Connect with us

Siyaasadda Soomaaliya

Maxaad kala socotaa amniga magaalada Muqdishu?

Meelo ka mid ah magaalada ayaa caado ka noqotay in lagu dhexsito hub ama Tooreey asaga oo markii aad weydiiso kuu sheegaayo in uu ku difaacaayo nafsadiisa, balse markii aad tagto meelaha lagu shaahiyo waxaad arkeysaa in badan oo sidata Tooreey si ay isaga difaacaan tuugada.

Published

on

Meelo ka mid ah maagalada Muqdishu oo lagu sawiray Camera Drone.

Magaalada Muqdishu ayaa mudooyinkii ug danbeeyay marti u noqatay amni daro ay dadban ka cabanaayaan kuwaasoo ay ku bulshada ku hayaan dhac iyo dill iyaga oo isla markaana ka baxsada goobta ay falka ku geystaan, dadka geysta dhaca ayaa sidoo kale ka mid ah ciidamada  dowlada kuwaasoo lagu soo qab qabtay howlgalo ay wadeen ciidamdo ka tirsan Booliiska Gobolka Benaadir.

Magaalada ayaa maalmihii danbe kusoo bateen kooxaha burcada kuwaas oo ku hubeysan tooreey iyo baaskoolado ayagoo dhac ka geysta xaafadaha degmooyinka, dhaca iyo dill ka ayaa batay ayadoo in badan oo kamid ah lagu xiray ayago ku jira falka.

Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdishu oo muddo badan kusoo jiray dagaalo sokooye iyo urur diimeedyo qeyb sabab u noqday  dhimashadii boqolaalka qof ee ay u dhiibeen qoriga, balse tani ayaan wax ka badalin geedi socodka siyaasada Soomaaliya, ayna meesha ka saartey hanaankii dowlladnimo oo saldhig u ahaa amniga iyo wax ka qabashada adeegyada bulshada.

Meelo ka mid ah magaalada ayaa caado ka noqotay in lagu dhexsito hub ama Tooreey asaga oo markii aad weydiiso kuu sheegaayo in uu ku difaacaayo nafsadiisa, balse markii aad tagto meelaha lagu shaahiyo waxaad arkeysaa in badan oo sidata Tooreey si ay isaga difaacaan tuugada.

Bulshooyinka degan xaafadaha qaar ayaa isku xilqaamay iney lacago iska uruuriyaan lacagtaasoo ay siinaayaan ciidanka si ay wax ugu qabtaan kooxaha burcada ah, ayagoo mararka qaarna guriga ugu booda!

Dowllada Hoose iyo saldhigyada ku shaqo leh ayaa inta badan kiisaskan wax ka qaban, ayadoo la diiwaan geliyo bishii in ka badan 100 kiis, kuwaas oo isuga jira Dhac, Dill iyo Kufsi, halka kuwa qaarna ay ka baxsadaan goobta ay falka ku geystaan.

Dilka iyo Dhaca waxaa u wehliyo canshuuro ay bixiyaan, amni daro baahsan iyo Dowllad la’aan, balse yey kula tahay in ay wax ka qaban karto amniga magaalada Muqdishu?

Soomaaliya ayaan ka jirin Dowllad sal adag leh kaas oo dhaqan geliso sharciyada ku xusan Dastuurka qabyada, ayadoo kaambeen walbaana lagu soo qaato “dhameystirka Dastuurka qabyo qoraalka ah iyo wax ka qabashada amniga”  aan waxna laga qaban affar sano kasto.

Ma jirto cid saadaalin karto sida uu noqon doono amniga magaalada Muqdishu, balse waxaan sugeynaa in lasoo dhiso xukuumad tayo leh oo dhaqan gelisa waaxyaha Dowllada  iyo wax ka qabashada amniga magaalada.

Waxqabadka laga filan karo Dowllada cusub waxaan ku eegi doonaa maqaalka xigga se si aan wax badan ugu ogaano qeybta commentiga inoogu reeb arakyidaada, Mahadsanidiin.

Facebook Comments Box

Maxamed Mukhtaar waa wariye wax ka qora siyaasadda Soomaaliya, falanqeynta siyaasadda Villa Somalia iyo caalamka intiisa kale. Sidoo kale wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada, horumarinta nolosha, iyo amniga. Wuxuu shahaadada koowaad ee jamaacadeed ku qaatay cilmiga kombuutarka.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Siyaasadda Soomaaliya

Golaha Wasiirada Somaaliya oo bogaadiyey dagaalka shacabka Hiiraan ay kula jiraan Al-Shabaab

Shirka oo warbixinno looga dhagaystay wasiiradda Amniga, Arrimaha gudaha iyo Maaliyadda. Maxaa kamid ah warbixinadaan?

Published

on

Shirka Golaha Wasiirada

Shirka Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo maanta ku qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin sugidda amniga ayada oo dowladda ay bogaadisay dagaallada ay beelaha qaar kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Shirka oo warbixinno looga dhagaystay wasiiradda Amniga, Arrimaha gudaha iyo Maaliyadda ayaa ugu horayn Wasiirka Arrimaha gudaha looga dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha gurmadka lagu samata bixinayo shacabka Soomaaliyeed, iyo sida ay laga maarmaan u tahay in la sii xoojiyo gurmadka si loo badbaadiyo malaayiin ka mid bulshadeenna oo ay saameysay abaartu.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa shirka ku soo bandhigay warbxin la xariirta howl-galladii ugu danbeeyey ee laga sameeyay dalka, sugidda amniga iyo xasillinta deegaannadda laga xorreeyey kooxda Al-Shabaab.

“Shirka Golaha Wasiiradda ayaa lagu boggadiyay abaabulka iyo dhiiranaanta ay beelaha Soomaaliyeed uga hortagayaan, islamarkaana ay isaga difaacayaan argagixisada baneysatay naftooda iyo maalkooda ee ka socda gobollo badan oo ka mid ah dalka, iyagoo garab ka helaya ciidanka qalabka sida,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dagaalladan ayaa xooggooda ka dhacaya gobolka Hiiraan, halkaasi oo maalmihii tegay ay isaga horyimaadeen shacab hubeysan iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalkii ugu dambeeyey ayaa Axaddii ka dhacay degaanka Ceeleey oo qiyaastii 19km bari ka xigta Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana ku dhintay ku dhawaad 13 qof oo laba dhinac ah, sida ay VOA ay u sheegeen dadka degaanka.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa toddobaadkii tegay waxay ilaa l20 qof oo shacab ah ku dileen deegaanka Afar Irdood, waxayna sidoo kale gubeen sagaal gaari oo siday badeecado kala duwan.

Tan iyo intii uu xukunka Soomaaliya uu la wareegay MD Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa faraha ka baxay amniga Soomaaliya. Waxaana dalka wakhtiyadan dambe ka dhaca weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay gaystaan Al-shabaab. Caqabadaha kale ee heysata amniga dalka waa mid u laabanaysa kuwii dagaalada sokeeye laga dhaxlay oo aad u tiro badan, oo ay koow ka tahay kala qoqobnaanta ciidamada, kala shakiga bulshada qaarkeed dhex yaala iyo waliba danaha siyaasadeed ee is diidan ee laga yaabo in dalka ay ka jiraan.

Tan labaad waa xagga tababarka ciidamada, inta badan ciidamada ma heystaan tababar ku filan oo ay ku hanan karaan amniga dalka, kuwa heley tababar sanadihii dhawaana waxaa soo tababary dalal kala duwan, mana ahan kuwa si sahlan isugula jaanqaadi kara.

Soomaaliya wali waxaa saaran cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobey, taasi oo madaxda dowladda marar badan ay ka shanqariyeen in ay caqabad weyn ku tahay dhismaha ciidamo qaran , balse dadka qaarkood waxa ay farta ku fiiqayaan in dalka uu yaalo hub ku filan, ayna tahay in hubkaasi uu gacanta dowladda soo galo, kan hadda ku jirana si wanaagsan loo maamulo.

Xagga qalabka, saanada , gaadiidka iyo waliba xerooyinkii loo baahnaa ma heystaan ciidamada, waana caqabad aad u weyn oo ragaadin karta horumar kasta oo la fili lahaa.

Isqabqabsiga Dowladda Dhexe iyo Maamul Gobolleedka

Isqabqabsiga dowladda dhexe iyo maamul gobolleedka dalka ayaa sidoo kale caqabad kale ku ah arrimaha wadashaqeynta amniga dalka. Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo warbixin dheer siinayey Golaha Ammaanka ayaa ka hadlay xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kadib ‘khilaaf iyo mad-madow soo kala dhex-galay’ labada dhinac.

Amb. James Swan ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in ay wada shaqeyn dhow yeeshaan dowladda cusub iyo sidoo kale dowlad goboleedyada ka jira dalka, si looga gudbo caqabadaha haatan jira oo ay ugu horreeyaan howlgallada Al-Shabaab iyo abaaraha dalka.

“Si fursadan looga faa’ideysto, mas’uuliyiinta federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada waa in ay si dhow isula shaqeeyaan si loo gaaro yoolalka dowladda cusub, oo ay ku jiraan ka hortago Al-Shabaab, iyo ka jawaabidda degdegga ah ee dhibaatooyinka bini’aadanimo ee sii xumaanaya,” ayuu warbixintiisa ku yiri wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in dhinacyadu ay meel iska dhigaan arrimaha gaarka ah, kadibna ay iska kaashadaan sidii loogu gudbi lahaa xaaladda taagan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

Boqolaal carruur ah ayaa ku dhimanaya Soomaaliya waxaana loo aasayaa ‘sida qashinka’, ayay tiri QM

“Illaa 730 carruur ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen xarumaha cuntada iyo nafaqeynta ee dalka oo dhan intii u dhexeysay bilihii Jannaayo iyo Luulyo ee sannadkan, balse tiradu waxay intaas ka badan kartaa iyadoo dhimasho badan aan la soo sheegin,” wakiilka UNICEF ee Soomaaliya Wafaa Siciid ayaa u sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Geneva.

