Connect with us

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Qeybtii 2aad: Baahi intee la’eg ayaa loo qabaa xarumaha fikirka ee Soomaaliyeed?

Published

on


Way fiicnaan lahayd haddii aan dhisno hay’ado cilmi baaris ah oo ka shaqeeya dal kasta iyo heerka gobolka guud ahaan waqtiyadaan muhiimka u ah taariikhda dalalkeenna, gaar ahaan kuwa ku howlan dhisidda nabadda oo markaa u baahan in la shaqaaleeyo.

Cilmibaadhistu waa tijaabo iyo imtixaan lagu sameeynayo shey aan wali aqoon fiican loo lahayn. Juquraafi ahaan, inta badan cilmibaadhista waxaa lagu sameeyaa meelaha aan wali la tegin ama aqoonta fiican laga heynin.

Cilmi-baaristu waa qaabka lagu gaaro aqoon cusub, amaba waxaa la yiraahdaa waa: waa baaritaan nidaamsan (aruurin iyo dhiraandhirin xog) taasoo loo qaabeeyo inay horumariso ama ka qayb qaadato aqoonta. Haddaba, isku soo duuboo cilmi-baaristu waa soo saaridda iyo ka gun-gaarida aqoonta iyo cilmiga dahsoon si bulshadu ay u gaarto horumarka ay ku taamayso dhinac walbaba. Cilmi-baaristu way ka duwan tahay qaababka aqoonta lagu gaaro sida akhriska buuggaagta iwm, sababtoo ah waxay leedahay qaab cilmi ah oo la raaco.

Markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya lama helin nidaam waxbarasho ay maamushu dowlad hoose oo sal adag leh balse tani waxay jaanis iyo fursado balaaran siisay dadyow gaar ay ku jiraan dowlado shisheeye iyo shaqsiyaad gaar ah.

Waxaa xaqiiqo ah in ummad walbo ummadaha kale ay kaga horeeyaan inta ay luuqadahooda wax ku bartaan. Ma jiro hal iskuul oo ardada wax ku barata luuqadda Soomaaliga iyada oo luuqadda la isticmaalo ay tahay Carabiga iyo Ingiriiska. Balse dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa lagu amanaa inay soo kordhisay in afsoomaaliga lagu barto manhajka intiisa badan. Iskuullo waxaa jira heerka dugsiga hoose u isticmaallo luuqadda Soomaaliga balse dib ugu wareegay Ingiriiska marka la gaaray heerka dugsiga sare.

Tanina waxay ku tusaysaa baahida loo qabo mideynta xarumo lagu baaro cilmiga baarista iyo sare u qaadida xarumaha fikirka Soomaaliyeed. In ka badan 30-sanno ayaa laga joogaa markii ay burburtay dowladii hoose waxaana sare u kacay xarumaha waxbarshada sidda gaarka loo leeyahay waxayna aad ugu kala duwan yihiin tayada waxbarasho ee laga dhigo Jaamacada iyo Iskuulada.

https://www.unigovec.edu.so/courses-library/

Ma jirto baaritaano lagu sameeyay tayada waxbarashada dalka ayadoo ay jiraan meelo gaar oo lagu sameeyo cilmi baaris laakiin waxay u badan yihiin kuwa ka madax banaan laamaha dowlada, siddoo kalena waxaa dalka kusoo kordhay adeegyo waxbarasho ay maalgashanayaan dowlado shisheeye sidda Turkeyga iyo wadamo kale oo badan.

Soomaaliya iyo wadamo kale oo ka tirsan carabta waxay baahi weyn u qabaan siddii lagu lahaa xarumahan balse taagerida iyo isku duubnaanta dadka ayaa keentay in laheli waayo xarumo ay ku mideysan tahay waxbarshada dunida gaar ahaan wadamada carabta iyo meelo kale oo kamid ah dunnida.

Ka dib halaagii iyo baabi’intii dowladii Tataarka waxay raad lama ilaabaan ku reebtay wadamada Islaamka waxayna tani ku noqotay fajac iyo niyad jab balaaran. Laakiin dadka muslimka iskuma dayin in ay mar kale ay sameeyaan xarumo lagu baaro daraasadaha cilmiga.

Tayada Hay’adaha tacliinta sare awgeed waxaa yaraatay Ia xadido tirada jaamacdaha iyo iskuulada taasi awgeed dowladaha kale ee dunida ayaa diiday in ay aqbalaan nidaamka waxbasharo eek a jira Soomaaliya ( tusaale ahaan Soomaaliya, Bosnia iyo Herzegovina, Ciraaq, Lubnaan, Nicaragua iyo Timor-Leste). Waa wadamada aan sida saxda loo aqoonsaneyn tayada waxbarashadooda waxayna keentay in waxbarshada oo kamid aheyd waxyaabaha aas aasiga aheyd ay gacanta u gashay shaqsiyaad misna lagu eedeeyay in la siyaasadeeyay armiha waxbarashada siddii kol hore dhacday oo kale.

   Maxaa laga dhaxli karaa arimahan haddii aan sameyn xarumaha barista fikirka?

Hadda sidda aan idin kugu soo sheegnay qeybtii hore waxaa laga ma maarmaan ah in lasoo celiyo xarumaha fikirka Soomaaliyeed taasi oo faa’iido iyo mudnaan u leh dalka. Si kastaba ha noqotee lama soo koobi karo dhibaatada laga dhaxli karo la’aanta xarumahan basle halkaan waxaan ku soo gudbin doonaa labbo arimood oo suurta gal ah haddii aan la sameyn.

  1. In ay suulaan waxyaabahii qadiimiga ahaa ee uu dalka lahaa taasoo keeni karto sharaf dhac weyn iyo in ay lunto qeyb ka mid ah taariikhda dalka.

Intaa kaliya kuma eka balse waxaa jiro in jiilka soo socda aysan halkaan ku arki doonin waxyaabo ka haray Awoowayaashii ay dhaleen misna kuwii ka horeeyay.

  1. Sare kac balaaran oo ka dhasha marin habaabin dhanka waxbarashada iyo la waayo cid aruuriso fikirka gaar ah ee ay aminsan yihiin dhalinta soo koreysa.

Waxaa kaloo meesha ka bixi doono in ardeyda ah helaan tusaale hagaagsan ay kaga daydaan baarista ku saleysan cilmiga ay baranayaan, siddo kale waxaa laga yaabaa muddo dhow ka dib in say suulaan cid si sax ah u qorto luuqada afka Soomaaliga.

Facebook Comments Box

Maxamed Mukhtaar waa wariye wax ka qora siyaasadda Soomaaliya, falanqeynta siyaasadda Villa Somalia iyo caalamka intiisa kale. Sidoo kale wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada, horumarinta nolosha, iyo amniga. Wuxuu shahaadada koowaad ee jamaacadeed ku qaatay cilmiga kombuutarka.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Buuggaag

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 8aad

“Waddanka ka majirto shaqo la’aan ee cudurka ayaa shaqadii waddanka laga qabanaayay oo loo wada sinaa oo la rabay in qofkasta oo ina kamida booskiisii lageeyo inaga gashay.”

Published

on

Qoraa Ruun Siciid Faarax

Qebtii 7aad RIIX HALKAAN


Qoraalkaan waxa uu la socdaa kii ka horeeyay ee qeybtii 7aad ee buugga Haddimada Qabyaaladda

Dowlad walba waxay isku dayaysay sidii uga fogaan lahayd kala qaybsanaanta, qabyaaladda, quursiga iyo dib udhaca dadkooda iyo dalkooda balse wali waxaa jira qabqablayaal ama dad aan rabin horukaca dalka amaba waxaan dhihi karnaa waxay rabaan dano gaar ah ay leeyihiin noocay doonto ha ahaato dantaasi. Waxaa kaloo jira iyaguna urur diimeedka ururada sheeganaya laakiin magacu waa dad ka halaabay waddadii saxda ahayd, si khaldana wax uraadinaya hadaan si kale udhigno burburka, kala qaybsanaanta qayb wayn ayay ka yihiin.

Maanta qabyaaladdu heer waxay gaartay in ay meelkasta naga gasho oo bulshada qaybeheeda kala duwan ay ku milantay. Waxyaalaha bulshadu wada leedahay waxaa maraynaa in uu qabiilka dadkatirsan kuu fududeeyo maahan in aysan jirin in maanta shaqsiga aanan lafiiriin, ma yahay kii kasoo bixi lahaa dhanka shaqada oo kale? Ma yahay ehelkeedii? Mase uleeyahay aqoon? Ma yahay aqoontiisa uu sheeganayo ama run ahaato ama been ha ahaato shaqsigan wuxuu shaqada ku yimi reer hebel. Maanta ardaydii markay dugsiga sare dhammeeyaan ku hoobteen badaha iyaga oo u arkaya in ay udhaanto shaqo la’aanta ka jirta waddanka.

Waddanka ka majirto shaqo la’aan ee cudurka ayaa shaqadii waddanka laga qabanaayay oo loo wada sinaa oo la rabay in qofkasta oo ina kamida booskiisii lageeyo inaga gashay. Wajirtaa mar uu qofku ku guulaysto shaqadaas ama booska loo igmaday laakiin Soomaalida way isdaba marin lahaayeen waxaa laga yaabaa caddaanka la shaqaynayna in uu daba gal ku sameeyo oo qofkaas uu garab ka helo ajaanib.

Waa nasiibdaro qofkii waddanku ubaahnaa in uu qofkii Soomaaliga ahaa oo booskaas aan qabiilkiisa kaliya ufadhiyin uusan ugu shaqayn dadkiisa si siman, halka waddankiisa guul iyo horumarka gaarsiin kara. Waxay kaloo naga gashay qabyaaladdu waxbarashadii oo waxaa laga yaabaa waqtiyada deeqaha waxbarashada oo kale in ay jiraan musuqmaasuq baahsan. Labo arday oo aan isku mustawe ahayn ayaa waxaa laga yaabaa in ardayga mustawihiisu sareeyo lageeyo meel aan ku haboonayn meeshii uu mudnaa lana geeyo arday ka darajo hooseeya, meeshii uu lahaa ama xaqa ulahaa waayo muddo badan ayuu doonaayay ama ku haminaayay in uu gaaro meeshaas balse isaga majiraan cid qabiil ahaan ugu doodaysa amaba darajadiisa usoo celinaysa oo jooga meeshaas shaqada laga hayo.

Kuwaan kale waxay bixinayaan lacag amaba qabiil ahaan baa loogu fududaynayaa waqtigaas oo kale. Waxaad maqlaysaa waa loo iibiyay oo qofkaas muddo badan u soo jabaayay in uu gaaro natiijadaas waxay ku soo dhammaataa in laga siiyo waliba si fudud qof aysan isku si usoo dadaalin, isku waqtina aysan ku bixin, hankiisi in uu ku jabo ardayga lagana yaabee in uu go’aan khaldan oo naftiisa haligaya qaato amaba uu waxbarashadii iyo hiigsigiisa nololeed uu ka dhaco. Marka aad dhahdid dhalinta maad shaqaysatid ama meel heblaayo shaqo ka doonatid hadalka ama jawaabta ugu horraysa uu ka bixinayaa shaqadu waa garabayshin, sidaas si lamida ayay waxbarashaduna unoqotay garabayshin xoogna ay nagu dhexleedahay qabyaaladdu waxaa laga yaabaa dadkaa meesha kawada shaqaynaya in aysan kuwada shaqayn dan guud laakiin waa laga badanyahay qofkaa aan qabyaalad ku shaqaynayn oo wax is dabamarinayn ama wuu iska aamusa isagoo ciishoon kana xun waxa meesha ka dhacay. Cidna wax waa ka hoos qaadi wayday oo hadalkiisuba magalayo amaba qofku shaqada wuu iskaga tagaa caqabaduna waa qabiilka.

Waxaa dhacda amaba jirta maantay meelkasta isugu yimaadaan umadda ku wada hadasha halka Af in ay ka hadlayaan ama ku hadaaqayaan ha ubad naadeen meelaha baararka ah reer hebel, reer hebel saanay noqdeen ama saana layiri keeray ahaayeen waayo sidaan kor kusoo xusayba liduu naga galay cudurkan.

Cudurkaan maleh dad kawacyi galiya bulshada hadday jiraana waa dad yar laakiin wuxuu leeyahay dad horumariya, Kashaqeeya isaga jecel in ay sii jirto qabyaaladdu, jecel in ay sii jirto kalatagsanaanta umadda Soomaaliyeed waayo haddaysan intaas rabin ma u oleleeyeen kamana shaqayn lahaayeen in ay qabyaalad dugaashadaan qaranimadiina ka cararaan.

Waxaa kaloo lagu ceebeeya mar marka qarkood qofka qabiilada kale anaga waxnamatare qabiilkiisu ushaqeeyaa macnaha meeshii waxaa ka baxday ama lasaaray qaranimada iyo isu tanaasul si loo gaaro umad Soomaaliyeed oo mida lana jaanqaada waddamada kale.

Qabyaaladdu waxaa ay nagaarsiisay in maanta qabiilkasta uu ordayo sidii uu uhanan lahaa xilalka kala duwan ee laga qabto waddanka halka kuwo kale aysan isku dayin, waxaa kasii daran, uma dayno qofkii waqtiga ladoortay si uu ugaarsiiyo meel fiican, waay arag meelo badan wax kasoo arkay garanayana meelaha dacfigu ku jiro laakiin taasi madhacayso waayo isaga waqtigiisii intan lee ku ekaa reer hebel kale waqtigoodii weeye.

Intaa saa ku jirno qadarinayno qabyaaladda rabno in aysan imaan caddaalad, sinnaan, wax isbeddela ma imaanayaan waayo haddii aan laga run sheegin daacadna laga noqon in laga waantoobo lagana baxo qabiilaysiga taas micneheedu waa jug jug meeshaada joog.

Haddii umadda Soomaaliyeed waxaa lagud boon inay meel isugu gayso maskaxdooda, maalkooda iyo xoogooda kana fakari lahaayeen sidii loogu samayn lahaa inta aysan dhicin waxyaalaha masiibooyinka ah si hadhow ay uyaraato waxyeelada musiibadaas.

Nebiyullaahi Yuusuf Callayhi Salaam ka hor inta uusan noqon boqorka ama suldaanka Masar, boqorkii markaa talada hayay ayaa kuriyooday todobo sacood oo buurbuuran, ayna xigaan todobo sacood oo caato ah. Waxay ku dheheen dadkii jeelka kula jiray boqorow Yuusuf ayaa riyooyinka fasira ee keen ugaynee, wuxuuna usheegay in uu ku riyooday arrinkan.

Nebi Yuusuf Callayhi Salaam wuxuu ku yiri boqorow todobada sacood oo buur-buuran waa todobo sano oo barwaaqo ah, todobada sacood oo caatada ahna waa todobo sano oo abaar ah. Intaa kadib boqorkii ayaa su’aal waydiiyay Nebi Yuusuf Callayhi Salaam maxaa samaynaa, si looga hortago todobada sanoo abaarta ah, waa in aanu kayd samaynaa inta aan ku jirno barwaa qadda si aan uga badbaado todobada sano oo aynu ku guda jirno abaarta. Boqorkii taladii Nebi Yuusuf buu qaatay todobadii sano oo abaarta ahayd waxay uga baxeen kaydkii ay samaysteen kuna gaareen sanadkii barwaaqada ahaa.

Waxaan u soo qaatay qisadii Nebi Yuusuf Callayhi Salaam waa la samayn karaa kayd ka hor inta aysan dhicin masiibooyinku si looga baxo inta lagu gudajiro laakiin anagu ma aaminsanin in ay kayd la dhigto oo dadka intiisa badan waxay dhahaan war wixii dhacay Illaah baa garan, waa sax wixii dhacay Alle ayaa garan laakiin in lafeejignaado si aynaan hadhow u gab-gablayn aysana udhicin dhibaato baaxad leh naf iyo maaalba galaafata.

Inaga hadda waxaan haysanaa dowlad markaas aad ushaqaysa laakiin shaqadii dadwaynuhu way ma qantahay, xagee jirtaa fadhi ku dirir iyo ku hadaaqid qabyaalad dowladda laftarkeedu waqtigaas bay baraarugtaa meesha waxaa ka maqan in ay wada shaqeeyaan dowladdii iyo shacabkeedu. Lagana wada shaqeeyo waxkasta oo waddanka dib udhac ukeenikara ha ahaato qabyaalad ama musiibooyinka aan kasoo sheekaynaynay sidii aan uga hortagi lahayn waayo Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (Gacmo wadajir bay wax ku qabtaan).

__

Buugga: Haddimada Qabyaaladda

W/Q. Drs. Ruun Siciid Faarax (Garas)

Sookoobay: Maxamuud Axmed Muuse “Tallman”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Aragtida shirqoolka iyo caqliyadda ugub ee dhalanteedka waayahan

Waligaa ma maqashay aragtida shirqoolka? Halkaan waxaa laguugu soo koobay xaqiiqooyin ku salaysan macnaha iyo ujeedka lagala jeedo aragtida shirqoolka.

Published

on


Hordhac 

Ugu horeyntii maanta waxaynu sii balaaran uga hadli doona isbeddelada afkaareed iyo caqliyadeed ee ay sabaabeen isku-milanka aragtiyeed ee laga soo waarido ama laga fasiro dhacdooyiinkii iyo shirqoolladii wakhtiyadii kala duwana ee sooyaalka dhacay, iyo siddoo kale wajiyada dadban ee xaqiiqooyinka shirqoollada loo buriyo, isla markaana loogu sameeyo wajiyo qaldan, iyado la isticmaalayo habka fasiraada ugub ee xaqiiqo-beeninta ah ee lagu magacaabo “Aragtiyaha shirqoolka ama (conspiracy theory)”, Af-qalaad ahaan. Haddaba inta aynaan uu gudo-gelin mawduuceenan, horta aynu qeexno macnaha shirqoolka ama dabin-qoolka!?

Shirqool ama Dabin-qool

Macnaha shirqoolku ama fulinta dhacdooyinka caqliyadda baaran-daga leh ee ku habsadda caalamka, waa falal iyo dhacdo wakhti hore laga sii baaran dagay fulintooda, loona cayimay wakhtiyada ugu haboon ee lagu fulin karo, laguna fulinayo siyaasad gaar ah ama shakhsiyaad gaar ah, iyadoon arrinkaas la dhaadaneyn oo meel walba oo aagagga nolosha ah lagu fulinaayo , waana arrimo qarsoon oo aan inta ka horeysa fulinta shirqoolka, laga ilaalinayo in siraha qarsoon ee shirqoolka la ogaan karo. shirqoolku waa xaalad bini’adantinimada guud ee aadamaha saameyn kuu yeelata, marka laga eego dhinacyada nolosha, se dhacdoonyinkaas ayaan noqon kara, Qaabab ruuxi ah, mid siyaasadeed, iyo Shirqoollada Dhinaca Akhlaaqiyaadka iyo aqoonta. Waana nuxur qarsoon oo looga dan leeyahay cabsi gelinta iyo maan qabsashada dadweynaha caalamka, badana waxay bulshadu ka haysata Qolyaha ama shakhsiyaadka maleegay dhacdooyiinka shirqoolleed, fikrad ah kuwa wax dulmiya oo xagjirin ah. Sido kale shakhsiyaadka aadka uu dhaleeceya, isla markaana kashifa dabinada qolyaha dahsoon, ayaa qudhoodaba lagu eedeya maleegida shirqoolka, balse waa shakhsiyaad ka bari’i ah, oo kaliyaata la doonayo in ayna xogta dhabta ah la wadaagin bulshada.

Aragtida Shirqoolka

Macnaha aragtida shirqoolku:- waa isku dayga fikrad ahaaneed ee aaminaad, aragti, ama cabiritaan ee lagu fasiraayo ama lagu qiyaasi karo falalka iyo shirqoollada Dhacay in sifooyin dhowr ah lagu asteeyo, iyaadoon lo hayn caddaymo sii sax ah uu shaacinaya habka shirqoolku uu dhacay, iyo Xogta dhabta ahba. balse fikradahaas shakhsi ee la is weydaarsanayo waa qaar badanka sii cad isku burinaya marka dhinaca bulsheed, aragtiyeed iyo siyaasadeedba laga eego, balse muhimaddu waa in qolyaha dahsoon ee ajandaayasha caalamka dejiya ay abuureen afkaar mira-habaabin oo dhaadashada xaqiiqooyinka ku baajinayaan, waana hadaf ay qolyahaasii ka leeyihin inay fikradahu isburiyaan sii ay tuhun iyo eedeyn gaar ah loogu sameeyo bulshooyinka aaminsan aragtiyaha shirqoolleed oo badana muslimku uu badanyahay, waana xaqiiq jirta oo muslimintuba ku baraarugeen. Badana qolyaha shirqoollada fuliyay waxay xogta dhabta ah ee dhacdada uu badalaan waji been abuur ah, iyado loo adeegsanayo warbaahinta caalamka ee kala duwan, iyo baraha bulshada, sido kale waxay isticmaalan hababka afkaarta ama fikrad gudbineed ee filimaanta iyo muuqaallada ee laga matalay dhacdadaas iyado lagu saleynayo fikrado been abuur ah, oo aan sal iyo raad toona laa lahayn nuxurka saxda ah ee shirqoolka.

Badana dhacdooyinka muhimka ah, waxa sii dadban ugu lug leh maleeg-yahanada/Qorshe-dajiyaasha shirqoollada qarsoodiga ah iyo qolyaha qarsoodiga ah (maasooniyadda), balse dhacdooyinkaasi malaha fasiraado dhab ah oo lagu tuhminayo falalkaas dhacay in ay iyagu ka danbeyeen waana arrin xasaasi ah marka loo eego aragtida iyo fasiraadaha bulshada dhexdeeda ah, waayo waa wax ay iyagu fuliyeen qorshihiisa iyo Qoolitaankisa. Waxaana jira fikrado badana isburinayaa oo ku dhex faafay bulshada caalamka, oo ah in umaddaha kale ay sii indho la’aan ah uu aamineen in umaddaha muslimka ihi ay aamiinsanyihiin In shirqool loo maleegayo, oo ay mira-habaabinayan umaddooda, sii taasina uu dhicina waa in aanay muslimka dheg u taagin, oo mar walba oo aragtiyaha shirqoolka ah ee kaga imanaya bulshooyinka islaamiga ah aanay sinaba uu aaminin. Oo halkana waxa sii cad uga dhex arki kartaa in qolyahan qarsoodiga ihi ay doonayan in la isku dhex qariyo xaqiiqooyinka dhabta ah iyo wajiyada been abuurka ah ee ay uu sameeyeen aragtida saxan ee shirqoolka. tanina waxay cadeyn uu tahay, waa in aanay dooneyn in la ogaado sirahooda shirqoolnimo ee ay jidka ugu sii saxartirayaan hirgelinta nidaamka cusub ee caalamka (NWO).

Dadka dhinaca taariikhda iyo geedi socodka siyaasadeed ku dhex jira ama ogi waxay aad ugu nugul yihiin aaminaada iyo la qabatinka aragtiyaha shirqoolka. Badana qolyaha reer galbeedku waxay sii dadban uu dhaleeceeyaan dalalka bariga dhexe ee ay ka jiraan aragtiyaha shirqoolka ee ugu saameynta badan, sido kale danta siyaasadeed ee reer-galbeedku ay uga dan leeyihiin waxaa weeye in mu’maraddaha gudeed ee ay iyagu maleegeen in ay dusha uu saaran umadaha islaamka, sii umadaha kale ee caalamku ay fikir qaldan uga qaatan nidaamka dhismeed ee islaamka. Aragtidan shirqoolka waxaa aad loogu isticmaalay dhacdooyiin ay kamid yihiin kacaankii faransiiska, ameerika, burburkii khilaafadi cusmaaniyinta, doontii laga been abuurtay ee titaanik 1912, afgembigii dhicisoobay ee Turkiga ilaa laga soo gaadhayey tuhunadi shirqool ee COVID-19. Aragtidan ayaa markii ugu horeysay uu shaaciyay taariikhyahankii reer america ee Richard Hofstadter isagoo tixraacayay fikradaha soo jeedineed ee aragtiyaha guud ee bulshada.

Taariikh ahaan, aragtiyaha shirqoolku waxay badana la xiriireen arrimaha ah, dhacdooyinka lama filaanka ah, cunsuriyadda, dilalka waaweyn, dagaalada iyo xasuuqyada, kacdoonada, afgembiyada iyo dhammaan falalka muuqaallada kala duwan leh. Aragtidan shirqoolku waxay aad hanaqaaday wakhtiyadi colaadaha ee soddomeedyadi iyo afartan-meeyadi( 1930s -1940s) ee qarnigii 20aad, waxaanay caan ka noqotay warbaahinaha caalamka, iyadoo u soo ifbaxay dhaqan dhaqameedkani dabayaaqadii qarnigii 20aad iyo horaantii qarnigii 21aad. Waana silsilad aragtiyeed soo taxnayd in ka badan 70 sano oo xiriir ah.

Asalka Ereybixinta Aragtida Shirqoolka

Robert Blaskiewics oo ahaa dhakhtar dhinaca daaweynta uurku-jirta sido kalena ahaana daraaseeye sooyaal ayaa sheegay in ereybixinta (conspiracy theory) la isticmaali jiray horaantii qarnigii 19aad wuxuuna sido kale raaciyay in isticmaalka ereybixintani ay ahayd dhif iyo naadir oo xilligaas way adkayd in la maqla ereybixintan ugub. Sido kale, Sida laga soo xigtay daraasad uu sameeyay Andrew McKenzie-McHarg, Taas bedelkeeda wuxuu sheegaya in qarnigii 19aad ereybixinta (conspiracy theory) loo fasiri jiray inay tahay aragti iyo dajin xeelad dabin ama shirqool la doonayo in la fuliyo, waxaana uu si raaciyay in macno ahaan xilligaas loo fasiran jiray tabanaan iyo toganaan labada, oo aanay lahaan jiran fasiraado kale.

Ereygan “aragtida shirqool” laftiisu waa mawduuc nidaam-fikreed la sheegay in ereygan ay caan ku ahaayeen CIA-da maraykanku sii ay uu yareyso aaminaadaha xadka ka baxay ee ay qabeen shakhsiyaadkii aaminsana dabinada shirqoolka ah ee xilligaas maraykanka ka jiray, waxaana kamid ahaa shakhsiyaadkaas kuwii dhaleeceeyn jiray Guddigii Warren ee loo xilsaaray inay soo baaran shirqoolkii dilka ahaa ee lagu fuliyay madaxweynihii 35aad ee maraykanka ee John F. Kennedy. Aqoonyahankii siyaasadeed ee Lance DeHaven-Smith wuxuu ku sheegay buuggiisa (Conspiracy theores in America), in isticmaalka ereybixintani ay sii dadban uu la falgashay luuqadda maalinlaha ah ee dadka maraykanka wixii ka dambeeyey 1964kii, sanadkan oo ah sanadkii ay guddigii warren (warren commission) ay soo saareen natiijooyinkoodi baarista ahaa ee dilkii John F Kennedy, waxaana xilligaas aad uu batay isticmaalka warbaahintu isticmaalaysay ereybixintan (conspiracy theory). Si kastaba ha noqote waxaa soo jeedintii DeHaven-Smiths aad uu dhaleeceyey Michael Butter oo ah barre dhiga culuumta suugaanta iyo sooyaalka dhaqanka ee jaamacadda (Tübingen University). Waxaana uu Michael dhaleecayntaas uu cuskanayay dukumiinti loo diray CIA-da oo deHaven-Smith uu tixraacay, dukumentigan oo ku saabsana Dhaleeceynta loo jeedinayay natiijadii ay soo saareen guddigii warren (Warren Report) – oo markii dambe si toosa loo sii daayay natiijadii dilka sanadkii 1976kii, kadib codsigii Xorriyadda Macluumaadka ah ee bulshadu ku dalbanaysay sii ay uu ogaadaan natiijada shirqoolkii 1963kii.

Aaminaadaha dadyowga iyo Aragtida Shirqoolka 

Aaminaadaha shirqoolku waxay aad ugu baaheen adduunka oo dhan, waxaana jira aragtiyooyin shirqool oo badana marka gorfeyn dhinaca fikirka adag ee (critical thinking) lagu darso ay ugu dambeyntii ku muuqanayso in xaqiiqada aragtiyahaasi ay run yihiin, waxaana kamid ah aragtiyahaasi, aragtida ku saabsan tiknoloojiyadda ee tilmaamaysaa in tikniyoolajiyadda casriga ah lafteedu inay tahay nooc kamida ah sixirka ugub, oo ay ujeeddadeedu tahay in lagu waxyeelleeyo ama la xakameeyo garaadka aadamaha.

Waxaana jirta aragti labaad oo Shiinaha gudahiisa ah oo sheegaysa in tiro dhacdooyin ah, oo ay kamid ahayeen soo ifbixii naasiyiinta iyo hitler, Qalalaasihii dhaqaale ee Eeshiya ee 1997kii iyo isbeddelka cimileed ee adduunka ay yihiin shirqool ay qorsheeyeen qoyska Rothschild ee yuhuudda ah, waxaanay sido kale qabaan in qorshahaasi uu ahaa qorshe shirqool oo kasoo fulmay qolyaha maasooniga ah jiilalkoodi uu dhaxeeyey 1885kii ilaa 1985kii. Fikradaha ama aragtiyaha shirqoolka badanaa si caadi ah ayaa loo rumeeyaa, qaarkoodna xitaa waxaa aaminsan inta badan dadka badankiisa. Qeyb ballaaran oo ka mid ah xogo isweydaarsiga Mareykanka maanta waxay ay muujinaysa ugu yaraan xoogaa tiro aragtiyo shirqool ah. Tusaale ahaan, daraasad la sameeyay sanadkii 2016kii ayaa lagu ogaaday in 10% dadka Mareykanka ah ay u maleynayaan ama aaminsanyihiin in aragtida shirqoolleed ee xalfinta kiimikada ah (chemtrails nefarious spraying) ay “gebi ahaanba run tahay” halka 20-30% ay u maleynayaan ama aaminsanyihiin inay tahay “xoogaa/yara run ah”. Tani waxay dhigeysaa ama ka dhigantahay ” in 120 milyan oo kamida dadyowga Mareykanka iihii ay aaminsanyihiin aragtida shirqoolleed ee xalfinta kimikada ah (chemtrails nefarious spraying). Sidaas awgeed aragtiyaha shirqoolka waxay sidaas ku noqdeen mowduuc ay xiiseynayaan khubarada cilmiga bulshada, cilmu-nafsiga iyo khubarada dhaqanka.

Xiriirka ka dhexeeya aragtiyaha shirqoolka iyo Xaqiiqada 

Aragtiyaha shirqoolku guud ahaan kuma salaysna caddayn iyo xaqiiqooyin, balse waxay xaqiiqo ahaan loo caddeyn kara marka lo helo caddaymo ku filan oo xaqiijiya runnimada aragtida shirqoolka. Sidaanu horey uu soo sheegnayba, aragtida shirqoolku waxay si kadis ah u muujineysaa jiritaanka isbahaysiyo qarsoodi ah oo shaqsiyaad ah waxayna tibaaxaysa qoolitaanada iyo howlahooda dahsoon. Clare Birchall oo ka tirsan jaamacadda King’s College London ayaa ku tilmaamaysa aragtida shirqoolka inuu yahay ” qaab aqooneed caan noqday ama dhacdo turjumid sii xeeladeysan loo fasiray “, halkan Adeegsiga erayga ‘aqoon’ wuxuu ku tusayaa ama ka turjumaya siyaabaha fikradda shirqoolka loogu tixgelin karo aqoon, taaso la xiriirta hababka sharci ee ogaanshaha.

Shirqoolka iyo Aragtiyaha shirqool ee caalamka 

Taariikhyahankii reer ameerika ee Richard Hofstadter ayaa kaga hadlay doorka jahwareerka iyo shirqoolka guud ahaan soo maray taariikhda Mareykanka maqaalkiisii 1964kii ee ahaa “The Paranoid Style in American Politics”. Iyo sido kale Buuggii hore ee Bernard Bailyn ” The Original Ideology of the Revolution of America (1967) wuxuuna ku xusayaa in dhacdo la mid ah xilligii Kacaankii Mareykanka laga heli karo wakhtigan Waqooyiga Ameerika , oo wuxuu tibaaxaya in dhacdooyinka qaar ee soo maray taariikhda maraykanka ay la mid noqdeen qaar wakhtiyadan dhaw ka dhacay maraykanka, muuqaal ahaana wuxuu xusaya in tabaha loo fuliyay dhacdooyinka qaari ay isa soo shaabahan oo wuxuu caddayn ahaan uu soo qaatay sheeko faneeddi la qoray 1897kii ee ka waramaysay markabka The Titanic ship ee ugu dambeynta qarqoomaya iyo dhacdadi markabkii Titanic ee badweynta atlantic ku qorqoormey sanadkii 1912kii, waxaana uu isbarbardhig ku sameeyey muuqaalka sheekada Titanic 1897kii iyo muuqaalka dhacdadi qorqoomkii markabkii Titanic ee 1912kii. Waxaana uu Richard Hofstadter ku doodey in shirqoollada qaar ay yihiin dhacdooyin laga sii baarandagay oo ugu dambeyntii sii farshaxan leh loo fuliyay, waxaana uu sii raaciyay hadalkiisa ” in tiro badan oo falal ah oo sii qiyaasan oo asteysan loo fuliyay in aanay aheyn dhacdo dabiiciya oo sii aan ku tala gal ahayn isaga dhacday, balse taas baddalkeed uu yahay qoolitaan laga sii baarandag “. Oo shirqoolku wuxuu ku jaan-go’anyahay tusmo iyo xeelad sii asteysan la isugu biiriyey.

1) Aragtiyaha shirqoolka ee Baririga Dhexe

Aragtida shirqoolku waa astaamo fikireed oo aad ugu baahay dhaqanka iyo siyaasadaha umadaha barriga dhexe sida faarisiyiinta, kurdida iyo Carabta. Kala duwanaanshaha aragtiyeed ee ay qabaan umadahaasi waa qaar ka kala turjumaya waaqica dhaqaale, nololeed, umadeed iyo ka aqooneed ee ay ku suganyihiin, waxaana barriga dhexe ka jira xarumo daraasadeyn ah oo badana lagu lafa guro dhacdooyinka lama filaanka ah ee ka dhanka dhulweynahaasi. Sida ilo warbixineed ay sheegayaan waxaa jira dhowr aragti-shirqool oo xaqiiqo iyo male-awaalba iskugu jira oo ay qabaan umadaha ku dhaqan barriga dhexe. waxaana ka mid ah shirqoolada ku lug leh gumeysiga, Dabinada (Zionism-ka), quwadaha waaweyn, awoodda nukliyeerka ugub, dagaalka saliida (shidaalka), iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, oo xaqiiqo ahaan loo tixraaci karo dagaal ka dhan ah Islaamka.Tusaale ahaan, waxaa jira qorshe yuhuudeed ay dajiyeen duqowdii yuhuudda ama Borotokoolladi guurtidi Siyoon (Zion), kaaso oo uu hogaaminayay Theodor Herzl. Borotokoolladan oo ah dukumiintiyo xaqiiqo ah oo umadaha caalamku ka aragti bixiyeen, waxaanay sheegeen inuu yahay qorshe Yuhuudeed ku saabsan xukunka yuhuuddu la maaganyihiin adduunkan, qorshahan oo fulitaankiisu ka soo bilaabmo dabayaaqadii qarnigii 19aad. Oo aragtidan shirqoolleed ee Borotokoolladda sahyuunku waa mid xaqiiqo ah, oo muuqaal ahaan ka turjumaya waaqica samankan, oo xaqiiqadiisa waxa si dhab ah loogu akhriyii kara dabinka burburineed ee dunida Muslimka haysta.

2) Aragtida shirqoolka ee Ameerika

Fikradaha ama aragtiyaha shirqoolka siyaasadeed ee Mareykanka ka jira waxaa badanaa lagu qeexaa isla hal mowduuc oo ah, in koox yar oo awood leh isla markaana leh ilaha dhaqaale ee maraykanka ay iskudaydo fulitaanada iyo qorsheynta dhacdooyinka iyo shirqoolada isla markaana ay qariso macluumaadka qarsoon ee dhacdooyinka shirqoollada. Waxaanay badana bulshada maraykanku aaminsanyihiin in duminta iyo burburinta garaadka bulshada maraykanka ku socda yahay qorshe dheer oo ay fuliyeen qolyaha qarsoodiga ah ee maraykanka ku nool. Inta badan, loolanka u dhexeeya aragtida dhabta ah ee shirqoollada iyo aragtiyaha khaldan waa mid keena isku dhacyo bulsheed, qalalaase doorasheed, kala firdhimaad iyo kalsooni darro lagu qabo dowladda, iyo sidoo kale kala qeybsanaan midabeed, iyo mid siyaaseedba. Aaminaadaha iyo faafka aragtida shirqoollada siyaasadeed ee Mareykanka waxay badana ka yimaadan dhammaan dhinacyada, Axsaabta /Xisbiyada, ururada fikradaha /Caqliyadaha (Ideologists), dadyowga kala duwan ee heerarka dhaqan-dhaqaale (socioeconomic), qowmiyadaha iyo jinsiyadaha kala duwan. Harry G.West oo ahaa caalim cilmiga Sooyaalka iyo kuwa kale oo kamida taariikhyahanada maraykanka waxay xuseen in fikradaha shirqoolka ee dadyowga ameerika ay aaminsanyihiin in ay xadka bax noqdeen oo tiro 3,000 oo aragtiyood oo shirqoolka ah ay la kulmeen, caddaymaha qaarkoodna waxay muujinayaan in tiro ballaaran oo dadyowga Mareykan ah ay sii wadaan aaminaadda aragtiyaha shirqoolka. Harry G.West wuxuu sidoo kale isbarbar dhigayaa aragtiyahaas kuwa salka ku haya xaqiiqada iyo kuwa dareenka dhalanteedka ah ka soo maaxay. Waxaa jira warbixin ay soo saartay Taariikhyahanaddi Kathryn S. Olmsted taaso ku xusaysa seddex sababood oo ay dadyowga Mareykanku ugu nugul yihiin inay aaminaan aragtiyaha shirqoolada ee ka dhanka ah dowladda Maraykanka:-

  1. Xadgudubyadi dowladeed ee dhab ahaan iyo sir ahaanba loo arkay intii lagu gudajiray Dagaalkii Qaboobaa, sida dhacdadi Watergate ee fashilmankii dilka madaxweyne richard nixon, Mashruucii CIA-da ee (MKUltra) oo ahaa mashruuca maan-qabsashada ugub iyo wadashaqeyntii iyo is taageeriddi CIA-du kula shaqaysay mooryaantii /maafiyada reer cuba ee isku dayday dilka ra’iisal wasaarihii hore ee Fidel Castro.
  2. Dacaayadihii been abuurka ahaa ee uu Maraykanku ku sida shirqoolka ah uu isticmaalayay, sida sheegashooyinkii ahaa soo gelitaanka Jarmalku kusoo galay Mareykanka intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyo sheegashadii markii dambe la beeniyay ee ahayd in Saddaam xusseyn uu door ku lahaa weeraradii 9/11.
  3. Kalsooni darrada ay abuurtay jaajuusnimada iyo dhibaateynta dowladdu ku waday bulshada maraykanka sida ficiladii basaasnimo ee dhacdadii guurtida ee 1918kii iyo basaasnimada ugub ee FBI-da maraykanku wado ee la magac baxay hawlgalka ‘COINTELPRO’.
  4. Waxaa jira Aragtiyo Shirqoolleed oo garaadka iyo aaminaadaha guud ee aadamaha adduunka haysata, oo raad iyo saameyn taban oo dhinaca qayibka ah ku abuurtay waxaana kamida aragtiyahaas :-
  1. Aragtiyaha shirqooleed ee ku saabsan qorshaha (UFO) ama noole-cireedyada:

Waa aragtiyo laga soo minguuriyay dhacdooyin ciireed oo kala duwan oo soo maray taariikhda aadamaha, waana dhacdooyiin qariib ahaa, oo aan hore loo arkin, balse aragtiyahaasi waxay ku kala duwanyihiin fasiraadaha dhacdooyinka iyo ujeeddooyinka ku-lamaanan dhacdooyiinkaas.

Qolyaha qaar ee fasiray dhacdooyiinkii ku saabsana noole-cireedyada ee markii dambana sheegay in adduunka ay soo gaco-dhigteen noolayaal shiisheeye oo qariib ihii, ayaa waxaa sii adag ugu gacansaydhay aqoonyahanada caalamka, waxaanay ku tilmaameen inuu yahay qorshe ay ka danbeeyaan dawladda maraykanka iyo qolyaha qarsoodiga ah ee maasooniyiinta, sii ay uu hirgeliyaan cabsi-wadareed caalamka oo dhan ah, taaso hadhow suurtogelin karta in nidaamka cusub ee caalamka umadaha lagu ciriiriyo inay uu hogaansamaan. Waxaanay sido kale tilmaameen in xaqiiqada ama runnimada jiritaanka noole-cireedku aanu ahayn mid la aqbali karo isla markaana suurtogal noqon kara. Balse aragti ahaantayda, xaqiiqadu waa mid wajiyadeeda leh, waxaa dhici karta in dhacdooyinka qaar ee noole-cireedyadu ay ahaayeen qaar run ah, halka kuwa kale oo been abuur ah oo aadamuhu ogsoonyahay ay yihiin dhacdooyiin cireedyo sameys ah, oo danta laga laha uu ahaa cabsi gelinta dadyowga caalamka.

Qaar ka mida aragtiyaha shirqoolleed ee noole cireedyada:-

  • Aragtida Shirqoolleed ee hawlgalkii cireed ee Naasiga

Aragtidan shirqoolleed waxay soo jeedinaysaa in Naasigii Jarmalku uu sameeyay hawlgal cirbixineed oo ay ku doonayeen in dayax gacmeedyo uu diiraan meeraha meerkuuri (mercury) iyo dayaxa, waxaanay aragtidani sido kale sheegaysa in naasiyiintii jarmalku doonayeen in ay uu duulaan hawada sii ay uu soo ogaadaan noole-cireedyada iyo guud ahaanba meerayaasha. Laakiin aragtidan waxaa ku gacansaydhay dhammaan aqoonyahanada iyo culimada nukliyeerka reer galbeedka, oo waxay caddayn uga dhigeen in xilligaas aanay jirin tiknoloojiyad horumartay oo xilligaas ka hawlgali lahayd cirka iyo hawada sare.

  • Aragtiyaha Shirqool ee dhacdadi Roswel ee noole-cireedyada 

Sanadkii 1947kii, Ciidanka Cirka ee Mareykanka ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku cadeynayaan in “sixin duulaya” oo burburay laga soo helay meel u dhow magaalada Roswell, ee Gobolka New Mexico. Wakhti kadib war-saxaafadeedkan ayaa si dhakhso leh ciidankii cirku dib uga noqday, kadib markii amar uga yimid taliska guud ee ciidanka maraykanka. Saraakiishina dib waxay uu sheegeen in diyaarad dagaal oo tijaabo lagu waday si khaldan loo aqoonsaday/fahmay. Kiiskan dhacdada Roswell si dhakhso leh ayaa loogu gudbiyay ururka dabagalka arrimaha cirka (UFOlogists), baarista kiiskanina waxay socotay ilaa 1970-dii. Xanta iyo ku tiri-kuteenta dhacdaduna way sii socotey, inkasta oo dawladda maraykanku si rasmi ah uu diidey tuhunka bulsho ee ah in dayax gacmeed shisheeye uu ku dhacay meel u dhow magaalada Roswell. Balse Sagaashameeyadii ayaa militariga Mareykanku daabacay labo warbixin oo muujinaya been-abuur aan sal iyo raad toona la lahayn xaqiiqada dhacdadi Roswell ee 1947kii. Si kastaba ha noqotee, dhacdadii Roswell waxay noqotay xiisaha aanay warbaahintu uga daalin buunbuuninta aragtiyaha shirqoolka ah ee ku hareeraysan dhacdada roswell. Dhacdada Roswell-na waxaa lagu tilmaama inay tahay “dhacdada ugu caansan adduunka casriga ah, waana mid kamida sheegashooyinka jiritaanka noole-cireedyo ee ugu saameynta badan, ee isla markaana aanay weli haayadda (UFOlogists) uu helin caddaymo buuxa.

  1. Aragtiyaha shirqooleed ee ku saabsan dilkii John F. Fennedy:-

Aragtiyaha Shirqoollleed ee Dilkii John F. Kennedy ee 1963kii waxaa lagu tilmaama “Shirqoolkii ugu weyna ee wakhtigan casriga ah”. Shakhsiyaadka iyo ururada aan tirada lahayn ee lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dilkii Kennedy waxaa ka mid ah CIA-da, Mafia-da Ameerika, Madaxweyne ku xigeenkiisi Lyndon B. Johnson, Raiisal wasaarahii Cuba ee Fidel Castro iyo haayaddi sirdoonka soofiyeeti ee KGB. Balse xaqiiqada aragtiyahan la sheegaya waa qaar sameys ah, marka loo eego xaqiiqada aan la dafiri karin ee ku hareeraysan dilka Kennedy, oo ilaha qaar ayaa sheegaya in qolyaha maasooniga ah ee maraykanku ka dambeeyeen dilka kennedy, oo badana waxaa la sheega in marki uu noola kennedy in uu aad uu rumeysna in waddankiisa awoodo qarsoon soo fara-gashanayaan, waxaana uu khudbadihiisa qaar kaga hadli jiray dabinada qolyahaas iyo sidey uu doonayaan inay uu burburiyaan akhlaaqiyaadka iyo garaadka dadyowga ameerika. Waxaana sido kale la rumeysanyahay in dilkii kennedy ay ka dambeysay haayadda CIA-da iyo qolyaha maasooniga ah oo qorshaha uu dajiyay. kadib dilkii kennedy, dowladda federaalka ah ee Mareykanka ayaa si ul kac ah u qarisay macluumaado iyo xaqiiqooyin muhiim ah oo ku saabsan dilkii kennedy, si looga hortago in shirqoolka la ogaado.

  1. Aragtiyaha shirqooleed ee ku saabsan ka shakigii geeridii Adolf Hitler:- 

Aragtiyaha Shirqoolleed ee ku saabsan ka shakiga dhimashada hogaamiyihii naasiga ahaa ee Adölf Hitler, waa aragtiyo burinaya xaqiiqooyinkii la aqbalay ee ku saabsana in hitler laftigiisu isku dilay madaxtooyadiisa (Führerbunker) sanadkii 1945kii-30kii Abriil. Inta badan aragtiyahani waxay qabaan in Hitler iyo xaaskiisii Eva Braun ay badbaadeen oo inta badan waxaa la sheega in ciidankii iyo taliyayaashii hitler ay dageen qorshe mira-habaabin oo ay ku badbaadinayaan Hitler iyo xaaskiisa, sii aanay gacanta ugu dhigin soofiyeetku, oo waxay ahayd wakhti ciidankii Colki casa ee soofiyeeti soo gaadheen duleedyada magaalada Berlin, adolf hitlerna muu doonahayn in isago oo nool la qabto, waxaana uu ka doorbiday in laba arrin la yeelo, in marka koowaad la soo gubo meydad hore uu dhintay, dambaska meydadkana la soo uruuriyo, iyo tan labaad oo ah in marka ciidanka casi ay soo gaadhaan afka taliska madaxtooyada in loo sheego in Hitler iyo xubno kamid ah qoyskiisa iyo taliyayaashiisi sar-sare ay horaba isku togteen kadibna meydkoodi lagu gubay aqalka dabadiisa (Führerbunker). kadib dabin-habaabineedkani ay naasiyiintu dageen waa laa aaminay, oo ciidankii soofiyeeti way aamineen hadaladi dadyowgii loo xilsaaray inay been abuurkan sameeyaan, hitler, eva braun iyo taliyayaashi naasiguna wey badbaadeen, oo waxaa la sheega inay uu baxsadeen midkood dalka Arjentina ama qaaradda Antaratica. Balse xaqiiqada iyo runnimada aragtiyahani waxaa rumeysan aqoonyahanada qaar, qaar kalo oo kamida taariikhyahanada iyo khubarada cilmiga bulshada iyo dambiyada, waxay aragtidan ku tilmaameen aragtiyo iyo hadalo xaqiiqada taabsiinaya xulufadii jebiyay awooddi mar la arkayga ahayd ee naasigii jarmalka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

10 qodob oo muhiim ah inaad wax ka ogaato siyaasada Shiinaha ee diimaha

Dowladda Shiinaha ayaa dejisay ‘xeerarka diimaha’. Xeerarku waa qayb ka mid ah istaraatijiyadda soo jireen ah oo ay dawladda Shiinuhu ku doonayso inay diinta iyo shuuciyadda iswaafujiso si loo xaqiijiso siyaasadda xisbiga Shuuciga Shiinaha, iyadoo ujeedku yahay kor-u-qaadista diinlaawe-nimada ‘cawaannimada’.

Published

on

Wafdi ka socda Ismaamulka Xinjiang Uyghur inta lagu guda jiray shirweynaha 12-aad ee qaranka: Sawir: (AP)

Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha si rasmi ah waa dawlad diinlaawe ‘calmaani’ ah ama mulxid sida aad u taqaano, laakiin dawladdu waxay si rasmi ah u aqoonsan tahay shan diimood: Islaamka, Budhisnimada, Taoism, Masiixiyadda oo isuga jira Katholicism iyo Protestantism-ka.

Horraantii qarnigii 21aad, waxaa sii kordhayay aqoonsiga rasmiga ah ee Confucianism iyo diimaha dadweynaha Shiinaha oo qayb ka ah hidaha dhaqanka Shiinaha.

Waa maxay Confucianism-ka?

Confucianism-ka waa nidaam anshax ah, oo lagu aasaasay waxbarista Confucius, taas oo saamaysay dhaqanka soo jireenka ah ee Shiinaha. Confucianism-ku waxa uu qiimeeyaa waxbarashada oo waxa uu culays saaraa xidhiidhka qoyska ka dhaxeeya. Waa nuxurka barashada, isha qiyamka, iyo xeerka bulsho ee Shiinaha. Saamaynteedu waxay sidoo kale ku fiday dalal kale, gaar ahaan Kuuriya, Jabbaan, iyo Fiitnaam.

Ilbaxnimada Shiinaha waxay taariikh ahaan muddo dheer ahayd saanqaadka iyo marti-gelin noocyo kala duwan ee caaddooyinka falsafada diimeed ee ugu dheer adduunka.

Tan iyo 1949, Shiinaha waxaa maamula Xisbiga Shuuciga Shiinaha (XSS), oo ah xisbi rasmi ah oo diinlaawe ah oo ka mamnuucaya xubnaha xisbiga inay ku dhaqmaan diinta inta ay xilka hayaan.

Xoriyadda iyo Xeerarka

Dowladda Shiinaha ayaa dejisay ‘xeerarka diimaha’. Qodobka 36 ee dastuurka Shiinaha ayaa sheegaya in muwaadiniintu diimahooda ay xor u yihiin. Xeerarkaan ayaa mamnuucaysaa takoorka ku salaysan diinta. Golaha Gobolka, maamulka dawladda, wuxuu meel mariyey xeerar ku saabsan arrimaha diinta, kaas oo dhaqan galay Febraayo 2018, si loogu oggolaado ururrada diimeed ee ka diiwaangashan dawladda inay hanti yeelan karaan, qoraallo diimeed daabacan karaan, tababaraan oo ansixiyaan wadaaddada, iyo ururinta tabarucaadka. Haddana xuquuqahaas waxaa barbar socda kontaroolada dawladda oo sare loo qaaday. Shuruucda dib loo eegay waxaa ka mid ah xaddidaadda duruusta diimaha iyo waqtiyada iyo goobaha xafladaha diimaha, iyo sidoo kale la socodka dhaqdhaqaaqa diinta ee internetka iyo ka warbixinta deeqaha ka badan 100,000 yuan (qiyaastii $15,900).

Xeerarku waa qayb ka mid ah istaraatijiyadda soo jireen ah oo ay dawladda Shiinuhu ku doonayso inay diinta iyo shuuciyadda iswaafujiso si loo xaqiijiso daacadnimada xisbiga Shuuciga Shiinaha, iyadoo ujeedku yahay kor-u-qaadista diinlaawe-nimada ‘cawaannimada’.

Agaasimaha Shiinaha ee hay’adda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch, Sophie Richardson, ayaa leh in kasta oo caqiidada diinta ee Shiinaha uu ilaalinayo dastuurka, tallaabooyinka ay qaadayso dowladda “ma dammaanad qaadayso xaquuqda muwaadinka ee ku dhaqanka diinta [PDF]” Ururada diintu waa in ay iska diwaan galiyaan mid ka mid ah shanta urur diimeed ee ay dawladu ogolaatay, kuwaas oo uu kormeero Maamulka Gobolka ee Arimaha Diinta (SARA).

Tirada dadka haysta diimaha ee ay diiwaangelisay dawladda ayaa ah ku dhawaad laba boqol oo milyan, sida laga soo xigtay ilo dhawr ah, oo ay ku jiraan Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ee 2018 Dib-u-eegis Xilliyeedka Caalamiga ah.

Dhinaca kale, Dastuurka Shiinaha ayaa sheegaya “xornimada caqiidada diinta” dowladduna waxay si rasmi ah u aqoonsan tahay shan diimood ee aan kor kusoo sheegay. Iyada oo ay jirto kobaca dhaqaalaha Shiinaha iyo casriyeynta degdega ah, khubaradu waxay tilmaamayaan soo ifbaxa faanka ruuxiga ah ee sii kicinaya tirada sii kordheysa ee diimaha. Haddaba qoraalkan waxaan kusoo qaadanayaa 10 qodob oo muhiim ah inaan wax ka ogaano siyaasadda Shiinaha ee diimaha ku salaysan:

1. Shiinuhu waxa uu wadaa siyaasada ah “Sinicization” oo laga rabo kooxaha diimaha inay waafujiyaan caqiidooyinkooda diimeed, caadooyinkooda iyo akhlaaqdooda dhaqanka Shiinaha. Ololaha sinicization-ka wuxuu si gaar ah u saameeyaa waxa loogu yeero diimaha “shisheeye” – oo ay ku jiraan Islaamka iyo sidoo kale Masiixiyada – kuwaas oo laga rabo inay mudnaanta siiyaan caadooyinka Shiinaha oo ay muujiyaan daacadnimada nimaadka shuuciyadda ee dawladda.

Waa maxay Sinicization-ka?

Sinicization-ka waxaa lagu qeexaa inay tahay dadka aan ka soo jeedin Shiinaha oo hoos yimaada dhaqanka iyo maamulka Shiinaha. Waa hannaan bulshooyinka dhaqan ahaan aan Shiineeska ahayn lagu hoos galiyo saamaynta bulshooyinka Shiinaha ee Han, iyagoo la qabsanaya dhaqankooda, caadooyinkooda, iyo hab nololeedkooda. Sinicization-ka marka si kale loo eego waxaa loola jeedaa habka isku-mideynta bulshooyinka deriska la ah Shiinaha.

2. Sinicization-ka wuxuu qeexayaa aragtiyo kala duwan. Waxay burburiyeen qubbooyinka iyo minaarada masaajidda si ay ugu ekaadaan kuwo Shiineeska ah. Mas’uuliyiinta diimaha Islaamka iyo Masiixiyadda ayaa la sheegay in laga codsaday inay diiradda ku saaraan barashada diinta ee ka tarjumaysa qiyamka hantiwadaagga. Dawladdu waxa kale oo ay qorshaynaysaa in ay soo saarto nuqul cusub oo quraanka kariimka ah kaas oo ka caawin doona waxbarista diinta islaamka inay la jaanqaadaan “dhaqanka Shiinaha ee waaga cusub.”

3. Siyaasadaha xaddidan ee Shiinaha ee ku wajahan Muslimiinta – gaar ahaan qoomiyada Uyghurs-ka ee gobolka Xinjiang – ayaa si weyn loo diiwaangeliyay tobankii sano ee la soo dhaafay. Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeya Shiinaha inuu ku haayo xad-gudub dadka Uyghur-ka ah waxaana loolla dhaqmaa si bareer ah, waxaana lagu haayaa ilaalo iyo jirdil. Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku tilmaantay dhacdooyinkii ka dhacay Xinjiang inay ahaayeen xasuuq, iyadoo lagu eedeyay in mas’uuliyiinta Shiinaha ay xireen in ka badan 1 milyan oo Muslimiin Shiinees ah oo ku jira xeryo si gaar ah loo dhisay. Uyghurs-ka ayaa 43% ka ah Muslimiinta Shiinaha.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa aaminsan in Shiinuhu uu xiray in ka badan hal milyan oo Uyghurs-ka ah dhowrkii sano ee la soo dhaafay iyagoo lagu xareeyay xarumo oo ay dowladdu ugu yeertay “xeryo dib-u-waxbarasho”, waxayna boqolaal kun ku xukuntay xabsiyo. Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty iyo Human Rights Watch ayaa daabacday warbixino ay Shiinaha ku eedeynayaan dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Sawirrada dayax-gacmeedka waxay muujinayaan dhismayaal laga dhisayo Xinjiang, u fiirso sanad walbo sanadka ka dambeeya. Sawirka GOOGLE

Dowladda Shiinaha ayaa diiday eedeymaha waxayna sheegtay in raritaan, xeryo iyo tillaabooyin kale oo qasab ah ay ula jeedaan in lagu wanaajiyo nolosha Muslimiinta. Tusaale ahaan, saraakiisha Shiinaha ayaa sheegay in xerooyinka Xinjiang ay bixiyaan tababar xirfadeed iyo ka hortagga xagjirnimada diinta.

Maxay ahayeen Uyghurs-ka?

Waxaa jira ilaa 12 milyan oo Uyghurs-ka ah, oo u badan Muslimiin, kuwaas oo ku nool gobolka Xinjiang, oo si rasmi ah loogu yaqaano Ismaamulka Xinjiang ee Uyghur-ka (IXU).

Uyghurs-ku waxay ku hadlaan luqad u gaar ah, oo la mid ah Turkiga, waxayna isu arkaan inay dhaqan ahaan iyo isir ahaanba u dhow yihiin waddamada Aasiyada dhexe. Waxay ka kooban yihiin in ka yar kala bar dadweynaha Xinjiang.

Shiinaha ayaa sidoo kale lagu eedeeyaa in uu bartilmaameedsado dadka diinta Islaamka aaminsan iyo in uu gobolka ka mamnuucay dhaqamada diiniga ah iyo sidoo kale burburinta masaajidda iyo qubuuraha. Dhaqdhaqaaqayaasha Uyghur ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in dhaqanka kooxda uu halis ku jiro in la tirtiro.

4. Diinta Masiixiga ee Shiinaha waxa lagu maamulaa xeerar dhowr ah. Masiixiyiinta waa loo ogol yahay inay ku cibaadaystaan “kaniisadaha rasmiga ah” ee ka diiwaan gashan hay’adaha dawladda ee kormeerka ee ka mas’uulka ah Protestantism-ka iyo Catholicism-ka. Si kastaba ha ahaatee, Masiixiyiin badan ayaa diiday kormeerkan waxayna ku caabudaan kaniisadaha ay ka dhisteen dhulka hoostiisa.

Tan iyo markii madaxweyne Xi uu xukunka qabtay 2013, dowladdu waxay mamnuucday faafinta diinta ee gudaha internetka, waxay xoojisay xakamaynta dhaqdhaqaaqyada Masiixiyiinta ee ka baxsan goobaha diiwaangashan, waxayna xirtay kaniisadaha diida inay isdiiwaangeliyaan. Maamulka ayaa sidoo kale xiray hogaamiyayaal caan ah kuwaas oo la sheegay in lagu hayo xeryo.

5. Shiinuhu wuxuu ula dhaqmaa Buddhism-ka si gaar ah – gaar ahaan Han Buddhism-ka, oo ah laanta diimeed ee ugu baahsan dalka – waxaana loolla dhaqmaa si ka dabacsan diimaha kale ee Islaamka iyo Masiixiyada. Madaxweyne Xi Jinping wuxuu had iyo jeer ku ammaanaa Han Buddhist-ka inay isku darsadeen Confucian-ka, Daoist-ka iyo caqiidooyinka kale ee Shiinaha ee soo jireenka ah.

Isla markaana, Shiinuhu waxa uu gacan bir ah ku qabtay Buddhistaha Tibet. Dhawaan, mas’uuliyiinta Shiinaha ayaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen ololeyaal “dib u-waxbarasho siyaasadeed” oo loogu talagalay in lagu xoojiyo nidaamka madaxweyne Xi Jinping iyo in la niyad-jabiyo diimaha kale. Waxaa intaa dheer, dawladda Shiinaha ayaa lagu dhaleeceeyay inay burburisay taallooyin oo ay ku jiraan macbudyo iyo taallooyin.

6. Diimaha qadiimiga ah iyo caadooyinka ruuxiga ah ee qadiimiga ah ayaa door weyn ka ciyaara nidaamka Shiinaha. Dawladdu waxay dhiirigelinaysaa hawlaha qaar oo ay u aragto inay qayb ka yihiin hidaha dhaqameed ee Shiinaha oo ay maalgelisay dib-u-cusboonaysiinta macbadyada diinta. Dadka ku nool Shiinaha waxaa loo oggol yahay inay xurmeeyaan faylasuufka Shiinaha ee Confucius oo ay ka qaybgalaan dabbaaldegyada halkaas oo lagu caabudo ilaahyada dadka – tusaale, Mazu, ilaahadda badda.

Dawladda Shiinaha waxay u xilsaartay dawladaha hoose inay nidaamiyaan dhaqdhaqaaqyada diineed ee dadweynaha si loo hubiyo inay ka tarjumayaan hidaha dhaqanka oo ay hagaan qiyamka hantiwadaagga. Laga soo bilaabo 2015, maamulada maxalliga ahi waxay diiwaan gelinayeen macbadyo leh muhiimad taariikheed iyo dhaqan waxayna samaynayeen dadaallo ay ku keenayaan shaqaalahooda iyo hawlahooda hoos-joogga dawladda. Gobollada qaar, macbadyo ay maamullada maxalliga ahi u arkayeen in ay yihiin bulsho ahaan iyo dhaqan ahaanba kuwa aan qiimo lahayn waa la dumiyey, qaarna albaabada ayaa la isugu dhuftay, qaarkiis waxa loo beddelay goobo cilmaani ah.

7. Dhaqdhaqaaqa diineed ee ka baxsan shanta diimood ee sida rasmiga ah loo aqoonsan yahay oo aan ka soo bixin oggolaanshaha dawladda sida nooc ka mid ah hiddaha dhaqameed ayaa inta badan mas’uuliyiintu u kala saaraan “khiyaad” ama “caaqmad xun.” Tusaale ahaan, sharciga Shiinaha wuxuu mamnuucayaa sixirka, dowladduna waxay ka soo horjeedaa dhaqamada diineed ee dadweynaha oo ay ku jiraan walxaha khuraafaadka ah sida in la demiyo qoryaha si looga ilaaliyo jinniyada sharka leh.

Kooxaha qaarkood, oo ay ku jiraan Falun Gong, Kaniisadda Midaynta iyo Carruurta Ilaahyadooda, ayaa loo arkaa cibaado oo la mamnuucay. Dowladda ayaa lagu eedeeyay in ay xirtay dhaqaatiirta Falun Gong oo ay kula kacday jirdil nidaamsan.

8. Xisbiga Shuuciga ah ee talada haya ee Shiinaha waxa uu kor u qaadaa aragtida diinlaawayaasha wuxuuna niyad jabiyaa muwaadiniinta in ay ku dhaqmaan diinta. Weli, xisbiga shuuciga ah waxa uu u dulqaataa mararka qaar ka-qaybgalka caadooyinka dhaqanka. Tusaale ahaan, waa la aqbali karaa in la booqdo macbadyada mar mar. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah xubnaha xisbiga shuuciga waxay aaminsan yihiin diin.

9. Carruurta da’doodu ka yar tahay 18 jir wuxuu dastuurka mamnuucayaa inay ku dhaqmaan diintooda ama ay xariir rasmi ah la yeeshaan gudaha Shiinaha. Waxa kale oo jira mamnuucid waxbarashada diinta (tusaalle, madaraso lagu barto diinta). Iskuulada waxay diiradda saaraan horumarinta diin la’aanta iyo qaadashada fikirka shuuciga waa sababta dhalinyaro badan ay ugu biiraan xisbiga shuuciga.

10. Mawqifka Shiinaha ee diimaha wuxuu dib ugu soo laabanayaa aasaaskii Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee 1949. Hogaamiyaashii hore ee xisbiga shuuciga waxay ku adkaysteen diinta inay ku xiran tahay ama ay ka timid “aragti dhaqan shisheeye,”. Intii lagu jiray Kacaankii Dhaqanka (1966-76), guddoomiyaha xisbiga shuuciga Mao Zedong wuxuu wacad ku maray inuu baabi’in doono “fikrado hore iyo caadooyin hore,” iyo kadibna waxay bilaabeen burburinta masaajidyo badan, macbadyo iyo kaniisado.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Casriga kelitaliska iyo awoodeysiga siyaasadda midigta fog

Dibu dhalashada midigta fog ee caalamka iyo saansaanta casriga kelitaliska ee adduunka. Sooyaalka midigta fog iyo saansaanta awooddeed ee laga filan karo.

Published

on

Waa Paul Golding, oo midigta fog ah oo gacanta ku haaya calanka Ingiriiska, waa hogaamiyaha kooxda wadaniga ah ee 'Britain First', ayaa nin Muslim ah kaga hortagay meel ka baxsan Komishanka Sare ee Hindiya ee London (Demotix / Guy Corbishley)

Ugu horeyn xagjirnimada bulsheed ee ku aadan ku dhaqanka maba’diida iyo caqliyadaha ay aaminsantahay bulsho, waa ay ku kala duwanyihiim ummaduhu, hadba ummadii fikirka iyo aaminaadda ay haysato ama ay aaminsanyihiin ayay ku jaan-gooyaan nolosha guud ee ay ku suganyihiin. Waxaa jira bulsho ku ad-adag oo aaminsan in dhaxalka diimeed, af, dhaqan, fikir, iyo waddaniyadda qoomiyadnimo ay yihiin qiyamka iyo qiimaha ay tahay in ay ku dhaatan si ay jiraalkooda ummadeed uu ilaaliyaan, oo badana ummaddaasi waa ummad xir-xiran sida ummaddeenan soomaaliyeed.

Dhanka kale waxaa jira ummado aaminsan in isbeddelka iyo suulinta dhaxalka iyo dhaqamadoodii hore uu yahay waddo uu taabo-xaadhaysa aayaha horumarka iyo casriga ee ay doonayaan, oo waxay badana aaminsanyihiin in isdhexgalka dhaqamada iyo afkaarta ummaduhu uu ka qayb qaadanayo horumarka aadamaha ee marba marka ka dambeysa waddada uu jeexaya ka aaradnaanta qiyamka iyo ruuxda rabbaaniga ah. Xagjirnimada bulsheed waa qaybo badantahay, xaqiiqdiina waxaa laga soo waarida falcelinta iyo hummaagga ay ummadii uga falceliso xaaladaha nololeed ee la soo gudboonaada. Dhanka kale aragtiyadaha kala duwan ee ay ummaduhu aaminsan yihiin waxaa loo kala qaybiya midig, bidix iyo fikirka dhexdhexaadnimada ah. Haddaba fikradaha kala ah midig iyo bidix waa miisaan caqliyadeed lagu qiyaaso habdhaqanada, go’aanada iyo falcelinta bulsheed ee ku aadan xaaladaha badan ee soo foodsaara nolosha guud ee bulshooyiinka oo dhan ; Ha noqdaan kuwo siyaasadeed, kuwo bulsho, kuwo diimeed , kuwo dhaqan, kuwo dhaqaale iyo kuwo la hal-maala oo xaalado bulsheed ahba.

Inta la xasuusanyahay sooyaalka taariikhda aadamaha waxaa la ogsoonyahay in aadamuhu uu kala bixii jirey midig iyo bidix oo labaduba kala aaminsan laba aragti-bulsheed oo ay bulshooyiinka ummaduhu uu kala baxaan, oo inta la ogsoonyahay waxay asal ahaan labadan aragti soo ifbaxeen dabayaaqadii qarnigii 18aad, intii lagu gudo-jirey kacaankii faransiiska ee isbeddelka bulsheed lagu doonayay. Haddaba maanta waxaynu si gaar ah uga hadli doona sooyaalka iyo isbeddelada xaaladaha siyaasadeed ee ay la kulmeen siyaasadaha midigta fog ee caalamiga ah, sidoo kale waxaynu ka hadli doona dhalashooyinka taariikheed iyo kuwa casriga ah ee awoodaha keli-taliska ah ee ay tarmisay falsafadda siyaasadeed ee qoominimada asal-raaca ah ku saleysan ee falsafadda midigta/ fog (radical-right/ far-right/right wing). Waxaa aynu sidoo kale isbar-bardhig ku sameyn doona kala duwanaashaha aragtiyaha qunyar socodka ah iyo kuwa xagjirka ah ee ay aaminsanyihiin ummadaha kala duwan ee adduunka (gaar ahaan yurubiyaanka).

Haddaba inago hordhacayna, waxaan doonaya inaad fahantaan intaan ku jirno mawduuceennan macnaha loola jeedo siyaasadda midigta fog, kadib waxaynu falanqeyn doona isla markaana aynu dul-tagii doona asalkeedii, taariikhda ay soo martay, ujeeddooyinka siyaasadeed ee ay xambaarsantahay falsafaddaasi iyo ta ugu weyn ee ah saansaanta awoodeed ee laga filan karo qarnigan 21aad in ay yeeshaan awoodaha siyaasadda midigta fog aaminsan iyo suurtogalnimada ay ku dhalan karto kelitalis-wadareed caalami ah, oo adduunka ku sababa tartan asal-raac ah oo ay ummadaha caalamku ku tartaamaan. Haddaba marka aynu ka hadlayno siyaasadda midigta ama midigta fog waa nidaam fikreedyo ku dhisan aragtiyaha asal-raaca ah ee ay ummadd cayiman leedahay, isla markaana leh mabda’, dhaqan iyo qiyam jaan-go’an oo soo jireen ah. Aragtidanina waxay dhiirrigelisa oo ay xoojisaa waddaniyadda ummadaha, jecleysiga qoominimada, cunsuriyadda, awoodda ummadnimo, kala sarreynta dabaqadaha bulsho iyo isbalaarinta dhulleed ee ay ummadii ku taamto.

Sanadkii 2019kii Warar xog ogaal ah oo laga leeyahay mid kamida warbaahinaha yurub ayaa daboolka ka qaaday in kooxaha midigta fog ee Qaaradda yurub ay taageerayashooda iyo bulshooyiinka tageersana ku amreen in ay is-hubeeyaan isla markaana haystaan hubka sharciga ah iyo ka aan sharciga ahayn ee hubka culus riddooyinka ah, waxaanay ku sababeeyen arrinkan in ay tahay sabab macquul ah oo muujinaysa halganka iyo awoodeynta fikirka midigta fog ee xagjirka ah. Tanina waa mid kamida saansaanta awoodeed ee ay muujinayaan asxaabta midigta fog ee caalamku, waana tubta uu xaadheysa halganka ka dhanka ah qolyaha bidixda fog (far-left, Radical left).

Asalka siyaasadda midigta/fog iyo heererkii kala duwana ee ay soo martay

Asal ahaan siyaasadda midigta /fog waxay ka soo dhambaalmantay xilliyadii kacdoonkii faransiiska ee dabayaaqadii qarnigii 18aad, kadib Kacaankii Faransiiska ee 1789kii wuxuu abuuray isbeddel weyn oo xagga fikirka siyaasadeed ah isagoo caqabad ku noqday fikradaha aasaasiga ah ee taageeraya kala sarreynta bulshada iyo taliska xukunka boqornimo ama keligii talisnimo , wuxuuna abuuray qolyo cusub oo uu doodaya sinnaanta guud iyo xorriyadda. Muuqaalka dheer loollanka siyaasadeed ee bidix iyo midig ee casriga ah ayaa sidoo kale soo ifbaxay xilligan. Kadib kacdoonkii faransiiska, faransiisku wuxuu la kulmay kala jab siyaasadeed oo ku yimid barlamaankiisa oo uu kula baxay laba qaybood oo iskugu jira qolo aagga bidix ee barlamaanka fariisan jirtay oo ah dimuqraadiyiin, caalamiyiin (Globalist) iyo calmaaniyiin (Secularist) oo iyagu yeeshay summadda siyaasadda bidixda iyo Qolo kale oo asal-raac ah oo aagga midig ee barlamaanka fariisan jirtay oo ah qoommiyiin (nationalist), waddaniyiin, keli-talis uu xagliyaal iyo asal-raacyahano bulsheed (fundamental conservatism). Waxaa jiray dhaliilo badan oo ay soo jeediyeen aqoonyahanada taariikhda iyo falsafadda kuwaaso sii aad ah uga soo horjeeday xorriyadda iyo dimuqraadiyadda qarnigii 19aad dhalatay, sida Joseph de Maistre iyo Friedrich Nietzsche, waxay aad u dhaleeceeyeen Kacaankii Faransiiska, iyagoo tibaaxay in uu ahaa qorshe ay qolyo qarsoon oo yuhuud ihii ka dambeeyeen, oo xaqiiqatan waa xaqiiqo jirta in kacaanka faransiiska ay ka dambeeyen qolyaha qarsoodiga ah ee yuhuudda ku abtirsada.

Kuwii uu ololeeyey in lagu soo noqdo nidaamyadii boqortooyadnimada badhaxa-tiran (Oligarchical-monarchy) intii lagu jiray qarnigii 19aad waxay isku magacaabeen “ultra-monarchists” oo ah laan kamida aragtiyaha ay ku dhisantahay siyaasadda midigta fog, sido kale waxay qaateen aragtiyaha “mystic” iyo “providentialist” oo tibaaxaya in maamuulka guud ee noloshu uu yahay hawlo rabbaani ah oo ilaahay unkay, kana turjumaysa baahida aadamuhu uu qabo nolosha iyo dabeecadda guud ahaan. Kadib waqtiyadaas, qolyihii midigta fogi waxay bilaabeen in ay galaan halgan ka dhan ah bidixda fog oo uu aaminsanyihiin inay yihiin cadawga doonaya in ay qiimaha iyo qiyamka aadamaha suuliyaan. Ka soo horjeedka liddinimo ee ay midigtu uu muujisay bidixda waxay sababeen qalaalase caalami ah oo ay ka mid yihiin dagaaladii sokeeye ee ka dhex aloosamay qaaradaha ameerika iyo yurub, kuwaaso dhabada uu xaadhay labadii dagaal weyne adduunka iyo burburkii waayihii boqortooyanimada adduunka, taaso sababi doonta burbur ku iman doona cahdigii midigta fog ee caalamka.

Cadawtinimada ama ku liddinimada bidixda casriga ah ee ay midigtu uga soo horjeedday wuxuu ku salaysnaa aaminsanaanta ah in kala saraynta iyo xididnimada ama qoomiyadnimadu ay ka muhiimsan tahay sinnaanta iyo xorriyadda bulsheed ee bidixda, iyadoo labada dambe ay yihiin kuwo bani-aadamka sababaya inuu dhaafo xayndaabka aadamnimada taa liddigeedna uu noqdo xayawaan shahwaddiisa iyo yeermadiisa raacda.

Dooddo ka dhex dhacay faransiiska ka dib Kacaankii Balaashifada shuucigii ku qabsadeen ruushka sanaddi 1917kii, waxay sheegeen in midigta fog ee yurub ay noqon doonto liddiga cadaawe ee ugu weyn ee ay la kulmi doonaan balaashifada shuuciga ah ee isla markaana ah bidixda fog. Tiro ka mid ah mufakiriinta dhinaca midigta fog ayaa si kastaba ha ahaatee sheegay in ay saameyn kala kulmeen qeexitaanada liddiga ah ee ka dhanka ah maarkisiyadda iyo xorriyadda sinaanta ee qeexitaanada hantiwadaagga iyadoo lagu saleynayo iskaashiga millatari kasoo horjeeda aragtiyaha kaaral markis ee dabaqadaha , ama waxaa uu Oswald Spengler ugu yeeray “hantiwadaagga dhiigga”, taas oo mararka qaarkood ay aqoonyahannadu ku tilmaamaan qaab ah “dib u eegistii qaldanayd ee hantiwadaagga (The false reform of socialism) “. Balse sida la ogsoonyahay asalka hantiwadaagga asal-raaca ihii waa mid ka yimid qolyaha midigta fog, oo qaar kamida aqoonyahanada iyo siyaasiyiinti midigta fog waxay uu arkaan in ay tahay falsafadd ka soo jeedda afkaarta midigta fog, oo waxaa kamida shaqsiyaadkaas, Charles Maurras, Benito Mussolini, Arthur Moeller Van den Bruck iyo Ernst Niekisch

Laakiin Mufakiriintaas ayaa aakhirkii ku kala jabay khadadkii waddaniyadeed ee ka soo horjeeday dhaqdhaqaaqyadii shuuciga aha ee asalka ahaa. Karl Marx iyo Friedrich Engels oo ka hor imanaya aragtiyaha wadaniyiinta midigta fog ayaa yirri fikrad ah “ragga ama dabaqadaha shaqeeya ma laha waddan iyo xuquuq ay ku helaan dagganaansho.”, taas oo markii dambe ka careysisay kooxaha midigta fog ee ka dhisna jarmalka. Sababta ugu weyn ee jahwareerkaas xagga fikirka ah dhalisay waxaa lagu ogaan karaa cawaaqib xumadii ka dhalatay Dagaalkii Franco-Prussian ee 1870kii , kaas oo sida uu sheegayo taariikhyahankii reer Switzerland ee Philippe Burrin ku sheegay in dagaalkaasi uu gabi ahaanba dib u habeyn ku sameeyay muuqaalkii siyaasadeed ee Yurub ee xilligaas, isla markaana uu sababay faafidda fikirka shaqsiyad-diidka (Anti-individualistic) ah ee ku aadan midnimada qaranimo. Waqti kadib waxaa aad uu sare kacay kala qaybsanaanta labada mad-hab ee midig iyo bidix oo marka kadib geli doona halgan dheer oo midba midka kale ka dhan ah.

Waqtigaas kadib waxaa dhashay fikradihii ugu xagjirsana midigta fog ,kuwaaso la kala oran jirey faashiyadda (Fascio) iyo naasiyaddii jarmalka (Nationalie zocialismus). Waxaana jira sidoo kale hogaamiyaal islaami ah oo aragtidan asal-raacnimada dhiirigelinaysa ee midigta fog aaminsana isla markaana ku dhaatay halgan dib uu soo celin ah. Waxaana kamid ahaa labadii hogaamiye ee islaamiga ahaa ee ruuxulaah khomeyniigii iiraanta islaamiga ah iyo osaama binu laden oo iyaguu ahaa islaamiyiin asal-raac ah oo midigta fog ah, waayo waxay ahaayeen dhaxal ilaaliyaal guntida uu xirtay in ay ilaaliyaan qiyamka iyo aragtida ay aaminsanayeen bulshooyinkoodu ee awoow ka awoow.Waa Paul Golding, oo midigta fog ah oo gacanta ku haaya calanka Ingiriiska, waa hogaamiyaha kooxda wadaniga ah ee ‘Britain First’, ayaa nin Muslim ah kaga hortagay meel ka baxsan Komishanka Sare ee Hindiya ee London (Demotix / Guy Corbishley)

Taariikhda Midigta fog iyo kacdoonkii midig ee caalamiga ahaa. :- Kooxaha Midigta Fog ee Qaaradda Ameerika

BARAASIIL:- Intii lagu gudo jirey dagaalkii labaad ee adduunka, naasiyiintii jarmalku waxay sameyn jireen oo ay faafin jireen borobagaandooyin iyo been abuuro ku wajahan dhaladka iyo isirka aariga jarmalka ah ee ku noola brazil iyagoo marka uga gonlaha inay fikirka iyo aragtida naasiyadda ku dhex faafiyaan dadyowgaas asal ahaan ah ka soo jeeda jarmalka. Taliskii Naasiyiintu wuxuu xilligaas xiriir dhow la dhisay dalka Brazil isagoo u maraya qiyaastii 100 kun oo Jarmal asal ah oo ku dhashay jarmalka iyo 1 milyan oo isir ahaan Jarmal ah oo ku noolaa Brazil waqtigaas. Sanaddii 1928kii, xaruntii reer Brazil ee Xisbiga Naziga ayaa laga aasaasay magaalada Timbó, Santa Catarina. Xaruntani waxay yeelatay oo ay gaadhay 2,822 xubnood oo siyaasiyiin iyo tageeraba iskugu jira, waxayna ahayd qaybta ama xarunta ugu weyn ee Xisbiga Naziga ee ka baxsan gudaha Jarmalka. Intii lagu guda jiray 1920-meeyadii iyo 1930-yadii, summado maxalli ah oo faashiisnimo diimeed ah ayaa ka soo ifbaxay gudaha brazil, kuwaas oo loo yaqaanay ” integralism ” ama intaqraaliyiintii brazil kuwaas oo iskugu jiray kacdoonyahano iyo urur ciidan ah oo aaminsanaa aragtida dagaaleeed ee ku dhufo oo ka dhaqaaq, waxaanay lahayeen darays ama shaati midab cagaaran leh oo darajooyiinkii naasigii jarmalku ku taxnaayeen. Ururkaas faashiga ihii wuxuu abuuray kacdoono iyo nooca mudaharaadyada ee jidadka sida aadka ah loo buuxiyo, sido kale waxay isla markaana abuureen hadaaqyo iyo hadalo ka dhan ah Maarkisiyaddii shuuciga ahayd iyo libraaliyaddii reer galbeed.

Kadib jabkii Jarmalka ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka, in badan oo ahaa dambiilayaal dagaal oo Naasi ah waxay u qaxeen Baraasiil waxayna ku dhex dhuunteen bulshooyinkii Jarmalka ahaa ama curuuqdii asalka jarmaliga lahayd ee Baraasiil. Waxaana kamid ahaa shaqsiyaadkii ama Kiiskii ugu caansanaa wuxuu ahaa Josef Mengele, oo ahaa dhakhtar ku caanbaxay “Malaa’igtii Dhimashada”, magacan oo loogu bixiyay falalkii aragagaxa lahaa ee uu ka geysan jiray xeradii urursiga ahayd ee Auschwitz ee yuhuuddi yurub lagu xareyn jiray. Josef Mengele wuxuu sameyn jiray tijaabooyin caafimaad oo naxdin leh, kuwaas oo uu ku sameyn jiray dadyowgii xerada ku jiray, isagoo marka ugu gonlaha inuu soo saaro cilmi-baarisyo caafimaad oo ay xilligaas naasiyiintu wadeen. Mengele oo sida aanu sheegnay baxsad ahaa, isagoo aan gaarin xeebaha bari ee brazil, wuxuu ku haftay deegan xeebedka Bertioga, oo ku taal xeebta gobolka São Paulo, isagoon weligiis la aqoonsan ama aan meydkiisi la aqoonsan ayuu dhintay. Waxaana waqtiyo badan la baadi goobayay isaga iyo dambiilayaal kale oo baxsad noqday markii naasigii jarmalku jabay.

Fikirka Midigta fogii waa sal-balaartay, waxaana uu sii waday inuu ku faafo Baraasiil dhan, waxaana xusid mudan in xisbiyo midigta-fog ay jireen xilligan casriga ah oo ay ka mid yihiin xisbiga Patriota, Xisbiga Dib u Cusboonaysiinta Shaqaalaha Brazil, Xisbiga midigta Qaranka, xisbiga Isbahaysiga Cusbooneysiinta Qaranka iyo Xisbiga Liberal-ka. iyo sidoo kale waxaa aad uga soo ifbaxay brazil, kooxaha midigta fog ee burcadda iyo gangistarayaasha dilaayada ah, sida Taliskii waddaniyiinta ee ” El caudillo ” oo qaabilsana burcadnimada iyo boobka hantida shisheeyaha iyo waddamada kale. waana kooxo uu maraykanku ila haatan uu ku daray kooxaha halista ah ee qaarrada ameerika ka dhex shaqeeya. Wuxuuna bar-bardhigay kooxihii burcadda ahaa ee ay hogaamin jireen labadii mandooriyaaliste ee Pablo Escobar iyo Joaquin “El Chappo “. Muuqaal ahaan, maanta brazil waxaa talada haya xisbiga midigta fog ee waddaniyiinta midowday ee ” Alliance for Brazil “, kaaso oo uu hogaamiyo madaxweynaha haatan ee brazil ee Jair Bolsonaro.

MEXICO:- Xisbiga ugu weyn ee midigta-fog ah ee Mexico waa Ururka Isbahaysiga Qaranka (National Synarchist Union). Waxaa uu taariikh ahaan ahaa dhaqdhaqaaq Katooliga midig ah oo xagjirka ah. Xisbigan haddi siyaabihiisa ama astaamihiisa qaarkood marka la eego waxay la mid yihiin faashiistinimadii yurub iyo Falangism’ka oo ah aragti faashiste ah oo asal ahaan ka timid taliskii francisco franco ee spain. Xisbigani waxaa uu si adag uga soo horjeeday garabyada bidix iyo siyaasadaha calmaaniyiinta ee ay wadaan Xisbiyadii Kacaanka ahaa ee “Institutionale” iyo kuwii ka horreeyay ee xukumayay Mexico laga soo bilaabo 1929kii ilaa 2000kii iyo 2012kii ilaa laga soo gaarayey 2018kii.

MARAYKANKA: – ” Midigta Xagjirka ah “, Midigta Fog “, ” ” Midigta Durugsan ” waa astaamaha iyo magacyada loo yaqaan ama loo adeegsado in lagu sharaxo “noocyada kooxeed ee xagjirka ah ee fikirka midigta-fog aaminsan ee maraykanka. Waana kooxo kacdoonyahano ah isla markaana ah qoomiyad-doon gooni goosad ah “, kuwaas kala ah ururka katooliga fog, Ururka xagjirka ah ee Antifa, ururka Ku Klux Klan iyo kooxda ” Red Scares “. Kooxahani waxay wadaagaan fikradaha shirqoolka ah ee awoodda, waxay si weyn uga soo horjeedaan yuhuudda, waxay isla markaana diidaan dimuqraaddiyadda ku saleysan wadajirka iyagoo doorbidaya nidaamka taliska kooxeed ku dhisan ee oligarchy-ka dabiiciga ah ee mideeya dadka loo arko inay isku midab-yihiin ama cirqiga goonida ah ka soo jeeda, tusaale ahaan cirqiga foolkishka ama aariga jarmalka. Laga soo bilaabo 1870-yadii ilaa dabayaaqadii dambe ee qarnigii 19aad, kooxo badan oo u ololeeya cadaaladda Midigta xagjirka ah ayaa ka hawlgalay Koonfurta maraykanka, iyada oo ujeedadoodu ahayd abaabul ka dhan ah ama cabsi gelinta taageerayaasha Xisbiyada liberaaliga ah ama xisbiyada uu janjeera fikirka bidixda.

Hogaamiyihii caanka ahaa ee xisbiga midigta ah ee ” KKK ” ee Dwight C. Stephenson wuxuu aaminsana oo uu ku andacooday in ay yuhuuddu maamusho hantida iyo lacagaha bangiyada taal ee ay shacabweynaha maraykanku leeyahay, waxaana uu sidoo kale ku andacooday in ay jeeb-weynta yuhuuddu ka dambeysay aloosankii iyo ololkii ka kacay dagaal-weynihii 1aad ee adduunka, waxaana uu sheegay in ay lahayeen qorshe ay ku doonayeen inay ku burburiyaan ilaha dhaqaale ee masiixiyiinta yurub iyo jiritaanka dawladda cusmaaniga ah ee islaamku dhistay lix qarni ka hor.

Sidoo kale Stephenson wuxuu aaminsana aragtida shirqoolleed sheegaysay in yuhuuddu ay ka dambeysay aloosankii kacaankii balaashifadii shuuciga ahayd, aragtidan oo magaceeda la yiraa ” Jewish Bolshevism “, oo wuxuu Dwight Stephenson ku andacoonaya in markii uu bilaabmayay kacdoonkaasii la maqlayay borobagaandooyiin lagu dhex faafinayay saxaafadaha reer-galbeed, kuwaaso soo tebinayay in yuhuuddi zionismka ahayd ay abaabuleen kacdoon wata fikirka shuuciyadda iyo markiisiyadda alle-koodka ah. Waqtiyo badan Stephenson wuxuu ku dadaalay in uu fashiliyo shirqoolada iyo xogaha yuhuudda, isagoo rajadiisaas tixraacaya wuxuu guntida uu xirtay daabicidda waraaqihii iyo dukumentiyadii ka hadlayey ” Borotookolladii Zionismka ” ee ay ku qorneyd qorshihii yuhuudeed ee Qabsashada awoodda caalamka. Waxaana uu dwight uu halgamey si uu shaki iyo qal-qal geliyo bulshooyinkii masiixiga ahaa ee reer galbeed. Intii lagu gudo jiray ” Murugadii Dhaqaale ee weyneyd ee adduunka ama ” World Great Depression ” waxaa jiray tiro aad u tiro yar oo ka mid ah kooxaha yar yar ee Asal-raaca ah, kuwaas oo fikradahooda iyo saldhigyadooda taageerada ay la mid ahaayeen kuwii asal-raacyada hore ahaa.

Si kastaba ha noqotee, dhaqdhaqaaqyo lagu magacaabo ‘proto-fascist’ ayaa soo ifbaxay, waxaana kamid ahaa ururka” Huey Long’s Share Our Wealth ” iyo Charles Coughlin’s National Union for Social Justice “, kuwaas oo ka duwan kooxaha kale ee garabka midig iyagoo kuwani marka weeraraya ganacsiyada waaweyn, isla markaana ku baaqaya dib u habeyn dhaqaale iyo diidmada soo galootiga iyo xaq-siinta dhaladka cad-cad ah. Ururka Coughlin ayaa markii dambe la soo baxay fikrad cunsurinimo oo argagax ku abuurtay dadyowga cirqaha kale ah ee maraykanka xilligaas ku noola, waxaanay la amakaageen xasuuqa ay geysanayaan kooxaha cad-cadka ah ee midigta fog. Intii lagu gudajiray Dagaalkii Qaboobaa, ” Red Scares ” oo ah kooxdii ugu tunka weyneyd ee axsaabta midigta fog ayaa waxay arkoodeen ama arkeen jaajuusiin iyo shuuciyiin saameyn ku yeelanaya nidaamkii dowladda maraykanka ee xilligaas iyo sidoo kale warbaahinta iyo madadaalada maraykanka, in kasta oo labada xisbi ee maraykanku (jamhuuriga iyo dimuqraadiga) ka soo horjeedeen shuuciyadda ku soo socotay Mareykanka, haddana waxay ahayd dagaal kaliya oo uu dhaxeeyay xisbiyada midigta iyo xisbiyada shuuciga ah ee caalamka kuwaas oo ah bidixda-fog, inta badan waxay uu la dagaallameen dagaal weyn oo xagga fikirka ah oo ka dhan ah shuuciyaddaas adduunka ku faafeysay.

Kooxaha Midigta-Fog ee Qaaradda Eeshiya

JABBAAN:- Sannadkii 1996-kii, Wakaaladda Bilayska Qaranka Jabbaan ayaa ku qiyaastay inay jiraan in ka badan 1,000 kooxood oo xagjirka ah oo garabka midig ee Japan ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin qiyaastii 100,000 oo xubnood wadar ahaan. Kooxahan waxaa Jabbaan looga yaqaana ” Uyoku dantai “. In kasta oo ay jiraan kala duwanaansho siyaasadeed oo udhaxeeya kooxahan, haddana guud ahaan waxay wataan falsafadda ah bidix-nacaybka, cadaawad uu muujinta siyaasadaha bidix ee Shiinaha, Waqooyiga Kuuriya iyo Kuuriyada Koonfureed. Sidoo kale waxay ay buunbuuniyaan oo ay qiil uu sameeyaan riddooyinkii nukliyeerka ee magaalooyinkii jabbaan ee hiroshima iyo nagazaki lagu qarxiyey iyo doorkii halyeeynimada ahaa ee ay jabbaan ku lahayd Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Kooxaha Uyoku dantai ayaa caan ku ahaa gawaaridoodii borobagaandada faafin jirtey, taas oo lagu rakibi jiray sameecado aad uu waaweyn iyagoo magaalooyinka jabbaan kula wareegii jirey hadalada dacaayadaha ah, isla markaana si weyn loogu calaamadeeyay magaca kooxda iyo halku dhigyo qurxoon oo dacaayad ah. Gawaaridan waxaa laga daari jirey heesaha waddaniga ah iyo kuwa gubaabada xilliyadii dagaalka.

Dhaqdhaqaaqayaasha ku xiran kooxaha noocaas ah waxay isticmaali jireen bambooyinkii ruushka ee Molotov iyo bambooyinka waqtiga ku shaqeeya, waxaanay ku qaraaci jireen gawaarida iyo xarumaha ay calaamadsadaan sii ay uu cabsi geliyaan siyaasiyiinta qunyar socodka ah iyo dadyoowga caanka ah, oo ay kujiraan wasiir kuxigeenkii hore ee arrimaha dibadda ee jabbaan Hitoshi Tanaka iyo guddoomiyihii xisbiga liberaalka bidixda ahaa ee Fuji Xerox Yotaro Kobayashi. Sida la sheegay Nin hore uga tirsanaan jiray kooxaha garabka midigta-fog ee jabbaan ayaa dab qabad siiyay guriga siyaasigii ugu weyna ee hogaamin jirey xisbiga ” Liberal Democratic Party ” ee Koichi Kato. Koichi Kato iyo Yotaro Kobayashi ayaa dhiilo ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee uu dhaxeysa kooxaha garabka-midigta fog iyo kooxaha xag-jirka ah ee bidixda-fog. Waxaanay walaac ka muujiyeen argagaxisnimada ay wadaan wadaaddada asal-raaca ah ee jabbaan kuwaaso lagu tiriyo inay yihiin hogaamiyaasha diimeed ee kooxaha midigta fog. Xisbiga midigta fog ee Nippon Kaigi waxaa loo arkaa inuu yahay “ururka ugu weyn ee garabka midigta fog ee Japan.”

___

La soco nuqulka 2aad

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Qeybtii 3aad. Furaha xalka Soomaaliyaa- Siddee ayay suurtagal ku ahayn inay wada fariistaan Dowlada Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab?

Published

on


Taxanaha furaha xalka Soomaaliya waa mid inoo socon doono muddo dheer balse si aan wax badan ugu ogaano waxay u badan tahay in la helo isbar bar dhig lagu qanci karo si loo soo saaro natiijo inta badan laga fiirinaayo dhanka wanaagsan.

Soomaaliya tan iyo burburkii waxaa aad isoo buux dhafshay ururo sita magaca jihaad doonka balse ururadan ayaa u taagan in ay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aadan in ay la dagaalamaan Dowldaha Soomaaliya iyo cid walbaa oo ayada raacdo, halka Dowlada ay ayadana mowqifjkeeda yahay inay la dagaalanto kooxda Al-shabaab haddaba haddii labada dhinac ay rabaan inay gaaraan mowqifkooda yey tahay cidda ku taagan mowqifka saxda ah? Si aan wax badan ugu ogaano marka hore aqristow soo qaado koob Shaah ka dibna bilow maqaalka haddii aad ka heshayna maqaalada ceynkan ah fadlan qeybta fariimaha inoogu reeb araktidaada.

Marka laga hadlaayo suurta galnimada wada hadalka kooxda Al-shabaab iyo Dowlada Soomaaliya waa mid aan marnaba suurta gal aheyn waayo haddii koox ka mid ah ay diyaar u tahay wada hadal waxaa diido koox kale oo aan isla markaana aan diyaar u aheyn balse haddii labbada koox ay midoobaan waxaa dhici karo dagaal kale inuu kaga yimaado dibada siddii dagaaladii lagu soo qaaday maxkamadaha waxaana lagu eedeeyay in wadan dhan oo argagaxiso ay noqotay Soomaaliya balse micnaha saxda ee loo burburiyay ururkan wuu ka dubanaa waayo sidda caadiga ah haddii labbo koox ay ku midoobaan siddii ay ku dhisan lahaayeen dalkooda kana tashtaan ayaahooda waxaa durba meesha ka bilowdo dagaal ka yimaada dibada siddaa darteedna wadanka siddaa lagu dagaal siiyo amase loo adeegsado duqeemo siddii ku dhacday kooxda Taalibaan oo kale.

Soomaaliya xaq uma laha inay katashato ayaayaheeda dowladnimo waayo markii aad fiiriso kooxda Al-shabaab waxay heystaan inay dadkaan yihiin kooxo gaalo ah, halka kuwa dowladana ay aaminsan yiiin in kooxda Al-shabaab ay tahay koox dhiig cabayaal ah. Markii aad fiiriso daqaalka dhinacyada waxaad moodaa in uu san dhamaad laheyn waxyna ku tuseysaa sidda aysan suurta gal ku aheyn in garaan wadahadal lagu qanci karo balse macquul ma ahan.

Xitaa haddii ay diyaar u noqdaan inay xaliyaan mashaakilkaan waxaa laga yaabaa in beesha caalamka ay dowlada Soomaaliya ay ku eedeeyso inay xiriir la leedahay kooxda Al-shabaab siddaana looga goosan doono waxyaabahii ay ka heli jireen beesha caalamka, tusaale in lagu cak jugleeyo in ay goosan doonaan gargaarkii ay ka heli jireen beesha caalamka iyo haya’adaha li xiriiro waayo waxaa lgu eedeyn doonaa in xiriir la sameysay kooxda Al-shabaab sidaana ay ku waayeen gunooyinkoda.

Dhibaatada ka jirto Soomaaliya intaa kuma eka waayo dadka ayaa inta badan lagu xiray silsilad ay adag tahay inay iska furan halka furaha sil siladana uu yaalo meel aan halkaa ka fogeyn, waxaan ku sababeynayaa qodobkan haddii saaxiibkaa aad wacdo misna weydiiso sidda ay suurta gal ku tahay in la helo furaha xalka Soomaaliya amase weydii cidda ay ka dhismi la’ dahay Soomaaliya balse Jawaabta ugu badan ee uu ku siinaayo ah in seddexdan qodob.

  • In kooxda Al-shabaab ay tahay dadka kaliya ee uu ka dhismi la’yahay dalkan iyo waxyaabo kale.
  • In qabiil uu burburiyay wadankan siddaa darteedna uu ka dhismi la’ yahay qabiil iyo qabyaalad.
  • In kooxo gaar ay dumiyeen sidda darteedna uu ka dhismi la’yahay qaladaadkii ay galeen kooxo jabhad ah kuwaas oo burburiyay dowladnimadii dalka misna ilaa iyo hadda uu ayagii ka dhismi la’yahay.

Dhamaan qodobadan waa kuwa eedeeyo dadka Soomaaliyeed balse ma jirtaa cid baaritaano dhab ah  ku sameysay halka ay iska qaban la’dahay xeerada. Jawaabaha ugu badan waa maya sababtuna waxay tahay in aysan jirin cid lagu kalsoonaan karo haddii ay tahay ilaalinta sirta iyo ka warqabida dadka sidda aadka ugu dhow laamaha dowlada.

Tanina waxay keentay in dowlada dheexdeeda lagu eedeeyo in ay ka mid tahay kooxda Al-shabaab, siddaa darteed waxaa dhacday in uu yimaado shaki iyo kala aragti duwanaasho hor leh. Si kastaba ha noqotee Soomaaliya waxaa aayaheeda ka talin doonaan beesha caalamka iyo waddamo kale waayo wadan Soomaaliya oo kala ah waa wadan ay ku baratamayaan wadamo badan sidoo kalena u jeedka laga leeyahay ayaa ah in Soomaaliya laga sameeyo dhaqaale taasina waxaan kaga hadli doonaa qeybta xita.

Fadlan haddii aad ka heshay maqaalada ceynkan oo kala ah qeybta faarinta inoogu reeb araktidaada mahadsanidiin.

halkaan ka aqriso qeybtii horre.

 

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Akhri22 hours ago

Nin akhriyay in ka badan 4,000 oo buug asigoo ku dhex jira maktabadiisa

Sirdoonka & Militariga3 days ago

Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Suudaan ma waxay askareysaa caruurta si ay uga dagaalamaan?

Afrika3 days ago

Dhowr dhimasho ah oo ka dhacay Chad kadib weerar lagu qaaday hay’adda amniga

Afrika4 days ago

Dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan ayaa gaysta xad-gudubyo ay ka mid yihiin duqaymo ay ku hayaan dad rayid ah – Warbixinta Qaramada Midoobay

Siyaasadda Soomaaliweyn5 days ago

Shir Logu hadlaayay horumarinta Arrimaha Garsoorka: Waa sidee Xaalka Caddaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda6 days ago

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya

Siyaasadda Arrimaha Dibadda6 days ago

Heshiis dastuurka Soomaaliya quseeya oo ay wada galeen Qadar iyo Soomaaliya

Geeska Afrika1 week ago

Damaca weyn ee Itoobiya ayaa khalkhal gelin doona Geeska Afrika – Ficil gurracan oo fashilmay

Afrika1 week ago

Maxay tahay sababta Masar iyo Turkiga ay u soo afjarayaan xiisadda tobanka sano socotay?

Afrika1 week ago

Rabshadaha dhimashada dhaliyey ee Senegal oo ka dhashay dib u dhigista doorashada: Akhriso qodobada aad u baahan tahay inaad wax ka ogaato

Wararka1 week ago

Qaramada Midoobay ayaa uga digtay Britain in muhaajiriinta loo tarxiilo Ruwaanda

Wararka2 weeks ago

Muxuu salka ku hayaa heshiiska amni ee ay ansixiyeen Golaha wasiirada Soomaaliya?

Afrika2 weeks ago

Dalka Zimbabwe ayaa ku hanjabay inuu mamnuuci doono deeqaha waxbarasho ee khaniisiinta loogu talagalay

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya

Afrika2 weeks ago

Shirkii midowga Afrika maxaa kasoo baxay? – Afgembi, rabshado iyo qalalaase khatar ku ah Afrika

Wararka2 weeks ago

83 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, tirada dhimashaduna waxay kor u dhaaftay 28,858

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Madaxa Xisbullah Xassan Nasrallah ayaa u ballan qaaday in Israa’iil ‘ay caqabad kala kulmi doonto ‘dilka dadka rayidka ah’

Bariga dhexe2 weeks ago

Weerarkii Israa’iil ee koonfurta Lubnaan ayaa lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsan ururka Xisbullah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Tegida Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ee Addis Ababa waa qalad diblomaasiyaddeed

Wararka2 weeks ago

Kaliya Mareykanka ayaa qasab ku keeni kara nabadda Bariga Dhexe waana inuu cadaadiyaa Israa’iil, ayuu yirri Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan

Wararka2 weeks ago

“Haddii aad nabad rabto, u diyaargarow dagaal,” – RW Kyriakos Mitsotakis

Wararka2 weeks ago

Sarkaal Kenyan ah oo meydkiisa laga helay hotel ku yaallo Washington

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Maxaa dan ah ayaa ugu jira Soomaaliya heshiiska is-afgaradka milatari ay kala saxiixatay Mareykanka?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud (4.5) oo tagaya Itoobiya – Ujeedka waa maxay?

Aasiya3 weeks ago

Muslimiinta Hindiya ayaa ka cabsi qaba mustaqbalka xukunka RW Narendra Modi ee Hinduuga ah

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Dagaalka Qaza: Maxkamad ku taallo Nederland ayaa dowladda ku amartay in ay joojiso diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee ay gaynayso Israa’iil

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Muxuu ku saabsan yahay heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkey?

Afrika3 weeks ago

Colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo laga soo bilaabo 1996

Wararka3 weeks ago

Weerarada fallaagada ayaa kumannaan kun ku qasbay inay ka qaxaan Koongo

Afrika3 weeks ago

Basaasiinta Israa’iil ayaa u hanjabaya qoyskayga – Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Koonfur Afrika

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda PDF

Buuggaag4 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 26aad

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

Qowmiyada Oromada oo xalay lagu laayay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Maraykanka ayaa ka digaya aargoosi dheeraad ah haddii maleeshiyaadka ay Iran taageerto ay sii wadaan weeraradooda

Wararka4 weeks ago

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen saldhigga booliska Pakistan

Buuggaag4 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 25aad

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda4 weeks ago

Xasuuqii Ruwaanda ka dhacay, 1994

Wararka4 weeks ago

Saddex qof ayaa ku dhaawacmay weerar mindi oo ka dhacay magaalada Paris

Buuggaag4 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 24aad

Afrika4 weeks ago

Ruwaanda oo heshay xabaalo wadareedyo badan 30 sano kadib xasuuqii Tutsiga, 1994

Xul