Connect with us

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Maxaad u Nooshahay? Waa Adiga Qofka Aan La Hadlaayo?

Published

on


Waxaa laga yabaa inaad su’aashaasi dhowr mar isweydiisay, balse laga yaabo inaad jawaab sax ah u weysay. Waxaa jira dhaqamo soo jireen ah oo ay aadanaha ka wada simanyihiin, midkaas oo ah qaababka kalla duwan oo ay bini’aadamka wax u qabsadaan. Haddii aad aragto bini’aadam nool oo wax qabsanaayo waxay la yimadeen

  • Ismaqal iyo
  • Wax qabsi

Ma jiro, walina taariikhda laguma sheegin bini’aadam wax qabsaday ismaqal la’aan. Dhammaan aadanaha horumarka la taabani karo gaaray waxaa lagu xaqiijiyay inay ahayeen kuwa la yimaaday ismaqal iyo waxqabsi. Hadaba waxaa laga yabaa inaad wax badan naftaada ku canaanatay, “Maxaa kugu dhacay oo aad wax u qabsani la’dahay?” “Waa maxay sawabta aad horey ugu soconi la dahay?” “Maxaa keenay inaad horumar gaari weyso?”

Hadaba aan iskudayo inaan si fudud kuugu sharaxi karo su’aalahaas jawaabta ku haboon. Adigaba waad ogtahay jawaabta saxda ah ee ku haboon su’aalahaada. Su’aal walbo waxay leedahay jawaab, mana jirto su’aal aanan jawaab lahayn. Waxwalbo oo aad ku riyooto guul waad ka gaari kartaa, waa haddii aad ku talo-gasho inaad qabato. Adduunkaan aad u jeedo Illaahay ayaa sameystay balse waxaa horumarkaan gaarsiiyay waa dad wax fahmay oo wax bartay.

Illaahay s.w.c wuxuu ku siiyay nimcooyin aad u tiro badan. Nimcada ugu weyn ee qofka bini’aadamka haysto waa Diinta Islaamka. Waxaana ku xigga waa maskaxda iyo caqliga wax lagu kalla garto. Waxaa dhibaato ah in Illaahay s.w.c maskax ku siiyay, hadana aad ku kalla garani weysay wixii qaldan iyo wixii saxan. Xaalad walbo oo cakiran waxay leedahay xalkeeda.

Marka horre waxaa wanaagsan inaad ogaato oo aad ka jawaabtu waa maxay horumarka shaqsiniyeed? Inaad horumar gaarto ma ahan wax fudud, qaasatan inaad gaarto horumar shaqsinimo.

Waxbo haka welwelin, jawaabta halkaan ayay taalaa ee si fiican u aqri maqaalkaan. Waxaan isku dayi doonaa inaan wax badan ka tilmaamo horumarinta shaqsinimo. Mudooyinkaan dambe waxaa jira dad badan oo raadiya qaababkii ay ku horumarini lahayeen dadnimadooda iyo waliba inay  noqdaan dad meel iska soo saara. Aniga Cabduljabaar ahaan waxaan mudo 5 sano ah raadinayaa qaababka ugu fudud ee aan ku horumarini karo nafsadeyda, balse maxaa guulo ah oo aan gaaray shantii sano ee la soo dhaafay illaa maanta?

Waxan isku dayay inaan aqriyo buuggaag badan oo kala duwan, buuggaagta aan aqriyay buugga iigu dhiirogelinta badnaa oo nafsadeyda wax badan ka bedelay wuxuu ahaa buugga loo yaqaano “7 habits of highly effective people”. Buuggaan waxaa qoray Stephen Covey. Waxaa la daabacay buuggaan taariikhda marka ay ahayd agoosto 15, 1989. Wuxuuna ka koobanyahay 381 bogg.

Qofka bini’aadamka siddiisaba waxaa caawiyo waa ku dhaqanka diinta Islaamka. Qofka illaahay talo saarto hadana la yimaado ficil wuu guulaystaa. Waxwalbo waxay u baahantahay ficil in la sameeyo.

Stephen Covey wuxuu buuggiisa kaga faaloonayaa sidda aad u horumarini karto naftaada iyo waliba wuxuu aad u anfacayaa hogaamiyaasha shirkadaha ganacsiga iyo kuwa haayadaha. Waxaana ka bartay wax badan oo dhiirogelin fiican leh.

Aqristoow waxaan rabaa oo kali inaan meel dhaw wax kaaga tilmaamo anigoo aan kugu sii dheeraynin aqriska. Haddii aad doonayso inaad naftaada in badan horumariso sirta kali oo aad u baahantahay inaad ogaato ayaa ah inaad aqriska badiso.

“Fadlan isku day inaad aqriska badsato” maxaa yeelay waxay muhiim u tahay adiga shaqsiyadaada.

Muna Axmed Cumar, waxay qoraal kooban ka qortay qiimaha wax aqriska uu leeyahay waxayna ku tilmaamtay qodobo muhiim u ah horumarinta shaqsiyeed waa sidda aan isleeyahay aniga. Haddaba waa maxay faa’idada akhrisku?

Haddii aynu isla garanay in akhrisku faa’ido badan yahay aadna muhiim ugu yahay nolosha aadamaha aan halkan ku yar ifino faa’idadaasi waxa ay tahay:

  1. Akhriska waxa aad ka helaysaa warbixino cusub, waddooyin cusub oo aad wax ku xalin karto waddooyin badan oo aad guul ku gaadhi karto.
  2. Akhrisku waxa uu kor u qaada horumarka naftaada sida kalsoonida, samaynta qorshayaal cusub iyo nidaaminta noloshaada
  3. Akhrisku waxa uu kor u qaadaa fahanka maskaxda. Waxa uu ku siiyaa qaabab aanad hore u aqoon oo aad wax ku fahmi karto ama waxa uu ku fahansiiyaa waxyaabo aanad fahansanayn marka hore.
  4. Akhrisku waxaa laga helaa khibrad iyo aqoon fara badan taas oo ay kula wadaagayaan dadka qoray hadba buugga aad akhriyayso.
  5. Akhrisku waxa uu ku barayaa xasiloonida, deggenaanta iyo u fiirsashada ka hor inta aanad ku dhaqaaqin waxyaabo badan.
  6. Akhriska waxa laga bartaa wax ikhtiraacidda, dabagalka iyo ka niibkeenidda wax kasta oo aad danaynayso.

Sirta ku jirto inaad naftaada horumariso waa inaad wax aqriska bartid naftaada. Dadka badan ayaa jira oo ka cabanaayo inaysan kari Karin wax aqriska. Laakiin waad kari kartaa inaad maalin walbo wax aqriso. Bulshada inay tahay bulsho horey u socoto waxaa lagu dareemaa inay tahay bulsho wax aqriska caado ka dhigtay. Laakiin waxaad ogataa haddii aadan aqoonin sawabta aad u nooshahay waa dhibaato kale. Marwalbo iskuday inaad ku guulaysato sawabahii laguu abuuray.

Waxaa kaloo muhiim ah inaad ogsoonaato inaadan bulshada culeys kusoo kordhinin ee aad kusoo kordhiso wanaagsan iyo horumar la taabani karo oo aad adiga hormuud ka noqoto horumaka ay u baahantahay in bulshad ay gaarto.

Ugu dambeystii waxaan jeclaani lahaa inaad ogaato inaad tahay shaqsi muhiim u ah bulshada, islamarkaana loo baahanyahay horumar iyo isbedel ku saabsan nafsadaada. Waxaa jira inaad waxyaabo badan ku riyoonayso balse aadan aqqoonin wadadii aad u mari lahayd, wadada kali oo aad u baahantahay ayaa ah inaad marka horre horumariso naftaada. Qofka marka uu naftiisa isbedel ku sameeyo ayuu bulshadana isbedel ku samayni karaa mise wax u qabani karaa.

Facebook Comments Box

Cabdijabaar Sh. Axmed waa qoraa iyo macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha (The University of Government and Economics). Waa falanqeeye ka tirsan Diblomaasi.com. Wuxuuna falanqeeyaa siyaasadda arrimaha dibedda, amniga iyo laamaha sirdoonka, diblomaasiyadda, sharciyadda caalamiga. Wuxuu kaloo wax ka qoraa maareynta ganacsiga, dhaqaalaha, falsafada, horumarka bulshada iyo nabadgelyadda. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Qalin-jabisaye qorshe ma siddaa?

Haddii wax la bartay maxaa la soo kordhiyay?

Published

on


Sannad kasta, waxa jaamacadaha waddanka ka baxa oo ka qalin jabiya arday tiro badan oo kumanaan ah, waxa ayna ka soo kala baxaan jaamacado kala duwan, iyaga oo soo kala barta culuum kala duwan. Waa horumar aqooneed iyo ilbaxnimo loo baahanyahay, waana wax Illaahay loogu mahadnaqo, waxaase aynu wada dareen sannahay qof kasta oo innaga mid ahna agtiisa wax caadiya ka ah in ardaydaasi ay soo baxaan oo bulshada soo dhex galaan tiiyoo (intooda badan) uu ku soo xisaabtamayo sidduu uga hawlgali lahaa shirkad, xafiis dawladeed, dugsi, warshad, cusbitaal ama meherad ganacsi oo hawsheeda shaqo hore u soo socotay oo shaqaynaysay.

Taas ayaa ah ta aniga iyo dad badan oo ila mid ah maskaxdoodu isu waydiiso su’aasha ah: ”Maxaa sababay in 5,000 oo arday oo midkasta oo ka mid ahi uu buug iyo qalin is dul hayay muddo dhan 16 sannadood iyo wax ka badan laga waayo hal qof oo layimaadda HINDISE IYO HAL-ABUUR cusub oo uu dunida ama ugu yaraan waddankiisa ku soo kordhiyo?”

Bal eeg, waxa uu ka soo baxay kulliyadda caafimaadka, haddana galab qudha isma uu waydiin ”Sideebaa geedka mirimiriga loogu addeegsan karaa daawo lagula dagaallamo, lagaga hortago ama lagu daweeyo xanuunka malaariyada si cilmiyaysan?”

Waxa uu kasoo qalin-jabiyay takhasusna ku qaatay Cilmiga XANNAANADA XOOLAHA, haddana iskuma uu dayin inuu hindiso hab cusub oo lagula dagaallami karo shillinta iyo gafanaha xoolaheenna waxyeelleeya marmarka qaarna caqabad ku noqda in xooleheennu u dhoofaan caalamka?

Waxa uu ka soo baxay ama soo bartay culuumta teknolojiyada ee IT-ga walina kumuu fakerin inuu awood u leeyahay inuu samayn karo dunidana kusoo kordhin karo inuu sameeyo CHARGER wireless ah! Arday kale ayaa isagu waxa uu soo bartay DARAASAADKA ISLAAMKA AMA SHAREECADA iskumana uu dayin bal inuu kutub qoro oo soo kordhiyaa ha joogtee uu kitaabka ARBACIINKA ku tarjumo Af Soomaali. Waxa uu kasoo baxay Kulliyadda dhaqaalaha walina muu soo bandhigin hal fikrad oo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha waddanka.

Mid kale ayaa wuxuu soo dhammaystay injineering, walina ismuu waydiin su’aasha ah ”Ma jiraa design ama qaab kale oo guryo looga dhisan karo qabcadaha guryaha dusha laga saaro ( jiingadaha )?”.

Waa run in culuumta iyo kulliyadaha jaamacaddu intan aan xusay oo kaliya ahayn, balse intan waxa aan u soo qaadannay kaliya tusaale ahaan.

Ardayow ma aha in aad bulshada ku soo noqoto adiga oo la koodhaadhaya afartii LECTURE ee barafoysarka jaamacaddu uu kugu soo shubay oo kaliya, adigu ka shaqaysii maskaxda oo noqo aqoonyahan bulshada u soo kordhay oo lasoo kordhay aragtiyo cusub oo wax ku ool ah oo bulshada u horseedi kara inay saymayso horumar diimeed, dhaqaale, siyaasadeed iyo horumar kasta oo kale oo dan u ah ummadda ifkeeda iyo aakhiradeedaba.

Ugu danbayn, waxa meesha ku jirta in dood ama cilmibaadhis laga sameeyo waydiimahan soo socda: Maxaa keenay wax hindisid la’aanta aqoonyahankeenna?, Ma waxa aynaan lahayn maskaxdii wax ikhtiraaci lahayd (subxaanalaah) mise  waynaan gaadhin goortii wax-soo-kordhinta, oo wali aqoonbaa inoo dhiman? Ma jaamacadaha waddanka ayaanay ool aqoon ardayga maskaxdiisa gayaysiisa inuu wax cusub allifo (oo kuwa debedda inooga yimaaddaaba af qudha ayay lasoo noqdaane!!) Malla furi karaa se kulliyad sidata magac ah: WAX CUSUB SOO KORDHI!?, mise waxa innaga dhaadhacsan in waqtigan aynu joogno ay dhamaadeen wax la hindisaaba (ikhtiraac) oo hore loo wada dhammeeyay?

Waxa aynu u baahannahay in dib loogu noqdo sid ay waxbarashadeenna sare (jaamacaduhu) u socoto in daraasaad laga sameeyo jawaabaha waydiimahan sare.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Waxaa jira 3 xeerar oo fududd oo aad raaci karto si’aad u guulaysato

“Dhammaan riyadeenna way rumoobi karaan; haddii aan ku dhiirano inaan daba galno”. – Walt Disney

Published

on


Guushu waa fikrad kala duwan qofkastana wuxuu u arkaa si ka duwan qofka kale. Haddii ay la macno tahay in aad leedahay xirfad aad u wanaagsan, guri ama qoys, guushu waa wax uu qof kastaa ku dadaalo in uu gaaro. Waxay kaa dhigaysaa inaad dareento geesinimo, waxay ku siinaysaa raynrayn, waxayna ku siinaysaa inaad ogaato inaad saamayn ku yeelatay adduunkan tartanka adag leh.

Guushu maaha shay aad gaartay adigoon dadaal gelin, si kastaba ha ahaatee. Waa maskax ay tahay in aad qaadato si aad himiladaada u fuliso oo aad u korto qof ahaan, waxayna u baahan tahay shaqo adag. Maqaalkan, waxaanu ku sharaxaynaa waxa ay la macno tahay in lagu guuleysto oo aan ka wada hadalno talooyin kaa caawin doona safarkaaga guusha.

“Dhammaan riyadeenna way rumoobi karaan; haddii aan ku dhiirano inaan daba galno”. – Walt Disney

Waa maxay guushu sideese aad ku gaari kartaa?

Qof kasta oo naga mid ah wuxuu ku hamminayaa sidii uu u gaari lahaa guul wax ku ool ah. Qof kasta riyadiisa ayaa ah inuu nolosha ku guuleysto. Laakiin, qaar badan uma rumoobaan riyooyinkooda. Waxaa jira farqi udhaxeeya “Waxaan rabaa inaan noqdo dhaqtar” iyo “hamigeygu waa inaan noqdo dhaqtar waana dadaalayaa si aan dhaqtar u noqdo.”

Qofna ma rabo in loogu yeero ama loo arko inuu yahay mid fashilmay ama guuldareystay. Si kasta oo ay u adag tahay una xanuun badan tahay, waxaan wada qiran karnaa inaan ku guuldaraysanay nolosheena qeybo kamid ah.

Laakiin qof walba waxaa haysta hammi iyo wax ku weyn maskaxdiisa/maskaxdeeda, balse dadku waxay u baahan yihiin inay ogaadaan sheyga maskaxdooda ka guuxa wakhti intee la’eg ayey u baahan yihiin inay ku qaadato, maxaa yeelay waxwalbaa wuxuu qaataa waqti, wixii waqti qaata oo kaliya ayaa la ogaan karaa guushiisa inta ay la’eg tahay.

“Guushu maaha furaha farxadda. Farxaddu waa furaha guusha. Haddii aad jeceshahay waxa aad samaynayso, waad guulaysan doontaa.” – Albert Schweitzer

Fikradda guushu way ku kala duwanaan kartaa qof ilaa qof laakiin qof kastaa waxa uu haminayaa in uu ku guulaysto sida ugu wanaagsan ee kartadiisa ah. Waa lama huraan in aad taqaano waxa aad nolosha ka rabto iyo waxa aad u aragto guul.

Ma mari kartid waddo aan toos ahayn adoo raadinaya nolol guulaysata, adiga oo aan go’aamin jidkaaga ama hadafkaaga. Waqti qaado oo raadi waxa aad u taqaano guul. Ka fakar oo xooga saar tamartaada.

Fahan marka hore, ka dibna go’aami waxa aad ka rabto nolosha. Ma waxaad hiigsanaysaa guul shakhsi ama mid xirfadeed mise way isku xiran yihiin? Aqoonso waxyaalaha nolosha kaa farxiya. Markaad bilowdo inaad si togan u fikirto waxaad ku socotaa wadadii saxda ahayd.

Inaad dedaasho waa waajib kaa saaran naftaafa. Waa xaqiiqa jirta cidna kama sugaysid midaas. Waana waddooyinka kali ee aad ku xaqiijin karto inaad tahay qof jira oo nool oo waliba naf ay ku jirto. Guusha waxay leedahay sharciyo la maro, mid kamid ah sharciyada ugu muhiimsan waxaa kamid ah inaad aaminsan tahay inaad guulaysan karto.

Waxaa jirta xikmad uu yiri qoraagii reer Gariiga ahaa Nikos Kazantzakis, “Si aynnu u guulaysanno ugu horrayn waa in aynnu aaminnaa in aynu guulaysan karno.”

  1. Noqo qof hadaf ka leh nolosha

Marka horeba u door mustaqbalkaaga waxa aad jeceshahay inaad noqoto. Hadafka ayaa muhiim u ah noloshaada, waa jihada naftaada. Inaad noqoto qof hadaf leh waxay ka dhigan tahay qof og muhiimada ay u leedahay noloshiisa, oo macnahiisu yahay waad garanaysaa meesha aad u socoto, taasina waxay ku siinaysaa xamaasad, dhiirigelin, tamar badan iyo sababta aad usoo kacayso subaxdii. Waxaad noqonaysaa qof nool. Qodobkaan waxa aan aad ugu dheeraaday buugga 5-ta Tiir ee Guusha.

Himilada nololeed waxay noqon kartaa wax kasta oo ka mid ah guursashada, iibsashada guri, bilaabista ganacsi, caruur iwm. Wax kasta oo ay noqon karaan, waxaa muhiim ah inaad yeelato yoolal nololeed oo aad ogaato waxaad ka damacsan tahay nolosha.

2. Ku dadaal hadafka noloshaada

Weligaa ha khiyaanayn naftaada – guushu waxay ku timaadaa shaqo adag inaad la timaado. Waxaadna ogaan kartaa inkasta oo aad samaynayso dhammaan culeysyada ku horyaallo, waxaa jirta qanacsanaanta aad ku qanacsan tahay shaqadaada. Laakiin xasuusnoow inaad u baahan tahay inaad ku tiirsanaato dad adiga oo kale oo nolosha ujeedo iyo hadaf ka leh, iskana hubi dadka adiga kugu hareersan inay yihiin kuwa aad isla jaan-qaadi kartaan.

Inaad dedaasho oo kali lagaagama baahno waxaad kaloo u baahan tahay inaad taqaano halka aad u socoto iyo goorta aad rabto inaad gaarto.

Dr. Tony Campolo ayaa sheegay daraasad laga sameeyay 50 qof oo da’dooda kor u dhaaftay 90 sano oo rag iyo dumarba leh ayna sameeyeen aqoonyahanno cilmiga bulshada. Wuxuu sheegay in waayeel kaas la weydiiyay “Haddii noloshaada dib loo celin lahaa, maxaad ka beddeli lahayd?” su’aashaas waxay ahayd su’aal furan oo jawaabaheedu kala duwanaan karaan. Haseyeeshee, jawaabaha waayeelku ka bixiyeen waxay noqdeen kuwa isku mid ah waxayna ku jawaabeen:

  • Waan fekeri lahaa oo hadba xaaladyda qiimayn ku samayn lahaa.
  • Siddii horre si ka badan ayaan khatar ugu bareeri lahaa. Waxaan ifka kaga tegi lahaa wax iga dambeeya.

Waayeelkaas waxay dhammaan ka shalaayeen in sida ay u fekeraayeen yaraantoodii aysan ahayd mid u hagtay dhanka himilooyin ay lahaayeen iyo in feker la’aantoodu ay gayaysiisay in aysan gaarin hadafkooddii. Waxay isku raaceen in ’waa fekeri lahaa! Macnaheedu yahay ”tallaabo kasta oo aan qaadayo waxaan ka dhigi lahaa mid ii jihaysa waxyaabaha noloshayda macnaha u sameeya intii aan siddii bilaa macno daro u socon lahaa”

Halkaas, waxaanu ka baran karnaa in qofka inta ay goor tahay maskaxdiisa si fiican ugu shaqeysiiyo. Siddoo kale waxaan kaloo arki karnaa in qof walbi nolosha uu noolyahay aysan ka fogayn sidda uu u fekeraayo.

3. Diirada saar hawlaha ku horyaallo oo kali

Waxaad u baahan tahay inaad yeelato feejignaan dheeraad ah haddii kale waxaa ku mashquulin doona cida adiga kugu heeraarsan sida asxaabtaada iyo hawlo kale oo hadafkaaga dib-u-dhac u keeni kara. Maalin kasta, qorshahaaga hakuu diyaarsanaado. Hana ku mashquulin hawlo aan faa’ido kuu lahayn.

Waxaa laga yaabaa inaysan jirin isku-dhaf qumman oo hadafyada nolosha ah laakiin waxaan kuu sheegayaa waxwalbo oo aad qabanayso seddaxdaas ayaa u ah laf dhabar. Inaad hadaf yeelato, kuna dedaasho hadafkaaga iyo inaad diirada saarto hawlaha ku horyaallo oo adiga hadafkaaga ku gaarsiin kara. Boqolkiiba 2% oo kali ayaa dadka shaqeyn kara iyada oo aan kormeer lagu hayn. Dadkaas waxaa la yiraahdaa ”Hoggaamiye.” waa nooca shaqsiyadeed ee lagaaga baahnaa inaad noqoto, waadna noqon kartaa haddii aad go’aansato.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Faa’iidada ay leedahay aqlaaqda wanaagsan

Ummada walbaa oo dumeyso waxay ku dayataa Ummada kale waxaan meesha ka baxo qiimaha qofka, balse Soomaalida ayaa maanta kusoo kordhay nidaam khatar ku ah bulshada Soomaaliyeed kasoo laga keenay dalka dibadiisa ayna qeyb ka tahay ilxaadka heysta Ummada.

Published

on


Ugu horeyn aqlaaqda wanaagsan waa waxa ugu muhiimsan noole kasta si uu ula dhaqmo dhaqan wanaagsan bulshooyinka kale, balse waxaad u baahantahay in aad la timaado aqlaaq iyo dhaqan wanaagsan ay bulshada kugu jeclaato.

Aqlaaqda wanaagsan qeyb ka mid ah abuur ama fidro uu rabi siiyay addoomadiisa balse in lasii kardhiyo waxay u baahantahay inaan barato dhaqanka wanaagsan kaasoo sare u qaadaya siddii aad bulshada kula dhaqmi laheyd dhaqan wanaagsan.

Qofka aqlaaqda wanaagsan waa qof ay jecel yihiin bulshooyinka kale sababtoo ah wuxuu bulshada u sidaa dhaqan wanaagsan oo u horseedi kara horumar, haddaba barnaamijkan aan ugu magac daray Jimco wanaagsan waxaan si taxane ah ugu soo qaadan doonaa Hormarinta Qoyska iyo Arimga Bulshada kaaso bixi doono kaliya maalinka Jimcaha.

Waxaan halkaan kugula wadaagi doonaa dhowr qodob aan isleeyahay waxey sahlayaan aqlaaqda wanaagsan.

  1. Aqlaaqda wanaagsan waa isku xirka bulshada qeybaheeda kala duwan taasoo dhalisa hab dhaqan wanaagsan ay bulshaba kaga dayato jiilba jiilka ka danbeeya.

Haddii aad bulshada ku xiran tahay aysan dhisi Karin aqlaaqdaada waxaad khatar ugu jirtaa inuu ku dhaco milan aad ku milmeyso bulshada kale taasoo sababi karta inay xumaato dhaqanka iyo aqlaaqdii wanaagsneyd ee aad laheyd.

Aqlaaqda wanaagsan ayaa lagu kala gudbiyaa goobaha waxbarshada sidda Machadyada, Iskuulada iyo Jaamacadaha balse marka loo eego bulshadeena waa bulsho leh xadaarad taasoo dhaxal siisay inay noqdaan kuwa loogu jecel yahay markii ay tagaan goobaha waxbarasho ama dalka dibadisa.

  1. Qofka aqlaaqda wanaagsan leh waa qof xiiseeya inuu barto dadyow kala duwan waayo waa qof aaminsan inuu sido fariin taasoo u jeedkiisa tahay in uu cid la wadaago si ay usii jirto dadnimada ay leedahy bulshada.

Diinta Islaamka an aad fahanto misna aad ku dhaqanto waxay ku dhaxal siineysaa halka ay ka taagan tahay aqlaaqda wanaagsan iyo in bulshada kula dhaqanto dhaqan wanaagsan ayna ka qurux badan tahay wax siismada.

Maalin maalmaha kamid ayaa wafdi uu hogaaminaayo nin la yiraahdo Ashaji Cabdi ayaa u yimid Rasuulka(SCW) waxuuna ugu yimid in uu u dardaarmo, wuxuuna yiri: “ii dardaaran”Rasuulka (SCW) wuxuu yiri: “ha caroonin” balse ninkii ayaa markale ku celiyay Rasuulka (SCW) wxuuna yiri: “ ii dardaaran”, balse Nabiga (SCW) ayaa ku yiri: “hacaroonin” subxaana Allah!

Bal u fiirso xadiiskan wuxuu sidoo kale qofka farayaa sabarka in uu muhiim yahay aqlaaqda suuban, majiro ruux aan caroonin markii wax la yeelo balse mahuumida ayaa ah markii waxa lagu yeelo in aadan miir beelin siddii qof waalan oo kale, tuasaale: Soomaalida waa dad sooraan ah ama aad u xanaaq badan sababtoo ah haddii reer hebel uu tiriyo hal gabay uu ku caynaayo reer hebel, reer hebelna waa in ay tiriyaan shan gabay ay ku caanayaan reer hebel balse waxaa ka qurux badan inaad u sabarto.

  1. Qofka aqlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan leh waa ruuxa xal u hela dhibaatooyinka heysta bulshada asagoo sawir kooban ka bixiya dhibaatada ka dhalan karta haddii aan la xalin.

Dhanka kale, waa ruuxa sameeya qoshooyin taaba gal ah amaba suurtagal ah si ay bulshada dhaqanka wanaagsan, wuxuuna diyaar u yahay inuu la yimaado aqlaaq wanaagsan.

Sidoo kale dadyow badan ayaa maqaalo ka badan ciida ka badan ka qoray aqlaaqda wanaagsan balse haddii aan soo qaato mid ka mid ah wuxuu leeyahy: “ aqlaaqda wanaagsan waa biriijka ama buundada u dhaxeyso adiga iyo guusha taasoo kuu horseedi in ay dadka ku jeclaadaan bilaa sabab”.

“ Aqlaaqda wanaagsan qeybi waa fidri ama abuur  halka uu ruuxa uu gaarsiin karo heer uu ku tarbiyeeyo naftiisa aqlaaqda iyo dhaqan wanaagsan”, ayuu yiri Sheekh Mustafe Xaaji.

Maxaa ka dhalan kara haddii la waayo bulsho dhaqan iyo aqlaaq wanaagsan leh

Haddii ay dhacdo tani oo kale waxaa badanaayo taxadiyaadka ay bulshada loo geysanaayo ayadoo qiil lagaga dhigaayo in ay jiraan bulshooyin laga tari badan yahay balse arinka sida loo fasiro wey ka duwan tahay waayo waxaa la baneysanaa in badan oo kamid ah bulshada diigooda iyo xolahooda.

Waxaa dhaceyso in ay bulshada cagta saartay wadada dumista bulsho walbaa oo dumeyso waxaa calaamd u ah inay ku dayato bulshooyinka kale.

Yurub maanta waxay dooneysaa dunnida oo dhan iney nqoto (Westearn Culture) dhaqanka reer Galbeedka, ayagoo wada xuquuqul insaan iyo waxyaabo kale.

Soomaaliya waxey qeyb ka tahay dadyowga sii burburaayo aqlaaq ahaan iyo dhaqan ahaan sababtoo ah waxay bilaabeen in dayacaan reerihii ay la haayeen sidoo kale ay meesha ka baxdo xaaneynta caruurta, taasoo keentay in ay meesha ka baxdo qiimihii uu lahaa qofka Soomaaliyeed.

Ummada walbaa oo dumeyso waxay ku dayataa Ummada kale waxaan meesha ka baxo qiimaha qofka, balse Soomaalida ayaa maanta kusoo kordhay nidaam khatar ku ah bulshada Soomaaliyeed kasoo laga keenay dalka dibadiisa ayna qeyb ka tahay ilxaadka heysta Ummada.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Wax ka baro astaamaha lagu garto nolosha dadka guuleystay

Dadkan ayaa si isku mid ah u fakara ayagoo hiigsigooda uu yahay gaarsiinta dadka kale ay gaarsiiyaan cilmiga ay hayaan.

Published

on

Caalamadaha lagu garto dadlka guuleysta

Nolosha bini’aadamka ayaa wada gaaro da’a isku mid ah halka kuwa kalena ay gaaraan ilaa iyo halkii uu Rabi cimrigooda dhigay, balse dadkan ayaa ku kala duwan qaab nololeedka ay nooloyihiin muddada ay dunnida joogaan, sidoo kale waxaa kala duwan raadadka ay dunnida kaga tagaan kaasoo ay bulshada kaga dayato  hab dhaqan ahaan iyo mid aqooneedba.

Ka hadalka dadka nolosha guusha ka gaaray ayaa ah wax aan halkan lagu soo koobi Karin ayadoo ay jiraan dad badan oo raadad ma guraan ah kaga tagay aduunka taas oo mudan in lagu dayo, mise waxaan ka hadlaa raggii ugu saameynta badnaa ee soomaray Islaamka kuwaas oo guulo badan kasoo hooyiyay dagaaladii ay la galeen dadkii diidanaa diinta rabi.

Dunnida ayaa ugu horeyn ka jirta loolan adag ama siraac taaso ay ku ku loolamayaan dadyow kala duwan kuwaas oo midda midka kale raba inuu hoggaamiyaan dunnida oo dhan, balse arinkan ayaa dadbadani ay ka jiifaann loolankan dunnida ka jiro ama ay yihiin kuwa dhan kale nolosha kaga mashquulsan.

Dadkan ayaa sido kale ka mid ah bulshooyinka aan lanool nahay kuwaasoo ay kamid yihiin dadyowga Soomaaliyeed, balse arakti ahaan in ay bulshadani aysan wax badan kala socon loolan ay dunnadani wajaheyso kaasoo waqti xaadirkan la joogo.

La socodka macluumaadyaddii ugu danbeeyay iyo xoggo kale ay ka mid yihiin diyaarinta in maanta ay dunnida ka socoto in ay noqoto hal dowllad ayada oo ay soo ifbaxeen aalado kala duwan kuwaas oo laga yaabo iney badalaan sida ay maanta u shaqeyso dunnida , balse qubarada falanqeeya cilmigga deegaanka ayaa qaba in ay arinta ay suurtagal tahay isla markaana la filaayo iney soo if baxaan sannada soo socda.

Waa waxyaabo cajiib ah markii aad fiiriso kaasoo ay dadbani lagayaabo iney wax wal wal ku heyn balse si aan waxbadan ugu ogaano ayaan waxaan halkaan ku koobi doonaa dhowr siyaabood oo lagu garto dadka nolosha guusha ka gaaray isla markaana raadad kaga tagay dunnida ayna ku nool nahay.

1. Dadka nolosha ku guuleysta waxey leeyihiin sifaad ama calaamado ay kaga duwan yihiin bulshooyinka kale, balse aqristow su’aal isweydii oo dadka oo dhan ma wada guuleesan karaan? Haa, dadka oo dhani wey guuleysan karaan balse guusha ayaa qof waliba uu ka qabaa fikir gaar ah.

Balse dadka nolosha ku guuleysta waa dad marwaliba u taagan iney wax kusoo kordhiyaan halka ay ku noolyihiin ayagoo raba iney kaga tagaan raadad muuqda, balse raadkan ayaa laga yaabaa in aadan wax badan  ka fahansaneyd laakiin adiga oo bulshadaada ka taga wadadii ay ku heli lahaayeen aqoon fiican misna noloshooda anfacda waxaad kaga tagtay raad fiican.

Sidoo kale dadkan iskama weyna iney bulshada kale wax u sheegaan si ay u noqdaan kuwa garaadkooda uu sii koraayo lana yimaado qorshe cad iyo hoggaan fog, tani ayaa laga yaaba iney tahay waxyaabo aad la yaabto balse nolosha dhabta ayaa ku dhisan in ay bulshada wadaagaan waxyaabha faa’iidada u leh.

2. Bulshadani ayaa sidoo kale ku tiirsan meelaha ay ka helaan daraasaadka nafsiga ayaga oo mararka qaar ka isku daya iney sameeyaan daraasaad ay ka mid tahay waxbarashada, farsamada gacanta, iyo barnaamijyo kale ay ku hormarinayaan noloshooda.

Bulshadan ayaa ah bulsho ku hormarsan dhanka aqoonta iyo farsamada gacanta ayagoo marwalabana raadiyo iney bartaan fursado kale ay noloshooda ku badalaan isla marakaan ay xaqiijiyaan hadaf yadii ay nolosha ka lahaayeen muddo ka dib, laakiin dhibaatada jirta ayaa ah in bulshada ay mar walbaa fahmin bulshada kale dhanka aqoonta iyo garaadka ay leeyihiin.

3. Bulshadan waa bulsho marwalbaa ku xiran dadka kale oo ka aqoon badan si ay wax badan ugu faa’idaan ayna u noqdaan tusaale fiican, riyada qofka waxaa marwabaa dhisa qofka og halkii uu umari lahaa si uu uga dhabeeyo hanka uu nolosha ka leeyahay.

Garashada hankaaga waxey kaa caawineysaa sameysanka qorshe cad iyo qeexada hanka aad leedahay misan kuu cad yahay, balse dadbani ayaa dhibaato ka heysato dajinta qorshe cad si ay ugu dhabeeyaan qorshaha u dagan.

Sidoo kale bulshadani ayaa ah bulsho siddata sahay aqooneed ayagoo kala garanaayo meelo badan aanu weligii tagin, balse arinka ayaa u suurta galiyay iney wax badan ka barteen halkiii ay tagi lahaayeen iyo siddii ay ku tagi lahaayeen.

Dadkan ayaa si isku mid ah u fakara ayagoo hiigsigooda uu yahay gaarsiinta dadka kale ay gaarsiiyaan cilmiga ay hayaan.

4. Bulshadan ayaa ah kuwa intooda badan noqda hoggaamiye yaal kuwaas oo qaada masuuliyada bulshada ay la noolyihiin, waxaa muuqato in qodobkan uu u qaab ek yahay qodobka 2-aad, balse dadka noqda hoggaamiyaal waa dad leh qorshe cad, yool degan, hiigsi qeexan iyo wakhti la fuliyo.

Kala duwanaanshaha ra’iga ayaa mararka qaar dhaliyo caadifad ka aloolsanaato blushada dhexdeeda, balse bulshadan markii uu ka dhex dhaco qilaaf ma ahan bulsho isla markiiba ku kala tagto halkii uu shalay hadafkooda ahaa waxeyna xaliyaan dhibta ka dhalatay ururka dhexdiisa.

Waa bulsho leh xeer hoosaad ay kula macaamilaan shaqalaaha ururka si ay u dhicin dhibaato fara badan, waxeyna maareeyaan xaaladaha ka dhex dhaco ayaga oo u xaliyo hanaanka ka jira ururka taasoo ay kuwada qanacsan yihiin bulshada kale ay xilka u hayaan.

Kuma koobna halkan inaad guul gaarto balse waxay u baahantahay inaad sameyso dadaal dheeri ah kaasoo aad sare ugu qaadeyso heerkaaga aqooneed iyo garaadka aad leedahay.

Sameyso saaxiib aad nolosha kaga dayato waxaan jeclaan laha inaan ku gunaanudo qodobkan, sido kale aan jeclaan lahaa inaan sii wado qoraalka balse dadkeyga oo inta badan aan wax qorin darteed waxaa ku gabagabeynaa “in qof waliba uu ku diinyahay saxiibkii”, taasina ma ahan mid aan aniggu dhahy balse waa maah-maah Soomaaliyeed.

Saaxiibka fiican wuxuu ku noqdaa tusaale hagaagsan isla markaana noloshaada kusoo kordhiya wax cusub balse saaxiib haka dhigan qof raba inuu kaa dhaadhiciyo (Negative), ama aaminsan in waxba aan la qaban Karin waayo qokaas wuxuu qatar ku yahay noloshaada waxaase kuu qurux badan inaa ka dayato saaxiib kale oo haggaagsan.

Micnahaygu ma ahan inaan rabo in aan kugu diro saaxiibkaga qaaliga ah balse tijaabi mar qura iskuna day in aad ka dhaadhiciso fikirka aad qabto una sheeg sida uu mudnaanta kuugu kala leeyahay kana dalbo in uu kaa caawiyo qodob ka mid ah qodobadda aad degsatay cabir oo ka dhageyso fikirka uu kuu jeediyo kaliya hal mar tijaabi!!

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Qeybtii 2aad: Saameeynta ay leedahay kala taga qoyska ama lamaanaha

Tani waxey ina tusineysaa in uu yaryahay isfahanka lamaanaha ay sidoo kalena aysan wax badan iska aqoon balse micnaha i fur ayaa culimada isku raacday inuu yahay “I fahan”.

Published

on

Kala taga qoyska waxay saameynta ugu xooggan gaartaa waa caruurta.

Saameyntan bulshada ku dhacday ayaa saameyn ku yelatay caruur badan koritaankooda iyo waxbarashadoodii, balse saameyntan ayaa inta badaan keento dayaca ku yimaada caruurta ayaga oo waalidiinta mid kood uu heysto caruurta.

Dhibaatada iyo duulaanka lagu soo qaaday ummada Soomaaliiyeed ayaa noqday mid u horseeda burburida qoyska ama iney kala tagaan lamaanaha,waxaa mowduucaan kusoo qaadan doonaa dhowr waxyaabood uu sabab u noqda iney qoysaska burburaan.

Nolosha ayaa asal ahaan ku tiirsaneyd qeybaha kale ee qooyska Hooyo ama Aabe, kuwaasoo qaada dhamaan masuuliyada guriga iyo waxbaaha laga isticmaalo guriga. Xaaladaha nuucaan oo kale ayaa dhibaato u arko dumarka da’da yar ee hadda soo koraayo, waana sababta keento in la  arko 17-sano jir oo wadata 2-canug misna kala aabe ah.

Intii aan ku jiray baaritaanka, ayaan waxaa la kulmay waxyaabo I cajab geliyo nolosheeda kaas oo mararka qaar iga dhiga inaan ahay dambiile, laakiin dhibaatadan ayaa ah dhaqan aanan horey loogu arag meelo badan oo kamid ah Soomaaliya.

Furiinka waa wax jira, balse sababta taasi loo sameynaayo ayaa qeyb ka ah in labada qofood ee marka hore nolosha  isku arsaday haddana ay u ar keen iney caqabad  ku tahay wada noolaanshahooda, sidaa darteedna ay muhiim u tahay in labada qofood ay kala nastaan sida ay diinteenu qabto.

Sidda aad horey ula socoteen waxaa fara batay kala taga ama furiinka dumarka ayaga oo loo aaneenaayo arimo dhowr ah, balse mowduucaan ayaa sido kale waxaan xoogga ku saari doonaa  wax yaabaha sababa iney dhacaan kiisaskan faraha badan, ayadoo intooda badana waxba laga qaban ay wali isku degenyihiin.

Maxaa sababa Isfahan waaga lamaanaha

Waxaa jiro waxyaabo badan oo keena fashilkan Isfahan waaga kaaso inta badan dhaliya caqabado badan ay ka mid yihiin in ay meesha ka baxdo qadarinta iyo masaalixda labada qof.

Tani ma ahan mid horey loogu yaqiinay geyga Soomaalida, balse duulaanka lagu soo qaaday bulshada Soomaaliyeed ayaa sababtay in ay  noqdaan kuwa aan qiimo ku laheyn dadyoowga kale ay la noolyihiin.

Bal ka waran haddii aan tani u aaneeyo waxa loo qiimo beelinaayo in ay tahay in ay dhisan kari waayeen heerahooda ama qoysaskooda iskaba daa in dal dhisaanee, sidaa darteedna ay wax qiimo mudneyn!

Ma ahan u jeedadeyda in dadkeyga iyo dalkeyga uu qiimo laheyn, balse dadka ayaa naga dhigay inaan dhisan kari weyno heeraheena.

Waxaan halkan kugu soo gudbin dooonaa dhowr arimood oo sababa in ay lamaanaha isfahmi waayaan

Degdeg farabadan

Waa waxyaabaha ugu badan ee burburiya nolosheena ama reeraheena waana sababta keenta iney wax walbana ay si deg deg ah inagu dhaafaan anaga oo ka fiirsan ayaan marka horeba noqanaa kuwa reer dhiso sidaa darteedna aynu muddo dhow ka dibna aynu kala tagnaa.

Marka ha deg degin ee wax hubso, tani ayaa micnaheedu tahay haddii aad rabto inaad dhisato qoys qurux badan marka baro qofka aad rabto inaad nolosha la qeybsato si aysan kugu adkaan fahamka nolosheeda aadna u noqotaan kuwa isku waara, isbarasho la’aanta ayaa dhaliso iney tiraahdo ifur balse uu garan micnaheedu ay dhacdo inuu sidaa ku dalaaqo!

Tani waxey ina tusineysaa in uu yaryahay isfahanka lamaanaha ay sidoo kalena aysan wax badan iska aqoon balse micnaha i fur ayaa culimada isku raacday inuu yahay “I fahan”.

Diiranaan fog iyo qalbi jilicsan ayaa keento isfahan dhab ah taaso nolosha lamaanaha ka dhigto kuwa inta badan badan noloshooda xakameeya waxeyna dhaxal siisaa nolol qurux bdan iyo qoys ku dhisan jaceyl, balse majirto cid ku feejigan iney abuurto galgacal fogg iyo iyo qalbi jilicsan Quruxda qoyska ayaa ku jirta iney lamaanaha yihiiin kuwa mar walba iska ilaaliya dhibta si uu san u dareemin ruuxa kale uuna ku qanciyo nafttisa  laakiin ruuxa ayaa mararaka qaar sameeya wax yaabo kale uu isleeyahay waxey ku qurxoon tahay nolosha balse noqota waxyaabo saameeya noloshooda.

Haddii ay dhacaan dhamaan waxyaalo mararka qaar saameeya noloshiina haku deg degin qaadashada go’aanka aad qaadaneyso si aad ugu shalaaynin beri oo hadda ha qaadan go’aan, balse waxaad iska xakameysaa sheydaanka oo dooro inaad ka tagto goobta ay dhibta ka dhacday si aad u qaadato xalka ugu quruxda badan noloshaada.

Riyo been ah

Waa wax qurux badan inaad riyooto, balse haka been sheegin riyadaada adiga oo ku raadinaayo inaad noqoto qof ay dadku hadal hayaan ama ka dhigayo iney kuu qaado jaceyl xad dhaad ah!

Sidoo kale jooji riyada beenta aad u sawireyso qofka intii aad ku jirtaan haasaawaha ama wadahadalka dhexdiina, tani waa saameeynta ugu baalaaran ee dhalisa Isfahan waaga lamaanaha waayo markii hore ayaa qofka loo sawiray riyo iyo rajo been ah ka dibna waxaa dhacdo aysan wax walbo noqon sidii ay riyada aheyd, halkaana waxaa ka bilowda is xulfeeysi iyo in ay dhalato caadifad!

Qanci qofka waliba adiga oo ku qancinaayo sida ay noloshaada tahay misna ka dhaadhici si ay ugu faraxsanaato noloshada, ayna kuu noqoto mid xilli walbaa ku garab istaagto si aad ugu horumartaan nolosha. Sii kalsooni in ka badan inta ay kugu qabto si ay ugu dhiirato ag joogaaga dhadhana ugu yeelato nolosha.

Balse mushaakilkan ama dhibaatadan ayaa keento in raggu ay jecelyihiin in mar qura ay gacanta u gasho amaba ay noqoto  marwadiisa sidaa darteed ay dhacdo in uu u sheego waxyaabo kale oo been abuur ah.

Nolosha ama dhisida qooyska  ma ahan wax fufud balse waxaa kasii adag inaad qoyska qurux badan dhisto oo nagaada, tani waxay saldhig  u tahay in la hello jiil maskax ahaan u bdhisan lehna firfircooni maskaxeed.

Gal gaceyl fara badan

Xaqiiqada gal gaceylka waa mid ku saleysan is fahan iyo xiiseynta qofka, laakiin haku abuurin gal gaceyl ka badan inta ay kuu heyso amaba uu kuu hayo. Markii ay dhacdo qofka in uu qaado gal gaceyl fara badan ayaa dhaliso qofka ogalaan waayo in aad ka dheeraato, waxey kasoo bilaabataa xilliga wada socoshada iyo saameynta haasaawaha.

Dhanka kale, waa waxa ugu badan ee dhibka dhaliya markii lawada tago guriga, waayo waxey u baahantahy gal gaceylkii aad shalay siisay nafteeda. Sabrasiin iyo dhoola cadeyn aad ku qanciso waxey sahashaa inaad tahay midka kaliya ee qancin kara nolosheeda, balse mid ka mid ah aabwaaniinta soomaaliyeed ayaa yiri: “dhowr maalin dabadeed xiisuhu markuu damo, dacar noqdee jaceykii.

Muran iyo dagaaliyo adaan dunida kuu nacay.

Ifur ku doonimaayee, i maqashii dalaaqada.

Erey deriska soo boxo waxaa kaaga duug roon inaad doob ahaatee”,  Abwaan Guure.

Quruxda xalka iyo isfahanka ayaa ah mida kaliya ee lagu heli karo xasilooni shaqsiyeed iyo mida qoyska, balse waxaa muhiim ah inaad mararka qar aad dejiso xanaaqa iyo saameynta gacan ka hadalka si aad u noqotaan lamaane isku waara, Allena waxaan idin kaga baryaa in qoysaskeena uu ka dhigo kuwa qurux badan.

Saameytan ka dhalatay kala taga qoyska ayaa sare kacday muddooyinkii dambe taaso ay qeyb weyn ka qaadatay inay burburaan qoysas badan oo Soomaali ah kuwaasoo laga dhaxlay waxyaabo badan oo ay ka mid tahay in ay caruur badani ay waayeen xaaneyntii ay u baahnaayeen iyo in dumar ay ku dhiiradeen in ay isaga tagaan reerihii ay lahaayeen iyo dhacdooyin kale oo badan.

Sida aan horey idin kula wadaagnay saameyntan ayaa salka ku heysa dhowr waxyaabood oo dibada kaga yimid burburkii Soomaaliya ka dib balse u baahan in wax badan laga qabto si ay u badbaadaan nolosha qoysaskeena, ugu horeyn waxaa jira dhowr waxyaabood oo kalfay ama keenay inay burburaan qoysaskeena balse aan loo arkin in ay dhibaato weyn tahay.

Hadaba xaggee iska qaban la’ dahay xeerada, yaase masuul ka ah dhacdooyinkan? Jawaabaha waxaan ku ogaan doonaa barnaamijkan balse marka hore waxaan u  baahanahay inaan fahano cida qaado masuuliyada markii uu burburo qoyska taasoo dhibta ugu weyn ay ku habsato caruurta ku nool qoyska, Maah maah Soomaaliyeed ayaa leh ‘ Labba Maroodi meeshii ay ku dirirto, cowskaa ku dhib qabo’, markii ay kala tagaan lamaanaha ayaa dhacdo in kolba uu meel u hayaamo halka caruurtana ay u go’aan hooyo ama aabe, balse markii ay dhacdo dhacdadaan waxaa bilowda is xulfeysi iyo in loo kala safto laba dhinac tanina waxay waji gabax ku tahay caruurta ay dhaleen waalidiinta oo mararka qaar saameyn ku yeelata qaab koriimeedkooda iyo fikir ay bulshada kale ka qabaan.

Waxaa inta badan lagu arkaa meelaha lagu qaado dhacwadaha qaabilsan lamaanaha, haddii ay ahaan laheyd Dowllada ama maxkamadaha kale ka jira dalka waxyaabaha ugu badan ee tabashada ka taagantahay ayaa ah arinta furiinka, halka kuwa qaarna lagu guuleystay.

Wax yaabihii ugu yaabka badnaa ayaa ah in Ururka Al-shabaab ay qaadaan kiisaska furiinka ayagoo qeyb ka qaato go’aanada ay ku qanacsan yihiin lamaanaha kala tagaayo, markii aan wareystay bulshada ayaa leygu sheegay in aysan aheyn markii ugu horeysay ay xaliyaan kiisas nuucaan oo kale balse ay jiraan kiisas kale ay hore u xaliyeen.

Sidee ayay door lixaad leh kaga qaatan lamaanaha kala tagaayo ayagoo markii horey isku darsaday nolosha?

Ma ahan markii ugu horeysay ay kala tagaan lamaanaha isguursanaayo balse waxaa jiro mabaa’dii iyo marjic loo laabto markii ay dhacaan qaladaad qoyska dhexdiisa, balse ma jirto waxyaabo kale ay ku xalin karaan qaladkooda tasnia waxay keeni kartaa in ay meesha timaadmo caadifad ama calool ku qaat.

Waxyaabaha sidoo kale burburiyo qoyska ayaa qeyb ka ah aqoon darida dadka ka heysato Diintooda taasoo qeyb lixaad leh ka qaadato in uu burburo qoysaskeena. Alle (SWC) wuu kahadlay xaqa raga iyo dumarka ay isku leeyihiin mana ahan mid uu shaki ku jiro.

Haddaba markii la garan waayay xaqa ay isku leeyihiin labadda qof yaraaday in xiiseynta labada qof halkaa ka dibna waxaa bilowda in qofka uu soo kale dhaxdo is afgaran waa waxayna u badan tahay seddexda bilood ee ugu horeyso balse ma jirto xaalad kaa fiican in la is afgarto waayo noloshaba waxay ku dhisan tahay jaceyl iyo afgarasho. Waxaan halkaan kaga cudur daaranayaa inaan sii wadi waayay qeybtaan waqtiga aan heysto awgeed waxaan filaaa inaad ku qanci doontaan qeybta xigta mahdsanidin.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Sidee ayaad ku noqon kartaa qof guuleysta?

Guusha waxa go’aamiya hanka, hiigsiga iyo humaagyada mustaqbaleed ee qofku meel dhigtay, markaas waxay ka dhigantahay, nin waxa guul u ah ayaa mid kale u ah bilawga hayaanka guuleed ee uu hiigsanayo.

Published

on


Ugu horeyn guushu ma gaadho qof weliba, balse waxaa guul gaaray qofkii qaada dariiqa ama wadadaas oo ay u baahan tahay diyaargarow iyo joogteen.

Micnaha guushu waa wax fudud balse waxaa adag in la gaadho guusha, waxey u baahan tahay juhdi iyo dadaal dheer aad u gasho sidii aan ku noqon lahayd qof guuleysta.

Haddii aad leedahay hadaf aad rabto inaad ka dhiijiso hadafkaaga waxaad u baahantahay inaad qaado waddadii aad ku gaadhi laheyd hadaafkaagii.

U dhabar adeyk oo sidii aad ku gaadhi laheyd yoolka kuu degan, sido kale joogteyqabasha shaqada aad u heysid naftaada adiga oo siinaaya kalsooni badan si ay ugu firfircoonaato qabashada dhamaan howlaha.

Waxaan halkan kuugu soo gudbin doonaa dhowr siyaabood Oo kuu sahlaya in aad guul ka gaarto nolosha.

Qodobadan soo socda haddii aad sida ugu macquulsan u raacdo waxay ka badali doonaan waxyaabaha caqabad ku noqday noloshada kuuna diiday inaad noqoto qof waxtar leh!

Kalsooni

kalsonidu waa sheyga koowaad oo kuu sahlaya inaan noqoto qof naftiisa ku kalsoon, kalsoonida nafeed waxey ka caawineysaa inaad naftaada siisaa dhiiranaan iyo in aad xiiso u qabto shaqada aad daacada u tahay.

Haddii aysan jirin kalsooni nafeed ma qaban kartid waxa aad u baahantahay inaad qabato, sababto ah haddii howsha aad heyso aysan naftaada ku qanacsaneen haku daalin.

Ku beer naftaada kalsooni si ay u noqoto mid ku firfircoon howlaha ay qabaneyso, sidoo kale tani waxey kaa caawineysaa inaad tahay qof ku kalsoon dadka kale waayo waxaad aamin santahay in uu yahay sida adiga oo kale.

Balse mid xasuusnoow haddii aad rabto inaa ka gungaarto yoolkaaga la saaxiib dadka kaa hamiga fog si aad ugu qaado waayo aragnimo.

Qorshe cad

Qorshaha cad waa waxa kaliya aad ku dooran karto halkii aad rabto inaad gaadho aad qorshe u yeelato.

Sheeko Gaaban: Nin baa beri magaalo weyn u safray isaga oo iska lugeeynaayo oo wax qorshe laheyn markii uu muddo badan socday oo uu daalay ka dib waxa uu arkey dhowr waddooyin oo ku kala goosha magaalooyinka, wuxuu arkey odey waayeel inta ka dib ayaa uu weydiiyay su’aal “Wadaddan xaggee I geyneysaa?”  ka dib odeygii waayeelka ahaa ayaa ku celiyay su’aal oo ku yiri “adiga xaggee ayaad rabtaa?” ninkii socdalka ahaa ayaa u jawaabay “waan iska socdaa oo magaranaayo meel aan u socdo” waayeelkii ayaa asagoo yaaban ku yiri: “ Hadduu xaalku sidaa yahay jidkaa doonto ka bax”

Tixraac: 5-TA TIIR EE GUUSHA bogga  117 aad.

Waa sheeko mudan in lagu cibri qaato waayo ma dhaqaaqi kartid adigoon aanan laheyn wax qorshe ah. Soo qaado waraaq cad iyo qalin kadib ku qor dhamaan waxyaabaha ama guulaha aad rabto inaad gaadho, waxaadna u soo kala hormarisaa sida ay kuugu muhiimsanyihiin.

Haddii aan isla garanay micnha qorshaha waxaad raacisaa muddo ama goor aad u asteysay qorshahaaga si aad u gaarto dhamaan guulahaaga.

 Ka fogow dib u dhaca

Dib u dhaca waa waxyaabaha kuu diida inaad qabato howlaha kuu yaala ama sidii aad noloshada ku hormarin laheyd, waa dhibaatada ugu weyn oo heysta dadyow badan kuwaas oo ku kala nool dhamaan Daafaha dunida. Dib u dhaca waxa uu inta badan keena dib u dhac dhan walba ah kaas oo mararka qaar kuu sababa fashil.

Sheyna dib ha u dhigin si ay san saameyn kuu yeelan makrii aad qabaneysana u qabo sida ugu adag waayo waxaa macquul ah in markale ay dib kuu dhigto.

Wuxuu noqdaa qof moral ahaan aan dhisneyn, sababto ah malaha horey usocod sidoo kale qofka wuxuu noqdaa qof xilli walbaa daalan ayado ay keento wax qabad la’aanta uudareemyo jirka.

Inaad wax qabato kaliya mahan inaan bood boodo, waa adiga oo ka shaqeysiya maskaxda sidii aad kaga bixi lahayd dhib u dhaca ku heysta.

Abaal mari naftaada!

Abaal mari naftaada: in aad abaal mariso naftaada waxaa wax marar qaar layaab kula ah, balse waxaan ku siin doonaa tusaaleyaal aad kaga deyan karto:

Haddii aad saaxiibkaaga ku dhahdo haddii aad kaalinta 1-aad ee Imtixaanka gasho waxaan kuu iibin doonaa sacad qaali ah, balse Saaxiibkaa ayaa si lama filaan ah u galay numberka koowaad ee Iskuulka ka dib, sidaa waxaad ku abaal marineysaa hadiyadii aad u balan qaaday.

Abaal marinta aad naftaada siineyso waa ay ka duwan tahay mida kale waayo abaalmarinta ugu qaalisan ayay istaahishaa, tussaale: haddii aan caawa aqriyo 5-shan Cutub oo ka mid ah duruusta jaamacada waxaan kuu iibin doona casho qaali ah!

Waxay qabatay shaqo aad muhiim u ah taas oo mar walbaa kaa dhigeyso inaad horey u socod noqoto, dhanka kale waxaa jiro caqabado kala duwan oo kugu soo wajaha intii aad ku jirto howshan balse hakuu noqdaan tusaaleyaal.

Isku day inaad curiso wax cusub

Marka hore isku day inaad curiso wax cusub adigoo aanan ka baqeyn inaad qalad gasho, haddii ay dhacdo inaad qalad gasho durba ha qaadan guuldaro oo waxaad heysataa waddo kale aad ku sixi karto qaladkii aad gashay.

Mar walbaa aad keento fikir cusub waxaa siyaadeysa shaqada maskaxda ayada oo kor u qaadeysa uruurinta fikradaha iyo ilaalinta yoolkaaga, balse haka samrin nolosha oo waxaad tahay qofkii ay dunida sugeysay.

Haddii aad ku hami weyn tahay inaad noqoto qabiir ku taqasusay Juqraafiga waad noqon kartaa mana jirto cid kuu diidan inaad noqoto balse diyaar ma u tahay in aad qaado wadaddii aad ku gaari laheyd?

Sida kaliya aad ku noqon karto qof guuleysta waa adiga oo yeesha dhaqan wanaagsan iyo joogteen dhab ah!

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Akhri1 day ago

Haddii waxbarashadaada jaamacaddeed ay saameyn kugu yeelan waydo, ogaaw waxbaa qaldan – maxaase qaldan?

Siyaasadda Soomaaliya1 day ago

Xaalada amni darro awgeed, waxaa Guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyey Mooshun degdeg ah

Siyaasadda Soomaaliya1 day ago

RW Xamza Cabdi oo mashaariic dowladeed u muhiim ah u xiray xildhibaano asiga ku dhow

Siyaasadda Soomaaliya2 days ago

ATMIS (AMISOM) oo war ka soo saartay dhacdadii ay wiilka dhalinyarada ah ay gaariga ku marsiiyeen Ceelasha Biyaha

Gumeysi iyo isir sifeyn5 days ago

Waa maxay Daanta Galbeed? – Taariikh iyo xog muhiimad gaar leh

Gumeysi iyo isir sifeyn5 days ago

Ciidamada Israa’iil ayaa saddex Falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed ee la haysto: wasaaradda caafimaadka

Siyaasadda Soomaaliya5 days ago

4 qof oo isku qoys ah oo aano loo dilay gudaha magaalada Warsheekh

Siyaasadda Soomaaliya6 days ago

Madaxweyne Xassan oo shir uga qeyb galay Muqdisho, xilli aagga Madaxtooyada Al-Shabaab laga saari la’yahay

Afrika6 days ago

Dowladda Masar oo ku guuldareysatay inay dadka qaxootiga ah ka ilaaliso kufsiga iyo faraxumeynta loogu gaysto gudaha dalkeeda

Siyaasadda Soomaaliya6 days ago

Qeybtii 2aad: Furaha xalka Soomaaliya, – Sidee qayaanada loogu maleegay Soomaaliya?

Diblomaasiyadda & Dunidda1 week ago

Xariirka Turkiga iyo Bakistaan

Sirdoonka & Militariga1 week ago

Turkiga: Erdogan waxa uu go’aansaday in uu noqdo kan ugu sarreeya difaaca

Afrika1 week ago

Afrika iyo musaqmaasuqa

Afrika1 week ago

Madaxweyne ku xigeenka Malawi Saulos Klaus Chilima oo xabsiga loo taxaabay musuq-maasuq dartiis

Diblomaasiyadda & Dunidda1 week ago

Xariirka Turkiga iyo Qadar

Ganacsiga1 week ago

Dowladda Qadar oo $10 bilyan siineysa Turkey, ujeeddada waa maxay?

koonfurta Bari Aasiya1 week ago

Anwar Ibrahim ayaa loo dhaariyay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha Malaysia

Caafimaadka iyo Sayniska1 week ago

Sidee loo xakamayn karaa fayruska dengue?

Caafimaadka iyo Sayniska1 week ago

Saraakiisha Suudaan ayaa sheegay in xumadda Dengue ay dishay 26 qof

Yurub2 weeks ago

Midowga Yurub ayaa dejinaya qorshaha muhaajiriinta Mediterranean-ka kahor kulanka degdega ah

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Nooca dililka ay fuliyaan Hay’addaha sirdoonka

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Turkiga ayaa weeraro cirka ah ku qaaday bartilmaameedyada argagixisada PKK ee Ciraaq iyo Suuriya

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

Danjire Moxammed El-Amine Souef: Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Waa maxay cilmiga Sirdoonka ama Jaajuuusnimada?

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada2 weeks ago

Qeybtii 2aad: Baahi intee la’eg ayaa loo qabaa xarumaha fikirka ee Soomaaliyeed?

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

Qeybtii 1aad: Furaha xalkaa Soomaaliya

Qoyska & Horumarinta Bulshada2 weeks ago

Qalin-jabisaye qorshe ma siddaa?

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Qaybtii 1aad: Yaa qorsheynaayo weerarada iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdishu?

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

Waxaa jira 3 xeerar oo fududd oo aad raaci karto si’aad u guulaysato

Diblomaasiyadda & Dunidda3 weeks ago

Madaxweynayaasha Joe Biden iyo Xi ayaa ku kulmay shirka G20 ee Bali, maxay kawada hadleen?

WARBAAHINTA3 weeks ago

Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa kala saxiixday heshiis lagu joojinayo magangelyo-doonka ka tallaabaya kanaalka u dhexeeya

WARBAAHINTA3 weeks ago

Ururada Muslimiinta ee Maraykanka ayaa u arka mustaqbal wanaagsan musharixiinta bulshada

Afrika3 weeks ago

Dhuumaha Gaaska Nayjeeriya iyo Morookko ayaa u adeegi doona 13 wadan oo Afrikaan ah

WARBAAHINTA3 weeks ago

FIFA ayaa diiday shaarka Denmark ee koobka oo meel ka dhac ku ah heerka xuquuqul insaanka ee Qadar

WARBAAHINTA3 weeks ago

Itoobiya ayaa sheegtay in 70% ay maamusho gobolka Tigray ka dib heshiiskii nabadeed

Afrika4 weeks ago

Madaxweynaha Kaameroon Paul Biya oo 40 sano oo xukunka dalkiisa u dabaal degaayo

Siyaasadda Soomaaliya4 weeks ago

Xukunka Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud wuxuu keeni doonaa dhiig iyo gumaad – Faadumo Qaasim Dayyib

WARBAAHINTA4 weeks ago

Milkiile Elon Musk oo bilaabay inuu shaqada ka eryo kala bar shaqaalaha Twitterka

WARBAAHINTA1 month ago

Itoobiya: Shacabka Tigray-ga ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabadeed ee dowladda Itoobiya iyo TPLF

WARBAAHINTA1 month ago

Ra’iisel wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa la toogtay: waa maxay sababtu?

Xul