Connect with us

Aragti, Dhaqan iyo Caqiido

Maxaa Sababay in Carradu Kala Gadisanaato? – Carro Aasiidheedka

Published

on

 


Carro-aasiidheedku waa hab dabiiciya kaas oo ku lug leh samaysmidka carrada. Waxayna inta badan aasiidhu ku badan tahay meelaha aadka uqoyan oo roobabku ka da’aan xilikasta. Waxayna inta badan biyuhu hoos udaadajiyaan macaadinta iyagoo samaynaya “leaching” ku waasoo wax barxa sida “Ca2+, Mg2+, K+, Na+”. Waxaana lageeyaa qaybta hoose ee carrada ama “profileka”. Goobaha aadka uqalalan aad ayay gaasir ugu tahay aasiidhku sababtoo ah ma jiraan wax qoyaan ah iyo biyo qaada macaadinta wax barxa sida kuwa kor ku xusan oo kale. Meelaha uu roobku ku yar yahay ama uusan qoyaan saa’ida ka jirin, waxay carrada ka dhigtaa in uu ahaado mid haysta oo ilaashada macaadintiisa. Sida “Ca2+, Mg2+, K+, Na+” shaqadooduna waa ka hortaga in carradu noqoto mid aasiidheed ah.

Midaaso dhaawac u keenta carro ku haboonayt koritaanka dhirta iwm. Dhulka saxaro xigeenka ah waa dhul aad ugu badan tahay bayska, oo PH-keedu waxa uu ka weyn yahay 7. Badanaa waxa uu noqdaa carro bays ah oo waxaa ku bata walxaha milma ee cusbada, sida soodhiyaam salfayt, kaalshiyaam kaarboonayt iyo soodhiyaam kaarboonayt. Waxaa carradaas loo yaqaan carro bays ah.

Maxaa sababay in carradu kala gadisanaato?

Waxaa jira qodobo saamayn weyn ku leh isbeddelka ku dhaca carrada, waxaana loo tiiriyaa qodobadaan soo socda:-

  1. Saamaynta ay gaystaan walxaha kiimikada ah taas oo badasha midabka carrada
  2. Waxyeelada ay gaystaan noolaha ku dulnool carrada korkeeda
  3. Saamaynta iyo isbeddelka ay keento lumitaanka nafaqada
  4. Saamaynta ay carrada ku keento dikhowga
  5. Iyo aasiidhka oo carrada ka dhiga mid sun ah

Marka carradu noqoto mid aasiidh leh ama dhex-dhexaada, ama bays ah waxaa go’aamiya xaddiga ribnaanta haydarojiinta iyo haydarog saydhka. Biyaha saafida ah waxayna siinayaan isleeg, haddii la kala jabiyo biyaha maxsuulka waa mid soo noqnoqda sida.

H2O   H+ +OH-

Biyaha isku dhiskooda ayaa loo burburiyaa laba qaybood marka hore waxay ka samaysantaa laba haydarojiin iyo hal ogsijiin. Marka lakala burburiyo waxay ukala baxdaa haydarojiin iyo haydarogsaydh sida ku aragno falgalka kor ku xusan.

Haddii isleegtaan falgal ay tahay mid aad ukala badan qaybta bidixda hal toban milyan oo molikuyuuliyaal oo biyo ah in ay u burburaan haydarojiin iyo haydarogsaydh. Ribnaanta maxsuulka soobaxa heerkulkiisu waa mid aan isbeddelin oo joogto ah, waxayna saynisyahanadu sheegaan in uu gaaro 25C0 oo u dhiganta 1*10-4. Waxaa waajib ah ribnaanta biyaha saafida ah in uu isleegyahay maxsuulka haydarojiinta iyo haydarogsaydhka. Sidaa silamida haddii maxsuulka soobaxaa lasiyaadiyo waxaa yaraanaya kan kale, haddii aan siyaadsho xaddiga haydarojiinta toban jeer 10-7 ilaa 10-6, ribnaanta haydarogsaydhka waa uu yaraadaa toban jeer 10-7 ilaa 10-8. Waxaana lagama maarmaan ah in ay isku buuxiyaan 10-14, oo markaa maxsuulkii haydarojiinta 10-6 lagu daro maxsuulkii haydarogsaydhka 10-8 ay isku buuxinayaan 10-14. .

Haddii ribnaanta haydarojiinta ay tahay mid dhex dhexaada 10-5, waxay u dhigantaa PH-keedu 5, waana aasiidh. Haddii ribnaanta haydarogsaydhka uu yahay 10-9 waxay u dhigantaa 9, waana bays dhex dhexaada aan saamayn weyn lahayn.

PH-ka waxaa lagu cabiraa

  1. Isbeddelka ku yimaada midabka
  2. Iyo kala duwanaanshaha xaddigga haydarojiinta

Saamaynta uu aasiidhku ugaysto noolaha

Waxaa jiraa waxyeelo badan uu gaysto aasiidhku waana khatar, waxa uu dhexgalaa carrada, waxaa uu ku milmaa macaadinta kadibna waxaa qaata dhirta siyaabo kala duwan. Waxaana macaadinta kamida kuwaan soo socda:-

  1. Walxo sun ah sida “Mn. Al, Fe, iyo H”
  2. Nafaqo yari waxaa ku yaraada “Ca, Mg, Mo iyo P”
  3. Saamaynta uu gaysto noolaha sida in carrada laga dhigo mid aasiidh ah

Haddii aan mid mid ufiirino macaadinta aan kor ku xusnay waxyaabaha ay sababaan

A) Al, waa khatar haddii qiimaha ama PH-keedu gaaro >4.5.

  1. B) Al, waxaa lagu kaydiyaa xididka, waxaana qaata geedka, kadibna waa dhintaa waayo waa sun oo waa aasiidh

  2. C) AL, waxay keentaa dhaawac ku yimaada dahaarka sare ee geedka. Waxayna caqabad ku noqotaa fiditaanka unuga, waxa uu u horseedaa in geedka laamihiisu yaraado, koritaanka xididkuna waxa uu noqdaa mid aan baahin

  3. Mn, Fe iyo H

  4. Mn, waxa uu ka midyahay walxaha uu qaato geedku, waana khatar. Waxa uu kamid yahay cudurada ku dhaca geedka, waxa uuna saamayn weyn ku leeyahay midabka cagaarka ah ee caleenta, waxa uuna ubadalaa jaale. PH-keeduna waxaa lagu sheegaa in uu yahay >5.5

  5. b) Fe, waxaa qaata dhirta, haddii PH-ku gaaro <4.0, waa khatar, waana sun geedkuna wax koritaana masamaynaayo.

  6. c) H, haddii haydarojiintu PH-keedu yahay >4.0 waa sun waana aasiidh riban oo xoogleh, waxayna dhaawacdaa dahaaarka xididka.

Isku soo wada duuduubo halkaan waxaan ka fahmaynaa in aasiidhku yahay khatar aad u weyn taas oo saamayn weyn kuleh dhammaan noolaha oo dhan. Waayo aasiidhku waa sun waxay cuntaa jirka bini aadamka, waxay dildilaacisaa dharka marka ay ku daadato. Waxayna taas ku tusaysaa in ay tahay caqabad weyn oo soo wajahda deegaanka. Badanaa waxaa haboon in carradu tahay mid dhex dhexaada oo aan aasiidh saa’ida ahayn ph-keeduna uu san ka yaraan 6.5 ilaa 9.5. Wixii intaa kabadan carradu waxay noqonaysaa mid bays ah oo aan wanaagsanayn cusbada ayaa ku badanaysaa haddii markasta kor loo socda ilaa laga gaarayo 14.

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da’yarta, jaceylka iyo dadka tabaalaysan. Dhinaca kale qoraaga ayaa wax ka qora ganacsiga, siyaasadda, dhaqanka, kheyraadka dalka, Af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska iyo taariikhaha dalka. Qoraa Maxamuud ayaa mar walbo u taagan sidii uu geed-dheer iyo geed-gaabanba ugu fuulilahaa sidii uu usoonoolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummadda Soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Falsafada iyo Arrimaha Bulshada

Shaqsiyaad huwan shaar dowladeed oo barakicin iyo dhulboob ka bilaabay xaafad ku taalla degmada Wadajir

Shaqsiyaadkan ayaa dadka deegaanka ku wargeliyay in muddo kooban gudahooda ay ku faarujiyaan guryahooda oo milkiile ahaan u leeyihiin sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Published

on


Illo wareedyo ay heshay Diblomaasi.com isla markaana ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka ah ayaa tibaaxaya in shaqsiyaad gaar ah oo huwan shaar dowladeed isla markaana lagu sheegay inay yihiin Burcad caadeystay dhaca hantida shacabka birmageedada ah ay doonayaan inay dhulboob iyo barakicin ku sameeyaan xaafadda loo yaqaano Obasiibka waaxda Xalane ee ku taalla degmada Wadajir.

Shaqsiyaadkan ayaa dadka deegaanka ku wargeliyay in muddo kooban gudahooda ay ku faarujiyaan guryahooda oo milkiile ahaan u leeyihiin sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka. Shacabka ku dhaqanka xaafadda Obasiibka ayaa tilmaamay in shaqsiyaadkan aysan u caddeyn ujeedadda, sababta keentay iyo in ay ka duullayaan awaamiir dowladdeed, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka ah.

Ma jirto war rasmi ah ee kasoo baxay maamulka degmada Wadajir ee la xiriirta arrintaan dhulboobka iyo barakicinta ee ka cabanayaan shacabka ku dhaqan xaafada Obasiibka ee degmad Wadajir kuwaasoo sheegay in tiro dhowr jeer ah xirriir ay la sameeyeen maamulka isla markaana wali aysan jawaab sugan ka helin.

Muqdisho afartii sano ee lasoo dhaafay iyo Seddexda bilood iyo maalmaha dheeraadka ah ee dowladda muddo dhaafka ah ay joogto waxaa joogto ka noqday hawlgallada barakicinta ee la sheego in dowladdu muddo xileedkeedu dhammaaday u adeegsanayso dadka rayidka ah ciidamadii loogu talagalay in ay amniga rayidka ah sugaan iyo sidoo kale gaadiidka Cagafcagafta.

Qeybo badan oo magaaladda kamid ah ayaa saameeyay hawlgallada barakicinta ah iyadoo boqolaal kun oo rayid ah la sheegay in ay galaafsadeen hawgalladaasi. Goobaha inta badan dadka laga saaro ayaa la siiya sida la sheegay ganacsato iyo siyaasiyiinta xigto la’ah madaxda waqtigoodu dhammaaday ee Villa Soomaaliya taasoo qeyb ka ah carada dadka rayidka ah halka qaar kalena lagu qasbo in kumanaan doollar ay ku iibsadaan guryaha oo qaarkood la sheego misne la warriyo inay u haystaan dukumenti sax ah oo sabar loogo ah.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli Dowladda Federaalka ay wajahayso eedeymo kaga imaanaya bulshada taasoo la xiriira boobka dhulalka danta guud, barakicinta shacabka marastada ah, jirdilka ay ciidamada dowladda federaalka u geysanaayan shacabka laga barakicinayo dhulka iyo musuqa baahsan ay ka wado degmooyinka gobolka Banaadir.

Eedeeymo musaqmaasuq baahsan

Dhinaca kale, qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ayaa ku eeddeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku yimid nidaamka 4.5 inuu dano gaar ah ka leeyahay barakicinta iyo boobka dhulalka danta guud. Iyadoo muddooyinkan dambe cirka isku shareerayaan cabashooyinka bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho, iyaga oo sheegay in ay dhulboob iyo barakicin ku hayso dowlada federaalka. Maqnaanshaha hababka kormeer iyo isla xisaabtanka dowladnimo ayaa sii kordhisay dhibaatada. Dembiilayaashan waxay u dhaqmeen si aan sharciga waafaqsanayn, taas oo meesha ka saartay kalsoonidii ay shacabku ku qabeen dawladda iyo hay’addeeda.

Sida la wada ogyahay, Madaxweyne Xassan oo si hagar la’aan ah u daba jooga xaraashka dhulalka danta guud iyo bixinta qandaraasyada dowladeed ee reerkiisa, ayaa waxaa soo ifbaxaya dhaqan qallafsan oo hor leh, sida wareejinta lacagaha canshuuraha dowladda ee shirkadaha gaarka loo leeyahay ee xiriirka la leh qoyska Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, oo ka kooban heer wasiir, dowladda hoose ee Xamar, Wasaaradda Maaliyadda, Cashuuraha Berriga, Garoonka Diyaaradaha, Dekedda Muqdisho iyo wixii ka baxsan, waxay hoosta ka xariiqday in si nidaamsan looga faa’ideysanayo tayeynta shaqsiga ah oo ay kharashkeeda ku bixineyso dowladda hoose.

Eedeymaha musuqmaasuqa ee ka dhanka ah dowladda ayaa sidoo kale ah arrin culus oo u baahan in si qotodheer loo baaro. Musuqmaasuqa wuxuu saameyn toos ah ku leeyahay horumarka dalka, maadaama uu curyaamiyo adeegyada bulshada iyo kalsoonida maalgashiga. Sida uu sheegay Paul Kagame madaxwaynaha Ruwaanda : “Musuqmaasuqu waa cadowga horumarka.” Ruwaanda waxay tusaalle u noqotay sida loola dagaallami karo musuqmaasuqa iyadoo la adeegsanayo nidaam adag oo isla xisaabtan leh.

Aragtida maamul dowlad wanaag la’aanta Soomaaliya

Marka la eego aragtida maamulka wanaagsan, hoggaamintu waa in ay noqotaa mid ilaalisa xuquuqda muwaadiniinta, gaar ahaan kuwa nugul. Sida uu sheegay Nelson Mandela: “Hoggaamiye wanaagsan waa kan dadka ka hormariya naftiisa.” Hadalkan ayaa muujinaya in hoggaamiyaha dhabta ahi uu mudnaanta siiyo danta guud, halka eedeymaha hadda taagan ay tilmaamayaan dhaqan ka fog qiyamkaas.

“Hoggaamiyayaasha dhabta ahi, waxay u adeegaan dadkooda, dhiigmiiratadu se waxay u adeegaan naftooda. Xukunka MD Xassan wuxuu noqday ganacsi qoyseed, damiirka dadka oo la iibsado, hantidii dadweyne oo loogu takrifalo sidii mid gaar ah, iyadoo loo qaybinayo xulafada siyaasadeed, xubnaha qoyska, iyo geesawayn kooban oo macaash doon ah, halka danyartii ay kadeedan yihiin oo ay silcayaan. Tani ma aha hoggaamin ee waa boob iyo dhac.” – ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Ummadda Soomaaliyeed waxay u baahan tahay madax si buuxda u fahma oo si buuxda u illaalisa mas’uuliyadda saaran, ku dhaqma dastuurka, danta qarankana ka hormariya wax kasta.” – ayuu yiri hoggaamiyaha Urur Siyaasaddeedka Qaransoor, Cabdijabaar Sh. Axmed.

Maamulka Xasan Sheekh ayaa wajahaya eedeymo culus oo la xiriira musuq maasuq, nin jecleysi, iyo kharashaad mas’uuliyad darro ah. Dhaqamadaasi kaliya ma wiiqayaan horumarka Soomaaliya balse sidoo kale waxay wax u dhimayaan sumcadeeda caalamka. Si ay Soomaaliya horay ugu socoto, waxaa lama huraan ah in madaxdeedu ay mudnaanta siiyaan daah-furnaanta, mudnaanta iyo mas’uuliyadda maaliyadeed.

Cabdijabaar Sheekh Axmed ayaa xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay hoggaan fahamsan mas’uuliyadda saaran isla markaana ilaalin kara dastuurka iyo danta qaranka. Tani waxay tilmaamaysaa baahida loo qabo hoggaan ku dhisan hufnaan iyo isla xisaabtan. “Shacabka Soomaaliyeed waxa ay mudan yihiin madax u heellan daryeelka iyo horumarka qaranka, mana mudna kuwa xilalka ay hayaan uga faa’ideystaan ​​dano gaar ah. Waxaa la joogaa xilligii isbedel hoggaamineed oo si dhab ah uga tarjumaya qiyamka iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.” – ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed.

Dadka deegaanka Obasiibka waxay sheegeen in aysan helin sabab sharci ah oo lagu barakicinayo, taasoo muujinaysa jabinta mabda’a cadaaladda iyo xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha. Sida uu yiri Thomas Sankara: “Cadaalad la’aan meel kasta ka jirta waa halis ku ah cadaaladda meel kasta.” Sidaas darteed, haddii arrimahan aan wax laga qaban, waxay horseedi karaan xasilooni darro ballaaran.

Dhanka kale, shacabka Soomaaliyeed waxay la kulmayaan cadaadisyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin barakicin, jirdil, iyo caddaalad la’aan. Arrimahan waxay muujinayaan baahida loo qabo dib-u-habeyn lagu sameeyo hay’adaha dowladda si loo hubiyo in ay u adeegaan shacabka si cadaalad ah.

Xaaladda ka taagan xaafadda Obasiibka ee degmada Wadajir waxay astaan u tahay dhibaatooyin waaweyn oo ka jira nidaamka dowladeed ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo illaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Cabdijabaar Sh. Axmed ayaa aaminsan “Si loo helo xal waara, waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo hay’adaha dowliga ah, la hubiyo madax-bannaanida garsoorka, isla markaana la dhiso kalsoonida shacabka. Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan ka shaqeeya danta guud, kana fog dano gaar ah, si loo gaaro horumar iyo xasillooni waarta.”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Arrimaha Bulshada

Ma ahaan kartaa isla qofkii aad ahayd marka lagu ammaano iyo marka lagu caayo?

Haddii niyaddaadu is beddesho isla marka qof ku dhaleeceeyo, ma adigaa noloshaada maamula? Mise waxaad tahay mashiin falcelinaya oo keliya waxa ka dhacaya hareerahaaga?

Published

on


Faylasuufkii Roomaanka ahaa ee Stoicism-ka, Seneca, wuxuu fahamsanaa in dadka badankoodu ay addoomo u yihiin duruufahooda. Seneca wuxuu soo maray dhammaan wejiyada nolosha aadanaha. Haddii maanta lagu qiimeeyo hantidiisa, wuxuu ahaan lahaa bilyaneer, wuxuuna ahaa siyaasi heer sare ah ka gaaray siyaasadda. Wuxuu sannado ku qaatay musaafuris iyo go’doon, ugu dambayna waxaa lagu qasbay inuu isdilo amar ka yimid boqorkii uu hore u soo barbaarin jiray. Wuxuu wax ku qoray waayo-aragnimada qof mar guulaystay wax kasta, haddana wax kasta waayay. Seneca wuxuu yiri: “Tijaabada ugu dambaysa ee xorriyaddu waa tan: Ma ahaan kartaa isla qofkii aad ahayd marka lagu ammaano, marka lagu caayo, marka aad faa’iido hesho, iyo marka aad khasaaro la kulanto?”

“Ma ahaan kartaa isla qofkii aad ahayd marka lagu ammaano, marka lagu caayo, marka aad faa’iido hesho, iyo marka aad khasaaro la kulanto?” 

– Seneca

Nolosha bani’aadamka waxaa si joogto ah u saameeya dhacdooyin dibadda ka yimaadda, sida ammaanta, dhaleeceynta, guusha, guuldarrada, hantida, iyo khasaaraha. Dad badan waxay u arkaan in farxaddooda iyo murugadoodu ay ku xiran yihiin sida ay dadka kale ula dhaqmaan ama waxa ku dhacaya noloshooda. Su’aasha muhiimka ahi waxay tahay: haddii niyadda qofku ay is beddesho mar kasta oo la ammaano ama la dhaleeceeyo, yaa dhab ahaan maamulaya noloshiisa? Su’aashan ayaa saldhig u ah falsafaddii Stoicism-ka ee uu hormuudka ka ahaa faylasuufkii Roomaanka ahaa ee Seneca. Aragtidiisu waxay ku dhisan tahay in xorriyadda ugu weyn ee qofku aysan ahayn xorriyadda siyaasadeed ama dhaqaale, balse ay tahay xorriyadda gudaha ee qofku ku xakameeyo fikirkiisa, dareenkiisa, iyo dabeecaddiisa.

Seneca iyo casharrada noloshiisa

Seneca ma ahayn faylasuuf ku hadlayay aragtiyo mala-awaal ah, balse wuxuu ahaa nin soo maray guul iyo guuldarro labadaba. Wuxuu gaaray heerka ugu sarreeya ee siyaasadda iyo dhaqaalaha, isagoo noqday nin aad u maalqabeen ah oo talo siiya boqorro. Isla markaana wuxuu la kulmay musaafuris, go’doon, iyo ugu dambayn amar lagu qasbay inuu naftiisa dilo. Khibradahaas is khilaafsan ayaa ka dhigay inuu fahmo in wax kasta oo dibadda ka yimaadda ay yihiin kuwo is beddeli kara, halka akhlaaqda iyo dabeecadda wanaagsan ay yihiin hantida keliya ee aan laga qaadi karin qofka. Casharka ugu weyn ee laga baranayo noloshiisa waa in qofka qiimihiisa aan lagu cabbirin waxa uu haysto, balse lagu cabbiro sida uu u dhaqmo marka uu waayo wax kasta oo uu lahaa. Guusha dhabta ahi ma aha inaad mar walba guulaysato, ee waa inaad ahaato isla qofkii aad ahayd marka guushu kaa tagto.

Macnaha dhabta ah ee Stoicism-ka

Bulshooyin badan ayaa si khaldan u fahma Stoicism-ka, iyagoo u malaynaya inay tahay falsafad dadka ka dhigaysa kuwo aan wax dareen ah lahayn. Hase yeeshee, Stoicism-ku ma diidana dareenka bani’aadamka. Waxa ay diiddan tahay in dareenku noqdo sayidka qofka. Waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya qof dareen leh iyo qof dareenkiisu maamulo. Qofka wuu murugoodaa marka uu waayo qof uu jeclaa, wuu farxaa marka uu guulaysto, wuuna xanaaqaa marka dulmi dhaco. Laakiin dareennadaas uma oggola inuu lumiyo caqligiisa, akhlaaqdiisa, ama qiyamkiisa. Sidaa darteed, Stoicism-ku waa tababar lagu dhisayo adkaysiga maskaxda, ma aha cabburinta shucuurta.

Xorriyadda gudaha iyo addoonsiga qarsoon

Hadalka Seneca ee oranaya, “Ma ahaan kartaa isla qofkii aad ahayd marka lagu ammaano iyo marka lagu caayo?” wuxuu si qotodheer u qeexayaa xorriyadda gudaha. Dad badan waxay u malaynayaan inay xor yihiin sababtoo ah ma jiraan cid amar ku siiso. Hase yeeshee, haddii hal eray oo qof kale ku yiraahdo uu beddelo niyaddaada maalinta oo dhan, xor ma tihid. Waxaad noqotay maxbuus uu xukumo ra’yiga dadka kale.

“Ma ahaan kartaa isla qofkii aad ahayd marka lagu ammaano iyo marka lagu caayo?”

Sidoo kale, haddii lacagtu kaa dhigto qof isla weyn, ama faqrigu kaa dhigo qof niyad-jabsan oo quusta, waxaa muuqata in shakhsiyaddaadu ay ku xiran tahay duruufo aanad adigu maamulin. Tani waa addoonsi qarsoon oo aan silsilado lahayn, balse maskaxda ku xiran.

Runta ugu adag ee nolosha ayaa ah in aynaan xakamayn karin inta badan waxa nagu dhacaya. Waxaan lumin karnaa shaqo, caafimaad, hanti, ama dad aan jecelnahay. Laakiin mar kasta waxaa weli inoo haray hal awood oo aan cidina naga qaadi karin: sida aan uga jawaabno dhacdooyinkaas. Geed xooggan ma noqdo mid aan dabayl arag, balse waa geed bartay sida uu xididdadiisa ugu adkeeyo dhulka. Sidoo kale, qofka caqliga leh ma aha kan aan la kulmin dhibaatooyin, ee waa kan aan u oggolaan dhibaatooyinku inay beddelaan akhlaaqdiisa. Qof kasta wuxuu leeyahay laba nolol. Midda hore waa waxa adduunku ku sameeyo. Midda labaadna waa waxa uu isagu ka sameeyo wixii adduunku ku sameeyay. Tan labaad ayaa ah meesha ay ka dhalato xorriyadda dhabta ahi. Qarnigan casriga ah, gaar ahaan dunida baraha bulshada, dad badan waxay qiimahooda ku cabbiraan tirada dadka ammaana, jecel, ama la dhacsan. Hal faallo oo taban ayaa mararka qaarkood burburisa kalsoonidii qofku isku qabay, halka ammaan badan uu dhalin karo kibir iyo isla weyni. Falasoofkaan, Seneca wuxuu ina xusuusinayaa in qofka noloshiisa ku dhisa sacabka dadka uu sidoo kale ku burburi doono marka sacabkaasi joogsado. Sidaas darteed, kalsoonida dhabta ahi waa mid ka dhalata qiyamka gudaha, ee aan ka iman bogaadinta bulshada.

“Qofka noloshiisa ku dhisa sacabka dadka uu sidoo kale ku burburi doono marka sacabkaasi joogsado.”

– Seneca

Bulshadeennu maanta waxay si weyn ugu baahan tahay dad leh degganaansho maskaxeed, dulqaad, iyo awood ay ku kala saaraan waxa ay xakamayn karaan iyo waxa aysan awoodin. Qofka sidaas sameeya wuxuu yareeyaa walbahaarka, wuxuuna gaaraa nolol deggan oo macno leh. Falsafadda Seneca waxay ina baraysaa in xorriyadda ugu qiimaha badan aysan ahayn xorriyadda dhaqdhaqaaqa, hantida, ama awoodda, balse ay tahay xorriyadda qofku ku ilaashado naftiisa. Haddii ammaan, dhaleeceyn, guul, ama guuldarro ay beddelaan qofnimadaada, waxaad awoodda noloshaada ku wareejisay waxyaabo aanad gacanta ku hayn.

Qofka xigmadda leh waa kan fahma in dhacdooyinka dibadda ay yihiin hirar is beddelaya, halka qiyamka iyo akhlaaqdu ay yihiin barroosinka nolosha. Sidaas awgeed, xorriyadda dhabta ahi ma aha in adduunku kuu noqdo sidaad rabto; waa inaad adigu noqoto qof aan adduunku si fudud u beddeli karin.

Su’aasha ugu muhiimsan ee qof kastaa is weydiin karo ma aha: “Maxaa maanta igu dhacay?” ee waa: “Waxii maanta dhacay ma beddeleen qofkii aan ahaa?” Jawaabta su’aashaas ayaa go’aaminaysa in qofku yahay maamulaha noloshiisa mise uu yahay qof ay duruufuhu maamulaan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Arrimaha Bulshada

Sifooyinka loogu baahan yahay hoggaamiye Soomaaliyeed

Qaran waxaa dhisa shacabka, laakiin waxaa haga hoggaan daacad ah; marka hoggaanku toosnaado, qarankuna wuu toosaa.

Published

on


Qaran kastaa wuxuu ku dhismaa hoggaan leh aragti fog, daacadnimo, caddaalad iyo karti uu bulshada ku mideeyo. Taariikhda dunidu waxay caddeyneysaa in horumarka iyo burburka ummaduhu ay inta badan ku xiran yihiin tayada hoggaamiyeyaashooda. Maanta, shacabka Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah inay fahmaan waxa lagu garto hoggaamiye wanaagsan iyo sida loo doorto masuuliyiin u adeegaya danta guud, halkii ay ka dooran lahaayeen dano gaar ah ama ballanqaadyo aan sal lahayn.

Hoggaamintu waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhiso qaran nabdoon, horumarsan, isla markaana leh caddaalad iyo midnimo. Taariikhda bani’aadamka waxay marag ka tahay in guusha ama guuldarrada ummaduhu ay si weyn ugu xiran tahay tayada hoggaamiyeyaashooda. Hoggaamiyaha wanaagsan waa qof leh aragti fog, damiir suuban, aqoon, geesinimo iyo karti uu bulshada ku mideeyo himilo qaran. Soomaaliya, oo soo martay marxalado adag oo ay ka mid yihiin dagaallo sokeeye, kala qaybsanaan iyo caqabado siyaasadeed, waxay maanta u baahan tahay hoggaamiyeyaal leh sifooyin ka tarjumaya diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo mabaadi’da hoggaaminta casriga ah.

Falsafaddii hore ee hoggaaminta ayaa si qotodheer leh uga hadashay sifooyinka hoggaamiyaha wanaagsan. Sun Tzu, oo ahaa xeeldheere caan ku ahaa istaraatiijiyadda, wuxuu sheegay in hoggaamiyaha wanaagsan lagu garto garaad, kalsooni, bini’aadannimo, geesinimo iyo adkaysi. Garaadku waa awoodda lagu qiimeeyo xaaladaha laguna gaaro go’aanno sax ah. Kalsoonidu waxay dhalisaa ixtiraam iyo wada-shaqayn. Bini’aadannimadu waa naxariista iyo daryeelka shacabka. Geesinimadu waa awoodda lagu qaato go’aamo adag marka loo baahdo, halka adkaysiguna uu qofka ka caawiyo inuu u adkaysto caqabadaha.

Hoggaamiyaha wanaagsan waxa lagu gartaa garaadka, kalsoonimada, bini’aadannimo, geesinimo iyo adkaysi.

Du Mu, oo sharaxay aragtiyaha Sun Tzu, wuxuu tilmaamay in garaadku yahay awoodda qorshaynta, halka bini’aadannimadu ay tahay jacaylka shacabka iyo daryeelkooda. Wuxuu sidoo kale sheegay in geesinimadu tahay ka faa’iidaysiga fursadaha, halka anshaxuna yahay abuuridda nidaam iyo kala dambayn. Qaran aan lahayn nidaam iyo kala dambayn ma gaari karo horumar waara. Dhanka kale, Jin Lin wuxuu ka digay xad-dhaafka sifooyinka qaarkood. Wuxuu sheegay in garaad aan la soconin bini’aadannimo uu dadka ka fogeyn karo hoggaamiyaha, halka kalsooni xad-dhaaf ahi ay horseedi karto isla weyni iyo kacdoon. Sidoo kale, ad-adayg aan caqli ku dhisnayn wuxuu isu beddelaa dulmi iyo naxariis-darro. Sidaas darteed, hoggaamiyaha wanaagsan waa inuu isku dheellitiraa garaadka, naxariista, geesinimada iyo dulqaadka. Faylasuufkii weynaa Plato wuxuu aaminsanaa in hoggaamiyaha ugu habboon yahay qof jecel runta, neceb beenta, leh akhlaaq wanaagsan, aan hunguri badnayn, dadka si wanaagsan ula dhaqma, geesi ah, isla markaana leh xusuus iyo faham wanaagsan. Aragtidan ayaa weli muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed maanta, maadaama hoggaamiyaha daacadda ahi yahay tiirka lagu ilaaliyo cadaaladda iyo wadajirka bulshada.

Qaran aan lahayn nidaam iyo kala dambayn ma gaari karo horumar waara.

Culimada casriga ah ee hoggaamintu waxay sii xoojiyeen fikradahaas. John Gardner wuxuu tilmaamay in hoggaamiyaha guulaysta uu leeyahay karti, aqoon, faham bulshada, hammi sare, kalsooni, dulqaad iyo awood uu ula qabsado isbeddellada. Kouzes iyo Posner, oo daraasad ku sameeyay tobannaan kun oo qof oo dunida ku nool, waxay ogaadeen in dadka oo dhan ay isku raaceen afar sifo oo ugu muhiimsan hoggaamiyaha: daacadnimo, aqoon, dhiirrigelin iyo aragti cad. John Maxwell isaguna wuxuu ku daray dabci wanaagsan, waayo-aragnimo, kalsooni nafeed iyo geesinimada uu qofku ku diido xeerarka guracan iyo musuqmaasuqa.

Robert Greenleaf wuxuu soo bandhigay mabda’a “Hoggaamiyaha Adeegaha”, isagoo sheegay in hoggaamiyaha dhabta ahi yahay qof dadka u adeega, kana hormariya danahooda kuwa gaarka ah. Hoggaamiyaha noocaas ahi wuxuu ka shaqeeyaa horumarinta waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo nabadda bulshada. Max DePree isaguna wuxuu yiri hoggaamiyaha wanaagsan wuxuu dadka tusaa himilo cad, ugu dambayntiina wuxuu u mahadceliyaa cid kasta oo qayb ka qaadata guusha. Hoggaamiye aan dadka qadarin ma abuuri karo kalsooni iyo wadajir.

Aragtida Islaamka ee hoggaaminta

Islaamku wuxuu tilmaamay dhowr sifo oo hoggaamiyaha looga baahan yahay. Sifada ugu horraysa waa caddaaladda, maadaama hoggaamiye aan caddaalad ahayn uusan abuuri karin kalsooni iyo xasillooni. Hoggaamiyuhu waa inuu dadka u simaa xuquuqdooda, isaga oo aan eex u samayn qabiil, qoys ama saaxiibbo. Sifada labaad waa daacadnimo iyo ammaan. Hoggaamiyuhu waa inuu noqdaa qof lagu kalsoonaan karo, ilaaliya hantida qaranka, kana fogaada musuqmaasuqa iyo ku takri-falka awoodda. Daacadnimadu waxay saldhig u tahay xiriirka u dhexeeya shacabka iyo dowladda. Sifada saddexaad waa la-tashi (Shuuraa). Qur’aanku wuxuu amray in arrimaha bulshada lagu saleeyo wada-tashi. Hoggaamiyaha wanaagsan ma aha qof keligiis go’aannada qaata, balse waa qof dhegaysta culimada, aqoonyahannada, haweenka, dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Caqabadaha horyaalla hoggaaminta Soomaaliya

Bulshada Soomaaliyeed waxay muddo dheer la daalaa dhacaysay hoggaan xumo, qabyaalad, musuqmaasuq iyo dano gaar ah. Dhibaatooyinkaas waxay dhaawaceen kalsoonidii shacabka iyo hay’adihii dowladda. Sidaa darteed, shacabka waxaa laga doonayaa inay ka gudbaan doorashooyinka ku salaysan qabiilka, ehelka ama dano gaar ah, ayna doortaan hoggaamiyeyaal lagu qiimeeyo aqoontooda, kartidooda iyo daacadnimadooda. Waxaa jirta maahmaah Soomaaliyeed oo oranaysa: “Nin lagu seexdow ha seexan.” Maahmaahdani waxay bulshada xusuusinaysaa inaan lagu degdegin kalsoonida qof aan la hubin taariikhdiisa iyo waxqabadkiisa. Hoggaamiyaha wanaagsan waxaa lagu gartaa ficilkiisa, ee laguma garto hadalladiisa oo keliya.

Doorka shacabka Soomaaliyeed

Doorashada hoggaamiye wanaagsan waa masuuliyad saaran dhammaan shacabka. Bulshadu waa inay qiimeysaa aqoonta, akhlaaqda, waayo-aragnimada iyo kartida musharraxa. Sidoo kale, waa inay la xisaabtanto hoggaamiyeyaasha marka ay xilka qabtaan, si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan iyo hufnaan. Qaran horumarsan laguma dhiso hoggaan keliya, balse waxaa dhisa hoggaan iyo shacab wada shaqeeya. Marka shacabka iyo hoggaanku ay wadaagaan himilo qaran, waxaa suuragal noqonaya in la helo nabad, horumar iyo dowladnimo waarta.

Bulshada Soomaaliyeed waxay muddo dheer la daalaa dhacaysay dhibaatooyin ka dhashay hoggaan xumo, qabyaalad, musuqmaasuq iyo dano gaar ah. Taasi waxay keentay in fursado badan oo horumar lagu gaari lahaa ay lumiyaan. Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed ay indhaha kala furaan marka ay dooranayaan hoggaamiyeyaashooda. Waa in aan lagu sirmin hadallo macaan, muuqaal qurux badan ama ballanqaadyo aan waxqabad lahayn.

“Qaran waxaa dhisa shacabka, laakiin waxaa haga hoggaan daacad ah; marka hoggaanku toosnaado, qarankuna wuu toosaa.”

Hoggaamiyaha waa in lagu qiimeeyaa taariikhdiisa, daacadnimadiisa, kartidiisa iyo adeegga uu bulshada hore ugu qabtay. Waxaa jirta maahmaah Soomaaliyeed oo oranaysa: “Nin lagu seexdow ha seexan.” Micnaheedu waa in qofka aan la hubin lagu aamino mustaqbalka bulshada ay tahay khalad weyn. Sidaas darteed, shacabka waa inay hubiyaan in hoggaamiyuhu yahay qof run sheeg ah, leh aragti qaran, kana fog eex, qabyaalad iyo dano gaar ah. Dhismaha qaran xooggan wuxuu u baahan yahay hoggaan mideeya shacabka, dhiirrigeliya waxbarashada, horumariya dhaqaalaha, ilaaliya caddaaladda, kana shaqeeya nabad waarta.

Hoggaamiyaha wanaagsan wuxuu shacabka u arkaa masuuliyad uu Alle hortiisa uga jawaabayo, halkii uu uga arki lahaa fursad uu ku gaaro dano shakhsiyadeed. Sidaas awgeed, xilku waa adeeg, mana aha sharaf keliya. Hoggaamintu waa laf-dhabarta horumarka ummad kasta. Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaamiyeyaal leh aqoon, akhlaaq, geesinimo, daacadnimo iyo damiir nool.

Haddii shacabka Soomaaliyeed ay si miyir leh u doortaan hoggaamiyeyaal tayo leh, waxaa suuragal ah in dalka dib loogu soo celiyo nabad, horumar iyo midnimo. Haddaba, waa inaan ka gudubnaa qabyaalad iyo dano gaaban, kana shaqeynaa dhismaha qaran ay hoggaamiyaan dad karti iyo hufnaan leh. Hoggaamiye wanaagsan waa iftiinka ummadda, halka hoggaamiye xuna uu noqon karo sababta burburka bulshada. Sidaa darteed, doorashada hoggaamiyaha saxda ahi waa masuuliyadda ugu weyn ee shacabka saaran.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Aragtida Indheergaradka

Maxay ka dhigan tahay in Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” loo doortay hoggaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya?

Doorashadan waxay iftiimisay caqabado la xiriira hufnaanta geeddi-socodka siyaasadeed, kalsoonida ay bulshada ku qabto hay’adaha dowliga ah iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Published

on


Doorashada Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” ee xilka hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay noqotay dhacdo siyaasadeed oo saamayn weyn ku leh maamulka Koonfur Galbeed, dowladda federaalka Soomaaliya, iyo guud ahaan nidaamka federaalka ee dalka.

Doorashadan oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa timid xilli uu jiray muran siyaasadeed, loollan hoggaamineed, iyo cabashooyin la xiriiray hufnaanta habraaca doorashada. Natiijada doorashada waxaa hareeyay dood iyo su’aalo ku saabsan habkii loo maareeyay geeddi-socodka doorashada. Waxaa si qotodheer u falanqeynaynaa macnaha siyaasadeed, maamul, amni, iyo dimuqraadiyadeed ee ka dhalan kara doorashada Aadan Madoobe, iyadoo la qiimeynayo fursadaha iyo caqabadaha horyaalla hoggaankiisa cusub.

Asalka doorashada iyo xaaladda Siyaasadeed

Doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed waxay dhacday kadib muddo ku-meel-gaar ah oo socotay 72 maalmood. Intii lagu guda jiray diyaarinta doorashada, waxaa jiray muran ku saabsan habraaca codbixinta iyo qaabka loo maareynayo tartanka musharraxiinta. Wararka ka soo baxay Baydhabo waxay muujiyeen in musharraxiin gaar ahaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ay muujiyeen walaac ku saabsan jebinta heshiisyo hore loo gaaray, kuwaas oo ay ka mid ahayd in aan taleefannada gacanta lala geli karin goobta codbixinta.

Cabashadan waxay dhalisay su’aalo ku saabsan heerka madax-bannaanida codadka xildhibaannada iyo hufnaanta doorashada. Inkasta oo murannadaas jireen, doorashadu waxay ku dhammaatay in Aadan Madoobe uu helo 88 cod oo ka mid ah 90-ka xubnood ee coddeeyay. Natiijadan aadka u ballaaran waxay muujisay in inta badan wakiilada Koonfur Galbeed oo inta badan ka socdeen ururka JSP ay taageereen musharraxnimadiisa.

Muhiimadda doorasho si dimuqraadiyaddi ah ku dhacda

Doorashadu waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhiso dowladnimo casri ah iyo nidaam dimuqraadiyadeed oo ku saleysan rabitaanka shacabka. Waa habka kaliya ee muwaadiniintu si xor ah ugu doortaan hoggaankooda, uguna muujiyaan aragtidooda siyaasadeed. Marka doorashooyinku noqdaan kuwo hufan, xor ah oo caddaalad ku dhisan, waxaa sii xoogeysanaya kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda iyo sharciyadda hoggaanka talada haya. Dhanka kale, haddii la waayo nidaam dowladnimo oo dimuqraadi ah, waxaa halis gelaya xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan xorriyadda hadalka, xorriyadda saxaafadda iyo xaqa ka qaybgalka siyaasadda. Bulsho aan lahayn nidaam dimuqraadiyadeed oo shaqeynaya waxay wajahdaa caburin, musuqmaasuq iyo awood ku ururta kooxo ama shaqsiyaad gaar ah.

Doorashooyinka caddaaladda ku dhisan waxay sidoo kale abuuraan jawi tartan siyaasadeed oo caafimaad qaba, kaas oo dhiirrigeliya isla xisaabtan iyo in hoggaamiyeyaashu ka shaqeeyaan danaha shacabka. Haddii geeddi-socodka doorashada lagu xadgudbo ama lagu shaki geliyo hufnaantiisa, waxaa dhaawacmaya kalsoonida shacabka, waxaana soo baxa khilaafyo siyaasadeed iyo xasillooni darro. Sidaas darteed, illaalinta doorasho xor iyo xalaal ah waa waajib saaran dowladda, guddiga doorashooyinka, siyaasiyiinta iyo shacabka, si loo xaqiijiyo dowladnimo ku dhisan cadaalad, isla xisaabtan iyo rabitaanka shacabka

Muhiimadda siyaasadeed ee doorashada

Doorashada Aadan Madoobe ku guulaystay sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka waxay leedahay muhiimad siyaasadeed oo heer gobol iyo heer qaranba leh. Marka hore, wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Soomaaliya, isagoo muddo afar sano ah soo hayay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Khibraddiisa siyaasadeed waxay siinaysaa awood uu ku fahmi karo habka ay u shaqeeyaan hay’adaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Taasi waxay kordhin kartaa wadashaqeynta u dhexeysa Koonfur Galbeed iyo dowladda dhexe. Doorashadiisu waxay sidoo kale muujin kartaa in dowladda federaalku ay doonayso inay xoojiso saameynteeda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed. Sababta oo ah Aadan Madoobe wuxuu ahaa mas’uul si dhow ula shaqeynayay madaxda dowladda federaalka. Sidaas darteed, guushiisa waxaa loo fasiran karaa tallaabo lagu adkeynayo xiriirka siyaasadeed ee Muqdisho iyo Baydhabo.

Dhanka kale, mucaaradka qaarkood waxay u arkaan arrintan inay keeni karto cabsi la xiriirta madax-bannaanida dowlad-goboleedyada. Haddii maamul goboleed lagu arko inuu si weyn ugu tiirsan yahay dowladda dhexe, waxaa dhici karta in kalsoonida qaar ka mid ah bulshada ama siyaasiyiinta deegaanka ay yaraato.

Saameynta dowladda federaalka Soomaaliya

Nidaamka federaalka Soomaaliya wuxuu ku dhisan yahay wadaagista awoodda u dhexeysa dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada. Sidaa darteed, doorashada Aadan Madoobe waxay noqon kartaa tijaabo cusub oo lagu qiimeeyo sida uu nidaamka federaalku u shaqeynayo. Haddii hoggaanka cusub uu si guul leh ula shaqeeyo dowladda federaalka isagoo isla markaana ilaalinaya danaha shacabka Koonfur Galbeed, waxaa laga yaabaa inay tani noqoto tusaale wanaagsan oo muujinaya faa’iidada nidaamka federaalka.

Hase yeeshee, haddii la dareemo in maamulka cusub uu si buuxda ugu xiran yahay dowladda dhexe, waxaa laga yaabaa inay soo baxaan muranno siyaasadeed oo ku saabsan madax-bannaanida maamulka. Sidaas darteed, dheellitirka xiriirka labada dhinac wuxuu noqon doonaa mid muhiim u ah guusha maamulka cusub.

Muranka hareeyay doorashada

Mid ka mid ah qodobbada ugu badan ee laga hadlay doorashada ayaa ahaa muranka ku saabsan taleefannada gacanta ee lagu galay goobta codbixinta. Guddiga doorashada ayaa hore u mamnuucay arrintan si loo ilaaliyo sirta codbixinta iyo madax-bannaanida xildhibaannada. Wararka ka soo baxay goobta doorashada waxay tilmaameen in amarkaasi aan si buuxda loo dhaqan gelin. Taasina waxay dhalisay eedeymo iyo shaki siyaasadeed.

Marka laga eego dhinaca dimuqraadiyadda, kalsoonida lagu qabo doorasho kasta waxay ku xirnaanaysaa hufnaanta habraaceeda. Xitaa haddii natiijada la aqbalo, jiritaanka cabashooyin aan si buuxda loo xallin waxay dhaawici kartaa sumcadda geeddi-socodka doorashada. Sidaa awgeed, maamulka cusub waxaa waajib ku ah inuu abuuro jawi siyaasadeed oo ay ku jiraan wada-hadal, dib-u-heshiisiin, iyo ka qeybgal siyaasadeed oo loo siman yahay.

Saameynta amniga

Koonfur Galbeed waa mid ka mid ah dowlad-goboleedyada ugu muhiimsan Soomaaliya marka laga hadlayo amniga. Deegaannada maamulkaasi waxay muddo dheer wajahayaan caqabado amni oo ay ka mid yihiin weerarrada Al-Shabaab, colaadaha deegaanka, iyo khilaafaadka siyaasadeed. Doorashada Aadan Madoobe waxay dadka qaar u arkaan fursad lagu xoojin karo amniga maadaama uu leeyahay khibrad siyaasadeed oo heer qaran ah. Waxaa laga filayaa inuu si dhow ula shaqeeyo dowladda federaalka, ciidamada qaranka, iyo saaxiibbada caalamiga ah si loo xoojiyo amniga gobolka.

Dhanka kale, haddii murannada siyaasadeed ee ka dhashay doorashadu sii socdaan, waxaa suuragal ah inay abuuraan jawi amni darro ah oo ay ka faa’iideystaan kooxaha nabad-diidka ah. Sidaas darteed, xalinta khilaafaadka siyaasadeed waxay muhiim u tahay sugidda amniga Koonfur Galbeed.

Saameynta horumarka dhaqaale iyo bulsho

Shacabka Koonfur Galbeed waxay muddo dheer la tacaalayeen dhibaatooyin la xiriira saboolnimo, shaqo la’aan, adeegyo caafimaad oo liita, iyo caqabado dhinaca waxbarashada ah. Hoggaanka cusub waxaa laga filayaa inuu mudnaanta siiyo horumarinta adeegyada bulshada. Guusha Aadan Madoobe waxay siinaysaa fursad uu ku isticmaalo xiriirradiisa siyaasadeed si loo helo taageero dheeraad ah oo gudaha iyo dibaddaba ah. Haddii si wanaagsan loo maareeyo, waxaa suuragal ah in maamulka cusub uu hirgeliyo mashaariic horumarineed oo kor u qaada nolosha shacabka.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in la xoojiyo maalgashiga, kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, iyo ganacsiga. Koonfur Galbeed waxay leedahay dhul beereed hodan ah, waxaana suuragal ah in horumarinta wax-soo-saarka gudaha ay door weyn ka ciyaarto koboca dhaqaalaha gobolka.

Caqabadaha horyaalla hoggaanka cusub

Madaxweynaha cusub waxaa horyaalla dhowr caqabadood oo waaweyn. Sidoo kale hoggaankan cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa lagu xantaa qof ay aad u liidato aqoontiisa dowladnimo iyo xittaa uusan fahansaneen marxaladda KG marayso maanta ee loogu baahan yahay inuu samatabixiyo. Waxaan kusoo koobay 6 qodob oo aan isleeyahay haddii uu xoogga saarro wuxuu meesha ka saari doonaa xantii ahayd inay liidato aqoontiisa dowladnimo:

1. Xoojinta amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.
2. Dib-u-heshiisiinta dhinacyada siyaasadeed ee isku khilaafsan doorashada.
3. Horumarinta adeegyada bulshada.
4. Xoojinta dhaqaalaha iyo maalgashiga.
5. Ilaalinta dheellitirka xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedka.
6. Dhisidda kalsoonida shacabka ee hay’adaha maamulka.

Guusha ama fashilka maamulka cusub waxay si weyn ugu xirnaan doontaa sida uu uga jawaabo arrimahan. Doorashada Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” ee hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waa dhacdo siyaasadeed oo leh saameyn heer gobol iyo heer qaranba ah. Waxay muujinaysaa isbeddel hoggaamineed, xoojinta xiriirka dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyo rajada laga qabo horumar cusub oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo maamulka ah. Doorashadan waxay iftiimisay caqabado la xiriira hufnaanta geeddi-socodka siyaasadeed, kalsoonida ay bulshada ku qabto hay’adaha dowliga ah iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Sidaa darteed, maamulka cusub waxaa laga filayaa inuu xoogga saaro dib-u-heshiisiin, wadatashi siyaasadeed, iyo hirgelinta barnaamijyo horumarineed oo wax ku ool ah.

Haddii Aadan Madoobe uu ku guuleysto inuu isku dheellitiro danaha siyaasadeed, amniga, iyo baahiyaha shacabka, doorashadiisa waxaa loo aqoonsan karaa tallaabo muhiim ah oo ka qayb qaadatay xasilloonida, dowlad-dhiska, iyo horumarka Soomaaliya. Hase yeeshee, haddii tabashooyinka jira aan xal loo helin, waxaa jiri karta khatar ah in murannada siyaasadeed ay sii socdaan, taas oo saameyn ku yeelan karta mustaqbalka maamulka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan nidaamka federaalka dalka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Arrimaha Bulshada

Haddii aad rabto inaad burburiso qaran, burburi fikirka dhallinyaradeeda – Vladimir Lenin

Mustaqbalka ummad kasta kuma xirna oo keliya kheyraadkeeda dabiiciga ah ama awooddeeda ciidan, balse wuxuu si weyn ugu xiran yahay tayada fikirka iyo aqoonta ay leedahay dhalinyaradeeda.

Published

on


Waxaa jira oraah caan ah oo loo nisbeeyo Vladimir Lenin oo oranaysa: “Haddii aad rabto inaad burburiso qaran, burburi fikirka dhallinyaradeeda.” Oraahdani waxay xambaarsan tahay macne qotodheer oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya hab fikirka dhallinyarada iyo jiritaanka qaran.

Horta, waa kumaa Vladimir Lenin?

Vladimir Ilyich Ulyanov wuxuu dhashay 22 Abriil 1870 – 21 Janaayo 1924, waxaa loo yaqaanay Vladimir Lenin, wuxuu ahaa kacaanyahan Ruushiyan ah, siyaasi iyo nin xambaarsanaa aragti siyaasadeed. Wuxuu ahaa madaxii ugu horreeyay ee dowladdii Soofiyeeti Ruushka laga bilaabo 1917 ka dibna Midowgii Soofiyeeti laga bilaabo 1922 ilaa dhimashadiisii ​​1924. Isagoo ahaa aasaasihii Bolsheviks, Lenin wuxuu hogaaminayay Kacaankii Oktoobar, kaas oo aasaasay dowladdii ugu horreysay ee shuuciga ah ee adduunka. Dowladdiisu waxay ku guuleysatay Dagaalkii Sokeeye ee Ruushka waxayna abuurtay dowlad hal xisbi ah oo hoos timaada Xisbiga Shuuciga. Fikrad ahaan wuxuu ahaa Marxist, horumarkiisa ku aaddan fikradda siyaasaddeed waxaa loo yaqaanaa Leninism.

Lenin wuxuu qaatay siyaasadda hantiwadaagga ee kacaanka ka dib markii walaalkiis la dilay 1887 isagoo qorsheynayay inuu dilo Tsar Alexander III. Waxaa laga saaray Jaamacadda Imperial ee Kazan isagoo ka qayb qaatay dibadbaxyada ardayda, wuxuuna qaatay shahaadada sharciga ka hor inta uusan u guurin Saint Petersburg 1893 oo uu noqday dhaqdhaqaaqe caan ah oo Marxist ah. Sannadkii 1897, Lenin waxaa loo masaafuriyay Siberia muddo saddex sano ah, ka dib wuxuu u guuray Galbeedka Yurub, oo ay ku jirto Switzerland, wuxuuna noqday shakhsi hormuud ka ah Xisbiga Shaqaalaha ee Dimuqraadiga Bulshada Ruushka. Sannadkii 1903, xisbigu wuxuu u kala qaybsamay kooxdii Bolshevik ee Lenin iyo Mensheviks, iyadoo Lenin uu u dooday xisbi hormuud ah oo hoggaamiya kooxda proletariat-ka si ay u dhisaan hantiwadaagga. Lenin si kooban ayuu ugu soo laabtay Ruushka intii lagu jiray Kacaankii 1905. Intii lagu jiray Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, wuxuu u ololeeyay in loo beddelo kacaan proletariat ah oo Yurub oo dhan ah. Ka dib markii Kacaankii Febraayo ee 1917 uu xilka ka qaaday Tsar Nicholas II, Lenin wuxuu ku soo laabtay Ruushka wuxuuna door hoggaamineed ka qaatay Kacaankii Oktoobar.

Vladimir Ilyich Ulyanov wuxuu dhashay 22 Abriil 1870 – 21 Janaayo 1924, waxaa loo yaqaanay Vladimir Lenin, wuxuu ahaa kacaanyahan Ruushiyan ah.

Dowladdii Lenin waxay baabi’isay lahaanshaha gaarka ah ee dhulka, waxay qarameysay warshadaha waaweyn iyo bangiyada, waxay ka baxday dagaalka iyadoo saxiixday Heshiiskii Brest-Litovsk waxayna dhiirrigelisay kacaanka adduunka iyada oo loo marayo Shuuciga Caalamiga ah. Bolsheviks waxay markii hore awoodda la wadaageen Xisbiga Bidix ee Hantiwadaagga-Kacaanka, laakiin intii lagu jiray dagaalkii sokeeye, waxay awoodda ku hayeen Xisbiga Shuuciga waxayna caburiyeen mucaaradka Argagixisada Cas, taas oo tobanaan kun lagu dilay ama la xiray. Isagoo ka jawaabaya abaarta iyo kacdoonkii dadweynaha, Lenin wuxuu dib u rogay siyaasaddiisii ​​shuuciga dagaalka sannadkii 1921 wuxuuna dhaqaalaha ku xasiliyay Siyaasadda Dhaqaalaha Cusub. Ciidanka Cas waxay ka adkaadeen ciidamo badan oo ka soo horjeeda Bolshevik iyo gooni-u-goosadka dagaalkii sokeeye, ka dib markii qaar ka mid ah dalalka aan Ruushka ahayn ee ka go’ay boqortooyada ay dib ugu midoobeen Midowgii Soofiyeeti sannadkii 1922; kuwa kale, gaar ahaan Poland, waxay heleen madaxbannaani. Lenin wuxuu la kulmay saddex jeer oo uu ku dhacay 1922 iyo 1923 ka hor geeridiisii ​​1924, isagoo bilaabay halgan awoodeed oo ku dhammaaday kor u kaca awoodda Joseph Stalin.

Lenin wuxuu ahaa mowduucii ka dambeeyay geeridii ka dib markii uu ka mid ahaa koox shakhsiyadeed oo baahsan oo ka jirtay Midowgii Soofiyeeti ilaa burburkii 1991. Intii uu Stalin ahaa, wuxuu noqday hoggaamiye fikradeed oo ka tirsan Marxism-Leninism iyo saameyn muuqata oo ku leh dhaqdhaqaaqa shuuciga caalamiga ah. Lenin oo ah shakhsi muran badan dhaliyay oo aad u kala qaybiya, taageerayaashiisu waxay ku ammaaneen dhisidda dawlad kacaan ah oo qaadday tallaabooyin loo qaaday dhanka hantiwadaagga, ka-hortagga imbaraadooriyadda, dib-u-habaynta bulshada iyo xakamaynta shaqaalaha, halka dhaleecayntiisu ay ku cambaareeyeen inuu aasaasay kaligii-talisnimo oo kormeeraysay dilalka ballaaran iyo cadaadiska siyaasadeed. Waxaa si weyn loogu tixgeliyaa inuu yahay mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu muhiimsan qarnigii 20aad.

Haddii aad rabto inaad burburiso qaran, burburi fikirka dhallinyaradeeda

– Vladimir Lenin

Dhallinyaradu waa awoodda ugu weyn ee bulshada, waana kuwa qaabeynaya jihada siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo dhaqan ee jiilalka soo socda. Sidaa darteed, haddii la wiiqo awooddooda wax-fakar, aqoon-kororsi, iyo hal-abuur, waxaa dhaawacmaya aasaaska qaranka laftiisa. Mustaqbalka ummad kasta kuma xirna oo keliya kheyraadkeeda dabiiciga ah ama awooddeeda ciidan, balse wuxuu si weyn ugu xiran yahay tayada fikirka iyo aqoonta ay leedahay dhalinyaradeeda.

Waxbarashadu waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu kobciyo fikirka caafimaadka qaba. Bulsho kasta oo horumar doonaysa waa inay mudnaanta koowaad siisaa waxbarashada dhalinyarada. Waxbarashadu ma aha oo keliya helitaanka shahaadooyin, balse waa geeddi-socod lagu horumariyo caqliga, lagu kobciyo xirfadaha xalinta dhibaatooyinka, laguna dhiirrigeliyo hal-abuurka. Marka dhalinyarada la baro inay si madax-bannaan u fikiraan, su’aalo iswaydiiyaan, oo ay xaqiiqooyinka falanqeeyaan, waxay noqdaan muwaadiniin awood u leh inay hormariyaan dalkooda. Hase yeeshee, haddii waxbarashadu noqoto mid liidata ama lagu saleeyo keliya xifdinta macluumaadka iyada oo aan la dhiirrigelin fikirka muhiimka ah, waxaa dhalan kara jiil aan awoodin inuu la qabsado isbeddellada dunida casriga ah.

Diinta Islaamku waxay si gaar ah u qiimeysaa aqoonta iyo isticmaalka caqliga. Qur’aanka Kariimka ah waxaa ku soo noqnoqda baaqyo ku saabsan fikirka, ka-fiirsashada, iyo fahanka xaqiiqooyinka nolosha. Alle SWT wuxuu yiri:

أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ الْقُرْآنَ أَمْ عَلَىٰ قُلُوبٍ أَقْفَالُهَا

“Miyayna ka fiirsanayn Qur’aanka mise quluubtooda ayaa qufulan?”

(Suuratul Muhammad: 24)

Aayaddani waxay muujinaysaa in qofka Muslimka ahi looga baahan yahay inuu isticmaalo maskaxdiisa, ka fikiro, oo uu fahmo waxa ku xeeran. Bulsho aan ka fiirsan arrimaheeda oo aan falanqayn xaaladeeda waxay halis ugu jirtaa inay ku dhacdo jahli iyo dib-u-dhac. Sidoo kale Alle SWT wuxuu yiri:

إِنَّ فِي خَلْقِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَاخْتِلَافِ اللَّيْلِ وَالنَّهَارِ لَآيَاتٍ لِّأُولِي الْأَلْبَابِ

(Suuratu Aali Cimraan: 190)

Aayaddani waxay tilmaamaysaa in dadka caqliga leh ay yihiin kuwa ka faa’iidaysta fikirka iyo cilmi-baarista si ay u fahmaan adduunka ku hareeraysan. Taasi waa saldhigga horumarka sayniska, tiknoolajiyadda, iyo hal-abuurka.

Madaxbannaanida aqooneed iyo fikir waa jiritaanka qaran

Madaxbannaanida aqooneed waa arrin kale oo muhiim u ah jiritaanka qaranka. Marka dhalinyarada loo oggolaado inay si xor ah u baaraan fikradaha kala duwan, u falanqeeyaan xogaha, una gaaraan gunaanad ku salaysan xaqiiqooyin, waxaa abuurmaya bulsho firfircoon oo wax soo saar leh. Dhanka kale, haddii maskaxda dhalinyarada lagu xakameeyo cabsi, dacaayad, ama marin habaabin joogto ah, waxaa daciifa awooddooda garasho. Taariikhda adduunka waxaa laga helayaa tusaalooyin badan oo muujinaya in dowlado iyo bulshooyin badan ay ku burbureen markii aqoontii iyo fikirkii xorriyadda lahaa la cabburiyay.

Oraahda Vladimir Lenin waxay sidoo kale ka digaysaa in xakamaynta maskaxdu ay ka khatar badan tahay qabsashada dhul. Ciidamo shisheeye waxay qabsan karaan dhul muddo kooban, laakiin haddii maskaxda dhalinyarada la qabsado oo la beddelo fikirkeeda, saameyntaasi waxay socon kartaa jiilal badan. Sidaa darteed, maalgashiga ugu weyn ee qaran kasta waa inuu noqdaa horumarinta garaadka iyo aqoonta jiilkiisa cusub. Qur’aanka Kariimka ah wuxuu sare u qaaday qiimaha aqoonta isagoo leh:

قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ

“Dheh: Ma siman yihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoon?”

(Suuratuz Zumar: 9)

Aayaddani waxay caddeynaysaa in aqoontu tahay furaha sharafka, horumarka, iyo guusha. Qaranka leh dhalinyaro aqoon leh wuxuu awood u leeyahay inuu la tartamo ummadaha kale, halka qaran leh dhalinyaro jahli ku nool uu wajahayo caqabado badan. Sidoo kale Alle SWT wuxuu yiri:

يَرْفَعِ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا مِنكُمْ وَالَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ دَرَجَاتٍ

“Alle wuxuu kor u qaadaa darajooyin kuwa idinka mid ah ee rumaystay iyo kuwa la siiyay cilmiga.”

(Suuratul Mujadalah: 11)

Aayaddani waxay muujinaysaa in cilmiga iyo aqoontu yihiin waddada lagu gaaro sharaf iyo hormar. Marka dhalinyarada lagu barbaariyo aqoon, akhlaaq, iyo fikir wanaagsan, waxay noqdaan hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ee ilaalinaya jiritaanka iyo midnimada qaranka.

Gabagabadii, oraahda ah “Haddii aad rabto inaad burburiso qaran, burburi fikirka dhallinyaradeeda” waxay xasuusinaysaa in awoodda ugu weyn ee ummaddu aysan ku jirin hantideeda ama ciidankeeda, balse ay ku jirto maskaxda iyo aqoonta jiilkeeda da’da yar. Waxbarashada tayada leh, fikirka muhiimka ah, madaxbannaanida aqooneed, iyo dhiirrigelinta hal-abuurku waa tiirarka lagu dhiso bulsho adag oo horumar leh. Qur’aanka Kariimka ahna wuxuu si joogto ah u boorinayaa dadka inay wax bartaan, ka fikiraan, oo isticmaalaan caqligooda. Sidaas darteed, ilaalinta fikirka iyo aqoonta dhalinyarada waa maalgelinta ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo mustaqbal ammaan ah, horumar waara, iyo qaran xooggan oo jiilasha dambe uga taga dhaxal wanaagsan.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Caafimaadka & Sayniska6 hours ago

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Soomaaliya9 hours ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha13 hours ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika14 hours ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya16 hours ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga17 hours ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya18 hours ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya18 hours ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda2 days ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga2 days ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga2 days ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga2 days ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda2 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga3 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda3 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya3 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Arrimaha Amniga3 days ago

Muqdisho: “Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso”

Ameerika3 days ago

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Arrimaha Amniga3 days ago

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo sababay khasaaro rayid oo gaaraya 216 qof

Arrimaha Amniga3 days ago

Ciidanka Badda Soomaaliya oo Hobyo ku qabtay doon ay saarnayeen toddobo ajaanib ah

Ameerika4 days ago

Madaxweynaha Mareykanka, Trump oo markale Soomaalida ku tilmaamay tuugo

Itoobiya4 days ago

Ciidamada Itoobiya oo sheegay inay la wareegeen garoonka diyaaradaha Mekelle

Soomaaliya4 days ago

UK oo $2.5 Milyan ugu deeqday Soomaaliya si looga hortago fatahaadaha roobka Deyrta

Yurub4 days ago

Booliiska Jarmalka oo markale gacanta ku dhigay kiiska Soomaali Mindi isku dishay

Soomaaliya4 days ago

Wasiir Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay shirqool ka dhan ah dawladnimada

Arrimaha Amniga4 days ago

Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka oo wajahaya caqabado kahor doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka

Arrimaha Amniga5 days ago

Hay’adda ICRC: “148 qof ayaa ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay Baydhabo”

Afrika5 days ago

Khilaaf siyaasaddeed oo ka dhex qarxay dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya

Soomaali Galbeed5 days ago

Waa kuma Mustafe Cagjar, Maxay ka dhigan tahay dib u doorashadiisa hoggaanka sarre ee Dowlad Deegaanka Soomaalida?

Arrimaha Amniga6 days ago

Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay dhimashada shaqaale Markab shidaal oo lagu soo furtay xeebaha Soomaaliya

Itoobiya7 days ago

Ciidanka Itoobiya oo la sheegay inay 150km ugu dhaqaaqeen gudaha gobolka Tigray

Doorashada7 days ago

Galmudug iyo Hirshabeelle oo looga dareeray doorashada Madaxweynaha iyo mida Barlamaanka

Arrimaha Amniga7 days ago

Puntland oo sheegtay in Burcad badeeddu ay dishay shan shaqaale oo ajaaniib ah

Arrimaha Amniga7 days ago

Bahda Saxaafadda Somaliland oo sheegtay in xukuumaddu aanay awood u lahayn inay hor istaagto shirka Boorama

Diblomaasiyadda1 week ago

Waa maxay ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay Itoobiya?

Arrimaha Amniga1 week ago

Xukuumadda Somaliland oo diiday shir bahda saxaafadda Somaliland uga furmaya Boorama

Soomaaliya1 week ago

Puntland oo laba sano xabsi ah ku xukuntay nin lagu eedeeyay inuu Daacish ka iibiyay Ari

Arrimaha Amniga1 week ago

OCHA: “Colaadda Baydhabo waxay sii kordhisay khatarta bani’aadanimo ee shacabka”

Arrimaha Amniga1 week ago

Falanqeyn Amni: Siyaasadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo saameynta ay ku yeelatay Koonfur Galbeed Soomaaliya

Xul

Diblomaasi.com