Connect with us

Soomaaliya

Musharraxa Villa Soomaaliya ee KGS Aadan Madoobe oo gaaray magaalada Baydhabo

Aadan Madoobe ayaa safarkiisa magaalada Baydhabo waxa uu daaran yahay inuu ka qeybgalo doorashooyinka ee dhowaan la filaayo halkaasi inay ka qabsoomaan.

Published

on


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo Wasiirro iyo Xildhibaano isugu ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo waxaana garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa garoonka kula hadlay masuuliyiinta iyo bulshada soo dhaweysay isagoo ugu mahadceliyay soo dhaweyntii loogu sameeyay halkaasi.

Aadan Madoobe ayaa safarkiisa magaalada Baydhabo waxa uu daaran yahay inuu ka qeybgalo doorashooyinka ee dhowaan la filaayo halkaasi inay ka qabsoomaan isagoo ah Musharraxa ugu cadcad ee ku guuleysan kara doorashada madaxtinimo ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kalena goobtaasi magaalada Baydhabo ku sugan Musharraxiin kale u taagan xilka madaxtinimo ee Maamulkaasi Koonfur Galbeed iyadoona ururrada xisbiyada in badan kamid ah ay ku sugan yihiin magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, safarka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu xoojinya doorashooyinka Maamulkaasi oo haatan diyaar garow xooggan ugu jiro.

Si kastaba, Musharraxa ugu cadcad ah ee doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa loo saadaalinayaa inuu yahay Aadan Madoobe oo haatan gaaray magaalada Baydhabo isla markaana la filayo inuu halkaasi ka bilaabo kulumo uu la yeesho odyaasha dhaqanka Maamulkaasi siyaasiyiin iyo masuulyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan waxay ku dhawaaqday in Maamulka Koonfur Galbeed uu noqon doono maamulkii ugu horreeyay ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah marka la eego Maamulka Goboleedyada kale ee dalka ka jira isla markaana ay haatan socdaan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Maamulkaasi iyadoona Aadan Madoobe loo saadaalinayo inuu yahay Musharraxa ugu farta fiiqan uu ku guuleysan doona doorashooyinka maamulkaasi uu dhowaan geli doonaa.

Dhinaca kale, Taliyihii hore Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan ‘Taliye Shub’ oo haatan ku sugan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya halkaasi oo dhowaan gaaray markii xoriyadiisa si dhab ah u helay kadib xabsi guri la sheegay inuu ku jiray Muqdisho tan iyo ilaa xiisadii Baydhabo ay kasoo idlaato oo dowladda Soomaaliya ay kadibna xoriyadiisa siisay markii ay arrimahaasi ku guuleysatay dowladda federaalka.

Waa shirkii labaad oo Jeneraal Shub uu ku weerarayo Villa Soomaaliya kagana hadlaayo xaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya xilligaan ayuu tilmaamay taliyihu dhac, boob, kufsi, dil iyo wax waliba oo amni xumo iyo xumaan ah inay ka dhacayaan gudaha magaalada Baydhabo.

Dhibaatadaasi waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sababteeda leeyahay waxa uu si toos oo aan ka leex-leexad lahayn ugu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya burcad, madax-jibyaal, tuugo iyo sidoo kale shaqsiyaad kale uu ku tilmaamay inay yihiin dhuuni raac ama laaluush qaate uu ku weeraray magaalada Baydhabo ammaanka magaaladaasi uu faraha ka baxay.

Taliyaha ayaa ku sifeeyay dhacdooyinka magaalada Baydhabo sida uu warkiisa u dhigtay wax lamid ah 1991-kii dhacdooyinkii dalka laga diiwangeliyay markii ay duntay dowladda kacaanka ee xilligaa.

Eedeynta Taliyihii hore Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Taliye Shub uu u jeedinayo dowladda Soomaaliya hoggaankeeda ugu sarreeyo gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhacdooyin ammaanka lidi ku ah ay ka taagan yihiin magaalada Baydhabo halkaasi oo lagu soo waramaayo inay isdhex-yaacayaan ciidamadii dowladda federaalka, maleeshiyaadkii deegaanka ee Mucaaradka la safanaa dowladda oo iyagana qeybtooda ka jooga magaalada Baydhabo iyo sidoo kale shaqsiyaad kale oo hubeysan.

Saraakiisha ammaanka gobolka Baay iyo kan magaalada Baydhabo iyo dowladda Soomaaliya oo dhammaantooda hal meel ka hawlgalaya ayaa soo rogay dhowaan awaamiir la xiriirta in hubka la xakameeyo.

Sidoo kale, waxa jira warar sheegaya shaqsiyaad masuuliyiin oo Maamulkii hore Laftagareen lasoo shaqeeyay guriyahooda Baydhabo in loo dhacay isla markaan lagala baxay hub iyo sidoo kale agab kale oo yaalay guriyahaasi taasi oo siyaasiyiinta dowladda kasoo horjeeda aragti ahaan ay ku tilmaamayaan dhaqan lamid ah midkii tuuga iyo burcadnimada.

Facebook Comments Box

Ibraahim Cusmaan Jibriil wuxuu ka tirsan yahay bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da'yarta. Dhinaca kale wuxuu wax ka qora ganacsiga, siyaasada, dhaqanka, kheyraadka dalka, af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska, iyo taarikhaha dalka. Waa shaqsi u taagan sidii geed-dheer iyo geed-gaabanba loogu fuuli lahaa sidii loo soo noolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummada soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Arrimaha Amniga

Imaaraadka oo duqeymo diyaaraddeed ku dilay dad rayid ah ee Maamulka Puntland

Saraakiisha Amniga Puntland ayaa sheegay in diyaaradaha la adeegsaday ay ka duuleen saldhig milatari oo Imaaraadku ku leeyahay garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Published

on


Saraakiil ka tirsan Amniga Maamulka Puntland ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inuu fuliyay duqeyn diyaaradeed oo lagu dilay afar qof oo isku qoys ahaa shanna lagu dhaawacay, xilli uu dagaal ka dhan ah kooxda Daacish ka socday buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari bishii Janaayo 2025.

Warbixin ay baahisay warbaahinta Drop Site ayaa sheegtay in duqeynta 26-kii Janaayo 2025 ay ka dhacday deegaanka Togga-Xarago halkaas oo qoyska Reer Yuusuf Maxamuud Saalax ay ku sugnaayeen aqal dhaqameedkooda. Dadka ku dhintay weerarka ayaa kala ahaa Ladan Cabdi Ismaaciil, Cabdisamad Yuusuf Maxamuud oo 13 jir ahaa, Maxamed Cabdiqani Maxamed oo toddoba jir ahaa iyo Xaawo Axmed Saalax oo 17 jir ahayd isla markaana uur afar bilood ah lahayd.

Ilmo siddeed bilood jir ah oo ay Xaawo dhabta ku haysay ayaa ka badbaaday duqeynta, sida ay sheegtay Khadra Cabdi Ismaaciil oo qoyskeeda afar qof looga dilay weerarka. Afar sarkaal oo amniga Puntland ah ayaa warbaahinta Drop Site u xaqiijiyay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Imaaraadku ay fuliyeen weerarka, iyagoo codsaday inaan magacyadooda la shaacin.

Qoyska ayaa la sheegay in toddobaadyo kahor duqeynta laga raray deegaanka Dhadaar ee buuraha Cal-Miskaad kaddib markii ciidamada dowladda ay ku wargeliyeen in aaggaasi yahay meel ay joogaan dagaalmayaal Daacish ah ayna u guuraan goob loo asteeyay inay ammaan tahay. Duqeynta ayaa sidoo kale sababtay dhaawacyo culus iyo burbur dhaqaale, iyadoo qoysku ku waayay lix geel ah iyo 400 oo Ari ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.

Saraakiisha Amniga Puntland ayaa sheegay in diyaaradaha la adeegsaday ay ka duuleen saldhig milatari oo Imaaraadku ku leeyahay garoonka diyaaradaha Boosaaso. Waxay intaas ku dareen in Imaaraadku uu duqeymo ka fuliyay buuraha Call-Miskaad horraantii 2025, isla markaana hawlgalladaasi ay dib u xoogaysteen dabayaaqadii sannadkaas.

Sida ay saraakiishu u sheegeen Drop Site, Imaaraadku ma uusan fulin duqeymo noocaas ah gudaha Puntland tan iyo Nofeembar 2025, iyadoo Maraykanku uu hoggaanka u qabtay hawlgallada ka dhanka ah Daacish. Saraakiil Puntland ah ayaa sidoo kale ku eedeeyay Imaaraadka inuusan marwalba si ku filan u xaqiijin cidda uu beegsanayo kahor duqeymaha, eedeymahaasi si madax-bannaan looma xaqiijin.

Dhanka kale, Imaaraadku wuxuu weli taageero amni siiyaa Puntland gaar ahaan Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF), oo qaabilsan hawlgallada amniga badda iyo la-dagaallanka Burcad-badeedda. Taageerada Imaaraadka ayaa isugu jirta tababar, mushahar iyo xog-wadaag amni. Drop Site ayaa sheegtay inay jawaab ka weydiisay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas, balse aysan jawaab ka helin.

Ma jiraan tirokoobyo rasmi ah oo dhammaystiran oo muujinaya khasaaraha rayidka ee ka dhashay dagaalka ka socda buuraha Cal-Miskaad, halkaas oo ay adag tahay in saxafiyiinta iyo hay’adaha xuquuqda aadanuhu ay si madax-bannaan ku gaaraan goobaha ay duqeymaha iyo dagaalladu ka dhacaan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

OCHA oo ka digtay xaaladda bani’aadannimo ee Baydhabo, kuna baaqday in la joojiyo colaadda

OCHA ayaa sheegtay in rabshadaha soo noqnoqday ay dhibaato hor leh ku hayaan bulshada horeyba ula tacaalaysay abaaro, barakac daba-dheeraaday iyo xaalado nololeed oo adag.

Published

on


Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), ayaa walaac xooggan ka muujiyay colaadda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, taas oo uu sheegay inay sii xumaynayso xaaladda bani’aadannimo ee halkaas ka jirta.

OCHA ayaa sheegtay in rabshadaha soo noqnoqday ay dhibaato hor leh ku hayaan bulshada horeyba ula tacaalaysay abaaro, barakac daba-dheeraaday iyo xaalado nololeed oo adag. Xafiisku wuxuu si gaar ah uga walaacsan yahay xaaladda dadka barakacayaasha ah, haweenka, carruurta, waayeelka iyo dadka naafada ah, kuwaas oo wajahaya khataro dheeraad ah oo ka dhashay amni-darrada iyo barakaca soo noqnoqda.

Sida lagu sheegay bayaanka OCHA, colaadaha ayaa qoysas badan ku khasbay inay guryahooda ka cararaan, iyagoo luminaya fursadihii ay ku heli lahaayeen badbaado, adeegyada aasaasiga ah iyo gargaarka bani’aadannimo. Hay’addu waxay ka digtay in xaaladda bani’aadannimo ee Baydhabo ay sii xumaanayso, iyadoo ay jirto khatar sii kordhaysa oo macaluul ah, nafaqo-darro baahsan oo carruurta haysata iyo saadaasha daadad ka dhasha roobabka El Niño.

OCHA ayaa dhinacyada ku lugta leh colaadda ugu baaqday inay si degdeg ah u dejiyaan xiisadaha, muujiyaan is-xakameyn buuxda, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii kordhin karta rabshadaha. Waxay sidoo kale ku adkaysay in la ilaaliyo dadka rayidka ah iyo kaabayaasha ay bulshada ku tiirsan tahay, iyadoo xustay in sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada uu dhigayo in la dhowro goobaha caafimaadka, isbitaallada, dugsiyada iyo xarumaha kale ee rayidka.

Hay’addu waxay sheegtay in weerarrada lagu qaado xarumaha caafimaadka ay mamnuuc ka yihiin sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, iyadoo ku baaqday in shaqaalaha iyo hantida hay’adaha gargaarka laga ilaaliyo khataraha amni. Waxay sidoo kale dalbatay in hay’adaha bani’aadannimadu ay helaan marin ammaan ah oo degdeg ah si aan wax carqalad ah ama takoorid ah loogu hor istaagin gaarsiinta gargaarka dadka ay colaadaha saameeyeen.

OCHA ayaa sheegtay in hay’adaha gargaarka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay inay caawiyaan dadka ugu nugul isla markaana ay la shaqeeyaan maamulka iyo bulshada si looga hortago in xaaladdu kasii darto. Si kastaba, hay’addu waxay carrabka ku adkaysay in loo baahan yahay tallaabo degdeg ah oo lagu soo afjarayo rabshadaha laguna hortagayo barakac hor leh iyo dhibaato soo gaarta nolosha iyo karaamada dadka rayidka ah.

Bayaanka ayaa ku soo dhammaaday baaq loo jeediyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda, kaas oo ah inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka, kana hortagaan dhibaato hor leh oo soo gaarta shacabka Baydhabo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeeda dhammaaday 15-kii Maay ee sanadkan ayaa magaaladda Baydhabo doorasho khilaaf xooggan uu hareeyay kusoo saartay Aadan Madoobe 10kii bishii Juun ee isla sanadkaan. Wixii ka dambeeyay Juun illaa iyo xilligaan Baydhabo oo haysata Toddobadii sano ee lasoo dhaafay nabad waxay gashay xaalad colaadeed dadkuna haatan waxa ay qarka u saaran yihiin magaalada guud ahaanteed inay isaga guuraan.

Shacabka Baydhabo ayaa sheegaya Toddob sano oo ay amni ahayd magaaladaasi in haatan isku beddeshay goob furin dagaal ah oo bartamaha magaaladda si toos ah ay ugu dagaalamayaan maamulkii hore iyo kan dhowaan laga dhisay Koonfur Galbeed Soomaaliya xaaladuna ay tahay mid ay u arkaan quus. Dowladda Federaalka ee muddo xileedkeeda dhammaaday ayaa si weyn gacan ugu geysatay in Aadan Madoobe markii Laftagareen xukunka laga tuuray uu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoo xittaa tartankii doorashada ee ka dhacay billo kahor magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lasoo wariyay in kursiga uu ahaa kaliya mid loo xiray Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), xiisadii ka dhalatay doorashadaas iyo tuuristii Maamulka Laftagareen ayaa keentay xaaladda amni darro ee maaantu ay wajaheen shacabka boqolaalka kun ama Malaayiinka ee ku nool magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Aadan ayaa ku sugan beriyahaan magaaladda Muqdisho iyada oo dowladda Soomaaliya dacwo ugu soo gudbiyay in qaati uu ka taagan yahay Madaxweynihii xukunka kaga horreeyay Cabdicasiis Laftagareen lagana gacan siiyo sidii xaaladda Baydhabo loo dejin lahaa una hanan lahaa maamulka. Laakiin dadka indheergaradka ayaa isweydiinaya sida ay Villa Soomaaliya ugu suurtagal karto in Aadan Madoobe haddii kursiga la geeyay haddana lagu sii haayo halkaasi maadama isagu ay tahay shaqo u taalo in maamulka iyo bulshadiisa iyo amniga uu hanto.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Ciidanka Danab oo hawlgal ka fuliyay Jubbada Hoose, laguna dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Hawlgalkan ayaa ka dhacay tuulada Yaaq-shabeel oo qiyaastii 13 kiiloomitir u jirta deegaanka Kam-jaroon ee gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada ayaa bartilmaameedsaday goob ay kooxdu ku lahayd deegaanka.

Published

on


Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Yaaq-shabeel ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu dilay xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay xogta laga bixiyay hawlgalka. Hawlgalkan ayaa ka dhacay tuulada Yaaq-shabeel oo qiyaastii 13 kiiloomitir u jirta deegaanka Kam-jaroon ee gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada ayaa bartilmaameedsaday goob ay kooxdu ku lahayd deegaanka.

Intii uu hawlgalka socday waxaa la dilay Cabdullaahi Yaroow oo la sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha sare ee Al-Shabaab, isla markaana ka hawlgalayay deegaannada iyo dhulka miyiga ah ee galbeedka gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale, ciidamada Danab ayaa hawlgalka kusoo qabtay Cabdifataax Maxamed oo sida xogta la bixiyay lagu sheegay inuu ka tirsanaa kooxda kana hawlgalayay deegaannada galbeedka gobolka.

Hawlgalkan ayaa qeyb ka ah hawlgallada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab, laguna doonayo in lagu wiiqo awoodda kooxda laguna xoojiyo amniga deegaannada gobolka.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in toddobaadkii hore hawlgalkii qorsheysnaa ee ka dhacay degmada Jilib lagu dilay Bashiir Axmed Xaaji Nuunow oo ay ku tilmaantay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa garabka amni ee kooxda Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay NISA soo saartay, hawlgalka ayaa dhacay habeenkii 1-da Oktoobar, iyadoo hay’addu sheegtay in uu ahaa hawlgal ay fulisay iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamka. NISA waxay sheegtay in Bashiir Nuunow uu ahaa hoggaanka waaxda ay Al-Shabaab ugu yeerto Amniyaadka hayay intii u dhaxaysay 2016 iyo 2024. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay inuu adeegsan jiray magacyada Geescadde, Fanax, Gardhuub iyo Cali Dheere.

Sida ay NISA sheegtay, Nuunow wuxuu door ku lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay gudaha Soomaaliya, waxaana hay’addu ku xustay weerarkii 14-kii Oktoobar 2017 ee Isgoyska Soobe, weerarkii Ex-Control Afgooye, qaraxii loo yaqaan Soobe 2, iyo weerarro kale oo ka dhacay Muqdisho.

NISA ayaa sheegtay in hawlgalka Jilib uu qayb ka yahay dadaallo ay hay’addu ku baacsanayso hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shabaab ee ay ku eedeysay inay ku lug lahaayeen weerarrada lagu beegsaday shacabka Soomaaliyeed. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in geerida Bashiir Nuunow ay saameyn ku yeelan karto hoggaanka iyo shabakadaha kooxda gaar ahaan kuwa loo adeegsado qorsheynta iyo fulinta weerarrada.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Ciidamada taabacsan Laftagareen oo isku ballaariyay gobollada Baay iyo Bakool

Garabka Madaxweyne Laftagareen ayaa u muuqda inay la yimaadeen qorshe cusub oo ah hannaanka ay kula dagaal jiraan maamulka Aadan Madoobe iyo Villa Soomaaliya.

Published

on


Garabka maamul ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen balse sheeganaya inay yihiin maamulka sharciga ah ee deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa qaaday dhowrii maalmood ee ugu dambeeyay tallaabooyin ka careysiiyay dhinaca kale garabka maamul ee Aadan Madoobihii billo kahor lagu doortay magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Garabka Madaxweyne Laftagareen ayaa u muuqda inay la yimaadeen qorshe cusub oo ah hannaanka ay kula dagaal jiraan maamulka Aadan Madoobe iyo Villa Soomaaliya, kadib markii ay isku ballaariyeen deegaano iyo magaalooyin istiraatiji ah oo ka tirsan dhanka gobolka Baay, halka sidoo kale gobolka Bakool deegaano ka tirsan ciidamo taabacsan Laftagareen ay sheegteen inay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynteeda dhammaadkii dabayaaqaddii toddobaadkii aynu kasoo gudubnay ee bishaan aynu ku gudi jirno.

Maalintii shalay degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay waxaa isku soo bandhigay ciidamada taabacsan Madaxweyne Laftagareen oo sheeganaya gacan ku haynta magaaladaasi inay si buuxda iyaga ula wareegeen. Maanta oo Sabti ah wararka Diblomaasi.com ay ka helayso degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sidoo kale sheegaya in nawaaxiga degmadaasi ay talis ka sameysteen ciidanka taabacsan Laftagareen qeyb kale oo halkaasi iska agaasimtay.

Dadka reer Koonfur Galbeed ee xog ogaalka ah ayaa sheegaya in garabka maamul ee Madaxweyne Laftagareen ay la yimaadeen xeelad dagaal oo aan keliya ku koobnayn weerarradii ay u joogteyeen dhanka Baydhabo ee ka dhanka ahaa Aadan Madoobe iyo xulufadiisa, hase ahaatee ay dhinaca kale wadaan qorshe kale la xiriirta inay isku fidiyaan magaalooyinka kale ee deegaannada gobollada Baay iyo Bakool.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeeda dhammaaday 15-kii Maay ee sanadkan ayaa magaaladda Baydhabo doorasho khilaaf xooggan uu hareeyay kusoo saartay Aadan Madoobe 10kii bishii Juun ee isla sanadkaan. Wixii ka dambeeyay Juun illaa iyo xilligaan Baydhabo oo haysata Toddobadii sano ee lasoo dhaafay nabad waxay gashay xaalad colaadeed dadkuna haatan waxa ay qarka u saaran yihiin magaalada guud ahaanteed inay isaga guuraan.

Shacabka Baydhabo ayaa sheegaya Toddob sano oo ay amni ahayd magaaladaasi in haatan isku beddeshay goob furin dagaal ah oo bartamaha magaaladda si toos ah ay ugu dagaalamayaan maamulkii hore iyo kan dhowaan laga dhisay Koonfur Galbeed Soomaaliya xaaladuna ay tahay mid ay u arkaan quus. Dowladda Federaalka ee muddo xileedkeeda dhammaaday ayaa si weyn gacan ugu geysatay in Aadan Madoobe markii Laftagareen xukunka laga tuuray uu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoo xittaa tartankii doorashada ee ka dhacay billo kahor magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lasoo wariyay in kursiga uu ahaa kaliya mid loo xiray Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), xiisadii ka dhalatay doorashadaas iyo tuuristii Maamulka Laftagareen ayaa keentay xaaladda amni darro ee maaantu ay wajaheen shacabka boqolaalka kun ama Malaayiinka ee ku nool magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Aadan ayaa ku sugan beriyahaan magaaladda Muqdisho iyada oo dowladda Soomaaliya dacwo ugu soo gudbiyay in qaati uu ka taagan yahay Madaxweynihii xukunka kaga horreeyay Cabdicasiis Laftagareen lagana gacan siiyo sidii xaaladda Baydhabo loo dejin lahaa una hanan lahaa maamulka. Laakiin dadka indheergaradka ayaa isweydiinaya sida ay Villa Soomaaliya ugu suurtagal karto in Aadan Madoobe haddii kursiga la geeyay haddana lagu sii haayo halkaasi maadama isagu ay tahay shaqo u taalo in maamulka iyo bulshadiisa iyo amniga uu hanto.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Walaaca Mareykanka ayaa sidoo kale la xiriira muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Gacanka Cadmeed oo ah marin-biyood muhiim u ah isu socodka maraakiibta ganacsiga ee isku xira Bariga Dhexe, Afrika iyo suuqyada caalamka.

Published

on


Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in wakiillo ka socda kooxda Shiicadda ee Xuutiyiinta dalka Yemen ay ka hawlgallaan Waqooyiga Soomaaliya iyaga oo xiriir la leh kooxda argagaxisadda Al-Shabaab.

Sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah, xiriirka labada dhinac wuxuu Al-Shabaab siin karaa fursad ay ku hesho hub casri ah, tababar iyo khibrad farsamo oo la xiriirta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taas oo sare u qaadi karta awoodda kooxda ee weerarrada ka dhanka ah ciidamada Mareykanka iyo danahooda gobolka Geeska Afrika.

Sarkaal ka tirsan AFRICOM oo la hadlay warbaahinta isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in iskaashiga suuragalka ah ee Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab uu kordhin karro awoodda kooxda Soomaalida ee ay khatar ugu abuuri karto ciidamada Mareykanka iyo danahooda gobolka.

Walaaca Mareykanka ayaa sidoo kale la xiriira muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Gacanka Cadmeed oo ah marin-biyood muhiim u ah isu socodka maraakiibta ganacsiga ee isku xira Bariga Dhexe, Afrika iyo suuqyada caalamka. Haddii Xuutiyiintu saldhig ama taageero saadka ah ka helaan gudaha Soomaaliya, waxaa suuragal ah inay ballaariyaan hawlgalladooda, taas oo adkeyn karta ilaalinta maraakiibta isaga kala goosha labada dhinac ee marin-biyoodka istaraatiijiga ah.

Sidoo kale, arrintaan ayaa sare u qaadi karta walaaca amni ee ku saabsan saldhigga weyn ee ciidamada Mareykanka ee Camp Lemonnier oo ku yaalla dalka Jabuuti, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan ah oo ka howlgala Bariga Afrika.

Taliyihii hore ee AFRICOM, Jeneraal Michael Langley ayaa mar uu sanadkii hore ka hor hadlayay Congress-ka Mareykanka sheegay in Xuutiyiintu awood u leeyihiin inay weeraraan xarumaha ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Jabuuti haddii ay go’aansadaan inay sii xoojiyaan iska horimaadkooda Washington.

Walaaca amni ayaa soo baxaya xilli Pentagon-ka Mareykanka la sheegay inuu qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper ka rarayo Soomaaliya si loogu adeegsado hawlgallo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee Koonfurta Ameerika. Wargeyska The New York Times ayaa toddobaadkan sheegay in tiro aan la shaacin oo diyaaradahaas ah loo wareejinayo Galbeedka Dunida, inkasta oo aan faahfaahin laga bixin tirada saxda ah ama waqtiga ay dib u dejintu dhaceyso.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in diyaaradaha MQ-9 Reaper ee Mareykanka ay la kulmeen khasaare weyn tan iyo markii uu dhammaadkii bishii Febraayo billowday dagaalka Iiraan. Si kastaba ha ahaatee, sheegashooyinka ku saabsan joogitaanka Xuutiyiinta ee Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin Al-Shabaab weli waxay u baahan yihiin xaqiijin dheeraad ah, maadaama aan la soo bandhigin faahfaahin dadweyne oo si buuxda u caddaynaysa baaxadda xiriirkaas.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab oo yeeshay iskaashi qarsoodi ah

Horraantii bishii Sebteembar 2026, Wargeyska Mareykanka laga leeyahay ee Wall Street Journal ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay tan iyo sannadkii 2023 yeesheen iskaashi qarsoodi ah oo sii xoogeysanaya kaas oo la sheegay inuu ku saabsan yahay hub, tababar iyo isku-duwid dhinaca hawlgallada ah.

Wargeysku wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka heshay Xuutiyiinta hub casri ah iyo tababarro la xiriira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo walxaha qarxa. Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay doonayeen taageero farsamo oo u suuragelisa inay rakibaan raadaarro lagu la socdo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta ee biyaha u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya.

Sida uu qoray wargeysku hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, Jibriil Yaxye Cali ayaa door muhiim ah ka qaatay dhismaha xiriirka labada dhinac, Jibriil ayaa lagu dilay duqeyn Mareykan ah bishii Febraayo ee sanadkan, iyadoo wargeysku sheegay inuu si qarsoodi ah ugu kala safri jiray Soomaaliya iyo Yemen isla markaana uu heli jiray fududeymo ay ka mid yihiin guri iyo baasaboor Yemen ah oo been abuur ah.

Wall Street Journal ayaa sidoo kale sheegtay in Al-Shabaab ay sannadkii 2024 u dirtay Xuutiyiinta wakiil lagu magacaabo Axmed Cilmi Samatar kaas oo la sheegay inuu gudbiyay liis hub iyo qalab milatari ah liiskaas waxaa ka mid ahaa gantaallo lidka diyaaradaha ah, gantaallada Katyusha, qoryaha toogashada dheer, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka iyo qalabka aragga habeenkii.

Wargeysku wuxuu sheegay in shabakado tahriibin ah ay adeegsanayaan shirkado magac-u-yaal ah iyo dekedo ku yaalla Yemen si hubka looga soo gudbiyo Gacanka Cadmeed loona gaarsiiyo deegaanno xeebeedyo ku yaalla Waqooyiga Soomaaliya, kahor inta aan loo gudbin cutubyo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Koonfurta dalka.

Saraakiil Mareykan ah sida uu qoray wargeysku ayaa aaminsan in iskaashigan uu labada dhinac siin karo awood dheeraad ah oo ay ku ballaariyaan saameyntooda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Waxay sidoo kale ka digeen in xaaladdu ay khatar ku noqon karto amniga maraakiibta iyo isu-socodka tamarta ee suuqyada caalamka.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Arrimaha Amniga4 hours ago

Imaaraadka oo duqeymo diyaaraddeed ku dilay dad rayid ah ee Maamulka Puntland

Diblomaasiyadda5 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda ku aaddan xiisadaha gobolka iyo xiriirka Itoobiya

Itoobiya8 hours ago

Itoobiya oo sheegtay inay qasab ku tahay iska difaacida duullaanka ay kusoo qaaday Ereteriya

Arrimaha Amniga9 hours ago

OCHA oo ka digtay xaaladda bani’aadannimo ee Baydhabo, kuna baaqday in la joojiyo colaadda

Arrimaha Amniga9 hours ago

Ciidanka Danab oo hawlgal ka fuliyay Jubbada Hoose, laguna dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Arrimaha Amniga1 day ago

Ciidamada taabacsan Laftagareen oo isku ballaariyay gobollada Baay iyo Bakool

Afrika1 day ago

71 qof oo ku dhintay rabshado ka dhacay Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah

Arrimaha Amniga1 day ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub1 day ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub1 day ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga1 day ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga1 day ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga1 day ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya1 day ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika2 days ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Yurub2 days ago

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah oo lagu helay hurinta nacaybka

Arrimaha Amniga2 days ago

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Sirdoonka & Militariga2 days ago

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Itoobiya3 days ago

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan Eriteriya oo ku sugnaa agagaarka Adigrat

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo baaritaan caafimaad ku bilowday dadka ka imaanaya qaaradda Afrika

Ameerika3 days ago

Wiil Soomaali Mareykan ah oo loo xiray qorshe weerar oo ka dhan ah Mall of America

Arrimaha Amniga3 days ago

Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”

Diblomaasiyadda3 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay weli dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka

Ameerika4 days ago

Xubno ka tirsanaa wafdigii C/raxmaan Cirro ee Mareyanka oo u goostay dalka Kanada

Diblomaasiyadda4 days ago

MW Xasan Sheekh oo beeniyay in Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan

Arrimaha Amniga4 days ago

Hawlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Diblomaasiyadda4 days ago

Itoobiya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu ku kacay ficillo ka hor imaanaya danaheeda

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Ciidamada Yemen oo bilaabay weerar ay dib ugu qabsanayaan Al-Waziiya oo ay Xuutiyiintu haystaan ​​ee Taciz

Caafimaadka & Sayniska5 days ago

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Soomaaliya5 days ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha5 days ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika5 days ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya5 days ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga5 days ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya5 days ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya5 days ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda6 days ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga6 days ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Xul

Diblomaasi.com