Connect with us

Maalgelinta & Maaliyadda

Qaababka Aas-aasiga Ah Ee Lahaanshaha Ganacsi

Published

on

 


Marka laga hadlaayo xagga suuqa, ganacsi walbo wuxuu leeyahay qaab loo sharaxaayo ama ay u qeexaan milkiilayaasha ganacsigaas. Ganacsi walbo waxaa wanaagsan inuu leeyahay qaab loo sharaxi karo markii ay timaado xagga suuqa.

Haddii ganacsiga laga bixini karo sharaxaad waxay kuu suurta gelin kartaa inaad fahanto waxaad uga baahantahay inaad sameyso sida suuq geynta markaad sameynayso.

Ganacsi hal qof uu leeyahay  (Sole proprietorship): Ganacsiga noocaan oo kale ah waxaa iska leh hal qof oo kali ah. Qofka noocaan oo kale ayaa wax walbo oo ganacsigaas rasaamaal u ah iska leh. Sida makiinadaha, kombuyuutaradda IWM.

Milkiilaha ganacsiga noocaan oo kale ayaa lagu lahadaa deymo badan, laakiin markaad dhinacyo badan ka fiiriso marna waa Qatar weyn marna waxaa laga helaa faa’iido badan.

Iskaashiga (partnership): Waa ganacsi ay leeyihiin laba qof ama ka badan. Iskaashiga micnihiisa waa in waxwalbo la wadaago sida deymaha, rasamaalka ay leedahay shirkadda, macaamiilka, dejinta go’aamada, iyo guud ahaan in la wadaago faa’iido iyo qasaaro. 

Waxaa jiro saddex nooc oo iskaashi. Saddexda nooc ee ugu badan iskaashiga waxay kalla yihiin iskaashi faa’iido-doon, iskaashi guud iyo iskaashiga xadidan.

Ganacsi ka kooban dad badan (Corporation): Ganacsiga noocaan oo kalle waxaa lagu leeyahay daymo aan sidaas usii badneen. Waxwalbo oo ku jira ganacsigaas waxaa iskaleh dadka wax ku leh oo kali ah. Qof walbo oo ganacsigaas wax ku leh waxaa loogu dhuftaa boqolkiiba.

Waxaa laga yabaa inuu ka koobanyahay 500 ama in ka badan milkiilayaal, milkiile walbo waxaa loogu dhuftaa boqolkiiba inta uu ku leeyahay. Waxaana jira nidaam ka wada dhaxeeyo dhammaan milkiilayaashaas noocaan oo kale.

“Dhammaan ganacsiga nooc walbo uu yahay wuxu u baahanyahay dulqaad, qaasatan waqtiyada ugu horeyso oo uu ku cusubyahay suuqa. Ganacsiga wuxuu kale uu u baahanyahay hawlgal wanaagsan.

Hawlgalka ayaa loo baahanyahay inuu noqdo mid wax ku ool ah. Hawlgalkaan waxaa loo yaqanaa maamulka. Laamaha ugu waaweyn ee maamulka waa maareynta maaliyadda, maamulka suuq-geynta, maareynta shaqaalaha, maamulka istiraatiiji ah, maamulka wax soo saarka, maaraynta hawlaha, maamulka adeegga iyo macluumaadka, maamulka teknoolijiyada.

Marwalbo oo ganacsiga ku dhisanyahay xikmad iyo waayo aragnimo dheeri ah waxaa laga dareemaa saan-saanta kobaca dhaqaalaha ee ganacsigaas. Marwalbo la imaaw fikir aad kaga duwantahay ganacsadayaasha kale ee aad tartanka kulla jirto suuqa. Marwalbo waxaa wanaagsan in faraskaada fardaha wax kaga duwanyahay. Iskuday oo isku taxluuji inaad ku guulaysato siyaasadda aad ka damacsantahay inaad guullo kaga gaarto ganacsigaada.

“Ma ogtahay in libaax badeedka hal il uu ku hurdo?” marwalbo oo aad feejignaan joogto ah la timaado waxaa macquul ah inaad hanato ama aad dhammaystirto baahida ugu weyn ee suuqa taalo.

Ganacsiyada inta badan waxay leeyihiin “hantida aqooneed” oo u baahan in laga illaaliyo tartamayaasha shirkadda inuu sii joogo uu faa’iido. Tani waxay u baahan tahay shatiyada, xuquuqda, allaabooyinka ama illaalinta qarsoon ee ganacsiga.

Ganacsiyada intooda badan waxay leeyihiin magacyo, shicaaro, farsamooyinka kalle, Shatiyada iyo xuquuqda daabacaada. Dastuurka Soomaaliya waxaan ka rajeynaynaa inay soo saari doonaan sharciyo iyo qaanuuno ka hadlaayo arrimaha ku salaysan sharciyada ganacsiga ee federalka, halka sirta ganacsiga iyo trademarking inta badan laga doonaayo inay noqoto arin gobol.

Nidaamka ganacsiga dalka oo dhan in la dhiso oo la hergeliyo ku dhaqankiisa waxay suurta gelini kartaa ama ay u tahay horumarka dhaqaalaha bulshada qeybaheeda kalla duwan. Nidaamyada noocaan oo kale waxaa laga dhexlaa horumar iyo isbedel ku salaysan dhaqaalaha dalka oo idil.

Facebook Comments Box

Waa bare, qoraa, cilmi-baare, iyo hogaamiye fikir iyo aragti xambaarsan oo wax ka dhiga kuliyada dowladnimada iyo difaaca ee Jaamacadda Ramaas 'Ramaas University'. Waa falanqeeye ka tirsan Diblomaasi.com. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maalgelinta & Maaliyadda

Sanduuqa hantida qaranka Norway ayaa ka fiirsanaya inuu dib u eegis ku sameeyo maalgashiga ay ku sameynayaan Israa’iil

Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa ku tilmaantay warbixinnada ku saabsan dib u eegistan “horumar khatar ah”.

Published

on

Ra’iisul wasaarahii hore ee Israa’iil Benjamin Netanyahu (M) ayaa gacan qaaday wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Soreide (B) iyagoo sawir iska qaaday ka hor kulankooda galbeedka Jerusalem [Amos Ben Gershom / Anadolu Agency/Getty Images]

Sanduuqa hantida qaranka Norway ayaa ka fiirsanaya inuu dib u eegis ku sameeyo maalgashiga ay ku sameynayaan Israa’iil si loo hubiyo in dhaqaalahooda aysan maalgelin deegaamaynta dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay Jimcihii.

Sanduuqa waxa uu maamulaa oo uu maalgeliyaa dakhliga ka soo xarooda khayraadka dabiiciga ah ee dalka si looga faa’iidaysto miisaaniyada horumarineed ee dawladda oo qiimaheedu dhan yahay $1.3 trillion waana ka ugu badan ee noociisa ah ee caalamka. Waxa ay leedahay boqolkiiba 1.5 shirkadaha ganacsiga guud ee adduunka.

Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israa’iil ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Israa’iil ay rumeysan yihiin in tallaabadii u dambeysay ay saameyn ku yeelatay go’aankii Qaramada Midoobay ee 2020-ka ee lagu soo saaray liiska madow ee in ka badan 100 shirkadood oo caalami ah oo sameeya ganacsiyo xiriir la leh deegaannada Israa’iil.

Sanduuqa waxa uu hore uga leexiyay shirkado badan oo adduunka ah hawlo uu u arkay kuwo anshax xumo ah, oo ay ku jiraan tiro shirkado Israa’iili ah oo ku lug leh deegaamaynta dhulka Falastiin.

Sannadkii 2020, Sanduuqa Norway waxa uu $1.3 bilyan ku maalgeliyay 81 shirkadood oo Israa’iili ah – qiyaastii saddex meelood meel ahaan maal-gelinteeda Bariga Dhexe.

Horraantii sanadkan, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda xuquuqul insaanka ee dhulka falastiiniyiinta ayaa ku booriyay in sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo nooc cusub oo liiska madow.

Channel 12 ee Israa’iil ayaa sheegay in dib u eegistu ay bilaabatay sanadkii hore, laakiin dabeecadda dawladda cusub ee Israa’iil ayaa laga yaabaa inay soo dedejiso geeddi-socodka horseedaya leexinta ugu dhakhsaha badan.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay TV-ga in la isku dayay in Sanduuqa lagu qanciyo in uu ka laabto tallaabadan, balse codka Falastiin ayaa sheegay in Sanduuqa uu qeexayo in bangiyada Israa’iil ay joojiyaan lacagaha ay u xawilaan deegaamaynta.

Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa ku tilmaantay warbixinnada ku saabsan dib u eegistan “horumar khatar ah”.

Sanduuqan hantida adduunka ugu weyn, oo leh qiyaastii 1.5% saamiyada liiska adduunka, waxaa loo maareeyaa habraacyo kala duwan oo anshaxeed oo ka saaraya shirkadaha qaar ka mid ah caalamka maalgashi ee ku saleysan talada golaha. Golaha Anshaxa ayaa bayaan gaar ah ku sheegay “in degsiimooyinka Israa’iil ee Daanta Galbeed loo dhisay si ka baxsan sharciga caalamiga ah iyo in jiritaankooda iyo ballaarintooda joogtada ah ay dhibaato iyo khasaare weyn u geystaan dadka Falastiiniyiinta ah ee degaanka.”

Maareynta Maalgashiga ee Norges Bank ayaa sidoo kale go’aansaday in laga saaro Honeys Holdings Co. iyada oo ku saleysan talo soo jeedin ka timid golaha anshaxa ka dib markii ay tixgelisay xuquuqda shaqaalaha ee laba warshadood oo shirkadda Jaban ay ku leedahay Myanmar.

Sanduuqa wuxuu ku dhawaaqaa ka-saarid ka dib marka la leexiyo hantida dhabta ah. Dhammaadkii 2020, waxa ay $1 milyan ku haysay kaydka Shapir Engineering iyo Warshadaha iyo $12 milyan ee Mivne. Waxay lahayd $2 milyan oo doollar oo ah samaynta dharka dumarka ee Honeys Holdings. Sida talooyinka la sameeyay ka hor dhamaadka 2020, NBIM waxaa laga yaabaa inay bilawday inay leexiso hantideeda sannadkii hore.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maalgelinta & Maaliyadda

Bangiyada Islaamka: Milicsi Taariikheed

Bangigii u horreeyey, ‘Dubai Islamic Bank’, waxaa laga taagey magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) sannadkii 1975-tii. ‘Faisal Islamic Bank’ ayaa isna laga aasaasay Masar iyo Suudaan sannadkii 1977-dii. ‘Islamic Bank of Jordan’ iyo ‘Islamic Bank of Bahrain’ ayaa iyana irdaha loo furay sannidihii 1978 iyo 1979-kii.

Published

on


1963-dii ayaa bangigii u horreeyey oo ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed ee Islaamka laga furay magaalda Mit-Qamar ee dalka Masar. Inkastoo bangigaas markiiba irdaha la isugu dhuftay, arrimo siyaasadeed darteed, haddana, muddadii yarayd ee uu shaqaynayey, sagaalkiisii laamood, waxay soo jiiteen macaamiil sare u dhaafaysa hal milyan oo qof.

Chapra (2001) wuxuu tilmaamaa in bangigaas iyo labadii isku day ee ka horreeyey, oo midna laga hirgeliyey dalka Pakistan midna Malaysiya, ay dumiyeen darbigii khiyaaliga ahaa ee muslimiinta ka hortaagnaa yagleelidda nidaam maaliyadeed oo ku salaysan shareecada Islaamka Duminta derbigaas khiyaaliga ah waxaa xigey yagleelidda bangiyo ka baaxad weyn bangigii hore.

Bangigii u horreeyey, ‘Dubai Islamic Bank’, waxaa laga taagey magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) sannadkii 1975-tii. ‘Faisal Islamic Bank’ ayaa isna laga aasaasay Masar iyo Suudaan sannadkii 1977-dii. ‘Islamic Bank of Jordan’ iyo ‘Islamic Bank of Bahrain’ ayaa iyana irdaha loo furay sannidihii 1978 iyo 1979-kii.

Yagleeliddii Bangiga Horummarinta Islaamka (IDB) sannadkii 1973-dii ayaa isna culays weyn ku soo kordhiysey hammigii la rabay in lagu dhiso nidaam maaliyadeed oo ku salaysan shareecada Islaamka.Soo if-baxaas, bagiyada Islaamka, waxaa dhinac socday baraarug siyaasadeed.

Tusaale ahaan, shirkii wasiirrada arrimaha dibedda ee dunida Islaamka ee lagu qabtay Dakar, Senegal, bishii Abriil ee 1978-dii, waxaa la soo jeediyey in dunida Islaamku si qunyar-qunyar ah u hirge liso bangiyo Islaami ah. Sidoo kale, shirkii wasiirrada arrimaha dibedda ee Islaamabaad, Pakistan ee May 1980 waxaa la soo bandhigay tallaabooyinkii la qaadi lahaa si loo meel mariyo qaraarkii 1978-dii la gaaray.

Shirkii saddexaad ee dunida Islaamka ee lagu qabtay Makah iyo Daaif, Sacuudi Carabiya, 1981-kii waxaa isna la isla qaatay, si xiriir ganacsi iyo wadashaqayn u dhexmarto dunida Islaamka, in dunida Islaamka dhammaan laga hirgeliyo bangiyo Islaami ah. Sida uu soo guuriyo Warsame (2007), Aljeeriya, Sacuudi Carabiyo iyo Soomaaliya ayaa hormuud ka ahaa dadaalkaas lagu baadigoobayey sidii dunida Islaamku u yeelan lahayd nidaam maaliyadeed oo waafaqsan shareecada Islaamka.

50 sano ka gadaal, hey’adaha ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed ee Islaamku (Islaamic financial system), waxay madaxa la sii gelayaan 1,300 oo hey’adood; ku baahsan yihiin wax ka badan 100 waddan; gacantana ku hayaan hanti sare u dhaafaysa 2.1 triliyan (2 trilliyan iyo 100 bilyan USD). Sida ay soo bandhigto Ernst and Young (2012), hantidaasi sannadka 2013-ka waxay madaxa la dhaafi doonto $2.5 trilion, inta ka horraysa 2017-kana waxay madaxa la dhaafi doontaa 5 tiriliyan ($5 trillion).

Koboca iyo faa’iidada hey’adaha ku shaqeeya nidaamka Islaamku waxay sidoo kale sidii birlabtii u soo jiiteen bangiyo iyo hey’ado badan oo reer Galbeed ah. Tusaale ahaan, 2008-dii bangiyo aan ka yarayn 191 ayaa furay laamo ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed ee Islaamka (Islamic window). Waxaa sidoo kale markii u horraysay bangiyada Islaamka laga dhex furay waddammo aan laga filayn in bangiyada noocaas ahi ka hirgeli karaan.

Meesha bangiyada ku shaqeeya nidaamka ribada qaar badani suuqa ka baxeen (kaceen) , qaar kale la qarameeyey, qaar kalena taageero xoog badan la geliyey, tirakoob dhowaan la soo saaray ayaa muujisay in hantida bangiyada Islaamku maammulaan kobocday 25-30% sannadkiiba intii u dhexeysay 2007-2012 .

Sidoo kale, hey’adaha ku shaqeeya nidaamka Islaamku, waxay soo jiiteen dhegaha bangiyada dhexe ee dawladaha waaweyn, sida ‘Federal Reserve’ iyo ‘Bank of England’; hey’adaha maaliyadda ee caalamka sida, Hey’adda Lacagaha Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka (World Bank); iyo xarumaha aqoonta ee ugu magaca dheer adduunka, sida Harvard University, Oxford iyo Cambridge Waxaa iyana bogagga hore u hibeeyey qaar ka mid ah warsidayaasha caalamka.

Waddammo badan oo reer Galbeed ah ayaa iyana bilaabay in ay wax ka beddelaan shuruucdooda iyo nidaamkooda canshuuraha si ay u soo jiitaan hey’adaha ku shaqeeya nidaamka maaliyadda ee Islaamka.

Tusaale ahaan, Faransiiska, Ireland iyo Japan saddexduba waxay wax weyn ka beddelleen nidaamkooda canshuuraha si ay u fududaato in bangiyo Islaami ah laga yagleelo waddammadooda, saamiyada bangiyadaasna loogu gado seyladaha lagu gado saamiyada sharikaadkooda.

Koboca iyo faa’iidada hey’adaha ku shaqeeya nidaamka Islaamku waxay sidoo kale sidii birlabtii u soo jiiteen bangiyo iyo hey’ado badan oo reer Galbeed ah. Tusaale ahaan, 2008-dii bangiyo aan ka yarayn 191 ayaa furay laamo ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed ee Islaamka (Islamic window). Waxaa sidoo kale markii u horraysay bangiyada Islaamka laga dhex furay waddammo aan laga filayn in bangiyada noocaas ahi ka hirgeli karaan.

Tusaale ahaan, Shiinaha, Japan iyo Itoobiya saddexduba waxay bangiyadii u horreeyey ee ku shaqeeya nidaamka Islamka oggolaansho siiyeen sannadkii 2009-kii. Inkastoo hantida ay gacanta ku hayaan hey’adaha ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed ee Islaamku madaxa la dhaaafeen USD 2 triliyan, haddana hantidaasi aad bay u yar tahay marka loo fiiriyo maalka adduunka yaalla ama kan ay gacanta ku hayaan hey’adaha ku shaqeeya nidaamka ribadu.

Waxaaba muuqata in dhowrka bangi ee adduunka ugu weyni, mid kasta gooni ahaantiisa, uu uga weyn yahay, marka la fiiriyo hantida ay gacanta ku hayaan, bangiyada ku shaqeeeya nidaamka islaamka oo la isku daray.

Tusaale ahaan, meesha hantida ururtay ee 1000-ka bangi ee ugu waaweyn adduunku gacanta ku hayaan ay madaxa la dhaafayso $96.4 trilion. Bangiyada qaarkood, sida Deutsche Bank hantida ay gacanta ku hayaan waxay madaxa la dhaafaysaa US$ 2.8 triliyan. Dunida Islaamkana, hadda ayaa la hadal hayaa in la sameeyo bangigii ugu weynaa ee ku shaqeeya nidaamka Islaamka. oo hantida uu maammulo gaari doonto $10 bilyan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maalgelinta & Maaliyadda

5 Fursado Ganacsi ah oo Kabannaan Gudaha Dalkeenna Hooyo??

Published

on


Waxa aan hubaa in gudaha dalka baahiyo Ganacsi oo aad u badan ey kajirto, laakiin waxaa yar dad u soojeedo arrinkaan, dad u soojeedo in ey wax cusub billaabaan, dhallinyaradu wey badanyihiin laakiin in waqtigooda ey buuxiyaan diyaar uma ahan xaqiiqdi.

Haddii aad leedahay diyaar ayaan ahay waana billaabilahaa lakiin duruufo ayaa iheysto jooji walaaca faraha ba’an kugu haaya ee fiiri taariiqda dadka guulaha sameeyay halka ey soomareen. Qaarkood ayaa kaliitay halka aad adigu taagantahay maanta.

5 Fursadood oo ganacsi ayaan halkaan ku soo gudbineynaa, inkastoon anigu horay dalka aanan uga bixin oo waxa aan kahadli rabo eysan ahayn waxyaabo aan dibadda ku soo arkay, laakiin waxa aan hubaa in ey yihiin waxyaabo dalka gudihiisa looga baahanyahay, Ganacsiga loo baahanyahay waa midka guuleysan kara.

  1. Iibinta qudaar nadiif ah 

Dalka Soomaaliya 3meelood meel ama kabadanba waa dhul beereed, hadana caasimadda ayaanba laga helin qudaarta cagaaran oo nadiif ah muddo 6 bilood ah sanadkii. Kaliya waxa aan helnaa qudaar muddo 6bilood kayar sanadkii, taasina waxa ey ka muuqataa wajiyada dadka oo laga garan karo in eysan cunin cunno qudaar ku jirto, maxaayeelay qudaarta cagaaran iyo mirahaba waa lambarka koowaad ee cunnooyinka caafimaadka leh.

Dhowr jeer oo aan weydiiyay Hooyadeey, qudaarta waxa ku dhaco oo aan u weyno markasto waliba annaga oo joogno caasimadda dalka hooyo, waxa ey ii sheegtay 3sababood:-

1.Qudaarta waxa ey dhalataa xilli roobaadka oo kaliya, marki uu roobka bato waxaa dhacdo in qudaarta qaarkeed eysan kunoolaan biyaha badan halkaasna waxaa ka’imaanaya in beer dhan oo koosta ahayd ey waxba kasoo go’i waayaan.

2.qudaarta waxa ay beeraleydu soo saaraan gawaari usoo qaaddo magaalada, xilli roobaadka waxaa go’a ama biyo fadhiistaan laamiyadii lasoo marsiin lahaa qudaarta, waxaana ku dhacdo in halkaas ey ku xayirmato qudaartii magaaladana aan lakeenin wax qudaar badan ah.

3.sidookale xilli roobaadka waxaa jiro in ey dhacdo fatahaado, waxa aan ognahay sida ey fatahaadahaasi saameyn weyn ugu leeyihiin dad iyo duunyaba, waxaa laga yaabaa in beerihii oo lagu tabcay ey ku dhacdo fatahaado.

F.G:-wey jiraan qodobo kale aan maskaxda ku haayo laakiin intaan ayaan ku soo koobayaa.

  1. Labadaanyo Casriyeysan ( LOUNDRY)

Caasimadda waxaa ku soo badanaya dhallinyarada goonida uddaggan (iskaabulada), magaaladana waxaa kajiro labadaanyoo-yin yar,qaabka ey ushaqeeyaanna ey keeneyso in dhallinyarada eysan dhar kadhaqan karin. Qaabka aan kuu soo bandhigayo waa in aad sameysaa mid casri ah sida in aad furato xarun qurux badan oo lagu kalsoonaan karo nadaafadda iyo shaqaalaheedaba. Waa in aad sameysataa cinwaan baraha bulshada ah si’aad halkaas uga hesho dhallinyaro kugu soo xirmo.

F.G:aan kuu baaqee wiilasha Soomaaliyeed 95% dhar madhaqan yaqaanaan oo waa loo dhaqaa, marka wiilkii kasoo guura reerkiisa ee meel iskaabulo ku ah orad ayuu kugu soo raadinayaa.

Dharka waa in qofka laga soo qaado gurigiisa looguna geeyo iyada oo lagu xisabinaayo gaari raaca (transportation-ka), qorshahaan waxa uu kuu sahlayaa in qoysaska deegaanka ey kugu soo xirmi karaan.

Ganacsigaan waxa kaliya uu ku hirgali karo waa in qiimaha lacagta lagu jaan gooyaa dadka deegaanka, si’ey u awoodaan lajaan qaadidda qorshahaaga ganacsi.

  1. Xirfadda dhar tolidda ama dawaarka

Harqaanno badan ayaa kajira deegaankeenna, xaqiiqdii aad ayay ubadanyihiin laakiin shaqada laga rabo mahaayaan oo cabashada ayaa badan sababtoo ah marwaliba aad dhar tolotnaysid  sida aad ula ballantay si’aan ahayn ayaa laguugu tolayaa tusaale in  cabbirkaaga laga gaabiyo ama laga dheereeyo.

Sidookale magaalada dhaxdeeda, dharka suuqa lagu iibiyo waa meelaha ugu ganacsiga fiican oo carwooyinka aad ayaa wax looga gataa, laakiin majirto haba yaraatee naqshad dhar oo Soomaaliya lagu sameeyo oo la-dalban karo, naqshadaha ugu badan ee dharka waxa ey nooga yimaadaan Kenya, maadama halkaasi Soomaali badan ey ku nooshahay oo ey dadkoodii usoo dhiibayaan dharka,  kaddibna qofkasto oo ku arko uu dalbanayo, ganacsatadana markaas kaddib ey keenaan isla dharkii.

Haddii aad furato harqaan dharka tola cabbir wanaagsan iyo waqti cayimanna ku soo saaro, gaar ahaan dharka dumarka maxaayeelay dumarka wey ka dhar iibsi badanyihiin ragga.

Sidookale haddii aad ku darsato naqshadeynta dharka waa fursad aad u fiican kana bannaan dalka.

4. Beeraha lagu ordo

Gabi ahaanba majirto xitaa hal beer oo leh waddooyin lagu aalamiiteeyo iyo kuraasman lagu nasto, beeraha nasiinada ayaa kajira dalka, laakiin dadka waxaa ku batay cudurada Macaanka iyo Dhiig-karka marwalibana dhaqaatiirta waxa ey kula taliyaan in ey jimicsi sameeyaan, dadki maheystaan meelo lagu ordo gaar ahaan Dumarka. Beeraha waxa ey soo jiidanayaan indhaha qofki marki uu ordana waxa ey ku fiicantahay in uu ku nasto.

Haddii aad jeclaatay in aad qorshahaan billowdid waxa aan kugu latalin lahaa in aad kala soocdid Dumarka iyo Ragga, maxaayeelay Dumar iyo Rag hal meel kuma wada ordi karaan!

5. Dhaqtarka Maqaarka:

Dhaqtar si qaas ah ugu taqasusay (specialist) cudurada maqaarka ee Soomaali ah, dalka dhaqaatiirta maqaarka ee kashaqeeya aad ayay ubadanyihiin bukaanadana kuma qanacsana, markasto ayaga oo cabanaya ayay isbitaalada katagaan.

Waxaa kale oo jira in badanaa dumarkeenna ey isticmaalaan waxyaabo kiimiko kabuuxdo si ey maqaarkooda u qurxiyaan laakiin nasiib xumo xaqiiqdii qofka waxaa ku dhacay in wajigiisa uu beddelmo in uu bahal u ekaado, aad ayay u fiicnaan lahayd in dhaqaatiirta maqaarka ku taqasusay ey noqdaan kuwa aqoon buuxda u leh waxyaabah dalka kajira ee maqaarka dila. Si’ey macaamiishaada u wanaagsanadaan waxa aad u keeni kartaa oo Farmshiga aad soo dhigi kartaa waxyaabo dabiici ah oo qofka quruxda u siyaadineysa.                    

Halkaas ayaan ku simeynaa, nabadeey….

 

Ilhaan Ciise Maxamed


Maku haminaysaa inaad wax badan ka barato ganacsiga iyo maamulka? Halkaan waxaad ka heli kartaa koorsada Maamulka Ganacsiga Caalamiga waliba waxaad ku qaadan kartaa shahaado adigoo meelwalbo caalamka ka jooga. Riix sawirka hoose:

 

Maamulka Ganacsiga Caalamiga – Koorso

 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maalgelinta & Maaliyadda

Waa Maxay Caddaynta Dakhliga ‘Income Statement?

Published

on


Sida aan u malaynaayo Eraygaan ‘Income statement waxaad ku maqashay luuqada ingiriiska oo kali. Waxaan isku dayey inaan raadiyo macnaha dhabta ah ee Afsoomaali ahaan waxa uu noqon karo eraygaan ‘Income statement, balse ma aanan helin. Sidaa awgeed waxaan isku dayey inaan eray-bixin u sameeyo.

Income statement’ waa labo eray oo la isku keenay, waxaan u kala saaraynaa sida tan:,

Income, oo ah dakhli iyo statement oo ah, bayaan.

Mala dhihi karaa Bayaan Dakhli, ama Dakhli Bayaan? Aniga aragtideyda uma malaynaayo inay sidaasi sax ku tahay, maxaa yeelay eray bixinta waa in marwalbo laga fiiriyaa sida ugu macquulsan ee noqon kara macnaha guud ama ka bixin kara sharaxaad guud.

Eray-bixin (Terminology) waa shuruudaha farsamada gaarka ah ee loo adeegsado ganacsiga, farshaxanka, sayniska, ama maaddada qaaska ah.

Eray-bixin waa erayo iyo erayo isku dhafan ama tibaaxyo badan oo erey ah oo macnahoodu gaar yihiin la siinayo macno gaar ah – kuwan ayaa laga yaabaa inay ka leexiyaan macnaha ereyada isku mid ah marka loo eego xaaladaha kale iyo luuqaddaha.

Sidaas awgeed haddii aan u kuur-galo qaabka aan eray-bixintaas u sameeyay ayaa ahayd ‘waxaan ka soo qaatay macnaha guud ee Income statement. Income statement ayaa ah habbabka maaliyadeed ee loo maro marka la rabo in la ogaado dakhliga shirkada soo gala.

Waa caddeyn maaliyadeed oo muujineysa faahfaahinta dakhliga ganacsiga, kharashyada, khasaaraha, iyo faa’iidooyinka muddada go’an.

Waa sababtaas, sababta aan eray-bixintaas ugu sameeyay ‘caddeynta dakhliga.

Hadda waxaan jeclahay inaan isfahanay, waxaana kaa rabaa inaad caqligaaga idaymiso. Hadaba, waa maxay caddeynta dakhliga?

Caddaynta dakhliga waa mid ka mid ah saddexda warbixin ee maaliyadeed oo muhiimka ah si loo adeegsado soo gudbinta waxqabadka maaliyadeed ee shirkadda muddada xisaabinta gaar ah, iyadoo labada qoraal ee kale oo muhiimka ahi ay yihiin xaashida haraagga ‘(Balance sheet) iyo bayaanka qulqulka lacagta ‘(the statement of cash flows).

Sidoo kale waxaa loo yaqaanaa faa’iidada iyo khasaaraha ama cadeynta dakhliga iyo qarashka, caddeynta dakhliga wuxuu si gaar ah diiradda u saaraa dakhliga iyo kharashaadka shirkadda inta lagu gudajiro waqtiga gaar ah.

 

Fahanka guud ee caddeynta dakhliga

Caddaynta dakhliga waa mid ka mid ah saddexda warbixin ee maaliyadeed oo muhiimka ah si loo adeegsado soo gudbinta waxqabadka maaliyadeed ee shirkadda muddada xisaabinta gaar ah, iyadoo labada qoraal ee kale oo muhiimka ahi ay yihiin xaashida haraagga ‘(Balance sheet) iyo bayaanka qulqulka lacagta ‘(the statement of cash flows).

Caddaynta dakhliga ‘waa qayb muhiim ah oo ka mid ah warbixinnada waxqabadka shirkadda ee ay tahay in loo gudbiyo guddiga agaasimayaasha shirkada ama maamulaha ganacsiga.

Waa maxay guddiga agaasimayaasha shirkada? Guji halkaan si’aad wax ugu ogaato: http://www.tukesomalism.com/archives/1129.

In kasta oo waraaqda xisaab-celinta ahi ay siineyso nuxurka maaliyadeed ee shirkadda illaa taariikhda gaarka ah, warbixinta dakhliga shirkada ayaa sheegta dakhliga soo gala waqtiga cayiman, cinwaankiisuna wuxuu muujinayaa muddada, oo loo akhrin karo “Sannad-xisaabeedka / sannad-maaliyadeedka dhammaaday. ”

Caddeynta dakhliga wuxuu diiradda saarayaa afarta shay ee muhiimka ah sida – dakhliga, kharashyada, guulaha, iyo khasaaraha.

Caddeynta dakhliga ma dabooleyso rasiidaha (lacagta ganacsiga uu helay) ama lacag bixinta (lacagtii ganacsigu bixiyay).

Waxayna ku bilaabmaysaa faahfaahinta iibka, ka dibna waxay u shaqeysaa si ay u xisaabiso dakhliga saafiga ah iyo ugu dambeyntii dakhliga ku soo gala qayb kasta ‘(earnings per share (EPS). Sidoo kale, waxay bixisaa koontada sida dakhliga saafiga ah ee ay shirkaddu u gaarto loo beddelo dakhliga saafiga ah (faa’iido ama khasaare).

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maalgelinta & Maaliyadda

Ganacsatada Soomaaliyeed Ma Kalsooni Darro Baa Haysa Mise Aqoondarro?

Published

on

 


Marka aad marayso laamiyada ama jidcaddayaasha halbawlaha ah ee magaaladaada, ama dhex marayso suuqyada waa weyn ee dalka, waxa shaki kaa galayaa in aad Soomaaliya joogto! Sababtuna waxa ay tahay; masawirrada ku dheggan tabeellayaasha suran foolka bakhaarrada, dukaamada, carwooyinka, dhartolayaasha, mayaaqadaha, hudheellada, timejarayaasha, gabdhoqurxisyada, xarumaha duullilmaadka, xarumaha dhardhaqaalka, isbitaallada iyo … iwm.

Haddii aad u fiirsato bakhaarrada, dukaamada iyo carwooyinka; waxa aad ku arkaysaa tabbeellyaashooda sawirro gaalo cadcad oo dhar qaba ama saacado. Meelaha dharka gabdhaha lagu iibiyo, waxaa ugu sawiran gabdho carbeed oo cabbaayado qaba ama carruur carbeed oo dharkooda qaba.

Xitaa meelaha qabdhaha lagu qurxiyo naago cadcad oo hablo ay isku qolo yihiin u cillaamaya ayaa ugu sawiran. Kuwa iibiya khamiisyada iyo catarrada waxaa ugu sawiran nin carab ah oo cigaal qaba. Dukaamada hilibka iibiyo iyo hudheellada cuntada gada, waxaa ugu sawiran nin koofi dheer qaba (oo gaal iyo islaan kuu yahay aanan garanayn) oo saxuun iyo middiyo wata, oo ag taagan digaag shiilan iyo showaarmo la saafayo. Kuwa dharka tola, niman aan u malayn in ay Hindi yihiin oo dhar tolan qaba ayaa ugu dawiran. Isbitaallada, jaad kasta oo yihiin ba, waxaa ugu sawiran niman iyo naago caddaan ah oo wax baaraya. Shirkada taleefoonnada, iyo kuwa bangiyada sawirro dad cad baa ugu dheggan!
Ma arkaysid maqaayada cuntooyinka dalka ay tabbeellayaasha ugu sawiran yihiin iyo qof Soomaali ah oo xayeysiinaya, iyaga oo weliba iibiya. Middii iigu yaabka badnayd, waxa aan arkay biibato iibisa caano geel oo keliya, misana uu ugu sawiran yahay nin cad oo caano cabbaya!
Intaas waxaa dheer, inta badan afka ugu qoran waa afaf qalaad: Ingiriis iyo Carabi.
Adduunyada, dhawr meel oo aan ka soo maray, waxaa xarumahooda ganacsi ugu dheggan sawirrada dadkooda, xitaa kuwooda ugu caansan, afkooda ayaana ugu qoran. Kuwaani, ma waayeen dad Soomaaliyeed oo ay ku sawirtaan iyo cid afkooda waxa ugu qorta mise kalsoonidarro ayaa haysa, oo dadka caddaanka ah iyo afka qalaad ayey kaga kalsoon yihiin mise taleefishinka waxa ay ka arkeen ayey soo minguuriyeen oo aqoondarro baa haysa!
Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Wararka2 hours ago

Qaramada Midoobay ayaa uga digtay Britain in muhaajiriinta loo tarxiilo Ruwaanda

Wararka1 day ago

Muxuu salka ku hayaa heshiiska amni ee ay ansixiyeen Golaha wasiirada Soomaaliya?

Afrika2 days ago

Dalka Zimbabwe ayaa ku hanjabay inuu mamnuuci doono deeqaha waxbarasho ee khaniisiinta loogu talagalay

Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 days ago

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya

Afrika4 days ago

Shirkii midowga Afrika maxaa kasoo baxay? – Afgembi, rabshado iyo qalalaase khatar ku ah Afrika

Wararka5 days ago

83 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, tirada dhimashaduna waxay kor u dhaaftay 28,858

Sirdoonka & Militariga5 days ago

Madaxa Xisbullah Xassan Nasrallah ayaa u ballan qaaday in Israa’iil ‘ay caqabad kala kulmi doonto ‘dilka dadka rayidka ah’

Bariga dhexe6 days ago

Weerarkii Israa’iil ee koonfurta Lubnaan ayaa lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsan ururka Xisbullah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda6 days ago

Tegida Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ee Addis Ababa waa qalad diblomaasiyaddeed

Wararka6 days ago

Kaliya Mareykanka ayaa qasab ku keeni kara nabadda Bariga Dhexe waana inuu cadaadiyaa Israa’iil, ayuu yirri Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan

Wararka6 days ago

“Haddii aad nabad rabto, u diyaargarow dagaal,” – RW Kyriakos Mitsotakis

Wararka6 days ago

Sarkaal Kenyan ah oo meydkiisa laga helay hotel ku yaallo Washington

Sirdoonka & Militariga7 days ago

Maxaa dan ah ayaa ugu jira Soomaaliya heshiiska is-afgaradka milatari ay kala saxiixatay Mareykanka?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda7 days ago

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud (4.5) oo tagaya Itoobiya – Ujeedka waa maxay?

Aasiya1 week ago

Muslimiinta Hindiya ayaa ka cabsi qaba mustaqbalka xukunka RW Narendra Modi ee Hinduuga ah

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Dagaalka Qaza: Maxkamad ku taallo Nederland ayaa dowladda ku amartay in ay joojiso diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee ay gaynayso Israa’iil

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Muxuu ku saabsan yahay heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkey?

Afrika2 weeks ago

Colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo laga soo bilaabo 1996

Wararka2 weeks ago

Weerarada fallaagada ayaa kumannaan kun ku qasbay inay ka qaxaan Koongo

Afrika2 weeks ago

Basaasiinta Israa’iil ayaa u hanjabaya qoyskayga – Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Koonfur Afrika

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda PDF

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 26aad

Siyaasadda Soomaaliweyn2 weeks ago

Qowmiyada Oromada oo xalay lagu laayay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Maraykanka ayaa ka digaya aargoosi dheeraad ah haddii maleeshiyaadka ay Iran taageerto ay sii wadaan weeraradooda

Wararka2 weeks ago

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen saldhigga booliska Pakistan

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 25aad

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda3 weeks ago

Xasuuqii Ruwaanda ka dhacay, 1994

Wararka3 weeks ago

Saddex qof ayaa ku dhaawacmay weerar mindi oo ka dhacay magaalada Paris

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 24aad

Afrika3 weeks ago

Ruwaanda oo heshay xabaalo wadareedyo badan 30 sano kadib xasuuqii Tutsiga, 1994

Geeska Afrika3 weeks ago

Ilhaan Cumar ayaa lagu eedeeyay inay jabisay dhaartii loo dhaariyay maadaama ay sheegtay inay illaalin doonto danaha Soomaaliya

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Ruushka iyo Gambia ayaa yeeshay wadahadallo dhanka ammaanka ah

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 23aad

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda3 weeks ago

Socdaalkii Rabaso – Qaybtii 1aad

Aasiya3 weeks ago

Maxaa laga baran karaa xariga Imran Khan oo lagu xukumay xabsi 10 sano ah?

Afrika3 weeks ago

Saddex dawladood oo galbeedka Afrika ah ayaa ka baxay urur goboleedka ECOWAS – sababta waa maxay?

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 22aad

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ma noqon karaa mid wax ka qaban karo xaaladda reer Falastiin?

Geeska Afrika4 weeks ago

Muxuu Abiy Axmed ka yiri midnimada Soomaaliya?

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

“Nelson Mandela wuu dhoola cadeyn lahaa” Wasiirka Koonfur Afrika ayaa yiri kadib go’aanka ICJ ee ka dhanka ah Israa’iil

Xul