Connect with us

WARBAAHINTA

Qatar Ma Waxay Bixisay Lacagtii Madax Furashada Abid Ugu Badnayd Dunida?

Published

on

 


Subaxnimadii 16-kii bishii Disembar sannadii 2015-kii qoyska ka arrimiyo dalka Qatar waxay heleen war aan lagu farxin, 28 xubnood oo kamid ah qoyska oo falal ugaarsi waday ayaa lagu afduubtay gudaha dalka Ciraaq. Magacyada dadka laga afduubtay Qatar waxaa loo geeyay Maxamed bin Cabdulraxmaan Al-Thani oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda Qatar, wuxuuna ogaaday in dadka la afduubtay ay kamid yihiin 2 qof oo qaraabadiisa ah.

Wuxuu durbadiiba fariin qoraal ah kula xiriiray safiirka Qatar u fadhiya dalka Ciraaq oo u wax ka weyddiyay dhacdada lagu afduubtay 28-da qof ee dalka Qatar u dhashay.

Qatar waxay madax furasho u bixinaysaa lacago balaayin ah sii loo soo daayo shakhsiyaadka qoyska ka tirsan ee Ciraaq lagu afduubtay, balse lacagtan ayaa laga yaaba inay ku dhici karto gacanta kooxa Mareykanka uu ku tilmaamay argagixiso.

Marka si kale loo eego, Qatar ma hayso lacago ay gacanta ku dhigaan kooxo argagixiso ah balse waxay ku wareejin doontaa dowladda Ciraaq si loo soo daayo ragga afduuban. Marka arrimahaasi laga soo tego, lacagata ay kusoo furanayso Qatar raggan waxay ku dirtay bangiga dhexe ee dalka Ciraaq halkaaso weli lacagta ay taallo, inkastoo aanan war laga haynin goobta lagu haysto raggan. Wasiirka arrimaha dibadda Qatar iyo safiirka ayaa farriimo iyo cod is weedaarsanaya sii loo sameeyo wadaxaajoodka lagu soo daaynaya la haystayaasha. Warbixinta waxaa helay koox mucaarad ku ah dowladda una sii gudbiyay Qatar, kaddibna BBC-da ayaa loo soo dusiyay.

Su’aasha lais weddinaya waxay tahay, Qatar ma waxay bixisay lacagtii madax furashadii ugu badnayd taarikhda?

Sheikh Maxamed wuxuu ahaan jiray khabiir dhanka dhaqaalaha ah, waxay qarabo dhaw yihiin Amiirka dalkaasi, lamana ogayn xilligii loo magacabaay inuu noqdo wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi isagoo jira 35 sanno.

Dadka la afduubtay waxaa kamid ahaa qaraabada wasiirka arrimaha dibadda Qatar Maxmed bin Cabdulraxmaan

Markii afduubka loo gaysanayay muwaadiininta reer Qatar, safiirka Qatar u fadhiya Ciraaq Zayed Al-khayareen wuxuu jiray da’da 50 sanno, waana safirkii ugu horreeyay ee Qatar u fadhiya dalka Ciraaq muddo 27 sanno ah balse jagadan sidaasi muhiim ugama ah Qatar.

Wadxaajoodka lagu soo furanaya ragga lagu afduubtay Ciraaq waxaa loo adeegsanaya in sare loogu qaado jagadiisa.

28-da qof ee Qatar u dhashay waxaa gudaha Ciraaq lagu afduubtay iyagoo Galayr ka u gaarsanaya dhul ku yaalla koonfurta Ciraaq oo shimibrtan Galayrka laga helo. Galayrka ayaa aad looga jecel yahay qoyska reer Boqor. waxaana lagu iibsada qiimo aad u sareeyo.

Nooca Galayrka oo laga helo dalka Ciraaq ayaa qaali ka ah dalalka Khaliijka

Toddobaadyo xanuun badan kaddib, dowladda Qatar wax war ah kama aysan haynin afduubka, balse bishii Marso ee sannadkii 2106-kii ayay ogaadeen in kooxaha wax afduubtay ay kasoo jeedaan garab kamid ah maleeshiyaadka Ciraaq oo ay taageerto dowladda Iiraan. Kooxda waxay sheegeen inay doonayaan lacago madax furasho ah, Safiirka Qatar u fadhiya Ciraaq Khayareeen ayaa farriin ka helay wasiirka arrimaha dibadda Sheikh Maxamed. Wuxuuna farriinta ku yiri ” waxaan ku yiri 14 kamid ah dadkeena inoo soo daaya, qayb kamid ah lacagta madax fursahada ayaan idiin siinaynaa”

Shan maalmood kaddib kooxda waxay shegeen inay soo daaynayaan saddex kamid ah ragga ay afduubteen. Labo maalmood kaddib safiirka Qatar wuxuu gaaray aagga caggaaran ee magaalada Baqdaad iyadoo ay waarddiyaynayaan laamaha ammaanka Ciraaq, goobtan waxaa ku yaalla xafisyada dowladda iyo safaaradaha dalalka shisheeye.

