Connect with us

Maalgelinta & Maaliyadda

Maxaa Lagu Ogaani Karaa In Ganacsigaada Horumar Sameeyay? -Tukesomalism.com

Published

on


Horumarka uu sameeyo ganacsigaada ma ahan wax hal maalin ku yimaada ee waa wax marwalbo qaato wakhti dheer. Si aad u hesho guulo la taaban karo ee ku aadan ganacsigaada waxaa wanaagsan inaad ogaato waxa loo yaqaano horumarka ganacsiga. Mudooyin badan ayaa aad loo tafatiray waxa loo yaqaano horumarka ganacsiga (business development). Ganacsiga wuxuu kasoo bilow maa meel hoose waxaana  marwalbo sarre u qaadi karo waa aas-aasihii fikrada ganacsigaas.

Marwalbo markii aad bilaabayso ganacsi waxaa wanaagsan inaad ogaato ama aad ku sameyso qiimeyn tafatiran ee ku aadan inaad faa’ido ka heli doonto ganacsigaas iyo inkale. Maxaa yeelay haddii aadan ogaani Karin inaad faa’ido ka heli doonin ganacsigaas waxaa adkaani karayso inaad ku guulaysato tartamada ka jira suuqa. Si marwalbo aad ugu guulaysani karto awooda suuqa waxaa wanaagsan inaad wax badan ka ogaato wax ay jecelyihiin macaamiishaada iyo sidda aad ku xalini karto dhibaatada haysato macaamiishaada.

Haddii aad ogaato dhibaatada haysato macaamiishaada waxaa kuu fududaanaayo inaad ku guulaysato suuqyada lagula jiro tartanka adag.

Waxaanu la wada soconaa in dadka ay jecelyihiin sheyba inta uu ka dambeeyay soo bixitaankiisa sheyga kale ‘’version to version’’. Sawabtoo ah Soomaalida waxay tiraahdaa ‘’wixii cusub caalamka ayaa jecel’’. Ganacsatada waxaa u wanaagsan inay marwalbo ku dadaalaan siddii ay u qancini lahaayeen macaamiishooda. Haddii aad aragto macaamiishaada oo kugu faraxsan waxaad horumar weyn ka gaari kartaa ganacsigaada. Ogaaw marwalbo ganacsiga guulaysta waxaa sal u ah qancinta macaamiisha. Ganacsigaada guul haka filanin haddii qaabka aad ula dhaqanto macaamiishaada ay xun tahay. Kuna dadaal inaad wanaajiso macaamiishaada, sawabtoo ah ganacsi ma jiro illaa ay macaamiil fiican jirto, macaamiisha fiicana waxay ku timaadaa sidda aad u qanciso adiga.

Waxaa wali jira dhibaatooyin ku wajahan qaabka ay shirkadaha diirada u saaraan macaamiishooda. Waa qodob muhiim ah inaad ka warqabto baahida macaamiishaada, sawabtoo ah waxaan iri waa waxa aad ku taagantahay ganacsigaada waa macaamiishaada. Balse yeysan kaa xumaanin qaabka aad u wajahayso raadinta baahida macaamiishaada. Raadinta baahida macaamiishaada waxay u baahantahay taatik ka wanaagsan ganacsadayaasha kale ee suuqa aad ku tartamaysaan.

La soco, inaad marwalbo ogaato guusha rasmiga ah ee ganacsigaada waa sidda aad u hesho macaamiil fiican. Macaamiishaada waa kuwa kali ee horumar gaarsiini karo ganacsigaada.

Daryeelka macaamiisha waa waxa lagu qeexi karo sidda fudud ee aad ku gaari karto horumar fiican. Dabcan ganacsi walbo waa inoo lahadaa hadaf cadeynaayo inuu yahay midka rasmiga ah ee u qalmo inuu helo macaamiil badan. Hadafyada noocaas oo kale sawabta kali ee ugu guulaysani karto ayaa ah inaad la imaado taatik qeexi karto inaad tahay qofka kali ee daryeeli karo macaamiisha ku jirta suuqa.

Markii ganacsigaada gaaro horumar fiican waxaad ku qiyaasi kartaa sidda aad u hesho faa’ido badan oo la taabani karo. Faa’idada la taaban karo waxay timadaa marwalbo oo aad horumar fiican ka gaarto suuqa markaas aad tartanka kula jirta dadka kale. Tartanka wuxuu leeyahay noocyo badan sidda:

  • Inaad dhinto qiimaha badeecada oo ka duwan qiimaha kale ay iibiyaan ganacsadayaasha kale ee ku jira tartamayaasha suuqa.
  • Inaad sameyso xayaysiin badan si aad usoo jiidato macaamiil badan oo aad ka wanaagsanaato dadka kale ee ku jira tartanka suuqa markaas aad ka hawl gasho.
  • Inaad ka qadamaad fiicnaato ganacsadayaasha kale oo iibiya alaabtaada oo kale, iwm

Hadaba aqristoow haddii aad doonayso inaad guulo fiican kagaarto ganacsigaada waa inaad la timaado aragtiyo cadeynayso inaad diyaar u tahay inaad ka guulaysato ganacsiga kale ee luulanka ku wada jirtaan. Sidda aan soo sheegay sawabta kali ee aad ku ogaani karto inaad guulo fiican ka gaartay ganacsigaada ayaa ah:

  1. In maalgashigaada kusoo noqday intiisa badan ‘’Return on investment (ROI)’’
  2. Inaad ku guulaysatay suuqyada tartanka wareega ah.
  • Inaad kasbatay macaamiil intii aad u baahneed iyo
  1. Inaad kusoo kordhisay ganacsigaada wajiyo cusub sidda inaad kor u qaadatay sidda fudud ee macaamiisha ay ku heli karaan ama ay ku isticmaali karaan badeecadaada.

Ganacsiga wuxuu kasoo bilow maa meel hoose waxaana  marwalbo sarre u qaadi karo waa aas-aasihii fikrada ganacsigaas. Horumarka uu sameeyo ganacsigaada ma ahan wax hal maalin ku yimaada ee waa wax marwalbo qaato wakhti dheer. Si aad u hesho guulo la taaban karo ee ku aadan ganacsigaada waxaa wanaagsan inaad ogaato waxa loo yaqaano horumarka ganacsiga. Waxaan jeclahay in dad badan wax badan ka barani karaan in qodobadaas ay yihiin kuwa ugu badan ee lagu sheego horumarka ganacsiga.

Fadlan haddii ay jiraan fikrado kale oo cusub dadka usoo gudbi oo kusoo qor qeyb hoose ee maqaalkaa. Fikradaha ha noqdeen mid khuseeyo cinwaanka maqaalkaan.

 

Facebook Comments Box

Cabdijabaar Sh. Axmed waa qoraa iyo macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha (The University of Government and Economics). Waa falanqeeye ka tirsan Diblomaasi.com. Wuxuuna falanqeeyaa siyaasadda arrimaha dibedda, amniga iyo laamaha sirdoonka, diblomaasiyadda, sharciyadda caalamiga. Wuxuu kaloo wax ka qoraa maareynta ganacsiga, dhaqaalaha, falsafada, horumarka bulshada iyo nabadgelyadda. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maalgelinta & Maaliyadda

Sanduuqa hantida qaranka Norway ayaa ka fiirsanaya inuu dib u eegis ku sameeyo maalgashiga ay ku sameynayaan Israa’iil

Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa ku tilmaantay warbixinnada ku saabsan dib u eegistan “horumar khatar ah”.

Published

on

Ra’iisul wasaarahii hore ee Israa’iil Benjamin Netanyahu (M) ayaa gacan qaaday wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Soreide (B) iyagoo sawir iska qaaday ka hor kulankooda galbeedka Jerusalem [Amos Ben Gershom / Anadolu Agency/Getty Images]

Sanduuqa hantida qaranka Norway ayaa ka fiirsanaya inuu dib u eegis ku sameeyo maalgashiga ay ku sameynayaan Israa’iil si loo hubiyo in dhaqaalahooda aysan maalgelin deegaamaynta dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay Jimcihii.

Sanduuqa waxa uu maamulaa oo uu maalgeliyaa dakhliga ka soo xarooda khayraadka dabiiciga ah ee dalka si looga faa’iidaysto miisaaniyada horumarineed ee dawladda oo qiimaheedu dhan yahay $1.3 trillion waana ka ugu badan ee noociisa ah ee caalamka. Waxa ay leedahay boqolkiiba 1.5 shirkadaha ganacsiga guud ee adduunka.

Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israa’iil ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Israa’iil ay rumeysan yihiin in tallaabadii u dambeysay ay saameyn ku yeelatay go’aankii Qaramada Midoobay ee 2020-ka ee lagu soo saaray liiska madow ee in ka badan 100 shirkadood oo caalami ah oo sameeya ganacsiyo xiriir la leh deegaannada Israa’iil.

Sanduuqa waxa uu hore uga leexiyay shirkado badan oo adduunka ah hawlo uu u arkay kuwo anshax xumo ah, oo ay ku jiraan tiro shirkado Israa’iili ah oo ku lug leh deegaamaynta dhulka Falastiin.

Sannadkii 2020, Sanduuqa Norway waxa uu $1.3 bilyan ku maalgeliyay 81 shirkadood oo Israa’iili ah – qiyaastii saddex meelood meel ahaan maal-gelinteeda Bariga Dhexe.

Horraantii sanadkan, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda xuquuqul insaanka ee dhulka falastiiniyiinta ayaa ku booriyay in sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo nooc cusub oo liiska madow.

Channel 12 ee Israa’iil ayaa sheegay in dib u eegistu ay bilaabatay sanadkii hore, laakiin dabeecadda dawladda cusub ee Israa’iil ayaa laga yaabaa inay soo dedejiso geeddi-socodka horseedaya leexinta ugu dhakhsaha badan.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay TV-ga in la isku dayay in Sanduuqa lagu qanciyo in uu ka laabto tallaabadan, balse codka Falastiin ayaa sheegay in Sanduuqa uu qeexayo in bangiyada Israa’iil ay joojiyaan lacagaha ay u xawilaan deegaamaynta.

Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa ku tilmaantay warbixinnada ku saabsan dib u eegistan “horumar khatar ah”.

Sanduuqan hantida adduunka ugu weyn, oo leh qiyaastii 1.5% saamiyada liiska adduunka, waxaa loo maareeyaa habraacyo kala duwan oo anshaxeed oo ka saaraya shirkadaha qaar ka mid ah caalamka maalgashi ee ku saleysan talada golaha. Golaha Anshaxa ayaa bayaan gaar ah ku sheegay “in degsiimooyinka Israa’iil ee Daanta Galbeed loo dhisay si ka baxsan sharciga caalamiga ah iyo in jiritaankooda iyo ballaarintooda joogtada ah ay dhibaato iyo khasaare weyn u geystaan dadka Falastiiniyiinta ah ee degaanka.”

Maareynta Maalgashiga ee Norges Bank ayaa sidoo kale go’aansaday in laga saaro Honeys Holdings Co. iyada oo ku saleysan talo soo jeedin ka timid golaha anshaxa ka dib markii ay tixgelisay xuquuqda shaqaalaha ee laba warshadood oo shirkadda Jaban ay ku leedahay Myanmar.

Sanduuqa wuxuu ku dhawaaqaa ka-saarid ka dib marka la leexiyo hantida dhabta ah. Dhammaadkii 2020, waxa ay $1 milyan ku haysay kaydka Shapir Engineering iyo Warshadaha iyo $12 milyan ee Mivne. Waxay lahayd $2 milyan oo doollar oo ah samaynta dharka dumarka ee Honeys Holdings. Sida talooyinka la sameeyay ka hor dhamaadka 2020, NBIM waxaa laga yaabaa inay bilawday inay leexiso hantideeda sannadkii hore.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maalgelinta & Maaliyadda

5 Fursado Ganacsi ah oo Kabannaan Gudaha Dalkeenna Hooyo??

Published

on


Waxa aan hubaa in gudaha dalka baahiyo Ganacsi oo aad u badan ey kajirto, laakiin waxaa yar dad u soojeedo arrinkaan, dad u soojeedo in ey wax cusub billaabaan, dhallinyaradu wey badanyihiin laakiin in waqtigooda ey buuxiyaan diyaar uma ahan xaqiiqdi.

Haddii aad leedahay diyaar ayaan ahay waana billaabilahaa lakiin duruufo ayaa iheysto jooji walaaca faraha ba’an kugu haaya ee fiiri taariiqda dadka guulaha sameeyay halka ey soomareen. Qaarkood ayaa kaliitay halka aad adigu taagantahay maanta.

5 Fursadood oo ganacsi ayaan halkaan ku soo gudbineynaa, inkastoon anigu horay dalka aanan uga bixin oo waxa aan kahadli rabo eysan ahayn waxyaabo aan dibadda ku soo arkay, laakiin waxa aan hubaa in ey yihiin waxyaabo dalka gudihiisa looga baahanyahay, Ganacsiga loo baahanyahay waa midka guuleysan kara.

  1. Iibinta qudaar nadiif ah 

Dalka Soomaaliya 3meelood meel ama kabadanba waa dhul beereed, hadana caasimadda ayaanba laga helin qudaarta cagaaran oo nadiif ah muddo 6 bilood ah sanadkii. Kaliya waxa aan helnaa qudaar muddo 6bilood kayar sanadkii, taasina waxa ey ka muuqataa wajiyada dadka oo laga garan karo in eysan cunin cunno qudaar ku jirto, maxaayeelay qudaarta cagaaran iyo mirahaba waa lambarka koowaad ee cunnooyinka caafimaadka leh.

Dhowr jeer oo aan weydiiyay Hooyadeey, qudaarta waxa ku dhaco oo aan u weyno markasto waliba annaga oo joogno caasimadda dalka hooyo, waxa ey ii sheegtay 3sababood:-

1.Qudaarta waxa ey dhalataa xilli roobaadka oo kaliya, marki uu roobka bato waxaa dhacdo in qudaarta qaarkeed eysan kunoolaan biyaha badan halkaasna waxaa ka’imaanaya in beer dhan oo koosta ahayd ey waxba kasoo go’i waayaan.

2.qudaarta waxa ay beeraleydu soo saaraan gawaari usoo qaaddo magaalada, xilli roobaadka waxaa go’a ama biyo fadhiistaan laamiyadii lasoo marsiin lahaa qudaarta, waxaana ku dhacdo in halkaas ey ku xayirmato qudaartii magaaladana aan lakeenin wax qudaar badan ah.

3.sidookale xilli roobaadka waxaa jiro in ey dhacdo fatahaado, waxa aan ognahay sida ey fatahaadahaasi saameyn weyn ugu leeyihiin dad iyo duunyaba, waxaa laga yaabaa in beerihii oo lagu tabcay ey ku dhacdo fatahaado.

F.G:-wey jiraan qodobo kale aan maskaxda ku haayo laakiin intaan ayaan ku soo koobayaa.

  1. Labadaanyo Casriyeysan ( LOUNDRY)

Caasimadda waxaa ku soo badanaya dhallinyarada goonida uddaggan (iskaabulada), magaaladana waxaa kajiro labadaanyoo-yin yar,qaabka ey ushaqeeyaanna ey keeneyso in dhallinyarada eysan dhar kadhaqan karin. Qaabka aan kuu soo bandhigayo waa in aad sameysaa mid casri ah sida in aad furato xarun qurux badan oo lagu kalsoonaan karo nadaafadda iyo shaqaalaheedaba. Waa in aad sameysataa cinwaan baraha bulshada ah si’aad halkaas uga hesho dhallinyaro kugu soo xirmo.

F.G:aan kuu baaqee wiilasha Soomaaliyeed 95% dhar madhaqan yaqaanaan oo waa loo dhaqaa, marka wiilkii kasoo guura reerkiisa ee meel iskaabulo ku ah orad ayuu kugu soo raadinayaa.

Dharka waa in qofka laga soo qaado gurigiisa looguna geeyo iyada oo lagu xisabinaayo gaari raaca (transportation-ka), qorshahaan waxa uu kuu sahlayaa in qoysaska deegaanka ey kugu soo xirmi karaan.

Ganacsigaan waxa kaliya uu ku hirgali karo waa in qiimaha lacagta lagu jaan gooyaa dadka deegaanka, si’ey u awoodaan lajaan qaadidda qorshahaaga ganacsi.

  1. Xirfadda dhar tolidda ama dawaarka

Harqaanno badan ayaa kajira deegaankeenna, xaqiiqdii aad ayay ubadanyihiin laakiin shaqada laga rabo mahaayaan oo cabashada ayaa badan sababtoo ah marwaliba aad dhar tolotnaysid  sida aad ula ballantay si’aan ahayn ayaa laguugu tolayaa tusaale in  cabbirkaaga laga gaabiyo ama laga dheereeyo.

Sidookale magaalada dhaxdeeda, dharka suuqa lagu iibiyo waa meelaha ugu ganacsiga fiican oo carwooyinka aad ayaa wax looga gataa, laakiin majirto haba yaraatee naqshad dhar oo Soomaaliya lagu sameeyo oo la-dalban karo, naqshadaha ugu badan ee dharka waxa ey nooga yimaadaan Kenya, maadama halkaasi Soomaali badan ey ku nooshahay oo ey dadkoodii usoo dhiibayaan dharka,  kaddibna qofkasto oo ku arko uu dalbanayo, ganacsatadana markaas kaddib ey keenaan isla dharkii.

Haddii aad furato harqaan dharka tola cabbir wanaagsan iyo waqti cayimanna ku soo saaro, gaar ahaan dharka dumarka maxaayeelay dumarka wey ka dhar iibsi badanyihiin ragga.

Sidookale haddii aad ku darsato naqshadeynta dharka waa fursad aad u fiican kana bannaan dalka.

4. Beeraha lagu ordo

Gabi ahaanba majirto xitaa hal beer oo leh waddooyin lagu aalamiiteeyo iyo kuraasman lagu nasto, beeraha nasiinada ayaa kajira dalka, laakiin dadka waxaa ku batay cudurada Macaanka iyo Dhiig-karka marwalibana dhaqaatiirta waxa ey kula taliyaan in ey jimicsi sameeyaan, dadki maheystaan meelo lagu ordo gaar ahaan Dumarka. Beeraha waxa ey soo jiidanayaan indhaha qofki marki uu ordana waxa ey ku fiicantahay in uu ku nasto.

Haddii aad jeclaatay in aad qorshahaan billowdid waxa aan kugu latalin lahaa in aad kala soocdid Dumarka iyo Ragga, maxaayeelay Dumar iyo Rag hal meel kuma wada ordi karaan!

5. Dhaqtarka Maqaarka:

Dhaqtar si qaas ah ugu taqasusay (specialist) cudurada maqaarka ee Soomaali ah, dalka dhaqaatiirta maqaarka ee kashaqeeya aad ayay ubadanyihiin bukaanadana kuma qanacsana, markasto ayaga oo cabanaya ayay isbitaalada katagaan.

Waxaa kale oo jira in badanaa dumarkeenna ey isticmaalaan waxyaabo kiimiko kabuuxdo si ey maqaarkooda u qurxiyaan laakiin nasiib xumo xaqiiqdii qofka waxaa ku dhacay in wajigiisa uu beddelmo in uu bahal u ekaado, aad ayay u fiicnaan lahayd in dhaqaatiirta maqaarka ku taqasusay ey noqdaan kuwa aqoon buuxda u leh waxyaabah dalka kajira ee maqaarka dila. Si’ey macaamiishaada u wanaagsanadaan waxa aad u keeni kartaa oo Farmshiga aad soo dhigi kartaa waxyaabo dabiici ah oo qofka quruxda u siyaadineysa.                    

Halkaas ayaan ku simeynaa, nabadeey….

 

Ilhaan Ciise Maxamed


Maku haminaysaa inaad wax badan ka barato ganacsiga iyo maamulka? Halkaan waxaad ka heli kartaa koorsada Maamulka Ganacsiga Caalamiga waliba waxaad ku qaadan kartaa shahaado adigoo meelwalbo caalamka ka jooga. Riix sawirka hoose:

 

Maamulka Ganacsiga Caalamiga – Koorso

 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maalgelinta & Maaliyadda

Waa Maxay Caddaynta Dakhliga ‘Income Statement?

Published

on


Sida aan u malaynaayo Eraygaan ‘Income statement waxaad ku maqashay luuqada ingiriiska oo kali. Waxaan isku dayey inaan raadiyo macnaha dhabta ah ee Afsoomaali ahaan waxa uu noqon karo eraygaan ‘Income statement, balse ma aanan helin. Sidaa awgeed waxaan isku dayey inaan eray-bixin u sameeyo.

Income statement’ waa labo eray oo la isku keenay, waxaan u kala saaraynaa sida tan:,

Income, oo ah dakhli iyo statement oo ah, bayaan.

Mala dhihi karaa Bayaan Dakhli, ama Dakhli Bayaan? Aniga aragtideyda uma malaynaayo inay sidaasi sax ku tahay, maxaa yeelay eray bixinta waa in marwalbo laga fiiriyaa sida ugu macquulsan ee noqon kara macnaha guud ama ka bixin kara sharaxaad guud.

Eray-bixin (Terminology) waa shuruudaha farsamada gaarka ah ee loo adeegsado ganacsiga, farshaxanka, sayniska, ama maaddada qaaska ah.

Eray-bixin waa erayo iyo erayo isku dhafan ama tibaaxyo badan oo erey ah oo macnahoodu gaar yihiin la siinayo macno gaar ah – kuwan ayaa laga yaabaa inay ka leexiyaan macnaha ereyada isku mid ah marka loo eego xaaladaha kale iyo luuqaddaha.

Sidaas awgeed haddii aan u kuur-galo qaabka aan eray-bixintaas u sameeyay ayaa ahayd ‘waxaan ka soo qaatay macnaha guud ee Income statement. Income statement ayaa ah habbabka maaliyadeed ee loo maro marka la rabo in la ogaado dakhliga shirkada soo gala.

Waa caddeyn maaliyadeed oo muujineysa faahfaahinta dakhliga ganacsiga, kharashyada, khasaaraha, iyo faa’iidooyinka muddada go’an.

Waa sababtaas, sababta aan eray-bixintaas ugu sameeyay ‘caddeynta dakhliga.

Hadda waxaan jeclahay inaan isfahanay, waxaana kaa rabaa inaad caqligaaga idaymiso. Hadaba, waa maxay caddeynta dakhliga?

Caddaynta dakhliga waa mid ka mid ah saddexda warbixin ee maaliyadeed oo muhiimka ah si loo adeegsado soo gudbinta waxqabadka maaliyadeed ee shirkadda muddada xisaabinta gaar ah, iyadoo labada qoraal ee kale oo muhiimka ahi ay yihiin xaashida haraagga ‘(Balance sheet) iyo bayaanka qulqulka lacagta ‘(the statement of cash flows).

Sidoo kale waxaa loo yaqaanaa faa’iidada iyo khasaaraha ama cadeynta dakhliga iyo qarashka, caddeynta dakhliga wuxuu si gaar ah diiradda u saaraa dakhliga iyo kharashaadka shirkadda inta lagu gudajiro waqtiga gaar ah.

 

Fahanka guud ee caddeynta dakhliga

Caddaynta dakhliga waa mid ka mid ah saddexda warbixin ee maaliyadeed oo muhiimka ah si loo adeegsado soo gudbinta waxqabadka maaliyadeed ee shirkadda muddada xisaabinta gaar ah, iyadoo labada qoraal ee kale oo muhiimka ahi ay yihiin xaashida haraagga ‘(Balance sheet) iyo bayaanka qulqulka lacagta ‘(the statement of cash flows).

Caddaynta dakhliga ‘waa qayb muhiim ah oo ka mid ah warbixinnada waxqabadka shirkadda ee ay tahay in loo gudbiyo guddiga agaasimayaasha shirkada ama maamulaha ganacsiga.

Waa maxay guddiga agaasimayaasha shirkada? Guji halkaan si’aad wax ugu ogaato: http://www.tukesomalism.com/archives/1129.

In kasta oo waraaqda xisaab-celinta ahi ay siineyso nuxurka maaliyadeed ee shirkadda illaa taariikhda gaarka ah, warbixinta dakhliga shirkada ayaa sheegta dakhliga soo gala waqtiga cayiman, cinwaankiisuna wuxuu muujinayaa muddada, oo loo akhrin karo “Sannad-xisaabeedka / sannad-maaliyadeedka dhammaaday. ”

Caddeynta dakhliga wuxuu diiradda saarayaa afarta shay ee muhiimka ah sida – dakhliga, kharashyada, guulaha, iyo khasaaraha.

Caddeynta dakhliga ma dabooleyso rasiidaha (lacagta ganacsiga uu helay) ama lacag bixinta (lacagtii ganacsigu bixiyay).

Waxayna ku bilaabmaysaa faahfaahinta iibka, ka dibna waxay u shaqeysaa si ay u xisaabiso dakhliga saafiga ah iyo ugu dambeyntii dakhliga ku soo gala qayb kasta ‘(earnings per share (EPS). Sidoo kale, waxay bixisaa koontada sida dakhliga saafiga ah ee ay shirkaddu u gaarto loo beddelo dakhliga saafiga ah (faa’iido ama khasaare).

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maalgelinta & Maaliyadda

Qaababka Aas-aasiga Ah Ee Lahaanshaha Ganacsi

Published

on

 


Marka laga hadlaayo xagga suuqa, ganacsi walbo wuxuu leeyahay qaab loo sharaxaayo ama ay u qeexaan milkiilayaasha ganacsigaas. Ganacsi walbo waxaa wanaagsan inuu leeyahay qaab loo sharaxi karo markii ay timaado xagga suuqa.

Haddii ganacsiga laga bixini karo sharaxaad waxay kuu suurta gelin kartaa inaad fahanto waxaad uga baahantahay inaad sameyso sida suuq geynta markaad sameynayso.

Ganacsi hal qof uu leeyahay  (Sole proprietorship): Ganacsiga noocaan oo kale ah waxaa iska leh hal qof oo kali ah. Qofka noocaan oo kale ayaa wax walbo oo ganacsigaas rasaamaal u ah iska leh. Sida makiinadaha, kombuyuutaradda IWM.

Milkiilaha ganacsiga noocaan oo kale ayaa lagu lahadaa deymo badan, laakiin markaad dhinacyo badan ka fiiriso marna waa Qatar weyn marna waxaa laga helaa faa’iido badan.

Iskaashiga (partnership): Waa ganacsi ay leeyihiin laba qof ama ka badan. Iskaashiga micnihiisa waa in waxwalbo la wadaago sida deymaha, rasamaalka ay leedahay shirkadda, macaamiilka, dejinta go’aamada, iyo guud ahaan in la wadaago faa’iido iyo qasaaro. 

Waxaa jiro saddex nooc oo iskaashi. Saddexda nooc ee ugu badan iskaashiga waxay kalla yihiin iskaashi faa’iido-doon, iskaashi guud iyo iskaashiga xadidan.

Ganacsi ka kooban dad badan (Corporation): Ganacsiga noocaan oo kalle waxaa lagu leeyahay daymo aan sidaas usii badneen. Waxwalbo oo ku jira ganacsigaas waxaa iskaleh dadka wax ku leh oo kali ah. Qof walbo oo ganacsigaas wax ku leh waxaa loogu dhuftaa boqolkiiba.

Waxaa laga yabaa inuu ka koobanyahay 500 ama in ka badan milkiilayaal, milkiile walbo waxaa loogu dhuftaa boqolkiiba inta uu ku leeyahay. Waxaana jira nidaam ka wada dhaxeeyo dhammaan milkiilayaashaas noocaan oo kale.

“Dhammaan ganacsiga nooc walbo uu yahay wuxu u baahanyahay dulqaad, qaasatan waqtiyada ugu horeyso oo uu ku cusubyahay suuqa. Ganacsiga wuxuu kale uu u baahanyahay hawlgal wanaagsan.

Hawlgalka ayaa loo baahanyahay inuu noqdo mid wax ku ool ah. Hawlgalkaan waxaa loo yaqanaa maamulka. Laamaha ugu waaweyn ee maamulka waa maareynta maaliyadda, maamulka suuq-geynta, maareynta shaqaalaha, maamulka istiraatiiji ah, maamulka wax soo saarka, maaraynta hawlaha, maamulka adeegga iyo macluumaadka, maamulka teknoolijiyada.

Marwalbo oo ganacsiga ku dhisanyahay xikmad iyo waayo aragnimo dheeri ah waxaa laga dareemaa saan-saanta kobaca dhaqaalaha ee ganacsigaas. Marwalbo la imaaw fikir aad kaga duwantahay ganacsadayaasha kale ee aad tartanka kulla jirto suuqa. Marwalbo waxaa wanaagsan in faraskaada fardaha wax kaga duwanyahay. Iskuday oo isku taxluuji inaad ku guulaysato siyaasadda aad ka damacsantahay inaad guullo kaga gaarto ganacsigaada.

“Ma ogtahay in libaax badeedka hal il uu ku hurdo?” marwalbo oo aad feejignaan joogto ah la timaado waxaa macquul ah inaad hanato ama aad dhammaystirto baahida ugu weyn ee suuqa taalo.

Ganacsiyada inta badan waxay leeyihiin “hantida aqooneed” oo u baahan in laga illaaliyo tartamayaasha shirkadda inuu sii joogo uu faa’iido. Tani waxay u baahan tahay shatiyada, xuquuqda, allaabooyinka ama illaalinta qarsoon ee ganacsiga.

Ganacsiyada intooda badan waxay leeyihiin magacyo, shicaaro, farsamooyinka kalle, Shatiyada iyo xuquuqda daabacaada. Dastuurka Soomaaliya waxaan ka rajeynaynaa inay soo saari doonaan sharciyo iyo qaanuuno ka hadlaayo arrimaha ku salaysan sharciyada ganacsiga ee federalka, halka sirta ganacsiga iyo trademarking inta badan laga doonaayo inay noqoto arin gobol.

Nidaamka ganacsiga dalka oo dhan in la dhiso oo la hergeliyo ku dhaqankiisa waxay suurta gelini kartaa ama ay u tahay horumarka dhaqaalaha bulshada qeybaheeda kalla duwan. Nidaamyada noocaan oo kale waxaa laga dhexlaa horumar iyo isbedel ku salaysan dhaqaalaha dalka oo idil.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maalgelinta & Maaliyadda

Ganacsatada Soomaaliyeed Ma Kalsooni Darro Baa Haysa Mise Aqoondarro?

Published

on

 


Marka aad marayso laamiyada ama jidcaddayaasha halbawlaha ah ee magaaladaada, ama dhex marayso suuqyada waa weyn ee dalka, waxa shaki kaa galayaa in aad Soomaaliya joogto! Sababtuna waxa ay tahay; masawirrada ku dheggan tabeellayaasha suran foolka bakhaarrada, dukaamada, carwooyinka, dhartolayaasha, mayaaqadaha, hudheellada, timejarayaasha, gabdhoqurxisyada, xarumaha duullilmaadka, xarumaha dhardhaqaalka, isbitaallada iyo … iwm.

Haddii aad u fiirsato bakhaarrada, dukaamada iyo carwooyinka; waxa aad ku arkaysaa tabbeellyaashooda sawirro gaalo cadcad oo dhar qaba ama saacado. Meelaha dharka gabdhaha lagu iibiyo, waxaa ugu sawiran gabdho carbeed oo cabbaayado qaba ama carruur carbeed oo dharkooda qaba.

Xitaa meelaha qabdhaha lagu qurxiyo naago cadcad oo hablo ay isku qolo yihiin u cillaamaya ayaa ugu sawiran. Kuwa iibiya khamiisyada iyo catarrada waxaa ugu sawiran nin carab ah oo cigaal qaba. Dukaamada hilibka iibiyo iyo hudheellada cuntada gada, waxaa ugu sawiran nin koofi dheer qaba (oo gaal iyo islaan kuu yahay aanan garanayn) oo saxuun iyo middiyo wata, oo ag taagan digaag shiilan iyo showaarmo la saafayo. Kuwa dharka tola, niman aan u malayn in ay Hindi yihiin oo dhar tolan qaba ayaa ugu dawiran. Isbitaallada, jaad kasta oo yihiin ba, waxaa ugu sawiran niman iyo naago caddaan ah oo wax baaraya. Shirkada taleefoonnada, iyo kuwa bangiyada sawirro dad cad baa ugu dheggan!
Ma arkaysid maqaayada cuntooyinka dalka ay tabbeellayaasha ugu sawiran yihiin iyo qof Soomaali ah oo xayeysiinaya, iyaga oo weliba iibiya. Middii iigu yaabka badnayd, waxa aan arkay biibato iibisa caano geel oo keliya, misana uu ugu sawiran yahay nin cad oo caano cabbaya!
Intaas waxaa dheer, inta badan afka ugu qoran waa afaf qalaad: Ingiriis iyo Carabi.
Adduunyada, dhawr meel oo aan ka soo maray, waxaa xarumahooda ganacsi ugu dheggan sawirrada dadkooda, xitaa kuwooda ugu caansan, afkooda ayaana ugu qoran. Kuwaani, ma waayeen dad Soomaaliyeed oo ay ku sawirtaan iyo cid afkooda waxa ugu qorta mise kalsoonidarro ayaa haysa, oo dadka caddaanka ah iyo afka qalaad ayey kaga kalsoon yihiin mise taleefishinka waxa ay ka arkeen ayey soo minguuriyeen oo aqoondarro baa haysa!
Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Istaraatijiyada Suuqa ‘Market Strategy’

Published

on


Guud ahaan marka laga hadlaayo ganacsi waa waxyaabaha u baahan in si diiran loo sharaxo marka la doonaayo in la bilaabo ganacsi. Waxaana wanaagsan in lalla yimaado istaraajiyad cadeynayso siddii aad ku gaari lahayd awooda suuqa ee aad doonayso inaad gaarto.

Ganacsi walbo wuxuu lahaani karaa caqabado kala duwan balse marwalbo waxay ku xerantahay qofka ganacsadaha ah sidda uu ugu hortago dhibaatooyinka soo wajahi karo, arrintaasina waxaa lagaaga baahan yahay inaad karti dheeraad leh u leedahay.

Waxaa kaloo wanaagsan inaad si fiican u ogsoontahay shaqada hortaallo qofka markuu yahay ganacsade. Ganacsadaha waa qof hal abuur leh, abuura fikradaha cusub ee ganacsiga ama shirkadaha. Ganacsadaha waa shaqsi meel dheer wax ka arka halka kuwa kallena ay ku adagtahay inay arkaan fursadahaas.

Ganacsigu sidiisaba waa nidaam dhaqaalle oo goobta allaabta iyo adeegyadda wax lagu bedelo wax kale ama lacag.  Ganacsi kasta wuxuu u baahanyahay nooc ka mid ah maalgelinta iyo macaamiil ku filan si loo iibin karo si joogta ah si uu ugu caddeeyo faa’iidada. 

Ganacsiga wuxuu u kalla baxaa noocyo badan oo kala duwan sidda midka qaas ah (private) ama mid ay leedahay dawladda sidda kuwa aanay ka raadinin bulshada faa’iido (non-profit business).

Marka aad maqasho erayga istaraaji waxaad fahmi kartaa meel la doonaayo in la gaaro, sidda dagaalka militariga waxay raadiyaan siddii ay ugu guulaysani lahayeen dagaalka. Ciidamada militariga dagaalka iskama galaan ee waxay ku galaan qorshe, qorshahaasna waxaa dejiya raga doonaayo inay ku guulaystaan dagaalkaas.

Dadka dejinaayo qorshaha dagaalka waxaa loo baahan yahay inay si fiican u fahansan yihiin u jeedada dagaalka. Siddoo kale ganacsiga wuxuu u baahanyahay istaraajiyad qeexi karto u jeedada laga leeyahay suuqa.

Istaraajiyada suuqa waa sharaxaada guud ee sidda aad doonayso inaad u hanato suuqa. Wakhtiyada aad u baahantahay inaad sameyso ama lagaaga baahanyahay inaad qorto istaraajiyada suuqa ayaaa ah wakhtiga aad qorayso qorshaga ganacsigaada.

Si aad wax badan ugu ogaato waxa lagala jeedo qorshaha ganacsiga fadlan halkaan ku guji http://www.tukesomalism.com/2016/11/12/qorshaha-ganacsiga-business-plan-tukesomalism-com/

Istaraajiyada suuqa waa istarajiyad ama nidaam loo maro qaababka loogu guulaysani karo suuqa. Si ay shirkadaha ugu guulaystaan suuqa waxay u baahanyihiin inay si wanaagsan u sharaxaan istaraajiyada suuqa. Dhammaan shirkadaha waxaa wanaagsan in si wanaagsan u sharaxaan istaraajiyada suuqa.

Hadafyada guud ee laga leeyahay istaraajiyada suuqa ayaa ah siddii loo horumarini lahaa daqliga shirkada kasoo galo suuqa. Waa qaab sheegaayo in shirkada ay u baahantahay siddii loo kordhini lahaa daqliga suuqa kasoo galo.

Suuq-yada waxaa ka jira caqabado badan oo kala duwan sidda waxaa laga yabaa in dowladda ay keento nidaam cusub oo ku wajahan ganacsiga dalka ka jira iwm.

