Connect with us

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Maxay Masar ka beddeli kartaa faragelinta Itoobiya ee dekadda Soomaaliya?

Falanqeyn: “Taariikhda diblomaasiyaddeed ee Soomaaliya waligeedba ma noqonin mid fadhida oo sal iyo raad toosan leh, maxaa yeelay dal siyaasaddiisa arrimaha dibedda waxay fadhiisataa marka siyaasaddiisa arrimaha gudaha ay fadhido.” ayuu qoray Cabdijabaar Sh. Axmed oo wax ka dhiga Jaamacadda Ramaas ‘Ramaas University.

Published

on

Dhinaca middig Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud iyo dhinaca biddax Madaxweynaha Masar Cabdilfataax Al-Siisi

Madaxweynaha Masar Cabdilfataax Al-Siisi ayaa marti-qaad u fidiyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu booqasho ku tago dalkaasi, sidaasi waxaa tebisay wakaaladda wararka dawladda Soomaaliya ee SONNA.

Marti-qaadkan ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu soo gaarsiiyey wafdi sare oo ka socday dawladda Masar oo booqasho ku yimid Muqdisho iyaga oo la shiray madaxweyne Xasan Sheekh Axaddii.

Waxay wakaaladdu qortay in intii uu socday kulankaas ay wafdigu ku celiyeen in madaxweyne Al-Siisi uu si aan leexleexad lahayn u taagersan yahay gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Xiisadda Gobolka Geeska Afrika

Xaaladda gobolka Geeska Afrika oo sii xumaatay kadib markii ay Itoobiya heshiis ay ku tilmaamtay is-afgarad dhexmaray iyada iyo Somaliland. Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay heshiiska dekedda ay Itoobiya la gashay Somaliland. Kadib shir deg deg ah oo ay yeesheen, golaha wasiirada Soomaaliya ee ku yimid nidaamka 4.5 ayaa sheegay in heshiiska u ogolaanaya Itoobiya in ay isticmaasho dekedda Berbera ee Badda Cas uu yahay mid aan waxba ka jirin. Kulanka uu yeeshay Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya, ayaa dawladda Soomaaliya ay sheegtay in is-afgaradkaasi uu yahay “waxba kama jiraan.” Waxay sheegtay dawladda Soomaaliya in tallaabada Itoobiya ay qaadday ay gardarro iyo xadgudub ku tahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabada Itoobiya qaadday ay halis ku tahay deris wanaagga iyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Soomaaliya waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo urur gobolaadyada inay taageeraan xaqa ay Soomaaliya u leedahay difaacista dhulkeeda, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dawladda Soomaaliya oo uu akhriyey af-hayeenka xafiska Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Jimcaale. Sidoo kale, dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib ugu yeeranayso safiirkeeda Itoobiya si ay wadatashi ula samayso.

Dhinaca kalena, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jabuuti ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegay in Jabuuti ay si walaac leh ula socotay xiisadda ka dhex curatay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka ee Dimoqraadiga Itoobiya. Waxay sheegtay in Jamhuuriyadda Jabuuti oo haatan haysa madaxtinnimada urur goboleedka IGAD ay si xooggan u caddaynayso taageerada ilaalinta gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee dhammaan waddamada xubnaha ka ah ururka, taasi oo aasaas u ah mabaadii’da iyo xeerarkii lagu aasaasay ururka Midowga Afrika.

“Jamhuuriyadda Jabuuti waxay ugu baaqaysaa labada waddan ee walaalaha ah inay qaataan dariiqa wadahadalka si ay uga shaqeeyaan dejinta [xiisadda],” ayay Jabuuti ku sheegtay war saxaafadeedka.

Maxaa soo cusboonaysiiyey xariirka Masar iyo Soomaaliya?

Muddooyinkii dambe xirriirka Soomaaliya iyo Masar ka dhaxeeyey ma wanaagsaneen sababtuna waxay ahayd in Soomaaliya ay ka gaabsatay xiisada u dhaxeysa Masar iyo Itoobiya ee biyo xireenka weyn ee Renaissance Dam ee Itoobiya. Haddii aysan Soomaaliya ka gaabsanin waxaa madmadow iyo xiisad cusub soo dhexgeli lahaa labada dal ee deriska ah Itoobiya iyo Soomaaliya oo markii horreba Itoobiya meel ay Soomaaliya usoo marto raadinaysay. Waa sababtaas, sababta ay ugu wacan tahay mawqifka dambe ee aan caddayn ee biyo xireenka weyn ee dhexeeya muranka labada dowladdeed ee Itoobiya iyo Masar.

Masar, Suudaan iyo Itoobiya ayaa ku guul darreystay inay heshiis ka gaaraan Biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ee lagu muransan yahay ee Wabiga Niil ka dib wadahadal laba maalmood ah uga socday magaalada Qaahira oo wax natiijo ah kasoo bixin. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Khayraadka Biyaha iyo Waraabka ee Masar, ku heshiin la’aanta Addis Ababa ee muranka ka taagan biyo-xireenka Wabiga Niil ayaa sabab u ah la’aanta “isbeddel la taaban karo oo ku yimid mowqifka Itoobiya”.

Wadahadalladan ayaa ujeedadoodu ahayd sidii loo gaari lahaa heshiis sharci ah oo Masar siinaya inay wax ka qabato habka loo maamulo biyo xireenka iyo buuxinta. Dawladaha hoose ee Masar iyo Suudaan ayaa ka walaacsan saamaynta GERD ku yeelan doonto sahaydooda biyaha iyagoo labaduba si weyn ugu tiirsan wabiga Niil.

Si kastaba ha ahaatee, Masar waxa ay ka walaacsan tahay in biyo-xireenku uu si weyn u dhimi doono xaddiga biyaha webiga Niil ee soo gaara dhulkeeda, taas oo keeni doonta abaar iyo wax-soo-saarka dalagga dadkeeda oo ka badan 100 milyan. Qiyaastii 90 boqolkiiba biyaha Masar waxay ka yimaadaan wabiga Niilka halka 85 boqolkiiba ay ka yimaadaan wabiga buluuga ah. Walaacaasi ayaa horseeday in madaxweynaha Masar Cabdel-Fattah al-Sisi uu ku tilmaamay ammaanka biyaha “khadka cas” ee dalka.

Sida ka muuqato dhaqdhaqaaqa madaxaweyne Xassan Sh. Maxamuud wuxuu raadinayaa taageero caalami ah kadib faragelinta Itoobiya ay ku sameysay dekaddeeda. Su’aalaha ay dad badan iswaydiinayaan ayaa ah: Maxay Masar ka beddeli kartaa faragelinta Itoobiya ee dekadda Soomaaliya?

Taariikhda diblomaasiyaddeed ee Soomaaliya waligeedba ma noqonin mid fadhida oo sal iyo raad toosan leh, maxaa yeelay dal siyaasaddiisa arrimaha dibedda waxay fadhiisataa marka siyaasaddiisa arrimaha gudaha ay fadhido. Tusaalle madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ma ahan madaxweyne shacabkiisa soo doortay wuxuuna ku yimid 4.5, taasina waxay keentaa in dadka qaar ee Soomaaliyeed ay saluugsan yihiin in dowladdooda lagu dulmiyey ka beel ahaan iyo ka dhaqan diin ahaan.

“Taariikhda diblomaasiyaddeed ee Soomaaliya waligeedba ma noqonin mid fadhida oo sal iyo raad toosan leh, maxaa yeelay dal siyaasaddiisa arrimaha dibedda waxay fadhiisataa marka siyaasaddiisa arrimaha gudaha ay fadhido.” ayuu qoray Cabdijabaar Sh. Axmed oo wax ka dhiga Jaamacadda Ramaas ‘Ramaas University.

Iyada oo ay jirto isbeddellada waaweyn ee muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya ee la arkay labaatankii sano ee la soo dhaafay, muuqaalka joogtada ah ayaa ahaa ku tiirsanaanta qaababka awood qaybsiga qabiilka, ee ‘4.5’. Hadda ma u diyaarsan tahay Soomaaliya inay dhisato Hannaanka Dowladnimada Casriga ah? Hannaanka awood qaybsiga Soomaaliya ee 4.5 oo la soo saaray sanadkii 2004-tii oo qeyb ka ahaa axdigii ku meel gaarka ahaa ee federaalka, ayaa tan iyo markii la aasaasay waxaa ka dhashay muran iyo dhaleecayn. Iyadoo nidaamkan loo dejiyay in lagu hormariyo isku dhafka iyo in la xaqiijiyo in dhammaan beelaha waaweyn ee dalka ay matalaad ku yeeshaan dowladda, ayaa haddana waxaa uu leeyahay dhibaatooyin badan oo hortaagan horumarka Soomaaliya.

Madaxweynaha lagu soo doortay nidaamka 4.5 ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyey shirka khibrad & aqoon Is-weydaarsiga Istaraatijiyadeed ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya si looga heshiiyo arrimaha aas aasiga u ah dowlad dhiskeenna.

Khasaaraha ugu weyn ee nidaamka 4.5 waxaa ka mid ah in uu dhiirigeliyo siyaasadda ku dhisan qabiilka ee Soomaaliya ragaadisay dhowr iyo toban sano. Saami qaybsiga kuraasta siyaasiga ah ee ku salaysan qabiilka waxa ay sii xoojinaysaa ahmiyadda uu qabiilku u leeyahay siyaasadda, waxaanay xoojinaysaa fikradda ah in haybta qabiilku ay tahay qodobka ugu muhiimsan ee lagu go’aaminayo matalaadda siyaasadeed. Taasina waxa ay dhalin kartaa in ashkhaastu ay danta qabiilkooda ka fiirsadaan danta guud ee dalka.

Arrimahaas oo isbiirsaday ayaa keena in Soomaaliya ay ku fashilanto dowlad xalaal ah oo siyaasaddeeda la jaan-qaadi karto siyaasadda arrimaha dibedda.

“Ma jirro wax ay Masar ka bedeli karto faragelinta Itoobiya ee badda iyo bariga Soomaaliya, balse faa’ido ayaa ugu jirto Masar haddii ay madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ka dhaadhiciso in ciidamada Masar la geeyo xaduudaha iyo baddaha Soomaaliya, taasi oo ay Soomaaliya u arki karto fursad qaali ah oo ay ku heli karto xulafo militari iyadana ay marti ka tahay. Inkastoo xariirkii Masar iyo Soomaaliya xumaa muddooyinkii ugu dambeeyey hadana Masar waxay u aragtaa fursad qaali ah in Soomaaliya oo ordaysa telefoon soo dirtay.” ayuu qoray Cabdijabaar Sh. Axmed.

Faragelintii Itoobiya ee biyaha badda Soomaaliya, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Masar, kaddib xiisadda Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhalatay heshiiska. Masar ayaa ku baaqday in la ixtiraamo midnimada Soomaaliya iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ka dib markii ay Itoobiya la gashay heshiis dhinaca badda ah oo dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya.

“Masar waxa ay hoosta ka xariiqday baahida loo qabo in si buuxda loo ixtiraamo midnimada Soomaaliya iyo madaxbanaanida dhulkeeda oo dhan iyo xaqa ay u leedahay in ay ka faa’iidaysato kheyraadkeeda” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Waxay ka digtay in “ficilada iyo hadalada ka soo baxaya dalalka deriska ah ay wiiqi karaan xasiloonida Geeska Afrika.”

Xafiiska Abiy Axmed ayaa bogaadiyay heshiiskaas inuu ahaa mid “taariikh ah”, isagoo sheegay in “loogu talagalay in uu u adeego qaab-dhismeedka iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dhinac.”

Itoobiya waxay lumisay dekedaheeda badda cas horaantii sagaashamaadkii ka dib dagaalkii xornimada Ereteriya, kaas oo socday 1961 ilaa 1991kii. 1991-kii, Ereteriya waxay xornimada ka qaadatay Itoobiya, taasoo keentay in la dhiso laba dal oo kala duwan. Kala go’aasi waxa uu sababay in Itoobiya ay si toos ah u waydo marinka badda cas iyo dekedaha muhiimka ah. Itoobiya ayaa tan iyo markaas ahayd mid aan bad lahayn, taas oo saamaysay awooddeeda in ay si hufan uga ganacsato badda. Itoobiya iyo Masar ayaa muddo sanado ah ka dhaxeeyay xiriir diirran oo ku saabsan mashruuca biyo xireenka Niil ee Itoobiya.

Bishii la soo dhaafay, Masar ayaa ku dhawaaqday in uu dhamaaday wada xaajoodkii biyo xireenka Renaissance Dam ee ay la gashay Itoobiya iyo Suudaan, waxayna wacad ku martay in ay difaaci doonto biyaheeda iyo amnigeeda haddii lagu xadgudbo.

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaaraha Norway?

Maxaa ka soo baxay safarka madaxweyne Xassan uu ka tagay dalka Norway – qodobada ugu muhiimsan halkaan hoose ka akhriso.

Published

on

Villa Somalia

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ah ku jooga caasimada dalka Norway ee Oslo, wuxuuna la kulmaayey Ra’iisul Wasaaraha Norway Jonas Gahr Støre.

Imaanshaha madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ee wakhtigaan waxaa ka horreeyey wasiirkii horre ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Dibedda isla dowladdan Xassan Sh. Maxamuud. Xukuumadda Xassan Sh. Maxamuud waxay sameysay iskudayo aan lagu guulaysanin ee lagu xoojinaayo xariirka labada dal.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Boqortooyada Norway uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida dowladda federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab balse waxaa hadalkiisa ka reebanaa inuusan sheegin guuldarooyinka dowladdiisa ee ku aadan la dagaalanka Al-shabaab iyo sidoo kale in dalka dagaallo beeloodyo ay ka jirraan wakhtigaan uu ku sugan yahay dalka Norway iyo muddooyinkii dambe oo dhan.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, daraawiishta Galmudug iyo xoogaggii dib u xoreynta shacabka ayaa isaga baxay dhulkii ragga badan ay ku dhinteen ee laga xoreeyey Al-shabaab ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan degmooyinka Camaara iyo Bacaadweyne.

Xaaladdaan ayaa gilgishay halgankii dalka looga xoreynayey Khawaarijta oo ah ‘magaca ay dowladda federaalka Soomaaliya u taqaano’ Al-shabaab ee labada sano soo socday, waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka. Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha Norway dhibaatada ka dhalatay xadgudubka Itoobiya iyo dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi isfaham iyo is-afgarad ah, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada shaqeynta iyo iskaashiga dhow ee labada dal. Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa sidoo kalle ka mahad-celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mudane Jones Gahr Støre ayaa bogaadiyay horumarka ay Dowladdiisa sameyneyso, waxaana uu ballan-qaaday in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Norway ku jooga booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah, ayaa sidoo kale waxa uu qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus.

Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay dalka Norway tan iyo markii dib loo doortay ee 15-kii Maay 2022, wallow uu safaro kala duwan ku tagay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub. Hal bil gudaheeda madaxweynaha ayaa u safray dalal badan oo caalamka kamid ah asigoo leh wasiir arrimo dibadeed – waxay dad badan iswaydiin karaan aaway shaqadii wasiirka arrimaha dibedda!

Norway ayaa sanadihii ugu dambeeyey qeyb libaax leh ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, laakiin nasiib-xumada jirta ayaa ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaanan wali u bislaanin inay shacabkooda samata-bixiyaan.

Madaxda kalle marka ay yimadaan Norway waxaa loo soo dhaweeyaa si heer sarre ah oo maamuus leh, balse kuwa Soomaalida waa lagu bahdilaa. Marka ay yimadaan hoteel ayay degaan waxaana soo dhaweeya kooxda qabiilka ugu dhow madaxweyne ama wasiir.

Sababta waxaa ugu wacan mida koowaad malahan wax ajende ah, midda labaad waa madax ku timaaday 4.5 sidaas awgeed waxaa jira dad aan madaxweyne ahaan u aqoonsaneen madaxda Soomaaliya madamaa lagu dulmiyey nidaamka dowladnimo ee meesha lagu haayo. Sidoo kale, dowladaha kalle ee caalamka sida reer Yurub waa ay ogyihiin in madaxda Soomaaliyeed ay ku yimadaan nidaamkaas loona baahan yahay in wax laga beddelo – loo gudbo doorasho dadweyne.

Inta badan malahan ajendo qaran ee ay xambaarsan yihiin waxaana ugu wacan nidaamka dalka ka jirra. Tusaalle: Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluxu Hassan oo booqasho ku joogtay Norway, ayaa doonaysa in Norway ay maalgashi ku sameyso Tansaania waxayna sheegtay inay rabto iskaashiga ganacsi ee ma aha gargaar waxa ay doonayso. Sidoo kalle iskama aysan imaanin Norway illaa loo diray casuumad rasmi ah.

Arrimaha ka qeyb-galka Diblomaasiyadda Norway 

Norway waxay si firfircoon ugu hawlan tahay taageeridda Soomaaliya iyada oo adeegsanaysa Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Bishii Maajo 2021, Ergeyga Joogtada ah ee Norway u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Mona Juul, ayaa muujisay taageerada ay u hayso wada-hadallada dib u soo noolaynta ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxaa horey u jiray tuhun ah in Norway ay faragelin ku lahayd arrintii muranka badda ee u dhaxeysay Kenya iyo Soomaaliya, balse Norway ayaa horey u cadeysay doorka ay ku leedahay muranka soohdinta badda ee Kenya iyo Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Espen Barth Eide, ayaa carabka ku adkeeyay mowqifka dalkiisa intii ay socotay dacwadda dhanka sharciga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee uu ku taageerayo dooda Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Madaxweyne Xassan Sheekh oo safar Norway ah u ambabaxay – waa maxay ujeedka safarka?

Waa sidee xaalka wakhtigaan ee xiriirka diblomaasiyaddeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Norway?

Published

on


Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay safar uu ku tagaayo dalka Norway, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho shaqo muddo saddex maalmood ah, waa sida ay xaqiijisay xafiiska Villa Somalia.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay caasimadda Oslo ee dalka Norway, waxa uu wadahadallo laba geesood ah uu la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Norway Jonas Gahr Støre. Imaanshaha Xassan ee wakhtigaan waxaa ka horreeyey wasiirkii horre ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Dibedda isla dowladdan Xassan Sh. Maxamuud. Xukuumadda Xassan Sh. Maxamuud waxay sameysay iskudayo aan lagu guulaysanin.

Norway ayaa sanadihii ugu dambeeyey qeyb libaax leh ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, laakiin nasiib-xumada jirta ayaa ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaanan wali u bislaanin inay shacabkooda samata-bixiyaan.

Madaxda kalle marka ay yimadaan Norway waxaa loo soo dhaweeyaa si heer sarre ah oo maamuus leh, balse kuwa Soomaalida waa lagu bahdilaa. Marka ay yimadaan hoteel ayay degaan waxaana soo dhaweeya kooxda qabiilka ugu dhow madaxweynaha. Sababta waxaa ugu wacan mida koowaad malahan wax ajende ah, midda labaad waa madax ku timaaday 4.5 sidaas awgeed waxaa jira dad aan madaxweyne ahaan u aqoonsaneen madaxda Soomaaliya madamaa lagu dulmiyey nidaamka dowladnimo ee meesha lagu haayo.

Tusaalle: Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluxu Hassan oo booqasho ku joogtay Norway, ayaa doonaysa in Norway ay maalgashi ku sameyso Tansaania waxayna sheegtay inay rabto iskaashiga ganacsi ee ma aha gargaar waxa ay doonayso. Sidoo kalle iskama aysan imaanin Norway illaa loo diray casuumad rasmi ah.

Boqorada Sonja (bidix) iyo Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluhu Hassan ayaa intii lagu guda jiray casho-sharafta ka dhacday qasriga boqortooyada ee lagu sharfay madaxweynaha oo la xidhiidha booqashadiisa rasmiga ah ee Norway. Sawirka: Annika Byrde / POOL / NTB Sawirka: Annika Byrde / POOL / NTB

Inta uu xukunka haayay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xariirka Norway iyo Soomaaliya ayaa xoogsaday, waxaana u istaagay xoojinteeda waa Xassan Cali Kheyre oo wax ku bartay dalka Norway. Haddana, iyadoo ay sidaas tahay Farmaajo waligiisa ma booqanin Norway intii uu xukunka haayey, maxaa yeelay wuxuu diidanaa habka loolla dhaqmo madaxda Soomaalyeed marka ay yimadaan Norway.

Xiriirka Soomaaliya iyo Norway

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Norway iyo Soomaaliya waxaa gacanta ku haya safaaradda Norway ee Nayroobi. Norway wax safaarad ah kuma lahan gudaha Soomaaliya balse waxaa u jooga wakiilo ku xaraysan gudaha xarunta Xalane ee magaaladda Muqdisho.

Norway waxay weli taageertaa dib-u-habaynta dowlad dhiska Soomaaliya. Wakhtigaan la jooga taageerada Norway waxay lagama maarmaan u tahay xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya si loo kobciyo soo kabashada dhaqaalaha, dib u habeynta waaxda amniga, iyo ka hortagga ururka laf-dhuun-gashay ku noqday dowladda Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Arrinta xiisaha lihi waxay tahay in Soomaalida ku dhaqan dalka Norway ay yihiin dadka ugu badan ee Afrikaanka ah ee kunool Norway, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay qaxooti ahaan ku yimaadeen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya.

Fursadaha aysan ka faa’idaysanin Soomaaliya waxaa kamid ah isbeddelka cimilada iyo in Soomaaliya lagu soo darro dalalka horumarkooda socda lagana saarro dalalka gargaarka u baahan. Khibrad la’aan diblomaasiyaddeed ee haysata masuuliyiinta ku heeraarsan dowladda Xassan Sh. Maxamuud ayaa keentay in aan laga faa’idaysanin fursadaha jirra.

Soomaaliya aad bay ugu nugushahay saamaynta isbeddelka cimilada iyo cimilada oo aad u daran. Waxay saamaynaysaa hab-nololeedyada, waxay kordhisa barakaca, waxayna sii hurin kartaa xiisadaha dagaaladda sokeeye oo wali meelo badan oo dalka ka jirra, waxayna carqaladayn kartaa dadaallada xallinta khilaafaadka ee socda. Si wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee soo noqnoqda ee Soomaaliya, dalka wuxuu baahannahay aqoonyahano diblomaasiyaddeed oo wax ka keeni kara iskaashiga lala yeelano caalamka intiisa kalle si wax loogu qabto dhibaatooyinkaas iyo khataraha amni ee la xiriira cimilada.

Arrimaha ka qeyb-galka Diblomaasiyadda

Norway waxay si firfircoon ugu hawlan tahay taageeridda Soomaaliya iyada oo adeegsanaysa Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Bishii Maajo 2021, Ergeyga Joogtada ah ee Norway u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Mona Juul, ayaa muujisay taageerada ay u hayso wada-hadallada dib u soo noolaynta ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Wadahadalku wuxuu ujeedkiisu ahaa in wax laga qabto caqabadaha siyaasadeed iyo sidii xal loogu heli lahaa heshiiskii 17kii Sebteembar.

Norway ayaa horey u cadeysay doorka ay ku leedahay muranka soohdinta badda ee Kenya iyo Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Espen Barth Eide, ayaa carabka ku adkeeyay mowqifka dalkiisa intii ay socotay dacwadda dhanka sharciga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee uu ku taageerayo dooda Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Kenya ayaa soo jeedisay in xal laga gaaro xiisada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan heshiiska dekedda

Kenya ayaa madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud usoo jeedisay in xal laga gaaro xiisada ka dhex aloosan asiga iyo Itoobiya taasoo ku saabsan heshiiska dekedda, si ay Itoobiyadana u heli karto dekad. Laakiin, yaa iswaydiiyey maxay helayaan Soomaalida?

Published

on


Kenya ayaa madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud usoo jeedisay in xal laga gaaro xiisada ka dhex aloosan asiga iyo Itoobiya taasoo ku saabsan heshiiska dekedda. Talaabadan ay Kenya ku dhiiratay inay kala hadasho Madaxweynaha aan doorasho shacab ku imaanin ee Xassan Sh. Maxamuud (4.5) ayaa lagu soo waramayaa in ay u ogolaan doonto Itoobiya aan bad lahayn in ay hesho dhul baddeed aan la carqaladayn iyada oo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Mas’uul sarre oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa khamiistii sheegay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD, si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, isla markaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland ee Soomaaliya.

Kenya ayaa u soo jeedisay madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud in la heshiisiiyo asiga iyo Abiy Axmed ee kala dhaxeeyo muranka madax bannaanida dal oo lagu xallinaayo arrimaha gobolka oo sii xoogaysanaya muddooyinkan dambe, kaasoo u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya. Murankaan ayaa bilawmay kadib markii Itoobiya ay soo hunguriyeysay badda Soomaaliya.

Kadib, markii Itoobiya ay soo hunguriyeysay dekkada Soomaaliya horeyna dekkada Berbera ay ugu lahayd boqolkiiba 19%, ayaa haddana waxay heshiis kale la gashay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dekkadiisa loogu beddelanayo aqoonsi inay Itoobiya siiso, ayaa u gogol xaaraya in Itoobiya ay sameysato howlgal ganacsi oo dhanka badda ah, si ay u hesho saldhig millatari oo ay ka maamusho Badda Cas, Redwaan Xusseen, ayaa yirri oo ah la taliyaha amniga ee RW Abiy Axmed.

Waxa kale oo heshiiskaas ka mid ahaa in Somaliland loo aqoonsado qaran ka madax-bannaan Soomaaliya. Somaliland waxa kale oo ay heli doontaa saami qaybsiga diyaaradda Itoobiya Airlines ee dawladdu leedahay, sida uu sheegay Redwaan Xusseen. Soomaaliya waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo urur gobolaadyada inay taageeraan xaqa ay Soomaaliya u leedahay difaacista dhulkeeda, ayaa lagu yirri war-saxaafadeedka dawladda Soomaaliya oo uu akhriyey af-hayeenka xafiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Farxaan Jimcaale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in is-afgaradka looga dhowaaqay Addis Ababa uusan “sina dhaqangal u noqon doonin.” Waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ay fursad u siinayso al-Shabaab inay qorato dad cusub, xilli dawladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto dagaalka Al-Shabaab, guulana ka gaartay.

Dowladdo iyo ururo caalami ah ayaa Soomaaliya ku taageeray. Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-siisi, ayaa muujiyay sida uu u taageersan yahay Soomaaliya khilaaf ka dhashay dalab ka yimid maamulka Waqooyiga ee Somaliland, kaasoo ahaa in Itoobiya oo aan bad lahayn la siiyo xeebaheeda si ay u aqoonsato madaxbannaanideeda oo ay muddo raadinaysay.

Kulanka dhex maray labada madaxweyne: William Ruto iyo Xassan Sh. Maxamuud

Wakaaladda wararka oo soo xiganaysa Korir Sing’oei, oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegay in qorshahan oo lagala tashanayo Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD ee bariga Afrika, lagu maamuli doono sida dalalka gobolka ee aan badda lahayni ay awood ugu yeelan lahaayeen ganacsi u helida dekedaha.

Kenya William Ruto (M) iyo Xassan Sh. Maxamuud (B). Taariikhda waxay ahay 12.04.2024

“IGAD waxay awood u yeelan kartaa inay dejiso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda,” Sing’oei ayaa yiri.

Soomaaliya oo wali u aragta in Somaliland ay ka tirsan tahay dhulkeeda inkasta oo gobolkaasi uu xornimadiisa qaatay 1991-kii, waxa ay cambaaraysay heshiiskaas oo ay ku tilmaantay dhul-qabsi iyo meel-ka-dhac ku ah midnimada dhuleed. Todobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ka eriday safiirka Itoobiya Muqtaar Maxamed Waare, iyadoo sabab looga dhigay tallaabooyin ay Addis Ababa ku sheegtay inay ku xad-gudbi doonto arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo dalkiisa uu ku tiirsanaa dekadda Jabuuti inta badan ganacsiga badda in ka badan sodon sano, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid muhiim u ah baahida dhaqaale ee Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu beeniyay hadal ka soo yeeray Muqdisho oo ay taageertay Masar, kaasi oo ahaa in dowladiisa ay isku dayeyso inay qabsato dhulka Soomaalida.

Khamiistii, xoghayaha arrimaha dibadda ee Kenya ayaa lagu soo waramayaa in uu sheegay in heshiiska Nayroobi ee la soo jeediyay uu siin doono Itoobiya “helitaanka kheyraadka badda xasilloon oo la saadaalin karo” haddii la ansixiyo. Tani waxay u ogolaanaysaa dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika inuu si xor ah u sameeyo ganacsi isagoo sidoo kale ixtiraamaya midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayuu yirri Sing’oei.

“Waxaan sii wadeynaa inaan la shaqeyno dhammaan dhinacyada anaga oo ujeedadeenu tahay inaan hubinno in gobolku uu ugu dambeyntii si buuxda u helo xasilloon,” ayuu yiri Singwe.

Hadalka Sing’oei ayaa imaanaya kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Nayroobi kula kulmay dhiggiisa Kenya William Ruto oo ay ka wadahadleen sidii xal diblomaasiyadeed loogu heli lahaa khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa Jimcihii sheegay in wararka sheegaya “heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya uu yahay mid aan waxba ka jirin.”

“Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa midnimada dhulkeeda. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayuu ku soo qoray X (hore Twitter-ka).

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Maxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay cayrisay safiirka Itoobiya, islamarkaana xirto qunsuliyado?

Dowladda Itoobiya ayaan weli ka hadal go’aanka dowladda Soomaaliya.

Published

on


Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xirtay qunsuliyadaha ay dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, ayada oo Addis-Ababa ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Qaraar kasoo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 Abriil 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey islamarkaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.”

Dowladda ayaa sidoo kale amartay inay toddobaad gudihiis dalka uga baxaan diblomaasiyiinta Itoobiya. “Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Itoobiya uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.”

Qaraarka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkan “ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” lagana qaadi tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka, sida lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu amray safiirka Itoobiya Mukhtaar Maxamed Waare inuu dalka uga baxo 72 saac gudahood.

Dowladda Itoobiya ayaan weli ka hadal go’aanka dowladda Soomaaliya.

Qaraarkan ayaa imanaya ayada oo shalay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya lagu sheegay, in wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arga uu xafiiskiisa si diirran ugu soo dhaweeyay, wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda ee Puntland Maxamed Farax Maxamed oo booqday Addis-Ababa.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa horey uga dhaxeeyey xiisad ka dhalatay is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya ee dhigayey in Somaliland ay Itoobiya ka kireyso dhul badeed ay ka sameysato saldhig ciidamada badda ah iyo dekad, halka Itoobiya ay aqoonsaneyso Maamulka Somaliland.

Faragelinta Itoobiya ee Soomaaliya

Faragelinta aan kala joogsi lahayn ee taariikhda Itoobiya ay ku leedahay Soomaaliya ayaa ah arrin laga argagaxo heer mid kamid ah dalalka deriska ah ee geeska Afrika, Eriteriya ay ahayd sababta ay ugu baxday ururka IGAD. Yemane Gebreab, oo sidoo kale ah madaxa arrimaha siyaasadda ee Jabhadda People’s Front for Democracy and Justice (PFDJ), ayaa sheegay in Eriteriya ay joojisay xubinimadeedii ururkaas, kaddib markii lagu xad-gudbay madax-bannaanida dal xubin ka ah, oo ay ula jeedo Soomaaliya.

Xaaladda gobolka Geeska Afrika oo sii xumaatay kadib markii ay Itoobiya heshiis ay ku tilmaamtay is-afgarad dhexmaray iyada iyo Somaliland. Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay heshiiska dekedda ay Itoobiya la gashay Somaliland. Kadib shir deg deg ah oo ay yeesheen, golaha wasiirada Soomaaliya ee ku yimid nidaamka 4.5 ayaa sheegay in heshiiska u ogolaanaya Itoobiya in ay isticmaasho dekedda Berbera ee Badda Cas uu yahay mid aan waxba ka jirin. Kulanka uu yeeshay Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya, ayaa dawladda Soomaaliya ay sheegtay in is-afgaradkaasi uu yahay “waxba kama jiraan.” Waxay sheegtay dawladda Soomaaliya in tallaabada Itoobiya ay qaadday ay gardarro iyo xadgudub ku tahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

MD Xassan Sh. Maxamuud oo booqasho ku jooga Sacuudi Carabiya – Maxaa loogu yeeray?

Waa maxay ujeedka loogu yeeray Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud? ma waxay u dhawdahay in tallo bixin laga siiyo xaaladda dalka?

Published

on


Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degay magaalada Riyaadh ee caasimadda dalka Sacuudi Carabiya kadib markii uu martiqaad ka helay boqorka dalkaasi, Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis.

Qaybta warbaahinta ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in booqashadaas ay tahay mid shaqo, mana sheegin muddada uu halkaasi joogi doona. Labada hoggaamiye ayaa la sheegay inay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga, istaraatijiyadeed iyo xiriirka labada waddan.

Booqashadan ayaa imanaysa saacado uun kadib markii madaxqeynuhu uu kasoo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Xarardeere iyo Ceeldheer oo uu kula kulmay ciidamada difaacaya labadaas magaalo. Ujeedka uu u aaday magaalooyinka Xarardeere iyo Ceeldheer waa mid kamid ah qorshahiisa la dagaalanka Al-shabaab.

6-da Agoosto 2023, hal sano kadib markii Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah al-Shabaab, ciidamada Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqeen in la bilaabay wejigii labaad ee ololahan oo diiradda lagu saarayo sidii maleeshiyada looga saari lahaa meelaha ay Soomaaliya kaga sugan yihiin. Tani waxay timid wax yar uun ka dib markii qof naftii hure ah uu dilay in ka badan labaatan askari oo Soomaali ah, lixdan kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday dugsiga tababarka ciidamada ee Muqdisho 25-kii Luulyo.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, daraawiishta Galmudug iyo xoogaggii dib u xoreynta shacabka ayaa isaga baxay dhulkii ragga badan ay ku dhinteen ee laga xoreeyey Al-shabaab ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan degmooyinka Camaara iyo Bacaadweyne.

Xaaladdaan ayaa gilgishay halgankii dalka looga xoreynayey Khawaarijta oo ah ‘magaca ay dowladda federaalka Soomaaliya u taqaano’ Al-shabaab ee labada sano soo socday, waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka.

Furinta ugu dambeysa ee askari Soomaaliyeed uu difaac uga jiro waa degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo degmada Wisil ee gobolka Mudug, ciidan u badan kuwii lagu soo tababaray dalka Eriteriya oo dhawaan la geeyey halkaas iyo guutada Abuu-dujaana ayaa baneeyey deegaanadaas.

Waa maxay ujeedka loogu yeeray Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud?

Sida ay sheegtay qaybta warbaahinta ee madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Iyadoo dalka uu ku jiray xaalad qatar ah oo amni xumo ah ayaa haddana waxaa soo kordhay deganaansho la’aan siyaasaddeed oo ka timid xagga wax ka beddelka dastuurka dalka oo ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay soo jeedinta dib u habeynta hanaanka doorasho ee dalka si dib dalka loogu soo celiyo doorashada guud ee dalka lahaan jiray burburkii kahor, qorshahaas oo ay dhaliileen qaar ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee Soomaaliya.

Bishii Maarso ee la soo dhaafay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweyne ku yimid nidaamka 4.5 waxa uu ballanqaaday in la soo afjari doono nidaamka qalafsan ee ku dhisan hab-beeleed doorasho dadban oo muddo ka badan nus qarni ka socday dalka qalalaasaha ku haya Geeska Afrika.

Dowladda dhexe iyo afar gobol oo federaal ah ayaa markii dambe ku dhawaaqay heshiis ah in nidaamka hal qof iyo hal cod lagu soo bandhigo doorashada deegaanka ee loo qorsheeyay Juun 2023, laakiin soo jeedinta ayaa ahayd inay ansixiyaan baarlamaanka.

Sabtidii lasoo dhaafay ayay xildhibaanadu ansixiyeen afar ka mid ah 12-ka cutub ee dastuuriga ah ee wax ka bedelka lagu sameyn doono taasoo qeyb ka ah dib u habeynta dastuurka.

Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay wax ka beddelka dastuurka ee 1aad-4aad, arrintaas oo mugdi sii gelisay xaaladda siyaasaddeed ee Soomaaliya.

“Xildhibaannada labada aqal waxay si wadajir ah u ansixiyeen cutubyada dastuurka ee wax laga bedelay,” ayuu yiri Sheekh Aadan Maxamed Nuur, guddoomiyaha golaha shacabka.

11-ka cutub ee haray ayaa dib loogu codeyn doonaa, sida uu sheegay Mahad Waasuge oo ah madaxa hay’adda Ajendaha guud ee Soomaaliya.

“Marka 11-ka cutub ee haray uu baarlamaanka wax ka beddelo, dastuurka waxaa u codeyn doona dadweynaha,” ayuu yirri.

Markii dowladda dhexe ay ku dhawaaqday qorshaha dib u habeynta doorashada sanadkii hore, madaxweyne hore iyo afar ra’iisul wasaare hore ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii caanka ahaa ee ka soo horjeestay, sababtoo ah waxaa ka mid ah, in dhammaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka aysan ka qeybgalin wada-hadallada.

Ka hor codeynta Sabtidii dhacday, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhaleeceeyay. “Dastuurkan, oo lagu fulinayo hannaan sharci-darro ah oo aysan bulshadu aqbali doonin, marnaba looma aqoonsan doono inuu yahay Dastuur sharci ah,” ayuu ku yirri hadal uu soo saaray Jimcihii.

“Ma matalo xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo iyo tiirarkii udub dhexaad u ahaa dib u heshiisiinta siyaasadda Soomaaliya iyo awood qeybsiga,” ayuu yiri.

Cumar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo bariga Afrika u qaabilsan kooxda xasaradaha caalamiga ah, ayaa sheegay in wax ka bedelka ay “u badan tahay in ay sare u qaaddo xiisadaha siyaasadeed” iyo “in ay sii kala qaybiso siyaasadda Soomaaliya marka ay kooxaha mucaaradka ahi isu soo baxaan” iyaga oo ka soo horjeeda.

Dhanka kale, maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa Axaddii sheegtay inaysan aqoonsan doonin hay’adaha federaalka kaddib markii baarlamaanka uu taageeray qorshahaas.

Waxay ahayd tillaabadii ugu dambeysay ee sheekooyinka soo jireen ku ah siyaasadda Soomaaliya, mararka qaarna xamaasad leh, iyadoo Puntland ay dhowr jeer soo saartay bayaan kan la mid ah sannadihii u dambeeyay oo ay ku muujinayso khilaafka dowladda dhexe ee Muqdisho.

Puntland, oo ku taal waqooyi-bari Soomaaliya, ayaa sheegtay maamul-goboleedka 1998-kii, taas oo leh kheyraadka dabiiciga ah oo ay ku jiraan shidaalka iyo dekedda Boosaaso.

“Maamulka Puntland wuxuu kala noqday aqoonsiga iyo kalsoonida hay’adaha dowladda federaalka ah ilaa laga helayo hannaan dastuuri ah oo toos ah oo la isku raacsan yahay,” ayaa lagu yirri war kasoo baxay Puntland.

Sidaas darteed, “Puntland waxay yeelanaysaa awood dawladeed oo dhamaystiran inta laga helayo nidaam dawladeed oo federaal ah, iyadoo la helayo dastuur Soomaaliyeed oo la wada ogol yahay, kaas oo loo qaadi karo afti dadweyne”.

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud inuu ku tuntay dastuurka dalka, islamarkaana uu waayay sharcinimadiisa madaxweynimo.

Ujeedka Sacuudiga

Dowladda Sacuudiga oo muddooyinkan dambe saluugsaneed heshiiska shidaalka ee ay Soomaaliya la gashay dowladda Turkiga haddana waxay heshay fursad kale oo ay ugu yeeri karto madaxweynaha Soomaaliya madamaa xaaladda dalka maanta cakiran yahay. Waxayna u dhawdahay tallo bixin in la siiyo madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul