Connect with us
Qoraa Ruun Siciid Faarax Qoraa Ruun Siciid Faarax

Buuggaag

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 17aad

Dhallinyarada da’yarta ah waa in ay ka fekeraan maxaa dunida laguu keenay? Maxaad unooshahay? Maxaad kugu waajib noqday?

Published

on

Qeybtii 17aad RIIX HALKAAN


Roobabka Soomaaliya

Roobabka dalka ka da’a sanadkasta aad ayay ukala duwan yihiin haddii loo eeggo gobolkasta waxaa lagu qiyaasaa ugu yaraan 500mm  iyada uu gaarayo  marka uu ugu bato 600mm–700mm. Roobabka inta badan waxa ay da’aan labada daw sanadkiiba bilaha afaraad iyo saddexaad iyo sidoo kale  tobnaad iyo kow iyo tobnaad.

Goortaaas oo ay ku beegan tahay is beddelada dabaasha waxaa xeebaha ka da’a.

Shuux yar oo xaggaa ah bilaha lixaad, todobaad iyo sideedaad   oo ay yiraahdaan: Xaggaa madoobe, heerka ratuubada ama dhadada aad ayay usaraysaa oo waxa ay gaartaa galabtii 90-100 darajada ratuubada ugu hoosaysana waxa ay gaartaa galabtii 52-76 bilaha qalaylku uu jirona waxa uu gaaraa waa 5272.

Xeebaha Soomaaliya

Dalka Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer oo gaaraysa 3,333km marar ka qaarkiina ay la sheego in ay gaarayso (3500km) oo lajeedda khooriga cadmeed iyo badwaynta Hindiya, noolaha baddeena ku jira waxa uu dhaqaalaha ka gali karayaa kaalin wax ku oola marka lala barbar dhigo tacabka beeraha iyo dhaqashada xoolaha, waxa ayna leedahay awood wayn oo horumarinta dhaqaale, shisheeyaha booqashada dhulka ku yimaada noolaha faraha badan ee ku jira badda Soomaaliya.

Sideedaba Soomaalida waa guurto xoolo dhaqato ah majilaabato mana cunaan noolaha badda gaar ahaana badda waqooyi bari, waxaana ugu wacan aqoon darada ay badda u leeyihiin. Xeebaha Soomaaliyeed iyada oo maanka lagu hayo Juquraafi ahaan ugaar ka ah waxa lagu tilmaami karayaa afar qaybood oo kala ah.

Laga bilaabo baabul Mandab tan taaga Raaso-casayr xeebtaasi waxa ay ujanjeertaa dhanka bari waa buuralay saraysa oo meelaha qaarkood leh qarar gudgudban iyo meelo qalqaloocan.

Taagga Raaso-casayr ilaa iyo Eyl xeebtani waxa ay ujan jeedhaa dhanka koonfur galbeed waa qarar sare.

Laga bilaabo Eyl ilaa isku darka wabigga Gannaane iyo badwaynta Hindiya dhawr km wixii ka rogan Eyl ayaa leh buura sare oo taaga iyo meelo qalqaloocan, dhanka koonfureedna guud ahaan xeebtu way hoosaysaa waxa ayna leedahay carro-cudoon oo ka samaysan buuro aan dhaqdhaqaaqin iyo carrocudoon oo ka samaysan oo dhexdooda ay ka baxaan geed gaabka daranta.

Dhawr boqol oo mitir waxaa jira bacaad mara oo aad uga dhaw biyaha dushooda inta badana hakiya Doomaha yar-yar inkastoo guud ahaan Maraakiibta ay soo gaari karayaan, meelahaasi aagga qaarkood.

Laga bilaabbo isku darka wabiga Gannaane taana iyo badwaynta Hindiya waa camuud bacaad, qaarna waa qarar buuralay ah, qaarka buuralayda ah aad ayay usareeyaan.

Dhanka kale aan fiirino jasiiradda badda dhanka koonfureed waxaa kuyaala jasiirado aad uwaawayn oo ay ka mid yihiin (Kooyaame, Guume ama Fuuma, Jawaay, Kafuubi iyo Juula), waxaa badda Jaawaay dhanka deexda jasiiradda uga weecda togwayn oo gudaha ka gaara meel fog badda tagto aad u habboon, dakad aad uhaboon, waxaa kaloo dhexda aagaasi ku yaala harooyin ay ka mid yihiin (Haradda Caanoole, Guraluga iyo harada Birkaan).

_

Buugga: Haddimada Qabyaaladda

W/Q. Drs. Ruun Siciid Faarax

Sookoobay: Maxamuud Axmed Muuse “Tallman”

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da’yarta, jaceylka iyo dadka tabaalaysan. Dhinaca kale qoraaga ayaa wax ka qora ganacsiga, siyaasadda, dhaqanka, kheyraadka dalka, Af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska iyo taariikhaha dalka. Qoraa Maxamuud ayaa mar walbo u taagan sidii uu geed-dheer iyo geed-gaabanba ugu fuulilahaa sidii uu usoonoolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummadda Soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Buuggaag

Buugga Haddimada Qabyaaladda PDF

Published

on

Buuggan waxaa qortay Drs. Ruun Siciid Faarax (Garas) waa gabadh da’yar ah balse go’aansatay in buuggeeda u hibayso ummadda Soomaaliyeed si ay u akhristaan, ugana faa’idaystaan, waxna ku qaataan. Waxayna igu wakiilatay anigoo ah Maxamuud Axmed Muuse “Tallman” in aan bulshada gaarsiiyo qaab kasta oo aan ku gaarsiin karo. Si akhrintiisa u fududaato waxaan idin ku soo gudbiyay qaab maqaal ah anoo soo koobaya nuxurka buugga.

Maantana waxaan idin soo gaarsiiyay buuggii oo isku dhan oo PDF ah si aad uga faa’idaysataan dhigganahaan Insha’Allaah. Kala dag halkaan BUUGGA HADDIMADA QABYAALADDA -PDF

Sidoo kale qoraalka buuggaan oo taxane ah haddii aad u baahan tahay waxaad ka heli kartaa HALKAAN

 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Buuggaag

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 26aad

Sidee uga qayb qaadan karaan sidii loo joojin lahaa ama loo yarayn lahaa dilaaga dahsoon?

Published

on

Halkaan ka akhriso qeybtii 25aad 


Aaladaha wax la isugu gudbiyo

Sida idaacadaha, baraha bulshada, tiiviyada, taleefoonada iyo shirkadaha bixiya kaararka lagu wada xiriiro IWM. Sidee uga qayb qaadan karaan sidii loo joojin lahaa ama loo yarayn lahaa dilaaga dahsoon?

Aalladaha wax la isugu gudbiyo waa meelaha ugu fiican oo aan isleeyahay waa lagu joojin karaa amaba way yarayn kartaa khatar tiisu dilaaga dahsoon.

Bulshada Soomaaliyeed waxay ahaayeen inta uusan soo bixin baraha bulshada tiifiyada, taleefoonada, idaacadaha, waxay lahaayeen geed halkaas oo lagu kala war heli jiray. Waxaa loo xil saari jiray dad lagu kal soonyahay hadhowdii markii geedka la isugu tago ayaa waxaa laga dhagaysan jiray dadkii markii hore loo xilsaaray in ay soo ururiyaan xogta loo diray, warka qofka mida usoo jeedin jiray waxa uu soo maqlay, soona arkay. Waxay kaloo warqaade ahaan jiray in intii lagasoo qaado Raas-casayr ilaa Raas-karbooni la keeno iyada oo aan gaari jirin, diyaarad jirin.

Kadib isticmaarkii waddanka yimi Soomaalida wuxuu baray amaba usameeyay aaladahan casriga ah oo lagu wada xiriiro sida idaacadaha, tiifiiyada, mobilada walow uu baraha bulshada oo adduunkiiyoo dhan ka dhigay hal tuulo uu dhawaan soo baxay.

Haddan gudagalo su’aasha jawaabteedii aaladahaan wax la’isugu gudbiyo waxay uga qaybqaadan karaan siyaabo kala duwan oo midba si ka duwan ayay uga qayb qaadan kartaa haddii aan gudagalno midkasta iyo sida ay uga qayb qaadan karto.

Idaacadaha

I daacadaha: Idaacaduhu way ka horeeyaan qaybaha kale, idaacaduhu waxay uga qayb qaadan karaan in ay wacyigalin soo galiyaan marka aysan war soo gudbinayaan taas oo ka hadlaysa qabyaaladda iyo dhibaatadeeda, waxyaalaha ay ku xuntahay, siyaabaha la isaga daynkaro, in ay sameeyaan ruwaayado ay kaga dhiirigalinayaan dilaaga dahsoon waayo umadda Soomaaliyeed meesha ay aad ugu kalsoonyihiin waa idaacadaha. Maxaayeelay waxay inta badan raadiyaan warar sugan oo ay ku kalsoonaan karaan, waxaan aaminsanahay haddii ay waqtigaliyaan in wacyigalin dilaaga dahsoon ay qaadan lahaayeen umadda fahmi lahaayeena hagar daamadiisa iyo inuu waxaani yahay wax aan fiicnayn oo dib noo dhigaya.

Idaacaduhu waa aaladda keliya ay umadda aaminsanyihiin, waxaan qabaa in ay qaadan lahaayeen iyaga laftirkooduna ay isku sii gudbin lahaayeen, waxaan qabaa meelaha ugu fudud oo haddii loo adeegsado dilaaga dahsoon in lagu joojiyo in ay tahay idaacaddu waayo dadku meel aysanba aaminsanayn amaba ku kalsoonayn way adagtahay si ay uqaataan waxyaalaha ay dhagaystaan.

Tiifiiyada

Tiifiiyadda iyagana waddanka waxay yimaadeen waqtigii uu haystay madaxweynihii ka caanka hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre Illaahay ha unaxariisto waxaa keenay Ingiriis markii ugu horaysay waxa tijaaabin lagu sameeyay tiifiigii ugu horreeyay Hargaysa, caasimadda labaad Soomaaliya halkaas oo Ingiiriisku guumaysan jiray kadib markuu si fiican ushaqeeyay ayaa waxaa loo soo wareejiyay Muqdisho caasumadda koowaad ee Soomaaliya.

Tiifiyada wax laga daawado waqtigaa waxa laga heli jiray labada caasimadood kaliya inta kale waddanka, waxaa laga dhagaysan jiray idaacadda BBC ayadaa ayaa aad loo wada dhagaysan jiray oo lagala socon jiray, waxa waddanka gudihiisa ka dhacaya iyo dibadiisaba.

Maanta tiifiga meelkasta waa yaalaa, waxaa fududaatay helidiisa xitaa reer uusan u oolayn waa yaryahay amaba majiro.

Soomaalidu waxay aad udanaysaa in ay isku darsato in ay aragto, maqasho, taabatona badanaa dadka Soomaalida ah waxay arkaan ayay rumaystaan amaba markay arkaan iyada oo wixii gacanta laga qabanayo intooda badan dabeecadooda ayaa sidaa ubadan.

Maadaama ay umadda Soomaaliyeed sidaa ubadan yihiin tiifiyada laftarkoodu waxay ka qayb qaadan karaan sidii loo joojin lahaa amaba loo yarayn lahaa qabyaaladda maxaayeelay tiifiga intiiba way ka dheehan karaan waayo waa maqal, muuqaal iyo taabashoba, waana meesha ay sifudud ugu fududahay waayo waxaan niri Soomaalida dabeecadeeda ayaa ah in ay saddexdaa eray kulan sato marka tiifiyadu waa meel ay kumanaan si toosa uga qaadan lahaayeen haddii bilaabaan wacyigalin toosa xilliyada ay firaaqada yihiin, soo galiyaan waxyaalo ay dadka ku tusinayaan in uusan ahayn wax aan fiicnayn, soo galiyaan siyaabaha uu hardaamaynayo, soo galiyaan siyaabaha ay uga baxeen dalalka shisheeye waayo umadda Soomaaliyeed waa dad jecel in ay latartamaan haddii wax latuso dalalka horumaray.

Waayo waxay arki lahaayeen in aysan waxaan iyaga kaliya soo marin laakiin ayba dadka horumarayna soo mareen, waxay sifudud uga dawoobil lahaayeen dilaaga dahsoon.

Tiifiyada waxaa kaloo uga qaybqaadan karaan iyagoo soo galiya muxaadarooyinka ka hadlaya qabyaaladda ay jeedinayaan culimada Soomaaliyeed, waayo waxaan nahay umad islaama, dadkeenana intooda badan waa islaam, waa Illaahay mahadii ,wayna jecelyihiin diintooda, haddii loosoo galiyo muxaadarooyin loogaga digayo qabyaaladda looguna sheegayo xumaanteeda iyo in aysan wanaagba lahayn adduun iyo aakhiroba way qaadan lahaayeen.

Idaacaddu waxay kaga fiicantahay tiifiiga miyi iyo magaalo ayaa la dhagaysanayaa oo cod baahinta ayay kaga duwan tahay iyada ayaa ka balaaran tiifiga.

Tiifiga waa magaalooyinka waayo wuxuu ubaahan yahay koronto iyo wixii lamida, reer baadiyuhu ma heli karaan aaladda tiifiga way ku adag tahay laakiin wax kasta waxay kala socdaan idaacadaha. Shirkadaha bixiya kaararka lagu ridanayo taleefoonka sida Golis, Talesoom, Hormuud, Talecom, Amtel, Somnet IWM.Waxay uga qayb qaadan karaan umadda Soomaaliyeed meelay joogaan ba isaga ayay isku la xiriiraan booskii warqadda isaga ayaa noo beddelay.

Shirkadaha bixiya kaarka lagu wada xiriirayo, waxay ka qayb qaadan karaan in ay ka wacyigaliyaan dadka cudurkaan maskaxdooda daashaday kaliya iyagu waxay soo dirikaraan Fariimo oo wax maqala ma samayn karaan. Waxaa ugu dhaw iyaga oo soowaca oo sameeya kaar ushaqaynaya bulshada kaasoo u qaabilsan dhanka wacyigalinta qabyaaladda ama sidii Caronaha in cod ahaan loogu xiro kaararka way qaadanayaan umadda, maqalkaa ama wicitaankaa hadday arkaan laakiin badanaa uma badna wax akhriska oo maahan dad jecel wax akhriska intooda badan waa reer magaalka laakiin reer baadiyaha dantu waxay ugu jirtaa in lawaco waayo waxba ma akhrin karaan, waxna maqori karaan, laakiin dadka intaba garanaya laguna soo kari la’yahay waa reer magaalka.

Baraha Bulshada

Baraha bulshada umadda Soomaaliyeed wuu ku cusub yahay, waana seef laba afleh, dhankii loo adeegsadoba ay seeftu qaadayso waayo waa meel kulmisay adduunka oo dhan, kana dhigtay hal tuulo, meeshaa aad aragtay islaam iyo gaal way ku dhan yihiin, midkastana diintiisa ayuu ku faafinayaa. Waxaa iyadana ka faa’idaysanaysa cilmi qofkii maanta yaqaana luuqadaha sida Carabiga iyo Ingiriiska ama luuqadaha dadyowgu isku fahmaan.

Waa meel uu yaalo cilmi noocuu doono ha ahaado, dhanka kale haddii aan ka fiiriyo waa meel uu yaalo fusuq iyo wax wanaagsan yaalaan.

Haddaan gudagalo wuxuu uga qayb qaadan karaa baraha bulshada, waa meel ay kuwada dhanyihiin Soomaalida qaybeheeda kala duwan dal iyo dibadba. Baraha bulshadu waa meesha haddii loo adeegsado maanta in looga qaybqaato sidii loo joojin lahaa amaba loo yarayn lahaa dilaagga dahsoon ay tahay meesha ugu dhaw ay ka qaadan karaan amaba ay wax ka dhaadhici karaan, sida aynu lawada socono baraha bulshada, waxaa ugu badan oo isticmaalaa waa da’yarta Soomaaliyeed badanaana waxay qaataan waxyaalaha halkaas la soo galiyo waayo wali malahan go’aan ay is dhahaan waxaan wuu xunyahay, kaga tag ama wuu fiicanyahay kusii soco.

Baraha bulshadu maanta wuxuu noqday meel lagu kala warqaato oo hadhow xitaa bulshada qaybeheeda kala duwan oo aan haysan ama isticmaalin baraha bulshada ay la socdaan waxyaalaha ka jira iyo waxa lasoo dhigo.

Haddii ay umadda Soomaaliyeed qaybeheeda kala duwan ay u adeegsadaan sida culumada, macalimiinta, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka, ururada bulshada, dhaqaatiirta iyo dadka iyagu horta naftooda ka sifeeyay dilaaga dahsoon.

Haddii aynu u adeegsano baraha bulshada in aynu iskaga dhiirigalino qabyaaladda iyo xumaanteeda, haddii aynu ka sheekayno waddankeenu waqtiyadii fiicnaa uu soo maaray. Haddii aynu markasta rajayno in uu xaalka waddanku soo fiicnaanayo, siina fiicnaan doonto, haddii aynu yarayno dhaliilaha, cayda iyo waxkasta oo bulshada Soomaaliyeed sii kala kaxaynaya, baraha bulshadu wuxuu noqonayaa in aan uga faa’idaysano kuna jirno seefta dhankeeda fiican.

Haddii qofkii qabiil ka hadlaya laga dhigo mid ceeboobay oo ay sanba waxba udhimanayn ileen wali wuxuu taagan yahay meel qayrkii ka tagay.

Waxaan aaminsanahay in uu baraha bulshadu uyahay casrigaan meesha ugu saamaynta badan laakiin aynaan fahansanayn ama inagoo fahansan aynaan danba ka lahayn waayo qofkasta oo kamida qaybaha kala duwan oo bulshada Soomaaliyeed waa in ay udiirnaxaan dadkooda iyo dalkooda. Waa in ay eraygaan burbur oo nadaashaday ku beddelaan qaran dhismay, waa in loo wada guntadaa sidii loogu heli lahaa dad midaysan oo  kamida  qabyaalad  iyo  waxkasta  oo  umadda  dilaya  qarankooda, waxkasta  oo  dib  udhac  ku  keenaya  dadkooda  waa  in  ay  ahaadaan, ka dhiidhiiya.

Waxyaalaha ay ka faafiyaan dadkooda iyo dalkooda waa in aysan iyagu isu arag cadow laakiin ay ogaadaan in ay leeyihiin cadow shisheeye kaasoo tartan kula jira dhankasta, waa in aan baranaa in aan isu tanaasulno si qarankeenu unoqdo mid taabogalay.

Talo soojeedinta waxaan ugu talogalay bulshada qaybeheeda kala duwan oo kuwada xiriirta baraha bulshada, waa in qofkasta oo kamida dadka isticmaala baraha bulshada ay soo galiyaan waxyaalo maqal iyo muuqaal, ruwaayado ka hadlaya qabyaaladda iyo xumaanteeda waayo dal walba umaddiisu dhaqan bay leeyihiin Soomaliduna.

Intaas oo dhan waxay naga caawinaysaa dadkeena isticmaala baraha bulshada in aan marka hore inagu iska saarno waayo qof naftiisa isaga ay ku jirto qabyaaalad cidka le waxba uma gudbinkaro.

Marka aad naftaada iska sifaysid ayaad dadka kalena wax uga sheegikartaa sida kor ku xusanba. Dadkeena baraha bulshada isticmaalna waa in aan kawada qayb qaadanaa sidii uu waddankeena, dadkeena uga bixi lahaayeen, waxyaalaha ragaadiyay ugana tashan lahayn si uu waddanku guul iyo horumarna ugaari lahaa waddan keena.

___

Buugga: Haddimada Qabyaaladda

W/Q. Drs. Ruun Siciid Faarax

Sookoobay: Maxamuud Axmed Muuse “Tallman”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Buuggaag

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 25aad

Waddaniyad Xumada Maxaan Ka Dhaxalnay?

Published

on

Halkaan ka akhriso qeybtii 24aad


Waddaniyad Xumada Maxaan Ka Dhaxalnay?

Bini’aadanka sidiisaba waa hadba sida uu iska dhigo haddii uu ku talo galo in uu wanaag sameeyo waxaa uu helaa miraha samaha uu sameeyay balse haddii Bini’aadanku ku kaco wax aan uhaboonayn mustaqbalkooda iyo tan guud waxay halis gelin karaan jiritaankooda iyo in ay noqdaan dad iyo dal jira.

Haddii inta waddaniyadda leh ay ka badanyihiin inta aan waddaniyada lahayn waxa ay saamayn kartaa in laga takhaluso inta aan waddaninimo kujirin. Waxaase daran dadka aan lahayn waddaniyad haddii uu hormuud unoqdo qaran ama ummad waxaa imaan doonta jiritaankooda fog oo mustaqbal in mugdi galo.

Haddaba haddii aan usoo daadego hadafkayga iyo yoolkayga aan usocdo, maxay keentay waddaniyad xumadu? Waxay keentay waxyaalo badan oo aan la soo koobi karin gaar ahaan dadkeena Soomaaliyeed.

  1. Qabyaalad: Waxyaalaha ugu xun ee laga dhaxlo qabyaalada waxaa asal u ah waa iyada oo la tuuro danta guud, lagana tago wada dhalashadii iyo hilib wadaagii ay qowmiyad lahayd taas oo lagu beddeshay damiir qabyaalad ka buuxdo iyo in si khaldan loo addeegsado qabiilkii iyadoo laga talaabayo xadkii ay lahayd laguna dhiirado hannaan aan haboonayn.

In adoo ujeeda waddo sax ah oo kuu muuqata oo aad ogtahay waddadaan halka ay tagto iyo amnigeeda oo aysan wax dhib ah kaaga imaan karayn mariddeeda haddii aad ka leexato oo aad qaado waddo ama wadiiqo mariddeeda aad ogtahay in uu dhib yahay, lana kulmi doontid wax aadan ku faraxsanayn, ciribteeduna tahay halaag iyo qun goyn sow ma haboona in aad ka leexato una weecato tan habboon.

Dhibka ugu weyn ee haysta dadka waxa weeye iyagoo og falka ay samaynayaan waxa ka dhalan kara ayay haddana ku dhiiradaan in dadkooda u horseedo murugo iyo qaran jab. Haddii aan ka eego xagga Soomaalida, xaqiiqdii waxay dadka inta badan jecelyihiin qabiilka balse qabiilkii loogu talagalay in laysku garto kan xigtada ah haddii aad ubeddesho kawaran oo aad dhahdo, qabyaaladda kasiiwacan, sow dhib nagu ma ahan jiritaankeena iyo mustaqbalkeena fog. Adduunka waxay noo arkayaan in aan nahay dal aan jirin oo aan lahayn mabda’ iyo waddaninimo. Sow nacas walba iyo dal walba kugu soodhiiran maayo oo inta kuu yimaado oo ku dhaho waxaad tahay laandheere, adoo laan-dheeraa maxaa halkaan ku dhigay kac oo shaqeyso oo wax walba oo aad rabto baabi’i annaguna garab iyo gaashaan baanu kuu noqon iyo baalal aad ku duusho. Waxayna kugu dhiirigelinayaan in aad dalkaaga burburiso, qoriga iyo buntukha ku garaacdo oo aad layso xigaalkaa iyo dadkii aad isirka wadaagteen iyo burburka dalkaaga.

Adiguna aad madaxa ruxdo yeeshana wadiiqada xun, kuna kacdo fal xun, sow ma ahan damiir xumo iyo waddaniyad la’aan, damiirkaaguna kuma siin xaalka aad hadda ku jirto oo nacasnimo.

Qabiilka Rabbi waxa uu nagu yiri isku garta balse ma oran qabyaalad u addeegsada oo ku burbursha dalkiina, dadkiinana ku laaya, kuna dulmiya. Qabiil aragnay halka uu nadhigay iyo waxa uu na dhaxalsiiyay, sow ma haboona in aan garano wixii adduunkaan naloo keenay, sababta aan ujirno iyo dalka waxa naloogu sameeyay oo la yiri isaga noolaada dushiisa waxa uu idin yahay firaash. Haddii aad firaashkii ama meeshii aad seexan lahayd iska burburiso sow dhib kuma ahan adi?

Alle Qur’aankiisa waxa uu ku dhahay:-

يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ

“War dadow waxaan idinka Abuurnay lab iyo dhedig, waxaan idinka yeelnay dadyow iyo qabaa’il, si aad isugu garataan. Midkiina idinku karaamada iyo sharafta badan waa midkiina idinku Alle ka cabsiga badan, Illaahay waa mid og oo khabiir ku ah waxaad samaynaysaan”.

Haddaba, sow kuma caddaan qabiil in uusan waxba kuu tarayn iyo qabyaalad toona, Alle ka cabsiga un ayaad ku liibaanaysaa oo meel ku gaaraysa waa in aad isaga ku dhegtaa.

  1. Addeecid la’aan: Bini’aadamka waxaa la faray in ay addeecaan madaxdooda, dadka hoggaamiya amarkoodana qaataan wax walbana looga dambeeyo iyaga. Haddii aad khilaafto mar walba, kana hortimaado wixii lagu amray waxay dhib ku tahay jiritaankaaga. Alle marwalba waxa uu ku celceshay Aayaad ka mida Qowlka Alle, in la addeeco Uulul amriga yacni madaxdooda, waxaan ka ahayn macsi iyo xumaan.

Waxa uu yiri:-

قال تعالى: ﴿ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنْكُمْ فَإِنْ تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِنْ كُنْتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ذَلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا ﴾ النساء: 599.

“Kuwii Illaahay addeecay iyo Rasuuulkiisa iyo Uluul amrigooda yacni madaxdooda oo idinka idin kamida, haddii aad ku murataan shay dhexdiis oo isku qabataan, ula noqda Allaah iyo Rasuulka, haddii aad tihiin mu’miniin rumeeyay Allaah iyo maalinta qiyaame, taas ayaa idin kheyr badan idina suurad wacan”.

Alle Subxaana watacaalaa, wuxuu Qur’aankiisa noogu caddeeyay in aan addeecno madaxdeena.

Nebigeena “NNKH” wuxuu yiri:-

وقال صلى الله عليه وسلم: ((السمع والطاعة حق على المرء المسلم فيما أحب وكرِه، ما لم يؤمر بمعصية، فإذا أُمِر بمعصية، فلا سمع عليه ولا طاعة)

 “Dhagaysta oo addeeca qof kasta oo Muslim ah xataa haddii aad jeceshihiin ama necebtihiin, haddii uusan idin amrin macsi, haddii uu idin amro Macsi, yaan la dhagaysan, lana Addeecin”.

Haddaba waan fahmaynaa heerka uujoogo addeecidda madaxda iyo hoggaamiyaha in ay tahay lamataabtaan oo ay ku dhisantahay jiritaanka ummadda, haddii la caasiyana waxaa ka dhalan kara wax aan haboonayn oo aan la mahadin.

  1. Xumaanta oo la banaysto: Dembiyada aan ku dhacnay haddii aan nahay islaamka waxaa kamida in aan banaysanay xumaanta oo aan xalaashanay wax Eebbe naga xarimay. Waxaa haboon in aan Alle unoqono, kana waan towno xumaha iyo waxkasta oo Alle ka caraysiin kara. Haddii aan nahay Muslim wax badan buu Alle noo banneeyay, wax yarna waa naga xaraam yeelay. Soomaaliduna intii yarayd ee laga xarimay ayay ka dhigteen xalaal oo waa bannaysteen.

Waxaana ku dhacday carradii Alle, waxaana nagu habsaday Amni xumo, dagaal joogto ah, dulmi, abaaro joogta ah, fatahaado, damiir xumo, gaajo, faqri iwm. Alle wuxuu naga xarimay xumaanta oo dhan, hadday ahaan lahayd mid muuqata, mid qarsoon, iyo waxkasta oo aan xaq ahayn. Sidoo kalena Alle ayaan wax lawadaajinay, kuwaas oo Alle ku caddeeyay xujooyin cadcad iyo daliilo looga digaayo dadka. Alle waa mid og wax kasta oo aad ku hadasho, samayso, ku fekerto, iwm. Haddaba saw damiirkaagu kuma siinaayo in aad iska dhaafto xumahaan oo idil, una weecato wanaaga iyo wixii lagu farad yeelay.

Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri isaga oo Nebiga ku leh usheeg in xumaanta mideeda muuqata iyo midda qarsoonba xaaraanyihiin.

قُلْ إِنَّمَا حَرَّمَ رَبِّيَ الْفَوَاحِشَ مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَمَا بَطَنَ وَالْإِثْمَ. (33) الاعراف

“Ku dheh Nebi Allow, wax kale maahane Alle wuxuu idinka xarimay xumaanta, midda muuqata oo aad samaysaan iyo midda qarsoon oo uurka ku haysaan iyo dembiyada”.

Alle waxaan ka baryaynaa in uu xaqa nawaafajiyo, Alle kacabsigana quluubteenana joogteeyo.

Markale Alle Qur’aankiisa wuxuu ku yiri:-

وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَالرَّسُولَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ

“Addeeca Allaah iyo Rasuulkiisa waxaad mudantihiin in Alle idin naxariisto”.

Waa in aan xumaha iska dayno, Alle usoo noqono oo dembi dhaaf waydiisano, kana joojino wax ummaddeena halaag ukeeni kara, dib udhac iyo damiir xumo. Waa in aan dalkeena u addeegno si Alle ka cabsi leh, dadkeenana unasteexayno si niyad furan, una addeegno si niyo ah. Waxaan gaaraynaa barwaaqo iyo nimco Eebbe, haddii kale waxaan ku jiraynaa dhibkaas aad aragteen iyo imtixaan joogto ah.

  1. Tanaasul la’aan:- Qaran burburka ugu weyn ee ina haysta waxaa ka mida in aan danta guud laysugu tanaasulin, dadkana la boobo, lana dhaco. Haddii amar uu ka soo baxo madaxa sare waa la khilaafayaa bilaa sabab, waxaana ka dhalan kara cadaab iyo dhib joogto ah.

Alle Qur’aankiisa wuxuu ku yidhi isagoo ka digaya in aan la khilaafin madaxdooda, haddii kale ay asiibayso fitno ama ay asiibayso cadaab kulul.

وقال سبحانه: ﴿ فَلْيَحْذَرِ الَّذِينَ يُخَالِفُونَ عَنْ أَمْرِهِ أَنْ تُصِيبَهُمْ فِتْنَةٌ أَوْ يُصِيبَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ ﴾ [النور

Waa in aan ka digtoonaano in aan ka hornimaadno madaxdeena, una tanaasulno qaranimadeena, iskana dhaafno damaca khaaska ah, waxaan hubaa in aan gaarayno heer sare, waxaan la tartamaynaa dunida waayo dadka Soomaalidu waa dad maskax badan, caqli badan, aadna ufirfircoon, hal-abuurna leh.

Allena wuxuu Qur’aankiisa ku yidhi:-

وقال تعالى: ﴿ لَقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ اللَّهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِمَنْ كَانَ يَرْجُو اللَّهَ وَالْيَوْمَ الْآخِرَ وَ ذَكَرَ اللَّهَ كَثِيرًا ﴾ [الأحزاب{

“Waxaa xaqiiqo ah in aad ku dayataan Rasuulka Alle, kudayasho wanaagsan, ruuxi rajaynaya in uu la kulmo Allaah iyo maalinta qiyaame, waa in aad xustaan Allaah inbadan”.

Waa in aan ka fekerno aakhiradeena, una shaqeysano adduun iyo aakhiro. Kana fekerno aayaheena fog si cilmiyaysan, raacnana talaabooyinkii uu Suubanaheenii qaaday, waxaa xaqiiq ah in aan liibaanayno.

  1. Run l’aan:- Qofka damiirkaleh oo Alle ka cabsiga badan oo jecel dadkiisa, dalkiisa, diintiisa waxa uu sheegaa runta, ma kagabado. Waxkasta oo dalkiisa uu u arko dhib, waxa uu ku dhiiradaa in uu sheego xataa haddii uu naftiisa ku waayayo. Qofka aan lahayn waddaniyadda waa midka daboola xaqa, muujiya xumaha, ummaddana ku maaweeliya been iyo marin habaabin. Waxkasta oo dadkiisa, dalkiisa, diintiisa dhib ku ah ma sheego oo runta waa dhibtaa, beenta ayuu ku raaxaystaa xumaha dalkiisa ayuu faafiyaa, waa ku farxaa dhibka soogaara dadkiisa, dalkiisa iwm.

Waxayna caddayn utahay qofka waxa uu yahay shaqsiyaddiisa iyo damiirkiisa. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa ” Runi rag kama nixiso” oo ula jeedaan in runta laysku sheego oo la caddeeyo xaqiiqada waayo horaa loo dhahay “Run iyo ilkaba waa lacaddeeyaa“, waa in runta la sheego lagana gaban.

وفي الحديث الشريف: ” قل الحق ولو كان مرا

Xadiiskaan Waxa uu oranaya “Sheeg xaqa haba kharaaraadee”.

Yacni in la sheego runta xataa haddii ay ka dhalanayso dhib, ama ayba ka kharaartahay dacarta halagaban ee sheeg xaqiiqada iyo sida ay wax ujiraan, haddii kale wixii aad qarsato way ku qarsadaan.

  1. Cafis la’aan: Bulshada Soomaaliyeed waxay ubaahantahay oo qudha dad waxkasta oo soomaray in ay iska cafiyaan, iskana ilaawaan waxkasta oo horay usoomaray. Bulshada Soomaaliyeed weli taasi kama hirgelin siguud balse waxaad moodaa in muddadaan danbe in waxbadan iska beddeleen oo hadda hayaan waddadii isku cafin lahaayeen.

Balse ruuxii laga waayo intaas oo ku siidhiirada in uu horay usii wado gabood falada ka dhex dhaca bulshada iwm, waxaan oran karaa waa qeyb kamida waddaniyad la’aanta, waxaana haboon in bulshadu iscafiyaan oo wax wada qabsadaan. Waa tii hore utiri Soomaalidu “Gacmo wadajir bay waxku gooyaan”.  Bini’aadankuna waxa sal u ah in ay iscafiyaan oo dar Allaah isugu tanaasulaan. Waxaa Alle ugu beddelayaa wax ka kheyr badan, diinteenu aad bay udhiirigelisay cafiska, xoogga ayayna saartay. Waxayna ummadda islaamka ku boorisay in ay iscafiyaan cafis waafi ah.

Xadiis laga sooweriyay Suubanaheena {NNKH} wuxuu yiri:-

عن أبي ذَرٍّ جُنْدُبِ بْنِ جُنَادةَ، وأبي عبْدِالرَّحْمنِ مُعاذِ بْنِ جبلٍ رضيَ اللَّه عنهما، عنْ رسولِ اللَّهِ ﷺ، قَالَ: اتَّقِ اللَّهَ حَيْثُمَا كُنْتَ وأَتْبِعِ السَّيِّئَةَ الْحسنةَ تَمْحُهَا، وخَالقِ النَّاسَ بخُلُقٍ حَسَنٍ رواهُ التِّرْمذيُّ

“Alle ka cabso meel kasta oo aad joogto, xumaantana raacsii wanaag way tiraysaaye, dadkana kula dhaqan dabeecad wanaagsan”.

Xadiiskale oo laga sooweriyay Rasuulka {NNKH}, oo ku saabsan carada iyo xanaaq iyo in uu qofku isdejiyo haddii uu dareemo xumaan iwm. Wuxuuna yiri:-

عن أبي هريرة رضي الله عنه: أن رجلًا قال للنبي صلى الله عليه وسلم: أوصني، قال: ((لا تغضب))، فردد مرارًا، قال: ((لا تغضب))؛ رواه البخاري

Abuu Hurayra Alle raali haka noqdee, waxaa laga weriyay: In nin Rasuulka “NNKH” u yimid oo ku yiri “Rasuul Allow ii dardaaran, Rasuulka “NNKH” wuxu ninkii ku yiri: Ha caroon, Su’aashii buu ku celceliyey, Nebiguna “NNKH” wuxuu ku celceliyey ha caroon”.

Waxaan kaloo sooqaadan xadiiskale oo uu sooweriyay saxiixu Muslim waxaa uu sooqaatay xadiis caddaynaya wanaagu in uu yahay samafal oo dembi kasta oo aad gasho in aad Alle utoobad keento, dembi dhaafna waydiisato qofka aad waxkagashay waa muhiim.

عن النواس بن سمعان رضي الله عنه، عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: ((البر حُسن الخُلق، والإثم ما حاك في نفسك وكرهت أن يطلع عليه الناس))؛ رواه مسلم.

Nawaas Bin Samcaan (Alle raali haka noqdee) waxaa laga weriyey in Nebigu “NNKH” uu yiri “Wanaagu waa dabeecadda wanaagsan, dembiguna waa wixii nafsadaada dhibaya oo nacaysid in dadku kugu arkaan”.

Waa in qofkaska wanaag ka shaqeeyo, waxkasta oo aad ka tabanayso qof, bulsho iyo qaran in aad Alle dartiis isaga cafiso, waxaa laga yaabaa in maalin aan maalintaas ahayn aad hesho, adigana faa’ido ayay kuu tahay oo qalbigaagu wuxuu noqonayaa mid saafiya oo ka madax bannaan calool xumo iyo gocosho.

  1. Xishood la’aan: Waa muhiim in bini’aadanku kala xishoodo, kana xishoodo waxkasta oo u arko in falcelis ka imaan karo, waana muhiim in sharaftaada, karaamadaada, iyo mustaqbalkaaga ilaashato. Waa muhiim qofkasta oo Muslim ah in uu xishoodo, kana xishoodo waxkasta oo keeni karta dib udhac, karaamo darro iwm. Waddaniyad xumada waxay keentay in nin lagu tuhmaayo aqoon, garasho, muwaadinimo in uu dalkiisa usoohago wax dhib ukeeni kara, hadday ahaan lahayd qaranka ama bulshada iyo dhaqanka. Waa muhiim in qofka waddaniga ah ka fogaado waxkasta oo carqalad u keeni kara  oo dib udhac iyo gocosho keeni kara waa in aad ka dheeraato.

Xishoodku aad bay noogu boorisay diinteena suuban, waxaana waajib ah qof kasta oo Muslim ah in uu xishoodo kana xishoodo waxkasta oo dembi ukeeni kara.

عَنْ ابْنِ مَسْعُودٍ عُقْبَةَ بْنِ عَمْرٍو الْأَنْصَارِيِّ الْبَدْرِيِّ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم “إنَّ مِمَّا أَدْرَكَ النَّاسُ مِنْ كَلَامِ النُّبُوَّةِ الْأُولَى: إذَا لَمْ تَسْتَحِ فَاصْنَعْ مَا شِئْت” . رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ.

Abuu Mascuud Cuqbata Bin Camrin Al-Ansaariyi Albadriye (Alle raali haka noqdee) waxaa laga wariyey in Rasuulku (NNKH) uu yiri “Dadku waxay ka helaan Anbiyadii hore hadalkoodii ahaa: Haddii aadan xishoonayn samee wixii aad doonto”.

Qofka damiirkiisa waxa uu ku xidhanyahay hab dhaqankiisa, hadday ahaan lahayd hadal wanaagsan, ficil wanaagsan iyo aragti wanaagsan. Waa in aad ka fekerto hadafkaaga iyo yoolkaaga mustaqbal.

  1. Xaaraan: Waxaa inbadan ummadda halaagay in ay cunaan wax aysan xaq ulahayn hadday ahaan lahayd in ay sadbursi iyo caddaalad daro waxay ku helaan in ay quutaan, xirtaan una hoydaan.

Qof kasta oo islaam ah waxaa ka mamnuuc ah in uu la yimaado waxkasta oo xaaraan ah. Waxaana waajib ah in uu ka dheeraado falkasta oo Alle uga caroonaayo. Waxyaalaha xaaraanta ah ma ahan oo keliya in aad macsi ku dhacdo balse waxaa ka mida in aad afka iska mariso wax aadan lahayn xoolaha dadweynaha, wax lagugu aaminay oo sigooniya uqaadato iwm. Diinta Islaamka aad bay noogu boorisay in aan isaga dheeraano waxkasta oo xaaraan ah oo aan haboonayn, waxaana soo qaadanaynaa xadiis iyo aayado.

قوله تعالى : يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُلُوا مِنْ طَيِّبَاتِ مَا رَزَقْنَاكُمْ

Alle wuxuu yiri “Kuwii Illaahay rumeeyayow cunna wixii wanaagsan oo aan idinku arsaaqnay”.

عَنْ النُّعْمَانِ بْنِ بَشِيرٍ -رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَاقَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ وَأَهْوَى النُّعْمَانُ بِإِصْبَعَيْهِ إِلَى أُذُنَيْهِ:” إِنَّ الْحَلَالَ بَيِّنٌ، وَإِنَّ الْحَرَامَ بَيِّنٌ، وَبَيْنَهُمَا مُشْتَبِهَاتٌ، لَا يَعْلَمُهُنَّ كَثِيرٌ مِنَ النَّاسِ، فَمَنِ اتَّقَى الشُّبُهَاتِ، فَقَدِ اسْتَبْرَأَ لِدِينِهِ وَعِرْضِهِ، وَمَنْ وَقَعَ فِي الشُّبُهَاتِ وَقَعَ فِي الْحَرَامِ، كَالرَّاعِي يَرْعَى حَوْلَ الْحِمَى، يُوشِكُ أَنْ يَقَعَ فِيهِ، أَلَا وَإِنَّ لِكُلِّ مَلِكٍ حِمًى، أَلَا وَإِنَّ حِمَى اللَّهِ مَحَارِمُهُ، أَلَا وَإِنَّ فِي الْجَسَدِ مُضْغَةً، إِذَا صَلَحَتْ، صَلَحَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، وَإِذَا فَسَدَتْ فَسَدَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، أَلَا وَهِيَ الْقَلْبُ. مُتَّفَقٌ عَلَيْه

Abuu C/llaahi Nucmaan Bin Bashiir Alle raali haka noqdee wuxuu yiri “Waxaan maqlay Rasuulkii Illaahay “NNKH” oo oranaya: ” Xalaashu waa caddahay, xaaraantuna waa caddahay, dhexdoodana waxaa ah shubuhaad, mana oga in badan oo dadka kamid ah, ruuxii ka dhowrsada isu-ekaantaas wuxuu la bari noqday diintiisa iyo sharaftiisa balse ruuxii ku dhaca shubuhaadkaas wuxuu ku dhacay xaaraan, wuxuuna lamid yahay Ari raacii ku raacay Ariga beerta hareeraheeda, waxaa dhow in arigu beerta daaqo, Baraaruga’ e boqor kastaa wuxuu leeyahay seero, Illaahay seeradiisu waa xaaraanta, baraaga e,. Xubnaha qofka waxaa ku sugan cad yar oo hilib ah, oo haddii uu wanaagsanaado xubnaha kale oo dhan way wanaagsanaanayaan, haddii uu xumaadana xubnaha kale oo dhan way xumaanayaan, baraaruga xubintuuse waa qalbiga”.

Haddaba sida ku cad xadiiskaan dheer waxa uu inoo sheegaya in ay kala cadyihiin xaaraanta iyo xalaasha, waxyaalaha isu eg ee tushuushku ku jiro in laga dheeraado, laga fogaado inta laga dhowrsanaan karo, haddiise aadan ka dhowrsan in aad goysay soohdintii Alle oo waxaad ka talowday waddo lagaa joojiyay, waxaana ku dhacaysaa dembi iyo gabood fal.

  1. Nadaafad xumo: Astaamaha lagu garto waddaniyad xumada waxyaabaha ka dhasha waxaa ka mida in waddooyinka iyo goobaha aan loogu talagalin qashinka in la dhigo. Waxaad arkaysaa qof muwaadin ah oo Soomaali ah oo inta biyo xal ah aadna wasakh u ah ku daadinaya waddada ay dadku marayaan ama waxaad arkaysaa muwaadin inta qashin sooqaada oo dhiga waddooyinka iyo faras magaalaha. Muwaadinka waddaniga ah waxaa lagu gartaa waa midka ka dhiidhiya in uu qashinka dhigo meesha loogu talo galay meel aan ahayn waayo waxkasta waxaa loo sameeyay goob lagu uruursho wixii aan loo baahnayn.

Iimaanka waxaa ugu hooseeya waa in aad ka qaado waddada wixii dhibaya ummadda Islaamka ah, waa adoo ka leexiya waddada shay dhibaya waa meesha ugu hoosaysa iimaanka. Kawaran haddii lagaawaayo adi oo ah qof Muslim ah oo inta aad qashin ama wasakh sooqaado lana soo aado waddada? Ruuxa waddaniga ah waa midka ka ilaasha waddankiisa, hoygiisa waxkasta oo aan araga uroonayn, caafimaadka udaran, bulshada kugu xeerana dhibsanayso.

عَنْ أَبِي مَالِكٍ الْحَارِثِ بْنِ عَاصِمٍ الْأَشْعَرِيّ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ الطَّهُورُ شَطْرُ الْإِيمَانِ

Abuu Maalik Alle raali haka noqdee waxaa laga soo weriyay in Rasuulku (NNKH) yiri “Nadaafaddu waa iimaanka barkiisa”.

Qofkasta oo islaam ah waa in uu xoogga saaraa sida uu u ilaalin lahaa faya dhowrka deegaankiisa, naftiisa iyo hoygiisa, Waana qeyb kamida Islaamnimada iyo waddaniyadda.

  1. Jidgooyo ama Isbaaro: Waxyaalaha lagu garto in waddaniyaddii dhimatay, iimaankiina naaqusay waxaa ka mida in qofku noqdo qaadicul dariiq, isbaaro dhigte oo ummaddii islaamka oo safarka ah ama maraayay waddooyinka in jidgooyo loo dhigto, lagana qaato wixii uu haystay oo idil, haddiiba uu naftiisa ka badbaado ayuuba burosidaa. Waana qeyb kamida oo ka dhashay waddajiyada la’aanta.

Diinteenu suuban aad bay inoogu sheegtay in la sameeyo jidgooyo oo islaamka xoolihiisa oo aan raali ka ahayn la dhaco, ayna ka dhalato carro Eebbe iyo naxariis la’aan waayo majiro dembi kaweyn.  Kaba sooqaad qof maskiin ah oo xamaali ah ayaa quudiya agoon ama dad tabaalaysan oo aan waxba haysan, ka bacdiina waxa uu soohelay kis yar oo ay halmar quutaan, isaga oo soowada ayuu soomaray waddo ay joogaan qowlaysato dadka dhaca, kadibna waxay ka qaateen intii uu haystay oo idil. Kawaran qalbiga dulmanaha oo maskiinka ah oo u soodhididay kista yar una waday masaakiin balse dhanka kale kawaran masaakiintii loowaday oo rafaadsanaa? Sow ma dhihi karno waxaaba ku dhacaysa cuquubadii dadkaas intaan lagaarin aakhiradiisa?

Alle wuxuu yiri “ kuwii abaalkoodu wuxuu noqonayaa Alle iyo Rasuulkiisa ladagaalamaya, soconaayay arlada dhexdeeda fasaad, waa in la dilo, ama la salbiyo ama lagooyo lug iyo gacan isdhaaf ah ama laga ma saafuriyo arlada, arrinkaas waa qeyb kamida abaalmarinta adduunyada, aakhirana waxaa usugnaaday Cadaab daran. Allow naga badbaadi.

فقوله تعالى: ]إِنَّمَا جَزَاءُ الَّذِينَ يُحَارِبُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَيَسْعَوْنَ فِي الأَرْضِ فَسَادًا أَنْ يُقَتَّلُوا أَوْ يُصَلَّبُوا أَوْ تُقَطَّعَ أَيْدِيهِمْ وَأَرْجُلُهُمْ مِنْ خِلافٍ أَوْ يُنْفَوْا مِنَ الأَرْضِ ذَلِكَ لَهُمْ خِزْيٌ فِي الدُّنْيَا وَلَهُمْ فِي الآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيم

Haddaba waad dareemi kartaa cawaaqib xumada ka dhalan karta in aad noqoto ruux dadka dhaca oo hantidooda banaysta adoo addeegsanaya xoog iyo xeelad. Mana wacna in adoo Muslim ah og heerka ay diinta islaamka ka joogto jidgooyada in aad haddana aad dhigato jidgooyo, wixii aad ka sooheshana quudiso dadka kale oo aad ka dherjiso xaaraan, miyaysan kula haboonayn in aad ka waantowdo taas.

  1. Jaajuus: Jaajuus waxaa la dhahaa ruuxa ka socda waddan, ama koox oo rabba in uu dad kale ama waddan kale xogtiisa iyo siraha uqarsoon ugudbiyo dadka uu ka socdo. Haddaba qofka jaajuuska sidiisaba ma ahan ruux haboon, waxa uu war ka qaadaya ruux aanba hayn war oo wuxuu aaminayaa ruuxaan isagoo siinaya sirtiisa oo idil si daacadnimo ku jirto, kan lagu sir qarsadayna wixii uu helay oo dhan ayuu ugudbin meeshii laga soodirsaday. Haddaba haddii aan isla garanay ereyga jaajuus, kawaran adiga oo Soomaali ah haddii aad dalkale ka socoto oo aad timaado dalkaagii hooyo, kadibna aad gudbiso xogaha sirta ah ee dalkeena uqarsoon, maxaa ka dhalanaya? Miyaa lagu dhihi karaa waxaad tahay muwaadin ama waddani?

Haddiise dawladdu ku ogaato waxaad tahay khaa’in waddan oo waxaad khiyaantay waddankaagii iyo dadkaagii oo idil, waxaana tahay dil toogasho ah. Waana qeyb kamida damiir xumida ka dhalata waddaniyad la’aanta, waxaa haboon in laga waantoobo arrintaas oo aan lagu xadgudbin sharafka iyo karaamada dalkaaga, dadkaaga iyo diintaada.

وعن أبي هريرt قَالَ: قَالَ رسولُ اللَّه ﷺ: لا تَحاسدُوا، وَلا تناجشُوا، وَلا تَباغَضُوا، وَلا تَدابرُوا، وَلا يبِعْ بعْضُكُمْ عَلَى بيْعِ بعْضٍ.

Abuu Hurayra Alle raali haka noqdee waxaa laga soo weriyay in Rasuulka yiri (NNKH) “Ha is xaasidinina, ha is jaajuusinina, ha isku caroonina, ha isku dhabar jeedinina, yuusan gadan qaarkiin qaarka kale”.

Haddaba qofkasta oo Muslim ah waa in ay ka dheeraadaan xaasidnimada, jaajuusnimada, carrada iyo dhabar jeedinta.

  1. Caddaalad darro: Waxaa jira caddaalad darro baahsan oo ka dhex jirta bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, wayna isdulmiyeen mid aad udaran oo xoogan.  Waana nasiib darada xun ee nagu habsatay iyo masiibadaan aan ka bixi la’nahay. Waxaan ka dhaxalnay abaaro joogta ah, dagaalo, amni darro, cuduro aan la aqoon iyo cabsi joogto ah waayo haddii aan la helin caddaalad waa adagtahay in aad hesho waxa aad doonayso waxaadna ku noolaan inta kor kuxusan iyo kabadan. Waxaana kuu dheer tan Alle oo xisaab daran ayaa kaa dambayn doonta.

Haddii aan Soomaalinahayna waxaanba ku faanaa caddaalad darrada, waxaan ku dhaqanaa wax aan haboonayn, maskiinkii aan tabar lahayn ayaan dhacnaa, kii xoogleh ayaan ugu kaalmaynaa dulmi iyo sadbursi waxaana ka dhaxalnay dhibkaan aan faraha kula jirno diiniyanna aan haboonayn.

قوله تعالى: وَلاَ تَأْكُلُواْ أَمْوَالَكُم بَيْنَكُم بِالْبَاطِل

Alle Qur’aankiisa wuxuu ku yiri “Ha cuninina maalkiina dhexdiina baadilnimo”.

Alle wuxuu nooga digay in aynaan cunin maal si baadil ah oo aan ahayn xaq, inta qof la dulmiyo laga qaato xaqiisa lana siiyo mid kale oo aan xaq ulahayn.

  1. Laaluushka: Waxyaalaha aan ka dhaxalnay waddaniyad xumada waxaa kamida in aan ku shaqeyno laaluush anagoo mid ka qaadanayna lacag si aan danihiisa ugu fulino, waxaa laga yaabaa ruuxaas in uu dhib iyo fasaad ku hayo dadka, diinta iyo dalkaba. Waxaa lagayaabaa in uu bann-aysanaayo wax uusan xaq ulahayn isagoo lacag laaluusha siinaayo qof kale si uu arrin ugu fuliyo.

Waxaa ugu badan oo laaluushka bixiya waa kuwa xilal doonka ah, kuwa raba xaq waxaysan ulahayn in ay dhacaan si ay uhelaana dantooda waxay baxshaan lacag iyo wax udhigma. Diinta islaamka aad bay uga soo horjeesatay in la baxsho laaluushka, diinteenu ma ogola.

الحديث الشّريف قوله عليه الصّلاة والسّلام: (لعنةُ اللَّهِ علَى الرَّاشي والمُرتشي) صحيح

Xadiis saxiix ah ayaa laga soo weriyay suubanaheena (NNKH) wuxuu yiri “Nacalad haku dhacdo ruuxa baxsha laaluushka iyo kan qaataba”.

Alle hanaga najeeyo nacalad iyo wixii lamida waayo erayga nacalad waa erey muujinaya heerka uu gaarsiisanyahay laaluushka. Waxaa haboon ruux kasta oo Alle garanaya, muwaadin ah oo waddani ah in uu ka dheeraado laaluush iwm.

  1. Tuuganimo: Tuuganimo waa in aad xado shay ama wax udhigma adoo ku qaadanaya sifo aan sharci ahayn iyo tuuganimo. Qofka dadka xoolahooda xada isagoon loojeedin ayaa la dhahaa Tuug. Haddaba diiniyan maxay ka qabtaa tuuganimada? Sida cad diinteenu waa ay sheegtay abaalmarinta qofka tuuga ah, sidaas darteed waa in qofka islaamka ah uusan samayn xatooyo isagoo la arkaayo iyo isagoon la arkaynba.

قال تعالى ( والسارق والسارقة فاقطعوا أيديهما جزاء.

Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri: “Tuuga iyo tuugada waxaa la jarayaa gacmaha qeyb kamida”.

Haddaba waxaan fahmaynaa farqiga udhexeeya tuuganimo, laaluush qaate iyo musuq maasuqe. Musuqu waa in aad xoolo dadweyne xado. Tusaale ahaan waxaad Bangiga kala baxday 100,000 doolar sifo aan sharci ahayn waxaana la dhahaa Musuq-maasuq, waxaana dadka kula og siisay qeyb kamida lacagtii oo aad usiisay intaana qaata iga aamusa waxaa la dhahaa Laaluush. Tuuganimo waa in aad xoolo meel yaala aragto ama dafto ka dibna aadba qaadato wixii oo dhan.

  1. Qaran dumin: Waddaniyad xumada waxaan ka dhaxalnay in aan qarankeena dumino, kuna dumino Qori, Qallin. Waxaan dhulkeena quruxda badnaa ku burburinay qori, waxaana intaas usiiraacinay qallin oo waxaan sheegnay xumaha waddankeena, waxaana buunbuuninay meelaha aan ku liidano, waxaana ku soohagnay dad shisheeye si waddankeena uboobaan.

Waxaa jira dad xun oo dadka walaalaha ah kala geeya, isku dira, jaajuus ah oo aan ka shaqeyn wanaag iyo midnimo. Waxa uu kala qeybiyaa dad walaalo ah oo hilbo wadaag ah, wuxuuna isku diraa kuwa wada dhashay, wuxuuna kala fogeeyaa dad Muslim ah, wuxuuna hubka isugu dhiibaa hilbo wadaag, waxayna ka bacmushtaraan dhiiga dadka qubanaya, iyagoon garanayn waxa ay ku dilayaan ama uqubayaan dhiigga qofka islaamka ah, iyadoo diinteena Islaamka ah sharaftay qofka oo dhiigiisana iyo cirdigiisa dhowrtay.

عَنِ ابْنِ مَسْعُودٍ – رضي الله عنه – قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ: لَا يَحِلُّ دَمُ امْرِئٍ مُسْلِمٍ; يَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ، وَأَنِّي رَسُولُ اللَّهِ، إِلَّا بِإِحْدَى ثَلَاثٍ: الثَّيِّبُ الزَّانِي، وَالنَّفْسُ بِالنَّفْسِ، وَالتَّارِكُ لِدِينِهِ; الْمُفَارِقُ لِلْجَمَاعَةِ. مُتَّفَقٌ عَلَيْه

Ibnu Mascuud Alle raali haka noqdee waxaa laga wariyey in Rasuulku (NNKH) yiri “xalaal ma ahan dhiigga muslimka ah saddex xaaladood midkood maahane. Garoob sinaysatay, naf naf dishay iyo qof diinkiisa ka tagay oo Jamaacadda laga waayay”.

Haddaba saw ma haboona in aan iska ilaalino dhiigga qofka, xataa saddexda qof ee la sheegay in dhiigoodu bannaanyahay qof walba ma samayn karo ilaa qaadiga waddankaas ama wadaadka haysta meeshaas usareeya maahane cid kale oo fulinaysa ma jirto. Waa in aan iska ilaalino qof islaam ah in aan dhiigiisa qubno, waayadaan danbe waxaa batay in dhiiga qofka islaamka ah iska daato bilaa macne, taas oo ah dulmi iyo xadgudub bini’aadanimo.

Waxaa kale oo Alle Qur’aankiisa ku yiri

وفي القرآن الكريم: إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ [الحجرات{

“Muuminiintu waa walaalo, wanaag dhex dhiga walaalaha”.

Alle mar kale oo uu ka hadlaayay isku duubnida iyo in xariga Eebbe la qabsado waxa uu ku yiri Qur’aankiisa.

وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُو.

“Qabsada Xarigga Eebbe dhammaantiin, hana kala taganina”.

Aayad kale waxay leedahay Alle wuxuu idin amrayaa caddaalad iyo in aad isku asxaan fashaan.

قال الله تعالى: إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ وَالْإِحْسان

“Alle wuxuu idin amray caddaalad iyo wanaag in aad samaysaan”.

Qof kasta oo islaam ah waddani ah waa in uu ka shaqeeyo wanaaga, dadkiisa, diintiisa iyo dalkiisa dhistaan oo wanaagna muujiyaan. Waa in qof walba oo islaam ah ka shaqeeyo wanaaga, kana fogaado waxa keeni kara burbur, kala yaac iyo kala fogaansho. Waa in aan ka shaqeyno sidii aan isugu keeni lahayn dhammaan islaamka una fari lahayn wanaaga.

حديث أنس t عن النبي ﷺ قال: لا يؤمن أحدكم حتى يحبَّ لأخيه ما يحبُّ لنفسه

Rasuulka (NNKH) wuxuu yiri “Axadkiina ma rumayn ilaa wuxuu jecelyahay la jeclaado walaalkiis”.

____

Buugga: Haddimada Qabyaaladda

W/Q. Drs. Ruun Siciid Faarax

Sookoobay: Maxamuud Axmed Muuse “Tallman”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Buuggaag

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 24aad

Sidee loo barankaraa waddaniyadda?

Published

on

Halkaan ka akhriso qeybtii 23aad


Fahamka Waddaniyadda                                      

Waddaniyaddu waa dareen iyo dhiiranaan laga dheehan karo ruux uu uqabo dalkiisa. Ereyga waddaniyadda macno badan ayay uyeeleen khuburo, aqoonyahano, xeeldheerayaal waayo arag ah, siyaasiyiin iyo culimo badan. Waddaniyadda waa maado ka mida kuwa loo yaqaan arrimaha bulshada. Waxayna hoos imaan maadooyinka Juquraafiga iyo cilmiga bulshadda.

Waddaniyadda waxaa lagu bartaa in aad hesho xaqa iyo xuquuqda aad leedahay sidoo kalena in aad qaadato masuuliyadda muwaadinka. Waddaniyadda waa in la baro dhammaan qeybaha bulshada si ay ugu dhaqmaan sharciga dalka uyaal, nidaamka ganacsi, midka siyaasadeed, dhaqanka, waxbarashada, caafimaadka, kheyraadka dalka iyo guud ahaan arrimaha bulshada.

Waxaa lagama maarmaan ugu noqotay in la barto waddaniyadda waa in uu qof kasta oo muwaadin ah helo.

  1. Xaqa uu dalkiisa ku leeyahay.
  2. Xaqa muwaadinka lagu leeyahay.
  3. Ilaalinta sharciyadda uyaal dalka.
  4. Ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka.
  5. In muwaadinka la baro danta guud iyo midda khaaska ah.
  6. In muwaadinka lagu ababiyo dareen jaceyl iyo mid mas’uuliyadeed.
  7. In muwaadinka lasiiyo waxa uu xaqa ugu leeyahay dalkiisa iyo in loo sheego in uu mas’uuliyad ka saaran tahay waddankiisa.
  8. In muwaadinka lagu ababiyo mabda’a iyo qiyamka muwaadinimada iyo barashadeeda. Dhammaan qodobada aan kor ku xusay waxay inoo horseedayaan in la helo bulsho jirta, garanaysa danta guud iyo tan khaaska ah sidoo kalena in la helo bulsho ka qayb qaadanaysa howlaha qaran iyo dib udhiska dalkooda.

Muhiimadda laga leeyahay in muwaadinka la baro waddaniyadda wax kale ma ahan waa in uu dalkiisa daacad u ahaado, kana difaacdo gowracatada iyo dhiig miiradka raba oo u hanqaltaagaya xadidda iyo gurashada dalka kheyraadkiisa. Bulsho kasta oo ku nool dunida waxay leeyihiin qiyam iyo mabda’ ay ku ilaashadaan dalkooda. Hadday arkaan qof wasakhaynaya dalkooda way canaanan, amaba sharciga ayay la tiigsadaan iyagoo ku andacoonaya waxa uu naga wasakhaynayaa deegaanka iyo dalkayaga.

Ma ahan ruuxaan in uu ku dhashay dal jaceylka amaba ma dhihi karno dadkaas waa naga sareeyaan balse waxa keliya ee nadheeryihiin waa ilaalinta dalkooda hooyo. Waa muwaadiniin lagu soo barbaarshay waddaniyadda, ilaalinta iyo dhowridda bilicda iyo quruxda dalkooda uu leeyahay. Haddaba si bulshada Soomaaliyeed loo dareensiiyo waddaniyadda iyo dal jaceylkooda waa in la baro dalkooda si ay uga hortagaan dhibkasta oo ku soo fool leh dalkooda. Muwaadinka waa in lasiiyo xirfad, xeeldheeri, aqoon mid maadi iyo mid diini. Sidoo kale muwaadiniinta waa in loo hagar baxo, lana tuso in iyagu dalka leeyihiin, waxkasta oo ay ubaahdaana ay helayaan.

Sidee loo barankaraa waddaniyadda?

Bulshada Soomaaliyeed in ka badan 80% ma fahansana waddaniyadda waxay tahay. Waxaana daliil kuugu filan in dalkooda ay burburkiisa iyo dib udhiciisa ka shaqaynayaan. Waxay kuwada haminayaan dhammaantood ama badankood in ay dalal shisheeye aadaan, waxna waa tahriibeen, waxna waa qalbi ka dhoof, inta kale ee soo hartana waa dad dantu biday ama duruufta haysata awgeed aysan ugu hanqaltaagin dalkale. Haddaba muwaadinimada waa jaceylka aad uhayso dalkaaga, daliil waxaa kugu filan Nabigeena {NNKH} waxa uu yiri markii uu Maka laga baxshay {Kamaan tageen haddaan layga kaa eryin}. Haddiiba muhiimad gaara siisay diinteena waddaninimada, waxaan fahmaynaa in waddaniyaddu tahay shey qaaliya oo waajib ku noqonaysa qofkasta oo dalka udhashay.

Qof ka waddaniyadda leh lama mid aha qofka aan waddaniga ahayn waayo waddanigu waxa uu leeyahay sifo iyo calaamado lagu yaqaan.

Waxaana ka mida:-

  1. Waddanigu waxa uu dhisaa dhulkiisa amar la’aan halka kaan ahayna uu dumiyo dhulkiisa.
  2. Waddanigu waxa uu difaacaa dhulkiisa isagoo u ogolaan in dalkiisa la iibsado halka kaan waddaniga ahayn uu dhulkiisa usoo horseedo cadow aan asxaan lahayn oo ka shaqaynaya burburinta iyo kala gaynta dadkiisa.
  3. Waddanigu waa nin leh karti iyo awood uu isaga dhiciyo hororada raba in ay boobaan dalkiisa halka kan aan ahayna uu farxad iyo damaashaad utahay in uu arko dhurwaaga dalkiisa daldalanaya.
  4. Waddanigu waa kan had iyo jeer ka fekera dadkiisa iyo dalkiisa, mana ogola in la laayo, la xasuuqo, loo horseedo gaajo iyo dihaal halka kaan ahayna uu intaas ka bacmushtaro. Waxa uu qandaraasyo waaweyn ku sooqaataa burburka dalkiisa, dadkiisa iyo kheyraadkiisa. Waxa uu iibshaa dadkiisa si uu shilimaad yar ugu beddesho.
  5. Waddanigu ma ahan danayste waa udaneeye halka kaan ahayn uu yahay danayste daba dhilif ah oo aan bar rajo ah lahayn.
  6. Waddanigu waa midka jecel in uu caalamka la tartamo, waddankiisana uu noqdo dalka adduunka ugu qanisan halka kan kale uu yahay ninka jecel in dalkiisu noqdo meesha ugu liidata caalamka oo aan rajo lahayn, dadkuna aysanba ku qanacsanayn.
  7. Waddanigu waxa uu jecelyahay dadkiisu in ay helaan waxbarasho lacag la’aan ah, caafimaad lacag la’aan ah, shaqo iyo addeeg kasta oo ubaahdo halka kan kale intaas lidkeeda jecelyahay oo weliba ka bacmushtaro.
  8. Waddanigu waa kan ku faana hiddihiisa, dhaqankiisa, Soomaalinimadiisa. Waxa uu mar walba ku xamdiyaa Allihii ka dhigay Soomaali halka kan kale uu intaas ka shalaayo in uu ka dhashay Soomaali, waxa uu jeclaadaa in dalal kale uu ka dhasho.
  9. Waddanigu lama siro, haddii la sirana ma noqdo damane hurda oo dalkiisa wax dhiba uhorseeda halka kan kale uu moodo sharaf, xarako iyo ammaan in la burbursho dalkiisa.
  10. Waddanigu ma ogola in dadkiisa la dilo bilaa sabab halka kan kale uu ku farxo haldoor hebel waa la dilay iyo heblaayo.
  11. 11. Wadddanigu waxa uu fishaa kheyr, waa nin ama gabadh isku kalsoon oo leh qiyam iyo mab’da ay dalkeeda ku ilaashato halka kan kale uusan lahayn qiyam iyo ujeedo fog oo ku saabsan mustaqbalka dalkiisa iyo dadkiisa.
  12. Waddanigu waa kan xataa hadduu awoodi waayo in dalkiisa u difaaco ku difaaca af iyo adin ama qallin iyo bug halka kan kale uusan ku jirin himadaas.

Alle ha unaxariisto abwaankeeni ku caan baxay waddaniyadda iyo doorkii uu ka qaatay Halgankii guumaysi la dirirka Cali Xuseen Xirsi oo ku magac dheeraa {Cali Makaadsade} gabay uu tiriyay ayaan ka sooqaadan tix yar oo uu ku baraarujinaayay bulshada in wax lawada qabsado oo wadajir wax lagu hagaajiyo. Wuxuu yiri:-

Hantidaan wadaagniyo haddaan hawsha socodsiino

Oo aad hirgelisaan mabda’a lagu hayaamaayo

In horumar lagu waarayaa hubanti weeyaane.

  1. Waddanigu waa midka dalkiisa ficil iyo fikirba ku taageera, hadday ahaan lahayd suugaan, adin iyo qallinba halka kan kale uusan kala jeclayn waxaas oo dhan.
  2. Waddanigu dib uma milicsado qabiilka iyo qabyaaladda, waxa uu ogyahay waxa ay tahay iyo in aysan faa’ido lahayn. Waxaana mar walba qalbigiisa ku soodhacaya islaweyni, qab iyo quursi, qashin, qabyaalad, qaracan, qeylo, qamuunyo, gaajo, haraad, hoy la’aan, hu’laan, silac iyo diif, barakac iyo tuugsi iwm.
  3. Muwaadin kasta waddani ma ahan, waddanigu sifo gooniya ayuu leeyahay kuwa kor ku xusan iyo kuwa kale oo badan.

Kuma soo kooobi karo macnaha waddaniyad iyo addeegsigeeda, waxaan intaas kor ku soo koobay bal in fahan guud laga fahmo macnaha waddaniyad iyo qiimaha ay leedahay. Ma ahan wax la dhayal sankaro waddaniyadda waana waajib qof kasta oo muwaadin ah in uu la yimaado waddaniyadda.

Haddaan Soomaali nahay waxa dadyowga kale ee dunida ku nool naga reebay waa qabyaalad iyo waddaniyad la’aan. Ilmaha kolka uu adduunka ku soobiiro waxa lagu ababiyaa qabiil iyo qabyaalad, iskuulka haddii uu tagana waxaa naloo dhigaa quruumo kale, nalama baro qiyamka iyo mabda’a iyo shuruucda dalka. Burburkii iyo kolkii aan dawladdeeni iska ridnay waxaa waddanka ka dhacay boob iyo burbur joogta ah iyo wax aanan dib ugu noqonayn haddeertaan.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa {Wixii kugu dhici lahaa kun sanay kaa weeyihiin}, waa wax noo qornaa in aan rafaad iyo silicaas marno. Haddaba wax kasta oo dhacay waa in aan ka barano cashar, waa in aan dib isugu noqono oo dhahno maxaa inaga qaldan? Maxaan ubaahanahay in aan samayno si aan uga hortagno in ay dhib dambe dhacdo?

Su’aalahaas dhammaan waa in uu ka jawaabo akhriste kasta oo arka, waayo waa kuu muhiim in aad iswaydiiso.

Dadku waa labo qeybood:-

  1. Talo keen: Waa in aad noqoto mid talo keena oo bulshadiisa wax ku sookor dhiya, hadday sax tahayna waa laqaadan, haddii laga maarmi karona dib baa loo dhigan.
  2. Talo raac: Haddii aadanba wax talo iyo tusaale ahba aadan ku soo kordhinayn dadkaaga iyo dalkaaga waa in aad noqoto mid taladii wanaagsan oo loo soojeedsho raaca sababtoo ah Fiqi tolkii kama janno tago, dadkaaga waxay kuula yimaadeen haddayba sax tahay waa in aad qaadato oo aadan noqon khilaaf ujooge iyo talo makeene.

Hanoqon mid naftiisa waxay ugu sheekayso oo khaldan in aad raacdo waayo naftu kulama rabto in aad wanaag samayso, lugooyada ayay kula rabtaa iyo dibin daabyada. Haddii aad raacdona waxaa kuu danbayn doona welwel iyo walbahaar joogta ah iyo ka qoomamayn.

Waa tii uu lahaa Alle ha unaxariistee Abwaankii caanka ahaa Cismaan Yuusuf Cali Keenadiid mar uu lahaa:-

Naftuna caasi weeyiyo sidii cado shisheeyaahe

Intay caaq sidiis kaa dhigtay kugu cayaartaaye

Markii taladu kula caaridaa la caqli yeeshaaye.

Haddaba qof kasta oo Soomaaliyeed waa in uu noqdaa muwaadin uhalgama dhulkiisa iyo dadkiisa waxaa ku qorin taariikhda. Ninkii tiin talaaliyo kii timir beera taariikhdu way qorin. Noqo mid dalkiisa wax walba ugu hura, naftiisa ka hormariya, difaacda, ka ilaashada cadowga doonaya in uu dalkiisa burbursho, noqo waddani ee honoqon muwaadin keliya.

__

Buugga: Haddimada Qabyaaladda

W/Q. Drs. Ruun Siciid Faarax

Sookoobay: Maxamuud Axmed Muuse “Tallman”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Buuggaag

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 23aad

Cafisku waa mowduuc aad u balaaran qeexidiisa qoraalkaan oo kali laguma soo koobi karo balse waxaan isku dayaynaa inaan soo koobno.

Published

on

Halkaan ka akhriso qeybtii 21-aad


Cafiska: Waa maxay cafis?

Cafisku waa   wax marka labo qof iyo ka badan isku dhacaan unoqda xal masaalaxo camal in aysan wixii ay kala galeen dib soo ulaaban.

Cafisku waa mowduuc aad u balaaran qeexidiisa intaas laguma soo koobi karo balse intaas ayaan ku soo koobay.

Qaybaha cafiska

Cafiska waxaan uqaybiyay labo qaybood oo kala ah, Cafis afka laga yiri iyo cafis qalibiga laga yiri, haddan qeexo labada qaybood ee cafiska.

Cafis afka laga yiri

Cafiska afka laga yiri: Mahan cafis inta badan noqda mid xal waara lagu gaaro waayo haddi markii labadii qof ama ka siibadan oo danbiga kala galay ay dhahaan waan is cafinay qalbigana aysan udaa dagin badanaa ma noqdo mid dhaqan gala waayo cafiskaasi meeshii ayaaba looga soo tagay oo qofkasta kursiguu markaa fadhiyay buu uga yimid, arintan waxaan usababeeyay waa iyada oo aan si fiican looga fiirsan waayo intii cafiska ku dhawaaqday oo meesha wada joogtay ayaad waxaad arkaysaa iyaga oo isku haysta shalay waxa ay iska cafiyeen maxaa yeelay cafiskani wuxuu ahaa mid afka ah, mana noqdo mid sii jira oo dhaqan gala.

Tusaale: Umadda halka af, diin iyo dhaqan leh markaan eego cafiska ay is cafiyaan inta badan waa mid afka ah waayo haduusan afka ahayn wuu dhaqan gali lahaa waxaa laga arki lahaa in ay ka gudbeen waxa ay iska cafiyeen madhihi karo markaas ay meesha fadhiyeen cafiskoodu been–been ayuu ahaa balse waxaan dhihi karaa waxaa ka awood batay cafiskii mawjadaha dillaaga dahsoon cafiskoodiina ka dhigay mid afka ah oo markii laga boxo meesha  xal unoqon waaya, waxan kaloo garan waayay waxa aysan ba garanayn cafisku in uu yahay caafimaad, haddii ay garan lahayeen in uu caafimad yahay afka kama ahaadeen ee wuxuu unoqon lahaa waxa koowaad oo ay ahmiyada siiyaan.

Cafiska qalbiga: Cafiskani wuxuu kaga duwanyahay cafiska afka waa mid qalbiga la iska cafinaayo waayo qalbiga wixii gala marna kama baxaan oo si kal iyo laaba ayuu u dhaqan gala, waana cafiska guulaysta oo dhaqan gala xalna unoqda danbigii iyo wixi ay kala galeen dadkaasi, cafiskani wuxuu kaloo ku fiicanyahy marka aan fiirinayno qalbiga qofkasta isaga ayaa haggaajin kara qalbigiisa gaar ahaaneed, haduu qofku leeyahy iimaan buuxa beddeli kara wacdiga iyo waanada lagu dul akhrinaayo.

Cafiska qalbigu wuxuu caafimaadiyaa dhammaan qalbiga, caloosha, maskaxda iyo dhammaan xubnaha qofka marka sidaa leeyahy qofku marka uu xanaaqo oo ay qof kale is qabtaan dhammaan xubnihiisa way wada kacaan oo xitaa neera foosi noqdaan xalaadda iyada ah inta aad ku guda jirtid qofku waxaa laga yaabaa in uu waxyaalo badan ka halaabo, marka haddii aad intaad shaydaan iska naarto, labo ragco suna ah tukato aad iska cafiso daawo ayuu kuu noqonayaa qalbigaagana wuu kuu nadifoobayaa. Cafiska qalbigu waxan dhihi karaa waa xal-waara loogana gaari karaa danbiyadda aan kala galnay haddaa nahay umadda Soomaaliyeed waa haddii qof kastoo naga mida uu dareen sanyahay faa’idada uu nafsada u leeyahay cafisku gaar ahaan qalbiga waayo waxaan niri qalbiga wixii gala lagama soo saari karo waa qalbiga dahsoon.

Maxaan isku cafin la’nahay oo waliba qalbiga iskaga cafin la’nahay? Maxaa keena wax ma yaqaanka meel uga soo wada jeedsan la’nahay?

Hadaan isku dayo jawaabta su’aasha hore waxaan isku cafin la’nahay cafiskeenii wuxuu noqday mid afka keliya laga dhaho oo aan qalibga laga dhihin ficiilkiina la jirin, cafiska noocaan ah ma noqon karo mid daawo ah ama xal keeni kara.

Anaga taas wan dhayal sanay oo waxba ka soo qaadi waynay waxana ujeedna waxyaalo haddii lagu heshiiyo ay fududahay in horay loogsa sii socdo, waxaan u baahanahay cafis qalbiga ah.

Goorma ayaa cafis loo baahdaa? Goormase la isdhihi karaa wuu dhaqan galay?

Cafiska waxaa loo baahdaa sidaan kor ku soo sheegnay markii hal qof, labo iyo ka badan oo dad ay is qabtaan, is qabashadaas hanoqoto gacan ka hadal ama af ka hadal ama ha noqoto in uurka wax la iskugu hayo.

Dadku isku mid ma ahan isku sina wax uma arkaan oo dabeecadahooda way kala duwan yihiin qofba si buu wax u arkaa, waxaa jira dad inta badan wax ka fiiriya dhan ka qaloocan oo aysanba waxa wanaagsan u muuqan macnaha dadka noo caas ah waxaba lama fahansiin karo, waxayna jecel yihiin in ay tooda socoto, markasta isaga ayaa isla saxan maxaayeelay tusaale ahaan dadka noocaas ah haddii ay wax idin kala gaaraan waxaad ku khas bantahay in aad tanaasushid oo aad iskaga tagtid cafisid.

Dilaaga dahsoon waxaan u arkay in uu yahay mid kala dilay qalbiyo is jeclaa, kala dilay dadwada dhashy, kala fogeeyay xigto iyo qaraabo wiil iyo abtigiis, gabar iyo habaryarteed, wiil iyo adeerkii, gabar iyo eedadeed waa wax aan caadi ahayn markii qaraabadii ay dulmi aan Alle ogolayn isku gaysanayaan misna aan inteenii kale inyar mooyaane ay uriyaaqayaan.

Cafisku waa daawo akhiro iyo adduunba wax buu ku tarayaa caafimad ayaad ka helaysaa, adduunka intaad joogtid, aakhirona waxaad ka helaysaa raali ahaanshiyaha Alle waayo haddii aad cafidid qof gaf aad kala gasheen oo qalbiga aad ka cafisid ajar ayaad helaysaa iyo danbi dhaafna wuu kuu noqon.

Cafisku waa mawduuc haddii uu dhaqan galo noo noqonaya horseed, wuxuu kaloo noo noqonayaa waxa keliya na anfacaya aakhiradeena iyo adduunkeena waayo waxaan noqonay ummad af-ka iyo uurkaba iska jarjarta. Haddii qofkasta oo naga mida uu habeenkii iska cafiyo qofkasta oo ay maalintaas wax kala galeen waxaan aamin sanahay in uu yahay qof nadiifiyay qalbigiisa nafsad ahaana u caafimad qaba Illaahay xagiisana ka nabada. Cafisku haddii lafahmo waa mawduuc noo horseedaya heshiis, wadajir, horay usocod, dhexdeena oo is jeclaano, isu soo dhawaansho dhinac walba ah.

__

Buugga: Haddimada Qabyaaladda

W/Q. Drs. Ruun Siciid Faarax

Sookoobay: Maxamuud Axmed Muuse “Tallman”

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Afrika15 hours ago

Dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan ayaa gaysta xad-gudubyo ay ka mid yihiin duqaymo ay ku hayaan dad rayid ah – Warbixinta Qaramada Midoobay

Siyaasadda Soomaaliweyn2 days ago

Shir Logu hadlaayay horumarinta Arrimaha Garsoorka: Waa sidee Xaalka Caddaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 days ago

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya

Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 days ago

Heshiis dastuurka Soomaaliya quseeya oo ay wada galeen Qadar iyo Soomaaliya

Geeska Afrika4 days ago

Damaca weyn ee Itoobiya ayaa khalkhal gelin doona Geeska Afrika – Ficil gurracan oo fashilmay

Afrika5 days ago

Maxay tahay sababta Masar iyo Turkiga ay u soo afjarayaan xiisadda tobanka sano socotay?

Afrika6 days ago

Rabshadaha dhimashada dhaliyey ee Senegal oo ka dhashay dib u dhigista doorashada: Akhriso qodobada aad u baahan tahay inaad wax ka ogaato

Wararka7 days ago

Qaramada Midoobay ayaa uga digtay Britain in muhaajiriinta loo tarxiilo Ruwaanda

Wararka1 week ago

Muxuu salka ku hayaa heshiiska amni ee ay ansixiyeen Golaha wasiirada Soomaaliya?

Afrika1 week ago

Dalka Zimbabwe ayaa ku hanjabay inuu mamnuuci doono deeqaha waxbarasho ee khaniisiinta loogu talagalay

Siyaasadda Arrimaha Dibadda1 week ago

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya

Afrika2 weeks ago

Shirkii midowga Afrika maxaa kasoo baxay? – Afgembi, rabshado iyo qalalaase khatar ku ah Afrika

Wararka2 weeks ago

83 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, tirada dhimashaduna waxay kor u dhaaftay 28,858

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Madaxa Xisbullah Xassan Nasrallah ayaa u ballan qaaday in Israa’iil ‘ay caqabad kala kulmi doonto ‘dilka dadka rayidka ah’

Bariga dhexe2 weeks ago

Weerarkii Israa’iil ee koonfurta Lubnaan ayaa lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsan ururka Xisbullah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Tegida Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ee Addis Ababa waa qalad diblomaasiyaddeed

Wararka2 weeks ago

Kaliya Mareykanka ayaa qasab ku keeni kara nabadda Bariga Dhexe waana inuu cadaadiyaa Israa’iil, ayuu yirri Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan

Wararka2 weeks ago

“Haddii aad nabad rabto, u diyaargarow dagaal,” – RW Kyriakos Mitsotakis

Wararka2 weeks ago

Sarkaal Kenyan ah oo meydkiisa laga helay hotel ku yaallo Washington

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Maxaa dan ah ayaa ugu jira Soomaaliya heshiiska is-afgaradka milatari ay kala saxiixatay Mareykanka?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud (4.5) oo tagaya Itoobiya – Ujeedka waa maxay?

Aasiya2 weeks ago

Muslimiinta Hindiya ayaa ka cabsi qaba mustaqbalka xukunka RW Narendra Modi ee Hinduuga ah

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Dagaalka Qaza: Maxkamad ku taallo Nederland ayaa dowladda ku amartay in ay joojiso diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee ay gaynayso Israa’iil

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Muxuu ku saabsan yahay heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkey?

Afrika3 weeks ago

Colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo laga soo bilaabo 1996

Wararka3 weeks ago

Weerarada fallaagada ayaa kumannaan kun ku qasbay inay ka qaxaan Koongo

Afrika3 weeks ago

Basaasiinta Israa’iil ayaa u hanjabaya qoyskayga – Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Koonfur Afrika

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda PDF

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 26aad

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

Qowmiyada Oromada oo xalay lagu laayay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Maraykanka ayaa ka digaya aargoosi dheeraad ah haddii maleeshiyaadka ay Iran taageerto ay sii wadaan weeraradooda

Wararka3 weeks ago

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen saldhigga booliska Pakistan

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 25aad

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda4 weeks ago

Xasuuqii Ruwaanda ka dhacay, 1994

Wararka4 weeks ago

Saddex qof ayaa ku dhaawacmay weerar mindi oo ka dhacay magaalada Paris

Buuggaag4 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 24aad

Afrika4 weeks ago

Ruwaanda oo heshay xabaalo wadareedyo badan 30 sano kadib xasuuqii Tutsiga, 1994

Geeska Afrika4 weeks ago

Ilhaan Cumar ayaa lagu eedeeyay inay jabisay dhaartii loo dhaariyay maadaama ay sheegtay inay illaalin doonto danaha Soomaaliya

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Ruushka iyo Gambia ayaa yeeshay wadahadallo dhanka ammaanka ah

Buuggaag4 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 23aad

Xul