Caqabadaha soo wajihi karo shirkadaha waxaa ka mid ah:

Kordhinta canshuuraha
Sharciyada shaqaalaynta
Shaqaalaha shirkada oo aan aqqoon fiican u lahayn shaqada
Aqqoon-darada haysato maamulka shirkada
Isbedelka dhaqaalaha iyo suuqa
Isfahan la’aanta u dhaxeeyo shaqaalaha shirkada iyo macaamiisha
Fahan-xumida cidda aad doonayso inay macaamiil kuu noqoto


Haddii uu wanaagsanyahay xariirka u dhaxeeyo shaqaalaha iyo maamulkiisa waxay si fudud u fahmi karaan waxwalbo oo ka baxsan shirkada oo afka ingiriiska lagu yiraahdo ‘external environment’. Ururka shirkada kuma guulaysani karo waxa ka jira binaanka shirkada haddii aysan iyaga dhexdooda ka jirin isfahan guud. Urur walbo oo caalamka ka jira ha noqdo mid siyaasad ku salaysan, mid ganacsi iyo mid kaleba dhammaan ururada waxay u baahan yihiin isfahan guud ee ka dhaxeeya iyaga dhexdooda.

Toms shoes oo kale waa shirkad sameysay qaab suuq-gaynt ah oo fudud weyna ku guulaysatay. Shirkadaan waxaa hal-qabsi u ah ”hal xabo hal” (One for one) oo macnaheeda ah haddii aad hal joog iibsato halka kale waxaa la siinaayo caruur masaakiin ah oo aan kabo haysanin. Waxayna ku guulaysteen inay helaan macaamiil badan oo iyaga wax ka iibsado. Waa qaababka ugu fiican ee suuq-gaynta waqtiyadaan dambe.

Tusaale kale, shirkad laga leeyahay dalka Iswiidhan ’Sweden’ oo la yiraahdo Tetra pak waxay sameysaa xayaysiin sidda Toms shoes oo kale. Tetra pak waxay soo saartaa cuntooyinka karsan, caanaha, jalaatada, jiiska, sharaabka.

ruben-rausing-ninkii-aasaasay-shirkada-tetra-pakShirkadaan asalkeeda waxaa aas-aasay nin la yiraahdo Ruben Rausing. Wuxuu ku dhashay magaalo la yiraahdo Raus oo ah meel u dhaw Helsingborg, ee dalka Iswidhan (Sweden). Wuxuu ka qalin jabiyay Iskuulka Stockholm ee dhaqaalaha sanadka markuu ahaa 1918. dagaalkii koowaad ee adduunka kadib wuxuu qaatay shahaadadiisa Masterka ee Sayniska (Master of Science). Wuxuuna ka qaatay jaamacada Columbia, ee dalka Mareeykanka.

Dad badan oo reer Yurub ayaa shirkadaasi wax ka iibsado, waqtiyadaan dambe waxaa kartoonka Tetra pak ku qoran haddii aad hal xabo iibsato waxaa lagu caawinayaa caruurta Itoobiya oo loogu dhisaayo iskuul.

Ganacsi walbo waa inuu raadiyaa qaababka ugu wanaagsan uu ku iibini karo badeecadahiisa. Shirkadaha marwalbo waxaa la gudboon inay la imadaan istaraajiyada suuqa, iyo qaababka ay rabaan inay ugu guulaystaan suuqa. Ganacsi walbo wuxuu leeyahay sir u qaas ah ama siyaasad u qaas ah ”Business policy”

Dhammaan waanu ka warqabnaa marka la yiraahdo istaraajiyada suuqa waxaa isla markiiba maskaxdaada kusoo dhacaayo suukh-gayn. Waa run waa waxyaabaha muhiimka ah inaad ku bilowdo kiiska istaraajiyada suuqa. Haddii aad ku bilaabo qodobo yar oo ku saabsan horumarinta istaraajiyadaasi waxaa ka mid ah

Jabsiga koritaanka –waa tubta ay bulshada wax ku iibsani karaan, miisaaniyad ahaana dagan. Waa qaabab u baahan hal-abuurnimo dheeri ah adigoo dhinacyo badan wax ka fiirinaayo, adigoo hadana lagaaga baahan yahay inaad il gaar ah ku fiiriso caqabadaha haysto macaamiisha iyo sidda aad rabto inaad u xaliso dhibaatooyinkaasi.

Barnaamijyada dhiirogelinta –waa dalad ah oo ay qabtaan ururada si ay macamiishooda ugu dhiirogeliyaan iibsiga qadamaadkooda. Tusaale ahaan waxaa ka mid ah shirkada Hormuud ee isgaarsiinta waxay qabataa barnaamijyo ku saabsan sidda haddii aad iibsato 5dollar waxaad helaysaa saacado dheeri ah mise 2 dollar oo lacag la’aan ah. Waxaa luuqada ingiriiska lagu yiraahdaa “Referral Programs” laakiin inta badan aqqoonyahaanada waxay isticmalaan erayga “referral marketing” oo isku macno ah.

Warbaahinta la kasbaday – shirkadaha markii ay macamiishooda u qabtaan shaqo fiican, macaamiishana ay ku qancaan shaqada loo qabtay waxaa dhacdo in macaamiisha ay u sheegaan dadka kale (word of mouth). Cilmi ahaan warbaahinta la kasbaday waxaa luuqada ingiriiska lagu yiraahdaa “Earned Media”. Haddii aad marwalbo ka fakirayso lacag oo kali ma tihid ganacsadaha ay u baahnayeen bulshada ee waa inaad ka fakirtaa siddii aad ku kasbani lahayd qalbiga macamiishaada. Haddii aad marwalbo ku fakirto qaababka ugu wanaagsan ee aad ku qancini karto macaamiishaada waxaa kuu suurta galayso in macamiishaada markale soo noqdaan.

Suukh-gaynta warbaahinta bulshada –waqtiyadaan dambe dadka waxay aad u isticmalaan Facebooga, Instagram, Snapshat, iyo kuwa kale oo badan oo waqtiyadaan dambe soo baxay. Waqtiyadaan dambe shirkadaha marka la abuuro ama la sameeyo waxay isla markiiba sameystaan suukh-gaynta warbaahinta bulshada oo afka ingiriiska lagu yiraahdo “social media marketing”.

Marka laga hadlaayo istaraajiyada suuqa waxaa jira qodobo badan oo muhiim ah, una baahan sharaxaad badan. Si aad ugu guulaysato qodobada aan soo sheegay waxaad u baahantahay inaad sameyso istaraajiyad ku gaarsiini karto hadafkaada.

 

Maku haminaysaa inaad wax badan ka barato ganacsiga iyo maamulka? Si aad u aragto dhammaan cilmiga noocyadiisa kala duwan waxaad u baahan tahay oo kali inaad riixdo sawirka hoose,

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Bariga dhexe2 days ago

Kulanka Mareykanka iyo Sacuudiga: Antony Blinken, Maxamed Bin Salmaan waxay ka hadlayaan caadiyeynta xariirka Israa’iil, dagaallada Suudaan iyo Yemen

Bariga dhexe2 days ago

Israa’iil way garaaci kartaa hub kasta oo Iiraan sameysato – wasiirka gashaandhiga

English Post3 days ago

Somalia’s 1p1v Elections: Why a Year and a Half Timeline in Unrealistic

Qoyska & Horumarinta Bulshada4 days ago

Siraha Guusha Imtixaanka

Sirdoonka & Militariga1 week ago

Muxuu Ruushku ka caawinayaa ciidamada Soomaaliya?

WARBAAHINTA1 week ago

Uganda ayaa soo saartay sharci loogu hortagaayo ka ganacsiga xubnaha bani’aadamka

Jaamacadda Carabta3 weeks ago

Maxay Dowladda Soomaaliya ka sheegtay shirka Meertada 32-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta?

Jaamacadda Carabta3 weeks ago

Shirka Jaamacadda Carabta: Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad ayaa weerar ku qaaday dalka Turkiga

Yurub3 weeks ago

Shiinaha ayaa ka digay inay Yukrayn ku biirto NATO, isagoo sheegay inaysan hagaajin doonin ammaanka gobolka

Diblomaasiyadda & Dunidda3 weeks ago

Diblomaasiga ruug caddaaga ah ayaa hadda aaminsan in Yukrayn loo ogolaado in ay ku biirto kooxda militariga ee NATO

Afrika4 weeks ago

In ka badan 700,000 oo Suudaani ah ayaa ka qaxay guryahoodii dagaalka iyo rabshadaha ka jira awgeed, IOM ayaa tiri

Bariga dhexe4 weeks ago

Sacuudi Carabiya iyo Suuriya ayaa ku heshiiyey inay dib u soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed

WARBAAHINTA4 weeks ago

FBI-da ayaa jabsatay kombuyuutarrada Mareykanka si ay ‘hagaajiso malware-ka Ruushka’

Qoyska & Horumarinta Bulshada1 month ago

Barro sidda wax kasta loo barto si dhakhsi leh – Farsamada Richard Feynman

Siyaasadda Arrimaha Dibadda1 month ago

Xiriirka Soomaaliya iyo Ingiriiska

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Xiriirka Shiinaha iyo Ruushka: Xog ku saabsan xariirka taariikhiyeed ee Shiinaha iyo Ruushka

WARBAAHINTA1 month ago

Dowladda Ingiriiska oo qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud, ujeedka waa maxay?

Ameerika1 month ago

Maraykanka ayaa daaha ka qaaday qorshe lagu niyad jebinayo soogalootiga kasoo cararay dalalka Ameerika

WARBAAHINTA1 month ago

Madaxweynaha Iiraan oo booqasho taariikhi ah ku tegeya Suuriya

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Dowladda Xassan Sh. Maxamuud wakhti horeba maku fashilantay hoggaanka dalka?

Afrika1 month ago

Qaramada Midoobay ayaa ergay degdeg ah u dirtay dalka Suudaan

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada1 month ago

Qeybtii 3aad. Furaha xalka Soomaaliyaa- Siddee ayay suurtagal ku ahayn inay wada fariistaan Dowlada Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab?

Qurbo Joogta1 month ago

Gacaliso Anniken Huitfeldt: Ha iloobin qurba-joogta Afrikaanka, gaar ahaan Soomaalida Norway!

English Post1 month ago

Somali People Unite: A Call to Action for Civil Disobedience

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo Kampala kaga qeybgalaya shir ku saabsan sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahayeen amniga

Geeska Afrika1 month ago

Kenya: Dhimashadii ugu darneyd ee la xiriirta cibaado diineed: Tobanaan qof oo is-dilay ayagoo aaminsan inay la kulmayaan Nebi Ciise

WARBAAHINTA1 month ago

Soomaaliya oo muwaadiniinteeda kasoo daad-gureysa Suudaan

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Waa kuwee jilayaasha caalamiga ah ee ku lugta leh rabshadaha Suudaan?

English Post2 months ago

Political Elite Benefit While Youth Needs Ignored, Says Qaransoor Party

Dhaqaalaha2 months ago

Masar, Turkiga dib-u-heshiisiintooda dhaqaale waxaa ka faa’idaysan doona labada dhinac: Khubarada

Dhaqaalaha2 months ago

Sicir bararka UK, oo ah kan ugu sarreeya galbeedka Yurub, ayaa wax yar hoos u dhacay bisha Maarso

Afrika2 months ago

Nidaamka daryeelka caafimaadka Suudaan ‘wuxuu qarka u saaran yahay inuu burburo’, ayay tiri WHO

koonfurta Bari Aasiya2 months ago

Dalka Hindiya oo noqonaya dalka ugu dadka badan caalamka, waxaana kaalinta labaad geli doona Shiinaha

English Post2 months ago

Somalia’s Call to Lift the Arms Embargo: Why the International Community Should Listen?

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Xog sirdoon oo ay leedahay dowladda Mareykanka oo saameyn ku yeelan kara amniga dalka oo la dusiyey

WARBAAHINTA2 months ago

Mudaharaad ka dhacay gobolka Amxaarada oo looga soo horjeedo kala dirista ciidanka gobolka

Bariga dhexe2 months ago

Iiraan oo Sucuudiga u diraysa wafti dib u furaayo safaaradda ay ku leeyihiin Riyaadh, kadib heshiiskii Beijing

WARBAAHINTA2 months ago

Israa’iil ayaa duqeysay Gaza, Lubnaan iyadoo Falastiiniyiintu ay wacad ku mareen inay iska caabinayaan

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Shiinaha oo digniin u diray Maraykanka iyo NATO oo ku saabsan dagaalka Yukrayn

Bariga dhexe2 months ago

Dowladaha Iiraan iyo Sacuudiga ayaa wacad ku maray inay nabad ka dhigi doonaan Bariga Dhexe

Xul