Connect with us

Siyaasadda Soomaaliweyn

Maxaa sabab u ah cagajiid jadwalka doorashooyinka Soomaaliya?

Published

on


Bartamihii sebteembar 2020 waxaa heshiis laga gaaray doorashada dalka 200/2021 kadib kulan dhex maray Madaxda DFS & DG oo horay wada-xaajood saddex heer maray ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Dhuusamareeb (3) kama aysan qayb gelin Madaxda DG Puntland & Jubbaland, waxa ay taasi keentay in ay diidaan natiijada heshiiska ay saxiixeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Madaxda DG Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

1-dii Sebteembar 2020, Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray Axmed Madoobe & Saciid Deni si ay ula kulmaan Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, maadaama ay diideen qodobada lagu heshiiyay Dhuusamareeb (3).

Labo todobaad oo ay is hor fadhiyeen wax natiijo ah waa laga gaari waayay, Axmed Madoobe ayaa dalbaday in Ciidamada Dowladda Federaalka ee la geeyay Gedo laga soosaaro, halka Siciid Deni uu ku taageeray.

Dadaal dheer kadib waxaa la go’aamiyay in la kordhiyo ka qayb galayaasha oo loo yeero Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed & Hirshabeelle oo Baydhabo isugu tagay 9-kii Sebteembar 2020, wax saacad ka yar kulmay, kadibna u soo safray Magaalada Muqdisho.

26/Sebteembar/2020, labada Gole ee BFS ayaa u codeeyay heshiiskaas dalka uu ku aadayo Doorashada 20/21, waxaana qaab gacan taag ah ku coddeeyay 252-mudane oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

1-dii Oktoober 2020, Madaxda DFS & DG ayaa markale go’aamiyay jadwalka doorashada, xubnaha guddiga farsamada iyo xalinta khilaafaadka, dhabbaha loo marayo doorashada Senatarada, Golaha Shacabka, Guddoonka & Madaxweynaha.

Jadwalka doorashada Soomaaliya ee labada aqal iyo madaxweynaha.

Jadwalkaas waxaa kamid ahaa in xubnaha xulista Guddiga Farsamada & xalinta khilaafaadka oo la go’aamiyay 10-ka ilaa 20-ka Oktoobar 2020, marka laga tago DG Jubbaland & Koofur Galbeed maamulada kale waa ay la dhaaftay magacaabista waqtigaas.

20-ka ilaa 31-ka October 2020, waxaa u jadwalaysan in ay qaataan tabbabaro loogu xirfad kordhinayo xubnaha Guddiga doorashada si loo tuso qaabka shaqo ee Doorashada 20/21, hubinta Ergada & wada-shaqeyntooda.

Sida howshu ay u socoto & raacista Jadwalka wadajirka u dejiyeen Madaxda DFS & DG oo dadka qaar ayaa dhaliilsan sida aan loo dhaqan gelinin, maadaama bilawgii tobbanka cishe ee soo xulista Guddiga Farsamada laga baxay xeendaabka waqtigaas.

1-da ilaa 30-ka November 2020, waa soo xulista, diyaarinta Ergooyinka & Goobaha Codbixinta, waana jadwalka saddexaad oo haatan su’aal la gelinayo, maadaama aan jirin dhaq-dhaqaaq la xiriira xareynta ergooyinka iyo madaxda beelaha soo xuleysa.

Haddaba, Cagajiidka sababta u ah in laga gudbo waqtiga jadwalka Doorashada 20/21 ee ku qoran in lagu qabanayo howl waliba ma waxa uu ka socdaa dhanka Dowladda Federaalka mise Dowlad Goboleedyada?

 

 

 

Share This:

Facebook Comments Box

Waa wariye da’yar oo wax ku qora Diblomaasi.com, wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada, siyaasadda Soomaaliya, horumarinta nolosha iyo dhacdooyinka qaybaheeda kala duwan. Waa aasaasaha warbaahinta radio Magan.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Siyaasadda Soomaaliweyn

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo Muqdisho soo gaaray

James Swan ayaa si ku meel gaar ah xilkan u sii haynaya, ka dib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Published

on


James Swan oo ah ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa Axadda maanta ah soo gaarey magaalada Muqdisho, sidaga lugu sheegay bayaan kasoo baxay UNSOM.

“Mudane James Swan wuxuu diirradda saari doonaa in uu Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ka taageero in ay horumariyaan arrimaha mudnaanta hortabinta leh ee nabadda, amniga, horumarinta iyo qaran-dhisidda.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka xafiiska UNSOM oo intaas raaciyay “ka hor inta uusan soo gaarin magaalada Muqdisho wuxuu kulamo ballaaran la soo qaatay madaxda Xarunta-dhexe ee Qaramada Midoobay.

Waa markii labaad ee uu James Swan shaqo u yimaado Soomaaliya, isaga oo horey u soo ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan iyo Madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022, ka dib markii uu muddo dheer ka soo shaqeeyay adeegga diblomaasiyadda ee dalka Mareykanka.

14-kii bishan Maay, ayaa Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ku dhawaaqay magacaabista james Swan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa talaadaddii u magcaabay James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka inuu noqdo sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo sidoo kalena hoggaamin doonaa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM.

James Swan ayaa si ku meel gaar ah xilkan u sii haynaya, ka dib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Sanadkii 2023, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku dhawaaqay in Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM). Waxay horey u beddeshay James Swan oo hadda markale lagu soo celiyey Soomaaliya.

Catriona Laing waxa ay xilalka noocaan oo kale kusoo jirtay in ka badan 35 sano waxayna ka dhaxashay khibrad dhinaca diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, oo ay ku jirto in ay siyaasadda dawladda Ingiriiska ka soo qabatay waaxyo kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah. Dhawaanahan, laga soo bilaabo Noofambar 2018 ilaa Abriil 2023, waxay u soo noqotay Wakiilka Sare ee dowladda Ingiriiska u fadhiya Nayjeeriya. Intaa ka hor, waxay ahayd Safiirka Ingiriiska ee Zimbabwe 2014 ilaa 2018.

Catriona Laing waxa ay xilalka noocaan oo kale kusoo jirtay in ka badan 35 sano waxayna ka dhaxashay khibrad dhinaca diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, oo ay ku jirto in ay siyaasadda dawladda Ingiriiska ka soo qabatay waaxyo kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah. Dhawaanahan, laga soo bilaabo Noofambar 2018 ilaa Abriil 2023, waxay u soo noqotay Wakiilka Sare ee dowladda Ingiriiska u fadhiya Nayjeeriya. Intaa ka hor, waxay ahayd Safiirka Ingiriiska ee Zimbabwe 2014 ilaa 2018.

Marka laga soo tago doorkeeda diblomaasiyadeed, Catriona Laing waxa ay soo qabatay jagooyin kala duwan siyaasadda dawladda iyo horumarinta caalamiga ah, gaar ahaan waxa ay soo noqotay Ku-xigeenka Madaxa Qaybta Istaraatiijiyadda Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska (2000-2004), Agaasimaha Xuquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Caddaaladda (2009-2012). iyo Madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Suudaan (2006-2009). Waxay kaloo madax ka ahayd Xafiiska Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 1993 ilaa 1994kii.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

James Swan oo loo magcaabay sii hayaha Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya iyo xafiiska UNSOM

James Swan ayaa si ku meel gaar ah xilkan u sii haynaya, ka dib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Published

on


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa talaadaddii u magcaabay James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka inuu noqdo sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo sidoo kalena hoggaamin doonaa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM.

James Swan ayaa si ku meel gaar ah xilkan u sii haynaya, ka dib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Sanadkii 2023, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku dhawaaqay in Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM). Waxay horey u beddeshay James Swan oo hadda markale lagu soo celiyey Soomaaliya.

Catriona Laing waxa ay xilalka noocaan oo kale kusoo jirtay in ka badan 35 sano waxayna ka dhaxashay khibrad dhinaca diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, oo ay ku jirto in ay siyaasadda dawladda Ingiriiska ka soo qabatay waaxyo kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah. Dhawaanahan, laga soo bilaabo Noofambar 2018 ilaa Abriil 2023, waxay u soo noqotay Wakiilka Sare ee dowladda Ingiriiska u fadhiya Nayjeeriya. Intaa ka hor, waxay ahayd Safiirka Ingiriiska ee Zimbabwe 2014 ilaa 2018.

Catriona Laing waxa ay xilalka noocaan oo kale kusoo jirtay in ka badan 35 sano waxayna ka dhaxashay khibrad dhinaca diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, oo ay ku jirto in ay siyaasadda dawladda Ingiriiska ka soo qabatay waaxyo kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah. Dhawaanahan, laga soo bilaabo Noofambar 2018 ilaa Abriil 2023, waxay u soo noqotay Wakiilka Sare ee dowladda Ingiriiska u fadhiya Nayjeeriya. Intaa ka hor, waxay ahayd Safiirka Ingiriiska ee Zimbabwe 2014 ilaa 2018.

Catriona Laing waxa ay xilalka noocaan oo kale kusoo jirtay in ka badan 35 sano

Marka laga soo tago doorkeeda diblomaasiyadeed, Catriona Laing waxa ay soo qabatay jagooyin kala duwan siyaasadda dawladda iyo horumarinta caalamiga ah, gaar ahaan waxa ay soo noqotay Ku-xigeenka Madaxa Qaybta Istaraatiijiyadda Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska (2000-2004), Agaasimaha Xuquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Caddaaladda (2009-2012). iyo Madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Suudaan (2006-2009). Waxay kaloo madax ka ahayd Xafiiska Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 1993 ilaa 1994kii.

Catriona Laing waxay shahaadada MSc ee dhaqaalaha ka qaadatay Dugsiga Dhaqaalaha iyo Sayniska Siyaasadda ee London iyo Heerka Labaad Maamulka Ganacsiga oo ay ka qaadatay Jaamacadda Cranfield, labada jaamacaddood waxay ku yaallaan Boqortooyada Ingiriiska.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyey Catriona Liang shaqadii ay ka soo qabatay xafiiska UNSOM iyo weliba Soomaaliya xilligan adag.

James Swan ayaa ah diblomaasi khabiir ah oo aqoon durugsan u leh siyaasadaha Afrika, wuxuuna hore u soo noqday wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, intii u dhexeysay 2019 illaa 2022.

Ka hor, wuxuu sidoo kale u soo noqday Danjiraha Maraykanka u fadhiya Jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo, intii u dhexeysay 2013 illaa 2016, isaga oo sidoo kale soo noqday wakiilka gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhexeysay 2011 illaa 2013.

James Swan ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaradda arrimaha debedda Maraykanka oo ay ku jirto inuu soo noqday ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha debedda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika intii u dhexeysay 2006 illaa 2008.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Heshiisyada dowladda Xassan Sheekh la gashay Turkiga waxaa ku jira sii deynta wiilka madaxweynaha oo dil ka gaystay Turkiga

Dhowaan wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa shil gaari ku dilay nin Turkish ah, taasi waxay dhalisay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu maro cadaaladda, waxaana lagu xukumay labo sano oo xabsi ah iyo lacag magdhow ah.

Published

on


Iskaashiga iyo heshiisyada horumarinta ee Soomaaliya iyo Turkiga waa mid dhinacyo badan leh, waxaana ka mid ah iskaashiga milatari, bulsho, dhaqaale iyo kaabayaal kale. Soomaaliya waxay sidoo kale ka mid tahay dalalka uu Tukrigu maalgashtay siyaasad ahaan, dhaqaale iyo militari ahaan tan iyo sanadkii 2011. Gudaha Soomaaliya waxaad ku arkaysaa ganacsiyo badan uu Turkiga leeyahay sida maqaayadaha, Hotelada iyo ganacsiga dhisida guryaha. Laakiin sheekada heer qaran waa ay iska beddelay, ee waxay isu bedeshay dano gaar ah.

Dhowaan wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa shil gaari ku dilay nin Turkish ah, taasi waxay dhalisay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu maro cadaaladda, waxaana lagu xukumay labo sano oo xabsi ah iyo lacag magdhow ah.

Dilka uu gaystay wiilka madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa waxaa soo hoos galay heshiisyada qaran ee lalla galaayo dowladda Turkiga si loo sii daayo wiilka Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud. Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxay galeen heshiis iskaashi dhanka iweydaarsiga dambiileyaasha, maxaabiista iyo eedeysanayaasha ah, heshiiskaan ayaa saameynaya kiis hadda tagaan.

Sida uu dilka u dhacay

Baaritaan ku saabsan dilkii uu ku lugta lahaa wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo ay wadeen khubarrada dambiga iyo Machadka foreensigga dalka Turkiga ayaa soo saaray warbixin cusub. Warbixinta ayaa lagu sheegay in shilka gaari ee ka dhacay magaalada Istanbul 30-kii bishii Nofeembar ee uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ah wade mooto uu khaladka lahaa Maxamed Xassan Sheekh Maxmuud sida lagu sheegay natiijada baaritaanka Machadka iyo Khuburrada. Natiijada baaritaanka ayaa lagu sheegay in Maxamed Xasan Sheekh oo si xawli ah ku socday uu ku dhacay mootada, isagoo u leexiyay dhanka midig, halka darawalka mootada Göçer uu yareeyay xawaarihiisa oo u leexday dhanka saxda ah.

Warbixinta baaritaanka waxaa kale oo lagu sheegay Maxamed Xassan Sheekh uusan tixgalin xaaladda, oo uusan qaban bareegga, sidaasna uu khaladka ku lahaa. Natiijada ayaa noqotay in wiilka uu dhalay Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa lagu eedeeyay in uu galay shilka dhimashada keenay, kaas oo ka dhacay waddada Aksaray Kennedy ee magaalada Istanbul waxaan ku geeriyooday Yunus Emre Göçer oo 36 jir ah.

Turkiga: Goobtii shilku ka dhacay

Kooxo khabiirro ah oo sameeyanayay baaritaan ayaa warbixinta ay soo saareen la wadaagay warbahinta DHA ee dalka Turkiga. Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in mootada ay si lama filaan ah dhinac midig ugu leexatay isaga oo aan shidin wax calaamad ah, darawalku ma uusan wadan koofiyad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in inkasta oo uu bareegga qabtay, haddana uu ku dhacay mootada, laakiin khabiirradu waxay shaaciyeen in wadaha mootada dhinac u leexaday, balse Maxamed Xassan uu ku dhacy oo gaariga uusan tartiib u wadin, gaarigana uu ahaa gaariga safaaradda Soomaaliya.

Heshiisyada dowladda Soomaaliya la gashay Turkiga waxaa ku jirra dano gaar ah

Markii uu dhaqangalo heshiiskaan waxay Turkigu ku qasbanaa doonaan in wiilka Madaxweynaha ay ku soo wareejiyaan dowladda Soomaaliya, si xabsigiisa inta ka dhiman uu ugu qaato Soomaaliya, in heshiiskaani dhaco waxaa la tuhinsan yahay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo juhdi badan ku bixiyey.

Heshiiska Garsoorka ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga oo ay shalay ansixiyeen golaha wasiirada ayaa ka kooban afar qeybood, waxaana diiradda lagu saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.

Qodobka dareenka iyo muranka badan dhaliyay ayaa ah midka, Dhiibidda eedeysanayaal ama dembiileyaasha, qaar ka mid ah khubarada iyo siyaasiyiinta ayaa ka digay saameynta uu yeelan karo qodobkan ku saabsan isu soo gacan galinta eedeysanayaasha ama dembiileyaasha.

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya Xasan Macalin oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in heshiiskan aysan jirin sabab looga baqo.

“Waddamada waxaa jira heshiisyo ay galaan labada dal oo xiriir laba geesood ah ka dhaxeeyo, heshiisyadaas waxaa la yaraahdaa Extradition, qof baa dambi ka galaya wadanka marka dalka kale ayaa soo dalbanaya marka taas hadda waan kala saxiixanay golaha wasiirada ayaana la marsiiyay, lama dhihi karo heshiiskan waxay dowladdu u adeegsa doontaa arrimo siyaasadeed,” ayuu yiri wasiir Xasan.

Waxaa uu sheegay in heshiiskan isu gudbinta dambiilayaasha iyo eedeysanayaasha uusan siyaasad iyo mucaarad midna quseyn, islamarkana uu yahay mid caalamka oo dhan ka jira.

“Dhiibid eedeysanayaasha ama dembiileyaasha wax mucaarad iyo siyaasad ah ma aha, isu soo gacan galinta waxaa uu leeyahay qaabab sharci ah oo maxkamado ayuu maraa labada wadan-ba marka qofka dambiga halkan ka galay cadeymihiisa ayaa la geynayaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Xasan Macalin.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

“Ma aqbalayno in mar kale aan ku laabano doorashadii teendhada” – RW Xamsa Cabdi Barre

Xamza Cabdi ayaa hadalkaan ka jeediyey shir shalay ka furmay magaalada Muqdisho oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Geeddi socodka hirgelinta Hannaanka dhab-u-heshiin Qaran.”

Published

on

Sawirka Xafiiska RW

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, oo dadweynaha Soomaaliyeed ay ku soo doortaan hoggaankooda.

Xamza Cabdi ayaa hadalkaan ka jeediyey shir shalay ka furmay magaalada Muqdisho oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Geeddi socodka hirgelinta Hannaanka dhab-u-heshiin Qaran.”

“Annaga ma qarineyno, beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada,” ayuu yirri ra’iisul wasaaraaha Soomaaliya.

“Qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray.”

Madaxweynaha Soomaaliya ee iminka Xasan Sheekh Maxamuud (4.5) iyo madaxdii ka horreysay ee dowladda federaalka ayaa dhammaantood lagu doortay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho. Dhammaantooda waxay ku yimadeen 4.5, ayada oo ay u codeeyeen xildhibaanada labada aqal.

Doorasho qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka dhacday, oo marar badan ay madaxda ballan-qaadeen, ayaan laga dhabeyn sababo la xiriira amniga dalka oo aan hagaagsaneyn iyo dhameystirka dastuurka oo aan lagu guuleysan.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa marar badan ku eedeeyey madaxda xilka haysa in hadalka ku saabsan doorasho qof iyo cod ah uu yahay isku day muddo kororsi.

Dib u xasuuso taariikhdaada

Shalay ayaad na fahamsiisay sabata uu Madaxweyne Xasan Sheekh kuugu magacaabay xilka Ra’iisul Wasaarha dalka, waana inaad maamusho doorashada soo socota ee 2026.

Mudane Xamse shalay waxaad soo hoggaamisay doorashadii ku dhisneyd saddex isoo qora, laakiin, Madaxweynaha ayaa qofkuu rabo kala baxaya (Jubbaland 2019). Ma waxaad rabtaa inaad maamusho doorasho ku dhisan saddex Xisbi baa taryamaya, laakiin, Madaxweynaha ayaa xisbiguu rabo kala soo baxaya!, ayuu yirri Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey “Mudane Ra’iisul Wasaare wax kasta oo kale waad ka hadli kartaa, laakiin fadlan haka hadlin hufnaan doorasho, kaliya dib u xusuuso taariikhdaada dhaw.”

Dowladda Xassan Sh. Maxmauud waa mid boholdheer iska tuurtay soo noqoshadeeduna ay adag tahay marka loo fiiriyo xaalka wadanka uu maanta galay waxaana cadeyn kaaga filan warqada xafiiska madaxweynaha kasoo baxday oo uu ku sheegay in maamulada aysan kasoo qeybgelin shir uu ugu baaqay.

Warqada xafiiska Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud kasoo baxday ayaa lagu yirri “Waxaan si gaar ah hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Dowladda Puntland si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalku in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo.”

Qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee dowladda Xassan Sh. Maxamuud ayaa abuurtay xiisad xooggan, xaalka wuxuu marayaa meel xasaasi ah, ayada oo si weyn looga deyrinayo halka ay sal dhigan doonto. Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay bishii Jannaayo ee sannadkii hore inay isku maamulayaan sidii dawlad madaxbannaan ilaa inta lagu wada heshiinayo dastuurka lagana dhammaystirayo, aftina loo qaadayo.

Ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’rke, Mudane Xasan Cali Khayre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si wadajir ah usoo saaray warsaxaafadeed ayaa ka horymid tallaabadii maanta ee baarlamaanka, gaar ahaan wax ka beddelka dastuurka dalka.

Saddexda mas’uul ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, sida ay ku sheegeen qoraalkooda.

“Madaxweynuhu wuxuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, wuxuu qalqal geliyey geedi socodkii dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska, wuxuu dhaawacay is aaminaddii iyo kalsooni dhiskii ummadda, ayay yiraadeen saddexdooduba.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu sameeyay laba dastuur oo dhibaato u horseedayo mustaqbalka dalka, sida ay hadalka u dhigeen.

“Wuxuu dalka u sameeyey laba dastuur oo muran iyo mugdi gelinaysa sharciyadda Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dastuuriga ah” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Cumar Cabdishiid, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaasi kusii daray inay qaadaceen qodobada dastuurka ee la ansixiyay, ayaga oo tilmaamay inay aqoonsan yihiin dastuurka KMG ee dalka. Waxaan si wadajir ah u qaadacnay dastuurka, waxaan aqoonsanahay dastuurka KMG ah ee 15-ka cusub iyo 143 qodob ka kooban” ayaa mar kale lagu yiri war saxaafadeedka.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqay in wixii mas’uuliyada darro ah ee ka dhashay tallaabadan uu qaadayo Xasan Sheekh iyo guddoonka labada Aaqal ee baarlamaanka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqaalaha

Soomaaliya oo markale deyn raadinaysaa iyadoo wakhti dhow deyn laga cafiyey

Amaahda loo yaboohay dawladaha Afrika ee lagu beddelanayo saliidda iyo macdanta ayaa qayb ka qaadanaya heerka deymaha ee qaaradda curyaaminaya, Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Akinwumi Adesina ayaa ka digay arrintaas.

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

In ka badan 12 madaxweyne oo Afrikaan ah iyo in ka badan 20 wasiir arrimo dibadeed ayaa ku kulmay Nayroobi si ay uga qaybgalaan shir-madaxeedka Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (IDA21), ujeeddadiisuna tahay in wax laga qabto caqabadaha horumarka iyo kobcinta barwaaqada loo dhan yahay, iyo dhaqaale waara oo ay Afrikaanka gaaraan.

Dalalkaan waxaa ku jira Soomaaliya oo shirka matalayo madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud, iyadoo wakhti dhow Soomaaliya laga cafiyey deyn haddii ay markaan qaadatana halis horleh ay geli doonto.

Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka IDA waxay diiradda saaraysaa caawinta 75-ka waddan ee ugu saboolsan adduunka, wadamada ugu badan waa Afrika. Madaxweynayaal ka kala socda dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Madagascar, Ugaanda, Sierra Leone, Malaawi, Tanzaniya, Soomaaliya, Burundi, Mauritania, Ivory Coast, Comoros, ayaa ka mid ah ka soo qeyb galayaasha.

Mala socotaa qorshaha deymaha ee Bangiga Adduunka in Afrika fakhri uusan ka saari karrin balse kusii ridi kara fakhri horleh. Waxaa fikirkaas aaminsan dhaqaallo-yahan Akinwumi Adesina ahna Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Afrika. Heshiisyada amaahda ee mugdiga ku jirra ayaa wiiqaya kobaca dhaqaalaha qaaradda Afrika, ayuu yirri Gudd. Bangiga Horumarinta Afrika mudane Akinwumi Adesina.

Amaahda loo yaboohay dawladaha Afrika ee lagu beddelanayo saliidda iyo macdanta ayaa qayb ka qaadanaya heerka deymaha ee qaaradda curyaaminaya, Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Akinwumi Adesina ayaa ka digay arrintaas.

Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina, oo ah dhaqaaleyahan reer Nayjeeriya ah iyo khabiir bangiyada ayaa dhaleeceeyay isticmaalka “asymmetrical” “aan daah-furneyn” deyn aan daah furneen ay qaarada dhibaato badan ku haysa ayuu ku yirri wareysi ay daabacday Semafor Africa Arbacadii.

“Waxaan u maleynayaa in la joogo waqtigii aan lahaan lahayn isla xisaabtanka daah-furnaanta deynta oo aan hubinno in dhammaan waxyaalahan oo dhan ee deyntan kheyraadka dabiiciga ah ay dhab ahaantii dhammaadaan, sababtoo ah waxay adkeyneysaa arrinta deynta iyo arrinta xallinta deynta,” ayuu yirri.

Sida laga soo xigtay Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina, deynta dibadda ee qaaradda ayaa kor u kacday $824 bilyan sanadka 2021, iyadoo waddamada qaar ay u qoondeeyeen 65% GDP-gooda adeegga deynta. Waxay ku qarash gareyn doontaa lacag dhan $74 bilyan oo doolar bixinta sanadkan oo kaliya, taasoo sare u kac weyn ka ahayd $17 bilyan sanadkii 2010, ayuu raaciyay.

In ka badan 12 madaxweyne oo Afrikaan ah iyo in ka badan 20 wasiir arrimo dibadeed ayaa ku kulmay Nayroobi si ay uga qaybgalaan shir-madaxeedka Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (IDA21).

Warbixin uu daabacay 2020 machadka maamulka Kheyraadka Dabiiciga ah (NRGI) oo ku saabsan 52 deyn kheyraad taageertay oo la soo saaray intii u dhaxeysay 2004 iyo 2018 ayaa lagu ogaaday in 30 xarumood, oo wadartoodu ay dhan tahay $66 bilyan, loo qoondeeyay waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

Waxa ay sheegtay in in ka badan 50% dhaqaalaha laga soo amaahday Bankiga Horumarinta Shiinaha iyo Shiinaha Eximbank, iyadoo inta soo hartay ay bixiyeen ganacsatada caalamiga ah ee badeecadaha sida Glencore, Trafigura, iyo Standard Chartered, gaar ahaan Chad, Jamhuuriyadda Koongo. iyo Koonfurta Suudaan.

Madaxweynaha AfDB, oo maareeyay in ka badan $18 bilyan oo hanti ah, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in dabeecadda aan sinnayn ee wada xaajoodka, iyadoo amaah-bixiyeyaashu ay sida caadiga ah gacanta sare ku hayaan oo ay shuruud uga dhigaan waddamada Afrikaanka ah ee lacagta caddaanka ah, ay deymaha ka dhigayaan “mid xun.”

Adesina, si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in daraasadda deymaha ku xiran kheyraadka aysan lahayn “hagaajin” hal waddan oo si gaar ah ugu nugul noocyadan heshiisyada amaahinta.

Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan maalgashiga iyo in mashaariicda la maal-geliyo loo weeciyo dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka Qaaradda ay aas-aas u tahay qorsheyaasha kobcinta nolasha dadkeenna danyarta ah, cirib-tirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga horumarka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

“Soomaaliya marka loo eego dhaawac soo gaaray dhaqaalaheeda iyo Hay’adaheeda dowladeed, maanta waxaa muuqanaysa in ay aad u soo kabatay oo ka soo gudubtay marxaladdii aadka u adkayd, iyadoo cagta saartay dhabbaha xasilloonida dhaqaale, horumar bulsho iyo mid ganacsi. Saas oo ay tahay waxaan sii wadnaa qorsheyaal lagu xaqiijanyo soo kabashadaas dhaqaale iyo dhiirri-gelintiisa”.- ayuu yirri mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boggaadiyay Madaxda Bangiga Adduunka dadaalka ay ku bixinayaan maalgelinta iyo awood-siinta dowladaha nugul, si xal waara loogu helo aafooyinka dib u dhigay nolasha shucuubta dalalkaas.

Soomaaliya oo laga cafiyay $4.5 bilyan oo deyn ah

Guddiyada Fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (IDA) ayaa ansixiyay Waddamada Faqiirka ah ee deymaha badan leh (HIPC) ee Soomaaliya, kaas oo bixiya wadarta kaydinta adeegga deynta ee dalka lagu leeyahay US$4.5 bilyan.

Dayn cafintan ayaa fududeyn doonta helitaanka ilo dhaqaale oo dheeri ah oo muhiim ah, kuwaas oo ka caawin doona Soomaaliya xoojinta dhaqaalaheeda, yareynta saboolnimada, korna u qaadi doona shaqo abuurka, sida lagu yiri bayaan wadajir ah oo kasoo baxay Bankiga Adduunka iyo IMF.

Daynta gudista Soomaaliya ayaa waxaa kala bixiyey IMF ($343.2 milyan), IDA ($448.5 milyan), Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF) (131.0 million), deyn bixiyeyaal kale ($573.1 million), iyo dalal iyo ganacsiyo kale ($3 bilyan). Dayn-bixiyayaasha kale ayaa waxaa ku jira Naadiga Paris (Paris Club) iyo Kooxa Iskaashiga Carabta.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul