Connect with us

Cuntooyinka

Maxaad Ka Taqanaa Bariis Isku Karis Soomaaliyeed?

Published

on

Kusoo dhawaada waa markalle iyo barnaamijkii cunta karinta ee aad kalla socotaan Machadka afkaarta Joogtada Ee Ganacsiga Iyo Bulshada. Maanta waxaan karinaynaa bariis isku karis ah, waxaan isticmaaleynaa bariiska loo yaqaano bariis mati.

Marka horre waxaa lagu bilaabayaa dhaqidda bariiska. Waa inaad dhaq-daan bariiska illaa ay biyaha saafi ka noq-daan.  Dhaq illaa 3 daqiiqo ama 4 daqiiqo. Bariiska illaa 1 saac la dhig biyo.

Waxaa kalle oo aan isticmaaleynaa hilib ari. Dadka qaar ayaa isticmaallo fiyinjeer, haddii aad isticmaalayso fiyinjeer waxaad sameysaa si fiican iskeega dhaq hilibka, barafka kaga dhaq biyo kulul si nadiif u noqoto cuntadaada.

Intaas kadib waxaad u baahantahay:

  • Inaad jar-jarato basal, hal koob oo saliid ah, iyo 3 qorfe ah
  • Waxaad kalle oo aad ku dareysaa
  • 5 xabo oo tuun shiidan ah
  • 8 xabo oo heyl ah
  • 8 xabo oo dhagayare ah

Intaas markaad sameyso waxaad ku rideysaa hillib ariga, kadib is dhex qaadsii oo ku dar 3 qaando oo maraq dijaaj ah oo si fiican isku dhex qaadsii kadibna, ku dar xawaashka 1 qaando oo mid yar-yar ah. Si fiican mar kalle u walaaq .

Wax yar ha isku kareen, kadib ku dar 3 yaanyo oo la shiiday, hadana  mar kalle is dhex-qaadsii kadibna dabool illaa 2 saacadood dabka dhex-dhexaad ka dhig. Haddii aad isticmaasho makiinada STOVE-ka heerarka dhex-dhexaadka ka dhig.

Intaa kadib daboolka ayaad ka qaadeysaa caraf ku dar iyo 2 koob oo biyo kulul ah. “1 koob kaste oo bariis ah wuxu u baahanyahay 2 koob oo biyo ah”

Daboolka saar oo kari illaa hal saac iyo bar si uu hilibka aad ugu jilco intaasna kadibna ku shub bariiska markaad biyaha ka miirto.  Waxaad ku daraysaa bariiskii kadibna waad isku walaaqaysaa. Kadibna illaa 10 daqiiqo camal ayaad u sugaysaa. Bariis matiga qaabkaas ayaa loo kariyaa, hadda waa diyaar oo waad cuni kartaa bariiskaada haddii aad qaabkaas u kariso.



Website: www.machadkaaj.com

Facebook LIKE: Machadka Afkaarta Joogtada Ee Ganacsiga & Bulshada

Twitter Account: @MachadkaAJ

Instagram: machadka_aj

G­oogle Plus: machadkaaj@gmail.com

Skype: machadkaaj.com

Professional Email: info@machadkaaj.com

Email: machadkaaj@gmail.com

Youtube: https://www.youtube.com/ =machadka+afkaarta+joogtada_ee ganacsiga & bulshada

 

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Cuntooyinka

Qurbo joogta iyo faa’idooyinka cunista kalluunka

Published

on


Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada barwaaqo sooranka ah marka loo eego istaraatiijayada dhulka ay la wadaagaan dhowr wadan oo ku teydsan Geeska Afrika.

Soomaaliya ayaa leh bad dhirirkeedu aad u dheeryahay marka laga eego dunnida kale balse ma jirto cid ka faa’ideysata qeyraadka ku jira badda ayadoo dadka qaar ay ka aminsan yihiin in aan la cuni karin waxyaabaha kasoo baxa badda sida Diin badeedka ama Quwada sida aad u taqaano.

Bulshada ku nool xeybaha Soomaaliya ayaa inta badan oga faa’ideysan sida saxda ah sababtuna ay tahay aqoon dari ka heysata halkii ay ku noolaayeen.

Cabdijabaar Sheekh Axmed waa hoggaamiyaha Xisibiga Qaransoor sidoo kale waa aasaasaha Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxa uu ka mid yahay dadka inta badan ku sugan qurbaha balse markii uu yimid dalka ayaa kulan kula yeeshay, wuxuuna iisheegay in markii uu halkaan yimaado cuntooyinka ugu raqiistan dalka uu iibsado.

Waa markii ugu horeysay ee aan arko qof ka yimid qurbaha misna iibsanaayo cuntooyinka aad u raqiis ah wuxuuna yiri: “ halkaan markii aan imaado waxaan aad u jeclahay kalluunka iyo qudaarta sababtoo ah waa waxyaabaha ugu fiican marka loo eego caafimaad ahaan iyo dhaqaalo ahaan, balse ma ahan inaan iibsan karin cuntooyinka halkaan yaallo”.

Soomaaliya waxaa aafeeyay dagaalo sokeeyey ay galeen beri samaadkii aynu soo dhaafney taasoo keentay in ay dalka isaga baxaan in ka badan 6 milyan oo Soomaali ah ayagoo doorbiday inay helaan nolol dhaanta dagaal iyo qarax.

Bulsho badan ayaa milan ku dhacay markii ay tageem qurbaha taasoo dhalisay in ay garan waayeen heykalkii ay laheyd bulshooyinkii Soomaaliyeed oo meesha ka bixiyay dowladanimadii iyo dadnimadii, balse Mudane Cabdijabaar wuxuu tusaale u yahay inta aamisan in aysan fiicneyn cuntooyinka dalka yaalla.

“dadka halkaan joogo waxey aad u jecelyihiin iney cayilaan ayagoo isticmaalaayo caano laga keenay dalka dibadiisa balse markii aan joogay qurbaha waxaan isticmaali jiray caanaha lo’da ayagoo loo sameeyay qaab qurux badan balse ma lahan dufin iyo culeys kaalshiyamta, sidoo kale wuxuu qofka u ogalaadaa in si isku mid ah in jirkiisa uu u koro, laakiin dhibatada taalo halkan ayaa ah in dadka qaar ay qeyb ay u weynyihiin halka qeybta kalana uu caato ka yahay”, ayuu yiri Mudane Cabdijabaar Sheekh Axmed oo hadda dalka ku sugan oo aan isku aragnay magaaladda Muqdisho.

Tani ma ahan dhalanted ee waa xaqiiqada ka jirta dalka ayadoo aad moodo in meelaha qaar ay jirto dayacsanaan iyo aqoondari bulshada dhexdeeda taasoo ay hoggaanka u heyso burbur iyo duulaan lagu soo qaadey dhaqanka bulshadeena. Dadka xeebaha kasoo saara ayaan helin kaalmo ku filan taasoo ku aadan maamulada ay hoostagaan taasoo saameyn kale ku noqotay in ay helaan shixnado ku filan, halka marka qaar ay dhacdo iney naftooda ku waayaan.

Waxaan jeclaan lahaa inaan kusoo gunaanudo in bulshada Soomaaliyeed aysan ka maarmin inay helaan aqoon ku filan taasoo u horseedi karto barwaaqo iyo baraare, tani waxaa la mid ah qof socda misna aan aqoon halkii uu u hayaami lahaa.

Haddii la dhiso garaadka bulshada xirfadleyaasha ka shaqeeya kaluumeysiga waxay faa’iido u tahay in badan oo ka mid ah bulshada ayna u wanaagsan tahay badqabka nolosha iyo deeggaanka, halkii la isticmaali lahaa cunooyinka laga keeno dalka dibadiisa.

Tani waxey dhiiri galin u tahay dadka jecel soo saarista iyo cunista kaluunka waayo haddii aan la helin qof Mudane Cabdijabaar Skheekh Axmed oo kale ah waxaa adkaaneyso in la soo saaro kaluun tiro badan sababtoo ah haddi ay keenaan suuqa balse aan jirin cid ka iibsata waxaa adkaaneyso iney markale suuqa keenaan ayagoo qaarkood isaga hayaama shaqooyin kale.

Faa’idooyinka cunista kalluunka ‘malaayga’

Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaanan ku baraarugin wali faa’idooyinka uu leeyahay kalluunka. Kalluunka waxaa ka buuxa omega-3 fatty acids iyo fitamiino sida D iyo B2 (riboflavin). Kalluunku waxa uu qani ku yahay kaalshiyamka iyo fosfooraska waana il weyn oo macdan ah, sida birta, zinc, iodine, magnesium, iyo potassium. Ururka Wadnaha ee Maraykanku waxa uu ku talinayaa in la cuno kalluunka ugu yaraan laba jeer toddobaadkii taas oo qayb ka ah cunto caafimaad leh.

Kalluunka waa isha ugu muhiimsan ee omega-3 fatty acids (DHA iyo EPA) sida ay sheegtay Dr. Angela Donald, Agaasimaha Waxbarashada iyo Cilmi-baarista Caafimaadka Ascenta, marka lagu daro EPA iyo DHA, kalluunka iyo cuntooyinka kale ee badda ayaa sidoo kale qani ku ah. nafaqooyinka kale sida fiitamiin D iyo selenium, borotiinku ku badan yahay, dufankuna ku yar yahay. Intaa waxaa dheer, kalluunka yar yar marka la wada cuno (madaxa, xubnaha iyo lafaha) ayaa si gaar ah qani ugu ah kaalshiyamka iyo qaar sidoo kale qani ku ah fitamiin A, Iron, iyo zinc.

Dr. Angela Donald waxay sharraxday in jirkeenu aanu samayn karin omega-3 iyo omega-6 fatty acids, iyo in maadaama ay lagama maarmaan u yihiin hawlo badan oo jidhka ah oo caadi ah, sida koritaanka, taranka, aragga, iyo horumarinta maskaxda, waa in aan ka helno cuntada. . Sida laga soo xigtay iyada, yaraanta nafaqooyinka lagama maarmaanka ah, haddii ay tahay fitamiin A, fitamiin C, zinc, ama asiidhyada dufanka muhiimka ah (omega-3s iyo omega-6s), waxay kor u qaadi doontaa cudurka.

Intaa waxaa dheer, waxay ku dartay “kordhinta isticmaalka saliidaha omega-3 fatty acids (EPA iyo DHA) ee aadka u liita (EPA iyo DHA) waxay caddeeyeen inay faa’iido u leeyihiin ka hortagga ama daaweynta xaalado caafimaad oo badan oo dabadheeraad ah, oo ay ku jiraan laakiin aan ku xaddidnayn cudurrada wadnaha iyo xididada, niyad-jabka, iyo hoos u dhaca garashada.”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Cuntooyinka

Baro Sidda Loo sameeyo Shaah Soomaali!

Published

on

Kusoo dhawaada barnaamijkeenii xiisaha badnaa ee cunta karinta ee aad kalla socotaan Machadka AJ. Maanta waxaanu karini doonaa Shaah.  Jalmad mise ibriiq ama kirli hadba sidda aad u taqaanaan.

Markii aad shaah karinayso waxaad u baahantahay:

  • Kirli ama jalmad mise ibriiq sidda aad u wada taqanaan.
  • Sonkor
  • Caleen
  • Qorfo hayl iyo dhaga yaro
  • Iyo halkii aad ku karsani laheed (dam)

Marka horre jalmada ayaad dhaqeysaa oo aad nadiif kadhigeysaa. Sidda aan wada ogsoonahay nadaafadda waa shey qaali ah, marwalbana ku dadaal siddii aad u nadiifsani laheed allaabta aad wax ku cunayso.

Markaad jalmada dhaqdo waxaad ku shubeysaa 6 galaas oo biyo ah kabacdi waxaad saareysaa STOVE-ka ama haddii aad isticmaasho qoryo mise dhuxul. Waxaadna sugeysaa illaa iyo 15 daqiiqado marka ey falfalaan biyaha waxaad ku shubeysaa  galaas sonkor ah mise waad ka yareyni kartaa sonkorta hadba waa dooqaada sidda aad adiga jeceshahay.

Sababtoo ah 6-dii  galas oo biyo ah waxa ey  u bahaanyihiin 1 galaas oo sonkor  ah marka aad ku shubta sonkorta  kabacdi  waxa aad sugeysaa illaa 2 daqiiqo.

Waxaad soo qabsaneysaa 12  xabbo oo heyl ah iyo 3 xabbo oo qarfo ah  intaas marka  aad kudartid waxaad hadana  sugeysaa 1 daqiiqo kabacdi caleynta ayaad ugu dhigeysaa normal.

Waxyar kadib illaa mudo 2 daqiiqo waad kasoo dejineysaa oo waxaad ku shubanaysaa falaaska shaaha mise tarmuushka sidda aad adiga u taqaano oo diyar kuu ah. Waad cabi karta hadda  haddii aad nuucaas u karsato.

Intaas markaad sameyso haddii aad doonto cadeys ayaad ka dhigani kartaa oo caano ayaad ku darsani kartaa mise haddii aad bigeeska ka jeceshahayna waxad cabi kartaa bigeeska.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Cuntooyinka

Sidda loo sameeyo shaah Soomaali

Bulshada Soomaaliyeed waxay caan ku tahay marti-soorka. Waxaa la yiraahdaa: “Martisoorka sharafteedu waa shaah kulul iyo soo dhoweyn wanaagsan.” Koob shaah ah ayaa mararka qaar xal u noqda daal, murugo iyo kalinimo.

Published

on


Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh. Ku soo dhowaada barnaamijkeenna cunto-karinta. Maanta waxaynu baran doonnaa sida loo kariyo shaaha Soomaaliyeed, oo kaalin weyn ku leh dhaqanka iyo nolol-maalmeedka Soomaalida.

Shaahu ma aha oo keliya cabitaan; waa astaan marti-soor, is-xushmayn iyo isu-imaatinka qoyska. Guri Soomaaliyeed oo shaah laga kariyey waxaa ka muuqda diirran, farxad iyo soo dhoweyn. Marka marti timaaddo, waxa ugu horreeya ee la diyaariyaa waa shaah kulul oo udgoon. Sidoo kale, aroortii, galabtii iyo habeenkii, qoysasku waxay isugu yimaadaan koob shaah ah iyagoo wadaagaya sheekooyin, talooyin iyo qosol.

Nadaafaddu waa furaha shaaha fiican

Ka hor inta aan la bilaabin karinta shaaha, waa muhiim in la hubiyo nadaafadda goobta lagu karinayo iyo weelasha la isticmaalayo. Islaamku wuxuu ina farayaa nadaafadda, waana astaanta qofka daryeela caafimaadkiisa iyo kan qoyskiisa.

Hubi in:

– Kirliga ama jalmaddu nadiif tahay.
– Koobabka iyo falaasku ay si wanaagsan u dhaqanyihiin.
– Gacmahaagu nadiif yihiin ka hor diyaarinta shaaha.

Waxyaabaha loo baahan yahay

– Biyo nadiif ah
– Caleenta shaaha
– Sonkor (inta la rabo)
– 5 xabbo oo heyl ah
– Nus qaado oo dhagayare ah
– Hal xabbo oo qorfe ah
– Xabbad yar oo sanjabiil ah
– Caano (haddii la rabo shaah cadeys)

Habka loo kariyo

Marka hore, soo qaado kirliga ama jalmadda shaaha lagu kariyo kuna shub biyaha. Dabka shid. Waxaad isticmaali kartaa qoryo, dhuxul, gaas ama koronto. Nooc kasta oo dab ah waa la adeegsan karaa, balse waa muhiim in si taxaddar leh loo isticmaalo si looga fogaado shilal.

Marka biyuhu kululaadaan, ku rid sanjabiilka. Inta biyuhu karkarayaan, isku tum heylka, qorfaha iyo dhagayaraha si ay udgoonkoodu u soo baxo.

Marka biyuhu si fiican u karkaraan:

– Haddii aad karinayso laba darmuus oo shaah ah, ku dar hal bakeeri oo sonkor ah.
– Haddii uu yahay hal darmuus iyo bar, ku dar nus bakeeri sonkor ah ama inta aad jeceshahay.

Kadib ku dar heylka, qorfaha iyo dhagayaraha la tumay.

Marka uu shaahu hal mar si xooggan u soo kaco, ku rid caleenta shaaha. Ha badin caleenta, waayo waxay ka dhigaysaa shaaha mid aad u madow oo qadhaadh. Laba karkar oo keliya ayaa ku filan. U daa inuu kariyo wax ka yar laba daqiiqo, dabadeed ka soo deji dabka kuna shub falaaska. Haddii aad jeceshahay shaah cadeys, ku dar caano cusub marka aad dabka ka soo dejiso, si dhadhanka iyo udgoonku u sii wanaagsanaadaan.

Shaaha iyo dhaqanka Soomaalida

Bulshada Soomaaliyeed waxay caan ku tahay marti-soorka. Waxaa la yiraahdaa: “Martisoorka sharafteedu waa shaah kulul iyo soo dhoweyn wanaagsan.” Koob shaah ah ayaa mararka qaar xal u noqda daal, murugo iyo kalinimo. Waxaa lagu cabbaa kulamada qoyska, aroosyada, ciidaha, shirarka iyo xitaa marka derisku is booqanayo. Odayaasha waxay ku falanqeeyaan arrimaha bulshada, dhalinyaraduna waxay ku wadaagaan sheekooyin iyo qorshayaal, iyadoo gacanta lagu hayo koob shaah udgoon.

Shaaha Soomaaliyeed waxa uu leeyahay caraf gaar ah oo ka yimaadda isku darka heylka, qorfaha, sanjabiilka iyo dhagayaraha. Taasi waa sababta qof kasta oo cabbaa uu u jeclaado dhadhankiisa gaarka ah. Hadda waxaad baratay sida loo kariyo shaah Soomaaliyeed oo macaan, udgoon leh, isla markaana xambaarsan dhaqanka iyo soo jireenka bulshada Soomaaliyeed.

Mar walba xusuusnow in sonkorta la dhexdhexaadiyo si loo ilaaliyo caafimaadka. Marka aad shaaha si wanaagsan u diyaariso, qof kasta oo ka cabbaa wuxuu dareemayaa dhadhan iyo udgoon aan la ilaawi karin, wuxuuna mar kale jeclaanayaa inuu gurigaaga ku soo martiyo.

Shaahu waa ka badan yahay cabitaan; waa astaan jacayl, marti-soor, wadajir iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Cuntooyinka

Kaalay barro sidda ugu fudud ee loo sameeyo muufo Soomaali oo macaan

Muufo waa cunto qarniyo badan lagu yaqaanay Soomaalida, waxaana la cunaa quraacda, qadada ama cashada. Waxaa si gaar ah loogu cunaa maraq, hilib, ama caano iyo subag, iyadoo mararka qaar lagu weheliyo shaah kulul.

Published

on


Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh. Ku soo dhowaada barnaamijkeenna cunto-karinta. Maanta waxaynu baran doonnaa sida loo sameeyo muufo Soomaali oo macaan, taas oo ka mid ah cuntooyinka dhaqanka Soomaaliyeed ee ay dad badani jecel yihiin.

Muufo waa cunto qarniyo badan lagu yaqaanay Soomaalida, waxaana la cunaa quraacda, qadada ama cashada. Waxaa si gaar ah loogu cunaa maraq, hilib, fuud, ama caano iyo subag, iyadoo mararka qaar lagu weheliyo shaah kulul. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nadaafaddu waa nus iimaan.” Sidaas darteed, ka hor intaadan bilaabin diyaarinta muufada, waa muhiim inaad si fiican u dhaqdo gacmahaaga adigoo isticmaalaya saabuun iyo biyo nadiif ah.

Sidoo kale, hubi in baaquliyaasha, qaaddooyinka, taawada iyo dhammaan qalabka aad isticmaalayso ay nadiif yihiin. Nadaafaddu waxay door weyn ka qaadataa tayada iyo badbaadada cuntada. Waxyaabaha loo baahan yahay marka aad sameynayso muufada. Si aad u diyaariso muufo Soomaali oo jilicsan isla markaana dhadhan fiican leh, waxaad u baahan tahay:

– 3 koob oo biyo diirran ah
– Dhowr qaado oo caano dhanaan ah
– 2 qaado oo bur galley ah ama galley la shiiday
– Bur cad oo qamadi ah inta ku filan
– Hal qaado oo khamiir ah
– Hal qaado oo cusbo ah
– Sonkor inta aad jeceshahay
– Xawaash yar oo ka kooban kabsar caleen iyo tuun xawaaji (haddii la rabo caraf dheeraad ah)
– Saliid yar oo lagu mariyo meesha cajiinka lagu diyaarinayo

Habka loo sameeyo

Marka hore, kululee saddexda koob ee biyaha ah ilaa ay noqdaan diirran. Kadib ku shub baaquli weyn oo nadiif ah, kuna dar caanaha dhanaan. Caanaha dhanaani waxay ka caawiyaan muufada inay noqoto mid jilicsan oo leh dhadhan gaar ah.

Haddii aad jeceshahay caraf udgoon, ku dar wax yar oo kabsar caleen iyo tuun xawaaji ah oo si fiican loo tumay. Waxa kale oo aad ku dari kartaa sonkor inta aad adigu doorbidayso. Dadka qaar waxay jecel yihiin muufo macaan, halka kuwo kalena ay doorbidaan dhadhan dhexdhexaad ah. Markaas kadib, ku dar laba qaado oo bur galley ah. Burka galleydu wuxuu muufada siinayaa dhadhan dhaqameed iyo muuqaal qurux badan. Ku dar cusbada iyo hal qaado oo khamiir ah. Ha ku badin khamiirka, waayo haddii uu bato wuxuu beddeli karaa dhadhanka iyo qaabka muufada.

Hadda si tartiib ah ugu dar burka qamadiga ah adigoo si joogto ah u walaaqaya. Burka ku dar inta uu cajiinku ka noqonayo mid dhexdhexaad ah. Waa inuusan noqon mid aad u adag ama aad u jilicsan. Marka cajiinku diyaar noqdo, si fiican u cajiin ilaa uu noqdo mid siman oo jilicsan. Kadib dabool baaquliga oo u daa inuu nasto ugu yaraan shan daqiiqo. Haddii waqti dheeraad ah la siiyo, cajiinku wuxuu noqonayaa mid sii fiican, sababtoo ah khamiirku wuxuu helayaa fursad uu ku shaqeeyo.

Marka cajiinku nasto, mari meel yar oo saliid ah meesha aad ka shaqaynayso. Cajiinka u qaybi xabbado isu eg, kuna diyaari saxan nadiif ah. Xabbad kasta wax yar u daa inay mar kale nasato ka hor inta aan la karin. Dhanka kale, taawada saar dab dhexdhexaad ah. Marka ay si fiican u kululaato, ku rid xabbad kasta oo muufada ah. Waxaad dabooli kartaa taawada si kulaylku ugu wada faafo, ama waad ka tagi kartaa iyadoo aan daboolnayn. Labada habba waa sax, balse daboolku wuxuu ka caawiyaa muufada inay si siman u bislaato.

Marka dhinaca hoose uu yeesho midab dahabi ah, rog muufada si dhinaca kale uu u bislaado. Sii wad ilaa dhammaan xabbadihii ay ka bislaadaan.

Muufada iyo dhaqanka Soomaaliyeed

Muufadu waa astaan ka mid ah cunnada dhaqanka Soomaaliyeed. Magaalooyinka iyo miyigaba waxaa lagu diyaariyaa xilliyada quraacda iyo munaasabadaha qoyska. Inta badan waxaa lala cunaa maraq hilib, fuud, beer la shiilay ama subag iyo malab. Dad badan ayaa sidoo kale ku raaxeysta iyagoo la cabbaya koob shaah Soomaaliyeed oo kulul. Marti-soorka Soomaaliyeed wuxuu caan ku yahay cunto macaan iyo soo dhoweyn wanaagsan. Muufada cusub ee foornada ama taawada laga soo qaaday, oo lala fadhiisto qoyska ama martida, waxay abuureysaa jawi farxad iyo wadajir leh.

Hadda waxaad baratay sida loo sameeyo muufo Soomaali oo macaan, jilicsan, isla markaana udgoon leh. Haddii aad raacdo tallaabooyinkan oo aad ilaaliso nadaafadda iyo qiyaasta saxda ah ee maaddooyinka, waxaad heli doontaa muufo dhadhan fiican leh oo qoyskaaga iyo martiduba ay jeclaan doonaan.

Cunto wanaagsan, caafimaad wanaagsan, iyo marti-soor wanaagsan ayaa ah astaamaha dhaqanka Soomaaliyeed.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Cuntooyinka

Barnaamijka Cunta kKarinta: Suugo Soomaaliyeed oo La Casriyaysiiyay |Tukesomalism.com

Published

on

Assalamu Calaykum Waraxmatullahi. Kusoo dhawaada waa barnaamijkii cunta karinta. Waxaan rabnaa inaan dadka barno cuno Soomaali casriyeysan. Waa suugo aad u macan oo aad ku cuni karto waxii aad karsatay, haddii ay tahay baasto, bariis ama wax yaallo kalle sidda muufada, sabaayadda ama rootiga.

Suugadaan aadka u macaan waa maraq fadhiyo oon bataati lagu dareynino ama bocor markaan joognay wadankeena Soomaaliya waxay dadku aad u isticmaalaan bocorka iyo bataatiga oo ay ku adkeeyaan suugada laakiin midaan wey ka yar duwantahay waxaan isticmaaleynaa digir ey isticmaalaan Hindida. Hindida digirta aad ayey ugu fiicantahay waxaan idin dhihi lahaa aad u isticmaala digirta maxaa yeelay sidda aan ka wada warqabno digirta waxay leedahay faa’idooyin.

Ha isticmaalin bataati badan, hadaad isticmaasho waxaa dhici inaad suugada saliid badan u yeesho digirta biyo ayaaad ku dhigeysa waanad karineysa, waanad shiideysaa, bas-baas badan iyo xawajiyaal ku dhibayo ma ahan sidda caadad no ah waxan so diyaarsaneynaa allaabtii aan wax ku karin lahayn sidda digsida. Waxad diyaarasan allaabtii oo dhan.

Hadda dabkii waan shidanay waxaana saareynaa digsigii waxaan ku shubeyna saliida adiga sidda jeceshahay koob ama koob haafkiis. Aniga waxaan jecelahay saliida yar oo waxaan isticimaallaa koob haafkis. Waxaad sugaysaa 5 daqiiqo inta ay ka yar kululaanayso saliida.

Hadda saliiddii wey kululaatay waxaan ku dareyna hal xabo oo toon ah. Waxaan ku shubeynaa basashii oo aad jar-jarayso kadib waan sugeynaa intey ka soo gaduudato. Kadib waxaan ku shubeynaa hilibkii oo wax yar isku qaseynaa hadana waxan ku darsanaynaa hal xabo oo bas-baas ah si uu dhadhankeeda u wacanaado kuleeyl yarna loga dareemo kadib, jab barbaanoni ah ood jar-jartay, barbarooniga waa guduud hadda waxaan ku dari xawaaji buur-buur oo hilibka marka lakarin Soomaalida aad ayeey u isticmaalaan hilibka. Waxaad ku daraysaa 1hal qaado sanjibiil shiidan ah, sanjibiisha shiidan aad ayey ugu fiicantahay hilibka wey jilcisaa, weyna bisleysaa marka halla isticmaallo.

Qaadada aan isticmalaayo waa qadadii yareyd 1hal qaado oo toon shiidan ah iyo hurudi aan wadda naqiinay oo 1hal qaado ah ayadana midibka ayey ku fiicantahay, waxaad ku daraysaa filfil yar oo far iyo sul ah waxeyga ayaan isku gad-gadinayaa si fiican ayey isku dhex galeysaa hadda waxaan ku darsanayaa hadda yaan-yaaddii oo shiiday labo koob camal ah marka si fiican ayaan u walaaqayaa waxaan kalle ku darayaa hal qaado oo cusbo ah qadada yar iyo laba koob oo biyo ah markaan hilibka inuu jilco ayuu u baahanyahay sacaad ayeey kareysaa daboolka u daáa dabkana dhex-dhexaad oga dhig, yacani ka gaabi dabka aad ka u kulul kuma fiicno hilibka hadana raqey ayaan ku darsaneynaa, raqeyga wuxuu uu yeelayaa dha-dhan macaan oo ku soo jiidanaayo. Raqeyga koob biyo ah ayaad dhex dhigaysaa waxaan gelinayaa fiyijeerka.

Hadana waad ka sii bixinaysaa oo waad ku darsanaysaa, waadnamiireysaa. Kadibna aad ayuu usii jilcaayaa gacanteyda ayaan ku ja-jabinayaa halkaas ayaad ku miireysaa. Hadda waxaa kuu daliil ah hilibka inu karay lafaha ayaa soo baxaayo kadibna digirta ayaan ku darsanayaa, kadib waxaan ku darsanayaa hal xabo bataati ah kadib wax yar ayaad isku deynaysaa kadibna wixii qudaar ah oo ku diyaarsan oo fareesh ah ayaad korka ugu daraysaa kadib kabsar caleen aad jar-jartay ayaad korka ugu daraysaa. Suugadaan ayaa ah suugo aad ka heli doonto sidda ay kuugu soconayso. Bal tijaaabi oo isku day inaad sameeyso suugadaan macaanka badan.

Nasiib wacan!

Magacaaga oo seddaxan : *
Halka aad joogto : *
Da'da : *
Dooro Koorsada :  * 
Emailkaada : *
Fariintaada : *
 

 

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Arrimaha Amniga1 day ago

Ciidanka taabacsan Cabdicasiis Laftagareen oo la wareegay magaaladda Buur-hakaba

Ameerika1 day ago

Soomaaliya oo kasoo dhex muuqatay liiska dalalka la xiriira jebinta cunaqabataynta bangiga Mareykanka

Qurbo Joogta1 day ago

Mustaqbalka Soomaalida magangelyo-doonka ah ee Ingiriiska oo su’aalo ka taagan yihiin

Doorashada2 days ago

Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee Galmudug oo loo asteeyay 22-ka Oktoobar

Soomaaliya2 days ago

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay qaraarka taabbo-gelinta Dastuurka cusub

Arrimaha Amniga2 days ago

Maxay ka dhigan tahay in Dowladda Soomaaliya Laftagareen iyo Taliye Shub ay ku dartay liiska cunaqabateynta maaliyadeed ee la xiriirta Al-Shabaab?

Arrimaha Amniga3 days ago

Wasiir Fiqi oo sheegay in ay madax jebinayaan siyaasiyiinta mucaaradka

Ameerika3 days ago

Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo gebi’ahaanba kala duwan

Soomaali Galbeed3 days ago

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo xaqiijisay in ciidamo Soomaaliyeed ay galeen xadka Itoobiya

Ameerika3 days ago

Xil. Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay baaritaan ay Ciidamada Amniga Mareykanku ku sameeyeen gurigeeda

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo dooneysa in xubinnimada EAC ay u beddesho fursado dhaqaalle

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo karantiishay muwaadin la safray qof u geeriyooday cudurka Ebola

Geeska Afrika3 days ago

Dagaalka sokeeye ee Itoobiya: Xaggee Imaaraadka iyo Sacuudigu ka taagan yihiin?

Arrimaha Amniga3 days ago

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: “Waxaan diyaar u nahay in Itoobiya ay ka faa’iidaysato dekedda Berbera”

Arrimaha Amniga4 days ago

Cabdiraxmaan Cirro: “Trump waa nin weyn oo taariikh sameeyay, markale ayuu taariikh qori kara haddii uu Somaliland aqoonsado”

Geeska Afrika4 days ago

Soomaaliya oo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay xiisadda Itoobiya iyo Ereteriya

Soomaaliya4 days ago

Heerka macluusha Soomaaliya oo sare u kacay, kadib hoos u dhaca ku yimid gargaarka hay’adaha caalamiga ah

Afrika4 days ago

Ugu yaraan 72 macdan-qode Suudaaniyiin ah ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah: Hay’ad la socota xaaladda xuquuqda aadanaha

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Soomaaliya iyo Ugaandha oo ku heshiyay iskaashiga milatari iyo dhaqaalaha

Geeska Afrika4 days ago

Itoobiya ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta magaalo xuduudeed ah kadib markii ciidamo Eriteriyaan ay kasoo galeen

Tahriib iyo Tiiraanyo4 days ago

Doon ku qaribantay xeebaha Jabuuti oo galaaftay ugu yaraan 139 muhaajiriin ah

Arrimaha Amniga4 days ago

Sheekh Shariif oo iska fogeeyay eedeymaha hay’adda NISA u jeedisay Ilaaladiisa

Arrimaha Amniga4 days ago

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo digniin culus u diray mucaaradka

Ameerika4 days ago

Masaajidda Minnesota oo adkeeyay ammaankooda, kadib hadal uu Trump u jeediyay dadka aan Soomaalida ahayn

Soomaaliya5 days ago

Himilo Qaran oo ka digay khataraha amni ee ka dhallan kara muranka siyaasadeed ee Soomaaliya

Arrimaha Amniga5 days ago

Imaaraadka oo duqeymo diyaaraddeed ku dilay dad rayid ah ee Maamulka Puntland

Diblomaasiyadda5 days ago

Dowladda Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda ku aaddan xiisadaha gobolka iyo xiriirka Itoobiya

Itoobiya5 days ago

Itoobiya oo sheegtay inay qasab ku tahay iska difaacida duullaanka ay kusoo qaaday Ereteriya

Arrimaha Amniga5 days ago

OCHA oo ka digtay xaaladda bani’aadannimo ee Baydhabo, kuna baaqday in la joojiyo colaadda

Arrimaha Amniga5 days ago

Ciidanka Danab oo hawlgal ka fuliyay Jubbada Hoose, laguna dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Arrimaha Amniga6 days ago

Ciidamada taabacsan Laftagareen oo isku ballaariyay gobollada Baay iyo Bakool

Afrika6 days ago

71 qof oo ku dhintay rabshado ka dhacay Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah

Arrimaha Amniga6 days ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub6 days ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub6 days ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya6 days ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika7 days ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Xul

Diblomaasi.com