Connect with us

Siyaasadda Soomaaliweyn

Qeybtii 1aad: Furaha xalkaa Soomaaliya

Si loo xaliyo dhibaatadan waxay u baahan tahay in marka hore la helo halbeeg wax lagu cabiro si loo ogaado halka ay gaarsiisan tahay dhibaatooyinka, siddaa darteed waxaa suuro gal inaan helno xal.

Published

on


Ugu horeyn marka laga hadlaayo furaha xalka Soomaaliya waxa kugu soo dhaca fikiro aad u badan balse dhibaatada jirto ayaa ah in qofka Soomaaliga uu eeda dusha kaga jeedinaayo hadba qofka kale, marka laga tago eedeynta bulshada dhexdeeda waxaa jiro xeyndaab ama siriq loo dhigay dadka Soomaaliyeed si ay ugu dhacaaan loogana faa’ideysto.

Haddaba qof ma garan karo habka iyo sidda ay ugu xiran yahay siriqda, balse waxaa jira  in qofka uusan iskaba furi karin siriqda ama silsilada asaga oo heysta furahii uu ku furi lahaa Tusaale ahaan: haddii aad maanta qof Soomaali ah aad wareysato wuxuu kuu sheegayaa in burburka Soomaaliya ay ka danbeyso qabiil ama reer gooni ah, laakiin tani waa indho sircaad lagu indho sircaadaayo bulshada Soomaaliyeed si loogu faa’iido aayahooda.

Sidda aan qabo kala fikir duwanaanshaha dadka ma keeni karaan in ay bulshooyinka is fahmi waayaan balse waxaa jirto god dheer oo loo qoday Soomaalida loona diyaariyay siddii ay ugu dhici lahaayeen.

Taxanaha sheekadan waxaan kusoo qaadan doonaa furaha xalka Soomaaliya annaga oo kasoo diyaarin doono barnaamijyo dhaxal gal ah, haddaba qeybtaan waxaan kusoo qaadan doonaa dhowr waxyaabood oo ugu yaraan lagu xalin karo xasaradaha iyo dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

Si loo xaliyo dhibaatada ina haysato waxay u baahan tahay in marka hore la helo halbeeg wax lagu cabbiro si loo ogaado halka ay gaarsiisan tahay dhibaatooyinka, siddaa darteed waxaa suuro gal inaan helno xal.

Yaa keenay dhibbaatadan?

Marka laga reebo afkaartii qaldaneyd ee laga dhaadhicay bulshada Soomaaliyeed waxaa kaloo jiray dhowr waddan oo ayagana dadaal ugu jiray siddii loo burburin lahaa Soomaalida ayaa waxaa marka horre loo gacan geliyey hub. Hubkaas oo isuga jira kuwa laga dhacay dowlada iyo kuwa loo adeegsaday keened Sharci daro ah, taas oo lagu soo qarinaayo alaabaha gargaarka ay helaan bulshooyinka tabaaleysan.

Tani waa mida ugu xun ee la arko waxayna sababteeda ugu weyni ay keentay in dowlada ay ka hub iyo awood badan yihiin shaqsiyaad ku nool magaalaa dhexdeeda kuwaas oo xitaa laga yaabo inay ka hanti badan yihiin dowlada iminkan talineyso.

Dhammaan dhibaatooyinka dhacaayo waa wax ay sabab u yihiin dadkii isku sheegay in madax yihiin  misna shirar kala duwan ku ku qabteen Qaarada Afrika iyo meelo kale. Laga soo bilaabo 1993-dii Soomaaliya waxay gashay xaalad lagu magacaabo dagaal sokeeye kaas oo ay kiciyeen qaarka ka mid ah calooshood u shaqeystayaal loo soo diray siddii ay ku keeni lahaayeen System-ka sirta shirkada Shidaalka ee Shell, laakiin nasiib xumo sysytemkii ma helin qoladii saxda ahayd ee loo soo diray waxaan gacanta ku dhigay koox kale oo uu hoggaaminaayo Generaal Caydiid oo ka mid ahaa calooshood u shaqeysataashii uu soo tababaray midowga Soofiyeet.

Intaa ka dib nasiibdaro waa la xaday System-ka waxaana lagu fikiray in lagu soo qaado halkii uu yaalo balse waxaa dhacday arin lagu tilmaamo quraafaad waxaana la sheega in System-ka loo diray  soodejiintiisa si uu usoo qaado balse mid ka mid ah dadkii illaalin jiray System-ka ayaa mid joogteeya weysada siddaa darteed jinka awood uma laha inuu u dawaado halka uu yaalo.

Marka laga soo tago sheekadan gaaban waxaan rabaa inaan ku weydiiyo Generaal caydiid ma qabiil ayuu u dagaalamaayay mise dano gaar ah oo loosoo diray? Tani waxay u muuqataa in burburka Soomaaliya laga abaabulay gudaha Soomaaliya waxaana loogu tala galay in dad badan ku gubtaan dabka ka kacaayo Soomaaliya.

Siddee ayaa loo xalin karaa dhibaatadan?

Aad ayay u fududahay marka laga hadlaayo xalka Soomaaliya balse halkaan waxaan kugula wadaagi doonaa labba arrimod oo muhiim u ah xalka Soomaaliya.

  1. In la hello aqoon ku filan dadka si ay u gartaan cudurka heysta iyo sidda lagu daaweyn karo, waxaan ula jeedaa dowladu waa in ay la timaadaa qorshoyaal fududeyn karo siddi ay dadka ku heli lahaayeen waxbarasho tayo leh si loogu baxo jahliga.

In laga tago jahliga waxay qofka dhaxal siineysaa in uu fahmo halka uu rabo inuu aado, siddo kale waa in ay joojisaa la dagaalanka kooxaha ayna ku bedesho la dagaalanka jahliga iyo faqriga si loo helo jiil aqoon u leh dadkooda iyo dalkooda.

  1. In la dhiso cudud Milatari si loo adkeeyo guud ahaan ammaanka dalka, inkastoo ay jiraan ciidamo si qaas loo tababaray haddana ma aminsani in xasalin karaan Soomaaliya waayo askar laga dhaadhiciyay in ay yihiin ciidamo gaar ah misna mushaar ka qaataa dal shasheeyey waxay dani ugu jirtaa inuu qaato amarka dadka ka sareeyo siddaa darteedna uu halkaa ku ilaabo dadnimadii uu lahaa askariga.

In dib loo furo xarumaha tababarka si askarta loogu tabbabaro dhulkooda loona fahamsiiyo masuuliyada ka saaran dalkiisa iyo dadkiisa.

Taxanaha barnaamijka xalka furaha Soomaaliya waa mid u baahan in loogu hadlo si qoto dheer balse aqoonta lagu qoray cilmigan oo ah mid kooban daraadii waxaan suurta galin doonaa in soo qaadano sidii shaxda loogu dagay Soomaaliya iyo qorshaha saxda ee laga damacsanaa.

Barnaamijka maanta waxaan kusoo qaadan doonaa siddee ayaa qayaanada loogu maleegay Soomaaliya, maxayna ahayd natiijada laga lahaa shirqoolka nuuucaan? Haddaba Su’aalahan iyo kuwa kale jawaabahooda waxaan kugu soo gudbin doonaa  inta uu socda barnaamijka. Fadlan haddii aad ka heshay maqaladeena si aan usoo badani qeybta fariinta inoogu ree araktidaada  mahadsanidiin.

Marka laga yimaad gumeystihii ku soo duulay dhulka Soomaaliya waxaa aad u sare kacay kacdoonada ay sameeyeen ururo dowlado shisheeye kuwaas oo laga dhaadhicayay in ay yihiin kuwa raadinaayo gobanimo doon balse arinka ayaa ku duwanaa siddaa. Tani waxay u muuqatay shirqool loo maleegay dadka Soomaaliyeed u jeedada laga lahaa sameynta ururadan ayaa ah in marka hore la barto hab dhaqanka Soomaalida sidaa darteedna ay fududahay in la qeybiyo u madaas.

Markii mudoo laga joogay dib u xureynta Soomaalida waxaa kaloo jiray miro ay beerteen gumeystaha kaas oo inta badan ay guranayaaan maanta, sidda ku qoran sharciyada gumeysiga kuma jirin in la faafiyo mabda’ ama diin balse Tanlyaaniga oo ka mid ahaa gumeysatayaasha ayaa keenay fikrad ah in sameeyo baadariyo iyo kaniisado loogu qudbeeyo dadka maadaama ay yihiin kuwa faqri iyo jaahilnimo isku darsaday.

Halkaa waxaa ka bilowday arimihii uu rabay talyaaniga wuxuuna magacabay baadariyo si ay u faafiyaad mabda’a Kiristaanatiga balse waqti dheer ka dib waa la dilay. Dilka baadarigaan iyo sabaha keentay in la dilo waxaan kusoo gudbin doonaa maqaalkeena xigga.

Si aan u helno furaha xalka Soomaaliya waxaa marka hore muhiim ah in aan fahamno halbeega cudurka ina heysta si aan u helno daawada ku haboon ee aan qaadan karno. Haddaba waxaa jiro dhowr qodob oo sabab u noqday in la kala qeybiyo bulshada Soomaaliyeed.

1.Kala fikir duwanaanshaha dadka waxay keenaan colaad, faqri iyo dagaalo sokeeye tanina waxay hore u dhac u tahay Soomaalida madaxa adag ee rabta midba midka kale in uu ku amar taakleeyo.

Sidoo kale Soomaalida ma awoodo in ay iska furto xariga ku xeran waayo faqriga iyo kala arakti duwanaanshaha  ayaa horseeday in qoloba ay meel xerato laakiin tani waxay xeendaab saareysaaa dowladnimada Soomaaliya ayadoo ay adag tahay in la helo dowlad hoose oo sal adag leh.

Marka laga yimaado faqriga, kala arakti duwnaanshaha iyo jahliga waxaa raaco saameyn ka dhalatay bulshada dhexdeeda tanina waxay mar kale sii kala fogayneysaa dadka kuwaas oo inta badan kala qaadaayo shaki iyo in ay dhacdo kalsooni daro dhexdooda.

2.Marka laga yimaado jahliga, faqriga iyo kala danbeyn la’aanta waxay bulshada u horseedaa in soo baxaan kooxo burcad ah kuwaas oo ay adeegsan karaan dad gaar misna ay fududahay in la marin habaabiyo.

Dhibaatada ugu weyn ee heysata Soomaaliya ayaa kheyb ka kooxaha ku kor dagaalamo shacabka waayo waxaa adkaaneyso in qofka shacabka uu san muhiimad gaar ah siinin nabada iyo amniga iskabadaa inuu dad hoggaamiyo.

Siddoo kale Soomaaliya oo aan laga sameyn ugu yaraan machad daraasaad kaas oo aruuriyo fikirka (Tusaale ahaan: waxaa laga yaabaa amaba dhici karto haddii aad qof tiraahdo side ayuu kula yahay furaha xalka Soomaaliya? waxay u badan tahay in uu ku siiyo jawaab meel dhaxaad ah balse ma noqon karto mid boqolkiiba boqol noqon karta xal lagu kalsoonaan karo). Sababta aan arinkan u leeyahay ayaa ah in dadka markii horeba loo dhigay dabin siddoo kalena ay adag tahay in midba midkiisa kale uu san ka furi Karin.

Sidee ayay waxaan oo dhan u dhaceen?

Marka hore markii loo baahdo in barburiyo wadanka siyaasadiisa waxaa loo xil saaraa jabhado ku leh kacinta casaradaha bulshada si ay usoo jiitaan indhaha caalamka. Intaa ka dib waxaa bilaabanaayo guluf colaadeed oo ka dhan dhalka oo dhan siddaa darteedna waxaa meesha ka banaanaan karto fursad kale oo gacan shihseeye ah.

Siddoo kale dowlada ayaa laga yaabaa in ay  noqoto labba garab  taas oo inta badan keento kala fikir duwanaansho dhexdooda, tani waxay ummada u horseedaa jahli, faqri, amni xummo iyo musuq baahsan oo hareeya dalka. Balse haddii ay  laga dheeraado fikir duwanaanshaha waxaa aad usii badan doono isdhexgal-ka bulshada ayadoo laga fagaanaayo in la adeegsado jinsiyad iyo waxyaabo kale.

Haddaba in Soomaaliya ay nabad ka dhacdo waa aan la xaqiijin Karin amase saadaalin wanaagsan laga bixin Karin waayo dadka oo aan inta badan fahamsaneyn nidaamka dowladnimo iyo dagaalka ka dhanka ah  kooxda Al-shabaab oo aaminsan fikir kale oo gaar ah, suurta galna ma ahan in labadda dhinacna ay fariistaan si loo mideeyo fikrada kala duwan ay qabaan.

Siddoo kale intaa marka laga yimaado kala duwanaanshaha dhinacyada marna suurta gal ma ahan in kooxda Al-shabaab laga adkaado ayaga oo aminsan fikirka ay iminkan ku taagan yihiin. Halkaa waxaa inoogu eg qeybtiii 1aad ee furaha xalka Soomaaliya, haddii aad ka heshay maqaalada nuucaan ah fadlan fikirkaaga inoogu reeb qeybta hoose mahadsanadiin.

Facebook Comments Box

Maxamed Mukhtaar waa wariye wax ka qora siyaasadda Soomaaliya, falanqeynta siyaasadda Villa Somalia iyo caalamka intiisa kale. Sidoo kale wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada, horumarinta nolosha, iyo amniga. Wuxuu shahaadada koowaad ee jamaacadeed ku qaatay cilmiga kombuutarka.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Siyaasadda Soomaaliweyn

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo Muqdisho soo gaaray

James Swan ayaa si ku meel gaar ah xilkan u sii haynaya, ka dib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Published

on


James Swan oo ah ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa Axadda maanta ah soo gaarey magaalada Muqdisho, sidaga lugu sheegay bayaan kasoo baxay UNSOM.

“Mudane James Swan wuxuu diirradda saari doonaa in uu Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ka taageero in ay horumariyaan arrimaha mudnaanta hortabinta leh ee nabadda, amniga, horumarinta iyo qaran-dhisidda.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka xafiiska UNSOM oo intaas raaciyay “ka hor inta uusan soo gaarin magaalada Muqdisho wuxuu kulamo ballaaran la soo qaatay madaxda Xarunta-dhexe ee Qaramada Midoobay.

Waa markii labaad ee uu James Swan shaqo u yimaado Soomaaliya, isaga oo horey u soo ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan iyo Madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022, ka dib markii uu muddo dheer ka soo shaqeeyay adeegga diblomaasiyadda ee dalka Mareykanka.

14-kii bishan Maay, ayaa Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ku dhawaaqay magacaabista james Swan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa talaadaddii u magcaabay James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka inuu noqdo sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo sidoo kalena hoggaamin doonaa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM.

James Swan ayaa si ku meel gaar ah xilkan u sii haynaya, ka dib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Sanadkii 2023, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku dhawaaqay in Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM). Waxay horey u beddeshay James Swan oo hadda markale lagu soo celiyey Soomaaliya.

Catriona Laing waxa ay xilalka noocaan oo kale kusoo jirtay in ka badan 35 sano waxayna ka dhaxashay khibrad dhinaca diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, oo ay ku jirto in ay siyaasadda dawladda Ingiriiska ka soo qabatay waaxyo kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah. Dhawaanahan, laga soo bilaabo Noofambar 2018 ilaa Abriil 2023, waxay u soo noqotay Wakiilka Sare ee dowladda Ingiriiska u fadhiya Nayjeeriya. Intaa ka hor, waxay ahayd Safiirka Ingiriiska ee Zimbabwe 2014 ilaa 2018.

Catriona Laing waxa ay xilalka noocaan oo kale kusoo jirtay in ka badan 35 sano waxayna ka dhaxashay khibrad dhinaca diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, oo ay ku jirto in ay siyaasadda dawladda Ingiriiska ka soo qabatay waaxyo kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah. Dhawaanahan, laga soo bilaabo Noofambar 2018 ilaa Abriil 2023, waxay u soo noqotay Wakiilka Sare ee dowladda Ingiriiska u fadhiya Nayjeeriya. Intaa ka hor, waxay ahayd Safiirka Ingiriiska ee Zimbabwe 2014 ilaa 2018.

Marka laga soo tago doorkeeda diblomaasiyadeed, Catriona Laing waxa ay soo qabatay jagooyin kala duwan siyaasadda dawladda iyo horumarinta caalamiga ah, gaar ahaan waxa ay soo noqotay Ku-xigeenka Madaxa Qaybta Istaraatiijiyadda Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska (2000-2004), Agaasimaha Xuquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Caddaaladda (2009-2012). iyo Madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Suudaan (2006-2009). Waxay kaloo madax ka ahayd Xafiiska Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 1993 ilaa 1994kii.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

James Swan oo loo magcaabay sii hayaha Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya iyo xafiiska UNSOM

James Swan ayaa si ku meel gaar ah xilkan u sii haynaya, ka dib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Published

on


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa talaadaddii u magcaabay James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka inuu noqdo sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo sidoo kalena hoggaamin doonaa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM.

James Swan ayaa si ku meel gaar ah xilkan u sii haynaya, ka dib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Sanadkii 2023, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku dhawaaqay in Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM). Waxay horey u beddeshay James Swan oo hadda markale lagu soo celiyey Soomaaliya.

Catriona Laing waxa ay xilalka noocaan oo kale kusoo jirtay in ka badan 35 sano waxayna ka dhaxashay khibrad dhinaca diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, oo ay ku jirto in ay siyaasadda dawladda Ingiriiska ka soo qabatay waaxyo kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah. Dhawaanahan, laga soo bilaabo Noofambar 2018 ilaa Abriil 2023, waxay u soo noqotay Wakiilka Sare ee dowladda Ingiriiska u fadhiya Nayjeeriya. Intaa ka hor, waxay ahayd Safiirka Ingiriiska ee Zimbabwe 2014 ilaa 2018.

Catriona Laing waxa ay xilalka noocaan oo kale kusoo jirtay in ka badan 35 sano waxayna ka dhaxashay khibrad dhinaca diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, oo ay ku jirto in ay siyaasadda dawladda Ingiriiska ka soo qabatay waaxyo kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah. Dhawaanahan, laga soo bilaabo Noofambar 2018 ilaa Abriil 2023, waxay u soo noqotay Wakiilka Sare ee dowladda Ingiriiska u fadhiya Nayjeeriya. Intaa ka hor, waxay ahayd Safiirka Ingiriiska ee Zimbabwe 2014 ilaa 2018.

Catriona Laing waxa ay xilalka noocaan oo kale kusoo jirtay in ka badan 35 sano

Marka laga soo tago doorkeeda diblomaasiyadeed, Catriona Laing waxa ay soo qabatay jagooyin kala duwan siyaasadda dawladda iyo horumarinta caalamiga ah, gaar ahaan waxa ay soo noqotay Ku-xigeenka Madaxa Qaybta Istaraatiijiyadda Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska (2000-2004), Agaasimaha Xuquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Caddaaladda (2009-2012). iyo Madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Suudaan (2006-2009). Waxay kaloo madax ka ahayd Xafiiska Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 1993 ilaa 1994kii.

Catriona Laing waxay shahaadada MSc ee dhaqaalaha ka qaadatay Dugsiga Dhaqaalaha iyo Sayniska Siyaasadda ee London iyo Heerka Labaad Maamulka Ganacsiga oo ay ka qaadatay Jaamacadda Cranfield, labada jaamacaddood waxay ku yaallaan Boqortooyada Ingiriiska.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyey Catriona Liang shaqadii ay ka soo qabatay xafiiska UNSOM iyo weliba Soomaaliya xilligan adag.

James Swan ayaa ah diblomaasi khabiir ah oo aqoon durugsan u leh siyaasadaha Afrika, wuxuuna hore u soo noqday wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, intii u dhexeysay 2019 illaa 2022.

Ka hor, wuxuu sidoo kale u soo noqday Danjiraha Maraykanka u fadhiya Jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo, intii u dhexeysay 2013 illaa 2016, isaga oo sidoo kale soo noqday wakiilka gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhexeysay 2011 illaa 2013.

James Swan ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaradda arrimaha debedda Maraykanka oo ay ku jirto inuu soo noqday ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha debedda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika intii u dhexeysay 2006 illaa 2008.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Heshiisyada dowladda Xassan Sheekh la gashay Turkiga waxaa ku jira sii deynta wiilka madaxweynaha oo dil ka gaystay Turkiga

Dhowaan wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa shil gaari ku dilay nin Turkish ah, taasi waxay dhalisay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu maro cadaaladda, waxaana lagu xukumay labo sano oo xabsi ah iyo lacag magdhow ah.

Published

on


Iskaashiga iyo heshiisyada horumarinta ee Soomaaliya iyo Turkiga waa mid dhinacyo badan leh, waxaana ka mid ah iskaashiga milatari, bulsho, dhaqaale iyo kaabayaal kale. Soomaaliya waxay sidoo kale ka mid tahay dalalka uu Tukrigu maalgashtay siyaasad ahaan, dhaqaale iyo militari ahaan tan iyo sanadkii 2011. Gudaha Soomaaliya waxaad ku arkaysaa ganacsiyo badan uu Turkiga leeyahay sida maqaayadaha, Hotelada iyo ganacsiga dhisida guryaha. Laakiin sheekada heer qaran waa ay iska beddelay, ee waxay isu bedeshay dano gaar ah.

Dhowaan wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa shil gaari ku dilay nin Turkish ah, taasi waxay dhalisay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu maro cadaaladda, waxaana lagu xukumay labo sano oo xabsi ah iyo lacag magdhow ah.

Dilka uu gaystay wiilka madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa waxaa soo hoos galay heshiisyada qaran ee lalla galaayo dowladda Turkiga si loo sii daayo wiilka Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud. Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxay galeen heshiis iskaashi dhanka iweydaarsiga dambiileyaasha, maxaabiista iyo eedeysanayaasha ah, heshiiskaan ayaa saameynaya kiis hadda tagaan.

Sida uu dilka u dhacay

Baaritaan ku saabsan dilkii uu ku lugta lahaa wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo ay wadeen khubarrada dambiga iyo Machadka foreensigga dalka Turkiga ayaa soo saaray warbixin cusub. Warbixinta ayaa lagu sheegay in shilka gaari ee ka dhacay magaalada Istanbul 30-kii bishii Nofeembar ee uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ah wade mooto uu khaladka lahaa Maxamed Xassan Sheekh Maxmuud sida lagu sheegay natiijada baaritaanka Machadka iyo Khuburrada. Natiijada baaritaanka ayaa lagu sheegay in Maxamed Xasan Sheekh oo si xawli ah ku socday uu ku dhacay mootada, isagoo u leexiyay dhanka midig, halka darawalka mootada Göçer uu yareeyay xawaarihiisa oo u leexday dhanka saxda ah.

Warbixinta baaritaanka waxaa kale oo lagu sheegay Maxamed Xassan Sheekh uusan tixgalin xaaladda, oo uusan qaban bareegga, sidaasna uu khaladka ku lahaa. Natiijada ayaa noqotay in wiilka uu dhalay Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa lagu eedeeyay in uu galay shilka dhimashada keenay, kaas oo ka dhacay waddada Aksaray Kennedy ee magaalada Istanbul waxaan ku geeriyooday Yunus Emre Göçer oo 36 jir ah.

Turkiga: Goobtii shilku ka dhacay

Kooxo khabiirro ah oo sameeyanayay baaritaan ayaa warbixinta ay soo saareen la wadaagay warbahinta DHA ee dalka Turkiga. Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in mootada ay si lama filaan ah dhinac midig ugu leexatay isaga oo aan shidin wax calaamad ah, darawalku ma uusan wadan koofiyad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in inkasta oo uu bareegga qabtay, haddana uu ku dhacay mootada, laakiin khabiirradu waxay shaaciyeen in wadaha mootada dhinac u leexaday, balse Maxamed Xassan uu ku dhacy oo gaariga uusan tartiib u wadin, gaarigana uu ahaa gaariga safaaradda Soomaaliya.

Heshiisyada dowladda Soomaaliya la gashay Turkiga waxaa ku jirra dano gaar ah

Markii uu dhaqangalo heshiiskaan waxay Turkigu ku qasbanaa doonaan in wiilka Madaxweynaha ay ku soo wareejiyaan dowladda Soomaaliya, si xabsigiisa inta ka dhiman uu ugu qaato Soomaaliya, in heshiiskaani dhaco waxaa la tuhinsan yahay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo juhdi badan ku bixiyey.

Heshiiska Garsoorka ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga oo ay shalay ansixiyeen golaha wasiirada ayaa ka kooban afar qeybood, waxaana diiradda lagu saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.

Qodobka dareenka iyo muranka badan dhaliyay ayaa ah midka, Dhiibidda eedeysanayaal ama dembiileyaasha, qaar ka mid ah khubarada iyo siyaasiyiinta ayaa ka digay saameynta uu yeelan karo qodobkan ku saabsan isu soo gacan galinta eedeysanayaasha ama dembiileyaasha.

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya Xasan Macalin oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in heshiiskan aysan jirin sabab looga baqo.

“Waddamada waxaa jira heshiisyo ay galaan labada dal oo xiriir laba geesood ah ka dhaxeeyo, heshiisyadaas waxaa la yaraahdaa Extradition, qof baa dambi ka galaya wadanka marka dalka kale ayaa soo dalbanaya marka taas hadda waan kala saxiixanay golaha wasiirada ayaana la marsiiyay, lama dhihi karo heshiiskan waxay dowladdu u adeegsa doontaa arrimo siyaasadeed,” ayuu yiri wasiir Xasan.

Waxaa uu sheegay in heshiiskan isu gudbinta dambiilayaasha iyo eedeysanayaasha uusan siyaasad iyo mucaarad midna quseyn, islamarkana uu yahay mid caalamka oo dhan ka jira.

“Dhiibid eedeysanayaasha ama dembiileyaasha wax mucaarad iyo siyaasad ah ma aha, isu soo gacan galinta waxaa uu leeyahay qaabab sharci ah oo maxkamado ayuu maraa labada wadan-ba marka qofka dambiga halkan ka galay cadeymihiisa ayaa la geynayaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Xasan Macalin.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

“Ma aqbalayno in mar kale aan ku laabano doorashadii teendhada” – RW Xamsa Cabdi Barre

Xamza Cabdi ayaa hadalkaan ka jeediyey shir shalay ka furmay magaalada Muqdisho oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Geeddi socodka hirgelinta Hannaanka dhab-u-heshiin Qaran.”

Published

on

Sawirka Xafiiska RW

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, oo dadweynaha Soomaaliyeed ay ku soo doortaan hoggaankooda.

Xamza Cabdi ayaa hadalkaan ka jeediyey shir shalay ka furmay magaalada Muqdisho oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Geeddi socodka hirgelinta Hannaanka dhab-u-heshiin Qaran.”

“Annaga ma qarineyno, beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada,” ayuu yirri ra’iisul wasaaraaha Soomaaliya.

“Qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray.”

Madaxweynaha Soomaaliya ee iminka Xasan Sheekh Maxamuud (4.5) iyo madaxdii ka horreysay ee dowladda federaalka ayaa dhammaantood lagu doortay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho. Dhammaantooda waxay ku yimadeen 4.5, ayada oo ay u codeeyeen xildhibaanada labada aqal.

Doorasho qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka dhacday, oo marar badan ay madaxda ballan-qaadeen, ayaan laga dhabeyn sababo la xiriira amniga dalka oo aan hagaagsaneyn iyo dhameystirka dastuurka oo aan lagu guuleysan.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa marar badan ku eedeeyey madaxda xilka haysa in hadalka ku saabsan doorasho qof iyo cod ah uu yahay isku day muddo kororsi.

Dib u xasuuso taariikhdaada

Shalay ayaad na fahamsiisay sabata uu Madaxweyne Xasan Sheekh kuugu magacaabay xilka Ra’iisul Wasaarha dalka, waana inaad maamusho doorashada soo socota ee 2026.

Mudane Xamse shalay waxaad soo hoggaamisay doorashadii ku dhisneyd saddex isoo qora, laakiin, Madaxweynaha ayaa qofkuu rabo kala baxaya (Jubbaland 2019). Ma waxaad rabtaa inaad maamusho doorasho ku dhisan saddex Xisbi baa taryamaya, laakiin, Madaxweynaha ayaa xisbiguu rabo kala soo baxaya!, ayuu yirri Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey “Mudane Ra’iisul Wasaare wax kasta oo kale waad ka hadli kartaa, laakiin fadlan haka hadlin hufnaan doorasho, kaliya dib u xusuuso taariikhdaada dhaw.”

Dowladda Xassan Sh. Maxmauud waa mid boholdheer iska tuurtay soo noqoshadeeduna ay adag tahay marka loo fiiriyo xaalka wadanka uu maanta galay waxaana cadeyn kaaga filan warqada xafiiska madaxweynaha kasoo baxday oo uu ku sheegay in maamulada aysan kasoo qeybgelin shir uu ugu baaqay.

Warqada xafiiska Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud kasoo baxday ayaa lagu yirri “Waxaan si gaar ah hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Dowladda Puntland si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalku in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo.”

Qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee dowladda Xassan Sh. Maxamuud ayaa abuurtay xiisad xooggan, xaalka wuxuu marayaa meel xasaasi ah, ayada oo si weyn looga deyrinayo halka ay sal dhigan doonto. Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay bishii Jannaayo ee sannadkii hore inay isku maamulayaan sidii dawlad madaxbannaan ilaa inta lagu wada heshiinayo dastuurka lagana dhammaystirayo, aftina loo qaadayo.

Ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’rke, Mudane Xasan Cali Khayre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si wadajir ah usoo saaray warsaxaafadeed ayaa ka horymid tallaabadii maanta ee baarlamaanka, gaar ahaan wax ka beddelka dastuurka dalka.

Saddexda mas’uul ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, sida ay ku sheegeen qoraalkooda.

“Madaxweynuhu wuxuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, wuxuu qalqal geliyey geedi socodkii dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska, wuxuu dhaawacay is aaminaddii iyo kalsooni dhiskii ummadda, ayay yiraadeen saddexdooduba.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu sameeyay laba dastuur oo dhibaato u horseedayo mustaqbalka dalka, sida ay hadalka u dhigeen.

“Wuxuu dalka u sameeyey laba dastuur oo muran iyo mugdi gelinaysa sharciyadda Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dastuuriga ah” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Cumar Cabdishiid, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaasi kusii daray inay qaadaceen qodobada dastuurka ee la ansixiyay, ayaga oo tilmaamay inay aqoonsan yihiin dastuurka KMG ee dalka. Waxaan si wadajir ah u qaadacnay dastuurka, waxaan aqoonsanahay dastuurka KMG ah ee 15-ka cusub iyo 143 qodob ka kooban” ayaa mar kale lagu yiri war saxaafadeedka.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqay in wixii mas’uuliyada darro ah ee ka dhashay tallaabadan uu qaadayo Xasan Sheekh iyo guddoonka labada Aaqal ee baarlamaanka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqaalaha

Soomaaliya oo markale deyn raadinaysaa iyadoo wakhti dhow deyn laga cafiyey

Amaahda loo yaboohay dawladaha Afrika ee lagu beddelanayo saliidda iyo macdanta ayaa qayb ka qaadanaya heerka deymaha ee qaaradda curyaaminaya, Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Akinwumi Adesina ayaa ka digay arrintaas.

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

In ka badan 12 madaxweyne oo Afrikaan ah iyo in ka badan 20 wasiir arrimo dibadeed ayaa ku kulmay Nayroobi si ay uga qaybgalaan shir-madaxeedka Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (IDA21), ujeeddadiisuna tahay in wax laga qabto caqabadaha horumarka iyo kobcinta barwaaqada loo dhan yahay, iyo dhaqaale waara oo ay Afrikaanka gaaraan.

Dalalkaan waxaa ku jira Soomaaliya oo shirka matalayo madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud, iyadoo wakhti dhow Soomaaliya laga cafiyey deyn haddii ay markaan qaadatana halis horleh ay geli doonto.

Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka IDA waxay diiradda saaraysaa caawinta 75-ka waddan ee ugu saboolsan adduunka, wadamada ugu badan waa Afrika. Madaxweynayaal ka kala socda dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Madagascar, Ugaanda, Sierra Leone, Malaawi, Tanzaniya, Soomaaliya, Burundi, Mauritania, Ivory Coast, Comoros, ayaa ka mid ah ka soo qeyb galayaasha.

Mala socotaa qorshaha deymaha ee Bangiga Adduunka in Afrika fakhri uusan ka saari karrin balse kusii ridi kara fakhri horleh. Waxaa fikirkaas aaminsan dhaqaallo-yahan Akinwumi Adesina ahna Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Afrika. Heshiisyada amaahda ee mugdiga ku jirra ayaa wiiqaya kobaca dhaqaalaha qaaradda Afrika, ayuu yirri Gudd. Bangiga Horumarinta Afrika mudane Akinwumi Adesina.

Amaahda loo yaboohay dawladaha Afrika ee lagu beddelanayo saliidda iyo macdanta ayaa qayb ka qaadanaya heerka deymaha ee qaaradda curyaaminaya, Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Akinwumi Adesina ayaa ka digay arrintaas.

Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina, oo ah dhaqaaleyahan reer Nayjeeriya ah iyo khabiir bangiyada ayaa dhaleeceeyay isticmaalka “asymmetrical” “aan daah-furneyn” deyn aan daah furneen ay qaarada dhibaato badan ku haysa ayuu ku yirri wareysi ay daabacday Semafor Africa Arbacadii.

“Waxaan u maleynayaa in la joogo waqtigii aan lahaan lahayn isla xisaabtanka daah-furnaanta deynta oo aan hubinno in dhammaan waxyaalahan oo dhan ee deyntan kheyraadka dabiiciga ah ay dhab ahaantii dhammaadaan, sababtoo ah waxay adkeyneysaa arrinta deynta iyo arrinta xallinta deynta,” ayuu yirri.

Sida laga soo xigtay Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina, deynta dibadda ee qaaradda ayaa kor u kacday $824 bilyan sanadka 2021, iyadoo waddamada qaar ay u qoondeeyeen 65% GDP-gooda adeegga deynta. Waxay ku qarash gareyn doontaa lacag dhan $74 bilyan oo doolar bixinta sanadkan oo kaliya, taasoo sare u kac weyn ka ahayd $17 bilyan sanadkii 2010, ayuu raaciyay.

In ka badan 12 madaxweyne oo Afrikaan ah iyo in ka badan 20 wasiir arrimo dibadeed ayaa ku kulmay Nayroobi si ay uga qaybgalaan shir-madaxeedka Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (IDA21).

Warbixin uu daabacay 2020 machadka maamulka Kheyraadka Dabiiciga ah (NRGI) oo ku saabsan 52 deyn kheyraad taageertay oo la soo saaray intii u dhaxeysay 2004 iyo 2018 ayaa lagu ogaaday in 30 xarumood, oo wadartoodu ay dhan tahay $66 bilyan, loo qoondeeyay waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

Waxa ay sheegtay in in ka badan 50% dhaqaalaha laga soo amaahday Bankiga Horumarinta Shiinaha iyo Shiinaha Eximbank, iyadoo inta soo hartay ay bixiyeen ganacsatada caalamiga ah ee badeecadaha sida Glencore, Trafigura, iyo Standard Chartered, gaar ahaan Chad, Jamhuuriyadda Koongo. iyo Koonfurta Suudaan.

Madaxweynaha AfDB, oo maareeyay in ka badan $18 bilyan oo hanti ah, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in dabeecadda aan sinnayn ee wada xaajoodka, iyadoo amaah-bixiyeyaashu ay sida caadiga ah gacanta sare ku hayaan oo ay shuruud uga dhigaan waddamada Afrikaanka ah ee lacagta caddaanka ah, ay deymaha ka dhigayaan “mid xun.”

Adesina, si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in daraasadda deymaha ku xiran kheyraadka aysan lahayn “hagaajin” hal waddan oo si gaar ah ugu nugul noocyadan heshiisyada amaahinta.

Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan maalgashiga iyo in mashaariicda la maal-geliyo loo weeciyo dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka Qaaradda ay aas-aas u tahay qorsheyaasha kobcinta nolasha dadkeenna danyarta ah, cirib-tirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga horumarka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

“Soomaaliya marka loo eego dhaawac soo gaaray dhaqaalaheeda iyo Hay’adaheeda dowladeed, maanta waxaa muuqanaysa in ay aad u soo kabatay oo ka soo gudubtay marxaladdii aadka u adkayd, iyadoo cagta saartay dhabbaha xasilloonida dhaqaale, horumar bulsho iyo mid ganacsi. Saas oo ay tahay waxaan sii wadnaa qorsheyaal lagu xaqiijanyo soo kabashadaas dhaqaale iyo dhiirri-gelintiisa”.- ayuu yirri mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boggaadiyay Madaxda Bangiga Adduunka dadaalka ay ku bixinayaan maalgelinta iyo awood-siinta dowladaha nugul, si xal waara loogu helo aafooyinka dib u dhigay nolasha shucuubta dalalkaas.

Soomaaliya oo laga cafiyay $4.5 bilyan oo deyn ah

Guddiyada Fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (IDA) ayaa ansixiyay Waddamada Faqiirka ah ee deymaha badan leh (HIPC) ee Soomaaliya, kaas oo bixiya wadarta kaydinta adeegga deynta ee dalka lagu leeyahay US$4.5 bilyan.

Dayn cafintan ayaa fududeyn doonta helitaanka ilo dhaqaale oo dheeri ah oo muhiim ah, kuwaas oo ka caawin doona Soomaaliya xoojinta dhaqaalaheeda, yareynta saboolnimada, korna u qaadi doona shaqo abuurka, sida lagu yiri bayaan wadajir ah oo kasoo baxay Bankiga Adduunka iyo IMF.

Daynta gudista Soomaaliya ayaa waxaa kala bixiyey IMF ($343.2 milyan), IDA ($448.5 milyan), Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF) (131.0 million), deyn bixiyeyaal kale ($573.1 million), iyo dalal iyo ganacsiyo kale ($3 bilyan). Dayn-bixiyayaasha kale ayaa waxaa ku jira Naadiga Paris (Paris Club) iyo Kooxa Iskaashiga Carabta.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Diblomaasiyadda4 hours ago

Dowladaha Ireland, Norway iyo Spain oo u aqoonsaday Falastiin dowlad madax-bannaan

Siyaasadda Soomaaliweyn2 days ago

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo Muqdisho soo gaaray

Wararka4 days ago

Midnimada Afrika: Waa maxay sababta ay dunida ugu dabaal degto 25-ka Maay?

Diblomaasiyadda5 days ago

Madaxweyne Joe Biden wuxuu Kenya ku sheegay inay tahay saaxiibka ugu weyn ee aan NATO ka tirsaneen

Diblomaasiyadda5 days ago

Madaxweyne Putin iyo boqorka Baxreyn waxay ku heshiiyeen inay sii xoojiyaan iskaashiga labada dal

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska7 days ago

4-taan qoddob ku illaali noloshaada haddii ay dhab kaa tahay horumar inaad gaarto

Diblomaasiyadda7 days ago

Norway ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Falastiin inay tahay dowlad madax-bannaan

Diblomaasiyadda7 days ago

Ireland waxay go’aan taariikhi ah ku aqoonsatay dawlad madax-banaan oo Falastiin ah

Afrika7 days ago

Muwaadiniin Maraykan ah oo ku lug lahaa isku daygii afgambi ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo

Wararka1 week ago

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ayaa laga mamnuucay doorashada ‘masuqmaasuq awgeed’

Wararka1 week ago

Madaxweynaha Iiraan ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay shil diyaaradeed

Bariga dhexe1 week ago

Gantaalka Xuuthiyiinta ayaa ku dhacay Markab Shidaal siday oo Shiinaha leeyahay kasoo marayay Badda Cas

Geeska Afrika2 weeks ago

Itoobiya oo ka carootay hadal uu jeediyey safiirka Mareykanka u fadhiya Itoobiya

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres oo walaac xooggan ka muujiyey hawlgallada ka socda Rafax

Siyaasadda Soomaaliweyn2 weeks ago

James Swan oo loo magcaabay sii hayaha Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya iyo xafiiska UNSOM

Afrika2 weeks ago

Masar oo ku biiraysa dacwad xasuuq ah oo ka dhan ah Israa’iil

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 weeks ago

Sida reer galbeedku u maareeyaan Afrika iyaga oo adeegsanaya warbaahinta dhaqanka gumaysiga ku salaysan

Afrika3 weeks ago

Dawlada Togo oo meesha ka saartay doorashadii madaxtinimo

Wararka3 weeks ago

Madaxweyne Putin oo ka digay dagaal caalami ah xilli uu heegan geliyey ciidamada Nukliyeerka

Wararka3 weeks ago

Dalka Chad oo dooranaya madaxweyne ka dib saddex sano oo xukun milatari ah

Islaam Naceybka3 weeks ago

Hindiya: RW Narendra Modi ayaa Muslimiinta laga tirada badan yahay ku tilmaamay “kuwa ku soo dhuunta” hadalada nacaybka ah

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Maxay Carabtu u taageeri la’dahay Falastiin?

Wararka3 weeks ago

Kenya oo markii ugu horeysay haweeney u magacawday taliyaha ciidamada cirka

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

Heshiisyada dowladda Xassan Sheekh la gashay Turkiga waxaa ku jira sii deynta wiilka madaxweynaha oo dil ka gaystay Turkiga

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Burburka Qaza soo gaaray oo aan la arag tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, ayaa qaadan doonta tobanaan sano in dib loo dhiso – QM ayaa tirri.

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

“Ma aqbalayno in mar kale aan ku laabano doorashadii teendhada” – RW Xamsa Cabdi Barre

Yurub4 weeks ago

Dowladda Ingiriiska ayaa u musaafuriyay Ruwaanda magangalyo doonkii ugu horreeyay: warbaahinta Ingiriiska

Dhaqaalaha4 weeks ago

Soomaaliya oo markale deyn raadinaysaa iyadoo wakhti dhow deyn laga cafiyey

Islaam Naceybka1 month ago

6 Ciyaaro ‘Games’ oo lagu xumeeyay Diinta Islaamka

Dhaqaalaha1 month ago

Amaah-bixiyayaashu waa inay joojiyaan ka faa’iidaysiga khayraadka Afrika ee deynta

Afrika1 month ago

In ka badan 100 maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla dalka Nayjeeriya

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabtay askar uu Mareykanku tababaray oo looga shakiyay inay xadeen raashin

Diblomaasiyadda1 month ago

Shiinaha ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya

Afrika1 month ago

Dawlada Burkina Faso oo shaqada ka joojisay warbaahinada reer galbeedka ee BBC iyo VOA

koonfurta Bari Aasiya1 month ago

Ra’isul Wasaarihii horre Malaysia Mahathir Maxamad oo wajahaya baaritaan musuq-maasuq ah

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska1 month ago

Waan Waayay Dheh: Cuudintii Caadooyinka Xunxun

Diblomaasiyadda1 month ago

Hoggaamiyaha dalka Senegal wuxuu ku baaqay ‘in dib u eegis lagu sameeyo xiriirka Midowga Yurub’

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Hogaamiyayaasha Afrika ayaa ku dadaalaya in qaab cusub loo wajaho la dagaalanka argagixisada

Diblomaasiyadda1 month ago

Saraakiisha Kuuriyada Waqooyi ayaa booqasho naadir ah ku tagay Iiraan

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Markab dagaal oo Turkigu leeyahay oo kusoo xirtay dekadda Muqdisho: Dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca labada dal

Xul