Connect with us

Akhri

Nabaad Guurka Dhirta “xaalufka dhirta”

Published

on

 


Sanadadii ugu danbaysay waxaa jiray xaaluf aad u xun kaasoo loo gaysanaayay deegaanka soomaaliyeed sida: Dhirta, badda iyo beerihii soomaliyeed oo caanka ku ahayd. Sida aan ka warhayno mudooyinkii danbe waxaa jiray dib udhac ku yimid wadankeena hooyo. Waxaana lajaray dhirtii soomaaliyeed iyadoo laga leeyahay ujeedooyin gaara. Waxaana ugu weyn ganacsiga iwm mida kale waxaa lagu bay dhirtii soomaaliyeed iyagoo la xaalufiyay gabi ahaanba dhirtaas.

Geedkaan saad ku aragto waxaa dab la saaray dhir meel ku taala, kadibna uu geedkii gabi ahaanba gubtay sida aad sawirkaan ku aragto. Balse kan waa geed keli ah, waxaa jira geedo ama kaymo ay ah oo ay gubaan dadka wax magaradka ah iyagoo dan ka lahayn gubashada geedaha iwm.

Geedkaan saad ku aragto waxaa dab la saaray dhir meel ku taala, kadibna uu geedkii gabi ahaanba gubtay sida aad sawirkaan ku aragto. Balse kan waa geed keli ah, waxaa jira geedo ama kaymo ay ah oo ay gubaan dadka wax magaradka ah iyagoo dan ka lahayn gubashada geedaha iwm.

Duulkaan waxay gubeen geedo aad ubadan oo hal meel kuwada yaal, waxaana halkaa ku basbeelay nooleyaal aad ubadan oo isugu jira dhir iyo cayayaan.

Xaalufka ugu daran ee soogaara dhirteena waa gubida dhuxusha iwm. Taasoo ah musiibo qaran oo asiibta deegaanka. Dhulka soomaaliyeed waa dhul leh khayraad aad ubadan oo ay ka mid yihiin dhirta iwm. Haddii dhirtana lagubo maxaa ku dhacaya noolayaasha ku tiirsan geedaha? Waxaa ku dhacaya in uu dabar go’o waayo haddaan dhirta ladaba qaban waxaa dhacaya masiibo ku dhacda bay’ada.

Dadka ayaa uguba geedka in ay ka helaan dhuxul taasoo ay ka helaan dhaqaale. Balse dad badan ayaa aaminsan in xitaa dhirta lagubayaa ay jiraan dad dano gaara leh ama dawlado ujeedooyin kale leh ay ku dadaalaan in ay xaalufiyaan dhulka soomaaliyeed iyagoo ka faa’idaysanaya dawlad la’aanta ka jirta dhulka soomaaliya.

Dhuxul (Charcoal) waa hadhaaga marka qidcad dhir ama xayawaan ka timid la gubo ka hor intaanay dambas noqon. Dhuxusha midabkeedu waa cowlaan madoow ah. Waana maxsuulka ka soo baxa marka alwaax ama qori la gubo ka dib la demiyo intaanu dambas noqon.

Heerkulka dabka lagu shidayo geedaha markuu gaadho 220C0 (428 °F) waxa soo baxa dhuxusha cowlan (Brown Charcoal). Haddii lagu sii wado dabka marka 280C0 (536 °F) wakhti ka dib waxaa soo baxa dhuxusha Madow (Black Charcoal). Ugu dambayn haddii 310C0  la gaadhsiiyo waxaa soo baxa dhuxusha Jilicsan.

Dhuxushu waxay ka samaysan tahay kaarboon qalalan oo wax biyo lahayn. Sababtoo ah kulka dabka lagu shiday qoryaha dhuxushu ka timid ayaa ka uumi bixiya biyaha.

Dhuxusha waxay ka mid tahay waxyaabaha qadiimiga ah ee dadku isticmaali jirey tan iyo qarniyo hore. Guud ahaan, dhuxusha waxaa loo isticmaalaa in laga sameeyo dab wax lagu karsado ama laga helo kuleyl. Maadaama dhuxushu ka timaado geedaha, waxay halis iyo khatar badan ku heeysaa jiritaanka dhirta. Si loo helo jawaan dhuxul ah waxaa la jaraa labo ama saddex geed, taas oo keenaysa in dhirtu si dhakhso badan u tafiir go’do.

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sidda wacyigelinta bulshada, dhiirogelinta da’yarta, jaceylka iyo dadka tabaalaysan. Dhinaca kale qoraaga ayaa wax ka qora ganacsiga, siyaasadda, dhaqanka, kheyraadka dalka, Afsoomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska iyo taariikhaha dalka. Qoraa Maxamuud ayaa marwalbo u taagan siddii uu geed-dheer iyo geed-gaabanba ugu fuulilahaa siddii uu usoonoolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd umadda Soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Xiddigga fanka Soomaaliyeed ee Aar Maanta wuxuu ka caawiyaa carruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis inay ogaadaan dhaxalkooda

Published

on


Xiddiga fanka fanaaniinta Soomaaliyeed ee Aar Maanta wuxuu ka caawiya carruurta Soomaaliyeed ee deggan degmo ka tirsan magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka oo loo yaqaan “Muqdisho yar oo ku taal Mississippi” si ay u bartaan luuqadda iyo dhaqanka dalkooda hooyo.

Aar Maanta, oo caadiyan fadhigiisu yahay magaaladda London, wuxuu arkay baahi degdeg ah oo loo qabo in afka Soomaaliga la geliyo nolosha carruurta, oo qaarkood ay ku dhasheen Mareykanka oo aysan ku hadli karin afkooda hooyo.

“Markii uu wiilkaygu dhashay waxaan raadineynay luuqada Soomaaliga waxaana ogaanay inay tahay wax aan la heli karin. Waxa kaliya ee aan haystay waxay ahaayeen xusuusteyda,” ayuu yiri. “Taasi waxay ahayd dhimbiilkii mashruucan.”

Erayada qaarkood waxaa qorey carruurta Soomaaliyeed oo qaarkood ay da’doodu tahay siddeed jir. – Carruurtan ayaa ku nool xaafadda Cedar -Riverside ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka – oo ah deegaan ay ku nool yihiin Soomaali aad u badan.

Heesahooda ayaa la sii daayay bishan waxa lagu tilmaamay “albumkii carruurta iyo af Soomaaliga ee ugu horreeyey ee ku baxa muusigga adduunka”.

Fanaanka Xasan Nuur oo loo yaqaano “Aar Maanta” oo horkacayay caruurtii Bandhigfaneedka la la wadday, ayaa VOA u sheegay in ujeedada soo badhigista albumkan ay ugu wayntahay in caruurta la dhiirigaliyo, afkooda iyo dhaqankooda la jecleysiiyo.

Xarutna Cedar Cultural inkasta oo ay ku caanbaxday soo bandhigista bandhigfaneedyo ay fanaaniin Soomaaliyeed garwadeeno ka yihiin, hadana waa markii ugu horeysay ee ay Soo bandhigaan heeso iyo suugaan u gooni ah ubadka Soomaaliyeed. Soomaalida suugaan ku noosha ah ee aan ka baaqan badhigfaneedyadooda waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Mukhtaar oo arrimaha dhalinyarada ka shaqeeya, xalayna ay uga duwanayd habeennadii kale ee uu goobtan imaan jiray.

Albumkaan ‘ubadkaa mudnaan leh’ ayaa noqonayaa Albumkii ugu horeeyay ee nuuciisa ah ee caruurta loo sameeyo, laftooduna ay ka qeybqaadanayaan. Heesta halkudhigga u ah albumka iyo dhowr kaleba, waxaa hal abuuray Pro. Siciid Saalax Axmed oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota. Waxa uuna ii sheegay in isaga iyo fanaanka Aar Maanta ay sii wadi doonaan barnaamijyada sare loogu qaadayo fahamka caruurta ee afkooda iyo cidda ay yihiin.

Waa Caruur Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Minneapolis oo ah halka ay deggan yihiin Soomaalida ugu badan ee gobalka Minnesota. Waxa ay la heesayaan fanaanka Xasan Nuur “Aar maanta” oo habeenkii xalay ahaa Xarunta Cedar Caltural ku daah furay albam cusub oo magaciisu yahay Ubadkaa mudnaanta leh.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay bandhigfaneedkaan mid waaliddiinta u furaya wadadii ubadkood ku hagi lahayd barashada afkooda, oo caruurta qurbaha ku koreysa uu dhib badanka heysto. Xalwo xuseen waa habeenkii ugu horeeyay ee ay xarunta Cedar Caltural Centar u timaaddo bandhigfaneed. – Xalwo Xuseen

Kala soocidda jiilka Soomaaliyeed

Mid ka mid ah arrimaha muhiimka ah ee uu Aar Maanta doonayay inuu wax ka qabto ayaa ah “kala goynta jiilasha – waalidiinta ku dhashay Soomaaliya iyo carruurtooda ku nool Mareykanka, halkaas oo aysan ahayn cimilada oo kaliya qabow, laakiin sidoo kale dabeecadaha ku wajahan bulshada Soomaaliyeed”.

Heesahu waxay aad ugu ku saabsan yihiin waalidiinta, gaar ahaan hooyooyinka, qaarkood oo nimankoodu muddo dheer ka tageen.

Waxay ku saabsan yihiin safarro “Laga soo bilaabo Geeska [Afrika] ilaa Cedar”, waxay tilmaamayaan sida, Soomaaliya, “gacan ku dhiiglayaashu ugu dabaalanayaan barkadaha gumaadka”, waxayna si kalgacal leh uga hadlaan dhismayaasha dhaadheer ee Cedar Riverside, “. – Faadumo Jamiila Biixi

Marwo Biixi ayaa sheegtay in hannaanka samaynta albumku uu gacan ka geystay isku xidhnaanta jiilalkii kala duwanaa iyadoo fursad loo siinayo dhallinyarada inay shabaddooda ku dhejiyaan Soomaalinimadooda.

“Odayaashu waxay rumeysan yihiin inaan ilownay afkeenna, dhaqankeenna iyo taariikhdeenna.”

“Abuuritaanka heesahan waxay naga caawisay inaan la xiriirno dhaxalkayaga iyo awoowayaasheen, iyadoo noo oggolaaneysa inaan sameyno wax u gaar ah oo cusub, si aan u sameyno nooca aan u leenahay waxa ay tahay Soomaalinimada.” – Faadumo Jamiila Biixi, Mid kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku nool Minneapolis

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Wax ka baro taariikhda Aabihii aasaasay Zaambiya, Madaxweyne Kenneth Kaunda oo geeriyooday isagoo jira 97

Madaxweynihii hore ee Zaambiya ahna hogaamiyihii xorriyadda Kenneth Kaunda ayaa ku dhintay da’da 97.

Published

on


Geeridiisa waxaa xaqiijiyay madaxweynaha haatan ee Zaambiya Edgar Chagwa Lungu, oo ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook khamiistii: “Waxaan ku ogaaday geeridaada galabnimo murugo weyn”

“Aniga oo ku hadlaya magaca qaranka oo dhan iyo magacayga waxaan ka baryayaa in dhamaan qoyska Kaunda la qalbi qaboojiyo iyada oo loo baroor diiqayo Madaxweynaheena Koowaad iyo halyeeyga runta ah ee Afrika,” Madaxweynaha ayaa intaas ku daray.

Kaunda waxaa looga daweynayay xanuun aan la shaacin ee isbitaalka militariga oo ku yaala caasimada Lusaka, xafiiska Lungu ayaa ku sheegay war saxaafadeed Isniintii. Xafiiskiisa ayaa u sheegay Reuters maalintii Talaadada in laga daweynayo oof wareen.

Kaunda wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Zaambiyya ka dib markii waddanka koonfurta Afrika uu xorriyadda ka qaatay Ingiriiska. Wuxuu xukunka hayey intii u dhaxeysay 1964 ilaa 1991 waxaana lagu yaqaanaa inuu ka mid yahay kooxaha waa weyn ee dagaalka kula jira qaarada.

Kaneth Kuanda ayaa la sheegaa inuu xirriir aad u wanaagsan la lahaa Soomaaliya, isla markaana uu booqday. Kaunda waxaa lagu xurmeeyaa halgankiisii xorriyadda Zaambiya, oo xorriyadda ka raadisay xukunkii caddaanka laga tirada badan yahay ee 1950-meeyadii.

Horraantii 1960-meeyadii, Kaunda wuxuu ku biiray siyaasad firfircoon waxyar kadib markii xabsiga laga sii daayay, isagoo noqday hoggaamiyaha xisbiga cusub ee xorriyadda qaran ee midoobay (UNIP). Kaneth Kuanda ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay diblomaasiyada Gobolka, oo si dhow ula shaqeyneysa Mareykanka si loo helo xalka dhibaatooyinka isku dhacyada ee Rhodesia, Angola iyo Namiibiya. laga soo bilaabo 1972-kii ilaa 1991kii Zaambiya waxay aheyd hal wadan oo qeyb Ka ah UNIP ayadoo xisbiyada kale ay hoos u dhigeen “One Zaambiya, One nation.” Kaneth Kuanda wuxuu ku guuleystay Fredrick Chiluba oo ka tirsan dhaqdhaqaaaqa dimuqraadiyada ee dhinacyada kala duwan ee dimuqraadiiga ah.

Sanadka markuu ahaa 1991-kii, wuxuu bilaabay kobcinta bulsho-dhaqqale iyo baahinta xukunka dowlada.

Noloshiisii hore,

Kaunda aabihiis, oo ka soo jeeda Nyasaland (hadda Malawi), wuxuu ahaa macallin iskuul; hooyadiis, oo waliba macallin ahayd, waxay ahayd haweeneydii ugu horreysay ee Afrikaan ah ee wax ka dhigta gumeysigii Zaambiya. Labaduba waxay wax ku barteen qowmiyada Bemba ee waqooyiga Zaambiya, halkaas Kaunda oo yar uu ku helay waxbarashadiisii hore, isagoo dhameeyay dugsiga sare horaantii 1940s. Sida dadka Afrikaanka ah ee intooda badan gumaystaha Zaambiya ee gaadhay heer dabaqad dhexe ah, wuxuu sidoo kale bilaabay inuu dad wax baro, marka hore gumaysigii Zaambiya iyo badhtamihii 1940-yadii Tanganyika (hadda Tansaaniya).

Caasimada Zaambiya

Lusaka waa caasimada iyo magaalada ugu weyn ee Zaambiya. Waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu dhaqsiyaha badan ee soo koraya koonfurta Afrika. Lusaka waxay ku taal qaybta koonfureed ee plateau-dhexe meel sare oo qiyaastii ah 1,279 mitir. Laga soo bilaabo 2019, dadka ku nool magaalada waxay ahaayeen qiyaastii 3.3 milyan, halka dadka ku dhaqan magaalooyinka lagu qiyaaso 2.5 milyan sanadka 2018.

Lusaka waa xarunta ganacsiga iyo dowladda labadaba ee Zaambiya waxayna isku xirtaa afarta jid ee waaweyn ee dalka ee aada waqooyiga, koonfurta, bariga iyo galbeed. Ingiriisigu waa luuqadda rasmiga ah ee maamulka magaalada, halka Nyanja iyo Bemba ay yihiin luuqadaha waddooyinka inta badan looga hadlo.

Kaunda – oo caan ku ah magaca KK – wuxuu si weyn u taageeray dadaalada lagu joojinayo midab kala sooca Koonfur Afrika. Wuxuu sidoo kale ahaa hogaamiye taageersan dhaqdhaqaaqyadii xoreynta ee Mozambique iyo kan hada loo yaqaan Zimbabwe.

Noloshii dambe Kaunda wuxuu u weecday la dagaalanka HIV ka dib markii mid ka mid ah wiilashiisa, Masuzyo, uu u dhintay cudur la xiriira Aids-ka. “Waxaan la dagaalanay gumaysiga. Waa inaan hada u isticmaalnaa xamaasad la mid ah la dagaalanka Aids, oo ku hanjabay inuu ka tirtirayo Afrika,” ayuu u sheegay Reuters 2002.

Kenneth Kaunda, Siyaasadiisa dhaxal galka leh

Siyaasadda arrimaha dibedda, Kenneth Kaunda wuxuu caawimaad xagga saadka ah siisay dhaqdhaqaaqyada kale ee xoraynta Afrika, oo ay ku jiraan Zimbabwe African People’s Union (ZAPU) iyo jabkii kala baxay Midowga Afrika ee Zimbabwe African National (ZANU) ee Koonfurta Rhodesia iyo African National Congress (ANC) ee Koonfur Afrika. ANC Radio Freedom ayaa loo ogolaaday inay ka tabiyaan Lusaka waxayna ku hoos jirtay ilaalinta Kaunda in ANC ay sameysay halgan hubaysan, ka dibna mid diblomaasiyadeed oo ka dhan ah midab kala sooca. Zaambiya waxay sidoo kale ka caawisay Zimbabwe inay xornimadeeda ka qaadato xukunkii cadaanka tirada yar ee 1980.

Laakiin intii uu xukunka hayay, Zqambiya waxay noqotay dowlad hal xisbi ka kooban – taasoo si hufan u siisay isaga xukun buuxa. Kaunda wuxuu mamnuucay mucaaradka siyaasadeed 1973. Waxaa lagu qasbay inuu ka laabto go’aankan 1991 sababo la xiriira cadaadis caan ah oo ay kicisay cunno yarida aasaasiga ah iyo sidoo kale cadaadiska caalamiga ah ee sii kordhaya ee dimuqraadiyada weyn ee Afrika.

Wuxuu ka dhacay xukunka markii ay soo ifbaxday dimuqraadiyadda xisbiyada badan. Sanadkii 1991, waxaa looga adkaaday doorashadii madaxtinimada Fredrick Chiluba oo ka socday xisbiga Movement for Multiparty Democracy (MMD) ka dib olole adag oo uu ku tartamay. Kaunda wuxuu aqbalay guuldaradii isagoo ruxaya astaantiisa astaan gacmeedka cad.

Kaunda ayaa sii waday ku lug lahaanshiyaha siyaasada qaranka sanadkii 1996-dii wuxuu isku dayay inuu u tartamo madaxtinimada. Sikastaba, dowlada Chiluba ayaa bedeshay dastuurka si qofkasta oo waalidkiis ay ka yimaadaan dibada wadanka loo arko ajnabi sidaa darteedna uusan u tartami karin xafiiska.

Chiluba ayaa markii dambe isku dayay inuu masaafuriyo Kaunda isagoo ku eedeeyay inuu yahay Malawi. Sannadkii 1997, Chiluba ayaa Kaunda ku tuuray jeel maalinta Kirismaska iyadoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa isku day afgembi ee dhicisoobay.

Sannadkii 1999-kii, xilligii uu xukumayay Chiluba, wuxuu ku dhawaaqay dal-la’aan Maxkamad Sare ee Zaambiya, laakiin wuxuu ka horyimid go’aankan Maxkamadda Sare ee Zaambiya, oo ku caddeysay inuu yahay muwaadin Zaambiya ah sannadka soo socda.

Guud ahaan qaaradda Afrika, waddooyin badan, dhismayaal iyo garoomo diyaaradeed ayaa loogu magac daray isaga. Xitaa markii uu duqoobay, wuxuu si isdaba joog ah codkiisa ugaga hadlay fagaarayaasha isaga oo ka soo horjeeda cadaalad darrada la aaminsan yahay iyo sidoo kale cadaadiska dadka laga tirada badan yahay.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Aragtida Indheergaradka

Turkiga meesha laga keeney iyo Sacuudi Carabiya meesha Loo wado!

Maqaalkan waxa ugu talagalay in qaab elektronik ah u baahiyo sidaas darted qofkasta oo u baahan inuu daabacdo maqaalkan wuu daabacan karaa isaga oo illaalinaya lahaanshaha maqaalka. Diyaarintii iyo Qallinkii Cabdiraxman Maxamed Aaden. – Illaahay swc Bey mahad u sugnaatay, kagadaalna Nabigeenna NNKH.

Published

on


Waxaan maqaalkan uga hadlayaa isbadalada ka socda qaar kamid ah wadamada islaamka gaar ahaan labbo wadan oo kamid ah wadamada ugu tunka weyn wadamada islaamka waaana, Turkiga iyo Sacuudi Carabiya. Waxaan labadaa wadan usoo qaatay waa labbo wadan oo sidaan soo sheegey Muraayad u ah Islaamka iyo Taariikh ahaanba huwan Diinta islaamka.

Sidoo kale xogtaan waxa ay ku koobantahay qarnigii tagay iyo kan lagu jiro oo kaliya iyo wadan waliba suu ahaa. Inagoo kusaleyneyna isbadaladaas qoddobada soo socda

· Hormarinta dhinaca dacwada Diinta Islaamka

· Hormarinta iyo garab qabashada Wadmada Islaamka

· Iyo hiigsiga mid waliba hiigsanayo Siduu noqon lahaa marka lafiiriyo Arrimaha la xiriira islaamka iyo guud ahaan caalamul islaami.

Hadaba kusoo dhawaada mowduuceena, Aan ku horeysiiyo Turkiga

Turkigu waxa uu ahaa xaruntii ay ku shaqeyn jirtay dowladii Cusmaaniyiinta ee  u dambeysay Khilaafooyinkii islaamka soo marey. Tukigu waxa uu ahaa markaskii (xaruntii) u dambeysay ee uu ka taliyo taliska guud ee islaamka. Hadaba Turkigii ceynkaas ahaa awwoodiisii waa ay daciiftay bilowgii Qarnigii 18aad. Gaaladu waxa ay isku deydey inay inqilaabto Turkiga, dabcan weyna inqilaabtay.

1924 Mustafe Kamaal Ataaturki ayaa aasaay  jamhuuriyada Turkiga. Reer galbeedku balan bey la galeen oo ahayd inaan dib dambe loo maqal khilaafo islaamiya ah iyo in shareecada islaamka la tirtiro, in lagu shaqeeyo Qaanuunka reer galbeedka Iwm. 1925 waxa uu soo saaray qaanuun mamnuucaya shacaa’irta islaamka sida:

· Gabadhu iney xijaabato

· Cimaamada madaxa lasaarto

· Salaanta Muslimiinta isku salaaman

Sidoo kale 1928 waxa uu mamnuucay:

· In shareecada islaamka labarto

· In afka Carabiga lagu adimo

· Raga iyo dumarka iney dhaxalka kasimanyihiin, Iwm.

Sidaas waxa ay kujireen muddo dheer 20 iyo dhowr sano mamnuuc bey ahayd in qof turki ah Xajka aado. Masaajidka ugu weynaa Turkiga waxaa loobadalay madxaf dadku ay booqdaan. Intaas kadib nin la yiraahdo Cadnaan Madri oo reysal wasaare ka noqday dalkaas oo hoggaaminayey xisbul Cadaala, markasuu isagoo loolan doorasho kujira ayaa diyaarad raacay kadib ayaa Beyloodkii u sheegey iney isdiyaariyaan oo ay diyaaradu dhacayso cilad jirta owgeed.

Cadnaan balan buu Illaahay ka qaaday hadduu uu Illaahay ka badbaadiyo shilkaan oo uu mar hoggaanka Turkiga qabto inuu kuceliyo islaamnimada kadib Illaahay swc kaligiis ayuu nabad galiyey intii kalana wey halaagsantay, shacabka Turkiguna waxay kujireen nolol adag waxeyna u heelanaayeen qof mar qura ka sheekeeya islaamka, dabadeed shacabkii doorashadii coddeeyey waxay u coddeeyeen Cadnaan Madri, wuuna ku guuleystay doorashadii, kadib waxa uu shacabkiisa u sheegey haddii ay dhalato bisha Ramadaan in Gabi ahaanba lagu adimo Afka Carabiga, shacabkiina  aadbey  ugu  riyaaqeen Arinkaas, reer galbeedku aad bey arintaas uga xumaadeen dal ay soo tababa bareen oo  cilmaaniyada bareen inuu xuub siibto wey ka xumaayeen.

Hadaba saas oo ay tahayba Turkiga maanta ma ahan kii hore waa mid kudhisan jaceyl diineed, iyo difaacida dadka muslimka ah, hadda hadaan wax idinkaga taabto Turkiga wuxuu maanta minjaraha u’hayo madexweyne Erdogan waa mid ku faana islaanimadiisa dalkiisa iyo dadkiisaba, Diin jaceyl ku haga. Sidoo kale waa,

· Mid kashaqeeyey sidii ay Turkiga noqon lahaa dal hormuud u ah islaamka

· Sidii loo mideyn lahaa dalalka islaamka oo la is walaalshado

·  Sidii Diinta loo difaaci lahaa loogana soo horjeedsan lahaa islaam naceybka

· Difaacida dadka muslimiinta ee daafaha Adduunka ku dhaqan haddey soo wajahdo dhibaato.

· Turkigu inta badan madexdooda waxaa ka maqalnaa war na farxad galiya sida masjid horey  madxaf u ahaa baa la furey iwm.

· Udoodida qadiyadaha islaaamka sida arrinta walaalaheen reer Falastiin

· Ugudambeyntii Turkiga waa wadan koraya dhaqaala ahaa, ku dhaqanka iyo  barashada diinta iyo dhiirogalintaba waxaan oran karnaa waa horey usocod.

GETTY IMAGES. Dhismaha wuxuu hadda yahay midka ay booqdaan dalxiiseyaasha ugu badan ee Turkiga taga. Madxafka caanka ah ee Hagia Sophia oo ku yaal magaalada Istanbul ayaa markale loo bedalay masjid, kadib go’aan uu gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Dhanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya aan u jaleecno

Waa dal ku yaal galbeedka Aasiya oo ka kooban qaybta jasiiradda Carabta. Sacuudi Carabiya ayaa ah gobolka ugu weyn ee madaxa bannaan ee Bariga Dhexe, oo ah juqraafi ahaana kan shannaad ee ugu weyn Aasiya, tan labaad ee dunida Carabta ka dib Aljeeriya iyo 12aad ee adduunka ugu weyn. Sacuudi Carabiya ayaa xuddun u ah Jordan iyo Ciraaq waqooyi, Kuwayt ilaa waqooyi bari, Qadar, Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta xagga bari, Cumaan ilaa koonfur iyo Yemen xagga koonfureed. Waxaa laga soocay Israa’iil iyo Masar Gacanka. Waa waddanka keliya ee leh xeebta Badda Cas iyo xeebta Gacanka, oo badi dhulkeeda waxay ka kooban tahay lama degaan, dhul hoose iyo buuro.

Sacuudi Carabiya waa dhaqaalaha ugu weyn ee Bariga Dhexe illaa Oktoobar 2018 iyo 18aad ee adduunka ugu weyn. Sacuudi Carabiya waa wadan muslim ah oo laga soo saaray Nabigeena Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa ha ahaato, waa wadan ay ku yaalaan Goobo Nagu weyn haddaan nahay islaam, waxaa kuyaala xaramka.

Waa wadan Islaamku wada illaalsado maadaama uu yahay xaruntii islaamka waa mid nagu khasban inaanu Illaalino sharafta iyo karaamada Sacuudi Carabiya. Hadda Sacuudi Carabiya (dhulka hadda la isku yiraahdo Sacuudi Carabiya ayaan ka hadlayaa) waa wadan taariikh soo maray  oo marxalado kala duwan soo arkay, waa waddan xudun u haa Fatuuxaad badan.

Hadaba ma doonayo inaan ka hadlo taariikhdii ay soo martay Sacuudi Carabiya balse xog yar oo kooban oo kusaabsan ayaan iftiimineynaa ee ila soco. Sacuudi Carabiya mucaasirka ahaa waxa uu ahaa,

· Wadan ku dhaqma Diinta islaamka iskuna xukuma, dhammaan shacaa’irta islaamka ahna ilaaliya oo dhowra.

· Wadan lagu barto shareecada islaamka, wadamada islaamkana ka saacida xaga faafinta dacwada islaamka

· Waxa uu ahaa wadan xudun u ah mabda ah Salafiga.

· Waxa uu ahaa wadan mar waliba isku arka kan ugu sareeya marka laga hadlaayo wax yaabaha ku saabsan Islaamka.

· Waxa uu ahaa wadan ka qeyb qaata caawinta dadka tabaaleysan ee ku dhaqan wadamada danyarta ah ee islaamka.

· Waxa uu siin jiray Waxbarasho lacag la’aan ah ardeyda islaamka ah ee daafaha dunida kala joogta.

· Waxa uu ka qeyb qaadan jirey hormarada wadamada faqriga ah, Iwm

Hadaba ayaamahaan warar aan fiicneyn baa kasoo baxaya aan dhagaha islaamka u fiineyn, taasoo maqaamkiisii hoos udhigeysa iyo sumcadii islaamku uhayeen hoos udhigeysa, micnaheeduna ma’ahan in wanaaggii Sacuudiga oo burburay ee aan qaarkood soo sheegnay balse waa loobaqayaa.

Waxaa inta uu yimid wiilkan dhaxal sugahaa ah ee Maxamed binu Salmaan inta laga dhigey dhaxal sugaha waxa uu la soo ban baxay dagaal uu kuhaayo kudhaqankii shareecada islaamka isagoo ay marwaliba kasoo daahirayaan waxyaabo aan lagu farxin.

Arrimihii u dambeyey oo uu sameeyey haddaan wax kataabano waxaa kamid ah

– Inuu furey meelo lagu ciyaaro iyo goobo  koob-ka-ciyaar lagu sameeyo

– In ikhtilaadkii (isdhexgalka raga iyo dumarka ajanabiga kala ah) ay iskumeel lagu qoobka ciyaarayo.

– Inuu hoos u dhigey dacwadii hay’ada Fariqada kheyrka iyo kareebida munkarka ee ka shaqeyn jirtay Sacuudi Carabiya.

– In xittaa uu bedelay boor ku dhaganaa wadada aada Medina Al-munawara oo ku qorneyd ‘Waxaa gali kara dadka muslimka oo dowladiisu fujisay loona bedelay aaga xaramka.

– In la sameeyey xarumo shaneemooyin oo la iskugu yimaado.

– Inuu mamnuucay in makarafoonka Salaadda kor loo qaado oo ay diideen in banaanka laga maqlo Quraanka Salaada marka la tukanayo.

– In ay ku dadaleyso in wadanka laga dhigo wadan loosoo dalxiis tago, dabcan waxa ka dhalan karana waad dareemi karnaa.

– In culumadii laftirkoodii wax isbida Ciqaab la kulmayo

– In Qadiyadihii Islaamka ee guud aad moodid inuu ka xuub-siibanayo Sacuudi Carabiya, xittaa markaan looga baqayo afka inuu juuqda xittaa ka gabo iyo arrimo kaloo badan.

Hadaba arrinkaas dib u socodka ee wadanka ugu sharafta badan arlada ay maamulka haya ku dhaqmayaan waa arrin nawada saameyneysa oo loo bahanyahay in loo duceeyo.

Ujeedadeyduna waxa ay ahayd bal inaad ila aragtiin halka Turkiga laga keeney iyo halka loowado, sidoo kalana halka Sacuudiga joogi jirey iyo halka loo wado inaan arragno. Hadaba waxaa muhiim ah arrimaahaas oo dhan in si fiican loo darso adduunyada aan maanta ku noolnahay iyo isbadalada ka socda inaan la socono waa muhiim. Xillaga lagu jiro oo ah xilli adag waxaa muhiim ah inaan Diinteena gows dambeedka ku qabsano oo ku dhaqankeedana ku dadaalno lana isku soo duceeyo in Illlaahay mideeyo umadeena islaamka.

Illaahay iimaanka hanagu sugo, Khaatumadana Allaha noo wanaajiyo.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Waa maxay Farqiga u dhaxeeya Mucaaradnimada iyo qaran-dumisnimada?

Markii aan ogaaday dhalinyarada Soomaaliyeed inay kala garan la’yihiin cida qaranka duminayso iyo mucaaradnimada waxa ay tahay, ayaan waxaan go’aansaday inaan qoraalkaan soo saaro.

Published

on

Sawirkaan wuxuu muujinayaa rashadaha siyaasadeed ama siyaasad-xumada waxyaabaha ka dhalan kara.
Sawirkaan wuxuu muujinayaa rashadaha siyaasadeed ama siyaasad-xumada waxyaabaha ka dhalan kara.

Soomaaliya uma baahno rag xoog leh laakiin waxay u baahan tahay hay’addo dowladeed oo adag. In kasta oo baahi weyn loo qabo hoggaan waxqabad leh, haddana Soomaaliya waxay u baahan tahay hay’ado madax-bannaan oo cabsi gelin kara masuuliyiinta dalka xukuma. Haddii aan la helin hay’ado hagaagsan, Soomaaliya waxay ku hungoobi doontaa gacanta hoggaamiyayaal is-xilqaamay oo aan ixtiraamayn xukunka sharciga iyo dadka.

Qoraalkaan waxaan ku qaada dhigayaa farqiga u dhaxeeyo mucaaradnimada iyo qarandumisnimada, waxaana ku qaada dhigayaa qodobada aan isleeyahay waa muhiim in dadkaaga ay wax ka ogadaan.

Waa maxay Mucaaradnimada?

Siyaasadda, mucaarad wuxuu ka kooban yihiin hal ama in ka badan xisbiyo siyaasadeed ama kooxo kale oo abaabulan oo ka soo horjeedda, ugu horrayn feker ahaan dowladda, xisbi ama koox gacanta ku haysa siyaasada dalka, gobol, ama hay’ad kale oo siyaasadeed. Heerka mucaaradka wuu ku kala duwan yahay hadba xaaladaha siyaasadeed. Tusaale ahaan, nidaamyada kali talisnimada iyo kuwa xorta ah, mucaaradnimada waa la kala horreeyn karaa.

Xisbiyada mucaaradka, ama dadka mucaaradka ku ah dowlad dal ka talisa waa dad xambaarsan afkaar, mabaadii, aragtiyo siyaasadeed. Waa dad xambaarsan mabaadii iyo aragtiyo si bulshadooda ugu badbaadiyaan abaaraha soo noqnoqda, ka shaqeeya sidii ay ugu xorroobi lahayeen deeqaha beesha caalamka, ka faa’idaysta wax soo saarka dalkooda iyo awooda dhalinyarada Soomaaliyeed, dhisida ciidan xoog leh oo ku dhisan mabaadiida qarannimada iyo anshax wanaaga.

Maamulka Ganacsiga Caalamiga – Koorso shahaado leh. Koorsadaan waxa bixinaysa jaamacada Unigovec - The University of Government and Economics, 100% waa Online, Qiimahana waa 15$ oo kali, waxayna soconaysaa 35 maalmood. Guji Sawirka

Doorka ugu weyn ee Mucaaridku waa inay wax weydiyaan dowladda markaas jirto oo ay kula xisaabtamaan shacabka. Waxaa laga yaabaa inay jiraan muuqaalo macno leh, sida akhristayaasha ay u arki karaan markay ka fekerayaan aragtida doorka hoggaamiyaasha mucaaradka Soomaaliya.

Xisbiyada mucaaradka waxay lahaan karaan aragtiyo saameyn ku yeelan kara natiijooyinka ka dhalan kara hab-dhaqankooda. Sidoo kale qaabka ay u wada shaqeeyaan axsaabta mucaaradka ayaa saameyn ku yeelan kara xassilooni-darada dal – haddii ay ku guuleystaan wada shaqeynta iyo dhismaha “nidaamka siyaasadeed oo xassilooni ku dhisan” waxaa kor-u-kaca fursadaha ay ku ridayaan dowladda.

La xisaabtanka Xukuumadda

Aqoonyahan Dr. Brash wuxuu leeyahay mid ka mid ah shaqooyinka ugu muhiimsan ee Mucaaradku waa inay si joogto ah wax u waydiiyaan Dowlada. “Dowlad kasta waa inay la xisaabtanto shacabka markasta, Mucaaradka wanaagsanna wuxuu tooshka ku ifiyaa arrimaha culus si deg deg ahna waa loo xallin karaa”.

Wuxuu yirri “Mucaaradka firfircoon wuxuu si adag uga doodaa sharci dejinta Golaha iyo inta lagu gudajiro hawsha Guddiga Xulista si loo hubiyo in sharcigu helo tixgelin taxaddar leh.”

Dr. Brash wuxuu leeyahay ka mid noqoshada Mucaaradka kuma koobna oo kaliya inaad mucaaraddo Dowlada. “Waxaa jira mararka qaarkood oo Mucaaradku ku raacaan Xukuumadda. Haddii xalka ay Xukuumaddu soo jeedisay uu leeyahay taageero ballaaran, oo si qumman u dhisan, markaa waa iska caadi in Mucaaradku oggolaadaan “

Hogaaminta Mucaaradka

“Xisbiyada mucaaradka ma haystaan ilo isku mid ah sida Dowladda iyo Fulinta, marka waa inay u shaqeyaan laba jibbaar si ay u helaan natiijooyin isku mid ah”, ayuu yiri Dr. Brash.

Dawladdu waxay marin u leedahay waaxaha dawladda iyo la taliyayaasha si ay u dejiyaan siyaasaddooda, halkaasoo Mucaaridku inta badan ku khasban yihiin inay maraan wadooyin kala duwan si ay u helaan macluumaad isku mid ah.

Sidoo kale waa muhiim in hogaamiyaha uu si dhaw isha ugu haayo waxa ay dadweynuhu dhahayaan ama ay ka qabaan, baahida iyo rabitaanka – maxaa yeelay waa halka ay ka heli karaan dowladda marka ay timaado olole doorasho.

Dr. Brash wuxuu leeyahay waxaa jira arimo qaarkood “mararka qaarna ay sababto dayacaad Dowladeed” oo noqota barxada ugu weyn ee Mucaaradka. Wixii ku saabsan doorashada, waxaa ka mid ah ka-dhimista canshuuraha, sharciga iyo kala dambeynta, arrimaha heshiiska iyo waxbarashada.

“Doorka kale ee ugu weyn ayaa ah soo jeedinta waxyaabo kale oo ka duwan waxa ay dowladdu sameyneyso si dadweynahu ay u helaan faa’iidada doodaha siyaasadeed ee u dhexeeya jihooyinka kala duwan,” ayuu yiri Bill English, oo xubin ka ahaa xisbiga mucaaradka ee New Zealand oo leh xubnaha ugu badan ee Baarlamanka la doortay 2002. Doorka kale ayaa ah matalaada mucaaradka munaasabadaha rasmiga ah, sida qado sharafta dowlada.

Mucaaradka siyaasadeed ee dhabta ahi waa astaamaha lagama maarmaanka u ah dimuqraadiyadda, dulqaadka, iyo ku kalsoonaanta awoodda muwaadiniinta ee ay ku xallin karaan khilaafaadkooda qaab nabadeed. Jiritaanka mucaaradnimo, waxay toosisaa hab-dhaqanka dowladda waxaana halkaas ka bilaabma tartan ah in wax isla sixida ay waajib tahay.

Waa maxay qaran-dumisnimada?

Qaran-dumisnimada waa dad aan afkaar iyo mabaadii aan xambaarsaneen, waxaana kaalinta koowaad kaga jira warbaahinta aan tayada fiican lahayd. Warbaahinta waa aaladaha kala duwan ee loo isticmaalo warbaahin iyo war-isgaarsiinta. Warbaahinta haddii ay noqdaan kuwa u adeega dad gaar ah oo dano gaar leh, islamarkiiba waxaa laga dareemaa xasilooni darada dalka. Sidoo kale waxay kiciyaan shacabka iyo ciidanka dalka, waa sida Soomaaliya ka taagan maalmahaan. Ciidan shaqadiisa waa illaalinta shacabka iyo qaranimada Soomaaliyeed. Ciidamada waajibaadka saaran waa inay dhexdhexaad ka noqdaan xaalada siyaasadeed ee dalka, mana loo isticmaali karo dano siyaasadeed.  

Qaran-dumisnimada waxaa lagu tilmaami karaa ururo aan lahayn mabaadii iyo afkaaro oo shacabka dan u ah, kali danahooda u gaarka ah. Marka aad fiiriso siyaasada Soomaaliya ee maanta ka taagan way adag tahay inaad kala saarto cida u doodayso qabiil iyo cida u doodayso qaran. U fiirso qofka siyaasi taageeraayo wuxuu u taageerayaa waa qabiil dartiisa ee kama ahan muwaadinnimo – adigaba waad soo baari kartaa qodobkaas.

Gunaanad, ma jiro dowlad ama urur siyaasadeed oo soo koobi kara danaha bulshada oo dhan. Dawladnimada qarnigan 21aad waxay u baahan tahay xisbiyo siyaasadeed oo kala duwan oo ku kobcaya mabaadi’da guud ee xorriyadda, caddaaladda iyo wadajirka, gaar ahaan Soomaalida wax natiijo ah waa ay ku keeni waysay waxa ay nidaam ku sheegeen 4.5 (awood-qeybsiga qabiilada) sababo kala duwan awgeed.

Aniga aragtidayda sida ay ila tahay Soomaali waxay u baahan tahay dastuur ogalanaayo; iyada oo loo marayo cod aqlabiyad ah- xisbiga guuleysta, iyo gaar ahaan hogaamiyaha ay doorteen xisbiga inuu noqdo madaxweyne. Soomaaliya uma baahno rag xoog leh laakiin waxay u baahan tahay hay’addo dowladeed oo adag. In kasta oo baahi weyn loo qabo hoggaan waxqabad leh, haddana Soomaaliya waxay u baahan tahay hay’ado madax-bannaan oo cabsi gelin kara masuuliyiinta dalka xukuma. Haddii aan la helin hay’ado hagaagsan, Soomaaliya waxay ku hungoobi doontaa gacanta hoggaamiyayaal is-xilqaamay oo aan ixtiraamayn xukunka sharciga iyo dadka.

Jean Jacques Rousseau (1912-78), waa mid ka mid ah falsafadleyda siyaasadeed ee ugu cilmiga badnaa uguna caansanaa qarnigii 18aad. Rousseau waxaa lagu tiriyaa inuu saameyn ku yeeshay kacaankii Faransiiska iyo gaar ahaan horumarka fikirka siyaasadeed, cilmiga bulshada iyo waxbarashada casriga ah. ‘Dardaaranka guud’; wuxuu ku dooday – in bini’aadamku awood u leeyahay inuu ku shaqeeyo hal ajande guud oo ka dhexeeya dadka iyo dowladda.

Ururada siyaasadeed ee mucaaradka waa ururo bulsheed oo leh waxqabad, waxay muujiyaan danaha qaranka, waxay la socdaan wax qabadka la’aanta hay’adaha siyaasadeed iyo kuwa dowladda. Xisbiyada siyaasaddu waxay tusaale u yihiin ruuxda dagaalka; u diyaar garow ficil siyaasadeed iyo iska hor imaad. Waa wadada kaliya ee qaab ahaan loo abaabulo aragtiyaha kala duwan ee bulshada. Bulshada casriga ah, xisbiyada siyaasadeed ee mucaaradka waxay leeyihiin shaqo muhiim ah dalka iyo mustaqbalka dowladnimada ee ummad kasta.

Doorka mucaaradka waa mid muhiim u ah dimuqraadiyadda wuxuuna si toos ah ula hadlayaa mustaqbalka Soomaaliya. Mucaaridku waxay doorar kala duwan ku leeyihiin baarlamaanka, iyagoo matalaya deegaanka ay ka soo jeedaan, xagga siyaasada, horumarinta siyaasada iyo fulinta sharciyada. – Hadda waa gabagabo caqli gal u ah dadka siyaasada u dhuun duleela; in adduunku si dhakhso leh isu beddelayo oo xukumaddu ku qasban tahay inay isku beddesho qaab la mid ah.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diinta Islaamka

Sidee Korona uga hor istaagtay Dadka inay ku dhaqmaan cibaadadooda Ramadaan?

Published

on


Sida wadamada kale ee carabta, bisha barakaysan ee Ramadaan waa munaasabad bulsho iyo mid diimeed oo muwaadiniinta ay ku dhaqmaan cibaadooyinkooda sanadlaha ah, laakiin masiibada Corona ayaa ka hor istaagtay qaar badan oo ka mid ah taas, iyada oo loo eegayo tirada sii kordheysa ee infekshinka iyo dhimashada fayruuska.

Yamaniyiinta, / bulshooyinka carabta badankood, waxay is weydaarsan jireen booqashooyinka habeenada Ramadaan, qoysaskuna waxay is weydaarsan jireen casuumaadaha afurka iyo cashada, halka salaada taraawiixda ee masaajida ay tahay muuqaalka ugu caansan ee xilliga Ramadaanka sanad walba, marka lagu daro howlaha bulshada sida cajaladaha banaanka, gaar ahaan caasimada, Sanca.

Si kastaba ha noqotee, caadooyinkani way maqnaayeen ama si weyn ayey dib ugu noqdeen bishan barakeysan,  faafitaanka “Covid 19”, maadaama dad badani ka gaabsadeen inay ku casuumaan eheladooda iyo kuwa ay garanayaan inay la afuraan.

Issam Axmed, oo ka mid ah ganacsatada ku nool magaalada Sanca, ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta uu ku yiri: “Tiro ka mid ah dadkii aan is naqiinay ayaa u dhintay cudurka loo yaqaan Corona virus, kii ugu dambeeyayna wuxuu ahaa mid ka mid ah ilma adeeradeey laba maalmood ka hor. Sidaas darteed, dhowr bilood ka hor, waxaan joojiyay wax kulan ah oo aan la yeelan lahaa dadka aan garanayo iyo kuwa aan qaraabada nahay, waxaana ku xaddidanahay wada xiriirka.

Wuxuu intaas ku daray: “Mar dambe kama baxo guriga mooyee, oo waxaan ku maamulaa shaqadayda taleefanka, nasiib darro, Ramadaan-ka  ayaa yimid sannadkan iyada oo ay jirto mowjado ballaaran oo faafidda fayraska, sidaa darteed dhammaan kulammada bulshada ee dhaca inta lagu jiro habeenada Ramadaan waa la joojiyay. ”

Issam oo sii hadlaya ayaa yidhi: “Ilaa salaadaha aan ku tukado gurigayga oo buuxa, waxaan ku tala jiraa bishan in aan ku guto waajibaadka waajibka ah, shaqo ka joojinta, Taraawiixda iyo tahajjud.”

 Dareen la’aan

Taas badalkeeda dad badan oo ka joogsanaya gudashada caadooyinkooda Ramadaanka, kuwa kale ayaan dan ka lahayn wax kasta oo dhacaya, waxayna sii wadaan inay ku dhaqmaan caadooyinkooda Ramadaanka, iyagoo aaminsan in waxa dhacaya ay yihiin buunbuunin dhinacyada caalamiga ah ama shirkadaha dawooyinka sameeya ama shirqool caalami ah. “Ka-qaybgal kooxeed”.

Muuqaal fiidiyow ah oo ay si weyn ugu faafinayeen dadka u dhaqdhaqaaqa barta xiriirka bulshada, qaarkoodna waxay u arkeen inuu muujinayo mowqifka iyo xaaladda muwaadiniin badan oo aan weli rumaysan “sheekada korona.”

Magaalada Sanca, kooxda “Xuutiyiinta” waxay ka digayaan faafinta wixii hadal ah ee la xiriira faafitaanka Corona ama dhibbanayaasheeda, in kasta oo la diiwaangeliyey dhimashooyin badan oo ka jira aagagga ay gacanta ku hayaan, oo ay ka mid yihiin hoggaamiyeyaasha darajooyinka koowaad iyo labaad sida Wasiirka Gaadiidka Zakariya. Al-Shami, iyo Agaasimaha Baarista Dambiyada, Suldan Zaaben, iyo warar aan la xaqiijin oo ku saabsan Geerida la-taliyihii Golaha Sare ee Siyaasadda, Yaxya al-Shami, iyo geerida xaaskiisa.

Mid ka mid ah hogaamiyaasha Xuuthiyiinta ayaa ku andacooday in “aqoonta caqiidada ay tahay tii doorka koowaad ka laheyd badbaadinta Yamaniyiinta ka imanaya Corona.” Dayaca iyo qarinta xaalada dhabta ah ee musiibada Corona waxay leedahay doorkeeda ku aadan sii wadida tiro muwaadiniin ah si joogto ah ku dhaqmaan caadooyinkooda iyo dhaqankooda Ramadaan, adigoon qaadin taxaddarrada lagama maarmaanka ah sida dhowrista fogaanta Bulshada iyo ka walwalka xiritaanka afka.

Intaas waxaa sii dheer, maamulka Xuutiyiinta kuma qasbayo muwaadiniinta inay qaadaan tallaabooyin ka hortag ah sida xirashada maaska, iyo mamnuucaya isu imaatinnada munaasabadaha bulshada, iyo tiro ka mid ah bulshooyinka ayaa sii waday ku dhaqanka caadooyinkooda inta lagu jiro bisha Ramadaan si dabiici ah iyada oo aan wax tallaabooyin ah ama taxaddar ah la helin.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Taariikhyahaanno reer Al-Jeeriya ah oo u kacay sidii loo sii celin lahaa keydkii gumeysigii Faransiiska – Warbixin

Taariikhyahan Sophie wuxuu leeyahay xirida marinka keydka arrimahan looma jeedin “in la qariyo xaqiiqooyin aan la sheegi karin, laakiin waa in la qariyo karti darada madaxdii kaydka Aljeria.”

Published

on


Sagaal taariikhyahanno reer Al-Jeeriya ah ayaa ugu yeeray Madaxweyne Cabdul Majiid Tebboune inuu joojiyo “caqabadaha xafiisyada” ee keydka qaranka. 25-kii Maarso, taariikhyahanno ay madax u yihiin Maxamed Ould Si Al-Qarsou, Daho Gerbal iyo Ammar Muxannad  ayaa warqad furan u qoray Tebboune, iyagoo ka dalbanaya inuu joojiyo caqabadaha xaddidaya gelitaanka kaydka.

Hindisahan wadajirka ah waa mid aan horay loo arag waana saameyn ka dhalatay daabacaadda warbixintii Benjamin Stora ee bishii Janaayo 2021 ee magaalada Paris ee ku saabsan dib-u-heshiisiinta dhaxalka xusuusta ee Faransiiska iyo Aljeeriya.

Saraakiisha Faransiiska ayaa dhowr jeer ku celceliyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in Aljeeriya laga rogo boggii hore ee gumeystaha lana furo bog cusub.

Warbixinta waxaa ku jiray soo jeedinno ah in xiriirka labada dal laga siibo xaaladda curyaannimada ee ay keeneen arrimaha xusuusta gumeystaha ee dhex taal.  Aljeeriya waxay dalbaneysaa in dib loo soo celiyo dhammaan keydkii gumeysigii Faransiiska ee ka horreeyey, oo ay Paris wareejisay xilligii laga daad-gureynayay ciidamadeeda.

Gumeysigii Faransiiska ee Aljeeriya wuxuu socday intii u dhaxeysay 1830 iyo 1962, maadaama mas’uuliyiinta iyo taariikhyahannada Aljeeriya ay sheegeen in xilligan uu goobjoog u ahaa dil ku dhowaad 5 milyan oo qof, iyo sidoo kale ololeyaal barakac iyo hanti la dhacay.

 ‘Xaalada baahsan’

Sida laga soo xigtay hay’adda ay maamusho Sheikhi “waxay noqotay aasaaska haysashada xafiisyada kuwaas oo aan loo aqoonsanayn aqoonyahanada dhabta ah ee taariikhda.” “Waxaan cambaareyneynaa xaalada meelwalba, halkaas oo qof uu dalbado inuu helo kaydinta Algeria,” ayuu yiri Muhannad Amer.

Taariikhyahan Sophie wuxuu leeyahay xirida marinka keydka arrimahan looma jeedin “in la qariyo xaqiiqooyin aan la sheegi karin, laakiin waa in la qariyo karti darada madaxdii kaydka Algeeriya.”

Intii lagu guda jiray wareysiga bogga Faransiiska ee “Le Monde Africa” ​​bishii Nofeembar 2020, Sheekhi wuxuu isku dayay inuu caddeeyo mowqifkiisa isagoo wajahaya dhaleeceyn uu horayba u qabay, isagoo ku boorriyey saameynta “bulshada” asaga oo furay kaydad xasaasi ah.

Wuxuu odhan jiray mararka qaarkood “agaasimaha kaydka waxaa waajib ku ah inuu ixtiraamo kalsoonida bulshada kana hortago (shaacinta faylasha) ee u horseedaya saamayn xun shaqada bulshada.” Wuu is difaacay isagoo leh, “Saamayn kuma yeelan doono cilmi baarista, laakiin wali waxaa jira dad u yimaada (keydka) khilaafkan dartiis.”

Marka ay timaado, tusaale ahaan, arrimaha ay yihiin dad gorgortan ku filan, ma sii deyn karo.  Sheekheey ayaa intaas ku daray “Tani waa kiiska markii la i waydiiyo in aan xareeyo qof lagu soo eedeeyay in uu gacansaar la leeyahay Faransiiska,” kuma tuuri doono faylalkaas aargudashada caanka ah aniga oo qaybinaya.

Le Monde ayaa tiri, “Dhibaatada oo dhan waxay tahay in Shiikhaygu uu qaato xaq u leeyahay inuu xukumo waxa bulshada u wanaagsan ama xun, iyadoon loo eegin qodobbada sharciga Al-Jeeriya ee la xiriira kaydadka taariikhdu markay ahayd 1988.”

Taariikhyahanadii Kacaanka.

Wargeyska Faransiiska ee Le Monde wuxuu leeyahay kacaanku wuxuu ka dhex bilaabmayaa taariikhyahanada reer Algeria.  Hindisaha ayaa muujinaya jahwareerka sii kordhaya ee cilmi-baarayaasha ee la xiriira maamulka (Al-jeeriya), oo loo arko mid aan muuqan oo aan caqli-gal ahayn, oo ku saabsan maareynta kaydka qaranka, ayay tiri.

Markii hore, labada madaxweyne waxay ku heshiiyeen in la magacaabo laba taariikhyahan (midba midka kale) si looga wada hadlo faylalka xusuusta, maadaama Stora loo magacaabay dhinaca Faransiiska, iyo dhinaca Aljeeriya, Cabdi Majiid sheeqeey.

Si kastaba ha noqotee, marka loo eego Stora, Sheekheey kama uusan qeyb galin shaqooyin la mid ah taasoo ku saabsan kaydinta iyo talooyinka ku saabsan arrinta xusuusta, sida ay qortay Le Monde.

Ammar Muhannad wuxuu weydiinayaa, “Aaway warbixintii Aljeeriya? Dhinac kale, waxaa jira warbixinta (Stora) oo kicisa khilaaf ka dib markii la daabacay, dhinaca kalena waxaa jirta warbixin (laga filayo Shiikhayga) oo kicisa khilaafka iyadoo maqnaansho uu ku jiro. ”

Sheekheey, dhiniciisa, wuxuu qiil uga dhigayaa aamusnaantiisa xaqiiqda ah in warbixinta Stora aan si rasmi ah loogu gudbin masuuliyiinta Al-Jeeriya.

“Tani waa warbixin Faransiis ah oo aan si rasmi ah naloogu soo dirin si ay waajib ugu noqoto, ugu yaraan anshax ahaan, inaan ka jawaabno waxyaabaha ay ka kooban tahay,” ayuu u sheegay Qatari Al-Jazeera channel 22-kii Maarso, isagoo ka hadlaya Stora.

Jahwareerka ku hareeraysan doorka Sheekheey ee wadahadalkan ku saabsan ayaa kallifay taariikhyahanno inay hadlaan, halka uusan ku qanacsaneyn agaasimaha keydka muddo dheer.

Sannadkii 2016, taariikhyahan Fu’aad Soofi, oo ah agaasime ku-xigeen hore oo ay weheliyaan Sheekheey, ayaa mar horeba caasiyey isaga oo daabacay maqaal maalinle ah oo la magac baxay “Al-Wataan” oo uu ku cambaareynayo “xannuunka” Kaydka Qaranka iyo “dhimashadiisa gaabiska ah”.

Shan sano kadib, kacdoonku wuxuu qaatay weji wada jir ah isagoo wata warqad furan oo ku socota Tebboune, Le Monde ayaa sidaas leh.

Xaqiiqdii, cilmi baarayaal badan oo reer Al-Jeeriya ah ayaa lagu qasbay – had iyo jeer xaalado qalafsan iyo xaalado sharciyeed – inay tixraacaan haynta keydka keydka dibedda ee Qaranka, ama kuwa ku jira Arjiyada Adeegyada Difaaca ee Vincennes, halkaa soo loogu yeero ardiyada “madaxbannaanida” gumeysiga faransiiska ee Al-Jeeriya.

Kiiskan aan la sheegi karin wuxuu kicinayaa arinta sii xoojinta wadaagga dhijitaalka ah ee kaydka u dhexeeya Faransiiska iyo Algeria, illaa iyo inta asalka ah “dib loo celinayo”, sida laga soo xigtay gobolka Maghreb. Waxay sidoo kale muujineysaa sii xumeynta “caqabadaha xafiisyada” ee reer Al-Jeeriya oo ay cambaareeyeen intooda badan saxiixayaasha.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Bariga dhexe18 hours ago

Warbixin: Israa’iil waxay ku guul-darraysatay inay baarto dilka Falastiiniyiinta loogu geystay dibadbaxyada Qaza

Afrika3 weeks ago

Koonfur Afrika: Madaxweynihii ugu dambeeyay ee midab-takoorka Frederik Willem de Klerk ayaa geeriyooday

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Masiibada Ayaxa: Maxaa qorshe ah ay sameyn kartaa dowladda Soomaaliya si loo badbaadiyo dalagyada beeralayda?

Afrika3 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Maxaa ka jira cabsida laga qabo in ciidamada TPLF ay dhawaan gaaraan magaalada Addis Ababa?

Afrika4 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya ayaa cabsi ka abuuray Kenya iyo Koonfurta Suudaan

Yurub4 weeks ago

Maxay ahayeen Soomaalida ku dhibaateysan xuduudda Belarus iyo Poland?

Afrika4 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Siday Itoobiya ku gaartay halkaan iyo doorka Qowmiyadaha kala duwan?

Afrika4 weeks ago

Sannad ka dib, Itoobiya ma waxay kusii baaba’aysaa dagaal sokeeye?

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Maamulka Joe Biden ayaa ansixiyay $650m oo hub ah oo laga iibinayo Sacuudiga – hubkaan ma Yemen ayaa lagu baabi’inayaa?

Afrika4 weeks ago

Hogaamiyihii afgambiga ku qabsaday dalka Suudaan ayaa Maraykanka kula heshiiyey in la dedejiyo dhismaha dawlad cusub

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Waa maxay sababta uu Turkiga ugu qeybgali doonin shirka Paris ee looga hadlaayo Liibiya, oo ay ka qeyb galayaan Giriiga, Israa’iil, Giriiga Qubrus’?

Afrika1 month ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Ciidamada Tigreega ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan magaalada Kombolcha ee dalka Itoobiya

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Britain ayaa u qabatay Faransiiska 48 saacadood inay ka laabato hanjabaadaha ka dhanka ah kalluumeysiga

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Shir Madaxeedka G-20 oo ka bilaabmay Rome iyadoo diirada lagu saaray isbedelka Cimilada iyo cudurka Faafa ee Korona Fayrus

Bariga dhexe1 month ago

Xiisadda Diblomaasiyaddeed ee Sacuudiga iyo Dowladda Lubnaan ayaa ka sii daraysa markii ergayga la eryay, lana mamnuucay soo dejinta

WARBAAHINTA1 month ago

Mucaaradka Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay la wareegtay magaalada muhiimka ah ee Dessie

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Maxay ka dhigan tahay hadalka Mareykanka ee ku aadan ciidamada Danab?

WARBAAHINTA1 month ago

Itoobiya ayaa duqayn cirka ah ka fulisay waqooyiga galbeedka Tigray

WARBAAHINTA1 month ago

Weerar nooca magaaladda Kongsberg ka dhacay ayaa mar kale dhici doona, sirdoonka Norway ayaa sidaas leh

WARBAAHINTA1 month ago

Turkiga ayaa Israa’iil ku cambaareeyay qorshe ay ku dhiseyso guryo cusub oo sharci darro ah

WARBAAHINTA1 month ago

Austaria waxay dejisay qorshayaal sharciyaynta isdilka – sharcigaas oo caawinaayo qofka raba inuu isdilo

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhaleeceysay taageerada Mareykanka ee Taiwan, waxayna taageertay Shiinaha oo xulafo la ah

Afrika1 month ago

Amni iyo xasillooni ayaa looga baahan yahay ku-meel-gaarnimada dawladda nabdoon: Liibiya W. Arrimaha Dibedda

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Aramco waxay hiigsaneysaa inay hawlgallada qiiqa eber ka dhigto marka la gaaro 2050, ayuu yiri agaasimaha guud

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Turkiga ma wuxuu indhaha ku hayaa istaraatiijiyada ku saleysan ‘horumar-guul oo xiriir la leh Afrika?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Wadahadaladda Farmaajo iyo Rooble: RW Rooble ma waxaa loo magacaabay inuu dalka khilaafka siyaasadeed ka saaro mise?

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Turkiga oo u yeeray safiirada 10 dal oo soo saaray qoraal ka careysiiyey – Xariirka Hab-dhaqameed ee Turkiga iyo Reer galbeed

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Ku noqoshada Ruushka ee Afrika: Faransiiska, Maali, iyo qodobka Wagner

koonfurta Bari Aasiya2 months ago

Bangladesh ayaa qorshaynaysa inay 81,000 Rohingya u rarto jasiirad, kadib heshiis ay la gashay Qaramada Midoobay

Afrika2 months ago

RW Abiy Axmed wuxuu dhisanayaa Xukuumaddiisa cusub, iyadoo xisbiyada ugu waa weyn dalka ay Qaadaceen doorashada

WARBAAHINTA2 months ago

Muxuu yahay heshiiska ka careysiiyey Turkey ee ay galeen France iyo Greece?

WARBAAHINTA2 months ago

Aljeeriya ayaa dib ugu yeertay ergaygeeda Paris kadib tallaabadii fiisaha ee Madxaweyne Macron

Afrika2 months ago

Dadka Itoobiyaanka ah ayaa u dareeraya goobaha codbixinta, oo ah wareegga ugu dambeeya ee doorashada – xisbiyada Soomaalida?

WARBAAHINTA2 months ago

Ayeeyo Falastiini ah ayaa waxay heshay shahaadada jaamacaddeed ee bachelor-ka iyadoo 85 jir ah

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa la xukumay – maxaase lagu xukumay?

WARBAAHINTA2 months ago

Hay’adda WHO ayaa ka argagaxday xadgudubka galmo oo ay sameeyeen shaqaalaheeda gargaarka ee Koongo

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxweynaha Tunisia ayaa Najla Bouden Romdhane u magacaabay haweeneydii ugu horreysay ee dalkaas ka noqota RW

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago

Xiddigga fanka Soomaaliyeed ee Aar Maanta wuxuu ka caawiyaa carruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis inay ogaadaan dhaxalkooda

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Iiraan iyo Sacuudi Carabiya: Maxaa kusoo kordhay wada-hadallada u socda?

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxa xisbiga Green Party ee Kanada ayaa iscasishay, iyada oo ku tilmaamtay ‘wakhtigii ugu xumaa’ ee nolosheeda

Xul