Published

on


Boqolaal carruur ah ayaa ku dhintay xarumaha nafaqeynta ee Soomaaliya, sida ay maanta sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF, maalin kaddib markii hay’adda caalamiga ah ay ka digtay in qeybo ka mid ah dalka ay macluul ku dhufanayso bilaha soo socda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Mas’uul ka tirsan mid ka mid ah gobollada Soomaalida ayaa ka sheekeeyay dad masaafo dheer lugeynaya oo caruur garbaha saaran si ay uga baxsadaan abaaraha iyo dhibaatooyinka ay geystaan ​​maleeshiyada Al Shabaab. Carruurta qaar ayaa jidka ku dhintay.

Gobolka Geeska Afrika ayaa waxaa wajahaya xilli roobaadkii shanaad oo xiriir ah. Macaluul ka dhacday Soomaaliya sanadkii 2011-kii ayaa galaaftay nolosha in ka badan rubac milyan, kuwaas oo u badnaa caruur.

“Illaa 730 carruur ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen xarumaha cuntada iyo nafaqeynta ee dalka oo dhan intii u dhexeysay bilihii Jannaayo iyo Luulyo ee sannadkan, balse tiradu waxay intaas ka badan kartaa iyadoo dhimasho badan aan la soo sheegin,” wakiilka UNICEF ee Soomaaliya Wafaa Siciid ayaa u sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Geneva.

Xarumaha waxaa loogu talagalay carruurta ay hayso nafaqo-xumo ba’an iyo sidoo kale cudurrada sida jadeecada, daacuunka ama duumada waxayna bixiyaan sawir muuqaal ah oo ku saabsan xaaladda dalka oo dhan.

Axmed Shire, Wasiirka Warfaafinta Maamulka Glamudug, ee Waqooyiga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay ay 210 qof u geeriyoodeen nafaqo darro.

Malaayiin qof ayaa halis ugu jira macaluul Geeska Afrika, oo ay ku jirto abaartii ugu darneyd ee ka dhacda muddo 40 sano ah kadib markii afar xilli roobaad oo aan di’in ay baabi’iyeen xoolihii iyo dalagyadii beeraha.

“Nafaqo-darrada waxay gaartay heer aan horey loo arag,” waxaa sidaas tiri Wafaa Saeed oo ah wakiilka Soomaaliya ee hay’adda carruurta QM ee UNICEF.

“Qiyaastii 730 carruur ah ayaa lagu warramay inay ku dhinteen xarumaha nafaqeynta ee guud ahaa dalka” intii u dhaxeysay Janaayo iyo luulyo, ayey Wafaa u sheegtay weriyayaal ku sugan Geneva oo ay muuqaal kula hadashay ayada oo ku sugan Muqdisho.

“Tani waa wax ka yar boqolkiiba hal carruurta la keenay xarumaha, ee la daaweeyey kadibna laga saaray. Balse waxaan dareemeynaa in tirada intaas ka badan karto, oo dhimaho badan oo caruur ah aan la diiwaangelin.”

Waxa ay sheegtay in 1.5 milyan oo caruur ah – oo kala bar ay da’doodu ka yar tahay shan jirka – ay halis ugu jiraan nafaqo-darro xooggan. Waxaa kuwaas ku jira 385,000 oo u baahan in laga daweeyo nafaqo-darro ba’an.

QM ayaa Isniintii ka digtay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay macluul markii labaad muddo 10 sano ah, islamarkaana waqtiga uu isa sii gurayo si nolosha loo badbaadiyo. QM waxay kale oo ay sheegtay in 7.8 milyan oo Soomaali ah, ama kala bar dadka dalka ku nool ay wajahayaan baahi heerkeedu gaaray xasarad.

“Al-Shabaab waxay gubeen shan magaalo gabi ahaanba, iyagoo xitaa ceelashii ku gubtay dambas,” ayuu u sheegay Reuters. “Dadkani waxa ay la daalaa dhacayeen abaarta ay ku leysay kala bar xoolahoodii. Al Shabaab waxay dhaceen xoolihii haray.”

Axmed Shire, Wasiirka Warfaafinta Maamulka Glamudug, waxa uu sheegay in ku dhawaad ​​1,000 qoys oo midkiiba wata ugu yaraan toddobo caruur ah ay lug uga carareen aaggaas oo aan la samatabixin karin khatarta weerarrada awgeed.

Ururka Al Shabaab, oo xiriir la leh Ururka Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 10 sano weerarayay goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada iyo dadka rayidka ah.

UNICEF waxa ay sheegtay in cudurrada dillaaca ay sii kordhayaan carruurta, iyadoo ku dhawaad ​​13,000 xaaladood oo jadeeco looga shakisan yahay la soo sheegay bilihii la soo dhaafay kuwaas oo 78 boqolkiiba ay ahaayeen carruur ka yar shan sano jir.

Faadumo C/qaadir Warsame oo maamusha sagaal kaam oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo ku yaalla duleedka Muqdisho, ayaa sheegtay in kooxdeeda ay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay aaseen 115-qof oo isugu jira caruur iyo dad da’ ah.

“Kumanaanka qoys ee hadhay waa qalfoof kaliya. Haddii aan si degdeg ah loo caawin way ku dayan doonaan,” ayay tidhi, iyadoo raacisay in dadka intooda badan ay aad u liitaan oo aanay awoodin in si sax ah loo aaso.

Caruurtu waxay ku aasan yihiin sida qashinka luuqyada iyo gidaarada, ayay tidhi.

Gargaarka dhaqaale ee Soomaaliya ayaa kordhay dhawaanahan waxaana Qarammada Midoobay 1.46 bilyan oo doollar hadda la maalgeliyay 67 boqolkiiba. Balse saraakiisha gargaarka ayaa ka digay in wax badan loo baahan yahay.

“Waxaan arki doonnaa dhimashada carruurta si aan la qiyaasi karin haddii aynaan si degdeg ah wax uga qaban,” ayuu yiri Audrey Crawford, maamulaha Soomaaliya ee Golaha Qaxootiga Danishka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jeneral Cabdalla Cabdalla dib ugu soo celiyey darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan

Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed waxaa hore lagu eedeeyay sababo la xariira xadgudub sharciga ciidamada qalabka sida iyo xeer hoosaadka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. – waa sida lagu sheegay wareegtadii kasoo baxday xafiiska MD Farmaajo

Published

on


Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo celiyey darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu lahaa Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, taliye ku xigeenkii hore ee haya’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa go’aankan ku sheegay wareegto madaxweyne, ayada oo intaas lagu daray in go’aankan la qaatay “si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.”

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey,” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sarreeye Cabdalla Cabdalla ayaa darajooyinka laga qaaday, lagana saaray ciidanka kadib khilaaf dhexmaray isaga iyo taliyihii hore ee Nabadsugidda Fahad Yaasiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale 15-kii Agoosto wuxuu xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan oo uu horey uga qaaday madaxweyne Farmaajo.

Sebteembar 2018, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qaatay go’aan xasaasi ah oo ka dhan ah taliye ku xigeenka hore ee NISA Cabdalla Cabdalla, sida ku cad warsaxaafdeed soo baxay, warsaxaafadeedka Villa Somalia kasoo baxay wuxuu u qornaa sidaan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Warqadda soojeedinta ah oo Madaxweynaha kasoo gaartay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen ee loo cuskaday go’aankan ayaa lagu caddeeyay in sarkaalkan uusan kasii mid ahaan karin hay’adda iyada oo la tix raacayo go’aankii ay gaareen guddiga anshaxa.

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed waxaa laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidaan, isla markaana waxaa laga ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed sababo la xiriira xadgudub sharciga ciidamada qalabka sida iyo xeer hoosaadka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.” Ayaa lagu sheegay wareegtada.

Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (HSNQ) waa hay’adda sirdoonka qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay fulisaa adeeg qarsoodi ah, sirdoon iyo howlo qarsoodi ah. Ujeedka ugu weyn ee NISA ayaa ah aruurinta Sirdoonka iyo ilaalinta danaha Qaranka Soomaaliyeed.

Shaqada haayada waa in ay aqoonsato oo laga hortago khataraha ku soo wajahan gobolka iyo muwaadiniinteeda isla markaana la xoojiyo amniga iyo nabadgelyada dalka sida uu qabo dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Hay’ada Xarunteeduna waa Muqdisho. NISA sidoo kale waxay si dhow isugu xiran yihiin ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxayna si joogto ah ula shaqeeyaan madaxweynaha.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu imaanayaa, kadib markii Kooxda Al-Shabaab ay weerar xoogan oo 30-saacadood qaatay ay ku qaadeen Hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhinteen dad gaaraya 21 ruux.

Published

on

Waa madaxweyne Xassan Sheekh oo la hadlaayo ciidanka, magaaladda Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Talaadadii sheegay “dagaal dhan walba ah” oo lagu ciribtirayo Al-Shabaab, wuxuuna hadalkan jeediyay markii ugu horreysay oo uu shacabka u jeediyo tan iyo markii mujaahidiintu ay go’doomiyeen hoteello ay dad badan ku dhinteen oo socday 30-saacadood.

Weerarkan oo billowday habeenimadii Jimcaha ayaa ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca caasimadda Soomaaliya tan iyo markii uu xilka la wareegay Xassan Sheekh Maxamuud bishii Juun, waxaana uu hoosta ka xariiqay caqabadda jirta ee ah in la isku dayo in la burburiyo 15-kii sano ee la soo dhaafay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay 117 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka qoriga iyo bamka ee lala beegsaday hotelka caanka ah ee Hayat, iyadoo dadka dhintay ay ku jiraan muwaadiniin Norway u dhashay, sida ay sheegtay dowladda Norway.

“Waan ogahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka dheregsan yihiin tacsida iyo murugada aan dhamaadka lahayn, waxaan ogahay in weerar walba oo ay argagixisadu geystaan ​​aad ku weydo dad sharaf leh,” ayuu yiri MD Xassan Sheekh Maxamuud.

“Marka waxaan idinku baaqayaa in aad u diyaar garowdaan dagaal cad oo ka dhan ah arxanlaawayaasha (dadka) cadow ku ah nabadeena,” ayuu ku yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada.

“Waxaa naga go’an inaan wiiqno argagixisada baabi’ineysa shacabkeenna inta laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay gacanta ku hayaan, tani waa mid muhiim u ah dowladdeenna, diyaarinta iyo hirgelinta qorshahaas waa ay socotaa,” ayuu yiri, isagoo aan faahfaahin ka bixin.

Horaantii Talaadadii, MD Xassan Sheekh Maxamuud wuxuu qabtay shirka guddiga amniga qaranka oo ay ka soo qeybgaleen ra’iisul wasaaraha, wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka arrimaha dibadda, iyo sidoo kale taliyeyaasha difaaca dalka.

‘Weligaa ha is dhiibin’

MD Xassan Sheekh Maxamuud oo xalay fiidkii khudbad ka jeediyay taleefishinka ayaa u sheegay muwaadiniinta in aysan shaki ku jirin in “Soomaaliya ay ka adkaan doonto cadowga dulmiga ku haya dalkeeda, dadkeeda iyo diinteeda”.

“Dowladeena, Ciidankeena iyo Shacabkeena weligood isma dhiibi doonaan ilaa lahelo Soomaaliya oo kabaxsan Argagaxisada”ayuu yiri Madaxweynaha.

Xaafadda Xayaat ayaa ahayd goob ay ku kulmaan madaxda dowladda, waxaana gudaha hotelka ku sugnaa dad aad u fara badan, markii qof ismiidaamiyay uu qarax xooggan ka dhacay, iyadoo dabley aad u hubeysan ay gudaha u galeen hoteelka.

Daqiiqado ka dib, ayaa waxaa dhacay qarax labaad, iyadoo kooxaha gurmadka, ciidamada ammaanka iyo dad shacab ah ay u gurmadeen dadka dhaawaca ah, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Go’doominta ayaa la soo afjaray saqdii dhexe ee Sabtidii kaddib markii ciidamada ammaanku ay duqeeyeen dhismaha, iyadoo inteeda badanna ay burburtay.

Dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Turkiga iyo sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka, sidoo kale ATMIS, ciidamada Midowga Afrika ee loo xilsaaray in ay gacan ka geystaan ​​in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan mas’uuliyadda koowaad ee amniga ugu dambeyn. sanadka 2024.

Horaantii bishan, Washinton waxay sheegtay in ciidamadeedu ay dileen 13 ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab weerar xagga cirka ah, waana duqeyntii ugu dambeysay tan iyo markii madaxweyne Joe Biden bishii Maay uu amar ku bixiyay in dib loo soo celiyo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya kadib markii madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilka ka degay, taasoo meesha ka saartay go’aankii Donald Trump.

MD Xassan Maxamuud oo bishii Maay la doortay kaddib qalalaase siyaasadeed oo daba dheeraaday ayaa bishii hore sheegay in soo afjarida kooxaha nabad-diidka ay u baahan tahay wax ka badan qaab ciidan, balse dowladdiisa ay la xaajoon doonto Al-shabaab oo keliya marka ay ku habboon tahay.

Kooxdan ayaa tan iyo markii la doortay dhowr jeer weeraro ka geystay dalka Muslimka ah ee Soomaaliya oo aan waligiisa helin xasillooni siyaasaddeed.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

Soomaaliya ayaa u magacawday aasaasihii al-Shabaab wasiirka diinta

Aasaasihii hore ee kooxda al-Shabaab Mukhtaar Roobow oo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre u magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, maxaa laga filan karaa magacaabistan?

Published

on


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Talaadadii u magacaabay wasiirka arrimaha diinta ee Soomaaliya nin ka mid ah aas aasayaashii iyo afhayeenkii ururka Al-Shabaab, tallaabadaas oo noqon karta mid gacan ka geysan karta xoojinta dagaalka lagula jiro kooxaha nabad-diidka ah ama hurinaya dagaal beeleedyo kale, waa sida ay aaminsan tahay xukuumada RW Xamse Cabdi Barre.

Mukhtaar Roobow ayaa madaxiisa la dul dhigay lacag dhan 5 milyan oo doolarka Mareykanka ah, kadib markii uu ka mid ahaa aas aasayaashii Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda, isagoo noqday afhayeenka kooxda.

Falaagada Al Shabaab ayaa dagaalo iyo qaraxyo ku dishay dad badan iyagoo ujeedkoodu yahay inay doonayaan inay ku afgambiyaan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ay reer galbeedku taageeraan, isla markaana ay hirgeliyaan tafsiirka shareecada Islaamka.

Roobow ayaa sanadkii 2013 ka go’ay kooxda, waxaana uu si cad u cambaareeyay Al Shabaab markii uu soo galay dhanka dowladda sanadkii 2017-kii.

Laakiin xidhiidhku wuu xumaaday ka dib markii uu aad u kordhay dhaqdhaqaaqiisa siyaasaddeed. Dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa Mukhtaar Roobow soo xirtay bishii Diseember ee sanadkii 2018-kii, xilli uu u ololeynayay doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada ammaanka ayaa toogasho ku dilay ugu yaraan 11 qof dibadbaxyada xigay, taasoo dhaleeceyn uga timid Qaramada Midoobay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlay xariga Robow

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dowladda ugu baaqay iney degdeg u sii deyso Shekh Mukhtaar Rooboow Cali Abu-Mansuur.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay: ”Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay in la dooran karo waxna uu dooran karo, Mukhtaar Rooboowna waa muwaaddin Soomaaliyeed oo buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay Musharraxa sida ay caddeeyeen guddiga doorashada ee Koonfur galbeed isla-markaana guddoonsiiyey shahaada musharraxnimo oo ah inuu u tartami karo doorashada ka dhaceyso Koonfur Galbeed.

Shaqada cusub ee Mukhtaar Roobow

Magacaabistiisa ayaa gacan ka geysan karta xoojinta ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Bakool oo uu asal ahaan ka soo jeedo, halkaasoo kooxaha nabad diidka ay heystaan dhul baaxad leh balse Mukhtaar Roobow ka amar qaato. Mise waxa ay dab ku sii shidi kartaa madaxweynaha maamulka Koonofur Galbeed oo u arka in uu yahay nin ay isku hayaan siyaasad.

“Waan soo dhaweynaynaa magacaabistiisa, tallaabadan waxay hor-u-maraysaa dib-u-heshiisiinta, waxayna tusaale wanaagsan u noqon doontaa kooxaha kasoo goosta Al-shabaab,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud oo ah falanqeeye siyaasadeed.

“Xubnaha Al-shabaab ee laga yaabo inay ku fikiraan inay isa soo dhiibaan… waxay ku riyoon karaan inay dalkooda ugu adeegaan heerarka ugu sarreeya.”

Madaxweynaha cusub ee nidaamka qabaliga lagu soo doortay ee 4.5 Xasan Sheekh Maxamuud oo bishii Maay ay doorteen xildhibaanada baarlamaanka ayaa ballan qaaday in uu dagaal ku qaadi doono kooxaha nabad diidka ah kadib saddex sano oo madaxweynihii isaga ka horeeyay oo uu ku dhammeystay wakhtigiisa khilaaf siyaasadeed uusan wax tallaabo ah ka qaadin Al Shabaab.

Taasi waxay u ogolaatay muqaawamada inay dhistaan kayd lacag ah oo aad u badan oo ay weeraro ka geystaan dhul ballaaran oo Soomaaliya ka tirsan. Todobaadki hore tiro badan oo ka tirsan dagaalyahanada al-Shabaab iyo ciidamada amaanka ee Itoobiya ayaa lagu dilay iska horimaadyo ka dhacay xadka ay wadaagaan labada dal.

Xaalada amni ee geeska Africa

9 sano kadib weerarkii lagu qaaday suuqa ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nayroobi, Al-Shabaab ayaa u muuqata in ay ka go’an tahay in ay beegsato bartilmaameedyada guud ee Bariga Afrika. Hawlgallada amnigu waxa ay wiiqday awooddeedii ay ku qaadi lahayd weerarro joogto ah, laakiin raalli-gelintu waxay dib u soo celin kartaa guulahaas, sidoo kale waxay ku guul-darraysatay inay la macaamilto bulshooyinka ay kooxdu qorto.

Al-Shabaab ayaa ujeeddadeedu tahay in ay cadaadis ku saarto dowladaha Geeska Afrika in ay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, halkaas oo howlgalka Midowga Afrika uu kula dagaallamayay mintidiinta tan iyo 2007-dii.

Inkastoo ay lumisay dhul ka mid ah Soomaaliya ayna joojisay shaqaalaysiinta Kenya oo ay cadaadis kala kulmeen maamullada, haddana Al-shabaab waxay la qabsatay inay hesho goobo cusub oo ay ka howlgalaan, oo ay ku jirto inay xiriir la sameysatay dagaalyahannada Koonfurta Tanzania iyo Waqooyiga Mozambique.

Sagaal sano ka hor, September 21, 2013, afar ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay dhismaha ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku dileen 67 qof afartii maalmood ee la soo dhaafay. in xarakadu ay gaartay meel ka baxsan Soomaaliya.

Rabshadaha aan loo meel dayin ee ay ku kaceen mas’uuliyiinta Kenya ee daba socday ayaa sii huriyay carada muslimiinta iyo kordhinta askareynta. Si kastaba ha ahaatee, 2015-kii, mas’uuliyiintii ugu sareysay waxay beddeleen xeelado, iyagoo si wanaagsan uga qayb-qaatay hoggaamiyeyaasha bulshada dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhaqdhaqaaqa ayaa ka fal celiyay dib u dajinta, waxaana ka mid ahaa in xiriir dhow lala sameeyay mintidiinta Tanzania, waxaana qeybo ka mid ah dalkaasi ka dhacay weeraro kale. Maamulka Tanzania ayaa bilaabay olole iyaga u gaar ah, iyagoo ku celceliyay qaar ka mid ah khaladaadka Kenya. Taariikhda labada dal waxay soo jeedinaysaa in xadhiga bustaha ah iyo axmaqnimada bilaysku ay inta badan dib u dhacaan. Waxtarka badan ayaa ah in la isku daro tillaabooyin caqabad ku ah qoritaanka kooxaha xagjirka ah iyo siyaasadaha loogu talagalay in lagu xalliyo cabashooyinka ka faa’iideysanaya dacaayadda, gaar ahaan Muslimiinta siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Uganda sidoo kale, in kasta oo al-Shabaab aysan soo gelin weyn, haddana si xun ula dhaqma ciidamada ammaanka Muslimiinta ayaa halis ugu jira in ay abuurto dhibaatooyin halkaas oo ay ku yar yihiin ilaa hadda.

Iyadoo al-Shabaab ay weli diiradda saarayso dib u soo celinta awoodda iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka ee kala duwan ee Soomaaliya, waxay muddo dheer ka hawlgalaysay meelo kale oo Bariga Afrika ah. Markii hore waxay dhistay shabakado si ay dhaqaale u soo saaraan oo ay u qortaan, iyaga oo inta badan iska ilaalinaya weerarada. Taasi waxay isbedeshay Maarso 2007, ka dib markii la keenay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee maanta loo yaqaano ATMIS, ciidan goboleed loo diray si ay u xoojiyaan hay’adda markaas loo aqoonsaday inay tahay dawladda Soomaaliya. Kooxdan ayaa marar badan weeraro ku qaaday dalalkii ciidamada u soo diray AMISOM.

Kadib weerarkii ugu weynaa ee ay qaadeen, go’doominta Westgate, ayaa maamulka Kenya waxa ay xireen shabakadihii mintidiinta, taas oo ku qasabtay qaar in ay guuraan oo ay la qabsadaan xeeladaha. Laakin markii ay tuureen shabag ballaaran, waxay sidoo kale sii xoojiyeen niyad-jabka Muslimiinta ee ku sugan gobolka waxayna gacan ka geysteen qoritaanka Al-Shabaab.

Weerarada Al-shabaab ayaa kor u kacay intii u dhaxaysay 2013 iyo 2015, inta badan waxay ku hanjabeen inay isku dhacaan qoomiyad ama diin balaadhan. Bartamihii sanadkii 2015-kii, weerar culus oo lagu qaaday jaamacadda Gaarisa ayaa sababay in ciidamada ammaanka ay qalqal galiyaan oo dib looga fikiro.

Dhanka xeebta Kenya, saraakiisha maxalliga ah ayaa hormuud ka ah dadaallada ka dhanka ah mintidiinta, oo ay bulshada ku lug leeyihiin bixinta amniga. Waqooyi bari, meel kale oo kulul, dadka deegaanka waxay u qaateen meelo caan ah oo laamaha ammaanka ah. Isla markaana, Nayroobi waxay awood iyo dhaqaale u wareejisay dawladaha hoose iyadoo loo eegayo dastuurkii la ansixiyay 2010, qayb ka mid ah ayaa wax ka beddelaya sinnaan la’aanta iyo xanaaqa dawladda dhexe ee ay xagjiriintu ku ciyaareen. Ururinta sirdoonku way soo hagaagtay, in kastoo xadgudubyada booliisku ay sii socdaan, waxaa hoos u dhacay weerarrada xagjiriinta.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

“Xildhibaanadu ha diidaan ansixinta Roobow”- Xisbiga Qaransoor

“Marnaba ma oggollaan karno in jiilka soo kacaayo ay u arkaan ku biirista ururka aragagixisada meel laga soo koorseeyo oo siyaasadd laga soo galo”- Xisbiga Qaransoor ayaa sidaas ku yiri war saxadafeedka ay soo saareen.

Published

on


Xisbiga waddaniga ah ee Qaransoor ayaa dhawaan warsaxaafadeed uu ka soo saaray golaha wasiirada cusub ee la magacaabay isagoo bogaadiyay masuuliyiinta la magacaabay ayaa sheegay in RW Xamze Barre uu la noqdo magaacabista Mukhtaar Roobow oo ay ku tilmaameen inuusan u qalmin madaama uu horseed u ahaa kooxda argagaixsada dhibaateeysay dadka iyo dalka.

“Intaasi waxaa dheer oo uu xisbigu walaac farabadan ka muujinaya xubin ka tirsanaa kuwii aasaasay ururka aragagixisada oo dhibaato ba’an u geeystay dadka iyo dalka ee loo magacaabay inuu noqdo wasiirka arrimaha diinta iyo la dagaallanka aragagixisada. Xisbigu wuxuu RW Xamze Barre usoo jeedinaya in xubintaasi uu ka saaro liiska xukuumaddiisa.” Sida ku xusan warsaxaafadeedka.

Xisbigu wuxu kaloo arrintaasi ku tilmaamay mid u noqonaysa jiilka soo kacaya dhiirigelin inay kamid noqdaan kooxda argagaxisada una arkaan ku biirista kooxahasi meel laga soo galo siyaasadda.

“Marnaba ma oggollaan karno in jiilka soo kacaayo ay u arkaan ku biirista ururka aragagixisada meel laga soo koorseeyo oo siyaasadd laga soo galo”- Sida ku xusan warsaxaafadeedka.

Ilaa hadda majiro xisbi kale oo si rasmi uga hadlay magacaabista wasiiradda cusub iyado xisbiga Qaransoor doodiisu u muuqato mid suurtagal ah.

Xisbiga ayaa wuxu kaloo wadaa dadaallo uu kula xidhiidhayo xildhibaanada golaha si ay diidan ansixinta hogaamiyihii hore ee argagixisada.

Wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta, ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta loo magacaabay Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii dib loo doortay wuxuu sheegay in ahmiyad gaar ah uu siinayo amniga, iyo la dagaalanka Alshabaab.

“Waxaan dalka u dajinaynaa siyaasad cusub, taasoo ah in Alshabaab in la tirtiro. Siyaasadihii hore waxey ku saleysnaayeen ciidan duullaan oo dagaal la galaya Alshabaab, haatan waxaan keenay siyaasad cusub, oo ah dhanka fikirka ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, mar uu la hadlayey ciidanka Soomaaliya ee tababarka u joogga dalka Turkiga.

Waxay u muuqataa in xukkumadda xamsa ay u aragtay in Robow uu arrintaasi door weyn ka qaadan kara.

Waa kuma Roobow?

Sheekh Mukhtaar Rooboow, ayaa wuxuu kamid ahaa aasaasayaashii ururka Al-Shabaab, oo in ka badan 16 sano ka dagaalamayay gudaha dalka Soomaaliya. Wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii Midowgii Maxaakiimta, oo sanadkii 2006-dii ka adkaaday isbaheysigii La Dagaalanka Argagixisada, oo ay ku mideysnaayeen dagaal oogayashii magaalada Muqdisho, iyo Koonfurta Soomaaliya.

Abuu Mansur Roobow wuxuu kamid noqday hoggaamiyayaashii Al-Shabaab ee soo caanbaxay, kadib markii Maxaakiimtii Islaamiga ee laga saaray magaalada Muqdisho, dhammaadkii sanadkii 2006-dii. Wuxuu noqday afhayeenka iyo ku xigeenka Al-Shabaab, sannadkii 2007-dii, isagoo ka hadli jirey fagaarayaasha dadka la isugu keeno iyo waliba saxaafadda.

Waxaa kaloo la sheegey in Roobow uu ka qeybgalay shirkii magaalada Asmara ee dalka Eritrea, ee la isugu geeyey siyaasiyiin ay kamid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo markii dambe dalka madax ka noqday.

Xiritaanka Mukhtaar Roobow

Mukhtaar Roobow, ayaa xabsiga loo taxaabay bishii Disembar ee sanadkii 2018-kii, xilli uu waqti kooban ka harsanayd doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, isagoo ka mid ahaa murashaxiinta ugu cadcad. Xarigiisa ayaa sababey in qalalaase uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo lasoo tabiyay in qulqulatooyinkaas ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay dad rayid ah, iyo dibadbaxayaal taageersanaa Mukhtaar Rooboow.

Horraantii sannadkii 2019-kii, siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya, ayaa BBC-da u sheegay i uu dib u dhac ku yimid rajo laga qabay dhaqdhaqaaqyada ku aaddan sii deynta Mukhtaar Roobow.

Sababta loo xiray

Markii la xiray Muktaar Roobow, Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in sababta loo xiray ay tahay inuu kasoo bixi waayay shuruudihii lala galay markii uu isa soo dhiibay, sidaas awgeedna aan la aamini karin.

Roobow ayaa eedeyntaasi beeniyay sheegayna in loo xiray sababa siyaasadeed. Roobow oo horay u ahaan jiray hoggaamiyaha labaad ee ugu sarreeya ururka Al Shabaab, ayey mas’uuliyiinta xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyeen in hub iyo ciidan isaga u gaar ah la tagay magaalada Baydhabo. Balse kooxda Abuu Mansuur ayaa beeniyay eedeyntaas.

Wuxuu Baydhabo u tagay inuu uga qeyb galo doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo xilligaas uu socday ololaheeda.

Xiritaanka Roobow waxay galaafatay wakiilkii gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya xiligaasi, Nicholas Haysom, oo dowladdii Madaweyne Farmaajo ay ku eedeysay inuu faraha la galay arrimaha gudaha, xilli uu ka hadlayay rabshadihii ka dhacay Baydhabo kadib xiritaankiisa. Dowladda Soomaaliya ayaa waxay xilliggaas ku amartay Heysom in dalka u si degdeg ah uga baxo.

Kahor intii aan dalka laga ceyrinin, Nicholas Haysom wuxuu soo saaray warqad uu uga hadlayay saameynta ka dhalan karta in ciidamada Nabad Ilaalinta ee Qaradamada Midoobeey ay taageerto ay lug yeeshaan xariggii Roobow.

Eryiddii ergeyga Qaramada Midoobey ee Haysom iyo amniga Dowladda Soomaaliya ayaa waxay Mukhtar Roobow ku eedeysay inuu dhaqdhaqaaq amni darro ka abuuray gudaha magaalada Baydhabo, taasoo ah eedeyn ay beeniyeen kooxdiisii ololaha doorashada. Abuu Mansuur ayaa waxaa magaalada Baydhabo laga qabtay bartamihii bishii December ee sanadkii 2018-kii, waxaana xigay rabshado la sheegay inay ku dhinteen 15 qof oo rayid ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa xilliggaas ku wargelisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, in Nicholas Haysom aanan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya. Sidaa awgeedna loo baahan yahay inuu dalka uga baxo sida ugu dhaqsaha badan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul