Connect with us

Ameerika

Maxkamad ku taalla Mareykanka oo 30 sano xabsi ah ku xukuntay muwaadin Soomaali ah

Sida ku cad dukumiintiyada maxkamadda meydka J.M. ayaa la helay 29-kii Luulyo, 2019-kii, kadib markii lagu tuurey god ku yaalla dhinaca waddada weyn ee Missouri Highway 59.

Published

on


Maxkamadda Federaalka ee gobolka Missouri ee dalka Mareykanka ayaa xukun adag ku ridday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu helay dambi la xiriira afduub sababay dhimasho.

Maxkamadda dalka Mareykanka ayaa Maxamuud Tooxoow Maxamed oo 44 jir ah waxay ku xukuntay 30 sano oo xabsi federaal ah, kadib markii lagu helay dambiga afduubka iyo dilka haweeney lagu magacaabi jiray J.M.

Sida ku cad dukumiintiyada maxkamadda meydka J.M. ayaa la helay 29-kii Luulyo, 2019-kii, kadib markii lagu tuurey god ku yaalla dhinaca waddada weyn ee Missouri Highway 59.

Baaritaan lagu sameeyay hiddasidaha DNA ayaa xaqiijiyay in dhiigga J.M. laga helay agabyo kala duwan oo laga dhex helay gaari ay wada isticmaali jireen eedeysanaha iyo dhibbanaha.

J.M. ayaa markii ugu dambeysay ee nolosha lagu arko waxay ahayd 16-kii Luulyo, 2019, maalintaasi waxay khadka degdega ah ee 911 u sheegtay in Maxamuud uu mindi ku hayo, isla markaan ku dayay inuu si qasab ah ugu galmoodo.

Waxay sidoo kale muujisay walaac xooggan oo ku aaddan badqabka saddexdeeda carruur ah oo xilligaas guriga kula jiray eedeysanaha.

Maalin kadib 17-kii Luulyo 2019, waxaa la soo sheegay inay maqan yihiin J.M. iyo carruurteedaba. Carruurta ayaa markii dambe laga helay guri ku yaalla magaalada Des Moines ee gobolka Iowa, 8-dii Agoosto, 2019-kii.

Kadib markii uu carruurta uga tagay gobolka Iowa, Maxamuud Tooxoow Maxamed ayaa ka baxsaday dalka Mareykanka, isagoo u weecaday dhinaca dalka Guatemala illaa laga helay, isagoo laamaha Amniga Mareykanka gacanta u galay 27-kii Luulyo, 2021.

Kiiskan waxaa dacwad-ooge ka ahaa Kaaliyaha Garyaqaanka Mareykanka Ami Harshad Miller, waxaana baaritaanka iska kaashaday hay’adda FBI-da iyo waaxaha booliska ee magaalooyinka McDonald County, Rochester, iyo Des Moines.

Tallaabadaan ayaa kusoo beegmaysa xilli dhowaan Dowladda Mareykanka ay xabsiga dhigtay muwaasin Soomaaliyeed oo gudaha dalkaasi ku noolaa kaasi ay ku heshay in uu si sharci darro ah ku joogay dalkaasi, sidoo kale uu lasoo shaqeeyay kooxaha burcad badeedda Soomaalida kuna dhacay xilli hore falal dambiyeedyo waaweyn.

Laamaha ammaanka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay Saciid Jaamac Axmed oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo loo haysto inuu sifo sharci darro ah ku joogay dalkaasi iyo sameynta Baasabooro been abuur ah.

Dhanka kale, qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Amniga gudaha Mareykanka ayaa lagu sheegay in faro laga qaaday ninkaan laga helay xog hore laga diiwaangeliyay 2012-kii, taasoo ah inuu ku lug lahaa fal burcad badeednimmo oo ka dhacay xeebaha Soomaaliyeed.

Qorshaha Mareykanka ayaa ah in maxkamad ku taalla gudaha dalkaasi lasoo taago si ay xukun ugu ridaan. Soomaalida u doodaysa Saciid Jaamac ayaa sheegay in falkaasi uu yahay jinsi naceyb oo aysan jirin wax dambi ah uu gaystay.

Mareykanka ayaa sanadkii tegay ilaa iyo sanadkaan beegsanaya Soomaalida aan sharciga haysan iyo kuwa kaleba, inkastoo hadda uu bilaabay in uu beegsado kuwa sharcigoodu wax ka khaldan yahay uu dusha ka saaro eedeymo dambi sida burcad badeednimo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo muwaadin Soomaaliyeed lagu soo eedeyo falal burcad badeednimo gudaha Mareykanka, waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay sii kordhayay dib dib usoo celinta soogalootiga ee aan sharciga haysan ee ku sugan dalkaasi.

Facebook Comments Box

Ibraahim Cusmaan Jibriil wuxuu ka tirsan yahay bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da'yarta. Dhinaca kale wuxuu wax ka qora ganacsiga, siyaasada, dhaqanka, kheyraadka dalka, af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska, iyo taarikhaha dalka. Waa shaqsi u taagan sidii geed-dheer iyo geed-gaabanba loogu fuuli lahaa sidii loo soo noolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummada soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Ameerika

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Wiilka 17 jirka ah ayaa weli lagu daweynayaa isbitaalka, iyadoo dhaawaciisu aanu ahayn mid naftiisa halis gelinaya, halka wiilka 18 jirka ah isbitaalka laga saaray Sabtidii.

Published

on


Laba dhallinyaro Soomaali ah ayaa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday meel u dhow garoon kubadda cagta oo ku yaalla magaalada Eden Prairie ee gobolka Minnesota, xilli ay socotay ciyaar ay daawanayeen kumannaan qof. Toogashadu waxay dhacday xilli kooxda Eden Prairie High School ay garoonkeeda kula ciyaaraysay Minnetonka High School. Dhacdada ayaa keentay sida booliisku sheeegeen in daawadayaashii ciyaarta ay si degdeg ah uga cararaan garoonka, iyadoo qaar ka mid ah dadka ay ka boodeen xayndaabyada.

Booliiska Eden Prairie ayaa sheegay in labada qof ee la dhaawacay ay yihiin wiilal Soomaali ah oo da’doodu kala tahay 17 iyo 18 sano. Labadooduba waxay horey booliiska uga tirsanaayeen dadka ay yaqaannaan, sida ay sheegeen saraakiishu. Wiilka 17 jirka ah ayaa weli lagu daweynayaa isbitaalka, iyadoo dhaawaciisu aanu ahayn mid naftiisa halis gelinaya, halka wiilka 18 jirka ah isbitaalka laga saaray Sabtidii.

Booliisku waxay sheegeen in dagaal weyn uu ka dhacay dhinaca Galbeed ee garoonka wax yar kahor inta aan rasaastu dhicin. Sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah, baarayaashu waxay tuhunsan yihiin in toogashadu la xiriirto khilaaf u dhexeeya kooxo Soomaali ah oo deegaanka ka jira.

Si kastaba, booliisku weli ma aysan shaacin cidda loo malaynayo inay rasaasta ridday, waxayna sheegeen inaysan haynin xog ku filan oo ku saabsan tuhmanayaasha oo ay bulshada la wadaagi karaan. Labada qof ee la dhaawacay midkoodna ma ahayn arday dhigta Eden Prairie High School ama Minnetonka High School.

Dhacdada ayaa cabsi weyn ku abuurtay dadkii ku sugnaa garoonka, iyadoo ciyaartoyda iyo daawadayaashuba ay markii hore garan waayeen waxa dhacay. Mas’uuliyiinta garoonka ayaa dadka ku wargeliyay inay ka baxaan goobta, waxaana kumannaan qof ay u kala carareen dhinaca laga baxo.

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

In ka badan 500 Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sanadkan loo soo saaray amarro masaafurin ah, iyadoo Maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dardargeliyay dhageysiyada magangelyada isla markaana uu adkeeyay waddooyinka sharci ee ay dadkaasi ku heli karaan ilaalin.

Sida lagu sheegay falanqeyn ay samaysay warbaahinta Minnesota Star Tribune, in ka badan 1,000 qof oo Soomaali ah ayaa tan iyo bishii Febraayo loo soo saaray amarro masaafurin ah, halka in ka badan kala bar amaradaasi ay khuseeyaan Soomaali ku nool Minnesota. Tiradan ayaa ku dhowaad toban jeer ka badan tii la diiwaangeliyay sannadkii 2025.

Qaar kamid ah dadka loo soo saaray amarada masaafurinta ayaa hore loo masaafuriyay halka kuwo kale lagu xiray xarumo dadka lagu hayo oo ay ku jirto xabsiga Guantánamo Bay ee Cuba. Ugu yaraan laba qof oo ka soo jeeda Minnesota ayaa halkaas lagu xiray.

Arrintan ayaa soo xoogeysatay kadib markii maamulka Trump uu qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu xaddidayo fursadaha ay Soomaalidu ku heli karaan ilaalinta sharci. Bishii Janaayo waxaa lagu dhawaaqay in la soo afjarayo ilaalinta ku-meelgaarka ah ee Soomaalida halka bishii Febraayo la sameeyay nidaam maxkamadeed oo dedejiya dhageysiyada kiisaska magangelyada Soomaalida.

Qareennada socdaalka ayaa sheegay in kiisaska Soomaalida loo sameeyay jadwal gaar ah, iyadoo dhageysiyada qaarkood lagu qabanayo internetka, isla markaana aanay inta badan ka dhicin meel ay dadweynuhu si furan uga qayb geli karaan. Sida xogta lagu sheegay ku dhowaad dhammaan go’aannadii masaafurinta ee siddeeddii bilood ee ugu horreysay 2026-ka waxay ku saabsanaayeen Soomaali lagu daray nidaamka dhageysiyada la dedejiyay.

Dhanka kale, Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka ayaa sheegtay in tallaabooyinkan loogu talagalay ilaalinta muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo dowladda ay ku doodday in dadka dalka si sharci-darro ah ku soo gala ay wajihi karaan masaafurin ama loo diri karro dal saddexaad.

Qareennada dadka Soomaalida ah ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in qaar ka mid ah dadka la masaafurinayo loo diro dalal aysan xiriir hore la lahayn. Qaar ka mid ah Soomaalidii lagu hayay Guantánamo Bay ayaa markii dambe loo qaaday Kenya, halka kuwo kale laga yaabo in loo diro dalal Afrikaan ah oo aqbalaya dadka laga soo masaafuriyo Mareykanka.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in maamulka Mareykanku uu kiisaska qaar ku doodayo in Soomaaliya ay ammaan tahay, iyadoo qareennada iyo hay’adaha kale ay tilmaamayaan digniino ka soo baxay dowladda Mareykanka oo ku saabsan khataraha amni ee ka jira dalka.

Si kastaba, xogta la soo bandhigay ayaa muujinaysa in dadka Soomaalida ah ee ku guuleystay kiisaska magangelyada sanadkan ay jireen, iyadoo 148 qof oo Soomaali ah ay ku guuleysteen kiisaskooda socdaalka, in ka badan 70% ka mid ahna ay ahaayeen haween.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ameerika

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Sida lagu sheegay falanqeyn ay samaysay warbaahinta Minnesota Star Tribune, in ka badan 1,000 qof oo Soomaali ah ayaa tan iyo bishii Febraayo loo soo saaray amarro masaafurin ah.

Published

on


In ka badan 500 Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sanadkan loo soo saaray amarro masaafurin ah, iyadoo Maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dardargeliyay dhageysiyada magangelyada isla markaana uu adkeeyay waddooyinka sharci ee ay dadkaasi ku heli karaan ilaalin.

Sida lagu sheegay falanqeyn ay samaysay warbaahinta Minnesota Star Tribune, in ka badan 1,000 qof oo Soomaali ah ayaa tan iyo bishii Febraayo loo soo saaray amarro masaafurin ah, halka in ka badan kala bar amaradaasi ay khuseeyaan Soomaali ku nool Minnesota. Tiradan ayaa ku dhowaad toban jeer ka badan tii la diiwaangeliyay sannadkii 2025.

Qaar kamid ah dadka loo soo saaray amarada masaafurinta ayaa hore loo masaafuriyay halka kuwo kale lagu xiray xarumo dadka lagu hayo oo ay ku jirto xabsiga Guantánamo Bay ee Cuba. Ugu yaraan laba qof oo ka soo jeeda Minnesota ayaa halkaas lagu xiray.

Arrintan ayaa soo xoogeysatay kadib markii maamulka Trump uu qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu xaddidayo fursadaha ay Soomaalidu ku heli karaan ilaalinta sharci. Bishii Janaayo waxaa lagu dhawaaqay in la soo afjarayo ilaalinta ku-meelgaarka ah ee Soomaalida halka bishii Febraayo la sameeyay nidaam maxkamadeed oo dedejiya dhageysiyada kiisaska magangelyada Soomaalida.

Qareennada socdaalka ayaa sheegay in kiisaska Soomaalida loo sameeyay jadwal gaar ah, iyadoo dhageysiyada qaarkood lagu qabanayo internetka, isla markaana aanay inta badan ka dhicin meel ay dadweynuhu si furan uga qayb geli karaan. Sida xogta lagu sheegay ku dhowaad dhammaan go’aannadii masaafurinta ee siddeeddii bilood ee ugu horreysay 2026-ka waxay ku saabsanaayeen Soomaali lagu daray nidaamka dhageysiyada la dedejiyay.

Dhanka kale, Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka ayaa sheegtay in tallaabooyinkan loogu talagalay ilaalinta muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo dowladda ay ku doodday in dadka dalka si sharci-darro ah ku soo gala ay wajihi karaan masaafurin ama loo diri karro dal saddexaad.

Qareennada dadka Soomaalida ah ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in qaar ka mid ah dadka la masaafurinayo loo diro dalal aysan xiriir hore la lahayn. Qaar ka mid ah Soomaalidii lagu hayay Guantánamo Bay ayaa markii dambe loo qaaday Kenya, halka kuwo kale laga yaabo in loo diro dalal Afrikaan ah oo aqbalaya dadka laga soo masaafuriyo Mareykanka.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in maamulka Mareykanku uu kiisaska qaar ku doodayo in Soomaaliya ay ammaan tahay, iyadoo qareennada iyo hay’adaha kale ay tilmaamayaan digniino ka soo baxay dowladda Mareykanka oo ku saabsan khataraha amni ee ka jira dalka.

Si kastaba, xogta la soo bandhigay ayaa muujinaysa in dadka Soomaalida ah ee ku guuleystay kiisaska magangelyada sanadkan ay jireen, iyadoo 148 qof oo Soomaali ah ay ku guuleysteen kiisaskooda socdaalka, in ka badan 70% ka mid ahna ay ahaayeen haween.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ameerika

Madaxweynaha Mareykanka, Trump oo markale Soomaalida ku tilmaamay tuugo

Trump oo ka hadlayay siyaasadda socdaalka ayaa sheegay in dhammaan qaabilaadda qaxoontiga Soomaaliya la hakiyey, isaga oo ku tilmaamay Soomaaliya “meel qurux badan oo khatar ah”.

Published

on


Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in maamulkiisu joojiyey qaabilaadda qaxoontiga ka imanaya Soomaaliya, isaga oo hadalkaas ka jeediyey isu-soo-bax siyaasaddeed oo ka dhacay magaalada Mobile ee gobolka Alabama.

Trump oo ka hadlayay siyaasadda socdaalka ayaa sheegay in dhammaan qaabilaadda qaxoontiga Soomaaliya la hakiyey, isaga oo ku tilmaamay Soomaaliya “meel qurux badan oo khatar ah” balse sheegay in aanay qaxoonti ka imanaya dalkaasi soo geli karin Mareykanka.

“Waxaan joojinay dhammaan qaabilaadda qaxoontiga ka imanaya Soomaaliya, halkaan Soomaaliya kama rabno – Soomaalidu 98% waa shaqo la’aan, waxa keliya ay ku fiican yihiin tuugnimada” – ayuu yirri Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka. Trump ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliya98% ay shaqo la’aan yihiin, isaga oo Soomaalida ku eedeeyey inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan ama ‘khiyaameeyaan’ Mareykanka. Trump muu soo bandhigin il tirakoob oo sax ah oo uu xogta kasoo qaatay.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli maamulkiisa uu si weyn u adkeeyey siyaasadda qaxoontiga iyo socdaalka. Dowladda Mareykanka ayaa muddadii Trump xafiiska joogay hakisay guud ahaan barnaamijka qaabilaadda qaxoontiga, iyadoo siyaasadda hadda jirta ay si weyn u mudnaanta siinayso qaxoontiga Afrikaaners-ka Koonfur Afrika.

Trump ayaa horey dhowr jeer Soomaalida ula xiriiriyay baaritaannada musuqmaasuqa ee ka socda gobolka Minnesota. Maamulka Trump ayaa sheegay in baaritaannada musuqmaasuqa barnaamijyada gargaarka bulshada ee Minnesota ay ku lug leeyihiin xatooyada balaayiin dollar, halka warbixinno madax-bannaan ay tilmaameen in qaddarka si dhab ah loo xaqiijiyey uu ka hooseeyo tirooyinka uu madaxweynuhu sheegay.

Dowladda Mareykanka ayaa si kastaba, dacwado dhowr ah oo musuqmaasuq ah ka gudbisay shaqsiyaad Soomaali ah oo ku nool Minnesota kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyey inay lunsadeen lacago loogu talagalay barnaamijyada adeegyada bulshada. Tusaale ahaan Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in kiiska Feeding Our Future uu ku lug leeyahay eedeymo la xiriira malaayiin doollar oo laga lunsaday barnaamijyada cuntada carruurta.

Hadallada Trump ayaa sidoo kale imanaya xilli siyaasaddiisa socdaalka ay si gaar ah u saameynayso Soomaalida ku nool Mareykanka gaar ahaan Minnesota oo ay ku nool yihiin tiro badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas.

Maxaa tusaalaha ugu xun ee dal loogu soo qaata Soomaaliya?

Madaxda Afrikaanka ah iyo kuwa caalamka ayaa Soomaaliya muddooyinkan dambe u soo qaata tusaalaha ugu xun, taas oo sumcad dil ku ah dowladda Soomaaliya. Hadallada sumcad-darrada ah ayaa waxaa ugu dambeeyay dhowaan jeediyay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee DCP.

Ninkan ayaa ku eeddeeyay Madaxweyne Ruto inuu Kenya ka dhigayo sida Soomaaliya, taas oo ula jeedo tusaalaha ugu xun oo liidasho ah, isla markaana ka turmayso heerka ugu hooseeyay ay maanta gaarsiisan tahay Soomaaliya. “Waxaad shalay maqasheen Ruto oo been u sheegay shacabka isagoo leh Singapore oo kale ayaan ka dhigaya Kenya, laakiin runta waxay tahay haddii uu mar kale doorasho ku guuleysto, dalkeenna wuxuu ka dhigi doonaa sida Soomaaliya,” – ayuu yirri Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya Rigathi.

Xilli hore ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaaliya ku tilmaamay “dowlad fashilantay oo ay hareeyeen laaluush iyo lunsi hanti dadweyne.” Trump ayaa Soomaaliya u soo qaata tusaalaha ugu liita ee dowladnimada.

Madaxweynaha Ugaanda, Yoweri Museveni ayaa sidoo kale kamid ah madaxda Afrikaanka ah ee u gafay Soomaaliya, una adeegsada tusaalooyinka xun, Museveni ayaa mar ku tilmaamay Soomaaliya dal aan lahayn dowlad shaqeysa. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa sannadihii ugu dambeeyay waxay dib u bilowday soo kabashada dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo kor u qaadista wax-soo-saarka warshadaha. Qaar kamid ah madaxda Afrikaanka ah iyo kuwa caalamka ayaa isku dayayaan inay suurad-xumeeyaan Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ameerika

Madaxweynaha Soomaaliya: “Soomaaliya ma dooneyso in Qaramada Midoobay ay dalka ka baxdo”

“Ma dalbaneyno in Qaramada Midoobay ay baxdo” – ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.

Published

on


Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya aysan doonayn in Qaramada Midoobay ay dalka ka baxdo balse ay rabto in iskaashiga labada dhinac loo habeeyo qaab ay hay’adaha Soomaaliyeed door hoggaamineed ku yeeshaan fulinta howlaha iyo mashaariicda.

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Kalfadhiga 81aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda New York ayaa sheegay in taageerada caalamiga ah ay tahay inay xoojiso hay’adaha qaranka, halkii ay ka abuuri lahayd hannaan barbar socda oo ka madax bannaan dowladda.

Madaxweynaha ayaa dhaliilay qaabka hadda loo maareeyo qaar ka mid ah gargaarka caalamiga ah, isagoo sheegay in mashaariic badan lagu fuliyo hannaan ka baxsan miisaaniyadda dowladda iyo hay’adaha qaranka, taas oo uu sheegay inay adkeyneyso qorsheynta, isku-dubbaridka iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay muddo ka badan 30 sano martigelinaysay joogitaanka Qaramada Midoobay, balse qaybo badan oo ka mid ah gargaarka iyo mashaariicda horumarineed lagu fuliyo qaabab ka baxsan miisaaniyadda qaranka.

“Ma dalbaneyno in Qaramada Midoobay ay baxdo” – ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku baaqay iskaashi ku saleysan isla-xisaabtan, qorsheyn istiraatiiji ah iyo natiijooyin la cabbiri karo. Waxa uu sheegay in arrintani ay dowladda ku adkeyneyso qorsheynta, isku-dubbaridka kheyraadka iyo cabbiridda natiijooyinka, iyo sidoo kale dhismaha hay’adaha dalka.

Mareykanka oo hal sano u kordhiyay in lagu soo afjaro hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa oggolaatay in Qaramada Midoobay ay muddo hal sano ah oo dheeraad ah ku soo afjarto taageerada saadka ee ay siiso hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo mustaqbalka taageerada hawlgalka uu weli mugdi ku jiro.

Sida ay Reuters sheegtay, muddada kala guurka ayaa bilaabanaysa Jannaayo 2027, taas oo Qaramada Midoobay siinaysa waqti ay si tartiib ah ugu yareyso una soo afjarto hawlaha taageerada saadka ee AUSSOM. Qaramada Midoobay oo adeegsanaysa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa AUSSOM u fidisa adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin shidaalka, cuntada, caafimaadka, gaadiidka, isgaarsiinta, injineernimada iyo duulista.

Hase yeeshee, Mareykanka ayaa sheegay inuusan sii maalgelin doonin hawlgalka UNSOS oo miisaaniyaddiisu ku dhowdahay 500 milyan oo dollar sanadkii, iyadoo aan weli la helin hannaan kale oo si buuxda u beddela taageerada Qaramada Midoobay.

AUSSOM waxaa loo sameeyay in uu taageero dadaallada Soomaaliya ee la xiriira amniga iyo xasilinta dalka, iyadoo Qaramada Midoobayna ay sii waddo taageerada saadka ee hawlgalka. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu muddada hadda jirta ee AUSSOM iyo taageerada UNSOS ku saleeyay Qaraarka 2809, oo dhigaya dhammaadka 31-ka Diseember 2026.

Go’aanka cusub ayaa AUSSOM, Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku biiriya siinaya waqti dheeraad ah oo ay ugu diyaar-garoowaan isbeddelka ku imanaya nidaamka taageerada saadka. Si kastaba, weli lama caddeyn sida loo beddeli doono nidaamka ballaaran ee ay UNSOS hadda bixiso marka muddada kala-guurka ahi dhammaato, arrintaas oo muhiim u noqon karta awoodda ciidamada Soomaaliya iyo AUSSOM ee fulinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Go’aanka Mareykanka ayaa sidaas darteed siinaya hawlgalka waqti dheeraad ah balse ma aha kordhin joogto ah oo lagu sii wado taageerada Qaramada Midoobay.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ameerika

Ilhaan Cumar oo soo bandhigtay sharci lagu maalgelinayo bulshooyinka ay saameeyeen hawlgallada ICE iyo CBP

Hindisaha oo loogu magac daray “Make ICE Pay Act” ayaa yimid kadib markii la soo gabagabeeyay hawlgalka Operation Metro Surge ee gobolka Minnesota.

Published

on


Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa soo bandhigtay hindise sharciyeed cusub oo lagu doonayo in ku dhowaad 140 bilyan oo doollar oo loo qoondeeyay hay’adaha socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha loogu wareejiyo bulshooyinka ay saameeyeen hawlgallada ICE.

Hindisaha oo loogu magac daray “Make ICE Pay Act” ayaa yimid kadib markii la soo gabagabeeyay hawlgalka Operation Metro Surge ee gobolka Minnesota. Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in lacagta loo adeegsan karo soo kabashada bulshooyinka ay saameeyeen hawlgallada socdaalka, iyadoo xustay in Minneapolis oo keliya hawlgalku ku yeeshay saameyn dhaqaale oo ay ku qiyaastay ku dhowaad 700 milyan oo dollar.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka xafiiska Ilhaan Cumar sharcigu wuxuu lacagahaas u weecin karaa dadaallo dib loogu taageerayo bulshooyinka ku yaalla gobollada ay saameeyeen hawlgallada ICE iyo CBP. Gobollada lagu xusay hindisaha waxaa ka mid ah California, Minnesota, Illinois, Louisiana, Maine, North Carolina iyo Oregon.

Lacagta ayaa haddii sharcigu dhaqan galo loo adeegsan karaa gargaar dhaqaale, kharashaadka hawlgalka, taageerada hay’adaha waxbarashada iyo adeegyada taageerada nafsaaniga ah ee dadka ay hawlgalladu saameeyeen. Hindisaha ayaa sidoo kale oggolaanaya in lacagaha loo adeegsado baaritaanno iyo guddiyo lagu diiwaangelinayo saameynta hawlgallada, iyo sidoo kale dadaallo xusuusin iyo diiwaangelin ah.

Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan laga soo doorto Minnesota ayaa ku doodday in sharcigu uu mas’uuliyadda dhaqaale ee ka dhalatay hawlgallada ku soo celinayo hay’adaha socdaalka halkii culayskaasi uu saari lahaa bulshooyinka ay hawlgalladu saameeyeen.

Sharcigan ayaa hadda ah hindise sharciyeed ay soo bandhigeen xildhibaano waxaana qoraalka war-saxaafadeedku uusan ka dhignayn in lacagahaas la ansixiyay ama ay durba bilaabatay in la bixiyo.

Maxaa loo bartilmaameedsanayaa Soomaalida Minnesota?

Sida la sheegay, tiro badan oo Soomaali ah ayaa ku lug lahaa kiisas khiyaano ah oo aad u daran. Maamulka iyo Jamhuuriyiin kale oo badan ayaa ku saabsanayd ka-reebistooda iyo masaafurinta, inkastoo inta badan Soomaalida Mareykanka ah ay yihiin muwaadiniin sharciga u hoggaansan.

Trump wuxuu si isdaba joog ah u soo jeediyay in la masaafuriyo Soomaalida. Qoraal uu qoray dabayaaqadii Diseembar, madaxweynaha Mareykanka wuxuu ku qoray “inta badan Khiyaanada Minnesota, ilaa 90%, waxaa sababa dadka si sharci darro ah ugu soo galay Dalkeenna, oo ka yimid Soomaaliya.” “Dib ugu celi meeshii ay ka yimaadeen, Soomaaliya, laga yaabee waddanka ugu musuqmaasuqa badan uguna xun adduunka,” ayuu raaciyay.

Isla qoraalkaas, wuxuu ku eedeeyay Xildhibaan Ilhaan Cumar, iyada oo aan la helin caddayn, inay wax khiyaamaysay.

Dabayaaqadii Diseembar, Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Aqalka Wakiillada Tom Emmer ee Minnesota wuxuu ugu baaqay Soomaalida sameeyay khiyaano in la masaafuriyo. “Waxaan haystaa saddex eray oo ku saabsan Soomaalida khiyaamada ka geysatay canshuur bixiyeyaasha Mareykanka: Dib ugu celi guryahooda. Haddii ay halkan si sharci darro ah ku joogaan, isla markiiba dib ugu celi; haddii ay yihiin muwaadiniin dhalasho qaatay, dib ugala noqo dhalashadooda oo si dhakhso ah dib ugu celi,” ayuu ku qoray X. “Haddii aan u baahannahay inaan sharciga beddelno si aan taas u sameyno, waan sameyn doonaa.”

Sannadkii la soo dhaafay bishii Diseembar 2025, bayaan kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in la xiray 12 qof oo ajaanib ah oo ay ku jiraan 5 qof oo Soomaali ah, isla markaana ay ku wareejiyeen Laanta Socdaalka ee ICE oo haatan xabsi ku haysa. Howlgalkaan ayaa ka dhacay Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, tallaabadan ayaa waxa uu si toos ah u billowday 1-dii Diseembar 2025, waxaa socda howlgallo kale oo weli lagu raadjoogo dad kale sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Amniga gudaha Mareykanka.

Donald Trump ayaa sheegay inuu si degdeg ah u baabi’inayo shuruudda Soomaalida sharciga aan haysan ee Mareykanka si darbi ka bood ah u soo galay ee Temporary Protected Status (TPS), isla markaana uu sheegay inuu si gaar ah loo tarxiilo doona dadka ku nool gobolka Minnesota. “Kooxo burcad Soomaali ah ayaa argagax ku haya dadka gobolkaas weyn, waxaana la la’yahay balaayiin doollar,” ayuu yiri Trump oo qoraal soo dhigay barta Truth Social xilli dambe oo xalay ah, isagoon bixin faahfaahin dheeraad ah ama caddeymo muuqata.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Caafimaadka & Sayniska6 hours ago

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Soomaaliya8 hours ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha13 hours ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika14 hours ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya16 hours ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga17 hours ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya18 hours ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya18 hours ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda2 days ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga2 days ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga2 days ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga2 days ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda2 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga3 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda3 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya3 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Arrimaha Amniga3 days ago

Muqdisho: “Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso”

Ameerika3 days ago

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Arrimaha Amniga3 days ago

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo sababay khasaaro rayid oo gaaraya 216 qof

Arrimaha Amniga3 days ago

Ciidanka Badda Soomaaliya oo Hobyo ku qabtay doon ay saarnayeen toddobo ajaanib ah

Ameerika4 days ago

Madaxweynaha Mareykanka, Trump oo markale Soomaalida ku tilmaamay tuugo

Itoobiya4 days ago

Ciidamada Itoobiya oo sheegay inay la wareegeen garoonka diyaaradaha Mekelle

Soomaaliya4 days ago

UK oo $2.5 Milyan ugu deeqday Soomaaliya si looga hortago fatahaadaha roobka Deyrta

Yurub4 days ago

Booliiska Jarmalka oo markale gacanta ku dhigay kiiska Soomaali Mindi isku dishay

Soomaaliya4 days ago

Wasiir Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay shirqool ka dhan ah dawladnimada

Arrimaha Amniga4 days ago

Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka oo wajahaya caqabado kahor doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka

Arrimaha Amniga5 days ago

Hay’adda ICRC: “148 qof ayaa ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay Baydhabo”

Afrika5 days ago

Khilaaf siyaasaddeed oo ka dhex qarxay dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya

Soomaali Galbeed5 days ago

Waa kuma Mustafe Cagjar, Maxay ka dhigan tahay dib u doorashadiisa hoggaanka sarre ee Dowlad Deegaanka Soomaalida?

Arrimaha Amniga6 days ago

Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay dhimashada shaqaale Markab shidaal oo lagu soo furtay xeebaha Soomaaliya

Itoobiya7 days ago

Ciidanka Itoobiya oo la sheegay inay 150km ugu dhaqaaqeen gudaha gobolka Tigray

Doorashada7 days ago

Galmudug iyo Hirshabeelle oo looga dareeray doorashada Madaxweynaha iyo mida Barlamaanka

Arrimaha Amniga7 days ago

Puntland oo sheegtay in Burcad badeeddu ay dishay shan shaqaale oo ajaaniib ah

Arrimaha Amniga7 days ago

Bahda Saxaafadda Somaliland oo sheegtay in xukuumaddu aanay awood u lahayn inay hor istaagto shirka Boorama

Diblomaasiyadda1 week ago

Waa maxay ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay Itoobiya?

Arrimaha Amniga1 week ago

Xukuumadda Somaliland oo diiday shir bahda saxaafadda Somaliland uga furmaya Boorama

Soomaaliya1 week ago

Puntland oo laba sano xabsi ah ku xukuntay nin lagu eedeeyay inuu Daacish ka iibiyay Ari

Arrimaha Amniga1 week ago

OCHA: “Colaadda Baydhabo waxay sii kordhisay khatarta bani’aadanimo ee shacabka”

Arrimaha Amniga1 week ago

Falanqeyn Amni: Siyaasadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo saameynta ay ku yeelatay Koonfur Galbeed Soomaaliya

Xul

Diblomaasi.com