Connect with us

Siyaasadda Soomaaliweyn

Maxaa ku qasbaya in madaxweyne Mustafe Cagjar taageero is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland?

Mustafe Cagjar miyuusan ogayn taariikhda xasuuqa bahalnimada leh ee Itoobiya u gaysatay shacabkiisa?

Published

on

madaxaweynaha Maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar 'Mustafe Cagjar'

Sida ay tebisay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ah oo wareysi ka qaaday madaxaweynaha Maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ‘Mustafe Cagjar’ ayaa sheegay inuu taageersan yahay heshiiska ay wada galeen dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

Maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa Jimcihi shalay marki ugu horreysay ka hadlay halka ay ka taaganyihiin, is-afgaradki ay dhawaan kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, “..dalka Itoobiya waa dal shacab badan ay kunool yihiin illaa 120 milyan, waxayna ku tiirsan yihiin dalalka jaarka inuu wax ka soo dhoofsado. Marka inuu heshiis noocaan oo kale galo dalka uu helo dekad uu isticmaalo iyo waliba saldhig militari uu ku illaalsado danaha siyaasaddeed iyo istiraajiyaddeed uu ku illaalsado waa wax faa’ido badan u leh.” ayuu yiri madaxaweynaha Maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ‘Mustafe Cagjar’

“Deegaanka Soomaaliduna, madamaa uu dalka ka tirsan yahay wixii faa’ido ahna waa kan ugu horreeya ee ka faa’ida madamaa xariirkeena dhaqaalle uu ku xeran yahay dekada.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mustafe Cagjar.

Mustafe Cagjar miyuusan ogayn taariikhda xasuuqa bahalnimada leh ee Itoobiya u gaysatay shacabkiisa? PDF

Sida ay sheegtay hay’adda UNPO oo kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobay hoos-tagga ayaa qortay in ciidamada sida gaarka ah u gumaada shacabka Soomaalida ee maamulka Kililka Shanaad ee Gumaysiga Itoobiya ee lagu magacaabo Liyuu Boolis oo ay maalgeliso, tababarto, isla markaana ay hubayso dawladda Itoobiya ayaa xasuuq ba’an ka gaystay tuulooyinka u dhow degmada Shilaabo ee dalka Ogaadeenya ee ku teedsan xuduudka Soomaaliya, halkaas oo ay ku laayeen boqolaal qof oo rayid ah, tiro kalena ku gubeen.

Sida ay hay’addu sheegtay, dadkii halkaas ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah in ka badan 50-qof oo isugu jira haween, caruur iyo dad da’ ah, kuwaasi oo googo’ay. Goobaha Xasuuqaasi ka dhacay ayaa ah Tuulooyinka Lababaar, Xaadh Xaadh, Xindhowreed, iyo Tuulooyinka kale ee dhanka Baarmagoog iyo Xuduudka Soomaaliya ee u dhow Gobolka Gal-Mudug.

Sida ay hay’adda UNPO sheegtay ciidamada Liyuu Booliska oo si joogta ah xasuuqa foosha xun uga gaysta tuulooyinka Ogaadeenya ayaa waxay tageen tuulada Lababaar waxayna ka dalbadeen xoolo inay siiyeen. Dadkan oo aan wax lacag ah haysan ayaa u sheegay taliyayaasha Liyuu Booliska in aysan awoodin lacagaha qaaliga ah ee laga qaado. Taliyaha Liyuu Booliska ayaa amray in la dilo dhowr oday. Dadka ayaa is hortaag ku sameeyay, waxaana la toogtay dhowr qof oo bulshada ka mid ah. Kadibna ciidamada Liyuu Boolisku waxay bilaabeen inay ku rusheeyaan dadkii rayidka ahaa ee soo hadhay.

Dadka ayaa go’aansaday in ay iska caabiyaan, kadibna ay ciidamada Liyuu Boolisku bilaabeen in ay weerar ku qaadaan dhamaan tuulooyinka ay ka kooban tahay deegaanka, waxana ay toogteen qof kasta oo ay arkaan, iyaga oo si gaar ah u bartilmaansanayay haweenka iyo caruurta oo aan isdifaaci karin.

Xukuumada Meles ayaa dagaal bahalnimo ah ku qaaday shacabka Soomaali galbeed. Ciidanka Itoobiya ayaa xidhay isgoysyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Ogaadeenya, waxayna ciidamada Liyuu Boolisku ka caawinayaan saanad iyo taakulayn caafimaad, iyagoo dhinaca kale gowracaya oo dilaya dhaawaca iyo dadka rayidka ah ee usoo fakaday dhinaca Soomaaliya si ay u tirtiraan wixii caddaymo ah.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya (ONLF) ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay inay baaritaan ku sameyso waxa ay ku sheegtay dambiyada dagaal ee ay ciidamada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ka geysteen dhulka fog iyo dhulka oomanaha ah ee ay deriska yihiin Soomaaliya. JWXO waxay cambaaraynaysay dawladda Itoobiya, waxayna beesha caalamka ugu baaqday inay guddi xaqiiqo raadin ah u soo diraan Ogaadeenya si ay u soo baaraan dhacdooyinkaas iyo hab-dhaqanka guud.

Ciidamada Liyuu Booliska ee gobolka Ogaadeenya waxay gacanta ku hayaan saxaafadda, lamana ogola saxaafad madax banaan oo gudaha ah.

JWXO waxay ku wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Soomaaliya in ciidamada Liyuu Boolisku ay yihiin ciidamo ay abuurtay gumaysiga Itoobiya oo loo adeegsado in lagu cabudhiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya, isla markaana aan ahayn ciidan ka tirsan qabiilka Soomaalida Ogaadeenya. Sidaas darteed, waa inay mas’uuliyadda masiibadaas dusha u ritaan taliska Itoobiya.

Ciqaab wadareed

Sida ay cadeynayso warbixinada hay’adda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch, xadgudubyada ay geysteen mucaaradka iyo ciidamada Itoobiya waxay halis toos ah ku tahay badbaadadooda waxayna abuurtay dhaqan cabsiyeed oo baahsan. In kasta oo iskahorimaadku uu sannado badan soo jiitamayay oo lagu eedaynayey xad-gudubyo isdaba joog ah, haddana waxay yeelatay dardar cusub kaddib markii Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) ay weerar ku qaadday Shidaal Shiinuhu maamulayeen oo ku yaalla Gobolka Soomaalida bishii Abriil 2007, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 70 Shiineys iyo Itoobiyaan ah. Jabhada EPRDF ee uu hogaamiyo Ra’isal wasaare Meles Zenawi ayaa ka jawaabtay in ay olole bahalnimo ah oo ka dhan ah kacdoonka ka bilaabeen shanta aag ee Gobolka Soomaalida ee ay colaaduhu sida aadka ah u saameeyeen ee kala ah Fiiq, Qoraxe, Goday, Wardheer, iyo Dhagaxbuur. Aagagan ayaa si badheedh ah oo isdaba joog ah ciidamada qaranka Itoobiya u weeraray dad rayid ah oo ay ku doonayaan in ay xididada u siibaan kacdoonka.

Cadeymaha ay hay’adda soo bandhigay, ciidamada Itoobiya ayaa si xoog ah ku barakiciyay dhammaan dadkii ku noolaa miyiga, iyagoo ku amray dadka tuulada ku nool inay maalmo gudahood uga baxaan guryahooda, haddii kale ay arkaan guryahoodii oo la gubayo, hantidoodana la burburinayo, isla markaana ay halis ugu jiraan dhimasho. Hay’adda Human Rights Watch waxay diiwaan gelisay xukunno dil ah oo lagu fuliyay in ka badan 150 qof, kuwaas oo intooda badan lagu dilay bannaanbaxyo, iyadoo askarta Itoobiya ay si gooni ah ula baxeen dadkii lagu tuhunsanaa in qaraabadooda ay ka tirsan yihiin ONLF ama qofkasta oo taageero u haayo ururka.

Xukunka dilka ah ayaa mararka qaar waxaa ka mid ah in la ceejiyo, kadibna meydkooda la dhigo meel banaan ah oo si digniin ah, si ay dadka tuuladana ku nool ay u aasaan. Xogta ay xaqiijisay hay’adda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa ah kuwa bahalnimo ay ku jirto.

