Connect with us

Warbaahinta iyo Siyaasada

Qaarada Afrika Wali Kama Aysan Bixin Gumeysi -Tukesomalism.com

Published

on


Dhamaan wadama qaarida Afrika waxaa ay soo mareen gumeeysi aad u daran kaasoo cuuriyaamiyay hormarikii qaarada ay leehayd. Gumeeysateyaasha ayaa waxay ka lahaayeen qaarada Afrika hadafyo kala duwan oo kala.

  • In uu wadan kastaa ku faano in ay gumeeystaan wadama badan oo qaarada ka tirsan.
  • In ay helaan qeeyraad kala duwan ee ay qaaradu qaniga ku tahay sida dahabka, macdanta iyo dalagyo badan oo aanan laga helin wadamada reer galbeedka ah si ay warshadahooda ugu helaan dahabka iyo macdanta wax soo saarka looga baahnaa.
  • In ay faafiyaan diinta Kirishtaan oo ay reer galbeed ku aamin sanyihiin.
  • In ay u helaan beerahooda iyo warshada dalkooda shaqaalo lacag la,aan ah.

Hadaba waxaa adkeyd sidii ay wadamada qaaradaani xornimo ku heli lahaayeen. Waxaa la soo aasaasay jabhado aad u farabadan oo u dagaalama sidii ay wadamadooda xoriyad ku heli lahaayeen. Waxaa halkaas nafsadooda ku waayay geesiyaal badan oo Afrikaan ah, nasiib wanaag waxaa suurta gashay in ay wadamada Afrika ee gumeeystuhu haystay helaan xoriyadooda.

Waxaa isweydiin mudan ma kula tahay in ay Afriko gumeeysi ka baxday? . Jawaabtu waa maya waayo markii xoriyada si xoog ah looga qaaday gumeeystayaashii reer Galbeedka waxaa ay bilaabeen nidaam kale oo wali Afrika lagu gumeeysan karo kaasoo loo yaqaan Gumeeysiga Xaga Maskaxda. Nidaamkaan oo ah  in wadamada qaarada maskax ahaan loo gumeeysto ayna ku shaqeeyaan hadaf yada reer Galbeedka Afrika ka leeyihiin. Waxaa ay ka aasaaseen wadan kasto kooxo mucaarad ah oo u shaqeeya reer Galbeedka kuwaasoo had iyo jeer u heegan sidii loo wax yeelayn lahaa hormarka iyo isku filnaasha ay qaaradu hiigsaneeysa.

“Gumeeysta yaashaan ayaa waxay ka taqluusaan nin alle ninkii fahwo hawlaha ay qaarada ka wadaan. Waxaa  dhacday in madaxweynihii hore ee dalka Liibya Muamural Qadafi dhaar ku maray in ay Afrika yeelan doonto hal madax weyne, hal lacag, hal baasaboor iyo hal Luuqad, lana joojin doona soo dhoofinta cunooyinka iyo qalabyada kala duwan ee dalalka Afrika lasoo galiyo, wadan kastaana waxa uu u baahanyahay ka raadsan doono wadamada kale ee Afrika”

Kadib markii ay reer Galbeedku maqleen rayiga wanaagsan ee uu keenay ninkaan ayaa waxaa ay bilaabeen in ay dagaal ku soo qaadaan ayagoo marsiiso ka dhiganaayo in uu yahay kaligii taliye, sidaas ayaana looga taqluusay Qadafi riyadiisina ku baabadan. Gumeeystayaashaan ayaa waxaan marnabo faa,iido ugu jirin in ay Afrika nabad ka curato, hadii ay dhacday waxaa hoos u dhac balaaran ku imaan doonaa dhaqaalaha reer Galbeeto maadaama ay Afrika laga dhoofiyo macdan aad u raqiis ah waxii laga sameeyo macdan daaasna loo soo iib geeyo qaarada Afrika ayadoo qiimaheedu aad u sareeyo.

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Somalism. Wuxuu wax ka qoraa siyaasadda, cilmiga beeraha, ganacsiga, xadgudubyada loo geysta bini'aadamka iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed. Qoraaga wuxuu cilmi gaar ah u leeyahay caafimaadka dadweynaha iyo cilmiga beeraha. Wuxuu shahaadada jaamacadeed ee Bachelor Degree-ga ka haystaa Caafimaadka Dadweynaha.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Akhri

‘Wuxuu waydiisanayaa macalimiinta kale inay sii wadaan muujinta kartoonada Muxamed’

Published

on


Wuxuu waydiisanayaa macalimiinta kale inay sii wadaan muujinta kartoonada MuxamedCilmibaare iyo macallin Anine Kierulf waxay rajeyneysaa macalimiinta aradayda baraya xorriyadda hadalka in aysan ka baqeynin dilka ka dhacay Faransiiska.

Anine Kierulf, oo ah lataliyaha gaarka ah ee machadka xuquuqul insaanka Norway, ayaa sheegtay in aysan macquul aheyn in la sharaxo xorriyadda hadalka iyadoo aan la tixraacin hadalo aan fiicneyn oo muran dhaliyay.

“Waxaan u maleynayaa macallin kasta inuu isku dayi doono inuu la qabsado dhagaystayaashooda si xushmad iyo ixtiraam leh. Laakiin waa cadahay waajibaadka macalinka inuu u muujiyo ardayda iyo sidoo kale hadalada aan fiicnayn. Waxay noqon doontaa wax aad u qariib ah in la sharaxo muranka gawaarida, tusaale ahaan, iyadoo aan la soo bandhigin gawaarida aan ka hadlayno” ayay Kierulf u sheegtay warbaahinta dowladda Norway NRK.

Anine Kierulf, lataliyaha gaarka ah ee machadka xuquuqul insaanka ee Norway. (Sawirka waxaa iskaleh NRK)

Ma loo baahan yahay in la sharaxo xorriyadda hadalka?

“Ma rajaynayo in macallimiinta hadda la cabsi gelin doono, mana ku dhiiran karo inuu tuso sawirada noocaas oo kale ama hadal lamid ah” ayay tiri Anine Kierulf.

– “Cabsida noocaas ah waxay lamid tahay inaad dhahdo argagixisadu wey guuleysataa. Waayo argaggixintu waa in cabsi la abuuro. Haddaan u oggolaanno inay sidaa yeelaan, annaga oo iska bixinayna sida aan u maleyno inay sax tahay, oo loo oggolaaday inaan is muujinno, waxay markaas jab ku tahay dimuqraadiyadda” ayay tiri Anine Kierulf.

Maalmo kahor ayay ahayd marka ay faransiiska ka dhacday weerar mindi ah oo lagu gowracay macalinkii ardaydiisa tusiyey sawir laga sameeyey Nebi Muxamed NNKH.

Weerarkan oo aad looga hadal hayo faransiiska ayaa la sheegay inuu ka dhashay cashar ku saabsan sawir gacmeedyo muran badan dhaliyay oo laga sameeyay Nabi Muxamed NNK. Macallinka ayaa la sheegay in ardayda Muslimiinta ah uu ka codsaday iney fasalka ka baxaan markii uu ardayda kale tusayay sawir gacmeedyada.

Macalinka dhigaayey taariikhda Samuel Paty (47 jir) ayaa la weerarey oo madaxa lagaga jarey meel u dhow dugsigii sare ee uu macallin ka ahaa.

Casharka iskuulka ee ku saabsan xorriyadda hadalka, Samuel Paty wuxuu tusay ardayda majaajillada Nebi Muxamed ee muranku ka taagan yahay oo ay daabacday majaladda majaajilistaha ah ee Charlie Hebdo, Xorriyadda hadalka ayaa qeyb ka ahaa jadwalka kadib weerarkii lagu qaaday xarunta Charlie Hebdo sanadkii 2015.

Dhacdadaan masuuliyiinta ka falceliyey waxaa kamid ah Wasiirada waxbarashada Noorway Guri Melby ayaa tiri “Macalimiinta xor bay u yihiin inay ardeyda tusaan sawirada laga sameeyey Nebi Muxamed”

Guri Melby waa siyaasi reer Norway ah oo katirsan xisbiga Liberal Party. Waxay ahayd hogaamiyaha xisbiga sidoo kale waa wasiirka waxbarashada, 2020 (Sawirka waxaa iska leh NRK)

– “Macallinkani wuxuu qabtay shaqo muhiim ah oo ah qalabeynta ardayda si ay uga qayb qaataan dimuqraadiyadda iyo adeegsiga xorriyadda hadalka. Xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha ayaa qiimeyn ku leh manhajka waxbarashada ee dalka Norway, ayey wasiir Melby ka sheegay barnaamijka Dagsnytt 18 habeenimadii Isniinta.”

Macallinka wuxuu u madax bannaan yahay inuu muujiyo kartoonnada Muxammad, tusaale ahaan, haddii isagu ama iyadu u maleeyaan inay khuseyso, waa sida ay hadalka u dhigtay Melby.

Macallimiintu waxay ku leeyihiin xorriyad weyn manhajka, qofka asiga ayay u taalaa haddii uu rabo waxbarashada iyo haddii kale. Haddii qof u maleeyo inay habboon tahay in la muujiyo sawir gacmeed, waa inuu awoodaa inuu muujiyo, ayay tiri wasiirka waxbarashada iyo is-dhexgalka Noorway, Guri Melby

Maanta ayaa ugu dambeysay magaalada Paris ee udhaw daarta Eiffel Tower waxaa si xun loogu dhaawacay labo haween oo muslimiin ah. Labada gabdhood ee tuhmanayaasha ah ee loo qabtay dhacdada ayaa lagu soo oogay dacwad isku day dil.

Dhibbanayaasha ayaa la aqoonsaday inay yihiin haween Faransiis ah oo asal ahaan ka soo jeeda Algeria, waxayna ahayeen shan qof oo waaweyn iyo afar carruur ah markii ay u yimaadeen laba eey oo ka soo baxsaday xargahooda. Markii ay ka codsadeen milkiilayaasha inay xakameeyaan eeyda, waxaa lagu soo qaaday weerar aad u xun.

Haweenka ayaa waxaa si isdaba joog ah mindi u galiyay labo dumar ah oo kale oo “leh muuqaal reer Yurub ah” kuwaas oo sida la sheegay ku qeylinayay “Carab wasakh ah” iyo “Hooy u noqo dalkiina hooyo” intii uu socday weerarka.

Hal dhibbane ayaa mindi lagu dhuftay lix jeer, iyadoo ku dhacday sambabbo daloolsan iyo dhaawacyo ka soo gaaray gacmaheeda taas oo u baahnayd faragelin qalliin.

Laba ka mid ah dadkii goobta ka agdhawaa ayaa soo kala dhexgalay waxaana la sheegay in ay xakameeyeen mid ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday ilaa ay booliisku ka imaanayeen. Eedeysanaha labaad ayaa la qabtay waxyar kadib. Weerarka ayaa dhacay habeenimadii Axada laakiin booliska ayaa ka gaabsaday inay soo saaraan qoraal ilaa Talaadada.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diinta Islaamka

Faransiiska: Wuxuu ardaydiisa tusiyey sawir laga sameeyey Nabi Muxamed NNKH asigana waa la gowracay

Published

on


Booliska dalka Faransiiska ayaa afar qof u soo xiray dilka macallin taariikhda dhiga oo xalay lagu gowracay meel u dhow magaalada Paris ee caasimadda dalkaasi. Booliska ayaa sheegaya in weerarkaasi ay rumeysan yihiin in uu ahaa aargoosi kaddib markii macallinkaasi uu ardaydiisa u soo bandhigay sawir gacmeed la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxammad naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaatee.

Ninka weerarka geystay ayaa markii dambe waxaa toogasho ku dilay booliska.

Booliska ayaa xalay baaritaan ku sameeyay hooyga ninka looga shakiyay weerarka waxaana xabsiga loo taxaabay 4 qof oo la sheegay iney xiriir dhow la leeyihiin 18-jirka la aamnisan yahay inuu ku dhashay dalkaasi Ruushka.

Weerarkan oo aad looga hadal hayo faransiiska ayaa la sheegay inuu ka dhashay cashar ku saabsan sawir gacmeedyo muran badan dhaliyay oo laga sameeyay Nabi Muxamed NNK. Macallinka ayaa la sheegay in ardayda Muslimiinta ah uu ka codsaday iney fasalka ka baxaan markii uu ardayda kale tusayay sawir gacmeedyada.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dilka macallinka oo ka dhacay waqooyi-bari ee magaalada Paris ku tilmaamay weerar argagixiso. Macron ayaa sheegay in macallinka oo aan weli la sheegin magaciisa loo dilay sababo la xiriira xoriyatul qowlka.

Madaxweyne Macron oo booqday goobta ayaa macallimiinta u ballan qaaday in naftooda uu dalka difaacayo. Dhanka kale Macron ayaa midnimo ku baaqay, waxa uuna sheegay in marnaba aysan argagixisada ka guleysanayn oo aysan kala qoqobi Karin dadka faransiiska.

Madaxweynaha Faransiiska Emmnauel Macron ayaa si cad ah u caddaystay inuu islaamka ka hortagaayo asigoo qudbadiisa uu jeediyey bishaan 4 oktoobar shaaca kaga qaaday qorshe uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeeshay “Muslimiinta gooni u goosadka ah” si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga.

Qorshaha uu madaxweynaha damacsan yahay ayuu ku sheegay iney ka mid yihiin dugsiyada waxbarashada ee ay muslimiinta leeyihiin oo gacan bir ah lagu qabto iyo in la xakameeyo lacagaha dibadaha ka yimaadda ee masaajidda lagu dhiso. Balse hadalka ka soo yeeray madaxweynaha waxaa si weyn u cambaareeyey dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda muslimka iyaga oo hadalkiisa ku tilmaamay inuu doonayo muslimiinta inuu ku cabburiyo dalka Faransiiska.

Mabaadiida adag ee dalka Faransiiska oo cilmaaniyadda ama laïcité, ku dhisan sharciga wuxuu kala soocayaa dowladda iyo hay’adaha diiniga ah. Fikraddaa ayaana dhigaya dadyowga diimaha iyo caqiidooyinka kala duwan aaminsan iney sharciga hortiisa ka siman yihiin.

Ninka looga shakisan yahay inuu weerarka geeystay ayaa waxaa toogtay booliska. Waxaana la soo weriyay inuu yahay 18 jir ku dhashay dalkaasi Ruushka. Waxaana haatan baaritaanka kiiskan la wareegay dacwad oogeyaal qaabilsan la dagaallanka argagixisada.

Qaabkee ayaa loo gowracay macallinka?

Nin watay mindi weyn ayaa macallinka ku weeraray waddo ku taal xaafad lagu magacaabo Conflans-Sainte-Honorine, isagoona madaxa ka jaray. Ilo booliis ayaa sheegay in markhaatiyaashu ay maqleen qofka weerarka gaystay oo ku dhawaaqaya “Allahu Akbar”, ama “Ilaahay ayaa weyn”, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Qofka weerarka gaystay ayaa markiiba cararay, laakiin bilayska maxalliga ah oo ay ku wargeliyeen dadwaynuhu ayaa durbadiiba soo gaaray goobta. Saraakiisha ayaa ninkan kaga hortagey degmada u dhow ee Éragny. Waxayna u sheegeen inuu is dhiibo balse waxaa la sheegay badalkii taas inuu u hanjabay booliska taas ayaana horseedday iney toogtaan.

Dalka Faransiiaka ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay dal ku yaalla galbeedka Yurub oo ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan. Cabashooyin badan oo muslimiinta ku aaddan oo ay soo jeedinayaan cilmaaniyiinta ayaa waxay mas’uuliyiinta dowladda kaga codsadaan inay si gaar ah u beegsadaan arrimaha muslimiinta sida mamnuucidda xijaabka.

“Diinta Islaamka dunida oo dhan ayey maanta dhibaata ku tahay, mana dooneyno iney taa dalkeenna ku aragno” ayuu yiri Madaxweyne Macron.

Tallaabbooyinka uu madaxweyne Macron la damacsan yahay muslimiinta Faransiiska waxaa la filayaa dabayaaqada sanadkan inuu baarlamaanka dalkaasi horgeeyo. 

Tallaabbooyinka uu Macron damacsan yahay inuu qaado waxaa ka mid ah:

  • In si adag loola socdo ururrada isboortiga iyo ururrada kale ee ay bulshooyinka isugu yimaadaan oo looga mid dhigo barashada islaamiyiinta
  • Joojinta nidaamyada imaamyada ee meela ka baxsan Faransiiska waxbarasha u aado
  • Kormeerka iyo dabagalka dhaqaalaha masaajidda soo galo ama lagu maalgeliyo
  • In la xaddido waxbarashada guriyaha lagu dhigto iwm

Madaxweyne Maccron waxaa kale uu sheegay Faransiiska inuu waxbadan ka qabanayo arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee dadka soo galootiga ah, wuxuuna intaa ku daray iney xagjiriintu ay buuxiyeen fursadihi jiray.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Warbaahinta iyo Siyaasada

14 Oktoobar Waxay Ummada Soomaaliyeed u Ahayd Maalin Mugdi Leh

Published

on


Maanta saddex sano ayaa laga joogaa markii uu dhacay qaraxii Soobe ee sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo weynta dad lagu tiriyay liiska Geerida balse aan la helin raq iyo ruux!

Dadkii goobjooga u ahaa maalintaas qaraxii dhacay oo qaarkood dhaawac jireed & Mid maskaxeed soo gaaray ayaa Warbaahinta u sheegay in xusuustooda aysan ka go’in wixii maalintaas dhacay. Qaraxa ayaa dhacay xili uu isgoysku aad mashquul u ahaa, Gawaarida ayaa isku xirantay, dadka ayaa lugeynayay waddada, Goobaha Ganacsiga waa ay furnaayeen, dadku waxa ay ku kala mashquulsanayeen danahooda gaarka ah.

Muqdisho xiligaas kuma cusbeen qaraxyada, balse waa uu ka jug weynaa kuwii dhici jiray, durba qof waliba oo dadkiisa waayay, ayaa gaaray Isgoyska Soobe oo ah halka mashaqadu ay ka dhacday.

Dadka ayaa is dul daadsanaa, qaarkood ayaa gubanayay, Goobaha ganacsiga ayaa burburay, laamiga ayaa go’ay (Dumay) waxaana isbadalay muuqaalka guud oo waxyar kahor qaraxa jawi is dhex socod uu jiray.

Aadan Cabdi Xuseen waxa uu la wadaagay wixii uu goobjooga u ahaa maalintaas, isaga oo sheegay in uu ku waayay qaar kamid ah asaxaabtiisa, halka qaar kale jirkooda uu kala go’ay.

“Qaraxa kadib waxa aan u dhacay af-af, uuro ayaa guud ahaan meesha qarisay, waxyar kahor inta uusan dhicin ayaan galay Wasaaradda qorsheynta oo aan degenaa, markii aan meesha soo gaaray waxa aan arkay qaar kamid ah dadkii aan isla shaahnay oo dhaawac & dhimasho ah waxaa kamid ah Haweeney Caano meesha ku iibineysay” ayuu yiri Aadan oo kamid ahaa shaqsiyaadkii ka badbaaday Qaraxii Soobe.

Waxaa la sheegay in la xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku dhinteen 358 qof iyo 228 qof oo dhaawac ah.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomalaiya Eng. Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow, AHUN) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in la xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku dhinteen 358 qof iyo 228 qof oo dhaawac ah.

Wasiirku waxa uu sheegay in sidoo kale nolol iyo geeri la la’yahay 56 qof halka 99 qof oo kolkii hore dhaawac ahaan cusbitaalada loo dhigay hadda cusbitalka laga saaray. Sida uu sheegay Eng. Yariisow, 122 qof oo dhaawac ah ayaa loo qaaday dalka dibaddiisa, gaar ahaanna waddamada Kenya, Turkiga iyo Suudaan si halkaa loogu soo daweeyo. Tiro kale oo dhaawac ah ay jiifaan cusbitaalada Muqdisho.

Dhanka kale, wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow ayaa sheegay in dhowr qof loo soo qabtay qaraxa, balse waxa uu ka gaabsaday in wax faafaahin ah uu ka bixiyo maadaama buu yiri uu wali baaritaan socdo.

Goobaha caafimaadka waxaa kasoo yeertay fariin ku saabsan in loo baahan yahay dhiig, maadaama dadka dhaawacyada soo gaaray ay dhiig-baxeen, Dowladda Federaalka oo ka jawaabeysa arrintaas ayaa dadka ugu baaqday in ay dhiiggooda ugu deeqaan boqolaalka dhaawacmay.

Ilinka laga galo Isbitaallada waxaa ku sugnaa boqolaal ruux oo dadkooda waayay, goobaha caafimaadkana la dhigay dad dhaawacmay & kuwa dhintay oo aan lahayn aqoonsigooda, sidaas awgeed ay ka raadiyeen goobahaas.

Dowlado kala duwan ayaa Muqdisho usoo diray dhaqaatiir, agab Caafimaad iyo diyaarado lagu qaado shaqsiyaadka aan dalka xaaladdooda wax looga qaban Karin, waana la qaaday 15-kii Oktoobar 2017-kii.

DFS ayaa magacawday Gudigii gurmadka qaraxii Soobe ayaa bilaabay diiwaangelinta magacyada dadka la raadinayo ee lagu tuhmay in ay ku dhinteen goobta qaraxa uu ka dhacay ama la geeyay goobaha caafimaadka.

Isbitaallada dadka la dhigay, Ehelka dadkooda aan Raq & Ruux toona ku arag!

Madaxda sare ee DFS, Culimo, qaybaha Bulshada & shaqsiyaad kale oo dhalinyaro ah ayaa tagay goobtaas gurmadka ah, halka Baraha Bulshada lasoo dhigayay Sawirrada dad la raadinayo ee la waayay.

Qaar kamid ah shaqsiyaadka ehelkooda waayay ayaa maalin waliba taagnaa xarunta Gurmadka & Isgoyska Soobe oo ah meesha uu qaraxa ka dhacay, maadaama dhismaha dumay la faagayay (La qofayay) si haddii dad looga helo looga soo saaro.

Maxaad ka xusuusataa dhacdadii dhiigga badan ku daatay ee 14-October-2017?
Sidee kuu saameysay qof ahaan iyo qoys ahaan?

Facebook Comments Box

Continue Reading

Warbaahinta iyo Siyaasada

Shaheen Bagh: Ayeeyada u Doodeysay Muslimiinta ee Lagu Soo Daray Liiska Lama Filaanka ah

Published

on


Haweeney 82 jir ah oo u dhalatay dalka Hindiya – oo wajigeeda uu ka dhex muuqday mudaharaadyo muddo dheer ka socday Hindiya – ayaa lagu soo daray liiska Majalladda Time ee lagu xuso 100-ka “qof ee ugu saameynta badnaa 2020-ka”.

Bilkis waxay ka mid ahayd koox haween ah oo si nabad ah uga mudaharaaday sharciga muranka dhaliyay ee Dhalashada. Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, iyo Atooraha shirkadda filimada Bollywood-ka, Ayushmann Khurana, ayaa sidoo kale kasoo muuqday liiskaas.

Liiska sannadlaha ah waxaxaa lagu soo koobaa ganacsato, hoggaamiyeyaal iyo dad hormuud ah oo ku kala nool daafaha caalamka, kuwaasoo sameeyay saameyn muuqata.

Taariikh nololeedka Bilkis, oo Hindiya looga yaqaanno ‘Didi’ (Ayeeyo oo luqadda Hindiga ah), waxaa qoray haweeneyda wariyaha reer Hindiya ee lagu magacaabo Rana Ayyub, waxayna ku qeexday inay “cod u tahay dadka la qadiyay”.

“Bilkis waxay rajo iyo awood siisay dadka xuquuqda rayidka u dooda iyo hoggaamiyeyaasha ardayda, kuwaasoo dhammaantood xabsiga loo taxaabay markii ay ka falceliyeen xad-gudubka dimuqraaddiyadda. Waxay sidoo kale dhiirrigalisay dadka u mudaharaadaya sida nabadda ah,” ayey qoraalkeeda ku tidhi Ms Ayyub.

Wax yar kaddib markii lagu dhawaaqay in Bilkis magaceeda uu ku jiro liiska dadka ugu saameynta badan, waxaa Twitter-ka ka billowday ol’ole loogu dabaaldagayo iyada iyo deegaankii ay ku mudaharaadeysay. Dad aad u badan ayaa ugu hambalyeeyay guusha usoo hoyatay.

Jilaaga Bollywood-ka, Onir, oo Twitterkiisa ku xusay, ayaa ku tilmaamay inay tahay “geesinnimo, dhiirrigalin iyo cod kasoo jeeda deegaanka Shaheen Bagh”.

Qareenka lagu magacaabo Karuna Nundy ayaa isagana Twitter-ka kusoo qoray in dooddii ay Bilkis ka qabtay sharciga lagu soo daray dastuurka ay ahay mid ka mid ah kuwii ugu dhiirrigalinta badnaa sannadkan.

Shaheen Bagh, oo ah deegaan ay muslimiinta u badan yihiin – muddo dheerna uu ka socday mudaharaadka nabadeysan ee ka dhanka ahaa sharciga dhalashada ee muranka dhaliyay – ayaa soo jiitay taageerada dad badan oo reer Hindiya ah. Dumar Muslimiin ah ayaa kusoo baxay tirooyin aad u badan, waxayna u mudaharaadayeen si nabadgalyo ah, inkastoo dad kale oo kasoo kala jeeda qeybo ka mid ah waddanka ay garab taagnaayeen.

Haweenkan waxay isu aqriyaneen qodobbada dastuurka qaranka, iyagoo sameynayay hadallo ay ku xaqiijinayaan sida ay dhalashada u mudan yihiin, waxayna sidoo kale qaadayeen heeso waddani ah.

Haween kasoo jeeda dhammaan qeybaha bulshada ayaa ka qeyb galay mudaharaadkii looga soo horjeeday sharciga dhalshada ee ka dhacay Shaheen Bagh

Qaar badan oo ka mid ah shacabka Hindiya iyo dadka dunida qeybaheeda kala duwan ayaa haweenkan mudaharaadayay ku ammaanay dulqaadka ay sameeyeen, waxayna uga mahadceliyeen tallaabadaas dhiirrigalinta ah.

Dacwado badan oo ay diyaariyeen xisbiyada siyaasadda ayaa loo gudbiyay maxkamadda, muslimiinta iyo ururrada bulshada rayidka ahna waxay ku doodayaan in sharciga cusub ee dhalashada uu yahay mid dastuurka baal marsan, maadaama uu tixgalinayo diimo gaar ah oo kaliya.

Mudaharaadka waxaa aad loogu dhaleeceeyay qalalaase, wuxuuna bartilmaameed u noqday ol’olihii doorashada ee uu sameynayay xisbiga talada haya ee BJP.

Xisbiga dowladda maamula ayaa dadka dibadbaxayay ku eedeeyay inay sameeyeen khiyaano qaran, maadaama ay kasoo hor jeesteen sharcigan, oo magangalyo iyo dhalasho siinaya dadka aan muslimiinta ahayd ee kasoo qaxa dalalka Hindiya dariska la ah ee ay u badan yihiin Muslimiinta.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Warbaahinta iyo Siyaasada

Erdogan iyo Macron Ma Waxaa ka Dhex Taagan Loolan Dhanka Caqiidada Diimaha?

Published

on


Hadal heyn xooggan ayaa ka dhalatay khudbadda madaxweynaha Faransiiska ee uu kaga hadlay arrimaha islaamka toddobaadkii lasoo dhaafay, taas oo uu shaaca kaga qaaday qorshe uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeeray “Muslimiinta gooni u goosadka ah” si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga.

Wuxuu sheegay in qorshahan lagu beegsanayo dhammaan dhaqamada ururada xagjirka ah iyo kuwa arrimaha diinta adeegsanayo kuwaas oo su’aal gelinayo jamhuuriyadda Faransiiska, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta dalkaas.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa hadalka kasoo baxay Macron ku tilmaamay “Mid daandaansi ah oo aanay ku dhehneyn asluub”

Dooddan ayaa imaaneysaa xilli labada dal uu ka dhex taagan yahay khilaaf siyaasadeed balse haatan ay arrinta isugu baddali doonto mid ‘diimeed’, sida ay sheegayaan dadka ka faalooda siyaasadda gobolka.

Xaaladda Libya ayaa noqotay arrinta ugu weyn ee khilaafka badan ka dhex dhalisay Macron iyo Erdogan, xukuumadda waxay taageertaa dowladda Qaramada Midoobey ictirifaasan tahay halka Faransiiska uu taageero Janaraal Khaliifa Haftar.

Xiisadda ayaa sare u sii kacday bilooyinkii lasoo dhaafay kaddib markii Turkiga uu markab shidaal baaris ah u diray xeebta badda Mediterranean-ka, Giriigga iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhex taagan xiisad ka dhalatay howlaha shidaal baarista, xilliggaas Faransiiska wuxuu ku dhawaaqay in ciidamo militari ah uu u dirayo gobolka si ay u taageeraan Giriigga.

Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka waxay rumeysan yihiin in Macron iyo Erdogan ay adeegsadaan hadallo ku saabsan diinta si ay u xoojiyaan hadafyadooda siyaasadeed. Ma ahan markii ugu horreysay ee Erdogan uu soo hadal qaado arrintani, wuxuu doonayaa in kaalin weyn uu ka qaato dunida islaamka ha ahaato taageeridda dalalka Carabta ama in dareenka uu la qeybsado malaayiinta muslimiinta ah ee ku nool caalamka.

Caalamka ayaa si weyn u dhaleeceeyay tallaabadii Turkiga uu masaajid kaga dhigay madxaftkii Aayaa Soofiya.

Adeegsiga diinta

Faransiiska wuxuu doonayaa in kaalin weyn ka qaato siyaasadaha Midowga Yurub xilli dalkiisa ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan ee Yurub. waana arrin taariikhii ah laga bilaabo ololihii janaraalkii u dhashay Faransiiska ee Napoleon uu ka waday Masar, qabsashadii Aljeeriya, waana arrin xusuus badan leh oo dhibaato ku ah muslimiinta.

Dhinaca kale, doodda ku saabsan xiriirka Turkiga iyo Midowga Yurub waxaa harreeyay arrimaha diinta iyo dhaqanka, waxaana kamid aha su’aasha ku saabsan xiriirka ka dhexeeyo Yurub iyo islaamka, iyo xiriirka ku aadan islaamka iyo mabaadiida cilmaaniga iyo casriga.

Waxyaabaha sii xumeeyay xiriirka Turkiga iyo Yurub waxaa kamid ahaa hadal kasoo baxay qaar kamid ah hogaamiyeyasha Yurub, waxaana kamid ah madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy oo yiri “Arrinta aanan suurtagalka aheyn waxay tahay in Midowga Yurub uu kusoo biiro dal ay ku nool yihiin 80 malyan oo qof”

Alain Gresh oo ah weriye iyo khabiir u dhashay Faransiiska ayaa BBC-da u sheegay in kala aragti duwanaanshaha Macron iyo Erdogan uusan ku saabsaneyn ‘dagaal dhanka diinta ah’ balse arrimaha diinta ay u adeegsanayaan inay kusoo leexiyaan xiisadda siyaasaddeed ee ka aloosan gobolka.

Islam Ozcan, oo ah khabiir u dhashay Turkiga kana faalooda arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in ‘Arrimaha diinta aysan kaalin weyn ka ciyaarin siyaasadda Turkiga balse loo adeegsado ka hadalka arrimaha dhaqanka”

Islam Ozcan wuxuu yiri “Mas’uuliyiinta Turkiga waxay arrintan u adeegsadaan sidii ay awoodda ku sii heyn lahaayeen gaar ahaan Erdogan wuxuu adeegsanayaa arrin aanan qaabilsaneyn diblomaasiyadda oo qoto dheer si uu usoo bandhigo tallaabooyinkiisa madaxa banaan”

Doodaha kulul

Khubdadda Macron ee ku wajahneyd waxa uu ugu yeeray ‘islaamka gooni u goosadka ah’ ma ahaan hadalkii ugu horreeyay ee ku saabsan islaamka ee muranka badan ka dhex dhaliyay Faransiiska, sanadihii lasoo dhaafay waxaa Faransiiska ku soo badanayay hadallada ku saabsan islaam naceybka iyo doodda ka dhalatay xijaabka in gabadhaha ay la adaan iskuullada.

Alan Gresh wuxuu rumeysan yahay in dhibaatadan ay tahay mid casri ah oo ka dhalatay tallaabooyinka Gacaanka Iiraan iyo saameynta sii ballaareysno ay caalamka ka wadaan ururada sida Al Qaacidda.

Siyaasadaha is baddalayo waxay horseedeen hadallada ku saabsan cunsurinimada ee gudaha Faransiiska “Kaddib markii garabka midig ee Faransiiska uu qaaday olole ka dhan ah carabta, Aljeeriyaanka iyo dadka u dhashay Morocco ee muslimiinta ah, waxay arrintani isu baddashay naceyb loo qabo muslimiinta taas oo ay wadaan labada garab” ayuu yiri Alan Gresh.

“Sanadihii lixdamaadkii iyo toddobaatamaadkii Faransiiska waxaa ka jirtay falal cunsurinimo ah oo ka dhan ah carabta, dadka Faraniiska iyo carabta waxay aaminsanayeen in dadka soo galootiga ah ay ugu dambeyntii dib ugu laaban doonaan dalalkooda, durbadiiba, Faransiiska wuxuu arkay in islaamka uu noqday diiinta labaad ee laga aaminsan yahay dalkaas taas oo cabsi ku abuurtay Faransiiska kuwaas oo aan waxbo ka ogeyn diintan”

Cilmi baaraha u dhashay Turkiga Islam Ozkan wuxuu sheegaya in saameyn xun ay ka dhalan karto hadalka Macron ee ka dhanka ah islaamka, “Waa nin reer galbeed ah oo aan wax shuqul ah ku laheyn diinta islaamka”

‘Duullaanka dibadda’

Koox ku sugan Faransiiska waxay rumeysan yihiin in muslimiinta ay kaalin ku leeyihiin qalalaasha ka dhaca Faransiiska gaar ahaan weeraradii is xig xigay ee lu qaaday wageyska “Charlie Hebdo” sanadkii 2015-kii.

“Markii aan maqalnay hadalka Macron, waxaan u maleynay weerar dibad ka yimid dibadda oo lagu soo qaaday diinta ee uu ku xoojinayay fikirka laga qabo xagjiriinta sababta oo ah kooxda la magac baxday dowladda islaamka iyo kooxaha kale ee xagjiriinta ah waxay ku anddacoodaan in muslimiinta Yurub la dhibaateynayo” ayuu yiri Islam Ozkan.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Wararka3 hours ago

Qaramada Midoobay ayaa uga digtay Britain in muhaajiriinta loo tarxiilo Ruwaanda

Wararka1 day ago

Muxuu salka ku hayaa heshiiska amni ee ay ansixiyeen Golaha wasiirada Soomaaliya?

Afrika2 days ago

Dalka Zimbabwe ayaa ku hanjabay inuu mamnuuci doono deeqaha waxbarasho ee khaniisiinta loogu talagalay

Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 days ago

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya

Afrika4 days ago

Shirkii midowga Afrika maxaa kasoo baxay? – Afgembi, rabshado iyo qalalaase khatar ku ah Afrika

Wararka5 days ago

83 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, tirada dhimashaduna waxay kor u dhaaftay 28,858

Sirdoonka & Militariga5 days ago

Madaxa Xisbullah Xassan Nasrallah ayaa u ballan qaaday in Israa’iil ‘ay caqabad kala kulmi doonto ‘dilka dadka rayidka ah’

Bariga dhexe6 days ago

Weerarkii Israa’iil ee koonfurta Lubnaan ayaa lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsan ururka Xisbullah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda6 days ago

Tegida Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ee Addis Ababa waa qalad diblomaasiyaddeed

Wararka6 days ago

Kaliya Mareykanka ayaa qasab ku keeni kara nabadda Bariga Dhexe waana inuu cadaadiyaa Israa’iil, ayuu yirri Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan

Wararka6 days ago

“Haddii aad nabad rabto, u diyaargarow dagaal,” – RW Kyriakos Mitsotakis

Wararka6 days ago

Sarkaal Kenyan ah oo meydkiisa laga helay hotel ku yaallo Washington

Sirdoonka & Militariga7 days ago

Maxaa dan ah ayaa ugu jira Soomaaliya heshiiska is-afgaradka milatari ay kala saxiixatay Mareykanka?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda7 days ago

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud (4.5) oo tagaya Itoobiya – Ujeedka waa maxay?

Aasiya1 week ago

Muslimiinta Hindiya ayaa ka cabsi qaba mustaqbalka xukunka RW Narendra Modi ee Hinduuga ah

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Dagaalka Qaza: Maxkamad ku taallo Nederland ayaa dowladda ku amartay in ay joojiso diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee ay gaynayso Israa’iil

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Muxuu ku saabsan yahay heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkey?

Afrika2 weeks ago

Colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo laga soo bilaabo 1996

Wararka2 weeks ago

Weerarada fallaagada ayaa kumannaan kun ku qasbay inay ka qaxaan Koongo

Afrika2 weeks ago

Basaasiinta Israa’iil ayaa u hanjabaya qoyskayga – Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Koonfur Afrika

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda PDF

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 26aad

Siyaasadda Soomaaliweyn2 weeks ago

Qowmiyada Oromada oo xalay lagu laayay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Maraykanka ayaa ka digaya aargoosi dheeraad ah haddii maleeshiyaadka ay Iran taageerto ay sii wadaan weeraradooda

Wararka2 weeks ago

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen saldhigga booliska Pakistan

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 25aad

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda3 weeks ago

Xasuuqii Ruwaanda ka dhacay, 1994

Wararka3 weeks ago

Saddex qof ayaa ku dhaawacmay weerar mindi oo ka dhacay magaalada Paris

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 24aad

Afrika3 weeks ago

Ruwaanda oo heshay xabaalo wadareedyo badan 30 sano kadib xasuuqii Tutsiga, 1994

Geeska Afrika3 weeks ago

Ilhaan Cumar ayaa lagu eedeeyay inay jabisay dhaartii loo dhaariyay maadaama ay sheegtay inay illaalin doonto danaha Soomaaliya

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Ruushka iyo Gambia ayaa yeeshay wadahadallo dhanka ammaanka ah

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 23aad

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda3 weeks ago

Socdaalkii Rabaso – Qaybtii 1aad

Aasiya3 weeks ago

Maxaa laga baran karaa xariga Imran Khan oo lagu xukumay xabsi 10 sano ah?

Afrika3 weeks ago

Saddex dawladood oo galbeedka Afrika ah ayaa ka baxay urur goboleedka ECOWAS – sababta waa maxay?

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 22aad

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ma noqon karaa mid wax ka qaban karo xaaladda reer Falastiin?

Geeska Afrika4 weeks ago

Muxuu Abiy Axmed ka yiri midnimada Soomaaliya?

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

“Nelson Mandela wuu dhoola cadeyn lahaa” Wasiirka Koonfur Afrika ayaa yiri kadib go’aanka ICJ ee ka dhanka ah Israa’iil

Xul