Connect with us

Xirfadaha & Teknolojiyada

Nidaamka Shidaalka ee Matoorada iyo Dabka Gaariga

Published

on


Qoraalkan waxa aan uga hadli doona: Nidaamka shidaalka ee matoorada iyo Dabka gaariga.

  1. Nidaamka shidaalka: nidaamkan waaa habka shidaalka looga sooqaadayo taangiga shidaalka laguna gaarsiinayo galaasyada matoorka, ayada oo lagu dhibcinayo ama lagu durayo xadigii shidaal ee loogu talo galay in uu sameeyo qaraxa (ama gubashada) kadhex dhacaysa galaasyada, taas oo dhalinaysa wareega baabuurka.tutobon.com teplakova suprava panska beckmann 12l panske tricka villapalmeraie.com stenyobyvaci.cz tutobon.com teplakova suprava panska saralilphoto.com beckmann 12l tutobon.com saralilphoto.com saralilphoto.com sevilenotocekici.com red-gricciplac.org 

Noocyada matoorka ee shidaalka:

Matoorku waxa uu uqaybsamaa labo qaybood oo kala ah matoorka kusjohnny manziel jersey deuce vaughn jersey fsu jersey custom ohio state jersey drew allar jersey deuce vaughn jersey penn state football jersey custom ohio state jersey florida jersey oregon ducks jersey miami hurricanes jersey miami hurricanes jersey florida jersey aiyuk jersey deuce vaughn jersey haqeeya naafto iyo matoor kushaqeeya bartool (Bansiin). Sidoo kale, Matooradu waxa ay usamaysan yihiin qaabka ay ugu jiraan bostomadu, ayagoo ah sadex qaab:

  1. In ay usamaysan yihin qaab taag ah
  2. In ay usamaysan yihiin qaab jiif ah ama dhinacdhinac ah
  3. Ama in ay usamaysan yihiin qaab V ah

Dhamaan matoortada waxa ay ushaqeeyaan si isku mid ah marka laga eegayo qaabka gubashada shidaalka, laakiin waxa ay kukala duwan yihiin heerka cadaadiska shidaalka, heer kulka iyo qaabka qubashadu udhacayso.

Bostomada oo dhan waxa ay maraan afar shaqo oo wareeegto ah sida aan horey ugu soo sharaxnay qaabka ay ushaqeeyan bostomadu, afartaas shaqo oo ah:

  1. Qaadashadaa shidaal iyo hawo
  2. Cadaadis ay soo cadaadiyaan shidaalkii iyo hawadii ay qaaten
  3. Gubashoo ay kusameyaan shidaalkii iyo hawadii
  4. Iyo qashin saarid ay dibada usaaran shidaalkii gubtay

Afartaas shaqo oo wareegto ah bay qabtaan bostomadu sidaa dartee waxa ay kukala duwan yihin qaabka ay uqabanayaan afartaas shaqo iyo sida ay kudhacayaan

Matoor injekshanka ah qaabka uu Batroolku (Bansiinku) ugu yimaado:

Batroolka uu isticmaalo injekshanku waxaa Batrool awood leh, kan uu isticmaalo kaalbeedharkuna waa mid aan awood badan lahayn. Batroolku wax uu kukaydsan yahay Salbatooyada waxaana kasooqada ama kasoo Burqiya, fiyuul bam (Wii) Bamkaas waxaa uu kudhex jiraa Salbatooyada dhexdeeda waxaa uuna kushaqeeyaa dab ay maamusho maskaxdu, waxa uuna leeyahay meel uu shidaalku kasoogalo iyo meel uu kabaxo, shidaalku meesha uu kasoogalo waxaa uu kuleeyahay shaandho wasakhda kareebta.

Waxa kaloo Bamka kudhex jira Footari loogu talo galay in batroolka baxaya uu dib ugu soolaban. Batroolka Wiida kasoobaxa waa batrool awoodiisu sarayso. Batroolku marka uu Wiida kasobaxo waxa uusiimaraa filterka batroolka(kulucad) si ay wasakhda uga reebto. Batroolka kulucada waa uu kasiibaxaa oo waxa uu sii aadayaa Waaskada Jiktarada.

Waaskada Jiktaradu waa Waasko ay kuwada xiran yihiin Irbadaha oo dhan waxa ayna kaqaataan Batroolka. Batroolku marka uu tago Irbadaha dhexdooda waxa maamulka lawareega maskaxada Gaariga, Irbaduhuna waxa ay kushaqeeyan dabka maskaxda Baabuurka sidaa darted, Bostonkasta marka uu batrool ubaahan yahay ayey ufurmayaan Irbaduhu. Batrolka saaidka ah waxaa uu kalaabanayaa Waaskada Irbadaha, waxa uuna dib ugu laabanayaa Salbatooyada.

Matoorka Naaftada ah:

Sidoo kale, Bostomka Matoorka Naaftada ah waxa uu qaadanaya Hawo iyo Shidaal waxa uuna udagayaa hoos kadib waxa uu cadaadis kusoo samaynayaa shidaalkii iyo hawadii uu qaatay asaga oo cadaadis kabadan cadaadiska matoorka betroolka ah kusoo samaynaya shidaalkii, caadaadiskaas badan ayaa keenaya in heerkulku aad usiyaado kaas oo sababaya qaraxa iyo gubashada Shidaalka.

Matoorka batroolka ah qaraxa ama gubashada waxaa sameeya Balaaga, halka matoorka naaftada ah qaraxu uu kadhasho cadaadiska sare ee uu bostonku kusameeyo shidaalka. Matoorka batrolka ah waxa ay shidaalka iyo hawadu isku qasmaan inta uusan cadaadisku dhicin halka matoorka naaftada ah aysan hawada iyo shidaalku isku qasmaan gubashada kadib. Matoorka batroolka ah waxa uu isticmaalaa Balaagyo halka matoorka naaftada ah uu isticmaalo Jiktaro.

Qaabka ay naaftadu ugu timaado matoorka naaftada ah:

Naaftadu waxa ay ku kaydsan tahay Taangiga ama Salbatooyada, waxaana kasooqada Tuubo. Tuubadaas waxay dhexgashaa Taangiga si ay shidaalka uga sooqaado, afka ay shidaalka kuqadayso waxa ay kuleedahay shaandho kareebta wasakhda, tuubadaaaas marka ay kasoobaxdo Taangiga waxa ay soo gashaa Raas filtarka. Raas filterku waxa uu usii gudbiyaa filterka, si uu wasakhda uga reebo. Naaftadu marka ay filterka kasoobaxdo waxa ay soomaraysaa tuubo kale ee raas filterka, waxayna aadaysa Bumbada Naaftada, Bambadu marka ay wareegto dabna hesho waxa ay burqisaa naaftada. Naftada ay burqisay waxay kasoobaxaysa Naasalada iyadoo ugu sobaxaysa qayb qayb. Naaftadaas soobaxaysa waxa ay usoo baxyasaa qaab goos goos ah. Naasalada waxaa ku xirma ganeetooyin naaftada ugeeya Jiktarada.

Naftadu markay Jiktarada tagto waxay uga sii gudubtaa Bostomada. Jiktaradu waxay soo celiyaan naaftada saaidka ah, Naaftadaas waxay aadaysaa dhinaca Bumbada, Bumbadana waxaa kasoobaxa naafto said ah, labadaas naafto waxay aadayaan taangiga shidaalka oo ay dib ugu noqonayaan tuubo layiraahdo Tuubo saaid.

  1. Dabka Baabuurta:

Nidaamka dabka baabuurta: Waa nidaam dabka ay dhalinayso diinimadu, laguna kaydinayo bateriga baabuurka, kaas oo dabka gaarsiinaya nalalka, raadiyaha iyo agabka kale ee Gaariga ee kushaqeeya tamarta korontada sida Saacadaha baabuurka.

Nidaamka daarista baabuurka: Nidaamka daarista baabuurku waxa uu kabilowdaa beteriga gariga. Marka furaha lagaliyo meesha gaariga lagadaaro, furaha waxaa loowarejiyaa barta (booska) daarista kadibna kadibna qadar yar oo Tamar koronteed ah ayaa raacaysa botonka ama iswiijka kaas oo ugudbinaya kooxda daarista, kuwaas oo ogolaanaya Tamar koronteed sare in ay raacdo xargaha beteriga si uu ugaarsiiyo Matoor daaraha.

Dabka baabuurta waa dab toos ah oo aan ahayn dab qulqulaya. Dabkaas magaciisu waa DC. Dabka baabuurtu waxa uu uqaybsamaa laba qaybood 12V iyo 24V.

Nidaamka Dab dhalinta: Nidaamkan waxa uu kabilowdaa marka furaha gaariga lagu rogo waxaana xariirsamaya dabka beteriga iyo xariga daarista kadib waxaa kululaanaya qudbi koronteedka kul sare, kadibna dabka waxa uu ugudbinayaa dab qaybiyaha, kaas oo uqaybinayaa balaagyada, kuwaas oo (gubaya) qarxinaya hawada iyo shidaalka kujirta galaasyada.

Nidaamka Guluubyada iyo layrarka: Nidaamkan waxa uu ka kooban yahay layrar iyo guluubyo kuwaas oo kuxiran horta gaariga, dhinacyada, gadaasha iyo kabadhka gaariga, gawaarida qaar ayaa leh guluubyo kuxiran matoorka dushiisa.

Facebook Comments Box

Waa Qoraa ka tirsan Afrikaan. Waa kiimiko yaqaan, qoraa iyo cilmi baadhe lafagura culuumta sayniska sida kuwa kiimikada iyo kuwa farsamada gacanta. Qoreyna buuga Basic Chemistry Book. Kusugan Wadanka Soomaaliya, waxna kusoobartay wadanka Sudan gaar ahaan magaalada Khartoum. Waxa uu shahaadada kowaad iyo labaadba ku qaatay culuumta taxliilinta kiimikeed (Chemical Analysis). asqalaani89@gmail.com +252905198714

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Xirfadaha & Teknolojiyada

Maxaa caalamku uga baqayaa aaladaha ku shaqeeya “Garaadka Macmalka ah ee horumarsan” – Artificial Intelligence

Sababaha looga cabsi qabo aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey ayay ka mid yihiin, in mishiinadu ay si iskood ah oo ka madax-banaan aadanaha u shaqayn karaan, iyaga oo amaro iyo tallaabooyin qaadi karaya, in si fudud loogu faafin karo wararka been abuurka ah, inay halis ku noqon karaan shaqooyinka, iwm.

