Connect with us

Siyaasadda Soomaaliweyn

Muxuu yahay erayga ku qoran baasaboorka Soomaaliya ee muranka badan dhaliyey?

Waxaa sannadkii 2016 goob fagaare ah lagu weydiiyay su’aashan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markaasna ahaa madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuse ku jawaabay, “aniga labadooda kee dooranaysaa haddii lay oran lahaa kalmadda gender-ka ayaan dooran laha kalmadda kale maba doorteen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo qoslaya waliba aad ka dareemayso inuusan aqoon duruqsan uusan u lahayn waxa baasbooskiisa ku qoran.

Published

on


“Bal waxaad is weydiisaan dowladda Soomaaliya iyo Soomaali, meesha ‘sex’ maxay uga guureen oo ay ‘Gender’ u qaateen,” su’aashan waxaa dad uu ka hor hadlayey usoo bandhigay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dood ka qaba eray bixinta ‘gender’ oo ku qoran baasaboorka Soomaaliga.

Baasaboorrada ay dowladuhu u sameeyaan muwaadiniintooda si ay ugu safraan iyo aqoonsiyada ayaa waxaa ku qoran eray bixinno lagu aqoonsado xogta qofka wata, sida taariikhda dhalashada iyo halka uu ku dhashay qofku.

Xogtu waxay gaar u tahay qofka wata aqoonsiga lamana turjumo, balse tusmooyinka sida erayada ‘magaca’, “taariikhda dhalashada’ iyo ‘halka laga bixiyey’ aqoonsiga ayaa lagu turjumaa luuqad kale oo badanaa ah mid ama qaar ka mid ah kuwa caalamiga ah sida Carabiga iyo Ingiriiska.

Baasaboorka Soomaaligu wuxuu ka mid yahay kuwa eray bixintooda lagu turjumo laba luuqadood oo aan af Soomaaliga ahayn, kuwaas oo kala ah Carabi iyo Ingiriis. Haddaba waxaa muran dhaliyey turjumada afka Ingiriiska ee lagu turjumay eray ka mid ah kuwa ku qoran baasaboorka soomaaliga, waana erayga “jinsiga” oo loola jeedo lab ama dheddig midka uu yahay qofka wata aqoonsiga.

Sheekha ayaa ku tilmaamay wax laga fiican yahay xulushada ereygaan marka loo dhaqan ahaa.

Aqoonsiyada la midka ah kan Soomaaliga ee lagu turjumo afka Ingiriiska iyo xitaa kuwa asal ahaan Ingiriisku u yahay afkooda hooyo, waxaa erayga jinsiga qofka ku qoran baasabooro badan oo Afrikan, Yurub iyo wadamo muslim ah ereyga ‘sex’ halka kan Soomaaliga uu ku qoran yahay ‘gender’.

Muxuu yahay farqiga u dhexeeya labada eray?

Sida ku cad qaamuusyada afka Ingiriiska iyo sidoo kale eray bixinnada dowladda ingiriiska, erayga ‘sex’ wuxuu tusmeynayaa kala duwanaanshaha jinsiga abuurka alle oo ku salaysan xubnaha taranka ee qofka iyo tusmada hidde sidaha oo afka sayniska loogu yeero (Chromosomes) taas oo ka dhigan in qofka uu noqon karo oo kaliya laba ama dheddig, inkasta oo ay jirto xaalad kale oo qofka laga wada helayo xubiniha jirka ee u gaarka ahaa labka iyo sidoo kale kuwii dheddigga.

Halka erayga ‘Gender’ uusan ku koobnayn jinsiga abuurka alle oo kaliya ee sidoo kale uu fursad siinayo qofku siduu isku arko, laba, dhadiga ma intaa wax dhaafsiisan, waana tan halka doodu ka dhalatay.

Qeexitaankan waxaan kasoo xigannay qaamuusyada afka Ingiriiska iyo sidoo kale eray bixinnada dowladda Ingiriiska oo iyadu muhiimad gooni ah siisay kala soocidda micnaha labada eray maadaama erayga ‘gender’ uu aqoonsanayo jinsiyo dheeri ka ah lab iyo dheddig ama waxa uu qofku isu aqoon sanayahy iyo sidoo kale waxa bulshadu u aqoonsan tahay.

Waxaa soo baxay dad su’aal geliyey haboonaanta eraygaas ee in uu ku qornaado baasaboorka Soomaaliga ah isaga oo leh micno ka duwan kan ‘sex’, waxaana u dambeeyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo baraha bulshada lagu arkay isaga oo dhaleecaynaya dowladda Soomaaliya kuna eedeynaya in ay u gogol xaareyso aqbalaadda wax ay diideen “dalal aan muslimiin ahayn”.

Xulashada eray bixinta: Maxaa loogu doortay eraygan in lagu qoro baasaboorka Soomaaliga ah?

Waxaa sannadkii 2016 goob fagaare ah lagu weydiiyay su’aashan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markaasna ahaa madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuse ku jawaabay, “aniga labadooda kee dooranaysaa haddii lay oran lahaa kalmadda gender-ka ayaan dooran laha kalmadda kale maba doorteen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo qoslaya.

Waxaa xusid mudan in aysan eraygan baasaboorkooda u isticmaalin qaar kamid ah dalalka afka Ingiriisku u yahay kan kowaad sida Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka Canada Autralia iyo Newzealnd, waxayna dhamaan baasaboorradooda u isticmaalaan erayga ‘sex’. Sidoo kale dalalka Islaamka iyo kuwa Afrika ayaa iyaguna isticmaala erayga ‘sex’ oo aan isticmaalin ‘gender’ sida soomaalida marka ay eray bixinnada ku turjumayaan afka Ingiriiska.

Si kastaba ha ahatee baasaboorka Soomaaliga ayaa sameynayey kor u kac dhanka dalalka lagu safri karo dal-kugal la’aan iyo sidoo kale isaga oo hantay dalal cusub oo aqoonsada. Soomaaliya ayaa qiimeyntii u dambeysay ee awoodda baasaboorada kaga jirta kaalinta sagaashan iyo sagaalad taas oo muujineysa in baasaboor Soomaaliga uu sare uga soo kacay maaddaamaa uu sannadkii hore ku jiray kaalinta 103.

Dhanka kale Baasaboor Soomaaliga ayaa waxaa lagu booqan karaa 35 dal oo uu qofka baasaboor Soomaaliga wata uu Visa ku qaadanayo garoonkooda halka markii hore ahayd 25 dal. Waxaa ka hooseeya shan waddan oo kala ah Yemen, Pakistan, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan.

Si guud baasaboor Soomaaliga ayaa ka mid ah kuwa ugu daciifsan caalamka, sida lagu muujiyay xogta sanadlaha ah ee ay soo saareen Passport Index iyo Henley oo ah shirkad kale oo qiimeysa sharciyada socdaalka. Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojisay dadaalka ay ugu jirto ku biiritaanka waddamada xubnaha ka ah ururka Bariga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo EAC, arrintaas oo haddii ay hirgasho suurtagal ka dhigi kara inuu xoogeysto baasaboorka Soomaaliya.

Waxaa jira dalal kale oo ay Soomaalida si fudud uga heli karaan oggolaanshaha gelitaanka, ka hor inta aysan safrin, kuwaasoo ay ka mid yihiin Angola iyo Sri Lanka.

___

Xigasho warbaahin: Qoraalkaan ayaa markii hore lagu daabacay BBC Somali.

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Siyaasadda Soomaaliweyn

Cutubyada 1aad illaa 4aad ee dastuurka Soomaaliya oo la ansixiyay – sidee loogu falceliyey?

Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay wax ka beddelka dastuurka.

Published

on

Baarlamaanka Soomaaliya Maarso 30, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 31-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen Ku-xigeenada Labada Aqal ayaa ajandaha kulanka maanta wuxuu ahaa ansixinta soojeedinta wax-ka-bedelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kooramka Golaha Shacabka ayaa haa 212, Sennatarada na 42.

Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo manata kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay wax ka beddelka dastuurka, waxayna xildhibaanadu u codeeyeen afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka.

Xildhibaanada ayaa marka hore mid mid u meel mariyay afarta cutub ee wax laga beddalay, kuwaas oo labadii bilood ee lasoo dhaafay ay ka doodayeen mudanayaashu. Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulankan ayaa ku dhowaaqay sida ay u dhacday riseynta afarta cutub, waxaana ogolaaday dhammaan xildhibaana xaadiray.

Xogahayaha Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Labada Aqal Sennatar Siciid Cawke, oo ugu horreyn soo jeedyay in seddex qodob ka ka tirsan cutubka 2-aad laga reebay rasteynta iyo ansixinta 4-ta Cutub ee Dastuurka KMG ee Jamhuuriaydda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanadda Labada Aqal ayaa cod aqlabiyad leh ku anxiyay Cutubka 1-aad ilaa Cutubka 4-aad ee dastuurka. Waxaa Golaha Shacabka u codeysay 212, wax diiday iyo wax ka aamusay ma jiraan, Aqalka Sare 42, wax ka aamusay iyo wax diiday ma jiraan waxaana uu Guddoomiyaha sheegay in sidaasi uu ansax ku yahay.

Guddoomiyaha Guddiga la socod-ka Dastuurka Labada Aqal Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf, (Xuseen Iidow), ayaa Xildhibaannada uga mahadceliyay shaqadii wanagsaneyd ee ay soo qabteen iyo Guddiga Madaxbannan ee Dib u eegista Dastuurka oo juhdi badan ku bixiyay sidii looga mira-dhalin lahaa wax-ka-bedelka Dastuurka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay Xildhibaannada, Sennatarada, ciidanka ammanka iyo bahda saaxaafada oo uu ku tilmaamay in ay guteen waajibkooda ugu na shaqeeyeen dalkooda. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa xusay in Baarlamaanka uu galay waqtigiisa fasaxa ahaa, isagoona Xildhibaannada Labada Aqal kula dardaarmay in waqtiga fasaxa laga faaideysto lana aado deegaan doorashooyinka.

Sidee loogu falceliyey wax ka beddelka Dastuurka?

Ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’rke, Mudane Xasan Cali Khayre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si wadajir ah usoo saaray warsaxaafadeed ayaa ka horymid tallaabadii maanta ee baarlamaanka, gaar ahaan wax ka beddelka dastuurka dalka.

Saddexda mas’uul ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, sida ay ku sheegeen qoraalkooda.

“Madaxweynuhu wuxuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, wuxuu qalqal geliyey geedi socodkii dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska, wuxuu dhaawacay is aaminaddii iyo kalsooni dhiskii ummadda, ayay yiraadeen saddexdooduba.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu sameeyay laba dastuur oo dhibaato u horseedayo mustaqbalka dalka, sida ay hadalka u dhigeen.

“Wuxuu dalka u sameeyey laba dastuur oo muran iyo mugdi gelinaysa sharciyadda Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dastuuriga ah” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Cumar Cabdishiid, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaasi kusii daray inay qaadaceen qodobada dastuurka ee la ansixiyay, ayaga oo tilmaamay inay aqoonsan yihiin dastuurka KMG ee dalka. Waxaan si wadajir ah u qaadacnay dastuurka, waxaan aqoonsanahay dastuurka KMG ah ee 15-ka cusub iyo 143 qodob ka kooban” ayaa mar kale lagu yiri war saxaafadeedka.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqay in wixii mas’uuliyada darro ah ee ka dhashay tallaabadan uu qaadayo Xasan Sheekh iyo guddoonka labada Aaqal ee baarlamaanka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Banaanbax uu soo abaabulay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo lagu taageerayo wax ka beddelka dastuurka

Bannaanbaxan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho, waxaana uu kusoo aadayaa xilli qorshaha dib u eegista iyo wax ka beddelka dastuurka xiisad adag abuurtay.

Published

on


Banaanbax uu soo abaabulay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ‘Madaale’ oo lagu taageerayo qorshaha madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ee wax ka beddelka dastuurka, taasoo abuurtay xiisad xooggan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay “in dhameystirka Dastuurka uu yahay mid muqadis ah, si loo helo xuquuqda ka maqan kumanaanka shacab ee ku nool Gobolka Banaadir, isla markaana loo cadeeyo Maqaamka Caasimadda Muqdisho, Asigoona ugu baaqay xubnaha xildhibaanada labada Aqal in ay Ansixiyaan dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Arrinta wax ka beddelka Dastuurka waxaa aad ugu horyimid waxgaradka bulshada, aqoonyanahada, iyo xisbiyada dalka ka jira.

Xisbiga Qaransoor oo kamid ah xisbiyada siyaasaddeed oo isbeddel doonka ah ayaa war saxafadeedkiisa ku sheegay in loo baahan yahay wadatashi guud oo heshiis bulsho ku salaysan:

Dastuurka marka wax laga bedelaayo ama mid cusub la qoraayo waxaa shardiga koowaad ah in bulshada qeybaheeda kala duwan ay raali ka tahay. Waxwalbo waa la siyaasadeyn karaa laakiin dastuurka lama siyaasadeyn karro. Ujeedka 1aad ee Dastuur waa Heshiis bulsho sidaas awgeed in la siyaasaddeeyo dalka wuxuu gelin karaa marxalad rabshado iyo colaad hor leh, ayaa lagu yirri war saxafadeedka xisbiga.

Xisbiga Qaransoor ayaa kamid ah xisbiyada sida aadka ah ugu soo horjeedo nidaamka dalka maanta lagu maamulo ee 4.5 ayaa war saxafadeedkiisa ku sheegay in ‘baarlamaanka maanta jirro ee ku yimid nidaamka 4.5 uusan matali karrin shacab Soomaaliweyn. “Baarlamaanka maanta jirra ee ku yimid 4.5 ma matali karro bulshada Soomaaliyeed oo dhan. Baarlamaan cod dadweyne ku yimid ayaa go’aamin karro qodobada xasaasiga ah ee wax ka beddelka dastuurka.”

Xisbiga ayaa soo jeediyey baaqa ku aadan in guddi madax-banaan loo xilsaarro wax ka beddelka dastuurka. “Haddii ‘Soomaali oo heshiis ah la rabo dastuurka yaanan la siyaasadeynin dastuurka’. Waxaana habboon in guddi madax-banaan loo xilsaaro wax-ka-beddelka dastuurka dalka.”

Bannaanbaxan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho, waxaana uu kusoo aadayaa xilli qorshaha dib u eegista iyo wax ka beddelka dastuurka ee lasoo jeediyey ay mucaaradad kala kulantay xubno ka tirsan baarlamaanka.

Xubno kale oo baarlamaanka Soomaaliya ah ayaa iyagu ilaa haatan dhammaystiray doodda iyo dib u eegista afarta cutub ee ugu horraysa dastuurka ku meelgaarka ah.

Dastuurkan ayaa rasmi ahaan ay u ansixiyeen ergooyin ka badan 800 oo bishii Ogoosto 2012-kii ku shiray magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay bishii Jannaayo ee sannadkii hore inay isku maamulayaan sidii dawlad madaxbannaan ilaa inta lagu wada heshiinayo dastuurka lagana dhammaystirayo, aftina loo qaadayo.

Magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland ayey maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen xubno siyaasiyiin ah oo ay ku jiraan laba madaxweyne oo hore, kuwaasi oo dhalliilay qorshaha wax ka beddelka dastuerka ee hadda socda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Haddii ‘Soomaali oo heshiis ah la rabo dastuurka yaanan la siyaasadeynin’ – Xisbiga Qaransoor

War-saxafadeedka uu soo saaray xisbiga Qaransoor ayaa lagu yirri “Haddii ‘Soomaali oo heshiis ah la rabo dastuurka yaanan la siyaasadeynin”.

Published

on


Qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee dowladda Xassan Sh. Maxamuud ayaa abuurtay xiisad xooggan, xaalka wuxuu marayaa meel xasaasi ah, ayada oo si weyn looga deyrinayo halka ay sal dhigan doonto.

Xisbiga Qaransoor oo kamid ah xisbiyada siyaasaddeed oo isbeddel doonka ah ayaa war saxafadeedkiisa ku sheegay in loo baahan yahay wadatashi guud oo heshiis bulsho ku salaysan: Dhammaan hoggaanka Xisbiga Qaransoor, xubnaha iyo taageerayaashiisa waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqayaan inay dhegaysato baaqa dadweynaha, xisbiyada iyo ururada bulshada ee wax ka beddelka Dastuurka.

Dastuurka marka wax laga bedelaayo ama mid cusub la qoraayo waxaa shardiga koowaad ah in bulshada qeybaheeda kala duwan ay raali ka tahay. Waxwalbo waa la siyaasadeyn karaa laakiin dastuurka lama siyaasadeyn karro. Ujeedka 1aad ee Dastuur waa Heshiis bulsho sidaas awgeed in la siyaasaddeeyo dalka wuxuu gelin karaa marxalad rabshado iyo colaad hor leh, ayaa lagu yirri war saxafadeedka xisbiga.

Xisbiga Qaransoor ayaa kamid ah xisbiyada sida aadka ah ugu soo horjeedo nidaamka dalka maanta lagu maamulo ee 4.5 ayaa war saxafadeedkiisa ku sheegay in ‘baarlamaanka maanta jirro ee ku yimid nidaamka 4.5 uusan matali karrin bulshada Soomaaliweyn. “Baarlamaanka maanta jirra ee ku yimid 4.5 ma matali karro bulshada Soomaaliyeed oo dhan. Baarlamaan cod dadweyne ku yimid ayaa go’aamin karro qodobada xasaasiga ah ee wax ka beddelka dastuurka.”

Xisbiga ayaa soo jeediyey baaqa ku aadan in guddi madax-banaan loo xilsaarro wax ka beddelka dastuurka. “Haddii ‘Soomaali oo heshiis ah la rabo dastuurka yaanan la siyaasadeynin dastuurka’. Waxaana habboon in guddi madax-banaan loo xilsaaro wax-ka-beddelka dastuurka dalka.”

 

Warqada War saxafadeedka Xisbiga Qaransoor ee uu soo saaray.

Xaaladda wax ka beddelka dastuurka oo cirka isku shareertay

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee wax ka beddelka dastuurka, ayaa ka digay halis aan lagu baraarugsaneyn oo ka dhalan karta arrintaan.

Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in xaalka uu ku dambeyn doono in dhufeysyo laga qato Muqdisho, si lamid ah xilligii Farmaajo laga diiday qorshihiisi guracnaa, inkasta oo weli sanado u dhiman yihiin muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.

“Haddii guddoonkii Baarlamaanka uu wax kasta ansax yiraa, tixgelin waayoo dastuurka, xeerhoosaadka Golaha, iyo habraaca ansixinta dastuurka, Madaxweynihiina Masjidka ka soo goodiyo, lana diiday in dalka Maxkamad Dastuuri loo dhiso, shacabkiina talada waxba ku lahayn, sow masiirku uma muuqdo Marinaayo iyo halkii uu Madaxweynuhu ka soo jabhadeeyey?,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aan xilligaan looga fadhin Xasan in uu beddelo wixii heshiiska lagu ahaa, balse la rabay in la qabyo tiro dastuurka oo waxa ka dhiman la dhammaystiro.

Waxa uu ka dhigay cawaaqibta ka dhalan karta qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee uu weli ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, “Dastuurkeena meelna ugama qorna in madaxweynaha uu wax ka beddelka dastuurka horboodo, mana ogolo in talada wax ka beddelka isaga ka bilaabato.ee waa ilaaliyaha dastuurka iyo marjicii ay ku soo dhammaan lahayd.”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Soomaaliya oo laga cafiyay $2 bilyan oo deyn ah – maxaa sababay in deyntaasi la cafiyo?

Ururka la magac baxay Paris Club ayaa isku raacay in la dhimo lacagaha lagu leeyahay Soomaaliya.

Published

on


Kooxda Paris Club ee deymaha, oo ay ku jiraan Ruushka, Mareykanka, iyo tiro kale oo hormuud ka ah dhaqaalaha adduunka, ayaa oggolaaday in la kansalo $2 bilyan oo dollar oo deyn ah oo ay Soomaaliya ku leeyihiin, sida lagu dhawaaqay Arbacadii.

Kooxda ayaa jari doonta 99% lacagta ay deyn ahaan ugu leeyihiin Soomaaliya ka dib markii ay soo gabagabaysay barnaamijka deyn cafinta ee ay kormeerayaan Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Naadiga deymaha ee Paris Club waxay sidoo kale ka kooban yihiin Belgium, Denmark, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Netherlands, Jabbaan, Ingiriiska, Norway iyo Spain.

“Helitaanka deyn cafinta buuxa waxay wax ka bedeli doontaa mustaqbalka Soomaaliya waxayna u ogolaaneysaa dowladeena inay abuurto boos maaliyadeed oo loogu talagalay adeegyada aasaasiga ah ee bulshada,” Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Cige ayaa kuqoray X (hore Twitter-ka).

Soomaaliya waxa ay ballan qaaday in ay yareyn doonto faqriga iyada oo la maalgashanayo daryeelka caafimaadka, waxbarashada, iyo kaabayaasha aasaasiga ah.

Heshiiska deyn joojinta ayaa ah “mid muhiim u ah wadada dalka ee soo kabashada dhaqaalaha,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Daud Aweis.

Bishii Diseembar, Soomaaliya waxay xaq u yeelatay in laga cafiyo deymaha iyadoo la raacayo hindise-sharciyeedka dalalka deymaha leh ee deymaha badan leh (HIPC), taasoo la micno ah inay u qalantay inay hesho ilaa $4.5 bilyan.

Inta badan deymaha Soomaaliya lagu leeyahay waxaa la qaatay sannadihii dowladdii milateriga ahayd ee Siyaad Barre, taasoo meesha ka baxday 1991. Dulsaarka ayaa ku sii kordhay deymihii la bixin jiray muddadaas.

Soomaaliya ayaa bilowday kasoo kabasho dagaalkii sokeeye sanadkii 2009 ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda oo gacan ka helaya ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo maleeshiyada al-Qaacida ee al-Shabaab.

Sanadkii 2022-kii, ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa qaaday weeraro ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo lagala wareegay deegaano muhiim ah oo ay horay ugu sugnaayeen. Si kastaba ha ahaatee, khilaafku wuu sii socdaa, walina ururka Al-shabaab lagama adkaanin.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in colaadaha iyo amni-darrada ka jirta Soomaaliya ay caqabad ku noqdeen horumarka sannadihii u dambeeyay. Malaayiin qof ayaa halis ugu jira nafaqo darro ba’an oo ay sabab u tahay macluusha dalka ka jirta iyo cudurro ka dillaacay sida daacuunka iyo jadeecada, sida ay sheegtay WHO.

Naadiga Paris waxaa la aas aasay 1956-kii oo hadda waa koox ka kooban 22-xubnood oo deyn-bixiyeyaal rasmi ah oo mas’uul ka ah helidda xalal la isku dubariday oo waara ee dhibaatooyinka lacag-bixineed ee ay la kulmaan waddamada deynta leh.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho – waa sidee xaalka amni ee caawa?

Published

on


Xubno ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday hotelka SYL ee ku yaalla bartamaha magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen goobjoogayaal kala duwan.

Weerarkan oo ka dhacay meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah iyo wakaaladda wararka ee Reuters, waxaana mas’uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Saraakiil amni iyo goobjoogayaal ka gaabsaday in magacyadooda la sheego, ayaa sheegay in weerarka ka hor, inuu jiray qarax ka dhacay bannaanka hotelka.

Warar aan ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in weerarkan ay ku dhaawacmeen masuuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan, saraakiil ciidan, xildhibaano isugu jira kuwo hore iyo kuwo haatan ku jira baarlamaanka.

Weerarkan oo ka socda hotelka SYL ayay masuuliyaddiisa sheegteen kooxda al-Shabaab, iyaga oo sheegay in xubno ka tirsani inay gudaha u galeen hotelka SYL.

Rasaas ayaa daba socotay qaraxyadii fiidnimadii kadib, sida ay sheegeen dadka meesha joogay, iyadoo kooxo aan la garanayn ay gudaha u galeen Hotelka Syl oo ah goob caan ah oo ay isugu yimaadaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo xildhibaano.

Taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad Cabdixamiid Fanax, Xildhibaan Cismaan Cali, Xildhibaan Fanax Cabdi, xildhibaan Ismaaciil Iidow oo ka waxa tirsan golaha shacabka, Senator Cabdirisaaq, afhayeenka xukuumadda Farxaan Jimcaale, Weriye Xasan Cadde iyo Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Feysal Caraale ayaa ku dhaawacmay weerarka ka socda SYL.

Booliiska iyo afhayeennada kale ee dawladda ayaan isla markiiba aan ka hadlin. “Waxaan markii hore maqalnay qarax weyn, ka dibna rasaas ayaa xigtay, waxaan fahamsanahay in dagaalyahannada ay ku jiraan gudaha hoteelka, waxaan maqalnay rasaas la isweydaarsanayo,” Faarax Cali, oo ku nool agagaarka xafiiska madaxweynaha ayaa u sheegay Reuters.

Goobjooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale sheegay in uu maqlay qarax labaad daqiiqado ka dib qaraxii koowaad. Xuseen C/laahi, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay in askarta ay rideen rasaas ka hor qaraxa koowaad, isla-markaana uu maqlay dhawaqa gaari xawli ku socday.

“Kadibna rasaas ayaa dhacday. Qarax labaad ayaa xigay, waxaan maqalnay rasaas la isweydaarsanayo,” ayuu yiri.

Al Shabaab ayaa sheegatay in ay iyagu ka danbeeyeen weerarka islamarkaana ay hareereeyeen Hotelka Syl. “Mujaahidiinta hubeysan ayaa gacanta ku haya hoteelka, waxayna gudaha hoteelka ku toogteen shaqaale iyo saraakiil ka tirsan dowladda Ridada.”

Hotelkaan uu ku yaalla irida laga galo madaxtooyada Soomaaliya waxaa adag inuu tago qof shacab ah oo socda, waxaana aaggaas lagu tagaa ID-card, waxaana la garan waayey halka ay soo mareen ragga weerarka fuliyey.

Heegan adag ayaa la geliyey dhamaan ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho, masuuliyiin badan ayaa ku dhaawacmay weerarka, kuwaas oo isbitaallada loo qaaday dhaawacyadooda, halka kuwa kale la aaminsan yahay inay ku go’doonsan yihiin gudaha Hotelka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul