Connect with us

Afrika

Maxaa laga filan karaa hub ka-dhigista mucaaradka TPLF ee Itoobiya oo billaabatay?

Hub ka-dhigista kooxda mucaraadka Itoobiya ee TPLF oo billaabatay

Published

on


Ciidamada Tigreega oo dagaal socday muddo labo sano ah kula jiray dowladda federaalka Itoobiya, ayaa Talaadadii bilaabay in ay hubka culus ku wareejiyaan ciidamada qaranka, taasoo qayb ka ah geeddi-socod nabadeed oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika.

Burburinta ciidamada Tigrayga ayaa loo arkaa inay udub dhexaad u tahay heshiiskii xabbad-joojinta ee Nofeember 2-deedi, oo ay barbar socdeen soo celinta addeegyadii dowliga ahaa iyo kuwa gaar ahaaba, dib u soo celinta gargaarka bini’aadantinimo iyo ka bixitaanka ciidamada Eriteriya, kuwaas oo ka barbar dagaallamay ciidamada Itoobiya, balse aan qayb ka ahayn xabbad joojinta.

Bishii Nofeembar 2020, RW Abiy Axmed wuxuu amar ku bixiyay in weerar milatari lagu qaado Tigray. Wuxuu ku eedeeyay TPLF inay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Itoobiya ku lahaayeen gobolka.

Xiisadda u dhaxaysa dawladda Itoobiya iyo kooxda TPLF ayaa sii kordhaysay wakhtigaas, kadib markii Tigray ay qabatay doorasho goboleed bishii Sebteember 2020 iyadoon oggolaansho laga haysan dawladda dhexe. Dowladdu waxay dib u dhigtay doorashooyinkii guud ee horaantii sanadka, iyada oo sabab uga dhigaysa walaaca korona fayrus.

Colaadda ayaa boqollaal kun oo dadwaynaha Tigrayga ah ku abuurtay xaalad macaluul oo kale ah, waxaana ku dhintay kumannaan waqooyiga Itoobiya.

Xil-wareejinta hubka oo ka dhacday magaalada Agulae oo qiyaastii 30 km (18 miles) waqooyi bari kaga beegan magaalada Mekelle ee xarunta gobolkaasi, ayaa waxaa kormeeray koox kormeereyaal ahka kooban xubnaha labada dhinac iyo urur goboleedka IGAD.

Xafladda wareejinta hubka ayaa waxaa ka hadlay wakiilka ciidamada difaaca Tigrayga (TDF) Mulugeta Gebrechristos waxaana uu sheegay in bilowga hub ka dhigista ay kaalin weyn ka qaadan doonto soo celinta nabadda.

Askarta Eritrea ayaa dabayaaqadii bishii hore isaga baxay dhowr magaalo oo waaweyn oo Tigray ah, balse kama aysan bixin dhulka Tigrayga, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Eritrea ayaa diidday inay ka hadasho in ciidamadeeda ay baxayaan iyo in kale.

Dagaalka sidee u saameynayaa dadka rayidka ah?

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay dhibaato bani’aadanimo oo ba’an, oo ay kumannaan qof ku dhinteen, in ka badan shan milyanna ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo. UNICEF ayaa soo warisay in nafaqo-xumadu ay saamayn karto in ka badan 100,000 oo carruur ah.

Ururada aan dawliga ahayn waxay ku eedeeyaan dhammaan dhinacyada xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo gabood-fallada sida kufsiga, dhaca iyo dilalka dadka rayidka ah. USAID waxay ku qiyaastay in ilaa 900,000 oo qof oo Tigray ah ay wajahayaan xaalado macaluul oo ”aadamigu sameeyay” halka adeegyada taleefanka, internetka iyo bangiyada ay go’an yihiin.

Qaramada Midoobey ayaa ka cawday caqabado xagga maamulka ah iyo dhibaatooyin kale oo ka hortaagan kolonyada gargaarka iyo shaqaalaha inay gaaraan goobaha ay dhibaatadu saameysey.

Dowladdaha dariska Itoobiya sidee uga falceliyeen?

Colaadda Tigray waxay sare u qaadday xiisadaha Geeska Afrika oo dhan. Eriteriya waxay la safatay dawladda dhexe ee Itoobiya. Wadamadan ayaa ilaa dhowaan dhex marayay muran xuduudeed oo uu dhiig ku daatay tan iyo markii Eriteriya ay xornimada ka qaadatay Itoobiya sanadkii 2000.

Bilowgii xilkiisa, ra’iisul wasaare Abiy Axmed wuxuu damcay inuu haggaajiyo xiriirka Itoobiya iyo Eriteriya. Dhanka kale kooxda TPLF ayaa cadow ku ah Eriteriya.

Dowladda Soomaaliya ciidamadeeda tabbabarka loo geeyay Eriteriya ayaa la sheegay inay iyadana u dirtay dagaalka ka socda gobolka halka Dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ay beenisay.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo BBC la hadlay ayaa sheegay in aysan gabi ahaanba jirin ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo ka dagaalamay gobolka Tigray.

“Ma jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka dagaalamay waqooyiga Itoobiya iyo gobolka Togray, sabab ay u dhacda-na ma jirto, cid naga codsatay na ma jirto,,” – ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Mudane Dubbe ayaa warar been abuur ah ku tilmaamay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomalaiya ay ka dagaalameen gobolka Tigray, islamarkana la doonayo sida uu hadalka u dhigay in lagu wiiqo awoodda ciidamada Soomaaliya.

“Waa warar borobagaandho oo markii la arkay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay dhismayaan oo xoogeysnayaan oo ay isu taagayaan inay ka adkaadaan amniga ayaa la doonayaa in lagu qalqal galiyo hooyooyiinka iyo maatida,,” ayuu intaa ku daray.

Qiyaastii 50,000 oo qof ayaa ka qaxay colaadda Tigray waxayna u gudbeen dalka deriska la ah ee Suudaan. Khilaaf gaar ah, Itoobiya iyo Suudaan ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu u oggolaaday ciidamadooda inay ka gudbaan xuduud wadaag ah oo lagu muransan yahay.

Xagga dambe, colaaddu waxay halis gelisay horumarka laga gaaray Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya, mashruuc weyn oo korontada laga dhaliyo ah kaas oo sidoo kale xiisad u ah Suudaan iyo Masar, oo ku tiirsan wabiga hoose ee Niil.

Qiyaastii 50,000 oo qof ayaa ka qaxay colaadda Tigray waxayna u gudbeen dalka deriska la ah ee Suudaan. Khilaaf gaar ah, Itoobiya iyo Suudaan ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu u oggolaaday ciidamadooda inay ka gudbaan xuduud wadaag ah oo lagu muransan yahay.

Xagga dambe, colaaddu waxay halis gelisay horumarka laga gaaray Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya, mashruuc weyn oo korontada laga dhaliyo ah kaas oo sidoo kale xiisad u ah Suudaan iyo Masar, oo ku tiirsan wabiga hoose ee Niil.

Facebook Comments Box

Diblomaasi waa deggel hormuud u ah falanqeynta Siyaasadda Arrimaha Dibadda, wararka madaxa bannaan iyo ajendaha-dejinta wararka, falanqaynta siyaasadeed iyo faallooyinka fikirka-gaarka ah ee sida gaar ah loogu qoray/diyaariyey jiilka cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Afrika

Maxay Eriteriya ugu baxday urur Gobolleedka IGAD?

Yemane Gebreab, oo sidoo kale ah madaxa arrimaha siyaasadda ee Jabhadda People’s Front for Democracy and Justice (PFDJ), ayaa sheegay in Eriteriya ay joojisay xubinimadeedii ururkaas, kaddib markii lagu xad-gudbay madax-bannaanida dal xubin ka ah, oo ay ula jeedo Soomaaliya.

Published

on

Yemane Gebreab, oo ah la taliyaha dhanka siyaasadda ee madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki

La-taliyaha dhanka siyaasadda ee madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki ayaa sheegay in dalka uu dib u soo nooleeyay xubinnimadii uu ku lahaa urur goboleedka IGAD, oo ah urur goboleedka Bariga Afrika.

Madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki ayaa sheegay in Eriteriya ay dib uga mid noqon doonto urur goboleedka IGAD, oo ah urur ganacsi oo Bariga Afrika ah oo inta badan lagu sheego urur ay Itoobiya sida ay doonto u isticmaasho.

“Tani waa waajib ku socota magaca shacabka gobolka Geeska,” ayuu yiri. “Waa inaan qaadanaa mas’uuliyad, dib-u-soo-nooleynna IGAD si aan u yeelanno urur shaqeynaya, ururka dhabta ah ee gobolka waa muhiim, la’aanteed habkaas, fikradda iyo niyad-wanaaggu ma noqon doonaan kuwo wax-soo-saar leh, waa inaan abuurnaa hay’ad shaqeynaysa oo natiijo ah, u janjeersanahay si aan u niraahno waxaan beddelnay wejigii gobolka.”

Yemane Gebreab, oo sidoo kale ah madaxa arrimaha siyaasadda ee Jabhadda People’s Front for Democracy and Justice (PFDJ), ayaa sheegay in Eriteriya ay joojisay xubinimadeedii ururkaas, kaddib markii lagu xad-gudbay madax-bannaanida dal xubin ka ah, oo ay ula jeedo Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Asmara ay ka niyad jabtay ka dib markii IGAD ay ku guul darreysatay in ay taageerto QM Qaraar ka soo baxay golaha ammaanka, kaasoo dhigayay in la ixtiraamo madax-banaanida dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya.

Waxa uu ku micneeyay in Eritrea ay joojisay xubinnimadeeda ka dib markii Itoobiya ay “soo gashay” Soomaaliya. Itoobiya ayaa ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya sannadkii 2006-dii, si ay u taageeraan dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya. Waxay la dagaalantay urur Islaamiyiin ah, oo ay ku jiraan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ee uu hogaaminayay Sheekh Shariif oo Soomaaliya madaxweyne kasoo noqday asigoo ku yimid 4.5, ururkaas ayaa ahaa koox ka mid ah Maxkamadaha Shareecada oo xilligaas ka talinayay inta badan Koonfurta Soomaaliya.

Duullaankii Itoobiya ee Soomaaliya

Dagaalkii Soomaaliya, oo sidoo kale loo yaqaan duullaankii Itoobiya ee Soomaaliya ama faragelintii Itoobiya ee Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya, waxa uu ahaa dagaal hubaysan oo ay ku lug lahaayeen inta badan ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (DKMG) iyo ciidamo Soomaali ah oo ka yimid Puntland oo ka soo horjeeda dallada Islaamiyiinta Soomaaliya, Midowga Maxkamadaha Islaamka (MMI), iyo maleeshiyaad kale oo gacan saar la leh maamulka Soomaaliya. Tallaabooyinka Itoobiya waxaa sabab u ah maxaakiimta oo qabsaday inta badan koonfurta Soomaaliya dabayaaqadii 2006dii.

Itoobiya ayaa si rasmi ah ula dagaalantay xoogaga Islaamiyiinta Soomaaliya, iyadoo duqeymo ka geysatay gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ciidamo dhulka ka hawlgala kasoo buuxisay Soomaalida, taasoo noqotay dhibaato halis ah oo ka socday gudaha Soomaaliya oo rabshado isu beddelay, waxaana kasii dhashay ururka dhalinyarada ah ee Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa telefishinka ka sheegay in uu amray tallaabadaas, sababtoo ah ma uusan haysan wax doorasho ah.

“Ciidamada difaaca Itoobiya waxaa lagu qasbay inay galaan dagaal si ay u difaacaan madax-bannaanida qaranka,” ayuu yirri. “Ma isku dayeyno inaan dowlad u soo dhisno Soomaaliya, mana nihin ujeedo aan ku faragelineyno arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Duruufaha jira uun baa nagu qasbay.”

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah diyaaradaha dagaalka ee Xabashida Itoobiya ayaa duqeymo xoogan ka geystay magaalooyin dhowr ah, iyagoo baabi’iyay xarun ay ku sugnaayeen kooxaha islaamiyiinta iyo bartilmaameedyo kale, iyadoo taangiyada Itoobiya ay dagaal ku qaadeen. Weeraradan ayaa sababay rabshado ka dhacay magaalada Muqdisho, oo ah magaalada uu dagaalku ka dillaacay, iyo dagaallo dhowr jiho ah oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya.

Itoobiya oo maamusha ciidamada ugu awooda badan gobolka ma aysan shaacin tirada ciidamada, taangiyada iyo diyaaradaha ay u dirtay Soomaaliya, balse Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 8,000 oo askari oo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya. Khasaaro xooggan ayaa kasoo gaaray dowladda Itoobiya, laakiin qiyaaso la isku halleyn karo ayaa suurtagal ahayn in la xaqiijiyo.

Saraakiisha Itoobiya waxay beeniyeen inay wax ciidan ah ku leeyihiin gudaha Soomaaliya, iyagoo taa beddelkeeda sheegay in ku lug lahaanshaha ay ku kooban yihiin dhowr boqol oo la taliyeyaal ciidan ah. Dhowrkii bilood ee dhammaadkii 2006, Culumaa’udiinka Islaamiga ah ee Soomaaliya waxay ugu hanjabeen Itoobiya inay taageerto kooxaha ka soo horjeeda, dowladda KMG ah ee caalamku aqoonsan yahay.

Faragelintaasi qaawan, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee wakhtigaas Meles Zenawi ayaa sheegay in xuduudaha dalkiisa ay khatar ku yihiin xoogagga ka soo horjeeda ee ku sugan gudaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Dowladda Kumeel Gaarka ah ay ku casuuntay ciidamada Itoobiya inay soo galaan dalkooda.

“Waxaan dareemnay in hal dal oo xubin ka ah Soomaaliya uu iska indho tiray xuquuqdii ay lahayd urur-goboleedkayaga,” ayuu yiri Gebreab, “markii ay Itoobiya soo gashay duullaankii 2006-dii. Eriteriya waxay dareentay inaan taas la aqbali karin,” ayuu yiri Gebreab.

“Xaaladdu isma bedelin tan iyo [waa aan joojinay xubinimadeenna] markaas, laakiin waxaan dareennay inaan go’aan ka gaarnay, dib u bilaabista hawlihii IGAD waxay gacan ka geysan doontaa hab wax ku ool ah oo IGAD ay u yeelato ururrada gobolka.”

Gebreab ayaa ugu baaqay IGAD in ay ka weecato maaraynta khilaafaadka iyo xal u helida sidii loo abuuri lahaa xiriir adag oo laba geesood ah oo dhexmara wadamada xubnaha ka ah si loo horumariyo, taasoo uu sheegay in ay wax badan ka bedeli doonto nolosha muwaadiniinta Geeska Afrika.

“In kasta oo taasi ay muhiim tahay, waxaan dareemaynaa in diiradda la saarayo isdhexgalka gobolka. Waxaan nahay taageerayaashii ugu muhiimsanaa fikradda ah inaan u baahanahay inaan horumarino kaabayaasha Afrika,” ayuu yiri Gebreab.

“Qof kastaa wuu og yahay in ay fududahay in dal Afrikaan ah oo dariska la ah Yurub la aado, qof walbana wuu ogyahay in taasi loo baahan yahay in la soo afjaro. Waxaan dareensanahay in gobolkeena aan u baahanahay inaan horumarino isku xirka tareenada [iyo] isku xirka wadooyinka ee dalalkeena…. Tani waxay u baahan tahay inay diirada saarto IGAD.”

Inkasta oo uu Geeska Afrika ku leeyahay awood iyo khayraad aad u badan, haddana waxa marar badan ku habsaday abaaro iyo macaluul.

Abaaraha iyo macaluusha Gobolka, Gebreab ayaa ku tilmaamay arrin nasiib darro ah.

” Geeska Afrika waa qayb qani ah oo ka mid ah qaaradda, [mana aha] inaynu abaaro la ildaranno, waa in aanay dadkeennu u dhiman cunto la’aan ama macaluul qarniga 21-aad anagoo haysanna dhammaan kheyraadka aan haysanno,” ayuu yidhi. Gebreab ayaa rajo ka muujiyay rajada gobolka in kasta oo uu sheegay in tobanaan sano oo fursad ah ay lumiyeen iskahorimaadyada.

“Waxaynu ka soo bixi doonnaa marxaladdan taariikheed ee aynu ku jirno, waxaanan filayaa in aad arki doontaan Geeska Afrika oo ka soo bixi doona qayb aad u firfircoon oo ka mid ah qaaradda… ” ayuu yidhi Gebreab.

Gebreab ayaa sheegay in Asmara ay sii wadi doonto la shaqeynta xubnaha IGAD si loo xoojiyo xiriirka iyo xoojinta amniga gobolka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Afrika

MD Isaias Afwerki ayaa sheegay in Eriteriya ay dib uga mid noqon doonto urur goboleedka IGAD

MD Isaias Afwerki ayaa sheegay in Eriteriya ay dib uga mid noqon doonto urur goboleedka IGAD, oo ah urur ganacsi oo Bariga Afrika ah oo inta badan lagu sheego urur ay Itoobiya sida ay doonto u isticmaasho.

Published

on

Madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki, ayaa ku gacan sayray Madaxweynaha Kenya William Ruto, ka dib markii uu warbaahinta kula hadlay Aqalka Madaxtooyada ee Nayroobi, Kenya, Febraayo 9, 2023.

Madaxweynayaasha Kenya iyo Eriteriya ayaa soo gebagebeeyey wadahadallo socday labo maalmood, iyagoo ku heshiiyey in laga saaro shuruudaha dal ku galka ee muwaadiniintooda, taasoo qeyb ka ah hagaajinta xiriirka labada dal.

MD Kenya William Ruto iyo dhiggiisa Eriteriya Isaias Afwerki ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la hormariyo nabadda iyo xasilloonida gobolka xitaa iyadoo Eriteriya ay wajahayso su’aalo la xiriira xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay Itoobiya.

Afwerki ayaa sheegay in Eriteriya ay dib uga mid noqon doonto urur goboleedka IGAD, oo ah urur ganacsi oo Bariga Afrika ah.

“Tani waa waajib ku socota magaca shacabka gobolka Geeska,” ayuu yiri. “Waa inaan qaadanaa mas’uuliyad, dib-u-soo-nooleynna IGAD si aan u yeelanno urur shaqeynaya, ururka dhabta ah ee gobolka waa muhiim, la’aanteed habkaas, fikradda iyo niyad-wanaaggu ma noqon doonaan kuwo wax-soo-saar leh, waa inaan abuurnaa hay’ad shaqeynaysa oo natiijo ah, u janjeersanahay si aan u niraahno waxaan beddelnay wejigii gobolka.”

Eriteriya ayaa joojisay xubinnimadeeda IGAD sanadkii 2007 kadib markii ay isku khilaafeen Itoobiya joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya. Sannadkii 2018-kii, Eriteriya iyo Itoobiya waxay dib u soo ceshadeen xiriirkooda diblomaasiyadeed waxayna ku heshiiyeen in la soo afjaro colaadda sannado badan u dhexeysay.

Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in uu rajaynayo in Eriteriya ay taageerto hawlgallada nabad-gelyada ee gobolka ka socda.

“Waxaan rajeynayaa in aan idin kala shaqeeyo sidii aan Soomaaliya u xasilin lahayn, aan u ciribtirno argagixisada iyo in aan dhisno gobol aad u ammaan badan,” ayuu yiri William Ruto. “Waxaan kaloo idinka rajaynayaa in aan idinkala shaqeeyo sidii loo xalin lahaa arrimaha Suudaan iyo Suudaanta Koonfureed, iyo in aan walaalahayo Itoobiya kala shaqayno sidii aan u dhisi lahayn gobol ka wanaagsan dhammaan dadkayaga iyo sidii aan gobolkan uga dhigi lahayn mid soo jiidasho leh oo maalgashi, ganacsi.”.

Eriteriya, oo ah dalka deriska la ah Itoobiya, ayaa lagu eedeeyay xad-gudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo ka dhashay laba dagaal oo bishii Nofeember 2020 ka dhex qarxay ciidammada dawladda federaalka Itoobiya iyo jabhadda Tigrayga.

Bishii Nofeember ee lasoo dhaafay, xukuumadda Addis Ababa iyo wakiilo ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa heshiis nabadeed ku kala saxiixday. Saraakiisha Tigreega iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Eriteriya aysan wali ka bixin gobolka, bilo kadib markii ay saxiixeen heshiis nabadeed oo dhigaya in Asmara ay kala baxdo ciidamadeeda.

Afwerki ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay ciidamadiisa.

“Maxaad u dhibaysaan ciidamada Eritereeya ee jooga iyo haddii kaleba, soo baxa oo ha soo bixin,” ayuu yidhi. “Aan ka soo qaadno in geeddi-socodkii nabadeed ee Itoobiya uu ku socdo iyada oo aan wax caqabad ah la kulmin, waxaan jecelnahay in heshiiskii lagu kala saxiixday Pretoria iyo Nayroobi lagu hirgeliyo dhulka si aan u sugno nabad iyo xasillooni ka dhalata Itoobiya oo ay dani ugu jirto Itoobiyaanka oo keliya balse ay ka faa’ideysan karaan gobolka oo dhan.”

Eriteriya ayaa beenisay in ciidamadeeda ay ku dagaalameen colaadda Itoobiya ee gobolka Tigray, balse kooxaha xuquuqda ayaa ku eedeeyay ciidamada inay geysteen gabood-fallo ay ka mid yihiin ciqaabta qoysaska lagu eedeeyay inay qabyo ka yihiin.

Dhanka kale, Human Rights Watch ayaa Khamiistii ku baaqday in cunaqabatayn lagu soo rogo Eriteriya oo lagu eedeyay doorka ay dowladdu ku leedahay ururinta dadka iyo xubnaha qoyskooda ee diiday inay ka qaybgalaan adeegga milatari ee khasabka ah.

Laetitia Bader, oo madax ka ah hawlgalka Geeska Afrika ee Human Rights Watch, ayaa sheegtay tan iyo bishii Sebteembar ee sannadkii hore, ololaha askaraynta Eriteriya waxa uu bartilmaansanayay dadka naafada.

“Waxay bilaabeen habab cusub oo ay ku cabudhinayaan qoysaska la sheegay inay qayb ka yihiin. Markaa, waxaanu ogaanay inay xirxirayaan dad qaraabadooda ah oo ay ku jiraan dad da’ ah, laakiin waxay sidoo kale dadka ka saarayaan guryahooda,” ayay tidhi. “Marka, tani ma ahayn ciidamada ammaanka oo keliya, laakiin waxay barbar socdeen mas’uuliyiinta maxalliga ah kuwaas oo haysta liiska guryaha iyada oo loo marayo nidaamka coupon kaas oo dadka u sahlaya inay helaan alaabooyinka la kabo, waxayna u socdeen guri guri iyagoo isku dayaya inay ogaadaan shakhsiyaadka maqan. ”

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee fadhigeedu yahay Mareykanka ayaa ku boorineysa beesha caalamka inay ku cadaadiyaan Asmara inay dib u habeyn ku sameyso waxa ay Human Rights Watch ugu yeertay nidaamka adeegga qaran ee xadgudubka ah ee Eritrea. Kooxda xuquuqul insaanka ayaa sheegtay in nidaamkaasi uu sii wado in uu dadka Eriteriyaanka ah u kaxeeyo.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Afrika

Qarax ka dhacay Kenya oo lagu tuhmayo Al-Shabaab oo afar qof ku dhintay

Published

on


Afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka ee Kenya ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo Arbacadii ka dhacay meel u dhow xuduudda bari ee dalkaas uu la wadaago Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska.

Shaqaalaha ayaa la socday kolonyo baabuur oo saddex ahaa oo ka yimid Garissa una socday Bura, markii uu haleelay qarax lagu aasay waddada, kaasi oo la tuhunsan yahay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska.

“Gaari ay la socdeen afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka Kenya ayaa lagu weeraray qarax miino, dhammaan afarta qof ayaa isla goobta ku dhintay,” ayuu yiri John Otieno, oo ah maamule ka tirsan dowladda hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaan weli si rasmi ah uga hadal dhacdadan.
Al-Shabaab ayaa weeraro dhimasho leh ka fulisay Kenya sanadihii dhowaa.

Weerar ay ku qaadeen Jaamacadda Garissa 2015 waxa ay ku dileen 166 qof, halka weerarkii Westgate Mall ee Nairobi ay ku dileen 67 qof 2013-kii.

Al-Shabaab ayaa weerarada ay ka fuliso Kenya qiil uga dhiga joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, ayaga oo dalbada inay dalka ka baxaan.

Al-Shabaab ayaa ujeeddadeedu tahay in ay cadaadis ku saarto dowladaha Geeska Afrika in ay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, halkaas oo howlgalka Midowga Afrika uu kula dagaallamayay mintidiinta tan iyo 2007-dii.

Amniga geeska Africa

9 sano kadib weerarkii lagu qaaday suuqa ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nayroobi, Al-Shabaab ayaa u muuqata in ay ka go’an tahay in ay beegsato bartilmaameedyada guud ee Bariga Afrika. Hawlgallada amnigu waxa ay wiiqday awooddeedii ay ku qaadi lahayd weerarro joogto ah, laakiin raalli-gelintu waxay dib u soo celin kartaa guulahaas, sidoo kale waxay ku guul-darraysatay inay la macaamilto bulshooyinka ay kooxdu qorto.

Al-Shabaab ayaa ujeeddadeedu tahay in ay cadaadis ku saarto dowladaha Geeska Afrika in ay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, halkaas oo howlgalka Midowga Afrika uu kula dagaallamayay mintidiinta tan iyo 2007-dii.

Inkastoo ay lumisay dhul ka mid ah Soomaaliya ayna joojisay shaqaalaysiinta Kenya oo ay cadaadis kala kulmeen maamullada, haddana Al-shabaab waxay la qabsatay inay hesho goobo cusub oo ay ka howlgalaan, oo ay ku jirto inay xiriir la sameysatay dagaalyahannada Koonfurta Tanzania iyo Waqooyiga Mozambique.

Sagaal sano ka hor, September 21, 2013, afar ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay dhismaha ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku dileen 67 qof afartii maalmood ee la soo dhaafay. in xarakadu ay gaartay meel ka baxsan Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Afrika

6 askari oo Jabuutiyaan ah oo afduub loo haystay ayaa lasii daayey

Wasiirka gaashaandhigga ee Jabuuti ayaa hore ugu tilmaamay garabka hubaysan ee Jabhadda ‘‘Soo celinta Midnimada iyo Dimuqraadiyadda’’ ee loo yaqaano FRUD inay yihiin koox argagaxiso ah.

Published

on


6 askari oo ka tirsan ciidanka Jabuuti oo ay afduub u haystay jabhadda mucaaraadka ah ayaa la siidaayay. Siidaynta askartan ayaa waxaa shaaca ka qaaday jabhadda FRUD iyo dowladda Ethiopia oo iyadu ka qayb qaadatay waanwaanta lagu sii daayay askrtan.

Wasiirka gaashaandhigga ee Jabuuti ayaa hore ugu tilmaamay garabka hubaysan ee Jabhadda ‘‘Soo celinta Midnimada iyo Dimuqraadiyadda’’ ee loo yaqaano FRUD inay yihiin koox argagaxiso ah.

Warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee AFP, ayay kooxdu ku sheegtay in aanay rabin in uu sii daba dheeraado welwelka qoysaska askarta maxaabiista ah, isla markaana aanay rabin in ay xabsiga dhigaan muwaadiniin reer Jabuuti ah, sidaas darteedna ay go’aansadeen in askartaas ay ku wareejiyaan dowladda deriska ah ee Ethiopia.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia ayaa soo saartay bayaan ay ka soo xiganayso safiirka u jooga Jabuuti, waxayna sheegtay in “in askartaas lagu wareejiyay dowladda Jabuuti” iyaga oo intaas ku daray in labada dowladood ay ka wada shaqaynayaan xoojinta iskaashiga nabadda iyo amniga.

FRUD ayaa taageero ka haysata qowmiyadda Canfarta ee waqooyiga Jabuuti.

Jabhadda ayaa billowday kacdoon ka dhan ah dawladda 1991-kii.
Ururka ayaa markaas u kala jabay laba garab oo kala ah garab siyaasadeed oo qayb ka ah isbahaysiga talada haya ee UMP ee taageera Ismaaciil Cumar Geelle, iyo garab hubaysan.

Jabuuti ayaa ku taallaa goob istaraatiiji ah iyo marin muhiim u ah maraakiibta, taasi oo u sahashay in ay martigeliso saldhigyada milatariga shisheeye, oo ay ku jiraan xarumo waaweyn oo ay ku leeyihiin ciidamada Faransiiska, Maraykanka iyo Shiinaha.

Militariga Jabuuti

Jabuuti waxay haysataa cudud ciidan oo dhexdhexaad ah oo gaaraya 20,470 askari; Ciidanku wuxuu ka kooban yahay 18,600 oo askari (IISS 2018). Kuwa dambe waxay u kala qaybsan yihiin dhawr guuto iyo guuto laga soo xidhay meelo kala duwan oo dalka oo dhan ah. Ciidanku wuxuu leeyahay afar degmo oo militari ah (degmooyinka Tadjourah, Dikhil, Ali-Sabiix iyo Obock).

Facebook Comments Box

Continue Reading

Afrika

Erdogan: Senegal waxa ay go’aansatey in ay sii qoto dheerayso iskaashiga ay la leedahay Turkiga

Turkiga wuxuu kor u qaadaya xiriirka dhaqaale ee kala dhaxeeya Afrika ‘si cadaalad ah oo dheeli tiran,’ ayuu yiri Madaxweyne Erdogan

Published

on


Turkiga iyo Senegal ayaa sii wadi doona xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyo badan, ayuu yiri Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan Arbacadii.

“Waxaan leenahay rabitaan mideysan oo ah inaan horumarino iskaashiga aan la leenahay Senegal dhinac walba,” ayuu Erdogan ku yiri shir jaraa’id oo uu dhiggiisa Senegal Macky Sall kula qaatay caasimadda Ankara.

Intii uu socday kulankooda xarunta madaxtooyada ayuu Erdogan sheegay inay ka wadahadleen arrimaha dhaqaalaha, difaaca, ganacsiga iyo dadaallada ka dhanka ah argagixisada oo uu ku jiro ururka argagixisada ee Fetullah (FETO).

“Waxaan mar walba ku dadaali doonaa sidii aan u horumarin lahayn xiriirka dhaqaale ee Afrika aan la leenahay si cadaalad ah oo dheeli tiran, waxaana xiriirkeena ganacsi u sameyn doonnaa mid guul ah,” ayuu yiri.

Ganacsiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Senegal wuxuu gaaray $540 milyan sanadkii 2021, bartilmaameedka hadda waa $1 bilyan, ayuu raaciyay.

Erdogan waxa uu sheegay in uu Sall kala hadlay dagaalka Yukrayn.

Dhankiisa, Sall waxa uu ka mahad celiyay “wax ku darsiga la taaban karo” ee Turkiga si uu uga hortago dhibaatada cunto ee caalamiga ah isaga oo dhexdhexaadinaya Moscow iyo Kyiv.

Waxa uu sheegay in iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeeya dalalku uu sii socdo dhinac kasta oo ay ku jirto waaxda difaaca.

Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Turkiga iyo Senegal

Turkiga iyo Senegal ayaa taariikh ahaan lahaa xiriir saaxiibtinimo oo aad u dheer. Turkigu wuxuu caawiyay Senegal intii ay ku jirtay abaartii Sahel ee 1966-1973 taasoo ku beegantay markii Faransiisku ka tanaasulay taageeradii gumeysiga.

Kororka dadweynuhu oo aad uga sarre maray kobaca dhaqaalaha Senegal, Turkigu waxa uu ka dhisay Senegal oo uu maamulay dugsiyo iyada oo loo sii marayo Mu’asasada Maarif.

Turkigu waxa uu si gaar ah u taageeray Cabdou Diouf, oo loo arkayey in uu yahay raysalwasaare karti iyo farsamo yaqaan ah. Turkigu waxa uu taageeray xoraynta Cabdou Diouf ee geedi socodka siyaasadeed ee uu u ogolaaday 13 xisbi siyaasadeed oo kale inay u tartamaan doorashadii 1983-kii.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Afrika

Suudaan: Cumar Al-Bashiir oo qirtay in uu mas’uul ka ahaa afgambigii 1989-kii

Cumar Al-Bashiir ayaa hadalkan ka sheegay shalay maxkamad ku taalla magaalada caasimadda ah ee Khartuum, sida uu sheegay telefishinka rasmiga ah ee Suudaan.

Published

on


Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Suudaan, Cumar Al-Bashiir, ayaa qirtay in uu isagu mas’uul ka ahaa afgambigii dhacay 1989-kii, isagoo ka sheekeeyay dhacdooyinkii ka horreeyay.

Cumar Al-Bashiir ayaa hadalkan ka sheegay shalay maxkamad ku taalla magaalada caasimadda ah ee Khartuum, sida uu sheegay telefishinka rasmiga ah ee Suudaan.

Cumar Al-Bashiir markii uu si faahfaahsan uga sheekeeyay dhacdooyinkii ku saabsanaa jawigii afgambiga ka hor waxa uu yiri: “Waxaan si buuxda mas’uuliyaddeeda i saarantahay dhacdooyinkii Juun 1989-kii. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha oo Suudaan xukumayay muddo ku dhow 30 sano, ayaa muujiyey inuu ka xun yahay xukunkiisa, kaasoo ku yimid afgambigii dhicisoobay.

Cumar Al-Bashiir waxa uu ka hadlay guulihii uu taliskiisu gaaray ee la xiriira is-afgaradka qaranka, nabadda, soo saarista shidaalka, iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Waxaanu intaa ku daray oo uu yirri: “Waxa aanu ku casuunay 77 ka mid ah madaxda xisbiga wada hadal kadib dhacdooyinkii 1989-kii, ujeedaduna ahayd in dalka nabad lagu soo celiyo”.

“Annaga waxaan u fiirsanay nabadda, sababtoo ah waa furaha xalinta dhammaan arrimihii dalka soo maray, waxaana ku dadaalnay sidii aan u xaqiijin lahayn.

“Waxaan gaarnay guulo waaweyn, waxaan rabnay inaan u adeegno dadka Suudaan, hadafkeenuna ma ahayn awood,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Cumar Al-Bashiir waxa uu diiday in ay ka qaybqaataan cid rayid ah oo ku lug lahayd fulinta afgambigii 1989-kii, waxa uuna yiri “Ma garanayo mid ka mid ah shacabka shirarkii diyaarinta ahaa ee afgambiga”.

30-kii Juun 1989-kii, Cumar Al-Bashiir waxa uu afgambi militari kula kacay dowladdii Ra’iisal Wasaare Sadiiq Al-Mahdi, wuxuuna qabtay xilka Guddoomiyaha Golaha Hoggaanka ee waxa loo yaqaanay Kacaankii Badbaadada Qaranka. Isla sanadkaas ayuu noqday madaxweynaha dalka.

Cumar Al-Bashiir ayaa la dhigay xabsiga dhexe ee Kober, waqooyiga Khartuum, ka dib markii ay ciidamadu ka xayuubiyeen madaxtinimada 11-kii Abriil 2019, ka dib soddon sano oo uu xukunka hayay. Waxaa xilka looga qaaday mudaaharaadyo dadweyne oo lagu cambaareynayay xaaladda dhaqaale ee sii xumaanaysa.

Marqaatiga Cumar Al-Bashiir, oo 78 jir ah, ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan warar sheegaya in xaaladiisa caafimaad ay liidato. Muuqaal ay baahisay Channelka wararka Carabiga ee Hadath ayaa u muuqday mid muujinaya qof eegaya dhiig karka Cumar Al-Bashiir oo ku jira qolka maxkamada intii ay socotay dacwadii Talaadadii.

Suudaan ayaa waxaa ka dhacay qalalaase tan iyo markii hogaamiyaha militariga dalkaasi, Jeneral Cabdel-Fattah Burhan, uu hogaaminayay afgambi bishii Oktoober 2021, kaasoo meesha ka saaray isbadalkii dimoqraadiyada ahaa ee dalkaasi ka socday, kadib markii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir.

Mooshin lagu doonayo in lagu soo afjaro ismari waaga ka taagan Suudaan, ayaa ciidamada Militariga Suudaan oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn ee taageera Dimuqraadiyada, Xoogaga ku dhawaaqista Xoriyadda iyo Isbeddelka, waxay saxiixeen heshiis guud 5-tii Diseember iyagoo wacad ku maray in ay soo dhisi doonaan dowlad rayid ah oo cusub, meeshana laga saaro militariga.

Heshiisku waxa uu bixinayaa oo kaliya tilmaamo qalafsan oo ku saabsan sida waddanku dib ugu bilaabi doono ku-meel-gaarka dimuqraadiyadda waxaana diiday dhawr quwadood oo waaweyn oo siyaasadeed. Waxa kale oo ay meesha ka saartay arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah oo khuseeya caddaaladda ku-meel-gaarka ah iyo faahfaahinta ku saabsan dib-u-habaynta milatariga.

30-kii sano ee uu xukunka hayay, Cumar Al-Bashiir waxa uu si bir ah u qabsaday awoodda, waxa uuna si arxan darro ah u caburin jiray mucaarad kasta, isaga oo dhaqaalaha kaligiis ku maamuli jiray xulafadiisa ganacsiga.

Cumar Al-Bashiir waxa uu dusha kala socday caburinta arxan darada ah ee kacdoonkii ka dhacay galbeedka gobolka Darfur horraantii 2000-aadkii kaas oo ay ku dhinteen ilaa 300,000 oo qof, sida ay ku qiyaaseen kooxaha xuquuqda. Maleeshiyooyinkiisa taabacsanaa dowladda ee loo yaqaan Janjaweed ayaa ku caan baxay inay hormuud ka noqdaan falalka guracan. Waxaa raadineysa maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo xasuuq xiriir la leh colaadda Darfur.

Dowladda Cumar Al-Bashiir ayaa sidoo kale martigelisay Osama Bin Ladin sannadihii abuuritaanka al-Qaacida, tallaabadaas oo Suudaan ku gelisay liiska Mareykanka ee dalalka taageera argagixisada.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
WARBAAHINTA7 mins ago

Amarka maxkamada dembiyada caalamiga ee xiritaanka Putin ayaa muujinaya in sharciga caalamiga ah uu burburayo – Dmitry Medvedev

Diblomaasiyadda & Dunidda37 mins ago

Xiriirka Ruushka iyo Shiinaha ma laha xad – ayuu yirri madaxweyne Vladimir Putin

WARBAAHINTA3 days ago

Xildhibaanad Layla Moran, ayaa sii laba jibaareysa dadaalka loogu jiro aqoonsiga rasmiga ah ee UK aqoonsato qaranimada Falastiin

Buuggaag3 days ago

Jibril Mohamed on Somalia’s Road to Democracy: A Journey of Hope and Resilience

WARBAAHINTA4 days ago

Qaramada Midoobay ayaa Yemen ugu baaqday inay ka faa’iidaysato heshiiska Sucuudiga iyo Iiraan oo ay doorato nabadda

WARBAAHINTA1 week ago

Madaxweyne Erdogan ayaa si rasmi ah ugu baaqay in doorashada Turkiga ay dhacdo 14-ka Maay

Bariga dhexe1 week ago

Iiraan iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey inay dib u soo celiyaan xiriirkooda ka dib wadahadal uu dhexdhexaadinayey Shiinaha

WARBAAHINTA1 week ago

Maraykanka ayaa ka carooday rabshadaha Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed

WARBAAHINTA1 week ago

7 qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar ka dhacay kaniisad ku taalo Hamburg, Jarmalka

WARBAAHINTA2 weeks ago

7 qof ayaa ku dhintay weerar cirka ah oo lagu qaaday hantida Iiraan ee Suuriya

Aasiya2 weeks ago

Imran Khan: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan oo ka falceliyay isku daygii xarigiisa

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

Faa’iida darada ay leedahay isticmaalka baraha bulshada

WARBAAHINTA3 weeks ago

Turkiga oo weerar ku dilay maskaxdii ka dambaysay weerarkii Istanbul

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Maraykanka ayaa aaminsan in Ruushka laga yaabo inuu Iiraan siiyo diyaarado dagaal: Aqalka Cad

Diblomaasiyadda & Dunidda3 weeks ago

Maxay ka dhigan tahay booqashada Raisi ee Beijing xiriirka Iiraan iyo Shiinaha?

Siyaasadda Soomaaliya4 weeks ago

Waa maxay ujeedka dowladda Soomaaliya ay mar kale u xirtay Cabdalla Muumin?

Siyaasadda Soomaaliya4 weeks ago

2022 wuxuu ahaa kii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya tan iyo 2017 – Qaramada Midoobay

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Ruushka ayaa hakiyay ka qaybgalka heshiiska cusub ee START ee hubka Nukliyeerka ah ee lala galayo Maraykanka, ayuu yidhi MD Putin

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada4 weeks ago

Qeybtii 2aad:- Maxay yihiin bulshooyinka sirta?

Qoyska & Horumarinta Bulshada4 weeks ago

Baro sidda aad nolosha wax kaga badali lahayd

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada1 month ago

Maxay yihiin bulshooyinka sirta ah?

Afrika1 month ago

Maxay Eriteriya ugu baxday urur Gobolleedka IGAD?

Afrika1 month ago

MD Isaias Afwerki ayaa sheegay in Eriteriya ay dib uga mid noqon doonto urur goboleedka IGAD

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Xog cusub: Maxay dhalinyarada Soomaalida ugu biiraan Al-shabaab?

Yurub1 month ago

Yurub oo mamnuucday iibsiga naaftada Ruushka iyo badeecado kale

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Maxaad kala socotaa waxa ka socda magaalada Laascaanood? – Xog iyo taariikh kooban

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay Laascaanood, sida uu sheegay isbitaalka Laascaanood

WARBAAHINTA1 month ago

Dhimashada ayaa gaartay 1,651 kadib dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.7 oo ka dhacay Turkiga iyo Suuriya

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda1 month ago

Madaxweynihii hore ee Bakistaan Pervez Musharaf oo geeriyooday – Taariikh nolloleedkiisa oo kooban

Gumeysi iyo isir sifeyn2 months ago

Dowladda Israa’iil ayaa kordhisay tirada dadka Yuhuuda ah ee la dejinayo Daanta Galbeed

WARBAAHINTA2 months ago

X. A. Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, oo booqan doona Bariga Dhexe iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Falastiin

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Wadahadallada saddex geesoodka ah ee NATO ayaa dib loo dhigay iyadoo Sweden ay ku baaqday in dib loo bilaabo wadahadalka

WARBAAHINTA2 months ago

Dokumentiyo sirta ah oo laga helay guriga madaxweyne kuxigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence – kadib markii uu dafiray inuu haayo warqado sir ah

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

Maxay Falanqeeyayaasha ka yiraahdeen guulaha ay gaareen ciidamada Dowladda Soomaaliya?

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

Xagjiriinta Al-Shabaab oo weeraray Galcad iyo dagaal culus oo ka dhacay

Bariga dhexe2 months ago

Booliiska Israa’iil ayaa ka hor istaagay safiirka Urdun inuu galo magaalada Al-Aqsa, taasoo dhalisay shil diblomaasiyadeed

WARBAAHINTA2 months ago

Sanduuqa Lacagta Adduunka waxay ka digaysaa khatar hor leh ee dhaqaalaha adduunka

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Buundo diblomaasiyadeed: Cilaaqaadka Cumaan iyo Iiraan

Bariga dhexe2 months ago

1 qof oo dil ah, 7 Falastiiniyiin ah ayay Israa’iil ku dhaawacday shilal ka dhacay Daanta Galbeed

Afrika2 months ago

Qarax ka dhacay Kenya oo lagu tuhmayo Al-Shabaab oo afar qof ku dhintay

Xul