Connect with us

Wararka

Norway: Laba ka mid ah shaqaalaha xarunta caafimaadka ayaa lagu weeraray mindiyo – waa la xiray sida ay booliska sheegeen

Shaqaalaha la weeraray labaduba waa miyir qabaan waxaana loo qaaday isbitaalka. Ma ahayn dhaawac halis ah oo nafta halis gelin kara, sida ay booliisku sheegeen, ayay qortay warbaahinta maxaliga ee VG.

Published

on

Sawirka VG

Waxay ahayd 13.30 duhurnimo markii ay booliisku soo gaareen xarunta caafimaadka ee Saupstad ee koonfurta Trondheim, halkaas oo laba shaqaale ah lagu weeraray shay af badan – waa sida ay sheegtay warbaahinta maxaliga ah ee VG.

Shaqaalaha la weeraray labaduba waa miyir qabaan waxaana loo qaaday isbitaalka. Ma ahayn dhaawac halis ah oo nafta halis gelin kara, sida ay booliisku sheegeen, ayay qortay warbaahinta maxaliga ee VG.

Magaaladda Trondheim, waa magaalo ku taal gobolka Trøndelag ee Norway. Laga soo bilaabo 2022, tirakoobka la sameeyey 2022 waxaa kunool dad tiradoodu dhan tahay 212,660 waxay ahayd degmada saddexaad ee ugu dadka badan Norway, waxayna ahayd magaalada afraad ee ugu dadka badan. Trondheim waxay ku taal xeebta koonfureed ee Trondheim Fjord oo ku taal afka wabiga Nidelva.

Jaraa’idka VG ayaa booliska waydiiyey su’aallo, laakiin booliisku wali kama uusan jawaabin su’aalaha warbaahinta waydiisay, laakiin waxay ogeysiiyeen war-saxaafadeed ku saabsan dhacdada.

Rugta caafimaadka Saupstad waxay u qaabilsan tahay haweenka uurka leh iyo caruurta, waxayna bixisaa addeegyada hagista haweenka uurka leh iyo adeegyada caafimaad ee carruurta da’doodu u dhaxayso 0-5 sano ee degmada Heimdal degan.

– Aad bay halis u tahay in shaqaalaha goobta shaqada lagu weeraro walxo af leh, ayuu VG u sheegay maamulaha isgaarsiinta ee degmada Trondheim Harry Tiller.

Wuxuu sheegay in dowladda hoose ay diyaarisay shaqaale gurmad ah, isla markaana ay goobta u direen madaxda qeybaha si ay warbixin guud uga helaan. Sida laga soo xigtay wargeyska Nidaros, booliis hubaysan ayaa jooga.

Xarunta caafimaadka ee Saupstad waxay leedahay illaa 15 shaqaale caafimaad.

“Waxaan hubin doonnaa dabagal wanaagsan oo ku filan dhaawacyada iyo shaqaalaha kale ee xarunta caafimaadka,” ayuu yiri Tiller.

Maamulaha isgaarsiintu waxa uu sheegay in dhacdadani ay saamaynayso ururka oo dhan, haba yaraatee kuwa safka hore kaga jira dadweynaha.

“Dabcan, waxaan sidoo kale la socon doonaa dhammaan hababka iyo badbaadada kuwa ka shaqeeya xarunta” Tiller ayaa yiri.

Dalka Norway ayaa kamid ah wadamada ugu dambiyada yar aduunka, waxaana sanadihii ugu dambeeyay uu aad hoos ugu dhacay dambiyada. Waxaa jiray hoos u dhac boqolkiiba 4.3 ah laga soo bilaabo 2015 ilaa 2016, iyo hoos u dhac gaadhaya boqolkiiba 9.6 marka loo eego 2014. Haddii korodhka dadweynaha la eego, heerka dembiyada la soo sheegay ayaa ilaa hadda ah kii ugu hooseeyay 24 sano ee tirakoobyada.

Facebook Comments Box

Xafiiska wararka ee Diblomaasi waa xafiiska u qaabilsan wararka maalin laha ah. Waxaa lagu aruuriyaa warbixinada iyo war-saxaafeedyada ay daabacaan hay'adaha caalamiga, kuwa maxaliga iyo ururada siyaasaddeed. Qofka mas'uulka ka ah xafiiska wararka Diblomaasi waa madaxa Xafiiska Wararka.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Joe Biden oo ka haray tartanka madaxtinimada Mareykanka

Joe Biden oo ka haray tartanka madaxtinimada Mareykanka, balse wuxuu taageero u mujiiyay Kamala Harris inay tahay beddelkiisa.

Published

on


Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay inuusan mar labaad isku soo sharaxi doonin xilka madaxtinimada Mareykanka. Wuxuu daaha ka qaaday go’aankiisa uu kaga haray tartanka warqad furan oo uu soo dhigay X (oo hore u ahaan jirtay Twitter) Axadii, isagoo ballan qaaday inuu jeedin doono cinwaan gaar ah oo ku saabsan arrintan dabayaaqada toddobaadkan.

Warqadaasi ayuu Joe Biden ku diiday rajo kasta oo laga qabo in uu xilka ka tago goor hore, isaga oo sheegay in uu xafiiska sii joogi doono ilaa inta uu ka dhamaanayo xilkiisa.

“Waxay ii ahayd sharaftii ugu waynayd ee nolosheyda inaan u adeego shacabka. In kasta oo ay ahayd ujeeddaydu in dib la ii doorto, waxaan aaminsanahay inay danta ugu jirto xisbigayga iyo dalkaba in aan xilka iska casilo oo aan diiradda saaro oo keliya gudashada waajibaadkayga madaxweynenimo inta ka harsan muddada xilkayga,” Biden ayaa qoray.

Joe Biden waxa kale oo uu ammaanay ku xigeenkiisa Kamala Harris, oo in badan lagu xamanayay inay noqon doono musharraxa Xisbiga Dimuqraadiga haddii uu xilka ka tago, isaga oo ku sifeeyay inay tahay “Lamaan aan caadi ahayn dhammaan shaqadeeda”

Wax yar ka dib markii uu ku dhawaaqay ka bixistiisa musharaxnimada, Joe Biden waxa uu taageeray ku xigeenkiisa Kamala Harris inay tahay musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ee doorashooyinka soo socda.

Joe Biden ayaa taageero u mujiiyay Kamala Harris inay tahay beddelkiisa

Madaxweynaha Mareykanka ee hadda xilka haya ayaa isaga baxay doorashada 2024-ka kaddib toddobaadyo cadaadis lagu saaray xaaladdiisa maskaxeed iyo mid jireed.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u soo bandhigay “taageero buuxda” madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris si loogu doorto musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ee doorashooyinka soo socda. Joe Biden wuxuu taageeradiisa kaga dhawaaqay X (oo hore u ahaan jiray Twitter), wax yar ka dib markii uu ku dhawaaqay go’aankiisa inuu ka haro tartanka.

Isagoo ku adkaysanaya inuusan ” aqbali doonin magacaabista” oo uu diiradda saaro dhammaan “tamartiisa” waajibaadkiisa madaxtinimo, Joe Biden wuxuu sheegay in xulashada Kamala Harris yahay “go’aanka ugu fiican” ee uu qaatay.

“Maanta waxaan rabaa inaan taageero buuxda u muujiyo Kamala inay noqoto musharaxa xisbigayaga sanadkan. Dimuqraadiyiinta – waa waqtigii la isu imaan lahaa oo la garaaci lahaa Trump. Aan samayno tan, ”Biden ayaa qoray.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Wararka

Iskuul ku dumay Nayjeeriya ayaa ku dhintay 22 qof

Tobaneeyo qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay shilkan, sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliiska.

Published

on


22 qof ayaa ku dhimatay 132 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii dhismo labo dabaq ah uu ku dumay bartamaha gobolka Plateau ee dalka Nayjeeriya, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

Dhismaha Saint Academy oo ku yaala xaafada Busa Buji ayaa dumay abaaro 07:30 GMT ee jimcihii xili ay ardaydu ku guda jireen imtixaankii shahaadiga ahaa. Saraakiisha ayaa dhacdadan ku sababeeyay “qaabka liita ee dugsiga iyo meesha uu ku yaal meel u dhow jiinka wabiga.”

Lix ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladoodu aad u liidataa, sida uu sheegay Musa Ashoms, oo ah Guddoomiyaha Warfaafinta Nayjeeriya.

“Si loo xaqiijiyo daryeel caafimaad oo degdeg ah, dowladdu waxay fartay isbitaallada inay mudnaanta siiyaan daaweynta iyada oo aan dukumeenti ama lacag bixin,” Ashoms ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Guddoomiyaha gobolka Plateau, Caleb Mutfwang, ayaa ku tilmaamay dhacdada mid naxdin leh, nasiib darro ah, qalbi jab iyo xaalad murugo leh.

“Waan ka mahadcelineynaa faragelinta waqtiga ku habboon ee kooxda goobidda iyo samatabbixinta, iyo sidoo kale xubnaha dadweynaha, kuwaas oo u soo yaacay dhismaha dugsiga si ay gacan uga geystaan ​​daad-gureynta qaar ka mid ah ardayda iyo shaqaalaha,” Mutfwang ayaa yiri.

Waxa uu faray Hay’adda Maareynta Degdegga ah ee Qaranka (NEMA) iyo Hay’adda Maareynta Degdegga ah ee Gobolka Plateau inay u fidiyaan taageerada lagama maarmaanka ah kuwa badbaaday.

Sannadkii 2021, dhisme ka kooban 21 dabaq oo laga dhisayay xaafadda caasimadda dhaqaalaha ee Nayjeeriya ayaa dumay, taasoo keentay ugu yaraan 45 dhimasho ah.

154 arday ayaa markii hore ku go’doonsanaa burburka dhismaha, balse af hayeenka booliiska Alfred Alabo ayaa markii dambe sheegay in 132 ka mid ah la soo badbaadiyay, isla markaana lagu daweynayo dhaawacyada isbitaallo kala duwan.

Wakaalada wararka ee AP oo soo xiganaysa Alabo ayaa sheegtay in 22 arday la xaqiijiyay in ay dhinteen. Warbixin hore oo ay baahisay warbaahinta Nayjeeriya ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 12 qof ay ku dhinteen.

Hay’adda Maareynta Degdegga ah ee Nigeria (NEMA) ayaa qoraal ay soo dhigtay Facebook ku sheegtay in 30 qof ay weli ku jiraan isbitaal. Hawlgalka samatabixinta ayaa la soo afjaray, waxaana la nadiifiyay goobta, sida la sheegay.

Shaqaalaha gurmadka ayaa isku dayay in ay gaaraan dhibanayaasha iyaga oo isticmaalaya mashiino culculus, waxaana sawiro laga soo qaaday goobta ay muujinayaan dad badan oo isugu soo baxay dhismo shub ah oo godad ah iyo burbur badan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Wararka

Pezeshkian ayaa ku guuleystay tartanka madaxtinimada Iiraan

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay taageerayaasha Pezeshkian oo waddooyinka ku qoob-ciyaaraha halka qaarkoodna ay yeerinayeen hoonka baabuurta dhowr magaalo oo waddanka ka tirsan.

Published

on

Mascuud Bezeshkiyaan

Mascuud Bezeshkiyaan oo ah qunyar-socod ah aanan magac weyn ku laheyn siyaasadda Iiraan, ayaa ku guuleystay doorashadi ku celiska aheyd ee Jimcihi shalay ka dhacday dalka Iiraan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Iiraan ayaa aroornimadi hore ee Sabtidi saakay shaacisay, in Pezeshkian doorashada kaga guuleystay Saciid Jalili oo ah murashax taageero buuxda ka heystay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan.

Madaxweynaha la doortay ayaa helay codad dhan 16.3 milyan, halka Jalili uu keenay 13.5 milyan oo cod. Wasaaradda gudaha Iiraan waxay sheegtay, in guud ahaan ay codadkooda dhiibteen ilaa 30 milyan oo ruux.

Pezeshkian oo ballan qaaday inuu Iiraan u furi doono dunida inteeda kale isla markaana gaarsiin doono shacabka xorriyadda ay in badan ku taamayeen, ayaa ah dhaqtar 69 jir ah oo ku taqasusay qalliinka wadnaha.

Wuxuu sidoo kale horay u ballan qaaday inuu horumarin doono siyaasad dibadeed oo dhab ah, si uu u yareeyo xiisadaha wada-xaajoodyada hadda hakadka ku jira ee quwadaha waaweyn ee khuseeya soo nooleynta heshiiskii nukliyeerka ee 2015.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay taageerayaasha Pezeshkian oo waddooyinka ku qoob-ciyaaraha halka qaarkoodna ay yeerinayeen hoonka baabuurta dhowr magaalo oo waddanka ka tirsan.

Magaalada uu kasoo jeedo ee Urmia ee dhacda waqooyigalbeed ee Iiraan, dadweynaha ayaa qeybinayay macmacaan si ay u muujiyaan farxadda doorasho u muuqato inuu ku guuleystay wiilka degmadooda.

Doorashadan ayaa aheyd mid waqtigeeda laga soo hormariyay, kaddib marki uu shil helikobtar ku geeriyooday madaxweynihi hore ee Iiraan Ibrahim Ra’iisi.

Alireza Salimi oo ah xubin ka tirsan guddoonka sare ee baarlamaanka ayaa warbaahinta dowladda u sheegtay in xafladaha caleema saarka iyo dhaarinta Pezeshkian la qaban doono ka hor dhamaadka qeybta hore ee bisha soo socota ee Iiraan oo ku beegan 5-ta Agoosto.

“Xafladyadani waxay u baahan doonaan hab-maamuusyo, waana in la sameeyaa tillaabooyin iyadoo la tixgelinayo inay jiri doonaan marti shisheeye, sidaas darteed waqti ayaa loo baahan yahay si loo qorsheeyo oo loo jadwaleeyo qaab-dhismeedka,” ayuu u sheegay warbaahinta IRNA.

“Si kastaba ha ahaatee, baarlamaanka wuxuu diyaar u yahay inuu qabto kalfadhi aan caadi ahayn haddii xafladda dhaarinta la qabanayo xilli hore.”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Wararka

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Ingiriiska oo xilka la wareegay

Hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha Keir Starmer ayaa si rasmi ah u noqday madaxa dowlada kadib markii uu la kulmay Boqor Charles III

Published

on

Ra'iisul wasaaraha cusub ee Ingiriiska Keir Starmer

Keir Starmer ayaa si rasmi ah u noqday ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ka dib markii xisbigiisa uu si weyn ugu guuleystay doorashadii guud ee todobaadkan, isagoo helay ugu yaraan 412 kursi oo ka mid ah 650-ka kursi ee baarlamaanka.

Ka dib codbixintii ka bixida iyo natiijadii habeen hore ee xalay waxay muujisay guul cad oo uu helay xisbiga shaqaalaha, Starmer waxa uu booqday Buckingham Palace Jimcihii kulan rasmi ah oo uu la yeeshay King Charles III, sida caadadu ahayd ka hor inta aanu raysal wasaaraha cusub la wareegin xafiiska. Intii lagu guda jiray kulankiisa, Boqorku wuxuu si rasmi ah ugu casuumay Starmer inuu soo dhiso dowlad cusub.

Ka dib markii uu ka tagay Buckingham Palace, Starmer wuxuu u dhaqaaqay 10 Downing Street, halkaas oo uu kula hadlay qaranka markii ugu horeysay isagoo ah ra’iisul wasaare.

Waxa uu u mahad celiyay hogaamiyihii ka horeeyay ee Rishi Sunak, isaga oo intaa ku daray in guusha uu gaadhay ee uu ku noqday raysal wasaarihii ugu horeeyay ee Ingiriiska iyo Aasiya ay tahay in aan cidna la dhayalsan.

“Hadda waddankeenu wuxuu si adag ugu codeeyey isbeddel iyo ku soo noqoshada siyaasadda adeegga dadweynaha,” ayuu yidhi Starmer, isaga oo intaa ku daray in uu sii kordhay khilaaf u dhexeeya dadka iyo siyaasiyiinta, kaas oo horseeday “daal ku yimaada wadnaha qaranka.”

Sidaa darteed waxaa loo baahan yahay ficil halkii eray, Starmer wuxuu ku daray, isagoo wacad ku maray in dowladiisu ay muujin doonto in “siyaasadu ay noqon karto xoog wanaag” oo ay u adeegaan dhammaan muwaadiniinta Britishka, haddii ay u codeeyeen xisbigiisa iyo haddii kale.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qirtay, in “isbeddelka waddan aysan la mid ahayn wareejinta beddelka,” wuxuuna soo jeediyay in hagaajinta dhibaatooyinka UK “ay qaadan doonto wakhti,” laakiin wuxuu ballanqaaday in shaqada si dhakhso ah u bilaabi doonto hirgelinta isbeddelada.

Starmer waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay u mahadnaqa taageerayaashiisa oo uu sheegay in dawladiisu ay ka go’an tahay geedi socodka “dib u dhis degan oo dulqaad leh”. Waxa uu ku casuumay muwaadiniinta Ingiriiska inay ku soo biiraan “dawlad adeeggiisa” himilada “cusbooneysiinta qaranka.”

Ra’iisel wasaarihii horre, Rishi Sunak

Ra’iisel wasaarihii horre Rishi Sunak ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo hogaanka xisbiga Konserfatifka ka dib doorashadii musiibada ahayd ee xisbigiisa ee doorashadii guud ee Khamiista.

Sunak wuxuu ku qoray X (oo hore u ahaan jiray Twitter) Jimcihii, isagoo qoraya: “Tani waa maalin adag, laakiin waxaan ka tagay shaqadan anigoo sharaf u ah inaan noqdo ra’iisul wasaaraha dalka ugu fiican adduunka.

Daqiiqado ka dib markii la dhajiyay fariinta, Sunak wuxuu khudbad ka jeediyay banaanka 10 Downing Street, isagoo cadeeyay inuu sii ahaan doono hogaamiyaha Tory ilaa laga dooranayo bedelkiisa.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Wararka

Madaxweynaha Mauritania Maxamed Ould Ghazouani oo mar labaad ku guulaystay xilka

Maxamed Ould Ghazouani ayaa mar kale dib loogu doortay dalka Mauritania, isagoo helay in ka badan 56% codadkii la dhiibtay.

Published

on

Madaxweynaha Mauritania Maxamed Ould Ghazouani oo la hadlay suxufiyiinta ka dib markii uu codkiisa ka dhiibtay goob codbixineed oo ku taal Nouakchott Juun 29, 2024. © Michele Cattani / AFP

Madaxweynaha Mauritania Maxamed Ould Ghazouani ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Sabtidii dhacday, guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa subaxnimadii Isniinta ku dhawaaqay natiijada.

Maxamed Ould Ghazouani ayaa dib loogu doortay in ka badan 56.12% codadkii la dhiibtay, isagoo ka adkaaday lix musharrax oo mucaarad ah, sida lagu sheegay bogga guddiga doorashada.

Biram Dah Abeid oo u ololeeya xuquuqda bini’aadanka ayaa kaalinta labaad ku soo baxay 22.10% codadkii la dhiibtay, halka Hamadi Sidi el-Mokhtar oo ka tirsan xisbiga Islaamiga ah ee Tewassoul uu galay kaalinta saddexaad oo helay 12.76%.

Horaantii Axadii, Abeid wuu diiday natiijada ku meel gaarka ah, isaga oo soo xiganaya eedaymo khaladaad ah oo uu ku tilmaamay “afgambi doorasho.”

“Ma aqbali doono natiijadan ka soo baxa waxa loogu yeero guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka. Waxaan u adeegsan doonnaa guddigayada doorashada si aan ugu dhawaaqno natiijada,” ayuu Abeid ku yiri shir jaraa’id.

Ghazouani, oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada, ayaa xafiiska la wareegay 2019 ka dib isbadalkii dimuqraadiga ahaa ee ugu horreeyay ee waddan leh taariikh dheer oo afgambi ah iyo maamulo ay taageereen militariga oo soo bilowday 1978-kii.

Kahor doorashadii isbuucii hore, El Mokhtar wuxuu ka digay in xisbigiisa uu diidi doono natiijada haddii wax isdabamarin laga shakiyo. Doorashada 2019-ka, qaar ka mid ah musharixiinta mucaaradka ayaa shaki galiyay in lagu kalsoonaan karo codbixinta, taasoo dhalisay mudaaharaadyo yar yar.

Ghazouani waxa uu ballan qaaday in uu dardargelin doono maalgashiga tamarta iyo macdanta. Waxa kale oo uu qorshaynayaa in la sameeyo hay’ad heer qaran ah oo isku xidha tababarada, shaqo abuurka, waxbarashada iyo maalgelinta ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe si kor loogu qaado shaqo abuurka dhalinyarada. Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in uu wax ka qaban doono hanjabaadaha mintidiinta ee ku sii kordhaya qaar ka mid ah dalalka deriska la ah ee Sahel, oo ay ku jirto Mali.

 

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Wararka2 days ago

Joe Biden oo ka haray tartanka madaxtinimada Mareykanka

Bariga dhexe2 days ago

Tobannaan qof ayaa ku dhintay, ku dhaawacmay markii Israa’iil ay duqeysay Qaza, Yemen iyo Lubnaan

Geeska Afrika6 days ago

Dibadbaxyo rabshado wata oo mar kale ka qarxay Kenya

Siyaasadda Soomaaliweyn1 week ago

Qarax ka dhacay Muqdisho oo la xaqiijiyay inay ku dhinteen 5 ruux, 20 kalana ay ku dhaawacmeen

Wararka1 week ago

Iskuul ku dumay Nayjeeriya ayaa ku dhintay 22 qof

Dhaqaalaha1 week ago

Ruushka iyo Senegal oo kawada hadlay sidii loo ballaarin lahaa xiriirka tamarta iyo macdanta

Bariga dhexe1 week ago

Dib-u-habaynta hoggaanka: Maxay dunidu ka filan kartaa madaxweynaha cusub ee Iiraan?

Yurub2 weeks ago

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Israa’iil ku eedeeyay faragelinta doorashada dalkiisa- warbaahinta

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Mareykanka oo hubka riddada dheer geynaya Jarmalka

Bariga dhexe2 weeks ago

Xaaska hoggaamiyihii kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi oo dil toogasho lagu xukumay

Geeska Afrika2 weeks ago

Itoobiya oo noqotay dalkii ugu horreeyay ee ajnabi ah oo booqasho ku taga dalka Suudaan tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Militariga Mareykanka oo dhameystiraya ka bixitaankiisa Saldhigga Niger

Wararka2 weeks ago

Pezeshkian ayaa ku guuleystay tartanka madaxtinimada Iiraan

Bariga dhexe2 weeks ago

Wargeyska The Daily Telegraph ayaa soo saaray warbixin been abuur ah in Xisbullah ay ku kaydiyaan hub casri ah garoonka Beyruut

Wararka3 weeks ago

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Ingiriiska oo xilka la wareegay

Afrika3 weeks ago

Dowladda Sierra Leone ayaa mamnuucay guurka caruurta ka yar 18 sano

Afrika3 weeks ago

Ruushka iyo Maali oo xoojinaya iskaashiga nukliyeerka

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

$20 milyan oo laga waayay qasnadda Dowladda Federaalka Soomaaliya – yey ku maqantahay lacagtaas?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 weeks ago

Maxaa kasoo baxay wadahadalka Ankara ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya?

Afrika3 weeks ago

Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay dalka Nayjeeriya ayaa waxaa ku dhintay dad badan

Yurub3 weeks ago

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay inay soo rideen 36 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee Ukrayn

Wararka3 weeks ago

Madaxweynaha Mauritania Maxamed Ould Ghazouani oo mar labaad ku guulaystay xilka

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Pentagon-ka ayaa beenisay in ay saldhig ka sameysaneyso gobolka koonfurta Afrika

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

Maxamed Cusmaan Jawaari oo geeriyooday – Waa kumaa Barafisoor Jawaari?

Wararka4 weeks ago

Hindise sharciyeedka maaliyadda oo laga laabanayo kadib rabshado ay dad badan ku dhinteen – Madaxweynaha Kenya

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Mareykanka oo raadinaya saaxiibo militari oo cusub oo gudaha Afrika ah

Geeska Afrika4 weeks ago

Kenya: Dibad-baxayaal ayaa toogasho lagu dilay – Wararka ayaa sheegaya

Wararka4 weeks ago

Julian Assange ayaa laga sii daayay xabsiga Ingiriiska

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada1 month ago

Mawduuc Falsafi ah: Dhagar tolmoon mise udub dhexaadka nolosha ah?

Wararka1 month ago

Dagaal cusub ayaa soo socda – QM

Bariga dhexe1 month ago

“Meel Israa’iil ka mid ah kama badbaadi doonto gantaalladeena” – Xassan Nasrallah

Afrika1 month ago

Dalka Zimbabwe oo codsanaayo xubinnimada kooxda BRICS

Geeska Afrika1 month ago

Mudaaharaad rabshado wata ayaa ka dhacay dalka Kenya, kaas oo looga soo horjeedo sharciga canshuuraha

Diblomaasiyadda1 month ago

Booqashada Putin ee Vietnam: Laga soo bilaabo saaxiibtinimada taariikhiga ah ilaa qorshayaasha mustaqbalka

Wararka1 month ago

Tansaania oo furtay xaruntii ugu horeysay ee digniinta degdegga ah ee hawlgalka iyo isgaarsiinta

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Faransiiska oo dhimaya joogitaanka ciidamadiisa militariga ee Afrika – AFP

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Suudaan oo dacwo ka ah faragelinta ‘aan joogsiga lahayn’ ee Imaaraadka Carabta

Yurub1 month ago

Ra’iisul Wasaaraha Netherlands Mark Rutte, oo noqonaya madaxa NATO

Diblomaasiyadda1 month ago

Kuuriyada Waqooyi oo roog cas u fidisay Putin, oo heshiis muhiim u ah la saxiixatay Ruushka

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Wadamada hubka nukliyeerka ku hubaysan oo kor u qaadaya awooda hubkooda arsenalka – cilmi baaris

Xul