Connect with us

Siyaasadda Soomaaliweyn

Muxuu yahay mustaqbalka Macawiisleyda kadib dagaalka Al-Shabaab?

Maleeshiyaadka qabaa’ilku waxay si adag ula dagaallameen kooxda Al-Shabaab, iyaga oo sabab u noqday in laga saaro dhul gaaraya boqollaal KM su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah xaggee ku dambeyn doonaan?

Published

on


Maleeshiyaadka qabaa’ilka ee loo yaqaan “Macawiisley” ayaa cudud ciidan oo lama filaan ah u noqday dagaalka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka qabaa’ilku waxay si adag ula dagaallameen kooxda Al-Shabaab, iyaga oo sabab u noqday in laga saaro dhul gaaraya boqollaal KM.

Arrintaasi waxay dhiirri-gelisay in beelo kale ay sameeyaan abaabul dhexdooda ah, si ay u abuuraan ciidan cusub oo Macawiisley ah, si gulufka ay dowladdu waddo qeyb uga noqdaan. Qorshahaas waxaa bud-dhig u ah siyaasiyiin iyo odayaasha dhaqanka beelaha dega Galmudug iyo HirShabeelle.

Billowgii maleeshiyada Macawiisley

Ciidamada beelaha ee loo yaqaanno Macwiisley ayaa waxay markii ugu horreysay sanadkii 2014-kii ka abuurmeen inta u dhexeysa degmooyinka Maxaas iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kadib markii Al-Shabaab ay cadaadis saareen dadka xoola-dhaqatada ah.

Labada dhinac ayaa tan iyo wixii xilligaasi ka dembeeyay uu dhex-marayay dagaallo qaraar oo sabab u noqday in uu soo kala gaaro khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Mid ka mid ah dagaalladii dhex-maray Al-Shabaab iyo Macwiisley oo bishii October 2018-kii ka dhacay duleedka degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa lagu dilay labadii hoggaamiye ee laf-dhabrta u ahaa ciidamadii beelaha ee kooxdaasi kula dagaallamayay Shabeellaha Dhexe, Hibaad Cali Dasar iyo Nuur Cali Junbur.

Dagaal kale oo dhammaadkii bishii September ee sanadkii 2022-kii ka dhacay deegaanka Ceelqooxle oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu dilay Nabadoon Cilmi Hagar Guure, oo kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee sida weyn u abaabulayay ciidamada Macawiisleyda ee Gobolka Hiiraan.

Muxuu yahay hadafka Macwiisleydu ee dagaalka Al-Shabaab?

Ciidamada qabaa’ilku “Macwiisley’ laguma aas-aasin aragti weyn oo siyaasadeed marka laga reebo cadaadis dadka xoola-dhaqatada ah ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab, mana jirin hadaf weyn oo siyaasi ah oo ay ka lahaayeen dagaalkooda. Laakiin, waxaa gacanta beelaha dagaallamaya galay hub xooggan oo ay iibsadeen taas oo ay dadka qaar ka muujinayaan walaac xooggan halka uu ku dembeyn doono, marka uu soo dhamaado dagaalka dowladdu kula jirto Al-Shabaab.

Fallanqeeyeyaasha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba “in haddii aan qorshe laga yeelan” arrintaasi ay abuuri karto mustaqbalka caqabad xagga amniga ah oo u baahnaan doonta in lala tacaalo, loona baahanyahay in dowladdu ay kasii taxadarto, sida uu VOA-da u sheegay Cumar Yuusuf oo ah bare Cilmiga siyaasadda ka dhiga qaar kamid ah Jaamacadaha Muqdisho.

“Hubka xooggan ee ku jira gacanta ciidamada beelaha ee loo yaqaanno Macawiisley waa mid labo af leh, haddii loo helo qorshe iyo istaraatiijiyad maleeshiyadaas tirada badan lagu qarameeynayo, waxay iila muuqataa in laga nabad-geli doono, haddiise qorshe iyo nidaam lagu qarameeyo aan la helin waa lama huraan in beelahu ay iyagu isku jeestaan,” ayuu yiri Cumar Yuusuf.

Muhiimadda Macawiisley ee dagaalka Al-Shabaab

Marka laga yimaado walaaca laga muujinaya hubka baaxadda leh ee galaya gacanta ciidamada qabaa’ilka oo ay iyagu iibsadeen, haddana kaalinta ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab waxay muujineysaa in dowladdu u baahantahay in ay ka bar-bar dagaallamaan, sida uu qeexaya Cumar Cabdi Jimcaale oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku sifeyn karaa in Macawiisley aheyd laf-dhabarka guulahii waa weynaa ee laga soo hooyay dagaaladii sanadkan iyo sanadkii horeba ka dhacay maamullada HirShabeelle iyo Galmudug. Macawiisley waa shacabkii oo dagaallamaya, taas marka waxa aay ka dhigan tahay in Macawiisley aheyd, walina tahay shacabkii oo dowladda ka barbar dagaallamaya, macquulna ma aheyn in dowladdu guula soo hoyso la’aantood,” ayuu ku dooday Cumar Jimcaale.

Qaar kamid ah dadka taxliiliya siyaasadda iyo amniga Soomaaliya ayaa qaba, in haddii dagaalka Macwiisley laga ilaaliyo siyaasadeyn uusan hadda uga dhex muuqan halis weyn oo dhib ku noqon karta amniga dalka, sida uu mar kale VOA-da u sheegay Cumar Cabdi Jimcaale.

“Caadiyan, Macawisley maahan koox u abaabulan qaab siyaasi ah oo leh hadaf ka baxsan in al-Shabaab iska xoreeyaan. Hubka aay wataan waa hubkii aay hore u haysteen. Taasi macnaheedu waa in Macawisley, nafsad ahaanteed, wax khatar amni ah Soomaaliya u keeni karin. Balse khatarta jirta, haddana muuqata ayaa ah in siyaasiyiin dano gaar ah leh uga faa’iideystaan ahdaaftooda gaarka ah, iyadoo laga yaabo in aay u habar-wacdaan Macawiisley ku qabiil ah, taas oo qatar amni dhalin karto, dowladana looga baahanyahay in aay ka baaraan dagto,” ayuu yiri Cumar Jimcaale.

Macwiisleyda Soomaaliya iyo kooxahii Saxwaadka Ciraaq

Dhammaadkii sanadkii 2006-dii waxaa gobollada ay ku badan yihiin dadka Sunniyiinta ah ee waddanka Ciraaq laga abaabulay qabaa’ilka oo laga horgeeyay kooxdii Al-Qaacida oo ku awood badneyd dhulkooda, waxaana taageero siinayay dowladda Ciraaq oo garab ka heleysa Mareykanka.

Dhaq-dhaqaaqan oo loo yaqaannay “Saxwaad” ayaa waxay Al-Qaacida kula dagaallameen dhul ballaaran oo ay kamid yihiin Al-Anbaar, Diyaali, Salaaxu-diin iyo deegaanno badan oo ay gacanta ku hayeen Al-Qaacida, waxayna guud ahaan kala wareegeen deegannadaasi oo ay muddo haysteen.

Dagaallamayaashii Saxwaadka oo u dhexeeyay 80 illaa 100 kun oo askari, waxaa ka bar-bar dagaallamayay ciidamada dowladda.

Marka dhacdadaan lala bar-bar dhigo Soomaaliya, ma jirtaa isku ekaashiyo iyo kala duwanaan u dhexeysa Saxwaadkii Ciraaq iyo Mcawiisleyda Soomaaliya? Waxaa su’aashan weydiinay Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf oo ah cimi-baare iyo fallanqeeye ka faallooda ururrada Islaamiga ah ee hubeysan.

“Waa la is-bar-bar dhigi karaa Macwiisleyda Soomaaliya iyo Saxwaadkii Ciraaq. tusaale, Macwiisley waa beelihii oo dagaallamaya, dowladdiina waa la socotaa oo way is-kaashanayaan, waana si la mid ah wixii Ciraaq ka jiray. Beelahu waxay yaqaannaan dhulka, xogta ayey sidoo kale ku heli karaan si fudud, waxay garanayaan dhulka biyaha leh iyo meelaha oomanaha ah. Dadka reer miyiga ah waa kuwa aan daalin oo dagaalyahanno ah,” ayuu qoraa Cabdiraxmaan Sahal u sheegay VOA.

Waxa uu intaas ku daray “dowladdu waa in ay farsamo ahaanna taageerto, lana socoto, hadhowna waa in lagu kala daro ciidamada, hase-ahaatee, waa in aysan noqon kuwa hadhow meel cidlo ah looga tegay, waayo halis ayey noqon karaan. Hoggaanka Macwiisleydu waa in ay yeelataa dowladda dhexe.”

Madaxda Dowladda Soomaaliya oo dhowr jeer la weydiiyay mustaqbalka Macwiisley ayaa waxay sheegeen in kuwii daneynayana lagu dari doono ciidamada dalka, halka kuwii raba in ay xoolahooda dhaqdaanna ay hubka iska dhigi doonaan.

Si kastaba, maleeshiyaadka beelaha ee qaatay hubka waxaa muhiim ah in loo helo qorshe qaran oo ku aaddan sidii laga yeeli lahaa dagaalka Al-Shabaab kadib, haddiiba lagu guuleysto in kooxda Al-Qaacida ku xiran laga adkaado.

__

VOA SOMALI

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Siyaasadda Soomaaliweyn

Qarax ka dhacay Muqdisho oo la xaqiijiyay inay ku dhinteen 5 ruux, 20 kalana ay ku dhaawacmeen

Qarax ka dhacay Muqdisho oo la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku dhimatay, 20 kalana waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay afaafka hore ee maqaayad ku taala Magaalada Muqdisho.

Published

on

Sawirka waa qaraxa ka dhacay maqaayadda Top Coffee.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa xalay ku qarxay bannaanka hore ee maqaayad ku taal magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana ku dhintay shan qof, 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen, xilli ay macaamiisha ka daawanayeen TV-ga finalka tartanka kubadda cagta ee Euro 2024, sida ay booliisku sheegeen, iyagoo ku eedeeyay kooxda Alshabaab oo ay dowladda Soomaaliya dagaal kula jirto.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa xalay ku qarxay bannaanka hore ee maqaayad ku taal magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana ku dhintay shan qof, 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen, xilli ay macaamiisha ka daawanayeen TV-ga finalka tartanka kubadda cagta ee Euro 2024, sida ay booliisku sheegeen, iyagoo ku eedeeyay kooxda Alshabaab oo ay dowladda Soomaaliya dagaal kula jirto.

Bamkan ayaa burburiyay 10 baabuur, waxaana uu burburiyay dhismayaal dhowr ah oo ka agdhawaa meel si wanaagsan loo ilaaliyo oo ku dhow Madaxtooyada, sida uu sheegay wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegeen in duqeynta lala beegsaday goob ay ku kulmaan shaqaalaha dowladda iyo shaqaalaha dowladda xilliyada habeenkii ah.

Baarlamaanka Soomaaliya

Cabdirsaaaq Ciid oo ku hadlayay afka Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu xubin ka yahay ayaa si kulul uga hadlay weeraradii ugu dambeeyay 72 saac ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay khasaare xoogan.

Xildhibaanka oo ka hadlayay qaraxii xalay ka dhacay Maqaayadda Top Coffee iyo weerarkii ka horreeyay ee xabsiga dhexe ayaa sheegay in ay yihiin wax aan loo dulqaadan karin, wuxuuna tilmaamay inay muujinayaan inuu faraha kasii baxay amniga caasimada dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka baarlamaan ahaan ay dalbanayaan isla xisaabtan dhab ah, si ay cid u qaadato mas’uuliyiinta dhibaatooyinkaasi dhacay.

“Runtii wax mar walba qalad ah oo wax loo dulqaadan karo ahayn inuu fal dambiyeen dhacdo dadna lagu gumaado lagu laayo, haddana aan hal qof loo soo xirin, hal mas’uulna aan shaqada looga qaadin” ayuu mar kale yiri xildhibaan Cabdirsaaaq Ciid.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Baarlamaan ahaan waxaan rabna in sharciga la horkeeno dadkii ka dambeeyay dhibaatadaas, jawaab cad ayaan ka rabnaa dowladda”.

Cabdirisaaq Ciid ayaa tilmaamay inay shaki wayn muujinayaan weeraradan marka loo fiiriyo goobaha lala beegsaday oo si wayn loo ilaaliyo amnigooda.

“Lama fiirsan karo in xabsiga dhexe ee Soomaaliyeed oo sidaa ognahay loo ilaaliyo in gudaha hub loogu dhex geeyo ay ka dhex dagaalamaan dadna ay ku laayaan” ayuu yiri.

Weeraradan is xig xigay ayaa kusoo aaday, ayada oo bilihii lasoo dhaafay ay reer Muqdisho ka nasteen qaraxyadii horay uga dhici jiray caasimada, kadib qorshe ay la timid dowladda.

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa kooxda Al-shabaab ka saaray caasimadda sannadkii 2011-kii, balse waxay weli gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaalla gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoo fulinaya qaraxyo iyo weerarro goos goos ah oo lagu bartilmaameedsanayo rayidka iyo kaabayaasha ciidamada.

Bishii Oktoobar 2022, Al Shabaab waxay Muqdisho ka fuliyeen laba qarax oo baabuur, oo ay ku dileen in ka badan 100 qof, 300 oo kalena way ku dhaawacmeen. Dhacdadan ayaa dhacday wax ka yar laba bilood ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bilaabay hawlgal ballaaran oo ka dhan ah nabad-diidka, isagoo ballan qaaday inuu fulin doono “dhammaan- dagaalka ka dhanka ah kooxaha jihaad doonka ah markii uu xukunka la wareegay Maay 2022.

Qaraxa koowaad ayaa lala beegsaday xarunta wasaaradda waxbarashada oo ku taalla agagaarka isgoyska mashquulka badan ee Zoobe ee caasimadda, iyadoo qaraxa labaad uu dhacay daqiiqado kaddib markii ay halkaasi gaareen gaadiidka gurmadka degdega ah iyo dadweyne u gurmaday dhaawacyada. Goob joogayaal ayaa sheegay in dadka la laayay ay u badan yihiin haween, qaarna ay caruur ahaayeen.

Isla goobtaan ayaa sanadkii 2017-kii waxaa ka dhacay weerar argagaxiso oo weyn, markaasoo gaari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof.

Dhinaca kale, La-taliyaha Amniga Qaranka Somalia, Xuseen Sheekh Cali, ayaa sheegay in Ciiddanka Itoobiya ee u jooga Somalia la-dagaalanka Kooxda Argagaxisada ah ee Al-shabaab laga saari doono bisha Diseember ee sannadkan, haddii aysan Addis-Ababa burrin Heshiiskii Dekeddaha ee ay la galeen Maamulka la baxay Somaliland.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

$20 milyan oo laga waayay qasnadda Dowladda Federaalka Soomaaliya – yey ku maqantahay lacagtaas?

Axmed Ciise Guutaale ayaa sheegay in xafiisyadan ay ku maqan tahay lacag badan 20 milyan oo dollar, taas oo aan lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda Soomaaliya.

Published

on

Hantidhowraha guud ee qaranka Axmed Ciise Guutaale

Hantidhowraha guud ee qaranka Axmed Ciise Guutaale oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan baaris ay ku sameeyeen laba xafiis oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Hantidhowraha ayaa sheegay in baaris fatash ah lagu sameeyay xafiisyada ruqsadda shaqada shaqaalaha shisheeyaha ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo adeegga kordhinta dal ku jooga shisheeyaha ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, isla markaana lagu ogaaday inay ku kaceen musuq-maasuq iyo wax is daba-marin.

Axmed Ciise Guutaale ayaa sheegay in xafiisyadan ay ku maqan tahay lacag badan 20 milyan oo dollar, taas oo aan lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda Soomaaliya.

Shirkiisa jaraa’id ayuu ku sheegay in xafiisyadan ay qabteen lacag dhan $3,370,260 balse $12,437,690 oo kaliya lagu shubay qasnadda dowladda, wuxuuna sheegay inay maqan tahay lacag gaareyso illaa $20,932,570, taas oo la waayay intii u dhexeysay sideeddii Maarso ee 2018-kii, illaa 19 Abriil ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2023-kii.

“Lacagta dakhliga ah ee ay qabteen xafiisyada ruqsadda shaqada iyo shaqaalaha shisheeyaha ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo adeegga kordhinta dal ku jooga shisheeyaha ee hay’adda socdaalka jinsiyadda intii u dhexeysay sideeddii Maarso 2018 ilaa 19 Apriil 2023 waxa ay ahayd lacag dhan $3,370,260r haseyeeshee $12,437,690 oo kaliya, kana mid ah dakhliga guud ee ay xafiisyadaasi qabteen intii u dhexeysay sideeddii Maarso 2018, illaa 19-koo April 2023 oo ah muddo 5 sano iyo dheeraad ah waxay u xareeyeen DFS, iyaga oo marsiiyay nidaamka SFMIS-ka, balse farqiga u dhexeeya dakhliga ay xareeyeen iyo kan ay qabteen waa lacag dhan $20,932,570, taas oo ah cadadka lacagta dakhliga ah ee baarista fatashka ah ay daboolka ka qaaday inay ka maqan tahay qasnadda dowladda, isla markaana aan lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda” ayuu yiri Guutaale.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Taas micnaheedu wuxuu yahay in lacagtaas ay ka maqan tahay dakhliga guud ee dowladda sanadihii 2018 illaa 2023, kuna maqnaatay xafiisyada ay baarista fatashku quseysay ee kor ku xusan”.

Hantidhowraha guud ee qaranka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lunsashada lacagtan ay saameyn ku yeelatay dowladda dhexe oo uu tilmaamay in xittaa ay deyn u gashay sidii mushaaraakooda loo siin lahaa shaqaalaha dowladda, ciidamada iyo xildhibaannada.

“Lunsashada $20,932,570 waxay qayb ka tahay sababta dhiig baxa dakhliga dowladda iyo cajsiga ku dhacay qasnadda dhexe ee dowladda, ayada oo ay taasi horseeday in dowladda Soomaaliya qaadato dayn iyo kab, si ay u bixiso oo kaliya mushaarka shaqaalaheeda, haddii uu yahay ciidanka, haddii uu yahay baarlamaanka iyo haddii uu yahay shaqaalaha guud ee dowladda” ayuu mar kale ku yiri shirkiisa jaraa’id.

“Aniga miyaa musuq-maasuq sameeya, mise wasiirrada?” – RW Xamza Cabdi Barre

Dowladda Xassan Sh. Maxamuud ayaa lagu sheegaa inay sameyso masuqmaasuq xad dhaaf ah mar Ra’isul Wasaarre Xamze Barre wax laga waydiiyey wuxuu ku jawaabay aniga ma ihi cida sameyso ee waa wasiirada.

Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo mar ka hadlay Shirka Madasha Isku-duwidda Horumarinta ayaa si adag uga hadlay arrimo musuq-maasuqa ee ka jira gudaha Soomaaliya gaar ahaan xukuumadiisa. Kulankan oo ay goobjoog ahaayeen xubnaha beesha caalamka iyo wasiirada dowladda federaalka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha maaliyadda ee dalka. Mudane Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa su’aallo ka keenay warbixinnada soo laalaabta ee ay Soomaaliya ka gasho kaalinta u hooseysa dalalka ugu badan musuqa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa is weydiiyay cidda sameysay musuqa, isaga oo tusaale usoo qaatay golihiisa wasiirada. “Waxaa la sheegaa inuu jiro musuq-maasuq badan, Soomaaliya International Transparency waxay nagu soo qortaa meel aad u fool xun yaa wada xaggee ka timid, yaa mas’uul ka ah, ma anigaa musuq-maasuq sameeya? xagggee musuq-maasuqa ka yimid ma heerka wasiirada mise Xalane ayay fadhidaa” ayuu is weydiiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi.

Caadi ahaan, musuqmaasuqa ka jira gudaha dowladnimada Soomaaliya waxay marka hore kasoo bilaabataa qaab-dhismeedka dowladda. Sida kale haddii aan u tilmaamo nidaamka uu ku imanaayo madaxweynaha iyo golahiisa wasiirada iyo xildhibaanada ayaa horseedaayo masuqmaasuq toos ah, wuxuuna leeyahay sababo badan oo horseedi kara masuqmaasuqa. Waxaa muhiim ah in maskaxda lagu hayo in qorayaasha kala duwani ee wax ka qora arrimaha masuqmaasuqa ay ku kala aragti duwan yihiin sababaha musuqmaasuqa. Haddaba, sababaha musuqmaasuqa Soomaaliya kuma koobna qodobadan hoose oo kali waa ay kasii badnaan karaan laakiin waa inta laf-dhabarka u ah uu baahan in wax laga qabto waliba si degdeg:

– Nidaamka 4.5 waa asalka masuqmaasuqa
– Maamul xumo;
– Hunguri iyo nin jeclaysi;
– Isla xisaabtanka la’aan;
– Madaxdii oo u kala tartamayso yeelashada hanti badan; iyo
– Shaqo la’aanta jirta.

Musuqmaasuqu waa dhibaato guud ee caalamka qabo balse Soomaaliya ayay dhibaatada ugu badan haysataa. Qaarada Afrika waxaa ka jira musuq-maasuq aad u sarreeya, waxaana taasi ay saameyn xun ku yeelatay qaaradda. Waxaa la rumeysan yahay in heerka musuq-maasuqa Afrika uu hoos u dhici doono haddii fikradaha la qoray ee lagula dagaalamayo masuqmaasuqa lagu dhaqmo.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Maxamed Cusmaan Jawaari oo geeriyooday – Waa kumaa Barafisoor Jawaari?

Geerida barafirsoorka waxaa xaqiijiyay warbaahinta dowladda iyo qaar ka mid ah ehelladiisa, waxaana la sheegay in Jawaari muddooyinkii dambe uu xanuunsanaa, xanuunkaasna uu u geeriyooday.

Published

on

Barafisoor Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

Allah ha u naxariistee waxaa galabta magaalada Muqdisho ee caasimadda ummada Soomaaliyeed ku geeriyooday indheergaradkii, sharciyaqaankii, dowladyaqaankii iyo guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Barafisoor Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Geerida barafirsoorka waxaa xaqiijiyay warbaahinta dowladda iyo qaar ka mid ah ehelladiisa, waxaana la sheegay in Jawaari muddooyinkii dambe uu xanuunsanaa, xanuunkaasna uu u geeriyooday.

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee marxuumka uu ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qarankeena.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo dheer u soo shaqeynayey qarankeenna, dhaxal wanaagsanna uga tagay, isagoo door muuqda ka soo qaatay dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yirri madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo isna tacsi u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska iyo ehelka uu ka baxay Allaha u naxariistee barafisoor Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in qaranka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uu maanta ka baxay tiir aad muhiim ugu ahaa dowlad dhiska Soomaaliyeed.

Waxa uu ku tilmaamay Marxuum Jawaari in uu ahaa siyaasi waayo arag ah oo muddo ka badan 60 sano ka soo shaqeeyay dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ay ku gaamurtay maamul dowladnimo oo dhameystiran.

Waxa uu ahaa garayaqaan iyo siyaasi. Waxa uu soo noqday Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya, isagoo mar noqday ku simaha madaxweynaha bilihii Agoosto iyo Sebteember sanadkii 2012-kii.

Madaxweynihii horre ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida Jawaadi “Waxaan murugada geerida la qaybsanayaa, tacsi tiiraanyo lehna u dirayaa qoyska, qaraabada, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.” ayuu yirri Farmaajo.

Mid kamid ah xisbiyada siyaasadda Soomaaliya, Xisbiga Qaransoor ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Xisbiga Qaransoor wuxuu tacsi tiiraanyo lehna u dirayaa qoyska, qaraabada, dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Barafisoor Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Ummada Soomaaliyeed maanta waxaa ka baxay sharci-yaqaan iyo dowladyaqaankii ebad ee soo maray ummada Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa xeeldheere sharci oo xilal kala duwan ka soo qabtay laamaha dowladda tan iyo dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre, isaga oo guddoon ka noqday Baarlamaannadii 9-aad iyo 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisneyd 4.5, ayaa lagu yirri qoraal uu daabacay Xisbiga Qaransoor.

Hoggaamiyaha Xisbiga Qaransoor Cabdijabaar Sh. Axmed ayaa geerida Barafisoor Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ku tilmaamay in maanta ummada Soomaaliyeed uu ka baxay shaqsi aad muhiim ugu ahaa ummada iyo dowladnimada Soomaaliyeed. Barafisoor Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ahaa midka mid ah shaqsiyaadka ay ku yar yihiin bulshada Soomaaliyeed – asigoo oo kale waxaa la yiraahdaa mar la arag. Waxaana maanta ummada Soomaaliyeed ka baxay shaqsi aad muhiim ugu ahaa ummada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Asigoo intaasi raaciyey, marxuumku waxa uu inta badan noloshiisa usoo adeegayey shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ka soo qaatay dowlad dhiska dalkeenna. Waxa uu ahaa xeeldheere sharci oo xilal kala duwan ka soo qabtay laamaha dowladda tan iyo dowladdii dhexe ee dalkeenna, isaga oo guddoon ka noqday Baarlamaannadii 9-aad iyo 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Burburkii Soomaaliya ka hor, waxa uu xillal kala duwan ka soo qabtay xukumaddii Militariga ee Maxamed Siyaad Barre.

Waa kumaa Barafisoor Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari?

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar wuxuu dhashay taariikhda marka ay ahayd diseembar 7, 1945 asigoo ku dhashay Afgooye ee ku taalla Koonfur-bari Soomaaliya ee Gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya. Afgooye waa magaalada saddexaad ee ugu weyn dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Afgooye waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu qadiimsan dooxada Shabeellaha hoose, waxayna 30 KM dhanka waqooyi ka xigtaa magaalada Muqdisho.

Magaaladda uu ku dhashay barafisoorka, Afgooye waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu qadiimsan dooxada Shabeellaha hoose, waxayna 30 KM dhanka waqooyi ka xigtaa magaalada Muqdisho. Afgooye waa goobtii kuliyadii Lafoole, waa kuliyadii ugu horeysay ee waxbarasho ee Soomaaliya, lagana dhisay goobtii uu ka dhacay dagaalkii Lafoole 1896. Afgooye waxaa sidoo kale caan ku ah Istunka, oo sanad walba lagu xuso sanadka cusub ee jiinka webiga. Waxa ay xarun ganacsi u ahayd Boqortooyadii Silcis ee xilligii dhexe ee ka dibna waxa ay hoos tagtay xukunkii Ajuuraan. Dabayaaqadii qarnigii 17aad, Afgooye waxay noqotay caasimadda Suldaanidii Geledi.

Jawaari ayaa markii uu dhameystay waxbarashada dugsiga sare waxa uu shahaado dhanka sharciga ah ka qaatay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho. Jawaari waa uu ku hadlaa luqado badan. Af-soomaaliga ka sokow, wuxuu kaloo ku hadlaa af Carabi, Talyaani, Ingiriis iyo Noorwiiji.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar wuxuu dhashay taariikhda marka ay ahayd diseembar 7, 1945 asigoo ku dhashay Afgooye ee ku taalla Koonfur-bari Soomaaliya ee Gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya waxayna 30 KM dhanka waqooyi ka xigtaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Jawaari waa mid kamid ah qareennada ugu aqoonta badan qareenada Soomaaliyeed”

Dhanka siyaasadda, waxa uu wasiirkii gaadiidka ka soo qabtay dowladdii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, ka dibna waxa uu noqday wasiirka shaqada iyo ciyaaraha.

Kadib dagaalkii sokeeye ee qarxay 1991, Jawaari wuxuu u baxsaday Norway oo uu magangalyo ka helay. Ka dib wuxuu ku soo laabtay Soomaaliya 2000-meeyadii.

Jawaari waxaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha guddiga takhasuska leh ee loo xilsaaray dejinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, isagoo ka faa’ideysanaya khibradiisa khabiir dhanka sharciga ah isagoo ka barbar shaqeynayay saraakiisha Qaramada Midoobay. Dastuurka ayaa ugu dambeyntii la ansixiyay bishii Luulyo 2012.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Sanadkii 2012, Jawaari ayaa isu soo taagay inuu yahay musharrax doorashadii ugu horreysay ee guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ka dhacda muddo labaatan sano ah. Kalfadhigii Baarlamaanka ee Telefishinka iyo Raadiyaha oo 28-kii Agoosto 2012 ka dhacay Dugsiga Tababarka Booliska ee Jenenaal Kaahiye oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa Guddoomiye Jawaari waxa uu ka guulaystay afar musharax oo kale oo u tartamayey jagadaas, oo dhammaantood horay xilal dowladeed u soo qabtay.

Rajada laga qabay waxaa ka mid ahaa Cabdi Abshir Cabdullaahi, Cabdirashid Maxamed Xidig, Xassan Abshir Farax iyo Cali Khalif Galaydh, oo horey u soo noqday Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii KMG ahayd. Guddoomiye Jawaari ayaa wareegii koowaad ee doorashada helay 119 cod halka 77 cod uu helay Galeyr oo kaalinta labaad galay. Galeyr ayaa intaa ka dib isaga haray tartanka ka hor wareegii labaad ee wareegga labaad, waxaana uu u hambalyeeyay Jawaari oo markaas loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka.

Kulanka baarlamaanka kadib, Jawaari ayaa yiri:

“Waxaa sharaf ii ah in la ii doorto guddoomiyaha koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo aan ahayn KMG, waxaana rajeynayaa inaan noqono baarlamaan u adeega shacabka uu matalo, doorashadu waxay u dhacday si daah-furan, waxaana rajeynayaa in Soomaaliya ay sii socoto doorashooyin ku dhaca hab dimoqraadi ah. Waxaan ku kalsoonahay in baarlamaankan uu Soomaaliya ka caawin doono sidii ay u gaari lahayd isbedel wanaagsan oo dhanka amniga iyo dowladnimada ah”.

Wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka ayaa dhammaantood soo dhaweeyay magacaabista Guddoomiye Jawaari, iyagoo ka codsaday madaxda dowladda Soomaaliya in ay qabtaan doorashada madaxweynaha ee loo qorsheeyay in aysan dib u dhac ku imaan. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ee wakhtigaas James C. Swan ayaa ku tilmaamay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka mid “doorasho taariikhi ah”, iyadoo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga uu qoraal uu soo saaray ku sheegay in xilligan ay tahay horumar iyo rajo wanaagsan. Sidoo kale, Alex Rondos oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, ayaa ku tilmaamay doorashada Jawaari “tallaabo kale oo wanaagsan oo horay loo qaaday”.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Oktoober 2014, Jawaari iyo Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Ducaale Aadan Maxamed ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay sanad dugsiyeedka koowaad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Hay’addan ayaa la aas aasay sanadkii 1974-kii, balse markii dambe waxaa la xiray 1991-kii burburkii dowladdii dhexe ee dalka iyo billowgii dagaalladii sokeeye.

Ka dib waxaa dib loo dayactiray oo dib loo furay 2014 ka dib markii ay ansixiyeen qorshe dowladda federaalka ah ee Golaha Wasiirada. Guddoomiye Jawaari oo hadal ka jeediyay xafladda furitaanka jaamacadda ayaa tilmaamay in hay’addan ay tahay tiir ka mid ah tiirarkii waxbarashada qaranka oo uu xusay in ay ka soo baxeen arday badan oo xilal muhiim ah ka qaban doona dalka. Waxa uu sidoo kale kula dar daarmay ardayda cusub in ay ka faa’ideystaan ​​fursada ay heystaan, waxa uuna ku dhiiri galiyay in ay si firfircoon uga qeyb qaataan dadaalada dib u dhiska dalka ka dib. Maxamed ayaa isna ku nuux-nuuxsaday sida ay dowladda federaalka ah uga go’an tahay horumarinta tacliinta sare.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Xogta saraakiishii lagu dilay deegaanka Awdiinleh iyo degmada Bardaale

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta agga Bardaale qarax miino kula beegsatay kulanyadii ku jirtay howlgalka, ilaa 3 gaari ayaa la sheegay inay isku mar miinooyinku haleeleen, kuwaas oo goobta ku basbeelay, waxaana ku dhamaatay askar iyo saraakiil badan.

Published

on

Gaashaanle Maxamed Nuur

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Awdiinleh iyo degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaas oo lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Maxamed Nuur oo loo yaqiinay (Maxamed Dheere) iyo ciidamo kale oo la socdey.

Marxuumka ayaa hadda ahaa taliyahii guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka, waxaana xilliga la dilayay uu kasoo laabtay howlgal ka dhacay halkaasi.

Allaha u naxariistee Maxamed Dheere ayaa hoggaaminayay howlgallo waddo furis ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ka wadaan halkaasi, kuwaas oo uu ujeedkoodu yahay in la’isugu furo gobollada Baay, Balool iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac. Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa weli ku xoogan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro culus ka fuliya gobolladaas oo haatan ay howlgallo ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Muddooyinkaanba waxay dowladda Soomaaliya la kulmaysay iska caabin xooggan oo xagga Al-shabaab kaga imanaya sidoo kale ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, daraawiishta Galmudug iyo xoogaggii dib u xoreynta shacabka ayaa isaga baxay dhulkii ragga badan ay ku dhinteen ee laga xoreeyey Al-shabaab ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan degmooyinka Camaara iyo Bacaadweyne.

Xaaladdaan ayaa gilgishay halgankii dalka looga xoreynayey Khawaarijta oo ah ‘magaca ay dowladda federaalka Soomaaliya u taqaano’ Al-shabaab ee labada sano soo socday, waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa war ka soo saaray geerida Taliyihii guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo maanta lagu dilay qarax miino.

Gaashaanle Maxamed Nuur Sheegow (Mad Dheere), iyo saraakiisha kale oo la shahiiday ayaa maanta duhurkii lagu dilay inta u dhaxeysa degmooyinka Aw-diinle iyo Berdaale ee Koonfur Galbeed, xili ay ku jireen howlgal sifeyn ah.

“Qoyska, ehelada, Ciidanka Xoogga Dalka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaan uga tacsiyeynaynaa Geerida shahiid Maxamed Nuur Sheegow, Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad iyo saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee inaga shahiiday, waxaana Alle uga baryeynaa inuu Janadii Firdowso ka waraabiyo inta dhaawaca ahna uu alle caafiyo,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Allaha u naxariistee Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le Maxamed Nuur Sheegow iyo saraakiisha kale ee la socotay iyo guud ahaan naftood hurayaasha CXDS ee horay inooga Shahiiday waxa ay naftooda u hureen in Dalka, Dadka iyo Diinteenna suuban ay ka badbaadiyaan Cadowga Khawaarijta ah.

Guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor oo ahaa sarkaal ciidan iyo tiro kale oo saraakiil ah ayaa qaraxaas lagu laayey, sidoo kale askar badan ayaa geeriyootay maanta, in kalena dhaawacyo culus ayaa soo gaaray. Ciidankaan waxay ku jireen howlgal muddo 3 maalmood ah, waxayna ku howlanaayeen inay isku furaan wadooyinka ay Shabaab go’doomiyeen ee isaga kala goosha gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta agga Berdaale qarax miino kula beegsatay kulanyadii ku jirtay howlgalka, ilaa 3 gaari ayaa la sheegay inay isku mar miinooyinku haleeleen, kuwaas oo goobta ku basbeelay, waxaana ku dhamaatay askar iyo saraakiil badan.

Madaxweynaha K/Galbeed iyo guddoomiyaha golaha shacabka oo maanta war ka soo saaray dilka Taliyaha iyo saraakiisha kale ayaa uga tacsiyeyey dhamaan umadda Soomaaliyeed, geeridaan ayaa maanta aad u taabatay dadka Soomaaliyeed ee rajada weyn ka qaba in laga adkaado kooxaha argagixisada ah.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa beeniyey eedeynta Al-Shabaab ee dilkii dhaqaatiirta Kuubba

AFRICOM waxay sheegeen in qiimayn iyo dib u eegis kadib aan Maraykanku wax hawlgal ka samaynin waqtiga iyo meelaha la cayimay.

Published

on

SAWIRKA: Taliyaha xilka ka degaya ee Taliska Afrika ee Mareykanka Jeneral William Ward (2-aad) iyo Jeneral Carter Ham (Middig) ayaa ka qeyb qaadanaya munaasabadda beddelka taliska AFRICOM ee Sindelfingen ©Mandel Ngan-Pool / Sawirada Getty

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inaysan mas’uul ka ahayn dilka la sheegay in loo gaystay laba dhakhtar oo u dhashay Kuubba oo al-Shabab ay soo jeediyeen eedayn ah inay ku dhinteen duqayn uu gaystay Maraykanku 15-kii Febraayo ee sannadkan.

Taliska Maraykanka ee Afrika AFRICOM waxay qiimaynta saddexdii bilood ee u dambaysay ee ay sameeyeen ay ku xaqiijiyeen in duqayn ay ka gaysteen nawaaxiga Jilib 15-kii Febraayo, hase yeeshee waxay sheegeen in qiimaynta iyo dib u eegista ay sameeyeen kadib ay go’aamiyeen in duqaynta ay ciidamada Mataykanku gaysteen 15-kii Febraayo aysan sababanin wax dhimasho oo rayid ah.

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay inay dhammaystireen qiimaynta laba dhacdo oo kale oo kala dhacay Janaayo 25-keedii iyo Febraayo 22-keedii sannadkan, oo ka kala dhacay nawaaxiga Galhareeri iyo Kurtunwaarey, iyadoo loo jeediyey eedayn ah in duqaymaha Maraykanku gaysteen ay waxyeello kasoo gaartay rayid.

Maraykanku waxay sheegeen in qiimayn iyo dib u eegis kadib aan Maraykanku wax hawlgal ka samaynin waqtiga iyo meelaha la cayimay.

AFRICOM waxay sheegtay inuu jiro kiis furan oo weli qiimayntiisa ay wadaan, kaasi oo macluumaadkiisa lagu dari doono qiimaynta tan xigta. Labada dhakhtar oo la kala yiraa Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa Al-Shabaab ay kasoo afduubeen bishii April 2019-kii Waqooyi Bari Kenya.

Ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM

Joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Afrika, waxaa hogaaminaya ujeeddooyinkooda amniga qaranka iyo sidoo kale danahooda juqraafiga. Nabadgelyada Afrika waa qayb ka mid ah welwelka ballaaran ee amniga Mareykanka ee adduunka oo dhan. Kor u kaca Ruushka ee jaantuska amniga Afrika – gaar ahaan gobolka Galbeedka Afrika, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Liibiya, Saaxil. Intaa waxaa dheer, raadka Shiinaha ee Afrika, ugu horrayn ee horumarinta kaabayaasha iyo amniga, ayaa sidoo kale soo jiidatay dareenka Washington oo kor u qaaday muhiimadda iskaashiga milatari ee Afrika iyo Maraykanka.

Si arrintan wax looga qabto, Maraykanku waxa uu isku dayay in uu dib u qeexo xidhiidhka uu la leeyahay Afrika ee iskaashiga, waxana uu si aan kala go’ lahayn uga digayaa Afrika Ruushka iyo Shiinaha inay qaaradda awood ku yeeshaan.

Dhoolatuska militari ee wadajirka ah ee Afrika iyo Mareykanka ay ka wadaan bariga Afrika ayaa ah labo waji. Marka hore waa ‘Heshiiska Xaqa ah’ ee caafimaadka, isgaarsiinta, ama tababarka saadka. Labaad, “Leyliga Cutlass Express” waxaa loogu talagalay xoojinta amniga badda iyo horumarinta amniga qaranka iyo gobolka ee Bariga Afrika.

Wajiga koowaad waxaa martigeliyay ciidamada difaaca Kenya, waxaana inta badan laga soo qaadaa saldhiga ciidamada Ingiriiska ee Nanyuki ee dalka Kenya. Waxaa xusid mudan in askarta Ingiriiska ee saldhigan ka soo jeeda ay sanado badan ku lug lahaayeen tacadiyo ay ka mid yihiin dil ka dhacay deegaanada ku xeeran.

Bariga Afrika, ciidamada Mareykanka ee AFRICOM waxay ku faantaa “ka go’naanta qoto dheer ee nabad ilaalinta qaaradda, wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo kobcinta iskaashi waara oo lala yeesho ciidamada militariga ee gobolka.” Ilaa 1,000 shaqaale ah oo ka kala socda in ka badan 20 waddan oo ka socda gobolka Bariga Afrika ayaa ka qaybqaata tababarradan wadajirka ah, kuwaas oo u diyaarinaya hawlgallada Midowga Afrika (MA), iyo Qaramada Midoobay (QM).

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul