho ganacsi” haddii aad leedahay qorsho ganacsi marwalbo waxaa kuu fududaanaayo inaad guul ka gaarto mustaqbalka aad ka damacsantahay ganacsigaada.
Waxyaabaha guuldarada ay ugu badanyihiin ganacsiga intiisa badan ayaa ah malahan qorsho ganacsi oo si fiican loo fahmi karo. Marwalbo la imaaw qorsho fiican. Hana ku deg-degin inaad si dhaqso leh ku hesho faa’ido.

Haddii aad leedahay qorsho ganacsi waxaa kuu suurta geli karo inaad taqaano halka aad ka bilaabi karto subaxwalbo. Waa waxyaabaha kali oo aad ku cabiri karto inaad guulo fiican gaari karto waqtiyada soo socdo iyo inkale. Haddii aad subaxdii soo toosto oo aadan aqoonin halka aad u socoto hadana aad iska socoto waa dhibaato, waxaana halis ugu tahay inaad ku guuldaraysato ganacsigaada. Waligaa ha sameynin ganacsi aanan lahayn qorsho fiican oo la fahmi karo.

Qorshaha ganacsigaada waa inuu noqdaa mid si fiican u tafatiran, si aad marwalbo u fahmi karto marwalbo halka aad ku sugantahay iyo waxa kuu dhiman inaad guulo ka gaarto.

Dhibaatada dad badan haysto ayaa ah waxay bilaabayaan ganacsi hadana waxay rabaan inay si dhaqso leh u taajiraan, waana sawabaha inta badan ganacsiga uu ku guuldareysto. Markii aad sameyni rabto ganacsi marka horre ku tala gal in waqti qaadani doona ganacsigaada oo aad guul ka gaarto.

Ma jiraan wax si fudud ku yimaado nolosha. Haddii aad doonayso inaad nolol horumar leh gaarto marka horre adiga tasho oo waqti fiican sii naftaada oo aad ku gaari karto guulahaas.

“wixii wakhti fiican qaato ayaa la ogaani karaa guusha ay leedahay”

                                                      Qofwalbo guul wuu gaari karaa haddii qofkaas haysto qorsho fiican oo la fahmi karo, qorshaha waa waxa ay ka sameysantahay nolosheena. Waligaa ha noolaanin qorsho la’aan. Maxaa yeelay dadka nool qorsho la’aanta inta badan waa kuwa ku guuldareysta nolosha intiisa badan.

 


Kordhi aqoontaada, si aad aqoontaada u kordhiso waxaad u baahan tahay meel ku anfacdo oo aad ku horumariso naftaada iyo waajibaadka kaa saaran noloshaada. Si aad u aragto dhammaan cilmiga noocyadiisa kala duwan waxaad u baahan tahay oo kali inaad riixdo sawirka hoose

https://somalism.org/course/maamulka-ganacsiga-caalamiga-koorso/

 

Facebook Comments Box

Waa bare, qoraa, cilmi-baare, iyo hogaamiye fikir iyo aragti xambaarsan oo wax ka dhiga kuliyada dowladnimada iyo difaaca ee Jaamacadda Ramaas 'Ramaas University'. Waa falanqeeye ka tirsan Diblomaasi.com. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Waa goormaa wakhtiga saxda ah ee aad bilaabi karto ganacsi?

Furaha ugu muhiimsan ee ganacsiga waa inaad taqaano suuqa aad beegsanayso iyo inaad u haysato dhaqaalle kugu filan. Haddii kale si fudud ayaad u jabaysaa.

Published

on


Haddii aad akhrinayso qoraalkaan, waxay u badan tahay inaad ka fikirtay inaad bilowdo ganacsi kuu gaar ah. Waxay u badan tahay inaad wax badan ka fikirtay. Sidoo kale waxaa laga yaabaa inaad dib u dhigtay – bilo, haddii aysan ahayn sanado – sababtoo ah wali ma aadan dareemin inay tahay waqtigii saxda ahaa.

Dib uga fakar markii ugu dambeysay ee aad hadaf weyn gaartay. Waxaa laga yaabaa inaad rabtay inaad dhammaystirto hadafkaas. Xusuusnow sida cajiibka ah ee aad dareentay markii aad dhammaysay?

Gaaritaanka yoolalka waa weyn waxay ku dareen siinaysaa qof sharaf leh, oo wax qabsan kara. Bilaabida ganacsi marna ma fududa. Awooda lagu bilaabi karo ganacsi ma fududa. Waxay u baahan tahay adkeysi, iyo dulqaad.

Waxaan jira dad leh fikrado waaweyn oo ganacsi ah; laakiin waa dad la nool fikradahooda oo kali ee aan lahayn dhaqaaq. Sidoo kale, waxa jira shakhsiyaad u heelan in ay shaqada ka tagaan ama bilaabaan ganacsi balse sannadba sanadka ka dambeeya is leh ‘wali lama gaarin wakhtigii aad bilaabi lahayd; kuwaas oo kale weligood uma muuqdaan inay horumar samaynayaan. Waa maxay sababtu? Sababta ayaa ah in inta badan shakhsiyaadka leh qorshayaasha ganacsi ee waaweyn iyo fikradaha ay sugayaan waqtiga saxda ah ee ay bilaabaan.

Marka hore aan isla fahano waa maxay ganacsi?

Ganacsiga waa shirkad kasta oo doonaysa inay ka faa’iidaysato adeegga ay bixiso, badeecadaha ay iibiso iwm. Fasiraada ‘Ganacsi’ waa ereyo ballaaran, marka aad ganacsi bilawdo waxaad la kulmi kartaa khasaare, laakiin taasi macnaheeda ma ahan inaad ku guuldarreysanayso haddii aad ganacsi bilawdo ee waa aqoon kuu koradhay.

Waa goormaa wakhtiga saxda ah ee la bilaabi karo ganacsi?

Waxaa laga yabaa inay ku hayso cabsi ah inaad ku guuldareysato ganacsiga haddii aad bilawdo. Haddii aad sidaas u fekerayso waxaa kaa maqan inaad ogaato marka hore, ma jiro wax la yiraahdo guuldaro. Guuldarro waa marka aad guuldarreysato oo aad wax ka baran wayso guuldaradaasi.

Qor sida ay u ekaan doonto noloshaada riyadeeda shan sano gudahood, adoon wax xaddidaad ah ama ka fikirin sida aad halkaas ku gaari doonto.

  •  Ganacsi noocee ah ayaad doonaysaa inaad bilawdo?
  • Yaa wax kugu darsan doona?
  • Sidee dareemi doontaa maalinka aad bilaabayso shirkadaada?

Hadda dib-u-fiiri wixii aad qortay, oo qiyaas inay dhammaan xaqiiqo yihiin. Ogaaw, wixii aad qortay waa adiga qorshahaaga. Waana khariidaddaada guusha. Hadda waxaad joogtaa meel aad uga dhow inaad bilowdo ganacsi. Xaqiiqada waa tan: ma jirto waqti ku habboon in la bilaabo ganacsi. Marna ma jiri doonto daqiiqad ku habboon. Had iyo jeer waxaa jiri doona sababo aad dib uga dhigi karto hadafyadaada ganacsi. Laakiin sidee ayaad u abuuri kartaa shuruudahan kuwaas oo suurtogal ka dhigaya in riyadaada inay rumoobaan?

 

Mudnaanta sii fikradahaaga ganacsi

Dhab ahaantii, maaha wax ku saabsan wakhtiga – adiga ayay kugu xeran tahay. Adiga kaliya ayaa awood u leh in aad abuurto ganacsi guulaysan kara, taasina waxay kaaga baahan tahay shaqsiyad gaar ah oo ay ka go’an tahay. Waxay u baahan tahay adkaysi iyo hab-fikir quman.

Marwalbana ku dedaal sidii aad u arki lahayd sawirka guud ee horumarka leh. Waxa muhiimka ah waa ogaanshaha inaad adigu gacanta ku hayso noloshaada, oo aad ka shaqaynayso fikirkaaga ganacsi.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Fahan bulsheed: Guulaha suuq-geynta

Marka dadka si fiican ugu warhayaan alaabtaada ama badeecadahaaga, iibkaagu wuu kordhayaa. Suuqgeyntu waxay caawinaad weyn u tahay xarumaha ganacsiga. Waa marka qaybaha ganacsigu isticmaalaan xeelado suuqgeyneed oo kala duwan si ay u kordhiyaan faa’iidada ganacsiga.

Published

on


 Waxaynu foolaad ama horyaal ku masayn karnaa (marka la joogo shirkadaha) shirkadda si fiican u fahanta sabada ama bii’adda ku hareeraysan. Sababta oo ah mar walba oo ay shirkadi si waafi ah u fahanto waaqica ku maageersan waa mar walba oo ay soo saarto wax macaamiisheeda u cuntama sidoo kalena qancin kara (iyadoo ayna meesha ka maqnayn samaynta faa’ido baaxad leh).

Qormadani waxay daaran tahay inta uu la’eg yahay heerka kala duwanaanshaha bulsheed iyo faa’idada ay leedahay fahanka bulshooyinku.

KIT KAT iyo Jabbaan

Qofna caad kama saarnaa sida sibiqda ah ee ay juklaatada Kit Kat ugu soo duurxushay nolasheenna. Waxay inoogu soo dhex dhuumatay si ayna garanayn ama dareemin, ammin habeen iyo maalin gudahood ah ayeynu is aragnay inagga oo haami u qabna in aynu cunno juklaatadadan heerka sare ah.

Guulaha suuq-geyntu maaha kuwo iska yimaada, sidoo kalena maaha kuwo mar la arag ah oo aan soo laalaaban, bal se waa tacab ka unkamay qorshe suuq-geyneed oo maangal ah. Siday Kit Kat ugu duushay suuqyada Jabbaan waxaa tusaalle nool loogu soo qaadan karaa qorshayaasha suuq-geyneed ee caqli-galka ah.

Sumadda Kit Kat waxay si lama filaan ah ugu soo dhowayd weedh lahjadaysan oo ay Jabbaaniisku isticmaali jireen, weedhaa oo ahayd “Kito Katsu” macnaheeduna ahaa: “Waxaan kuu rajayn guul”, waxayna ahayd hawraar ay waalidiinta iyo ubadkoodu is dhaafsan jireen iyagoo talada san ama tawfiiqda isu rajayn jiray. Wixii intaa ka dib dhacay waa waxa aynu rabno in aynu is-dul-taagno oo bitijoorka (Tooj) si bayaan ah ugu ifino. Waana bar-bilowga uu ka tisqaaday qorshaha suuq-geyneed ee dulqaadku ku ladhnaa, qasidgiisuna ahaa inuu maanka aadanaha kaga tago masawir la yaab leh oo raadayntiisa cuskan.

Sanaddii ugu horreysay ee ay Kit Kat soo gashay suuqa Jabbaan, waxay gudagashay inay huuteelada ku yaalay caasimadda Tokyo u qaybiso juklaato bilaash ah, si loo siiyo kumanaanka arday ee caasimadda u yimi inay ku galaan imtixaanka loogu gubdayo jaamacadaha. Gabalka yar ee juklaatada (midabkkeeduna casaan xigeenka aan wax lagu matali karayn ahaa) wuxuu ahaa mid ardayday loogu qaybiyey inuu la jaal yahay ama wato nasiibka. Cidnina may ogayn in juklaatadu ay ka timi shirkadda Kit Kat laftigeeda.

Sanaddii xigtay waxay bilowday inay faafiso warar iyo dacaayado ku halmaala juklaatadii bilaashka ahayd ee nasiibka wadatay oo lagu qaybinayey huuteelada caasimadda (Sida la wada ogyahay, dadka reer Jabbaan waa kuwo xasaasiyad ka qaba sidoo kalena aana ku kalsoonayn xayeysiisyada iyo dacaayadaha, xitaa heer ay ka gaadheen inay liidaan waxay dacaayad ka dareemaan).

Sanadkii saddexaad, waxay samaysay xayeysiisyo ka geddisan kuwo ay isticmaalaan shirkadaha la jaalka ahi, waxay xayeysiiskeeda u soo bandhigtay qaab sheekooyin ah oo aad u qurxoon, waxayna sheekooyinkani ku jaan-goysay macalimiin, hooyooyin iyo arday ka sheekaynaya siday juklaatadani nasiibka ugu soo jiiday. Sheekooyinkani waxay ahaayeen kuwo la ikhtiraacay oo male-awaal ah, taasoo ku dhalisay hooyooyinka reer Jabbaan inay aamminaan in cunida juklaatadani ay keento nasiibka, waxayna gaareen heer ay ubadkooda iskuuladda u dirin ilaa ay uga sii gadaan juklaatada Kit Kat.

Sanadkii afaraad, wuxuu ugu suntanaa sanad hal-abuur. Waxaa si toos ah shaashada iyo googabah mahwiyada uga soo muuqday shaqaalaha

Kit Kat, iyagoo xayeysiinaya sumadda lagu yiqiinay shirkadda Kit Kat. Waxyaalaha ay kooxda suuq-geyntu sameeyeen waxaa ka mid ahaa in ay si fiican u fahmeen dabciga dadka reer Jabbaan (reer jabbaan waa dad aad u jecel hal-abuurnimada iyo is-bedbeddelka), waxay taasi sababtay in kooxdani ay bilaabaan inay soo bandhigaan carfoon-axadh (flavor -نكهة ) cusub oo lagu iibinayo wadanka jabbaan oo keliya. Carfoon-axadhyadaasi waxay isugu jireen liin; tufaax; iyo shaaha cagaaran.

Arrinta aadka u cajiibka ahayd waxay ahayd in carfoon-axdhayadani ay muddo kooban suuqa ku jirayeen ka dibna hal mar suuqa laga waayayey (si ay suuqa ugu banneeyaan carfoon-axadhyo kale oo cusub). Aragtidani waxay ka dhalatay inay dadka reer Jabbaan jeclayn waxyaalaha soo noqnoqda.

Gunaanad, suuqgeyntu waxa loola jeedaa waxqabadyada ay shirkadu qabato si ay u horumariso gadashada ama iibinta badeecad ama adeeg. Suuqgeynta waxaa ka mid ah xayaysiis, iibinta, iyo gaarsiinta badeecadaha macaamiisha ama ganacsiyada kale.

Tusaalooyinka caadiga ah ee suuq-geynta waxaa ka mid ah xayaysiisyada telefishinka, boorarka xayaysiinta ee waddada dhinaceeda ku yaal, iyo xayaysiisyada majalladaha balse waxay marwalbo ku kala duwan yihiin qaabka taatikada ay u kala isticmalaan. Suuqgeynta guusha leh waa wax kasta oo beddela aragtida astaanta ama aragtida badeecada taasoo u horseedda iibka sare, faa’iidada ama saamiga suuqa.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Waa maxay qeexida rasmiga ah ee Maamul?

Published

on


Maareyntu waa isku dubaridka iyo maamulka hawlaha si loo gaaro yoolka. Hawlaha maamulka waxaa ka mid ah dejinta istaraatiijiyadda ururka iyo isku dubaridka dadaalka shaqaalaha si loo gaaro ujeeddooyinkan iyadoo la adeegsanayo agabyada la heli karo.

Maareyntu waxay lama huraan u tahay nolol habaysan oo lama huraan u ah in lagu socodsiiyo dhammaan noocyada maamulka. Maareynta wanaagsan waa laf dhabarta ururada guuleysta. Maareynta noloshu waxay la macno tahay in wax la qabto si loo gaadho ujeedooyinka nolosha iyo maaraynta ururku waxay la macno tahay in wax lala qabto dadka kale si loo gaadho ujeeddooyinkeeda.

Maareynta waa maamulka urur, hadday tahay ganacsi, urur aan faa’iido doon ahayn, ama hay’ad dawladeed. Waa fanka iyo cilmiga maamulka kheyraadka.

Guud ahaan, maareyntu waa mabaadiida laxiriirta shaqooyinka qorsheynta, habeynta, hagidda iyo xakameynta, iyo ku dhaqanka mabaadi’daan si looga faa’ideysto xoogga iyo tamarta aadanaha, maaliyadda, iyo macluumaadka waliba si hufan oo wax ku ool ah si loo gaaro yoolalka ururka.

In wax walbo la maareeyo waxay lama huraan u tahay nolosha aadanaha sidaas awgeed, maareynta wanaagsan waa laf dhabarta ururada guuleysta. Maareynta noloshu waxay la macno tahay in wax la qabto si loo gaaro ujeedooyinka ururka.

Tayada maamulaha wanaagsan

1. Hufnaanta Xirfadeed: Hufnaanta xirfadeed waxa loola jeedaa in aqoon buuxda loo yeesho goobta ay khusayso. Maamulka, kartida xirfadeed waxay ku lug leedahay in si fiican loo barto mabaadi’da maaraynta iyo habka mabaadi’da inta badan loogu dabaqo xaaladaha.

2. Xaqiijinta Guul Sare: Maamulayaasha tayada leh waxay aaminsan yihiin ‘guul sare. Waxay leeyihiin meel gudaha ah oo ay gacanta ku hayaan, taasoo tusinaysa inay dareemayaan inay xakameynayaan xaaladaha, sidaas darteed, xaaladuhu ma xakamayn karaan. Waxay leeyihiin dareen ah in haddii dadka kale ay samayn karaan wax gaar ah, ay sidoo kale u samayn karaan si la mid ah. Rumaysadkani waxa uu ku beeraa kalsooni in ay sameeyaan wax ka wanaagsan iyo ka wanaagsan.

3. Hal-abuurka: Hal-abuurku waxa uu ku lug leeyahay fikradda beddelka asalka ah iyo kuwa gaarka ah ee jawaabta dhibaatada. Hal-abuurku waa lama huraan sababtoo ah dabeecadda mashaakilaadku way sii socotaa isbeddelka, una baahan xalal cusub.

4. Xirfadaha Falanqaynta: Maareeyayaashu waxay u baahan yihiin inay ku daraan xaalado adag oo ka kooban arrimo muhiim ah iyo kuwo aan macno lahayn. Xirfadaha falanqaynta, maareeyayaasha tayada leh waxay sidoo kale diyaar u noqon karaan inay aqoonsadaan arrimaha ku habboon shaqadiisa.

5. Go’aan leh: Maareeyayaasha tayada leh waa kuwo go’aan qaadasho leh. Waxay gaaraan go’aamo ka dib markay si taxadar leh u baaraan doorsoomayaasha tixraaca waqti fiican. Uma kala meermeeraan ‘waxa la samaynayo’ ama ‘waxa aan la samaynayn’ xaalad gaar ah.

6. Xirfado Isgaarsiineed oo heer sare ah: Isgaarsiintu waxay ku lug leedahay la wadaaga fikradaha iyo fahamka dadka kale. Si aad u ogaato dadka kale ee lagu shaqeynaayo waxaay u baahan tahay xirfada isgaarsiinta ama wada hadalka, xirfado isgaarsiineed oo heer sare ah ayaa loo baahan yahay. Intaa waxaa dheer, isgaarsiinta waxay saameyn ku yeelan kartaa maamulaha iyo shaqaalaha inay isfahmaan.

7. Hogaamin dhanka hore: Maareeyayaasha tayada wanaagsan ayaa xaga hore ka hogaamiya. Waxaa lagu aqoonsadaa shaqadooda ee ma ahan kuwa hadla oo kali. Awooddani waxay ka dhigaysaa kuwa raacsan inay si xamaasad leh ula socdaan madaxda.

8. Furfurnaan: Maamulayaasha tayada leh waxay leeyihiin tayo furfurnaan. Way u nugul yihiin isbeddelka mana aha qoraallada u adkaysta. Iyagoo furfuran, waxay tixgeliyaan fikrad kasta oo faa’iido leh oo ay ka aqbalaan meel kasta oo ay ka timaado.

9. Daacadnimo Sare: Maamulayaasha tayada leh waxay leeyihiin daacadnimo sare waxayna qaataan dhaqamada anshaxa guud ahaan noocyada go’aannada iyo macaamilka. Sidoo kale, waxay filayaan qaab u dhigma in ay raacaan kuwa kale.

10. Habka koox-ku-salaysan: Maareeyayaasha tayada waxay qaataan hab koox-ku-salaysan. Waxqabadka shaqada, waxay doortaan wax-siinta. Waxay aaminsan yihiin inay horumariyaan naftooda iyo sidoo kale kuwa kale.

 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Waa maxay tayada maamulaha wanaagsan?

5-taan sifadood qaado si aad u noqoto Maamule Wanaagsan. Waa cilmi baaris la sameeyey oo lagu ogaaday.

Published

on


Marwalbo oo aad tahay maamule waxaad u baahan tahay xirfado u gaar ah shaqada maamulnimada. Xirfadaha maamulku waa xirfado farsamo, xirfado fikradeed, xirfadaha dadka dhexdooda iyo xiriirka, xirfadaha go’aan qaadashada.

  1. Xirfad aqooneed

Marwalbo waxa kala duwanaan karo ururada ama shirkadaha ay ka hawlgalaan maamulayaasha sidaas awgeed waxay u baahan yihiin xirfado qaar. Kuwani waa xirfadaha ama sifooyinka ay hay’addu ka raadinayso qofka si loogu magacaabo maamule.

Xirfadahani waa kuwo aad u qiimo badan, qayb ahaan, sababtoo ah way adagtahay in la barto. Waxay ku horumaraan waqti ka dib markaad u fiirsato, la falgasho, oo aad la shaqeyso asxaabtaada. Xirfadaha kale ayaa muhiim u ah hogaaminta wax ku oolka ah iyo maaraynta waxqabadka.

Maamulaha xun waxaa lagu gartaa shaqada fudud ayuu shaqo adag ka dhigaa, halka maamulaha wanaagsani uu ka dhigi karo shaqo adag mid loo dulqaadan karo. Hadaba sidee maamulaha wanaagsan uga dhex garan kartaa midka xun? Waa kuwaan astaamaha aad ku garan karto.

2. Dabacsanaantu Waa Furaha Koowaad

Sahan ay sameesay hay’adda Manpower ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad 40% maamulayaasha caalamku ay sheegaan in jadwal dabacsani uu yahay mid ka mid ah saddexda shay ee ugu sarreeya ee ay tixgeliyaan marka ay dooranayaan shaqada, waa lagama maarmaan sidoo kale. Tani waxay ka dhigan tahay inaad ku kala duwanaan karto sida aad uga falcelinayso xaaladaha kala duwan.

Maareeyayaasha wanaagsani waxay ula dhaqmaan shaqaalahadooda inay yihiin bani’aadam iyaga oo kale oo daali kara, jecelna jadwalka fudud si shaqada ay usii jeclaadaan. – Taas macnaheedu waa inay ula dhaqmaan dabacsanaan iyo faham.

3. Daacadnimadu Waa Muhiim

Waxaad ogaaneysaa in qeexida dabacsanaanta ay ka dhigan tahay inaad imaan karto shaqada wakhti kasta inta u dhaxaysa 7:55 ilaa 8:02. Bey’adda goobta shaqada waxaa wanaagsan in qof kastaa uu joogi karo xafiiska mar walba, oo aad is taageertaan, haddii ay taasi dhacdo, waxaa bilaabanayso in shaqaalaha ay nacaan shaqada – xitaa haddii ay shaqadu aad u fiican tahay. Maxaa yeelay daacadnimadu macnaheedu maaha edebdarro, laakiin waxay la macno tahay in la saxo dhibaatooyinka markay soo baxaan. Siinta shaqaalaha tusaalooyin gaar ah oo ku saabsan sida, goorta, iyo waxa ay hagaajin karaan ayaa aad uga qiimo badan in ay iska indho tiraan dhibaatooyinka jira.

 

Maareeyayaashu, dabcan, uma sheegi karaan shaqaalaha macluumaadka sirta ah, laakiin waxay u sheegi karaan waxay u baahan yihiin inay ogaadaan si ay shaqadooda u qabsadaan. Maareeyayaasha wanaagsani waxay raadiyaan habab ay ku muujiyaan naxariista, xitaa haddii sharciga waafuqsaneyn.

4. Mushaar cadaalad ah

Sharciga Xiriirka Shaqaalaha Qaranka wuxuu ilaaliyaa xuquuqda shaqaalaha si ay u illaaliyaan xaaladaha shaqada, oo ay ku jiraan mushaharka, iyo kuwa ay wada shaqeeyaan. Laakiin dadka inta badan kama hadlaan dhibaatooyinka lagu haayo, maxaa yeelay aqoon la’aanta ay u leeyihiin sharciga.

Dowladaha waa weyn ee ka jira nidaamka sharciyada. Waa sharci darro in dadka lacag lagu siiyo iyadoo lagu saleynayo jinsiyadda, ama sifooyinka kale, maamulayaasha wanaagsan waa inay fahmaan in mushaharka caddaaladda ah ee qof kastaa uu muhiim u yahay guusha; sababtoo ah qof kastaa waa in aragti ahaan uu qaataa mushahar cadaalad ah.

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in shaqaalaha beddela shaqada ay ka mushahar badan yihiin kuwa isku shirkada ah.

Waxaa la sheegayaa inta badan shaqaalaha sababaha ay ugu tagaan shirkadaha ay tahay sababo lala xariiriyey ‘ mushaar aan caddaalad ku salaysaneen.

5. Wuxuu dhisaa kooxo guulaysta oo leh maskax hogaamineed

Maareeyayaasha wanaagsani kaliya maaha inay fiiriyaan guushooda – waxay raadiyaan guusha kooxahooda. “si loo noqdo hoggaamiyeyaal wanaagsan, maareeyayaasha – gaar ahaan kuwa ku cusub jagada – waa in ay horumariyaan maskaxda hoggaamiyaha.”

Maamulaha wanaagsani waa in uu xaaladaha u arko si ka duwan sida uu u arko qof wax ku darsaday. Maamulaha ama Hogaamiyuhu waxa uu xooga saaraa sawirka wayn waxa uuna ka caawiyaa isu keenida dadka si loo gaaro yoolal la taaban karo. Ma filan kartid inaad isla markiiba ka booddo doorka “wax-qabad” una gudubto “maamulid” adoon lahayn nusqaan xagga xirfadahaaga hoggaamineed. Maareeyayaasha wanaagsani waxay ka shaqeeyaan inay buuxiyaan daldalooladan oo ay u beddelaan aragtidooda hoggaamiye mid ka mid ah.

Maamulaha wanaagsani waxa uu jecel yahay in shaqaaluhu ay la kulmaan ka-qaybgal iyo ixtiraam; waa arrin la dhisayo deegaan ay shaqaalaha ku guulaysan karaan.

Guntii iyo Gebagebadii, waxaa jira malaayiin dariiqo oo lagu noqon karo maareeye wanaagsan. Mana jiro qaab adag oo maamule kasta oo wanaagsan uu raaco mar kasta. Laakiin mabaadi’da aasaasiga ah waxay ka caawin karaan maareeyayaasha inay caawiyaan shaqaalahooda inay guuleystaan. Shaqaalaha guuleysta waxay u horseedaan ganacsiyo guuleysta, taas oo ah hadafka dhammaan maamulayaasha.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Waa Maxay ‘Habdhaqanka Abaabuleed ee Shirkadaha?

Published

on


Hab dhaqan abaabuleed ku (OB) waa daraasadda lagu gartaa dabeecada qofka ama kooxda waa sida aay dadka isku dhexgalaan marka aay si wadareed aay u wada shaqeeynayaan. Sida caadiga ah daraasaddan waxaa laga faa’idaa in la abuuro urur ganacsi  ama bulsho  wax ku ool ah.

Arrinta dhextaalka ah ee waxbarashasa habdhaqanka ururka waa in hab cilmiyaysan lagu saleyn karaa maamulka iyo shaqaalaha leh aragtiyahakala duwan ee dhaqanka amaba ururada waxaa loo isticmaalaa ujeedooyin khayraadka aadanaha si loo kordhiyo wax soo saarka kasoo xubnaha, kooxda ama shaqsiyan.

Burburitaan ‘Habdhaqan abaabuleed:

Waxaa jira noocyo kala duwan oo lagu dayan karo iyo falsafad dhaqanka ururada  oo kala duwan. Meelaha u ah deegaanka iyo cilmi oo ka mid ah hagaajinta waxqabadka shaqo, taas oo  sii kordhineeysa xiisaha shaqo, horumarinta hal-abuurka iyo ku dhiirinaanta hoggaanka. Intaas oo dhan waxeey muhiim u tahay  in la gaaro natiijada la doonayo, maamulayaasha waxaa laga yaabaa in ay qaataan xeeladaha kala duwan, oo ay ku jiraan taa oo keentaa xaaladaha kala gidisan balse mar waliba waxaa hagaagsan in cashar laga bartaa dabeecadaha iyo habdhaqanka kooxad  kadibna dib u habaynta kooxaha, bedelayaan dhismeedka  kooxda taa oo ka ilaalineeysa inuu ku yimaad burbur waxeeyna abuureeysaa dhaqan xoogan oo horumar leh

Taariikhda 

Inkastooy habdhaqan abaabuleed OB muda sii hureysay aay u aqoonsatay in uu hayay cilmi si gooni ah loo baran karaa  by Psychological Association American xiligaan 1970 ee, waxaa xididaha u adkeeyay oo u sii aqoonsaday in uu yahay cilmi loo baahan yahay  aadanuhuna uu ka maarmin barashadiisa sanadku markuu ahaa 1920 waxaa hadalkaas daaha ka qaaday Company Hawthorne oo ahaa  Electric si  taxane ahna  loogu qaday tijaabo loogu talagalay in lagu kala garto sida isbeddelka deegaanka iyo dabeecadad  wax soo saarka ee shaqaalahooda.


Waxay baaritaana  kala duwan, ay qabatay inta u dhexeeya sanadahaan 1924 iyo 1933, waxay ahaayeen kuwo ballaadhan iyo xidhhidha qaatay  mudda aad u  badan waqti. Daraasada waxaa ka mid ahaa saamaynta noocyada kala duwan ee nasashada (faraha badan oo biririf yar, iyo kuwa dheer yar, iwm) sidoo kalane waxaa daraasadda kamid ahaa  heerka iftiinka kala duwan. Maxsuulka ugu caansan ee ka dhashay ee Daraasaadka Hawthorne waa waxa hadda loo yaqaan Hawthorne saamaynta, isbeddelka dabeecadda ee ku xiran imtixaan marka ay ogaadaan inay la arkay.

Si ay diiradda saaraan in mid ka mid ah raadinta, qaar ka mid ah ayaa ku dooday, waa in ay iska indha set ballaaran ee cilmiga in ay noqdaan tixgalinayo lahaa horumarinta dhaqanka urur sida beer oo kale ee waxbarasho iyo xirfad khayraadka aadanaha sida aan hadda u ogaado.

Fikradda ah ee raadinaya cilmiyeysan ee dhaqanka iyo wax soo saarka ee goobta shaqada iyadoo hadafku yahay in la kordhiyo lacagta iyo tayada shaqada shaqaale ah oo aad samayn kartaa, oo ay la socdaan fikradda ah in shaqaalaha ku jiray ma khayraadka laysku beddelid karo laakiin ahaayeen halkii gaar ah marka la eego ay cilmi nafsiga oo ku iman kara ku haboon shirkad. Fikradaha Kuwaasu waxay ahaayeen xad dhaaf ah oo cusub marka Hawthorne ugu horeysay bilaabay waxbarashada, oo waxay ka caawisay abuuro beer waxbarasho iyo beerta oo dhan xirfadeed.

images (19)

dhaqanka abaabuleed ayaa diiradda ku saabsan mawduucyo kala duwan kala duwan ee waxbarasho. In qayb sababtoo ah dagaalkii labaad ee dunida, inta lagu guda jiro 1940 ee duurka jooga oo diiradda lagu saaray saadka iyo sayniska maamulka.

Muddadan xoogga ahaa ee la isticmaalayo lagula socdo xisaabta iyo falanqayn tirakoobka si aad u hesho jawaabaha ugu wanaagsan ee dhibaatooyinka adag. Studies by Carnegie – ama biyaha saafiga ah – dhaqaalaha Dugsiga ee 1950 iyo 1960 ee taageereen, kuwaas oo wajiyada macquul dhibaatooyin go’aan qaadashada.

Tan iyo 1970 oo, heshiis wanaagsan ee shaqada la qabtay oo duurka ku ah dhaqanka urur ayaa on qaybaha dhaqanka ururada, oo ay ku jiraan mawduucyo sida qoomiyadda, fasalka, doorarka jinsiga, iyo qoysaska dhaqanka iyo doorka ay dhismaha group iyo wax soo saarka. Cilmi-baarisyadaasi waxay, qayb ka mid ah shaqada ah ee diiradda duurka ku wajahan cilmi tayo leh, iyo waxyaabo kale, ay tixgeliyaan siyaabaha ay aqoonsi iyo asalka sheegi karaa go’aan qaadashada.

Diiradda  waxbarashada:

Waxbarashada diiradda  dhaqanka ururka waxaa inta badan laga helaa dugsiyada ganacsiga, iyo iskuulada ee shaqada bulshada iyo cilmi nafsiga. Oo waxay ku bari waxbarashada cilmiga aadanaha, ethnography, iyo hoggaanka iyo isticmaali tamarta, tayo Mowduucyada daboolay OB waxaa ka mid ah garaadka, go’aan qaadashada, barashada, dhiirigelinta, gorgortan, dareenkaa, habka kooxda, cuqdo, iyo awoodda iyo saamaynta.

OB yar yar daboolayaa ururada sida nidaamyada bulshada, dhaqdhaqaaqa isbedelka, suuqyada, xiriirka ka dhexeeya ururada iyo degaanadooda, iyo sidoo kale aqoonsiga ee geedi socodka ururka, sida dhaqdhaqaaqa bulshada saamayn suuqyada, oo xooggii Kan ugu shabakadaha bulshada.

Waxyaabihii ka soo baxay jirka dhaqanka urur ee cilmi-baarista waxaa loo isticmaali karaa madaxda iyo xirfadlayaasha Relations Human si fiican u fahmaan ‘dhaqanka ganacsi, sida dhaqanka in la fududeeyn karaa ama leexiya wax soo saarka iyo haynta shaqaale, iyo sida ugu wanaagsan ee loo qiimeeyo murashaxiinta xirfad dhigay iyo shakhsiyadda inta lagu guda jiro nidaamka shaqaalaynta.  Codsiga waa aragti iyo aqoon baradkii dhaqanka waana halka laha ogaan karo qofka heerkiisa cilmi iyo garaad ee uu leeyahay kuna doonaaya inuu ku soo  biira ama ka mid ahaada urur Personality, qanaacada shaqe ee shaqsi, Leadership, Authority, Power, iyo Politics. Dhamaantoot Waxaa jira hal jid sax ah si aan u qiimeyno sida saxda ah si ay u maareeyaan wax kasta oo waxyaalahan

Shaqsiyada Personality, muhiimad dhaqanka taxane gooye ah, kaalin weyn oo sida uu qofku u falgala kooxaha iyo saarta shaqada. Ogaanshaha shakhsiyadda qofka, sidoo kale iyada oo taxane ah oo baaritaan, ama iyada oo loo marayo wada hadal fikrad fiican ah in ay tahay taam ah deegaanka ay la soo kiraystay lahaa galay, iyo sida ugu fiican ee lagu dhiirigaliyo in qofkaas siin karaa.

Aragtiyaha agagaarka xiisaha shaqo ballaaran kala duwan yihiin, laakiin qaar ku doodayaan in shaqo lagu qanco uu ka kooban yahay nidaam adag abaalgud, shaqada kalifaya, kormeerayaasha wanaagsan, iyo xaalado shaqo oo lagu qanci karo.

Hoggaanka, waxa ay u eg iyo meesha ay ka soo jeeda waa mawduuc qani ku ah dood iyo baaritaan  dhaqanka urur gudahood. Markii mid ka mid ah u arko waxa ugu xiran maamulka, waxay noqon kartaa mid ballaadhan, diiradda, dhexe ama, go’aan, wacyi, jaleelada ee shakhsiyadda qofka ama natiijo ah meel ay ku amar.

Awood Power, amar, iyo siyaasadda oo dhan shaqeeyaan inter-dependently ee goobta shaqada. Fahamka siyaabaha ku habboon, sida ku heshiiyeen ee xeerarka a goobta iyo tilmaamaha guud ee anshaxa, kaas oo walxahaasi waxaa lagu soo bandhigay oo la isticmaalo waxay yihiin qaybaha muhiimka ah si ay ganacsiga ama ururka aaay mideeyaan

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Afrika8 hours ago

Dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan ayaa gaysta xad-gudubyo ay ka mid yihiin duqaymo ay ku hayaan dad rayid ah – Warbixinta Qaramada Midoobay

Siyaasadda Soomaaliweyn1 day ago

Shir Logu hadlaayay horumarinta Arrimaha Garsoorka: Waa sidee Xaalka Caddaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 days ago

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 days ago

Heshiis dastuurka Soomaaliya quseeya oo ay wada galeen Qadar iyo Soomaaliya

Geeska Afrika4 days ago

Damaca weyn ee Itoobiya ayaa khalkhal gelin doona Geeska Afrika – Ficil gurracan oo fashilmay

Afrika4 days ago

Maxay tahay sababta Masar iyo Turkiga ay u soo afjarayaan xiisadda tobanka sano socotay?

Afrika6 days ago

Rabshadaha dhimashada dhaliyey ee Senegal oo ka dhashay dib u dhigista doorashada: Akhriso qodobada aad u baahan tahay inaad wax ka ogaato

Wararka6 days ago

Qaramada Midoobay ayaa uga digtay Britain in muhaajiriinta loo tarxiilo Ruwaanda

Wararka1 week ago

Muxuu salka ku hayaa heshiiska amni ee ay ansixiyeen Golaha wasiirada Soomaaliya?

Afrika1 week ago

Dalka Zimbabwe ayaa ku hanjabay inuu mamnuuci doono deeqaha waxbarasho ee khaniisiinta loogu talagalay

Siyaasadda Arrimaha Dibadda1 week ago

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya

Afrika1 week ago

Shirkii midowga Afrika maxaa kasoo baxay? – Afgembi, rabshado iyo qalalaase khatar ku ah Afrika

Wararka2 weeks ago

83 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, tirada dhimashaduna waxay kor u dhaaftay 28,858

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Madaxa Xisbullah Xassan Nasrallah ayaa u ballan qaaday in Israa’iil ‘ay caqabad kala kulmi doonto ‘dilka dadka rayidka ah’

Bariga dhexe2 weeks ago

Weerarkii Israa’iil ee koonfurta Lubnaan ayaa lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsan ururka Xisbullah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Tegida Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ee Addis Ababa waa qalad diblomaasiyaddeed

Wararka2 weeks ago

Kaliya Mareykanka ayaa qasab ku keeni kara nabadda Bariga Dhexe waana inuu cadaadiyaa Israa’iil, ayuu yirri Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan

Wararka2 weeks ago

“Haddii aad nabad rabto, u diyaargarow dagaal,” – RW Kyriakos Mitsotakis

Wararka2 weeks ago

Sarkaal Kenyan ah oo meydkiisa laga helay hotel ku yaallo Washington

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Maxaa dan ah ayaa ugu jira Soomaaliya heshiiska is-afgaradka milatari ay kala saxiixatay Mareykanka?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud (4.5) oo tagaya Itoobiya – Ujeedka waa maxay?

Aasiya2 weeks ago

Muslimiinta Hindiya ayaa ka cabsi qaba mustaqbalka xukunka RW Narendra Modi ee Hinduuga ah

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Dagaalka Qaza: Maxkamad ku taallo Nederland ayaa dowladda ku amartay in ay joojiso diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee ay gaynayso Israa’iil

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Muxuu ku saabsan yahay heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkey?

Afrika3 weeks ago

Colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo laga soo bilaabo 1996

Wararka3 weeks ago

Weerarada fallaagada ayaa kumannaan kun ku qasbay inay ka qaxaan Koongo

Afrika3 weeks ago

Basaasiinta Israa’iil ayaa u hanjabaya qoyskayga – Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Koonfur Afrika

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda PDF

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 26aad

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

Qowmiyada Oromada oo xalay lagu laayay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Maraykanka ayaa ka digaya aargoosi dheeraad ah haddii maleeshiyaadka ay Iran taageerto ay sii wadaan weeraradooda

Wararka3 weeks ago

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen saldhigga booliska Pakistan

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 25aad

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda3 weeks ago

Xasuuqii Ruwaanda ka dhacay, 1994

Wararka3 weeks ago

Saddex qof ayaa ku dhaawacmay weerar mindi oo ka dhacay magaalada Paris

Buuggaag4 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 24aad

Afrika4 weeks ago

Ruwaanda oo heshay xabaalo wadareedyo badan 30 sano kadib xasuuqii Tutsiga, 1994

Geeska Afrika4 weeks ago

Ilhaan Cumar ayaa lagu eedeeyay inay jabisay dhaartii loo dhaariyay maadaama ay sheegtay inay illaalin doonto danaha Soomaaliya

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Ruushka iyo Gambia ayaa yeeshay wadahadallo dhanka ammaanka ah

Buuggaag4 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 23aad

Xul