Connect with us

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Nigeria: Buhari oo maamulaya shidaalka

Published

on

Dalka Nigeria Madaxweyne Muhammadu Buhari ayaa shaaca ka qaaday inuu isagu ahaan doono madaxa wasaarada shidaalka waxaanu hadalkani ka sheegay mar uu ka hadlayey xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Nigeria ayaa 90% lacagteeda adag ka hesha Batroolka ay dhjeeofiso iyadoo qiimo dhaca batroolka caalamka ku yimid uu dalkaasi galiyey xaalad dhaqaale oo adag .

Hay’adaha Batroolka ee Nigeria ayaa musuq maasuq ragaadiyay, waxaana madaxweyne Buhaari balan qaaday xilligii doorasahada inuu musuqa la dagaalami doono.

Waxaa jiray tuhun ahaa in madaxwaynaha Nigeria Muhamadu Buhari uu isaga qaban doono xilka wasaarada shidaalka, hadda waxa uu xaqiijiyay in wasiir kalkaaliya uu wadi doono hawsha maalin laha ah ee wasaaradda balse, uu isagu si guud u maamuli doono, si uu wax uga qabto musuqmaasuqa hareeyay wasaarada.

Sanadihii 1970-yadii iyo 1990-yadii Muhammadu Buhari waxa uu qabtay xilal sare oo wasaarada shidaalka, sidaas daraadeed wuxuu leeyahay khibrado la xiriira wasaaraddaasi.

Buhari, waxa uu balan qaaday in uu soo celin doono lacagaha badan ee shidaalka ee la dhacay isla markaasna uu maxkamad keeni doono dadka arrintaasi ka dambeeya.Dadka falanqeeya qaarkood waxa ay sheegayaan in jagadan muhiimka ah uusan cid kale ku aaminaynin.

Saacadaha soo socda waxaa la filayaa in uu ku dhawaaqo golahiisa wasiiradda ee wakhtiga dheer la sugayay.

Muhammadu Buhari waxaa xilka loo dhaariyay Bishii shanaad ee sanadkan, wuxuuna u gudbin doonaa liiska gollahiisa wasiirada Sanetka dalkaasi si ay u ansixiyaa.

Soo xulidda wasiirada ee xilaga dheer qaadatay, waxaa ay u muuqataa in looga gol lahaa in baaritaan lagu sameeyo dadka si aan xil loogu dhiibin dad musuqmaasuq aan samayn.

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Soomaaliya ay leedahay ku dhawaad 3,400 oo kiiloomitir oo xeeb ah, taas oo uu sheegay inay abuureyso fursado maalgashiga dalka.

Published

on


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay doonayso inay soo jiidato maalgashiga Afrika iyo caalamka, isagoo tilmaamay in isbeddellada juqraafi-siyaasadeed, hubanti la’aanta dhaqaale iyo saameynta isbeddelka cimiladu ay Afrika ku khasbayaan inay xoojiso iskaashiga iyo isku-duwidda kheyraadkeeda.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay magaalada Al-Alamein ee dalka Masar, wuxuu sheegay in dalalka Afrika ay u baahan yihiin inay xoojiyaan suuqyadooda maaliyadeed, nidaamyada dakhliga gudaha iyo maalgelinta gaarka loo leeyahay si qaaraddu uga gudubto caqabadaha dhaqaale ee horyaalla.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin la xiriira amniga, dib-u-habaynta siyaasadda iyo xoojinta hay’adaha dowladda, isagoo xusay in dhaqaalaha dalku afartii sano ee lasoo dhaafay sanad kasta kobcayay inta u dhaxaysa 3 iyo 4 boqolkiiba, inkastoo ay jireen caqabado amni iyo kuwo cimiladeed.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay fursadaha ka dhashay ku biiritaanka Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika, isagoo sheegay in xubinnimadu ganacsatada Soomaaliyeed u furtay suuq goboleed ballaaran isla markaana Soomaaliya ka dhigtay marin muhiim ah oo isku xira Bariga Afrika, Gacanka Cadmeed, Jasiiradda Carabta iyo Badweynta Hindiya.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Soomaaliya ay leedahay ku dhawaad 3,400 oo kiiloomitir oo xeeb ah, taas oo uu sheegay inay abuureyso fursado maalgashi oo ku saabsan dekedaha, saadka, kalluumaysiga, beeraha, xoolaha iyo tamarta. Wuxuu sidoo kale xusay kobaca adeegyada dhijitaalka ah iyo isticmaalka lacagaha moobilka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu gaaray heer iskaashi istaraatiiji ah, kaddib markii labada dal ay Janaayo 2025 sare u qaadeen xiriirkooda laba geesoodka ah. Iskaashiga ayaa sida uu sheegay daboolaya ganacsiga iyo maalgashiga, beeraha iyo xoolaha, kalluumaysiga, dhismaha, gaadiidka, adeegyada maaliyadeed, shidaalka, gaaska iyo tamarta la cusboonaysiin karo.

“Waxaan doonaynaa in maalgashadayaasha Afrikaanka ahi Soomaaliya u arkaan oo keliya dal ka soo kabanaya culaysyo, balse ay u arkaan suuq furmaya, goob istaraatiiji ah oo muhiim ah iyo dhaqaale ay weli ka jiraan fursado badan oo lagu maalgashado” – ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay ganacsatada Afrika, shirkadaha iyo hay’adaha maaliyadeed ee Masar iyo maalgashadayaasha caalamiga ah inay Soomaaliya kala shaqeeyaan wejiga xiga ee horumarinta dhaqaalaha, isagoo sheegay in mustaqbalka dhaqaale ee Afrika uu ku xirnaan doono iskaashi iyo mashaariic ay dalalka qaaraddu si wadajir ah u dhisaan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Kunkii Shillin Soomaaliga la waayay iyo muddo kororsiga Xassan maxaa kulmiyay?

Faalladeenna waxa ay daaran tahay kordhiskii dhacay kaabiya muxuu ku haayaa kaligaa xukunka miyaa xaajada noqotay xasarad kici miyay xaajada noqotay.

Published

on


Maskaxda aynu tuujiso sooyaalka dib aynu u eegno aafooyinkii dhacay kunkii la waayay iyo beddelkoo kaaha ka dama, kunkii la waayay iyo bulshadoo kuhatay koobkii shaaha oo kunkii shillin lagu cabi kari la’yahay kummanaan shillin adigoo haysta ayaa bulshada dhexdeeda ku baahanaysaa oo aaddan kari karin inaad ku shubato koob shaaha.

Intaa kuma koobna oo kaliya faalladeenna dadkii dantayaraa intii kaalmeyn jirtay maanta waa kuwaan ilmadu kafku ay joogto oo ruux kaaba uusan jirin waa sida maanta magaalada ay u muuqatee majirto cid dadka dantayar caawisa waan xaaladda ugu adag ee dalkeenna uu ku sugan yahay waxaa daaqada ka baxday caawinaadii dadka dantayarta ahaa loo fidin jiray si maalinle ah kuwaasi oo ay bixin jireen ganacsiga, bulshada gacanta furan iyo dadkeenna kale oo awooda inay walaalahooda caawiyaan waxayna ku caawin jireen kunkaa shillin iyo wixii kasii dheeraad ah balse imika waa la waayay.

Sidoo kale, waxaa hakad galay isticmaalka gawaaridda ay isticmaali jireen kunkii shillin ee ahaa madigii inoo haray, qarannimadii iyo astaamihii aynu lahayn dib aynu milicsano lacagihii aynu lahayn qaranimadeenna iyo sharafteenna kor u qaadi jirtay sida, Kumi, Taano, Shillin, Nus shillin, Shan shillin, Toban shillin, Boqol shillin iyo waliba Shan boqol illaa Kunkii aynu aasnay xisaab baa kor-hortaagan dowladdu ay kow ay ka tahay iyo inta ku dhaw.

Lacagtu waa mid kamid ah astaamaha qarannimo ee dal kasta uu leeyahay laguna aqoonsado bulshadda dalkaasi ayaana isticmaasha lacagahaasi iyagoo u adeegsada nolosha xilligaasi ay ku sugan yihiin.

Dhanka kale, faalladeenna waxa ay daaran tahay kordhiskii dhacay kaabiya muxuu ku haayaa kaligaa xukunka miyaa xaajada noqotay xasarad kici miyay xaajada noqotay faallada waxay si xasilooni ugu hadlaysaa xaaladihii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, faalladeenna waxay dul heehaabanaysaa kordhiskii dhacay kaabiya muuxuu ku haaya kaligaa xukun miyay xaajada noqotay, xasarad kici miyay xaajada noqotay faalladu intaa oo kaliya kuma aysan xaslin ee waxa ay guda-gashay biyaha dhaca faallada oo ah in Muqdisho ay ku sugan tahay xaaladdo iska horimaad ah taasi oo u dhaxaysa dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka oo dhinac ah.

Balse xowraanka faalladeeda waxay leedahay dalka yaan xumeyn madaxda yaan la xaalafin xiska iyo ha shaqeeyo garaadka xaaladda Xamar ay ku sugan tahay ma ahan mid la dheehan karro.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Donald Trump oo soo jeedinaya in dalalka Carabta bixiyaan khasaaraha Iiraan kasoo gaaray dagaalka

Dalalka Khaliijka waxay wajahayaan laba doorasho oo adag: inay la jaanqaadaan caddaadiska Mareykanka ama inay isku dayaan inay haggaajiyaan xiriirkooda Iiraan si ay uga fogaadaan khilaaf cusub.

Published

on


Qormadan waxaan diiradda ku saaraynaa soo jeedinta muranka dhalisay ee uu soo bandhigay madaxwaynaha Mareykanka ee Donald Trump, taasoo ku saabsan in dalalka Carabta lagu riixo inay bixiyaan magdhow dhaqaalle oo la xiriira khasaaraha Iiraan kasoo gaaray dagaalka.

Arrintani waxay furaysaa dood ballaaran oo ku saabsan mas’uuliyadda maaliyadeed, awood qaybsiga juqraafiyeed, iyo mustaqbalka siyaasadda amni ee Bariga Dhexe. Marka hore, fikradda Donald Trump ma aha mid caadi ah marka loo eego dhaqanka caalamiga ah. Caadiyan, magdhowga dagaalka waxaa bixiya dhinacyada si toos ah ugu lugta leh colaadda. Soo jeedinta ah in dalal aan si toos ah dagaalka uga qayb qaadan lagu khasbo inay bixiyaan magdhow waxay jebinaysaa xeerarka siyaasadda caalamiga ah ee ku saleysan madaxbannaanida dowladaha. Tani waxay dhalinaysaa su’aal muhiim ah: yaa qaadaya mas’uuliyadda cawaaqibka dagaal aan si toos ah uga qayb qaadan?

Marka labaad, soo jeedintan waxay muujinaysaa istiraatiijiyad siyaasadeed oo ku dhisan cadaadis dhaqaale. Dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka (GIK) muddo dheer waxay ku tiirsanaayeen Mareykanka si uu u dammaanad qaado ammaankooda. Haddii Mareykanku bilaabo inuu ku caddaadiyo xulafadiisa dhaqaalle ahaan, waxaa suurtagal ah in kalsoonidii istiraatiijiyadeed ay daciifto. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay dalalka sida Sacuudiga, Imaaraadka, iyo Kuwayt, kuwaas oo u arka xiriirka Mareykanka mid laf-dhabar u ah amnigooda.

Dhacdadii 28-kii Febraayo, oo Iiraan ay weerarro isugu jira gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku qaaday dalalka Khaliijka, waxay si cad u muujisay nuglaanta nidaamka amni ee gobolka. Weerarradan waxay saameyn toos ah ku yeesheen kaabayaasha muhiimka ah sida saliidda iyo gaaska, kuwaas oo ah halbowlaha dhaqaale ee dalalkan. Halkii laga filayay in Mareykanku xoojiyo illaalinta xulafadiisa, soo jeedinta Trump waxay u muuqataa mid culays dhaqaalle oo dheeraad ah saaraysa.

Dhinaca kale, fikraddan waxay leedahay dhinac siyaasaddeed oo qarsoon. Waxaa suuragal ah in Donald Trump uu doonayo inuu dib u qeexo doorka Mareykanka ee gobolka, isaga oo ka leexanaya “illaaliyaha bilaashka ah” una wareegaya nidaam ku saleysan “bixinta adeegyada amniga.” Taas macnaheedu waa in dalalka Khaliijka laga filayo inay bixiyaan kharashaadka illaalintooda, xittaa haddii ay taasi ku lug leedahay magdhow dal kale sida Iiraan. Haddii tani hirgasho, waxay beddeli kartaa qaabka xirriirka caalamiga ah ee Mareykanka.

Saameynta dhaqaalle ee arrintan ayaa sidoo kale weyn

Dalalka Khaliijka waxay ku tiirsan yihiin dakhli ka yimaada shidaalka, waxaana horey u jiray caddaadisyo ka imanaya suuqyada tamarta iyo isbeddelka tamarta nadiifka ah. In lagu daro culays dhaqaalle oo ah magdhow dagaal waxay wiiqi kartaa qorshayaashooda horumarineed sida “Aragtida Sacuudiga 2030.” Tani waxay keeni kartaa hoos u dhac ku yimaada maalgashiga, shaqo abuurka, iyo koboca dhaqaale.

Dhanka juqraafiyeed, soo jeedintan waxay abuureysaa xiisad cusub oo u dhexeysa dalalka Khaliijka iyo Iiraan. Inkastoo ay jireen dadaallo dhowaan lagu hagaajinayo xiriirka labada dhinac, fikraddan waxay dib u soo celin kartaa shaki iyo colaado.

Dalalka Khaliijka waxay wajahayaan laba doorasho oo adag

Dalalka Khaliijka waxay wajahayaan laba doorasho oo adag: inay la jaanqaadaan caddaadiska Mareykanka ama inay isku dayaan inay haggaajiyaan xiriirkooda Iiraan si ay uga fogaadaan khilaaf cusub.

Falanqeeyaha siyaasadda Xusseen Ibish ayaa hore u tilmaamay in aysan fuddudeyn in isbeddel nidaam laga sameeyo Iiraan iyadoo la adeegsanayo awood militari oo keliya. Tani waxay ka dhigan tahay in xittaa haddii caddaadis la saaro, Iiraan ay u badan tahay inay sii adkeysato. Sidaas awgeed, dalalka Khaliijka waxay ka baqayaan laba xaaladdood: Iiraan oo sii xoogeysata oo aargoosi sameysa, ama Iiraan oo burburta oo keenta fowdo gobolka ah.

Labadan xaaladood midkoodna ma aha mid faa’iido u leh dalalka Khaliijka. Iiraan oo xoogeysata waxay kordhin kartaa weerarro iyo xiisado militari, halka burburkeedu uu sababi karo qulqul qaxooti, faafitaanka hubka, iyo xasillooni darro guud. Dalalka Khaliijka waxay u badan tahay inay doortaan siyaasad dhexdhexaad ah oo isku dheelitiraysa iska horimaad iyo wada noolaansho.

Ugu dambeyn, soo jeedinta Donald Trump waxay ka tarjumaysaa isbeddel ballaaran oo ku saabsan sida loo arko mas’uuliyadda dagaalka iyo doorka xulafada. Inkastoo ay u muuqan karto xal dhaqaalLe oo degdeg ah, haddana waxay keeni kartaa cawaaqib siyaasaddeed, dhaqaalle, iyo amni oo fog. Dalalka Khaliijka waxay ku jiraan xaalad adag oo u baahan inay si taxaddar leh u qiimeeyaan xiriirkooda Mareykanka iyo Iiraan, si ay u ilaashadaan xasilloonidooda iyo danahooda mustaqbalka. Arrintani waxay muujineysaa in siyaasadda juqraafiyeed ee casriga ah aysan ku saleysneyn oo keliya awood militari, balse ay sidoo kale si weyn ugu xiran tahay awood dhaqaale, saameyn siyaasadeed, iyo istiraatiijiyad fog. Dalalka awoodda leh waxay isku dayayaan inay dib u qaabeeyaan nidaamka caalamiga ah, halka kuwa yaryar ay isku dayayaan inay ka badbaadaan cadaadiskaas iyagoo ilaalinaya madaxbannaanidooda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Bangiyadda & Keydka

Mala socotaa in doollarka uusan ahayn oo kaliya lacag, balse waa aalad awooddeed?

Ma ogtahay in marka ganacsiga lagu kala iibsado saami doollar ah, Mareykanku wuxuu helayaa awood uu ku xakameeyo nidaamka lacagaha ee caalamiga ah, gaar ahaan iyada oo loo marayo nidaamyada bangiyada iyo hababka lacag wareejinta sida SWIFT.

Published

on


Hoos u dhaca doollarka Mareykanka iyo istaraatiijiyadda ay qaateen dalalka sida Ruushka iyo Shiinaha si ay uga fogaadaan isticmaalka doollarka ee ganacsiga caalamiga ah waxay muujinaysaa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda iyo dhaqaalaha adduunka. Arrintan ma aha oo kaliya mid ku saabsan lacag la isku beddelanayo, balse waa mid taabanaysa awoodda iyo saamaynta caalamiga ah ee Mareykanka.

Muddo dheer, gaar ahaan tan iyo dhammaadkii Dagaalka Adduunka II, doollarka Mareykanka wuxuu noqday tiirka ugu muhiimsan ee nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah. Heshiiskii Bretton Woods ayaa si rasmi ah u dejiyay doollarka inuu noqdo lacagta ugu weyn ee lagu kaydiyo hantida iyo ganacsiga. Taasi waxay siisay Mareykanka awood uu ku saameeyo suuqyada, bangiyada, iyo siyaasadaha dhaqaalle ee dunida oo dhan.

Waa maxay Heshiiskii Bretton Woods, oo la aasaasay Luulyo 1944?

Nidaam lacageed oo caalami ah oo cusub ayaa waxaa sameeyay ergooyin ka kala socday 44 waddan oo ku kulmay Bretton Woods, New Hampshire, bishii Luulyo 1944. Ergooyinka shirka ayaa isku raacay in la dhiso Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka. Ujeeddada ugu weyn ee nidaamka Bretton Woods waxay ahayd in la xasiliyo sarrifka lacagaha, la yareeyo tartanka qiimo-dhimista, lana dhiirrigeliyo kobaca ganacsiga iyo dhaqaalaha caalamiga ah. Ujeeddada ugu weyn ee Heshiiska Bretton Woods waxay ahayd in la xasiliyo sarrifka lacagaha, la yareeyo tartanka qiimo-dhimista, lana dhiirrigeliyo kobaca ganacsiga iyo dhaqaalaha caalamiga ah.

Laba dhaqaaleyahan oo caan ah, John Maynard Keynes iyo Harry Dexter White, ayaa si weyn uga qayb qaatay naqshadeynta nidaamkan. John Maynard Keynes wuxuu soo jeediyay bangi dhexe oo caalami ah iyo lacag cusub oo la yiraahdo “bancor,” halka Harry Dexter White uu taageeray nidaam ku saleysan lacagaha qaranka iyo kayd dahab ah. Inkasta oo ay kala duwanaayeen aragtidooda, heshiiska ugu dambeyntii la gaaray waxaana la isku daray fikradaha labada dhinac.

Inkasta oo nidaamkani uu shaqeynayay ilaa 1971, markii Mareykanku joojiyay isku-xirnaanta doolarka iyo dahabka, haddana wuxuu dhaxal u reebay qaab-dhismeedyo weli saameyn ku leh dhaqaalaha caalamiga ah maanta. Sababtoo ah, nidaamka Bretton Woods wuxuu dejiyay nidaam sarrif oo go’an, halkaas oo lacagaha waddamada lagu xiray doolarka Mareykanka, doolarkuna uu ku xirnaa dahab. Tani waxay abuurtay xasillooni dhaqaalle oo muddo dheer socotay, taasoo sahashay kobac dhaqaalle iyo ganacsi caalami ah. Nidaamkani wuxuu socday ilaa 1971, markii Mareykanku joojiyay isku-xirnaanta doolarka iyo dahabka, taasoo keentay burburka nidaamkaas.

Nidaamka Bretton Woods wuxuu saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha, siyaasadda, iyo diblomaasiyadda caalamka intii uu shaqeynayay (1944–1971) iyo xittaa ka dib burburkiisa. Ujeeddadiisu waxay ahayd in la abuuro nidaam dhaqaalle oo xasilloon oo ka hortaga qalalaasihii hore, taasoo si weyn u beddeshay sida waddamada u wada shaqeeyaan. Wadamada warshadaha leh sida Mareykanka iyo Yurub waxay gaareen kobac dhaqaalle oo degdeg ah, waxaana la arkay koror weyn oo wax soo saar iyo shaqo abuur leh. Intaa waxaa dheer, hay’adaha sida Hay’adda Lacagta Adduunka (International Monetary Fund) iyo Baanka Adduunka (World Bank) ayaa ka caawiyay waddamada inay ka gudbaan dhibaatooyinka dhaqaalle iyo inay helaan maalgelin horumarineed.

Saameynta dhaqaalle ma ahayn mid isku dheellitiran

Wadamada soo koraya waxay inta badan ku tiirsanaayeen kaalmo iyo deymo, taasoo mararka qaar keentay ku-tiirsanaan dhaqaale. IMF waxay dejisay shuruudo adag marka ay bixiso deymo, taasoo saameyn ku yeelatay siyaasadaha gudaha ee waddamada qaarkood. Sidaas darteed, inkastoo nidaamku kobac keenay, haddana wuxuu sidoo kale abuuray kala duwanaansho dhaqaalle oo u dhexeeya waddamada hodanka ah iyo kuwa saboolka ah. Dhinaca siyaasadda, Bretton Woods wuxuu xoojiyay hoggaanka Mareykanka ee nidaamka caalamiga ah. Sababtoo ah doolarka Mareykanka ayaa noqday lacagta ugu muhiimsan ee kaydka caalamiga ah, Mareykanku wuxuu helay awood dhaqaalle iyo mid siyaasadeed oo ballaaran. Tani waxay sidoo kale qayb ka ahayd tartankii awoodaha waaweyn ee xilligii Dagaalka Qaboowaa halkaas oo Mareykanku uu isticmaalayay hay’adaha dhaqaalle si uu u xoojiyo saameyntiisa siyaasaddeed iyo dhaqaalle ee dunida.

Dhinaca diblomaasiyadda, nidaamka Bretton Woods wuxuu dhiirrigeliyay iskaashi caalami ah oo aan hore loo arag. Wadamada ayaa si joogto ah uga wada shaqeynayay arrimaha dhaqaalle, taasoo sare u qaadday xiriirka diblomaasiyadeed iyo kalsoonida. IMF iyo Bangiga Adduunka waxay noqdeen goobo ay waddamadu ku wada hadlaan oo ay ku xalliyaan khilaafaadka dhaqaalle si nabad ah, halkii ay ka qaadi lahaayeen tallaabooyin adag sida xannibaadaha ganacsi.

Markii nidaamka Bretton Woods uu burburay 1971, kadib markii Mareykanku joojiyay isku-xirnaanta doolarka iyo dahabka, waxaa bilaabmay nidaam cusub oo sarrif lacag oo dabacsan (floating exchange rates). Inkastoo tani keentay xorriyad dhaqaalle oo badan, haddana waxay sidoo kale kordhisay khatarta isbeddelka sarrifka iyo qalalaasaha dhaqaalle. Bretton Woods wuxuu si weyn u saameeyay dunida, isagoo dhisay aasaaska nidaamka dhaqaalle ee casriga ah. Wuxuu xoojiyay iskaashiga caalamiga ah, kobciyay ganacsiga, isla markaana beddelay awoodaha siyaasadeed iyo diblomaasiyaddeed ee dunida.

Doollarka ma ahan oo kaliya lacag, balse waa aalad awooddeed

Marka ganacsiga lagu kala iibsado saami doollar, Mareykanku wuxuu helayaa awood uu ku xakameeyo nidaamka lacagaha ee caalamiga ah, gaar ahaan iyada oo loo marayo nidaamyada bangiyada iyo hababka lacag wareejinta sida SWIFT. Tani waxay u oggolaatay Mareykanka inuu adeegsado cunaqabateyn dhaqaalle si uu caddaadis ugu saaro dalalka kalle, taasoo ka dhigtay doollarka hub siyaasaddeed oo aan la iska indha tiri karrin.

Isbeddelka ay wadaan Ruushka iyo Shiinaha wuxuu muujinayaa in nidaamkaas la caqabadeynayo. Labadan dal waxay si ula kac ah u yareynayaan ku tiirsanaanta doollarka, iyagoo kordhinaya isticmaalka lacagahooda gudaha sida yuan-ka iyo ruble-ka. Tallaabooyinkan waxaa dhiirrigeliyay dhowr arrimood, oo ay ka mid yihiin khilaafaadka siyaasaddeed ee sii kordhaya iyo cunaqabateynta dhaqaalle ee lagu soo rogay Ruushka, gaar ahaan ka dib dhacdooyinka la xiriira duulaankii gobolka Kirimiya ee Yukreyn.  Shiinaha, dhinaceeda, waxay leedahay aragti fog oo ku saabsan doorka ay rabto inay ka qaadato nidaamka caalamiga ah. Iyadoo loo marayo mashaariicda waaweyn sida Hindisaha Suunka iyo Waddooyinka (Belt and Road Initiative), Shiinaha waxay isku dayaysaa inay dhisto shabakad ganacsi iyo maaliyadeed oo ka madax-bannaan nidaamka reer galbeedka. Tani waxay u oggolaanaysaa inay ku fidiso saamaynteeda dhaqaalle iyo siyaasaddeed, iyadoo hoos u dhigaysa doorka doollarka ee ganacsiga. Saamaynta arrintan ayaa noqon karta mid aad u ballaaran. Haddii dalal kale—gaar ahaan kuwa soo koraya ee ku jira ururrada sida BRICS—ay bilaabaan inay raacaan jidkan, waxaa dhici karta in nidaamka maaliyaddeed ee caalamiga ah uu u wareego qaab cusub oo leh awoodo badan. Taasi waxay keeni kartaa in doollarka uu si tartiib ah u lumiyo kaalintiisa hoggaamineed, inkastoo aysan tani dhici doonin si degdeg ah.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in la fahmo caqabadaha horyaalla isbeddelkan. Inkastoo Ruushka iyo Shiinaha ay sameynayaan dadaallo waaweyn, doollarka Mareykanka weli wuxuu leeyahay kalsooni caalami ah oo aad u sarreysa. Suuqyada maaliyadeed ee Mareykanka waa kuwo aad u qoto dheer, nidaamkooda bangiyadeedna waa mid aad u horumarsan. Intaa waxaa dheer, hay’adaha caalamiga ah sida International Monetary Fund iyo World Bank ayaa weli si weyn ugu tiirsan doollarka. Waxa socda maanta ma aha burbur degdeg ah oo ku yimaada doollarka, balse waa tartan istaraatiiji ah oo muddo dheer socon doona. Ruushka iyo Shiinaha waxay isku dayayaan inay dhisaan nidaam kale, halka Mareykanku uu difaacayo booskiisa. Tartankan wuxuu ku fidsan yahay dhinacyo badan: dhaqaale, siyaasadeed, tiknoolajiyadeed, iyo xittaa milatari.

Haddii isbeddelkan sii socdo, adduunku wuxuu u wareegi karaa nidaam dunida awoodo badan ku dhisan (multipolar world), halkaas oo dhowr quwadood ay wadaagaan saamaynta. Tani waxay keeni kartaa fursado cusub, sida in dalal badan ay helaan xorriyad dheeraad ah oo ay ku maareeyaan dhaqaalahooda. Waxay sidoo kale keeni kartaa khataro, sida xasillooni darro iyo tartan sii kordha oo u dhexeeya quwadaha waaweyn.

Gabagabadii, ka fogaanshaha doollarka Mareykanka ee ganacsiga caalamiga ah waa dhaqdhaqaaq istaraatiiji ah oo leh saameyn fog. Ma aha oo kaliya laba dal oo isku dayaya inay beddelaan hab lacag-bixineed, balse waa isbeddel ku saabsan sida awoodda loo qaybinayo ee adduunka. Mustaqbalka nidaamka caalamiga ah wuxuu ku xirnaan doonaa sida isbeddelkan u kobco iyo sida dalalka kale ay uga falceliyaan. Waxaa suurtagal ah in dunidu ay u gudubto marxalad cusub oo leh qaab awooddeed oo ka duwan kii hore—mid ka adag, kana tartan badan, balse sidoo kale laga yaabo inuu noqdo mid dheellitiran.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Maxay dalalka qaar u horumaraan si ka dhakhsiyo badan kuwa kale?

Dhaqaale-yahanka Michael Spence ayaa si kastaba ha ahaatee ku dooday in adduunku hadda u socdo marxalad cusub oo loo yaqaan “The Next Convergence,” taas oo macnaheedu yahay in qaar ka mid ah dalalka saboolka ah ay bilaabeen inay si degdeg ah u koraan oo ay u soo dhowaadaan dalalka hodanka ah.

Published

on

SAWIRKA waa xaafadaha saboolka ah ee ku yaal xeebaha Mumbai, oo ka soo horjeeda dhismayaasha dhaadheer ee la dhisayo. | Sawirka: Getty Images

Su’aasha ah sababta dalalka qaar u horumaraan si ka dhakhso badan kuwa kale waa mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha adduunka. Muddo ku dhow laba qarni, waxaa jiray kala fogaansho sii kordhaysa oo u dhaxaysa dalalka hodanka ah iyo kuwa saboolka ah. Dhaqaale-yahanka Lant Pritchett ayaa arrintan ku tilmaamay “Divergence, Big Time,” taas oo muujinaysa sida dalalka horumaray ay uga sii hormareen kuwa kale.

Markii Adam Smith uu qoray buuggiisa caanka ah The Wealth of Nations sanadkii 1776, farqiga u dhexeeya dalalka hodanka ah iyo kuwa saboolka ah ma ahayn mid aad u weyn. Tusaalle ahaan, dalka ugu qanisan xilligaas—oo la rumeysan yahay inuu ahaa Netherlands—wuxuu dakhliga qofkiiba ka badnaa dalalka saboolka ah qiyaastii afar jeer. Si kastaba ha ahaatee, laba qarni kadib, farqigaasi wuxuu noqday mid aad u weyn, iyadoo Netherlands ay ka taajirsanayd dalal sida China, India, iyo Thailand heerar aad u sarreeya.

Arrintan waxaa sabab u ahaa waxa loo yaqaan “qaraxa aqoonta” iyo horumarka tiknoolajiyada. Dalalka hore u hormaray waxay heleen fursad ay ku horumariyaan warshado, tiknoolajiyo iyo hay’ado awood leh, halka dalalka kale ay dib uga hareen. Tani waxay abuurtay waxa loo yaqaan “dabin horumarineed,” halkaas oo dalalka saboolka ah ay ku adkaato inay ka baxaan saboolnimada, maadaama ay ka maqan yihiin agabkii iyo xirfadihii lagama maarmaanka u ahaa horumarka.

Dhaqaale-yahanka Michael Spence ayaa si kastaba ha ahaatee ku dooday in adduunku hadda u socdo marxalad cusub oo loo yaqaan “The Next Convergence,” taas oo macnaheedu yahay in qaar ka mid ah dalalka saboolka ah ay bilaabeen inay si degdeg ah u koraan oo ay u soo dhowaadaan dalalka hodanka ah. Tani waxay si gaar ah uga muuqataa dalal badan oo Aasiya ah.

Awoodaha wax soo saarka

Si loo fahmo sababta dalalka qaar u horumaraan, waxaa muhiim ah in la fahmo fikradda ah “awoodaha wax soo saarka.” Ricardo Hausmann wuxuu arrintan ku sharraxay tusaalle la mid ah ciyaarta Scrabble. Sida erayada loogu sameeyo isku darka xarfaha, alaabada iyo adeegyada waxaa lagu sameeyaa isku darka xirfado, tiknoolajiyo iyo aqoon. Dalalka leh “xarfo” badan—taas oo ah xirfado iyo agab badan—waxay soo saari karaan baddeecooyin kala duwan oo adag.

Haddii waddan uu ka maqan yahay xirfado muhiim ah, ma awoodi karo inuu soo saaro alaab gaar ah. Tusaalle ahaan, waddan aan lahayn koronto ama kaabayaal warshadeed ma dhisi karo warshado casri ah. Intaa waxaa dheer, marka waddan uu helo xirfado badan, faa’iidada uu ka helayo xirfad kasta oo cusub way sii kordhaysaa. Tani waxay sababtaa in dalalka hore u hormaray ay sii horumaraan, halka kuwa kale ay sii dib u dhacaan. Labadii qarni ee la soo dhaafay, tiknoolajiyada iyo kakanaanta wax soo saarka ayaa si weyn u kordhay. Tani waxay sii xoojisay kala fogaanshaha, maadaama dalalka saboolka ah ay ku adkaatay inay la jaanqaadaan isbeddelka degdegga ah. Caalamiyeynta ayaa wax ka beddeshay xaaladda hadda jirta.

Caalamiyeyntu waxay kala qaybisay silsiladaha qiimaha (global value chains), taasoo u oggolaatay dalalka inay ka qayb qaataan qayb ka mid ah wax soo saarka halkii ay ka qaban lahaayeen dhammaan hawlaha. Tusaalle ahaan, si waddan uu u dhoofiyo dhar, mar hore waxay ahayd inuu qabto dhammaan hawlaha laga bilaabo naqshadeynta illaa suuqgeynta. Maanta, waddan wuxuu ku bilaabi karaa hal qayb oo yar, sida tolidda, kadibna si tartiib ah ayuu u horumari karaa.

Tusaalle fiican waa dalka Albaniya, oo markii hore ahaa dal go’doonsan, balse markii uu furay dhaqaalihiisa, wuxuu bilaabay inuu ka qayb qaato warshadaha dharka, isagoo la shaqeynaya shirkado shisheeye. Tani waxay u suurtogelisay inuu si tartiib ah u horumariyo xirfadiisa warshadeed.

Sidoo kale, dalal sida Kuuriya Koonfureed, Mexico, iyo Shiinaha ayaa ka bilaabay warshado fudud, kadibna u gudbay soo saarista tiknoolajiyo sare sida elektaroonigga iyo baabuurta. Tani waxay muujinaysaa sida dalalka ay uga faa’iidaysan karaan silsiladaha qiimaha si ay u horumaraan. Tusaale kalle oo muhiim ah waa shirkadda IBM oo markii hore u oggolaatay shirkado Shiinees ah inay soo ururiyaan kombiyuutarradeeda. Si tartiib ah, shirkadahaas ayaa bartay xirfado cusub illaa ay gaareen heer ay iyagu maamulaan soo saarista, qaybinta iyo xitaa naqshadeynta.

Arrintan waxay muujinaysaa in barashada iyo ururinta xirfadaha ay tahay furaha horumarka. Haddii dal uu si buuxda u xiro suuqyadiisa si uu uga ilaaliyo tartanka shisheeye, wuxuu lumin karaa fursadaha barashada. Taasi waa sababta istaraatiijiyadaha hore ee “import substitution” aysan mar walba u shaqeyn.

Ka qaybgalka ganacsiga caalamiga ah ayaa siinaya dalalka fursad ay ku bartaan tiknoolajiyo cusub iyagoo la shaqeynaya shirkado khibrad leh. Tani waxay u baahan tahay siyaasado furan oo ganacsi, iyo sidoo kale maalgelin waxbarasho, kaabayaal, iyo cilmi-baaris.

Qaar ka mid ah dadka ayaa dhaliila nidaamkan, iyagoo leh dalalka saboolka ah waxay ku ekaanayaan shaqooyin hoose sida ururinta alaabada. Laakiin sida uu yiri saynisyahanka Carl Sagan, “Haddii aad rabto inaad samayso keeg tufaax ah xoqan, waa inaad marka hore abuurtaa caalamka.” Taas macnaheedu waa horumar kasta wuxuu ka bilaabmaa meel hoose, kadibna si tartiib ah ayuu u kobcaa.

Sababta dalalka qaar u horumaraan si ka dhakhso badan kuwa kale waxay ku xirantahay dhowr arrimood: heerka aqoonta iyo tiknoolajiyada, awoodaha wax soo saarka, ka qaybgalka ganacsiga caalamiga ah, iyo siyaasadaha dowladeed. Inkastoo hore ay u jirtay kala fogaansho weyn, maanta waxaa jira fursad cusub oo dalal badan ay ku gaari karaan horumar degdeg ah haddii ay si sax ah uga faa’iidaystaan caalamiyeynta iyo aqoonta casriga ah.

Qeybo kamid ah qoraalkaan waxaa lagu dabacayo Project Syndicate

Qoraa: Ricardo Hausmann, oo hore u ahaa wasiirkii qorsheynta ee dalka Venezuela isla markaana ahaa dhaqaaleyahankii sare ee Bangiga Horumarinta ee Qaaradda Ameerika (Inter-American Development Bank), waa bare sare oo cilmiga dhaqaalaha ka dhiga Jaamacadda Harvard. Waxa kale oo uu yahay Agaasimaha Xarunta Horumarinta Caalamiga ah (Harvard Growth Lab). Waxaa af soomaali u rogay oo tifatiray Cabdijabaar Sh. Axmed

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Caafimaadka & Sayniska7 hours ago

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Soomaaliya9 hours ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha14 hours ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika14 hours ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya16 hours ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga17 hours ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya18 hours ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya19 hours ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda2 days ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga2 days ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga2 days ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga2 days ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda2 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga3 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda3 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya3 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Arrimaha Amniga3 days ago

Muqdisho: “Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso”

Ameerika3 days ago

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Arrimaha Amniga3 days ago

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo sababay khasaaro rayid oo gaaraya 216 qof

Arrimaha Amniga3 days ago

Ciidanka Badda Soomaaliya oo Hobyo ku qabtay doon ay saarnayeen toddobo ajaanib ah

Ameerika4 days ago

Madaxweynaha Mareykanka, Trump oo markale Soomaalida ku tilmaamay tuugo

Itoobiya4 days ago

Ciidamada Itoobiya oo sheegay inay la wareegeen garoonka diyaaradaha Mekelle

Soomaaliya4 days ago

UK oo $2.5 Milyan ugu deeqday Soomaaliya si looga hortago fatahaadaha roobka Deyrta

Yurub4 days ago

Booliiska Jarmalka oo markale gacanta ku dhigay kiiska Soomaali Mindi isku dishay

Soomaaliya4 days ago

Wasiir Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay shirqool ka dhan ah dawladnimada

Arrimaha Amniga4 days ago

Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka oo wajahaya caqabado kahor doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka

Arrimaha Amniga5 days ago

Hay’adda ICRC: “148 qof ayaa ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay Baydhabo”

Afrika5 days ago

Khilaaf siyaasaddeed oo ka dhex qarxay dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya

Soomaali Galbeed5 days ago

Waa kuma Mustafe Cagjar, Maxay ka dhigan tahay dib u doorashadiisa hoggaanka sarre ee Dowlad Deegaanka Soomaalida?

Arrimaha Amniga6 days ago

Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay dhimashada shaqaale Markab shidaal oo lagu soo furtay xeebaha Soomaaliya

Itoobiya7 days ago

Ciidanka Itoobiya oo la sheegay inay 150km ugu dhaqaaqeen gudaha gobolka Tigray

Doorashada7 days ago

Galmudug iyo Hirshabeelle oo looga dareeray doorashada Madaxweynaha iyo mida Barlamaanka

Arrimaha Amniga7 days ago

Puntland oo sheegtay in Burcad badeeddu ay dishay shan shaqaale oo ajaaniib ah

Arrimaha Amniga7 days ago

Bahda Saxaafadda Somaliland oo sheegtay in xukuumaddu aanay awood u lahayn inay hor istaagto shirka Boorama

Diblomaasiyadda1 week ago

Waa maxay ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay Itoobiya?

Arrimaha Amniga1 week ago

Xukuumadda Somaliland oo diiday shir bahda saxaafadda Somaliland uga furmaya Boorama

Soomaaliya1 week ago

Puntland oo laba sano xabsi ah ku xukuntay nin lagu eedeeyay inuu Daacish ka iibiyay Ari

Arrimaha Amniga1 week ago

OCHA: “Colaadda Baydhabo waxay sii kordhisay khatarta bani’aadanimo ee shacabka”

Arrimaha Amniga1 week ago

Falanqeyn Amni: Siyaasadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo saameynta ay ku yeelatay Koonfur Galbeed Soomaaliya

Xul

Diblomaasi.com