Soomaaliya
Midowga Culimada Soomaaliyeed oo DFS ee muddo dhaafka ah ugu baaqday joojinta duminta guryaha iyo dhulboobka
Midowga ayaa carrabka ku adkeeyay in hantida gaarka ah aan qof looga qaadi karin awood maamul, amar ama cabsi gelin, haddii aan la marin hannaan sharci iyo garsoor oo caddaalad ah.

Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa dowladda ugu baaqay inay joojiso tallaabo kasta oo lagu duudsinayo muwaadiniinta xuquuqdooda milkiyadeed, xilli ay isa soo tarayaan cabashooyinka la xiriira dhulalka iyo guryaha laga duminayo qaybo ka mid ah Muqdisho.
Culimadu waxay kulan ku yeesheen Muqdisho iyagoo ka hadlay cabashooyin ay sheegeen inay uga yimaadeen bulshada oo ku saabsan murannada dhulka iyo guryaha gaar ahaan hantida ay leeyihiin dad haysta dukumiintiyo milkiyadeed oo ay ku tilmaameen kuwo sharci ah.
Waxay sheegeen in qaar ka mid ah muwaadiniinta laga qaaday ama lagu murmay hantidooda halka qaar kalena lagu soo rogay lacago aysan sheegin inay leeyihiin saldhig sharci oo cad.
Midowga ayaa carrabka ku adkeeyay in hantida gaarka ah aan qof looga qaadi karin awood maamul, amar ama cabsi gelin, haddii aan la marin hannaan sharci iyo garsoor oo caddaalad ah.
Culimadu waxay ugu baaqeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha ay arrintu khuseyso inay si madax-bannaan u baaraan cabashooyinka, ilaaliyaan xuquuqda shacabka, isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo lagu helo ku takrifal awoodeed, boob hantiyeed ama musuqmaasuq.
Waxay sidoo kale garsoorka ugu baaqeen inuu si madax-bannaan oo caddaalad ah uga shaqeeyo khilaafaadka dhulka. Ganacsatada, nootaayooyinka iyo dilaaliinta hantidana waxay uga digeen inay ku lug yeeshaan hanti lagu helay dulmi ama xaq-darro.
Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in haddii cabashooyinka taagan aan si degdeg ah wax looga qaban, ay qaadi doonaan tallaabooyin kale oo ay u arkaan inay ku habboon yihiin xaaladda.
Dhanka kale, Xubnaha mucaaradka qaar kamid ah ayaa arrintaan si adag u cambaareeyay waxa ayna ku tilmaameen fal ka baxsan dowladnimada, Islaamnimada iyo bini’aadanimada. Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre oo ereyada ugu adag adeegsanaya ayaa ku tilmaamay Madaxweynaha muddo dhaafka ah ee Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh shaqsiyad ama ruux arxan darran oo dhibaateeyay dadka rayidka ahy.
Xasan Cali Kheyre ayaa yirri sida tan “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska shacabkii birimageydada ahaa ee taliska arxanlaawaha ah ee Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ku hawllan dhulboob uu maanta ku weeraray xaafadda Goleey ee degmada Cabdicasiis. Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto shacabkii uu taliska ku dilay weerarkan, una boogadhayo intii uu ku dhaawacay.
Waxaa amakaag iyo ayaandarro ah in taliska waqtigiisu dhammaaday oo horay u sheegay in uu joojiyay dhulboobka uu maanta ku hawllan yahay boobka dhulka dantaguud, barakacinta danyarta, iyo xasuuqa shacabka, taas oo tusaale nool u ah sida ay isu burinayaan hadalka iyo ficilka taliska Madaxweyne hore Xasan Sheekh oo caadeystay gaboodfallo iyo dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo wiiqaya kalsoonida shacabka, horumarka dalka iyo dowladnimada Soomaaliya.”
Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa yirri “Waxaa ayaan darro weyn ah in ciidankii amniga ee loogu talagalay illaalinta nafta iyo maalka bulshada, ay hadda si arxan la’aan ah u beegsanayaan dadka rayidka ah iyagoo u isticmaalaya rasaas nool-nool gaar ahaan xaafadda Gooley ee degmada Cabdicasis.
Amarada falalkan gurracan oo ay fulinayaan qayb ka mid ah ciidanka ammaanka waxay si toos ah uga imaanayaan Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana bulshadda caasimadda looga baahanyahay in si wadajir ah looga hortago ficiladan ka baxsan dowladnimadda iyo illaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Ugu dambayn, waxaan saraakiisha ciidanka uga digayaa sii socoshada gabood-faladda ka dhanka ah bulshada rayidka ah ee iyagu si nabad ah codkooda ugu muujinaya dareenkooda ku aadan tacadiyadda sii kordhaya sida boobka iyo barakicinta khasabka ah.”
Soomaaliya
Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan
Aabbaha Aadan Sahan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukunka horey loo sii diyaariyay, isaga oo ku dooday in aan si dhab ah loo dhegaysan dacwadda.

Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa maanta saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay qoraa Aadan Sahan oo muddooyinkii u dambeeyay ku xirnaa magaalada Hargeysa, isla markaana loo haysto in uu ku gafay diinta.
Aadan Sahan ayaa loo haystaa hadallo uu ka sheegay waraysi uu dhowaan siiyay warbaahinta Galaydh TV, kaas oo uu kaga hadlay aragtidiisa ku aaddan doorka haweenka iyo isbeddelka bulshada ee ka dhashay soo ifbaxa iyo la-jaanqaadka teknoolojiyadda cusub ee kusoo kordhay dunnida.
Waraysigaas ayuu Aadan ku sheegay in guryuhu ay haweenka uga khatar badan yihiin suuqyada xilligan oo teknoolojiyaddu si weyn u saameysay bulshada, sidaas darteedna waxa uu soo jeediyay in hablaha lagu dhiirigaliyo in ay guryaha ka baxaan isla markaana ay dibadda soo aadi karaan.
Waxa kale oo uu ka hadlay aayadda Qur’aanka ee la xiriira joogitaanka haweenka guryaha, isaga oo ku dooday in fahamka iyo ku dhaqanka arrintaasi ay u baahan yihiin in loo eego waaqica iyo isbeddellada bulshada ee maanta jira. Maxkamadda oo maanta bilowday dhegaysiga dacwadda ayaa isla maanta soo saartay xukunka saddexda sano ah, sida ay sheegeen dad ku sugnaa dhegaysiga dacwadda.
Aabbaha Aadan Sahan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukunka horey loo sii diyaariyay, isaga oo ku dooday in aan si dhab ah loo dhegaysan dacwadda. Waxa uu sheegay in wiilkiisu uu tawbad keenay, isla markaana laga qoray waraaq caddayn ah, balse aan maxkamadda laga akhriyin waraaqdaasi iyo natiijadii baaristii ay booliisku sameeyeen. Dhanka kale, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa hore usoo saartay warqad ay ku codsanayso in xorriyaddiisa loo soo celiyo Aadan Sahan.
Qareenno kamid ah kuwa ugu caansan Somaliland oo uu ka mid yahay Garyaqaan Guuleed Dafac, ayaa iyaguna dhaliil ka muujiyay xukunka, iyaga oo sheegay in habka dacwadda loo maray uu yahay mid aan caddaalad ku dhisnayn. Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo dhamaystiran oo maxkamaddu ka bixisay qodobada sharci ee ay xukunka ku salaysay iyo sababta ay u dooratay xukunka saddexda sano ah.
Soomaaliya
Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa
“Webiga Shabeelle wuxuu ka sameeyay duleelo gaaraya 366 goobood, waana goobo waaweyn oo halis ah” – ayuu yiri Maxamuud Cabdulle.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SODMA) ayaa digniin ka soo saartay khatarta fatahaadaha ka dhallan karta webiga Shabeelle, iyadoo sheegtay in webigu uu ka dillaacay illaa 366 goobood oo halis ah.
Guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in xaaladda webiga iyo dayaca muddo dheer ka jiray ay sii kordhiyeen khatarta fatahaadaha, gaar ahaan deegaannada ku dhow wabiga, “Webiga Shabeelle wuxuu ka sameeyay duleelo gaaraya 366 goobood, waana goobo waaweyn oo halis ah” – ayuu yiri Maxamuud Cabdulle.
SODMA waxay sheegtay in Webiga Shabeelle uu muddo dheer la kulmaayay dhibaatooyin la xiriira carro iyo dhoobo ku ururtay marinkiisa, waxa uu shaaca ka qaaday in muddo ku dhow 40 sano aan si joogto ah looga fulin webiga hawlo muhiim ah oo ay ka mid yihiin qodista iyo ka saarista carro ku ururtay marinkiisa, taas oo uu sheegay inay kordhisay halista fatahaadaha. Fatahaadaha Webiga Shabeelle ayaa sanadihii lasoo dhaafay saameeyay kumannaan qof, iyagoo sababay barakac, burburka guryaha iyo dhul-beereedyada.
Mas’uulkaan ugu sareeya Hay’adda SODMA ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda amni ee deegaannada ku hareeraysan Webiga Shabeelle ay caqabad weyn ku tahay dadaallada lagu yareynayo khatarta fatahaadaha, isagoo daaha ka qaaday in qaybo ka mid ah dhulka uu webigu maro ay ku dhow yihiin ama ay saameyn ku leeyihiin Al-Shabaab, taasoo adkeynaysa in hay’adaha dowladda iyo dhinacyada kale ay ka shaqeeyaan dayactirka iyo nadiifinta webiga.
Wuxuu tusaale u soo qaatay deegaannada u dhexeeya Jalalaqsi iyo Mahadaay, halkaas oo uu sheegay in qaybo ka mid ah marinka webiga carro lagu shubay loona beddelay waddo. Webiga Shabeelle ayaa lafdhabar u ah nolosha kumannaan qoys oo ku tiirsan beeraha iyo xoolaha gaar ahaan deegaannada ku dhow jiinkiisa.
Hay’adaha dowladda ayaa wajahaya cadaadis ah in la xoojiyo diyaar-garowga fatahaadaha, iyadoo bulshada ku nool dhulka hoose ay si gaar ah ugu nugul yihiin roobabka xooggan iyo kororka biyaha webiga.
UK oo $2.5 Milyan ugu deeqday Soomaaliya si looga hortago fatahaadaha roobka Deyrta
Boqortooyada Midowday ee (UK), ayaa Soomaaliya u qoondaysay $2.5 Milyan oo dheeraad ah si loo xoojiyo diyaar-garowga fatahaadaha la filayo inay ka dhashaan roobabka Deyrta ee la filayo Oktoobar ilaa Diseembar 2026, iyadoo saadaasha cimiladu muujinayso khatar sii kordheysa oo fatahaado ah oo ka dhici kara qeybo kamid ah dalka.
Lacagta ayaa loo marsiinayaa barnaamijka RESTORE oo diiradda saaraya dib-u-soo-celinta nidaamyada deegaanka webiga Shabeelle, maaraynta biyaha iyo xoojinta awoodda bulshooyinka ku nool meelaha u nugul fatahaadaha.
Sida ay sheegtay Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), maalgelintan cusub ayaa lagu xoojin doonaa nidaamyada digniinta hore, qorsheyaasha daad-gureynta, tallaabooyinka lagu yareynayo fatahaadaha iyo gargaar lacageed oo la gaarsiiyo qoysaska nugul waxaana Barnaamijka fulinaya FAO, Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) iyo World Vision. Digniinta ayaa imaanaysa xilli Soomaaliya ay isu diyaarinayso xilli-roobaadka Deyrta, iyadoo hay’adaha caalamiga ah ay ka digayaan in xaaladaha El Niño ay kordhin karaan roobabka iyo fatahaadaha ka dhaca dooxooyinka Jubba iyo Shabeelle.
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Yaraynta Khatarta Musiibooyinka (UNDRR) ayaa sheegay in haddii El Niño uu sii xoogaysto iyadoo ay weheliso xaalado kale oo cimilo ay jirto khatar macquul ah oo fatahaado xooggan ay ka dhacaan marinnada labada webi. Si kastaba, hay’addu waxay carrabka ku adkaysay in saadaashu aysan ahayn xaqiijin ah in fatahaad weyn ay dhici doonto.
$2.5 Milyan ee RESTORE waxay qayb ka tahay xirmo gargaar oo dhan $5 Milyan oo UK ay Soomaaliya ugu dhawaaqday 24-kii Sebteembar. Kala bar lacagta ayaa loo qoondeeyay RESTORE, halka $2.5 Milyan oo kale loo qoondeeyay barnaamijka Caafimaad Plus, kaas oo taageeraya adeegyada caafimaadka, nafaqada, biyaha, fayadhowrka iyo ilaalinta dadka nugul.
Dowladda UK ayaa sheegtay in ilaa 600,000 oo qof ay ka faa’iideysan karaan adeegyada lagu taageerayo xirmada oo ay ku jiraan dadka ku nool ku dhowaad 100 xero oo ay degan yihiin dadka gudaha ku barakacay. Fatahaadaha la xiriiray El Niño ee Soomaaliya ka dhacay 2023 ayaa saameeyay qiyaastii 2.48 milyan oo qof halka ku dhowaad 1.2 Milyan oo qof ay barakaceen, sida ay sheegtay Dowladda UK.
Arrimaha Amniga
Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”
“Dagaalkani waxaa laga yaabaa inuu sii socdo muddo yar oo dheeraad ah, laakiin ma jirto wax suurtagal ah oo Al-Shabaab ay mar kale dalka oo dhan kula wareegi karto” – ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab uu sii socon karo muddo kale, balse uusan jirin suurtagal ay kooxdaasi mar kale kula wareegi karto gacan-ku-haynta guud ee dalka.
Madaxweynaha oo wareysi siiya warbaahinta Alajzeera ayaa sheegay in Al-Shabaab xilli hore ay si weyn ugu fidday dalka, xitaa Madaxtooyada Soomaaliya ay weerarro kala kulmi jirtay meel aad ugu dhow, halka maanta uu sheegay in kooxda ay boqolaal kiiloomitir u jirto Muqdisho. “Dagaalkani waxaa laga yaabaa inuu sii socdo muddo yar oo dheeraad ah, laakiin ma jirto wax suurtagal ah oo Al-Shabaab ay mar kale dalka oo dhan kula wareegi karto” – ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.
Wuxuu tilmaamay in xaaladda amni ee Soomaaliya ay isbeddeshay, isagoo ku dooday in horumar laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, marka loo eego xilligii kooxda ay awoodda badan ku lahayd qeybo badan oo dalka ah. Madaxweynaha ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurtagalnimada in Soomaaliya ay dib ugu laabato dagaallo sokeeye, dagaallo beeleed ama dagaal siyaasadeed.
“Al-Shabaab inay soo laabato waa wax aan suurtagal ahayn, sidoo kalena suurtagal ma aha in dalku dib ugu laabto dagaal sokeeye, dagaal beeleed ama dagaal siyaasadeed” – ayuu yiri Madaxweynaha. Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa yimid, iyadoo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay aaminsan yihiin in haddii Soomaalidu dhexdeeda xal ka gaari weydo khilaafkeeda ay fursad u siin karto Al-shabaab inay dalka la wareegaan, caalamkuna ka sii jeesto arrimaha Soomaaliya kaddib in ka badan 30 sano oo ay taageerayeen.
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Difaaca ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa eedeymo culus u jeediyay siyaasiyiin ka tirsan xubnaha mucaaradka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay shirar ku saabsan Soomaaliya ku qabanayaan magaalada Abuu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.
Wasiir Fiqi ayaa qoraal uu ku daabacay boggiisa Facebook ku sheegay in siyaasiyiinta uu tilmaamay ay yihiin kuwo aan rajo ka lahayn mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale ku eedeeyay inay wadaan qorsheyaal uu sheegay inay khatar ku yihiin dawladnimada iyo xasilloonida dalka.
Wasiirka ayaa sidoo kale isbarbardhig ku sameeyay siyaasiyiinta uu eedeynayo iyo kooxda RSF ee dagaalka kula jirta dowladda Suudaan, isagoo sheegay in labada dhinac shir loogu qabtay meel isku mid ah, isla markaana uu ku eedeeyay siyaasiyiintaas inay halkaas kaga baranayaan sida shaqada kuwa adeegsanaya u gudanayaan.
Fiqi ayaa qoraalkiisa ku sheegay in siyaasiyiintaasi ay Soomaaliya kusoo laaban karaan iyagoo huwan qorsheyaal uu ku tilmaamay ‘shirqoollo ka dhan ah dawladnimada iyo nabadda’ isagoo ka digay in ay isku dayi karaan abaabulka maleeshiyaad iyo soo celinta hoggaamiye-kooxeedyada.
Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda Soomaaliya ay waajib ku tahay inay si adag uga hortagto cid kasta oo uu sheegay inay khatar ku tahay nabadda, dawladnimada, qarannimada iyo madaxbannaanida dalka. Wuxuu sidoo kale adeegsaday erayga ‘khaa’inul waddan’ isagoo sheegay in qof kasta oo sidaas lagu tilmaamo ‘abaalkiisa la marsiin doono’.
Arrimaha Amniga
Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed
Somaliland iyo Itoobiya ayaa Heshiis is-afgarad kala saxiixday bishii Janaayo 2024, waxaana uu ku saabsanaa in Itoobiya loo fududeeyo helitaanka marin badeed.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay si joogto ah u taageertay heshiisyo lagu siinayo Itoobiya marin ay ka hesho badda, iyadoo sheegtay in iskaashiga noocaas ah uu horseedi karo dan wadaag iyo horumar goboleed.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay 3-dii Octoobar 2026, ku sheegtay in ay taageersantahay qorsheyaasha u oggolaanaya Itoobiya inay hesho marin badeed loo maro heshiisyo labada dhinacba faa’iido u leh.
Wasaaraddu waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay si toos ah uga hor imaanayso mowqifkeeda ku aaddan helitaanka marin badeed ee Itoobiya, iyadoo tilmaantay in ololaha Muqdisho ee ka dhanka ah is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ee 2024 uu yahay mid ka hor imanaya taageerada ay sheegtay dowladda Soomaaliya inay u hayso Itoobiya si ay u hesho marin badeed.
“Dowladda Somaliland waxay si joogto ah u taageertay heshiisyo gorgortan lagu gaaro oo u oggolaanaya Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya inay hesho marin badeed iyada oo loo marayo iskaashi labada dhinacba faa’iido u leh” – ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland. Somaliland waxay sidoo kale sheegtay inay diiddan tahay faragelin lagu sameeyo heshiisyada ay la gasho dhinacyada kale, iyadoo ku adkaysatay inay sii wadi doonto heshiisyo ay ku sheegtay inay ixtiraamayaan madax-bannaanida isla markaana horumarinaya barwaaqada gobolka.
Somaliland iyo Itoobiya ayaa Heshiis is-afgarad kala saxiixday bishii Janaayo 2024, waxaana uu ku saabsanaa in Itoobiya loo fududeeyo helitaanka marin badeed. Heshiiskaas ayaa sababay khilaaf diblomaasiyadeed oo xooggan oo ka dhex qarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo Muqdisho ay ku tilmaantay inuu xadgudub ku yahay madax-bannaanida Soomaaliya.
Hadalkan Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in Soomaaliya aysan diidnayn in Itoobiya hesho marin badeed, isaga oo xusay in arrintaasi ku imaan karto heshiis wadajir ah oo lagu isticmaalo dekedaha Soomaaliya.
“Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”
– ayuu yirri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha muddo dhaafka ah ee Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya aysan aqbali doonin joogitaan Israa’iil oo ka jira dalka, gaar ahaan qorshayaal uu sheegay inay Israa’iil ka waddo magaalada Berbera iyo garoonkeeda diyaaradaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi uu siiyay barnaamijka “Al-Muqabila” ee Al Jazeera oo si buuxda loo baahin doono maalinta Axadda ayaa sheegay in Israa’iil ay qorsheynayso inay saldhig baddeed ka samaysato Berbera, isla markaana ay isticmaasho garoonka diyaaradaha magaaladaasi. Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeeddada dhabta ah ee tallaabooyinkan ay tahay in Israa’iil ay ugu dhowaato dalalka Khaliijka iyo Iiraan. Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay si adag uga hortagi doonto waxa uu ku tilmaamay caqabadda ka dhalanaysa dhaqdhaqaaqyada Israa’iil.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka ku nool Somaliland ay si buuxda uga soo horjeedaan joogitaanka Israa’iil, isagoo xusay in Muqdisho ay arrintan uga shaqeyn doonto qaab ilaalinaya madaxbannaanida iyo danaha Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay hore ula kulantay isku dayo lagu doonayay in lagu qaato qaybo ka mid ah biyaha dhuleed ee Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in dib loogu soo celiyay iyadoo la adeegsanayo sharciga caalamiga ah.
Waxa uu sidoo kale xusay isku day kale oo lagu doonayay in qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya loo adeegsado helitaanka marin badeed, balse Muqdisho ay diidday. “Markan sidoo kale waxaan aaminsanahay inaan ka gudbi doonno caqabadda ay Israa’iil waddo” – ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, Xasan Sheekh wuxuu sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, isla markaana uu tan iyo markii uu xilka markale qabtay dadaal ku bixiyay xoojintiisa. Waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan wax diidmo ah ka qabin in Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ay badda uga soo baxdo dhulka Soomaaliya ama ay hesho marin ganacsi oo badeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Itoobiya u oggolaato isticmaalka laba ama saddex dekedood oo Soomaaliyeed si ay ugu soo dejiso ama uga dhoofiso badeecooyin. Waxa uu tilmaamay in arrintan lagu saleyn karo heshiisyo dhaqaale oo qeexaya khidmadaha iyo canshuuraha la xiriira adeegyada dekedaha.
Sida uu sheegay Xasan Sheekh, Itoobiya waxay Soomaaliya u sheegtay inay u baahan tahay marin badeed balse illaa hadda ma aysan soo gudbin codsi rasmi ah oo arrintaas ku saabsan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda amni ee gobolka, isagoo sheegay in Xuutiyiintu ay xasillooni-darro ka abuureen gobolka isla markaana ay carqaladeeyeen isu-socodka maraakiibta ee marinka Bab al-Mandab. Waxa uu tilmaamay muhiimadda marin-biyoodkaasi u leeyahay ganacsiga caalamka.
Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Mareykanku uu weli yahay saaxiibka ugu xooggan Soomaaliya, isagoo xusay in labada dal uu ka dhexeeyo iskaashi amni oo socda. Isagoo ka hadlayay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuu sheegay in kooxdaasi aysan hadda ka jirin magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya isla markaana aysan jirin fursad ay mar kale dalka gacanta ugu dhigto.
Arrimaha Amniga
MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”
“Waxaan jeclaan lahayn inaan aragno Yemen nabdoon, Yemen midaysan oo u shaqaysa gobolka” – ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kooxda Shiicada ee Xuutiyiinta dalka Yemen ku eedeeyay inay qayb ka yihiin xasillooni-darrada gobolka, isla markaana ay carqaladeynayaan isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Bab al-Mandab.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay Al-Jazeera ayuu Xasan Sheekh ku sheegay in Soomaaliya ay jeclaan lahayd in Yemen ay noqoto dal nabdoon oo midaysan, isla markaana si wanaagsan ula falgala dalalka gobolka. “Waxaan jeclaan lahayn inaan aragno Yemen nabdoon, Yemen midaysan oo u shaqaysa gobolka” – ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Hase yeeshee, wuxuu sheegay inuusan aaminsanayn in Xuutiyiintu ay hadda awood ama rabitaan u leeyihiin inay ka shaqeeyaan midnimada iyo xasilloonida Yemen. Madaxweynaha ayaa si gaar ah Xuutiyiinta ugu eedeeyay inay ka baxsan yihiin xeerarka iyo qaab-dhismeedka caalamiga ah, isagoo sheegay in ficilladooda ay saameyn ku yeesheen amniga iyo xasilloonida gobolka.
“Dhibaatada Yemen waqtigan waa Xuutiyiinta” – ayuu yiri Xasan Sheekh, isaga oo intaas ku daray in kooxdaasi ay tahay cidda uu ku eedeeyay inay xasillooni-darrada ka waddo gobolka. Soomaaliya ayaa juqraafi ahaan ku taalla dhinaca Koonfureed ee Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab, waxaana xeebaha dalka soo gaara dad ka cararaya colaadaha ka jira Yemen.
Kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab oo yeeshay iskaashi qarsoodi ah
Wargeyska Mareykanka laga leeyahay ee Wall Street Journal ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay tan iyo sannadkii 2023 yeesheen iskaashi qarsoodi ah oo sii xoogeysanaya kaas oo la sheegay inuu ku saabsan yahay hub, tababar iyo isku-duwid dhinaca hawlgallada ah.
Wargeysku wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka heshay Xuutiyiinta hub casri ah iyo tababarro la xiriira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo walxaha qarxa.
Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay doonayeen taageero farsamo oo u suuragelisa inay rakibaan raadaarro lagu la socdo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta ee biyaha u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya.
Sida uu qoray wargeysku hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, Jibriil Yaxye Cali ayaa door muhiim ah ka qaatay dhismaha xiriirka labada dhinac, Jibriil ayaa lagu dilay duqeyn Mareykan ah bishii Febraayo ee sanadkan, iyadoo wargeysku sheegay inuu si qarsoodi ah ugu kala safri jiray Soomaaliya iyo Yemen isla markaana uu heli jiray fududeymo ay ka mid yihiin guri iyo baasaboor Yemen ah oo been abuur ah.
Wall Street Journal ayaa sidoo kale sheegtay in Al-Shabaab ay sannadkii 2024 u dirtay Xuutiyiinta wakiil lagu magacaabo Axmed Cilmi Samatar kaas oo la sheegay inuu gudbiyay liis hub iyo qalab milatari ah liiskaas waxaa ka mid ahaa gantaallo lidka diyaaradaha ah, gantaallada Katyusha, qoryaha toogashada dheer, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka iyo qalabka aragga habeenkii.
Wargeysku wuxuu sheegay in shabakado tahriibin ah ay adeegsanayaan shirkado magac-u-yaal ah iyo dekedo ku yaalla Yemen si hubka looga soo gudbiyo Gacanka Cadmeed loona gaarsiiyo deegaanno xeebeedyo ku yaalla Waqooyiga Soomaaliya, kahor inta aan loo gudbin cutubyo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Koonfurta dalka.
Saraakiil Mareykan ah sida uu qoray wargeysku ayaa aaminsan in iskaashigan uu labada dhinac siin karo awood dheeraad ah oo ay ku ballaariyaan saameyntooda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Waxay sidoo kale ka digeen in xaaladdu ay khatar ku noqon karto amniga maraakiibta iyo isu-socodka tamarta ee suuqyada caalamka.
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Sirdoonka & Militariga3 months agoWafdi jeneraallo ah oo ka socda dalka Turkiga oo soo gaaray magaaladda Muqdisho
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Diblomaasiyadda3 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Ameerika3 months agoMareykanka oo baadigoobaya muwaadin asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Yurub2 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Ganacsiga & Dhaqaalaha3 months agoKenya oo walaac ka muujisay suuq xumo la xiriirta khaadka maandooriyaha ay u soo dirto Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoSoomaaliya oo xal u raadinaysa ciidamada AUSSOM ee qeybta ka ah hawlgalka amniga Soomaaliya
Doorashada2 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Arrimaha Amniga3 months agoHoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu qabtay xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya
Arrimaha Amniga2 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Afrika2 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Soomaaliya3 months agoMareykanka oo si weyn ugu carootay rag ka tirsan CXDS kuwaasi oo ku istaagay calanka dalka Mareykanka
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Arrimaha Amniga2 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Sirdoonka & Militariga1 month agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Afrika2 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Ganacsiga & Dhaqaalaha3 months agoKenya iyo Itoobiya oo ku loollamaya suuqa khaadka ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga difaaca iyo mustaqbalka AUSSOM








