Published

on


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan yeeshay kulankoodii ugu horreeyey ee ku saabsan halisaha ku gedaaman horumarka xawliga ah ee farsamada casriga ah, gaar ahaan, garaadka macmalka ah ee la horumariyey, ama Artificial Intelligence.

Xoghayaha Arrimaha debedda ee Britian James Cleverly oo shirguddoomiyey kulanka golaha ammaanka, maadaama uu bishan July dalkiisu hayo xilka madaxtinimada meertada ah, ayaa sheegay in garaadka macmalka ah ee la horumariyey uu saamayn ballaadhan ku yeelanayo dhinac kasta oo nolosho aadamaha ah.

Wuxuu sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay in dib loo qaabeeyo maamulka guud ee farsamada casriga ah ee caalamka, sababtoo ah, garaadka macmalka ah ee horumarsani wuxuu noqonayaa mid aan xuduud lahayn, isaga oo saamayn ku yeelanaya, isbedelka cimilada, iyo koboca dhaqaalaha ee caalamka.

Wasiirka ayaa ka digay, in farsamadan casriga ahi ay shidaalka ku sii shubi doonto wararka been abuurka ah, taasoo laga yaabo inay iska hor-keento dalalka iyo weliba ururada aan dawliga ahayn.

15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa warbixin siiyey xoghayaha guud Antonio Guterres, Jack Clark oo wax ka asaasay shirkad cusub oo adeegsata garaadka macmalka ah ee horumarsan, iyo Prof. Zeng Yi oo kaaliye agaasime ka ah xarun cilmi-baadhis oo qaabilsan farsamadan casriga ah.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in adeegsiga aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey, gaar ahaan hawlaha milateriga ama kuwa aan milaterigaba la xidhiidhin, inay horseedi karayan tallaabooyin halis ku ah ammaanka iyo xasiloonida caalamka.

Xoghayaha ayaa soo dhoweeyey baaqyo ka imanaya, qaar ka mida dalalka caalamka oo ku baaqaya in la yagleelo hay’ad cusub oo qaabilsan farsamada casriga ah.

Danjiraha Shiinaha ayaa Garaadka Macmalka ah ee la horumariyey ku tilmaamay inuu yahay seef laba af leh, oo yeelan karta wanaag iyo xumaanba, iyada oo ku xidhan, sida aadanuhu u isticmaalo ama loogu sameeyo shuruuc xakamaysa, ama sida la isugu dheeli-tiro sayniska iyo ammaanka.

Sababaha looga cabsi qabo aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey ayay ka mid yihiin, in mishiinadu ay si iskood ah oo ka madax-banaan aadanaha u shaqayn karaan, iyaga oo amaro iyo tallaabooyin qaadi karaya, in si fudud loogu faafin karo wararka been abuurka ah, inay halis ku noqon karaan shaqooyinka, iwm.

Dhinaca kale waxaa Washington ka dhacay kulan kale oo muhiima oo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Sayniska Qaranka ee Maraykanku, kaas oo ay hadal ka jeedisay madaxa guddida isgadhsiinta ee Maraykanka, iyada oo lagu soo casumay khubaro kala duwan oo ka kala socda shirkadaha waaweyn ee isgaadhsiinta, mac-hadyada qaabilsan dhinaca daraasaadka, hay’adaha federaaliga ah ee Maraykanka iyo daneeyayaal kala duwan.

Kulankan ballaadhan ayaa lagu lafa-gurayey ama wax la iskaga weydiinayey fursadaha iyo dhibaatooyinka ay wataan farsamada casriga ah ee garaadka macmalka ah ee la horu-mariyey ama artificial intelligence.

Bilawgii shirkaba waxaa la isweydiiyey su’aalo ay ka mid yihiin, Farsamadan casriga ahi, halis badan ma ku keeni kartaa jiri-taanka aadanaha, taas oo u horseedi karta inay dabar-go’aan? Waa su’aal ay dad badani qariibsan karaan, inay tahay mid ay isweydiinayaan khubaro kala duwani, hase ahaatee waxaa cabsida heerkaas gaadhsiiyey mugdiga badan ee ku jira, horumarka ballaadhan ee ay samaynayso farsamada casriga ah, gaar ahaan, aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee horumarsan.

Guddoomiyaha Guddida Isgaadhsiinta ee Maraykanka Jessica Rosenworcel ayaa sheegtay inay wanaaga ay ka rajaynayso farsamadan casriga ahi, inay ka badan tahay halista ku gedaaman, gaar ahaan marka laga hadlayo, habka looga faa’iidaysanayo farsamadan casriga ah iyo saamaynta ay ku yeelan karto shaqooyinka ay aadanuhu qabtaan, maadaama ay soo baxayaan mishiino iyo aalado kale oo casri ah oo ku shaqaynaya garaad macmal ah oo aad u horumarsan. Sidoo kale waxaa Iyana aan meesha laga saari Karin, su’aalaha laga qabo, saamaynta ay ku yeelan karaan dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka caalamka.

John Chappin oo ah la taliye sare oo ka tirsan machadka sayniska qaranka ayaa sheegay “in haatan la gelayo, kacaankii ama fufkii, garaadka macmalka ah oo horumarsan” taasoo uu ku tilmaamay inay ka mid tahay, “is-bedelleda jiilalka ee farsamooyinka casriga ah” wuxuuna intaas raaciyey in loo baahan yahay in dib loo eego fikradaha aasaaska u ah nidaamyada isgaadhsiinta”.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la isu keeno oo ay dood ka yeeshaan, khubaro aqoon durugsan u leh farsamada casriga ah iyo khubaro kale oo fahamsan, waxyaabaha ay doonayaan macaamiishu iyo xeerarka lagu dhiqi karayo.

Nathan Simington oo ah xubin ka tirsan guddida isgaadhsiinta ee Maraykanka, ayaa farta ku fiiqay, inkasta oo farsamada casriga ahi ay marar badan ku timaado, hannaan la sii saadaalin karo, haddana wuxuu sheegay in haatan ay si lama filaana ay wax waliba u socdaan, isaga oo tusaale u soo qaatay, in hal habeen uun lagu war-helay soo ifbixitaanka ChatGPT oo ku shaqeeya garaadka macmalka ah oo horumarsan, kaas oo saamayn ballaadhan ku yeeshay hab nololeedka.

_____

Xigasho warbaahin: Qoraalkaan ayaa markii hore lagu daabacay VOA Somali. Warbixintan waxaa qaybo ka mida qortay Julie Taboh sidoo kale waxaa ku jira xigashooyin laga soo qaatay wakaaladda wararka ee Reuters

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xirfadaha & Teknolojiyada

Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha oo xarrunteeda ka qabsoomay bandhigga kulliyadaha waxbarasho

Sida aan wada ogsoonahay, xiisaha aad u qabto bilaabista jaamacad ayaa ah qodobbada ugu waaweyn marka la tixgelinayo barnaamij waxbarasho ee jaamacaddeed. Maxay kaga duwan tahay jaamacaddan jaamacadaha kale ee dalka ka jira?

Published

on


Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha ayaa maantoo khamiis tahay ku qabatay Xarruunteeda dhexe ee Muqdisho Bandhigga Kulliyadaha ay Jaamacadda heeyso. Bandhigan gaarka ah ayaa waxa ka qaybgalay arday badan oo xiiseeynaya in ay kusoo biiran jaamacadda iyo u heellan inay galaan safarka ay ku noqonayaan hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, madaama Jaamacadda caan ku tahay cilmiga maamulka, siyaasadda, iyo Dhaqaalaha.

Bandhigga ayaa ku bilawday soo dhaweyn iyo khudbadd xiiso leh uu jeediyay, Madaxweyne xigeenka Jaamacadda, Mudane Jibriil Maxamed, isagoo ku soo dhaweeyay ardayda xiiseynaysa jaamacadda, isla-markaana waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Jaamacadda soo saarista hoggaamiyeyaasha mustaqbalka iyo kobcinta hal-abuurkooda. Xiisaha ardaydu Jaamacadda u haayan ayaa ahayd mid aad loo ga dareemay sida xamaasadda leh ay su’aalo uga weeydiin Kulliyadaha Jaamacadda heeyso gaar ahaan darajada 1-aad oo jaamacaddu muddo saddex sano ku bixiso.

Jaamacadda iyada oo qiraysa muhiimadda ay leedahay in la helo fursaddo loo simanyahay ayaa waxa ay kaloo Bandhiga intuu socday kusoo soo bandhigtay deeqda waxbarasho ee Aadan Cadde, taasoo xoojinaysa himilada Jaamacadda si ay u xoojiso ardayda dabaqad kasta ka timid. Deeqdan ayaa jaamacadda uga Dan leedahay cidna inaan banaan cidlo loo ga tagin dhaqaale daro awgeed.

Sida aan wada ogsoonahay, xiisaha aad u qabto bilaabista jaamacad ayaa ah qodobbada ugu waaweyn marka la tixgelinayo barnaamij waxbarasho ee jaamacaddeed. Barashada maaddooyin aad xiisaynayso waxay noloshaada jaamacaddeed ka dhigaysaa mid aad u fudud oo xiiso badan leh. Waxaana marwalbo wanaagsan in waxbarashadaada jaamacaddeed iyo hadafkaaga nololleed ee aad rabto inaad xaqiijiso inta aad dunida joogto ay islahadaan.

Ardayda qaarkood waxaa maskaxdooda marwalbo ku jira oo ay ogyihiin jaamacadda ay dhigan lahayeen oo wakhti horeba qalbigooda degtay, taasoo ay u arkaan inay ka kororsan doonaan cilmi iyo sharaf ku sumadaysan shahaadada jaamacadda. Halka qaar kalena ay doortaan jaamacad laga heli karo kuliyadaha waxbarasho ee ay xiisaynayaan.

Marwalbo oo aad jaamacad aadayso waxaad u baahan tahay inaad raadiso jaamacad ku habboon yoollalkaaga mustaqbalka. Jaamacad aad ka heli karto kuliyadaha aad dhiganayso iyo sidoo kale maaddooyinka lagu dhigo kuliyada waxbarasho ee aad xiisaynayso. Tartanka adag ee suuqa shaqada ee sii kordheysa awgeed, waxay noqotay in muhiimad gaar ah la iska saaro Tayaynta Nidaamka Waxbarashada Jaamacaddeed ee Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka caalamka. Isbeddelkaas socda awgeed, waa muhiim inaad doorato jaamacad iyo kuliyad waxbaarasho jaamacaddeed oo kaa caawin karaayo hadafyada aad hiigsanayso mustaqbalka fog.

Mala socotaa Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha inay tahay jaamacaddii ugu horreysay ee Afrika laga furay ee bixisa takhasusyo gaar ah? Jaamacadda waxay bixisaa labo kulliyadood oo baahi weyn loo qabo oo kala ah Kuliyadda Dowladnimada & Difaaca iyo Kullliyada Dhaqaalaha, Hal-abuurka & Maamulka.

“Ujeedka koowaad ee jaamacadda ayaa ah in jiilka cusub yeeshaan saameyn isbeddel xooggan leh, iyada oo loo marayo hal-abuurka joogtada ah oo ku saabsan siyaasadda guud, amniga, cilmi-baarista, dhaqaalaha, iyo hal-abuurka ganacsiga si dadku ay ugu noolaadaan nabadgelyo iyo caddaalad la taaban karo.” – Ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed Jibriil, Madaxweynaha Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha.

Jaamacadu waxay sidoo kale bixisaa fursado aad ku qaadan karto koorsooyin leh shahaado oo Online-ka ah oo waliba qaarkiis maalmo kooban aad ku qaadan karto ugu badnaan bil. Iyadoo ujeedka koowaad yahay sidii bulshada qeybaheeda kala duwan loo horumarin lahaa, gaar ahaan dadka raadinaayo fursado kale ay ku horumariyaan naftooda, si kor loogu qaado xirfadaha iyo inay aqoon dheeraad ah ku kordhiyaan CV-yadooda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xirfadaha & Teknolojiyada

Saameynta Robot-yada Mustaqbalka

Published

on


Aalada casriga ah ee loo yaqaan Robotic ama Robots-ka waa mashiino soo shaac baxay dhexdhexaadkii qarnigii 20aad aadna u qabsaday dunida qarnigan hada lagu jiro ee 21aad. Mashiinadan waa aalodo tikjnoolajiyadeed hoos taga daraasad cilmiyeedka oo loo yaqaan Artificial Intelligence oo ah in mashiinada loo borogaraamiyo in ay u dhaqmaan sida bini’aadamka oo kale.

Mashiinadan waxa ay arag ahaan ku shaqeeyaan aaladaha araga sida kaamirooyinka iyo ilaha artificial-ka ah, maqal ahaanna waxay u isticmaalaan microphones-ka. Aalada robotka waxa laga sameeyaa matooro isku tagay iyo jir artifical ah, waxaana hago ama koontoroolo badanaa bini’aadamka laakiin mustaqbalka dhaw waxaa la rajeenayaa in robot-yadu ayaga 100% iskood wax u qaban doonaan si atomatik ahna loo borogaraamiyo.

Sida aan wada ogsoonahay waxaa lagu jiraa qarniga 21aad oo ah qarni ku caan baxay tiknoolajiyada, loogu magac darayna “qarnigii tiknoolajiyada”. Qarnigan waa qarni adduun weynaha uu ku loolantamaayo soo saarida mashiinada casriga ah ee Robots-ka haddii ay ahaato robot-yo qabanaayo howlo kala duwan sida: Robot kabalyeeri ah, Robot darawal ah iyo mid askari ah oo loo addeegsado dagaalada. Aaladan robot-ka waa aalad badashay nolosha aadanaha sanadihii u danbeeyay, ayadoo ku yeelatay nolosha bini’aadamka saameyn aad u weyn.

Injineerada naqshadeeya Robots-ka ayaa ku howlan in mustaqbalka dhow robot-yada loo ekeesiiyo sida bini’aadamka oo kale. Waxay injineeradu kadhigi doonaan robot-yada kuwa leh jidh artificial ah oo u ek kan aadanaha, timo buruko ah iyo indho kamuuqaal sareeya kuwa bini’aadamka, sidoo kale in robot-ka uu dareemi karo taabashada, la dhaqmi karo aadanaha.

Robot-yada shaqooyin badan bay la wareegi doonaan mustaqbalka 

Waqtigan lagu jiro Robot-yadu waxa ay si tartiib ah ula wareegayaan shaqooyin badan oo awal bini’aadamka qaban jiray sida in ay robot-yadu kashaqeeyaan maqaayadaha,  noqdaan kuwa dalabka qaada sidoo kale robot-yada waxa ay noqdeen kuwa awood u leh in ay sameeyaan kafeyga, waxay kaloo qabtaan shaqooyin badan sida in ay haggaajiyaan guryaha, wadi karaan gawaarida, noqdaanna kuwa tilmaamaha bixiya.

Inkastoo shaqooyinkan aysan 100% la wareegin robot-yada laakiin waxaa soo badanaya ganacsadayaasha adeegsado robots-ka. Waxaa la saadaaliyay in mustaqbalka dhaw 2077 iyo wixii kadanbeeyo 40% shaqooyinka lawareegi doonaan robot-yada, waxaa kaloo laga cabsi qabaa in robot-yadu lawareegaan shaqooyin-ka kusaleysan maamulka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xirfadaha & Teknolojiyada

Noocyada Jabsadeyaasha Kombuutarka u Kala Baxaan

Published

on


Waa kuma jabsade?

Badanaa markaad maqasho erayga Hacker waxaa kugu soo dhacayo inuu yahay dambiile tuug ah oo si sharci darro ah dadka u dhaco asagoo adeegsanyo kombuyutarka.

Hadaba Hacker ama jabsade waa shaqsi leh xirfad dheeri ah, una isticmaalo kombuyuutar-ka si kabaxsan sidii loogu tala galay.

Hacker-ku waxa uu noqon karaa mid wanaagsan, mid xun iyo mid aannan labada dhinacba meel heesan. Erayga Hacker badanaa waxa uu u taaganyahay qof xirfadiisa u isticmaalo si uu helo xog aanan loo fasaxin ama gudaha ugalo system ama nidaam’ aanan loo ogoleyn asagoo wax fasax ah heysan.

Tusaale ahaan jabsadaha waxaa laga yaabaa inuu jabsado system-ka dhan oo ay shirkad ku shaqeeneysay ama uu jabsado qof ciwaankiisa asagoo dhibaato ugeysanayo qofkaas sumcadiisa.

Noocyada jabsadayaasha?

Hacker-ku waxa uu u kala baxaa seddex qeybood oo kala ah:

  1. White Hat Hackers “Koofiyad cad”:  Koofiyad cad waa kuwa wanaagsan ahna hackers u shaqeeya qaab sharci ah, ahna kuwa difaaca sytem-yada shirkadaha ama u shaqeeya wadankooda si ay u difaacaan in la jabsado xogaha dalkooda waxaana loo yaqaanaa Ethical Hackers.

White hat hackers badanaa waxa ay qabtaan ama kahor tagaan weerarada lagu soo qaado shirkadaha ay u shaqeeyaan ayna u xaliyaan meelaha uu ka jilicsanyahay system-ka shirkadaha ay u shaqeeyaan. Shirkadaha sida Facebook, Google iyo Microsoft ayaa isticmaalo Hacker-ada noocaan ah.

  1. Black Hat Hackers “Koofiyad Madaw”: Black hat hackers ama koofiyad madaw waa kuwa aadka u xun ee u isticmaala kombuyuutarka si sharci daro ah si ay u helaan xoggo aanan loo ogoleyn, waa kuwa ku beero virus systemka shirkadaha, ahna kuwa jabsado bank-yada si ay u dhacaan lacago aad u fara badan, waxaa loo yaqaanaa dambiilayaasha kombuyuutarka.

Waxaa jirro kooxo badan oo koofiyad madaw ah caalamka ka ah dambiilayaal waa weyn kuna xukuman dil meeshii lagu arko.

Black hat hackers waa nooca hacker-ada ugu halista badan ee u adeegsado kombuyuutarka si ay u saameeyaan shirkadaha waaweyn, dowladaha iyo shaqsiyaadka caanka ah. Black hat hackers-ka kooxaha ugu caansan waa kooxda Anonymous, Syrian electron army iyo Tarh Andishan.

3. Grey Hat Hackers “koofiyad cawl”: Grey hat hackers ama koofiyad cawl waa hackers-ka dunida aanan la saadaalin karin marba dhinac lug kula jira marna waxey u dhaqmaan sida black hat oo sharci darro ah marna waa white hat oo waxay ku dhaqmaan si sharciyeesan.

Shirkadaha badanaa aad bay isaga ilaaliyaan Grey hat maadamaa aanan lagu tashan karin ee berri ka maalin dhib u geysan karaan shirkada. Grey hat badanaa waxa ay lashaqeeyaan dowlada siiba sirbaaryaasha dalalka caalamka sida FBI, CIA iyo SIS.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xirfadaha & Teknolojiyada

Imaaraadka Carabta oo Dayax-gacmeed u diraya meeraha Mariikh

Published

on


Dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee Carbeed ee loo dirayo meeraha Mariikh ama Farraare ee afka qalaad lagu yirahdo Mars ayaa lagu wadaa in hawada loo diro muddo toddobaadyo gudahood ah. Toddobaadka soo socda ayaa la filayaa in Dayax-gacmeedkaasi lagu shubo shidaalkii ugu horreeyay.Safarka Dayax-gacmeedkan ayaa qaadan doono toddobo bilood oo uu ku jari doono masaafo dhan 493 milyan oo kiiloomitir, si uu u gaaro meerahaasi Mariikh isla markaana uu xaruntii laga gamay u soo diro xog muhiim ah oo ku saabsan cimilada iyo jawiga meerahaasi.

Dayax-gacmeedkan ayaa ku wareegi doono meerahani muddo 687 maalmood ah, si uu u soo uruuriyo xog ku filan oo ku saabsan macluumaadka meerahani Mariikh ama Farraare.Halkii wareeg oo Dayax-gacmeedkani uu ku soo wareego meerahani ayaa qaadanaya 55 saacadood. Agaasimaha barnaamijkan Imaaraadka, Sarah Al-Amiri, ayaa shalay sheegtay in mashruucani uu noqon doono mid dhiirigelin weyn u leh saynisyahannada Carbeed, si ay u daneeyaan farsamada qalabka ay cirbixiyeennadu isticmaalaan. Dayax-gacmeedkani oo lagu magacaabo Amal, ayaa 14-ka bisha Luuliyo lagu wadaa inuu ka duulo jasiiradda Tanegashima ee dalka Japan.

Dayax-gacmeedkan ayaa ka kooban saddex qeybood oo qeybta koowaad u jeeddadiisu tahay in lagu soo cabbiro waxa uu ka kooban yahay gibilka hawo ee meerahani, waxaana ku rakiban kaameero aad u awood badan. Qeybta labaad ayaa loogu talagalay in lagu ogaado cabbirka gibilka sare iyo kan hoose ee meerahani, waxaana qeybtani farsameeyay Jaamacadda gobolka Arizona ee dalka Mareykanka. Halka qeybta saddexaad loogu talagalay in lagu soo cabbiro heerka curiyeyaasha kala ah Ogsajiinka iyo Haydaroojin ee meerahani. Al-Amiri ayaa sheegtay in muhiimadda daraasaddoodu ay tahay sidii xog muhiim ah looga heli lahaa labadani curiye ee biyuhu ka sameysmaan iyo sida looga helo meerahani Mariikh. Dowladda Imaaraadka ayaa horey mid ka mid ah cirbixiyeennadeeda u dirtay xarunta cirbixiyeennada adduunka ee ku taal hawada sare.

Amiir Suldaan Bin Salmaan Al-Sacuud oo u dhashay dalka Sucuudi Carabiya ayaa ahaa cirbixiyeenkii Carbeed ee ugu horreeyay ee u dalxiis tago hawada sare, waxa uuna sanadkii 1985 raacay dayax-gacmeed laga leeyahay dalka Mareykanka. Dayax-gacmeedkan Amal ayaa lagu sameeyay dalka Imaaraadka Carabta waxaase markab lagu geeyay dalka Japan, halkaasi oo dhammaan injineeradii farsameynayay ay ku khasbanaadeen in la karantiilo sababo la xiriira cudurka Covid-19, arrintaasi oo halis gelisay in duulimaadka Dayax-gacmeedkaasi uu ka daaho xilligii loogu tala galay. Monica Grady, oo ah bare-sare oo ku takhasusay culuunta hawada sare isla markaana ka tirsan Jaamacadda Open University ee dalka Britain ayaa rumeysan in safarkani Imaaraadku uu muhiimad gaar ah u leeyahay dunida maadaama horey safarrada noocani ah ay u badnaayeen quwadaha waaweyn ee caalamka ee sida Mareykanka iyo Shiinaha.

Hoggaamiyaasha mashruucani Imaaraadka Carabta waxay xasuusiyeen dunida in siddeed qarni ka hor, khubaro Carbeed ay safka hore kaga jireen cilmi-baarista dhanka Sayniska ee lagu ogaanayay waxyaabo badan dunida oo dhan. Sidaa awgeedna maanta, amiirka Jasiiradda Dubai oo ka mid ah toddobada imaaradood ee ay ka kooban tahay Imaaraatka Carabta, uu rajeynayaa in mashruucani uu horseedi doono in uu soo nooleeyo dareen iyo hanka Carbeed isla markaana uu gobolka ka caawin doono sidii looga tabaabusheysan lahaa dhaqaalaha ku xiran saliidda oo kaliya. Ujeeddada safarkan ayaa ah in Dayax-gacmeedkan uu gaarto meerahaasi Mariikh 50 sano guurada ka soo wareegtay markii la aasaasay dalkasi Imaaraadka Carabta sanadkii 1971, waxaana dalkaasi qaniga ahi uu ballan qaaday in meerahaasi uu ka dhisi doono deegaan uu bani’aadamka ku noolaan karayo meesha lagu gaaro sanadka 2117

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Dhaqaalaha1 day ago

Ruushka iyo Senegal oo kawada hadlay sidii loo ballaarin lahaa xiriirka tamarta iyo macdanta

Bariga dhexe1 day ago

Dib-u-habaynta hoggaanka: Maxay dunidu ka filan kartaa madaxweynaha cusub ee Iiraan?

Yurub3 days ago

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Israa’iil ku eedeeyay faragelinta doorashada dalkiisa- warbaahinta

Sirdoonka & Militariga3 days ago

Mareykanka oo hubka riddada dheer geynaya Jarmalka

Bariga dhexe4 days ago

Xaaska hoggaamiyihii kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi oo dil toogasho lagu xukumay

Geeska Afrika4 days ago

Itoobiya oo noqotay dalkii ugu horreeyay ee ajnabi ah oo booqasho ku taga dalka Suudaan tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye

Sirdoonka & Militariga7 days ago

Militariga Mareykanka oo dhameystiraya ka bixitaankiisa Saldhigga Niger

Wararka1 week ago

Pezeshkian ayaa ku guuleystay tartanka madaxtinimada Iiraan

Bariga dhexe1 week ago

Wargeyska The Daily Telegraph ayaa soo saaray warbixin been abuur ah in Xisbullah ay ku kaydiyaan hub casri ah garoonka Beyruut

Wararka1 week ago

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Ingiriiska oo xilka la wareegay

Afrika1 week ago

Dowladda Sierra Leone ayaa mamnuucay guurka caruurta ka yar 18 sano

Afrika1 week ago

Ruushka iyo Maali oo xoojinaya iskaashiga nukliyeerka

Siyaasadda Soomaaliweyn2 weeks ago

$20 milyan oo laga waayay qasnadda Dowladda Federaalka Soomaaliya – yey ku maqantahay lacagtaas?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Maxaa kasoo baxay wadahadalka Ankara ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya?

Afrika2 weeks ago

Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay dalka Nayjeeriya ayaa waxaa ku dhintay dad badan

Yurub2 weeks ago

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay inay soo rideen 36 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee Ukrayn

Wararka2 weeks ago

Madaxweynaha Mauritania Maxamed Ould Ghazouani oo mar labaad ku guulaystay xilka

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Pentagon-ka ayaa beenisay in ay saldhig ka sameysaneyso gobolka koonfurta Afrika

Siyaasadda Soomaaliweyn2 weeks ago

Maxamed Cusmaan Jawaari oo geeriyooday – Waa kumaa Barafisoor Jawaari?

Wararka2 weeks ago

Hindise sharciyeedka maaliyadda oo laga laabanayo kadib rabshado ay dad badan ku dhinteen – Madaxweynaha Kenya

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Mareykanka oo raadinaya saaxiibo militari oo cusub oo gudaha Afrika ah

Geeska Afrika3 weeks ago

Kenya: Dibad-baxayaal ayaa toogasho lagu dilay – Wararka ayaa sheegaya

Wararka3 weeks ago

Julian Assange ayaa laga sii daayay xabsiga Ingiriiska

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada3 weeks ago

Mawduuc Falsafi ah: Dhagar tolmoon mise udub dhexaadka nolosha ah?

Wararka3 weeks ago

Dagaal cusub ayaa soo socda – QM

Bariga dhexe3 weeks ago

“Meel Israa’iil ka mid ah kama badbaadi doonto gantaalladeena” – Xassan Nasrallah

Afrika3 weeks ago

Dalka Zimbabwe oo codsanaayo xubinnimada kooxda BRICS

Geeska Afrika3 weeks ago

Mudaaharaad rabshado wata ayaa ka dhacay dalka Kenya, kaas oo looga soo horjeedo sharciga canshuuraha

Diblomaasiyadda3 weeks ago

Booqashada Putin ee Vietnam: Laga soo bilaabo saaxiibtinimada taariikhiga ah ilaa qorshayaasha mustaqbalka

Wararka4 weeks ago

Tansaania oo furtay xaruntii ugu horeysay ee digniinta degdegga ah ee hawlgalka iyo isgaarsiinta

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Faransiiska oo dhimaya joogitaanka ciidamadiisa militariga ee Afrika – AFP

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Suudaan oo dacwo ka ah faragelinta ‘aan joogsiga lahayn’ ee Imaaraadka Carabta

Yurub4 weeks ago

Ra’iisul Wasaaraha Netherlands Mark Rutte, oo noqonaya madaxa NATO

Diblomaasiyadda4 weeks ago

Kuuriyada Waqooyi oo roog cas u fidisay Putin, oo heshiis muhiim u ah la saxiixatay Ruushka

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Wadamada hubka nukliyeerka ku hubaysan oo kor u qaadaya awooda hubkooda arsenalka – cilmi baaris

Wararka4 weeks ago

Xujeyda Muslimiinta ah ayaa isugu tagay Buurta Carafa si ay u cibaadeystaan ​​maalinta oo dhan

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

Xogta saraakiishii lagu dilay deegaanka Awdiinleh iyo degmada Bardaale

Siyaasadda Soomaaliweyn1 month ago

Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa beeniyey eedeynta Al-Shabaab ee dilkii dhaqaatiirta Kuubba

Afrika1 month ago

Madaxweyne ku xigeenka Malawi Saulos Chilima iyo sagaal kale ayaa ku dhintay shil diyaaradeed, sida ay xaqiijisay dowladda

Siyaasadda Arrimaha Dibadda1 month ago

Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaaraha Norway?

Xul