Goobta waxaa ka jirtay xiisad kaddib markii tageerayaasha waddaadka shiicada Muqtada Sadar ay dibadbaxyo ka wadeen afaafka hore ee xarunta aagga cagaaran ee magaalada Baqdaad, shaqaalaha safaaradda goobta ay ka carareen, wadaxaajoodka uu safiirka kusoo daayn rabay ragga la faduubtay waxaa saameeyay dibadbaxa.

Khayareen wuxuu sugay dadkii matalayay kooxaha wax afduubtay balse ma jirin ballan qaad lagu soo daynayo raggan. Wuxuu soo qoray farriintan “Waa markii saddexaad aan tego magaalad Baqdaad sii loo soo daayo ragga nagala afduubtay,aad ayaan u walwalsanahay, mana doonayo inaan soo tago anigo ku guulaysanin soo daynta 28-da qof ay la haysto” Kooxdii waxay diideen inay soo daayan ragga balse waxay safiirka siiyeen aalad ay ku jiraan muuqallada dadka ay haystaan.

Waxay ugu baaqeen safiirka inuusan cid kale la wadaagi muuqalladaasi.

wuxuuna sheegay safiirka inuusan la wadaagaynin muuqaallada qoyska maadama ay ka walaacsan yihiin afduubka loo gaystay.

Kataib Hezbollah oo wadaxajoodka u matalayay kooxda afduubka gaysatay ayaa wasiirka arrimaha dibadda Qatar ka codsaday 10 milyan oo doolar sii loo soo daayo ragga. Safiirka Qatar ee Ciraaq waxaa dadaalka wadaxaajoodka u waday labo qof oo Ciraaq u dhashay oo sunniyiin ah, waxay booqasho ugu tageen wasiirka arrimaha dibadda Qatar, waxayna ka codsadeen lacago horumaris oo gaaraya $150,000 iyo shan kamid ah saacadaha ugu qaalisan dunida.

Bishii April sannadkii 2016-kii waxaa meesha soo galay Jeneraal Iiraan u dhashay oo la yiraahdo Qaasim Sulaymaani.

Safiirka ayaa farriin qoraal ah usoo qoray wasiirka arrimaha dibadda Qatar wuxuu ku yiri” Janaraal Sulaymaani wuxuu la kulmay kooxda afduubka gaysatay waxayna ku cadaadiyeen inuu bixiyo 1 bilyan oo doolar. Bishii Januray ee sannadkii 2017-kii waxaa laisla gaaray in Qatar ay bixiso 1 bilyan oo dooolar iyo 150 milyan oo doolar. Saraakiisha Qatar waxay aqbaleen inay jirto farriimaha lais weedaarsaday balse waxay sheegeen inay rumaysan yihiin in waxyaabo aan jirin meesha lagu daray.

Dabayaaqadii bishii April ee sannadkii 2107-ka waxaa lasoo afjaray dadaallada lagu soo daaynayo muwaadiniintii Qatar ee Ciraaq lagu afduubtay.

Diyaaradda Qatar ayaa lacagta madax furashada gaysay magaalada Baqdaad, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Qatar inkaastoo maamulka shirakadda Qatar ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintani.

Shirkadda diyaaradaha Qatar oo la sheegay inay lacagta madax furashada qaaday

Su’aasha lais weeyddinaya ayaa ah yaa helay lacagtii la geeyay Baqdaad? balse waxaa la sheegay in in kabadan 1 bilyan oo doolar iyo 150 milyan oo doolar ay ku wajahnaayeen maleeshiyaadka afduubka gaystay oo ay taageerto Iiraan.

Saraakiisha dalka Qatar waxay sheegeen in lacagtaas sidaasi u badan loo diray dowladda Ciraaq balse aysan gacanta ku dhigin kooxaha argagixisada, waxayna ku sheegeen in bixinta lacagtan looga gollahaa iskaashiga dhanka ammaanka la haystayaasha islamarkaasna dowladda Ciraaq ay mas’uuliyad ka saarnayd badbaadinta muwaadiniinta reer Qatar ay afduubka lagu haystay.

21-kii bishii April sannadkii 2017-kii waxaa xoriyaddooda dib u helay muwaadiniintii Qatar u dhashay ee Ciraaq lagu haystay. sidaa uu ku warrramay safiirka Qatar u fadhiyay Ciraaq.

Lix iyo tobban bilood kaddib, 28-dii qof ee xoriyaddooda dib u helay ayaa lagu arkay iyagoo faraxsan waddo ku taalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Dooxa.

Facebook Comments Box

Diblomaasi waa deggel hormuud u ah falanqeynta Siyaasadda Arrimaha Dibadda, wararka madaxa bannaan iyo ajendaha-dejinta wararka, falanqaynta siyaasadeed iyo faallooyinka fikirka-gaarka ah ee sida gaar ah loogu qoray/diyaariyey jiilka cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARBAAHINTA

Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeeyey inay xasuuqeen 83 maxaabiis oo Tigray ah

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in maleeshiyaadka weerarka geystay in si khaldan loogu sheegay in maxaabiistan Tigreegu inay yihiin maxaabiis dagaal oo ka masuul ahayd geerida, saraakiil ciidan oo laga laayey bulshada deegaankaas.

Published

on


Warbixin uu daabacay wargeyska caaanka ah ee Washington Post ayaa muujinaysa in ciidamo Itoobiya ah oo ilaalinayey maxaabiis iyo dadka shicib ah oo ku sugan qaar ka mida magaalooyinka yaryar ee Itoobiya inay bishii Nofeember ee sannadkii hore inay laayeen illaa 83 maxbuus oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigrayga, kuwaas oo lagu hayey xero ku taalla dhinaca Koonfureed ee dalka Itoobiya.

Warbixinta ayaa dhacdadan ku tilmaantay inay ahayd mid ka mida dilalkii ugu dhimashada badnaa ee loo geysto qaar ka mida maxaabiista ciidamada Tigrayga, tan iyo intii ay colaaduhu ka bilaabmeen dalkaas.

Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in dilalkan oo aan hore loo shaacin in la geystay bishii Nofeember 21-keedii ee sannadkii 2021, waxaana dilalkaasi ay ka dhaceen xero u dhow magaalada Mirab Abaya, halkaas oo lagu hayey in ka badan 2000 oo askari oo Tigray ah oo la soo xidhay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay wargeyska Washington Post, in 16 illaa 18 ka mid ah ilaalada xeradaasi inay rasaas ku fureen maxaabiista, gelinkii dambe ee maalintaas, taasoo keentay in qaar badani ay u cararaan dhinaca duurka ama kaymaha, waxaana eryaday ciidamada dalka Itoobiya.

Warbixinta la daabacay ayaa intaas ku dartay, in ka dib markii ay carareen maxaabiistu muddo ku dhow saacad, inay is heleen qaar ka mida dadka deegaanka, iyaga oo ka baryay inay caawiyaan, hase ahaatee, halkii ay filayeen in la caawiyo, waxaa weerar ku soo qaaday koox hubaysan oo ka kooban illaa 150 qof, kuwaas oo watay baangado, ulo iyo dhagxaan, waxayna weerar ku qaadeen maxaabiistii soo baxsatay ee Tigreega ahayd.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in maleeshiyaadka weerarka geystay in si khaldan loogu sheegay in maxaabiistan Tigreegu inay yihiin maxaabiis dagaal oo ka masuul ahayd geerida, saraakiil ciidan oo laga laayey bulshada deegaankaas.

Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in askarta la laayey, inaanu midkoodna ka qaybgelin dagaalada looga soo horjeeday ciidamada Itoobiya.

Weeraradan ayaa dhacay xilli ciidamada Tigreegu ay ku sii siqayeen caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Maxaabiista sheekada lagu wareystay ayaa ku qiyaasey in weerarrada ay ka dhasheen cabsi ama rabitaan aargoosi.

Meydadka 83-ka qof ee Tigrayga ah ayaa lagu aasay xabaal wadareed ka baxsan xerada xabsiga, sida ay sheegeen goobjoogayaashu.

“Waxa la isu dulsaaray sidii qoryo oo kale,” ayuu yidhi mid ka goobjoogayaashu.

Wargeyska ayaa sheegay inay waraysteen in ka badan labaataneeyo qof oo ay ku jiraan qaar ka mida maxaabiista, shaqaale caafimaad, saraakiil ciidan iyo qaraabo ka soo jeeda deegaanka, ka hor intii aan warbixintan la daabicin maalintii Isniinta.

Facebook Comments Box

Continue Reading

WARBAAHINTA

Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa kala saxiixday heshiis lagu joojinayo magangelyo-doonka ka tallaabaya kanaalka u dhexeeya

Heshiiska cusub ayaa ujeedadiisu tahay in la helo roondo badan oo booliis ah gudaha Faransiiska si ay isugu dayaan in ay joojiyaan dadka isku dayaya in ay uga gudbaan Kanaalka Ingiriiska una gudbaan UK.

Published

on


Wasiirrada arrimaha gudaha ee Faransiiska iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa saxeexay heshiis dhigaya in booliis badan oo ilaalinaya xeebaha waqooyiga Faransiiska isku dayaya inay joojiyaan dadka isku dayaya inay ka gudbaan kanaalka Ingiriiska iyaga oo raacaya doomo yar-yar – isha joogtada ah ee khilaafka labada waddan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Faransiiska Gerald Darmanin iyo Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Britain Suella Braverman ayaa heshiiska ku kala saxiixday magaalada Paris Isniintii.

Dawladda Ingiriiska ayaa ogolaatay inay siiso Faransiiska 72.2 milyan oo Yuuro ($75m) sannadaha 2022-2023 – ku dhawaad 10 milyan oo Yuuro ($10.3m) in ka badan marka loo eego heshiis hadda jiray – taas beddelkeeda Faransiisku kordhinayo joogitaankiisa ammaan 40 boqolkiiba marinka badda ee xeebta.

Taas waxaa ku jira 350 gendarmes oo kale iyo booliis ilaalinaya xeebaha Calais iyo Dunkirk, iyo sidoo kale isticmaalka badan ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo qalabka wax-aragga habeenkii si ay uga caawiyaan saraakiisha inay ogaadaan meelaha laga gudbo.

Heshiisku waxa uu ka kooban yahay hindiseyaal lagula dagaallamayo dambiyada ka dhaca waddooyinka socdaalka, iyadoo labada wasiir ay ku heshiiyeen in dalalkoodu ay xog ka ururiyaan magangelyo-doonka la qabto si ay gacan uga geystaan wax ka qabashada shabakadaha tahriibka.

Ma jiro bartilmaameed gaar ah oo loogu talagalay dhex galka doonyaha oo lagu daray heshiiska.

Raiisel wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak ayaa sheegay in heshiiska uu macnaheedu yahay “kor u kaca boqolkiiba 40 ee tirada roondooyinka joogayo, iyo markii ugu horeysay, saraakiisha Britishka ah waxay ku biireen hawlgallada Faransiiska si loo xoojiyo isku-duwidda iyo waxtarka hawlgalladayada”.

Waxa uu sheegay in heshiisku uu noqon doono “aasaaska wada shaqayn ka sii weyn bilaha soo socda”.

Boqortooyada Midowday (UK) waxa dalkeeda soo gala magangalyo-doon ka yar waddamo badan oo Yurub ah, oo ay ku jiraan Talyaaniga, Faransiiska iyo Jarmalka, laakiin kumanaan qof oo ka kala yimid adduunka ayaa u socdaala waqooyiga Faransiiska sannad kasta iyagoo rajeynaya inay ka gudbaan kanaalka.

Qaar waxay rabaan inay gaaraan UK sababtoo ah waxay halkaas ku leeyihiin saaxiibo ama qoys, qaar kalena waxay ku hadlaan Ingiriis ama waxay u maleynayaan inay halkaas shaqo ka heli karaan.

Safarka halista ah

In ka badan 40,000 oo qof ayaa safarka halista ah ku maray mid ka mid ah dariiqyada maraakiibta ugu mashquulka badan adduunka ilaa iyo hadda sanadkan, laga soo bilaabo 28,000 dhammaan 2021 iyo 8,500 sanadka 2020.

Tobaneeyo qof ayaa dhintay sannadihii lasoo dhaafay, oo ay ku jiraan 27 qof bishii Nofembar 2021 markii ay degtay doon tahriib ah. Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa muddo dheer ku muransanaa sidii loo joojin lahaa kooxaha dadka wax tahriibiya ee soo abaabula socdaallada.

Isku day lagu doonayo in lagu joojiyo marinnadaas, dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday qorshe muran badan dhaliyay oo dadka ku yimaada doomo yar-yar oo safar hal jiho ah u socda loogu dirayo Rwanda -qorshe ay sheegtay in uu dadka ka celinayo in ay ka gudbaan Channel-ka isla markaana ay jabiyaan qaabka ganacsi ee tahriibka. burcad.

Facebook Comments Box

Continue Reading

WARBAAHINTA

Ururada Muslimiinta ee Maraykanka ayaa u arka mustaqbal wanaagsan musharixiinta bulshada

In kasta oo aanay jirin waji cusub oo Muslim ah oo xafiis dawladeed oo heer qaran ah laga soo bilaabo xilliyadii dhexe ee ugu dambeeyay ee Maraykanka, qabanqaabiyeyaasha kooxaha Muslimiinta ayaa filayaa in ay isbedeli doonto tobanka sano ee soo socda.

Published

on


Marka la eego rajada mustaqbalka fog ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee bulshadooda, qabanqaabiyeyaasha kooxaha muslimiinta ah waxay u arkaan mustaqbal wanaagsan musharraxiinta Muslimiinta.

Doorashada xiliga dhexe ee Mareykanka ayaa sanadkan aan lagu arkin guulihii ay Muslimiinta soo hooyeen labadii doorasho ee hore, ayaa hadana waxa ay muujinayeen guulo la taaban karo oo ay gaareen mas’uuliyiin heer qaran ah iyo waliba guulo kale oo is daba joog ah oo heer gobol iyo heer deegaan ah.

“Waxa aan u malaynayo in aan aragno waa dad badan oo u tartamaya xilal heerar hoose ah,” Maxamed Gula, oo ah agaasimaha fulinta ee Emgage-Action, oo ah koox u dooda Muslimiinta, ayaa u sheegay The New Arab.

“Waxaan aragnaa in badan oo naga mid ah oo ku guuleysanaya heerka gobolka. Taasi waa sida ay runtii ku bilaabatay.”

Sanadkan waxa la arkay ku dhawaad 150 musharrax oo Muslimiin ah oo loo dareeray doorashada guud, waana tiradii ugu badnayd ee ilaa hadda la qabto, sida ay sheegtay Jetpac, oo ah koox u tababarta Muslimiinta si ay ugu tartamaan xilalka guud. Kuwaas, tirada ku guulaysteyaashu waa ilaa 90, taas oo jabinaysa rikoorkii hore ee ku dhawaad 70 doorasho guud oo lagu guuleystay 2020.

Wareegtada doorashada ayaa lagu arkay 16 xildhibaan oo dheeraad ah oo ka tirsan ururka Muslimka ah kuwaas oo ku biiraya ku dhawaad ​​30 kuwaas oo hadda xilka haya. Qaar badan oo ka mid ah 16-kaas ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee gobolkooda, oo ay ku jiraan gobollada iyo degmooyinka aysan ka jirin bulshooyin badan oo Muslimiin ah, taasoo calaamad u ah ololaha bulsho ee lagu guuleystay.

“Waxaan si aad ah ugu talagalnay inaan dhisno xiriirka ka dib 2016, 2017, xiriirkan ayaa horseedaya taageero wanaagsan markaad u tartanto xafiiska, taasoo horseedaysa tirooyin lacag ururin ah oo wanaagsan, ka dibna xiriiro sidoo kale dhisa naftaada shabakad si aad u barato sida loo sameeyo si hufan u orda, lacagtaada ku bixi si xikmad leh, dooro degmada aad ugu tartamayso hab caqli leh, jinsiyaddee, waxaanan aragnaa natiijada tan,” ayuu yiri Maxamed Missouri, maamulaha fulinta ee Jetpac, mar ay si wada jir ah ula hadlayeen golaha deegaanka. Xiriirka Maraykanka iyo Islaamka.

“Waxaan u maleynayaa inaan aragno biseyl siyaasadeed oo dhab ah bulshada Muslimiinta Mareykanka,” ayuu yiri Robert McCaw, agaasimaha arrimaha dowladda ee CAIR, oo qayb ka ahaa dhacdada tooska ah. “Waxaan ka soo baxnay meeshii cabsida ama la takoori jiray oo aan ka qayb qaadanay olole siyaasadeed, annagoo rajaynayna in codkeena ay matalaan xafiisyadii aanu ku tabarucnay inay dhahaan: ma garanaysaan? Aniga qudhaydu waan isu sharaxayaa xilka.”

Waxa uu filayaa in 10 sano ka dib ay dadku ka sheekayn doonaan dad badan oo muslimiin ah oo xilal dawladeed qabanaya, oo ay ku jiraan kuwa heer qaran ah, maadaama qaar badan oo ka mid ah masuuliyiinta hadda jira ee heer degmo iyo heer gobolba ay sare u qaadaan.

“Waxay ila tahay dadka 2018 iyo 2019, waxaan ku aragnaa guulahan cajiibka ah ee dalka oo dhan ka dhacay tartanka Ilhaan Cumar ee jinsiyadda Congresswoman iyo Congresswoman Rashida Tlaib jinsiyadda, waxaana u maleynayaa dadka aan degaanka u dhalan, waxay u egtahay inay ka soo baxeen meel aan jirin.” ayuu yiri Missouri.

Laakiin haddii aad ku nooshahay halka ay ku nool yihiin oo aad la shaqeysay, waxay qaadatay sannado badan oo xiriir dhisme ah si ay u gaaraan meeshaas,” ayuu yiri Missouri. “Waxay ahaayeen sharci-yaqaanno dawladeed markii hore, marka hore waxay abaabuli jireen gudaha, iyagoo caawinaya dadka sababtoo ah waxay si dhab ah u daryeelaan, oo ay haystaan ​​kalsoonidaas iyo magacaas id, iyo asal ahaan calaamad: kani waa qof aan ogahay inuu daneynayo arrimahan. Tani waa qof aan garanayo ayaa i daneeya sababtoo ah waxa ay ka shaqeeyeen in ay horumariyaan nolosheyda xubin ka mid ah bulshadan.”

Gula waxa uu qabaa in ay qaadan doonto wakhti, laakiin waxa uu filayaa in shanta ilaa tobanka sano ee soo socda la arki doono Muslimiin badan oo gaadhaya xafiis dawladeed oo heer qaran ah.

“Lama yaabi doono haddii mid kale uu ka yimaado Michigan. Uma maleynayo inay taasi aad u fog tahay, “ayuu yiri Missouri.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in aan arko inta aan ku socono jihada guud ee qisasheena Muslimka. Wax badan ayaa isbedelay xitaa afartii sano ee la soo dhaafay. Waxaan xitaa cabsi ku qabnay in labo naga mid ah ay ku guulaysteen xafiiska.”

Facebook Comments Box

Continue Reading

WARBAAHINTA

FIFA ayaa diiday shaarka Denmark ee koobka oo meel ka dhac ku ah heerka xuquuqul insaanka ee Qadar

Dalka Qadar ayaa lagu wadaa in uu martigeliyo koobka adduunka inta u dhaxeysa 20 Nofeember ilaa 18 Diseember. Si kastaba ha ahaatee waxa ay la soo dersay baadhis dheeraad ah iyo weerar taas oo ka dhalatay heerka xuquuqal insaanka.

Published

on


Xidhiidhka kubbada cagta Denmark (DBU) ayaa shalay ku dhawaaqay in FIFA ay diiday codsigii Denmark ee ahaa inay ku tababbarto koobka aduunka iyagoo xidhan funaanado ay ku qoran yihiin erayo ay ku qoran yihiin “xuquuqda bini’aadantinimada ee dhammaan”.

Jakob Jensen, oo ah agaasimaha DBU, ayaa sheegay in xiriirka kubada cagta caalamiga ah uu diiday codsigaas maadaama aysan ogolayn fariimaha siyaasadeed ee shaararka.

“Uma maleyneyno inay siyaasad ku jirto, waxaan u aragnaa in xuquuqul insaanka ay tahay mid caalami ah, waana ku garab taagannahay aragtidaas,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka Denmark ee Ritzau.

“FIFA waxay leedahay qiimeyn ka duwan kan, waxaana murugo leh inaan tixgelinno taas,” ayuu raaciyay.

FIFA, oo mamnuucday dhammaan farriimaha siyaasadeed, waxay ku boorisay kooxaha warqad usbuucii hore, inay ‘ diiradda saaraan kubbadda cagta’ oo aysan u jiidin ‘dagaal kasta oo fikradeed ama siyaasadeed’.

Iyada oo ka jawaabeysa, Amnesty International ayaa si kulul u cambaareysay warqadda, iyadoo tiri: “Ma fahmin in FIFA ay diiday ganaaxan iyo hindisaha muhiimka ah ee DBU.”

“FIFA waxay sheegtay in marar badan iyo marar badan ay si dhab ah u qaataan xuquuqul insaanka, 2017-kii ururku wuxuu ansixiyay siyaasadda xuquuqul insaanka markii ugu horeysay, taas oo ay ku ballanqaadayaan inay ixtiraamaan xuquuqda aadanaha.”

“Sidaa darteed waxaan aaminsanahay inay tahay wax laga xumaado inay diidaan fariintan xuquuqul insaanka ee aasaasiga ah.”

Dalka Qadar ayaa lagu wadaa in uu martigeliyo koobka adduunka inta u dhaxeysa 20 Nofeember ilaa 18 Diseember. Si kastaba ha ahaatee waxa ay la soo dersay baadhis dheeraad ah iyo weerar taas oo ka dhalatay heerka xuquuqal insaanka.

Hummel, oo ah soo saaraha qalabka, ayaa sheegay inay hoos u dhigeen tafaasiisha shaadhka Denmark ee Koobka Adduunka, isla markaana ay sii daayeen xidhmo madow oo ay kaga soo horjeedaan heerka xuquuqul insaanka ee Qadar ka hor tartanka.

Bishii la soo dhaafay, Amiirka Qadar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani ayaa si kulul u weeraray “ololaha aan horay loo arag” ee dhaleeceynta ka dhanka ah dalalka Khaliijka ee hogaaminaya Koobka Adduunka.

Wasiirka arrimaha dibadda Qadar Sheikh Mohammed Bin Abdulrahman Al Thani ayaa sidoo kale dhaleeceeyay marti gelinta koobka adduunka ee wadamada Khaliijka oo uu ku tilmaamay “munaafiqnimo”.

“Waxaan u maleynayaa inay jiraan dad aan aqbalin in waddan yar oo ku yaal Bariga Dhexe uu martigeliyo dhacdo caalami ah,” ayuu Bin Abdulrahman ku yiri wareysi uu siiyay wargeyska Le Monde.

“Sababaha loo qaadacay Koobka Adduunka waxba ma soo kordhinayaan, waxaa jira munaafaqnimo badan weerarradan, kuwaas oo iska indha tiraya dhammaan wixii aan gaarnay,” ayuu raaciyay.

Facebook Comments Box

Continue Reading

WARBAAHINTA

Itoobiya ayaa sheegtay in 70% ay maamusho gobolka Tigray ka dib heshiiskii nabadeed

“Soddon iyo shan baabuur oo raashin ah iyo 3 baabuur oo daawo ah ayaa yimid (magaalada) Shire, duullimaadyada waa la ogol yahay, adeegyadiina dib ayaa loo xiray,” ayuu Ridwan Xuseen ku yiri Twitter-ka.

Published

on


Dowladda Itoobiya, ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in ciidamadeedu ay hadda maamulaan boqolkiiba 70 ee waqooyiga gobolka Tigray, kaddib heshiis nabadeed ay wada saxiixdeen labada dhinac, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Ridwan Xusseen, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha, Abiy Axmed, ayaa sheegay in ciidamada difaaca qaranka Itoobiya ay la wareegeen inta badan gobolka Tigray, wuxuuna sheegay in gargaarka bini’aadantinimo uu socdo “si la mid ah waqtiyada kale”.

Waxa kale oo uu sheegay in mucaawinadaasi ay soo gaadhayaan goobo aanay wali gacanta ku hayn ciidamada difaaca qaranka Itoobiya.

“Soddon iyo shan baabuur oo raashin ah iyo 3 baabuur oo daawo ah ayaa yimid (magaalada) Shire, duullimaadyada waa la ogol yahay, adeegyadiina dib ayaa loo xiray,” ayuu Ridwan Xuseen ku yiri Twitter-ka.

Wuxuu intaas ku daray in heshiiskii dhawaan dhexmaray dowladda iyo fallaagada Tigray uu keenay fursado kor loogu qaadayo adeegyada.

2-dii Nofeembar, wadahadalo nabadeed oo u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo fallaagada Tigreega ayaa miro dhalay, kuwaas oo soo afjaray dagaal socday laba sano oo ay ku dhinteen in ka badan nus malyuun qof, qaar kale oo badanna ay ku barakaceen.

Gettechow Reda, Lataliyaha Madaxweynaha Tigrayga, oo hadlay maalmo kadib heshiiskii nabadeed, ayaa sheegay in wax kasta oo ay sameynayaan, tallaabo kasta oo ay qaadaan, ay horseed u tahay baahida loo qabo in la xaqiijiyo danaha dadka Tigrayga.

“Nabaddu waa waxa ay dadkeenu u baahan yihiin, wax kasta ayaa ka badan, haddii aan u fulino ballanta aan qaadnay si ay dadkeenna ku qancaan, waqti ayaa sheegi doona,” ayuu ku yiri Twitter-ka.

“Haddii heshiis nabadeed uu xaqiijin karo badbaadadayada, maxaad u tijaabin weyday?” ayuu ku daray.

Colaadda Tigray ayaa sidoo kale barakicisay malaayiin kale tan iyo Nofeembar 2020. Waxaa jiray eedeymo sheegaya in ciidamada Itoobiya ay gaysteen gabood-falo intii uu socday dagaalka, iyadoo Addis Ababa ay beenisay.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay 29kii Oktoobar, ayaa lagu sheegay in 2.75 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya ay ku barakacsan yihiin gudaha dalka, 12.5 milyan oo carruur ahna ay u baahan yihiin gargaar bini’aadannimo.

Warbixin ay soo saareen khubarada xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa labada dhinacba ku eedaysay in ay gaysteen xad-gudubyo ka dhan ah dambiyada dagaalka iyo dambiyada ka dhanka ah bini’aadantinimada intii ay socdeen dagaalka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

WARBAAHINTA

Milkiile Elon Musk oo bilaabay inuu shaqada ka eryo kala bar shaqaalaha Twitterka

Toddobaad kadib markii Elon Musk uu soo gabagabeeyay iibsashada shirkada Twitterka ee uu ku iibsaday ​​$44 bilyan aaladdan warbaahinta bulshada ee fadhigeedu yahay Silicon Valley, ayaa wuxuu rabaa inuu dhimo tirada shaqaalaha kala bar.

Published

on


Twitter-ka ayaa si weyn loo filayaa inuu bilaabo inuu shaqada ka cayriyo usbuucan iyadoo Musk iyo kooxdiisa la taliyeyaasha ay doonayaan inay dhimaan kharashaadka shirkadda baraha bulshada. Wareega hore ee shaqo ka joojinta ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato 25% shaqaalaha Twitter-ka ee 7,500-ka qof ah, sida laga soo xigtay Washington Post.

Shirkadda Twitterka ayaa si ku meel gaar ah u xirtay xafiisyadeeda maalintii Jimcihii, iyada oo shaqaalaha loo sheegay inay heli doonaan fariin email ah oo loogu kala sheegayo inay shaqada sii wadan doonaan ama in shaqada laga fadhiisinayo.

Tallaabadan ayaa daba socota,ka dib markii uu dhowaan shirkadda Twitter-ka iibsaday muulkiilaha cusub ee Elon Musk, iyada oo ay hubanti la’aan badani soo foodsaartay, mustaqbalka shaqaalaha shirkadda.

Maamulka cusub ee shirkadda Twitter iibsaday ayaa haatan bilaabay inay kala hufaan shaqaalaha shirkadda ee gaadhaya 7,500 oo shaqaale ah. Elon Musk oo ah qofka ugu taajirsan adduunka ayaa qorshaynaya inuu shaqada ka fadhiisiyo illaa 3,700 oo ka mida shaqaalaha shirkadda Twitterka, taas oo ah kala badh shaqaalweynaha.

Shirkadda Twitterku kama jawaabin, fariin loo diray oo laga weydiiyey inay arrintan sharaxaad ka bixiso.

Shaqaalaha shirkadda ayaa bilaabay inay isticmaalaan hashtag ay ku muujinayaan dareenkooda, kaas oo ay cinwaan uga dhigeen #OneTeam, fariimaha shaqaalaha waxaa ka jawaabay madaxa amniga iyo hufnaanka ee shirkadda Yoel Roth, isaga oo sheegay inuu furan yahay sanduuqiisa gaarka ah ee fariimaha sida tooska ah loogu diri karo, isagoo yidhi “maxaan idinka caawin karaa”

Roth ayaa ah qofka ugu sarreeya ee illaa haatan taageerada u muujiyey shaqaalaha shirkadda ee shaqadooda waayaya. Waxaana weli muuqata inuu isagu xafiiska sii joogo. Toddobaadkii hore Elon Musk ayaa taageero u muujiyey Roth, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay qof shakhsiyad nadiif ah leh.

Shirkadda Twitterka ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay xafiisyadeeda, iyada oo hawl-gab laga dhigay, aqoonsiyadii lagu soo gelayey dhismayaasha. Afhayeen u hadlay waaxda shaqada ee California ayaa sheegay in Twitter-ka aysan wax ogeysiis ah oo WARN ah u gudbin wakaaladda sanadkan.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Sirdoonka & Militariga2 hours ago

Kongresska Maraykanka ayaa ansixiyey miisaaniyaddii difaaca ee ugu badnayd

Bariga dhexe10 hours ago

Gabar la dhalatay Ayatollah Cali Khamenei oo weerartay xukunka walaalkeed

Siyaasadda Soomaaliya11 hours ago

Maxay ka dhigan tahay shardiyada ay Somaliland ku xirtay wadahadallada dowladda federaalka?

Diblomaasiyadda & Dunidda11 hours ago

Israa’iil iyo Morokko ayaa kala saxiixday heshiis shidaal baaris ah

Gumeysi iyo isir sifeyn12 hours ago

Israa’iil ayaa saddex kale oo Falastiiniyiin ah ku dishay gudaha magaalada Jenin

Caafimaadka & Sayniska2 days ago

Saynisyahano ayaa waxay ogaadeen 2 macdan oo aan hore loogu arag dhulka oo laga helay Soomaaliya

WARBAAHINTA3 days ago

Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeeyey inay xasuuqeen 83 maxaabiis oo Tigray ah

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada3 days ago

Waa maxay Federaal?

Afrika4 days ago

Suudaan: Cabdel Fattah Burhan iyo kooxda dimuquraadiyada doonka ah ayaa saxiixday heshiis qaab dhismeed dowladdeed

Akhri6 days ago

Haddii waxbarashadaada jaamacaddeed ay saameyn kugu yeelan waydo, ogaaw waxbaa qaldan – maxaase qaldan?

Siyaasadda Soomaaliya6 days ago

Xaalada amni darro awgeed, waxaa Guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyey Mooshun degdeg ah

Siyaasadda Soomaaliya6 days ago

RW Xamza Cabdi oo mashaariic dowladeed u muhiim ah u xiray xildhibaano asiga ku dhow

Siyaasadda Soomaaliya7 days ago

ATMIS (AMISOM) oo war ka soo saartay dhacdadii ay wiilka dhalinyarada ah ay gaariga ku marsiiyeen Ceelasha Biyaha

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Waa maxay Daanta Galbeed? – Taariikh iyo xog muhiimad gaar leh

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Ciidamada Israa’iil ayaa saddex Falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed ee la haysto: wasaaradda caafimaadka

Siyaasadda Soomaaliya1 week ago

4 qof oo isku qoys ah oo aano loo dilay gudaha magaalada Warsheekh

Siyaasadda Soomaaliya1 week ago

Madaxweyne Xassan oo shir uga qeyb galay Muqdisho, xilli aagga Madaxtooyada Al-Shabaab laga saari la’yahay

Afrika1 week ago

Dowladda Masar oo ku guuldareysatay inay dadka qaxootiga ah ka ilaaliso kufsiga iyo faraxumeynta loogu gaysto gudaha dalkeeda

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

Qeybtii 2aad: Furaha xalka Soomaaliya, – Sidee qayaanada loogu maleegay Soomaaliya?

Diblomaasiyadda & Dunidda2 weeks ago

Xariirka Turkiga iyo Bakistaan

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Turkiga: Erdogan waxa uu go’aansaday in uu noqdo kan ugu sarreeya difaaca

Afrika2 weeks ago

Afrika iyo musaqmaasuqa

Afrika2 weeks ago

Madaxweyne ku xigeenka Malawi Saulos Klaus Chilima oo xabsiga loo taxaabay musuq-maasuq dartiis

Diblomaasiyadda & Dunidda2 weeks ago

Xariirka Turkiga iyo Qadar

Ganacsiga2 weeks ago

Dowladda Qadar oo $10 bilyan siineysa Turkey, ujeeddada waa maxay?

koonfurta Bari Aasiya2 weeks ago

Anwar Ibrahim ayaa loo dhaariyay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha Malaysia

Caafimaadka iyo Sayniska2 weeks ago

Sidee loo xakamayn karaa fayruska dengue?

Caafimaadka iyo Sayniska2 weeks ago

Saraakiisha Suudaan ayaa sheegay in xumadda Dengue ay dishay 26 qof

Yurub2 weeks ago

Midowga Yurub ayaa dejinaya qorshaha muhaajiriinta Mediterranean-ka kahor kulanka degdega ah

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Nooca dililka ay fuliyaan Hay’addaha sirdoonka

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Turkiga ayaa weeraro cirka ah ku qaaday bartilmaameedyada argagixisada PKK ee Ciraaq iyo Suuriya

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Danjire Moxammed El-Amine Souef: Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Waa maxay cilmiga Sirdoonka ama Jaajuuusnimada?

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada3 weeks ago

Qeybtii 2aad: Baahi intee la’eg ayaa loo qabaa xarumaha fikirka ee Soomaaliyeed?

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Qeybtii 1aad: Furaha xalkaa Soomaaliya

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

Qalin-jabisaye qorshe ma siddaa?

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Qaybtii 1aad: Yaa qorsheynaayo weerarada iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdishu?

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

Waxaa jira 3 xeerar oo fududd oo aad raaci karto si’aad u guulaysato

Diblomaasiyadda & Dunidda3 weeks ago

Madaxweynayaasha Joe Biden iyo Xi ayaa ku kulmay shirka G20 ee Bali, maxay kawada hadleen?

WARBAAHINTA3 weeks ago

Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa kala saxiixday heshiis lagu joojinayo magangelyo-doonka ka tallaabaya kanaalka u dhexeeya

Xul