Connect with us

Siyaasadda Soomaaliweyn

Qeybtii 2aad: Furaha xalka Soomaaliya, – Sidee qayaanada loogu maleegay Soomaaliya?

Haddii ay  laga dheeraado fikir duwanaanshaha waxaa aad usii badan doono isdhexgal-ka bulshada ayadoo laga fagaanaayo in la adeegsado jinsiyad iyo waxyaabo kale.

Published

on


Taxanaha barnaamijka xalka furaha Soomaaliya waa mid u baahan in loogu hadlo si qoto dheer balse aqoonta lagu qoray cilmigan oo ah mid kooban daraadii waxaan suurta galin doonaa in aan soo qaadano tusaallooyinka shaxdii loo degay Soomaaliya iyo qorshaha saxda ee laga damacsanaa.

Halkaan ka akhriso qeybtii 1aad

Barnaamijka maanta waxaan kusoo qaadan doonaa siddee ayaa qayaanada loogu maleegay Soomaaliya, maxayna ahayd natiijada laga lahaa shirqoolka nuucaan? Hadda Su’aalahan iyo kuwa kale jawaabahooda waxaan kugu soo gudbin doonaa  inta uu socda barnaamijka. Fadlan haddii aad ka heshay maqaladeena si aan usoo badani qeybta fariinta inoogu reeb aragtidaada.

Marka laga soo tago gumeystihii ku soo duulay dhulka Soomaaliya waxaa aad u sare kacay kacdoono ay sameeyeen ururo ay sameeyeen dowlado shisheeye kuwaas oo laga dhaadhicayay in ay yihiin kuwa raadinaayo gobannimo doon balse arrinka ayaa ka duwanaa siddaa. Tani waxay u muuqatay shirqool loo maleegay dadka Soomaaliyeed ujeedada laga lahaa sameynta ururadan ayaa ah in marka hore la barto hab dhaqanka Soomaalida sidaa darteedna ay fududahay in la qeybiyo ummadaas.

Markii muddo laga joogay dib u xureynta Soomaalida waxaa kaloo jiray miro ay beerteen gumeystaha kaas oo inta badan ay guranayaaan maanta, sidda ku qoran sharciyada gumeysiga kuma jirin in la faafiyo mabda’ ama diin balse Tanlyaaniga oo ka mid ahaa gumeysatayaasha ayaa keenay fikrad ah in sameeyo baadariyo iyo kaniisado loogu qudbeeyo dadka maadaama ay ihiin kuwa faqri iyo jaahilnimo isku darsaday.

Halkaa waxaa ka bilowday arimihii uu rabay talyaaniga wuxuuna magacabay baadariyo si ay u faafiyaad mabda’a Kiristaanatiga balse waqti dheer ka dib waa la dilay. Dilka baadarigaan iyo sabaha keentay in la dilo waxaan kusoo gudbin doonaa maqaalkeena xigga.

Si aan u helno furaha xalka Soomaaliya waxaa marka hore muhiim ah in aan fahamno halbeega cudurka ina heysta si aan u helno daawada ku haboon ee aan qaadan karno. Haddaba waxaa jiro dhowr qodob oo sabab u noqday in la kala qeybiyo bulshada Soomaaliyeed.

  1. Kala fikir duwanaanshaha dadka waxay keenaan colaad, faqri iyo dagaalo sokeeye tanina waxay hore u dhac u tahay Soomaalida madaxa adag ee rabta midba midka kale in uu ku amar taakleeyo.

Sidoo kale Soomaalida ma awoodo in ay iska furto xariga ku xeran waayo faqriga iyo kala arakti duwanaanshaha  ayaa horseeday in qoloba ay meel xerato laakiin tani waxay xeendaab saareysaaa dowladnimada Soomaaliya ayadoo ay adag tahay in la heloo dowlad hoose oo sal adag leh.

Marka laga yimaado faqriga, kala arakti duwnaanshaha iyo jahliga waxaa raaco saameyn ka dhalatay bulshada dhexdeeda tanina waxay mar kale sii kala fogayneysaa dadka kuwaas oo inta badan kala qaadaayo shaki iyo in ay dhacdo kalsooni daro dhexdooda.

  1. Marka laga soo tago dhamaan waxyaaabihii aan sare ku soo xusanay waxaa kaloo jiro in dadka uu dhibaato weyn u geysan karo kaasoo ka badan kuwa ay u geystaan dadka gaarka ah ama adeegsiga koox kale.

Dhibaatada ugu weyn ee heysata Soomaaliya ayaa kheyb ka kooxaha ku kor dagaalamo shacabka waayo waxaa adkaaneyso in qofka shacabka uusan muhiimad gaar ah siinin nabada iyo amniga iskabadaa inuu dad hoggaamiyo.

Siddo kale Soomaaliya oo aan laga sameyn ugu yaraan Machad daraasaad kaas oo aruuriyo fikirka (Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa amaba dhici karto haddii aad qof tiraahdo sidee ayuu kula yahay furaha xalka Soomaaliya? waxay u badan tahay in uu ku siiyo jawaab meel dhaxaad ah balse ma noqon karto mid boqolkiiba boqol xal lagu kalsoonaan karo). Sababta aan arinkan u leeyahay ayaa ah in dadka markii horeba loo dhigay dabin siddo kalena ay adag tahay in midba midkiisa kale uu san ka furi Karin.

Sidee ayay waxaan oo dhan u dhaceen?

Marka hore markii loo baahdo in barburiyo siyaasadiisa waxaa loo xil saaraa jabhado lug ku leh kacinta casaradaha si ay usoo jiitaan indhaha bulshada. Intaa ka dib waxaa bilaabanaayo guluf colaadeed oo ka dhan dhalka oo dhan siddaa darteedna waxaa meesha ka banaanaan karto fursad kale oo gacan shihseeye ah.

Siddoo kale dowlada ayaa laga yaabaa in ay  noqoto labba garab  taas oo inta badan keento kala fikir duwanaansho dhexdooda, tani waxay ummada u horseedaa jahli, faqri, amni xummo iyo musuq baahsan oo hareeya dalka. Balse haddii ay  laga dheeraado fikir duwanaanshaha waxaa aad usii badan doono isdhexgal-ka bulshada ayadoo laga fagaanaayo in la adeegsado jinsiyad iyo waxyaabo kale.

Haddaba in Soomaaliya ay nabad ka dhacdo waa aan la xaqiijin Karin amase saadaalin wanaagsan laga bixin Karin waayo dadka oo aan inta badan fahamsaneyn nidaamka dowladnimo iyo dagaalka ka dhanka ah  kooxda Al-shabaab oo aaminsan fikir kale oo gaar ah, suurta galna ma ahan in labadda dhinacna ay fariistaan si loo mideeyo fikrada kala duwan ay qabaan.

Siddoo kale intaa marka laga yimaado kala duwanaanshaha dhinacyada marna suurta gal ma ahan in kooxda Al-shabaab laga adkaado ayaga oo aminsan fikirka ay iminkan ku taagan yihiin.

Halkaa waxaa Inoogu eg qeybtiii 2aad ee furaha xalka Soomaaliya, haddii aad ka heshay maqaalada nuucaan ah fadlan fikirkaaga inoogu reeb qeybta commentiga mahadsanadiin.

Facebook Comments Box

Maxamed Mukhtaar waa wariye wax ka qora siyaasadda Soomaaliya, falanqeynta siyaasadda Villa Somalia iyo caalamka intiisa kale. Sidoo kale wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada, horumarinta nolosha, iyo amniga. Wuxuu shahaadada koowaad ee jamaacadeed ku qaatay cilmiga kombuutarka.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Siyaasadda Soomaaliweyn

Shir Logu hadlaayay horumarinta Arrimaha Garsoorka: Waa sidee Xaalka Caddaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya?

Shir Logu hadlaayay horumarinta Arrimaha Garsoorka oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo. Waa sidee Xaalka Caddaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya?

Published

on


Shirkan oo maalmihii ugu danbeeyay ka socday magaalada Kismaayo ayaa looga hadlay horumarinta Arrimaha Garsoorka, waxaana kasoo qeyb galay madaxda Dowlad Goboleedyo iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya kaasoo lagu soo saaray war murtiyeed ku aadan Arrimaha Garsoorka.

Intii uu socday shirkan ayaa looga hadlay Arrimaha Garsoorka iyo siddii sare loogu qaadi lahaa Tababarada Machadka Garsoorka Soomaaliya, waxaana kasoo qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamada Sare Baashi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare Jubbalaan Cabdi Shakuur Maxamed Rashiid.

Shirka oo ugu danbeyntii laga soo saaray war murtiyeed ayaa ugu horeyn Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Jubbalaan Cabdishakuur Maxamed Rashiid oo hadal kooban kasoo jeediyay ayaa sheegay muhiimad gaar uu u leeyahay Garsoorka Soomaaliya:’ marka hore waxaan aad ugu faraxsanahay inaan halkaan imaado ayadoo lagaga wada hadlaayay siddii sarre loogu qaadi lahaa, waxaan kaloo u mahadcelinaa raggaa hoggaaminta sarre leh oo halkaan inoogu yimid gurigoodiina ah in wax badan laga horumariyo Garsoorka Soomaaliya wax badana la isku waafaqay, waxaan kaloo halkaan ugu mahad celinaa dhamaan kasoo qeyb galayaasha shirkaan.

Ka dib markii la kormeeray Garsoorka Maxkamada Sarre Jubbalaan ayaa laga soo saaray war murtiyeed, wuxuuna bogaadiyay howsha adag ay hayaan Garsoorka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Jubbalaan oo uu sheegay inay howl adag hayaan wuxuuna yiri “waxaan kaloo aad ugu mahadcelinaa sidda quruxda badan ay u martigaliyeen shirkaan oo si guul ah runtii inoogu soo dhamaaday, waxaan kalloo rabaa inaan boggaadiyo Garsoorka Jubbalaan, marka laga tago shirka waxyaabahii inoo qabsoomay ahaa inaan kormeerno oo u kuur galno xaaladda iyo duruufaha uu ku shakheeyo Garsoorka Jubbalaan runtii waxaa kaloo inoogu muuqatay in dalka intiisa kale ay dhisan yihiin oo howl adagna ka socoto.’

Gabagabada shirka war-saxaafadeed-kii ayaa warbaahinta u aqriyay Xeer Illaaliyaha Guud ee Jubbalaan Maxamed Khaliif.

Waa sidee Xaalka Caddaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya?

Xaaladda Caddaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya waxay maraysaa marxalad adag oo dib usoo kabasho ah balse nidaamka 4.5 awgeed waxaa hoos u dhac xooggan ku yimid in bulshada caddaalad helaan maxaa yeelay waxaan ogsoonahay in caddaalada ay ka dhalato nabadda. Cilmi-baarayaal ka socda Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda (HIPS) ayaa wareysi la yeeshay in ka badan 24 jileyaal muhiim ah oo ka tirsan waaxda caddaaladda ee heer federaal iyo heer gobol sanadkii 2021.

Waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta cadaaladda DFS iyo kuwii hore ee cadaaladda, iyo sidoo kale guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Cilmi-baarayaasha HIPS waxay sidoo kale u safreen caasimadaha dhammaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka waxayna wareysiyo xog-wareysi ah la yeesheen wasiirrada caddaaladda ee gobolka, garsoorayaal sare iyo khubaro. Waxa kale oo ay waraysi la yeesheen khubaro dhanka dastuurka iyo sharciga ah. Iyadoo la raacayo hab tayo leh oo cilmi-baaristan ah si loo helo faham qoto dheer oo ku saabsan kakanaanta nidaamka caddaaladda ee hadda jira iyo kuwa hore, iyo in la hagaajiyo talooyinka siyaasadda ee warbixinta.

Daraasada ayaa lagu ogaaday in Federaalaynta nidaamka cadaaladdu ay tahay mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu daran ee soo wajaha dalka, taasoo la xiriirta qaabka uu hadda ku sugan yahay ilaa dowladdii dhexe ee AUN Maxamed Siyaad Barre. Inta badan sharciga iyo jaahwareerka ayaa xukuma, sida gobolada iyo xaaladaha qaarkood degmooyinka – waxay adeegsadaan qaabkooda cadaalada oo u turjumaan xeerarka ciqaabta sida ay u arkaan inay ku habboon yihiin.

Daraasaddu waxay tirri; Musuqmaasuqu sidoo kale waa dhibaato joogto ah oo heer kasta ah. Muwaadiniinta ayaa lagu qasbay inay lacag bixiyaan si ay u helaan cadaaladda aasaasiga ah iyo sidoo kale inay racfaan u qaataan maxkamadaha sare. Muwaadiniin badan ayaa taa beddelkeeda kiisaskooda u gudbiya maxkamadaha al-Shabaab waxa ay u arkaan cadaalad, si degdeg ah ayayna ku helaan caddaaladooda. Go’aamada ay gaaraan maxkamadaha sharciga ah ayaa si joogta ah layskaga indhatiraa maadaama aysan lahayn awood ay ku meelmariyaan xukunadooda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Heshiis dastuurka Soomaaliya quseeya oo ay wada galeen Qadar iyo Soomaaliya

Qadar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida u dhow u taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.

Published

on


Tan iyo damacii Itoobiya ee badda Soomaaliya, ayaa dowladda Soomaaliya waxay gashay heshiisyo kala duwan oo ay la gashay dalalka ay saaxibada dhow yihiin. Halka heshiiskii ugu saameynta badnaa noqday midka ay Turkiga la gashay.

Waxaa magaalada Dooxa heshiis cusub ku kala saxiixday dowladda Soomaaliya iyo Qadar, heshiiskaas oo ay ku tilmaameen ‘Is-afgarad’ kaasoo ku saabsan iskaashiga dhanka sharciga ah oo dhex-maray labada dal, kaas oo taabanaya dastuurka Soomaaliya, waxaana Soomaaliya u saxiixay wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin (4.5) oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qadar, halka dhinaciisa uu saxiixay Wasiirka Cadaaladda dalkaas, Ibraahiim Bin Cali Almuhannadi.

Heshiiskaan is-afgaradka ah wuxuu ka turjumayaa danaha labada waddan ee is-weydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradka. Labada dowladood sidoo kale waxa ay isku aqrin- cilmi-baaris iyo awood ee labada dowladood, shahaadooyinka sharci iyo garsoor, kor-u-qaadidda warbixinta iyo aqoonta sharci-yaqaannada, qareennada iyo nootaayooyinka.

Kulanka heshiiska is-afgaradka kadib labada wasiir oo kulan gaar ah yeeshay waxay uga wada hadleen xiriirka labada dal, ciyaaraha ciyaarta ee labada dal, dhamaystirka dastuurka, dhismaha,da dalka iyo in labada arrimoood iska kaashadaan wadaagga iyo isku xirka.

Dhanka kale, wasiirka ayaa booqday Xarunta Cilmi-dhaqaalaha qaanuunka iyo Garsoorka dalka Qadar, sidoo kale waxaan madaxda xarunta, cilmi-baarayaasha iyo hawlwadeennada warbixin dhamaystiran ka siiyeen shaqada xarumaha iyo goobaha ay u joogaan.

Qadar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida u dhow u taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.

Xariirka Qadar iyo Soomaaliya

Qadar iyo Soomaaliya ayaa xiriir diblomaasiyadeed sameystay sanadkii 1970-kii, waxaana labada dal ay xubin ka yihiin ururka Jaamacadda Carabta. Labada dal waxa ay kala soocan yihiin oo xidhiidh adag ka yeesheen dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta.

Mashaariicda horumarineed ee Qadar ay ka waddo Soomaaliya ayaa ujeeddadoodu tahay horumarinta nolosha dadka Soomaaliyeed. Mashaariicdan ayaa wax weyn ka taray dhaqaalaha deegaanka. Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar iyo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa isku xirta caasimada iyo magaalooyin dhowr ah. Qadar ayaa sidoo kale gacan ka geysatay dhismaha xarunta wasaaradda qorsheynta iyo maalgashiga, dowladda hoose ee Muqdisho iyo mashaariic kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ee aan shacabka soo dooranin Xasan Sheekh Maxamuud (4.5) ayaa sheegay booqashadii uu dhawaan ku tagay dalka Qadar in ay u soo bandhigtay in ay noqoto xudunta dhoofinta Soomaaliya, taasi oo fududeyn doonta, isla markaana fududeyn doonta in Soomaaliya ay hesho ganacsi caalami ah. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay saameyn caalami ah ku leedahay Qadar si ay Soomaaliya ugu soo bandhigto caalamka intiisa kale.

“Qadar waa mid ka mid ah saaxiibadayada istiraatijiyadeed, waxaana Qadar la leenahay xiriir badan oo ay ka mid tahay heerka uu Amiirka Qadar u istaago oo uu yiraahdo “Anigu waxaan u doodi doonaa Soomaaliya.” Tani waa hadiyad naadir ah oo ay heli karaan shacabka Soomaaliya,” ayuu ku daray MD Xassan Sh. Maxamuud.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Qowmiyada Oromada oo xalay lagu laayay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Dhacdo kale oo cusub oo lagu beegsanaayo qowmiyadda Oromada ayaa xalay sidoo kale ka dhacday degmada Balad Xaawo.

Published

on

Sawirka waa sawir hore - Somailspot.com

Tan iyo damacii guracanaa ee Itoobiya kusoo hunguriyeysay badda Soomaaliya waxaa isa soo taraayo dadka dhibaatooyinka loogu gaysanaayo gudaha Soomaaliya, kuwaasoo kasoo jeeda qowmiyadda Ra’isal Wasaarre Abiy Axmed.

Inta la xqiijiyay 6 qof oo ka soo jeeda qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya iyo qof Soomaali ah ayaa xalay lagu dilay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Dhakhtar ka tirsan isbitaalka degmada Beledxaawo oo diiday in magaciisa la xigto ayaa BBC-da u sheegay in 6 qof oo oromo ah maydkooda la keenay isbitaalka, halka 6 kalena iyagoo dhaawac ah la dhigay isbitaalka.

Dad ku sugan Beledxaawo ayaa BBC-da u sheegay in rag hubeysan ay xalay galeen guri ay daganaayeen dadka oromada ah halkaasna ay ku dileen 6 qof oo oromo ah oo 3 kamid ah ay ahaayeen rag halka 3 kale ay ahaayeen dumar. Waxa kale oo la xaqiijiyay in qof dumara oo Soomaali ah iyana halkaas lagu dilay.

Gudoomiyaha degmada Beledxaawo Cabdirashiid Caroog oo BBC-du wax ka waydiisay dilka ka dhacay degmadiisa ayuu sheegay in warkaasi jiro, laakiin uusan hadda sheegi karin tiradu inta ay la egtahay, wuxuu kaloo intaa raaciyay in ay ku jiraan hawgal lagu baadi goobayo ciddii ka dambeysay. Faahfaahin dheerada lagama hayo cidda ka dambeysay dilka, mana jirto cid sheegatay illaa hadda.

Magaaladda Dhuusamareeb

Sidoo kale, dadka ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee ku nool magaalada Dhuuso-mareeb iyo guud ahaan Soomaaliya ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay qeybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed kala kulmayeen dhibaatooyin tan iyo markii ay Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen is-afgaradka badda kaasoo aan weli hirgalin. Halka Soomaaliya ay aad ugu carootay heshiiskaas.

Dhacdadaan ma ahan mid cusub, kuwa lamid ah waxay sidoo kale ka dhaceen magaalooyinka kale ee Soomaalida degto. Laanta afka Oromada ee VOA ayaa wareysatay qaar ka mid ah Oromada kunool magaalooyinka qaar sidda, Hargeysa, Gaalkacyo iyo magaalooyin ka tirsan Puntland, iyagoo u sheegay in dadka diidan heshiiska kala kulmayeen hadallo nacayb ah iyo in ay dalkooda ka baxaan.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ka muddooyinkii ugu danbeeyay sii xumaanaya xiriirka labada dal ayadoo uu salka ku haayo heshiis horudhac ah ay dowlada Itoobiya la gashay maamulka somaliland.

Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay heshiiska dekedda ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland. Kadib shir deg deg ah oo ay yeesheen, golaha wasiirada Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska u ogolaanaya Itoobiya in ay isticmaasho dekedda Berbera ee Badda Cas uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu khilaaf soo kala dhex galo labada dal, ee khilaafkan wuxuu salka ku haaya damaca Itoobiya oo ah inay hesho dekad iyo xarun milatari. Intii uu bilowday khilaafkan waxaa soo if baxay qaraaro kala duwan oo lagu taageeraayo go’aanka dowlada Soomaaliya, siddoo kale tallaaban ay qaaday dowlada Soomaaliya ayaa taageeray qaar ka mid dowladaha saxiibka dhow la ah Soomaaliya, ee ay ugu horeyso dowlada masar.

Dhawaan ayay aheyd ka dib markii madaxweynaha Soomaaliya uu safar ku tagay dalka Masar kaasoo ay kaga soo hadal qaadeen damaca Itoobiya iyo mowqikiisa kaga aadan taageerida dowlada Soomaaliya.

Duqa magaalada Dhuuso-mareeb oo wareysi siiyay Idaacadda VOA Somali ayaa ka war bixiyay xaalada qowmiyada Oromada ku nool magaalada Dhuusamareeb wuxuu yiri

“dadka Oromada magaalada way joogaan weyna ka tagaan, dadka intooda ugu badan waa dad xamaalato ah oo isuga jira gabdho iyo rag, waa dad ka shaqeeya guryaha iyo mashaariicda kala duwan Mansha’Allah xoogoodana waa loo bogay.”

Duqa magaalada oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay dhacdo asbuuc ka hor ka dhacday magaalada Dhuusamareeb wuxuuna yiri; ‘asbuuc ka hor ayaa dhacdo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, waxayna ku saleysneed nin ka mid ah dadkii loo shaqeynaayay oo waalnaa ayaa tooreey ku duray gabadhii u shaqeyneysay ka dib markii ay dhacday dhacdada ayaa lagu soo wargaliyay saldhiga, nasiib daro gabdhii halkii ayay ku dhimatay markii aan wargelinay reerkii waxay noo idmeen inaan duugno ninkiina hadda waa xiran yahay waa cadaalad suge’.

Hadalkaan kasoo yeeray duqa magaalada Dhuusamareeb ayaa tilaamaamayo ayadoo maalmihii ugu danbeeyay meelo ka mid ah magaalooyinka Soomaaliya oo laga soo sheegyaago dhibaato ka dhan ah labbada shacab.

Duqa magaalada oo su’aashan ka jawaabayo wuxuu yiri; “heshiiskaas hadda la sheegay shacabka Soomaaliyeed meel kastaa oo ay joogaan waxay u arkaan xad gudub iyo daan daansi ay kula kaceyso shacabka Soomaaliyeed adduunkuna wuu arkaa, hase yeeshee waxaa sameeyay waa dowlad ee mahan shacab.”

Dadkaan waa dad deris ah waa dad walaalo ah, Soomaalida qaar waxay ku nooshahay dalka itoobiya ma ogni waxay dowlada Itoobiya kula kacdo shacabkaas balse shucuubta iskuma xirna, waa laka safraa, waa leysla xamaashaa marka arintaas ma ahan wax dhibaato ka dhalin ka ra shacabka labada dal.’

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Akhriso: muxuu salka ku hayaa wax ka bedelka dastuurka ee baarlamaanka ansixiyey maanta?

Maxay ahayd in marka horre la eego dooda Baarlamaanka ee wax ka Bedelka Dastuurka? arrintaan ma horseedi kartaa khilaaf gudaha ah, iyadoo wakhti horreba arrimaha dibedda uu ka taagnaa khilaaf?

Published

on

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 10-aad ee Labada Aqal ee BJFS. Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta 3-aad iyo ansixinta habraaca dib u eegista dastuurka KMG ee Soomaaliya, waxaana looga hadlay habraaca iyo sida ay ugu wada-shaqeyn karaan Baarlaanka labadiisa aqal.

Kooramka guud ee kasoo qeyb galay Golaha maanta waxaa uu ahaa 184 Xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo 36 Senator oo Aqalka Sare, Waxaana ogolaaday 201 mudane, waxaana uu Guddoomiyuhu ku dhawaaqay in sidaasi uu ansax ku yahay habraaca wax ka bedelka dib u eegista Dastuurka KMG.

Xeerkan oo ay aad u diidanaayeen xubnaha mucaaradka, sidoo kalena xildhibaannada qaar ay maanta isku dayeen inay hor istaagaan iyaga oo buuq ka sameeyay golaha, balse ugu dambeyn waa la ansixiyay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Aadan Madoobe.

Habraaca la ansixiyay ayaa waxa uu dhigaya in soo jeedinta wax ka beddelka kama dambeysta ee cutubyada dastuurka soo idlaaday ay si kama dambeys ah ku ansixin karaan saddex meelood laba meel (2/3) tirada guud ee Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo saddex meelood laba meel (2/3) tirada guud ee Xildhibaannada Aqalka Sare. Xeerkan oo ay aad u diidanaayeen xubnaha mucaaradka, sidoo kalena xildhibaannada qaar ay maanta isku dayeen inay hor istaagaan iyaga oo buuq ka sameeyay golaha, balse ugu dambeyn waa la ansixiyay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Aadan Madoobe.

Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku yimid awood qeybsiga 4.5

Waxaa ogolaaday habraaca 180 xildhibaan, halka ay diideen 30 mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya. Hase-yeeshee waxaa arrintaan hareeyay walaac ay muujinayaan qaar ka mid ah xubnaha labada gole iyo siyaasiin dalka horey xilal uga soo qabtay oo sheegaya in aan la joogin waqti lagu mashquulo u codeyn iyo wax ka badel dastuur maadaama ay taagan tahay xiisad u dhaxeeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, dagaalka Al-shabaab iyo arrimo badan oo muhiim ay tahay in dowladdu ay xilligaan diiradda la saarto.

“Waxaan ka digayaa halista ku geedaaman isku-dayga ay Madaxtooyadu ku doonayso in ay ku beddesho Dastuurka Dalka iyadoo aan loo marin habraaca uu qeexayo Cutubka 15aad ee Dastuurka. Waa tallaabo khatar ku ah xasilloonida Dalka iyo wadajirka ummadda, Soomaaliyana u horseedi karta khilaaf hor leh iyo hubanti la’aan siyaasadeed” ayaa ku yiri warsaxaafadeed uu maanta soo saaray ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay inay jiraan “khatarro ku xeeran dadka iyo dalka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in meel la iska dhigo arrimaha khilaafka gudaha”.

“Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa siyaasadda Soomaaliya hareeyay khilaafka cusub ee Itoobiya iyo Soomaaliya ee la xiriira heshiiskii is-afgarad ee 1-dii bishan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland. Dhanka kale xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay Codeynta maanta ay ahayd habraaca lagu dhameystirayo wax ka badalka dastuurka.

“Habraaca waxaa in muddo ah ka soo shaqeeynayay guddigii labada aqal ka koobnaa waxa uuna soo maray akhrin koobaad iyo labaad iyo dood kale oo hore intaba, cid walba oo daneeynayso inay aragtana fursad waa loo hayay inay aragtideeda ku biiriso waxa la baddalayo,” ayuu yiri Xildhibaan Mursal.

Waxa uu sheegay in waxa laga dooday ay qayb ahaan ahayd madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

“Waxaa kale oo jira wax badan oo kale oo ay ugu muhiimsan tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo dadka soo doortaan xubnaha ku matalaya aqallada sharci dejinta iyo xubnaha ugu sarreeya xukuumadda oo uu madaxweynaha kow ka yahay.”

Maxay ahayd in marka horre la eego dooda Baarlamaanka ee wax ka Bedelka Dastuurka?

Marka la eego doodda maanta ee ku saabsan wax ka bedelka dastuurka ee la doonayo in looga gudbo nidaamka baarlamaaniga ah, loona gudbo nidaamka madaxweynaha, waxay mas’uuliyiinta qaar qabaan in la tixgaliyo arrimaha qaar, Sida bartiisa X oo horay loo oran jiray Twitter uu ku qoray Diktoor Cali Saciid Faqi oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Shuruudaha Sharci iyo Habraaca: “Wax-ka-beddelku waa inuu u hoggaansamaa shuruudaha sharci iyo habraaca ee ku xusan dastuurka. Tan waxaa ka mid ah in la tixgeliyo tirada codadka loo baahan yahay si loo ansixiyo geeddi socodka hababka la dejiyay,” ayuu yiri Diktoor Cali Saciid Faqi. “Waa in qiimayn lagu sameeyaa si loo go’aamiyo in wax ka beddelka la soo jeediyay uu saamayn ku yeelan karo xuquuqda iyo xorriyaadka uu dastuurku dammaanad qaadayo” ayuu sii raaciyey.

“Waa in si taxadir leh loo qiimeeyaa saamaynta uu wax-ka-beddelku ku yeelan karo isu-dheellitirka awoodda hay’adaha kala duwan ee dawladda. Qodobkani waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa ilaalinta nidaam dimuqraadi ah oo caafimaad qaba” ayuu qoraalkiisa ku sheegay, wuxuuna intaa ku daray “waa in la tixgeliyo heerka taageerada dadweynaha ama diidmada wax ka beddelka la soo jeediyay”.

“Waa lagama maarmaan in la falanqeeyo in wax ka beddelka la soo jeediyay uu keeni karo suurtogalnimada isbeddello awoodaha. Fahamka saamaynta siyaasadeed ayaa muhiim u ah dood dhamaystiran. Wax-ka-beddelka la soo jeediyay waa in si fiican loo baaro si loo xaqiijiyo awoodiisa iyo dhaqangelintiisa qaab-dhismeedka sharci iyo kan maamul ee jira”.

Talaabada xigta ayaa la filayaa in ay noqoto sidii dastuurka wax looga beddeli lahaa maadaama la meel mariyey habraacii loo mari lahaa wax ka beddelkaas.

“Ayadoo ajendihii aan la qaybin, habraaciina aan laga wadahadlin ayuu guddoomiyaha golaha shacabka wuxuu ku dhawaaqay in la ansixiyey sharciga. Ilaa hadda waxaan is weydiinaynaa waxa la ansixiyey, sababtoo ah habraaca in naloo qaybiyo oo laga doodo ayey ahayd” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu ku tilmaamay “sharci darro” qaabkii loo meel mariyey habraaca. “Waxay hor seedi kartaa in baarlamaanka uu shaqayn waayo” ayuu yiri.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Maxaa ku qasbaya in madaxweyne Mustafe Cagjar taageero is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland?

Mustafe Cagjar miyuusan ogayn taariikhda xasuuqa bahalnimada leh ee Itoobiya u gaysatay shacabkiisa?

Published

on

madaxaweynaha Maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar 'Mustafe Cagjar'

Sida ay tebisay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ah oo wareysi ka qaaday madaxaweynaha Maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ‘Mustafe Cagjar’ ayaa sheegay inuu taageersan yahay heshiiska ay wada galeen dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

Maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa Jimcihi shalay marki ugu horreysay ka hadlay halka ay ka taaganyihiin, is-afgaradki ay dhawaan kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, “..dalka Itoobiya waa dal shacab badan ay kunool yihiin illaa 120 milyan, waxayna ku tiirsan yihiin dalalka jaarka inuu wax ka soo dhoofsado. Marka inuu heshiis noocaan oo kale galo dalka uu helo dekad uu isticmaalo iyo waliba saldhig militari uu ku illaalsado danaha siyaasaddeed iyo istiraajiyaddeed uu ku illaalsado waa wax faa’ido badan u leh.” ayuu yiri madaxaweynaha Maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ‘Mustafe Cagjar’

“Deegaanka Soomaaliduna, madamaa uu dalka ka tirsan yahay wixii faa’ido ahna waa kan ugu horreeya ee ka faa’ida madamaa xariirkeena dhaqaalle uu ku xeran yahay dekada.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mustafe Cagjar.

Mustafe Cagjar miyuusan ogayn taariikhda xasuuqa bahalnimada leh ee Itoobiya u gaysatay shacabkiisa? PDF

Sida ay sheegtay hay’adda UNPO oo kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobay hoos-tagga ayaa qortay in ciidamada sida gaarka ah u gumaada shacabka Soomaalida ee maamulka Kililka Shanaad ee Gumaysiga Itoobiya ee lagu magacaabo Liyuu Boolis oo ay maalgeliso, tababarto, isla markaana ay hubayso dawladda Itoobiya ayaa xasuuq ba’an ka gaystay tuulooyinka u dhow degmada Shilaabo ee dalka Ogaadeenya ee ku teedsan xuduudka Soomaaliya, halkaas oo ay ku laayeen boqolaal qof oo rayid ah, tiro kalena ku gubeen.

Sida ay hay’addu sheegtay, dadkii halkaas ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah in ka badan 50-qof oo isugu jira haween, caruur iyo dad da’ ah, kuwaasi oo googo’ay. Goobaha Xasuuqaasi ka dhacay ayaa ah Tuulooyinka Lababaar, Xaadh Xaadh, Xindhowreed, iyo Tuulooyinka kale ee dhanka Baarmagoog iyo Xuduudka Soomaaliya ee u dhow Gobolka Gal-Mudug.

Sida ay hay’adda UNPO sheegtay ciidamada Liyuu Booliska oo si joogta ah xasuuqa foosha xun uga gaysta tuulooyinka Ogaadeenya ayaa waxay tageen tuulada Lababaar waxayna ka dalbadeen xoolo inay siiyeen. Dadkan oo aan wax lacag ah haysan ayaa u sheegay taliyayaasha Liyuu Booliska in aysan awoodin lacagaha qaaliga ah ee laga qaado. Taliyaha Liyuu Booliska ayaa amray in la dilo dhowr oday. Dadka ayaa is hortaag ku sameeyay, waxaana la toogtay dhowr qof oo bulshada ka mid ah. Kadibna ciidamada Liyuu Boolisku waxay bilaabeen inay ku rusheeyaan dadkii rayidka ahaa ee soo hadhay.

Dadka ayaa go’aansaday in ay iska caabiyaan, kadibna ay ciidamada Liyuu Boolisku bilaabeen in ay weerar ku qaadaan dhamaan tuulooyinka ay ka kooban tahay deegaanka, waxana ay toogteen qof kasta oo ay arkaan, iyaga oo si gaar ah u bartilmaansanayay haweenka iyo caruurta oo aan isdifaaci karin.

Xukuumada Meles ayaa dagaal bahalnimo ah ku qaaday shacabka Soomaali galbeed. Ciidanka Itoobiya ayaa xidhay isgoysyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Ogaadeenya, waxayna ciidamada Liyuu Boolisku ka caawinayaan saanad iyo taakulayn caafimaad, iyagoo dhinaca kale gowracaya oo dilaya dhaawaca iyo dadka rayidka ah ee usoo fakaday dhinaca Soomaaliya si ay u tirtiraan wixii caddaymo ah.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya (ONLF) ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay inay baaritaan ku sameyso waxa ay ku sheegtay dambiyada dagaal ee ay ciidamada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ka geysteen dhulka fog iyo dhulka oomanaha ah ee ay deriska yihiin Soomaaliya. JWXO waxay cambaaraynaysay dawladda Itoobiya, waxayna beesha caalamka ugu baaqday inay guddi xaqiiqo raadin ah u soo diraan Ogaadeenya si ay u soo baaraan dhacdooyinkaas iyo hab-dhaqanka guud.

Ciidamada Liyuu Booliska ee gobolka Ogaadeenya waxay gacanta ku hayaan saxaafadda, lamana ogola saxaafad madax banaan oo gudaha ah.

JWXO waxay ku wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Soomaaliya in ciidamada Liyuu Boolisku ay yihiin ciidamo ay abuurtay gumaysiga Itoobiya oo loo adeegsado in lagu cabudhiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya, isla markaana aan ahayn ciidan ka tirsan qabiilka Soomaalida Ogaadeenya. Sidaas darteed, waa inay mas’uuliyadda masiibadaas dusha u ritaan taliska Itoobiya.

Ciqaab wadareed

Sida ay cadeynayso warbixinada hay’adda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch, xadgudubyada ay geysteen mucaaradka iyo ciidamada Itoobiya waxay halis toos ah ku tahay badbaadadooda waxayna abuurtay dhaqan cabsiyeed oo baahsan. In kasta oo iskahorimaadku uu sannado badan soo jiitamayay oo lagu eedaynayey xad-gudubyo isdaba joog ah, haddana waxay yeelatay dardar cusub kaddib markii Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) ay weerar ku qaadday Shidaal Shiinuhu maamulayeen oo ku yaalla Gobolka Soomaalida bishii Abriil 2007, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 70 Shiineys iyo Itoobiyaan ah. Jabhada EPRDF ee uu hogaamiyo Ra’isal wasaare Meles Zenawi ayaa ka jawaabtay in ay olole bahalnimo ah oo ka dhan ah kacdoonka ka bilaabeen shanta aag ee Gobolka Soomaalida ee ay colaaduhu sida aadka ah u saameeyeen ee kala ah Fiiq, Qoraxe, Goday, Wardheer, iyo Dhagaxbuur. Aagagan ayaa si badheedh ah oo isdaba joog ah ciidamada qaranka Itoobiya u weeraray dad rayid ah oo ay ku doonayaan in ay xididada u siibaan kacdoonka.

Cadeymaha ay hay’adda soo bandhigay, ciidamada Itoobiya ayaa si xoog ah ku barakiciyay dhammaan dadkii ku noolaa miyiga, iyagoo ku amray dadka tuulada ku nool inay maalmo gudahood uga baxaan guryahooda, haddii kale ay arkaan guryahoodii oo la gubayo, hantidoodana la burburinayo, isla markaana ay halis ugu jiraan dhimasho. Hay’adda Human Rights Watch waxay diiwaan gelisay xukunno dil ah oo lagu fuliyay in ka badan 150 qof, kuwaas oo intooda badan lagu dilay bannaanbaxyo, iyadoo askarta Itoobiya ay si gooni ah ula baxeen dadkii lagu tuhunsanaa in qaraabadooda ay ka tirsan yihiin ONLF ama qofkasta oo taageero u haayo ururka.

Xukunka dilka ah ayaa mararka qaar waxaa ka mid ah in la ceejiyo, kadibna meydkooda la dhigo meel banaan ah oo si digniin ah, si ay dadka tuuladana ku nool ay u aasaan. Xogta ay xaqiijisay hay’adda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa ah kuwa bahalnimo ay ku jirto.

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO)

In ka badan labaatan sano, Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) waxay u halgamaysay sidii aayo-ka-talinta loogu heli lahaa Soomaalida ku nool Dawlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya (oo sidoo kale loo yaqaanno gobolka Ogaadeenya).

ONLF waxay samaysatay koox wadani ah 1984. Waxay ku guulaysteen doorashooyinkii golaha deegaanka ee ugu horreeyey ee SRS sannadkii 1992 ka dib markii la afgambiyay taliskii milateriga Itoobiya 1991kii oo la keenay nidaamka federaalka qowmiyadaha ee Itoobiya. Kooxdu waxay u jeesatay kacdoon hubaysan 1994, ka dib markii ay isku khilaafeen dawladda federaalka ee ku saabsan xuquuqda aayo-ka-tashiga Soomaalida iyo ka dib markii dhowr ka mid ah hoggaamiyayaashoodii la xiray lana dilay.

Colaadda ayaa ka dhigtay gobolka Soomaalida mid ka mid ah gobollada ugu saboolsan Itoobiya – celcelis ahaan, ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa ku tiirsan gargaarka cuntada sannad kasta.

Wadahadalka nabaddeed ee gumeysi-diidka ONLF iyo Dowladda Itoobiya

Wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya ONLF iyo Dowladda Itoobiya ayaa bilowday sannadkii 2012-kii, waxaana hoggaaminayay koox ka socotay dowladda Kenya. Ururka Resources Conciliation Resources ayaa lagu casuumay inay taageerto wadahadaladan, iyadoo talo farsamo siinaysa kooxda Kenya iyo dhinacyada isku haya lixdii sano ee wada xaajoodka. Waxaana ka mid ahaa tabbabarka diyaarinta wada-xaajoodyada, ka-talinta geeddi socodka nabadda ee ballaaran iyo gacan ka geysashada diyaarinta heshiiska nabadda ee kama-dambaysta ah.

Heshiiska waxaa lagu saxiixay magaalada Asmara, Oktoobar 2018 Eriteriya. Waxay soo afjartay colaaddii waxayna u gogol xaadhay in ONLF ku soo noqoto gobolka oo ujeeddooyinkeeda siyaasadeed ku fushato hab nabdoon. Madaxda JWXO ayaa hadda isu diyaarinaaya inay u diyaar garoobaan ka guuristooda mucaaradka hubeysan una gudbaan urur siyaasadeed.

Colaadda xadka Oromada iyo Soomaalida iyo colaadaha gudaha ee Soomaalida ee la xiriira xuduudaha, xuquuqda daaqaha, helitaanka iyo xakamaynta ilaha dawladda hoose ayaa ah caqabadaha isasoo taraayo. Hadda se waxaa soo cusboonaaday mid kale oo horleh, gobolka Tigray!

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul