Wararka
Midgaannimadu Ma Gobnimaa Mise Waa Gunnimo? |Dood Cilmiyeed.ITukesomalism.com

Ma Anaa Ilaawi kara!!!
Waxaa tahay geesi hadal kiisa aay fahmayaan dadka intooda wax garato waxaa tahay geesi fahmay qalbiga wanagsan waxa ku jira kana hortagay quluubta xun xun wax ka guuxayo waxaan amin sanhay dhalin yarad dhamaantood hadii aay kugu daysadaan ama aay fahmaan hadaladad qiimaha badan oo qalbiigii dacad ah ka ilmeysinaayo waxuu ahaay wiil da diisa aan ku qayaasay 13jir waxuu ka mid ahaay araday loo qabanaayay dood cilmiyeed anigane waxaan ahay mid ka mid ah gudiga garsoorka iskuulku waxuu ah iskuul yar oo waxaan la dhax dhigay qodob xasaas ah waxaan aminsanaa in qof u qaalma oo difacaya uu jogin mesha waxaa iga soo dhax baxay wax aan ka naxo waayo dad waaweyn hadal aan waligeey ku arag ayaan waxaan ka heley 13 jir aqlibadan ilaah hadeeystee waxa uu ahaa qodobka laga dodayaya
Midgaannimadu ma Gobnimaa Mise waa Gunnimo? Dood cilmiyeed
Waxaan diyarsanay qalabkenii garsoorka waxaan lasoo kal baxnay qalimadii doodii ayaa bilabatay waxaa bilabay qolada raacsan moshinka muda markeey socotay xataa anag aan ku cajisnay qufkii afaraad ayaa waxaa noqday sadax iyo toban jir mucjiso leh codkiisu aad u sareeya loona maleya in uu yahay 40 aqli iyo isda uu warka u kala dhig dhigaayo salaam kadib waxuu bilaabay orahdiisii oo u ku difacanaayay qodobka oo uu u tagan yahay waxa uu u labisnaay si ku dheehantahay daganan iyo nadaafad waxuu ahaa mid laga dareemayay cara uu qaadi la yahay waxaa wajigiisa aad ka arkeeysaa inuu yahay mid sida dhan baal halis ah habka uu u tagan yahay iyo tilmaha uu bixinaaya waa mid aan la fududeysan Karin kuma qabaneeyso xataa ilbiriqsi yar ka jeeso hadalkiisa midba midka kale waa aay ka xiisa badan tahay weyna ka qiir badan tahay asagaa kaa qoslinaayo asagaana kaa ilimeeysiinaayo waxaan kabartay cashar intaan xog qabyalad radinaay aan baran amaba aan baran laheen waligeey hadaladii midna kama ilawin waan xafiday.
Hadalki mucjisada
Anigoo magaceygu yahay khaalid farax osman kana mid ah ardeyada iskuulka cosmos waxaan jecleystay inaan ka hadlo arin inta badan Somalidu ka hadalkeeda ka cararto cida soo hadalqaadana ay karahdo,
Af furasho:
Waxaan marka hore ka hafeef dhiganayaa in aan loo qaadan ama loo maleyn inaan u hadlayo si caadifad qabiil ka muuqato laakiin waxaan u hadlayaa si arday ah
Waxaan marka hore isku dayayaa inaan qeexo Magaca Midgaan maxaa uu yahay Fikir noocee ah ayey ka qabaan Somalidu ma fiican tahay sheegashadiisu mise waa ay xun tahay wakhtigan xaadirka ah?
1: Aan ku horreeye inta badan marka la soo hadal qaado magaca midgaan waxaa dadka Maskaxdooda ku soo dagdagta inuu yahay Magac Argagax iyo naxdin badan oo aaney habooneyn in la isku idhaahdo cida loo isticmaalaana ay tahay oo kaliya waxa ay Somalidu u taqaano Inan Gumeedka,
Tusaale aan u soo qaato Arrin u caado ah qaar kamid ah dadka somalida marka ay waxa xunna tilmaamayaan iyagoo ku sifeeya Midgaan iyo Yibir.
Nin ayaa u shaxaad tagay Sxbkii kadibna waxaa uu kala soo kulmay waxaanu ka fileyn isagoo mid kale oo ay Sxb yihiin u sheegaya wixii kala kulmay ninku u shaxaadka tagay ayaa waxaa uu ku leeyahay waar waxaan u tagay kii xumaayee Midgaanka ahaa marka uu intaas idhaahdo ayaa kii kale uugu jawaabaya waar maanad aqoon waa Yibire,
Waxaan Tusallaaha uuga jeedaa inaan idin dareensiiyo oo kaliya heerka uu magacani ka taagan yahay Somali dhexdeed iyadoo tusaalayaal kan kabadan oo aqliga saliimka ahina diidayo ay jiraan laakiin waxaa inagaga filan Tusaalahaas aynu soo qaadaney,
Haddaba Su,aasha inta badan qofkastaaba Naftiisa weydiiyaa waxaa ay tahay waa Maxay magacan Midgaan?
Midgaan waa uu Micno badan yahay waana magac kamid ah magacyada uugu qaalisan Dunida wakhti xaadirkan waana Boqorka Magacyada,
Midgaan waxaa lagu sheegaa Fasiraado badan oo ay ka mid tagay Meat and Gun, sidoo kale waxaaa jirta mid taas kaduwan oo iyaduna leh Mid go, means mid dhimay, iyo Midgeyn oo ah marka haraga laga saarayo neefka,
Lakiin waxaan odhankaraa waa fasiraado aad u hooseeya Anigu waxaan shaqsiyan qabaa inuu magacani yahay Mid Gangster ah oo la soo gaabiyey marka la micneeyana ay tahay Midgeesi ah oo haddaa lagugu idhaahdo Midgaan Midgaan dhalay waa lagu amaane laguma caayin waxaa ay kadhigan tahay Geesi Geesi dhalay,
Waxaa haddaba inta badan la sheegaa inuu magacani yahay magac kusoo jeeda Boqortooyo iyadoo sida laga warqabana Dadka Gabooyaha ama Midgaha la idhaahdaa ay lahaan jireen Boqortooyo la odhan jiray Boonta Boqorkii xukumi jireyna la odhan jiray Beydari,
Haddaba marka aynu soo hadal qaadno magaca Midgaan ama Gabooye waxaa inta badan la sawirtaa iney yihiin dad Qani ah sideedana Qanninimadu waa Qanaacada Nafta,
Waayo waa qabiilka kaliya Somaliyeed ee aan laheyn
1: Tuug
2: Qof dawarsada
3: Qof billaa Camal ah
4: Qof dhaandhaan ah I W M
5: Qof Danbiile ah oo inta badan dadka dhiba
6: Sidoo kale waxaa iyana xusid mudan iney leeyihiin Luuqad khaas u ah oo haddii la is idhaahdo barta loo baran karo sida luuqadaha kale:
Bal aan Tixyar oo kamid ah luuqadooda soo qaato.
A: Awin yahay shaarkee shunuufineysaa Makaabuurtaan ku baaqdamaayee marun maad ii shamin?
B: Jaaridyahow Niiqatallehee Niiqinayaa Nashmarad shaar ah Makaaburta uuma Cindiso Niiqatalayaasha.
Sidoo kale waa dad inta badan Qani ku ah Xirfadaha kala duwan ee Bulshada qiimaha weyn uugu fadhiya sida:
– Qurxinta Timaha
– Sameynta kabaha
– Sameynta Wiciyadaha sida gir girayaasha, Mindiyaha, Malqaacadaha, iwm
Waxaana marag madoon ah haddii ay helli lahaayeen warshado waaweyn in laga maarmi lahaa wax dalka dibadiisa inooga imaada,
Waanan dareemi karnaa kaalinta ay kaga jiraan Nolosha Bulshada haddii ay hal maalin baneeyaanna cid buuxineysaa inaaney jirin
Iyagoo waxaas oo hawl ah haya ayaa hadanna ay qabaan cey iyo erayo deel qaaf ku ah umad jiritaankeed,
Sida inanteyda ma geydid Gun ayaad tahay Iwm,
2:Qiimo intee leeg ayaa uu taagan yahay Magacan Midgaan?
Qosol qosaol dadkoo dhami
Su,aashaas ka jawaabideedu waa mid aan aad uugu qoslo waayo waxaa ii sheekeeyey nin ka imid England oo Gabooye ah waxaa uu igu yidhi maalin ayaa la ii keeney inan qolooyinka wax is bida ah waxaa la igu idhi inankani waxaa uu rabaa dhalashada inuu ku qaato Midgaan markaa wax laqabo,
Waxaan arkeybuu yidhi inankii doonayey inuu dhalashada ku qaato Midgaan oo aad u didan waayo waxaa uu rumeysnaa iyo waxaa uu halkan uugu yimid ayaa aad ukala duwanaadey kadibna waxaan arkeybuu yidhi yarkii oo dhididey oo leh maadigoo laandheere ahaa ayaad maanta gunnimo isku dhiibeysaa markii aan dareemaybuu yidhii waxaa maskaxda yarka ka quuxaya ayaan intaan xalkiisa u kacay oo aan laabta kadhirbaaxay ku yidhi Bi,I waaye Bahalka laabta u sii daa,kkkkkkkkkkkkkkkk
Waxaa maragmadoon ah inta dalka dibadiisa joogtaana iney wada tahay Midgo waan kaftamayaa waayo wax xun idinkumaan sheegin ee waxaan sheegay oo kaliya inaad tihiin Geesiyo Geesiyaal dhaleen,
Tan kale waxaynu naqiiney waxyaabo dhaqanku inaga xaaraantimeeyey oo xalaal ah waxaanad moodaa inuu dhaqanku ka xoog badan yahay Diinta markaad dhinac ka eegto,
Tusaale aan u soo qaato Madaxa Caloosha barigii hore qofka isticmaala waxaa loo yaqiiney inuu liiska gunta ku biirey imikana waxaaba loola baxay magacyo aad u qurxoon oo Huteelada galin hore ayaa laga dhameystaa haddaba maxa ay tahay sababtu? Waxaa laga biiyey dareenkii liitey ee mujtamacu ka heystey Cuntadan, waxaanan loo baahan yahay in Midgaankana laga biiyo dareenkaa liita ee isagana laga qabo maadaama oo lawada yahay dad isku Diin ah isku dad ah isku Dal ah isku Midab ah isku Deegaan ah isku Luuqad ah oo isku dhaqan ah.
Laakiin waa markee? waa markeynu damino Sanamka aynu caabudno ee la idhaahdo Qabyaalada,
3: Haddaba ka sokow takoorka aan ku salleysneyn Diinta iyo Dadnimada ayaa hadana waxaa laga warqabaa iney beelaha gabooye ama midguhu yihiin dad munaafacaad kala duwan u leh Bulshada Somaliyeed.
Majecli inaan ka waramo diintu maxaa ay ka qabtaa Quudhsiga waayo idinba waad iska garaneysaan Aayaadka iyo Axaadiista ka warameysa iyo sida uu xaaraanta u yahay Quudhsigu,
4: Ugu Danbeyntii waxaan ku soo gabagabeynayaa hadalkeyga Su,aalo dhowr ah oo aan jecelahay inaan jawaabtooda uuga tago somaliweyn
1: Midgaanimadu ma Gobnimaa mise waa Gunimo?
2: Lambarkee ayaa laandheera lagu noqdaa labarkeese laangaab lagu noqdaa?
4: Diinteenu ma dhigeysaa Laangaab iyo Laandheere
3: Xalka lagu dabartiri karo caado dhaqameedkan foosha xun maxaa uu noqonkaraa?
5: Makula tahay Guusha Obama iney Tusaale u noqon karto inuu midgaan Madaxweyne noqdo?
Midgaanka malagu aamini karaa Masuulka Ummada?
Makula tahay in la soo gaadhey wakhtigii isbadalka markaad eegto waxaa ka dhacaya Dunida daafaheeda?
Macabanayo nin cawdana mayihi Cabashaduna waa Astaanta Quusta laakiin waxaan jecelahay in si Aqoon ku dheehan tahay looga qeybqaato Doodan iyadoo la iska ilaalinaayo erayo deelqaaf ku ah Cirdiga,
Laakiin Cabashadu waa Astaanta Quusta, Waxbarashaduna waa Hubka kaliya ee aad ku badbaadi kartaan gaar ahaan barashada Diinta Alle (sw) qabyalduna meshey garta aan wad daawana
Waxa uu garay khalid miyaa qalbigaga didayaa 13 jir dareenkisii miyaan dafarnaa runtii Somali waxaa ku jira dad hami iyo raja leh waxaa ku jir dad aan la fududeysan Karin lakiin waxa badan inta xuma wada qabyaaldana garabkasiisa aniga xiisa ayaan u qabaa inaan arko anoo qabyaalad dhan aan maqleeynin nol,o iiga macaan majirto
FB: waa noqolkamid ah buuggeyga HALKEE NAGALA HAYSTAA??
Qoraa: liibaan abdulkadir mohmed {xikmadle}
Wararka
Turkiga oo soo saaray amar caalami ah oo lagu soo xirayo wiilka madaxweynaha Soomaaliya
War kaoso baxay booliiska Turkiga ayaa lagu sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu shilka ka gaystay magaalada Istanbul.

Dowladda Turkiga ayaa soo saartay amar caalami ah oo lagu soo xirayo wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii la sheegay in shil gaari uu ku dilay nin mooto bajaajle ahaa oo dalkaasi u dhashay, kaasi oo markii dambe u geeriyooday dhaawac shilkaasi kasoo gaaray.
War kaoso baxay booliiska Turkiga ayaa lagu sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu shilka ka gaystay magaalada Istanbul.
Booliiska ayaa sheegay in wiilka shilka gaystay uu watay gaari la sheegay in ay lahayd qunsuliyadda Soomaaliya ee halkaasi ku taalla. Turkiga ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogay Maxamed Xasan Sheekh, balse saraakiishu waxay rumeysan yihiin inuu dalka ka baxsaday.
Qoraal uu soo dhigay X, oo hore loo oran jiray Twitter, duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa ku wadaagay muuqaal uu ku sheegay in uu muujinayo sida shilku u dhacay, kaas oo ahaa 30kii Nofembar. Muqaaalka waxaa laga arki karaa baabuur gadaal uga dhacay mooto maraysa waddo mashquul badan oo ku taal magaladda Istanbul.
Ninka shilkaan ku geeriyooday oo ahaa aabbe leh labo carruur ah oo lagu magacaabo Yunus Emre Göçer, oo 38 jir ah, ayaa loo qaaday isbitaal balse wuxuu u dhintay dhaawacii kasoo gaaray shilka, lix maalmood kadib.
Warbixintii ugu horreysay ee booliska ay soo saareen ayaa lagu sheegay in ninka shilka ku dhintay uu khaldka lahaa sidaasna lagu sii daayay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud sida warbaahinta Turkiga uu u sheegay qareenka qoyska ninka geeriyooday.
Laakiin dib u eegis lagu sameeyay muuqaallada ay duubtay kaamirooyinka qorsoon ayaa loo baahan doonaa sharraxaad kale . Wiilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud wali kama hadlin arrintaan .
Sidoo kale xariirro ay BBC-da la sameeysay Madaxtooyada Soomaaliya iyo safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga si aan wax uga weydiinno arrintan ayaan suurtogelin.
Booliiska ayaa booqaday guriga ninka shilka ku geeriyooday.
Dacwad oogaha Turkiga ayaa soo saaray amar caalami ah oo lagu soo xirayo kadib boqasho ay ku tageen guriga ninka shilka ku geeriyooday, sida wakaaladda wararka AFP ay kasoo xigtay warbaahinta gudaha.
Maxaa Turkiga uga yaalla qofkii qof shacab ah shil ku dila?
Zakariye Xasan Ibrahim oo dagan dalka Turkiga sidoo kalana ku bartay cilmiga qaanuunka ayaa BBC-da uga warmay waxa uu xeerka turkigu ka qabo qofkii gaysta shil uu qof ku dhinto.
“Hadii uu shilku sababo dhimasho waxaa lagu xukumi karaa qofka gaysta ilaa 7 sano oo xariga ah ugu badanaa ayada oo la baarayo sida shilka uu u dhacay „ ayuu hadlkiisa sii raaciyaya.
“Hadii uu sababo dhaawac fudud waxaa uu qaba xeerka ciqaabta ee dalka in qofka gaystay lagu xukumi karo ilaa sadex bilood, Lakiin hadii uu qofku shilka ku waayo lug ama xubin ka mid ah jirkiisa, wuxuu musataysan kara ilaa lix bil oo xariga ama hal sano ugu badanaa” ayuu yir yir Zakariye Xassan.
Booliska ayuu sheegay in ay xaq u leeyihiin in baraan oo ay sii dayaan qofka hadii uusan geeri shilku sababin, balse hadii ay elahada dhibanaha ay dalbadaan ay sameyn karaan in qofka lasoo xiro.
“Qofka la iskama xiri karo, hadii uu fal danbiyeed dhaco waa in ay dadka ehalka ay dalbadaan in loo xiro”
Waxaa kale oo uu sheegay in qofka shil gaystay hadii uu waxyeelo soo gaarsiiyo dad badan lagu xukumi karo ilaa sadex sano oo xabsi ah.
Kiiska loo haysato wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay in uu yeelan karo labo waji, maadama uu markii hore uu dhaawac sababay, markii dambana dhimasho.
“Muddo kadib ayaa ninkii dhintay, taas oo khsabtay in dib loo furo kiiska oo dib loo baaro, laakin sii dayntii hore waxaa ay ahyed mid sax ah oo sharciga ayaa sidaas qaba”, ayuu BBC da u sheegay sharci yaqaan Sakariye.
Falalka noocaan oo kale ah ayuu sheegay in inta badan ay ka dhacan dalka Turkiga oo aysan ahyen mid cusub.
“Sharciga waa loo siman yahay oo qof walba waa xukumi karaa, laakin waxaad muuda in kiiskaan uu hadal hayn abuurtay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sharci yaqaan Sakariye.
Wararka
Soomaali ku guulaystay Abaalmarinta Qaramada Midoobay
Cabdullaahi Mire waxa uu sheegay in muddo laba sano ah uu dib u dajin ka helay Norway, balse uu dib ugu laabtay Dhadhaab, oo aanu ahayn nin qariib ah, si uu u caawiyo. “Waxaan lahaa hammi ah inaan u adeego bulshadayda taasoo igu soo celisay xerada,” ayuu yidhi.

Cabdullaahi Mire, oo 36 jir ah, ayaa loo aqoonsaday inuu 100,000 oo buug u keenay dadka ay isku dalka yihiin ee ku dhibaataysan xeryaha qaxootiga ee Kenya. Cabdullaahi Mire ayaa ku guulaysto abaal marinta qaaliga ah ee UNHCR Nansen Refugee Award.
“Sannadkii hore ee 2022-ka waxaa abaal-marintan ku guuleysatay Angela Merkel oo horay u ahaan jirtay Ra’iisal wasaaraha Jarmalka, maantana waxaa ka mid ah qof qaxooti ku ahaa xeradaasi Dhadhaab, cirka ma ahan mid xaddidan,” ayuu Mire u sheegay warbaahinta VOA-da.
Isagoo hadlayay ka hor ku dhawaaqista abaalmarinta, Madaxa ugu sareeya ee Qaxootiga ee Qaramada Midoobay Filippo Grandi ayaa ku sharfay Mire hadal uu ugu yeeray “caddayn nool oo ah in fikradaha wax-ka-beddelka ahi ay ka soo bixi karaan bulshooyinka barakacay.”
“Wuxuu muujiyay karti weyn xagga xoojinta tayada waxbarashada qaxootiga,” Grandi ayaa yiri.
Dagaal sokeeye ilaa xero qaxooti ilaa abaal-marin
Cabdullaahi Mire waxa uu ku dhashay Koonfurta Soomaaliya sanadkii 1987-kii, wuxuuna ku noolaa Dhadhaab sagaashamaadkii markaas oo qoyskiisu ay ka soo qaxeen magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya.
“Waxaan ka soo qaxnay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose 1991-kii aniga iyo hooyaday, waxaana ku soo koray oo aan ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab muddo 23 sano ah,” ayuu Cabdullaahi Mire u sheegay laanta afka Soomaaliga ee VOA.
Xerada ku taal waqooyi bari Kenya ayaa maanta waxaa ku nool in ka badan 240,000 oo qaxooti ah, kuwaas oo intooda badan ka yimid Soomaaliya.
‘Adigaba daraad ayaad Dowlad calan leh haystay, maantana halka aan joogo dalxiis kuma keenin’
Cabdullaahi Mire waxa uu dhameystay waxbarashadii dugsiga hoose iyo sare isagoo ku sugnaa xerada, ka dibna waxa uu qaatay shahaadada xiriirka dadweynaha iyo saxaafadda.
“Caqabado badan oo aan la kulmay caawinta iyo dhiirigelinta hooyaday, waxaan ugu dambayntii 2013 ka qalin jabiyay shahaadada saxaafadda iyo xiriirka dadweynaha Jaamacadda Kenyatta ee dalka Kenya, si aan cod ugu noqdo shacabkayga nugul,” ayuu yiri Cabdullaahi Mire.
Isagoo shahaadadiisa qaatay, wuxuu markaas uga soo shaqeeyay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ee Muqdisho iyo magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya.
Carruurnimadiisii Dhadhaab iyo waayo-aragnimadii xirfadeed ee xigtay ayaa ka dhigtay inuu garwaaqsado muhiimada waxbarashadiisa, wuxuuna ugu dambeyntii u huray noloshiisa xirfadeed inuu caawiyo dadka kale ee qaxootiga ah.
Horraantii 2018, wuxuu aasaasay urur lagu magacaabo Xarunta Waxbarashada Dhallinyarada Qaxootiga. Ururku waxa uu shaqaalaysiiyaa laba shaqaale oo buuxa iyo lix mutadawiciin ah waxana uu diiradda saaraa waxbarashada qaxootiga iyo horumarinta dhalinyarada.
Cabdullaahi Mire waxa uu sheegay in muddo laba sano ah uu dib u dajin ka helay Norway, balse uu dib ugu laabtay Dhadhaab, oo aanu ahayn nin qariib ah, si uu u caawiyo.
“Waxaan lahaa hammi ah inaan u adeego bulshadayda taasoo igu soo celisay xerada,” ayuu yidhi.
Gabar da’yar oo xerada ku baratay daawada ayaa ku dhiira galisay inuu buugaag u ururiyo qaxootiga, ayuu yiri.
“Intii lagu guda jiray mid ka mid ah booqashooyinka joogtada ah ee aan dib ugu soo laabtay xerada, ayaa waxaa ii timid gabar yar oo qaxooti ah oo ajnabi ah, oo iga codsatay haddii aan buug caafimaad ka soo diri karo Nayroobi,” Cabdullaahi Mire ayaa yiri. “Waxay ii sheegtay in ilaa 20 gabdhood ay caadiyan wadaageen hal buug oo bayoloji ah. Taasi waxay igu dhiirigelisay in aan baraha bulshada u isticmaalo ololaha buug-ururinta iyo deeqaha ilaa aan gaarno 100,000 oo buug.
Cabdullaahi Mire ma ahan qofka Soomaaliga ah ee ku guuleystay abaalmarinta Nansen Refugee Award, oo loogu magac daray sahamiyaha, saynisyahanka, diblomaasiga iyo bini’aadantinimada Fridtjof Nansen. Abaalmarinta 2012 waxaa la siiyay Xaawo Aadan Maxamed oo ku mutaysatay shaqada gaarka ah ee ay u qabto qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliya ee gabdhaha iyo haweenka.
Wararka
Ciidamada Badda Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay weeraryahano haystay markab lala xiriirinayo Israa’iil
Kooxda weerarka fulisay ayaa la wareegay beerta dhexe ee calanka Liberiya, oo ay maamusho Zodiac Maritime, oo ku taal gacanka Cadmeed, shirkadda, sida ay sheegtay ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska iyo shirkadda sirdoonka gaarka ah ee Ambrey.

Dabley hubaysan ayaa gacanta ku dhigay oo markii dambe sii daayay markab lala xiriirinayo Israa’iil oo marayay meel ka baxsan xeebaha Yemen Axaddii ka hor inta aysan gacanta ku dhigin ciidamada badda ee Mareykanka, sida ay saraakiishu sheegeen.
Labo gantaal oo Balaastik ah oo laga soo riday Xuutiyiinta Yemen oo ay maamulaan ayaa markaasi ku dhacay meel u dhow markab dagaal oo Maraykanku leeyahay oo marayey gacanka Cadmeed, taas oo sare u sii qaadeysa tirada weerarada maraakiibta oo xiriir la leh dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.
Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa weerarkan ku eedaysay fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto, inkastoo fallaagada gacanta ku haysa caasimadda Sanca aysan aqoonsanayn qabsashada iyo weerarka gantaallada.
Kooxda weerarka fulisay ayaa la wareegay beerta dhexe ee calanka Liberiya, oo ay maamusho Zodiac Maritime, oo ku taal gacanka Cadmeed, shirkadda, sida ay sheegtay ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska iyo shirkadda sirdoonka gaarka ah ee Ambrey.
Subaxnimadii Isniinta, Zodiac wuxuu sheegay in markabka sidday fosfooraska acid iyo shaqaalaheeda oo ka kooban 22 badmaax oo u kala dhashay Bulgariya, Georgiya, India, Philippines, Ruushka, Turkiga iyo Vietnam “aan waxba gaarin.”
“Waxaan jeclaan lahayn inaan u mahadcelinno ciidamada isbahaysiga ee si dhaqso ah uga jawaabay, ilaalinta hantida aagga iyo ilaalinta sharciga caalamiga ah ee badaha,” ayay tiri shirkaddu.
Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ayaa bayaan uu soo saaray subaxnimadii hore ee Isniintii ku sheegay in ciidamadooda oo uu ku jiro markabka burburiye ee Arleigh Burke-class USS Mason, ay ka jawaabeen qabashada markabka, waxayna ka dalbadeen dableyda hubaysan inay sii daayaan booyada.
“Kadib, shan qof oo hubaysan ayaa markabka ka dejiyay waxayna damceen inay ku baxsadaan doontii yarayd,” Taliska dhexe ayaa sidaas yidhi. “Mason-ku waxa uu daba galay weeraryahannadii taas oo keentay in ay is dhiibaan.”
Taliska dhexe ma sheegin raggan, balse waxay sheegeen in gantaal laga soo riday Yemen oo ay maamulaan Xuutiyiinta uu daba socday subaxnimadii hore ee Isniintii.
“Ganaalada waxay ku dhaceen gacanka Cadmeed qiyaastii toban mayl-badeed oo maraakiibta,” ayaa lagu yiri bayaanka. “USS Mason … waxa ay soo gabagabaysay jawaabteeda M/V Central Park wicis murugo leh wakhtiga gantaalku ridayay. Ma jiro wax khasaare ah ama dhaawac ah oo soo gaaray labada markab inta uu shilkani socday.”
Zodiac wuxuu ku tilmaamay markabka inuu yahay mid ay iska leedahay Clumvez Shipping Inc., inkastoo diiwaanada kale ay si toos ah ula xiriiraan Zodiac inuu yahay milkiilaha. Zodiac Maritime ee fadhigiisu yahay London waa qayb ka mid ah kooxda Zodiac ee bilyaneer Israel Eyal Ofer. Diiwaanada shirkadaha Britishka waxay ku taxan yihiin laba nin oo leh magaca dambe Ofer oo ah agaasime hadda ah iyo agaasimihii hore ee Clumvez Shipping, oo uu ku jiro Daniel Guy Ofer, oo sidoo kale ah maamule Zodiac Maritime.
Dowladda Yemen ee uu caalamku aqoonsan yahay, oo fadhigeedu yahay magaalada Cadan ee u dhow, ayaa ku eedaysay fallaagada qabsashada, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee ay dowladdu maamusho.
“Dowladda Yemen waxay dib u soo cusbooneysiisay cambaareynteeda falalka burcad-badeednimada badda ee ay fuliyaan maleeshiyada argagixisada ah ee Xuuthiyiinta oo taageero ka helaya taliska Iran, kaasoo uu ugu dambeeyay afduubkii beerta Central” ayaa lagu yiri bayaanka.
Weerarka ayaa ka dhacay qeyb ka mid ah gacanka cadmeed oo aragti ahaan ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda oo si cadaalad ah uga fog dhulka ay Xuutiyiinta ka maamulaan dalkaasi. Burcadbadeeda Soomaalida ayaan la ogeyn inay ka howlgalaan deegaankaas.
Zodiac Maritime ayaa horay loo beegsaday iyada oo uu jiro dagaal sanado badan hareeyay oo u dhexeeya Iran iyo Israel. Sannadkii 2021-kii, diyaarad aan duuliye lahayn oo ay qiimeeyeen Maraykanka iyo waddamo kale oo reer galbeed ah oo ay Iran fulisay ayaa lagu dilay laba shaqaale ah oo saarnaa markabka shidaalka qaada ee Zodiac ee Mercer Street ee xeebta Cumaan.
Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska, oo bixiya digniinaha badmaaxiinta Bariga Dhexe, ayaa hore u soo saartay digniin ku socota badmaaxiinta in “laba farshaxan oo madow iyo caddaan ah oo sidday siddeed qof oo ku labisan dharka ciidamada” lagu arkay aagga.
Dabley hubaysan ayaa gacanta ku dhigay oo markii dambe sii daayay markab lala xiriirinayo Israa’iil oo marayay meel ka baxsan xeebaha Yemen Axaddii ka hor inta aysan gacanta ku dhigin ciidamada badda ee Mareykanka, sida ay saraakiishu sheegeen.
Labo gantaal oo Balaastik ah oo laga soo riday Xuutiyiinta Yemen oo ay maamulaan ayaa markaasi ku dhacay meel u dhow markab dagaal oo Maraykanku leeyahay oo marayey gacanka Cadmeed, taas oo sare u sii qaadeysa tirada weerarada maraakiibta oo xiriir la leh dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.
Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa weerarkan ku eedaysay fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto, inkastoo fallaagada gacanta ku haysa caasimadda Sanca aysan aqoonsanayn qabsashada iyo weerarka gantaallada.
Kooxda weerarka fulisay ayaa la wareegay beerta dhexe ee calanka Liberiya, oo ay maamusho Zodiac Maritime, oo ku taal gacanka Cadmeed, shirkadda, sida ay sheegtay ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska iyo shirkadda sirdoonka gaarka ah ee Ambrey.
Subaxnimadii Isniinta, Zodiac wuxuu sheegay in markabka sidday fosfooraska acid iyo shaqaalaheeda oo ka kooban 22 badmaax oo u kala dhashay Bulgariya, Georgiya, India, Philippines, Ruushka, Turkiga iyo Vietnam “aan waxba gaarin.”
“Waxaan jeclaan lahayn inaan u mahadcelinno ciidamada isbahaysiga ee si dhaqso ah uga jawaabay, ilaalinta hantida aagga iyo ilaalinta sharciga caalamiga ah ee badaha,” ayay tiri shirkaddu.
Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ayaa bayaan uu soo saaray subaxnimadii hore ee Isniintii ku sheegay in ciidamadooda oo uu ku jiro markabka burburiye ee Arleigh Burke-class USS Mason, ay ka jawaabeen qabashada markabka, waxayna ka dalbadeen dableyda hubaysan inay sii daayaan booyada.
“Kadib, shan qof oo hubaysan ayaa markabka ka dejiyay waxayna damceen inay ku baxsadaan doontii yarayd,” Taliska dhexe ayaa sidaas yidhi. “Mason-ku waxa uu daba galay weeraryahannadii taas oo keentay in ay is dhiibaan.”
Taliska dhexe ma sheegin raggan, balse waxay sheegeen in gantaal laga soo riday Yemen oo ay maamulaan Xuutiyiinta uu daba socday subaxnimadii hore ee Isniintii.
“Ganaalada waxay ku dhaceen gacanka Cadmeed qiyaastii toban mayl-badeed oo maraakiibta,” ayaa lagu yiri bayaanka. “USS Mason … waxa ay soo gabagabaysay jawaabteeda M/V Central Park wicis murugo leh wakhtiga gantaalku ridayay. Ma jiro wax khasaare ah ama dhaawac ah oo soo gaaray labada markab inta uu shilkani socday.”
Zodiac wuxuu ku tilmaamay markabka inuu yahay mid ay iska leedahay Clumvez Shipping Inc., inkastoo diiwaanada kale ay si toos ah ula xiriiraan Zodiac inuu yahay milkiilaha. Zodiac Maritime ee fadhigiisu yahay London waa qayb ka mid ah kooxda Zodiac ee bilyaneer Israel Eyal Ofer. Diiwaanada shirkadaha Britishka waxay ku taxan yihiin laba nin oo leh magaca dambe Ofer oo ah agaasime hadda ah iyo agaasimihii hore ee Clumvez Shipping, oo uu ku jiro Daniel Guy Ofer, oo sidoo kale ah maamule Zodiac Maritime.
Dowladda Yemen ee uu caalamku aqoonsan yahay, oo fadhigeedu yahay magaalada Cadan ee u dhow, ayaa ku eedaysay fallaagada qabsashada, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee ay dowladdu maamusho.
“Dowladda Yemen waxay dib u soo cusbooneysiisay cambaareynteeda falalka burcad-badeednimada badda ee ay fuliyaan maleeshiyada argagixisada ah ee Xuuthiyiinta oo taageero ka helaya taliska Iran, kaasoo uu ugu dambeeyay afduubkii beerta Central” ayaa lagu yiri bayaanka.
Weerarka ayaa ka dhacay qeyb ka mid ah gacanka cadmeed oo aragti ahaan ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda oo si cadaalad ah uga fog dhulka ay Xuutiyiinta ka maamulaan dalkaasi. Burcadbadeeda Soomaalida ayaan la ogeyn inay ka howlgalaan deegaankaas.
Zodiac Maritime ayaa horay loo beegsaday iyada oo uu jiro dagaal sanado badan hareeyay oo u dhexeeya Iran iyo Israel. Sannadkii 2021-kii, diyaarad aan duuliye lahayn oo ay qiimeeyeen Maraykanka iyo waddamo kale oo reer galbeed ah oo ay Iran fulisay ayaa lagu dilay laba shaqaale ah oo saarnaa markabka shidaalka qaada ee Zodiac ee Mercer Street ee xeebta Cumaan. Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska, oo bixiya digniinaha badmaaxiinta Bariga Dhexe, ayaa hore u soo saartay digniin ku socota badmaaxiinta in “laba farshaxan oo madow iyo caddaan ah oo sidday siddeed qof oo ku labisan dharka ciidamada” lagu arkay aagga.
Wararka
Diblomaasi.com waxay soo kordhisay qeyb WhatsApp Follow Channel ah ee aad kala socon karto qoraalada
Si’aad ula socoto Diblomaasi, waa inaad follow gareyso kanaalka Diblomaasi.com, RIIX halkaan, kadibna qeybta sare ee dhanka midig, waxaad RIIX-daa follow, si’aad noogu xirnaato.

Diblomaasi.com ayaa soo kordhisay ama abuurtay qeyb WhatsApp Kanaal Follow ah, oo aad hadda kadib ka heli karto wararka, falanqeynta Siyaasadda Arrimaha Dibadda, wararka madaxa bannaan iyo ajendaha-dejinta wararka, falanqaynta siyaasadeed iyo faallooyinka fikirka-gaarka ah ee sida gaar ah loogu qoray/diyaariyey jiilka cusub ee aan ku daabacno boggeena.
WhatsApp ayaa soo bandhigtay channels iyo muuqaallo cusub oo u ogolaanaya dadka isticmaala inay la socdaan warbaahinada iwm, iyo cid kasta oo kale oo ay rabaan inay si toos ah uga helaan wararkooda.
Sebteembar 14, Meta waxa ay ku dhawaaqday in ay baahin doonto muuqaalka cusub ee kanaalada WhatsApp oo ka hawlgeli doonta in ka badan 150 wadan.
Maamulaha shirkada Meta Mark Zuckerberg ayaa sawir balaadhan ka bixiyay ujeedada aaladda markii uu bilaabay soo bandhigiddeeda iyada oo la wadaagay kanaalka uu isagu leeyahay ee app-ka.
Sida laga soo xigtay Tech Crunch, Zuckerberg wuxuu ku qoray Channel-kiisa cusub inuu ku faraxsan yahay inuu idin baro dhammaan kanaalada WhatsApp-ka, hab cusub oo gaar ah oo aad ku heli karto wararka iwm. Waxa aan bilaabayaa kanaalkan in aan la wadaago wararka Meta iyo wararka cusub. ”
Arrintaan cusub ayaa Diblomaasi.com u oggolaanaysa dadka ku xeran boggeena inay helaan hab kale oo ay si dhaqsi leh u heli karaan dhacdooyinka maalinlaha, toddabaadka iyo bilaha.
Si’aad ula socoto Diblomaasi, waa inaad follow gareyso kanaalka Diblomaasi.com, RIIX halkaan, kadibna qeybta sare ee dhanka midig, waxaad RIIX-daa follow, si’aad noogu xirnaato.
Markaad intaas tiraahdo waxaad marwalbo halkaas kala socon kartaa link-yada lasoo dhigo kadibna si toos ah ayaad u heli kartaa xogaha qoraallada Diblomaasi.com
Wararka
Ku dhawaad 100 qof ayaa ku dhimatay Soomaaliya bishan Nofeember
Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, Ku dhawaad 100 qof ayaa ku dhimatay Soomaaliya bishan Nofeember.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, dadka ku dhintay fatahaadda wabiyada iyo daadadki ka dhashay roobka deyrta ee wali ka da’ya qeybo ka mid ah Soomaaliya, ayaa waxaa ku dhintay ilaa 96 qof.
SONNA, ayaa tirada dhimashada rasmiga ah ka soo xigatay agaasimaha hey’adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka, hase yeeshee wariyaha VOA-da ee Soomaaliya ayaa ku soo warramaya in aad looga cabsi qabo in tirada ay intaasi ka badato maalmaha soo socda.
Khubarrada caafimaadka ayaa goor hore ka digay, suurtagalnimada dillaacista xannuunada faafa sida shuban-biyoodka, mallaariyada iyo wixi la mid ah, gaar ahaan deegaannada ay wali dad ku hareen ee ay saameeyeen fatahaadda.
Wabiyada Shabelle iyo Jubba ayaa si aada oo dhif iyo naadir ah ugu fatahay, degmooyin iyo tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla Shabeellooyinka, Jubbooyinka, Gedo iyo Hiiraan.
Sidoo kale, daadad ka dhashay roobka guga ayaa garqiyay magaalooyin iyo degmooyin ku yaalla Mudug, Galguduud, Bay iyo Bakool. Roobka ayaa wali da’aya qeybo ka mid ah Soomaaliya, halka fatahaadaha ka dhashay wabiyadda Jubba iyo Shabelle ay waaga ku sii socdaan magaalooyinka ay barakiciyeen.
Qaramada Midoobay ayaa ku sheegtay fatahaadda ka dhacday Soomaaliya ay ka mid noqotay kuwi ugu xumaa ee uu dalku arko muddo tobnaan sano ah. Waxay kaloo sheegtay in ilaa iyo hadda ay ku barakaceen dad ka badan 700 oo kun oo ruux.
Roobab xooggan iyo daadad ayaa dilay dad aad u tiro badan, boqolaal kun oo kalena waxay ku barakaceen guud ahaan bariga Afrika bilihii la soo dhaafay, dowladaha iyo Qaramada Midoobay ayaa sidaas sheegay, taasoo hoosta ka xariiqday khatarta cimilada ee sii kordheysa ee ka jirta gobol siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ay ka jirto xassilooni darro.
Ugu yaraan 179 qof ayaa ku dhintay dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya, sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa dowladda, waxaana qaar ka mid ah maamullada gobolka ay rumeysan yihiin in tiradan ay u badan tahay inay intaas ka badan tahay.
Roobabkan mahiigaanka ah oo dhibaato u geystay dalal kale oo ay ka mid yihiin Burundi, Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Uganda, ayaa saameeyay in ka badan saddex milyan oo qof oo ku nool gobolka Geeska Afrika oo markii horeba la daalaa dhacayay abaartii ugu xumayd ee soo marta afartan sano.

Haweeney isku dayeysa in ay alaab ka urursato gurigeeda oo ku yaalla magaalada Gaarisa ee dalka Kenya, kaddib markii ay daad soo galeen. Getty Images
Laga soo bilaabo 2020, xaaladaha abaarta, oo ay uga sii dartay isbeddelka cimilada, ayaa xaalufiyay dalaggii iyo xoolihii oo ay malaayiin qof ku noqdeen gaajo iyo nafaqo darro, iyo boqolaal carruur ah oo dhintay.
Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay roobabka ka culus kuwii caadiga ahaa inay sabab u yihiin laba dhacdo oo cimilodeed: Dhacdada El Niño, oo asalkeedu ka yimid badweynta Baasifigga ee dhulbaraha, xaaladdeeduna waxay sii daynaysaa kulayl dheeraad ah oo hawada ah, iyo dhacdo la mid ah oo loo yaqaan Badweynta Hindiya.
Fatahaada ayaa waxa ay waxyeelo gaarsiisay guryo, buundooyin iyo iskuulo, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka, kuwaas oo ka digay in ay sare u kacaan cudurro ay ka mid yihiin daacuunka iyo duumada.
Soomaaliya, oo fatahaaduhu saameeyeen 1.7 milyan oo qof, ayay dowladdu ku dhawaaqday xaalad degdeg ah bishii Oktoobar. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in waddanku uu wajahayo “daad-qarnigii hal mar.” Inta badan dadka ay dhibaatadu saameysey ayaa ku nool koonfurta dalka, halkaas oo roobab mahiigaan ah ay ku riixeen labada wabi ee waaweyn inay jabiyaan oo ay qariyaan guryo iyo beero.
Daadad ayaa ilaa hadda la sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 96 qof oo ay ku jiraan carruur sida uu sheegay Farxaan Jimcaale oo ah afhayeenka dowladda.
“Waan hurudnay markii ay biyuhu ku soo dhaceen gurigeena,” Faa’iza Axmed Faarax, oo ah hooyo haysata shan carruur ah oo ku nool magaalada Xudur ee Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, ayaa ku tiri wareysi khadka taleefanka ah. “Daadadka ayaa qaatay wax walba. Kaliya waxaan awoodnay inaan badbaadino carruurta.”
Iyadoo buundooyinka ay go’an yihiin iyo isku-xidhka waddooyinka oo aan la mari karin, mas’uuliyiintu waxay ka walaacsan yihiin inay awoodi waayaan inay si dhaqso ah u samatabbixiyaan dadka barokacay ama ay gaarsiiyaan gargaar cunto.
Dalka Kenya, roobab xooggan ayaa dilay in ka badan 60 qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay kumannaan qof ayaa ku barakacay magaalooyin ku yaalla galbeedka iyo waqooyi-bari, sidoo kale, iyadoo dhammaan xaafadaha ay qarqiyeen bishan gudaheeda gobolka xeebta ah ee Mombasa, sida ay sheegtay Laanqayrta Cas ee Kenya.
__
ISHA: SONNA, VOA Somali iyo New York Times
Wararka
Dagaalka Qaza: Maxaa ka cusub heshiiskii Xamaas iyo Israa’iil?
Heshiiska oo dhacay aroornimadi hore ee Arbacadi shalay, ayaa dhigaya in Israa’iil ay deyso 150 Falastiiniyiin ah oo ku xira xabsiyadeeda, sidoo kalana ogolaato in gargaar bani’aadannimo la geeyo Marinka Qaza, halka Xamas ay sii deyn doonto 50 ka mid ah laheystayaasha Israa’iil.

Israa’iil ayaa xalay sheegtay, in sii deynta ilaa 50 qof oo ka mid ah Israa’iiliyiinta u afduuban Xamaas aysan dhici doonin ilaa Jimcaha berrito ah, halkii laga filayay in Khamiista maanta ah lagu sii daayo heshiiskii xabbad-joojinta afarta maalin ee ay gaareen Israa’iil iyo Xamaas, sida ay sheegtay VOA SOMALI.
Heshiiska oo dhacay aroornimadi hore ee Arbacadi shalay, ayaa dhigaya in Israa’iil ay deyso 150 Falastiiniyiin ah oo ku xira xabsiyadeeda, sidoo kalana ogolaato in gargaar bani’aadannimo la geeyo Marinka Qaza, halka Xamas ay sii deyn doonto 50 ka mid ah laheystayaasha Israa’iil. Sidoo kale, muddo afar maalin ah ayay Israa’iil iyo Xamaas jooji doonaan madaafiicda.
Waqtiga uu sida rasmiga ah u billaaba doono dhaqangalka heshiiska ayaanan caddeyn, hase yeeshee ilo wareedyada xagga amniga Masar ayaa sheegay in dowladaha dhexdhexaadinaya ay doonayaan in heshiiska xabbad joojinta uu dhaqan galo afarta barqanimo ee Khamiista maanta ah.
Xamaas ayaa la rumeysan yahay inay gacanta ku hayso in ka badan 200 oo laheysteyaal ah, kuwaas oo la qafaashay markii dagaalyahannadooda ay gudaha u galeen Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, sida ay muujinayso tirada Israa’iil.
Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in 50 haween iyo carruur ah lasii dayn doono muddo afar maalmood ah, muddadaas oo ay joogsan doonaan dagaallada Gaza.
Bayaanka Netanyahu ayaa intaas ku daray in 10-kii qof ee dheeraadka ah ee la sii daayo, xabbad-joojinta lagu kordhin doono maalin kale, iyadoo aan la soo hadal qaadin sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta.
“Dowladda Israa’iil waxaa ka go’an in dhammaan la haystayaasha ay ku celiso dalkooda. Caawa, waxay oggolaatay heshiiska lasoo jeediyay oo ah marxaladdii ugu horreysay ee lagu gaari lahaa hadafkan,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo la sii daayay saacado badan oo doodo ah oo saxaafadda laga xiray.
Heshiiska ayaa ah xabbad joojintii ugu horreysay ee duqeymaha Israa’iil ay ku burburisay qeybo badan oo ka mid ah dhulka ay Xamaas maamusho ee Gaza, oo ay ku dhinteen 13,300 oo rayid ah deegaanka aadka u yar ee dadku ku badan yahay iyo in qiyaastii saddex-meelood labo meel 2.3 milyan oo qof ay ku guryo beeleen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Gaza.
Dalal badan oo reer galbeedka ah ayaa taageero la yaab leh u fidiyey Israa’iil haddii ay noqoto dhaqaalle iyo hub intaba. Dadyow badan oo dunida kamid ah ayaa la yaabay markii Xoghaayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Anthony Blinken uu u sheegay suxufiyiinta asigoo ku sugan Tel Aviv inuu halkaas u joogo, “taageerada Maraykanka ee Israa’iil”, ” ila soco ma ahan oo keliya xoghayaha arrimaha dibadda, laakiin sidoo kale waa Yuhuudi.”
Warbaahinta reer galbeed ayaa si aan xishood la’hayn u muujisay taageerada xasuuqa shacabka reer falastiin.
Mike Johnson, afhayeenka cusub ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa yiri “Waxaan aaminsanahay in Ilaah barakeeyo wadamada taageera Israa’iil” isagoo ballan qaadaya taageerada Kongress-ka. Brian Mast, oo ah wakiilka jamhuuriga ee Florida, ayaa yimid Capitol Hill isagoo xiran dareeska ciidamada Israa’ii.
- Aragtida Indheergaradka2 months ago
‘Adigaba daraad ayaad Dowlad calan leh haystay, maantana halka aan joogo dalxiis kuma keenin’
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta buugga Dabar iyo Hoggaan – Ka Adkaanshaha Nafta
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Naftii Hure – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Ummadaha Jirraban – Faallo kooban
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Aabihii ruuxaaniga ahaa ee dagaalkii shahiidiyiinta xornimada Aljeeriya
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Maxaad ka naqanaa taariikhda boqortooyada faca weyn ee Ajuuraan?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Murtida Dardaaran Haween – Faallo kooba
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Aafooyinka Baraha Bulshada – Faallo kooban
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Gabaygii badda – Qeybtii 2aad
- Siyaasadda Soomaaliya1 month ago
IMF oo Soomaaliya u oggolaatay $100 milyan, laakiin waa sidee tayada la dagaalanka masuqmaasuq ee hoggaanka Xassan Sh. Maxamuud (4.5)?
- Siyaasadda Soomaaliya2 months ago
Soomaaliya oo dhisanayso Hannaanka Dowladnimada Casriga ah
- Afrika2 months ago
Safiirka Faransiiska oo ka tagaayo Niger – Reuters
- Akhri2 months ago
Waa maxay aqoon?