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO)

In ka badan labaatan sano, Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) waxay u halgamaysay sidii aayo-ka-talinta loogu heli lahaa Soomaalida ku nool Dawlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya (oo sidoo kale loo yaqaanno gobolka Ogaadeenya).

ONLF waxay samaysatay koox wadani ah 1984. Waxay ku guulaysteen doorashooyinkii golaha deegaanka ee ugu horreeyey ee SRS sannadkii 1992 ka dib markii la afgambiyay taliskii milateriga Itoobiya 1991kii oo la keenay nidaamka federaalka qowmiyadaha ee Itoobiya. Kooxdu waxay u jeesatay kacdoon hubaysan 1994, ka dib markii ay isku khilaafeen dawladda federaalka ee ku saabsan xuquuqda aayo-ka-tashiga Soomaalida iyo ka dib markii dhowr ka mid ah hoggaamiyayaashoodii la xiray lana dilay.

Colaadda ayaa ka dhigtay gobolka Soomaalida mid ka mid ah gobollada ugu saboolsan Itoobiya – celcelis ahaan, ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa ku tiirsan gargaarka cuntada sannad kasta.

Wadahadalka nabaddeed ee gumeysi-diidka ONLF iyo Dowladda Itoobiya

Wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya ONLF iyo Dowladda Itoobiya ayaa bilowday sannadkii 2012-kii, waxaana hoggaaminayay koox ka socotay dowladda Kenya. Ururka Resources Conciliation Resources ayaa lagu casuumay inay taageerto wadahadaladan, iyadoo talo farsamo siinaysa kooxda Kenya iyo dhinacyada isku haya lixdii sano ee wada xaajoodka. Waxaana ka mid ahaa tabbabarka diyaarinta wada-xaajoodyada, ka-talinta geeddi socodka nabadda ee ballaaran iyo gacan ka geysashada diyaarinta heshiiska nabadda ee kama-dambaysta ah.

Heshiiska waxaa lagu saxiixay magaalada Asmara, Oktoobar 2018 Eriteriya. Waxay soo afjartay colaaddii waxayna u gogol xaadhay in ONLF ku soo noqoto gobolka oo ujeeddooyinkeeda siyaasadeed ku fushato hab nabdoon. Madaxda JWXO ayaa hadda isu diyaarinaaya inay u diyaar garoobaan ka guuristooda mucaaradka hubeysan una gudbaan urur siyaasadeed.

Colaadda xadka Oromada iyo Soomaalida iyo colaadaha gudaha ee Soomaalida ee la xiriira xuduudaha, xuquuqda daaqaha, helitaanka iyo xakamaynta ilaha dawladda hoose ayaa ah caqabadaha isasoo taraayo. Hadda se waxaa soo cusboonaaday mid kale oo horleh, gobolka Tigray!

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Siyaasadda Soomaaliweyn

Xogta saraakiishii lagu dilay deegaanka Awdiinleh iyo degmada Bardaale

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta agga Bardaale qarax miino kula beegsatay kulanyadii ku jirtay howlgalka, ilaa 3 gaari ayaa la sheegay inay isku mar miinooyinku haleeleen, kuwaas oo goobta ku basbeelay, waxaana ku dhamaatay askar iyo saraakiil badan.

Published

on

Gaashaanle Maxamed Nuur

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Awdiinleh iyo degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaas oo lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Maxamed Nuur oo loo yaqiinay (Maxamed Dheere) iyo ciidamo kale oo la socdey.

Marxuumka ayaa hadda ahaa taliyahii guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka, waxaana xilliga la dilayay uu kasoo laabtay howlgal ka dhacay halkaasi.

Allaha u naxariistee Maxamed Dheere ayaa hoggaaminayay howlgallo waddo furis ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ka wadaan halkaasi, kuwaas oo uu ujeedkoodu yahay in la’isugu furo gobollada Baay, Balool iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac. Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa weli ku xoogan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro culus ka fuliya gobolladaas oo haatan ay howlgallo ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Muddooyinkaanba waxay dowladda Soomaaliya la kulmaysay iska caabin xooggan oo xagga Al-shabaab kaga imanaya sidoo kale ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, daraawiishta Galmudug iyo xoogaggii dib u xoreynta shacabka ayaa isaga baxay dhulkii ragga badan ay ku dhinteen ee laga xoreeyey Al-shabaab ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan degmooyinka Camaara iyo Bacaadweyne.

Xaaladdaan ayaa gilgishay halgankii dalka looga xoreynayey Khawaarijta oo ah ‘magaca ay dowladda federaalka Soomaaliya u taqaano’ Al-shabaab ee labada sano soo socday, waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa war ka soo saaray geerida Taliyihii guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo maanta lagu dilay qarax miino.

Gaashaanle Maxamed Nuur Sheegow (Mad Dheere), iyo saraakiisha kale oo la shahiiday ayaa maanta duhurkii lagu dilay inta u dhaxeysa degmooyinka Aw-diinle iyo Berdaale ee Koonfur Galbeed, xili ay ku jireen howlgal sifeyn ah.

“Qoyska, ehelada, Ciidanka Xoogga Dalka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaan uga tacsiyeynaynaa Geerida shahiid Maxamed Nuur Sheegow, Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad iyo saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee inaga shahiiday, waxaana Alle uga baryeynaa inuu Janadii Firdowso ka waraabiyo inta dhaawaca ahna uu alle caafiyo,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Allaha u naxariistee Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le Maxamed Nuur Sheegow iyo saraakiisha kale ee la socotay iyo guud ahaan naftood hurayaasha CXDS ee horay inooga Shahiiday waxa ay naftooda u hureen in Dalka, Dadka iyo Diinteenna suuban ay ka badbaadiyaan Cadowga Khawaarijta ah.

Guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor oo ahaa sarkaal ciidan iyo tiro kale oo saraakiil ah ayaa qaraxaas lagu laayey, sidoo kale askar badan ayaa geeriyootay maanta, in kalena dhaawacyo culus ayaa soo gaaray. Ciidankaan waxay ku jireen howlgal muddo 3 maalmood ah, waxayna ku howlanaayeen inay isku furaan wadooyinka ay Shabaab go’doomiyeen ee isaga kala goosha gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta agga Berdaale qarax miino kula beegsatay kulanyadii ku jirtay howlgalka, ilaa 3 gaari ayaa la sheegay inay isku mar miinooyinku haleeleen, kuwaas oo goobta ku basbeelay, waxaana ku dhamaatay askar iyo saraakiil badan.

Madaxweynaha K/Galbeed iyo guddoomiyaha golaha shacabka oo maanta war ka soo saaray dilka Taliyaha iyo saraakiisha kale ayaa uga tacsiyeyey dhamaan umadda Soomaaliyeed, geeridaan ayaa maanta aad u taabatay dadka Soomaaliyeed ee rajada weyn ka qaba in laga adkaado kooxaha argagixisada ah.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa beeniyey eedeynta Al-Shabaab ee dilkii dhaqaatiirta Kuubba

AFRICOM waxay sheegeen in qiimayn iyo dib u eegis kadib aan Maraykanku wax hawlgal ka samaynin waqtiga iyo meelaha la cayimay.

Published

on

SAWIRKA: Taliyaha xilka ka degaya ee Taliska Afrika ee Mareykanka Jeneral William Ward (2-aad) iyo Jeneral Carter Ham (Middig) ayaa ka qeyb qaadanaya munaasabadda beddelka taliska AFRICOM ee Sindelfingen ©Mandel Ngan-Pool / Sawirada Getty

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inaysan mas’uul ka ahayn dilka la sheegay in loo gaystay laba dhakhtar oo u dhashay Kuubba oo al-Shabab ay soo jeediyeen eedayn ah inay ku dhinteen duqayn uu gaystay Maraykanku 15-kii Febraayo ee sannadkan.

Taliska Maraykanka ee Afrika AFRICOM waxay qiimaynta saddexdii bilood ee u dambaysay ee ay sameeyeen ay ku xaqiijiyeen in duqayn ay ka gaysteen nawaaxiga Jilib 15-kii Febraayo, hase yeeshee waxay sheegeen in qiimaynta iyo dib u eegista ay sameeyeen kadib ay go’aamiyeen in duqaynta ay ciidamada Mataykanku gaysteen 15-kii Febraayo aysan sababanin wax dhimasho oo rayid ah.

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay inay dhammaystireen qiimaynta laba dhacdo oo kale oo kala dhacay Janaayo 25-keedii iyo Febraayo 22-keedii sannadkan, oo ka kala dhacay nawaaxiga Galhareeri iyo Kurtunwaarey, iyadoo loo jeediyey eedayn ah in duqaymaha Maraykanku gaysteen ay waxyeello kasoo gaartay rayid.

Maraykanku waxay sheegeen in qiimayn iyo dib u eegis kadib aan Maraykanku wax hawlgal ka samaynin waqtiga iyo meelaha la cayimay.

AFRICOM waxay sheegtay inuu jiro kiis furan oo weli qiimayntiisa ay wadaan, kaasi oo macluumaadkiisa lagu dari doono qiimaynta tan xigta. Labada dhakhtar oo la kala yiraa Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa Al-Shabaab ay kasoo afduubeen bishii April 2019-kii Waqooyi Bari Kenya.

Ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM

Joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Afrika, waxaa hogaaminaya ujeeddooyinkooda amniga qaranka iyo sidoo kale danahooda juqraafiga. Nabadgelyada Afrika waa qayb ka mid ah welwelka ballaaran ee amniga Mareykanka ee adduunka oo dhan. Kor u kaca Ruushka ee jaantuska amniga Afrika – gaar ahaan gobolka Galbeedka Afrika, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Liibiya, Saaxil. Intaa waxaa dheer, raadka Shiinaha ee Afrika, ugu horrayn ee horumarinta kaabayaasha iyo amniga, ayaa sidoo kale soo jiidatay dareenka Washington oo kor u qaaday muhiimadda iskaashiga milatari ee Afrika iyo Maraykanka.

Si arrintan wax looga qabto, Maraykanku waxa uu isku dayay in uu dib u qeexo xidhiidhka uu la leeyahay Afrika ee iskaashiga, waxana uu si aan kala go’ lahayn uga digayaa Afrika Ruushka iyo Shiinaha inay qaaradda awood ku yeeshaan.

Dhoolatuska militari ee wadajirka ah ee Afrika iyo Mareykanka ay ka wadaan bariga Afrika ayaa ah labo waji. Marka hore waa ‘Heshiiska Xaqa ah’ ee caafimaadka, isgaarsiinta, ama tababarka saadka. Labaad, “Leyliga Cutlass Express” waxaa loogu talagalay xoojinta amniga badda iyo horumarinta amniga qaranka iyo gobolka ee Bariga Afrika.

Wajiga koowaad waxaa martigeliyay ciidamada difaaca Kenya, waxaana inta badan laga soo qaadaa saldhiga ciidamada Ingiriiska ee Nanyuki ee dalka Kenya. Waxaa xusid mudan in askarta Ingiriiska ee saldhigan ka soo jeeda ay sanado badan ku lug lahaayeen tacadiyo ay ka mid yihiin dil ka dhacay deegaanada ku xeeran.

Bariga Afrika, ciidamada Mareykanka ee AFRICOM waxay ku faantaa “ka go’naanta qoto dheer ee nabad ilaalinta qaaradda, wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo kobcinta iskaashi waara oo lala yeesho ciidamada militariga ee gobolka.” Ilaa 1,000 shaqaale ah oo ka kala socda in ka badan 20 waddan oo ka socda gobolka Bariga Afrika ayaa ka qaybqaata tababarradan wadajirka ah, kuwaas oo u diyaarinaya hawlgallada Midowga Afrika (MA), iyo Qaramada Midoobay (QM).

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaaraha Norway?

Maxaa ka soo baxay safarka madaxweyne Xassan uu ka tagay dalka Norway – qodobada ugu muhiimsan halkaan hoose ka akhriso.

Published

on

Villa Somalia

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ah ku jooga caasimada dalka Norway ee Oslo, wuxuuna la kulmaayey Ra’iisul Wasaaraha Norway Jonas Gahr Støre.

Imaanshaha madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ee wakhtigaan waxaa ka horreeyey wasiirkii horre ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Dibedda isla dowladdan Xassan Sh. Maxamuud. Xukuumadda Xassan Sh. Maxamuud waxay sameysay iskudayo aan lagu guulaysanin ee lagu xoojinaayo xariirka labada dal.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Boqortooyada Norway uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida dowladda federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab balse waxaa hadalkiisa ka reebanaa inuusan sheegin guuldarooyinka dowladdiisa ee ku aadan la dagaalanka Al-shabaab iyo sidoo kale in dalka dagaallo beeloodyo ay ka jirraan wakhtigaan uu ku sugan yahay dalka Norway iyo muddooyinkii dambe oo dhan.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, daraawiishta Galmudug iyo xoogaggii dib u xoreynta shacabka ayaa isaga baxay dhulkii ragga badan ay ku dhinteen ee laga xoreeyey Al-shabaab ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan degmooyinka Camaara iyo Bacaadweyne.

Xaaladdaan ayaa gilgishay halgankii dalka looga xoreynayey Khawaarijta oo ah ‘magaca ay dowladda federaalka Soomaaliya u taqaano’ Al-shabaab ee labada sano soo socday, waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka. Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha Norway dhibaatada ka dhalatay xadgudubka Itoobiya iyo dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi isfaham iyo is-afgarad ah, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada shaqeynta iyo iskaashiga dhow ee labada dal. Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa sidoo kalle ka mahad-celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mudane Jones Gahr Støre ayaa bogaadiyay horumarka ay Dowladdiisa sameyneyso, waxaana uu ballan-qaaday in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Norway ku jooga booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah, ayaa sidoo kale waxa uu qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus.

Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay dalka Norway tan iyo markii dib loo doortay ee 15-kii Maay 2022, wallow uu safaro kala duwan ku tagay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub. Hal bil gudaheeda madaxweynaha ayaa u safray dalal badan oo caalamka kamid ah asigoo leh wasiir arrimo dibadeed – waxay dad badan iswaydiin karaan aaway shaqadii wasiirka arrimaha dibedda!

Norway ayaa sanadihii ugu dambeeyey qeyb libaax leh ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, laakiin nasiib-xumada jirta ayaa ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaanan wali u bislaanin inay shacabkooda samata-bixiyaan.

Madaxda kalle marka ay yimadaan Norway waxaa loo soo dhaweeyaa si heer sarre ah oo maamuus leh, balse kuwa Soomaalida waa lagu bahdilaa. Marka ay yimadaan hoteel ayay degaan waxaana soo dhaweeya kooxda qabiilka ugu dhow madaxweyne ama wasiir.

Sababta waxaa ugu wacan mida koowaad malahan wax ajende ah, midda labaad waa madax ku timaaday 4.5 sidaas awgeed waxaa jira dad aan madaxweyne ahaan u aqoonsaneen madaxda Soomaaliya madamaa lagu dulmiyey nidaamka dowladnimo ee meesha lagu haayo. Sidoo kale, dowladaha kalle ee caalamka sida reer Yurub waa ay ogyihiin in madaxda Soomaaliyeed ay ku yimadaan nidaamkaas loona baahan yahay in wax laga beddelo – loo gudbo doorasho dadweyne.

Inta badan malahan ajendo qaran ee ay xambaarsan yihiin waxaana ugu wacan nidaamka dalka ka jirra. Tusaalle: Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluxu Hassan oo booqasho ku joogtay Norway, ayaa doonaysa in Norway ay maalgashi ku sameyso Tansaania waxayna sheegtay inay rabto iskaashiga ganacsi ee ma aha gargaar waxa ay doonayso. Sidoo kalle iskama aysan imaanin Norway illaa loo diray casuumad rasmi ah.

Arrimaha ka qeyb-galka Diblomaasiyadda Norway 

Norway waxay si firfircoon ugu hawlan tahay taageeridda Soomaaliya iyada oo adeegsanaysa Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Bishii Maajo 2021, Ergeyga Joogtada ah ee Norway u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Mona Juul, ayaa muujisay taageerada ay u hayso wada-hadallada dib u soo noolaynta ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxaa horey u jiray tuhun ah in Norway ay faragelin ku lahayd arrintii muranka badda ee u dhaxeysay Kenya iyo Soomaaliya, balse Norway ayaa horey u cadeysay doorka ay ku leedahay muranka soohdinta badda ee Kenya iyo Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Espen Barth Eide, ayaa carabka ku adkeeyay mowqifka dalkiisa intii ay socotay dacwadda dhanka sharciga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee uu ku taageerayo dooda Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Madaxweyne Xassan Sheekh oo safar Norway ah u ambabaxay – waa maxay ujeedka safarka?

Waa sidee xaalka wakhtigaan ee xiriirka diblomaasiyaddeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Norway?

Published

on


Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay safar uu ku tagaayo dalka Norway, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho shaqo muddo saddex maalmood ah, waa sida ay xaqiijisay xafiiska Villa Somalia.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay caasimadda Oslo ee dalka Norway, waxa uu wadahadallo laba geesood ah uu la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Norway Jonas Gahr Støre. Imaanshaha Xassan ee wakhtigaan waxaa ka horreeyey wasiirkii horre ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Dibedda isla dowladdan Xassan Sh. Maxamuud. Xukuumadda Xassan Sh. Maxamuud waxay sameysay iskudayo aan lagu guulaysanin.

Norway ayaa sanadihii ugu dambeeyey qeyb libaax leh ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, laakiin nasiib-xumada jirta ayaa ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaanan wali u bislaanin inay shacabkooda samata-bixiyaan.

Madaxda kalle marka ay yimadaan Norway waxaa loo soo dhaweeyaa si heer sarre ah oo maamuus leh, balse kuwa Soomaalida waa lagu bahdilaa. Marka ay yimadaan hoteel ayay degaan waxaana soo dhaweeya kooxda qabiilka ugu dhow madaxweynaha. Sababta waxaa ugu wacan mida koowaad malahan wax ajende ah, midda labaad waa madax ku timaaday 4.5 sidaas awgeed waxaa jira dad aan madaxweyne ahaan u aqoonsaneen madaxda Soomaaliya madamaa lagu dulmiyey nidaamka dowladnimo ee meesha lagu haayo.

Tusaalle: Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluxu Hassan oo booqasho ku joogtay Norway, ayaa doonaysa in Norway ay maalgashi ku sameyso Tansaania waxayna sheegtay inay rabto iskaashiga ganacsi ee ma aha gargaar waxa ay doonayso. Sidoo kalle iskama aysan imaanin Norway illaa loo diray casuumad rasmi ah.

Boqorada Sonja (bidix) iyo Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluhu Hassan ayaa intii lagu guda jiray casho-sharafta ka dhacday qasriga boqortooyada ee lagu sharfay madaxweynaha oo la xidhiidha booqashadiisa rasmiga ah ee Norway. Sawirka: Annika Byrde / POOL / NTB Sawirka: Annika Byrde / POOL / NTB

Inta uu xukunka haayay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xariirka Norway iyo Soomaaliya ayaa xoogsaday, waxaana u istaagay xoojinteeda waa Xassan Cali Kheyre oo wax ku bartay dalka Norway. Haddana, iyadoo ay sidaas tahay Farmaajo waligiisa ma booqanin Norway intii uu xukunka haayey, maxaa yeelay wuxuu diidanaa habka loolla dhaqmo madaxda Soomaalyeed marka ay yimadaan Norway.

Xiriirka Soomaaliya iyo Norway

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Norway iyo Soomaaliya waxaa gacanta ku haya safaaradda Norway ee Nayroobi. Norway wax safaarad ah kuma lahan gudaha Soomaaliya balse waxaa u jooga wakiilo ku xaraysan gudaha xarunta Xalane ee magaaladda Muqdisho.

Norway waxay weli taageertaa dib-u-habaynta dowlad dhiska Soomaaliya. Wakhtigaan la jooga taageerada Norway waxay lagama maarmaan u tahay xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya si loo kobciyo soo kabashada dhaqaalaha, dib u habeynta waaxda amniga, iyo ka hortagga ururka laf-dhuun-gashay ku noqday dowladda Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Arrinta xiisaha lihi waxay tahay in Soomaalida ku dhaqan dalka Norway ay yihiin dadka ugu badan ee Afrikaanka ah ee kunool Norway, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay qaxooti ahaan ku yimaadeen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya.

Fursadaha aysan ka faa’idaysanin Soomaaliya waxaa kamid ah isbeddelka cimilada iyo in Soomaaliya lagu soo darro dalalka horumarkooda socda lagana saarro dalalka gargaarka u baahan. Khibrad la’aan diblomaasiyaddeed ee haysata masuuliyiinta ku heeraarsan dowladda Xassan Sh. Maxamuud ayaa keentay in aan laga faa’idaysanin fursadaha jirra.

Soomaaliya aad bay ugu nugushahay saamaynta isbeddelka cimilada iyo cimilada oo aad u daran. Waxay saamaynaysaa hab-nololeedyada, waxay kordhisa barakaca, waxayna sii hurin kartaa xiisadaha dagaaladda sokeeye oo wali meelo badan oo dalka ka jirra, waxayna carqaladayn kartaa dadaallada xallinta khilaafaadka ee socda. Si wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee soo noqnoqda ee Soomaaliya, dalka wuxuu baahannahay aqoonyahano diblomaasiyaddeed oo wax ka keeni kara iskaashiga lala yeelano caalamka intiisa kalle si wax loogu qabto dhibaatooyinkaas iyo khataraha amni ee la xiriira cimilada.

Arrimaha ka qeyb-galka Diblomaasiyadda

Norway waxay si firfircoon ugu hawlan tahay taageeridda Soomaaliya iyada oo adeegsanaysa Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Bishii Maajo 2021, Ergeyga Joogtada ah ee Norway u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Mona Juul, ayaa muujisay taageerada ay u hayso wada-hadallada dib u soo noolaynta ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Wadahadalku wuxuu ujeedkiisu ahaa in wax laga qabto caqabadaha siyaasadeed iyo sidii xal loogu heli lahaa heshiiskii 17kii Sebteembar.

Norway ayaa horey u cadeysay doorka ay ku leedahay muranka soohdinta badda ee Kenya iyo Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Espen Barth Eide, ayaa carabka ku adkeeyay mowqifka dalkiisa intii ay socotay dacwadda dhanka sharciga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee uu ku taageerayo dooda Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Ururka Al-shabaab oo weeraray magaalada Ceel-dheer

Khasaaraha rasmiga ah ka dhashay weerarkan ilaa hadda lama oga, balse dowladda Soomaaliya ayaa sheeganayso in ay jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab gudaha Ceeldheer.

Published

on


Dagaal qaraar ayaa laga soo sheegayaa magaalada Ceel-dheer, kadib markii halkaasi ay weerar kusoo qaadeen maleeshiyada aroortii hore ee Sabtida maanta ah, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo amniga ah oo ku sugan deegaanka.

Al-shabaab ayaa sheegtay weerar ay ku sheegtay ‘cagmarin’ oo ay ka geysatay xerooyinka ciidamada dawladda ee ku yaala magaaladaas, laakiin sheegashadan si madax banaan looma xaqiijin.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay weerarkan ‘jab xooggan’ ugu geystay Al-shabaab, sida lagu sheegay qoraal kusoo baxay warbaahinta dowladda.

“Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen Weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo.” ayay qortay warbaahinta dowladdu.

Sida warbaahinta dowladda Soomaaliya sheegayso, ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo.

Khasaaraha rasmiga ah ka dhashay weerarkan ilaa hadda lama oga. Ciidamada dowladda federaalka oo kaashanaya macawisleyda deegaanka ayaa hore Al-Shabaab uga qabsaday magaaladan Janaayo 2023-kii, xilligaas oo ay socdeen howlgallo ciidan.

Ururka Al-shabaab ayaa horey dib u qabsaday 4 magaalo oo istiraaji u ah hawlgalka xoreynta ee dowladda Soomaaliya. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, daraawiishta Galmudug iyo xoogaggii dib u xoreynta shacabka ayaa isaga baxay dhulkii ragga badan ay ku dhinteen ee laga xoreeyey Al-shabaab ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan degmooyinka Camaara iyo Bacaadweyne.

Al-Shabaab waxay kusoo galeen oo si nabad ah kuna qabsadeen deegaanada Caad, Shabeelow, Camaara iyo Bacaadweyne, dadkii ku noolaa dhulkaas ee ka qeyb qaatay soo nooleynta magaalooyinkooda, markii laga dul qaaday Khawaarijta ku dhowaad sanad ka hor ayaa isaga cararay guryahooda, iyagoo cabsi ka qaba ciqaabta iyo arxan-darrada ay kala kulmi donaan Al-Shabaab, arrintaas ayaa keeni karta in markale shacabka ay aamini waayaan dowladda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul